Nuxurka khudbadda uu R/W XAMZA ka jeediyay shirka Koonfur Kuuriya iyo Afrika

Seoul (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo ka qayb-galay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika ayaa ka jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlay ahmiyadda ay leedahay in Jamhuuriyadda Kuuriya iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyada.

Xamza ayaa sheegay in Afrika ay horumar wanaagsan ka sameyneyso isbeddalka dhaqaalaha iyo horumarka bulshada, isla markaana Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika uu abuurayo fursado maalgashi iyo iskaashi dhinaca ganacsiga.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo fursadaha ay haysato, isaga oo tilmaamay in ay dhacdo goob istiraatiiji ah oo isku xireysa Afrika iyo Asia, isaga oo  sheegay in Alle uu ugu deeqay kheyraad dabiici ah.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay in dowladda Soomaaliyeed ay guulo waa weyn ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta nidaamka dhaqaalaha iyo weliba sharciyada ee dalka, ee fududeyneya maalgashiga caalamiga ah.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa hoosta ka xariiqay in uu rajeynayo in waaya-aragnimada Kuuriya ee dhinacyada farsamada, tiknoolajiyadda iyo caafimaadka ay door wanaagsan ka ciyaari karaan waaga cusub ee iskaashi ee u billowday Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

Shirkan waa kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ka qayb-galayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, kaas oo looga wada-hadlayo iskaashiga labada dhinac.

Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay wadday dadaallo xoogan oo kula macaamilo dalalka caalamka, maadaama laga cafiyay daynta, sidoo kalena laga qaaday cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarnayd.

[한-아프리카 정상회의] 튀니지 외교장관, 한-아프리카 정상회의 발언
나빌 암마르 튀니지 외교장관이 4일 2024 한-아프리카 정상회의장에서 열린 한-아프리카 정상회의 세션2에서 발언하고 있다. 2024.6.4
[2024 한-아프리카 정상회의 제공]
[한-아프리카 정상회의] 소말리아 총리, 한-아프리카 정상회의 발언
함자 압디 바레 소말리아 총리가 4일 2024 한-아프리카 정상회의장에서 열린 한-아프리카 정상회의 세션2에서 발언하고 있다. 2024.6.4
[2024 한-아프리카 정상회의 제공]

Se inaugura la Cumbre Corea del Sur-África
El presidente surcoreano, Yoon Suk Yeol (2º por la izda., frente), pronuncia un discurso de apertura, durante la ceremonia de inauguración de la Cumbre Corea del Sur-África, el 4 de junio de 2024, en la sede del evento, en Goyang, al noroeste de Seúl. (Yonhap)
(END)
Se inaugura la Cumbre Corea del Sur-África
El 4 de junio de 2024, se celebra la ceremonia de apertura de la Cumbre Corea del Sur-África 2024, en la sede del evento, en Goyang, al noroeste de Seúl. (Yonhap)
(END)
[한-아프리카 정상회의] 소말리아 총리, 한-아프리카 정상회의 발언
함자 압디 바레 소말리아 총리가 4일 2024 한-아프리카 정상회의장에서 열린 한-아프리카 정상회의 세션2에서 발언하고 있다. 2024.6.4
[2024 한-아프리카 정상회의 제공]