Jowhar (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Saalax iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin wasiiro, guddoomiyaha SoDMA iyo madax kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere kusoo dhaweeyay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Jowhar.
Ujeedka wafdigan ay u tageen Jowhar ayaa ah daahfurka Mashruuca biyo xireenka Sabuun kaas oo laga faa’iidi doono in uu hagaajiyo helidda waraab ku filan ilaa in ku dhaw 370Kun oo beeraleey ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale mashruucan ayaa yareen doono barakaca isla markaana wuxuu kor u qaadi doonaa wax soo saarka beeraleeyda gobalka, waxaa kale oo uu meesha ka saari doonaan khataraha fatahaadaha gobolka oo saameeya ilaa 1.5 Millyan oo muwaadiniin Soomaali ah.
Waxaa kale oo mushruucan yareyn doonaa saamaynta abaaraha iyo keydinta biyaha xilli roobaadka si loo isticmaalo .
Fulinta mashuuracan oo ay ku baxayso malaayiin dollar ayaa muddo dheer soo socday, wuxuuna fursad siin doonaa HirShabelle oo mar kasta u nugul fatahaadda wabiga Shabelle.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale la filayaa inuu kormeero xarumaha muhiimka ah ee caasimada HirShabelle, maadaam ay ka socdaan mashaariicyo kale.
Safarkan waxaa ka horeeyay mid kale oo uu dhawaan ra’iisul wasaare Xamza ku tegay degmada Balcad, halkaas oo laga sii wadi doono dhisama waddada aada Jowhar.