Nuxurka khudbaddii Xasan ee xiriirka Somalia iyo Masar

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday madaxtooyada dalka Masar, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalka Cabdulfataax Al-siisi oo ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku bilaabay in waqti badan uusan ku bixineyn xiriirkii adkaa ee Soomaaliya ay la laheyd Masar, balse uu diiradda saarayo xiriirka casriga ah ee ay wadaagaan labada dal.

“Waxaan xilli kasta xusuusannahay halyeygii Kamaaluddiin doorkii uu cayaaray gobanimadeena iyo go’aankii geesinnimada lahaa ee uu qaatay xilligii aan u halgamaynnay xorriyadda. Ka dib markii ay Soomaaliya heshay madaxbannaanida, Masar iyo Soomaaliya xiriir xooggan ayaa ka dhaxeeyay oo dhinac kasta taabanayay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu intaas ku sii daray, “30-kii sano ee aan burburka ku jirnay Masar mar kasta way na garab taagnayd, si ay u xaqiijiso ku soo laabashadeenna booskii aan ku lahayn fagaarayaasha caalamiga ah. Mana jirto xilli maanta kaga habboon inaan xoojinno xiriirkeenna.”

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in taageerada aan ka heleyno Masar ay tahay mid gaar ah oo ka soo go’day qalbiga.

“Waa caawimaad ku qotonta xiriirkeenna qadiimiga ah iyo sida uu Madaxweyne Al-Sisi ka dhawaajiyay taageero gacan ka gaysanaysa danaha labadeenna dal ee gobolka iyo adduunka intiisa kaleba. Waan ka mahadcelinaynaa arrintaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii Masar ka balan qaaday in Soomaaliya ay kaalin weyn ka gaysa doonto sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo mustaqbalka laba qaran.

“Mar kale, waxaan ka mahadcelinayaa doorka Masar ee dib u dhiska Soomaaliya. Mudane Madaxweyne, adiga iyo dadweynaha Masarba waxaan idiinka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee aad ku bixinaysaan dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri Qaahira ka sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayaa xumaa intii uu xukunka joogay Farmaajo, waxaana sabab u ahaa xiriirkii wanaagsanaa ee Farmaajo uu la lahaa Itoobiya, maadaama ay Masar iyo Itoobiya isku hayaan biyo xireenka wabiga Nile.