Dagaal culus oo dib uga dhex qarxay Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab iyo wararkii ugu dambeeyey

Feerfeer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka Liyuu Booliska dawlad deegaanka Soomaalida iyo kooxda Al-Shabaab uu maanta ka dhacay aaga degaan lagu magacaabo Laasqurun oo 20 KM u jira degmada Feerfeer.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa dagaalkii maanta qaaday ciidanka Liyuu Boolis ee dawlad deegaanka Soomaalida. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo dhaca xuduuda gobolka Hiiraan uu la leeyahay dowlad degaanka.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay degaanka Laasqurun uu ahaa mid aad u culus, kaas oo looga tag roonaaday Al-Shabaab.

Goobihii maanta lagu dagaalamay waxaa lasoo sheegayaa in hadda ay ku sugan yihiin ciidamada Liyuu Boolis oo guluf adag kala hor yimid kooxda Al-Shabaab ee gudaha u gashay dhulka Soomaali Galbeed.

Sidoo kale deegaanada qaar ee dhaca xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa lasoo werinayaa in maanta ilaa caawa ay soo buux dhaafiyeen ciidamo aad u badan oo ka tirsan militeriga dowladda federaalka Itoobiya.

Ciidankaas ayaa garab siinaya ciidanka deegaanka ee Liyuu Boolis oo mudo ku dhow todobaad dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab oo xuduuda ka talaabtay gudahana u gashay deegaanada Soomaali Galbeed.

Ilaa hadda ma jirto cadeymo muujinaya in laga guuleystay Al-Shabaab oo laga soo saaray deegaanadii ay gaareen ee gudaha Itoobiya, waxaana la filayaa in howlgallada ka dhanka ah ay sii socdaan maalmaha nasoo aadan.