R/W Xamza oo isugu yeeray dhinacyo kala duwan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulamo wadatashi ah oo ku saabsan dhismaha xukuumadiisa wuxuu la yeeshay qaar kamid ah dhallinyarada iyo culumada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn boggaadiyey doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qeyb-galka horumarka, isagoo xusay in ay yihiin mustaqbalka dalka, taladooduna ay tahay mid wax tar leh oo lagu kaabayo dowladnimada.

“Kulanka inta uu socday, ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo dhalinyarada qey-bahooda kala duwan, waxa ay is dhaafsadeen su’aallo ku aaddan xukuumadda uu soo dhisayo iyo sidii ay fursado shaqo ugu abuuri lahayd dhalinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay kulankaas.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid culamada Soomaaliyeed, wuxuuna ka dhageystay tallooyinkooda ku wajahan dhismaha xukuumadda cusub.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, ay lagama maarmaan noqotay in waqti ku filan uu geliyo la tashiyada uu la sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta.

Isagoo la hadlayey culumadii uu la kulmay ayuu ku dheeraaday Ra’iisul wasaaruhu marxaladihii ay soo martay Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyey sida ay uga go’antahay in xukuumadiisu ay noqoto mid samata bixisa Soomaaliya.

“Waxaan ogahay in bulshadu ay jeceshahay in xukuumadu guuleysato, markii adigoo bulshada ka yimid aad meeshaan timaadana waxaa dhici karta in is bedel kugu yimaado, laakiin waxaan idiin xaqiijinayaa inaan aad ula socono baahida ay qabto bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Kulamadaan waxay ku soo aadeen, xilli maanta uu baarlamaanku aqbalay codsi uga yimid Ra’iisul wasaaraha oo dalbaday in la siiyo 10 cisho oo dheeraad ah, si xukuumad tayo leh uu u soo dhiso.

Hoos ka daawo