Amni xumada Muqdisho – Shan qodob oo sheegaya sababta dhibaatada iyo xalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sii xumaaneysa, iyadoo laamaha amniga gaar ahaan booliska ay u muuqdaan kuwa xakameyn la’a dhaca iyo dilka lagu hayo shacabka.

Degmooyinka magaalada qaar waxaa dadka ku adkaatay inay banaanka u adeeg doontaa wixii ka dambeeya salaada Maqrib, waxaana muuqata in maamulka gobolka Banaadir uu ka jiiftay dhibaatooyinka ay wajahayaan dadka dagan caasimada.

Booliska ayaa joojiyey isku socodka mooto Bajaajta wixii ka dambeeyo 12-ka habeenimo, dhowr howl-gal oo ay sameeyeena waxay faafiyeen in burcad lagu soo qabtay, laakiin dhammaan uma muuqdaan kuwo ku filnaaday hagaajinta xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho.

Dadku waxay ka doodayaan waxa dhibaatada kordhiyey iyo waxa xalkeedu noqon karo. Joojinta mootooyinka bajaajta ee habeenkii xilliga dambe aad looma taageersana maadaama xilliga burcadda ay dadka beegsadaan ay u badan tahay wixii ka horreeya tobanka habeenimo.

Dhaqamo cusub ayaa kusoo kordhay caasimadda kuwaas oo la aaminsan yahay inay sababta amni darada qeyb ka yihiin.

Warbixintaan waxaa ku eegeynaa qaar kamid ah sababaha dhibaatooyinka ee la isku raacsan yahay iyo xalka ugu dhow:

  1. Daroogada

Magaalada Muqdisho waay gaartay heerkii ugu sareeyay ee ka ganacsiga iyo isticmaalka daroogada, weliba xanuunka waa in da’yartu ay si wey ugu bareertay qatartaan.

Muqdisho ayaa 30-kii sano ee burburka caan kuma aheyn isticmaalka badan ee daroogada, mar walba oo ay kororto daroogada soo galeysa magaalada iyo isticmaalkeeda waxaa xoogeysanaya dhibaatooyinka ay ku kacayaan dadka isticmaala.

Nooca tallaabada ay dowladda cusub ka qaado isticmaalka iyo iibka daroogada ku faaftay caasimadda waxay jawaab u noqon doontaa gunaanadka dhibaatadaan taagan.

  1. Isbadalka maamulka

Mar walba oo uu isbadal maamul dhaco waxaa abuurma kooxo isku daya inay ka faa’ideystaan kala wareegga maamulka. Kooxahaan badi waxay ka dhex dhashaan ciidamada dowladda, dalka weli xukuumad ma yeelan.

Nidaamka cusub ee ka curtay Soomaaliya waxaa hor taalla inay darsaan dabeecadaha kooxahaan isku daya inay ka faa’ideystaan kala wareegga dowladda, kuwaas oo sida muuqata hadda qeyb ka ah qalalaasaha ka socda caasimadda.

  1. Hoggaanka ciidamada

Maadaama uu nidaam cusub dhashay waxaa la fahamsan yahay inuu madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaqaaqi doono ballantiisii aheyd inuu 100 maalmood ku sameyn doono isbadalka iyo dib u habeynta laamaha ammaanka.

Hoggaan ciidan oo sugaya badal haddii aysan dhib abuurin uma badna inay u labisan yihiin inay dib ka hor tagaan. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqdaa inuu ka daahay isbadalka hoggaanka qeybaha ciidanka ayey leeyihiin fallan-qeeyaashu.

Habacsanaanta ka muuqata qeybaha ciidanka, gaar ahaan booliska iyo Militarigii oo magaalada dhibaato ka dhex wada waxaa loo arkaa rajo beesha heysta hoggaanka ciidanka.

Inuu madaxweynuhu deg deg ugu dhaqaaqo isku shaandheyn dhanka hey’adaha amniga ah wax badan ayey ka tari doontaa xaalka sida la aaminsan yahay.

  1. Madaxda gobolka Banaadir

Madaxda maamulka gobolka Banaadir waxay u muuqdaan kuwa gacmaha ka laabtay dhibaatada caasimadda, sida sicir bararka dilka iyo dhaca.

Hoggaanka xilligaan ee maamulka gobolka Banaadir oo ay dowladdii madaxweyne Farmaajo magacowday waxaa aad loo dhaliilsan yahay shaqadooda, inay sidaan uga sii dhuuntaan waxa caasimadda ka jirana waa dhibaato kale.

In maamulkii hore ee gobolka Banaadir awood cusub la siiyo oo si adag loola xisaabtamo ama in dowladda cusub dadajiso hoggaankeeda gobolka Banaadir ayaa kamid ah waxyaabaha lasoo jeedinayo inay xalka qeyb ka noqon karaan.

  1. Isku xirka shacabka iyo dowladda

Dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh weli uma muuqato inay ahmiyad siineyso cilaaqaadka shacabka caasimadda.

Haddii aysan dowladda arrintaasi ahmiyad siinin oo aan la helin isku xir deg deg ah iyo wada-shaqeyn u dhaxeysa shacabka Muqdisho iyo dowladda federaalka ah waa adkaan doontaa in xal loo helo dhibaatada ka jirta magaalada Muqdisho.