Sawirro: CAGJAR oo ciidan xoog leh soo dagaal geliyey xilli ay is-hayaan Al-Shabaab

Godey (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo ku sugan magaalada Godey ee gobolka Shabeelle ayaa saacadihii lasoo dhaafay u khudbaayey kumanaan ciidan ah.

Ciidankaas oo ka socda dowladda federaalka Itoobiya ayaa ku biiraya dagaalka ay ciidanka degaanka ee Liyuu Boolis kula jiraan kooxda Al-Shabaab oo gudaha u gashay dalka Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa kula dardaarmay ciidamada difaaca qaranka ee dowladda dhexe ee Itoobiya ay u soo dirtay dagaalka, inay gacan siiyaan ciidanka deegaanka sidii loo soo afjari lahaa kooxda Al-Shabaab ee gudaha u gashay deegaano badan oo ka tirsan dhulka Ismaamulka Soomaalida.

Dagaalka Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab oo socda mudo ku dhow todobaad, ayaa la saadaalinayaa inuu sii xoogeysto saacadaha soo socda, maadaama ciidan xoog leh oo militeriga Itoobiya ka socda uu dagaalka ku soo biirayo.

Dagaalka oo maalmihii lasoo dhaafay uu xoogiisu ka socday xuduuda gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu la wadaago dhulka Soomaali Galbeed ayaa hadda sii faafay, maadaama ay Al-Shabaab dhowr jiho oo xuduuda ah ka talaabeen.

Shalay dagaalkii ugu cuslaa ayaa ka qarxay degaan lagu magacaabo Laasqurun oo 20 KM u jira degmada Feerfeer ee xuduuda gobolka Hiiraan.

Dagaalkaas oo ilaa hadda aan la ogaan khasaarihiisa rasmiga ah inta uu la egyahay ayaa saraakiisha ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka waxay ka sheegteen guulo, iyagoo sheegay inay deegaankaas ka saareen Al-Shabaab, kuna jabiyeen dagaalka.