Xaqiiqada warkii uu Al-Siisi ka sheegay Xasan Sheekh iyo biyo-xireenka Itoobiya

Qaahira (Caasimada Online) – Kadib shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo kulan ku dhex maray magaalada Qaahira ayaa waxaa soo baxay in warar ku saabsan in Madaxweynaha Soomaaliya uu la saftay dalka Masar.

Waxaa baraha bulshada arrintaas ku faafinaya taagerayaasha madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Haddaba waxaan halkan hoose kusoo qaadaneynaa warkii uu shirka jaraa’id ka sheegay Madaxweynaha Masar.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa sheegay inay dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud isku afgarteen in heshiis dhab ah laga gaaro buuxinta iyo ka shaqeynta biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) iyadoo aan dib loo dhigin.

Heshiiska ayuu sheegay inay tahay in lagu saleeyo bayaankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) bishii Sebtembar ee sannadkii 2021, si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka, Madaxweyne Sisi ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Maxamuud isaga oo jooga Qaahira.

Abdifatah Al-Sisi wuxuu kaloo sheegay in uu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay arrinta biyo-xireenka Itoobiya ee GERD, isagoo caddeeyay inay muujiyeen khatarta ay leedahay siyaasadaha hal dhinac ah marka la fulinayo mashaariicda ku saabsan webiyada isaga gudba.

Madaxweynaha Masar waxa uu intaa ku daray inay isla qaateen inay lama huraan tahay in loo hogaansamo mabda’a iskaashiga iyo wadatashiga dowladaha darafyada ee Biyo xireenka GERD si loo hubiyo in aan wax dhibaato ah loo geysan mid ka mid ah iyaga oo raacaya qaraarada sharciga caalamiga ah.

Sisi wuxu ugu hambalyeeyay Maxamuud xilka uu qabtay bishii June isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka horumarinta xasilloonida Soomaaliya.

Sisi waxa uu sheegay in Masar ay ka mid tahay dalalkii ugu horeeyay ee aqoonsaday madax-banaanida Soomaaliya 1960-kii, isla markaana ay si joogto ah u taageerto Soomaaliya si loo gaaro amni iyo xasilooni.

“Waxaan wali si sharaf leh u xasuusannaa shuhadadii Masar ee naftooda u waayay si ay Soomaaliya u hesho madax-bannaanideeda oo ay u ilaaliso wadajirkeeda dhuleed,” wuxuu ka mid ahaa khudbadii Madaxweynaha Masar.

Sisi waxa uu bogaadiyey dadaaladii lagu furayay laanta Banque Misr ee Soomaaliya, kuwaas guul ku dhammaaday, iyadoo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu fasax shaqo siiyey. “Waxaan rajeyneynaa in furitaanka laanta Banque Misr ee Soomaaliya ay gacan ka geysato horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga Masar ee Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan labada dhinac,” ayuu yiri Madaxweyne Sisi.

“Masar waxa ay xaqiijineysaa in ay taageereyso dadaallada Soomaaliya ee lagu horumarinayo nabadda iyo amniga dalka iyo ciribtirka argagixisada si loo gaaro horumarka la hiigsanayo, looga gudbo caqabadaha jira, loogana dhabeeyo rabitaanka dadk”, ayuuna sii raaciyey.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID

Xigasho: Goobjooge.net