Odawaa oo bilaabay fulinta qorshihii seddexaad ee uu u tagay GAL-MUDUG

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xildhibaan C/raxmaan Xuseen Odowaa ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay magaalada Dhuusomareeb, waxaana kadib uu kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Galmudug.

C/raxmaan Odowaa ayaa ka bilaabay deegaanada Galmudug sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha u dhaxeysa madaxda Galmudug oo sababtay in labo madaxweyne uu yeesho maamulka Galmudug.

Odowaa, wuxuu maalmo kahor sheegay in qorshihiisa seddexaad ee uu u tagay magaalada Cadaado ay aheyd sidii dhex dhexaadin looga sameyn lahaa madaxda Galmudug ee is khilaafsan mudada dheer, waxaana uu kulan la qaatay madaxweyne Xaaf.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen sidii loo xalin lahaa Khilaafka u dhexeeya Madaxda maamulka Galmudug, isla markaana la isku soo dhaweyn lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com