Odayaasha beelaha Hawiye oo ku dhowaaqay go’aan culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah waxgaradka beelaha Hawiye ee gobolka Banaadir ayay ku dhawaaqeen in dowlada dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay caburin ku heyso shacabka Muqdisho.

Waxgaradka waxa ay sheegeen in ay sameyn doonaan maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir, oo lagu magacaabo Banadir State, si looga baxo dhibatooyinka ay dowladda Soomaaliya ku heyso shacabka caasimadda.

Waxa ay sheegeen in magaalada Muqdisho loo kala qeybiyay labo qeybood oo ay adag tahay in la iska kala gudbo, maadaama inta badan ay xiran yihiin wadooyinka magaalada Muqdisho.

Odayaasha dhaqanka ayaa xusay in haweenka badan ay ku umuleen Wadooyinka islamarkaana aysan wax naxariis ah ka helin dowladda Soomaaliya oo sii xirtay Wadooyinka.

Odayaasha ayaa sheegay in dowladda Farmaajo ay magaalada ku maamuleyso kali-talisnimo, sidaas darteed la joogo xilligii la iska dhicin lahaa.

Mid ka mid ah ka qeyb galayeyaasha ayaa warbaahinta u aqriyay war kasoo baxay kulankii odayaasha dhaqanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com