Dowladda Sacuudiga oo la ogaaday inay amartay xasuuqa ka socda Sudan

Khartoum (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa lagu eedeeyey inay ka dambeyso caburinta iyo xasuuqa lagu hayo dibad baxayaasha asbuucyada taagan jidadka dalka Suudaan kuwaas oo dalbanayo in Militariga iska wareejiyo Xukunka.

Khabiir dhanka Ciidamada ah oo u dhashay dalka Suudaan ayaa Middle East Eye u sheegay in hoggaamiyaha golaha Militariga Suudaan ay dowladda Sacuudiga ku amartay in la caburiyo dadka asbuucyada dibad baxyada ka wado afaafka hore ee Xarunta Ciidamada.

Khabiirkaan oo diiday in magaciisa saxaafadda loo adeegsado arrin amni agweed ayaa sheegay inuu fahamsan yahay in burburinta lagu hayo xarumaha banaanbaxayaasha Khartoum ay tahay arrin lagu soo heshiiyey intii uu Taliyaha Militariga Suudaan Cabdi Fataah Burhaan booqasho ku kala marayey Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar.

“In la kala eryo banaanbaxayaasha waxay aheyd qodobkii ugu muhiimsanaa oo ay ku heshiiyeen Xulafada Sacuudiga iyo Taliyaha Militariga Suudaan’ ayuu yiri Khabiirkaan.

Hadalka kasoo yeeray Khabiirkaan ayaa kusoo aadayo xilli Xisbiga Mucaaradka ee Dimoqraadiga ah  uu Talaadadii sheegay inay jirto cabsi ku aadan in Dowlado Shisheeye gaar ahaan kuwa Carabta ay faragelin ku hayaan Suudaan iyagoo fiirsanayo danaha ay dalkaan ka leeyihiin.

” Waxaan ka codsaneynaa qaar ka tirsan Dowladaha Carabta inay faragelinta ka daayaan Suudaan ayna joojiyaan taageerada ay siinayaan Militariga iyagoo fiirsanayo dano gaar ah oo ay ka leeyihiin Dowladda Suudaan iyo muwadiniinteeda” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Mucaaradka.

Falanqeeyaasha Siyaasadda ayaa ku micneeyey hadalkaan inuu si toos ah ugu socdo Dowladda Sacuudiga iyo xulada ay horkaceyso oo uu dhawaan booqasho ku tagay Taliyaha ugu sareeyo Militariga gacanta ku hayo xukunka dalka Suudaan.

Mas’uuliyiinta dalka Suudaan ayaa sheegay in 46 ruux lagu dilay isku dayga lagu doonayay in lagu kala eryo mudaharaadeyaasha u doodaya dimuqraadiyadda.

Tiradaas ay qirteen ayaana aad uga yar 100-ka ruux ee ay dhakhaatiirta sheegeen in lagu dilay howlgalladaas ay ciidamada ammaanka fuliyeen.

Arrintan ayaa u muuqata tallaabadii ugu horreysay ee lagu aqoonsaday xaddiga khasaaraha ka dhashay qalalaasaha.

Saraakiisha ayaa markii hore ka gaabsan jiray wararka ku saabsan dhimashada rayidka, iyadoo ciidamada amaanka lagu eedeynayay inay rasaas ku fureen dad aan hubeysneyn.

Wadahadallo u dhaxeeyay mucaaradka iyo golaha ku meel gaarka ah ee Milatariga maamulka haya ayaa burburay horaantii isbuucan.

Madaxda mucaaradka Suudaan ayaa ku gacan seyray wada xaajood ay mar kale soo bandhigeen golaha Milatariga, iyagoo sheegay inaysan kalsooni ku qabi karin yaboohaas, maadaama uu wali socdo qalalaasaha sida qallafsan loola tacaalayo.