Odayaasha CADAADO oo caddeeyey mowqifkooda gudiga ay magacowday DF

Dhuusamareeb (Caasimada Online) Odayaasha dhaqanka Cadaado ayaa ka soo horjeestay guddigii dib u heshiisiinta Galmudug ee uu dhawaan ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye.

Odayaasha beesha Saleebaan oo maanta shir ku yeeshay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaudud ayaa gabi ahaan qaadacay ku dhawaaqista guddigaasi.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in aysan maraba ogolaan doonin in gogosha shirka la dhigo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa ay Odayaashu ka soo saareen qodobo ay ku cambaareynayaan xukuumadda Soomaaliya.

Waxgaradkani ayaa ku eedeeyey Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre inuu uga baxay ballan hore, islamarkaana aysan la dhacsaneyn, sida uu wax ku wado.

Guddiga dib u heshiisiinta Galmdudug oo gaaraya 12 xubnood ayaa waxa ay u badan yihiin xubno ka shaqeeya xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana guddoomiye u ah Cabdiraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow oo ah La-Taliyaha sare Ra’iisul wasaaraha ee arrimaha nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta.

Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, iyadoo muddo dheer Ra’iisul wasaare Khayre uu ku sugan magaalada Dhuusamareeb, kaas oo xal waara u raadinaya maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com