Odowaa oo sheegay sababta ciidanka uga baxaan degaanada ay qabsadaan qaarkood

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlayay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, ayaa markii u horeysay sheegay in ciidamada ay uga baxaan deegaanada qaarkooda qorshe uu ku dhisan yahay howl-galka socda.

Jeneraal Odowaa oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howl-galada xoreynta deegaanada ay iskugu jiraan laba nooc, kuwa ay sii joogaan ciidamada iyo kuwa kale oo ay burburiyaan markay qabsadaan.

“Howl-galku sidiisa ma aha in aad Tuulo kasta iyo Magaalo kasta oo tagtid in aad joogeysid, goobaha dagaalka qaar marka ciidanku gaaro waxaa loogu tala-galay in ay ku nagaadaan halka goobaha qaarkoodna loogu tala-galay in cadawga ku sugan laga saaro lana burburiyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen in ka badan 10 sano, kuwaasi oo hoosyimaada gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

“Howl-galada kuma ekaanayaan gobolladaan, marwalba miisaanka howl-galku waxa uu saaran yahay meel, waxa aan dhihi karaa labada gobol ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan waxa laga gaaray guulo aad u waaweyn.”

Dhowr jeer ayaa ciidamada huwanta si weyn loogu dhalleeceyay aagag ay dib uga soo baxeen, ayada oo saraakiisha ciidanku ay arrintaasi ku macneeyeen istiraatiijiyad ciidan.

Saraakiishaas ayaa sidoo kale hore u sheegay in xeelad dagaal dib uga gurtaan aagaga qaarkood, balse aysan jirin awood uga timid dhanka Al-Shabaab oo ciidanka ku qasabtay inay isaga baxaan deegaanadii ay joogeen.

“Tani kama dhigna inaan dib u soo noqonay oo Al-Shabaab ay dib u qabsadeen, dad qaaliya ayaa naga dhintay, waxaa jirtay in meelaha qaar laga wareegsaday oo meel kale loo wareegay, laakiin dib u bax weyn ma jiro.”

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay bishii July, ayaa tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga saaray deegaano ay gacanta ku hayeen sanado badan.