Waxyaabaha aad u baahan tahay inaad ka ogaato xiisada siyaasadeed ee K/Galbeed

Baydhabo (Caasimada Online) – Muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta soo idlaaday, kaasi oo afar sano ka hor loo dhaariyay xilka ugu sareeya maamulka Koonfur Galbeed.

Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa Lafta-gareen waxay hal sano ugu dareen xil heynta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo muddo xileedkiisa dastuuriga uu ahaa afar sano, kuwaasi oo ku sheegay sababta inay tahay iswaafajinta xil-heynta madaxweynaha iyo midda baarlamaanka oo hal sano kala horeeyay.

Shirar isdaba-joog ah oo Muqdisho uga socday siyaasiyiinta mucaaridka Koonfur Galbeed ayey ku qaadaceen muddo kordhinta loo sameeyay Lafta-gareen, iyaga oo sheegay in xil-heyntiisa ay ku eg tahay inta uu siiyay dastuurka.

Sidoo kale waxaa fashilmay sida muuqata isku dayo la rabay in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee maamulka, kadib markii ay laba maalmood ka hor si wada-jir ah u soo wada saareen guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxweyne Lafta-gareen in 5-ta January 2023 uu qabsoomi doona shirka dib-u-heshiisiinta.

Siyaasiyiinta mucaaridka ee maamulkaasi oo markale Muqdisho shir ku qabtay ayaa War-murtiyeedka ka soo baxay Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Laftagareen ku tilmaamay mid aan laga fiirsan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ay si buuxda u qaadaceen War-murtiyeedka ka soo baxay Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha ee shirka dib-u-heshiisiinta.

Waxaa xusid mudan in maamulka Koonfur Galbeed uu shalay amray in aan hub lagu dhex qaadan karin magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaasi, taasi oo saameynaysa askarta ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka heysta hubka sharciga iyo kuwa aan sharciga ahayn.

Arrintaan ayaa soo ifbixineysa walaaca uu maamulka ka qabo in rabshado iska soo horjeeda ay ka dhacaan magaalada Baydhabo oo ah caasimadda KMG ee dowlad-gobaleedka.

Xiisada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa haatan u muuqata mid lugaha la sii galeysa isdiidooyin siyaasadeed oo salka ku haya muddo kororsiga Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).