27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Farmaajo oo war ka soo saaray kulankii mucaaradka iyo Xasan, dalbaday laba arrin

Muqdihso (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in soo dhaweynayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aqbalay in dhexda la dhigo arrimaha masiiriga ah ee la isku diidanaa, kadib markii uu kulan la yeeshay qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka. 

“War-saxaafadeedkii ka soo baxay Madaxtooyada JFS, kaddib kulankii dhexmaray qaar kamid ah madaxda mucaaradka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu noqon karaa bilow wanaagsan oo loo qaaday dhanka xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagnaa arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dastuurka dalka, siyaasad loo dhan yahay iyo hannaanka doorashada dalka, waxaana soo dhaweynaynaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aqbalay in dhexda la dhigo arrimaha masiiriga ah ee la isku diidanaa,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. 

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dastuurka uu saldhig u noqdo xal u helidda arrimaha masiiriga ah. 

“Waxaan sidoo kale markale hoosta ka xariiqaynaa kuna baaqaynaa in Dastuurka KMG ah ee ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay sanadkii 2012-kii uu yahay tiirka isku haya dalka, sidaa darteedna wadahadal kasta oo dhacaya waxaa lagama maar-maan ah in Dastuurka uu saldhig u noqdo xal u helidda arrimaha masiiriga ah,” ayuu yiri. 

Farmaajo ayaa dhanka kale u soo jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu qaato kaalintiisa dastuuriga ah ee isku haynta iyo midnimada dalka.

“Sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah in Madaxweynuhu qaato mas’uuliyadda ka soo qeybgalka shirka ee Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland uuna si toos ah ugu martiqaado shirka loo balamay saddexda bisha luuliyo oo muhiim u ah in dalku yeesho jiho siyaasadeed oo loo dhan yahay,” ayuu kusoo geba-gebeeyey. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay weheliyaan Guddiga ay dowladda u xilsaartay wadahadallada ayaa 25-kii June kulan wadatashi ah la qaaday Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Madasha, Madaxweynaha hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Shirkaas ayey dhinacyadu isku raaceen in laga wadahadalo afar ajande oo muhiim u ah dowlad-dhiska Soomaaliya, kuwaas oo kala ah:

1- Adkeynta midnimada dalka
2- Hannaanka dib-u-eegista dastuurka
3- Amniga iyo ciribtirka argagixisada
4- Hannaanka doorashooyin toos ah oo heshiis lagu yahay.

Sidoo kale waxaa la isla qaatay in mas’uuliyiinta wali kamaqan gogosha la baadi goobo. Wadahadal dheer kadib, waxaa la isla gartay madaama uu bilaabanayo isbuucii xoriyadda in uu shirka dib u furmo 3-da bisha Luuliyo 2025 si loo sii ambaqaado wadahadallada.

Puntland oo ugu dambeyn gacanta ku dhigtay ceelka Shankaalooyinka

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka si buuxda ula wareegay ceelka Shankaalooyinka oo ku yaalla togga Baallade ee buuraha Calmiskaad, gobolka Bari.

Deegaankan ayaa la sheegay inuu ahaa goob ay maalmihii u dambeeyay isu aruursanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay deegaankaas kadib markii ay jab xoogan kala kulmeen gulufka dagaal ee socda.

Saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa xaqiijiyay in hawlgal xooggan oo ay sameeyeen ciidamada difaaca lagu jabiyay maleeshiyaadkii firxadka ahaa, isla markaana gacanta lagu dhigay goobihii ay ku dhuumanayeen.

Waxay sheegeen in ceelka Shankaalooyinka uu ahaa xero ciidan, oo ay kooxdu u isticmaali jirtay saldhig iyo meel ay ku abaabulaan weerarro cusub.

Wararka laga helayo gudaha hawl-galka ayaa tilmaamaya in weerarkan uu ahaa mid ay ciidamadu si wanaagsan u qorsheeyeen, isla markaana uu isugu jiray weerar dhanka dhulka ah iyo mid cirka ah.

Tani waxay muujinaysaa sida ciidamada Puntland ugu diyaarsan yihiin in ay si buuxda u baabi’iyaan xubnaha firxadka ah ee kooxda Daacish ee weli ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolka Bari.

Hawl-galka Calmiskaad oo haatan maraya wejigii afraad ayaa la sheegay in laga gaaray guulo la taaban karo. Dowladda Puntland ayaa shaacisay in illaa 98% la xaqiijiyay guusha hawl-galkan, iyadoo haatan si rasmi ah loogu guda jiro sifaynta guud ee deegaanka, si loo ciribtiro dhammaan firxadkii ka haray kooxdaas.

Inta badan firxadka kooxda Daacish ee la jabiyay ayaa la rumeysan yahay inay ku go’doonsan yihiin meelo kooban oo ku teedsan buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay u ku wajahayaan duqeymaha iyo cadaadiska joogtada ah ee kaga imaanaya ciidamada dowladda.

Guusha laga gaaray ceelka Shankaalooyinka ayaa noqonaysa mid kamid ah tallaabooyinka ugu muhiimsan ee lagu jabiyay kooxda Daacish ee ka howlgali jirtay gobolka Bari, waxayna sare u qaadeysa kalsoonida shacabka iyo tayada dagaalka ay wadaan ciidamada difaaca Puntland, iyadoo dowladdu mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay soo afjarida kooxaha argagixiso Daacish iyo Al-Shabaab.

Zohran Mamdani – Muslim ay guushiisa caro ku abuurtay cunsuriyiinta Mareykanka

New York (Caasimada Online) – Xitaa ka hor inta uusan Zohran Mamdani hanan guushiisa doorashada isreeb-reebka xisbiga Dimoqraadiga ee duqa magaalada New York, wuxuu bartilmaameed u noqday weerarro cunsuriyad ku salaysan oo kaga imanayay kooxaha midigta-fog.

Weerarradaas ayaa sii xoogeystay wixii ka dambeeyay guushii lama filaanka ahayd ee uu gaaray maalintii Talaadada, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo shakhsiyaad caan ka ah warbaahinta garabka midig ay ku eedeeyeen inuu ololaynayo ku dhaqanka shareecada Islaamka, taageerayo argagixisada, uuna khatar ku yahay amniga dadka New York, gaar ahaan Yuhuudda.

Eedaymaha laguma gamban: Stephen Miller, oo ahaa ninkii naqshadeeyay siyaasadda socdaalka ee maamulka Trump, ayaa guusha Mr. Mamdani ku tilmaamay “digniintii ugu caddayd ee ku saabsan waxa ku dhaca bulsho ku fashilanta inay xakamayso socdaalka.”

Xildhibaan Andy Ogles, oo Jamhuuri ka ah gobolka Tennessee, ayaa ku eedeeyay Mr. Mamdani inuu taageero argagixisada, wuxuuna ka codsaday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka Pam Bondi in laga xayuubiyo dhalashadiisa lana masaafuriyo.

Xildhibaanad Nancy Mace, oo ah Jamhuuri laga soo doortay gobolka South Carolina, ayaa baraha bulshada soo dhigtay sawir Mr. Mamdani oo u diyaar garoobaya salaadda Ciidda, waxayna soo raacisay qoraal ay ku leedahay, “waxaan si murugo leh u illownay” weerarradii 11-kii September, oo dhacay xilli Mr. Mamdani uu ahaa 9 jir ku nool Manhattan. Sidoo kale, Charlie Kirk, oo ah madaxa Turning Point USA, oo ah urur hormuud u ah dhallinyarada muxaafidka ah, ayaa isku dayay inuu si toos ah isaga ugu xiro weerarradaas.

“24 sano ka hor, koox Muslimiin ah ayaa 2,753 qof ku dishay 9/11,” ayuu yiri. “Haddana nin Muslim ah oo Hantiwadaag ah ayaa ku dhow inuu maamulo magaalada New York.”

Weerarrada lagu hayo Mr. Mamdani, oo noqon doona duqii ugu horreeyay ee Muslim ah ee New York yeelato haddii la doorto, waxay adeegsanayaan dacaayado la yaqaan oo Islaam-naceyb iyo la-dagaallan soo-galooti ah. Dadka qaar, waxay xasuusinayaan shirqoolkii “birther” ee Donald J. Trump uu sannado badan hurinayay ka hor inta aan loo dooran madaxweyne, markaas oo uu si been abuur ah u sheegay in Madaxweyne Barack Obama uu ahaa Muslim kuna dhashay Kenya.

Mr. Obama waa Masiixi kuna dhashay Hawaii; Mr. Mamdani waa Muslim, waxaana dhalay waalidiin Hindi ah oo ku noolaa Uganda. Laakiin sida weerarradii “birther”-ka, aflagaadooyinka kulul ee lala beegsanayo Mr. Mamdani waxay ujeedadoodu tahay in isaga laga dhigo shakhsi mugdi ku jiro, oo halis ah, kaasoo aan wax shabbahaad ah la lahayn musharraxa dhabta ah.

Aragtida gurracan ee ay kasoo horjeedayaashiisu ka bixinayaan maamulka Mr. Mamdani ee New York ayaa sidoo kale si weyn uga fog isbahaysigii horseeday guushiisa, kaasoo ahaa mid ay ku jiraan dhallinyaro isirro kala duwan ka kooban. Wuxuu ku adkaaday xaafadaha ay deggen yihiin dadka dakhligoodu sarreeyo iyo kuwa dhexe, kuwa haysta shahaadooyin jaamacadeed, iyo dad badan oo caddaan, Aasiyaan, iyo Hisbaanik ah.

Si kastaba ha ahaatee, guusha Mr. Mamdani, oo ah wiil ay dhaleen filim-qaade caan ah iyo aqoonyahan, waxaa sidoo kale aasaas u ahaa garabka horumarka-doonka ah ee Xisbiga Dimpqraadiga.

Kooxdaas waxaa badanaa udub-dhexaad u ah codbixiyeyaal caddaan ah oo si wanaagsan wax u bartay, kana taajirsan. Xaafadaha Mr. Mamdani u horseeday guusha waxaa ka mid ah kuwo ay ku badan yihiin dad caddaan ah oo xag-jirnimo diid ah ama dadka isku jinsiga ah, oo ay ku jiraan Park Slope, Williamsburg, iyo Hell’s Kitchen.

“Qof ahaan anigoo ku soo barbaaray jawi la mid ah kan Zohran Mamdani — aqoonyahannada Hindida ah ee aan diinta ku dhegganayn, ee xoogaa nasiibka u helay fursadaha New York — waa wax lala yaabo in la arko dad ku tilmaamaya inuu yahay Islaami xag-jir ah,” ayuu Ishaan Tharoor, oo ah qoraa ka tirsan wargeyska The Washington Post, ku qoray bartiisa internetka. “Taasi waxay gebi ahaanba ka fog tahay ololihiisa doorashada iyo barbaarkiisiiba.”

Mr. Mamdani, oo soo ahaa xildhibaan golaha deegaanka tan iyo 2021, isla markaana muddo kooban ahaa fannaan rapper ah oo mararka qaar soo bandhigi jiray isagoo aan shaati xirnayn, ayaa guulaystay habeenkii isreeb-reebka kaddib olole adag oo bilooyin socday, kaasoo lagu asteeyey niyad-sami iyo rajo wanaag, iyo weliba siyaasadihiisa dhaqaale ee dadweynaha u janjeera.

Wuxuu u ololeeyaa in canshuuraha lagu kordhiyo shirkadaha iyo dadka ugu taajirsan New York si loo maalgeliyo barnaamijyo ay ka mid yihiin daryeelka carruurta oo lacag la’aan ah iyo basas bilaash ah.

Brandon Mancilla, oo ah agaasime goboleedka Ururka Shaqaalaha Baabuurta ee Maraykanka (United Auto Workers), oo taageeray ololaha Mr. Mamdani, ayaa sheegay in xubnaha ururkoodu ay u soo jiiteen diiradda uu saarayay kharashka nolosha, iyo sidoo kale “sida uu uga go’an yahay nabadda, wada-hadalka, iyo siyaasad saaxiibtinimo ku dhisan.”

“Waxaan u doorannay Zohran sababtoo ah waxaan ogeyn inuu la hadli karo dadka caadiga ah ee New York,” ayuu yiri. “Weerarrada lagu qaaday waa kuwo waxashnimo ah oo laga xumaado, laakiin waa kuwo la filan karayay sababtoo ah jawiga siyaasadeed ee dalkan ayaa sidaas ah.”

Abed Ayoub, oo ah agaasimaha fulinta ee Guddiga La-dagaallanka Takoorka Carabta ee Maraykanka (American Arab Anti-Discrimination Committee), ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in “argagaxa” cunsuriyadda ku salaysan ee ka dhashay guusha Mr. Mamdani “ay muujinayso khatarta uu ku yahay nidaamka jira ee labada dhinacba.”

“Ma ahan Jamhuuriga oo kaliya kuwa argagaxsan — waxaad arkaysaa qaar ka tirsan dhex-dhexaadka iyo bidixda oo weeraraya Mamdani,” ayuu yiri Mr. Ayoub. Wuxuu intaas ku daray inuu ka walaacsan yahay badqabka Mr. Mamdani.

“Hadda oo aan u gudbayno doorashada guud, waxaa jirta sabab dhab ah oo looga walaaco waxa ay weerarradani horseedi karaan,” ayuu yiri.

Isku-darka siyaasadaha bidixda fog ee Mr. Mamdani iyo dabeecadiisa farxadda leh, oo ay wehliso rabitaan xooggan oo isbeddel doon ah oo ka jiray cod-bixiyeyaal ka niyad-jabay ninkii la tartamayay ee ahaa Barasaabkii hore, Andrew M. Cuomo, ayaa u kasbay taageero ka timid codbixiyeyaal juqraafi ahaan iyo isir ahaanba kala duwan, sida ay muujinayaan xog ay soo ururisay The New York Times.

Natiijooyinka wareegii koowaad ee tirinta codadka ayaa muujinaya in Mr. Mamdani uu si weyn uga sarreeyay oo keliya ma ahan dadka caddaanka ah ee ladan ee xag-jirnimo diidka ah, laakiin sidoo kale xaafadaha isir ahaan kala duwan, ee si xawli ah isu beddelaya, kuna nool yihiin dhallinyaro badan oo bidixda ah, oo ay ka mid yihiin Ridgewood, Queens (halkaas oo uu kaga horreeyay Mr. Cuomo 69 dhibcood); Bushwick, Brooklyn (66 dhibcood); Astoria, Queens (52 dhibcood); iyo Bedford-Stuyvesant, Brooklyn (43 dhibcood). Xaafadda Jamaica Hills oo ka tirsan Queens, oo ay ku badan yihiin dad ka soo jeeda Koonfurta Aasiya, ayaa cod-bixiyayaashu waxay ku doorteen farqi dhan 52 dhibcood.

Haddii la doorto, Mr. Mamdani wuxuu noqon doonaa duqii ugu horreeyay ee magaalada ee ka soo jeeda Koonfurta Aasiya iyo duqii ugu horreeyay ee ku dhashay meel ka baxsan Mareykanka tan iyo Abraham Beame, oo ku dhashay England, soona noqday duqa magaalada intii u dhaxeysay 1974 iyo 1977.

Intii lagu jiray ololihii isreeb-reebka, Mr. Mamdani wuxuu mararka qaar baraha bulshada ku wadaagi jiray cajalado maqal ah oo muujinaya cayda loo geystay, oo ay ku jirtay farriin cod ah oo cay ka buuxdo oo uu ka helay qof taleefan soo diray oo ka dalbaday inuu “dhaqo cagahayga reer Yurub, wiilyahow.”

Weerarradan ayaa qayb ka ah taariikh dheer oo Islaam-naceyb ah oo ka jirta siyaasadda Mareykanka, taasoo si gaar ah u sii xumaatay tan iyo 2001, markii ay dhaceen weerarradii 11-kii September, sida uu sheegay Corey Saylor, oo ah agaasimaha cilmi-baarista iyo u-doodista ee Golaha Xiriirka Islaamka iyo Maraykanka (Council on American-Islamic Relations).

Wuxuu tilmaamay muranno hore u dhacay sida mashruucii la soo jeediyay ee xarunta bulshada iyo masaajidka ee Park51 ee ku yaalla Lower Manhattan, kaasoo dadka kasoo horjeeday ay u bixiyeen “Masaajidka Ground Zero.”

Mashruucaas wuxuu noqday mid joogto ah oo ay ka hadasho warbaahinta muxaafidka ah iyo arrin dood kulul ka dhalisay doorashooyinkii dhexe ee 2010, markaas oo “nooc la mid ah faallooyinka xun ee Islaamka ka dhanka ah ay noqdeen qayb ka mid ah doodaha guud,” ayuu yiri Mr. Saylor. Ugu dambayntii waa laga noqday mashruucaas.

“Waxa aan hadda arkayno waxay si toos ah ula mid yihiin dhacdooyin aan aragnay labaatankii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Mr. Saylor. “Waxaa jira naceyb si xad dhaaf ah isaga caadiyoobay oo loo qabo dad laga tiro badan yahay, kiiskan waa Muslimiinta.”

Horraantii bishan, Mr. Mamdani ayaa ilmeeyay isagoo ku jira ololihiisa doorashada markii uu xusuustay “hadallada bahdilka ah” ee loo geystay, oo ay ku jirtay farriin loo soo diray oo oranaysa “Muslimka kaliya ee wanaagsan waa midka dhintay.”

Wareysi uu siiyay barnaamij podcast ah oo loogu talagalay dhagaystayaasha jiilka Z, kaasoo ay martigeliso The Bulwark, oo ah shabakad warar oo muxaafid ah laakiin kasoo horjeedda Trump, wuxuu ku xusuustay sida loogu qasbay inuu shaqaaleysiiyo ilaalo kaddib markii nin Trump taageersan uu qaniinay mid ka mid ah mutadawiciintii ololihiisa shir jaraa’id oo uu qabanayay.

“Waxaad aragtay dad adeegsanaya erayo ay igu tilmaamayaan oo ku habboon bahal ee aan ku habboonayn qof — erayo sida bahal, erayo sida inuu albaabada taagan yahay, erayo u dhigan sidii inay tani tahay dhammaadka magaalada iyo ilbaxnimada aan naqaan,” ayuu yiri wareysiga.

Kadib wuxuu tixraacay muran dhashay horraantii bishan, markii warqad xayeysiis ah oo la soo jeediyay oo ka timid guddi siyaasadeed (super PAC) oo taageersan Mr. Cuomo ay ku jirtay sawir u muuqday in la beddelay si garka Mr. Mamdani looga dhigo mid madow oo ka sii weyn.

“In taas lagu daro waraaqahan ay maalgelinayaan maalqabeennada Jamhuuriga ah ee garkayga dheereynaya oo madoobeynaya,” ayuu yiri Mr. Mamdani, “waxay si weyn u dareensiinaysaa sidii inay tahay 2002 mar kale.” 

CC Shakuur iyo Jaamac oo si adag isugu jawaabay, kadib fadeexaddii diblomaasiyadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa u soo jawaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo galabta faallo ka qoray kulan uu Wasiir Jaamac la yeeshay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Ankara ku sugan uu codsaday in dhiggiisa dowladda Turkiga uu la kulmo, balse intii uu sugayey balanta la arkay Wasiirka Dekedaha Soomaaliya oo Madaxtoyada Turkiga u tegay kulan aysan safaaraddu ka warheyn.

Xildhibaan CC Shakuur oo waji gabax iyo fadeexad uu ku macneeyey arrintaan, ayaa su’aal geliyey sababta ninkaan Wasiirka Arrimaha Dibadda loogu magacaabi waayey, hadii tan oo kale aan laga baaqsa karin.

Waxaan halkaan in kula wadaageynaa qoraallada ay isugu jawaabeen labada masuul, waxaana ku hormareynaa qoraalka Xildhibaan CC Shakuur oo horeeyey, wuxuuna yiri, “Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dalbaday in uu dhiggiisa Turkiga la kulmo, isagoo Ankara ku sugan oo weli sugaya ayaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda iyo Madaxweynihii Turkiga ku dul-qaabileen wasiir kale, iyadoo aysan safaaradu la socon.”

“Haddii aysan jirin tabar lagu diido xadgudubka gobonnimo iyo maamuuska dowladeed, si wejigabaxa looga baxsado, sow ma habboona in isaga Wasiirka Arrimaha Dibadda laga dhigo.”

Hoos ka akhiro jawaabta Wasiir Jaamac:

*QAXAAN-QAXA SIYAASADEED*

Digaagaddu marka ukxameyso oo dhalmada billaabi rabto ayaa waxaa astaan u ah in qaxaan-qaxdo, balse waxaa jira digaagga qaar ka mid ah oo iska qaxaan-qaxa ukunna aanan dhalin.

Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakuur markii aan Wasiirka Cadaaladda noqday wuu iga daba qeylinayay, markii aan wasiirka gaashaandhigga noqday waa iga daba qeylinayay, hadda oo aan Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda ahayna wuu iga daba qeylinayaa.

Isagu Wasiirna ma noqdo, Raisulwasaarena ma noqdo, Madaxweynena ma noqdo. Waxaan waayay wax aan ku sifeeyo oo aan aheyn qaxaan-qax digaagad ma dhasha ah.

Horay ayaa loo yiri “marba cidda qeylineysa hadey gadaashaada ka qeylineyso macnaheedu waa in aad ka horreyso oo kaliya”.

Hal arrin waan ogahay oo ah in Mashruuca Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ka shaqeeyo ee qarandumiska ah iyo kan aan ka shaqeeyo ee qarandhiska ah in ay kala jeedaan, balse QAXAAN-QAX waa luqad digaag wax nin wayn uu fahmi karo maaha si looga jawaabo.

Cabdiraxmaanow anna shaqaa laygu ogyahay, adna qaxaan-qax aan dhamaan iyo ma gudbenimo siyaasadeed ee soo koorseey saaxibow.

Hoos ka eeg xogta kulamadii Wasiir Jaamac iyo madaxda Turkiga

Jubaland iyo Puntland oo madaxda DF ku dacweeyay beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha maamullada Jubaland iyo Puntland ayaa dacwo culus oo ka dhan ah Madaxda Dowladda Federaalka u gudbiyay Beesha Caalamka, iyaga oo u jeediyay eedeymo culus oo ku aadan kaalmada laga helo dalalka caalamka.

Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullahi Deni ayaa nuqul kamid ah war-murtiyeedka ay kasoo saareen shirkoodii Garoowe ku sheegay in dowladda dhexe ay siyaasadeysay deeqaha laga helo caalamka, isla markaana ay ku takri fashay kaalmada ay bixiso Beesha Caalamka.

Sidoo kale labada hoggaamiye ayaa shaaciyay in Dowladda Federaalka ay mararka qaar kaalmada lasoo mariyo ay u deegsato kicin bulsho, si loo abuuro xasilooni darro gudaha ah.

“Dowladaha Jubaland iyo Puntland waxay cambaareynayaan in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay siyaasadeysay, kuna takri fasho kaalmada Beesha Caalamka, iyada oo DFS ay mararka qaar u isticmaasho hub siyaasadeed, isku dir iyo kicin bulsho, si xasilooni darro looga abuuro Dowladaha xubnaha ka ah DFS,” ayaa lagu yiri qoraalka labada hoggaamiye ay soo saareen.

Waxaa kale oo ay  sheegeen in loo baahan yahay in Beesha Caalamka ay dib u eegis ku sameyso habka Soomaaliya loo soo gaarsiiyo kaalmada deeq-bixiyeyaasha, waxayna dalbadeen in qaybtooda, si toos ah iyaga loogala macaamilo oo aan loo marin meel kale.

Hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ayaa sidoo kale ku dooday illaa inta heshiis laga gaarayo hannaanka qaybsiga khayraadka ay iyagu maamulan doonaan kaalmada, si looga fogaado musuq, ku takrifal awoodeed iyo in si khaldan loo adeegsado kaalmada caalamka.

“Haddaba Dowladaha Jubaland iyo Puntland waxay Beesha Caalamka ugu baaqayaan in dib u eegis lagu sameeyo habka loo gaarsiiyo Soomaaliya kaalmada ay bixiso Beesha Caalamka, isla markaana Deeqbixiyeyaashu ay toos ula macaamilaan Dowladaha xubnaha ka ah DFS, inta heshiis buuxa laga gaarayo hannaanka qaybsiga khayraadka iyo awoodaha dalka,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka hogaamiyeyaasha labada maamul.

Dhinaca kale, Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale mowqif adag ka qaatay dowladda dhexe, waxayna si cad u sheegeen in aanay ku metalin go’aannada masiiriga ah ee la gaarayo, maadaama aanay qayb ka ahayn oo ay mar hore xiriirka u jareen Villa Soomaaliya.

“Waxaa kale oo dowladaha Jubaland iyo Puntland cadeynayaan in DFS aysan ku metalin wixii go’aan ah oo Jubaland iyo Puntland aysan qayb ka ahayn,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Jubaland iyo Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo Villa Somalia ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo ka dhan dowladda dhexe, waxayna si cad u sheegeen in aanay ku metalin go’aannada masiiriga ah ee la gaarayo, maadaama aanay hadda qayb ka ahayn shirarka socda oo ay mar hore xiriirka u jareen Villa Somalia.

Sawirro: Booliska oo soo bandhigay 17 qof oo askar u badan, kuna eedeysan arrin xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay 17 qof oo iskugu jira Askar iyo Shacab ku eedeysan qalqal-gelin amni, kuwaas oo warbaahinta loo soo bandhigay sawirradooda iyagoo maxaabiis ah.

Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta guud ee Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha kale ee Amniga Caasimadda Muqdisho ayaa lagu soo qabtay dadkaan oo isugu jira shacab iyo askari ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Xubnaha la hayo ayaa ku eedeysan inay jebiyeen amarkii lagu mamnuucay in rasaas loo adeegsado dabaal-degyada maalmaha xorriyadda.

Taliska Qeybta Guud ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in baaritaano ay socdaan lagu ogaanayo hadii ay jiraan khasaare ka dhashay rasaastii xalay sida sharci darrada ah loo riday, isla markaana eedeysanayaashan la horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loo waafajiyo.

Xubnaha hadda la qabtay ayaa gaaraya 17 qof, waxayna hay’adaha amnigu baadi-goobayaan tiro kale oo la tuhunsan yahay in ay xerooyin Ciidan rasaas ka dhex rideen.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Macalin Mahdi oo maalin ka hor shir jaraa’id qabtay ayaa ka digay in rasaas dabaal-deg ah la rido, maadaama dadka Soomaaliyeed ay guda galeen dabaal degyada toddobaadka xorriyadda oo xalay soo bilowday.

Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxaa caadi ka ahaa jirtay in rasaas lagu dabaal-dego, balse hadda hay’adaha amniga ayaa diiday dhaqankaas, waxaana la soo qabanayaa qofkii ku kacay falkaas, iyadoo bulshada loo soo bandhigo, isaga iyo hubkiisa.

“Waxaan shacabka Caasimadda ugu baaqeynaa inay nala soo wadaagaan xog kasta oo ku saabsan cid kasta oo amniga liddi ku ah, iyaga oo nagala soo xiriiri kara: Xafiiska Gurmadka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed: 991 Email: [email protected].” Ayaa lagu yiri farriin ka soo baxday Taliska Qeybta guud ee Booliska Soomaaliya.

ERDOGAN oo qaabilay Wasiir Jaamac iyo Soomaalida oo si weyn uga fal-celisay

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Inkasta oo aan la faah-faahin kulanka labada masuul oo ahaa shir albaabadu u xiran yihiin, ayaa waxaa qaabiladda lasoo dhigay bogga rasmiga ah ee Madaxweynaha Turkiga, iyadoo lagu yiri “Madaxweyne Erdoğan ayaa qaabilay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya”.

Wasiir Jaamac oo isna qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa Madaxweyne Erdogan uga mahad-celiyay “qaabiladda iyo soo dhaweyntiisa wanaagsan.”

Jaamac ayaa la sheegaa in uu xiriirka Turkiga uga saameyn badan yahay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Sanadihii uu joogay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo bilo kahor laga soo bedelay ayuu Wasiir Jaamac aad ula shaqeyn jiray Turkiga, waxaana la gaarsiiya inuu yahay “masuulka ay Turkidu ugu aaminaada badan yihiin”.

Tan ayaa Soomaali badan su’aallo ka keeneen, iyadoo kulankii maanta ay ka dhalatay fal-celin xooggan. Dadka qaar ayaa muujiyay shaki la xiriira sababta dhabta ah ee ka dambeyn karta kalsoonida intaas le’eg ee Turkiga ku qabo ninkaan.

Bishaar Ibraahim Sheekh Maxamuud oo kamid ah dadka ka fal-celiyay qaabilada Madaxweyne Erdogan ee Wasiir Jaamac ayaa waxa uu yiri: “Xiriirka idinka dhaxeeya muxuu yahay?”.

“Maxaa ka wada hadasheen, bulshada Soomaaliyeed u sheeg Ajendah u tagtay meesha,” ayuu yiri Yaasir.

Nuuradiin Duqow: “Maxaa adiga iyo Erdoğan idin kulmin karo? Safiir waraaqo laga gudoomayo ma tihid, madaxweyne ma tihid, raysalwasaare ma tihid, wakiil madaxwayne ma tahay? Ninkaan iyo turkida waxa ka dhaxeeyo wax yar ma ahan!”.

Maxamed Sakariye ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Warbixin dhamaystiran oo lix bilood ah miyaad gaysay!. Yaab anagaa aragnay, bal wasiirkan dekadaha ee iska wareegaya asagoo kaligiis ah”.

“In si shaqsi ah laguu soo dhaweeyey marka meel la iska dhigo, ma aadan sheegin wixii dalka aad ka timid u qabatay ama faa’iido ah oo aad u keentay,” ayuu yiri Ardaa Aw Cali.

Salaad Cabdi Axmed ayaa isna waxa uu yiri: “Anigu waan kaa shakisanahay sababtoo ah ma tihid wasiir dibadeed.”

Si kastaba, Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa weli wax laga weydiiyaa danaha ku geedaaman xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana la sheega in aad uu isaga ilaaliyo in masuul kale uu xiriir iyo galaangal ku dhex yeesho Turkida.

A/Madoobe iyo Deni oo ogolaaday in doorasho qof iyo cod lagu soo doorto…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Maamullada Jubaland iyo Puntland oo maanta heshiis ku gaaray magaalada Garoowe ayaa ogolaaday in hanaan doorasho qof iyo cod ah lagu qabto doorashada dowladaha hoose ee maamullada.

Inkasta oo labada hoggaamiye ay diideen jiritaanka guddiga qaran ee doorashooyinka, waxay ugu baaqeen maamul goboleedyada in ay u dhaqaaqan qabashada doorashada dowladaha hoose, isla markaana uu maamul kasta sameysto guddi doorasho oo u gaar ah.

“Si loo daadajiyo xukunka, loona hirgaliyo hannaan dimuqraadiya ah sida uu qabo Dastuurka KMG ah iyo dastuurada Dowladaha xubnaha ka ah DFS. Shirku wuxuu ugu baaqayaa dowladda aan wali qaban doorashooyinka dowladaha hoose in ay qabtaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee tooska ah, ayna magacaawdaan guddiyada doorashooyinka qof iyo codka ah sida Puntland,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ay si wadajir ah usoo saareen Madaxweynayaasha labada maamul.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Shirku wuxuu ugu baaqayaa Dowladda kale ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah in ay qabtaan doorashooyinka Goleyaasha Wakiilada iyo Madaxweynayaasha, ayna magacaawdaan guddiyada doorashada heerkooda si waafaqsan qawaaniintooda doorashada.”

Puntland ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u tahay in ay gacan ka siiyo maamulada kale hirgalinta hannaanaka doorashooyinka qof iyo codka ah, gaar ahaan dhinacyada khibradda iyo shuruucda doorashooyinka.

Sidoo kale, labada hoggaamiye ayaa mowqif adag ka qaatay dowladda dhexe, iyagoo si cad u sheegay in aanay ku metalin go’aannada masiiriga ah ee la gaarayo, maadaama aanay qayb ka ahayn oo ay mar hore xiriirka u jareen Villa Somalia.

“Dowladaha Jubaland iyo Puntland waxay ku heshiyeen in ay u midoobaan, meelna ay uga soo wada jeestaan sidii ay Soomaaliya u gaari lahayd dowladnimo dhammeystiran oo ku dhisan hannaanka federaaliga ah, dimuquraadi ah oo nabadna ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, labada maamul ayaa haatan dib u midoobay, iyagoo ku heshiiyay in meel uga soo wada jeestaan sidii ay Soomaaliya u gaari lahayd isku filnaan iyo in la helo hannaan lagu xoojinayo nidaamka federaalka ee dalka.

Sidee looga fal-celiyay heshiiska Xasan Sheekh iyo mucaaradka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay heshiiska afarta qodob ah ee ay Arbacadii ku gaareen Villa Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Labada dhinac oo yeeshay kulan xasaasi ah ayaa ugu dambeyn isku raacay in laga wada-hadlo illaa afar ajande oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;-

1- Adkeynta midnimada dalka
2- Hannaanka dib-u-eegista dastuurka
3- Amniga iyo ciribtirka argagixisada
4- Hannaanka doorashooyin toos ah oo heshiis lagu yahay

“Shirka oo ku furmay jawi wanaagsan iyo isxog-wareysi ayaa dood dheer iyo falanqeyn kadib, waxaa la isku raacay in laga wada-hadlo afar ajande oo muhiim u ah dowlad-dhiska Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxay dhinacyadu isla qaateen in mas’uuliyiinta wali ka maqan gogosha la baadi goobo, isla markaana ay soo xaadiraan wada-hadallada furmaya horraanta bisha July.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay hehiiska Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka?

Mahad Maxamed: “Mudane Madaxweyne wada-hadal wax dhaamo waa lawaay runtii shaqo boggaadin mudan ayaa dalka u jiheysay guuleyso Madaxweyne”.

Cabdicasiis Nuur Garabey: “Qodobka labaad iyo afaraad ayaa ugu muhiimsan, haddii la isku fahmo”.

Suudi Nageeye: “Wada-hadalladu waa xalka doodaha iyo kala aragti duwanaashaha dowladnimadu u baahan tahay.”

Cabdiraxmaan Xaaji Ismaan: “Madaxweyne Xasan ilaali nidaamka heshiiska lagu yahay, hana ka bixin balanta aad la gaartay madaxdeenna beri”.

“Mar haddii la ogolaaday in dastuurka la’isla eego xalku waa dhowyahay,” ayuu yiri Shamsudiin Aadan Xasan.

Suldaan Xiris Cali Maxamed: “Waxaan rejeynayaa inaa is fahmi doontaan, una turi doontaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.

Xaaladda Ayatollah Ali Khamenei oo kala cadaatay kadib maalmo la la’aa warkiisa

Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa u gu hambalyeeyay shacabka Iiraan waxa uu ku tilmaamay guul ay ka gaareen Israa’iil iyo Maraykanka. Wuxuu sidaas ku sheegay farriin muuqaal ah oo ka muuqatay iska-caabbin, taasoo ah hadalkiisii ugu horreeyay ee fagaare ah tan iyo markii diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay duqeeyeen saddex ka mid ah xarumaha nukliyeerka ee dalkaas maalintii Axadda.

Waxaa sii kordhayay walaaca shacabka Iiraan ka qabay maqnaanshaha Mr. Khamenei, oo ah ninka iska leh go’aanka kama dambaysta ah ee arrimaha muhiimka ah ee dalka, balse aan la arag ama aan codkiisa la maqal muddo toddobaad ah.

Inkastoo uu laba bayaan soo saaray intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood ee u dhexeeyay Iiraan iyo Israa’iil, haddana ma uusan jeedin wax hadal fagaare ah ama farriin duuban tan iyo weerarkii millatari ee Maraykanka ee Axaddii. Weerarkaas kaddib, Iiraan waxay ka jawaab celisay iyadoo gantaallo ku garaacday saldhig millatari oo Maraykanku ku leeyahay dalka Qatar, waxaana Iiraan iyo Israa’iil ay ku heshiiyeen xabbad-joojin maalintii Talaadada.

Hadal la’aanta Mr. Khamenei ayaa billowday inay su’aalo ka dhex dhaliso shacabka Iiraan oo ku saabsan caafimaadkiisa iyo halka uu ku sugan yahay. Saraakiisha Iiraan ayaa horey u sheegay in Mr. Khamenei uu ku jiray goob dhulka hoostiisa ah oo lagu ilaaliyo, uuna ka fogaanayay isgaarsiin kasta oo elektaroonig ah si looga hortago isku dayo lagu doonayo in lagu khaarajiyo.

Muuqaalka lagama dheehan karin calaamado cad oo muujinaya goorta la duubay. Mr. Khamenei wuxuu fadhiyay daah midabkiisu yahay qaxwo hortiisa, waxaana bidixdiisa ka muuqday calanka Iiraan, halka sawirka hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Ayatollah Ruhollah Khomeini, uu ka sarreeyay—waana goob la mid ah tii uu ka soo duubay farriintii muuqaalka ahayd ee ugu dambaysay tan iyo markii uu billowday khilaafkii dhowaa ee Israa’iil.

Hadalka Khamenei ayaa ku soo beegmay xilli uu muran kulul ka taagan yahay dalka Maraykanka kaasoo ku saabsanaa baaxadda dhabta ah ee khasaaraha ka dhashay duqeymihii Maraykanka ee lagu beegsaday goobaha muhiimka ah ee nukliyeerka Iiraan intii uu socday dagaalka.

Wuxuu hoos u dhigay baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil, mana uusan ka hadlin mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka Iiraan. Si kastaba ha ahaatee, hadalka Mr. Khamenei wuxuu u muuqday mid la jeediyay kaddib markii ay Iiraan ka jawaabtay weerarkii Maraykanka, isagoo ku dhawaaqay in weerarrada gantaalaha ah ee Iiraan ee lagu qaaday Saldhigga Cirka ee Al Udeid ee dalka Qatar ay geysteen “khasaare gaar ah,” wuxuuna ku gooddiyay in Iiraan ay “mar kale tallaabo qaadi karto” haddii loo baahdo.

“Madaxweynaha Maraykanka wuxuu u buunbuuniyay dhacdooyinka si aan caadi ahayn, waxaana caddaatay inuu u baahnaa buunbuunintan,” ayuu yiri Khamenei.

“Maamulka Maraykanku wuxuu galay dagaal toos ah maxaa yeelay wuxuu dareemay in haddii uusan gelin, maamulka Sahyuuniyadda uu gebi ahaanba burburayo. Laakiin waxba kama uusan faa’iidin dagaalkaas,” ayuu yiri.

“Jamhuuriyadda Islaamiga ah way guulaysatay, aargoosi ahaanna waxay dharbaaxo kulul ku dhufatay wejiga Maraykanka,” ayuu yiri, isagoo tixraacayay gantaalkii Iiraan ay ku beegsatay saldhigga ugu weyn ee Maraykanka ee Bariga Dhexe.

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo ummadda weyn ee Iiraan… guushii ay ka gaartay maamulka beenta ah ee Sahyuuniyadda,” ayuu raaciyay, isagoo ku andacooday in Israa’iil ay “ku sigatay inay burburto” duqeymihii Iiraan awgood.

Iiraan iyo Israa’iil labaduba waxay horey u sheegteen inay guulaysteen, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu maalintii Talaadada ku tilmaamay “guul taariikhi ah” oo Israa’iil ay gaartay.

Sawirro: XASAN oo farriin cajiib ah u direy shacabka kadib markii uu tegay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo doonka ee dalka ayaa maanta ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa farriin u direy shacabka, isagoo xusay in taallada Dhagax-tuur ay tahay astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loosoo galay gobanimada dalkeenna.

Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay ilaalinta midnimada, dal jacaylka, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo himmilooyinkii Awooweyaasheen ee Soomaaliya xor ah, nabad ah oo horumarsan.

Munaasabadda ubax-dhigga taallada Dhagax-tuur waxaa ka qeyb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xildhibaanno, masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay calanka saaray fagaaraha Xarunta Dowladda Hoose oo 65-sano ka hor xalay oo kale markii ugu horeysay la suray calanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay halyeeyadii gobollada waqooyi ee horseeday xoreynta iyo midnimada, isagoo sheegay in bulshadaas ay door wanaagsan ka qaateen garashada in xorriyaddu aysan ahayn oo kaliya ka tagista gumeystaha, balse ay ka dhigan tahay xaqiijinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Halyeeyadaasi waxay na dhaxalsiiyeen xorriyad iyo midnimo isku sidkan oo ay wax badan ugu hureen si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo taabbo gal ah. Taariikhda mar walba way xusi doontaa doorkooda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhaawacyo siyaasadeed ay soo gaareen dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo salka ku hayay kalitalisnimo, ku-tagrifal awoodeed iyo maamul-xumo, waxa uuna muujiyay garawsho la xiriirta wixii dhacay taariikh ahaan, isagoo adkeeyay sida ay lagama-maarmaan u tahay in mar kale la hello midnimo dhab ah.

“Waan aaminsanahay in xornimadeenna aysan kaamil noqon doonin ilaa aan mar kale mideyno qalbigeenna iyo qaddiyaddeenna. Jidka kaliya ee aan u marayno waa wada-hadal iyo walaaltinimo”.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo go’aan culus ka qaatay DF (War-murtiyeed)

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubaland iyo Puntland oo shir xasaasi ah ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 11 qodob, iyaga oo go’aan culus ka qaatay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

War-murtiyeedka ayaa lagu faah-faahiyay shirka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo  socday intii u dhexeysay 23-kii, illaa 25-kii bishaan, kadib markii ay isugu tageen Garoowe, waxaana diirada lagu saaray xaaladda guud ee dalka, anmniga, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, arrimaha doorashooyinka 2026 iyo wax ka beddalka Dastuurka KMG ah.

Ugu horreyn waxa ay boggaadiyeen guulaha ay ciidamada Jubaland iyo kuwa Puntland ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, iyaga oo sidoo kale guul u rajeeyay ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada gobollada kale ee dalka.

Jubaland iyo Puntland ayaa sidoo kale ku heshiiyay inay midoobaan, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay Soomaaliya u gaari lahayd isku filnaan iyo in la helo hannaan lagu xoojinayo nidaamka federaalka ee dalka.

“Dowladaha Jubaland iyo Puntland waxay ku heshiyeen in ay u midoobaan, meelna ay uga soo wada jeestaan sidii ay Soomaaliya u gaari lahayd dowladnimo dhammeystiran oo ku dhisan hannaanka federaaliga ah, dimuquraadi ah, nabadna ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo ay isku raaceen in waxba kama jiraan ay tahay wax ka beddelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah, iyaga oo ku dooday in hay’adaha dowladda federaalka aanay awood lahayn, maadaama afti dadweyne lagu sameeyay, laguna beddeli karo heshiis bulsho oo kaliya.

“Sidoo kale dowladaha Jubaland iyo Puntland ma aqoonsana wax kasta oo ka dhashay wax ka beddelka lagu sameeyay Dastuurka” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ayaa sidoo kale ka horyimid qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee qof iyo cod, waxayna ugu baaqeen inuu ilaaliyo Dastuurka heshiiska lagu yahay iyo midnimada guud ee dalka.

“Dowladaha Jubaland iyo Puntland waxa ay ugu baaqayaan Madaxweynaha JFS inuu ixtiraamo Dastuurkii lagu heshiiyay 2012-kii, ilaaliyana midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed” ayaa lasii raaciyay war-murtiyeedka.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale mowqif adag ka qaatay dowladda dhexe, waxayna si cad u sheegeen in aanay ku metalin go’aannada masiiriga ah ee la gaarayo, maadaama aanay qayb ka ahayn oo ay mar hore xiriirka u jareen Villa Soomaaliya.

“Waxaa kale oo dowladaha Jubaland iyo Puntland cadeynayaan in DFS aysan ku metalin wixii go’aan ah oo Jubaland iyo Puntland aysan qayb ka ahayn” ayaa mar kale lagu yiri.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa dhanka kale farriin culus u diray maamu-goboleedyada, waxayna ugu baaqeen inay qabtaan doorashooyinka golaha wakiilada iyo midda madaxweynaha, maadaama uu dhammaaday mudo xileedkooda sharciga ah. Waxaa kale oo ay ugu baaqeen inay qabtaan doorashooyin toos ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka, si lamid ah tii ka dhacday deegaannada maamulka Puntland.

Ugu dambeyn waxa ay farriin isku mid ah u direen xubnaha mucaaradka ee la baxay Madasha Samatabixinta iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo ay ugu baaqeen in dadaalkooda ay sii wadaan, si loo qabto doorasho loo dhan oo ay ka qayb-galaan dhinacyada oo dhan.

Xildhibaan Mareykan ah oo shaacisay in Israel ay fulisay dilkii madaxweyne JFK

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Marjorie Taylor Greene, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaa sheegtay in dilkii loo geystay Madaxweynihii hore ee Maraykanka John F. Kennedy laga yaabo inuu xiriir la lahaa mucaaradnimadiisii barnaamijka hubka nukliyeerka ee Israa’iil, iyadoo isla markaana su’aal ka keentay inay iyada ama Madaxweyne Donald Trump haatan wajahaan halis la mid ah.

“Waxaa mar jiray madaxweyne weyn oo ay shacabka Maraykanka aad u jeclaayeen. Wuxuu kasoo horjeestay barnaamijka hubka nukliyeerka ee Israa’iil, dabadeedna waa la dilay,” ayay qoraal ay ku baahisay barteeda bulshada ee X ku tiri xildhibaanadda ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, lagana soo doorto gobolka Georgia.

“Ma inaan hadda dareemaa in noloshaydu khatar ku jirto? Ka warran Madaxweyne Trump oo si adag Israa’iil ugu dhaliilay saaka inay sii waddo weerarrada ay ku hayso Iiraan?” ayay sii raacisay.

Hadalka Greene ayaa yimid waxyar un kaddib markii Trump uu uga digay Israa’iil inay sii waddo duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah Iiraan, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid “ku xadgudub weyn” ku heshiiska xabbad-joojinta.

Dagaallada shisheeye ee joogtada ah

Greene waxay sidoo kale si kulul u cambaareysay weerarradii dhowaan ciidamada Maraykanku ku qaadeen goobo nukliyeerka ah oo ku yaal Iiraan, iyadoo tallaabooyinkaasi ku tilmaantay dagaallo aan dhammaad lahayn oo lagu adeegayo dano shisheeye.

“Askarta Maraykanka ayaa loo dilay oo loo naafeeyay isbeddel maamul, dagaallo shisheeye iyo faa’iidada shirkadaha hubka ee warshadaha militari. Aad baan uga daalay arrintan,” ayay ku tiri qoraal kale oo ay soo dhigtay.

Madaxweyne Kennedy ayaa lagu dilay magaalada Dallas ee gobolka Texas sannadkii 1963. In kasta oo baaritaanno rasmi ah lagu soo gaba-gabeeyay in Lee Harvey Oswald, oo hore uga tirsanaa ciidamada badda ee Maraykanka, uu ka dambeeyay dilka, haddana dhacdadaas waxaa hareeyay warar xan iyo tuhunno is-daba joog ah.

Intii uu xilka hayay, Kennedy wuxuu muujiyay walaac ku saabsan damaca Israa’iil ee hubka nukliyeerka. Sannadkii 1963 ayuu cadaadis ku saaray ra’iisul wasaarihii xilligaas ee Israa’iil, David Ben-Gurion, inuu ka daah-furo macluumaadka xarunta nukliyeerka Dimona, isagoo ka digay in qarsoodigaasi uu “si dhab ah u khatar gelin karo” taageerada Maraykanka ee Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro caddeyn rasmi ah oo la xaqiijiyay oo xiriirinaysa dilka Kennedy iyo murankaas.

Hadalka Greene ayaa dhaliyay dhaleeceyn uga timid siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo khubarada siyaasadda, kuwaas oo sheegay in hadalladeedu ay sii hurin karaan tuhunno aan caddayn loo hayn.

Greene weli ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo taageeraysa xiriirka ay ku samaysay dilka Kennedy iyo siyaasadda nukliyeerka Israa’iil.

 

Howlgal culus oo ka socda aagga Masaajid Cali Gaduud

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay garab siinayaan kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa saacadihii u dambeeyay hawlgallo culus ka fulinayay aagga deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawl-galladan oo si gaar ah loogu beegsaday tuulooyinka hoos yimaada deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa qayb ka ah dadaalka lagu xaqiijinayo nabadgelyada guud ee deegaankaasi, kaas oo ay ciidamada dhawaan kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.

Ciidamo si wanaagsan u hubeysan ayaa weli ku sii qulqulaya tuulooyinka dhow ee hoostaga Masaajid Cali Gaduud, kuwaas oo weli ay joogaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Tuulooyinka ay ciidamadu hawl-gallada ka sameeyeen waxaa ka mid ah Towfiiq iyo tuulooyin kale oo muhiim ah, kuwaas oo horey ugu jiray gacanta Al-Shabaab. Hawl-galkan ayaa la tilmaamay inuu yahay mid qorsheysan oo lagu baacsanayo kooxaha argagixisada si looga saaro meelaha ay weli ku dhuumaaleysanayaan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa caddeysay in hawl-galladan ay qayb ka yihiin olole ballaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe oo muddooyinkii u dambeeyay ay xoogag hubeysan ku sugnaayeen.

Dowladda Federaalka ayaa horay dhowr jeer u shaacisay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uusan joogsan doonin illaa laga xaqiijiyo in kooxdu ay ka baxdo dhammaan deegaannada ay ka joogto dalka.

Hawl-gallada socda ayaa u muuqda kuwo is-daba joog ah, kuwaas oo lagu doonayo in lagu hubiyo in aysan jirin meel ay kooxda Al-Shabaab mar kale kaga soo dhuuman karto deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo nawaaxigeeda.

Xasan oo dalab xasaasi ah u diray hoggaanka Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyay xuska sanad guurada 65-aad 26 June oo ah markii ay xornimada qaateen Gobolada Waqooyi ayaa farriin u diray Somaliland, isaga o ka dalbaday hal arrin xasaasi ah.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay hoggaanka sare inay ka shaqeeyaan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka & Somaliland, si loo sii amba qaado, wuxuuna ka codsay Cirro iyo xukuumaddiisa in ay noqdaan geesiyaal u istaaga sidii xal waara loo gaari lahaa, laguna dhisi lahaa kalsooni iyo is-afgarad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusy in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay wax kasta oo horseedi kara dib u mideynta dalka, ayna la fariisan doonto Somaliland, si looga wada-hadalo tabashada ay qabaan.

Sidoo kale, wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in guul laga gaari doono, haddii dib loo bilaabo wada-hadallada Muqdisho iyo Hargeysa, isla-markaana la gaari doono heshiis waara oo lagu dhammeeyo kala aragti duwanaanta u dhaxeysa labada dhinac.

“Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay wax walba oo suurto gal ka dhigi kara dib u soo celinta midnimada dalka. Waxaan ugu baaqayaa walaalaheenna Somaliland inay dhiirranaan muujiyaan, si wadahallada loo bilaabo mar kale,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Walaalaha Waqooyi waxaan leeyahay: dhiirrada. Midnimadu wax ma bi’iso ee waxa ay soo kordhisaa awood iyo haybad,”.

Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu xusay halyeeyadii gobollada waqooyi ee horseeday xoreynta iyo midnimada, isagoo sheegay in bulshadaas ay door wanaagsan ka qaateen garashada in xorriyaddu aysan ahayn oo kaliya ka tagista gumeystaha, balse ay ka dhigan tahay xaqiijinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Midnimada marka laga hadlaayo Koofur iyo Waqooyi kaliya maaha, Koofur ayaa dhexdeeda u baahan in ay midowdo” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaaka Soomaaliya ay ku dadaaleyso mideynta dalka iyo sidii Khilaafadka jira wada-hadal loogu xallin lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, Wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo horay ga qabsoomay dalalka Turkiga iyo Jabuuti ayaa mar dambe hakad-galay, kadib markii khilaafka labada dhinac uu sii xoogeystay markii xukuumadda Hargeysa ay sanadkii hore heshiis ku saabsan Badda la gashay Itoobiya, kaas oo ay ka carootay Soomaaliya.

CIA-da oo xog cusub ka soo saartay Nukliyeerka Iiraan – Ma guuleystay weerarkii?

Washington (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, John Ratcliffe, ayaa sheegay Arbacadii in xog sirdoon oo lagu kalsoon yahay ay muujinayso in barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan uu soo gaaray “waxyeello ba’an” kadib duqeymihii cirka ee uu Mareykanku fuliyey dhowaan, iyo in dhowr goobood oo muhiim ah “la burburiyey.”

Qiimeyn horudhac ah oo ay samaysay Hay’adda Sirdoonka Difaaca (Defense Intelligence Agency) oo Talaadadii la dusiyey ayaa lagu ogaaday in duqeyntii Mareykanka ee saddexda goobood ee nukliyeerka Iiraan ay suuragal tahay in barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas ay dib u dhigtay oo keliya dhowr bilood, taasoo ah saameyn ka kooban intii uu Madaxweyne Donald Trump sheegay kadib weerarada.

Khasaaraha dhabta ah ee la gaarsiiyey xarumaha nukliyeerka Iiraan iyo jiritaanka barnaamijkeeda ballaaran ayaa noqday arrimo siyaasadeysan oo xasaasi ah, iyadoo Trump iyo xulafadiisu ay cambaareeyeen faafinta warbixinta DIA-da iyo warbaahintii ka hadashay. Xildhibaannada Dimoqraadiga ayaa ku eedeeyay Aqalka Cad in laga yaabo inay buunbuuninayaan saameynta duqeymaha.

Ratcliffe wuxuu bartiisa bulshada ku sheegay in natiijooyinka CIA-da ay ku saleysan yihiin “xog sirdoon oo lagu kalsoon yahay” ayna ka hor imanayaan waxa uu ugu yeeray “warbixinno si sharci-darro ah lagu helay oo la baahiyey oo ku saabsan burburinta xarumaha muhiimka ah ee nukliyeerka Iiraan.”

Ratcliffe wuxuu soo xigtay sirdoon cusub “oo laga helay ilo/hab taariikh ahaan lagu kalsoonaa oo sax ahaa, kaasoo xaqiijinaya in dhowr xarun oo muhiim ah oo nukliyeerka Iiraan ah la burburiyey, dibna u dhisiddoodu ay qaadan doonto sannado badan.”

Tulsi Gabbard, oo ah agaasimaha sirdoonka qaranka, ayaa soo bandhigtay qiimeyn tan la mid ah horaantii maalintaas.

Khubarada xakameynta hubka iyo saraakiil hore oo sirdoon ayaa sheegaya in Iiraan ay dib u soo nooleyn karto barnaamijkeeda nukliyeerka xitaa haddii aysan jirin saddexda goobood ee la beegsaday, haddii ay ku guuleysato inay badbaadiso keyd ku filan oo ah Yuraaniyam heer sare ah loo nafaqeeyey (highly enriched uranium) iyo qalabka casriga ah ee loo yaqaan ‘centrifuges’.

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka tamarta atoomikada, Rafael Grossi, ayaa Arbacadii ka sheegay magaalada Vienna inay suuragal tahay in Iiraan ay weli haysato keyd ah Yuraaniyam heer sare ah loo nafaqeeyey, inkastoo ay jireen duqeymo cirka ah oo Israa’iil wadey muddo 12 maalmood ah iyo weeraradii cirka ee Mareykanka ee dhammaadkii usbuuca. Waxaa laga yaabaa in Tehran ay rartay Yuraaniyamka isla markiiba kadib duqeymihii ugu horreeyay ee Israa’iil, ayuu yiri Grossi.

Kahor inta uusan Ratcliffe soo saarin bayaankiisa, Trump wuxuu ku gacan sayray qiimeynta DIA-da isagoo ku tilmaamay mid aan dhameystirnayn oo degdeg lagu sameeyey, wuxuuna si isdaba joog ah u sheegay in goobihii nukliyeerka Iiraan iyo barnaamijkeediiba “gebi ahaanba la tirtiray.”

Hay’adda DIA waxay ku calaamadisay qiimeynteeda horudhaca ah inay tahay mid “kalsooni yar,” sida ay sheegeen saddex ilo-wareed oo arrintan la socday.

Falanqeeyayaasha sirdoonka ayaa caadi ahaan soo bandhiga natiijooyinkooda iyagoo adeegsanaya heerar kalsooni oo kala duwan, taasoo ku xiran tayada iyo isku halleynta xogta la hayo.

Qiimeynta horudhaca ah ee DIA waxay ku saleysneyd natiijooyin la helay habeenimadii Axadda, qiyaastii 24 saacadood kadib duqeyntii Mareykanka ee ka dhanka ahayd saddexda xarun ee nukliyeerka Iiraan, sida uu sheegay mid ka mid ah ilo-wareedyada.

Qiimeyn buuxda oo lagu ogaanayo khasaaraha dagaalka ayaa weli socota, sida warbixintu intaas ku dartay, waxayna qaadan doontaa maalmo illaa toddobaadyo in la soo gabagabeeyo, sida uu sheegay mid ka mid ah ilo-wareedyada.

Xoghayaha Difaaca, Pete Hegseth, oo kula hadlayey weriyeyaasha shir madaxeedka NATO ee ka socday Netherlands, ayaa sheegay in qiimeynta DIA lagu asteeyey “kalsooni yar” sababtoo ah caddeynta waxa la duqeeyay “waxay ku aasan tahay buur hoosteed, waa la burburiyey waana la tirtiray.”

Warbaahinta NBC News ayaa Talaadadii werisay in qiimeynta horudhaca ah ay muujisay in duqeymuhu ay u badan tahay inay dib u dhigeen barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan muddo saddex illaa lix bilood ah, laakiin aysan si kama dambeys ah u burburin barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan sida uu Trump ku adkeystay.

Warbixinta sirdoonka ee horudhaca ah ma muujineyso in dhammaan keydkii Iiraan ee Yuraaniyamka heerka sare loo nafaqeeyey la burburiyey ama la helay, waxaana weli jira su’aalo ku saabsan qalabka casriga ah ee Iiraan ee loo yaqaan ‘centrifuges’, kuwaas oo aan laga helin goobihii nukliyeerka ee ay duqeeyeen diyaaradaha Mareykanka, sida ay NBC News sidoo kale werisay Talaadadii.

Guddiga Tamarta Atoomikada ee Israa’iil (Israeli Atomic Energy Commission) ayaa Arbacadii sheegay in duqeynta Mareykanka ay “ka dhigtay mid aan shaqeyn karin” xarunta bacriminta ee dhulka hoostiisa ku taalla ee Fordo.

“Waxaan qiimeyneynaa in duqeymaha Mareykanka ee xarumaha nukliyeerka Iiraan, oo lagu daray duqeymihii Israa’iil ee qaybaha kale ee barnaamijka nukliyeerka militariga ee Iiraan, ay sannado badan dib u dhigeen awoodda Iiraan ee horumarinta hubka nukliyeerka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay guddiga.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in “guushan ay usii jiri karto si aan xad lahayn haddii Iiraan aysan helin agab nukliyeer.”

Walaac ka taagan IRAN, xilli la la’yahay Aayatullaah

Tehran (Caasimada Online) – Iyadoo uu shacabka oo dhan daawanayay, ayaa daadihiyihii telefishinka dawladda Iiraan waxa uu weydiiyay su’aashii ay dad badani oo Iiraan ku nool—laga soo bilaabo heerka sarsare ee siyaasadda ilaa dadka caadiga ah ee waddooyinka—is-weydiinayeen.

“Dadku aad ayay uga walaacsan yihiin Hoggaamiyaha Sare,” ayuu daadihiyihii ku yiri sarkaal ka tirsan xafiiska Aayatullaah Cali Khamenei maalintii Talaadada. “Ma noo sheegi kartaa xaaladdiisa?”

Waxa uu xusay in daawadayaashu ay soo direen farriimo aad u tiro badan oo ay ku weydiinayaan isla su’aashaas. Laakiin sarkaalkaas, Mehdi Fazaeli, oo ah madaxa xafiiska keydka ee Mr. Khamenei, ma uusan bixin jawaab toos ah.

Beddelkeeda, Mr. Fazaeli waxa uu sheegay in isagana ay soo gaareen su’aalo badan oo uga yimid mas’uuliyiin iyo dad kale oo ka walwalsan xaaladda Aayatullaaha kaddib duqeymihii xoogganaa ee ay geysteen Israa’iil iyo Mareykanka.

“Waa inaan dhammaanteen duceynaa,” ayuu yiri Mr. Fazaeli.

“Dadka mas’uulka ka ah ilaalinta Hoggaamiyaha Sare si wanaagsan ayay shaqadooda u gutaan,” ayuu raaciyay. “Ilaahay idamkii, shacabkeennu waxa ay guusha kula dabbaaldegi doonaan hoggaamiyahooda agtiisa, haddii Alle idmo.”

Mr. Khamenei, oo isagu leh go’aanka kama dambeysta ah ee arrimaha muhiimka ah ee Iiraan, ayaan fagaare lagu arag ama aan laga maqal codkiisa muddo ku dhow toddobaad, inkastoo uu jiro qalalaase aan caadi ahayn oo waddankiisu wajahayo.

Maalmihii ugu dambeeyay oo keliya, Mareykanku waxa uu duqeeyay saddex ka mid ah xarumaha nukliyeerka ee Iiraan, Iiraanna waxay kaga aargudatay gantaallo ballistic ah oo ay ku gantay saldhig uu Mareykanku ku leeyahay dalka Qatar, halka Iiraan iyo Israa’iil ay ku heshiiyeen xabbad-joojin dhaqan gashay subaxnimadii Talaadada.

Intaas oo dhan, Mr. Khamenei—oo ay saraakiishu sheegeen inuu ku dhuumanayo qol dhulka hoostiisa ah (bunker) uuna ka fogaanayo isgaarsiinta elektarooniga ah si looga hortago isku dayada lagu dili karo—ayaa maqnaa, isagoon soo saarin wax hadal ah oo fagaare ah ama farriin cod ah oo la duubay.

Maqnaanshihiisu waxa uu la yaab iyo welwel ku abuuray qof walba, laga soo bilaabo siyaasiyiinta xog-ogaalka ah ilaa shacabka guud.

Mohsen Khalifeh, oo ah tafatiraha guud ee Khaneman, oo ah wargeys maalinle ah oo diiradda saara horumarinta hantida maguurtada ah, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in Mr. Khamenei “maqnaanshihiisa maalmaha qaatay uu walaac weyn nagu abuuray dhammaanteen oo jecel.”

Isagoo qiraya suurtagalnimada ahayd mid aan la malayn karin laba toddobaad ka hor, ayuu Mr. Khalifeh raaciyay in haddii Mr. Khamenei uu geeriyoodo, socodka aaskiisu uu noqon doono “kii ugu khayrka badnaa uguna taariikhiga ahaa.”

Hoggaamiyaha Sare ahaan, Mr. Khamenei ayaa leh go’aanka kama dambaysta ah ee dhammaan arrimaha waaweyn ee dawladda. Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ahaan, waxaa isaga laga filayaa inuu ansixiyo go’aan kasta oo militari oo leh muhiimadda weerarkii lagu qaaday saldhigga Mareykanka ama heshiiskii xabbad-joojinta ee lala galay Israa’iil.

Heshiiska xabbad-joojinta, oo uu codsaday Madaxweyne Trump, ayna dhexdhexaadisay dowladda Qatar, ayaa u muuqda mid si degdeg ah loo soo agaasimay. Hase yeeshee, taliyeyaasha sarsare ee militariga iyo mas’uuliyiinta dawladdu waxay ka gaabsadeen inay sheegaan inay la kulmeen ama la hadleen Mr. Khamenei maalmihii la soo dhaafay.

Aamusnaantiisa fagaaraha waxay horseedday mala-awaal iyo shaki fara badan: Intee in le’eg ayuu Mr. Khamenei ku lug lahaa go’aamadii ugu dambeeyay, marka la eego dhibaatooyinka ama dib-u-dhacyada badan ee suurtagalka ah ee la xiriira la xiriirkiisa? Miyuu weli kormeerayaa dalka maalin kasta? Miyuu dhaawacmay, ma xanuunsan yahay, mise xitaa ma nool yahay?

Xamse Safavi—oo ah falanqeeye siyaasadeed, ahna wiilka uu dhalay General Yaxya Safavi, oo ah taliye ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga (Islamic Revolutionary Guards Corps) iyo la-taliyaha sare ee dhanka militariga ee Mr. Khamenei—ayaa sheegay in saraakiisha amniga Iiraan ay aaminsan yihiin in Israa’iil ay weli isku dayi karto inay disho Mr. Khamenei, xitaa xilliga xabbad-joojinta. Sidaa darteed, ayuu yiri, waxay ku dhaqmayaan hab-maamuus amni oo aad u adag, oo ay ku jirto xiriir xaddidan oo lala yeesho dunida dibaddeeda.

“Waxa jirta aragti pragmatic ah oo la qaadanayo si dalka looga saaro qalalaasahan,” ayuu yiri, taasoo lagu awoodsiinayo hoggaamiyeyaal kale, sida Madaxweyne Masoud Pezeshkian.

Si kastaba ha ahaatee, Mr. Safavi waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in Mr. Khamenei uu go’aamada muhiimka ah ku bixinayo si aan toos ahayn.

Xitaa sidaas oo ay tahay, qaar ka mid ah taageerayaasha Mr. Khamenei ayaa baraha bulshada ku soo qoraya oo isugu sheegaya farriimaha qoraalka ah inaysan dareemi karin in Iiraan ay ka guuleysatay dagaalka ay kula jirto Israa’iil ilaa ay arkaan ama ka maqlaan Hoggaamiyaha Sare.

Afar sarkaal oo sarsare oo Iiraaniyiin ah, oo la socda doodaha siyaasadeed ee hadda ka socda dowladda, ayaa sheegay in maqnaanshaha Mr. Khamenei ay siyaasiyiinta iyo taliyeyaasha militarigu samaynayaan isbahaysiyo ayna awoodda isku heystaan. Kooxahan kala duwan waxay leeyihiin aragtiyo kala geddisan oo ku saabsan sida Iiraan ay horey ugu wadi lahayd barnaamijkeeda nukliyeerka, wada-xaajoodyadeeda Mareykanka, iyo is-mari-waaga Israa’iil.

Garabka hadda u muuqda inuu gacanta sare leeyahay ayaa riixaya dhex-dhexaadnimo iyo diblomaasiyad, sida ay sheegeen afarta sarkaal. Waxaa ka mid ah Mr. Pezeshkian, oo si fagaare ah u muujiyay inuu diyaar u yahay inuu ku laabto miiska wada-xaajoodka ee Mareykanka xitaa ka dib markii Mr. Trump uu duqeeyay xarumaha nukliyeerka ee Iiraan. Xulafada Mr. Pezeshkian waxaa ka mid ah madaxa garsoorka, Gholam-Hossein Mohseni-Ejei, oo xiriir dhow la leh Hoggaamiyaha Sare, iyo taliyaha cusub ee ciidamada qalabka sida, Maj. Gen. Abdolrahim Mousavi.

Kulankii golaha wasiirrada ee Arbacadii, Mr. Pezeshkian—oo xafiiska yimid sannadkii hore isagoo ballan qaaday inuu Iiraan ka dhigayo mid barwaaqo badan, bulsho ahaan furan, oo xiriir wanaagsan la leh reer Galbeedka—ayaa muujiyay inay tahay waqtigii la beddeli lahaa habka loo maamulo dalka.

“Dagaalka iyo midnimada shacabka waxay abuureen fursad aan ku beddelno aragtiyadeena ku aaddan hab-maamulka iyo dhaqanka mas’uuliyiinteena,” ayuu Mr. Pezeshkian ka hor sheegay golaha wasiirrada, sida lagu sheegay warbixin kulankaas ku saabsan oo uu soo saaray xafiiska madaxweynaha. “Tani waa fursad dahabi ah oo isbeddel lagu samayn karo.”

Dawladda Iiraan waxay isku dayeysaa inay ka faa’iideysato qiiro-wadaniyadeedka xooggan ee ka dhashay weerarradii cirka ee ba’naa ee Israa’iil, kuwaas oo ay saraakiishu sheegeen inay ku dhinteen in ka badan 600 oo qof gudaha Iiraan. Fannaaniinta Qaranka ee Tehran (Tehran’s National Symphony) ayaa riwaayad ku qabtay fagaaraha Azadi—oo ah goob astaan u ah xorriyadda—ee magaalada Tehran maalintii Talaadada. Waxaa xigay bandhig nalal ah oo sawirrada shaqaalaha gurmadka degdegga ah lagu soo bandhigayay munaaradda taagan badhtamaha fagaaraha.

Laakiin waxaa jira kooxo kale oo iyaguna loolan ugu jira saameynta, sida ay saraakiishu sheegeen.

Garab kale oo muxaafid ah oo ka soo horjeeda, oo uu hoggaamiyo siyaasi saameyn leh oo mawaaqif adag, Saeed Jalili, ayaa si fagaare ah u dhaleeceeyay madaxweynaha iyo wasiirkiisa arrimaha dibedda, isagoo su’aal geliyay sharciyadda waxa uu ugu yeeray xabbad-joojin “lama filaan ah” isla markaana cambaareeyay ku laabasho kasta oo lagu laabto wada-xaajoodka nukliyeerka ee Mareykanka.

Kooxdan waxaa ka mid ah kuwa mawaaqifka adag ee aqlabiyadda ku leh baarlamaanka iyo qaar ka mid ah taliyeyaasha sarsare ee Ilaalada Kacaanka.

Foad Izadi, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo muxaafid ah oo xiriir dhow la leh Mr. Jalili iyo Ilaalada Kacaanka, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in hadalka Mr. Pezeshkian ee ku saabsan wada-xaajoodyada hadda uu muujinayo in “madaxweynaha Iiraan uusan lahayn karti siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah inuu dalka hoggaamiyo.”

Ali Ahmadnia, oo ah madaxa isgaarsiinta ee madaxweynaha, ayaa si degdeg ah uga jawaabay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, isagoo cambaareeyay weerarrada muxaafidka ee ka dhanka ah madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibedda.

“Lama rabin inaan Israa’iil la dagaallanno habeen iyo maalin muddo 12 maalmood ah ka dibna aan idinkala tacaalno! Idinkoo ku mashquulsan dhammaystirka hal xiraalaha cadowga qalinna ku caawinaya,” ayuu qoray.

Qorshaha Iiraan ee ku aaddan xarumaheeda nukliyeerka ee burburay ayaa weli ah su’aal taagan. Wasiirka arrimaha dibedda, Abbas Araghchi, iyo madaxa Hay’adda Tamarta Atoomikada ee Iiraan, Mohammad Eslami, ayaa labaduba wareysiyo ay siiyeen warbaahinta maxalliga ah ku sheegay in Iiraan ay dib u dhisi doonto oo ay soo noolayn doonto barnaamijkeeda nukliyeerka ayna sii wadi doonto bacriminta Yuraaniyamka.

Sanam Vakil, oo ah agaasimaha Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee Chatham House, oo ah hay’ad cilmi-baaris, ayaa sheegtay in maqnaanshaha Mr. Khamenei uu yahay mid la dareemi karo oo calaamad u ah in hoggaamiyeyaasha Iiraan ay yihiin “kuwo aad u taxaddaraya oo dhanka amniga ka fikiraya.”

“Haddii aynaan arag Khamenei marka la gaaro Caashuura,” oo ah munaasabad diini ah oo muhiim u ah Muslimiinta Shiicada ee Iiraan lagu xuso horraanta bisha Luuliyo ee sannadkan, ayay tiri Ms. Vakil, “taasi waa calaamad xun. Waa qasab inuu is-muujiyo.”

 

Wararkii ugu dambeeyey ee rabshadaha Kenya iyo tirada dhimashada + Sawirro

Nairobi (Caasimada Online) – 16 qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyo ka dhan ah dowladda oo Arbacadii ka dhacay guud ahaan Kenya, kuwaas oo intooda badan ay dileen booliska, sida uu sheegay madaxa hay’adda Amnesty Kenya.

Rabshadahan ayaa ku soo beegmay sannad kaddib markii mudaharaadyo looga horjeeday sharciga canshuuraha ay ku dhammaadeen weerar lagu qaaday xarunta baarlamaanka.

Kumanaan Kenyan ah ayaa dibadbaxyo ka dhigay waddooyinka si ay u xusaan sanad-guuradii mudaharaadyadii sannadkii hore, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 60 qof, iyadoo booliska ay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyo xoog leh ku kala eryayeen dibadbaxayaasha caasimadda Nairobi, sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah iyo goobjooge ka tirsan Reuters.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa la galay iska hor-imaad booliska, waxaana lix iyo toban qof si rasmi ah loo xaqiijiyay inay dhinteen ilaa 8:30 fiidnimo, sida uu u sheegay Reuters agaasimaha fulinta ee Amnesty Kenya, Irungu Houghton, isagoo xusay in tirakoobkaasi ay si wadajir ah u xaqiijiyeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah iyo Guddiga Qaranka Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (Kenya National Commission on Human Rights – KNCHR).

“Intooda badan waxaa dilay booliska,” ayuu yiri Houghton, isagoo intaas ku daray in ugu yaraan shan qof si toos ah loo toogtay.

KNCHR, oo ah hay’ad dowladda maalgeliso, ayaa hore u sheegtay in siddeed dhimasho laga soo weriyay meelo kala duwan oo dalka ah, dhammaantoodna ay la xiriiraan “dhaawacyo kasoo gaaray rasaas toos ah”.

“In ka badan 400 dhaawac ayaa la diiwaangeliyay, kuwaas oo ay ku jiraan dibadbaxayaal, saraakiil boolis ah iyo suxufiyiin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu guddigu ku baahiyay boggiisa rasmiga ah ee X (hore Twitter).

Guddiga xuquuqda ayaa sidoo kale xusay in boolisku si ballaaran ugu sugnaayeen waddooyinka, iyadoo ay jiraan “eedo sheegaya in la adeegsaday awood xad-dhaaf ah, oo ay ku jiraan rasaas toos ah, xabo caag ah iyo biyo xoog leh, taasoo sababtay dhaawacyo badan”.

“Waxaan u banaanbaxaynaa rabshadaha booliska, cadaadiska dowladda, canshuurta sareysa iyo dhammaan wixii ka qaldamay dalka,” ayuu yiri Anthony oo ah 25 jir sidoo kalena ka ganacsanayay calamada Kenya, balse diiday inuu sheego magaciisa oo buuxa.

Dowladda ayaa amartay idaacadaha iyo telefishinada inay hakiyaan baahinta tooska ah ee dibadbaxyada, kuwaas oo kusii baahay magaalooyin kale oo ka baxsan caasimadda sida magaalada dekedda leh ee Mombasa.

NetBlocks, oo ah hay’ad caalami ah oo la socota internet-ka, ayaa sheegtay in xaddidaad lagu soo rogay baraha bulshada sida Telegram.

“Waxaan halkan u joognaa inaan nahay jiilkii dhalinyarada ahaa. Waxaan rabnaa isbedel dhab ah oo nidaamka ah. Nidaamku waa qaldan yahay, nidaamku waa musuq,” ayay tiri Florence Achala oo ka mid ahayd dibadbaxayaasha Nairobi.

– ‘Mooryaanta’ –

Waxaa sii kordhaysa caro ka dhalatay xadgudubyada booliska, gaar ahaan kaddib markii macallin dhawaan lagu dilay isagoo gacanta booliska ku jira.

Kooxo dibadbaxayaal nabadeed ah ayaa toddobaadkii hore lagu weeraray koox mootooyin watay oo loo yaqaan “Mooryaan” kuwaas oo ku hubeysnaa ulo iyo karbaashyo, isla markaana lala xiriiriyay inay is kaashanayeen booliska.

Safaaradaha waddamada reer Galbeedka ee Kenya ku yaalla sida Britain, Jarmalka iyo Maraykanka ayaa bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ku cambaareeyay isticmaalka “Mooryaan la kireystay” oo loo adeegsaday inay gudaha u galaan ama carqaladeeyaan isu imaatinka nabadda ah.

Inkasta oo aan mooryaanta si cad loo arkin Arbacadii shalay, haddana booliska ayaa isticmaalay sun badan oo dadka ka ilmeysiisa iyo biyo xoog badan oo ay kula dagaallameen dibadbaxayaasha.

Qareen siyaasadeed Javas Bigambo ayaa sheegay inuu ka walwalsan yahay in kooxaha siyaasadda ay ka faa’iideystaan xiisadda taagan si ay colaadda u sii huriyaan.

“Ma jirto wax wanaagsan oo laga xusi karo dhacdooyinkii sannadkii hore,” ayuu yiri. “Haddii aan daacad ka nahay inaan xusno 25-ka Juun, waa inay noqotaa xus xasiloon, duco iyo is-xakameyn leh.”

– Niyadjab –

Waxaa sii xoogaysanaysa niyadjabka laga qabo Madaxweyne Ruto oo talada qabtay sannadkii 2022 isagoo ballanqaaday horumar dhaqaale oo degdeg ah.

Dad badan ayaa ka niyad jabsan isbeddel la’aanta sii socota, musuq-maasuqa iyo canshuurta sareysa, xitaa kaddib markii mudaharaadyadii sannadkii hore ay ku qasbeen Ruto inuu ka laabto sharciga dhaqaalaha ee aan laga helin shacabka.

Dowladdiisa ayaa sanadkan isku dayaysay inay iska ilaaliso canshuur kordhin toos ah. Si kastaba ha ahaatee, maqnaanshaha soo noqnoqda ee dhaleeceeyaasha dowladda—iyadoo ururada xuquuqda aadanuhu ay tirinayaan in ka badan 80 qof oo weli la la’yahay—ayaa horseeday eedeymo sheegaya in Ruto uu Kenya ku celiyay xilligii madoobaa ee kaligii-talisnimada 1980-meeyadii iyo 1990-meeyadii.

Ruto ayaa horey u ballanqaaday inuu joojinayo afduubka, balse hadal uu jeediyay Talaadadii wuxuu si aan ka leex-leexad lahayn u sheegay inuu “garab taagan yahay” booliska.

Xasan Sheekh oo aqbalay qodob muujinaya in uu dalka qalalaase geliyey – Sidee?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta mucaaradka u aqoonsatay koox ka badbaadineysa dalka, kadib markii ay aqoonsatay magacooda ‘Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed’ taas oo ka dhigan in guul siyaasadeed oo deg deg ay ka gaareen la kulankii Xasan Sheekh.

Mucaaradka oo dabayaaqadii bishii May ku shiray Jazeera hotel ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyeen in uu burburinayo dowladnimada Soomaaliya, dalkuna u baahan yahay in laga samatabixiyo, waxayna aasaaseen Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedkii ay maanta Madaxtooyadu ka soo saartay shirkii Madaxweynuhu la yeeshay mucaaradkiisa ayaa lagu xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh la kulmay ‘Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.’

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aqoonsiga madashaan ee dowladda ku macneeyey inuu ka dhigan yahay in Madaxweynuhu qiray in uu dalka iyo dowladnimada galiyay xaalad adag oo u baahan in laga samatabixiyo.

Hadda Soomaaliya waa dal Madaxweynihii samatabixin lahaa uu aqbalay in isaga laga samatabixiyo, sidaas waxaa qoraya dadka falanqeeya siyaasadda.

Kulankii Madaxweynaha JFS, Guddiga Dowladda ee u xil-saaran wadahadallada iyo xubnaha Madasha Samatabixinta, waxaa la isku raacay in laga wadahadlo afar ajende oo muhiim u ah dowlad-dhiska dalka, kuwaas oo kala ah:

1-Adekeynta midnimada dalka,

2-Hanaanka dib u eegista dastuurka,

3-Amniga iyo ciribtirka argagixisada,

4-Hanaanka doorashooyinka tooska ah oo heshiis lagu yahay.

Eritrea oo QM u gudbisay go’aan xasaasi ah oo walaac ku abuuray Reer Galbeedka

Asmara (Caasimada Online) – Eritrea ayaa isku dayaysa inay meesha ka saarto xafiiska khabiirka Qaramada Midoobay ee baaraya eedaha tacaddiyada xuquuqda aadanaha, sida lagu sheegay dukumeenti loo gudbiyay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay. Tallaabadan oo ah mid naadir ah ayaa diblomaasiyiinta reer Galbeedka ka walwalsan yihiin inay waddamada kale u noqoto tusaale ay ku raadsadaan sidii ay uga baxsan lahaayeen dabagalka iyo baaritaannada caalamiga ah.

Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, oo hadda uu hayo qareenka xuquuqda aadanaha ee u dhashay Suudaan Maxamed Cabdisalaam Baabikar, ayaa loo igmaday inuu diiwaangeliyo xadgudubyada ka dhacaya gudaha Eritrea, halkaas oo ururrada bulshada rayidka ah sida Human Rights Watch ay sheegeen in ku-takrifalka xuquuqdu yahay mid baahsan oo aan lala xisaabtamin.

Warbixin uu soo saaray bishii May ayuu Baabikar ku tilmaamay xaaladda xuquuqda aadanaha ee Eritrea inay tahay mid aad u daran, isagoo soo bandhigay kiisas xarig aan sharci ahayn, dadka la waayo iyagoo la afduubtay, iyo adeegga qaranka iyo kan milateriga oo si dheer loogu hayo dadka, taasoo kumannaan qof ku qasbaysa inay dalka ka qaxaan.

Wasaaradda warfaafinta ee Eritrea iyo ergada diblomaasiyadeed ee dalkaasi ku leedahay Geneva ayaan markiiba ka jawaabin codsiyo loo diray oo ku aaddanaa inay arrintan ka hadlaan.

Eritrea, oo muddo dheer kasoo horjeedday xafiiskan, ayaa wafdi ballaaran u dirtay kulan ay Qaramada Midoobay ku yeesheen magaalada Geneva maalintii Isniinta, si ay usoo bandhigaan qorshahooda diiddan baaritaannada gaarka ah ee lagu beegsado dalalka gaar ahaan. Dalalka ay kamid yihiin Suudaan, Ruushka iyo Iiraan ayaa taageeray mowqifka Eritrea, halka Midowga Yurub iyo Britain ay kamid ahaayeen kuwa si xoog leh uga hor yimid, sida ay diblomaasiyiintu sheegeen.

Xafiiska khabiirka Qaramada Midoobay ee arrimaha Eritrea waxaa markii ugu horreysay la aasaasay sanadkii 2012, waxaana sanad walba cusboonaysiiya Golaha Xuquuqda Aadanaha ee fadhigiisu yahay Geneva, iyadoo dhowaan dadaalkaas uu hoggaaminayay Midowga Yurub. Sanadkanse Eritrea ayaa iyadu kahortagtay, iyadoo soo jeedisay mooshin kale oo looga golleeyahay in gabi ahaanba la joojiyo xafiiskaas, sida ku cad dukumeentiga.

Inkasta oo waddamada baaritaannada Qaramada Midoobay lagu sameeyo ay inta badan isku dayaan inay kahor yimaadaan ama daciifiyaan, haddana khubarada xuquuqda ayaa sheegaya in tani ay tahay markii ugu horreysay muddo ku dhow 20 sano jiritaanka golahan ee la hor keeno soo jeedin rasmi ah oo lagu doonayo in gabi ahaanba la baabi’iyo xafiis baaritaan xuquuqda aadanaha ah. Waxaana jira walaac laga muujinayo inay tani dhiirrigeliso waddamada kale ee raadinaya inay iska caabiyaan tallaabooyinka lala xisaabtamayo. Sannadkii 2023, Itoobiya ayaa isku dayday inay xafiis sidan oo kale ah kahor waqtiga xirto, balse markii dambe ay dib uga noqotay go’aankaas.

“Midowga Yurub wuxuu xusuusinayaa in madaxbannaanida iyo faro-gelinta la’aanta arrimaha gudaha aysan waddamada ka xoreynayn waajibaadkooda sharciga xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah,” ayuu yiri ergayga Midowga Yurub warbixin uu la wadaagay Reuters, isagoo intaa ku daray in diidmada Eritrea aysan noqon karin sabab looga baxsado dabagalka caalamiga ah.

Inta badan baaritaannada kale ee uu goluhu qabto waxay ka yimaadaan dalalka reer Galbeedka, sida baaritaannada lagu hayo Ruushka iyo Suudaan. Mararka qaar, caddeymaha kasoo baxa baaritaannadaas ayaa loo adeegsadaa dacwad-oogayaasha caalamiga ah.

Codbixinta arrintan ayaa la filayaa inay dhacdo bisha soo socota.