27.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Imaaraadka oo heshiis difaac deg deg ah la galay dal kale xilli uu ka baqayo Sacuudiga

New Delhi (Caasimada Online) – Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Hindiya ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn oo ay ku sii xoojinayaan xiriirkooda difaaca iyo ganacsiga, iyagoo kala saxiixday heshiisyo dhawr ah oo ku kacaya balaayiin doollar. Heshiisyadan ayaa la dhammaystiray intii lagu guda jiray booqasho gaaban oo Madaxweynaha Imaaraadka, Maxamed bin Zayed Al Nahyan, uu ku tagay magaalada New Delhi.

Sida ku cad heshiisyada, Imaaraadku wuxuu Hindiya siin doonaa gaas dabiici ah oo qiimihiisu gaarayo $3 bilyan, wuxuuna qayb ka noqon doonaa waxa loogu yeeray “iskaashi weyn” oo lagu horumarinayo aag maalgashi oo ku yaalla gobolka Gujarat ee galbeedka Hindiya.

Wadahadallada lagu kala saxiixday heshiisyadan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Imaaraadka, oo ay wehlinayeen wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee dalkaas.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay inay sahamiyaan horumarinta wadajirka ah ee teknoolajiyadda nukliyeerka, waxayna saxiixeen warqad is-afgarad (letter of intent) oo ujeedkeedu yahay in la aasaaso iskaashi difaac oo istiraatiiji ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Vikram Misri, ayaa sheegay in qaab-dhismeedkan cusub uu ballaarin doono iskaashiga milateri, oo ay ku jirto in si wadajir ah loo soo saaro hubka iyo tiknoolajiyadaha casriga ah.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, heshiisyadan ayaa qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu doonayo in ganacsiga labada dal la gaarsiiyo $200 bilyan marka la gaaro sannadka 2032, taas oo ah laba-jibaarka inta uu hadda yahay.

Loolanka sii xoogaysanaya 

Heshiiskan difaaca ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Imaaraadka iyo Sacuudiga, iyadoo danaha dhaqaale iyo kuwa juqraafi-siyaasadeed ee kala duwan ay isu beddelayaan loolan muuqda.

Labadan dal ee Khaliijka ayaa ku loolamaya saameynta Yemen iyo Geeska Afrika, iyagoo sidoo kale taageeraya dhinacyada iska soo horjeeda ee dagaalka sokeeye ee Suudaan.

Riyadh ayaa ka jawaabtay saameynta sii kordhaysa ee Abu Dhabi ku leedahay Badda Cas iyo Afrika iyadoo samaysatay isbahaysi difaac oo ay la gashay Pakistan oo haysata hubka nukliyeerka, waxaana la sheegayaa in Turkigu uu ku dhow yahay inuu ku biiro qorshahaas.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Sacuudigu uu ka fiirsanayo dhismaha isbahaysi labaad oo milateri oo diiradda saaraya Badda Cas, kaas oo laga yaabo inay ku jirto Masar.

“Heshiiska difaaca ee Abu Dhabi ay la gashay New Delhi wuxuu u muuqdaa mid istiraatiijiyad gaashaamasho ah,” ayay tiri Sabena Siddiqui oo ah falanqeeye arrimaha juqraafi-siyaasadda, mar ay la hadashay wargeyska The New Arab. “Waxay u muuqataa in Imaaraadku uu isku dayayo inuu muujiyo in isaguna uu dhankiisa ku haysto awood milateri oo weyn.”

Si kastaba ha ahaatee, iskaashigan ma gaarsiisna heshiiska difaaca wadaagga ah ee dhex maray Sacuudiga iyo Pakistan, qodobkaas oo uu si gaar ah u xusay xoghayaha arrimaha dibadda ee Hindiya.

“Ka qayb-qaadashadayada dhinaca difaaca iyo amniga ee aan la leenahay dal ka tirsan gobolka, macnaheedu maahan inaan si gaar ah ugu lug yeelanayno colaadaha gobolka,” ayuu Misri u sheegay suxufiyiinta.

Andreas Krieg, oo bare ka ah Dugsiga Daraasaadka Amniga ee King’s College London, ayaa sheegay in heshiisyadani ay u oggolaanayaan Abu Dhabi inay ballaariso xiriirradeeda istiraatiijiga ah iyadoo aan ku dhex milmin khilaafaadka gobolka ee Hindiya.

“Abu Dhabi waxay doonaysaa faa’iidooyinka istiraatiijiyadeed ee ka dhasha u dhawaanshaha Hindiya, iyadoo aan dusha u ridan culayska khilaafaadka Hindiya ama aan lagu qasbin inay kala doorato xulafada is-diidan,” ayuu u sheegay The New Arab. 

Wuxuuna hadalkiisa kusoo xiray: “Natiijada ugu dambaysaa waa ballaarinta xulashooyinka istiraatiijiga ah ee Imaaraadka iyo adkaynta awoodda Sacuudiga ee ah inuu kaligiis qaabeeyo isbahaysiyada Koonfurta Aasiya isagoo u maraya Pakistan, iyadoo aan loo baahnayn in Khaliijka loo kala qaybiyo laba xero oo si adag isu haya.”

Al-Shabaab oo qaraxyo ku weeraray saldhigyo ku yaalla…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay saaka dagaal-yahaanno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo Ciidanka Jubaland ku leeyihiin aagga xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan deegaanada Buurgaabo iyo Jasiiradda Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose.

Saldhigyada oo ay daganaayeen Daraawiishta Jubaland ayaa waxaa aroornimadii hore ee saaka weeraro ku eekeysay kooxda Al-Shabaab, kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo ilaa iyo hadda ka socda halkaasi, kaasi oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Al-Shabaab oo qoraal ku baahisay barahooda bulshada ayaa sheegtay inay la wareegtay deegaannada Buurgaabo iyo Jasiiradda Kudhaa, isla markaana khasaare culus ay gaarsiisay ciidankii ku sugnaa halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhankooda saraakiil u hadashay Jubaland ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Khawaarijta, waxayna intaasi ku dareen in dagaalka ay ku dileen maleeshiyaad badan.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada labada dhinac, waxaana weli xaaladda deegaanka Buurgaabo ay tahay mid aad u kacsan, waxaana ka socda dagaalka, iyadoo gurmadyo ay helayaan labada dhinac.

Inta badan Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii uu dambeeyay ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka socdeen gobollada Jubooyinka, waxaana iska kaashanayay Ciidanka Daraawiishta Jubaland iyo kuwa Danab oo inta badan beegsada xarumaha muhiimka ah ee argagixisada.

Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Cyril Ramaphosa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha gobolka.

Ugu horreyn labada madaxweyne oo ku wada-hadlay khadka taleefoonka ayaa isla soo qaaday kor u qaadista iskaashiga arrimaha gobolka ee ay dano wadaagga ka yihiin iyo adkaynta nabadgelyada iyo horumarka.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo horay u caddeeyay mowqifkiisa ku aadan madax-banaanida Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada dowladda Koonfur Afrika ay u hayso midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in si adag ay u cambaareynayaan xadgudubka Israa’iil oo iyadu aqoonsi siisay gobolka kamid ah Soomaaliya.

Dhankiisa, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyay dhiggiisa Koonfur Afrika, wuxuuna sheegay inay sii xoojin doonaan iskaashigooda, ayna ka wada shaqeyn doonaan arrimaha gobolka iyo xal u helidda iyo caqabadaha taagan.

Wada-hadalkan ayaa imaanaya xilli ay weli isa soo tarayaan fal-celinta iyo mowqifyada dalalka gobolka iyo kuwa caalamka ee la xiriira arrinta Somaliland iyo doodaha ka dhashay aqoonsiga ay sheegtay inay ka heshay Israa’iil.

Israa’iil ayaa 26-kii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Arrintan ayaa Israa’iil ka dhigtay dalkii ugu horreeyay ee tallaabadan qaada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xidhay qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Golaha Mustaqbalka oo ku dhawaaqay qorshe lagu badbaadinayo dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo maanta warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubaland iyo Puntland uu bilaabi doono kulamo diiradda lagu saarayo xaaladda guud ee dalka, midnimada iyo samatabixinta qaranka.

Koofi ayaa shaaca ka qaaday in dhaq-dhaqaaqooda uu bilaaban wixii ka dambeeya maanta, isla markaana ay dajin doonaan qorshe ballaaran oo lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo bandhigi doonaan barnaamijyadooda, ayna diyaar u yihiin cid kasta oo kala doodeysa, si loo samatabixiyo dalka.

“Maanta waa 20-ka Jannaayo. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu maalmahaan ka arrinsan doonaa xaaladda dalka, midnimada iyo samatabixinta qaranka. Goluhu wuxuu soo bandhigi doonaa qorshe howleed siyaasadeed oo lagu badbaadinayo dowlanimada, wuxuuna diyaar u yahay cid kasta oo kala doodaysa ama ra’yi kale haysa” ayuu Maxamed Aadan Koofi.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay qaataan kaalintooda, una istaagaan sidii loogu gudbi lahaa marxaladda adag ee waddanka uu ku jiro, gaar ahaan xaaladda kala guurka ah.

“Muwaaddin maanta ayuu kuugu baahi badan yahay qarankaagu ee ha ku habsaamin doodaha aan daacadda laga ahayn iyo ismoodsiiska hoggaanada fashilmay” ayuu mar kale Koofi.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo xalay madaxweynaha Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubaland iyo Puntland.

Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyada oo bayaanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya lagu shaaciyay in shirweynahaas uu Muqdisho ka furmi doono 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa talo soo-jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxay casuumaad rasmi ah u fidinaysaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo aad u cakiran, isla markaana ka dhalatay isfaham-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka, waxaana sidoo kale usii dheer arrinta midnimada iyo abaaro ka jira waddanka.

Puntland oo go’aan kasoo saartay ciidankii tegay Laascaanood

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Mudane  Ilyaas Cismaan Lugatoor oo maanta hadal siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan ciidamada Danab ee Puntland ee maalin kahor tegay magaalada Laascaanood, iyaga oo sugay amniga madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka qayb-galay caleema saarkii madaxweynaha dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Firdhiye.

Lugatoor ayaa sheegay in ciidankaas ay lacag ka qaateen madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo go’aan kasoo saaray wuxuuna tilmaamay inay yihiin ciidamo Puntland ah, isla markaana aysan u aqoonsan doonin kuwa federaal ah kadib markii dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu ciidankaas ku sheegay inay yihiin kuwa ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in madaxweynaha ay u harsan tahay bilo kooban.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray siyaasiyiinta kasoo jeeda Puntland oo uu ugu baaqay inay fiiriyaan danta guud iyo sidoo kale dadka ay metalaan.

“Ciidamada Puntland ee Xasan Sheekh Xoogaaga lacagta siiyay uma aqoonsan doono ciidan Fadaraal ee waa ciidamo reer Puntland ah, waana Wiilashii Quruxda Puntland leedahay ka shaqeeyay, Siyaasiyiinta Reer Puntland ee waxaan leenahay, Xasan dhowr bilood ayaa u hartaye la shaqaysta balse dalkiina ha dhibtaynina Berri ayaad xukumi doontaane”. ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenku.

Hadalkan  ayaa imaanaya, iyada oo dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ay sheegtay in cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Janaraal Jimcaale Jaamac Takar ay ka qayb-qaateen sugidda amniga madaxdii isugu tegtay magaalada Laascaanood.

Ciidamadan oo muddooyinkii ugu dambeeyay deggenaa duleedka magaalada Garoowe ayaa Arbacadii gudaha u galay Laascaanood, iyaga oo wata gaadiid dagaal, kadibna waxay ku laabteen xaruntooda milatari ee aagga Garoowe.

Puntland ayaa si weyn uga oo horjeedo maamulka dariska la’ah ee Waqooyi Bari, waxayna kula jirtaa xifaaltan soo bilowdy markii ay Dowladda Federaalka aqoonsi buuxa siisay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood.

Maxay DF ka tiri go’aankii kasoo baxay Maxkamada Racfaanka EAC?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweysay go’aanka ay shalay Maxkamada Racfaanka EAC ka gaartay kiiska xildhibaannadii ay dirsatay oo horay koox xildhibaano Soomaali ah uga gudbiyeen dacwad ka dhan ah qaabka ay u dhacday doorashadooda.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa loogu mahadceliyay Maxkamadda Cadaaladda ee Bulshada Bariga Afrika, taas  oo laashay dacwaddii laga gudbiyay xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC, waxayna ku dhawaaqday inay yihiin kuwa sharci ah.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa amartay in la dhaariyo xubnaha Soomaaliya oo ay horay u doorteen labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, si ay u gataan waajibaadkooda, uguna biiraan golaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxayn tilmaamtay in go’aankan uu meesha ka saaray hakinta lagu sameeyay sagaalka xubnood ee metalaya Soomaaliya, kadib markii lagu eedeeyay ‘inay kusoo baxeen qaab musuq-maasuq ah’.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa go’aanka Maxkamadda Rafcaanka Bariga Afrika ee 19 Janaayo 2026, kaas oo meesha ka saaray go’aamadii hore ee hakinta ku sameeyay dhaarinta wakiillada Soomaaliya ee loo doortay Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA)” ayaa lagu yiri  qoraalka.

Waxaa kale oo Wasaaraddu ay hambalyo u dirtay sagaalka xubnood ee ugu dambeyn la ansixiyay, si ay u metalaaan dowladda Soomaaliyeed.

“Wasaaraddu waxay hambalyeynaysaa sagaalka Xildhibaan ee EALA ee uu doortay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo mar kale xaqiijinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), gaar ahaan arrimaha ganacsiga, isu-socodka, horumarka, iyo xasilloonida” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya ayaa noqotay xubinta siddeedaad ee Ururka Iskaashiga Geeska Afrika (EAC) dabayaaqadii sannadkii 2023, iyadoo dhammaystirtay hannaanka ansixinta horraantii sannadkan. Bishii Oktoobar, Baarlamaanka Federaalku wuxuu doortay sagaal xubnood oo dalka u matali lahaa EALA, kuwaas oo 5 kamid ah ay yihii rag, halka 4 kalena ay yihiin dumar, waxayna ka yihiin;- 1. Xuseen Xasan Maxamed 2. Fadumo Cabdullaahi 3. Sahra Cali Xasan 4. Cabdisalaam Hadliye 5. Fahma Axmed Nuur 6. Abuukar Mardaadi 7. Feysal Cabdi Rooble 8. Ilhaan Cali Garas 9. Cabdiraxmaan Bashiir Shariif.

Si kastaba, go’aankan kama dambeysta ah ee ay shalay ku dhawaaqday Maxkamadda Racfaanka EAC ayaa noqday imtixaan culus oo ay ka gudubtay Soomaaliya, sidoo kalena lagu eegay sida ururka iyo xubintiisa cusub ay ugu tixgeliyeen mabaadi’da dimoqraadiyadda gobolka iyo hufnaanta metalaadda.

Xog: Madaxweynaha Somaliland oo u baxay safar la qariyay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay ka ambabaxeen garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, iyada oo la qariyay ujeedka rasmiga ah ee safarkooda.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in Cirro diyaarad qaas ah ay ka qaaday Hargeysa, waxaana safarkiisa uu dhaliyay hadal-heyn xooggan.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada iyo xukuumadda oo ku aadan safarka uu galay madaxweynaha, xilli goor sii horreysay ay soo baxeen warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in uu kusii jeedo magaalada Tel Aviv ee caasimada Israa’iil.

Hadal-hayntan ayaa sii xoogeysatay Axaddii, 18-kii Janaayo, kadib markii qoraal lagu baahiyay barta X (hore Twitter) ee akoon ku magacaaban “Rabbi Avi Hirsch” uu sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu baxayo Israa’iil si uu u dhammeystiro ku biirista heshiisyada Abraham Accords.

Si kastaba ha ahaatee, akoonkaas oo isticmaalayay sawirka falanqeeye siyaasadeed oo Soomaali ah ayaa markii dambe la xiray (suspended), iyadoo dad badan ay ku tilmaameen mid marin-habaabin ah oo aan lagu kalsoonaan karin.

Inkastoo isha warkaas ay noqotay mid shaki weyn la geliyay, haddana xogta duullimaadyada ee ilaha furan (OSINT) ayaa muujisay dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn. Diyaarad khaas ah oo nooceedu yahay Hawker 800XP (T7-NKS) ayaa la xaqiijiyay inay Axaddii ka soo duushay garoonka Ben Gurion ee Israa’iil, iyadoo soo martay hawada Itoobiya kuna degtay Hargeysa.

Dhacdooyinkan ayaa imaanaya wax ka yar bil kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweyne Cirro ay yeesheen wada-hadal taleefan 26-kii Diseembar 2025. Wicitaankaas oo ahaa mid taariikhi ah, ayuu Netanyahu ku sheegay in Israa’iil ay aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland, isagoo casuumaad rasmi ah u fidiyay madaxweynaha. Cirro ayaa waqtigaas aqbalay casuumaadda, isagoo ballanqaaday inuu booqan doono Israa’iil “sida ugu dhaqsaha badan” sanadka 2026.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid tallaabada Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay xadgudub qaawan oo ka dhan ah qaranimada iyo midnimada Soomaaliya. Beesha caalamka intiisa badan ayaa weli u arka Somaliland inay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, inkastoo gobolku uu ku dhawaaqay madax-bannaani sanadkii 1991-kii.

Xilli uu jiro xiisad diblomaasiyadeed iyo hubanti la’aan ku aaddan warka safarka, indhuhu waxay ku sii jeedaan Hargeysa iyo Tel Aviv wixii warar rasmi ah ee soo kordha.

 

DF Soomaaliya oo wafdi culus u dirtay Qatar + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus oo heer wasiir ah u dirtay magaalada Dooxa ee caasimada ee dalka Qatar, kaas oo goordhow ka duulay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayo wasiirka amniga gudaha, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxaana qayb ka ah saraakiil kale oo muhiim ah.

Xubnahan ayaa ku biiri doono mas’uuliyiin kale oo uu kamid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan Dooxa, halkaas oo ay ka wadaan kulamo xasaasi ah oo u dhexeeyo Soomaaliya iyo Qatar.

Ujeedka safarka wafuudan ayaa la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, iyada oo la filayo in sii adkeeyaan iskaashigooda, ayna galaan heshiisyo horleh.

Shalay ayay ahayd markii wasiir Axme Macallin Fiqi uu Dooxa ku saxiixay heshiis difaac oo ay Soomaalia la gashay dowladd Qatar, iyada oo arrintan kusoo beegmeyso waxyar uun kadib markii dowladdu cayrisay Imaaraadka.

Kulamada ayaa sii socon doono, iyada oo socdaalkan wafdiga Soomaaliya uu qaadan doona muddo toddobaad ah, waxaana jiro doono wada-hadallo diiradda lagu saari doono casriyeynta ciidamada qalabka sida ee xoogga dalka iyo kuwa  badda oo waajibaadkooda noqon doono in ay door ka ciyaaraan ilaalinta khayraadka iyo amniga biyaha Soomaaliya.

Qadar oo kamid ah dalalka sida dhow u taageera dib u dhiska ciidanka qalabka sida, waxaana mar kale lagu wadaa inay xoojiso taageerada milatari ee dalka.

Soomaaliya ayaa haatan dabacsanaan wayn u muujineyso Dooxa, si ay u noqoto beddalka Abu Dubai oo ay kula tageen maalmo kahor, kadib go’aankii Golaha Wasiirada oo lagu burburiyay heshiiyadii horay loola galay Imaaraadka.

Imaaraadka oo maanta shaqaalihiisii kala baxay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Boosaaso ayaa sheegaya in maanta Imaaraadka Carabta uu bilaabay in magaaladaas uu kala baxo shaqaalahii ka joogay halkaas, sababo la xiriira fulinta go’aanka dhawaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo joojisay wada-shaqeyntii Abu Dubai.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maanta garoonka Boosaaso laga dhoofiyay shaqaale intooda badan ka soo jeeda dalka Colombia, isla-markaana u shaqeynayay Imaaradka Carabta oo xiriir xooggan la leh Puntland.

Raritaanka muuqda ee qalabka iyo shaqaalaha Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa calaamad u ah sare u kac weyn oo ku yimid xiisadda iyo suurtagalnimada in Imaaraadku dib u habeyn ku sameeyo joogitaankiisa Soomaaliya, in kasta oo saameyntiisu ay weli xooggan tahay dhanka maamul-goboleedyada.

Duulimaadyadan ayaa billow u ah tallaabo ballaaran oo Imaaraadku ku raranayo qalabkiisa Soomaaliya, kadib markii Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka ay dhawaan laaleen heshiisyadii amni iyo kuwii difaac ee horay loola galay Imaaraadka.

Arrintan ayaa sidoo kale daba socotay warbixinno sirdoon oo sheegay in diyaarad milatari oo Dubai leedahay ay si aan fasax lahayn usoo gashay hawada Soomaaliya, taas ‘oo wadday hoggaamiyaha Golaha ku-meel-gaarka Koonfurta Yemen (STC), Caydaruus al-Zubaydi’ oo baxsaday xilli la filayay inuu tago wada-hadallo ka qorshaysnaa Sacuudi Carabiya.

Go’aankan waxaa kale oo uu soo afjarayaa siyaasadda is-barbar yaaca ah ama afka qalaad lagu yiraahdo (Foreign Policy Fragmentation). Dhibaatada ugu weyn ee haysatay Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay waxay ahayd in dowlad goboleedyada qaarkood ay u dhaqmayeen sidii dowlad-madax-bannaan oo xiriira toos ah la sameynaya dalal shisheeye.

Si kastaba, Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa hadda ku jira maalmihii ugu adkaa, iyada oo dhawaan Soomaaliya ay si toos ah ula safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ku taageertay hoggaaminta arrimaha gudaha ee  Yemen.

Sacuudiga ayaa si weyn u taageera midnimada Yemen ee hoos timaadda Golaha Hoggaanka Madaxweynaha (PLC), halka Imaaraadkuna uu taageero aragtida STC ee ku wajahan in koonfurta Yemen yeelato maamul gooni ah.

Israel oo aad uga walaacsan tallaabooyin uu dal kale ka waddo gudaha Soomaaliya

Tel Aviv (Caasimada Online) – Warbixinno ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil ayaa ka digay in Masar ay ballaarineyso joogitaankeeda milatari iyo midka amni ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika, tallaabadan oo lagu sheegay mid jawaab toos ah u ah waxa ay Qaahira u aragto saameynta sii kordheysa ee Israa’iil ku leedahay gobolka.

Sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay talefishinka ku hadla afka Cibraaniga ee i24News, Masar waxay sare u qaadday lugta ay ku leedahay arrimaha Soomaaliya kadib markii Israa’iil ay aqoonsatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Dhaq-dhaqaaqaas aqoonsiga ah waxaa la sheegay in hay’adaha amniga Masar ay u arkaan khatar toos ah oo ku wajahan xasilloonida gobolka iyo danaha istiraatiijiyadeed ee Masar. 

Ilo dhanka amniga ah oo Israa’iiliyan ah, laguna xusay warbixinta, ayaa sheegay in Masar ay xoogga saareyso taageerada dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ujeeddada Masar ayaa lagu sheegay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo ka hortagga cawaaqib-xumo dhanka amniga ah oo ka dhalan karta dhaq-dhaqaaqyada Israa’iil ee Geeska Afrika.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in saraakiisha Masar ay aaminsan yihiin in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo ay Yuhuuddu ku dooneyso inay saldhig istiraatiijiyadeed uga sameysato agagaarka Marinka Baabul Mandab iyo Badda Cas, kuwaas oo ah goobo halbowle u ah amniga badaha ee Masar.

Waxaa kale oo jirta cabsi ay Qaahira qabto oo ah in Israa’iil ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Itoobiya, xilli xiriirka Masar iyo Addis Ababa uu aad u xun yahay sababo la xiriira Biyo-xireenka GERD iyo arrimaha wabiga Nile.

Isagoo la hadlayay kanaalka, falanqeeye Israa’iili ah oo lagu magacaabo Eddy Cohen ayaa Israa’iil ku tilmaamay “awood weyn” (Superpower) oo dooneysa inay saameynteeda ku fidiso meel ka baxsan Bariga Dhexe ilaa gudaha Afrika, si ay ugu dhowaato cadowgeeda gobolka.

Warbixintu waxay xustay in Masar ay billowday inay ciidamo iyo la-taliyayaal milatari u dirto Soomaaliya horraantii 2024-kii, kadib heshiis difaac oo dhexmaray labada dal. Wixii intaas ka dambeeyay, Qaahira waxay Muqdisho siisay taageero amni iyo mid saadka ah, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Qiyaaso dhanka amniga ah oo i24News soo xigatay ayaa tirada ciidamada Masar ee hadda ka hawlgala Soomaaliya ku sheegay dhowr kun, kuwaas oo ku jooga heshiisyo laba geesood ah iyo qeyb kamid ah howlgallada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.

Isimada Daarood oo mowqif ka soo saaray aqoonsiga Israel ee maamulka Somaliland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka beelaha Daarood oo uu ugu horeeyo Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa soo saaray bayaan ay ku muujinayaan diidmadooda aqoonsiga Israa’iil ay sheegtay inay siisay Somaliland.

Bayaankan ayaa si adag loogu cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil, taas oo Isimada ay sheegeen inay ka hor imanayso midnimada iyo wadajirka dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxay xad-gudub ku tahay qawaaniinta iyo axdiyada Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah ee ilaalinaya madax-bannaanida dalalka, waxayna hurineysa kala-qaybsanaan iyo xasillooni-darro siyaasadeed, amni, dhaqaale, mid bulsho iyo mid juqraafi siyaasadeedba (geopolitics),” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, Isimada ayaa bogaadiyay horumarka iyo dowlad dhiska ay muddada kooban ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Waqooyi Bari, iyagoo wajahaya caqabado siyaasadeed iyo kuwa amni.

“Waxaan boogaadinaynaa kaalinta wanaagsaan ee u hiilinaysa midnimada iyo wadajirka ee madaxda qaranka ee uu horreeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee ay ka qaateen taageeridda maamulka curdanka ah ee Waqooyi-Bari.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayey ugu baaqeen xoojinta iyo garab istaagga maamulka Waqooyi Bari, oo ay sheegeen inuu dhiig badan u shubay adkaynta wada jirka midnimada dalka.

Isimada dhaqanka beelaha Daarood ayaa sidoo kale waxay taageereen go’aanka Dowladda Federaalka ee burinta dhammaan heshiisyada lala galay Imaaraadka Carabta kadib markii ay ku xad-gudbeen midnimada, madaxbannaanida dalka, iyo eadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan si buuxda u bogaadinaynaa doorashadii qof iyo cod ee Golaha Deegaanka ee ka dhacday Muqdisho, 25 December 2025, taas oo muujisay: In doorasho isku tashi ah oo qof iyo cod ah lagu hirgelin karo si nabdoon iyo in shacabka u dooran karaan hoggaankooda si daahfuran,” ayaa lagu yiri bayaanka Isimada dhaqanka Daaroo.

Sidoo kale waxaa lagu yiri: “Haddii doorasho qof iyo cod ah qabsoomi weydo, waxa aan soo jeedinaynaa in kuraasta loo soo celiyo Beelaha Soomaaliyeed sidii dhacday 2012-kii.”

Ugu dambeyntiina, Isimada dhaqanka ayaa waxay Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada ku adkeeyeen inay si wadajir ah u ilaaliyaan madax-bannaanida, midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed, isla markaana aysan kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee gudaha uusan dhaawicin midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Imaaraadka Carabta oo beeniyay in uu xabsiyo qarsoodi ah uu ku lahaa…

0

Dubai (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa beenisay inay saldhigyo iyo xabsiyo qarsoodi ah ku laheyd garoonka diyaaradaha Riyan ee dalka Yemen.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu beeniyay hadalkii Guddoomiyaha gobolka Hadramawt ee Yemen, Salem Al-Khanbashi oo sheegay in Imaaraadka uu garoonka diyaaradaha Riyan u adeegsaday xeryo qarsoodi ah, xabsiyo iyo goobo lagu kaydiyo walxaha qarxa.

Guddoomiyaha Hadramawt ayaa muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ku sheegay in Imaaraadku uu garoonka Riyan u beddelay saldhigyo lagu ururiyo hub iyo walxo qarxa, si loo sii huriyo colaadda Yemen.

Waxa uu sheegay in halkaas ay ku yaalleen xabsiyo aan horay loo shaacin oo dad lagu hayay.

Dhankiisa, Isu-tagga Imaaraatka Carabta ayaa xaqiijiyay inuu si rasmi ah uga baxay koonfurta Yemen 2-dii Janaayo 2026, isla markaana uusan dalkaas kaga tegin wax qalab militari ah ama agab khatar ah.

Imaaraadku wuxuu eedeymahaas ku tilmaamay “kuwo aan sal iyo raad toona lahayn,” laguna doonayo in lagu waxyeelleeyo sumcaddiisa.

Sidoo kale, Imaaraadka ayaa sheegay in goobaha laga soo duubay muuqaallada ay ahaayeen hoy ay deggenaayeen ciidamadiisa iyo xubnaha reer Yemen ee la shaqeynayay, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid caadi ah, maadaama askartu u baahan yihiin guryo ay ku nastaan marka ay howl-gallada ka baxaan.

Ugu dambeyn, fara-gelintii Imaaraadka Carabta ee Yemen ayaa dhowaan soo dhammaatay, kaddib markii lagu eedeeyay inuu door ku lahaa kala qeybsanaanta dalkaas, taas oo keentay in muddo kooban gudaheed lagu soo gaba-gabeeyo joogitaankiisii Yemen.

Dowladda Yemen ayaa marar hore ku eedeysay Imaaraadka inay xabsiyo qarsoodi ah ku leeyihiin dhowr aag oo ay gacanta ku hayeen, eedeymahaas oo Imaaraadku mar walba beenin jireen.

Si kastaba, Khilaafka u dhexeeya Riyadh iyo Abu Dhabi ayaa ku baahay gobolka, wuxuuna iskugu jiraa arrimaha siyaasadda iyo soo saarista saliidda.

Labada dal waxay sidoo kale ku jiraan tartan dhaqaale oo adag, oo ay ku jirto cidda soo jiidan karta maalgashiga shisheeye iyo dalxiisayaasha ugu badan, iyo cidda saami weyn ka heli karta tiknoolajiyadda AI-da.

Abaabulka howl-gallo culus oo ka socda gobolka HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya xoogagga difaaca deegaanka ee Macawiisleyda ayaa maalmahan dhaq-dhaqaaqyo ballaaran ka wada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada isbahaysanaya ayaa diyaarinaya qorshe ay dib ugu billaabayaan howl-gallo lagula wareegayo deegaanno iyo degmooyin ka tirsan bariga Hiiraan oo ay weli ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab.

Dhowr maalmood ka hor, taliyaha ciidanka dhulka ayaa degmada Matabaan kula dardaarmay boqolaal askari oo loo diyaariyay duullaanka lagu doonayo in kooxda looga saaro goobaha ay kaga harsan yihiin gobolkaas.

Dhaq-dhaqaaqyada wadajirka ah ee ciidamada ayaa si cad looga dareemay magaalooyinka Maxaas iyo Moqokori, kuwaas oo Al-Shabaab ay la wareegtay dabayaaqadii sannadkii hore.

Warar kale ayaa tilmaamaya in kooxda ay ciidamo badan isugu geysay magaalada Maxaas, oo ah goob istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Dhanka kale, tan iyo markii ay bilowdeen dhaq-dhaqaaqyadan militari, Al-Shabaab ayaa isaga baxday deegaanno ay ka mid yihiin Waabweyn iyo Teedaan, kuwaas oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, inkastoo illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah.

Xiisadda Imaaraadka iyo Sacuudiga ee Yemen oo ka dareysa ayadoo la shaaciyey…

Cadan (Caasimada Online) – Dowladda Yemen ee uu taageero Sacuudiga ayaa Isniintii ku eedeysay Imaaraadka Carabta inay xabsi qarsoodi ah ka maamusho saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka magaalada dekedda ah ee Mukalla ee koonfurta Yemen, eedeyntaas oo Abu Dhabi ay si adag u beenisay. 

Eedeyntan ayaa sii hurisay xiisad dublamaasiyadeed iyo khilaaf soo jireen ah oo u dhexeeya labada dal ee saliidda qaniga ku ah ee Khaliijka.

Eedeymahan culus waxaa soo jeediyay Saalem Al-Khanbashi, oo ah Guddoomiyaha gobolka Xadramuut ee bariga Yemen, intii lagu guda jiray safar naadir ah oo warbaahinta loo qabanqaabiyay. Dowladda Sacuudiga ayaa wariyayaal caalami ah, oo ay ku jirto koox ka socota wakaaladda Reuters, ka qaadday Riyadh, iyadoo geysay saldhigga cirka ee Riyan oo u dhow magaalada Mukalla.

Al-Khanbashi oo qabtay shir jaraa’id oo telefishinka laga sii daayay ayaa sheegay in tallaabooyin adag laga qaadi doono Imaaraadka iyo hoggaamiyaha kooxda gooni-u-goosadka ah ee Koonfurta Yemen (STC), kaas oo isbaheysiga Sacuudigu hoggaamiyo ay sheegeen in Imaaraadku si dhuumaaleysi ah dalka uga saaray.

“Dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah waa la qaadi doonaa si loola xisaabtamo kuwa geystay xad-gudubyada, ha ahaado Caydaruus Al-Zubeydi ama Imaaraadka—ha noqdeen xubnahooda, saraakiishooda, ama dadka u shaqeeya—si caddaalad loogu raadiyo dhibbanayaasha iyo qoysaskooda,” ayuu yiri Al-Khanbashi.

Dhanka kale, Imaaraadka ayaa Talaadadii beeniyay hadalka guddoomiyaha, iyagoo ku tilmaamay “wax aan dhaafsiisnayn been abuur ula kac ah iyo marin habaabin.”

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa lagu yiri: “Xarumaha la sheegayo waa kaliya goobo ciidan, qolalka howlgalada, iyo gabbaadyo la adkeeyay oo qaarkood dhulka hoostiisa ku yaallaan—waana qaab caan ah oo laga yaqaan garoomada iyo xarumaha ciidamada adduunka, manalaha macno dhaafsiisan kan ciidanka.” Waxay sidoo kale ku celiyeen in ciidamada dalkaasi ay si rasmi ah uga baxeen Yemen bishii Diseembar 2025.

Dagaalka afka iyo xiisadda gobolka 

Sarkaal u hadlay kooxda STC ayaa Reuters u sheegay inay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda, isagoo ka jawaabaya eedeynta ah in kooxdaas oo Imaaraadku taageero ay maamuleysay xabsi qarsoodi ah.

“Waxaan si joogto ah oo wax ku ool ah ula shaqeyneynay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee xuquuqda aadanaha si loo xaqiijiyo xuquuqda iyo ilaalinta dadka Koonfurta Yemen,” ayuu raaciyay.

Hadallada Khanbashi ayaa ka mid ah eedeymihii ugu cuslaa ee loo jeediyo Imaaraadka intii uu socday dagaalka afka ah ee kala dhexeeya Sacuudiga. Khilaafka ayaa bannaanka u soo baxay sannadkii hore markii dagaalyahannada STC oo Imaaraadku taageero ay gobollo muhiim ah ka saareen ciidamada dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ee Sacuudigu taageero.

Intaas kadib, dabayaaqadii bishii Diseembar, Sacuudiga ayaa duqeeyay wax uu ku sheegay shixnad hub iyo qalab ah oo Imaaraadku u waday STC magaalada Mukalla. Tallaabadaas ayaa horseeday in STC ay jabto, Imaaraadkuna uu ka baxo halkaas ka dib ku dhawaad toban sano oo uu ahaa awoodda ugu weyn ee dhulka joogta.

Rashaad Al-Calimi, madaxa golaha madaxtooyada Yemen ee Sacuudigu taageero, ayaa Isniintii la kulmay Taliye Fahad bin Xamad Al-Salmaan, taliyaha ciidamada wadajirka ah ee isbaheysiga, si ay uga wadahadlaan iskaashiga ciidan. Calimi ayaa ammaanay taageerada Sacuudiga ee Yemen, oo isugu jirta gargaar bini’aadminimo, mashaariic horumarineed, iyo kaalmo dhaqaale oo mushaaraadka lagu bixiyo.

Khilaafka u dhexeeya Riyadh iyo Abu Dhabi ayaa ku baahay gobolka, wuxuuna iskugu jiraa arrimaha siyaasadda iyo soo saarista saliidda. Labada dal waxay sidoo kale ku jiraan tartan dhaqaale oo adag, oo ay ku jirto cidda soo jiidan karta maalgashiga shisheeye iyo dalxiisayaasha ugu badan, iyo cidda saami weyn ka heli karta tiknoolajiyadda AI-da.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, dadka wax falanqeeya ee labada dhinac ayaa baraha bulshada isku weydaarsanayay eedeymo culus, taas oo muujineysa khilaaf aan horey loo arag. Boqortooyooyinka Khaliijka ayaa horey khilaafkooda u qarin jiray si ay u muujiyaan midnimo ka dhan ah cadowgooda guud, Iiraan.

Qoraal Axaddii la soo dhigay barta X ee telefishinka dowladda Sacuudiga (Ekhbariya) ayaa u qornaa: “Maadaama Abu Dhabi ay hurineyso cadaawad ka dhan ah Sacuudiga… Boqortooyadu kama waaban doonto inay qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.”

Dowladda Yemen ayaa marar hore ku eedeysay Imaaraadka inay xabsiyo qarsoodi ah ku leeyihiin dhowr aag oo ay gacanta ku hayeen, eedeymahaas oo Imaaraadku mar walba beenin jireen.

Maxaabiis Daacish ah oo ka baxsaday xabsiyo ku yaalla…

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Ku dhowaad 100 maxbuus oo ururka Daacish laga qabtay ayaa ka baxsaday xabsiyo ku yaalla magaalada Al-Shadaadi, oo ku taalla waqooyi-bari Suuriya, sida ay baahisay wakaaladda wararka Suuriya ee SANA.

Baxsashada maxaabiistan ayaa timid kaddib iska hor-imaad dhex-maray ciidamada dowladda iyo xoogagga Dimuqraadiga Suuriya ee SDF.

Xaalad bandow ah ayaa lagu soo rogay magaalada Al-Shadaadi, iyadoo ciidamo amni lagu soo wareejiyay, kuwaas oo la sheegay in ay horey iskugu diyaarsanayeen la wareegidda xabsiyada ay ku jireen xubnaha Daacish ee halkaas lagu hayay, sida ay sheegeen ilo wareedyo la hadlay warbaahinta gudaha.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Suuriya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in dib loo soo qabto maxaabiista baxsatay, kuwaas oo muddo dheer ku xirnaa xabsiyada.

Sidoo kale waxay muujiyeen tuhun ah in baxsashadaasi si ula kac ah loo fududeeyay si loo wiiqo qodobo ka mid ah heshiiska u dhexeeyay madaxweynaha Suuriya iyo hoggaanka SDF.

Dhanka kale, sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Suuriya ayaa u sheegay telefishinka Aljazeera in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Al-Shadaadi.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in weli ay socdaan howl-galada lagu baadi-goobayo maxaabiista baxsatay, isagoo xusay in 81 ka mid ah 120 ruux oo horey ugu xirnaa xabsiyada hadda ay maamulaan ciidamada dowladda la raadinayo.

Maxaa ka run ah safarka la sheegay in Cirro ku tegay Israel?

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu safar ku tagay Israa’iil ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn u qabsaday baraha bulshada, xilli ay soo baxeen xogo dhanka duullimaadyada ah oo shaki dhaliyay.

Hadal-hayntan ayaa soo xoogeysatay Axaddii, 18-kii Janaayo, kadib markii qoraal lagu baahiyay barta X (hore Twitter) ee akoon ku magacaaban “Rabbi Avi Hirsch” uu sheegay in Madaxweyne Cirro uu gaaray Israa’iil si uu u dhameystiro ku biirista heshiisyada Abraham Accords.

Si kastaba ha ahaatee, akoonkaas oo isticmaalayay sawirka falanqeeye siyaasadeed oo Soomaali ah ayaa markii dambe la xiray (suspended), iyadoo dad badan ay ku tilmaameen mid marin-habaabin ah oo aan lagu kalsoonaan karin.

Inkastoo isha warkaas ay noqotay mid shaki weyn la geliyay, haddana xogta duullimaadyada ee ilaha furan (OSINT) ayaa muujisay dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn. Diyaarad khaas ah oo nooceedu yahay Hawker 800XP (T7-NKS) ayaa la xaqiijiyay inay Axaddii ka soo duushay garoonka Ben Gurion ee Israa’iil, iyadoo soo martay hawada Itoobiya kuna degtay Hargeysa.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Hargeysa ama Tel Aviv oo ku saabsan cidda saarneyd diyaaraddaas ama ujeeddada safarka. Mas’uuliyiinta Somaliland oo aan la xiriirnay kama aysan jawaabin codsiyada ku saabsan xaqiijinta safarka madaxweynaha.

Dhacdooyinkan ayaa imaanaya wax ka yar bil kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweyne Cirro ay yeesheen wada-hadal taleefan 26-kii Diseembar 2025. Wicitaankaas oo ahaa mid taariikhi ah, ayuu Netanyahu ku sheegay in Israa’iil ay aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland, isagoo casuumaad rasmi ah u fidiyay madaxweynaha. Cirro ayaa waqtigaas aqbalay casuumaadda, isagoo ballanqaaday inuu booqan doono Israa’iil “sida ugu dhaqsaha badan” sanadka 2026.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid tallaabada Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay xadgudub qaawan oo ka dhan ah qaranimada iyo midnimada Soomaaliya. Beesha caalamka intiisa badan ayaa weli u arka Somaliland inay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, inkastoo gobolku uu ku dhawaaqay madax-bannaani sanadkii 1991-kii.

Xilli uu jiro xiisad diblomaasiyadeed iyo hubanti la’aan ku aaddan warka safarka, indhuhu waxay ku sii jeedaan Hargeysa iyo Tel Aviv wixii warar rasmi ah ee soo kordha.

Ciidanka Kenya oo burburiyay xarun ay Hormuud ku lahayd…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Hormuud ayaa ku eedeysay ciidamo ka tirsan Kenya inay burburiyeen xarun muhiim u ahayd shabakaddeeda taleefannada gacanta, taas oo ku taalla gobolka Jubbada Hoose.

Shirkaddan oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ugu waaweyn dalka ayaa waxay sheegtay in falkaasi sababay hakad weyn oo ku yimid adeegyadii isgaarsiinta iyo kuwii lacageed, kuwaas oo ay si toos ah ugu tiirsanaayeen kumannaan qof oo Soomaaliyeed.

Sida lagu sheegay bayaan ay shirkaddu soo saartay, xarunta ku taalla tuulada Dhuuyac-Garoon ayaa la burburiyay 14-kii Janaayo 2026, iyadoo isla goobtaas horay loogu beegsaday weerar la mid ah 21-kii Janaayo 2019.

“Waxaan ka xunnahay inaan u sheegno macaamiisheena iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in ciidamada dowladda Kenya ay mar kale si ula kac ah u burburiyeen qalabka isgaarsiinta ee shirkadda,” ayay shirkaddu ku tiri bayaankeeda.

Waxay intaas ku dartay in dhacdadani dhalisay khasaare adeeg iyo mid dhaqaale oo culus, isla markaana ay saameyn ku yeelatay dad u dhexeeya 20,000 illaa 30,000 oo ku nool Dhuuyac-Garoon iyo deegaanada ku dhow dhow.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in dadka deegaankaasi ay si buuxda u waayeen dhammaan adeegyadii isgaarsiinta iyo kuwii lacageed ee ay ka heli jireen shirkadda.

Hormuud waxay tilmaantay in adeegyadeedu ay door muhiim ah ka ciyaari jireen isku xirka bulshada, ganacsiga iyo nolosha maalinlaha ah, xilli dadka deegaanku ay wajahayaan abaar baahsan iyo duruufo nololeed oo adag.

Wararka la helayo ayaa muujinaya in xarunta lagu burburiyay miinooyin dhulka lagu aasay, iyadoo ciidamada Kenya lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah uga soo gudbeen xadka, isla markaana aysan ka mid ahayn ciidamo si rasmi ah uga howl-gala gudaha Soomaaliya.

Somalia’s political standoff and a letter that stops short

Prime Minister Hamza Abdi Barre’s letter of 19 January 2026, issued in response to an opposition communiqué, should be understood as a legal act as much as a political one. On closer examination, the letter functions as a procedural response that avoids engagement with the substantive constitutional questions raised by the opposition.

The opposition’s communiqué sets out legal claims. It questions whether constitutional rules are being followed, challenges the lawfulness of executive conduct, and calls for clarity on the timing and legality of elections. These are not abstract political disagreements. They go to the foundations of constitutional governance, including legality, accountability, and the renewal of authority through elections. The communique proposes dialogue to resolve these identified constitutional concerns.

The PM’s letter addresses only the procedural aspects of that call. It confirms that a meeting will take place, specifies a date and venue, and identifies who will chair the discussion. Beyond these arrangements, the letter does not address the substance of the opposition’s claims. It does not acknowledge the constitutional provisions cited. It does not offer a legal interpretation of the issues raised. And it does not clarify the government’s position on the timing or legality of elections.

Silence matters

In constitutional terms, this silence is significant. When legal challenges concern the scope of authority or the duration of a political mandate, silence does not resolve the dispute. It leaves uncertainty intact. The absence of any reference to an election timetable is significant, as elections are the recognised mechanism for renewing executive authority and maintaining legitimacy.

The letter demonstrates proceduralisation by moving substantive constitutional issues into a consultative process that lacks legal binding force. It uses dialogue primarily as a management tool, not as a constitutional solution. Its language highlights political reassurance, unity, dialogue, and national interest, but does not substitute legal reasoning. Although sovereignty appears to be shared, it is not presented as a constitutional obligation to adhere to electoral norms.

The contrast between the two documents is therefore clear. The opposition communiqué frames a dispute in constitutional terms and seeks defined legal outcomes. The Prime Minister’s letter frames engagement as a process detached from those outcomes. One addresses substance. The other manages the procedure.

This divergence has institutional consequences. The executive controls timing, forum, and structure of engagement, maintaining procedural authority without substantive commitment. While this may ensure short-term stability, it poses a long-term risk. Unanswered mandate questions and prolonged consultations can erode institutional confidence rather than restore it.

For policymakers, the Somali people, and international partners, the implications are straightforward. The existence of dialogue is not decisive. What matters is whether dialogue clarifies elections and constitutional order. Until an election timetable and legal position are clearly articulated, the PM’s letter of 19 January 2026 should be understood as an exercise in procedural management rather than constitutional resolution.

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members.

Xiisadda Jabuuti iyo Somaliland oo kasii dartay iyo Jabuuti oo maanta joojisay…

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Jabuuti iyo Somaliland ayaa gaartay meel sare, kadib markii Dowladda Jabuuti ay si adag uga hortimid aqoonsiga Israa’iil ay sheegtay inay siisay maamulka Somaliland.

Tan iyo markaas, Jabuuti iyo Somaliland ayaa qaaday tallaabooyin muujinaya sida uu u xumaaday xiriirkii labada dhinac, iyadoo maanta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jabuuti ay gebi ahaanba joojisay daabicista baasabooradii u badnaa ee ay lahaayeen mas’uuliyiinta Somaliland.

In ka badan 1,400 oo baasaboor oo Jabuuti ah, kuwaas oo ay soo codsadeen dad isugu jira xildhibaanno, odayaal dhaqan iyo suxufiyiin caan ah oo ka soo jeeda Somaliland, ayaa gebi ahaanba la kansalay.

Baasaboorka Jabuuti ayaa muddo dheer ahaa mid ay adeegsadaan madaxda iyo siyaasiyiinta Somaliland, si uu ugu fududeeyo isku-socodkooda caalamiga ah, maadaama kan maamulka Somaliland aan laga aqoonsan waddamada caalamka.

Arrintan ayaa muujinaysa heerka khilaafka labada dhinac, iyadoo Jabuuti ay sii kordhisay cadaadiska ay saarayso Hargeysa, si ay u muujiso taageeradeeda ku aaddan midnimada Soomaaliya, xilli ay meel adag iska taagtay aqoonsi ku sheegga Israa’iil.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan dhankeeda joojisay duulimaadyadii diyaaradda dalka Jabuuti ee Air Djibouti. Diyaaraddan ayaa afar maalmood isbuuc kasta duulimaad ka samayn jirtay garoomada diyaaradaha ee Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa.

Somaliland ayaa tallaabadaas qaaday iyadoo ka jawaabaysa go’aan kasoo baxay Dowladda Jabuuti, kaasi oo lagu xiray xafiiskii Somaliland uga furnaa dalkeeda.

Xafiiskaas oo furnaa tan iyo sannadkii 2012-kii ayey dhawaan Dowladda Jabuuti sheegtay in albaabbada la isugu laabay sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, kaas oo ay si adag u diiday.

Jabuuti ayaa sidoo kale sheegtay in aqoonsigaas uu ka hor imaanayo xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana ay si cad uga soo horjeeddo.

Jabuuti ayaa kamid ah dowladaha dariska ah ee sida adag uga horyimid go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, waxayna garab istaagtay Soomaaliya, iyadoo dhex-joogta Golaha Ammaanka ayey si adag u difaacday madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

TRUMP oo warqad caalamka ka yaabisay u diray ra’iisul wasaaraha…

Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa farriin qoraal ah oo uu u diray Ra’iisul Wasaaraha Norway ku sheegay in aanu mar dambe dareemayn waajibka ah in uu “ka fekero nabadda oo qura,” maadaama aan la gudoonsiinin Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka, isaga oo mar kale ku celiyay dalabkiisii ahaa in uu la wareego maamulka jasiiradda Greenland. 

Qoraalkan, oo maamulka Mareykanku uu si ballaaran ula wadaagay dalal kale, ayaa jawaab u ahaa farriin kooban oo uga timid Ra’iisul Wasaaraha Norway, Jonas Gahr Støre, iyo Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb.

Labadan mas’uul ayaa ka soo horjeestay go’aanka Trump uu canshuuraha ku soo rogay xulafada Yurub, kadib markii ay diideen in Mareykanku la wareego gacan ku haynta Greenland, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Støre.

Farriintooda ayey Støre iyo Stubb ku tilmaameen baahida loo qabo in la dajiyo xiisadda hadallada kulul, iyagoo codsaday in ay qadka taleefonka ku wada hadlaan Trump. Hase yeeshee, jawaabta Trump ayaa timid waqti yar uun kadib markii ay farriintooda direen.

“Gacaliye Jonas: Maadaama dalkiinu go’aansaday in aanu isiinin Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka, anigoo joojiyay 8 dagaal IYO WAX KA BADAN, ma dareemayo waajib ah in aan si gaar ah uga fekero Nabadda, in kasta oo ay mar walba muhiimad yeelan doonto. Balse hadda waxaan ka fekerayaa waxa wanaagsan ee danta u ah Mareykanka,” ayuu Trump ku yiri jawaabtiisa.

Trump ayaa si furan ugu ololeynayay in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka, taas oo sannadkii hore la gudoonsiiyay hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela, Maria Corina Machado.

“Dhowr jeer ayaan Trump si cad ugu sharxay xaqiiqada la wada ogsoon yahay ee ah in Guddiga Nobel-ku uu yahay mid madax-bannaan, oo aysan ahayn dowladda Norway cidda bixisa abaalmarinta,” ayuu yiri Støre.

Machado ayaa toddobaadkii hore biladeedii dahabka ahayd guddoonsiisay Trump intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Aqalka Cad, inkastoo Guddiga Nobel-ka ee Norway ay sheegeen in abaalmarinta aan la wareejin karin, la wadaagi karin, ama lagala noqon karin qofkii la siiyay. Guddiga Nobel-ka ayaan weli ka jawaabin codsi la xiriira arrintan.

Farriintiisa uu u diray Støre, Trump wuxuu sidoo kale mar kale su’aal galiyay madax-bannaanida Denmark ee Greenland, isagoo yiri: “Denmark dhulkaas kama difaaci karto Ruushka ama Shiinaha, marka horeba maxay ‘xuquuq lahaansho’ ugu sheeganayaan?”

“Ma jiraan dokumeentiyo qoran, ee kaliya waa doon halkaas cago dhigatay boqollaal sano ka hor, laakiin annaguna doonyo waan geynay halkaas.”

Lahaanshaha Denmark ee jasiiraddan ballaaran ee kheyraadka macdanta hodanka ku ah ayaa ku cad dukumeentiyo sharci ah oo ay ku jirto heshiiskii 1814-kii. Mareykanka laftiisa ayaa dhowr jeer oo hore qiray in Greenland ay ka tirsan tahay Boqortooyada Denmark.

Trump ayaa farriintiisa uu u diray Støre ku soo xiray qaabkiisii xamaasadda lahaa:

“Waxaan NATO u qabtay wax ka badan qof kasta oo kale tan iyo markii la aasaasay, haddana, waa in NATO ay wax u qabato Mareykanka. Adduunku ma noqonayo mid amni ah illaa aan ka yeelanno Gacan ku hayn Buuxda oo Dhamaystiran ee Greenland. Mahadsanid! Madaxweyne DJT.”