27.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Cabdiraxmaan Cirro oo la kulmay madaxweynaha Israel iyo wiilka Trump + Sawirro

0

Davos (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo haatan ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog iyo wiilka madaxweynaha Mareykanka Eric Trump, oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Kulanka Cirro iyo Isaac Herzog ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka u bilaabmay Tel Aviv iyo Hargeysa iyo sidii loo dhameysitiri lahaa heshiisyada ay gaareen labada dhinac.

Cabdiraxmaan Cirro oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay kulanka, wuxuuna sheegay in diiradda lagu saaray arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dhinac iyo aqoonsiga Somaliland, kaas oo Israa’iil ay ku dhawaaqday dhammaadka sanadkii hore.

“Waxa aan xalay kulan casho-sharaf ah ku wada-qaadannay Davos- Shirka Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum), Madaxweynaha Dawladda Israel, Mudane Isaac Herzog. Kulanka waxa aan diiradda ku saarnay xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israel” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in kulankan ay goobjoog ahaayeen hoggaamiyeyaal caalami ah oo ka socda dalalka caalamka, isla markaana uu ka mid yahay wiilka madaxweynaha Mareykanka, Eric Trump

“Kulanka waxa sida oo kale ka soo qayb-galay siyaasiyiin culus iyo hoggaamiyeyaal caalami ah oo ka kala socday dhammaan daafaha dunida, iyo shakhsiyaad saameyn ballaadhan ku leh masraxa caalamiga ah, oo uu ka mid ahaa Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Maraykanka” ayuu mar kale yiri.

Dhankiisa Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa bartiisa Twitter (X) ku baahiyey sawirrada kulanka dhex-maray isaga iyo Cabdiraxmaan Cirro, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulanka madaxweynaha Somaliland, isaga oo rajeeyay in ay sii socon doonto wada shaqeyntooda, si looga mira dhaliyo dadaallada socda ee labada dhinac.

“Waan ku faraxsanahay in aan Davos kula kulmo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro. Aad ayaan ugu faraxsanahay xidhiidhka labada dal, waxaana rajaynayaa in aanu ka wada shaqayn doono sidii loo sii adkayn lahaa,” ayuu yiri madaxweyne Isaac Herzog.

Si kastaba, Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee madaxweyne Cirro la yeesho madaxweynaha Israa’iil, tan iyo markii lagu dhawaaqay aqoonsiga oo ay wada saxiixeen isaga iyo Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

Ciidanka Jubaland iyo kuwa Danab oo dib u qabsaday deegaanka Kudhaa + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka mar kale uu dagaal qaraar ka dhacay deegaanka Kudhaa, halkaas oo ay shalay soo galeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danab ayaa dib u weeraray deegaanka, waxaana saacado kadib ay ka saareen maleeshiyaadka argagixisada ee shalay qabsaday halkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada ay dib u qabsadeen deegaanka, ayna ka xoreeyeen kooxda Al-Shabaab.

“Ciidamadama Jubbaland iyo Ciidan Danab oo si rasmi ah hadda gacanta ugu dhigay magaalo xeebeedka Kudhaa ee degmada Badhaadhe. Ciidanka ayaa saaka magalada dhowr jiho ka weeraray halkaas oo maleshiyada Khawaarijta ku sugnaayeen 24 sac wax kayar” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo ay ciidanka nolosha ku qabteen xubno Shabaab ahoo dagaalka qayb ka ahaa, kuwaas oo waayey meel u baxsadaan, sida lagu sheegay qoraalka.

“Waxay ciidanka gacanta ku dhigeen qaybo kamid ah maleeshiyada oo waayey meel ka baxsadaan, kadibna ciidamada isku dhiibay” ayaa lasii raaciyay.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay guusha Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danab ay kasoo hooyeen dagaalka adag ee ay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Kudhaa, isaga oo hambalyo iyo boggaadin u diray ciidanka geesiyeyaasha ee jilibka u dhigay maleeshiyaadka weeraray magaaladaasi oo istaraatiiji ah, muddo dheerna laga difaacayay argagixisada.

“Waxaan boggaadinayaa sida aad weli baacsiga iyo sifeynta uga wadaan deegaannadii dirirtu ka dhacday” ayuu qoraalka ku yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iska caabinta ay muujisay geesinimada ciidanka iyo inay ka feejignaayeen khatarta cadowga, sidaasna looga hortegay.

Xaaladda Kudhaa ayaa maanta deggan, waxaana ka socda howlgallo amni xaqiijin ah oo lagu baacsanayo firxadka maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

ONLF oo ku dhawaaqday isbahaysi cusub, eedeymo culus u jeedisay xukuumadda Abiy

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Ururka Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa magaalada Jigjiga uga dhawaaqay dhismaha isbahaysi siyaasadeed cusub oo loo bixiyay Isbahaysiga Shacabka Soomaaliyeed ee Aayo-ka-tashiga (SPAS).

Isbaheysigan cusub ayey sheegtay inuu ujeedkiisu yahay mideynta dadaallada siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo kuwa bulsho ee Soomaalida ku nool dalka Itoobiya.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ONLF, Congress for Somali Cause (CSC) iyo Somali Regional Democratic Alliance (SRDA) ayaa lagu caddeeyay in isbahaysigan cusub uu doonayo in la xoojiyo codka siyaasadeed, karaamada iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.

Ururradaasi waxay mar kale carrabka ku adkeeyeen in ku biirinta dhulalka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay ahayd mid taariikh ahaan ku timid, iyadoo aan raalli ka ahayn shacabka Soomaaliyeed. Waxayna eedeeyeen dowladihii Itoobiya ee kala dambeeyay inay ku dhaqmeen takoorka, cabburinta siyaasadeed iyo ku tumashada xuquuqda aas-aasiga ah.

Bayaanka ayaa sidoo kale xusay heshiiskii nabadeed ee la gaaray sanadkii 2018, xilligii uu bilowday hoggaanka Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, markaas oo ONLF ay joojisay halgankii hubeysnaa kana mid noqotay geeddi-socodka nabadda.

Si kastaba ha ahaatee, ururku wuxuu sheegay in rajadii laga qabay heshiiskaasi ay fashilantay, isla markaana ay sii socdeen eedeymo ku saabsan barakicin, la wareegid dhul iyo cadaadis siyaasadeed.

“Waqtigii dulqaadka wuu dhammaaday,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo xukuumadda Addis Ababa lagu eedeeyay inay diidday wadahadal, isla markaana ay qaaday tallaabooyin lagu tilmaamay kuwo khatar ku ah jiritaanka shacabka Soomaaliyeed.

Isbahaysiga SPAS ayaa ugu baaqay dhammaan Soomaalida inay mideeyaan mowqifkooda, isla markaana ay muujiyaan go’aan wadajir ah oo ku dhisan halgan xaq ah iyo aayo-ka-tashi.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Itoobiya weli kaka hadal bayaankan, mana jiro wax jawaab rasmi ah oo ilaa hadda ka soo baxay Addis Ababa.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jiraan walaacyo caalami ah oo ku saabsan xasilloonida iyo xuquuqda aadanaha ee qaybo ka mid ah Itoobiya, gaar ahaan meelaha ay saameeyeen colaadaha iyo murannada siyaasadeed.

Kadib Israa’iil, Cabdiraxmaan Cirro oo shaaciyey in uusan fileyn aqoonsi baahsan

Hargeysa (Caasimada Online) — Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inaanu fileyn in go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay gobolkan gooni u goosadk ah uu si degdeg ah u dhalin doono guulo diblomaasiyadeed oo is-daba-joog ah, isagoo qoray: “Waan ognahay in aqoonsi caalami ah oo baahsan aanu habeen qura ku imaanayn.”

Maqaal aragtiyeed uu ku daabacay wargeyska The Wall Street Journal, ayuu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ku soo dhaweeyey aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland 26-kii December. Wuxuuna ku dooday in tallaabadani ay noqon karto “Dhiirrigeliye” ama tallaabadii koowaad ee ay qaadaan dalal kale oo uu sheegay inay muddo dheer u dabacsanaayeen qadiyadda Somaliland.

Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah Somaliland ugu aqoonsada dal madax-bannaan 26-kii December, 2025. Go’aankaas waxaa si kulul u cambaareysay Soomaaliya oo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda, iyadoo sheegtay inay kaga hortagi doonto waddo kasta oo diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ah.

Maqaalkiisa, Madaxweyne Cabdullaahi wuxuu ku sifeeyey aqoonsiga Israa’iil mid ku qotoma taariikh la wadaago iyo dano amni. Wuxuu dib u xasuusiyey wixii uu ku tilmaamay xasuuqii uu geystay kaligii-taliyihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre, dhammaadkii 1980-yadii, isagoo soo qaatay odhaah uu sheegay in ciidamada dhexdooda lagu faafin jiray oo ahayd: “Wada dila tuke mooyee.”

Hoggaamiyaha Somaliland ayaa qoray in in ka badan 200,000 oo shacab ah la dilay, inta badan magaalada Hargeysana la burburiyey, taas oo boqolaal kun oo qof ku qasabtay inay u qaxaan Itoobiya.

Cirro ayaa sheegay in Israa’iil ay ahayd cidda “Qeylo-dhaanta dirtay” ee Qaramada Midoobay ku wargelisay arrintan sanadkii 1990-kii. Wuxuu intaas ku daray in labada dhinac ay wadaagaan fahamka “Aayo-ka-tashiga iyo sharciyadda caalamiga ah.” Sidoo kale, wuxuu daliishaday xilligii ay Somaliland qaadatay madax-bannaanida 1960-kii ka hor intii aysan la midoobin Koonfurta Soomaaliya, taas oo uu u adeegsaday qayb ka mid ah dooddiisa dowladnimo.

Wuxuu Somaliland — oo ah maamul aan la aqoonsaneyn oo ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya 1991 — ku tilmaamay saaxiib degan oo ku yaalla marin istiraatiiji ah oo isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, isagoo xusay xeebteeda iyo u dhowaanshaha marinnada maraakiibta muhiimka ah.

Wuxuu xaaladdaas barbardhigay dagaalka dheer ee Soomaaliya ay kula jirto kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, halka uu iftiimiyey xasilloonida Somaliland iyo ciidankeeda ilaalada xeebaha oo ay tababartay UK, kuwaas oo uu sheegay inay biyahooda ka ilaaliyaan burcad-badeedda.

Hoggaamiyaha Somaliland wuxuu sidoo kale xoogga saaray doodo dhaqaale oo lagu xoojinayo xiriirka, isagoo tusaale u soo qaatay maalgashiga $442 milyan ah ee shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai ay ku casriyeynayso Dekedda Berbera. Wuxuuna sheegay in iskaashiga ganacsi iyo khibradda farsamo ee Israa’iil ay sare u qaadi karaan horumarka beeraha, tiknoolajiyadda, iyo adeegyada badda.

Cirro wuxuu qoray in tallaabada Israa’iil ay xoojinayso dadaalka Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqbalaad caalami ah oo ballaaran. Wuxuu farta ku fiiqay xiriirka ay la leeyihiin Taiwan iyo warbixintii xaqiiqo-raadinta ee Midowga Afrika sanadkii 2005, taas oo sheegtay in kiiska Somaliland lagu qiimeeyo asal taariikhi ah iyo mid damiir, halkii laga cabsan lahaa inuu tusaale u noqdo gobollo kale oo qaaradda ah.

Isagoo ka hadlayay mustaqbalka, Cirro wuxuu sheegay in mid ka mid ah “daqiiqadaha ugu sharafta badan” ee madaxtinimadiisa ay noqon doonto furitaanka safaaraddii ugu horreysay ee rasmi ah oo Somaliland ku yeelato Israa’iil, inkastoo uu ku celiyey in aqoonsi ballaaran uu waqti qaadan doono.

“Hase yeeshee, dalal badan oo Afrikaan ah iyo kuwa kaleba way la tiiraanyoonayeen qadiyadda… waxayna sugayeen cidda tallaabada qaadda,” ayuu qoray, isagoo raaciyey: “Hadda, Israa’iil ayaa qaaday tallaabadaas geesinimada leh. Waan ku kalsoonahay in kuwa kalena ay soo raaci doonaan.”

Kooxdii garoonka Kismaayo ku weerartay ciidamada Mareykanka oo hal milyan…

Washington (Caasimada Online) — Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo gaareysa illaa $1 milyan, taas oo la siin doono ciddii keenta xog horseedi karta in la aqoonsado ama gacanta lagu soo dhigo dableydii ka dambeysay weerarkii lala beegsaday ciidamada iyo hantida Mareykanka ee Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya.

Weerarka ayaa dhacay 4-tii September 2025. Yabooha xogta ayaa lagu shaaciyay barnaamijka dowladda Mareykanka ee loo yaqaanno Rewards for Justice, kaas oo shacabka ka dalbada gacan-siin ku aaddan baarista falalka argagixisada.

Weerarkan, oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, ayaa loo adeegsaday gantaallo iyo hoobiyeyaal lagu weeraray fariisimaha ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afrikaanka ah ee ku sugan garoonka. Saraakiisha Mareykanka ayaa xaqiijiyay in weerarkaas uusan geysan wax khasaare nafeed ah, isla markaana aanu waxyeello u geysan xarumaha Mareykanka. 

“Ma haysaa xog ku saabsan shakhsiyaadkii ku lugta lahaa weerarka?” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay barnaamijka oo lagu daabacay bogga dowladda Mareykanka. “Xogtaada waxay horseedi kartaa abaalmarin lacageed iyo suurta-galnimada in dib-u-dejin laguu sameeyo.”

Garoonka Kismaayo ayaa fariisin u ah ciidamo Mareykan ah oo garab siinaya kuwa Soomaaliya iyo ciidamada Afrikaanka ah ee saaxiibada la ah. Mareykanka ayaa saldhig ku leh meel u dhow garoonka, halkaas oo uu tababar iyo taageero ku siiyo ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland, oo ay ku jiraan kumaandooska Danab, taas oo qayb ka ah dadaallada socda ee la-dagaalanka argagixisada.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer beegsatay xarumaha milatari iyo ciidamada caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa hubka fog laga soo rido sida hoobiyeyaasha iyo gantaallada. Weeraradan ayay ujeeddadoodu tahay inay ku tijaabiyaan difaaca ciidamada iyo inay muujiyaan inay weli awood u leeyihiin inay fuliyaan weerarro, inkastoo ay cadaadis kala kulmayaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa xulafada la ah.

Kooxdan ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay fulisay weerarro badan oo ka dhacay Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, kuwaas oo ay ku dhinteen kumanaan isugu jira rayid iyo ciidamo, oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah. Mareykanka ayaa kooxdan weli u aqoonsan urur argagixiso oo shisheeye.

Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa sii wada inay la-talin, tababar, iyo caawinaad u fidiyaan saaxiibada Soomaaliya iyo kuwa gobolka, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab loogana hortago weerarada ka dhanka ah shacabka iyo danaha caalamiga ah.

Saraakiishu waxay ugu baaqeen cid kasta oo xog waxtar leh haysa inay la xiriiraan barnaamijka Rewards for Justice, iyagoo ku nuuxnuuxsaday in xogtaas loola dhaqmi doono si qarsoodi ah oo ammaan ah.

Gobol kale oo Mareykanka ah oo laga billaabay howlgal lagu beegsanayo Soomaalida

Lewiston (Caasimada Online) — Maamulka Madaxweyne Trump ayaa gobolka Maine ee waqooyiga bari Mareykanka ka daah-furay olole cusub oo dhanka socdaalka ah, kaasi oo qeyb ahaan lagu beegsanayo soo-galootiga Soomaalida ah. 

Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegtay in wakiilladoodu ay billaabeen xarigga dadka horraantii toddobaadkan, iyagoo ku tilmaamay howlgalka “sifeynta” mid lagu sugayo amniga guud, diiraddana lagu saarayo soo-galootiga leh diiwaanka dambiyada.

Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkani uu si gaar ah isha ugu hayo soo-galootiga Soomaalida ah, oo ay barbar socdaan dadyowga kale. Bayaan kasoo baxay DHS ayaa lagu xusay in maalintii koowaad ee howlgalka la xiray dad u dhashay dalalka Suudaan, Guatemala, iyo Itoobiya.

Tallaabadan laga qaaday Maine ayaa calaamad u ah in istiraatiijiyadda Aqalka Cad ay u sii fideyso dhanka waqooyi, iyadoo maamulku uu cadaadis ku saarayo Laanta Socdaalka iyo Kastamada (ICE) inay kordhiyaan tirada dadka ay xirayaan guud ahaan dalka.

Bilihii la soo dhaafay, saraakiisha federaalka ayaa sare u qaaday fulinta sharciga qeybo badan oo Mareykanka ah, iyadoo ay jirto cadaadis ah inay muujiyaan natiijooyin la taaban karo.

Ciidamada ICE ee gobolka Maine ayaa howlgalkan ugu magac daray “Operation Catch of the Day” (Howlgalkii Ugaarsiga Maalinta). Sarkaal ka tirsan ICE ayaa telefishinka Fox News u sheegay in hay’aduhu ay aqoonsadeen illaa 1,400 oo qof oo ah “bartilmaameed” ku sugan gobolkaas.

Warbixinta Fox News ayaa intaas ku dartay in saraakiisha ICE ay wateen koox wariyeyaal ah intii uu howlgalku socday, iyagoo sheegay inay mudnaanta siinayaan dadka leh taariikh dambiyeed.

Telefishinka ayaa soo xigtay Patricia Hyde, oo ah agaasime ku-xigeen ka tirsan ICE, oo tiri: “Dadka la beegsanayo waxaa ku jira kuwa lagu eedeeyay ama lagu xukumay dambiyo u dhexeeya xadgudubyada galmada, ka ganacsiga daroogada, iyo kaxaynta gaadiidka iyadoo la sakhraansan yahay.”

Afhayeenad u hadashay DHS, Tricia McLaughlin, ayaa tiri: “Wakiilladu waxay xireen shisheeye sharci-darro ah oo lagu xukumay weerar gacan-ka-hadal culus, afduub been-abuur ah, iyo halis-gelinta daryeelka carruurta.” Waxayna raacisay, “Inta ay joogaan Madaxweyne Trump iyo Xoghaye Noem, ma ogolaan doonno in dambiilayaal sharci-darro ah ay argagixiyaan muwaadiniinta Mareykanka.”

Howlgalkan ayaa cabsi iyo walaac ku abuuray bulshooyinka soo-galootiga ah ee Maine, oo ah gobol u badan dhulka miyiga ah, lehna dad da’ ah. Gobolka inkastoo aanu lahayn dad badan oo sharci la’aan ah, haddana wuxuu hoy u yahay qaxooti iyo magangalyo-doon rasmi ah oo ku nool magaalooyinka Portland iyo Lewiston.

Magaalada Lewiston ayaa noqotay xudunta isbeddelka bulshada wixii ka dambeeyey markii qoysas Soomaali ah ay halkaas u guureen horraantii sanadkii 2000.

Mas’uuliyiinta deegaanka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa sheegay in soo-galootigu ay gacan ka geysteen dib-u-nooleynta qaybo ka mid ah bartamaha magaaladaas oo horey warshaduhu uga guureen. Hase yeeshee, dadka u dooda xuquuqda ayaa ka digaya in howlgalladan cusub ay cabsi gelin karaan xitaa dadka aan dambiyada gelin.

Dhinaca kale, loo-shaqeeyayaasha gobolka Maine ayaa sii kordhiyey ku tiirsanaanta shaqaalaha soo-galootiga ah si ay u buuxiyaan baahiyaha shaqaale yari, maadaama dadkii hore ay shaqada ka fariisanayaan qaarna ay gobolka ka guurayaan — waana caqabad ka jirta guud ahaan gobolka New England.

Mas’uuliyiinta federaalka ayaa u muuqda kuwo u diyaar garoobaya mudaaharaadyo. Andrew Benson, oo ah Xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee Maine, ayaa ugu baaqay dadweynaha inay si nabad ah u dibadbaxaan, isagoo ka digay in weerarada lagu qaado saraakiisha federaalka, burburinta hantida dowladda, ama is-hortaagga howlgallada ay horseedi karaan maxkamadeyn iyo ciqaab.

Howlgalka Maine ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan xiisado kacsan oo ka taagan gobolka Minnesota, kadib markii olole ballaaran oo halkaas laga sameeyay uu dhaliyey dibadbaxyo iyo isku dhacyo, taas oo sii kordhisay indho-indheynta lagu hayo xeeladaha socdaalka ee dowladda federaalka.

Muxuu Xamza ka yiri guusha ciidanka Jubaland iyo kuwa Danab?

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay guusha Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danab ay kasoo hooyeen dagaal saacado badan qaatay oo ay Al-Shabaab kula galeen magaalada xeebeedka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Xamza ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray ciidanka geesiyaasha ee jilibka u dhigay maleeshiyaadka soo weeraray magaaladaasi oo istaraatiiji ah, muddo dheerna laga difaacayay argagixisada.

“Waxaan boggaadinayaa sida aad weli baacsiga iyo sifeynta uga wadaan deegaannadii dirirtu ka dhacday” ayuu qoraalka ku yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iska caabinta ay muujisay geesinimada ciidanka iyo inay ka feejignaayeen khatarta cadowga, sidaasna looga hortegay.

Waxaa kale oo uu tacsi u diray askartii ku geeriyootay dagaalka, isaga oo kuwa dhaawac ah u rajeeyay caafimaad deg-deg ah, loona fidin doono gurmad deg-deg ah.

Weerarka fashilmay ayay Al-Shabaab u adeegsadeen qaraxyo, waxaase fashiliyay Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo xitaa gubay gaadiid ay lahayd kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Jubaland.

“Saddex gaari oo labo kamid ah ay saarnaayeen qoryaha suuga loo yaqaano ayay ciidamadu ka gubeen Khawaariijta, iyadoo sidoo kale khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu cadowga kasoo gaaray dagaalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Jubbaland.

Xaaladda Kudhaa ayaa maanta deggan, waxaana ka socda howlgallo amni xaqiijin ah oo lagu baacsanayo firxadka maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

 

Dagaal u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo jabhad hubeysan oo ka dhacay gobolka Awdal

0

Saylac (Caasimada Online) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal maanta ka dhacay deegaanka Indho-Biraale, oo hoos taga degmada Saylac ee gobolka Awdal.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada milatariga Somaliland iyo jabhad ku sugan deegaankaas, kuwaas oo la sheegay inay ka soo jeedaan beesha Ciise.

Dagaalkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalka maanta dhacay salka ku hayaa xiisaddii dhawaan ka dhalatay joojinta bandhigga buugga Xeer Ciise.

Ciidamada Milatariga Somaliland oo soo saaray qoraal ayaa sheegay in hawlgal ay ka fuliyeen deegaanka Indho-Biraale lagu qabtay hub sharci-darro ah oo isugu jira qoryaha nooca AK-47. Ciidanku waxay sheegeen in hawlgalkaasi ahaa mid qorshaysan oo lagu xaqiijinayay sugidda amniga iyo xasilloonida shacabka.

Hawlgalkaas ayuu taliska ciidanku sheegay in lagu baadi-goobayay koox dishay laba qof oo shacab ah, taas oo keentay dhimashada laba ka mid ah xubnaha kooxdaas iyo dhaawaca afar kale, sida ay hadalka u dhigeen.

“Hawlgalkaasi wuxuu sababay in laba ka mid ah budhcaddii ay dhintaan, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay taliska ciidanka Somaliland.

Sidoo kale, taliska ayaa sheegay in ciidanku gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah xubnaha kooxda ku lugta lahayd dilka labada qof ee dhawaan lagu dilay deegaanka, iyadoo si adag looga digay cid kasta oo lagu qabto falal noocan ah.

Waxaa muddooyinkii dambe deegaanno ka tirsan gobolka Awdal ku soo qulqulayay maleeshiyaad beeleed hubaysan oo tiro badan, kuwaas oo ka soo tallaabayay xuduudaha Itoobiya iyo Jabuuti, kaddib markii ay xukuumaddu joojisay bandhigga buugga Xeer Ciise.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay maanta fuliyeen hawlgal amni oo qorshaysan, kaasi oo lagu baadi-goobayey koox hubaysan oo fal dambiyeed ku dilay laba qof oo shacab ah.

Hawl galkan oo ka dhacay Deegaanka indho biraale Degmada saylac, waxa muddadii uu socday, kooxdan budhcada ahi ay iska caabin hubaysan kala hortimid Ciidanka Qaranka ee waajibaadkooda sugidda amniga ku guda jiray.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga, waxay ku guulaysteen inay soo qabtaan xubno ka mid ah budhcaddii falkaas geysatay, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay hubkii ay wateen.

Hawlgalkasi wuxuu sababay in laba ka mid ah budhcaddii ku dhintaan iska-horimaadka, halka afar kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale digniin adag u dirayaan cid kasta ama koox kasta oo isku daya inay khal khal geliso amniga iyo xasilloonida shacabka, gaar ahaan gobollada galbeedka dalka, in laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka.

Ciidanka Qaranku waxay shacabka u xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga, iyo ilaalinta naf iyo maalba.

Xasan Sheekh oo u safraya Itoobiya, si uu uga qeyb-galo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berri ah u ambabaxaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay ka qayb-galka munaasabadda xuska sannad-guuradii 90-aad ee maalintii la aasaasay Ciidanka Cirka ee dalka Itoobiya.

Ciidankan oo la xusuusto inuu ka mid ahaa ciidamadii Soomaaliya la dagaallamay sannadkii 1977, ayaa xuska aasaaskiisa lagu qaban doonaa magaalada Addis Ababa, kaas oo ay ka qayb-geli doonaan madax kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goobjoog ka noqon doona dhoollatus ay sameyn doonaan diyaaradaha Cirka ee dalka Itoobiya iyo cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan ee cirka, kuwaas oo safka hore kaga jira ciidammada ugu awoodda badan qaaradda Afrika.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo muddooyinkii dambe ku howlanaa dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay baabi’isay heshiisyadii Abu Dhabi.

Abiy Axmed ayaa xiriir wanaagsan la leh Imaaraadka oo ka dambeeyay xadgudubka Israa’iil, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhankeeda dadaal xooggan ku bixinayso in dalalka gobolka aysan xilligan xiriir heer “dal” ah la yeelan maamulka Somaliland, kaddib aqoonsigii Israa’iil.

Israa’iil ayaa 26-kii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda”, isla markaana ay la samaysatay xiriir diblomaasiyadeed. Tallaabadaas ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee ku dhiirrada aqoonsiga Somaliland tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991-kii.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Dowladdu waxay dagaal adag kula jirtaa aqoonsiga Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo kuwa sharciga caalamiga ah.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay gogosha Xasan Sheekh ee Golaha Mustaqbalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay Gogosha Wadatashi ee Madaxweyne Xasan Sheekh u dhigay Golaha Mustaqbalka, oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Bayaan kasoo baxay Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa lagu xaqiijiyay taageeradeeda ku aaddan wada-hadal loo dhan yahay oo lagu gaarayo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyin laga wada qayb-galo.

UNTMIS ayaa muujisay mudnaanta heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedka dastuuriga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo billo kooban ka harsan yihiin.

“Waxaan ku dhiirrigelinaynaa Golaha Mustaqbalka inay si wanaagsan uga jawaabaan martiqaadka, waxaana ku boorrinaynaa dhammaan dhinacyada inay si wax ku ool ah uga qaybgalaan wadahadallada soo socda,” ayaa lagu yiri bayaanka UNTMIS.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirweynahan ayaa magaalada Muqdisho ka furmi doona 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026, sida uu shaaciyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Hoos ka aqriso qoraalka UNTMIS

UNTMIS waxay soo dhoweynaysaa ku dhawaaqista Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee madasha wadatashiga qaran iyo martiqaadka ay u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Waxaan dib u xaqiijineynaa taageeradeenna ku aaddan wada-hadal loo dhan yahay oo lagu gaarayo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyin laga wada qayb-galo oo daahfuran, ka hor inta uusan dhammaan waajibaadka dastuuriga ah bilaha soo socda.

Waxaan ku dhiirrigelinaynaa Golaha Mustaqbalka inay si wanaagsan uga jawaabaan martiqaadka, waxaana ku boorrinaynaa dhammaan dhinacyada inay si wax ku ool ah uga qaybgalaan wadahadallada soo socda.

Xasan Sheekh iyo Museveni oo yeeshay wada-hadal cusub oo lagu adkeeyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta wada-hadal taleefan ah la yeeshay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka hore ugu hambalyeeyay dhiggiisa dalka Uganda dib-u-doorashadiisa, kaddib guushii uu ka gaaray doorashooyinkii dhowaan ka dhacay dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Museveni u rajeeyay in muddada xil-hayntiisa uu dalka Uganda ku hoggaamiyo nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Intii uu socday wada-hadalka, labada Madaxweyne waxa ay isla soo qaadeen xoojinta iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo iskaashiga danaha guud ee labada shacab.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dalalka gobolka.

Sidoo kale, waxay si wadajir ah hoosta uga xariiqeen in xasilloonida Geeska Afrika ay ku xiran tahay is-ixtiraam iyo iskaashi dhow oo dhex mara dalalka deriska ah.

Soomaaliya iyo Uganda ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed oo dhow, iyadoo dowladda Uganda ay gudaha Soomaaliya ka joogaan ciidamo badan oo nabad-ilaalin ah.

Cirro oo baahiyay sawir muujinaya dalka uu joogo – Ma Tel Aviv ayuu ka degay?

0

Davos (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa galabta baahiyay sawirro laga dheehan karo dalka uu haatan ku sugan yahay, kaddib su’aallo ka dhashay safarkiisa uu shalay uga baxay magaalada Hargeysa.

Dadka qaar ayaa safarka Cirro la xiriirinayay Israa’iil, halka kuwo kalena ay ku jahwareereen dalka uu u safray Madaxweynaha Somaliland. Sawirradan uu baahiyay Cirro oo mid kamid ah uu ag taagan yahay diyaarad, ayaa muujinaya in uusan u safrin Tel Aviv.

Marka la eego xogta ka muuqata diyaaradda uu baahiyay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxaa soo baxaysa inuu joogo dalka Switzerland, gaar ahaan magaalada Davos, halkaas oo uu ka socdo shirka dhaqaalaha adduunka.

Diiwaanka diyaaradaha ee Switzerland (Swiss Civil Aircraft Register), gaar ahaan diyaaradda lambarkeedu yahay HB-ZYI ayaa muujinaya in ay iska leedahay shirkadda Swiss Helicopter AG, taas oo ay maamusho shirkadda Air Zermatt, kana shaqeysa adeegyada kirada gaarka ah ee Davos iyo deegaannada ku dhow.

Xogtan ayaa tilmaamaysa in Madaxweynaha Somaliland uu ku sugan yahay magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu ka socdo shirka dhaqaalaha adduunka.

Hase yeeshee, weli si rasmi ah looma xaqiijin in Cirro lagu martiqaaday shirka Davos iyo in kale, maadaama diyaaradda uu baahiyay ay kiraysan karaan ganacsato iyo dad gaar ahba.

Dhanka kale, Switzerland, gaar ahaan magaalada Davos, waxaa hore u joogay wafdi ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Maamulka Somaliland ayaa tan iyo markii Israa’iil sheegtay inay aqoonsatay, waxay Madaxtooyadda maamulku bilowday inay faafiso warar u muuqda buun-buunin, iyo in warbaahinta laga qariyo xogaha la xiriira safarrada Madaxweynaha ee dibadda.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tallaabadan ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee ku dhiirrada aqoonsiga Somaliland, tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsigaas ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Dowladda ayaa dagaal adag la gashay aqoonsiga Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, Dowladda Mareykanka ayaa si cad u muujisay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa dhankooda si asag diiday aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Booliska Kenya oo xabsiga dhigay dhalinyaro badan oo Soomaali ah + Sababta

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 23 dhalinyaro ah oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu eedeeyay falal jirdil iyo duubista muuqaallo anshax-darro ah oo ay kula kaceen gabdho u dhashay dalka Kenya.

Dhalinyaradan ayaa muddo toddobaadyo ah baadigoob ku hayay ciidamada ammaanka Kenya, gaar ahaan booliska, kaddib markii falalkooda si weyn ugu faafeen baraha bulshada.

Ugu dambeyn, dhammaan dhalinyaradaan ayaa waxaa lagu soo qabtay howl-gallo kala duwan, waxaana la geeyay saldhigga booliska ee Pangani, halkaas oo hadda lagu hayo.

Wararka laga helayo ilo amni ayaa sheegaya in dhalinyaradu ay muddooyinkii dambe si koox-koox ah ugu baahinayeen barta TikTok muuqaallo muujinaya falal anshax-xumo.

Muuqaalladaasi ayaa isugu jiray jirdil iyo taabasho aan habboonayn oo ay kula kacayeen gabdho Kenyan ah, taas oo dhalisay caro iyo fal-celin xooggan oo gudaha dalkaas ah.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda dhalinyaradan la horgeeyo maxkamad, iyadoo sidoo kale lagu daray eedeymaha qorshe la xiriira in dalka Kenya laga masaafuriyo, laguna celiyo dalalkooda.

Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan xaafadda Islii ayaa si weyn u taageeray tallaabada lagu xiray dhalinyaradan, iyagoo ku baaqay in sharciga la horgeeyo falalkii anshax-darro ee ay ku kaceen.

Somalia oo noqotay dalkii 5-aad ee ansixiyay heshiiska…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay heshiiska Urur Goboleedka IGAD oo ay xubin ka tahay Soomaaliya, waxayna noqotay dalka 5-aad ee meel-mariyay heshiiskan oo muhiim ah.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Cali Balcad oo Golaha Shacabka hortegay ayaa codsigaas hordhigay Xildhibaannada, waxayna kadib ka gaareen go’aan, iyaga oo ku ansixiyay cod aqlabiyad leh.

Guddoonka Baarlamaanka oo sameeyay codeyn gacan taag ah ayaa sheegay in fadhiga ay soo xaadireen illaa 144 Xildhibaan, waxaana ogolaaday heshiiska 141 Mudane, waxaa diiday 2 halka uu ka aamusay 1 Xildhibaan oo kaliya.

Cali Balcad oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqotay dalka 5-aad ee heshiiskan ansixiyo, wuxuuna u mahadceliyay Baarlamaanka.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in mar-weliba oo caqabado siyaasadeed dalka uu soo wajaho uu garab ka doonto Urur Goboleedka IGAD, ayna faa’iido ku qabto dowladda Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay xilligan adag u baahan tahay dalal iyo ururo waa wayn oo garab istaaga, si loo ilaaliyo midnimadeeda, kadib xadgudubkii Israa’iil oo aqoonsatay Somaliland.

“Soomaaliya xilligaan waxay u baahan tahay dalal iyo ururo naga taageera ilaalinta midnimadeena sida IGAD”. ayuu wasiiru dowluhu.

IGAD ayaa si dhow ula socota arrimaha gudaha ee Soomaaliya, maadaama ay  xubin ka tahay ururkaas, iyada oo door firfircoon ka qaadata hawlaha ururka.

Donald TRUMP oo mar kale si xun ugu gefay Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Mareynka Donald Trump ayaa mar kale si xun ugu gefay Soomaaliya, isaga oo su’aal geliyay gebi ahaanba jiritaankeeda.

Trump ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya aysan aheyn dal jira, wuxuuna xusay in dadkeeda ay yihiin mashaqeystayaal, sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaaliya ma aha dal iyo wax u eg, Mareykan ayey yimaaddaan Soomaalidu, si ay u taajiraan, mana shaqaystaan.” ayuu yiri Trump.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in dalka Soomaaliya ay dadkiisa is-dilaan, isla markaana ay ku badan yihiin burcad-badeedda.

Waxaa kale oo uu weerar toos ah ku qaaday Senator Ilhan Omar oo ka tirsan Congresska Mareykanka, isla markaana ay isku hayaan arrimaha siyaasadda Mareykanka, isaga oo ku sifeeyay inay ka timid dalka uu xun caalamka.

“Ilhan waxay ka timi Soomaaliya – dal dib-u-socod ah iyo kan ugu xun adduunka dadkoodu waa isla wareeg, isdilaya oo budhcad-badeed ah – waxay dooneysaa in ay noo sheegto sidaan dalkeena u hoggaamin lahayn.” ayuu sii raaciyay.

Dhawaan madaxweyna Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jawaab siiyay dhiggiisa dalka Mareykanka, Donald Trump oo marar badan usoo gefay Soomaaliya, wuxuuna wareysi uu siiyay Telefishinka Al Carabiya ku sheega in wax aan la aqbali karin ay tahay aflagaaddada madaxweyne Trump.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa qab leh isla markaana uu garaadkooda uu gaarsiisan yahay meel sare.

“Wax la aqbali karo maaha in Trump uu Soomaalida ugu yeero qashin, Soomaalidu waa dad caqli badan oo karti badan” ayuu ku jawaabay Xasan Sheekh.

Si kastaba, ha’ahaatee, Hadallada Trump oo dhaliyay falcelin xooggan ayaa si muuqata u xambaarsan cunsuriyad wayn iyo jees-jees, isaga oo aan lahayn isku xirka hadal siyaasadeed oo rasmi ah.

Madaxweynaha dowladda Mareykanka oo caan ku ah hadallo soo noq-noqda iyo jees-jees, ayaa weli kusii cel-celinayo weeraro dhanka ah afka ah oo uu ku qaadayo Xildhibaan Ilhan Omar iyo dalka ay kasoo jeedo ee Soomaaliya.

Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaanka Kudhaa

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah waxaa laga helayaa dagaal xooggan oo saaka Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo beegsaday saldhigga ciidanka Jubbaland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka ay Al-Shabaab ku bilaabeen qaraxyo, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah oo ay la galeen ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Xogtii ugu dambeysay aya sidoo kale sheegeysa in haatan ciidanka Jubbaland ay isaga baxeen Kudhaa, waxaana kadib gudaha u galay dagaalamayaashii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday deegaankaasi oo dhaca dhanka xeebta ee Jubbada Hoose.

Sidoo kale, waxaa jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Xaaladda ayaa sidoo kale haatan kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaannada u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii uu dambeeyay ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka socdeen gobollada Jubooyinka, waxaana iska kaashanayay Ciidanka Daraawiishta Jubaland iyo kuwa Danab oo inta badan beegsada xarumaha muhiimka ah ee argagixisada.

Sawirro: Wafdi ay dirtay DF oo gaaray Pakistan + Ujeedka

0

Islamabad (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Islamabad ee caasimada dalka Pakistan, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Soo dhaweynta waxaa ka qayb-qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Pakistan iyo safiirka Soomaaliya ee dalkaas, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Wafdigan waxaa horkacayo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf (Cali Xoosh), waxaana qayb ka ah guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, maareeyaha hay’adda NIRA, Mudane Cabdiwali Timacadde, guddoomiyaha hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin iyo taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Cabdulaahi Kaniif.

Ujeedka safarka wafdiga ay dirtay Dowladda Soomaaliya ayaa la xiriira inay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga labada wadan ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Sidoo kale, inta ay joogaan dalkaasi, waxaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan madaxda Pakistan, si looga wada hadlo kor u qaadida iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada aqoonsiga Qaranka iyo diiwaangelinta dadweynaha, arrimaha doorashooyinka, dimuqraadiyadda iyo dhinacyada gargaarka.

Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay wadday dadaallo dheeraad ah oo ay ku xoojineyso xiriirkeeda arrimaha dibadda, waxayna diiradda saartay arrimaha diblumaasiyadda ee gobolka iyo caalamka.

Shalay ayaa u dambeyay dowladdu waxay wafdi heer wasiir ah u dirtay magaalada Dooxa ee caasimada ee dalka Qatar, kaas oo hoggaaminayo wasiirka amniga gudaha, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxaana qayb ka ah saraakiil kale oo muhiim ah.

Xubnahaas ayaa ku biiray mas’uuliyiin kale oo uu kamid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan Dooxa, halkaas oo ay ka wadaan kulamo xasaasi ah oo u dhexeeyo Qatar iyo Soomaaliya.

Ujeedka safarka wafuudan wuxuu la xiriiraa xoojinta xiriirka labada dal, iyada oo la filayo in sii adkeeyaan iskaashigooda, ayna galaan heshiisyo horleh.

Soomaaliya ayaa haatan dabacsanaan wayn u muujineyso Dooxa, si ay u noqoto beddalka Abu Dubai oo ay kula tageen maalmo kahor, kadib go’aankii Golaha Wasiirada oo lagu burburiyay heshiiyadii horay loola galay Imaaraadka.

 

Maxay Villa Somalia ka tiri safarrada qarsoodiga ah ee madaxweyne Cirro?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare) oo qoraal soo saaray ayaa si xoogan u dhaliilay safarrada dhuumaaleysiga ah ee uu galo madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo haatan wada dhaq-dhaqaaq diblumaasiyadeed oo qarsoodi ah, kadib markii uu ku xirtay Israa’iil.

Cabdicasiis Golfyare ayaa marka hore is-babar dhig ku sameeyay safarrada madaxda dowladda iyo kuwa maamulka gooni u goosadka ah, isaga oo tilmaamay in booqashooyinka madaxda qaranka ay yihiin kuwa muhiimad gaar ah u leh shacabka. Waxaa kale oo uu xusay in dadweynuhu ay xaq u leeyihiin inay la socdaan safar kasta iyo qorshihiisa.

“Safarrada madaxda Qaranka waa kuwo qorsheysan oo lagu xaqiijinayo ahdaaf uu Qaranku leeyahay, waxayna ka mid yihiin howl maalmeedkooda. Sir maaha, muwaadiniintana waxay xaq u leeyihiin inay xogta ugu badan ka ogaadaan, laga billaabo marka safarka la qorsheynayo, xilliga, muddada, mas’uuliyiinta safrayo, ajendaha loo safrayo, cidda lala kulmi doono iyo ugu dambeyn natiijada laga gaaray” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta Villa Somalia.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay madaxda sare ee Somaliland oo uu ugu horreeyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro inay ka dhuuntaan shacabkooda, isla markaana ay ka shaqeynayaan waxyaalo halis ah oo kasoo horjeedo dhaqanka suuban, Diinta iyo mabaadi’da dadkooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Is barbar dhigga safarrada madaxda Qaran jira iyo maamul gooni u goosad ah oo tahriib ku taga dal dunida ka cambaareysan oo ka baqayo inay shacabkooda ogaadaan maadaama ay ka shaqeynayaan wax ka soo horjeeda dhaqanka, diinta iyo mabaadi’da dadkooda, lagama fileynin suxufiyiin waa weyn” ayuu mar kale yiri Agaasime Cabdicasiis Golfyare.

Waxaa kale oo uu duray Wariyeyaasha madaxa banaan, isaga oo yiri “Suxufi dhiirri gelinaayo in xogta safarrada madaxda la qariyo 2026 waa wax lala yaabo”.

Hadalka kasoo yeeray Villa Soomaaliya ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullahi Cirro uu ka duulay garoonka Hargeysa, isaga oo u baxay safar la qariyey ujeedkiisa rasmiga ah. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in Cirro diyaarad qaas ah ay ka qaaday Hargeysa, waxaana safarkiisa uu dhaliyay hadal-heyn xooggan.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca madaxtooyada iyo xukuumadda oo ku aadan safarka uu shalay u baxay Cirro, iyada oo goor sii horreysay ay soo baxeen warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in uu kusii jeedo magaalada Tel Aviv ee caasimada Israa’iil.

Dhacdooyinkan ayaa imaanaya wax ka yar bil kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweyne Cirro ay yeesheen wada-hadal taleefan 26-kii Diseembar 2025. Wicitaankaas oo ahaa mid taariikhi ah, ayuu Netanyahu ku sheegay in Israa’iil ay aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland, isagoo casuumaad rasmi ah u fidiyay madaxweynaha. Cirro ayaa waqtigaas aqbalay casuumaadda, isagoo ballanqaaday inuu booqan doono Israa’iil “sida ugu dhaqsaha badan” sanadka 2026.

Imaaraadka oo dhageystay amarkii DF ee Boosaaso, Bebera iyo Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) — Imaaraadka Carabta ayaa wada inuu la baxo shaqaalihiisa iyo qalabkiisa milateri ee ku sugan dekedaha iyo xarumaha ciidamada Soomaaliya, kaddib markii dowladda Federaalka ah ay burisay shabakad heshiisyo ah oo isugu jiray dekedo, difaac, iyo amni.

Dowladda Soomaaliya ayaa 12-kii Janaayo ku dhawaaqday inay joojisay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka — oo ay ku jiraan iskaashiga dekedaha iyo difaaca — iyadoo ku eedaysay Abu Dhabi inay ku kacday falal “wiiqaya” madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in go’aankani uu si gaar ah u beegsanayo heshiisyada la xiriira marinnada istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadan iyo Badda Cas, kuwaas oo noqday goobo ay loolan xooggani ka jiro sababo la xiriira weerarrada Xuutiyiinta iyo xafiiltanka gobolka ee sii kordhaya.

Wargeyska Africa Confidential ayaa daabacay in xiisaddan dublamaasiyadeed ay sababtay in Imaaraadku kala baxo shaqaalihiisa iyo qalabkiisa dekedaha iyo xarumaha ku yaalla Somaliland, Puntland, iyo meelo kale.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Imaaraadku uu gebi ahaanba faarujiyay saldhiggiisii Berbera isla markaana soo afjaray joogitaankiisii milateri ee Kismaayo, halka weli wadaan ka bixitaanka saldhigga garoonka Boosaaso. 

Dhanka kale, Imaaraadka iyo shirkadaha xiriirka la leh ayaan tafaasiil badan ka bixin arrintan. Shirkadda DP World oo laga leeyahay Dubai ayaa sheegtay in howlaheeda dekedda Berbera aysan “saameyn ku yeelan” khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka, taas oo muujinaysa in danaha ganacsi laga yaabo inay sii socdaan xitaa haddii xiriirka siyaasadeed iyo kan militari uu xumaaday.

Dhinaca kale, maamulka Somaliland ayaa sheegay in go’aanka Muqdisho uusan quseyn heshiisyada ay iyagu galeen. Sidoo kale, Puntland iyo Jubbaland ayaa muujiyay inay sii wadanayaan iskaashiga ay la leeyihiin hay’adaha Imaaraadka.

Si kastaba ha ahaatee, Abu Dhabi ayaa u muuqata inay dhegaysatay go’aanka Muqdisho. Tani waxay wiiqi doontaa awoodda iyo saameynta Imaaraadka ee Geeska Afrika, waxayna adkayn doontaa gaarsiinta hubka ee maleeshiyada Rapid Support Forces (RSF) ee dalka Suudaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku tilmaamay khilaafkan mid salka ku haya madax-bannaanida dalka. “Xiriir wanaagsan ayaan la lahayn Imaaraadka, laakiin nasiib-darro, nagumayla dhaqmin sidii dal madax-bannaan oo xor ah,” ayuu yiri Madaxweynuhu mar uu la hadlayay suxufiyiinta toddobaadkii hore.

Xiisadda ayaa sii kululaatay kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland 26-kii Diseembar, 2025-ka, tallaabo ay Muqdisho ku tilmaantay mid lagu soo xadgudbay midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Saraakiisha Soomaaliya ayaa ka shakisan in Imaaraadku uu gogol-xaar u noqday aqoonsigaas, in kastoo Abu Dhabi aysan weli xaqiijin door ay ku lahayd.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal ugu jira inuu helo taageero dublamaasiyadeed, iyadoo Sacuudiga iyo Turkiga ay safka hore kaga jiraan dalalka sida weyn u taageeray midnimada Soomaaliya, oo ay wehliyaan Shiinaha iyo Midowga Yurub.

Go’aan xasaasi ah oo lagu gaaray in howlgalka ciidanka Turkiga ee badda Soomaaliya…

Ankara (Caasimada Online) — Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa meel-mariyay mooshin ogolaanaya in muddo hal sano ah la kordhiyo hawlgalka ciidamada badda ee Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadan, biyaha Soomaaliya, iyo badaha ku xeeran, tallaabadan u cusboonaysiinaysa Ankara awooddii sharci ee ay ku sii hayn lahayd maraakiibteeda dagaalka mid ka mid ah marinnada badda ee ugu xasaasisan caalamka.

Sida ay ku warramayso warbaahinta Turkiga, Golaha Guud ee Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay soo jeedin ka timid Madaxweynaha oo lagu kordhinayo waqtiga hawlgalka ciidamada badda ee Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadan, biyaha Soomaaliya, bad-weynta furan, Badda Carbeed iyo aagagga ku dhow.

Wargeyska Daily Sabah ayaa sheegay in mooshinkan markii ugu horreysay la ansixiyay sannadkii 2008-dii, wixii intaas ka dambeeyayna sannad walba dib ayaa loo cusboonaysiinayay.

Asalka hawlgalkan ayaa soo bilowday xilligii ay sare u kacday burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya dhammaadkii 2000-meeyadii, xilligaas oo afduubyo iyo weerarro lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ay sababeen in dunidu ay si wada-jir ah ciidamo badeed ugu soo dirto galbeedka Badweynta Hindiya.

Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa horey u xiriirisay hawlgalka Turkiga iyo qaraarro kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo sanado badan lagula dagaallamayay burcad-badeedda iyo dhaca hubeysan ee ka dhaca badaha gobolka. 

Inkastoo weerarrada burcad-badeeddu ay si weyn hoos ugu dhaceen wixii ka dambeeyay 2012, haddana khataraha amniga badaha ee aaggaas ayaa weli ahmiyad u leh ciidamada shisheeye, kuwaas oo hadda sidoo kale la socda shabakadaha tahriibta iyo saameynta ay colaadaha gobolku ku yeelanayaan amniga badda.

Gacanka Cadan wuxuu ku yaallaa meel u dhow marinka istiraatiijiga ah ee Baab al-Mandab, kaas oo isku xira Badda Cas iyo Badda Carbeed, waana halbowle muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah iyo raridda shidaalka.

Khataraha ka jira Badda Cas ayaa kordhiyay feejignaanta ciidamada badda ee ku sugan marinnada u dhow tan iyo dhammaadkii 2023, kaddib markii weerarro lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ay khal-khal galiyeen isu-socodka, taas oo ku qasabtay qaar ka mid ah shirkadaha inay maraakiibtooda u weeciyaan dhanka koonfurta Afrika.

Cusboonaysiinta go’aanka Turkiga ayaa kusoo beegmaya xilli ay Ankara sii xoojinayso iskaashiga dhanka difaaca ah ee ay la leedahay Soomaaliya.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Turkiga ayaa ballan-qaaday inuu Soomaaliya ka caawiyo amniga badaha si ay u difaacdo biyaheeda, arrintaas oo daba socotay heshiis iskaashi difaac iyo dhaqaale oo la saxiixay bishii Febraayo 2024.

Turkiga ayaa sidoo kale in ka badan toban sano tababarayay ciidamada Soomaaliya, uuna Muqdisho ku leeyahay saldhigga milateri ee ugu weyn ee uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa. 

Joogitaanka milateri ee Turkiga ee badaha ayaa sidoo kale si weyn ula jaanqaadaya hammiga tamarta ee Ankara ay ka leedahay xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa sheegay in Turkiga uu qorsheynayo inuu bisha Febraayo 2026 bilaabo hawlgalkiisii ugu horreeyay ee qodista shidaalka biyaha moolka dheer ee Soomaaliya, tallaabadaas oo ka dhalatay heshiis sahmin shidaal ah oo labada dal dhex maray 2024-kii.

Ogolaanshaha cusub ee baarlamaanka ayaa ilaalinaya qaab-dhismeedka sharciga ah ee ciidamada badda Turkiga ay ku joogaan aaggaas sanad kale, taas oo sii adkeynaysa doorka Ankara ee gobolka ay isku soo galayaan amniga, dublamaasiyadda iyo kheyraadka badda.