26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Madaxda sare ee Imaaraadka Carabta oo is-khilaafay kadib jabka diblomaasiyadeed

0

Dubai (Caasimada Online) – Madaxda sare ee Imaaraadka Carabta ayaa khilaaf xooggan ka dhex qarxay xilli uu dalkaasi wajahayo jab diblumaasiyadeed oo uu kala kulmay dalal badan, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

Khilaafkan ayaa banaanka usoo baxay kadib shir ay iskugu yimaadeen madaxda sare ee dalkaasi, kaasi oo hadlayay sidii Imaaraadka uga kaban lahaa guuldarrooyinka soo gaaray.

Kulankaasi waxaa si gaar ah uga qayb-galay Maxamed Bin Rashiid Al-Maktuum, oo ah Madaxweyne ku xigeenka Isutagga Imaaraatka Carabta kana ah Ra’iisul Wasaaraha dalka, iyo Madaxweyne Maxamed Bin Zayid, kuwaas oo lafa-guray sidii looga bixi lahaa xaaladda adag ee ka dhalatay fashilkaas siyaasadeed.

Maamulka sare ee Dubai oo kamid ah Imaaradaha isu-tagay ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay sida Boqortooyada Sacuudiga oo muddo dheer kasii jeeday danaha Imaaraadka ay marqudha u kala furfurtay xargihii adkaa ee dalalka laga eryay Imaaraadka.

Isu-tagga Imaaraatka Carabta ayaa wajahay go’doon ballaaran oo kaga yimid dalalka Carabta, iyadoo eedeymo hore loogu jeedin jiray ay markii dambe isu bedeleen tallaabooyin cad oo rasmi ah, kuwaas oo sababay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay laga saaro saameyntii Imaaraadka.

Dalalka Imaaraadku fara-gelinta ku hayay ayaa waxaa kamid ah Soomaaliya, Liibiya, Yemen iyo Suudaan, waxaana ka dhashay isbahaysi ka dhan ah oo ay ku midoobeen Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Masar, kaas oo ugu dambayn guul ka gaaray siyaasaddii Imaaraadka.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda joojijsay heshiisyada milatari ee ay la gashay Imaaraadka, dalkaas oo dano dekedo iyo saldhigyo milatari ku leh Somaliland, Puntland, iyo Jubaland — deegaanno ay awoodda Muqdisho ku xaddidan tahay.

Si kastaba, Sacuudigu ayaa doonaya in uu saameyntiisa gaarsiiyo Geeska Afrika, halkaas oo Imaaraadku uu maalgashi culus ku sameeyay dekedo iyo kaabayaal milatari.

Sacuudigu ayaa sidoo kale miisaamaya tallaabooyin ballaaran oo uu kaga hortagayo awoodda Imaaraadka – ma aha oo kaliya Yemen, laakiin waa guud ahaan wadamada nugul ee gobolka, halkaas oo labada quwadood ee Khaliijku ay ku tartamayaan saameynta amniga, dekedaha, iyo siyaasadda.

JABUUTI oo xoojinaysa nidaamka ka hortagga…

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa xoojinaysa nidaamka qaran ee ka hortagga lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, iyadoo Khamiistii Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed uu shir guddoomiyay kulan lagu lafaguray dib-u-habaynta istiraatiijiga ah ee nidaamkan.

Kulanka oo ka qeyb-galeen xubnaha guddiga isku-xirka qaranka ee qaabilsan dejinta iyo hagidda siyaasadaha ka hortagga lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ahaa wasiirro, xoghayaha guud iyo madaxa xafiiska ra’iisul Wasaaraha, agaasimaha guud ee hay’adda qaranka ee macluumaadka maaliyadeed iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’addaas.

Intii shirka socday, guddiga ayaa la hordhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan horumarka ay hay’addu ku tallaabsatay tan iyo aasaaskeeda.

Warbixinta ayaa iftiimisay hirgelinta hannaan casri ah oo lagu maareeyo xogta maaliyadeed, kobcinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, iyo doorka ay hay’addu ku leedahay qiimeynta wadajirka ah ee uu hoggaaminayo GAFIMOAN, oo ah urur goboleed la shaqeeya hay’adda caalamiga ah ee FATF.

Gunaanadka wada-hadallada kadib, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu meel-mariyay miisaaniyadda hay’adda qaranka ee macluumaadka maaliyadeed ee sanadka 2026, taas oo u oggolaanaysa hay’adda inay yeelato madax-bannaani dhaqaale si loo kordhiyo hufnaanta iyo wax-ku-oolnimada shaqadeeda.

Lama shaacin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan qaddarka miisaaniyadda la ansixiyay.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in tallaabadan looga dan leeyahay xoojinta u hoggaansanaanta Jabuuti ee heerarka caalamiga ah ee la-dagaallanka lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, isla markaana lagu dhisayo kalsooni dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Xukuumadda Jabuuti ayaa mar kale adkeysay sida ay uga go’an tahay taageeridda casriyeynta hay’adaha ka shaqeeya arrimahan muhiimka ah, si Jabuuti ay u noqoto xarun maaliyadeed oo ammaan ah, sharciyeysan, isla markaana la jaanqaadda hab-raacyada ugu sarreeya ee caalamiga ah.

Masar oo marti-gelisay shir heer sare ah oo Soomaaliya ka qeyb-gashay + Sawirro

0

Qaahira (Caasimada Online) – Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka, kaas oo ay isugu yimaadeen wasiirro iyo masuuliyiin ka socday dalalka Carabta.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira horumarinta isgaarsiinta, tiknoolojiyadda iyo jihada mustaqbalka dijitaalka ee dalalka xubnaha ka ah golaha Carabta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa shirka ku matalayay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Maxamed Adam Macallin (Soomaali), kaas oo door muuqda ka qaatay kulamada iyo wada-tashiyada istiraatiijiga ah ee ajendaha shirka.

Wasiirka ayaa madasha ka caddeeyey aragtida Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda, isaga oo adkeeyey baahida loo qabo qorshe mideysan oo lagula jaanqaadayo isbeddellada dijitaalka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa si gaar ah u muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashi Carbeed oo mideysan, si loo dhiso mustaqbal dijitaal oo waara loona dardar-geliyo horumarka dalalka xubnaha ka ah golaha.

Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale la falanqeeyey fursadaha iskaashi ee u dhexeeya dalalka Carabta, horumarinta adeegyada dijitaalka, iyo sidii loo xoojin lahaa doorka tiknoolojiyadda ee kobaca dhaqaale iyo horumarka bulshada.

Ka-qaybgalka Soomaaliya ee kulankan heer gobol ah ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka mid noqoshada dadaallada wadajirka ah ee Carabta, ka-qayb qaadashada go’aamada saameeya horumarka dijitaalka iyo xoojinta iskaashiga ku saleysan aqoon wadaag iyo tiknoolojiyad casri ah.

DENI oo kulan xasaasi ah Nairobi kula qaatay beesha caalamka + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay wakiillada beesha caalamka.

Kulankan ayaa waxaa si gaar ah Madaxweynaha Puntland ula qaatay Safiirada Qaramada Midoobey, Midowga Europe ,UK, Denmark, Norway, Canada, Germany, Sweden iyo diblomaasiyiin sarre oo ka tirsan safaaradaha USA, Switzerland, Finland, France, Netherlands iyo World Bank.

Kulanka waxaa looga hadlay xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyadoo Madaxtooyada ay sheegtay in Puntland lagu boggaadiyey hawl-galka ay argagixisada kaga ciribtireyso deegannadeeda iyo hirgelinta simuqraadiyadda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay arrimaha bani’aadanimo iyo iskaashiga horumarineed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, safiiradda ayaa intii kulanka socday waxay Madaxweynaha Puntland ku booriyeen ka qeyb-galka gogosha wadatashi qaran, kaasi oo casuumaaddiisa ay fidisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa Madaxweyne Deni kulanka kala qeyb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka, Cabdi Faarax Juxa, Wakiilka arrimaha siyaasadda iyo xiriirka caalamka, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka iyo agaasimaha warfaafinta ee Madaxtooyada, Jaamac Yuusuf Dabaraani.

Si kastaba, kulankan ayaa qeyb ka ah shirar ay beesha caalamka la yeelanayso hoggaanka Jubaland iyo Madasha Mucaaridka, si uu u qabsoomo shirka wadatashiga qaranka ee dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Beesha Caalamka, gaar ahaan QM, Midowga Yurub iyo UK ayaa si wadajir ah culeys siyaasadeed u saaraya isbahaysiga mucaaradka ah ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si ay u aqbalaan casuumaadda Dowladda Federaalka ee gogosha wadatashiga qaran.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa adkeeyay in xilligan xaasaasiga ah loo baahan yahay wada-hadal loo dhan yahay si loo gaaro is-afgarad ballaaran oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, ka hor inta aysan dhammaan muddada dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda.

Cadaadiskan caalamiga ah ayaa ku soo beegmaya xilli hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed aysan weli ka jawaabin casuumadda dowladda ee shirka furmaya 1-da Febraayo.

Soomaaliya ayaa wajaheysa loollan waqtiyeed, iyadoo muddo-xileedka hay’adaha dowladda lagu wado inuu dhammaado bartamaha bisha May ee sanadkan. Si kastaba, Ismari-waaga ugu weyn ayaa salka ku haya nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Somali opposition faces pressure to accept election talks

Mogadishu, Somalia — International pressure mounted Thursday on Somalia’s opposition alliance to accept a government offer for high-stakes electoral talks, as the clock ticks toward the end of the government’s mandate and the country still lacks an agreed roadmap for elections.

The United Nations, the United Kingdom, and the European Union have issued coordinated appeals urging the “Somali Future Council” (SFC)—a coalition of opposition figures and regional state leaders—to end a political standoff that threatens to derail polls scheduled for before the government’s mandate expires in May.

The diplomatic push comes as opposition leaders hold consultations to formulate a response to an invitation from the Federal Government of Somalia (FGS).

On Monday, the government formally invited the SFC to a “National Consultative Forum” set to commence in Mogadishu on February 1, aimed at resolving deep disagreements over the country’s transition to universal suffrage.

The invitation came just one day before a deadline set by the opposition bloc, which warned of a “dangerous political split” if the administration failed to outline a clear route to elections by Tuesday, January 20.

Race against time

Somalia is facing a critical deadline. The constitutional mandate of President Hassan Sheikh Mohamud’s administration and the federal parliament is set to end in mid-May 2026.

Diplomats fear that a failure to reach consensus on the electoral model before then could push the fragile nation into a constitutional crisis or violence, distracting from the ongoing fight against Al-Shabaab insurgents.

The United Nations Transition Mission in Somalia (UNTMIS) welcomed the government’s move, stressing the urgency of the timeline.

“We reaffirm our support for an inclusive dialogue that seeks to achieve a broad consensus on participatory, transparent elections before constitutional mandates expire in the coming months,” UNTMIS said in a statement on X (formerly Twitter), urging the opposition to “respond positively” and engage constructively.

The United Kingdom and European Union echoed these sentiments, with the UK mission in Mogadishu warning that consensus is vital for “Somalia’s stability & prosperity.”

The core dispute

At the heart of the impasse is a bitter dispute over the methodology and feasibility of the next election. Key points of contention include whether to maintain the current indirect voting system or transition to a universal suffrage model, as well as concerns over the timeline and the potential for term extension.

President Mohamud has spent much of the past year campaigning for a transition from the complex indirect voting system—where clan elders pick delegates who then elect lawmakers—to a “One Person, One Vote” universal suffrage model.

The government argues this is the only way to enfranchise the Somali public and move the country forward.

However, the opposition views the push for universal suffrage this late in the term as a “Trojan horse.”

The Somali Future Council, which includes the powerful presidents of the semi-autonomous states of Puntland and Jubbaland, as well as former national leaders, accuses the president of using the logistical complexity of a direct election as a pretext to engineer a technical term extension.

They argue that organizing a credible popular vote across the insecure country is impossible before May due to security and logistical concerns. The opposition demands a consensus-based model that guarantees both a timely transfer of power and inclusion in decision-making.

The opposition alliance had previously frozen relations with the central government, accusing the administration of unilateral decision-making. In late December 2025, they issued a demand for a broad consultative summit to address these concerns.

Government softens stance

Monday’s invitation from the office of Prime Minister Hamza Abdi Barre appears to be an olive branch.

In a press release, the government stated the February 1 forum would focus on “strengthening national unity” and “implementing a democracy based on consultation and compromise,” explicitly referencing the opposition’s earlier demands.

To demonstrate commitment, the government has appointed a ministerial committee led by the Minister of Justice and Constitutional Affairs, Hassan Moalim Mohamud Sheikh Ali, to organize the talks. They have asked the SFC to appoint their own representatives to co-manage the agenda.

Despite the conciliatory tone from Mogadishu and the pressure from Western donors, the outcome remains uncertain, and the opposition bloc has yet to respond.

Opposition leaders are reportedly divided on whether to attend the Mogadishu talks without preconditions.

Sources close to the alliance suggest hardliners are demanding international mediation or specific guarantees, including the government rolling back constitutional amendments that already passed by parliament.

The European Union’s ambassador to Somalia, Francesca Di Mauro, warned that the window for negotiation is closing.

“Inclusive dialogue aiming at a broad consensus on elections before mandates expire is key,” the EU mission stated, adding they look forward to witnessing “constructive talks.”

If the council boycotts, analysts warn the political temperature in Mogadishu will rise sharply, potentially leading to the kind of armed fragmentation seen during previous electoral crises. For now, the ball remains in the opposition’s court.

Shaki iyo walaac laga muujiyay dedejinta Villa Somalia ee ansixinta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in lagu meel-mariyo cutubyada dhiman ee dastuurka dalka ayaa shaki xooggan laga muujiyay, xilli bilooyin kooban ka harsan yihiin muddoo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa isa soo taraya walaaca laga muujinayo dedejinta qorshaha wax ka beddelka dastuurka, iyadoo soo baxayaan baaqyo looga digayo cawaaqibka ka dhalan kara deg-degga lagu hayo dukumeentigan masiiriga ah.

Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir (Caanooy) oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyay hannaanka Villa Somalia u wado wax-ka-beddelka dastuurka.

Sidoo kale wuxuu su’aal geliyey suurtagalnimada in muddo hal usbuuc ah lagu akhriyo, laguna ansixiyo dastuur qaran, isagoo yiri: “Dastuurku waa heshiiska ugu sarreeya ee ummadda, mana aha dukumeenti lagu dedejin karo. Go’aan kasta oo aan wada-tashi lahayn wuxuu dhaawacayaa mustaqbalka qaranka.”

Xildhibaanka ayaa dalbaday in la helo waqti ku filan iyo dood hufan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda, xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan fidiyay gogol wadatashi qaran, taas oo qorshuhu yahay in magaalada Muqdisho ka qabsoomto 1-da Febraayo 2026.

Walaacan ayaa imanaya xilli horey ay u qaaddaceen hawsha dib-u-eegista dastuurka maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale xubno ka tirsan mucaaradka oo aaminsan in Madaxtooyadu ku koobeyso gacanteeda go’aannada masiiriga ah ee dalka.

Arrimaha la xiriira Dastuurka Soomaaliya ayaa galay xaalad aad u nugul, iyadoo sanadka 2026 loo arko mid door weyn ka ciyaari doona jihada mustaqbalka nidaamka federaalka iyo deggenaanshaha siyaasadeed ee dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaanka oo dhameystiran:

Dastuur qaran laguma dhiso degdeg, lagumana ansixiyo waqti la’aan.

Ma hal asbuuc ayaa lagu akhriyi karaa laguna ansixin karaa Dastuur qaran?

Annaga oo ah xildhibaano, asbuuca soo socda ayaa naloo keenayaa Dastuurka Qaranka, iyadoo hal asbuuc oo keliya laga doonayo in lagu falanqeeyo lana ansixiyo. Taasi waa arrin layaab leh oo walaac dhalinaysa.

Dastuurku waa heshiiska ugu sarreeya ee ummadda, mana aha dukumeenti lagu dedejin karo. Go’aan degdeg ah wuxuu dhaawacayaa kalsoonida, doorka Baarlamaanka, iyo mustaqbalka dalka.

Dastuur qaran wuxuu u baahan yahay waqti, dood, iyo daahfurnaan — ma aha degdeg.

Sidaa awgeed, waxa aan ku baaqayaa:
1. In la helo waqti ku filan oo dastuurka lagu akhriyo laguna falanqeeyo,
2. In la furo dood qaran oo hufan,
3. In aan la dedejin go’aan saameynaya mustaqbalka qaranka.

Somaliland president doesn’t expect quick wave of recognitions

Hargeisa, Somalia — Somaliland’s president has acknowledged that wider diplomatic recognition is unlikely to come quickly after Israel became the first country to recognise the breakaway region in northern Somalia.

“We recognise that widespread international recognition won’t occur overnight,” Abdullahi wrote in a Wall Street Journal opinion essay published this week.

But he used the article to deliver his clearest and strongest defence yet of the Dec. 26 agreement with Israel, a step that has rattled regional alignments in the Horn of Africa and pushed Somaliland’s statehood campaign back into the centre of a widening geopolitical contest.

Somaliland declared independence in 1991 after Somalia’s central government collapsed and has since run its own elections, currency, security forces and institutions.

It has operated as a de facto state for more than three decades, but until now, Israel became the first UN member state to formally recognise it.

Somalia’s federal government in Mogadishu has denounced the pact as an “illegal violation of sovereignty,” but Abdullahi argued the relationship rests on more than strategy. He described it as a moral choice shaped by history and shared trauma.

First mover

“This recognition didn’t arise from diplomatic calculation alone,” he wrote, linking Israel’s national story to what he described as a “systematic campaign of extermination” against Somalilanders under the late Somali dictator Siad Barre in the late 1980s.

Abdullahi wrote that Israel was among the few countries that spoke up at the United Nations in 1990 as Hargeisa came under bombardment, an episode he said killed an estimated 200,000 civilians and left the city in ruins.

He cited an instruction he attributed to Barre’s forces — “kill all but the crows” — and argued that to this day Somalilanders still see that period as the basis for a bond that goes beyond today’s politics.

In his essay, Abdullahi casts Israel’s recognition as the decisive “first mover” step other capitals have avoided for years, even when privately sympathetic.

He wrote that many countries “in Africa and beyond” see Somaliland’s claim as morally and legally grounded but nonetheless have held back while waiting for a state willing to absorb the political cost of breaking with the prevailing international position.

Israel has now taken that step, he argued, and as a result forced others to confront their hesitation.

Still, Abdullahi signalled that Hargeisa expects a sustained campaign of persuasion rather than quick diplomatic dominoes, warning that recognition will take time.

Analysts have linked the agreement to Israel’s broader push to build partnerships along the Red Sea corridor, where security concerns and outside competition have intensified.

Abdullahi leaned into that strategic framing, presenting Somaliland as a stable actor in a region where many governments struggle to project authority. He contrasted Somaliland’s relative stability with Somalia’s crisis, where the al-Qaeda-linked al-Shabaab insurgency remains a persistent threat.

Security rationale

Abdullahi highlighted Somaliland’s 460 miles of coastline along the Gulf of Aden, describing it as a key route for global commerce.

He pointed to the UK-trained coast guard and its anti-piracy record as evidence that Somaliland can deliver the security outcomes Western partners want.

“Our capabilities… align directly with Israeli and broader Western security interests,” he wrote.

He also warned of shifting alignments in the Horn, saying that China and Turkey are expanding their presence in Somalia, while Somaliland has chosen a different orientation.

He portrayed Israel’s recognition as a counterweight that could, in turn, deepen ties with partners focused on maritime security near major shipping lanes.

Abdullahi added an economic argument, tying recognition to investment and development.

He cited Dubai-based DP World’s $442 million investment in modernising the Port of Berbera, which Somaliland promotes as a regional logistics hub linking Gulf markets, East Africa and Ethiopia.

The port, he argued, strengthens Somaliland’s bid to operate as a self-sustaining economy and at the same time reduces reliance on Mogadishu-controlled routes.

He said Israeli expertise in agriculture, technology and maritime services could accelerate development and turn recognition into tangible gains, thereby shifting the relationship from symbolism to practical cooperation.

Regional pushback

The recognition has heightened tensions in a region shaped by proxy rivalries. Somalia has called for emergency consultations with the African Union to mobilise pressure against the deal.

Abdullahi dismissed Mogadishu’s objections and said Somaliland has “waited patiently” while the world overlooked its elections and institutions.

He pointed to Somaliland’s relationship with Taiwan as proof, he argued, that the territory can operate internationally even without broad recognition.

He said Israel’s move could break a longstanding taboo that has discouraged African states from formalising ties.

Abdullahi invoked a 2005 African Union fact-finding mission, which concluded that Somaliland’s case should be assessed from an objective historical perspective and a moral standpoint, and should not be dismissed out of fear of “opening a Pandora’s Box” of border disputes across the continent.

Abdullahi said opening Somaliland’s first official embassy in Israel would rank among the proudest moments of his tenure. “Now, Israel has taken this bold step,” he wrote. “We are confident that others will follow.”

Kadib go’aankii Turkiga, Ankara oo dowladda Soomaaliya…

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababaraysa cutubyo ciidan oo cusub, kuwaas oo si dhameystiran loogu qalabeynayo agabka ay ku hawl-galayaan, sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Ciidamadan ayaa ka kooban kuwa dhulka, badda iyo cirka, si loo adkeeyo amniga guud ee dalka Soomaaliya.

Xukuumadda Ankara ayaa sidoo kale kordhisay muddada ay joogayaan ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb qaata sugidda amniga, waxaana garab socda macallimiin door muhiim ah ka ciyaara tababarka ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Joogitaanka milateri ee Turkiga ee badaha ayaa sidoo kale si weyn ula jaanqaadaya hammiga tamarta ee Ankara ay ka leedahay xeebaha Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya iskaashi milatari oo ballaaran, kaas oo diiradda saaraya sugidda amniga, tayeynta ciidamada ammaanka, tababarka cutubyo cusub iyo arrimo kale oo la xiriira dhinaca milatariga, sida ku cad heshiisyada labada dhinac.

Turkiga ayaa horay u tababaray ciidamo gaar ah oo isugu jira kumaandoos iyo booliis si heer sare ah loo diyaariyay, sidoo kale wuxuu diyaariyay askar kooban oo ku takhasusay duulinta diyaaradaha casriga ah, kuwaas oo la qorsheynayo in la kordhiyo.

Si kastaba, Xukuumadda Muqdisho iyo Ankara ayaa ka wada-hadlaya jadwalka rasmiga ah ee tababarkan lagu bilaabayo, tirada guud ee ciidamada la diyaarinayo iyo arrimaha farsamo ee kale ee la xiriira howlahaas.

DF oo ka hadashay dhismaha maamulka cusub ee Guban State

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo shalay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay sheegeen in laga dhisayo magaalada Saylac ee gobolka Awdal.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay taageerayso dhismaha maamulkan cusub, isagoo sheegay in doonistii Somaliland ee gooni-goosadka ay sii itaal-darreysay.

“Mashruucii gooni-goosadku wuu sii itaal-darreynayaa, waana laga kala baxay, wuxuuna qarka u saaran yahay burbur aan lagu badbaadin karin dhabarka Netanyahu iyo telefoonkiisa!” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Anigoo sidoo kale dhammaan reer Awdal ku bogaadinaya halganka ay uga soo horjeedaan kala-goynta dalka. Guulaysta xildhibaannada sharafta leh.”

Taageeradan ayaa imaneysa saacado kadib markii qaar kamid ah xildhibaannada Somaliland ku metela Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqeen dhismaha maamulka Guban State of Somalia.

Xildhibaannada beesha Ciise ayaa sheegay in caasimadda maamulka ay noqon doonto magaalada Saylac, iyagoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday inay taageerto oo kaalin weyn ka qaadato taaba-gelinta Guban State.

Ku dhawaaqista maamulkan cusub ayaa ku soo aadeysa xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hore u shaacisay inay ka shaqeynayso sidii gobolka Awdal looga dhisi lahaa maamulka Awdal State, oo caasimaddiisu tahay magaalada Boorama.

Kadib go’aankii Soomaaliya, diyaaradihii Imaaraadke ee Boosaaso oo u wareegay…

Addis Ababa (Caasimada Online) — Diyaarad xamuul oo aad u weyn, taasoo horay loola xiriiriyay inay hub u daabuleysay kooxda RSF ee Suudaan, ayaa u wareegtay xarumo milateri oo ku yaalla Israa’iil iyo Itoobiya, xilli Imaaraadka Carabta uu wajahayo caqabado cusub oo ku aaddan hawlgalladooda Soomaaliya, sida ay bahisay shabakadda Middle East Eye.

Sida warbixintu xustay, diyaaraddan oo ah nooca Antonov An-124 laguna magacaabo UR-ZYD, waxaa maamula shirkadda Maximus Air ee fadhigeedu yahay Abu Dhabi. Maalmihii la soo dhaafay, diyaaraddu waxay dhowr jeer u kala gooshtay Imaaraadka iyo garoonka Harar Meda, kaasoo lagu tilmaamay saldhigga ugu weyn ee Ciidamada Cirka Itoobiya.

Xogta duulimaadyada ayaa muujineysa dhaqdhaqaaq joogto ah: 3-dii Janaayo, diyaaraddu waxay ka duushay Garoonka Caalamiga ah ee Abu Dhabi, waxayna cago dhigatay Harar Meda ee Itoobiya, iyadoo halkaas ka soo laabatay 90 daqiiqo kadib.

Sidoo kale, 12-kii Janaayo, waxay mar kale ka duushay saldhigga ciidamada cirka ee Al Dhafra ee Imaaraadka, iyadoo gaartay Harar Meda, kuna soo laabatay isla galabnimadii. Safarkan ayaa mar kale soo noqday 15-kii iyo 17-kii Janaayo.

Kadib duulimaadkii 17-kii Janaayo ee ay ku tagtay saldhigga ciidamada Itoobiya, diyaaraddu waxay u gudubtay Garoonka Bole ee Addis Ababa, intaas kadibna waxay u sii gudubtay magaalada Marseille ee Faransiiska iyo Taraz ee dalka Kazakhstan, ka hor inta aysan u sii gudbin Shiinaha iyo Thailand.

Waxaa xusid mudan, in ka hor inta aysan diyaaraddu billaabin duulimaadyada Itoobiya, ay saddex jeer u kala gooshtay saldhigga Sheekh Ciisa ee dalka Baxrayn iyo saldhigga ciidamada cirka ee Ovda ee Israa’iil intii u dhaxeysay dabayaaqadii bishii December.

Xaaladda gobolka iyo saameynta Soomaaliya

In kasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa ay diyaaraddu siday, haddana Middle East Eye waxay dhaq-dhaqaaqan ku macneysay mid salka ku haya loolanka sii kordhaya ee u dhaxeeya Imaaraadka iyo Sacuudiga ee ka jira Yemen iyo Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dagaalka Suudaan ee u dhaxeeya Ciidamada Qalabka Sida iyo xoogagga RSF uu galay marxalad adag. Riyadh, Qaahira, iyo Ankara ayaa la sheegay inay kordhiyeen taageerada ay siinayaan ciidanka dowladda Suudaan, si ay u wiiqaan awoodda Imaaraadka oo lagu eedeeyo inuu taageero buuxda siiyo xoogagga RSF—eedeyntaas oo ay Abu Dhabi marar badan beenisay.

Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay in Imaaraadku uu ku qasbanaaday inuu dib u qiimeeyo goobaha uu ka hawlgalo kadib markii uu xumaaday xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Muqdisho ayaa laashay heshiisyo iskaashi oo dhanka dekedaha iyo amniga ah, taasoo hubanti la’aan gelisay joogitaanka Imaaraadka ee waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan Boosaaso iyo magaalada Berbera oo ay Imaaraadku dano waaweyn ka lahaayeen.

Nathaniel Raymond, oo madax ka ah Shaybaarka Cilmi-baarista Bani’aadamnimada ee Jaamacadda Yale, kana faallooda colaadda Suudaan, ayaa sheegay in duulimaadyada joogtada ah ee taga saldhigga milateri ee Itoobiya—iyadoo la og yahay in Itoobiya ay xuduud la leedahay deegaannada ay ku xooggan yihiin RSF—ay tahay “arrin walaac caalami ah leh.”

Wuxuu soo jeediyay in haddii la xaqiijiyo in duulimaadyadan ay hub u sidaan RSF, ay tahay in Itoobiya laga mamnuuco inay hawadeeda u furto shabakadahaas.

Shirkadda Maximus Air iyo dowladda Imaaraadku weli kama aysan jawaabin codsiyada Middle East Eye ee ku aaddan arrintan, balse Imaaraadku wuxuu horay u beeniyay eedeymo la mid ah kuwan oo ay Qaramada Midoobay soo saartay sannadkii 2021-kii, kuwaas oo ku saabsanaa jebinta cunaqabateynta hubka ee Liibiya.

Mucaaradka oo cadaadis xoogan kala kulmaya beesha caalamka kadib tallaabadii DF

Muqdisho (Caasimada Online) — Beesha Caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Dowladda UK, ayaa si wadajir ah culeys siyaasadeed u saaray isbahaysiga mucaaradka ah ee “Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed,” iyagoo ugu baaqay inay aqbalaan casuumaadda Dowladda Federaalka ee ku aaddan ka qeybgalka madasha wadatashiga qaran ee loo qorsheeyay bisha soo socota. 

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa adkeeyay in xilligan xaasaasiga ah loo baahan yahay wada-hadal loo dhan yahay si loo gaaro is-afgarad ballaaran oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, ka hor inta aysan dhammaan muddada dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmeynta Xilliga Kala-guurka ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen Arbacadii ku soo dhoweeyay ku dhawaaqista dowladda ee madal wadatashi qaran iyo casuumaadda loo fidiyay mucaaradka.

“Waxaan mar kale xaqiijinaynaa taageeradeenna wada-hadal loo dhan yahay oo lagu gaari karo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyin hufan ka hor inta aysan dhammaan muddada dastuuriga ah ee hay’adaha,” ayaa lagu yiri bayaanka UNTMIS, iyagoo ku dhiirrigeliyay Golaha Mustaqbalka inay si togan uga jawaabaan casuumaadda.

Sidoo kale, Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa dhankeeda soo dhoweysay shirka la filayo inuu furmo 1-da Febraayo. UK ayaa ku nuuxnuuxsatay in wada-hadal dhab ah uu fure u yahay xasilloonida siyaasadeed iyo in dalka laga qabto doorashooyin la isla oggol yahay oo horseeda horumar waara.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa iyaduna ku biirtay baaqyada caalamiga ah, iyadoo qoraal ay faafisay ku sheegtay in wada-hadal loo dhan yahay uu yahay mid “lama huraan u ah xasilloonida iyo horumarka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.” Midowga Yurub ayaa ku boorriyay mucaaradka in xal laga gaaro ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashada iyadoo la ilaalinayo muddooyinka dastuuriga ah.

Cadaadiskan caalamiga ah ayaa ku soo beegmaya xilli hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed aysan weli ka jawaabin casuumadda dowladda.

Soomaaliya ayaa wajaheysa loollan waqtiyeed, iyadoo muddo-xileedka hay’adaha dowladda lagu wado inuu dhammaado bartamaha bisha May ee sanadkan.

Ismari-waaga ugu weyn ayaa salka ku haya nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa. Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa riixeysa nidaamka “hal qof iyo hal cod,” halka mucaaradku ay walaac ka muujiyeen in tallaabadaasi ay horseedi karto muddo kororsi aan sharci ahayn, iyagoo dalbanaya in la helo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay.

Inkasta oo casuumaadda dowladda ee 1-da Febraayo ay u muuqato tallaabo loo qaaday dhanka xalka, haddana falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa ka digaya in haddii aan xal laga gaarin shuruudaha mucaaradka iyo ajandaha shirka, ay taasi caqabad ku noqon karto qabsoomidda wada-hadallada.

Mareykanka oo soo bandhigay qorshaha lagu dhisayo ‘Gaza cusub’

0

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa shaaciyay hindise ballaaran oo lagu dhisayo waxa uu ugu yeeray “Gaza cusub”, kaas oo lagu doonayo in dib loogu dhiso dhulka Falastiin ee sida weyn u burburay, lagana bilaabo meel eber ah.

Qorshahan ayaa muujinaya dhismayaal dhaadheer oo laga hirgelinayo xeebta Badda Mediterranean-ka, iyo deegaanno cusub oo la deggan yahay oo laga sameynayo aagga Rafax.

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay khariidad tilmaamaysa marxalado kala duwan oo horumarineed, oo isugu jira deegaan, beeraha iyo warshado, kuwaas oo loogu talagalay in ay ku noolaadaan ku dhowaad 2.1 milyan oo qof.

Arrintan ayaa lagu soo bandhigay xilli lagu jiray munaasabadda Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, oo lagu saxiixayay Golaha Nabadda cusub ee uu dhisay Madaxweyne Donald Trump, kaas oo loo xilsaaray soo afjaridda dagaalka muddada dheer socday ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, isla markaana kormeeraya dib u dhiska Gaza.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in qorshahan uu noqon doono mid guul weyn laga gaaro, isagoo xusay in Gaza ay mustaqbalka noqon doonto meel isha lagu hayo. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in aragtidiisu ay salka ku hayso qiimaha goobta, gaar ahaan u dhowaanshaha badda iyo bilicda deegaanka.

Jared Kushner, oo ah soddogga Trump kana mid ahaa doorkii dhexdhexaadinta xabbad-joojintii bishii Oktoobar, ayaa sheegay in Gaza lagu riday ku dhowaad 90,000 oo tan oo hub ah, isla markaana ay yaallaan in ka badan 60 milyan oo tan oo burbur ah oo u baahan in la nadiifiyo.

Khariidadda qorshaha guud ee Maraykanka ayaa tilmaamaysa aag gaar ah oo loo qoondeeyay dalxiiska xeebta, halkaas oo la dhisi doono 180 dhismeyaal dhaadheer.

Sidoo kale, waxaa ku jira deegaanno la deggan yahay, xarumo warshadeed, xarumo xogeed, wax-soo-saar sare, beeraha iyo goobaha cayaaraha.

Waxaa qorshaha ku jira in la dhiso deked cusub iyo garoon diyaaradeed oo ku dhow xadka Masar, iyo sidoo kale isgoys saddex geesood ah oo ay ku kulmaan xuduudaha Masar iyo Israa’iil.

Dib u dhiska Gaza ayaa loo qorsheeyay afar weji, iyadoo laga bilaabayo Rafax, kadibna si tartiib ah loogu sii gudbayo waqooyiga ilaa magaalada Gaza.

Khariidadda ayaa sidoo kale muujinaysa dhul bannaan oo ku yaalla xadka Masar iyo Israa’iil, kaas oo u muuqda in loo asteeyay aag amni, halkaas oo ciidamada Israa’iil ay sii joogayaan ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa.

Qorshuhu wuxuu tilmaamayaa in Rafax cusub ay ka koobnaan doonto in ka badan 100,000 guri oo joogto ah, 200 xarumo waxbarasho iyo 75 xarumo caafimaad. Rafax, oo ku taalla koonfurta marinka Gaza, waxaa horey u deggenaa ku dhowaad 280,000 oo qof, balse inta badan waa la burburiyay intii uu socday dagaalka, iyadoo hadda ku jirta aag ay Israa’iil maamusho.

Kushner ayaa sheegay in uu rajeynayo in dhismaha Rafax cusub lagu dhammaystiri karo muddo u dhexeysa laba illaa saddex sano, isagoo xusay in howlo burbur-qaadis ah horey loo bilaabay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in toddobaadyada soo socda magaalada Washington lagu qaban doono shir lagu shaacinayo deeqaha caalamiga ah, isla markaana lagu soo bandhigi doono fursadaha maalgashi ee la xiriira dib u dhiska Gaza.

Bishii Febraayo, Trump ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay caalamka kadib markii uu soo jeediyay in Falastiiniyiinta Gaza si joogto ah loogu raro dalalka deriska ah, si Maraykanku u beddelo aaggaas waxa uu ugu yeeray Riviera-da Bariga Dhexe.

Kushner ayaa sidoo kale sheegay in hub ka dhigista Gaza ay bilaabanayso, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aan la heli karin maalgashi haddii uusan jirin amni.

Wuxuu sheegay in guddiga farsamada Falastiiniyiinta ee loo yaqaan Guddiga Qaranka ee Maamulka Gaza ay la shaqeyn doonaan Xamaas, si loo fuliyo hub ka dhigista loogana gudbo heshiisyada marxaladda xigta. Xamaas ayaa horay u diiday in ay hubka dhigto iyada oo aan la dhisin dowlad Falastiini ah oo madax bannaan.

Trump ayaa dhankiisa digniin u diray Xamaas, isagoo sheegay in ay khasab tahay in ay hubka iska dhigaan, haddii kale cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto. Waxa uu sidoo kale ku adkeystay in Xamaas ay wareejiso meydadka la haystayaashii Israa’iil ee ku dhintay Gaza.

Marxaladdii koowaad ee heshiiska, Israa’iil iyo Xamaas waxay ku heshiiyeen xabbad-joojin, is-weydaarsiga la haystayaal iyo maxaabiis Falastiiniyiin ah, ka bixitaan ciidan, iyo kordhinta gargaarka bini’aadannimo.

Si kastaba, xabbad-joojintu weli waa mid jilicsan. Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 477 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo Israa’iil saddexdii bilood ee la soo dhaafay, halka milatariga Israa’iil uu sheegay in saddex askari laga dilay weerarro ay fuliyeen kooxo Falastiiniyiin ah.

Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabbaas, ayaa ku baaqay in si buuxda loo hirgeliyo heshiiska nabadda, isla markaana Israa’iil ay ciidamadeeda kala baxdo Gaza, iyadoo Maamulka Falastiinna la siinayo doorka hoggaamineed ee maamulka aaggaas.

Dhanka kale, madaxa guddiga farsamada ee Falastiiniyiinta ee Gaza, Cli Shaath, ayaa sheegay in xadka Rafax ee u dhexeeya Gaza iyo Masar dib loo furi doono toddobaadka soo socda, kaddib markii uu xirnaa tan iyo bishii May 2014, markaas oo Israa’iil ay la wareegtay dhanka Falastiin ee xadkaas.

UK oo farriin u dirtay Golaha Mustaqbalka kadib casuumaadda Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhaweysay gogosha wadatashi ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Bayaan kasoo baxay Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka, loogu baaqay inay ka qeyb-galaan gogosha wadatashi ee la fidiyay.

“Boqortooyada Ingiriiska waxa ay soo dhaweynaysaa ku dhawaaqista Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda oo ay ku baahisay barteeda X (ex-Twitter).

Sidoo kale, dhammaan dhinacyada ayaa lagu booriyay inay gaaraan is-afgarad ku saabsan doorashooyinka, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo barwaaqada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirweynahan ayaa magaalada Muqdisho ka furmi doona 1-da bisha soo socota ee Febraayo 2026, sida uu shaaciyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba ha ahaatee, casuumaadda dowladda ayaa waxaa weli si rasmi ah uga soo jawaabin Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, xilli uu dhawaan dalbaday shirweyne looga arrinsanayo xaaladda dalka, oo ay ku jiraan doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo midnimada.

Kadib go’aankii dowladda Jarmalka, wafdi sare oo yimid Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka oo uu hoggaaminayo Madaxa Xiriirka Dowladaha ee Fedaalka Booliiska, Colonel Niels Zimmermann ayaa booqasho shaqo ku yimid dalka.

Wafdigan ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) oo ugu horreeyo Agaasimaha Guud, Mustafa Dhuxulow.

Booqashadan oo ka qabsoontay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 21–22 Janaayo 2026 ayaa ujeeddadeedu ahayd xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah, is-dhaafsiga khibradaha iyo horumarinta wada-shaqeynta dhinacyada maareynta socdaalka, sugidda amniga xuduudaha, horumarinta baasaboorka Soomaaliga iyo la dagaallanka socdaalka sharci-darrada ah.

Inta lagu guda jiray booqashada shaqo, wafdiga Jarmalka ayaa booqday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay si dhow uga indha-indheeyeen maareynta rakaabka imanaya iyo kuwa baxaya.

Wafdiga ayaa la geeyay khadadka koontaroolka 1aad iyo 2aad, hawlaha Qaybta Baarista Dukumentiyada iyo Fraud Detection Unit, iyo nidaamka guud ee maareynta xuduudaha, iyagoo si gaar ah u eegay dowrka HSJ ee sugidda amniga qaranka.

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka, Mustaf Dhuxulow oo wafdiga si rasmi ah u soo dhaweeyay Yaa si gaar ah uga mahadceliyay Dowladda Jarmalka aqoonsiga Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo muujinaysa kalsooni iyo xiriir diblumaasiyadeed oo adag.

Agaasimaha ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay hay’addu uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga caalamiga ah, isla markaana xoogga saartay is-dhaafsiga khibradaha, si loo dhiso hay’ad awood leh oo la jaanqaadaysa hay’adaha caalamiga ah.

Kulamada labada dhinac ayaa lagu gorfeeyay waajibaadka iyo qaab-dhismeedka hay’adda socdaalka, mudnaanta istiraatiijiyadeed ee hay’adda, iyo dadaallada la xiriira ka hortagga tahriibka dadka, dambiyada abaabulan, iyo socdaalka sharci-darrada ah ee dhulka, cirka, iyo badda.

Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, taageerada farsamo, is-dhaafsiga macluumaadka, iyo xoojinta awoodda shaqaalaha hay’adda.

Booqashada wafdigan ayaa imaneysa xilli Dowlada Jarmalka ay si buuxda u aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya. Tallaabadan ayaa ah mid muhiim ah oo xoojineysa xiriirka diblomaasiyadeed iyo fududeynta socdaalka labada dal.

Baasaboorka Soomaaliya ayaa si tartiib tartiib ah usoo ceshanaya maqaamkiisii caalamiga ahaa, taasoo astaan u ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka ee sii kordhaya iyo adkaysiga uu muujiyay kadib tobannaan sano oo uu go’doon kaga jiray dunida inteeda kale sababo la xiriira ammaan-darro iyo masiibooyin dabiici ah.

Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye sannadkii 1991-kii, Baasaboorka Soomaaliga waxa uu soo maray isbeddello is-daba-joog ah, oo ay ku jirto soo bandhigidda nooc casri ah oo leh muddo ogolaansho oo gaaraysa shan sano.

Isbeddelladan ayaa ka tarjumaya dadaallada ballaaran ee dalka loogu jiro dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo xoojinta maqaamkiisa caalamiga ah.

Xildhibaanno Muqdisho uga dhawaaqay maamul cusub oo laga dhisayo Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaannada Somaliland ku metela Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay dhismaha maamul goboleed cusub.

Maamulkan ayaa la magac baxay Guban State, iyadoo xildhibaannada la hadlay warbaahinta oo ka soo jeeda beesha Ciise ay sheegeen in caasimadda maamulkan noqon doonto magaalada Saylac.

Xildhibaannadan ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay xasuuq ka geysatay gobolka Awdal, oo ay sheegeen in dadkiisu yihiin kuwo midnimo doon ah.

“Waxaan taageersanahay oo si mug leh u soo dhaweynaynaa maamul goboleedka cusub ee la magac baxay Guban State of Soomaaliya, magaalo-madaxdiisuna ay tahay magaalada ugu faca weyn magaalooyinka Soomaaliya ee Saylac, ahna hoygii ilbaxnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xildhibaannada.

Xildhibaannadu waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbadeen inay taageerto maamulka cusub, isla markaana ay kaalin weyn ka qaadato taabbagelinta maamulka Guban State.

Sidoo kale, waxay maamulka Somaliland uga digeen cabburinta shacabka midnimo-doonka ah ee ku sugan deegaannadooda, iyagoo si cad u sheegay inay ka shaqeynayaan dhismaha maamulka cusub.

“Maamulka Somaliland waxaan uga digeynaa inay shacabka ku cabburiyaan aragtidooda iyo waxa ay rumeysan yihiin, gaar ahaan dhaqdhaqaaqyada midnimo-doonka ah ee ka jira gudaha maamulka Somaliland.”

Waxa kale oo bayaanka lagu yiri: “Annagoo ah xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland ee aaminsan midnimada, waxaan diyaar u nahay, kana shaqeynaynaa wax walba oo ku imaanaya midnimo Soomaaliyeed, ayna raalli ka noqon karaan qalbiyada tabashada qaba ee dadkayaga.”

Xildhibaannada beesha Ciise ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay xad-gudubka Israa’iil, iyagoo si cad uga horyimid aqoonsigii ay siisay maamulka Somaliland.

“Waxaan si adag u cambaareynaynaa duullaanka iyo xad-gudubka qaawan ee Israa’iil kusoo qaaday midnimada Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay taleefan ku aqoonsatay qeyb kamid ah dalka, gaar ahaan gobollada aan kasoo jeedno.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Aqoonsi ku sheegan wuxuu baalmarsan yahay dhammaan shuruucda caalamiga ah. Aqoonsiga ay helaan gobollada Waqooyi wuxuu ku xiran yahay inay ka heshiiyaan walaalahooda Soomaaliyeed.”

Ku dhawaaqista maamulkan cusub ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hore u shaacisay inay ka shaqeynayso sidii gobolka Awdal looga dhisi lahaa maamulka Awdal State, oo caasimaddiisu tahay magaalada Boorama.

Hoos ka daawo muuqaalka

Galmudug oo ku baaqday in xilka laga qaado madaxweynaha…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa si adag uga jawaabay hadallada gafka ah ee kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kaasi oo uu ku baaqay in xilka laga qaado.

Cali Ciid ayaa Trump ku eedeeyay inuu noqday burcad-badeedka ugu weyn ee waayahan casriga ah, kadib markii uu xoog ku qaatay khayraadka Venezuela.

“Waa inaad is casishaa ama aad wajahdaa xil-ka-qaadis,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo bartiisa X (ex-Twitter) ku baahiyay qoraal uu ugu jawaabayo Madaxweyne Trump.

Sidoo kale waxa uu caddeeyay in Soomaaliya leedahay dowlad sharci ah oo la aqoonsan yahay, lagana xushmeeyo fagaareyaasha caalamka, haatana haysa guddoonka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Soomaaliya maanta waxaa ka talisa dowlad si caalami ah loo aqoonsan yahay, taas oo hadda hoggaamineysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana maamusha hay’ado amni oo badan kuwaas oo si guul leh u soo afjaray burcad-badeednimadii mar ka jirtay baddeeda,” ayuu yiri.

Trump oo marar kala duwan weerar afka ah ku qaaday Soomaaliya ayaa ku tilmaama dal fashilmay oo dowlad laheyn, in dadkiisu is-dilaan, isla markaana ay ku badan yihiin burcad-badeedda.

“Soomaaliya ma aha dal iyo wax u eg, Mareykan ayey yimaaddaan Soomaalidu, si ay u taajiraan, mana shaqaystaan,” ayuu Trump ku yiri weerarkii u dambeeyay ee ku qaado Soomaaliya.

Hadallada Trump oo dhaliyay fal-celin xooggan ayaa si muuqata u xambaarsan cunsuriyad wayn iyo jees-jees, isaga oo aan lahayn isku xirka hadal siyaasadeed oo rasmi ah.

Madaxweynaha dowladda Mareykanka oo caan ku ah hadallo soo noq-noqda iyo jees-jees, ayaa weli kusii cel-celinayo weeraro dhanka ah afka ah oo uu ku qaadayo Xildhibaan Ilhan Omar iyo dalka ay kasoo jeedo ee Soomaaliya.

Muxuu yahay heshiiska ay maanta meel-mariyeen Golaha Wasiirrada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka iyo amniga, iyada oo sidoo kale shirka lagu ansixiyay heshiis is-afgarad oo muhiim ah.

Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa lagu meelmariyay heshiis is-afgarad oo u dhexeeya maamullada dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS, iyo Siyaasadda Boostada Soomaaliyeed ee 2025–2030, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.

Heshiiskan ayaa gacan ka geysanaya hubinta badbaadada, ilaalinta deegaanka, iyo kordhinta kalsoonida dekedaha.

Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan Siyaasadda Maareynta Wax-qabadka Isku-dhafan ee hey’adaha dowladda iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda ee ay Xukuumadda DanQaran ku dhawaaqday.

Dhinaca kale, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal soo saaray ayaa u mahad-celiyay Golaha Wasiirada ee meel-mariyay heshiiska cusub ee u dhexeeya maamullada dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya.

“Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa Golaha Wasiirrada oo maanta meel-mariyey Is-afgaradka ka dhexeeya Maamullada Dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya. Is-afgaradkani wuxuu xoojinayaa iskaashiga iyo xog-wadaagga dalalka gobolka, wuxuuna gacan ka geysanayaa hubinta badbaadada, ilaalinta deegaanka, iyo kordhinta kalsoonida dekedaha”. ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale, wuxuu intaas kusii daray in ku dadaali doonaan horumarinta dekadaha iyo danaha qaranka, si Soomaaliya ay u gaarto isku filnaan buxuda.

“Waxaa naga go’an hirgelinta shuruucda muhiimka u ah danaha qaranka, si loo helo bad ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo” ayuu mar kale yiri Jaamac.

Kadib Yemen, Sacuudiga oo ballan-qaaday in Imaaraadka Carabta uu ka sifeyn doono…

Riyadh (Caasimada Online) — Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hadda u dhaqaaqday inay wiiqdo, soona xirto saameynta ay Imaaraadka Carabta ku leeyihiin Badda Cas iyo Geeska Afrika kadib markii khilaaf culus oo ka dhashay dalka Yemen uu bannaanka soo dhigay loolan hoose oo u dhexeeya labadan dal ee Khaliijka ee xulafada ahaa, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Washington Post. 

Kala-aragti duwanaanshaha ayaa soo shaac-baxay toddobaadyadii la soo dhaafay, gaar ahaan Koonfurta Yemen, halkaas oo ciidamo gooni-u-goosad ah oo Imaaraadku taageero ay qabsadeen dhul, taas oo keentay in Sacuudigu soo farageliyo si uu u taageero dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay.

Riyadh ayaa duqeysay xoogagga gooni-u-goosadka, waxayna sheegtay inay beegsatay shixnad Imaaraadku leeyahay oo lagu eedeeyay inay siday hub loo waday kooxdaas.

Dhacdadaas kadib, Imaaraadku wuxuu si degdeg ah ula baxay ciidamadiisii, waxaana burburay golihii hoggaanka ee gooni-u-goosadka. Falanqeeyayaasha ayaa tallaabadan degdegga ah ku tilmaamay mid dib u qaabeysay miisaanka awoodda ee marinka istiraatiijiga ah ee Baab al-Mandab — oo ah marin-biyood muhiim ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Diblomaasi Sacuudi ah oo la hadlay Washington Post ayaa sheegay in fiditaanka Abu Dhabi ee hareeraha Badda Cas uu ka hor imanayo aragtida Riyadh ee ku aaddan in aaggaasi yahay “Suunka Amniga” ee Boqortooyada. Wuxuuna intaas ku daray in Sacuudigu uu hadda doonayo inuu muujiyo “Khadadka Cas” ee aan la ogolaan karin. 

Muddo sanado ah, Sacuudiga iyo Imaaraadku waxay u shaqeynayeen si wadajir ah, iyagoo taageerayay hoggaamiyeyaal xulafo la ah kadib kacdoonkii Carabta, islamarkaana dhistay isbaheysi ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen ee Iran taageerto.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay tilmaantay in danahoodu ay kala leexdeen; Sacuudiga oo xoogga saaraya ilaalinta awoodda dowladnimada, halka Imaaraadku uu ku tiirsanaaday kooxo hubeysan oo maxalli ah iyo saldhigyo ganacsi si uu u ballaariyo saameyntiisa.

Wargeyska ayaa weriyey in Sacuudigu uu dhowaan xoojiyey isbaheysiyo kale oo gobolka ah, isagoo wadahadallo la furay Masar iyo Soomaaliya oo ku aaddan iskaashi dhanka amniga ah.

Dowladda Federaalka ay joojijsay heshiisyada milatari ee ay la gashay Imaaraadka, dalkaas oo dano dekedo iyo saldhigyo milatari ku leh Somaliland, Puntland, iyo Jubaland — deegaanno ay awoodda Muqdisho ku xaddidan tahay.

Sidoo kale, xogta duulimaadyada ee uu soo xigtay Washington Post ayaa muujisay in diyaaradaha ka imanaya Imaaraadka qaarkood ay beddeleen jidkooda si ay uga fogaadaan hawada Masar, Sacuudiga, iyo Soomaaliya. Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in duulimaadyadan ay xiriir la leeyihiin taageerada kooxaha Imaaraadku xulafada la yahay ee colaadaha ka jira Afrika, sida Chad, Libya, iyo Sudan.

“Isbeddelka halkan ka dhacay waa mid weyn,” waxaa sidaas yiri Liam Karr oo ka tirsan machadka American Enterprise Institute. Wuxuuna xusay in xoogagga Imaaraadku taageero ay u muuqdeen kuwo qarka u saaran inay la wareegaan gacan ku heynta labada dhinac ee marinka Baab al-Mandab, ka hor inta uusan Sacuudigu soo faragelin.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in walwalka Sacuudigu uusan ku koobnayn Yemen oo keliya, balse uu gaarsiisan yahay Geeska Afrika, halkaas oo Imaaraadku uu maalgashi culus ku sameeyay dekedo iyo kaabayaal milatari.

Waxaa si gaar ah loo xusay xarumaha Berbera ee Somaliland iyo saldhig ku yaalla Boosaaso, Puntland, oo khubaradu sheegeen inuu taageero u fidiyo howlgalada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) iyo saadka gobolka.

Ugu dambeyntii, Washington Post waxay sheegtay in Sacuudigu uu hadda miisaamayo tallaabooyin ballaaran oo uu kaga hortagayo awoodda Imaaraadka — ma aha oo kaliya Yemen, laakiin waa guud ahaan wadamada nugul ee gobolka, halkaas oo labada quwadood ee Khaliijku ay ku tartamayaan saameynta amniga, dekedaha, iyo siyaasadda.

Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirrada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, amniga iyo wadada-hadallada la filayo inay u bilowdaan Xukuumadda iyo Golaha Mustaqbalka.

Sidoo kale kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa lagu soo qaaday howlgallada ciidamada, iyada oo lagu bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo shalay khawaarijta ku jabiyey deegaanka Kudhaa, oo ay argagixisadu isku dayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka deegaannadaasi, balse Ciidamada Qaranka ay ka difaaceen weerarkii naf la caariga ahaa ee ay soo qaadeen.

Sidoo kale, intii uu socday kulanka ayaa waxaa lagu ansixiyey heshiis is-afgarad oo u dhexeeya maamullada dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS, iyo Siyaasadda Boostada Soomaaliyeed ee 2025–2030, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.

Dhanka kale, Golaha waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan Siyaasadda Maareynta Wax-qabadka Isku-dhafan ee hey’adaha dowladda iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda ee ay Xukuumadda DanQaran ku dhawaaqday.

Madaxweynaha Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay ugu dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubaland iyo Puntland.

Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyada oo bayaanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya lagu shaaciyay in shirweynahaas uu Muqdisho ka furmi doono 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa talo soo-jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxay casuumaad rasmi ah u fidinaysaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo aad u cakiran, isla markaana ka dhalatay isfaham-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka, waxaana sidoo kale usii dheer arrinta midnimada iyo abaaro ka jira waddanka.

Cabdiraxmaan Cirro oo la kulmay madaxweynaha Israel iyo wiilka Trump + Sawirro

0

Davos (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo haatan ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog iyo wiilka madaxweynaha Mareykanka Eric Trump, oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Kulanka Cirro iyo Isaac Herzog ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka u bilaabmay Tel Aviv iyo Hargeysa iyo sidii loo dhameysitiri lahaa heshiisyada ay gaareen labada dhinac.

Cabdiraxmaan Cirro oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay kulanka, wuxuuna sheegay in diiradda lagu saaray arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dhinac iyo aqoonsiga Somaliland, kaas oo Israa’iil ay ku dhawaaqday dhammaadka sanadkii hore.

“Waxa aan xalay kulan casho-sharaf ah ku wada-qaadannay Davos- Shirka Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum), Madaxweynaha Dawladda Israel, Mudane Isaac Herzog. Kulanka waxa aan diiradda ku saarnay xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israel” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in kulankan ay goobjoog ahaayeen hoggaamiyeyaal caalami ah oo ka socda dalalka caalamka, isla markaana uu ka mid yahay wiilka madaxweynaha Mareykanka, Eric Trump

“Kulanka waxa sida oo kale ka soo qayb-galay siyaasiyiin culus iyo hoggaamiyeyaal caalami ah oo ka kala socday dhammaan daafaha dunida, iyo shakhsiyaad saameyn ballaadhan ku leh masraxa caalamiga ah, oo uu ka mid ahaa Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Maraykanka” ayuu mar kale yiri.

Dhankiisa Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa bartiisa Twitter (X) ku baahiyey sawirrada kulanka dhex-maray isaga iyo Cabdiraxmaan Cirro, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulanka madaxweynaha Somaliland, isaga oo rajeeyay in ay sii socon doonto wada shaqeyntooda, si looga mira dhaliyo dadaallada socda ee labada dhinac.

“Waan ku faraxsanahay in aan Davos kula kulmo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro. Aad ayaan ugu faraxsanahay xidhiidhka labada dal, waxaana rajaynayaa in aanu ka wada shaqayn doono sidii loo sii adkayn lahaa,” ayuu yiri madaxweyne Isaac Herzog.

Si kastaba, Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee madaxweyne Cirro la yeesho madaxweynaha Israa’iil, tan iyo markii lagu dhawaaqay aqoonsiga oo ay wada saxiixeen isaga iyo Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.