26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Xog: Ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland oo ka ruqaansaday Kudhaa + Ujeedka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in weli dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka wadaan aagga deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay jab culus ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada oo haatan helay gurmad horleh, laguna kordhiyay guutooyin cusub ayaa lagu soo warramayaa in ay ka ruqaansadeen Jasiiradda Kudhaa, iyaga oo uu baxay deegaannada hoos yimaada magaaladaasi oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta.

Saraakiisha horkaceysa howlgallada ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkooda uu yahay in argagixisada ay ka saaraan halkaasi, oo la rumeysan yahay inay kasoo abaabusho weerarada ay kusoo qaado fariisimaha Ciidanka ee ku yaalla halkaasi.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dagaallo xooggan ay ka dhacaan duleedka deegaanka Kudhaa oo ay hadda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan labada dhinac.

Sidoo kale, waxaa howlgalladan qayb ka ah diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo hawada ka taageeraya Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ee dagaallada xoreynta ka wada aaggaasi.

Dhanka kale, Howlgalladii ugu dambeeyay oo dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo ka mid ahaa xubnihii Khawaarijta ee ka firxaday deegaanka Kudhaa ee Jubbada Hoose, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

“Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ka socda deegaanno ka tirsan duleedka fog ee Kudhaa. Howlgalladii ugu dambeeyay ee la sameeyay ilaa xalay ayaa lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, ayadoo sidoo kale lagu soo qabtay labo xubnood oo dhaawac ah, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee Kudhaa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lasoo raaciyay “Sidoo kale, aroornimadii saakay ciidamo howlgal qorsheysan ka fuliyay isla deegaankaas ayaa dilay afar xubnood oo ka mid ahaa firxadkii Khawaarijta ee ka baxsaday dagaalladii hore”.

Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo haraadiga Khawaarijta, si looga hortago in mar kale ay weerar ka fuliyaan halkaasi.

Dagaalka Kudhaa ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan xubnaha Al-Shabaab, maadaama laga laayay maleeshiyaad badan, lagana dhaawacay kuwa kale, iyada oo xubno kale iyo hab la qabtay.

Puntland oo shaacisay tirada ciidanka Xoogga ee ku sugan deegaanadeeda

0

Garoowe (Caasimada Online) – La-taliyaha madaxweynaha maamulka Puntland ee arrimaha amniga, Mudane Cabdi Xersi Cali (Qarjab) ayaa shaaciyay tirada ‘Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan deegaanada maamulkaas’ ee sida tooska ah mushaarka uga qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qarjab ayaa sheegay in ciidamadaasi aanay ka amar qaadan Puntland, isla markaana aysan qayb ka ahayn nidaamkooda, balse ay yihiin ciidan guur guura oo meelo kale laga xakumo, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidan aan dowladda ka amar qaadan oo hadba meel aadaayo oo meel kale laga maamulo system dowlina maaha, adduunka wax ku dhaqmaana ma jiro”. ayuu yiri La-taliyaha madaxweynaha maamulka Puntland ee arrimaha amniga.

Sidoo kale wuxuu xusay in tirada ciidamadan ay gaareyso illaa 1,376 askari, isla markaana ay mushaar siiso dowladda dhexe, ujeedkeedana uu yahay in ay ku carqaladeyso amniga guud ee maamulka Puntland.

“1,376 qof-baa Puntland ku nool Dowladda Federaalka ayaa mushaar siisa, uguna talagashay Puntland inay ku carqaladeyso jiritaankeeda iyo amnigeeda” ayuu sii raaciyay La-taliye Cabdi Xersi Cali (Qarjab).

Hadalkan  ayaa imaanaya, iyada oo dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ay sheegtay in cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Janaraal Jimcaale Jaamac Takar ay ka qayb-qaateen sugidda amniga madaxdii isugu tegtay magaalada Laascaanood.

Ciidamadan oo muddooyinkii ugu dambeeyay deggenaa duleedka magaalada Garoowe ayaa markii dambe gudaha u galay Laascaanood, iyaga oo wata gaadiid dagaal, kadibna waxay ku laabteen xeradooda milatari ee Garoowe.

Puntland ayaa si weyn uga oo horjeedo maamulka dariska la’ah ee Waqooyi Bari, waxayna kula jirtaa xifaaltan soo bilowdy markii ay Dowladda Federaalka aqoonsi buuxa siisay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood.

Duqa Minneapolis oo si adag uga hadlay beegsiga Soomaalida

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay xaaladda ka taagan gobolka Minnesota oo ay haatan ka socdaan rabshado ka dhashay howlgallada ay wadaan ciidamada ICE ee beegsiga ku haya Soomaalida iyo bulshooyinka kale e ku dhaqan halkaasi, kadib markii uu Trump amray in la masaafuriyo.

Duqa Minneapolis ayaa si weyn u difaacay bulshada ku dhaqan gobolka, isaga oo ka horyimid qorshaha madaxweynaha Mareykanka ee masaafurinta dadkaasi.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay inuu garto mas’uuliyadda saaran, isla markaana uu si wanaagsan ula dhaqmo shacabka, si xaaladda loo qaoojiyo.

Waxaa kale oo uu ka dalbaday in uu si deg-deg ah u saaro Ciidamada ICE ee khalalaasaha geliyay Gobolkaas oo ay ka dhaceen dibad-baxyo waa wayn.

“Madaxweyne Trump, waxaa la joogaa waqti aad u dhaqmi laheyd sida hoggaamiye.  Jooji howlgalka. Waxaan kuu sheegayaa, magaaladeennu way soo kaban doontaa, ammaankuna waa la soo celin doonaa” ayuu yiri, Jacob Frey.

Waa uu sii hadlay waxaana uu yiri “Waxaan kaa codsanaynaa inaad tallaabo degdeg ah qaaddo, Ciidamada federaalka ah ka saar magaalada. Adeegsiga militari iyo ciidamo aan la garanayn oo waddooyinkeena qabsaday taasi waa waxa daciifiya dalkeen”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan Donald Trump uu ku goodiyay inuu adeejinayo milatariga, si ay usoo afjarayaan rabshadaha ka dhanka ah ciidanka socdaalka iyo kastamka ee ICE oo si bareer ah u dilay dad rayid ah.

Si kastaba, Muddooyinkii dambe ayaa walaac xooggan laga muujinayay ciidamada faraha badan ee halkaas lasoo dhoobay, iyadoo lagu andacoonayay inay saameysay bulshada ku nool gobolka ayna cabsi gelisay.

Maxaa ka jira in Mareykanka uu iskaashi la billaabay Somaliland?

0

 Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si cad u beenisay inay iskaashi cusub la bilowday maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland, kadib markii warar la xiriira arrintaas lagu baahiyay baraha bulshada.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Mareykanka aanu wax xiriir diblumaasiyadeed ah xilligan la yeelan doonin Somaliland, isla markaana wararka la faafiyay ay yihiin kuwa been abuur ah.

Sidoo kale bayaanka kasoo baxay U.S.Embassy Mugadishu ayaa lagu baaqay in laga digtoonaado wararka been abuurka ah ee aan rasmiga ahayn.

Jawaabta Mareykanka ayaa kusoo aaday, xilli marar badan ay madaxda Somaliland ku cel-celiyeen in horumar wayn ay ka sameeyeen siyaasadda arrimaha dibadda, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii ay iskaashi buuxa ula yeelan lahaayeen dowladda Mareykanka, si ay uga caawiso qadiyadda aqoonsiga.

“Waxaan xidhiidh iyo galaangal muhiim ah la yeelanay dalalka innaga kaalmeyn kara qadiyaddeenna waxaa kamid ah Mareykanka” ayuu dhawaan yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Horay waxaa u fashilmay dadaallo ay wadeen Somaliland iyo kooxo kale oo abaabulan, kuwaas oo ka shaqeynayay aqoonsi uu Mareykanka siiyo maamulkan.

Si kastaba, ha’ahaatee dhammaadkii sannadkii hore ayay ahayd markii ay Israa’iil ku dhawaaqday ‘inay dal madax bannaan u aqoonsatay Somaliland’ tallaabadaas oo keentay cambeereyn gudaha iyo dibadda ah, maadaama ay dhaawaceyso madax-banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya.

Maxaa kasoo baxay kulankii Golaha Mustaqbalka iyo Beesha Caalamka? + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo weli kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa maanta la shiray Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo xallinta khilaafka taagan.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa Golaha oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland waxay la yeesheen Wakiillada Beesha Caalamka oo isugu jira Safiirrada Qaramada Midoobey, Midowga Europe, UK iyo USA.

Dhinaca kale, waxaa goobjoog ahaa madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, Ra’iisul wasaareyaashii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, musharrax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble iyo siyaasin kale.

Inta badan waxaa kulanka diiradda lagu saaray marxalada xasaasiga  ah ee siyaasadeed ee dalku marayo iyo sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa Dastuurka iyo arrimaha Doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Golaha.

Maalmihii u dambeeyay Beesha Caalamka ayaa wadday cadaadis ay ku haysay xubnahan, si ay u tegaan shirka uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo ay maanta aqbaleen, soona dhaweeyeen casuumaadda loo fidiyay.

“Haddaba Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed asagoo ka duulaya xaaladaha kor ku xusan, tixgelina siinaya caqabadaha baaxadda leh ee dalkeenna horyaalla wuxuu wadatashi dheer kadib go’aansaday in Goluhu aqbalo gogosha ay dhigtay DFS, si looga hortego firaaq dastuuri ah loona helo xal loo dhan yahay oo badbaadinaya dowladnimada iyo midnimada dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay goor sii horreysay soo saareen Golaha Mustaqbalka.

Sidoo kale, wuxuu Goluhu dalbaday in shirka uu u dhaco jawi leh kalsooni iyo niyadsami, wada-hadalladuna ay noqdaan kuwa miradhal ah. Waxaa kale oo uu soo jeediyay;-

  • In uu gebi ahaanba madaxweynuhu joojiyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka ee 2012-kii.
  •  In ajendayaasha laga wada-hadlayo ay yihiin kuwa mudnaanta koowaad u leh xaaladda xaaladda hadda jirta dalka

Si kastaba, Soomaaliya ayaa wajaheysa loollan waqtiyeed, iyadoo muddo-xileedka hay’adaha dowladda lagu wado inuu dhammaado bartamaha bisha May ee sanadkan. Ismari-waaga ugu weyn ayaa salka ku haya nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Booliska oo caawa soo xiray gabdho loo haysto anshax xumo

0

Guriceel (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Guriceel ayaa caawa gacanta kusoo dhigay laba gabdhood oo lagu eedeeyay inay duubeen muuqaallo anshax xumo ah, kadibna ay kusii faafiyeen baraha bulshada.

Labada gadhood oo lagu kala magacaabo Deeqo Cumar Xasan iyo Faadumo Maxamed Xasan ayaa la geeyay saldhigga Guriceel, waxaana ku socda baaritaanno dheeraad ah, sida uu sheegay Taliska Booliska.

Sidoo kale wuxuu Boolisku tilmaamay in labada eedeysane la gayn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Taliska Saldhigga Booliska Degmada Guriceel  waxay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigeen labo Eedeysane oo lagu eedeeyay inay duubeen muuqaallo anshax-darro ah kuna faafiyeen baraha bulshada. Eedeysanayaasha ayaa kala ah Deeqo Cumar Xasan 19 jir ah  iyo  Faadumo Maxamed Xasan oo 28 jir ah iyadoo ciidamada Amaanku wadaan baaritaan dhameystiran, iyadoo sharciga la horgeyn doono marka uu dhammaado” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Booliska ayaa digniin adag u diray reer Guriceel, iyada oo lagu booriyay inay ka fogaadaan waxyaabaha dhaqan xumada ah ee liddiga ku ah diinta iyo dhaqanka suuban.

“Ciidamada amnigu waxay digniin culus u dirayaan dhammaan bulshada Reer Guriceel, iyagoo ku boorinaya in laga fogaado fal kasta oo lid ku ah anshaxa, sharciga, iyo dhaqanka suuban ee bulshada” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Dhanka kale wuxuu Taliska Booliska Guriceel u mahadceliyay dadka deegaanka ee mar weliba kala shaqeeya howlaha sugidda amniga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

“Booliska Degmada Guriceel waxey mahadcelin ballaaran u dirayaan bulshada Reer Guriceel sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen laamaha amniga, iyagoo mar walba door muhiim ah ka qaadanaya sugidda amniga iyo xasilloonida degmada” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka uu soo saaray Talisku.

Muxuu Fahad Yaasiin ka yiri go’aanka ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo soo dhaweeyay ka qayb-galka gogosha uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo furmi doonta 1-da bisha soo aadan ee Febraayo ee sannadkan 2026-ka.

Fahad ayaa si weyn soo dhaweeyay aqbalaada golaha ee shirka, gaar ahaan inay kasoo muuqdaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo ay si weyn isku hayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in go’aankan uu yahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday muhiimna u ah wadajirka iyo midnimad dalka.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed go’aan qiime leh ayay soo saareen. In Haybadle Saciid Dani iyo Haybadle Axmed Madoobe ay shirka aqbaleen oo Muqdisho tagayaan waa tallaabo u wanaagsan wadajirka iyo midnimada dalka” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in wixii gadaal ka yimaado shirka kadib uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweynaha, loogana baahan yahay inuu noqdo hoggaamiye dhab ah oo  fahmi kara siyaasadaha is-diidan.

“Maalinta uu shirkaas Xamar ka furmo kadib, wixii gadaal ka xumaada IF iyo AAKHIRO eeddeeda waxaa qaadaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu kusii daray qoraalkiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Golaha Mustaqbalka uu si cad maanta u sheegay inuu shirka wadatashiga ee uu iclaamiyay madaxweynaha, isaga oo ka duulayo caqabadaha taagan, si xal loogu helo khilaafka soo laa laabtay.

“Haddaba Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed asagoo ka duulaya xaaladaha kor ku xusan, tixgelina siinaya caqabadaha baaxadda leh ee dalkeenna horyaalla wuxuu wadatashi dheer kadib go’aansaday in Goluhu aqbalo gogosha ay dhigtay DFS, si looga hortego firaaq dastuuri ah loona helo xal loo dhan yahay oo badbaadinaya dowladnimada iyo midnimada dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, wuxuu Golaha Mustaqbalka dalbaday in shirka uu u dhaco jawi leh kalsooni iyo niyadsami, wada-hadalladuna ay noqdaan kuwa miradhal ah.

Waxaa kale oo uu soo jeediyeen;-

  • In uu gebi ahaanba madaxweynuhu joojiyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka ee 2012-kii.
  •  In ajendayaasha laga wadahadlo ay yihiin kuwa mudnaanta koowaad u leh xaaladda xaaladda hadda jirta dalka sida,

1-Amniga, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.

2- In heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaan doorasho oo ay ku dhacdo doorashada hay’adaha Dowladda Federaalka ah.

3- Xaaladda Midnimada iyo wadajirka dalka

4- Xaaladda abaaraha ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya.

Golaha Wadatashiga oo soo saaray lix qodob oo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta yeeshay kulan fogaan arag ah ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 6 qodob oo xasaasi ah, kaas oo ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Shirka oo uu guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladahii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, abaaraha, la dagaalanka aragagixisada iyo dardargalinta doorashooyinka qof iyo cod ee Golaha deegaanka iyo Dowlad Goboleedyada.

Golaha ayaa isku raacay in lasii dardargeliyo dadaallada ku aadan hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, lagana bilaabo dowlad-goboleedyada, si loo soo doorto goleyaasha deegaanka ee degmooyinka.

Sidoo kale, Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay xubnaha mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ee lagu soo dhaweeyay gogosha wadatashiga ee uu dhawaan iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka;

GOLAHA WADATASHIGA QARANKA (GWQ)

WAR-MURTIYEED

24-Jannaayo 2026: HORDHAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag ah ku yeesheen maanta oo taariikhdu tahay Janaayo 24, 2026. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Axmed Aw-Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga hadley xaaladahii ugu dambeeyay dalka gaar ahaan dadaalada Dowladda Federaalka ee adkeynta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xaaladda abaaraha, la dagaalanka aragagixisada iyo dardargalinta doorashooyinka qof iyo cod ee Golaha deegaanka iyo Dowlad Goboleedyada.

Goluhu Wadatashaga Qaran markuu arkey:

Wuxuu soo saarey qodobadan:-

  1. Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ee ku aaddan ilaalinta iyo dhowrista gobonnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalkeena.
  2. Goluhu wuxuu bogaadiyey qabsoomiddii doorashadii Golaha deegaanka Gobolka Banaadir iyo waaya-aragnimadii laga dhaxlay, wuxuuna isla gartay dardar gelinta doorashooyinka golayaasha deegaannada ee dowlad goboleedyada.
  3. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa ayidaada Golaha Mustaqabalka ee casuumadii gogosha wadatashiga Qaran ee ay ku baaqday Xukuumadda 1-da Febraayo 2026.
  4. Goluhu wuxuu bogaadinayaa guulaha ay ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaaladii u dambeeyay ee Khawaarijta lala galay.
  5. Goluhu wuxuu ku baaqay gurmadka xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka.
  6. Ugu danbeyn, Goluhu wuxuu ugu mahadcelinayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD iyo saaxiibbada caalamka ee garab istaagaa xaqqa Soomaaliya ee ilaalinta gobannimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Sawirro: Tallaabo uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh oo dhalisay falcelin xooggan

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay booqasho kadis ah ku tegay goobaha nasiinada ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula caweeyay, qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goobaha uu tegay kula kulmay shacab ku caweynayay halkaas, isaga oo waqti fiican la qaatay, isla markaana ka dhageystay talooyinkooda ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Sidoo kale wuxuu ku bogaadiyay doorka wanaagsan ee ay ka qaataan ilaalinta nabadgalyada, is dhex galka bulshada, dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada madaxweynaha oo kusoo aaday xilli xasaasi ah, dhinaca kalena direysa farriin la xiriira amniga caasimada?

Axmed Abuukar: ” Madaxweyne iyo shacabkiisa waqti wada waadanayaan Alhamdullhi. Allah nabadda ha’inoo siyaadiyo”.

Cabdullahi Toosane: “Xamar amni maahan kuwii lahaa caawa kadib maxey dhihi rabaan?”.

Cabdiraxmaan Koronto: “Kala wanaagsan ninka maqaayadda faynuus uso dalxiis tagey ,iyo midka Talaabiib dhuumashada ku aada”.

Nageeye Xasan: “Fariintaan waxay ku socotaa Deni iyo Axmed Madoobe oo doonaya inay Xamar hub kusoo galaan”.

Bashiir Cabdullahi: “Alxamdulilaah Allahii nasiiyay nabadaan ayaa mahad leh Ilaahow waxa naga dhiman noo dhamaystir guulayso mudane madaxweyne”.

Somaliland oo hab cusub ugu yaboohday Itoobiya marin bad

Davos (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa markale ku celiyay taageerada ay xukuumaddiisu u hayso rabitaanka Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin badeed, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo dekedo ganacsi iyo waddooyin isku xira gobolka, xilli uu sii xoogeysanayo iskaashiga dhaqaale iyo midka amni ee labada dhinac.

Isagoo ka hadlayay dhinaca madasha dhaqaalaha adduunka ee Davos 2026, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in maamulkiisu uu xiriir “adag oo saaxiibtinimo” la leeyahay Itoobiya, isla markaana ay doonayaan inay ballaariyaan iskaashigaas oo gaarsiisan dhinacyada ganacsiga iyo amniga.

Itoobiya, oo ah dal aan bad lahayn (landlocked) isla markaana ay ku nool yihiin in ka badan 110 milyan oo qof, ayaa muddo dheer ku tiirsaneyd dekedaha dalalka deriska ah si ay u daboosho baahideeda dhaqaale ee sii kordheysa.

Cirro ayaa xusay in inkasta oo Addis Ababa ay dhaqan ahaan ku tiirsaneyd Jabuuti, haddana Dekedda Berbera ee Somaliland ay tahay marin istiraatiiji ah oo muhiim ah.

“Waan aqoonsannahay baahida ay Itoobiya u qabto inay hesho marin badeed, dekedo ganacsi iyo waddooyin,” ayuu yiri Cirro, isagoo intaas ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya kala shaqeyso horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee labada dhinacba waxtarka u leh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in helitaanka marin badeed oo la isku halleyn karo iyo isku xirka gaadiidka dhulku ay muhiim u yihiin koboca dhaqaalaha Itoobiya, halka Somaliland ay dhankeeda ka faa’iideyso kororka mugga ganacsiga, maalgashiyo cusub, iyo is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika.

Sannadkii 2024-kii, Somaliland iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday is-afgarad (MoU) ujeedkiisu ahaa in Addis Ababa loo ogolaado marin ay ku yeelato Badda Cas iyadoo sii mareysa Dekedda Berbera, taas oo isugu jirta mid ganacsi iyo mid ciidan. Heshiiskaas ayaa dhigayay in beddelka arrintaas, Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsato madax-bannaanida Somaliland.  

Tallaabadaas ayaa noqon lahayd guul diblomaasiyadeed oo weyn oo u soo hoyata Somaliland, taas oo caalamka ka raadineysay aqoonsi tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii. 

Hase yeeshee, heshiiskaas ayaa hakad galay kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si adag uga hortimid, iyadoo ku tilmaamtay tallaabadaas xad-gudub qaawan oo lagu sameeyay madax-bannaanideeda iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Muqdisho ayaa ku adkeysatay in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, mowqifkaas oo ay taageereen beesha caalamka, waxaana ay ka digtay tallaabo kasta oo shisheeye oo u muuqan karta mid sharciyad siineysa gooni-u-goosadka.

Khilaafkan ayaa dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed oo cusub oo ka aloosantay Geeska Afrika, halkaas oo gacan ku haynta marinnada badda iyo waddooyinka ganacsiga ay noqdeen udub-dhexaadka loolanka gobolka, qorsheynta amniga, iyo istiraatiijiyadda dhaqaalaha.

Sawirro: Ciidanka Danab oo ku raad-jooga Fu’aad Shangole

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay aagga deegaanka Kudhaa, halkaas oo maalin kahor jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in howlgallada ay sii socdaan, isla markaana ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ay haatan ku raad-joogaan horjooge Fu’aad Shangole oo ay sheegtay inuu qabo dhaawac culus oo kasoo gaaray duqeymaha iyo dagaallada ka socda halkaasi.

Howlgalladii ugu dambeeyay oo xalay iyo saaka dhacaya ayay sidoo kale dowladdu sheegtay in lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo ka mid ahaa xubnihii Khawaarijta ee ka firxaday deegaanka Kudhaa ee Jubbada Hoose.

“Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ka socda deegaanno ka tirsan duleedka fog ee Kudhaa. Howlgalladii ugu dambeeyay ee la sameeyay ilaa xalay ayaa lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, ayadoo sidoo kale lagu soo qabtay labo xubnood oo dhaawac ah, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee Kudhaa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lasoo raaciyay “Sidoo kale, aroornimadii saakay ciidamo howlgal qorsheysan ka fuliyay isla deegaankaas ayaa dilay afar xubnood oo ka mid ahaa firxadkii Khawaarijta ee ka baxsaday dagaalladii hore”.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo haraadiga Khawaarijta, si looga hortago in mar kale ay weerar ka fuliyaan halkaasi.

Dagaalka Kudhaa ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan xubnaha Al-Shabaab, maadaama laga laayay maleeshiyaad badan, lagana dhaawacay kuwa kale, iyada oo xubno kale iyo hab la qabtay.

Deegaanka weli waxaa ka muuqda raadadkii dagaalka, iyada oo banaanka magaalada lagu arkayo gaadiid badan oo laga gubay Al-Shabaab, waxaana ka horreeyay dhaawacyo iyo mayad ay ciidanka kasoo aruuriyeen duleedyada.

Golaha Mustaqbalka oo caddeeyay mowqifkooda ku aadan shirka Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si rasmi ah u aqbalay inay ka qayb-galaan gogosha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo furmi doonta 1-da bisha soo aadan ee Febraayo ee sannadkan 2026-ka.

Golaha ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dalka uu marayo marxalad xasaasi ah oo ay halis ku jirto dowladnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana khilaafaadka weli jira ay wiiqi karaan midnimada dhuleed iyo bulsho, ayna fursad siineyso kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish iyo cid kasta oo dano gurracan ka leh Soomaaliya.

Sidoo kale wuuxu bayaanka intaas ku daray in Golaha isaga oo ka duulayo caqabadaha taagan dartood uu aqbalay ka qayb-galka shirka wadatashiga ee uu iclaamiyay madaxweynuhu.

“Haddaba Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed asagoo ka duulaya xaaladaha kor ku xusan, tixgelina siinaya caqabadaha baaxadda leh ee dalkeenna horyaalla wuxuu wadatashi dheer kadib go’aansaday in Goluhu aqbalo gogosha ay dhigtay DFS, si looga hortego firaaq dastuuri ah loona helo xal loo dhan yahay oo badbaadinaya dowladnimada iyo midnimada dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, wuxuu Golaha Mustaqbalka dalbaday in shirka uu u dhaco jawi leh kalsooni iyo niyadsami, wada-hadalladuna ay noqdaan kuwa miradhal ah.

Waxaa kale oo uu soo jeediyay;-

  • In uu gebi ahaanba madaxweynuhu joojiyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka ee 2012-kii.
  •  In ajendayaasha laga wadahadlo ay yihiin kuwa mudnaanta koowaad u leh xaaladda xaaladda hadda jirta dalka sida,

1-Amniga, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.

2- In heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaan doorasho oo ay ku dhacdo doorashada hay’adaha Dowladda Federaalka ah.

3- Xaaladda Midnimada iyo wadajirka dalka

4- Xaaladda abaaraha ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa wajaheysa loollan waqtiyeed, iyadoo muddo-xileedka hay’adaha dowladda lagu wado inuu dhammaado bartamaha bisha May ee sanadkan. Ismari-waaga ugu weyn ayaa salka ku haya nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Screenshot
Screenshot

NISA oo qabatay shabakad Shabaab ah oo qaraxyo culus ka qorsheeyey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) — Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa Jimcihii shaacisay inay gacanta ku dhigtay shabakad “argagixiso” oo ka kooban shan xubnood, kuwaas oo isku dayayay inay walxaha qarxa si dhuumaaleysi ah ku soo geliyaan magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay taliska NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada sirdoonku ay shabakaddan ku qabteen duleedka magaalada, xilli ay diyaarinayeen inay hub iyo gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay u soo gudbiyaan gudaha Muqdisho.

“NISA, oo si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqa iyo dhagarta shabakaddan, ayaa gacanta ku dhigtay noocyo kala duwan oo qaraxyo ah, hub, iyo gaadiidkii ay wateen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hay’addu waxay sheegtay in shanta eedeysane ay ka tirsan yihiin kooxda Khawaarijta iyadoo intaas ku dartay in raggani ay qorsheynayeen falal liddi ku ah amniga qaranka. NISA ma aysan shaacin magacyada shakhsiyaadka la qabtay, balse waxay xaqiijisay in loo gudbin doono hay’adaha caddaaladda si sharciga loo mariyo.

Fashilinta isku-daygan ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan dowladda Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay burburinta awoodda farsamo ee kooxda. 1-dii bishii Janaayo, 2026, NISA waxay shaacisay dilka Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo loo yaqaannay “Injineer Ismaaciil”, kaas oo lagu dilay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Jilib. 

Saraakiisha sirdoonka ayaa Injineer Ismaaciil ku tilmaamay madaxii waaxda qaraxyada ee kooxda iyo xubin sare oo ka tirsanaa garabka sirdoonka ee “Amniyaadka”.

Ninkan oo madaxiisa ay saarneyd lacag dhan $5 milyan oo doollar, ayaa lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxii weynaa ee 14-kii Oktoobar, 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof, noqdayna mid ka mid ah weerarradii ugu dhimashada badnaa ee soo mara taariikhda Afrika.

Hawlgalkaas oo dhacay 10-kii Disembar ee la soo dhaafay, lana kaashaday saaxiibbada caalamka, waxaa sidoo kale lagu dilay Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex), oo ahaa horjooge u qaabilsanaa dhanka dacaayadda gobollada Jubbooyinka.

Inkasta oo dowladdu ay dishay horjoogayaal sarsare, dadka falanqeeya arrimaha amniga ayaa ka digaya in Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay fuliso weerarro qorsheysan oo ka dhaca magaalooyinka.

Khubarada ayaa tilmaamaya in qabashada gaadiidkan qaraxyada siday ee Jimcihii ay muujineyso in kooxdu weli haysato ilo ay ku sameysato qaraxyada, ayna waddo dadaallo ay ku soo gelinayso caasimadda.

Magaalada Muqdisho ayaa aad u xasilloonayd tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xafiiska ku soo laabtay, iyadoo ay yaraadeen qaraxyadii waaweynaa. Hase yeeshee, laamaha amniga ayaa weli ku jira heegan sare si looga hortago dhagarta cadawga.

Somaliland oo shaacisay natiijada safarkii Cirro ee Davos

0

Haregeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa, kadib safar uu ku tegay magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo ay isku arkeen hoggaamiyeyaal iyo ganacsato waa wayn.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in safarkan uu ahaa mid guul taariikhi ah usoo hoyay Somaliland, isla markaana ay kasoo baxday natiijo wanaagsan oo wax ka ool ah.

Madaxtooyadu waxa ay intaasi ku dartay in Cabdiraxmaan Cirro uu ka qayb-galay shirka sannadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka, isla markaana uu kusoo bandhigay fursadaha muhiimka ah ee ka jira gudaha Somaliland.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta si nabad ah ugu soo laabtay dalka, kaddib safar shaqo oo guul taariikhi ah oo uu ku tagay magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu kaga qayb galay Shirka Sannadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum -WEF) oo ay isugu yimaaddaan hoggaamiyeyaasha dunida, siyaasiyiin miisaan leh, diblomaasiyiin, iyo ganacsato heer caalami ah.

Intii uu Madaxweynuhu ku sugnaa Davos, waxa uu si xeel dheer, aragti fog iyo garasho istiraatiiji ah ugu soo bandhigay madal ay fadhiyeen madax caalami ah iyo maalgashadeyaal waaweyn Qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo si cad u iftiimiyey xaqa sharci, taariikheed iyo mid siyaasadeed ee ay Somaliland u leedahay in ay noqoto Qaran madax-bannaan oo ka mid ah Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Davos ka jeediyey dood gar-naqsi ah oo uu ku faahfaahiyey guulaha ay Somaliland muddo ka badan 34 sano ka gaadhay dhismaha dawladnimo ku salaysan nabad, xasillooni, dimuqraadiyad, dawlad-wanaag iyo ku dhaqanka sharciga,  isaga oo carrabka ku adkeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal si buuxda ugu qalma aqoonsi caalami ah iyo ka mid noqoshada Beesha Caalamka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si mug leh u soo bandhigay fursadaha ballaadhan ee maalgashi ee ka jira Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Beeraha, Xoolaha Ganacsiga, Macdanta iyo Tamarta, khayraadka dabiiciga ah, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku-xidhka ganacsiga goboleed, isaga oo adkeeyey in Somaliland tahay dal ammaan ah, la isku hallayn karo, una furan iskaashi dhaqaale oo waara.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu kulammo iyo wada-xaajood la yeeshay hoggaamiyeyaal, madax iyo hay’ado Caalami ah, taasi oo xoojisay sumcadda iyo ka muuqashada Somaliland ee masraxyada caalamiga ah.

Intii uu ku sugnaa magaalada Davos, Madaxweynaha JSL waxa uu mar kale Dunida u caddeeyey in Somaliland aanay codsanayn gargaar iyo gacan-hoorsi, balse ay dalbanayso aqoonsi, ixtiraam iyo iskaashi ku dhisan dano-wadaag, nabad iyo horumar, isla markaana ay diyaar u tahay in ay door wax-ku-ool ah ka qaadato xasilloonida, ganacsiga iyo amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Farmaajo oo war kasoo saaray guusha laga gaaray dagaalkii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa boggaadiyay guusha ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland ay kasoo hooyeen dagaalkii ay Al-Shabaab maalin kahor kula galeen deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay argagixisada.

Farmaajo ayaa marka hore hambalyo u diray ciidamada geesiyaasha ah ee ka hortegay weerarka Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in guushooda ay muujinayso naf-hurnimada iyo geesinimada dhammaan Ciidamada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in ay ka go’an tahay in ciidamadu ciribtirka Khawaarijta, loona baahan yahay in lagu garab istaago dagaalka.

“Waxaan bogaadin iyo dhiirrigelin u dirayaa geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo guul muhiim ah ka keenay dagaalka sifeynta ah ee ay kula galeen argagixisada Alshabaab deegaanka Kudhaa iyo nawaaxigiisa. Guushan waxa ay muujinaysaa naf-hurnimada iyo geesinimada Ciidamada Soomaaliyeed oo duruuf kasta u taagan difaaca iyo xoreynta dhulkeenna, ayna ka go’an tahay cirib-tirka argagixisada duullaanka ku ah nolasha iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo sii raaciyay “Alle waxaan naxariistiisa Janno uga baryayaa halyeeyada u shahiiday guushan taariikhiga ah, samir iyo iimaanna u naga siiyo, waxaanna bogsiimo degdeg ah u rajaynayaa ciidamada dhaawacyadu soo gaareen”.

Dhinaca kale, wuxuu farriin culus u diray dowladda Soomaaliya oo uu ugu baaqay inay xoojiso garab istaaga ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab, maadaama ay u baahan yihiin taageero xooggan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ku adkaynaynaa in ay xoojiso mudnaan-siinta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka” ayuu mar kale yiri Maxamd Farmaajo.

Dagaalkii ka dhacay Kudhaa ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan Al-Shabaab, maadaama laga laayay maleeshiyaad badan, lagana dhaawacay kuwa kale, iyada oo xubno kale iyo hab la qabtay

Xaaladda deegaanka ayaa haatan deggan, waxaana si buuxda gacanta ugu haya Daraawiishta Jubbaland iyo Kumaandooska Danab oo weli howlgallo amni xaqiijin ah ka wada halkaasi.

 

Xogta duqeyn culus oo uu Mareykanka ka fuliyay Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo culus oo saacadihii lasoo dhaafay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen qaybo kamid ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan oo ay qayb ka ahaayeen ciidankooda lagu beegsaday firxadka Daacish oo ku sugnaa aagga Ceelka Bukuuje ee Togga Baalade oo ka tirsan buuraha Calmiskaad.

“Duqeymo ay fullinayaan saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka ee taageeraya Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa lagu beegsaday todobaadkan Firxadka Argagixisada Daacish, kuwii u danbeeyay waxay 24- saac kahor ka dhaceen aaga Ceelka Bukuuje ee Togga Baalade, Calmiskaad” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Puntland ayaa shaaca ka qaaday xubno ka tirsanaa argagixisada lagu dilay weerarka, kuwa kale ay isa soo dhiibeen marka ay u adkeysan waayeen culeyska.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu sheegay in howlgallada ay sii socdaan, isla markaana lagu daba jiro xubnaha kale ee ka baxsaday goobta la duqeeyay.

“Duqeymaha cirka iyo go’doonka ay ciidankeennu dhulka ka geliyeen firxadka Argagixisada, waxay noqdeen firxadkii wax la dilay, wax lagu dabo jiro iyo kuwo isa soo dhiiba” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kaso baxay Puntland.

Waxaa kale oo bayaanka lasii raaciyay “Howlgalkuna waa soconaya inta firxadka u danbeeya lasoo afjarayo”

Maamul-goboleedka Puntland ayaa guul wayn ka gaaray dagaalka Daacish, waxaana dhawaan uu soo bandhigay ajaaniibtii ugu badneyd oo lagu soo qabtay howlalladii cuslaa ee ka dhacay Calmiskaad, kuwaas oo kasoo kala jeeda dalalka Turkiga, Sacuudiga, Marooko, Itoobiya, Suuriya iyo Tanzaaniya.

Maxaabiistaas ajaanibta ah ayaa tiradoodoodu waxay gaaraysaa kontomeeyo (50), waxaa bar ka mid ah (25) ay u dhasheen dalka Itoobiya, sida ka muuqata shax ay soo bandhigeen ciidamada ammaanka maamulka Puntland.

Ciidanka difaaca Puntland oo muddo dheer dagaal adag kula jira argagixisada ayaa muujiyay awoodooda, waxayna guulo waa wayn kasoo hoyeen dagaalka.

Muungaab oo ku dhawaaqay tallaabooyin lagu xoojinayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahan duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta Sabti ah dhagax-dhigay dhismaha waddada Cabdiqaasim ee degmada Hodan, ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin lagu xoojinayo nadaafadda caasimadda, taas oo ka mid ah mashaariicda mudnaanta u leh horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda Caasimadda Muqdisho.

Ugu horreyn duqa Muqdisho oo ka hadlay dhismaha waddada Cabdiqaasim ayaa sheegay in caqabaddii ugu weynayd ee dib u dhigtay dhismaha waddadaas ay ahayd guryo iyo dhismayaal waddada soo galay, kuwaas oo si sharci darro ah u xannibay hirgelinta mashruuca, balse hadda go’aan laga gaaray.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa amray in la burburiyo dhammaan guryaha iyo dhismayaasha waddada soo galay, isaga oo u qabtay muddo hal isbuuc ah, si loo banneeyo waddada.

Dhinaca kale, duqa Muqdisho ayaa Munaasabadda dhagax-dhigga ka diray farriin kale oo oo ku aaddan hagaajinta nadaafadda iyo nidaamka magaalada, iyadoo uu dhiirri-geliyay ololaha nadaafadda ee ka socda Muqdisho, kuna ammaanay ka-qeybgalka bulshada iyo wacyigelinta laga helayo baraha bulshada, gaar ahaan dhallinyarada hormuudka u ah barta TikTok.

Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku dhawaaqay samaynta kooxo kormeerayalaa nadaafadeed oo cusub, kuwaas oo si joogto ah u la socon doona xaaladda nadaafadda degmooyinka, isla markaana hubin doona fulinta habraacyada iyo isla xisaabtanka.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in dib-u-eegis lagu sameyn doono kariteeriyada shirkadaha nadaafadda, si loo qiimeeyo tayada adeegga ay bixiyaan iyo u-hoggaansanaantooda waajibaadka shaqo, loona xaqiijiyo in adeegga nadaafaddu noqdo mid hufan oo joogto ah.

Ugu dambayn, wuxuu hoosta ka xariiqay in xeer cusub oo nadaafadda magaalada la xiriira uu saxiixi doono dhawaan, kaas oo dejin doona habraac iyo waajibaad cad, islamarkaana adkeyn doona ilaalinta nadaafadda iyo bilicda caasimadda.

Waxaa kale oo uu adkeeyay in dhagax-dhigga waddada Cabdiqaasim iyo tallaabooyinka nadaafadda ay yihiin qorshe mideysan oo lagu dhisayo Muqdisho nadiif ah, nidaamsan, lehna kaabayaal casri ah oo u qalma mustaqbalka magaalada.

Xog: Golaha Mustaqbalka oo go’aan ka gaaray casuumaadda Xasan Sheekh

0

Nairobi (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa isku raacay ka qeyb-galka gogosha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku raacay in la aqbalo casuumadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in maanta ay soo saaraan go’aanno rasmi ah.

Tan iyo markii ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday gogosha wadatashi ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu fidiyay, isbahaysiga mucaaradka ah ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa culeys siyaadadeed kala kulmayay wakiillada beesha caalamka.

Wakiilada beesha caalamka oo kulamo gooni-gooni ah la qaatay xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa waxay si cad uga dalbadeen inay aqbalaan casuumaadda Dowladda Federaalka ee gogosha wadatashiga qaran, taas oo ugu dambeyntiina ay isla qaateen.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa adkeeyay in xilligan xasaasiga ah loo baahan yahay wada-hadal loo dhan yahay si loo gaaro is-afgarad ballaaran oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, ka hor inta aysan dhammaan muddada dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirweynahan ayaa magaalada Muqdisho ka furmi doona 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026, sida uu iclaamiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa wajaheysa loollan waqtiyeed, iyadoo muddo-xileedka hay’adaha dowladda lagu wado inuu dhammaado bartamaha bisha May ee sanadkan. Ismari-waaga ugu weyn ayaa salka ku haya nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Khabiir: Masar, Sacuudiga iyo Turkey waxaa ka go’an in Israel aysan Soomaaliya ka…

Dooxa (Caasimada Online) – Khabiir ku xeel-dheer arrimaha gobolka ayaa sheegay in dalalka Carabta iyo awoodaha kale ee gobolka aysan u badnayn inay Israa’iil u ogolaadaan inay saameyn ku yeelato Soomaaliya, inkastoo ay jiraan wax uu ku tilmaamay isku dayo ay Israa’iil ku dooneyso inay ku ballaariso joogitaankeeda Geeska Afrika.

Cali Bakr, oo ah Bare sare oo dhiga Culuumta Xiriirka Caalamiga ah, Amniga, iyo Difaaca ee Jaamacadda Qatar, ayaa wakaaladda wararka ee Novosti u sheegay in Israa’iil ay tan iyo sanadkii 2023-kii raadineysay waddo ay kusoo dhex-gasho Geeska Afrika. Wuxuu intaas ku daray in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland uu qeyb ka yahay istiraatiijiyad ballaaran oo arrintaas la xiriirta, balse wuxuu ku dooday in dadaalladaasi ay wajahayaan caqabado waaweyn.

Bakr ayaa xusay in tallaabada Israa’iil ay Somaliland ugu aqoonsatay maamul madax-bannaan ay kala kulantay diidmo adag oo kaga timid dalalka Carabta iyo dhowr waddan oo Afrikaan ah, taas oo ku adkeyneysa Tel Aviv inay si rasmi ah cagaha u dhigato gobolka.

Wuxuu tilmaamay in awoodaha waaweyn ee gobolka ay horey u lahaayeen dano siyaasadeed, ciidan, iyo dhaqaale oo qoto dheer oo ay ka leeyihiin Soomaaliya. “Sacuudiga, Turkiga, iyo Masar dhammaantood waxay saldhigyo ciidan ku leeyihiin Soomaaliya, marka laga soo tago danahooda istiraatiijiyadeed ee fog,” ayuu yiri Bakr, isagoo raaciyay in Turkiga gaar ahaan uu maalgashi ballaaran ku sameeyay dalka.

Bakr ayaa ku nuux-nuuxsaday in Geeska Afrika uu muhiimad istiraatiiji ah oo gaar ah u leeyahay dalka Masar, gaar ahaan xilligan ay jiraan xiisadaha kala dhaxeeya Itoobiya. Wuxuu sharraxay in iskaashi kasta oo dhex mara Israa’iil iyo Itoobiya oo laga sameeyo Somaliland uu xoojin karo awoodda Itoobiya ee gobolka, taas oo ka hor imaanaysa danaha Masar. “Sababtaas awgeed,” ayuu yiri, “waa mid aad u adag in qorshaha Israa’iil ee ay ku dooneyso inay saameyn ku yeelato aaggan uu guuleysto.”

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli Israa’iil ay dhamaadka bishii Diseembar ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland—oo ah maamul gooni-u-goosad ah oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya—iyadoo maamulkaas la saxiixatay bayaan is-afgarad iyo aqoonsi labada dhinac ah.

Tallaabadan waxaa si adag u qaadacday Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ku tilmaantay xad-gudub ka dhan ah gobonimada Soomaaliya. Sidoo kale, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika ayaa taageeray mowqifka Soomaaliya, iyagoo xoojiyay taageeradooda ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Madaxda sare ee Imaaraadka Carabta oo is-khilaafay kadib jabka diblomaasiyadeed

0

Dubai (Caasimada Online) – Madaxda sare ee Imaaraadka Carabta ayaa khilaaf xooggan ka dhex qarxay xilli uu dalkaasi wajahayo jab diblumaasiyadeed oo uu kala kulmay dalal badan, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

Khilaafkan ayaa banaanka usoo baxay kadib shir ay iskugu yimaadeen madaxda sare ee dalkaasi, kaasi oo hadlayay sidii Imaaraadka uga kaban lahaa guuldarrooyinka soo gaaray.

Kulankaasi waxaa si gaar ah uga qayb-galay Maxamed Bin Rashiid Al-Maktuum, oo ah Madaxweyne ku xigeenka Isutagga Imaaraatka Carabta kana ah Ra’iisul Wasaaraha dalka, iyo Madaxweyne Maxamed Bin Zayid, kuwaas oo lafa-guray sidii looga bixi lahaa xaaladda adag ee ka dhalatay fashilkaas siyaasadeed.

Maamulka sare ee Dubai oo kamid ah Imaaradaha isu-tagay ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay sida Boqortooyada Sacuudiga oo muddo dheer kasii jeeday danaha Imaaraadka ay marqudha u kala furfurtay xargihii adkaa ee dalalka laga eryay Imaaraadka.

Isu-tagga Imaaraatka Carabta ayaa wajahay go’doon ballaaran oo kaga yimid dalalka Carabta, iyadoo eedeymo hore loogu jeedin jiray ay markii dambe isu bedeleen tallaabooyin cad oo rasmi ah, kuwaas oo sababay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay laga saaro saameyntii Imaaraadka.

Dalalka Imaaraadku fara-gelinta ku hayay ayaa waxaa kamid ah Soomaaliya, Liibiya, Yemen iyo Suudaan, waxaana ka dhashay isbahaysi ka dhan ah oo ay ku midoobeen Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Masar, kaas oo ugu dambayn guul ka gaaray siyaasaddii Imaaraadka.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda joojijsay heshiisyada milatari ee ay la gashay Imaaraadka, dalkaas oo dano dekedo iyo saldhigyo milatari ku leh Somaliland, Puntland, iyo Jubaland — deegaanno ay awoodda Muqdisho ku xaddidan tahay.

Si kastaba, Sacuudigu ayaa doonaya in uu saameyntiisa gaarsiiyo Geeska Afrika, halkaas oo Imaaraadku uu maalgashi culus ku sameeyay dekedo iyo kaabayaal milatari.

Sacuudigu ayaa sidoo kale miisaamaya tallaabooyin ballaaran oo uu kaga hortagayo awoodda Imaaraadka – ma aha oo kaliya Yemen, laakiin waa guud ahaan wadamada nugul ee gobolka, halkaas oo labada quwadood ee Khaliijku ay ku tartamayaan saameynta amniga, dekedaha, iyo siyaasadda.