25.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

DF oo shaacisay sida ay ula tacaaleyso go’aanka Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) — Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in dowladdu ay la qabsaneyso duruufaha dhaqaale ee adag, islamarkaana yareyneyso saameynta, kaddib markii Washington ay dhimis ku sameysay kaalmadii shisheeye.

Wuxuu ku dooday in Mareykanka uu weli leeyahay dano istiraatiijiyadeed oo ku aaddan inuu sii joogo Soomaaliya, gaar ahaan marka ay timaaddo iskaashiga la-dagaallanka argagixisada ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo garabka kooxda Daacish (IS).

“Waan qiraynaa isbeddelkan, waxaana isku dayeynaa inaan la qabsanno,” ayuu yiri Cali Balcad oo wareysi siinayay jariiradda Al-Majalla. Wuxuu intaas ku daray in dhimista gargaarka Mareykanka aysan ku koobnayn Soomaaliya oo keliya, balse ay ka tarjumayso dib-u-qiimeyn ballaaran oo caalami ah oo lagu sameeyay kaalmada shisheeye ee Washington.

Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa culeysyo dhowr ah. Waxay u taagan tahay inay ilaaliso guulaha dhanka amniga, u diyaar garowdo doorashooyinka soo socda, iyo ka jawaabista caqabadaha bani’aadannimo ee soo noqnoqda sida abaaraha, fatahaadaha, barakaca, iyo cunto-yarida.

Sanadkii la soo dhaafay, Washington waxay adkeysay siyaasaddeeda kaalmada shisheeye, iyadoo barnaamijyo badan gelisay dib-u-eegis, hakad, ama dib-u-habeyn lagu sameeyay.

Soomaaliya gudaheeda, isbeddeladaasi waxay carqaladeeyeen qeybo ka mid ah hannaanka gargaarka oo muddo dheer taageerayay gurmadka bani’aadannimo iyo adeegyada horumarinta.

Bilowgii bishii Janaayo 2026, Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in la xayiray kaalmadii la siin jiray dowladda federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay mas’uuliyiinta Soomaaliya ku eedeysay inay waxyeello u geysteen xarun ay taageerto Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) isla markaana ay leexsadeen agabkii gargaarka.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa iska fogeeyay eedeyntaas, iyagoo sheegay in gargaarku uu weli gacanta ugu jiro Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, Cali Balcad ayaa ammaanay taageeradii hore ee Mareykanka uu siiyay dhismaha dowladnimada iyo waaxda amniga. Wuxuu sheegay in hay’adaha Soomaaliya ay hadda u diyaar garoobayaan xilli ay yaraan doonto maalgelinta dibadda, iyagoo isla markaasna isku dayaya inay ilaaliyaan barnaamijyada muhiimka ah.

Waxa uu sidoo kale beeniyey in jiritaanka Al-Shabaab iyo kooxaha xiriirka la leh Daacish ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay ku guuldareysatay inay horumar sameyso.

Wuxuu ku dooday in dowladnimadu ay soo hagaagtay tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991-kii, isla markaana aysan maleeshiyaadku hadda maamulin dhul ballaaran oo dalka ka mid ah sidii hore.

Iskaashiga milateri ee Mareykanka uu la leeyahay ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibadood ayaa sii socda, oo ay ku jiraan howlgallo wadajir ah oo loogu talagalay in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab.

Qiimeynta Mareykanka ayaa ku tilmaamtay Al-Shabaab inay tahay garab muhiim ah oo ka tirsan Al-Qaacida, iyadoo iftiimisay muhiimadda sii kordheysa ee unugga Daacish ee Soomaaliya uu ku dhex leeyahay shabakadda guud ee kooxdaas.

Cali Balcad ayaa sheegay in Soomaaliya ay dooneyso inay sii wadato iskaashiga amniga xitaa iyadoo siyaasadaha gargaarku isbedelayaan. “Waxaa laga yaabaa inuu isbeddel ku yimaado qaabkii wax u socon jireen,” ayuu yiri, “laakiin tan uma fasiranayo in Mareykanka uu faraha kala baxayo daneyntiisa Soomaaliya.”

Somaliland oo beenisay xog uu taleefishinka Al-Carabiya ka baahiyey gobolka Awdal

Hargeysa (Caasimada Online) — Somaliland ayaa beenisay warbixin xasaasi ah oo uu baahiyay telefishinka Al Arabiya, taas oo sheegaysay in ciidamo meelo kale ka yimid ay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan gobolka Oodweyne, iyadoo warkaas ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn. 

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu xaqiijiyay in gobolka Oodweyne uu si buuxda u hoos yimaado maamulka Hargeysa.

Wasaaradda ayaa caddeysay in amniga gobolkaas ay gacanta ku hayaan ciidamada qaranka Somaliland oo kaliya, islamarkaana aysan jirin cid kale oo halkaas ka hawlgasha.

Beeninta Somaliland ayaa kusoo beegmaysa xilli Al Arabiya ay sidoo kale werisay in maalintii labaad oo xiriir ah ay iska horimaadyo ka socdaan gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya.  

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in dagaalku u dhexeeyo kooxo taabacsan dhaqdhaqaaqa gooni-isu-taagga iyo xoogag hubeysan oo si weyn uga soo horjeeda kala-go’a Soomaaliya.

Gobolka Awdal, oo horey loogu tirin jiray deegaannada ugu xasilloon, ayaa muddooyinkii dambe wajahayay xiisado amni oo sii kordhaya, kuwaas oo abuuray walaac horleh.

Somaliland ayaa guud ahaan bilihii lasoo dhaafay la daalaa-dhacaysay cadaadisyo amni iyo mowjado siyaasadeed oo ka jiray qeybo kamid ah waqooyiga iyo galbeedka dalka. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa inta badan salka ku haya maleeshiyaad hubeysan iyo khilaafyo beeleed oo leh waji siyaasadeed.

Dhacdooyinkan ayaa mar kale indhaha kusoo jeediyay Somaliland, oo ku dhawaaqday madaxbannaanideeda sanadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe, balse aan weli aqoonsi ka helin beesha caalamka.

Dhinaca kale, warbaahinta maxalliga ah iyo tan caalamiga ah ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay tebinayay isku-dhacyo goos-goos ah oo ka dhacayey aagagga lagu muransan yahay iyo deegaannada u dhow halka ay dowladda Federaalku saamaynta ku leedahay.

Dadka gobolka Awdal ayaa si weyn u diiday aqoonsiga Yahuudda ee maamulka Somaliland, ayaga oo ballan ku qaaday in ay u dagaalami doonaan midnimada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda ku celcelisay inay si adag uga soo horjeedo tallaabo kasta oo wiiqeysa midnimada dhuleed ee dalka.

Muqdisho ayaa ku adkeysata inaysan aqbali doonin tallaabooyin gooni-goosad ah oo hal dhinac ah, iyadoo hoosta ka xariiqday in xal kasta oo waara uu ku imaan karo oo kaliya wada-hadal siyaasadeed oo waafaqsan dastuurka dalka.

Kenya oo cabsi dareentay kadibna ciidan soo dhoobay xadka Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanada ku yaalla xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey ay Kenya soo dhoobtay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga, si ay uga hortagaan weerarro ay Al-Shabaab  ka gaystaan gudaha dalkaas iyo saldhigyada ciidamo ee u dhow sohdinta labada dal.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in heegan sare la geliyey ciidanka, waxaana la kordhiyay askarta ka howlgala waddooyinka ay isaga kala gudbaan gawaarida isaga kala gooshta labada dhinac.

Sidoo kale jidadka isku xira deegaanada ku yaalla xadka ayaa haatan laga bilaabay baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijiyo amniga, si looga feejignaado dhagarta Al-Shabaab.

Arrintan ayaa timid kadib markii dhawaan madaxweynaha Kenya uu la kulmay saraakiisha ciidamada Milatariga, Sirdoonka iyo Booliiska, isaga oo kala hadlay adkeynta nabadgalyada iyo ka hortagga weerarro ay dalkaas kusoo qaadaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ujeedka ugu wayn ayaa ah in Kenya ay ka hortagto in uu culays ka yimaado waddooyinka muhiimka u ah isu socodka ciidankeeda ka jooga Soomaaliya oo si joogto ah sahayda u gudbista, sidoo kale arrinta labaad ayaa ah in haddii weerarrada sii kordhaan uu badinayo amni darrada gudaha dalkeeda.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay dhankooda cabsi ka muujinayaan in dagaallo ay ka dhacaan halkaas, iskuna fara saaraan labada dhinac.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa Al-Shabaab ay kordhiyeen dhaq-dhaqaaqooda deegaannada ku yaalla xadka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ay ahayd todobaadkii hore markii ay weerareen deegaanka Kudhaa, halkaas oo isla ayagii lagu gaarsiiyay jab culus, kadib dagaallo adag oo ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa kumaandooska Danab.

Waxa kale oo dagaalladan barbar socday duqeymo is dabajoog ah lagu cuuryaamiyay Al-Shabaab, loogana laayay maleeshiyaad badan, sidoo kalena lagu gubay hub iyo gaadiid dagaal oo ay lahayd kooxdu.

Kadib Soomaaliya, Masar iyo Sacuudiga oo isku dayaya in ay Imaaraadka ka soo xiraan…

Qaahira (Caasimada Online) – Shixnadaha hubka ayaa weli ka qulqulaya bariga dalka Liibiya iyagoo ku sii jeeda ciidamada gurmadka degdegga ah ee Suudaan (RSF), in kasta oo ay jiraan dadaallo diblomaasiyadeed oo culus oo ay wadaan Masar iyo Sacuudiga, kuwaas oo ku aaddan in Jeneraalka reer Liibiya, Khaliifa Xaftar, lagu qasbo inuu xiriirka u jaro Imaaraadka Carabta, sidaas waxaa lagu sheegay warbixin ay daabacday Middle East Eye.

Is-mari-waagan diblomaasiyadeed ayaa ku soo aadaya xilli Imaaraadku uu wajahayo caqabado dhanka saadka ah oo ka haysta gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, oo xurgufta diblomaasiyadeed ay ciriiri gelisay sahaydii ka bixi jirtay Boosaaso — oo muddo dheer ahayd xudun muhiim u ah hubka sida qarsoodiga ah loo gudbiyo.

Ilo xog-ogaal u ah kulamadaas ayaa u sheegay Middle East Eye in saraakiil Masri ah ay magaalada Qaahira ugu yeereen Saddam Xaftar, oo ah wiilka uu dhalay ninka awoodda badan ee bariga Liibiya Khaliifa Xaftar, ahna taliye ku-xigeenka ciidamada isku magacaabay “Ciidamada Qalabka Sida ee Carabta Liibiya” (LAAF), si loo siiyo “canaan iyo digniin culus.”

Intii ay socotay booqashada, oo saraakiishu ay saxaafadda ugu soo bandhigeen inay tahay iskaashi milateri oo caadi ah, saraakiisha sirdoonka Masar ayaa Saddam hor dhigay sawirro dayax-gacmeed iyo caddeymo muujinaya shixnado hub ah oo Imaaraadku leeyahay, kuwaas oo laga soo daad-gureeyay Abu Dhabi lana geeyay saldhigyo uu Xaftar maamulo, ka hor inta aysan kooxaha wax tahriibiya u gudbin dhanka xuduudda si ay ugu gacan galiyaan kooxda RSF ee Suudaan.

“Farriintu waxay ahayd mid cad: sii wadidda taageerada RSF waxay Masar ku qasbi doontaa inay dib u eegto guud ahaan xiriirka ay la leedahay bariga Liibiya,” ayuu yiri sarkaal u dhashay Liibiya oo diiday in magiciisa la shaaciyo.

Xiritaanka albaabka Boosaaso

Culeyska saaran marinka Liibiya ayaa sii kordhay maadaama waddooyinkii kale ee saadka Imaaraadka ee Geeska Afrika ay wajahayaan carqalado.

Inta badan muddada uu socday dagaalka Suudaan, garoonka magaalada Boosaaso ee dowlad-goboleedka Puntland, Soomaaliya, waxa uu Imaaraadka u ahaa xudun muhiim ah oo dhanka saadka ah (logistics node).

Iyadoo la huwanayo magaca tababarrada la-dagaallanka burcad-badeedda iyo argagixisada, Imaaraadku wuxuu ballaariyay garoonka diyaaradaha iyo dekedda Boosaaso. Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay iyo falanqeeyayaasha sirdoonka furan ayaa goobahan ku tilmaamay inay yihiin meelo lagu diyaariyo agabka milateri ee ku sii jeeda kooxda RSF, oo ay ku jiraan ciidan calooshood u shaqeystayaal ah oo ka soo jeeda Colombia.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka ka dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi ayaa xumaaday, taas oo cakirisay howlgalladaas. Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay joojisay heshiisyadii iskaashiga milateri ee ay la lahayd Imaaraadka, iyadoo ku eedeysay dalkaas inuu ku xad-gudbay madax-bannaanideeda.

“Boosaaso waxay ahaan jirtay albaabka dambe ee la isku halleyn karo ee hubeynta RSF, iyadoo u oggolaan jirtay diyaaradaha inay ka soo duulaan Gacanka Cadmeed una gudbaan Suudaan ama dalka dariska la ah ee Chad,” ayuu yiri Yuusuf Xuseen, oo ah falanqeeye dhanka amniga ah oo ku sugan Muqdisho.

“Maadaama Muqdisho ay culeyska kordhisay isla markaana ay isbahaysi dhow la sameysatay Masar iyo Turkiga, marinkaas wuxuu noqday mid siyaasad ahaan qaali ku ah Imaaraadka, taas oo ku qasbeysa inay si aad ah ugu tiirsanaadaan marinka Liibiya.”

Maadaama marinkii Boosaaso uu xirmay, marinka sii mara dhulka uu Xaftar ka taliyo ee bariga Liibiya — gaar ahaan degmada Kufra — ayaa noqday mid lagama maarmaan u ah sii wadidda dagaalka RSF ay kula jirto Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF).

Taageero beddel ah

Qaahira, oo si adag u taageersan ciidamada milateriga Suudaan ee uu hoggaamiyo Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan, ayaa u aragta jiritaanka RSF ee xuduuddeeda koonfureed inay tahay khatar amni oo jiritaankeeda halis ku ah.

Saraakiisha Masar ayaa la sheegay inay Saddam Xaftar u soo bandhigeen caddeymo muujinaya in booyado ay shidaal ka soo daabuleen warshadda sifeynta ee Sarir (Libya) una gudbiyeen hoggaamiyaha RSF Maxamed Xamdaan Daqalo (Xametti), si loogu isticmaalo gaadiidka dagaalka ee Darfur.

Si loogu dhiirrigeliyo inay xiriirka u jaraan Imaaraadka, Riyadh iyo Qaahira ayaa la soo wariyay inay Xaftar u soo bandhigeen dalab beddel ah oo dhaqaale badan wata.

Sida ay sheegeen ilo milateri, xirmadan waxaa ka mid ah kaalmo maaliyadeed iyo qalab milateri oo lala xiriirinayo heshiis hub oo dhawaan dhex maray Sacuudiga iyo Pakistan, kaas oo qiimihiisu dhan yahay $4 bilyan.

Qorshuhu wuxuu yahay in hubkaas loo qeybiyo ciidamada Xaftar iyo milateriga Suudaan, taas oo si wax ku ool ah taliyaha Liibiya ugu soo biirineysa safka Sacuudiga iyo Masar.

Xiisadaha dagaalka dadban

Khilaafka ka taagan marinnada saadka ee Liibiya ayaa iftiiminaya kala-fogaansho sii weynaanaya oo u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka, laba dal oo xulafo ahaan jiray balse danahoodu ay hadda kala leexanayaan laga soo bilaabo Yemen ilaa Badda Cas.

Halka Riyadh ay dooneyso in Suudaan ay noqoto mid deggan oo uu hoggaamiyo Burhaan si loo sugo xeebaha Badda Cas, Imaaraadku wuxuu weli yahay taageeraha ugu weyn ee RSF.

Abu Dhabi waxay Xametti u aragtaa saaxiib muhiim ah oo ilaaliya danaheeda istiraatiijiyadeed ee dhulka beeraha iyo macdanta dahabka, iyo waliba fidinta saameynteeda guud ahaan gobolka Saaxil.

Saraakiisha Masar ayaa u digay Saddam Xaftar, iyagoo u sheegay in istiraatiijiyadda fog ee Imaaraadka ay tahay burburinta gobolka. Waxay la wadaageen xog sirdoon oo sheegeysa inuu jiro qorshe Imaaraad oo ah in Liibiya loo kala qeybiyo aagag iska soo horjeeda marka RSF ay gaarto hadafyadeeda Suudaan.

In kasta oo digniinaha iyo dalabaadka taageerada beddelka ah ay jiraan, haddana ilo-wareedyadu waxay tilmaamayaan in Saddam Xaftar uusan weli go’aan gaarin, isagoo ku dhex jira laba daran mid dooro: taageerada dhaqaale iyo midda milateri ee degdegga ah ee Imaaraadka iyo carada istiraatiijiyadeed ee dariskiisa Qaahira.

“La’aanta taageeradaas, RSF ma aysan gaarteen guulaha ay dhawaanahan gaartay,” ayuu yiri sarkaal milateri oo u dhashay Masar. “Laakiin Saddam hadda culeys weyn ayaa ka haysta labada dhinac.”

Tallaabo kale oo loo qaaday wax ka beddelka dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku xigeennada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa maanta kulan la qaatay guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo ay ka wada-hadeen arrimo ku aadan wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah.

Ugu horreyn guddiyada ayaa guddoonka labada Aqal ku wareejiyay soo jeedimaha wax-ka bdeedelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, iyo sidoo kale shintiriska ama jadwaleynta doodda soo jeedimaha.

Cutubyadan ayaa a filayaa in dhawaan la horgeeyo xildhibaannada Baarlamaanka, si ay dood uga yeeshaan, una ansixiyaan.

Sidoo kale, waxaa lagu ballamay in ay sii socdaan doodaha la xiriira wax ka beddalka Dastuurka, iyada oo weli ay taagan tahay tabashada mucaaradka.

Horay Villa Somalia oo kaashaneysa Baarlamaanka ayaa ku guuleysatay in wax laga beddalo afarta cutub ee ugu horreyso Dastuurka, taas oo keentay qaylo dhaan wayn oo ka timid mucaaradka iyo labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland, waxayna arrintaas dhalisay xiisad siyaasadeed oo ilaa iyo hadda ka taagan gudaha dalka.

Tallaabadan kale iyo isku deyga haatan la doonayo in lagu sii wado wax ka beddalka qodobada Dastuurka ayaa uga sii dari karta xaaladda murugsan ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka jira hannaanka doorashooyinka dalka.

Si kastaba, dhawaan ayaa qorshuhu yahay in wada-hadallo toos ah ay yeeshaan Villa Somalia, Jubbaland, Puntland iyo Mucaaradka, si xal looga gaaro khilaafka ka dhashay wax ka beddalka Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Shir muhiim u ah Soomaaliya oo ka furmay Nairobi + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ka furmay shirka maalgelinta caafimaadka Soomaaliya, kaas oo ay ka qayb-galayaan mas’uuliyiin heer federaa ah, kuwa dowlad-goboleedad iyo saaxibada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirka oo mid xasaasi ah ayaa waxaa si rasmi ah u furay wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshad Cali Xaaji Aadan, iyada oo diiradda lagu saarayo maalgelinta iyo xoojinta nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya.

Waxaa shirkan oo muhiim u ah horumarinta iyo maalgelinta nidaamka caafimaadka dalka,  sidoo kale goobjoog ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaaliil, wasiirrada caafimaadka dowlad-goboleedyada Soomaaliya, gobolka banaadir, saaxiibada caalamiga ah ee taageera caafimaadka Soomaaliya iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in muddada uu socdo shirka looga hadlayo mideynta dadaallada, xoojinta wada-shaqeynta, iyo hirgelinta hannaan maalgelin oo waara.

Sidoo kale, ujeedada ugu wayn ayaa ah in la xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, la heli karo, isla markaana gaara guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda caafimaadka federaalka ayaa sidoo kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay hoggaaminta dadaallada Qaran ee lagu dhisayo nidaam caafimaad oo horumarsan, isla-markaana loo wada dhan yahay, iyada oo si dhow ula shaqaynaysa dhammaan daneeyayaasha Qaran iyo kuwa caalami ah, si loo xaqiijiyo caafimaadka, badbaadada, iyo mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed

Muddooyinkii dambe dowladda federaalka ayaa wadday dadaallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu helo adeegyo caafimaad oo tayo leh, loo wada siman yahay, lana gaarsiin karo meel kasta.

Obama iyo Bill Clinton oo si adag uga hadlay howlgallada ICE ee Minnesota

0

Minneapolis (Caasimada Online) — Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo Marwadii hore Michelle Obama oo ka hadlay howlgallada CE ee Minnesota ayaa dilka Alex Pretti ku tilmaamay “musiibo qalbi jab leh”.

War-saxaafadeed ay soo saareen lamaanahan ayaa waxa ay ku sheegeen in toogashadii “ay tahay mid baraarujin u ah qof kasta oo Mareykan ah, iyadoon loo eegin dhinac gaar ah, in qaar badan oo ka mid ah qiyamkeenna asaasiga ah ee qaran ahaan ay si isa soo taraysa ugu socdaan weerarro”.

“Toddobaadyo hadda, dadka dalka oo dhan waxay si sax ah uga caroodeen muuqaalka shaqaale ICE ah oo weji-xiran iyo wakiillo kale oo federaal ah oo si arxan darro ah u dhaqmaya oo ku hawlan xeelado u muuqda in loogu talagalay in lagu cabsi geliyo, lagu dhibaateeyo, lagu kicinayo dadka taasoo khatar gelineysa dadka deggan magaalo weyn oo Mareykan ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Waxay intaa ku dareen in maamulka Trump “uu u muuqdo mid aad u xiiseynaya inuu xaaladda sii xumeeyo” iyada toogashooyinkii dhacay oo aan “wax baaritaan ah oo dhab ah lagu sameyn taasoo ay ku tilmaameen in ay u muuqato inay si toos ah uga hor imaanayso caddaynta muuqaalka. Tani waa inay joogsataa,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhinca kale, Madaxweyne hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa eedeyn u jeediyey maamulka Madaxweyne Donald Trump, isagoo ku dhaliilay in been loo sheegay dadka Mareykanka taasoo ku aaddan toogashooyinkii ka dhacay Minneapolis oo ay geysteen saraakiisha ciidamada socdaalka Mareykanka ee ICE.

Clinton ayaa Axaddii bayaan uu soo saaray ku cambaareeyey “muuqaalada naxdinta leh” ee ka dhacay Minneapolis, oo uu ku tilmaamay wax aanu weligiis filayn in ay ka dhacaan Mareykanka.

Waxaa kale oo uu sheegay in dadka, xitaa laga soo qabanayo guryahooda, goobahooda shaqada, iyo jidadka iyagoo askartu ay wajiyada qarsadeen isla markaana dad nabad ku banaanbaxaya ay ula dhaqmayaan si aan sharci ahayn lana xirayo.

 Bill Clinton ayaa intaasi ku daray in dhammaan arrimahaasi yihiin kuwo aan la aqbali karin oo lagana fogaan karay ka hor inta aysan heerkaan gaarin. Wuxuu sheegay madaxweyne hore in shacabka been loo sheegay marka ay timaaddo toogashooyinka iyo ficillada ka dhacay gobolka Minnesota.

Mucaaradka oo aaminsan in uusan jirin qof Xasan Sheekh ka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay in aysan jirin cid maanta ka welwel badan, kana nugul.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in awoodda xukun ee Madaxweyne Xasan Sheekh aysan ku dhisnayn sharciyad akhlaaqeed, aragti qaran oo la wada leeyahay, ama himilo ay dadka ku xeerani si dhab ah u rumaysan yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Ma jirto cid ka welwel badan, kana nugul maanta, taliska Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, xilli uu muddoxileedkiisii gebogebo ku dhow yahay,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu maanta soo saaray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay, siyaasadda laga dhaariyey run-sheegnimo, masuuliyad, sarriigasho, iyo u adeegidda danta guud, iyadoo halkoodii buuxiyeen danaysi, kala iibsasho, iyo aamusnaan lagu gorgortamay, sida uu sheegay.

“Sidaas awgeed, tani ma aha oo keliya fashil hoggaamineed; waa fashil akhlaaqeed oo dhab ah,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Ma jirto cid ka welwel badan, kana nugul maanta, taliska Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, xilli uu muddoxileedkiisii gebogebo ku dhow yahay. Awoodda xukunkiisa kuma dhisnayn sharciyad akhlaaqeed, aragti qaran oo la wada leeyahay, ama himilo ay dadka ku xeerani si dhab ah u rumaysan yihiin.

Taageerada iyo daacadnimada waxay ku dhisnayd dano: xilal, xoolo, qandaraasyo, dhul laga barakiciyey danyar, iyo saaxiibtinimo ku dhisan faa’iido.

Marka muddoxileedku gabaabsi noqdo, shabakadihii xiriirka way dabcaan, daacadnimadii waa luntaa, saaxiibbadiina dhabarka ayay isu jeediyaan, sacab-tunkii iyo ammaantii afka baarkiisa ahayd way istaagaan.

Wixii loo haystay awood ayaa si cad loo arkayaa in ay ahayd dano ku-meel-gaar ah, oo aan lahayn sal iyo tiir toona.

Afartii sano ee la soo dhaafay, siyaasadda waxaa laga dhaariyey runsheegnimo, masuuliyad, sarriigasho, iyo u adeegidda danta guud. Halkoodii waxa buuxiyey danaysi, kala iibsasho, iyo aamusnaan lagu gorgortamay. Sidaas awgeed, tani ma aha oo keliya fashil hoggaamineed; waa fashil akhlaaqeed oo dhab ah.

Talisyada caynkan ahi dibadda kama dumaan ee gudaha ayay ka dilaacaan. Waxay ku burburaan marka ay dhammaato dantii lagu wada joogay. Keliya waxa ay u baahan yihiin in ilinka laga jebiyo. Xiligeediina waa la joogaa.
﴿ادْخُلُوا عَلَيْهِمُ الْبَابَ فَإِذَا دَخَلْتُمُوهُ فَإِنَّكُمْ غَالِبُونَ﴾

Ka hor shirka wadatashiga ee Muqdisho, Swan oo qaaday tallaabo lagu xaqiijinayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa maanta la kulmay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Kamaal Daahir Guutaale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin geeddi-socodka doorashooyinka iyo gogosha wada-hadal ee Xukuumaddu u fidisay Golaha Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay xaaladda amniga dalka, iyadoo Xoghayaha Joogtada ah uu Wakiilka Qaramada Midoobay la wadaagay horumarka muuqda ee xukuumaddu ka sameysay sugidda amniga guud ee dalka.

Guutaale ayaa Swan uga warbixiyay doorashadii golaha deegaanka gobolka Banaadir oo daba-yaqaadii sanadkii hore si nabad ah uga qabsoontay caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay dhageysiga tabashooyinka mucaaradka iyo xoojinta wadatashiga siyaasadeed si loo helo is-afgarad qaran.

Dhankiisa, Mr. James Swan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay gogosha wada-hadal ee ay u fidisay mucaaradka, isagoo ballan-qaaday in Qaramada Midoobay ay taageeri doonto dadaallada lagu xaqiijinayo in gogoshu ay miro dhal noqoto.

Swan ayaa sidoo kale wuxuu mmaanay habsami u socodka iyo nabadgelyada doorashadii golaha deegaanka ee ka dhacday caasimadda.

Kulankan ayaa imanaya xilli hawl-galka KMG ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu xaqiijiyay taageeradiisa ku aaddan wada-hadal loo dhan yahay oo lagu gaarayo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyin laga wada qayb-galo.

UNTMIS ayaa muujisay mudnaanta heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha oo billo kooban ka harsan yihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 19-kii bishaan ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirweynahan ayaa magaalada Muqdisho ka furmi doona 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026, sida uu iclaamiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Deni oo Nairobi kula kulmay taliyeyaasha ciidanka Mareykanka iyo Ingiriiska

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay taliyeyaasha ciidamada gaarka ah ee waddamada Maraykanka iyo Ingiriiska ee Bariga Afrika, Col. Ryan Flaherty iyo Col. Rich Grover, oo ay wehliyaan saraakiil sar-sare.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale waxaa si gaar ah diiradda loo saaray guulaha laga gaaray hawl-gallada geba-gebada maraya ee ururka Daacish looga sifeynayo Calmiskaad, iyo xoojinta iskaashiga guud ee la-dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Puntland ayaa Maraykanka iyo Ingiriiska uga mahadceliyay sida ay dowladda iyo shacabka Puntland uga taageereen in hawlgalka Calmiskaad uu guuleysto.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan, iyo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamka, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Madaxweyne Siciid Deni, oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa sidoo kale halkaas kula kulmay safiirrada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, Denmark, Norway, Canada, Germany, Sweden, iyo diblomaasiyiin sare oo ka tirsan safaaradaha Maraykanka, Switzerland, Finland, France, Netherlands, iyo Bangiga Adduunka (World Bank).

Kulankaas waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyadoo Puntland lagu bogaadiyay hawl-galka ay argagixisada kaga ciribtireyso deegaanadeeda iyo hirgelinta dimuqraadiyadda.

Sidoo kale, Saciid Deni iyo wakiillada beesha caalamka ayaa ka wada-hadlay arrimaha bani’aadannimada iyo iskaashiga horumarineed.

Maxaa ka jira in xubno Shabaab ah ku sugan yihiin duleedka Laascaanood?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari ayaa beeniyay muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada, kaasi oo ay kasoo muuqdeen rag wejiyada duubtay oo sheegay in ay ku sugan yihiin Laascaanood, ayna ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Bayaan kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Waqooyi Bari ayaa lagu xaqiijiyay in aysan jirin wax raad ah, saldhig ama joogitaan kooxo argagixiso oo ka jira guud ahaan deegaannada maamulkaasi.

“Ciidanka Booliska Waqooyi Bari, baadhitaan iyo xaqiiqin kadib, wuxuu xaqiijinayaa in muuqaalkaasi yahay mid gabi ahaanba si lidata loogu farsameeyey garaadka macmalka ah (Artificial Intelligence),” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Muuqaalkan ayuu sheegay boolisku in loogu tala-galay sumcad-dil, cabsi gelin bulsho, iyo marin-habaabinta amni, xilli magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaanada Waqooyi Bari ay ku naaloonayaan nabad, dawladnimo taabbo-gal ah, iyo horumar muuqda, sida uu sheegay Taliska Booliska Waqooyi Bari.

Booliska ayaa sidoo kale waxa uu shacabka ugu baaqay in ay ay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah ee qalqal gelin kara amniga, isla markaana ay meel uga soo wada jeedsadaan cid walba oo ku howlan sumcad dilka deegaanada maamulkooda.

“Hay’adaha amniga Dowladda Waqooyi Bari na waxay si buuxda ugu fooggan yihiin sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo ka hortagga isku day kasta oo wax u dhimaya xasilloonida iyo badqabka muwaadiniinta.”

Hoos ka aqriso bayaanka booliska oo dhameystiran:

Ciidanka Booliska Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya wuxuu si cad u beeninayaa muuqaall been-abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada, kaas oo ay ka muuqdaan shan (5) qof oo wejiyada duubtay, xiran dhar u eg ciidan, kuna sugnaa goob baadiye ah, isla markaana si been ah u sheeganaya in ay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood, ayna ka tirsan yihiin urur argagixiso.

Ciidanka Booliska Dowladda Waqooyi Bari, baadhitaan iyo xaqiiqin kadib, wuxuu xaqiijinayaa in muuqaalkaasi yahay mid gabi ahaanba si lidata loogu farsameeyey garaadka macmalka ah (Artificial Intelligence), looguna talagalay sumcad-dil, cabsi gelin bulsho, iyo marin-habaabinta amni, xilina kama laha magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaanada Waqooyi Bari ay ku naaloonayaan nabad, dawladnimo taabbo-gal ah, iyo horumar muuqda.

Muuqaalka la faafinayo waxa si cad uga muuqda calaamado muujinaya in aanu ahayn mid dhab ah, isla markaana si lidata loo sameeyey, waxaana ka mid ah:

  1. Goobta muuqaalka: Muuqaalka waxaa lagu duubay meel ka baxsan ah oo ciid-cas ah oo habayaraatee aan si naba uga turjumayn dhulka ay ku taal magaalada Laascaanood.
  2. Codka muuqaalka: Muuqaalka waxaa la dul saaray cod googo’an ah oo la isu geegeeyey iyo codad la dul saaray (Voice-Over), taas oo muujinaysa tafatir iyo farsamo been-abuur ah.
  3. Muuqaal la soo dhex geliyey: Waxaa muuqaalka si ula kac ah loogu dhex daray qaybo laga soo jarjaray muuqaallo kale oo yaalla internet-ka oo aan wax xidhiidh ah la lahayn amni darro, si loogu ekaysiiyo in uu ka dhacayo deegaanada Waqooyi Bari.

Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Waqooyi Bari wuxuu mar kale si buuxda u caddeynayaa inaysan jirin wax raad ah, saldhig ama joogitaan kooxo argagixiso oo ka jira guud ahaan deegaanada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Hay’adaha amniga Dowladda Waqooyi Bari na waxay si buuxda ugu fooggan yihiin sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo ka hortagga isku day kasta oo wax u dhimaya xasilloonida iyo badqabka muwaadiniinta.

Ugu dambayn, waxaan shacabka ugu baaqaynaa in ay ka feejignaadaan wararka been-abuurka ah ee khal-khalka gelin kara amniga, isla markaana aynu meel uga soo wada jeesanno cadawga Waqooyi Bari ee ku hawlan sumcad-dilka deegaanada Waqooyi Bari iyo faafinta wararka aan salka iyo raadadka toona lahayn.

Arrimaha ay ka wada-hadleen Xamza iyo wafdiga ka socday Turkiga + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Amb. Ali Onaner.

Kulankan oo sidoo kale uu qeyb ka ahaa Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Alper Aktaş ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Intii kulanka socday waxaa si gaar ah diirada loo saaray iskaashiga dhinacyada amniga, iyo la-dagaallanka argagixisada, si loo xaqiijiyo xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Xamza ayaa uga mahad-celiyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada hagar-la’aanta ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu xusay in Turkigu yahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muuqda ka qaatay taageerada dhanka amniga, ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa Amb. Ali Onaner, oo ka mahadceliyay qaabiladda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyay in dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Turkiga ay mar walba garab taaganyihiin dowladda Soomaaliya, ayna sii xoojinayaan xiriirka wada-shaqayneed ee labada dowladood.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, iyagoo leh iskaashi milatari oo ballaaran, kaas oo diiradda saaraya sugidda amniga, tayeynta ciidamada ammaanka, tababarka cutubyo cusub iyo arrimo kale oo la xiriira dhinaca milatariga.

DF oo soo afjartay khilaafkii u dhexeeyay Jibriil iyo Ilyaas

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Cumar Balcad ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in la xaliyay khilaafkii bilihii la soo dhaafay u dhexeeyay safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay Kenya iyo Tanzania.

Khilaafka ayaa soo ifbaxay bishii Sebtembar 2025, markaas oo Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania ay soo saartay bayaan ay uga hortimid booqasho uu Safiirka Soomaaliya ee Kenya ku tagay Kinshaasa ee caasimadda Congo, taas oo ay ku tilmaantay mid ka hor imaanaysa xeerarka diblomaasiyadda Soomaaliya isla markaana faragelin ku ah waajibaadkeeda.

“Arrinta labada safaaradood waa la xalliyay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay magacawday guddi latalin ah oo ka kooban safiirro hore, si ay u baaraan arrinta,” ayuu yiri Wasiir Balcad, oo bixiyay wareysi gaar ah.

Waxa uu intaas ku daray: “Labada safiir waa loo yeeray, waxayna la kulmeen guddiga, kaddibna guddigu wuxuu soo saaray talooyin.”

Wasiirka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in qalad noocaas ah uu dhaco, isaga oo xusay in casharro laga bartay, isla markaana uu rajeynayo in aanay mar kale soo laaban.

“Waxay ahayd nasiib-darro in qaladkaasi dhaco, balse waan ka barannay. Waxaan rajaynaynaa inaanu mar kale dhicin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Balcad, oo sidoo kale qirtay inay jireen gaabisyo la xiriira tababarka iyo awaamiirta gudaha ee adeegga diblomaasiyadda.

Ugu dambeyntii, wuxuu ballanqaaday in wasaaraddu ay qaadi doonto tallaabooyin wax ku ool ah si looga hortago khilaafaad la mid ah mustaqbalka, kuwaas oo fadeexad hor leh ku noqon kara diblomaasiyadda dalka.

Gaari rakaab ah oo lagu qarxiyay Balcad + Khasaaraha

0

Balcad (Caasimada Online)  – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Gaariga oo ahaa NOA, kana baxay magaalada Muqdisho ayaa miino ay kula kacday koontaroolka koowaad ee degmadaasi, waxaana saarnaa shacab.

Qaraxa oo la dhigay waddada dhinaceeda ayaa si lama filaan ah u haleelay gaariga, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gaariga uu soo gaaray burbur xoogan, sida uu muujinayo muuqaal laga duubay oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

Goobta uu qaraxu ku haleeyay gaariga ayaa waxaa badanaa adeegsida ciidamada dowladda, waxaana sidoo kale ka agdhowaa koontarool lagu hubiyo gaadiidka isaga kala goosho Muqdisho, Balcad, illaa Jowhar.

Xaaladda goobta ayaa hadda degan, waxaana gurmad deg-deg ah loo fidiyay dadka ay waxyeellada soo gaartay, oo ay u tageen dadka deegaanka iyo ciidanka amniga.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u kordhayey weerarada qaraxyada ah ee ka dhaca jidadka muhiimka ah ee isku xira gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud oo ay weli ku xoogan yihiin Khawaarijta.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay isku fidineysay Shabeellaha Dhexe, waxaana maalin kahor ay weerar toos ah ku qaadday deegaanka Wargaadhi, inkastoo isla iyagii lagu jabiyay dagaalka.

Ra’iisul wasaare Xamza oo magacaabis cusub sameeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta Saalax Xiirey Kheyre u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, kadib wareegto uu soo saaray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale agaasimaha cusub ee uu soo magacaabay kula dardaarmay inuu la yimaado hufnaan iyo xil-gudasho.

Saalax Xiirey ayaa horay uga tirsanaa howl-wadeennada maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan maamulka degmada Warta Nabadda, isaga oo noqday gudoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta degmadaasi.

Maalmo kahor Xamza ayaa maalmo kaho`r sidaan oo kale Ra’iisul wasaaruhu u magacaabay agaasimaha guud ee arrimaha caddaaladda ee wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka Axmed Xasan Yuusuf oo xilka la wareegay.

Indhowaanahan Xamza ayaa waday isbeddallo waa wayn oo ku aadan xukuumadda Dan-Qaran, wuxuuna horay u magacaabay Wasiiro cusub iyo madax waaxeedyo ka tirsan xafiiskiisa, si loo dardargeliyo shaqada.

Magacaabista ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta isbeddalka wayn ee ay waddo xukuumaddiisa oo dhawan saddex sano jirsatay, si loo dardargeliyo shaqadeeda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo kormeer ku tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabasho ay kadib, balse la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.

Waxaa kale ra’iisul wasaaruhu xalliyay cabashooyin badan oo ka yimid wasaaradaha qaar oo shaqaaluhu ay kasoo cawdeen, isagoo toos u farogeliyay, waxna ka qabtay arrimahaasi.

Wasiir Fiqi oo shaaciyey arrin xasaasi ah oo Imaaraadka Carabta ay ka wadeen dalka

Muqdisho (Caasimada Online) — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in kaalmooyin hore oo ka yimid Imaaraadka Carabta ay hareer mareen hay’adaha dowladda federaalka, mararka qaarna ay gaareen kooxo hubeysan oo ku sugan dowlad goboleedyada, taasi oo uu sheegay ay wiiqday awoodda qaran, khatarna gelisay midnimada dalka. 

“Marka laga hadlayo taageerada Imaaraadku siiyay Soomaaliya, waxaa muhiim ah in la xuso in taageeradaasi aysan mar walba soo marin waddooyinka rasmiga ah ee dowladda,” ayuu yiriFiqi.

Wuxuu intaas ku daray in kaalmada qaar si toos ah loogu hagaajiyay “kooxo hubeysan oo ka hawlgala gobollo gaar ah,” isagoo arrintaas ku sifeeyay qayb ka mid ah dadaallo ballaaran oo lagu wiiqayo dowladda dhexe, laguna carqaladeynayo madax-bannaanida Soomaaliya.

Fiqi wuxuu caddeeyay in iskaashiga hadda lala sameynayo saaxiibada shisheeye uu ku socdo kormeer adag oo dowladda federaalka ah. Wuxuu xusay in kadib ku dhawaad labo sano oo hakad la geliyay taageerada Imaaraadka, wixii kaalmo ah ee soo haray hoos loo dhigay ilaa heerka ugu yar.

Hadallada wasiirka ayaa kusoo beegmaya maalmo uun kadib markii dowladda federaalku ku dhawaaqday inay joojisay, gebi ahaanba, heshiisyadii difaaca iyo amniga ee ay la lahayd Imaaraadka, iyadoo sabab uga dhigtay walaac la xiriira ilaalinta madax-bannaanida qaranka iyo wax ay ku tilmaamtay faragelin lagu hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Go’aankan ayaa astaan u ah xumaanshihii ugu darnaa ee soo kala dhex gala xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi tan iyo sannadkii 2018-kii, xilligaas oo mas’uuliyiinta Soomaaliya ay garoonka Muqdisho ku qabteen lacag malaayiin doollar ah oo saarnayd diyaarad Imaaraadku leeyahay, taas oo keentay in Imaaraadku joojiyo howlgalkiisii tababarka ciidamada.

Khilaafkan cusub ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda gobolku ay cakiran tahay. Xiisadda ayaa sii kululaatay tan iyo markii Israa’iil ay dhammaadkii bishii December ku dhawaaqday inay aqoonsanayso Somaliland — oo ah maamul gooni-u-goosad ah oo ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya 1991-kii balse aan haysan aqoonsi caalami ah.

Muqdisho ayaa tallaabadaas si kulul u cambaareysay, kuna tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo weerar lagu qaaday midnimada dhulkeeda.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa sheegay in Abu Dhabi ay door laf-dhabar ah ku lahayd abuurista jawiga siyaasadeed iyo amni ee suurtogeliyay tallaabadaas, iyagoo tixraacaya xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Imaaraadka iyo madaxda Somaliland, iyo sida qotada dheer ee ay ugu lug leeyihiin mashaariicda dekedaha, amniga, iyo ganacsiga ee gobolkaas.

Dhankeeda, dowladda Imaaraadku waa ay beenisay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Xiisadda Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka oo ka sii dartay

Riyadh (Caasimada Online) – Aqoonyahan caan ah oo u dhashay dalka Sacuudi Carabiya ayaa eedeymo culus u jeediyay Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay inay “isku tuurtay gacmaha Sahyuuniyadda (Zionism)” isla markaana ay u dhaqmayso sidii “jaajuus cadow ah oo Israa’iil u dhex joogay dunida Carabta.”

Ujeeddada tallaabooyinkan ayuu ku sheegay inay tahay sidii loo wiiqi lahaa awoodda Sacuudiga, si Imaaraadku u noqdo quwadda ugu sarreysa gobolka.

Maqaal aad u kulul oo maalintii Khamiista lagu daabacay wargeyska Al Jazirah ee kasoo baxa Sacuudiga, ayuu Axmed bin Cuthmaan At-Tuwaijri ku eedeeyay madaxda Imaaraadka (gaar ahaan Abu Dhabi) in ay indho-tirtay “nacayb iyo xaasidnimo,” ayna dhabarka u jeediyeen Boqortooyada inkastoo Sacuudigu uu tobanaan sano garab taagnaa.

Tuwaijri, oo horey hormuud uga soo noqday Jaamacadda King Saud, xubinna ka ahaa Golaha Shuurada, ayaa dhaleeceyntiisa si gaar ah ugu jiheeyay Imaaradda Abu Dhabi. Wuxuu sheegay inay waddo “shirqoollo cadaawadeed oo ku hoos gabbanaya diblomaasiyad,” isla markaana ay ka dambayso isku dayo dhowr ah oo lagu xasillooni-darreynayo gobolka.

Golaha Shuurada waa gole la-talin iyo sharci-dejin oo Boqorka kala taliya arrimaha sharciga, siyaasadda, iyo maamulka, waana nidaam la mid ah dhaqanka soo jireenka ah ee Carabta.

Isagoo tallaabooyinka Imaaraadka ku tilmaamaya kuwo halis ku ah jiritaanka iyo mabda’a Carabta, ayuu Tuwaijri sheegay in Imaaraadka—oo uu maamulo Maxamed bin Zayed, oo ah nin si weyn u diidan Islaamka siyaasiga ah—ay la safatay Israa’iil si ay u wiiqdo danaha Carabta.

“Waxay isku dayayaan inay daacadnimadii loo hayay midnimada Carabta iyo Islaamka u weeciyaan dhanka saamaynta shisheeye,” ayuu qoray Tuwaijri. Wuxuuna intaas ku daray, “Tani waa khiyaano laga galay Alle, Rasuulkiisa, iyo guud ahaan ummadda, mana aha wax la iska indho-tiri karo.”

Weerarrada lagu hayo kooxaha iska-caabinta

Tuwaijri ayaa ku andacooday in shirqoolladan ay ka mid yihiin iskaashi toos ah oo dhanka milatariga iyo sirdoonka ah, taageerada hawlgallada Israa’iil ee Gaza, iyo in saldhigyada milatari ee Imaaraadku ku leeyahay Badda Cas iyo Geeska Afrika loo isticmaalo in lagu fududeeyo weerarrada Israa’iil ku hayso “kooxaha iska-caabinta” Falastiiniyiinta.

Isagoo tusaale u soo qaadanaya dalka Yemen, wuxuu Abu Dhabi ku eedeeyay inay halkaas ka abuurayso fowdo iyadoo taageeraysa kooxo ku sugan koonfurta dalkaas, kuwaas oo si ula kac ah uga horyimid dowladda caalamku aqoonsan yahay.

Bishii la soo dhaafay, dagaalyahanno taabacsan Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) ayaa qabsaday magaalooyin, saldhigyo milatari, dekedo, iyo goobo shidaal oo ku yaalla koonfurta iyo bariga Yemen, iyagoo ka qabsaday dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero.

Tallaabadan ayaa ka careysiisay Sacuudiga, kaas oo 30-kii bishii December duqeeyay shixnad Imaaraadku lahaa oo taallay koonfurta Yemen, isla markaana dhaleeceeyay doorka Imaaraadka ee taageerada gooni-u-goosadka.

Riyadh ayaa markaas kadib weerarro ku qaadday STC, iyadoo ciidamada Sacuudigu taageero ay horumar sameeyeen, taas oo keentay in kooxaha gooni-u-goosadku ay lumiyaan gacan ku haynta qaybo badan oo koonfurta Yemen ah.

“Fowdada Suudaan” iyo “Cayayaanka” Tunisia

Maqaalkiisa, Tuwaijri wuxuu sidoo kale ku cambaareeyay Imaaraadka burburka ka jira Liibiya, halkaas oo ay ka jiraan laba dowladood oo iska soo horjeeda, dalkuna uu ku jiray in ka badan toban sano oo dagaal sokeeye ah. Wuxuu ku eedeeyay Abu Dhabi inay doonayso inay kala qaybiso dalkaasi oo ay “lacag iyo hub” ku taageerto kooxaha bari ka dagaallama.

Wuxuu intaas ku daray in Imaaraadku uu “fidinayo fowdada Suudaan” isagoo lacag iyo hub siinaya Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), una isticmaalaya “buundooyin dhanka hawada ah oo qarsoodi ah” si loo taageero.

Dhinaca Waqooyiga Afrika, Tuwaijri wuxuu ku eedeeyay Imaaraadka inuu “sida cayayaanka u dhex galay Tunisia,” uuna wiiqay hammigii shacabka Tunisia ee xorriyadda iyo caddaaladda kadib kacdoonkii Guga Carabta ee 2011.

Dalka Masar—oo horey u ahaan jiray quwad weyn oo gobolka ah—ayuu sheegay in Abu Dhabi ay u adeegsatay awooddeeda dhaqaale si ay u maamusho waaxaha muhiimka ah una saamayso go’aan-qaadashada Masar.

Waxa kale oo uu sheegay in Imaaraadku si ula kac ah u taageerayo biyo-xireenka Itoobiya (GERD), inkastoo ay taasi dhaawacaysao danaha istiraatiijiga ah ee Masar. Qaahira, oo 97% biyaha ay cabto ka hela Webiga Niil, ayaa ka cabsi qabta in biyo-xireenku uu halis geliyo amnigeeda biyaha.

Sidoo kale, Tuwaijri wuxuu sheegay in Imaaraadku uu damacsan yahay inuu kala qaybiyo Soomaaliya, isla markaana uu saamaynta Israa’iil ku faafiyo Geeska Afrika si loo xakameeyo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Baab al-Mandab.

Xiisadda oo ku fiday meelo ka baxsan Carabta 

Xiisadda u dhaxaysa Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa muddo sanado ah sii karkaraysay, balse waxay si aan hore loo arag u qaraxday wax yar kadib markii Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu booqday Washington bishii November.

Intii uu halkaas joogay, hoggaamiyaha Sacuudiga ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kala hadlay in cadaadis la saaro Imaaraadka sababo la xiriira taageeradooda RSF-ta Suudaan. Bishii xigtay, kooxda STC ee Yemen ayaa qaadday weerarkooda, taas oo Sacuudiga ku qasabtay tallaabo milatari.

Sacuudiga ayaa sidoo kale kordhinaya cadaadiska uu ku hayo Imaaraadka gudaha Suudaan. Isagoo kaashanaya Masar iyo Turkiga, Riyadh waxay taageeraysaa Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan oo la dagaallamaya RSF-ta uu Imaaraadku dabada ka riixayo.

Xiriirka sii xumaanaya ee labada dal ee Khaliijka ayaa ku fiday meelo ka baxsan dunida Carabta, iyadoo ay muuqato in Sacuudigu uu xiriir milatari la samaysanayo Pakistan, halka Imaaraadkuna uu u sii dhowaanayo dalka Hindiya oo ay cadaawad kala dhexayso Pakistan.

Khilaafka Soomaaliya 

Meel kale oo la isku hayo waa Soomaaliya. Sacuudiga ayaa todobaadkii hore ku biiray dalal badan oo cambaareeyay aqoonsiga ay Israa’iil u fidisay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Magaca Imaaraadka lagama dhex arkin liiska dheer ee dalalka Muslimka iyo Carabta ah ee ka horyimid aqoonsigaas. Abu Dhabi ayaa la og yahay inay si dhow ula shaqeyso Somaliland, oo ay ku jirto dhismaha saldhig milatari oo ay halkaas ka waddo.

Burburka xiriirka u dhexeeya Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa ah isbeddel la yaab leh oo aad uga duwan toban sano ka hor, markaas oo labada dal ay iska kaashadeen go’doomintii Qatar. Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan ayaa xilligaas lagu tilmaami jiray shakhsi uu macallin u yahay Madaxweynaha Imaaraadka Maxamed bin Zayed. 

Soomaaliya oo shaacisay in ay heshiis iskaashi difaac la galeyso Masar iyo Sacuudiga

Muqdisho (Somalia Today) — Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo culus oo ay ku doonayso in iskaashi amni oo qoto dheer kula yeelato dalalka Sacuudiga iyo Masar, gaar ahaan ilaalinta marinka istiraatiijiga ah ee Badda Cas, tallaabadan oo ah jawaab istiraatiiji oo laga bixinayo go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland. 

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in Muqdisho ay raadinayso “qaab-dhismeed waara” oo ay la yeelato Riyaad iyo Qaahira si loo ilaaliyo amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, loona adkeeyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya xilli ay sii kordhayaan faragelinta awoodaha shisheeye ee Geeska Afrika.

Wareysi uu siiyay wargeyska Al Majalla, ayuu Wasiir Cali Balcad ku dooday in go’aanka Israa’iil uusan ahayn mid astaan uun ah, balse uu xambaarsan yahay cawaaqib istiraatiiji ah oo ku wajahan mandiqad qaadda qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah, isla markaana ah xuddunta colaadaha ka soo billowda Yemen ilaa Suudaan. 

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa 26-kii December ku dhawaaqay inuu Somaliland u aqoonsaday “dal madax-bannaan oo qaran ah.” Dowladda Soomaaliya ayaa isla markiiba gaashaanka u daruurtay tallaabadaas, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo weerar lagu qaaday qaranimadeeda, waxayna sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ah.

Wasiir Cali Balcad ayaa soo dhaweeyay waxa uu ugu yeeray “mowqifka mabda’a ku dhisan” ee dowladaha Carabta, gaar ahaan Sacuudiga, kuwaas oo si cad u diiday aqoonsigaas.

Wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso “iskaashi qaab-dhismeed leh” halkii ay ka raadin lahayd siyaasad cusub oo xulafaysi, isagoo qeexay hannaan ku dhisan mas’uuliyad wadaag iyo difaac wadajir ah oo ka dhan ah khataraha ay ka mid yihiin argagixisada, burcad-badeedda, iyo “faragelinta shisheeye.”

Wuxuu sheegay Sacuudiga iyo Masar inay yihiin tiirarka dabiiciga ah ee iskaashigan, isagoo soo xigtay saameynta diblomaasiyadeed ee labada dal iyo danaha ay ka leeyihiin ilaalinta waddooyinka Badda Cas.

Baaqa Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo howlgallo ka dhan ah kooxaha fallaagada ah, iyadoo ay jiraan culeysyo dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed.

Wuxuu diiday sheegashooyinka ah in sii jiritaanka Al-Shabaab iyo dagaalyahannada xiriirka la leh Daacish ay caddayn u tahay fashilka dowladda, isagoo ku dooday in awoodda dowladdu ay fiday tan iyo burburkii 1991-kii, isla markaana Muqdisho ay hadda ka ammaan badan tahay xilliyadii hore ee dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray in Al-Shabaab ay weli yihiin koox awood leh oo xiriir la leh Al-Qaacida, halka kooxaha taabacsan Daacish ay weli ku dhuumaalaystaan deegaannada waqooyi-bari.   

Ciidanka Puntland oo qabtay ajaaniib ka tirsan Daacish

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo qoraal soo saaray ayaa ka warbixiyay howlgal ay maanta ciidamada difaaca maamulkaasi ka sameeyeen aagga buuraha Calmiskaad, kaas oo lagu qabtay xubno ajaaniib ah oo ka tirsan maleeshiyaadka Daacish.

Ciidanka ayaa nolosha kusoo qabtay laba xubnood oo kamid ahaa firxadka kooxda, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaanno dheeraad ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Ciidanku waxay saaka hawlgal kusoo qabteen labo Ajaanib ah oo ka mid ah firxadka Argagixisada Daacish, buuraleyda Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland ma shaacin magacyada labada xubnood iyo dalalka ay kasoo jeedaan, waxaase ay ciidanku soo bandhigeen muuqaalka labada nin.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay duqeyn culus oo shalay ka dhacday aagga Ceelka Bukuuje ee Togga Baalade, taas oo lagu beegsaday firxadka Daacish oo ku sugnaa halkaasi, waxaana kasoo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac.

“Duqeymo ay fullinayaan saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka ee taageeraya Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa lagu beegsaday todobaadkan Firxadka Argagixisada Daacish, kuwii u danbeeyay waxay 24- saac kahor ka dhaceen aaga Ceelka Bukuuje ee Togga Baalade, Calmiskaad” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Duqeymaha cirka iyo go’doonka ay ciidankeennu dhulka ka geliyeen firxadka Argagixisada, waxay noqdeen firxadkii wax la dilay, wax lagu dabo jiro iyo kuwo isa soo dhiiba”

Maamul-goboleedka Puntland ayaa guul wayn ka gaaray dagaalka Daacish, waxaana dhawaan uu soo bandhigay ajaaniibtii ugu badneyd oo lagu soo qabtay howlalladii cuslaa ee ka dhacay Calmiskaad, kuwaas oo kasoo kala jeeda dalalka Turkiga, Sacuudiga, Marooko, Itoobiya, Suuriya iyo Tanzaaniya.

Maxaabiistaas ajaanibta ah ayaa tiradoodoodu waxay gaaraysaa kontomeeyo (50), waxaa bar ka mid ah (25) ay u dhasheen dalka Itoobiya, sida ka muuqata shax ay soo bandhigeen ciidamada ammaanka maamulka Puntland.

Ciidanka difaaca Puntland oo muddo dheer dagaal adag kula jira argagixisada ayaa muujiyay awoodooda, waxayna guulo waa wayn kasoo hoyeen dagaalka.

 

Xog: Ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland oo ka ruqaansaday Kudhaa + Ujeedka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in weli dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka wadaan aagga deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay jab culus ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada oo haatan helay gurmad horleh, laguna kordhiyay guutooyin cusub ayaa lagu soo warramayaa in ay ka ruqaansadeen Jasiiradda Kudhaa, iyaga oo uu baxay deegaannada hoos yimaada magaaladaasi oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta.

Saraakiisha horkaceysa howlgallada ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkooda uu yahay in argagixisada ay ka saaraan halkaasi, oo la rumeysan yahay inay kasoo abaabusho weerarada ay kusoo qaado fariisimaha Ciidanka ee ku yaalla halkaasi.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dagaallo xooggan ay ka dhacaan duleedka deegaanka Kudhaa oo ay hadda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan labada dhinac.

Sidoo kale, waxaa howlgalladan qayb ka ah diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo hawada ka taageeraya Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ee dagaallada xoreynta ka wada aaggaasi.

Dhanka kale, Howlgalladii ugu dambeeyay oo dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo ka mid ahaa xubnihii Khawaarijta ee ka firxaday deegaanka Kudhaa ee Jubbada Hoose, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

“Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ka socda deegaanno ka tirsan duleedka fog ee Kudhaa. Howlgalladii ugu dambeeyay ee la sameeyay ilaa xalay ayaa lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, ayadoo sidoo kale lagu soo qabtay labo xubnood oo dhaawac ah, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee Kudhaa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lasoo raaciyay “Sidoo kale, aroornimadii saakay ciidamo howlgal qorsheysan ka fuliyay isla deegaankaas ayaa dilay afar xubnood oo ka mid ahaa firxadkii Khawaarijta ee ka baxsaday dagaalladii hore”.

Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo haraadiga Khawaarijta, si looga hortago in mar kale ay weerar ka fuliyaan halkaasi.

Dagaalka Kudhaa ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan xubnaha Al-Shabaab, maadaama laga laayay maleeshiyaad badan, lagana dhaawacay kuwa kale, iyada oo xubno kale iyo hab la qabtay.