25.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Maydadka maleeshiyada Al-Shabaab oo laga ururinayo Jabad-Godane

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa weli wada howlgal ay ku aruurinayaan meydadka maleeshiyaadkii Khawaarijta ee lagu laayay deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib dagaal culus oo ka dhacay halkaasi.

Ciidamada ayaa maanta isku fidiyay qaybo badan oo kamid ah deegaanka iyo hareerihiisa, waxayna kasoo heleen maydadka xubnaha Al-Shabaab ee la laayay, si loo aaso.

Sawirro ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa muujinayo maydad badan oo ay ciidamadu isugu geeyeen hal goob, isla markaana qorshuhu yahay in la asturo.

Waxaa sidoo kale ciidamada ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah oo ku aadan xaaladda deegaanka, si ay uga hortagaan weerar ay mar kale soo qaadaan maleeshiyada Khawaarijta.

Sidoo kale waxa ay ciidamadu baacsanayaan firxadka maleeshiyaadkii cararay ee ku sugan dhulka hawdka ah ee Jabad-Godane oo weli xaalad adag laga dareemayo.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa dhankooda sheegay in bulshada ay u soo bandhigi doonaan magacyada horjoogayaasha Khawaarijta ee dagaalka lagu dilay, tirada maleeshiyaadka la laayey iyo hubka ay ka furteen.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Jabad-Godan ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, maadaama laga laayay xubno fara badan, lagana dhaawacay kuwa kale.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay weerarro ay soo abaabuleen Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay kii deegaanka Kudhaa, kaas oo isna jab culus Khawaarijta lagu gaarsiiyay, maadaama looga adkaaday dagaal ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

WAR cusub oo kasoo kordhay gogosha uu dhigay XASAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga loo xil-saaray qaban-qaabada gogosha wada-tashiga qaran ee Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriira wada-hadallada la filayo in 1-da Febraayo ay ka bilowdaan Muqdisho, si looga arrinsado khilaafaadka taagan.

Guddigan oo ay dhistay xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminayo wasiira cadaaladda iyo dastuurka Xasan Macallin, kaas oo maanta bilaabay kulamo hordhac ah oo la xiriira gogosha Wadatashiga ee uu dhigay madaxweyne Xasan Sheekh.

Warsaxaafadeed uu soo saaray guddiguaayaa waxa uu ku sheegay in maanta uu la shiray culimada iyo bulshada rayidka ah, isla markaana uu dhageystay talooyinkooda ku aadan shirka wayn ee u dhexeeya Villa Somalia iyo mucaaradka.

Inta uu socday shirka dhinacyadan ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin midnimada dalka, amniga, dagaalka Al-Shabaab, dhammaystirka Dastuurka, hannaanka Doorashada iyo xaaladda abaaraha ka jira dalkeenna.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa horay casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo casuumadda aqbalay, kadib bayaan ay dhawaan ay soo saareen.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed asagoo ka duulaya xaaladaha kor ku xusan, tixgelina siinaya caqabadaha baaxadda leh ee dalkeenna horyaalla wuxuu wadatashi dheer kadib go’aansaday in Goluhu aqbalo gogosha ay dhigtay DFS, si looga hortego firaaq dastuuri ah loona helo xal loo dhan yahay oo badbaadinaya dowladnimada iyo midnimada dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, wuxuu Golaha Mustaqbalka dalbaday in shirka uu u dhaco jawi leh kalsooni iyo niyadsami, wada-hadalladuna ay noqdaan kuwa miradhal ah.

Waxaa kale oo uu soo jeediyay;-

  • In uu gebi ahaanba madaxweynuhu joojiyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka ee 2012-kii.
  •  In ajendayaasha laga wadahadlo ay yihiin kuwa mudnaanta koowaad u leh xaaladda xaaladda hadda jirta dalka sida,

1-Amniga, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish. 2- In heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaan doorasho oo ay ku dhacdo doorashada hay’adaha Dowladda Federaalka ah. 3- Xaaladda Midnimada iyo wadajirka dalka 4- Xaaladda abaaraha ka jira Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa wajaheysa loollan waqtiyeed, iyadoo muddo-xileedka hay’adaha dowladda lagu wado inuu dhammaado bartamaha bisha May ee sanadkan. Ismari-waaga ugu weyn ayaa salka ku haya nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Xukuumadda oo jawaab kulul siisay xildhibaannadii diiday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta jawaab siisay qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ku dooday in aan latashi laga sameyn wax ka beddalka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee wax ka beddalka Dastuurka oo shalay uun loo gudbiyay guddoonka labada Gole.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in la tashi guud la geliyay hannaanka wax ka beddalka Dastuurka, isla markaana ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaaradda Caddaaladda, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC) iyo Guddiga La-socodka ee Baarlamaanka (OC), iyagoo kaashanaya Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in la tashiyada ay ahaayeen kuwa dadweyne, uuna ujeedka uu ahaa in la xaqiijiyo daah-furnaan buuxda.

“Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC), iyo Guddiga La-socodka ee Baarlamaanka (OC), iyagoo kaashanaya Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka. Hay’adahan ayaa fuliyay la-tashiyo dadweyne oo baahsan oo lagu qabday dawlad-goboleedyada oo dhan marka laga reebo Puntland si loo xaqiijiyo ka-qeybgal iyo daah-furnaan buuxda” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo bayaanka lagu caddeeyay in Puntland oo kaliya ay ka maqneyd wadaa-tashiyada, isla markaana ay diiday inay ka jawaabto codsiyada loo diray, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Villa Somalia.

“Hay’adaha dastuuriga ah oo ay dawlad-goboleedyadu wakiillo ku leeyihiin, waxay si isdaba joog ah u direen codsiyo rasmi ah oo ku socday maamulka Puntland si uu uga qeybqaato la-tashiyada dadweyne ee deegaannada Puntland. Si kastaba ha ahaatee, Puntland kama aysan qeybgelin hanaankaas sababo la xiriira arrimo siyaasadeed, halka Jubaland ay ka qeybgashay” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lagu sii daray “Iyadoo ay taasi jirto, hay’adaha dastuuriga ah waxay xaqiijiyeen in aan la xirin fursadaha ka-qeybgalka, iyagoo sameeyay madallo dhijitaal ah oo u sahlaya muwaadiniinta dhammaan gobollada dalka inay ka dhiibtaan aragtidooda. Sidoo kale, wakiillo ka socda bulshada rayidka ah ee Puntland ayaa lagu casuumay kulamada la-tashiga isla markaana ka qeybqaatay”.

Ugu dambeyn Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa sheegtay in dhammaan tallaabooyinkii macquulka ahaa la qaaday si loo hubiyo in la-tashiyada dadweynaha ay u noqdaan kuwo loo dhan yahay, hufan, isla markaana waafaqsan mabaadi’da dastuuriga ah.

Sawirro: DF oo ganacsatada Soomaaliyeed u diyaarinaysa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta qabatay kulan muhiim ah oo la’isugu yeeray ganacsatada Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlay arrimo ku aadan ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC oo ay dhawaan xubin ka noqotay Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradd aayaa waxaa gudoomiyay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar Balcad, waxaana ka qayb-galay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin ururrada bangiyada, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Ururka Isgaarsiinta, iyo haweenka ku jira ganacsiga.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sida ugu habboon ee ganacsiyada Soomaaliyeed loogu diyaarin karo ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyadoo la hubinayo in ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay si buuxda uga mid noqdaan geeddi-socodka.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu fududeynayo gelitaanka suuqyada gobolka, caqabadaha dhinaca sharciyeynta iyo maalgelinta, iyo dejinta siyaasad taageerta tartan-wanaagga iyo kobaca ganacsiga guud ahaan Bariga Afrika.

Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay garab istaagga ganacsatada Soomaaliyeed, si ula tartamaan dhiggooda gobolka.

“Dowladdu waxay mar kale adkeneysa sida ay uga go’an tahay wadatashi joogto ah iyo iskaashi dhow oo ay la yeelanayso ganacsatada, si xubinnimada EAC loogu beddelo fursado dhaqaale oo la taaban karo, kuwaas oo kor u qaada horumarka iyo koboca dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Dhawaan ayay Soomaaliya dirtay xildhibaannada u metalaya Baarlamaanka EAC, kuwaas oo ay go’aan ka gaartay maxkamad ku taalla magaalada Arusha ee dalka Tanzania, kadib dacwo ay gudbiyeen koox xildhibaanno Soomaali ah.

Daawo: DF oo war culus kasoo saartay dilka Cabdullahi Wadaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgal culus oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullahi Xasan Cabdi Cosoble (Cabdullahi Wadaad), isla markaana ay ku raad-joogtay dowladdu.

Fiqi ayaa sheegay in hoggaamiyahan oo halis badnaa lagu dilay weerar ay qaadeen ciidanka NISA iyo saaxibada caalamiga ah, kaas oo dhawaan ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo lagu beegsaday goob uu ku dhumaaleysanayay, kadib xog ay ciidamadu ka heleen, kadibna duqeeyeen.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo kaashaneysa saaxibada caalamiga ah waxay fulisay howlgal qorsheysan oo barakeysan oo guul ku dhamaaday kaas oo lagu dilay horjooge sare Cabdullahi Xasan Cabdi Cosoble (Cabdullahi Wadaad). Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Kunyabarrow dabaaqayadii bishaan

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Horjooguhu wuxuu ku sugnaa goob uu u maleynayay inuu ku nabad-gelayo halkaas oo lagu beegsaday weerar si gaar ah loogu bartilmaameedsaday”.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in horjooge Cabdullahi Wadaad uu kooxda u qaabilsanaa Zakawaatka iyo arrimaha gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu kasoo jeedo.

“Cabdullahi Wadaad wuxuu ahaa mas’uulka Maktabka Zakawaatka loogu magac daray ee Khawaarijta u qaabisan Shabeellaha Dhexe, isla markaana wuxuu ahaa isku xiraha beelaha daga Shabeellaha Dhexe iyo hoggaamiyaha kooxda Khawaarijta Axmed Diiriye” ayuu mar kale yiri Wasiirka Difaaca.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in horjoogahan uu ku lug lahaa dilal loo gaystay ganacsato, qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo beegsiga goobo ganacsi oo ku yaalla caasimada.

Nnkan oo ay mid raadineysay Hay’adda NISA ayaa aad u dhibay shacabka Muqdisho, gaar ahaan ganacsatada, waxaana ugu dambeyn lagu beegsaday deegaankii uu ku dhumaaleysanayay Kunyabarow ee Shabeellaha Hoose.

Maxaa kasoo baxay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga joogtada ee BF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, kaas oo uu guddoomiyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye Ku-xigeenka labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyey howlaha Golaha, isaga oo sidoo kale kula dardaarmay in la xoojiyo howlaha horyaala.

Intaas kadib xubnaha guddiga joogtada ah ayaa ka dooday ajendayaasha horutabinta u leh golaha iyo sidoo kale shintiriska ama jadwaleynta doodda iyo soo jeedimaha, oo ay ku jirto wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah.

Waxaa kale oo ay go’aamiyeen in si deg-deg ah Golaha loo horgeeyo ajendayaasha muhiimka, si looga doodo kadibna go’aan looga gaaro.

Shalay ayay ahayd markii guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay guddoonka labada Aqal ku wareejiyeen soo jeedimaha wax-ka beddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, iyo sidoo kale shintiriska ama jadwaleynta doodda soo jeedimaha.

Sidoo kale, waxaa lagu ballamay in ay sii socdaan doodaha la xiriira wax ka beddalka Dastuurka, iyada oo weli ay taagan tahay tabashada mucaaradka.

Horay Villa Somalia oo kaashaneysa Baarlamaanka ayaa ku guuleysatay in wax laga beddalo afarta cutub ee ugu horreyso Dastuurka, taas oo keentay qaylo dhaan wayn oo ka timid mucaaradka iyo labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland, waxayna arrintaas dhalisay xiisad siyaasadeed oo ilaa iyo hadda ka taagan gudaha dalka.

Tallaabadan kale iyo isku deyga haatan la doonayo in lagu sii wado wax ka beddalka qodobada Dastuurka ayaa uga sii dari karta xaaladda murugsan ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka jira hannaanka doorashooyinka dalka.

Si kastaba, dhawaan ayaa qorshuhu yahay in wada-hadallo toos ah ay yeeshaan Villa Somalia, Jubbaland, Puntland iyo Mucaaradka, si xal looga gaaro khilaafka ka dhashay wax ka beddalka Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Xaqiiqda kulankii dhexmaray Cirro iyo wiilka Trump kadib beentii Somaliland faafisay

0

Davos (Caasimada Online) – Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Mareykanka ayaa meesha ka saaray been ay Somaliland ka faafisay is-araggii Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro iyo isagga ee magaalada Davos ee Switzerland.

Kimberly Benza oo ah Afhayeenka Eric Trump ayaa sheegtay in Eric iyo Cirro ka wada-hadlin arrimo la xiriira iskaashi ama ganacsi toona, ayna aheyd is-aragoodu mid casho.

“Marna Eric Trump kulamo lama yeelan madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale, marna kama wada-hadlin deked,” ayey tiri Kimberly Benza.

Benza ayaa sidoo kale sheegtay in Eric Trump uusan wax jawaab ah ka bixin khudbaddii madaxweynaha Somaliland. Halka Somaliland ay sheegtay in Eric iyo Madaxweynaha Israa’iil oo goobtaasi ku sugnaa lagala hadlay arrimaha aqoonsiga iyo xiriirka labada dhinac.

Afhayeenka Eric ayaa si cad meesha uga saartay in wada-hadal rasmi ah ay yeesheen Eric iyo Cirro, iyadoo tiri: “Salaan iyo hadal guud oo kooban oo xushmad ah ayaa la is dhaafsaday, waa intaas uun.”

Waxay intaas kusii dartay “Kamana aysan wada-hadlin siyaasad iyo dhaqaale toona, kulanka waxa uu ahaa mid casho ah, Cirro ayaa is dhinac taagay Eric kuna salaamay khudbaddiisa.”

Dhanka kale, wariye ka tirsan Reuters ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu galay qolka cashada halkaasi oo Eric Trump iyo Madaxweynaha Israa’iil ku sugnaayeen, kaddibna sawir laga qaaday Eric iyo Cirro oo isa salaamaya.

Arrimahan ayaa meesha ka saaraya marin habaabinta Somaliland iyo hoggaamiyaheeda ku sameeyeen kulanka casho, kaasi oo ay sheegeen in ay magaalada Davos ee dalka Switzerland uu kulan gaar ah ku dhexmaray wiilka madaxweynaha Mareykanka, ayna ka wada-hadleen arrimaha aqoonsiga iyo xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka.

Si kastaba, hoggaanka Somaliland ayaa tan iyo markii ay Israa’iil sheegtay inay aqoonsatay dabayaaqadii sanadkii 2025-ka waxay isku dayeysay inay faafiso warar marin-habaabin ah oo xaqiiqda ka fog.

Sawirro: Wafdi ballaaran oo ka socda Turkiga oo maanta yimid Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Dhucle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wafdigan waxaa hoggaaminayey Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga, Durmuş Ünüvar, iyadoo booqashadooda muujinayso sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya.

Mudane Dhucle ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay booqashadani u leedahay horumarinta wada-shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu door weyn ka qaadan karo kobcinta kaabayaasha dekadaha, horumarinta adeegyada badda, iyo xoojinta mashaariicda istaraatiijiga ah ee la xiriira gaadiidka badda.

Inta ay wafdigu ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, waxaa kulamo kala duwan la yeelan doonaan madaxda sare ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga, iyo horumarinta wax wada-qabsiga la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha.

Puntland oo beddeshay qorshaha dagaalka Calmiskaad, isla markaana joojisay…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa isbeddel ku sameeyay taatikada dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Sida uu shaaciyay Afhayeenka howl-galka Hilaac, Jeneraal Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) waxaa la joojiyay dagaalladii fool ka foolka ahaa ee lasoo waday ku dhowaad hal sano, kadib markii la go’doomiyay Daacish-ta ku dhuumalaysanaysa buuraha.

“Ciidamadii hore ee dagaalka hal ka sano ku jiray waa la soo rogay, waxaana la geliyay guutada Afmeer oo beddeshay taatikadii dagaalka, maadaama wax yar ka hartay kooxdaas waa la go’doomiyay, muddo labo bilood ah ayay hadda socotaa go’doomintaas,” ayuu yiri Jeneraal Faadhigo.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in tallaabadan ay keentay in xubno badan oo ajaaniib ah ay isa soo dhiibaan, kuwaas oo intooda badan ka soo jeeda dalalka Yemen iyo Itoobiya.

“Waxay go’doomintaasi sababtay in ay isa soo dhiibaan xubno badan oo ajaaniib ah oo ku jiray kooxda, una badan Yamaniyiin iyo Itoobiyaan,” ayuu yiri Jeneraalka.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in xogtii ugu dambeysay ee laga helo kooxda Daacish ay muujinayso in xaruntooda ay u wareejiyeen deegaanka Wangable oo ku dhow degmada Qandala, isagoo muujiyay rajada ah in xubnaha harsan ay iyaguna isa soo dhiibi doonaan.

Ciidamada Puntland ayaa muddo sanad ah ku jira howl-galka ka dhanka ah kooxda Daacish ee maamulka doonayo inuu ku wiiqayo awoodda ururkaas. Howl-galkan ayaa haatan maraya heer gaba-gabo ah, iyadoo diiradda la saarayo hawl-gallada ka socda buuraleyda Calmadow.

Si kastaba, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka Daacish waxa uu maamulka Puntland sheegay inuu dilay in ka badan 700 dagaalyahan oo ajaanib ah, oo ka tirsanaa Daacish.

Warbixinta Puntland ayaa intaas ku dartay in Soomaalida ku naf waayay howl-galkaasi ay ahaayeen kuwo kooban. Dagaal-yahannadan ayaa ka kala yimid qaaradda Yurub, Waqooyiga Ameerika, Afrika iyo Aasiya.

Puntland ayaa ku andacootay in ilaa hadda la tirtiiray 80% dagaal-yahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib. Taas oo ka dhigan tiradii ugu badneyd ee dagaal-yahano ajaanib ah muddo kooban lagu dilo gudaha Soomaaliya.

DF oo dhisme weyn ugu beddeshay bakhaarkii Mareykanku ka qeyliyay burburintiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dhammaan alaabihii laga saaray bakhaarkii ku yaalay Dekedda Muqdisho, kuwaas oo saameyn ku yeeshay hawlaha ballaarinta dekedda, si buuxda dib loogu celiyay Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP), kaddib warar dhawaan soo baxay oo arrintaas la xiriiray.

Dowladdu waxay sheegtay in alaabtaasi ay dib u heshay hay’adda WFP, isla markaana la hubiyay in aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray, si loo xaqiijiyo sii socoshada gargaarka bani’aadantinimo ee loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay inay mas’uuliyad buuxda ka qaaday dhacdadan, taas oo ay ku tilmaantay mid nasiib-darro ah, isla markaana ay ka xuntahay inay dhacdo, iyadoo ballan-qaadday in laga shaqeyn doono in aanay mar kale soo laaban.

Si loo hubiyo gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo oo ammaan ah, joogto ah, isla markaana aan hakad gelin, Dowladda Federaalka waxay Hay’adda Cuntada Adduunka siisay bakhaar ka weyn kana habboon kii hore, kaas oo ku yaalla gudaha aagga Dekedda Muqdisho.

Bakhaarkan cusub ayaa la sheegay inuu leeyahay awood kaydin oo ka ballaaran tii hore, isla markaana u sahli doona WFP in ay si hufan u maamusho kaydinta iyo qaybinta gargaarka, gaar ahaan xilliyada ay baahidu sii kordhayso.

Dowladdu waxay xustay in ay sannado badan xiriir wada-shaqeyn oo joogto ah la lahayd Hay’adda Cuntada Adduunka, gaar ahaan dhinacyada hawlgalka iyo saadka, taas oo door muhiim ah ka ciyaartay fududeynta gargaarka bani’aadantinimo ee dalka.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garwaaqsatay muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo xoojiyo isuduwidda iyo wadaagga macluumaadka lala yeesho deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, si loo hubiyo hufnaan iyo isfahan buuxa.

Arrintan awgeed, Dowladda ayaa shaacisay inay dib u eegi doonto duruufihii ku xeernaa dhacdadan, isla markaana ay qaadi doonto tallaabooyin lagu horumarinayo hababka isgaarsiinta iyo wada-xiriirka, si looga hortago dhibaatooyin la mid ah inay mustaqbalka dhacaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay mabaadi’da gargaarka bani’aadantinimo, oo ay ugu horreeyaan daahfurnaanta, isla-xisaabtanka, iyo ilaalinta danaha dadka nugul ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muujisay qiimeynteeda ku aaddan iskaashiga dhow ee ay la leedahay Hay’adda WFP, Dowladda Mareykanka iyo guud ahaan beesha deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, iyada oo caddeysay in wada-shaqeyntaas ay laf-dhabar u tahay taageerada loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.

Siyaasadda laba-wajiilenimo ee dowladda UK ay ku wajahdo Soomaaliya oo la kashifay

London (Caasimada Online) — Dowladda UK ayaa wajahaysa cadaadis xooggan iyo su’aalo adag oo la xiriira istiraatiijiyaddeeda Geeska Afrika, xilli falanqeeyayaashu ay ku eedeeyeen London inay ciyaareyso siyaasad “laba-wajiilenimo” ah oo iska hor imaanaysa; iyadoo dhinac iska dhigeysa mid u taagan xuquuqda aadanaha, dhinaca kalena ilaashaneysa dano ganacsi oo muran dhaliyay.

Inkastoo UK ay fagaareyaasha ka sheegto inay mudnaan siineyso xasilloonida gobolka, haddana kormeerayaasha siyaasadda ayaa rumeysan in lugta ganacsi ee ay London kula jirto dekedda Berbera ee Somaliland ay si cad u burineyso mowqifkeeda diblomaasiyadeed.

Dhinaca Suudaan, UK waxay si joogto ah u dalbataa xabad-joojin iyo in lala xisaabtamo dhinacyada is-haya, xilli uu sii holcayo dagaalka u dhexeeya milatariga iyo ciidamada RSF. Hase yeeshee, waxaa sii kordhaya dhaliisha ah in “ficilka UK uusan la jaan-qaadeyn hadalkeeda.”

Falanqeeyayaashu waxay leeyihiin London way ka gaabisay inay qaaddo tallaabooyin caalami ah oo adag, iyadoo u muuqata mid ka taxadaraysa xiriirka ay la leedahay Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyo inay taageerto RSF — eedeymahaas oo Abu Dhabi ay beenisay.

Xudunta doodda ayaa salka ku haysa marinka istiraatiijiga ah ee Badda Cas. UK waxay si rasmi ah u taageertaa midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, balse ficil ahaan, hay’addeeda maalgashiga ee British International Investment (BII) ayaa saami culus ku leh dekedda Berbera.

Maalgashigan oo ay iska kaashanayaan shirkadda DP World ee laga leeyahay Dubai iyo maamulka Somaliland, ayaa dadka dhaliila siyaasadda UK waxay ku tilmaameen mid wiiqaysa mowqifka London ee Soomaaliya midaysan. Dekedda Berbera ayaa leh miisaan siyaasadeed oo dhaafsiisan ganacsi kaliya, maadaama ay ku taallo marin xasaasi ah.

Kormeerayaasha gobolka ayaa aaminsan in mashruuca Berbera uu xoojinayo awoodda dalal shisheeye oo danahoodu ay qeyb ka yihiin hurinta colaadaha gobolka, sida tan Suudaan, taasoo ka dhigeysa sheegashada UK ee “nabad-raadinta” mid aan cago badan ku taagneyn.

Xiisadda ayaa kasii dartay kadib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland, tallaabadaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tilmaantay xad-gudub qaawan. Go’aankaas wuxuu dab yar ku shiday xasaasiyadda gobolka ee la xiriirta xuduudaha iyo gacan ku haynta marinnada badda.

Dadka u dhuun-daloola arrimahan ayaa ku qeexay hab-dhaqanka UK “Mugdi Siyaasadeed oo ula-kac ah”.

Waxay leeyihiin London waxay dooneysaa inay hal mar wada cunto “labada canjeero;” inay ilaashato saamaynta ganacsi ee ay ku leedahay Khaliijka iyo Geeska Afrika, isla markaana ay ka fogaato go’aanno adag oo xumeyn kara xiriirkaas, xilli gobolku uu noqday saaxad ay isku bedeleen amniga iyo dhaqaalaha colaadaha.

Ciidamada Mareykanka oo ku dhow IRAN iyo Imaaraadka oo soo saaray go’aan culus

Tehran (Caasimada Online) — Xiisadda u dhaxaysa Mareykanka iyo Iran ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay, kadib markii xukuumadda Tehran iyo isbahaysigeeda gobolka ay ku hanjabeen tallaabooyin milatari oo adag, xilli ciidamada badda Mareykanka ay soo dhoobteen biyaha Gacanka Carabta. 

Dhaq-dhaqaaqan milatari ee cusub ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu amray in cudud milatari oo dheeraad ah la geeyo gobolka, tallaabadaas oo lagu macneeyay mid cadaadis lagu saarayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Arrinta ayaa sii kululaatay kadib markii dowladda Iran ay qaadday tallaabooyin adag oo ay ku caburineyso dibad-baxyada gudaha dalkaas ka socda, taasoo keentay in Mareykanku uu ka digay cawaaqib xumo.

Xudunta xiisaddan ayaa ah markabka diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln iyo koox maraakiib dagaal ah oo ku hubeysan gantaallada riddada dheer ee loo yaqaan Tomahawk.  

Ciidamadan oo hadda soo gaaray galbeedka Badweynta Hindiya ayaa la sheegay inay heegan buuxa ku jiraan, iyagoo awood u leh inay weerar ku qaadaan bar-tilmaameedyada Iran 24 saacadood gudahood haddii Aqalka Cad uu bixiyo amarka. 

Waxaa intaa dheer, diyaaradaha dagaalka ee casriga ah nooca F-15E Strike Eagle ayaa la geeyay saldhigyada gobolka si ay u xoojiyaan awoodda cirka ee Mareykanka.

Dowladda Iran ayaa iyaduna dhankeeda muujisay in aanay u dhego-nuglaan doonin cadaadiska Mareykanka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Iran, Reza Talaei-Nik, ayaa shaaca ka qaaday in jawaabta dalkiisu ay noqon doonto mid “ka go’aansan, kana xanuun badan sidii hore” haddii Mareykanka ama xulafadiisu ay soo weeraraan.

Mas’uuliyiinta Tehran ayaa sidoo kale adeegsanaya dagaal dhanka maskaxda ah, iyagoo fagaarayaasha magaalada ku dhejiyay boorar waaweyn oo muujinaya maraakiibta Mareykanka oo gubanaya, waxaana ku qornaa hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin: “Ninkii dabaysha beerta, duufaan ayuu goostaa.” 

Mowqifka Khaliijka iyo xulafada Iran 

Inkastoo xiisaddu ay kacsan tahay, qorshaha Mareykanka ayaa wajahaya caqabad dhanka diblomaasiyadda ah.

Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo martigeliya saldhigyo waaweyn oo Mareykan ah, ayaa ku dhawaaqay inaanay ogolaan doonin in dhulkooda loo adeegsado weerar ka dhan ah Iran.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Iran ay si hoose ugu digtay dalalka deriska ah in saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla dhulkooda ay noqon doonaan bartilmaameed sharci ah haddii dagaal dhaco.

Dhanka kale, kooxaha xulafada la ah Iran ee gobolka, sida Xisbullah-da Lubnaan iyo maleeshiyaadka Ciraaq, ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo dagaal, iyagoo sheegay inay waajib tahay in laga hortago “cadowga.”

Khubarada amniga gobolka ayaa aaminsan in ciidanka uu Mareykanku soo dhoobay gobolka ay tahay xeelad “cadaadis kama dambays ah” oo lagu doonayo in Iran lagu qasbo tanaasul.

Hase yeeshee, iyadoo labada dhinacba ay farta ku hayaan keebka qoriga, khaladaad yaryar oo ka dhaca goobahaas ayaa horseedi kara dagaal weyn oo gobolka oo dhan saameeya.

Trump oo shaaciyey in DOJ ay baaritaan ku hayso Ilhaan Cumar oo la xiriira $44 milyan

Washington (Caasimada Onlien) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in Waaxda Caddaaladda (DOJ) ay waddo baaritaan ka dhan ah xildhibaanad Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota.

Trump ayaa warkan ku faafiyay bartiisa Truth Social, isagoo qoray: “Waaxda Caddaaladda (DOJ) iyo Congress-ku waxay baarayaan ‘Xildhibaanad’ Ilhaan Cumar, oo Soomaaliya ka timid iyadoo waxba haysan (eber ah), haddana la sheegayo inay haysato hanti ka badan 44 milyan oo dollar. Waqtiga ayaa wax walba sheegi doona.”

Kani waa weerarkii ugu dambeeyay ee madaxweynuhu ku qaado Ilhaan, waana tusaalihii ugu cusbaa ee muujinaya madaxweynaha oo beegsanaya dadka ay siyaasadda isku hayaan, isagoo adeegsanaya awoodda baaritaan ee dowladda.

Trump ayaa horey u sheegay in Ilhaan xabsiga la dhigo ama loo masaafuriyo Soomaaliya oo ah halkii ay ku dhalatay, in kastoo Ilhaan ay muwaadin Mareykan ah ahayd tan iyo sannadkii 2000.

Wuxuu sidoo kale Ilhaan la xiriiriyay baaritaanno ku saabsan musuq-maasuq dhanka adeegyada dowladda ah ee gobolka Minnesota, isagoo ku eedeeyay inay tahay “mid ka mid ah tuugada badan ee wax is-daba-mariya,” inkastoo aysan jirin caddeyn rasmi ah oo ku xireysa kiisaskaas.

Xiisadda u dhaxaysa labadooda ayaa sii kordhay xilli saraakiisha socdaalku ay sii wadaan roondada iyo howlgallada ay ka sameynayaan magaalada Minneapolis, oo ah deegaanka ay Ilhaan wakiilka ka tahay.

Ilhaan ayaa Isniintii u muuqatay mid aan dhibsan hadalka Trump. Qoraal ay soo dhigtay barta X (Twitter), ayay Ilhaan ku sheegtay in Trump uu isku dayayo inuu dadka “kaga jeediyo fashilkiisa.”

“Waan ka xumahay, Trump, taageeradaadii way sii dumeysaa waanad argagaxsan tahay,” ayay qortay. “Si sax ah, waxaad guuldarrooyinkaaga ku qarinaysaa beenta iyo aragtiyada shirqoolka ah ee aad aniga iga faafinayso. Baaritaanno socday sannado badan waxba lagama helin. Dableydaada kala bax Minnesota.”

Afhayeen u hadlay xafiiska Ilhaan ayaa sheegay in aysan wax ogeysiis ah ka helin Waaxda Caddaaladda oo ku saabsan baaritaan cusub.

Hantida Ilhan ayaa si weyn kor ugu kacday sannadkii la soo dhaafay, waxaana Guddoomiyaha Guddiga Kormeerka ee Aqalka Wakiilada, James Comer (R-Ky.), uu dhawaan u sheegay wargeyska New York Post inuu qorsheynayo inuu bilaabo baaritaan ku saabsan waxa sababay kororka degdegga ah ee hantideeda.

Sida lagu sheegay macluumaad maaliyadeed oo la diiwaangeliyay sannadkii hore, kororka hantida Ilhaan ayaa asal ahaan ka yimid dhanka seygeeda—mana ahan lacag ka soo gashay shaqada dowladda. Waxay shaacisay in seygeedu uu saamiyo ku leeyahay shirkad maalgashi (venture capital) iyo mid khamriga sameysa (winery), kuwaas oo qiimahoodu u dhexeeyo $6 milyan ilaa $30 milyan.

Dhaqan ahaan, ilaha dhaqaalaha iyo hantida xubnaha Congress-ka iyo xaasaskooda ayaa lagu shaaciyaa qiyaas ballaaran (ranges), ee ma ahan tiro lacageed oo go’an. Ilhaan ayaa horey u beenisay eedeymaha ku saabsan wax isdabamarin, waxayna sheegtay in Trump uu qabo “waali naxdin leh” oo ku saabsan iyada.

Dhinaca kale, Trump ayaa isla Isniintii ku dhawaaqay inuu Tom Homan, oo ah madaxa arrimaha xuduudaha, u dirayo magaalada Minneapolis. Dadka deegaanka ayaa bishan buux dhaafiyay waddooyinka magaaladaas, iyagoo ka mudaaharaadaya toogashada Renee Good, oo uu dilay sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) Jan. 7, iyo Alex Pretti, oo uu dilay askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xuduudaha Sabtidii.

Waaxda Caddaaladda kama jawaabin codsi ku saabsan inay faallo ka bixiyaan arrintan.

Ku dhowaad 300 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 275 muwaadiniin Soomaaliyeed.

Muwaadiniintan ayaa laga soo badbaadiyay tahriib sharci-darro ah iyo dhibaatooyin bani’aadannimo oo ay kala kulmeen dalka Liibiya.

Muwaadiniintan ayaa isugu jira rag, haween iyo carruur, kuwaas oo ku jiray xaalado halis ah.

Soo celinta muwaadiniintan waxaa si weyn u taageeray Midowga Yurub (EU) iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka Aduunka (IOM Somalia), kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaatay fududeynta safarka.

Muwaadiniintan ayaa la kulmay tacaddiyo, xarig sharci-darro ah iyo nolol aad u adag intii ay ku sugnaayeen Liibiya.

Markii ay dalka soo gaareen, waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta NCRI, halkaas oo lagu siiyay adeegyo dhameystiran oo ay ka mid yihiin:

  • Daryeel caafimaad
  • Hoy ku-meel-gaar ah
  • Taageero nafsiyeed
  • Cunto iyo
  • Wacyigelin ku saabsan khataraha tahriibka

Sidoo kale, muwaadiniintan waxaa dib loogu celiyay deegaannadoodii si ay ula midoobaan qoysaskooda, taas oo qeyb ka ah dadaal ballaaran oo lagu yareynayo tahriibka laguna ilaalinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Daawo: Guddoomiye ku-xigeenka dastuurka iyo xubno kale oo ka horyimid wax ka beddelka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Senator Cabdirisaaq Cismaan iyo xubno kale ayaa si adag uga horyimid in la sii wado wax ka beddelka dastuurka.

Guddoomiyaha iyo xubnaha wehliya oo caawa shir jaraa’id qabtay, ayaa sheegay in qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee haatan socda ay riixayso Villa Somalia, xilli dalka uu ku jiro xaalad kala-guur ah, isla markaana uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed.

Senator-ka ayaa sheegay inay gabi ahaanba ka baxeen hawshaas, maadaama maamul-goboleedyadii ay matalayeen laga saaray wada-tashiyada iyo go’aannada masiiriga ah.

Tani waxay ka dhigan tahay in guddiga dastuurka uu u kala jabay laba garab, xilli shalay uun Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Dastuurka, Senator Cabdirisaaq Cismaan, uu Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Mowqifka Senator Cismaan iyo xubnaha wehliya ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka dastuurka iyo is-mari-waaga baahsan ee weli ka dhex taagan Villa Somalia iyo maamullada dalka.

Arrimahan ayaa imanaya xilli xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay wadaan mooshin ay ku diidaan wax-ka-beddelka dastuurka, kaas oo haatan ay wado Villa Somalia.

Mooshinka waxaa saxiixay xildhibaanno dhowr ah oo ujeedkoodu yahay in guddoonka baarlamaanka la gaarsiiyo warqadooda.

Sidoo kale, isla maanta guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa la kulmay guddoonka labada gole, iyagoo ku wareejiyay soo jeedimaha wax-ka-beddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka, iyo sidoo kale jadwaleynta doodaha ku saabsan soo jeedimahaas.

Arrimahan ayaa uga sii daraya xaaladda murugsan ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka jira hannaanka doorashooyinka, iyadoo hore mucaaradka iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland ay si adag uga horyimaadeen wax-ka-beddelka dastuurka.

Hoos ka daawo muuqaalka

Masar oo wajahaysa fadeexad hor leh oo la xiriirta Israa’iil

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa wajahaysa fadeexad hor leh, kadib markii Taliska Dhexe ee Militariga Mareykanka (CENTCOM) uu baahiyay sawirro ay ka muuqdeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Masar oo ku sugnaa xarun uu Mareykanku maamulo, kuna taalla magaalada Kiryat Gat ee Israa’iil.

Sawirradaas oo si dhaqso ah loo tirtiray kaddib faafintooda, ayaa ahaa caddeyntii ugu horreysay ee si fagaare ah loo arko saraakiil Masaari ah oo ku sugan xarun ku dhex taalla Israa’iil, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Defence Security Asia. Taas oo dhalisay xasaasiyad diblomaasiyadeed iyo falcelin degdeg ah oo ka timid Qaahira.

Arrintaan ayaa bannaanka keentay heerka hoose ee wada-shaqeynta amni ee u dhaxaysa Masar, Mareykanka iyo Israa’iil, gaar ahaan arrimaha la xiriira la-tacaalidda xaaladda Gaza.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Masar ay si degdeg ah Mareykanka uga codsatay in la tirtiro sawirrada, kaddib walaac ay ka muujisay in muuqaalladu ay saameyn taban ku yeelan karaan aragtida shacabka Masar iyo guud ahaan dunida Carabta.

Tani waxay timid xilli Qaahira ay isku dayayso inay dheellitirto iskaashi amni oo qarsoon iyo mowqif muuqda oo ay ku taageerayso Falastiiniyiinta.

Xarunta Civil-Military Coordination Center (CMCC) ayaa la dhisay dabayaaqadii sanadkii 2025, kaddib markii la gaaray xabbad-joojin ka dhacday Gaza. Ujeeddadeedu waa isku-dubaridka gargaarka bani’aadannimo, la socodka hirgelinta xabbad-joojinta, iyo qorsheynta dib-u-dhiska Gaza.

Xaruntan waxaa hoggaamiya Mareykanka, waxaana ka qayb qaata dalal Carab iyo kuwo Reer Galbeed ah.

Masar ayaa muddo dheer kaalin muuqata ka qaadanaysay dhexdhexaadinta colaadda Gaza, gaar ahaan wada-hadallada xabbad-joojinta, sii-daynta maxaabiista, iyo fududeynta gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo.

Si kastaba, hoggaanka Masar ayaa had iyo jeer ka fogaada in si cad loo muujiyo iskaashi ciidan oo ay la leeyihiin Israa’iil, arrimo la xiriira cadaadis gudaha ah, dareenka dadweynaha, iyo xasaasiyadda siyaasadeed ee gobolka awgeed.

Falanqeeyayaal ayaa aaminsan in tallaabada ay qaaday CENTCOM, inkastoo ay ahayd mid kooban, ay muujisay kala-duwanaanta u dhexeysa habka daahfurnaanta ee Mareykanka iyo istaraatiijiyadda qarsoodiga ah ee ay door bidaan qaar ka mid ah dalalka Carabta, gaar ahaan marka ay khusayso xiriirka Israa’iil.

Dhacdadan ayaa mar kale hoosta ka xariiqday in iskaashiga amni ee Bariga Dhexe uu yahay mid qoto dheer oo jira, balse inta badan la qariyo, maadaama soo bandhigistiisu ay khatar ku noqon karto xasilloonida siyaasadeed, sharciyadda hoggaaminta, iyo kalsoonida shacabka dalalka ku lugta leh.

Sawirro: Ra’iisul wasaare Xamza oo maanta dhagax dhigay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xaruntan ayaa laga hirgelin doono dhisme casri ah oo beddelaya xaruntii qadiimiga ahayd ee la dhisay sanadkii 1980, ujeedkana yahay in dhismaha cusub daboolo baahiyaha iyo waajibaadka wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in tallaabadani ay ka mid tahay siyaasadda xukuumadda Dan-Qaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, laguna xoojinayo hay’adaha dowliga ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhisamahan uu qeyb weyn ka qaadanayo fududeynta howlaha shaqo ee wasaaraddani ay u hayso bulshada Soomaaliyeed ayna yarayn doonto culayskii ka jiray dhanka xafiisyada iyo rugaha shaqada ee wasaaradda.

Mudane Xamza ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay tahay halbowlaha dhaqaalaha iyo horumarka dalka, wuxuunna bogaadiyay dadaalka Wasiir Biixi Iimaan Cige iyo bahda wasaaradda ee ku aaddan casriyeynta iyo dib-u-habaynta kaabeyaasha dakhliga dalka.

“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aynu dhagax-dhigayno xarun dhexe oo weyn oo badqabkeeda iyo tayadeda la hubiyey si fiicaanna loo qalabeeyay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray: “Dhismahan marka uu dhammaado waxa aad yeellan doontaan xafiisyo ay ku howl-gali doonaan dhammaan shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda, waanna idiinku hambalyeynaya tallaabada wanaagsan ee aad u qaadeen dhanka tayeynta adeegga.”

Wasaaradda Maaliyadda ayaa diyaarisay naqshad casri ah oo ka tarjumaysa xafiisyada la dhisi doono iyo sida loo hubiyey badqabka deegaanka iyo korontada, waxaanna ka qeyb qaadanaya dhisamaha xarunta cusub Bangiga Horumarinta Afrika, oo door muhiim ah ka qaadata horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalkeenna.

Uganda oo ku dhawaaqday go’aan ay Soomaaliya uga saareyso…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Uganda oo ah kuwa ugu tirada badan ee ka tirsan howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa haatan ka baxaya Soomaaliya kaddib muddo 19 sano ah oo ay dalka ku sugnaayeen.

Taliyaha Ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa X (ex-Twitter) ku shaaciyay in howl-galkii ay ka wadeen Soomaaliya uu gebo-gebo marayo, isla markaana la diyaarinayo qorshaha bixitaanka ciidamada.

“Kadib 19 sano oo aan joogay Soomaaliya, doonaynaa inaan dalkaas si buuxda uga baxno dhowaan,” ayuu yiri Jeneraal Muhoozi Kainerugaba.

Hadalkan ayaa imanaya xilli howl-galka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale, kuwaas oo saameyn ku yeeshay hawlaha la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Tirada askarta Uganda ee weli ku sugan Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 5,000 ilaa 6,000 oo askari.

Ciidamadan ayaa door muhiim ah ka qaata sugidda amniga xarumaha waaweyn ee dowladda, sida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Dekedda Muqdisho iyo goobo kale oo muhiim ah.

Soomaaliya waxay muddo dheer la daalaa-dhacaysay kacdoonka Islaamiga ah ee rabshadaha wata, inkastoo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida lagu qasbay inay difaac galaan sannadihii 2022 iyo 2023, kaddib hawl-gallo ay wadeen ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayaan nabad-ilaaliyeyaasha Midowga Afrika.

Xasan Sheekh oo ka baaqday shir guddoominta golaha ammaanka QM + Sababta

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka baaqday shir-guddoominta kulanka guud ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa haatan haysa hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo si rasmi ah ula wareegtay shir-guddoominta golaha horraantii bisha Janaayo 2026.

Kulanka Golaha Ammaanka ayaa ka qabsoomay xarunta Qaramada Midoobay, iyadoo madaxweynuhu uusan ka soo qaybgelin, sababo la xiriira baraf xooggan oo ka da’ay dalka Maraykanka, kaas oo hakad geliyay in ka badan 10 kun oo duullimaadyo ah.

Soomaaliya ayaa horraantii Janaayo 2026 si rasmi ah ula wareegtay shir-guddoominta Golaha Ammaanka, hase yeeshee waxaa dhowaan dhammaanaya muddadii ay hoggaaminta haysatay, iyadoo weli xaq u leh hagidda iyo maamulidda hab-socodka kulamada golaha.

Ka-qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee guddoominta fadhiga Golaha Ammaanka ayaa ahaa mid si weyn loo sugayay, maadaama Soomaaliya ay door muuqda ka qaadatay hawlaha golaha tan iyo markii ay ku guuleysatay kursiga doorashada, isla markaana ay ka muuqatay dooddo iyo kulammo kala duwan oo dhawaan la qabtay.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mas’uul ka ah hoggaaminta golaha. Hoggaanka 15-ka xubnood ee golaha ayaa is-rogrogta, iyadoo dal walba uu hoggaanka hayo muddo bil ah. Hannaankan ayaa soo jiray tan iyo sanadkii 1946.

Dalka bishaas madaxweynaha ka ah golaha ayaa hoggaamiya isku-dubaridka hawlaha shaqo ee muddadaas. Waxa uu door ka qaataa dejinta ajandaha iyo kala hormarinta qodobada ay xubnaha goluhu ku kala aragti duwan yihiin, mararka qaarna waxa uu u shaqeeyaa sidii diblomaasi dhex-dhexaad ka ah dhinacyo kala aragti duwan.

Soomaaliya ayaa markii ay hanatay kursigan, waxa ay taageero ka heshay Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Xog: Guuxa mooshin culus oo ka socda BF + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo haatan lagu jiro waqti kala bax iyo xaalad adag oo kala guur ah, isla markaana uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo xooggan ayaa waxaa haddana soo shaac baxay abaabulka mooshin ay wadaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, mooshinka ayaa ku saabsan diidmo ku aadan wax ka beddalka Dastuurka oo ay haatan ku howlan tahay Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegay in maanta Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ay bilaabeen uruurinta saxiixa mooshinkan lagu diidan yahay wax ka beddelka Dastuurka iyo sidoo kale in Baarlamaanku sii shaqeeyo xilli uu dhammaaday waqtiga Kalfadhiga 7-aad ee Golaha.

Dooddan ayaa si weyn bannaanka ugu soo baxday maanta, waxaana sii xoogeysanaya ololaha mooshinka oo illaa iyo hadda ay saxiixeen Xildhibaanno dhowr ah oo ujeedkoodu yahay in guddoonka ay gaarsiiyaan warqadooda.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maanta guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay la kulmeen guddoonka labada Gole, iyaga oo ku wareejiyay soo jeedimaha wax-ka bdeedelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, iyo sidoo kale shintiriska ama jadwaleynta doodda soo jeedimaha.

Sidoo kale, waxay ku ballameen in ay sii socdaan doodaha la xiriira wax ka beddalka Dastuurka, iyada oo weli ay taagan tahay tabashada mucaaradka.

Horay Villa Somalia oo kaashaneysa Baarlamaanka ayaa ku guuleysatay in wax laga beddalo afarta cutub ee ugu horreyso Dastuurka, taas oo keentay qaylo dhaan wayn oo ka timid mucaaradka iyo labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland, waxayna arrintaas dhalisay xiisad siyaasadeed oo ilaa iyo hadda ka taagan gudaha dalka.

Tallaabadan kale iyo isku deyga haatan la doonayo in lagu sii wado wax ka beddalka qodobada Dastuurka ayaa uga sii dari karta xaaladda murugsan ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka jira hannaanka doorashooyinka dalka.

Si kastaba, dhawaan ayaa qorshuhu yahay in wada-hadallo toos ah ay yeeshaan Villa Somalia, Jubbaland, Puntland iyo Mucaaradka, si xal looga gaaro khilaafka ka dhashay wax ka beddalka Dastuurka iyo hannaanka guud ee Doorashooyinka dalka.