27.3 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

TRUMP oo warqad caalamka ka yaabisay u diray ra’iisul wasaaraha…

Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa farriin qoraal ah oo uu u diray Ra’iisul Wasaaraha Norway ku sheegay in aanu mar dambe dareemayn waajibka ah in uu “ka fekero nabadda oo qura,” maadaama aan la gudoonsiinin Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka, isaga oo mar kale ku celiyay dalabkiisii ahaa in uu la wareego maamulka jasiiradda Greenland. 

Qoraalkan, oo maamulka Mareykanku uu si ballaaran ula wadaagay dalal kale, ayaa jawaab u ahaa farriin kooban oo uga timid Ra’iisul Wasaaraha Norway, Jonas Gahr Støre, iyo Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb.

Labadan mas’uul ayaa ka soo horjeestay go’aanka Trump uu canshuuraha ku soo rogay xulafada Yurub, kadib markii ay diideen in Mareykanku la wareego gacan ku haynta Greenland, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Støre.

Farriintooda ayey Støre iyo Stubb ku tilmaameen baahida loo qabo in la dajiyo xiisadda hadallada kulul, iyagoo codsaday in ay qadka taleefonka ku wada hadlaan Trump. Hase yeeshee, jawaabta Trump ayaa timid waqti yar uun kadib markii ay farriintooda direen.

“Gacaliye Jonas: Maadaama dalkiinu go’aansaday in aanu isiinin Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka, anigoo joojiyay 8 dagaal IYO WAX KA BADAN, ma dareemayo waajib ah in aan si gaar ah uga fekero Nabadda, in kasta oo ay mar walba muhiimad yeelan doonto. Balse hadda waxaan ka fekerayaa waxa wanaagsan ee danta u ah Mareykanka,” ayuu Trump ku yiri jawaabtiisa.

Trump ayaa si furan ugu ololeynayay in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka, taas oo sannadkii hore la gudoonsiiyay hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela, Maria Corina Machado.

“Dhowr jeer ayaan Trump si cad ugu sharxay xaqiiqada la wada ogsoon yahay ee ah in Guddiga Nobel-ku uu yahay mid madax-bannaan, oo aysan ahayn dowladda Norway cidda bixisa abaalmarinta,” ayuu yiri Støre.

Machado ayaa toddobaadkii hore biladeedii dahabka ahayd guddoonsiisay Trump intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Aqalka Cad, inkastoo Guddiga Nobel-ka ee Norway ay sheegeen in abaalmarinta aan la wareejin karin, la wadaagi karin, ama lagala noqon karin qofkii la siiyay. Guddiga Nobel-ka ayaan weli ka jawaabin codsi la xiriira arrintan.

Farriintiisa uu u diray Støre, Trump wuxuu sidoo kale mar kale su’aal galiyay madax-bannaanida Denmark ee Greenland, isagoo yiri: “Denmark dhulkaas kama difaaci karto Ruushka ama Shiinaha, marka horeba maxay ‘xuquuq lahaansho’ ugu sheeganayaan?”

“Ma jiraan dokumeentiyo qoran, ee kaliya waa doon halkaas cago dhigatay boqollaal sano ka hor, laakiin annaguna doonyo waan geynay halkaas.”

Lahaanshaha Denmark ee jasiiraddan ballaaran ee kheyraadka macdanta hodanka ku ah ayaa ku cad dukumeentiyo sharci ah oo ay ku jirto heshiiskii 1814-kii. Mareykanka laftiisa ayaa dhowr jeer oo hore qiray in Greenland ay ka tirsan tahay Boqortooyada Denmark.

Trump ayaa farriintiisa uu u diray Støre ku soo xiray qaabkiisii xamaasadda lahaa:

“Waxaan NATO u qabtay wax ka badan qof kasta oo kale tan iyo markii la aasaasay, haddana, waa in NATO ay wax u qabato Mareykanka. Adduunku ma noqonayo mid amni ah illaa aan ka yeelanno Gacan ku hayn Buuxda oo Dhamaystiran ee Greenland. Mahadsanid! Madaxweyne DJT.”

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis cusub oo xasaasi ah

0

Dooxa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi difaac, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo wada-shaqeynta amni ee u dhexeeya labada dal.

Heshiiskan waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani.

Heshiiska iskaashiga difaac ayaa diiradda saaraya tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari, horumarinta awoodda difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Saxiixa heshiiskan ayaa mar kale adkaynaya xiriirka istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Qatar, waxaana uu muujinayaa sida ay labada dal uga go’an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta difaaca, amniga, iyo iskaashiga milatari ee mustaqbalka.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta ka qayb-galay furitaanka Bandhigga iyo Shirweynaha Caalamiga ah ee Difaaca Badda ee Dooxa 2026, kaas oo si rasmi ah u daah-furay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani.

Bandhigga Dooxa 2026, oo ka mid ah munaasabadaha caalamiga ah ee ugu waaweyn ee difaaca badda, ayaa lagu soo bandhigayaa teknoolojiyado casri ah iyo qalab milatari.

Ka qayb-galka Wasiirka Difaaca ee bandhigan ayaa muujinayaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso awoodda ciidamada iyo ballaarinta iskaashiga difaac iyo amni ee caalamka.

Socdaalka Wasiirka waxaa ku wehliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidamada Badda iyo Ilaalada Xeebaha, S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar.

Wafdi sare oo ka socda beesha caalamka oo ka degay Garoowe + Ujeedka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa maanta gaaray magaalada Garowe, oo ah caasimadda Puntland.

Safiirka Midowga Yurub waxaa safarka ku wehlinayay safiirrada Denmark H.E. Steen Sonnen Andersen, Norway Ms. Merete Dyrud, iyo diblomaasiyiin ka kala socday dalalka Sweden iyo Switzerland.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe kusoo dhaweeyay wasiirka qorsheynta Puntland Daa’uud Bisle iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland.

Inta ay Garowe ku sugan yihiin, wafdiga ayaa la filayaa inay kulammo la yeeshaan madaxda Puntland oo ugu sareeyo Madaxweyne Saciid Deni, sidoo kalena ay ka qeybgalaan shir caasimadda ka dhacaya oo diiradda lagu saarayo qorshaha horumarinta Puntland.

Deni ayaa la filayaa inuu kusoo laabto Garoowe kadib wada-hadallo xasaasi ah oo u tegay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, xilli uu cirka isku shareeray khilaafka diblomaasiyadeed iyo midka amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Deni ayaa Abu Dhabi gaaray laba maalin ka hor, kaddib safar saddex maalmood qaatay oo uu ku soo maray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarka madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli uu xumaaday xiriirka u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, kadib markii Dowladda Federaalku ay shaacisay inay laashay heshiisyadii iskaashiga milatari ee ay la lahayd Imaaraadka.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan si adag ganafka ugu dhuftay go’aanka Dowladda Federaalka ee Imaaraadka, iyadoo ku tilmaamtay mid “baalmarsan dastuurka”.

Puntland ayaa sheegtay in Golaha Wasiirrada ee Federaalku aysan awood u lahayn inay si keli ah u baabi’iyaan heshiisyo ka howlgala gudaha dowlad-goboleedka iyadoo aan wax wadatashi ah la sameyn, sida uu qabo nidaamka federaalka Soomaaliya.

Xasan oo gogol wadatashi ugu yeeray Axmed Madoobe, Deni iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa lagu shaaciyay in shirweynahan uu magaalada Muqdisho ka furmi doono 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa talo soo-jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxay casuumaad rasmi ah u fidinaysaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Qaban-qaabada shirkan waxa ay xukuumaddu u xil saartay guddi wasiiro oo uu hormuud u yahay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud Sheekh Cali.

“Xukuumaddu iyadoo tixgelinaysa dadaallada lagu xoojinayo midnimada ummadda iyo wadajirka dalka, taabba-gelinta dimuqraadiyad ku dhisan wadatashi iyo isu-tanaasul, isla markaana tixraaceysa qodobka 6-aad ee baaqii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxay ku dhawaaqaysaa gogol wadatashi qaran oo furmi doona 1-da Febraayo 2026, taas oo ka dhici doonta magaalada Muqdisho.”

Sidoo kale waxay ugu baaqday Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed in ay soo magacaabaan cidda dhinacooda ugu xil saaran qaban-qaabada shirka si la isula sii lafa guro ajandayaasha, shirkuna u noqdo mid mira dhal ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan soo dhaweeyay wada-hadal uu la galo mucaaradka, isagoo kulan gaara la yeeshay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, oo uu ka codsaday inuu kala shaqeeyo qaban-qaabada shirka haatan la iclaamiyay.

Golaha Mustaqbalka oo hore shirweyne ugu qabsaday Kismaayo ayaa caddeeyay inay dhankooda diyaar u yihiin in Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodaan sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoonta waqtigeeda, oo ah dhammaadka muddada xil-hayntiisa.

Sidoo kale, Golaha ayaa waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo sidoo kale goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale markaas ku goodiyay in haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyada wada-hadallada in ay guda geli doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Itoobiya oo xabsiga dhigtay Jeneraal Gebre

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay Sarreeye Guuto Guesh Gebre, oo hore u ahaa taliyihii Ciidanka Militariga Qaybta 15-aad, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo gudaha.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in tallaabadan loo qaaday si waafaqsan sharciga, isagoo xusay in aanay jirin cid ka sarreysa xeerarka, taasina ay sabab u tahay xarigga lagula kacay sarkaalkan.

Sarreeye Guuto Guesh Gebre ayaa lagu yaqaanay mowqifkiisa ka dhanka ah qaar ka mid ah hoggaanka ciidamada ee taageeray shirweynihii guud ee TPLF.

Waxa uu si cad u dalbanayay in wax laga beddelo maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray, kaas oo uu hoggaamiyo Getachew Reda. Doodahaas darteed, waxaa shaqada laga joojiyay tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii hore.

Xafiiska Nabadgelyada iyo Amniga ee Tigray ayaa habeenimadii Sabtida ku shaaciyay bartiisa Facebook in ay qaadeen tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah xubno lagu eedeeyay ku xadgudub anshaxa iyo shuruucda ciidanka.

Xafiisku wuxuu sidoo kale tilmaamay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ciidamada ay ku lug leeyihiin falal ka baxsan nidaamka, inkastoo uusan magacyadooda shaacin.

Dhankiisa, Getachew Reda ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X ku muujiyay diidmo uu ka qabo xarigga Guesh Gebre, oo ay xabsiga dhigeen ciidamada ammaanka ee gobolka Tigray.

Wuxuu sheegay in Guesh lagu yaqaanay geesinimo iyo doorkii uu ka qaatay xilliyadii adkaa ee dagaalka, gaar ahaan dadaalkii uu ku joojinayay kala-daadashada ciidamada Tigrayga.

Getachew ayaa su’aal geliyay sababta loo xiray sarkaal sannad ka hor xilka si aan caddaalad ahayn looga qaaday, isaga oo xusay in eedeymaha la xiriira gacan saar lala sameeyay cadow ay yihiin kuwo aan la hubin.

Waxa uu intaa ku daray in arrintan lagu bartilmaameedsaday Guesh iyo kooxdiisa sababo la xiriira mowqifkooda siyaasadeed.

“Tigraay tuugta in la soo qabto ay yihiin kuwa qafaalanaya geesiyaal magac ku leh bulshada ayadoo marmarsiiyo laga dhiganayo sharciga ayaa ah mid ka soo horjeedda jiritaankeeda. Cid kasta oo daneynaysa Tigrayga waa inay ka hortagtaa dambiilayaasha,” ayuu yiri.

Waxaa la xaqiijiyay in Sarreeye Guuto Guesh Gebre ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka, iyadoo la sheegay in kiiskiisa loo gudbin doono maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dalkaas.

Xogta shirka Dooxa ee qeybta ka tahay DF SOOMAALIYA

0

Dooxa (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa kamid noqotay ka qeyb-galayaasha shirka caalamiga ah ee DIMDEX 2026, kaasi oo ka furmaya magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Dowladda Qatar ayaa si rasmi ah u casuuntay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya si ay uga qeyb-galaan shirkaan.

Shirkan caalamiga ah ee DIMDEX 2026 ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, kaas oo socon doona inta u dhexeysa 19 illaa 22-ka Janaayo 2026.

DIMDEX waa bandhig iyo shir heer caalami ah oo diiradda lagu saarayo difaaca iyo amniga badda, kaas oo ay isugu yimaadaan dowlado iyo shirkado ka shaqeeya arrimaha la xiriira amniga badaha.

Shirkan waxaa lagu soo bandhigaa maraakiibta dagaalka, qalabka amniga xeebaha, diyaaradaha badda, iyo tiknoolajiyada casriga ah ee loo adeegsado ilaalinta badaha iyo xeebaha.

Sidoo kale, DIMDEX 2026 waxaa si gaar ah loogu falanqeyn doonaa arrimaha amniga badda, la dagaallanka burcad-badeedda, tahriibka sharci-darrada ah iyo dambiyada kale ee ka dhaca badaha.

Waxaa kale oo shirka lagu gorfeyn doonaa sida loo ilaalin karo khayraadka badda, loona xoojin karo iskaashiga milatari ee u dhexeeya dalalka caalamka.

Shirka DIMDEX 2026 waxaa ka qeyb-galaya dalal waaweyn oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Turkiga, Pakistan, Norway iyo dalal kale oo badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa fursaddan uga faa’iideysan doonta inay Qatar ka dalbato taageero buuxda oo ku aaddan dhismaha, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Badda Soomaaliya.

Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in la xoojiyo amniga xeebaha Soomaaliya, la ilaaliyo khayraadka badda, isla markaana si wax ku ool ah loola dagaallamo dambiyada ka dhaca badaha.

Dowladda Qatar ayaa dhankeeda ballan-qaadday inay Soomaaliya ka taageeri doonto dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo wadaagista khibradda, iyadoo la kaashanaysa iskaashiga caalamiga ah ee ay ku leedahay amniga badda.

Muxuu yahay amarka ay ka qayliyeen darawalada BL-ka ee magaalada Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta ku baxay cabasho kasoo yeertay wadayaasha gaadiidka BL-ka oo banaanbax cabasho ah ka dhigay waddooyinka muhiimka ah, kadib markii lagu soo rogay amar lagu diinwaagelinayo gaadiidkooda.

Muungaab ayaa marka hore faray gaadiidleyda ay u hoggaamsamaan amarka, ayna raacaan hannaanka cusub oo uu tilmaamay inuu la xiriiro amniga dalka.

“Baabuurta BL-ka waxaa lagu soo rogay inay is-diiwaangeliyaan hay’adaha nabad-gelyada, gaar ahaan Nabad-sugidda inay iska diiwaan-geliyaan waxaan rabnaa baabuur walba inuu diiwaangashan yahay”. ayuu yiri duqa Muqdisho.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Waa in la ogaadaa darawalka, miikiilaha iyo odeygiisa dhaqanka, waana la diiwaangelinayaa kulligood”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu sugayo amniga, laguna hubinayo bedqabka muwaadiniinta. “Gaari sumad la’aan inuu beledkan marmaro lama rabo hadhow baabuurkii dhib ka dhaco waxaa la rabaa ciddii lahayd, cidda damiin ka ahayd inay cadahay ayaa la rabaa”. ayuu mar kale yiri guddoomiye Muungaab.

Dhanka kale guddoomiye Muungaab ayaa xusay in aan wax lacag ah la qaadi doonin wadayaasha ama milkiilayaasha, taaas oo ka baxsan khidmadda rasmiga ah ee Bosteejada oo horeyba u jirtay.

“Wax lacag ah oo aan ahaynin lacagta busteejada Dowladda Hoose ee Xamar oo la’idinka qaadaayo ma jirto”. ayuu sii raaciyay.

Duqa Muqdiso ayaa sidoo kale sheegay in gaadiidka aan marin habraaca diiwaangelinta, islamarkaana aan u hoggaansamin nidaamka loo dejiyay; lala tiigsan doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan shuruucda dalka.

Hadalkan ayuu Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) sheegay isagoo ay barbar taagnaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Gobolka Banaadir, oo muujiyay muhiimadda hirgelinta nidaamkan cusub ee amniga lagu xaqiijinayo.

Maxkamada Racfaanka EAC oo go’aan ka gaartay murankii xildhibaannada Soomaaliya

0

Arusha (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka ee Bulshada Bariga Afrika ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiska xildhibaanadii ay dirsatay Soomaaliya, kadib markii koox xildhibaano Soomaali ah ay horay dacwad ka dhan ah doorashadooda u gudbiyeen Maxkamadda cadaaladda EAC ee fadhigeedu yahay gudaha magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Maxkamadda Racfaanka oo kiiska la wareegtay ayaa shaaicsay inay laashay dacwaddii laga gudbiyay xildhibaanada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afirka, iyada oo ku dhawaaqday in ay yihiin kuwa sharci ah.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa amartay in la dhaariyo xubnaha Soomaaliya oo ay horay u doorteen labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, si ay u gataan waajibaadkooda, uguna biiraan golaha.

Dhanka kale Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania iyo Dalladda Bulshada Bariga Afrika, Ilyaas Cali Xasan oo qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda, wuxuuna sheegay in tallaabo togan oo sharci ah loo maray ansixinta xildhibaanadan.

“Waxaan marlabaad hambalyo u dirayaa saaxiibadeey Xildhibaanada Soomaaliya kumatali doono EALA, kadib go’aankii Maxkamadda Racfaanka EAC ay kulaashay go’aamadii hore”. ayuu yiri Danjire Ilyaas Cali Xasan.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waa tallaabo lagu xoojinayo ku dhaqanka iyo sareynta sharciga isla markaana xoojineysa kalsoonida iyo dhexgalka Soomaaliya ee EAC. Waa Talaabo Guul ah, Waa Talaabo Taariikhi ah”.

Soomaaliya ayaa noqotay xubinta siddeedaad ee Ururka Iskaashiga Geeska Afrika (EAC) dabayaaqadii sannadkii 2023, iyadoo dhammaystirtay hannaanka ansixinta horraantii sannadkan. Bishii Oktoobar, Baarlamaanka Federaalku wuxuu doortay sagaal xubnood oo dalka u matali lahaa EALA, kuwaas oo 5 kamid ah ay yihii rag, halka 4 kalena ay yihiin dumar, waxayna ka yihiin;-

1. Xuseen Xasan Maxamed 2. Fadumo Cabdullaahi 3. Sahra Cali Xasan 4. Cabdisalaam Hadliye 5. Fahma Axmed Nuur 6. Abuukar Mardaadi 7. Feysal Cabdi Rooble 8. Ilhaan Cali Garas 9. Cabdiraxmaan Bashiir Shariif.

Si kastaba, go’aanka kama dambeysta ah ee ay maanta ku dhawaaqday Maxkamadda Racfaanka EAC ayaa noqday imtixaan culus oo ay ka gudubtay Soomaaliya, sidoo kalena lagu eegay sida ururka iyo xubintiisa cusub ay ugu tixgeliyeen mabaadi’da dimoqraadiyadda gobolka iyo hufnaanta metalaadda.

Jubaland oo ciidamadii ugu badnaa ku diyaarisay Raaskambooni + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowad-goboleedka Jubaland ayaa haatan ciidamo cusub oo dheeraad ah ku diyaarisay gudaha deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose, halkaas oo Axaddii shalay tababar loogu soo xiray.

Ciidamadan oo qaatay tababar heer sare ah ayaa kamid noqonaya kuwa nabad-sugidda Jubaland, waxayna ka howlgeli doonaan aagga Badhaadhe.

Agasimaha guud ee hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Jubaland Mudane Maxamed Axmed Sabriye (Bassaam) ayaa soo xiray tababarka, wuxuuna kula dardaarmay ciidamada cusub inay gutaan waajibaadka ka saaran amniga.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in tababarkan diiradda lagu saaray sare u qaadidda tayada, xirfadda iyo awoodda hawlgal ee ciidamada Jubaland.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in askartan ay qayb ka yihin guutada Hanqadh ee nabad sugidda Jubaland, isaga oo u xusay inay wax badan kusoo kordhin doono taliska.

“Cutubyada tababarkan qaatay ayaa si gaar ah loogu carbiyay la dagaallanka kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab, iyaga oo lagu tababaray farsamooyin casri ah oo lagu xaqiijinayo amniga, laguna xoojinayo awoodda dib-u-soo celinta Degmada Badhaadhe iyo sugidda ammaanka deegaannada hoos yimaada” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Jubbaland ((JISA)

Ujeedka tababaradan ayaa sidoo kale lagu sheegay kuwa lagu xoojinayo ciidamada amniga, si ay ulaba jibaaraan ciribtirka kooxaha argagixisada ah

“Waxa ay sidoo kale saldhig u noqonayaan horumar dowladnimo, xasillooni waarta, iyo mustaqbal ammaan ah oo ay helaan shacabka Reer Jubbaland” ayaa lasii raaciyay bayaanka.

Deegaanka Raaskambooni oo hadda ay joogaan ciidamada cusub ee tababarka dhammeystay ayaa lagu xasuustaa dagaalkii cuslaa ee horay ugu dhex-maray dowladda federaalka iyo Jubaland, waxaana tan iyo markaas uu saldhig u ahaa daraawiishta Jubaland, waxaana hadda ku biiriya nabad-sugidda maamulkaas.

Xogta dagaalka ka dhacay Jabad Godane iyo Shabaab oo kubaareynaya Warsheekh

Warsheekh (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dib ugu laabtay barrihii ay kaga sugnaayeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ka dib dagaal culus oo ay halkaas kula galeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa weerar ballaaran ku qaaday fariisimaha ciidamada ee deegaankaas, waxaana u suurtagashay in ay muddo kooban gacanta ku dhigaan fariisimaha.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Militariga, oo dib isu abaabulay, ay weerar rogaalcelin ah ku qaadeen Shabaabkii soo galay dhulkii ay haysteen.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ku wada sugnaa deegaankan, iyaga oo laba dhinac u kala haystay, qolo kastana ay dhinac ka maamuleysay.

Al-Shabaab ayaa shalay subax weerar ay qaraxyo ku bilowdeen ku qaaday fariisimihii ay ciidamada kaga sugnaayeen deegaankaas, iyadoo ujeedkoodu ahaa in ay si buuxda u qabsadaan Jabad Godane. Ciidamada, oo ka warqabay in Al-Shabaab doonayso in ay jarto waddada xeebta ee xiriirisa Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Muqdisho, ayaa guluf xooggan ku qaaday, dibna ula wareegay fariisimahoodii.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada qaarkood ay u tallaabeen dhinaca kale ee ay Al-Shabaab ka haysatay deegaankaas illaa bishii December, inkastoo ay shalay galab dib uga soo baxeen. Ciidamada ayaa hadda ku sugan fariisimahoodii uu dagaalku ka bilowday, halkaasna difaac ka haya.

Dhanka kale, wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-Shabaab dhaqdhaqaaq ka wado goobaha ay ka joogto deegaanada Jabad Godane, Shiikh-yaalo iyo Alanley, kuwaas oo hoostaga Degmada Warsheekh, si ay u xaqiijiso in ay isku fidiso dhulka xeebta.

Ciidamada ayaa meelo ka mid ah deegaanadaas ku hortaagan maleeshiyada Al-Shabaab, si aysan ugu soo ballaarin jidka xeebta.

Culeyska ay Al-Shabaab ku hayso Warsheekh waxaa lagu sababeeyaa joogitaankooda deegaanka Xawaadley ee hoostaga Degmada Balcad, kaas oo leh buundo dulmarta Webiga Shabeelle, isla markaana qayb ka ah isku xirka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa 29-kii bishii December la wareegay gacan ku haynta Xawaadley, inkastoo ay saacado ka dib ka soo baxeen, iyadoo aan sababta la ogeyn.

Al-Shabaab ayaa bishii June, dagaal la’aan, kula wareegtay gacan ku haynta deegaanka istiraatiijiga ah, ka dib markii ay ka baxeen Militariga Burundi ee qaybta ka ahaa hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wax kasta oo ciidamada ka xumaada ama ka khaldama waxay fursado waaweyn u abuuraan Al-Shabaab, oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka iyo joogitaanka ciidanka AUSSOM ee dalka.

Al-Shabaab ayaa hadda raadinaysa meelo ay kaga soo gaarto waddada xeebta ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo ah isha ugu weyn ee saadka iyo gurmadkaba ay u maraan ciidamada ka hawlgala deegaanada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Al-Shabaab waxay adeegsanaysaa qiyaasta dagaalka ee ah in weerarku ka wanaagsan yahay difaaca, iyada oo dhul cusub qabsanaysa, isla markaana leh istiraatiijiyad ay muddo fog ugu sii nagaan karto dhulkii ay hore u maamulaysay.

Xog: Deni oo safar qorsoodi ah ku jooga Imaaraadka Carabta

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wadahadallo xasaasi ah u jooga magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, xilli uu cirka isku shareeray khilaafka diblomaasiyadeed iyo midka amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Deni ayaa magaalada Abu Dhabi gaaray laba maalin ka hor, kaddib safar saddex maalmood qaatay oo uu ku soo maray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Safarka madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli uu xumaaday xiriirka u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, kadib markii Dowladda Federaalku ay shaacisay inay laashay heshiisyadii iskaashiga milatari ee ay la lahayd Imaaraadka.

Maamulka Puntland ayaa Isniintii si adag u ganafka ku dhuftay go’aanka Dowladda Federaalka, iyadoo ku tilmaamtay mid “baalmarsan dastuurka”. War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirrada ee Federaalku aysan awood u lahayn inay si keli ah u baabi’iyaan heshiisyo ka howlgala gudaha dowlad-goboleedka iyadoo aan wax wadatashi ah la sameyn, sida uu qabo nidaamka federaalka Soomaaliya.

“Go’aanka ay shaacisay Dowladda Federaalka ee lagu laalayo heshiisyada horumarinta dekedda Boosaaso iyo iskaashiga amniga ee u dhexeeya Puntland iyo Imaaraadka waa mid waxba kama jiraan ah (null and void),” ayaa lagu yiri bayaanka Puntland. Waxay intaas ku dareen in dowlad-goboleedyadu ay haysanayaan awoodahooda dastuuriga ah inta laga dhameystirayo nidaamka federaaleynta dalka.

Xiisaddan ayaa saamayn toos ah ku yeelatay xaaladda amni ee gobolka. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Dowladda Imaaraadku ay dhinacyo saddexaad u gudbisay inay qorsheynayso inay faarujiso saldhiggeeda magaalada Boosaaso, balse ay walaac ka qabto cidda buuxin doonta booskaas iyo saameynta ay ku yeelan karto howlgallada lagula dagaallamo kooxda Daacish (IS) ee ku dhuumaaleysata buuraha Bari.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda shuruud uga dhigtay Imaaraadka inuu ka baxo Boosaaso si uu u qaato qalab milatari, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones), kuwaas oo ku xayiran garoonka Muqdisho. Tan iyo markii shuruudahan la soo rogay, waxaan garoonka Boosaaso ka degin diyaaradihii ciidanka ee Imaaraadka saddexdii maalin ee lasoo dhaafay.

Dhinaca kale, khilaafka u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Puntland ayaa dhaliyay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cusub. Wararka ka imaanaya Garoowe ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah la geeyay caasimadda Puntland, kaddib markii Dowladda Federaalku ay diiwaangelisay qaar ka mid ah ciidamada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa la xaqiijiyay inuu soo saaray amarro culus oo lagu mamnuucayo in ciidamada Puntland ee iska diiwaangeliyay dowladda dhexe – gaar ahaan kuwii tegay Laascaanood – ay dib ugu soo laabtaan deegaannada Puntland. Sidoo kale, maamulka ayaa bilaabay inuu waaran maxkamadeed u jaro saraakiisha fulisa amarrada kasoo baxa Muqdisho, taas oo sii kordhisay xasaradda siyaasadeed ee dalka.

Daawo: Fahad Yaasiin oo weerar culus ku qaaday Cirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ka qayb-galay barnaamij dood ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Fahad Yaasiin oo si adag ua horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ayaa tilmaamay in Cirro uu ictiraafkii la galay meel xun, isla markaana uu xiriir la sameeyay Yahuud oo aan laga fileyn inay cilaaqaad la yeeshaan dad Soomaaliyeed.

“35-sano ayay Soomaliland taleefan garaacaysay ugu dambeyn sheydaan ayaa kaqabtay iyaga in laga qabto ayaa u muhiimsanayd waxa ka qabtay waxba kama gelin” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha Somaliland uu warqad isku mid ah u diray madaxda dalalka Islaamka iyo Ra’iisul wasaare Netanyahu, taasina ay muujineyso caqiiqdo xumo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo carrabka ku dhuftay in kaliya uu rabay jawaabta, uuna ka helay Israa’iil oo dhawaan uun ku dhawaaqday inay dal madax banaan u aqoonsatay Somaliland.

“Imtixaanka qofka u horreeyo ee ku dhacay waa Cabdiraxmaan Cirro maalin dhaweyd wuxuu yiri waxaan la hadlay Boqor Salmaan, madaxweynaha Turkiga, madaxweynaha Masar iyo Netanyahu wuxuuna yiri Netanayahu ayaa isoo jawaabay hadalkaas macnihiisa ma taqaanaan wax uu rumeyan yahay ma jiraan wuxuu warqad isku mid ah u qorayaa Bin Salman iyo Netanyahu kii uga soo jawaabana wuu qaadanayaa” ayuu mar kale yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Wax uu ilaalinaayo ma leh qiyam maleh, caqiido maleh warqadahana wuu iska wada diri meeshaan doonaan ha’isaga dhacaano”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Somaliland ay dhaliil xooggan kala kulantay xiriirka ay la yeelatay Israa’iil, waxaana inta badan ka horyimid ururrada caalamiga ah iyo dalalka saaxibada la’ah Soomaaliya.

Booliska Muqdisho oo soo saaray go’aan ay ku farxeen shacabka magaalada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ay ku farxeen shacabka magaalada Muqdisho, kaas oo la xiriira badqabkooda.

Taliska Booliska ayaa maanta wixii ka dambeeya mamnuucay in askarta ay raacaan mootooyinka Fekonta oo maalmihii lasoo dhaafay ay qaati ka taagnaayeen shacabka caasimada, maadaama la bilaabay in lagu dhaco.

Sidoo kale, waxaa la joojiyay in askarta ku jirta fasaxa ay iyana hub ku dhex qaataan gudaha caasimada, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Booliska.

“Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan Ciidammada ka tirsan hay’addaha amniga in aan la oggolayn, isla markaana ay mamnuuc tahay in askari hubaysan uu isticmaalo mooto fekon. Sidoo kale, gudaha caasimadda lama oggola in askari hubaysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo uu Boolisku intaasi kusii daray in askarigii ku xadgudba amarkan laga qaadi tallaabo adag, isla markaana lasoo xiri doono.

“Askarigii ka dhaga adeega awaamirta hay’addaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan” ayaa lasii raaciyay go’aanka.

Dhinaca kale, qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka falceliyay go’aankan, iyaga oo si weyn usoo dhaweeyay.

Maxamed Cabdullahi Raage: “Askarta gaadiidka dowladda ayaa ku filan looma baahno inay raacaan mooto Feykon iyo Bajaj”.

Nasteexo Cali Maxamuud ayaa iyadana ku jawaabtay: ” Mootada Fekon-ta dhammaan hala mamnuuco”.

Shariif Xaaji: ” Waxaas war lee waayey amarka noocan oo kale ah dhowr jeer oo hore ayaad soo saarteen, balse wax fulin ah la idin-kuma arag”.

Saydi Cabdalle Cali: “Maalin kasta dadka markii hantidooda la dhaco post hasoo qorine raggii ummada xolohoodii dhacay keena”.

Osaama Cumar: “Taliye xukunno adag dul dhig tuugada askarta ah mahadsanid”.

Deeq Yare: “Waan taageerayaaa amarkan Allaha idin-la garab galo runtii waan dhibsaday askarta mootada raaca, haddane xabadda waddada ku furta”.

Dumar loo haysto kiis xasasi ah oo lagu xiray Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Somaliland, gaar ahaan kuwa Booliska oo qaaday tallaabo deg-deg ah ayaa soo xiray dumar loo haysto kiis xasaasi ah oo hadal-heyn ka abuuray baraha bulshada Soomaalida.

Dumarka lasoo xiray ayaa loo haystaa faafinta muuqaallo dhaqan xumo oo kasoo horjeedo Diinta Islaamka, dhaqanka suuban iyo akhlaadqda bulshda, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland.

“Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gacanta ku dhigay dumar ku eedaysan faafinta dhaqammo xunxun oo si cad uga soo horjeeda Diinta Islaamka, dhaqanka suubban, akhlaaqda iyo badqabka bulshada” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Eedaysanayaashu waxa ay muuqaallo duubeen iyaga oo dagaallamaya, isla markaana ku hadlaya hadallo ka hor imanaya Diinta Islaamka, kuwaas oo dhaawacaya qiyamka iyo anshaxa bulshada”.

Sidoo kale, Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanayaashu la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Eedeysanayaasha waxa si degdeg ah loo horgeyn doonaa hay’adaha garsoorka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn Booliska Somaliland ayaa bulshada uga digay falalka noocan oo kale ah ee lidka ku ah Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada guud, wuxuuna adkeeyay cid kasta oo ku kacda falal noocaas ah in lala tiigsan doono sharciga.

Si kastaba ha’ahaatee Somaliland ayaa marar badan oo hore deegaannadeeda ku xirtay dad loo haysto anshax xumo, waxaana ugu dambeeyay Dambiile Cumar Maxamed Ibraahim oo lagu helay inuu muuqaallo anshax xumo ah ku faafiyay baraha bulshada, kaas oo horay loogu xukumay laba sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 800,000 kun oo Shilin Somaliland ah.

Booliska Muqdisho oo soo qabtay askari shalay ku kacay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qabtay askari shalay dhac baahsan ka gaystay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Hodan ay gacanta kusoo dhigeen eedeysanaha oo lagu magacaabo Dable Liiban Mustaf Aadan, kaas oo laga arkay lkaamirda CCTV, isaga oo adeegsanayay mooto Fekon ah.

Muuqaallada aya sidoo kale si wayn loogu faafiyay baraha bulshada, iyada oo dadweynuhuu dalbadeen in lasoo qabto eedeysanaha oo ugu dambeyn usoo gacan galay ciidamada ammaanka oo sameeyay dadaallo dheeraad ah.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhiga Hodan, ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane D/le Liiban Mustaf Adan, oo ku eedaysan dhac is xig-xiga oo uu ka gaystay dhowr degmo oo ka mid ah Caasimadda” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo uu Boolisku intaas ku daray in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Eedaysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Boliiska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loogu waafajiyo” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Boliiska Muqdisho ayaa sidoo kale bulshada ku wargeliyay haddii ay dhac ama fal amni-darro la kulmaan, in ay si degdeg ah u tagaan saldhiga ugu dhow, si tallaabo degdeg ah looga qaado dadka falalkaas fulinaya.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga caasimada, waxayna horay gacanta ugu soo dhigeen burcaddii ugu badneyd oo dhibaato ka waday degmooyinka gobolka Banaadir.

Somalia: Puntland parades 50 foreign IS captives after victory

Bosaso, Somalia — Puntland authorities on Sunday paraded nearly 50 foreign fighters whom security forces captured during a sweeping offensive against Islamic State militants, offering a rare glimpse into the transnational ranks of the jihadist group’s Somalia stronghold.

The disclosure follows the conclusion of a year-long military campaign in the rugged Cal Miskaad mountains of the semi-autonomous region, which officials say has dismantled a key command center for the global terror network.

Security officials released photographs and names of the detainees, who hail from at least seven countries. The roster underscores the reach of the Islamic State’s northern Somalia branch, which has transformed the remote mountainous terrain into a cross-border recruitment hub.

Of the captives presented, 18 are Ethiopian nationals, making up the largest contingent, followed by 11 Moroccans. Officials identified others as citizens of Saudi Arabia, Tanzania, Türkiye, Yemen, and Syria.

Puntland authorities staged the unusual public roll call to expose the “foreign face” of an insurgency that analysts say functions as a financial and logistical node for Islamic State operations across Africa.

Foreign ranks exposed

Puntland has long warned that the Cal Miskaad massif—a jagged mountain range also known as Al-Miskad—had become a magnet for foreign extremists arriving via smuggling corridors along the Gulf of Aden.

Recent UN sanctions monitoring reports have corroborated these claims, warning that the Islamic State affiliate in Somalia has expanded its operational reach through foreign recruitment.

Puntland officials had previously estimated that up to 2,000 foreign fighters were operating in the mountains before the offensive began, though independent sources could not verify this figure.

The operation focused on the Al-Khalifa mountains, a natural fortress of steep ridgelines and caves where militants had established training camps and supply depots.

Puntland authorities declared they had largely cleared the area after what they described as the region’s “longest and deadliest” confrontation with the group. Officials estimated that the relentless campaign killed between 600 and 700 militants.

A splinter faction of Al-Shabaab founded the Islamic State’s Somalia branch in 2015 after pledging allegiance to the Islamic State. Although it remains smaller than its Al-Qaeda-linked rival, it has drawn significant international attention due to its role in generating revenue for IS affiliates worldwide.

Heavy losses

The victory exacted a high price. Puntland officials said the grinding mountain warfare killed hundreds of soldiers and officers and permanently wounded many others.

The fighting was particularly intense in February 2025, when clashes killed scores of troops in a single day. The conflict also displaced civilians in the Bari region, disrupting trade routes and pastoral livelihoods in an area already prone to instability.

Puntland authorities said the success of the offensive relied heavily on airstrikes and logistical support from the United States and the United Arab Emirates (UAE).

Officials publicly thanked both nations on Saturday, crediting their assistance as decisive in degrading the militants’ command structure.

US forces have repeatedly targeted IS leaders in the region. In January 2023, a US special operations raid killed Bilal al-Sudani, a key financial facilitator for the group.

More recently, the US Africa Command acknowledged airstrikes in July 2025 near Bosaso to support the anti-IS push.

Federal rift

The praise for the UAE, however, struck a dissonant note in Mogadishu. Relations between the Somali federal government and the UAE have soured, with federal officials recently moving to cut ties with Abu Dhabi—a stance Puntland rejected.

Puntland leaders on Saturday reiterated their claim that they received no support from the federal government during the year-long battle.

Mogadishu disputes this, accusing Puntland President Said Abdullahi Deni of rejecting cooperation amid a wider feud over elections and power-sharing.

The political impasse has complicated security coordination, even as the country faces parallel threats from Al-Shabaab in the south and Islamic State in the north.

Puntland authorities said the justice system would process the captured fighters under existing legal frameworks but stopped short of announcing specific plans for prosecutions or repatriation.

The presence of nationals from countries such as Morocco and Saudi Arabia poses a diplomatic challenge. In the past, local courts have handed down death sentences to foreign jihadists, raising complex legal questions.

Officials said the military focus has now shifted from large-scale combat to stabilization and surveillance, aiming to hunt down remnants of the group still hiding in the remote ravines of the Cal Miskaad range.

Legal Interpretation of articles 53, 54, 138, and 142 of the Somali constitution

0

This legal opinion provides a thorough analysis of four key articles- Articles 53, 54, 138, and 142- of the Provisional Constitution of Somalia, which together establish the country’s federal legal and organisational framework (Somali Constitution, 2012). Given ongoing political disputes and frequent misinterpretations of these provisions, the study clarifies each article’s legal purpose and role, focusing on the scope of foreign policy, the allocation of sovereign and resource powers and the legal transition framework for Federal Member States. Utilising comparative constitutional law, federal theory, and legal precedents like Texas v. White (1869), the opinion affirms the constitutional supremacy of the 2012 Provisional Constitution. It also rejects partisan misreadings of Article 1429 and provides normative guidance to promote legal consistency, national unity, and constitutionalism during Somalia’s federal evolution.

Introduction

This legal opinion addresses recurring constitutional misunderstandings and politicised interpretations of Articles 53, 54, 138, and 142 of the Provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia (Somali Constitution, 2012). Together, these articles form the backbone of Somalia’s federal governance model and define the division of powers between the Federal Government and the Federal Member States. In particular, this opinion addresses the growing misapplication of Article 142 of the Somali Constitution as a legal basis for unilateral withdrawal from constitutional obligations and the misreading of Article 53 as a source of shared sovereignty in foreign affairs.

This analysis draws on legal doctrine, comparative constitutional law, and philosophical theories of constitutionalism and federalism to offer a coherent interpretation. It also engages with relevant case law and international practice to demonstrate the constitutional dangers inherent in such misreadings. The aim is to present a definitive, academically rigorous explanation that clarifies public confusion and offers guidance to political and legal actors. 

Article 53 – Regarding Somali Consultation in Foreign Policy: Clarifies a procedural requirement rather than a division of sovereignty.

“The Federal Government shall consult the Federal Member States in the formulation of foreign policy on issues affecting the interests of the Federal Member States.”

Article 53 establishes a procedural requirement for consultation but does not grant Federal Member States equal constitutional authority in foreign relations, unlike the 2012 Somali Constitution. The term “consult” implies seeking input and engaging in dialogue, not sharing or transferring sovereign authority (Craig, 2012). Legally, consultation is different from achieving consensus or co-decision, meaning it does not authorise Federal Member States to negotiate treaties, represent the country internationally, or conduct diplomacy on their own.

The established normative understanding of consultation in comparative federal jurisprudence is clear. In Canada (Attorney General) v. Mikisew Cree First Nation [2018] SCC 40, the Supreme Court of Canada clarified that consultation is a procedural right that ensures participation in decision-making, without granting a veto or equal power in policy development. This interpretation is directly relevant to the Somali context.

In federal constitutional systems, the central government usually holds exclusive authority over foreign affairs. This principle is grounded in practical and doctrinal reasons: external sovereignty demands a single international personality capable of establishing legally binding relations with other states and international organisations (Wheare, 1963). Distributing this authority to sub-national units could lead to legal fragmentation, weaken national unity, and possibly breach international commitments.

Thus, while Article 53 affirms the importance of internal federal cooperation, it must be interpreted in harmony with Article 54 of the Somali Constitution, 2012, which reserves foreign affairs exclusively to the Federal Government. The result is a coherent constitutional scheme: Federal Member States are consulted on matters affecting their interests, but the Federal Government alone speaks for the Republic of Somalia in international law.  

Article 54 – About How Powers are Shared and the Legal Rules for Resource Allocation

The allocation of powers and resources shall be negotiated and agreed by the Federal Government and the Federal Member States, except in matters concerning: Foreign Affairs, National Defence, Citizenship and Immigration, and Monetary Policy

Article 54 of the Somali Constitution 2012 is a structural clause that delineates the division of powers, specifying what is subject to intergovernmental negotiation and what is exclusively federal. The four reserved areas, foreign affairs, national defence, citizenship, and monetary policy, are retained by the Federal Government in accordance with classical federal theory (Watts, 2008). These domains are constitutive of statehood and cannot be fragmented without endangering the state’s legal and political unity.

In contrast, resource allocation and other domestic matters are subject to negotiation and agreement. This division reflects a dual commitment to national unity and sub-national autonomy. For instance, natural resources such as oil, minerals, or fisheries located within the territory of a Federal Member State may require joint resource-sharing agreements. However, the Federal Government must execute international contracts related to those resources as the entity recognised under international law (Cassese, 2005).

Article 138 – On Constitutional 2012 Supremacy and Binding Legal Effect

This Constitution comes into effect on the day after approval by a National Constituent Assembly”

Article 138 of the 2012 Somali Constitution clarifies its legal standing, confirming that the 2012 Provisional Constitution is active and enforceable despite being interim or lacking a complete institutional structure. Its authority stems from its adoption by the National Constituent Assembly and does not depend on the full implementation of federal institutions.

This principle aligns with broader constitutional theory. A constitution’s legitimacy and enforceability do not depend on its completion but on its acceptance as the foundational legal order or Grundnorm, in Kelsenian terms (Kelsen, 1967). Once adopted, all political and legal actors are bound by its provisions unless and until it is lawfully amended.

Article 142 – On Transitional Autonomy and Misuse of Incompleteness

“Until the final constitutional process is completed, the Federal Member States existing at the time the Provisional Constitution is adopted shall retain and exercise the powers conferred on them under their constitutions.”

Article 142 is a transitional clause designed to prevent institutional paralysis during Somalia’s post-conflict reconstruction. Its purpose was to allow Federal Member States to continue governing under their own constitutions temporarily while national institutions and a final constitutional settlement were being developed.

However, this article has been widely misinterpreted and misused. Some political actors claim that because the Provisional Constitution is “incomplete,” they can rely solely on their state constitutions and ignore federal directives. Others have gone further, suggesting that Article 142 allows them to disengage from the federal framework altogether legally.

This interpretation is constitutionally indefensible. Article 142 does not override Article 138. It does not grant Federal Member States legal immunity or autonomy from the national Constitution. It is a procedural accommodation, not a substantive reallocation of sovereignty (Somali constitution, 2012).

Why Article 142 Was Necessary Despite Article 138

The presence of Article 142 alongside Article 138 of the Somali constitution does not create a contradiction. Instead, it reflects the reality that while the Constitution is binding, the state was institutionally incomplete in 2012. Article 142 was intended to bridge the gap between the ratification of the Constitution and the formation of full federal structures, allowing Federal Member States to function lawfully during the transition.

This technique is common in transitional constitutional design. For example, South Africa’s 1993 Interim Constitution included similar transitional clauses that allowed provincial governments to exercise powers during a period of institutional reform (Klug, 2000).

Philosophical Perspective and Jurisprudential Analogy

From a jurisprudential standpoint, allowing unilateral withdrawal from constitutional obligations on the grounds of perceived incompleteness is a threat to the very notion of constitutionalism. As John Rawls observed, justice requires fair terms of cooperation, and political actors must accept those terms even when short-term outcomes are not favourable (Rawls, 1971).

The United States Supreme Court provides a historical analogy in Texas v. White, 74 U.S. 700 (1869), where the Court ruled that no state has a unilateral right to secede from the Union. The Court held that:

“The Constitution, in all its provisions, looks to an indestructible Union composed of indestructible States. The act of secession, whatever the motive, was absolutely null.”

Somalia, like other federations, cannot tolerate legal doctrines that treat constitutional authority as conditional. The principle of indivisible constitutional loyalty must be upheld. 

Conclusion and Final Legal Recommendation

Articles 53, 54, 138, and 142 must be interpreted as part of a coherent constitutional whole. Article 53 mandates consultation but not co-decision in foreign affairs. Article 54 reserves sovereign powers to the Federal Government while allowing for negotiated federalism. Article 138 confirms that the 2012 Somali Constitution is in full force and effect. Article 142 enables transitional continuity, not constitutional fragmentation.

The Constitution binds Federal Member States. The appeal to incompleteness does not entitle any region to opt out of constitutional obligations. To do so is to undermine the rule of law, invite institutional disintegration, and collapse the federal project. All political actors must commit to lawful constitutionalism, national unity, and good-faith cooperation.

The Constitution is not merely a temporary arrangement; it is the legal expression of Somalia’s sovereignty and unity. Its authority must be preserved, not negotiated.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag u diiday in Somaliland…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii Sabtida si cad u diiday qorshe kasta oo ku saabsan in shacabka Falastiin dib-u-dejin loogu sameeyo dhulka Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrintaas ku tilmaamay mid si toos ah u dhaawaceysa xuquuqda aasaasiga ah ee dadka Falastiiniyiinta ah.

Madaxweynaha oo ka hadlayay magaalada Laascaanood, xilli uu ka qayb-galayay munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka Waqooyi-Bari ayaa sheegay in Falastiiniyiintu ay muddo tobannaan sano ah u adkeysanayeen colaado joogto ah, iyaga oo aan marnaba ka tagin dhulkooda, isla markaana aysan habboonayn in loo beddelo dad aan lahayn dal iyo dowlad toona.

“Muddo todobaatan sano ah ayaa inta u wad xagga u wad, maalin walba madfac ku rid haddana waa la dhaqaajin waayey. Miyaan u fududaynaynaa in dhulkooda laga riixo?” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay dilalka loo geystay carruurta iyo shacabka aan hubeysneyn, burburka baahsan ee guryaha iyo magaalooyinka, isaga oo xaaladdaas ku sifeeyay mid u eg masiibo ballaaran.

Wuxuu adkeeyay in Falastiiniyiinta aan loo rari karin qaab ka qaadaya xuquuqdooda siyaasadeed iyo lahaanshaha dhulkooda, isagoo tilmaamay in Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin tallaabo noocaas ah.

“Dunida waxaa ku nool dad aan dal iyo dowlad midna lahayn, kuwaas oo nool kaliya si ay u noolaadaan, balse aan lahayn wax xuquuq ah. Annagu ma oggolaanayno in Falastiiniyiintu noqdaan dad noocaas ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay soo jeedinta ah in Falastiiniyiinta la dejiyo dhul Soomaaliyeed mid u eg in hal dhibaato lagu darayo mid kale, isaga oo sheegay in taas aysan suurtagal ahayn, islamarkaana ay si cad u diideen.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku baaqay midnimo qaran iyo aqoonsi ku dhisan wadajir. Wuxuuna xusay in haddii ujeeddadu tahay helitaanka xukun ama awood, Soomaaliya ay diyaar u tahay in arrintaas lagu xalliyo midnimo Soomaaliyeed.

“Annaga ayaa idiin hayna wax ka badan inta ay Netanyahu iyo Israa’iil idiin hayaan. Annaga ayaa idinka jecel iyaga. Haddii ay tahay arrin ku saabsan awood iyo xukun, na xukuma annagoo Soomaali ah oo midaysan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Somaliland oo sheegatay inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii ayaan weli helin aqoonsi caalami ah, marka laga reebo Israa’iil oo aqoonsatay dabayaaqadii sanadkii 2025-ka, arrintaas oo si adag uga hortimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadallada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan warar sheegaya in aqoonsiga Israa’iil uu la xiriiray qorshe dib-u-dejin Falastiiniyiin ah, inkastoo Somaliland ay si cad u beenisay eeddaas.

Israel ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga.

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Ujeedka banaanbax weyn oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bannaanbax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku sameeyay madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxayaal tiro badan ayaa isugu soo baxay degmada Wadajir, iyadoo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Dadka dibadbaxayay ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah gardarrada Israa’iil iyo aqoonsi beenaadka uu siiyay Somaliland, oo ah maamul-goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shacabka bannaanbaxayaasha ah ayaa wacad ku maray inay diyaar u yihiin difaaca midnimada dalka, kana hortagayaan duullaan kasta oo lagu soo qaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal diblumaasiyadeed adag la gashay aqoonsi beenaadka Israa’iil, iyadoo heshay taageerada saaxiibada caalamka oo dhammaan ka soo horjeestay duullaanka cadowga iyo xadgudubka intaba.

Israa’iil ayaa 26-kii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblumaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Heshiisyada Abraham.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaantay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Netanyahu oo ka welwelsan qorshaha Donald Trump ee…

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benyamin Netanyahu ayaa isugu yeeray kulan degdeg ah oo hordhac ah oo ay yeeshaan Golaha Wasiirrada Dagaalka, kaddib magacaabista uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo la xiriirta xubnaha Guddiga Hanaanka Nabadda ee Gaza.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan qaabka loo dhisay hay’adda loo bixiyay “Golaha Nabadda”, iyagoo sheegay in qaab-dhismeedkeedu ka hor imaanayo siyaasadda Israa’iil, isla markaana aan wax wada-tashi ah lagala yeelan Tel Aviv intii lagu jiray samaynteeda.

Golaha Fulinta, oo la filayo inuu kormeero maamulka Gaza marka uu dagaalku dhammaado, ayaa waxaa ku jira mas’uuliyiin ka kala socda Turkiga iyo Qatar, kuwaas oo ah laba dal oo si cad u dhaleeceeyay hab-dhaqanka Israa’iil intii uu socday dagaalka Gaza.

Dhanka Falastiiniyiinta, waxaa la sheegay in hay’adahan aanay matalin rabitaanka shacabka Falastiin. Hoggaamiyaha Hindisaha Qaranka Falastiin, Mustafa Barghouti, ayaa sheegay in goluhu “u ekaanayo hay’ad Mareykan ah oo ay ku jiraan xubno caalami ah.”

Wargeyska The Times ee Israa’iil ka soo baxa ayaa, isagoo soo xiganaya xafiiska ra’iisul wasaaraha, Sabtidii qoray in ku dhawaaqista Aqalka Cad ee ku saabsan samaynta hay’ad caalami ah oo cusub oo maamusha arrimaha Gaza aan lagala tashan Israa’iil, isla markaana ay si toos ah uga hor imanayso siyaasaddeeda.

Sida warbixintu tilmaantay, Netanyahu ayaa muujiyay diidmo ku aaddan isku-dhafka golaha cusub ee loo bixiyay Golaha Fulinta.

Inkasta oo Golaha Fulinta si farsamo ah hoos ugu shaqayn doono Golaha Nabadda, kaas oo uu guddoomin doono Madaxweyne Trump, kana kooban hoggaamiyeyaal caalami ah, haddana doorkiisa dhabta ah wuxuu noqon doonaa mid si toos ah ula xiriira kormeerka maamulka Gaza dagaalka kaddib, taas oo ka dhigaysa hay’ad saameyn weyn leh marka loo eego doorka astaan ahaaneed ee Golaha Nabadda.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa bayaan ku sheegay in Netanyahu uu faray Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa’ar, inuu si rasmi ah ugu gudbiyo dhiggiisa Mareykanka, Marco Rubio, diidmada Israa’iil ee qaab-dhismeedka Golaha Fulinta.

Dhanka kale, Bloomberg News ayaa Sabtidii werisay, iyada oo tixraacaysa qabyo-qoraal, in maamulka Madaxweyne Trump uu qorsheynayo in waddamada lagu waajibiyo bixinta hal bilyan oo doollar si ay xubno uga noqdaan Golaha Nabadda ee la soo jeediyay, inkasta oo Reuters ay sheegtay in aanay awoodin xaqiijinta warkan.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Madaxweyne Donald Trump lagu wado inuu noqdo guddoomiyaha ugu horreeya ee Golaha Nabadda, halka xubinnimada dal kasta ay socon doonto muddo aan ka badan saddex sano laga bilaabo marka heshiisku dhaqan-galo, iyadoo suurta-gal ay tahay in dib loo cusboonaysiiyo go’aan madaxweyne.