27.3 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Ujeedka banaanbax weyn oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bannaanbax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku sameeyay madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxayaal tiro badan ayaa isugu soo baxay degmada Wadajir, iyadoo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Dadka dibadbaxayay ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah gardarrada Israa’iil iyo aqoonsi beenaadka uu siiyay Somaliland, oo ah maamul-goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shacabka bannaanbaxayaasha ah ayaa wacad ku maray inay diyaar u yihiin difaaca midnimada dalka, kana hortagayaan duullaan kasta oo lagu soo qaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal diblumaasiyadeed adag la gashay aqoonsi beenaadka Israa’iil, iyadoo heshay taageerada saaxiibada caalamka oo dhammaan ka soo horjeestay duullaanka cadowga iyo xadgudubka intaba.

Israa’iil ayaa 26-kii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblumaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Heshiisyada Abraham.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaantay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Netanyahu oo ka welwelsan qorshaha Donald Trump ee…

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benyamin Netanyahu ayaa isugu yeeray kulan degdeg ah oo hordhac ah oo ay yeeshaan Golaha Wasiirrada Dagaalka, kaddib magacaabista uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo la xiriirta xubnaha Guddiga Hanaanka Nabadda ee Gaza.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan qaabka loo dhisay hay’adda loo bixiyay “Golaha Nabadda”, iyagoo sheegay in qaab-dhismeedkeedu ka hor imaanayo siyaasadda Israa’iil, isla markaana aan wax wada-tashi ah lagala yeelan Tel Aviv intii lagu jiray samaynteeda.

Golaha Fulinta, oo la filayo inuu kormeero maamulka Gaza marka uu dagaalku dhammaado, ayaa waxaa ku jira mas’uuliyiin ka kala socda Turkiga iyo Qatar, kuwaas oo ah laba dal oo si cad u dhaleeceeyay hab-dhaqanka Israa’iil intii uu socday dagaalka Gaza.

Dhanka Falastiiniyiinta, waxaa la sheegay in hay’adahan aanay matalin rabitaanka shacabka Falastiin. Hoggaamiyaha Hindisaha Qaranka Falastiin, Mustafa Barghouti, ayaa sheegay in goluhu “u ekaanayo hay’ad Mareykan ah oo ay ku jiraan xubno caalami ah.”

Wargeyska The Times ee Israa’iil ka soo baxa ayaa, isagoo soo xiganaya xafiiska ra’iisul wasaaraha, Sabtidii qoray in ku dhawaaqista Aqalka Cad ee ku saabsan samaynta hay’ad caalami ah oo cusub oo maamusha arrimaha Gaza aan lagala tashan Israa’iil, isla markaana ay si toos ah uga hor imanayso siyaasaddeeda.

Sida warbixintu tilmaantay, Netanyahu ayaa muujiyay diidmo ku aaddan isku-dhafka golaha cusub ee loo bixiyay Golaha Fulinta.

Inkasta oo Golaha Fulinta si farsamo ah hoos ugu shaqayn doono Golaha Nabadda, kaas oo uu guddoomin doono Madaxweyne Trump, kana kooban hoggaamiyeyaal caalami ah, haddana doorkiisa dhabta ah wuxuu noqon doonaa mid si toos ah ula xiriira kormeerka maamulka Gaza dagaalka kaddib, taas oo ka dhigaysa hay’ad saameyn weyn leh marka loo eego doorka astaan ahaaneed ee Golaha Nabadda.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa bayaan ku sheegay in Netanyahu uu faray Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa’ar, inuu si rasmi ah ugu gudbiyo dhiggiisa Mareykanka, Marco Rubio, diidmada Israa’iil ee qaab-dhismeedka Golaha Fulinta.

Dhanka kale, Bloomberg News ayaa Sabtidii werisay, iyada oo tixraacaysa qabyo-qoraal, in maamulka Madaxweyne Trump uu qorsheynayo in waddamada lagu waajibiyo bixinta hal bilyan oo doollar si ay xubno uga noqdaan Golaha Nabadda ee la soo jeediyay, inkasta oo Reuters ay sheegtay in aanay awoodin xaqiijinta warkan.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Madaxweyne Donald Trump lagu wado inuu noqdo guddoomiyaha ugu horreeya ee Golaha Nabadda, halka xubinnimada dal kasta ay socon doonto muddo aan ka badan saddex sano laga bilaabo marka heshiisku dhaqan-galo, iyadoo suurta-gal ay tahay in dib loo cusboonaysiiyo go’aan madaxweyne.

DF oo xaqiijisay jiritaanka heshiis saddex geesood ah oo kala dhaxeeya dalalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay inuu jiro heshiis dhinaca amniga ah oo saddex geesood ah, kaas oo u dhaxeeya Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudiga iyo Jamhuuriyadda Masar.

Heshiiskan oo weli maraya heerarkiisii ugu dambeeyay ayaa lagu tilmaamay mid xooga saaraya adkaynta iskaashiga amni ee Badda Cas, ballaarinta wada-shaqeynta milatari, iyo xoojinta doorka wadajirka ah ee saddexdan dal ku leeyihiin sugidda amniga gobolka.

Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud la filayo inuu booqasho rasmi ah ku tago Boqortooyada Sacuudiga maalmaha soo socda, si loo dhameystiro heshiiskan.

Heshiiskan ayaa imanaya kaddib tallaabo ay Dowladda Soomaaliya dhawaan qaaday, taas oo ay ku burisay heshiisyo amni iyo dekedood oo ay la lahayd Imaaraadka Carabta.

Dowladda ayaa ku eedeysay Abu Dhabi inay ku xadgudubtay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka, kaddib markii hoggaamiye ka tirsanaa gooni-u-goosadka Yemen laga dhoofiyay gudaha Soomaaliya iyada oo aan lala socodsiin dowladda dhexe.

Mas’uuliyiin si dhow ula socda wada-hadallada ayaa sheegay in Sacuudigu cadaadis diblomaasiyadeed ku saaray Soomaaliya, si loo yareeyo xiriirka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta.

Tan ayaa imanaysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka ee xubnaha ka ah isbahaysiga OPEC+, kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira dagaalka Yemen iyo saamaynta gobolka.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa muddo dheer muujinaysay taageero siyaasadeed oo ay u hayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, hase yeeshee lama arag taageero milatari oo toos ah.

Haddii heshiiskan la meel mariyo, waxaa loo arki doonaa tallaabadii ugu horreysay ee Sacuudigu si muuqata uga qeyb qaato xoojinta awoodda amni iyo ciidan ee Soomaaliya iyo guud ahaan Bariga Afrika.

Afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in wada-hadalladu ay weli socdaan, balse wuu ka gaabsaday faahfaahin intaas ka badan.

Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Sacuudiga, Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo Dowladda Masar ayaan weli wax jawaab ah ka bixin codsiyo warbaahineed oo la xiriira heshiiskan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dhowaan u safro Sacuudiga si loo soo gabagabeeyo qodobada heshiiska isbaheysigan. Weli si rasmi ah looma shaacin nooca ballanqaadyada la isweydaarsan doono.

Wada-hadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli awoodaha gobolku ay ugu loolamayaan saameynta marinka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kaas oo isku xira Kanaalka Suweys ee waqooyiga iyo marinka Baabul Mandab ee koonfurta.

Xeebta dheer ee Soomaaliya iyo u dhowaanshaheeda marinnada badaha ee muhiimka ah ayaa sare u qaaday ahmiyadeeda istiraatiijiyadeed.

Puntland oo magdhaw ka dalbatay Turkiga iyo Sacuudiga

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Puntland ayaa soo saaray farriiin culus oo ku socota dowladaha Turkiga iyo Sacuudiga, wuxuuna ka dalbaday in magdhaw ay ka siiyaan muwaadiniintooda lagu qabtay dagaalka Calmiskaad.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa farriintan u diray labada dowladood, wuxuuna sheegay in muwaadiniintooda oo gacanta lagu hayo ay dhibaato u gaysteen shacabka Puntland, ayna ka doonayaan in magdhaw laga siiyo.

“Turkiga iyo Sacuudigu muwaadiniintooda lagu qabtay dagaalka Cal-miskaad dhibaatadii ay u geysteen shacabka reer Puntland magdhaw haka siiyaan”. ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Shalay ayay Puntland soo bandhigtay ajaaniibtii ugu badneyd oo lagu soo qabtay howlalladii cuslaa ee ka dhacay buuraha Calmiskaad, waxayna ragga lasoo bandhigay ay u kala dhasheen dalalka Turkiga, Sacuudiga, Marooko, Itoobiya, Suuriya iyo Tanzaaniya.

Maxaabiistan ajaanibta ah ayaa tiradoodoodu waxay gaaraysaa kontomeeyo (50), waxaa bar ka mid ah (25) ay u dhasheen dalka Itoobiya, sida ka muuqata shax ay soo bandhigeen ciidamada ammaanka maamulka Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in haatan kooxda Daacish laga sifeeyay inta badan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

“Geesiyaasha ciidankeenna Puntland oo taageero ka helaya saaxiibadeenna Imaaraadka iyo Maraykanka, ayaa ku guuleystay in Argagixisada Caalamiga ah ee ISIS laga sifeeyo Calmiskaad, wuxuuna hadda maraya hawlgalku meel gebogebo ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland.

Ciidanka difaaca Puntland oo muddo dheer dagaal adag kula jira argagixisada ayaa muujiyay awoodooda, waxayna guulo waa wayn kasoo hoyeen dagaalka.

Maxay tahay arrinta uu Ayatollah Khamenei qirtay ee lagu eedeeyay maamulkiisa?

0

Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei ayaa markii ugu horreysay si furan u sheegay in kumannaan qof ay ku dhinteen bannaanbaxyadii ka dhacay dalkaas toddobaadyadii u dambeeyay.

Khudbad uu jeediyay Khamenei wuxuu ku qiray in dad badan la dilay, isagoo sheegay in qaar ka mid ah dilalkaasi ay u dhaceen si aad u arxan-darro ah. Wuxuu masuuliyadda dhimashadaas dusha uga tuuray Mareykanka.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee HRANA, oo xarunteedu tahay Mareykanka, ayaa sheegtay in falcelinta rabshadaha wata ay sababtay dhimashada 3,090 qof, halka ururro kale ay rumeysan yihiin in tiradu ay ka badan karto intaasi.

Xaaladda ayaa sii murugsan, maadaama xannibaad adag oo lagu soo rogay internet-ka ay adkaysay in la helo xog rasmi ah oo la isku halleyn karo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan ugu baaqay dibadbaxayaasha Iiraan inay sii wadaan mudaharaadyada, wuxuuna ka digay in Mareykanku uu faragelin militari sameyn karo haddii ciidamada ammaanku ay dilaan dadka bannaanbaxyada sameynaya.

Khamenei ayaa ku eedeeyay shaqsiyaad uu ku sheegay kuwo xiriir la leh Israa’iil iyo Mareykanka inay sababeen burbur ballaaran, isla markaana ay dileen kumannaan qof, sida ay werisay warbaahinta dowladda Iiraan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweynaha Mareykanka uu yahay dambiile si toos ah mas’uul uga ah khasaaraha, burburka iyo gefafka ka dhacay Iiraan.

Bannaanbaxyada ayaa billowday 28-kii December, kadib markii ay soo baxeen cabashooyin la xiriira duruufo dhaqaale oo liita, balse waxay si degdeg ah ugu fiday dalabyo lagu doonayo in la soo afjaro hoggaanka sare ee dalka.

Dowladda Iiraan ayaa mudaharaadyada ku tilmaantay rabshado ay gadaal ka riixayaan cadawga dalka.

Intii uu khudbadda jeedinayay, Khamenei wuxuu mar kale ku celiyay in Iiraan ay u aragto Madaxweyne Trump inuu yahay dambiile, isagoo sheegay in Mareykanka ay tahay in lagala xisaabtamo arrintaan. Sidoo kale wuxuu ku dooday in Mareykanku ka shaqeynayo sidii loo wiiqi lahaa Iiraan.

Si kastaba, dibadbaxayaasha ayaa wajahay awood xooggan, waxaana la helay muuqaallo muujinaya ciidamada ammaanka oo rasaas ku furaya dadweynaha.

Waxaa sidoo kale dalka Iran ka dhacay xannibaad saameysay internet-ka iyo adeegyada isgaarsiinta. Shalay, isku xirka internet-ka wuxuu gaaray kaliya qiyaastii 2% heerarkii caadiga ahaa, sida ay sheegtay hay’adda NetBlocks.

Inkasta oo wararka qalalaasaha ay yaraadeen maalmihii dambe, haddana xaddidaadda internet-ka awgeed, lama xaqiijin karo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku weli ku sugan yihiin waddooyinka iyagoo wata mootooyin, balse guud ahaan xaaladdu ay u muuqato mid degganaan kusoo laabaneysa.

DF Soomaaliya oo guul wan ka sheegatay dagaalkii maanta

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah-faahiyay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Jabad Godane oo hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib weerar xooggan oo ay ku qaaday kooxda.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi laga hortegay, isla markaana la fashiliyay dhagartooda.

Sidoo kale, wuxuu bayaanka intaasi kusii daray in ciidamadu ay si buuxda u maamulayaan deegaanka uu ka dhacay dagaalka.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Ciidanka ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya deegaanka, ka dib markii cadowga loo geystay jab xooggan iyo khasaare badan”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Howlgalka ayaa weli sii socda, iyada oo ciidamada ay beegsanayaan firxadka maleeshiyaadka Al-Shabaab. “Waxaa hadda socda hawlgal ballaaran oo isugu jira sifayn iyo sugid amni, kaas oo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanka, si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabulayaan ama ay ku carqaladaynayaan nabadda dadka deegaanka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lagu yiri “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkaynayaan go’aankooda ah in ay sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, si loo sugo amniga loona difaaco shacabka Soomaaliyeed”.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo qoraal ku baahisay barahooda bulshada ayaa dhankeeda sheegtay in ay cagta marisay saldhigga ay weerartay, isla markaana khasaare culus ay gaarsiisay ciidankii ku sugnaa halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Inta badan Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii la soo dhaafay ay kooxda argagixisadu culeys soo saartay aagga degmada Warsheekh, waxaana maalmo kahor ay sidaan oo kale u weerartay isla deegaanka Jabad Godone oo ay gacanta ku hayaan ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.

Wararkiii ugu dambeeyey ee Yemen iyo xiisadda Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta

Cadan (Caasimada Online) — Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen (PLC) ayaa aqbalay iscasilaaddii Ra’iisul Wasaare Saalim bin Breik, waxayna beddelkiisa u magacaabeen Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Shaya Muxsin Zindaani, sida ay Khamiistii werisay wakaaladda wararka ee dowladda, Saba.

Warbixinta waxay sheegtay in Bin Breik uu si rasmi ah u gudbiyay iscasilaaddiisa, taas oo goluhu aqbalay, ka hor inta aan Zindaani loo xilsaarin inuu soo dhiso gollaha wasiirrada ee xiga.

Bin Breik ayaa la kulmay Guddoomiyaha PLC, Rashad al-Alimi, wuxuuna u “gudbiyay iscasilaadda xukuumadda si loogu gogol-xaaro dhismaha xukuumad cusub,” sida lagu sheegay bayaan ay daabacday Saba.

Golaha PLC, oo ah dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay kuna tiirsan taageerada Sacuudiga, ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ay sii wadi doonto maareynta arrimaha dalka — marka laga reebo magacaabista iyo xil-ka-qaadista — ilaa inta laga soo dhisayo xukuumadda cusub.

Bayaanka ayaa isbeddelkan ku sababeeyay “dadaallada lagu soo celinayo hay’adaha dowladda, xoojinta midnimada go’aan-qaadashada qaran” iyo “ka adkaanta afgambiga,” iyadoo lala xiriirinayo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay.

Bishii hore, dagaalyahanno taabacsan Golaha KMG ah ee Koonfurta (STC) ayaa qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bariga Yemen, iyagoo xoog kula wareegay magaalooyin, saldhigyo, dekedo, isgoysyada xuduudaha iyo kaabayaasha shidaalka oo ay horey u haysteen ciidamo qabiil oo Sacuudigu taageero oo daacad u ah dowladda.

Weerarkaas ayaa ka careysiiyay Sacuudiga, kaas oo 30-kii December duqeeyay shixnad Imaaraadku leeyahay oo taallay koonfurta Yemen, wuxuuna dhaleeceeyay doorka Imaaraadka ee taageerada gooni-u-goosadka. Riyaad ayaa markaas kadib duqeymo la beegsatay kooxda STC.

Ciidamada Sacuudigu taageero ayaa markaas kadib horumar sameeyay, waxaana burburay awooddii STC, iyadoo ciidamada dowladduna ay dib u qabsadeen Cadan iyo aagagga ku hareeraysan.

Xilli ay sii kordhayso xiisadda u dhaxaysa labada dal ee ugu tunka weyn Khaliijka, Sacuudiga ayaa markaas ku eedeeyay Abu Dhabi inay fududeysay baxsashada hoggaamiyaha STC, Caydaruus Al-Zubaydi, oo Yemen uga tallaabay dhanka Imaaraadka isagoo sii maraya Somaliland.

Isniintii, PLC ayaa ku dhawaaqday in ciidamadeedu ay si buuxda STC uga soo ceshadeen gacan ku haynta koonfurta dalka.

Wargeyska Middle East Eye ayaa toddobaadkii hore weriyay in Cadan — oo ahayd caasimadda ay kooxda gooni-u-goosadku u arkayeen inay noqonayso xarunta dowlad madax-bannaan oo mustaqbalka la dhiso — aysan hadda gacantooda ku jirin.

Ciidamada hadda magaalada ilaalinaya ayaa horey ula saftay STC, balse hadda dhanka dowladda u soo goostay si ay u taageeraan Golaha Madaxtooyada (PLC).

Xamza oo kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaashii tegay magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – R’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo weli ku sugan magaalada Laascaanood ayaa weli kulamo ka wada magaaladaasi, isaga oo maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan halkaas oo ka mid ahaa wufuudda kala duwan ee booqasho ku tegay caasimadda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, si ay uga qeyb-galaan munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka cusub ee maamulkaasi.

Ugu horreyn Xamza ayaa uga mahadceliyey bahda dhaqanka, kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen nabadeynta beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan xallinta colaadaha ka jiray deegaanno kala duwan/

Sidoo kale wuxuu xusay doorka shariifka ah ee ay ku leeyihiin adkaynta wada-noolaanshaha, midnimada iyo nabadda ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale adkeeyey in odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka Soomaaliyeed ay ka saaran tahay masuuliyad diini ah iyo mid dastuuri ah oo ku saabsan ilaalinta nabadda, midnimada qaranka iyo xal u helidda khilaafaadka ka dhasha colaadaha ku saleysan qabaa’ilka, isaga oo bogaadiyey dadaallada ay wadeen muddadii u dambeysay ee ku aaddan dhexdhexaadinta, isu-soo dhowaanshaha bulshada iyo xoojinta wada-noolaanshaha.

Waxaa kale oo uu kula dardaarmay bahda dhaqanka in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed, iyaga oo gacan ka geysanaya dhismaha, tayeynta iyo hirgelinta maamulka curdinka ah ee Waqooyi Bari Soomaaliya, si loo helo dowladnimo ku dhisan nabad, caddaalad iyo wadajir.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu xalay madaxweynuhu Laascaanood kula yeeshay qaar ka mid ah odayaasha, isimada iyo cuqaasha dhaqanka ee Dowlad-goboleedka Puntland, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoggaanka dhaqanka ku adkeeyey in ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka, isaga oo ku bogaadiyay doorkooda soo jireenka ah ee isku haynta bulshada Soomaaliyeed.

Si kastaba, Booqashada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaraha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sawirro: Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay isimada Puntland?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah odayaasha, isimada iyo cuqaasha dhaqanka ee Dowlad-goboleedka Puntland, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Odayaasha uu la kulmay madaxweynaha aya waxaa hoggaaminayay Boqor Burhaan Boqor Muuse, kuwaasi oo ka qayb galay, xafladdii caleemo-saarka madaxda maamulka Waqooyi Bari oo shalay ka dhacday Laascaanood.

Ugu horreyn Xasan Sheekh ayaa hoggaanka dhaqanka ku adkeeyey in ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka, isaga oo ku bogaadiyay doorkooda soo jireenka ah ee isku haynta bulshada Soomaaliyeed.

Dhankooda, Boqorka iyo Isimada dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey, dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo daadajinta nidaamka dowliga ah.

Sidoo kale waxa ay muujiyeen dareen Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada.

Dhanka kale waxaa kulankan ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, taliyaha ciidanka Booliska iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Madaxweynaha ayaa horay ula kulmay odayaasha dhaqanka ee Waqooyi Bari, isaga oo kala hadlay dadaalka ay galiyeen dhismaha maamulkaas, wuxuuna kusii adkeeyay midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Jimcihii gaaray Laascaanood halkaas oo uu kaga qeyb-galay munaasabad lagu caleemo-saaray madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa oo shalay ka dhacday gudaha magaaladaasi.

Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Maxay dowladda Turkiga ka ballan-qaaday Laascaanood?

Laascaanood (Somalia Today) — Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonto taageerada ay u heyso midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, inkastoo ay jiraan isbeddello diblomaasiyadeed iyo khataro amni oo gobolka ku soo kordhay, waxaa sidaas sheegay safiirka Ankara u fadhiya Soomaaliya oo ka hadlay magaalada Laascaanood ee waqooyiga dalka. 

Danjire Alper Aktaş ayaa hadalkan jeediyay Khamiistii, kadib markii uu u safray Laascaanood si uu goobjoog uga noqdo dhaarinta madaxweynaha la doortay ee Maamulka Waqooyi Bari (North East State), Cabdulqaadir Axmed Caw-Cali.

“Waan garab taagnayn walaalahayo Soomaaliyeed xilliyadii wanaagsanaa iyo kuwa adagba, waana sii wadi doonnaa inaan sidaas sameyno,” ayuu yiri Danjire Aktaş.

Hadallada safiirka ayaa imanaya xilli Turkigu uu masraxyada caalamiga ah si joogto ah uga sheego taageerada uu u hayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo dhanka kalena sii xoojinaya iskaashiga dhinacyada amniga, horumarka, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Aktaş ayaa sheegay in safarkiisu uu qeyb ka yahay taageerada ballaaran ee Turkiga uu u hayo midnimada Soomaaliya, uuna ka weyn yahay oo kaliya ka qeybgalka xafladda caleemo-saarka oo qorsheysan maalinimada Sabtida.

“Maalintan qiimaha badan ee xoojinaysa midnimada iyo isku-duubnida Soomaaliya, sharaf weyn ayay noo tahay inaan garab istaagno walaalahayo Soomaaliyeed,” ayuu raaciyay.

Caleemo-saarka ayaa ku soo aadaya xilli Geeska Afrika ay ka jiraan xiisado diblomaasiyadeed iyo khataro amni oo soo cusboonaaday, oo ay ka mid tahay ku dhawaaqistii Israa’iil ee aqoonsiga maamulka Somaliland, tallaabadaas oo dowladda federaalka Soomaaliya ay diiday, saaxiibadeedna ay dhaliileen.

Turkiga ayaa taageeradiisa siyaasadeed ku lammaaniyay waxqabad dhab ah oo gudaha Soomaaliya ka socda, sida gargaar bani’aadannimo, tababar ciidan, iyo mashaariic kaabayaal ah oo ay ku jiraan dekedo iyo garoomo diyaaradeed, iyadoo ay u dheer tahay taageerada hay’adaha federaalka.

Joogitaanka Danjire Aktaş ee caleemo-saarka hoggaanka Maamulka Waqooyi Bari — maamul lagu tilmaamay mid la jaanqaadaya nidaamka federaalka Soomaaliya — ayaa loo arkaa farriin cad oo muujinaysa in Ankara ay taageersan tahay midnimada Soomaaliya, heer gudaha iyo heer caalami ahba.

Dagaal beeleed ka qarxay Sh/Dhexe iyo guryo lagu gubay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday deegaanka Iji oo ku yaalla xadka uu gobolka Shabeellaha Dhexe la wadaago gobolka Hiiraan kadib markii ay weerar fool xumo ah ku qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo tegay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka oo ka yimid dhinaca gobolka Hiiraan ay dab qabadsiiyeen qaybo kamid ah deegaanka, waxayna gubeen guryo ay daganaayeen dad shacab ah.

Sidoo kale, waxa ay boobeen hanti fara badan, iyaga oo sidoo kale cagta mariyay beero ku yaalla deegaankaasi.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka warbixiyay xaaladda, wuxuuna sheegay inuu jiro khasaaro baaxad leh.

“Tuulo Iji waayay meesha ay wax ka dhaceen guryihii waa la gubay hanti waa la dhacay wax loo reebtay ma jiraan waxaana saas yeeshay qolo kasoo jeedda dhanka Hiiraan” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in dagaal xooggan uu ka qarxay gudaha deegaanka, isla markaana u dhexeeyo laba beelood oo ood wadaag ah, taas oo uga sii dareysa xaaladda ka taagan Iji oo ku yaalla xadka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

“Deegaanka waxaa saaka ka socda dagaal wuxuu u dhexeeyaa laba beelood oo ood wadaag ah, xaaladdana faraha ayay ka baxday” ayuu mar kale yiri.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarka iyo dagaalka xigay.

Marar badan ayay colaadda beelaha kusoo noq-noqotay xadka labada gobol ee HirShabelle, waxaana guul-darreystay dadaallo nabadeed oo horay loo sameeyay.

Trump oo tallaabo culus ku beegsaday 8 dal oo Yurub ah

Washington (Caasimada Online) — Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii ku shaaciyey inuu canshuuro cusub oo ciqaab ah kusoo rogi doono siddeed dal oo Yurub ah, isagoo tallaabadan ku tilmaamay mid aargoosi u ah diidmadooda ku aaddan damaca Mareykanka ee iibsashada jasiiradda Greenland — arrintaas oo halis gelineysa inuu dillaac weyn ku yimaado xiriirka xulafada muhiimka ah ee NATO. 

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku shaaciyay in Mareykanku uu laga billaabo 1-da bisha Feberaayo 10% canshuur dheeraad ah saari doono badeecadaha ka yimaada dalalka Denmark, Norway, Sweden, Faransiiska, Jarmalka, Ingiriiska, Netherlands, iyo Finland.

Wuxuu ka digay in canshuurtaasi ay sii kordhi doonto illaa 25% marka la gaaro 1-da bisha Juun, haddii aanay dalalkaas aqbalin heshiis uu ugu yeeray iibsashada “dhameystiran oo buuxda” ee ay dowladda Mareykanka kula wareegeyso Greenland.

Damac dhuleed 

Trump ayaa dib u soo nooleeyay dadaalkiisa muddada dheer soo jiitamayay ee ku aaddan hanashada jasiiradda weyn ee Arctic-ga, isagoo ku doodaya inay leedahay qiimo istiraatiijiyadeed oo sii kordhaya maadaama loolanka awoodaha waaweyn uu u sii fidayo dhanka waqooyi.

Wuxuu tilmaamay goobta ay ku taallo iyo kheyraadka macdanta ee ceegaaga, isagoo ku sifeeyay in gacan ku haynta Mareykanka ee jasiiradda ay tahay “arrin lama huraan u ah amniga qaranka.”

Greenland waa dhul iskiis isku maamula oo ka tirsan Boqortooyada Denmark, taas oo gacanta ku haysa arrimaha difaaca iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee jasiiradda. In kasta oo siyaasiyiinta jasiiraddu ay guud ahaan taageersan yihiin in mustaqbalka ay qaataan madaxbannaani, haddana madaxda maxalliga ah iyo dowladda Denmark labaduba waa ay diideen fikradda ah in Mareykanku la wareego.

Hanjabaadda canshuurta ee madaxweynaha ayaa beegsaneysa qaar ka mid ah saaxiibada ugu dhow Washington, iyadoo khilaaf dhuleed si toos ah loogu xirayo ganacsiga ka dhexeeya labada dhinac ee badweynta Atlaantigga. In kasta oo Trump uu xeeladdan horey u isticmaalay si uu tanaasul uga helo dhinacyo kale, haddana dhif ayay ahayd inuu u adeegsado isbahaysi udub-dhexaad u ah sida NATO.

Hadalladan ayaa durba dhaliyay caro dadweyne. Sida ay werisay wakaaladda Reuters, magaalada Copenhagen, in ka badan 20,000 oo qof ayaa isugu soo baxay bannaanka safaaradda Mareykanka, iyagoo ku dhawaaqaya “Greenland iib ma ahan” islamarkaana sita boorar ay ku qoran yihiin “Gacmaha kala baxa Greenland.”

Magaalada Nuuk, kumanaan qof ayaa socod ku maray waddooyinka iyagoo daba socda Ra’iisul Wasaaraha Greenland, Jens-Frederik Nielsen, waxayna lulayeen calanka Greenland si ay u muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan isku day kasta oo Mareykanku ku doonayo inuu ku go’aamiyo mustaqbalka jasiiradda.

Sida ay wararku sheegayaan, bannaanbaxayaasha ayaa sidoo kale ku maadeysanayay Trump, iyagoo xirtay koofiyado u eg kuwa uu caanka ku yahay balse lagu qoray halkudhigyo la beddelay sida “Make America Go Away”.

Saaxiibo isku dhacay 

Khilaafkan ayaa billaabay inuu wax ka beddelo xaaladda amniga ee gobolka Arctic-ga.

Sida ay qortay Reuters, dhowr dal oo Yurub ah ayaa askar kooban u diray Greenland kadib codsi kaga yimid Denmark, iyadoo Copenhagen ay dooneyso inay muujiso adkeysi iyo iskaashi ay la leedahay xulafadeeda xilli uu sii kordhayo walwalka laga qabo hadallada Trump.

Wafdi ka socda Koongareeska Mareykanka ayaa toddobaadkan u safray Copenhagen si ay isugu dayaan “qaboojinta xiisadda,” kadib markii Trump uu diiday inuu meesha ka saaro inuu xoog u adeegsado la wareegidda dhulkaas.

Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa ka digay in tallaabo kasta oo milatari oo Mareykanku ku qaado dhul xiriir la leh xubin ka tirsan NATO ay burburin doonto xeerarka iyo mabaadi’da isbahaysiga.

Hanjabaadda ugu dambeysa ee canshuurta ayaa kordhinaysa culeyska, waxayna ku qasbeysaa caasimadaha Yurub inay miisaamaan u dhexeeya in aargoosi ganacsi la sameeyaan iyo baahida loo qabo in laga hortago inuu burburo isbahaysiga.

Aqalka Cad weli ma shaacin faahfaahinta baaxadda canshuuraha, noocyada badeecadaha gaarka ah ee la saarayo, ama haddii ay jiraan waxyaabo laga reebay — kuwaas oo dhammaantood go’aamin doona saameynta dhaqaale iyo jawaabta siyaasadeed ee ka imaan doonta dhinaca kale ee Atlaantigga.

Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday duleedka Warsheekh

0

Warsheekh Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay saaka dagaal-yahaanno ka tirsan Al-Shabaab ah ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo qaraxyo ku bilowday.

Saldhigan oo ay daganaayeen ciidamada dowladda ayaa waxaa aroornimadii hore ee saaka weerarka ku eekeysay kooxda Al-Shabaab, kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo ilaa iyo hadda ka socda halkaasi, kaasi oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Al-Shabaab oo qoraal ku baahisay barahooda bulshada ayaa sheegtay inay la wareegtay saldhigga ay weerartay, isla markaana khasaare culus ay gaarsiisay ciidankii ku sugnaa halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhankooda saraakiil u hadashay dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Khawaarijta, waxayna intaasi ku dareen in dagaalka ay ku dileen maleeshiyaad badan.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada labada dhinac, waxaana weli xaaladda duleedka magaalada Warsheekh ay tahay mid aad u kacsan, waxaana ka socda dagaalka, iyadoo gurmadyo ay helayaan labada dhinac.

Inta badan Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii uu dambeeyay ay argagixisadu culeys soo saartay aagga degmada Warsheekh, waxaana maalmo kahor ay sidaan oo kale u weerartay deegaanka Jabad Godone oo ay gacanta ku hayaan ciidamada milatariga Soomaaliya.

Xasan oo go’aan kasoo saaray maxaabiista ay kala haystaan Waqooyi Bari iyo Somaliland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad dheer ka jeediyay Laascaanood ayaa ka hadlay arrimo la xiriira maxaabiista ay weli kala haystaan maamullada Waqooyi Bari iyo Somaliland oo horay ugu dagaalamay gudaha magaaladaasi.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in lasii daayo maxaabiista xiran, isla markaana laga wada shaqeeya nabadda deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay ka shaqeyneyso sidii ay maxaabiista isku dhaafsan lahaayeen labada dhinac, si xorriyadooda ay u helaan wiilasha Soomaaliyeed ee ilaa maanta xiran.

“Waxaan idin-ku garab istaageynaa sii wadida nabadda iyo dib u heshiisinta oo ay ugu horreyso is-weydaarinta maxaasbiista ku xiran labada dhinacba. Xorriyadda wiilasha Soomaaliyeed ee dhan kasta ku xiran cudur daar looma haayo sii xirnaantooda”

Waxaa kale oo uu kusii daray “Sidaas daraadeed Dowladda Federaalka waxay u istaagi doontaa idinkuna garab siin doontaa, cid kasta oo daneyneysana ay garab ugu tahay in wiilashadaasi ay xorriyaddooda dib u helaan”.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa shacabka Waqooyi Bari ku amaanay dadaalkooda iyo halganka ay geliyeen midnimada dalka, isaga oo xusay in ay caddeyn u tahay in aan la kala goyn karin Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isaga oo sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in dhul kamid ah Soomaaliya ay u adeegsato danaheeda gurracan.

“Waxaan halkan ka caddeynayaa inaan dadka Soomaaliyeed iyo dunida aad u xaqiijiseen in aanay Soomaaliya kala go’i karin, waxaad halkan farriin uga direysaan anne aan idin-ku raacsanahay Netanyahu oo dhulka reer Falastiin xoog ku haysta hor istaagsan dowladdooda waxaan cod dheer ku leeyahay marna suurtagal ma’aha in Israa’iil ay Soomaaliya dhexdeeda ka sameysato dowlad fulisa istaraatiijiyaddeeda gurracan” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Daawo: Xamza oo weerar culus ku qaaday Deni iyo Axmed Madoobe

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay xafladda caleema saarka madaxweynaha dowlad-goboleedka Waqooyi Bari oo lagu qabtay magaalada Laascaanood ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

Xamza ayaa marka hore shaaca ka qaaday in uusan madaxweyne u aqoonsaneen Axmed Madoobe oo ay weli isku hayaan siyaasadda dalka, iyaga oo horay ugu kala tegay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubaland.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro wayn ku tilmaamay in madaxweyne Saciid Deni uu ka maqnaado Laascaanood, Qoor Qoorna uu tego, isaga oo la dareen ah shacabka Waqooyi Bari oo u istaagay midnimada dalka.

“Madaxweyne Qoor Qoor waa fadhiyaa laakiin Deni ma fadhiyo kan kale anigu madaxweyne uma aqaano balse waxa ay ahayd Deni inuu fadhiyo waa nasiib darro wayn taariikhdaa meel ayay ku qormeysaa” ayuu yiri Xamza.

Waxaa kale oo uu inaas sii raaciyay “Inuu Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) fadhiyo Denina uu maqan yahay waxbaa is-daba maray Soomaalinimo timid waxaan ka baxnay jees-jeeskii iyo qoy qoyskii, waxaan aadnay fikir iyo caqli”.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ay jiraan dad siyaasiyiin ah oo kasoo horjeedo dowladnimada iyo horumarka dalka, isla markaana xilligan adag la safanayo cadowga ummadda Soomaaliyeed.

“Kuwa Soomaali ah oo hangoola ah ayaa meel kasta ka buuxa oo lugta saa inoogu qabanayo oo cadowga innoo lag-daya” ayuu mar kale yiri Xamza.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan Jubaland iyo Puntland oo uu horay khilaaf culus ugala dhexeeyay dowladda federaalka ay ka horyimadeen go’aanka Villa Somalia ee dalka looga cayriyay dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Laascaanood u aqoonsaday inay noqoto…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku dhawaaqay in Laascaanood ay tahay caasimada midnimada Soomaaliya, isaga oo shacabka reer Waqooyi Bari uga mahadceliyay dadaalka wayn ee ay muujiyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xafladdii maanta lagu caleema saaray madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay qorantay taariikh cusub oo guul u ah dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu sii xoojiyay midnimada dalka, isaga oo ku baaqay in loo istaaga difaaca qaranka.

“Dalkeenna iyo dadkeenna waxaa maanta u sameysmay taariikh kale oo cusub oo ku korortay kuwa maanta la tiriyay waa taariikh naga gudbineysa kala qaybsanaantii sababta u ahayd isticmaarkii inoona gudbineysa midnimada dalkeenna iyo dadkeenna” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Waxaan rabaa maanta inaa halkan mar kale ka xoojiyo oo ku dhawaaqo magaalada Laascaano inay tahay magaaladii midnimada, waa astaantii midnimada waa astaantii Soomaalinimada hadda kadib caasimada midnimada ayaa loo aqoonsan doonaa”.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isaga oo sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in dhul kamid ah Soomaaliya ay u adeegsato danaheeda gurracan.

“Waxaan halkan ka caddeynayaa inaan dadka Soomaaliyeed iyo dunida aad u xaqiijiseen in aanay Soomaaliya kala go’i karin, waxaad halkan farriin uga direysaan anne aan idin-ku raacsanahay Netanyahu oo dhulka reer Falastiin xoog ku haysta hor istaagsan dowladdooda waxaan cod dheer ku leeyahay marna suurtagal ma’aha in Israa’iil ay Soomaaliya dhexdeeda ka sameysato dowlad fulisa istaraatiijiyaddeeda gurracan” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Horay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hortimid heshiiska Somaliland iyo Israa’iil, waxayna sameysay dadaallo diblumaasiyadeed oo guuleystay, maadaama dalal waa wayn iyo ururo caalami ah ay kasoo horjeesteen xadgudubka Israa’iil ee madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Somaliland oo ciidankii ugu badnaa kusoo bandhigtay Sool

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ciidamadii ugu badnaa kusoo bandhigtay gobolka Sool, kuwaas oo dhameystay tababar ay muddo ku qaadanayeen halkaasi.

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qayb-gaay taliyaha guud ee ciidanka qaranka Somaliland, mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Cirro iyo madaxda gobolka.

War kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamadan oo gaaraya in ka badan lix kun oo askari ay ku biiri doonaan ciidanka difaaca, isla markaana loo carbiyay howlaha sugida amniga iyo difaaca qarankooda.

Shalay ayaa sidoo kale, madaxweynah khudbad uu jeediyay wuxuu shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca Somaliland, maadaama ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Soo bandhigidda ciidamadan ayaa kusoo aaday, xilli maanta magaalada Laascaanood ay ku sugan yihiin madaxda sare ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka qayb-galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha Waqooy Bari Cabdulqaadir Firdhiye.

Somaliland ayaa si weyn uga carootay tallaabadan, waxayna ku tilmaamtay daadaansi ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, xiisadda labada dhinac ayaa haatan mareysa meeshii ugu xumeyd, waxaana socda dagaal al xiriira arrimaha diblumaasiyadda oo laga dareegay gobolka iyo caalamka.

 

Xasan oo loo gudbiyay dalab la xiriira dhismaha Awdal State

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay xafladda caleema saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari ayaa loo gudbiyay dalab culus oo la xiriira inuu ku dhawaaqo dhismaha maamulka Awdal State oo haatan si xooggan loogu ololeynayo.

Wasiirka howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya Ayuub Ismaaciil oo munaasabadda ka hadlay ayaa madaxweynaha gaarsiiyay farriin uu ka siday shacabka Awdal, wuxuuna ugu baaqay inuu tixgeliyo rabitaankooda, si ay u helaan maamul hoostaga dowladda dhexe.

“Waxaan rabaa mudane madaxweyne meeshan maanta ah ummadda Soomaaliyeed horteeda ah inaan adiga iyo xukuumadaada kaaga soo jeediyo farriin ka socota shacabka reer Awdal oo ah inaad u dhisto maamul hoostaga dowladda federaalka oo ah Awdal State” ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud.

Sidoo kale, waxaa codsigaan xoojiyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Cali Maxamed Geeddi oo isna hadalka qaatay, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu usoo jeesto arrimaha gobolka Awdal.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kaaga dhiman howlaha qiimaha badan oo ay waddo dowladda aad hoggaamineyso gobolka Awdal, codsi ayaana halkan laga soo jeediyay aniguna waa ayiday cid lagu dulmi maayee xaq waayay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.

Dhankiisa Faarax Macallin oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya, kana qay-galay munaasabadda ayaa sidoo kale madaxweynaha kula taliyay inuu aqoonsado Awdal State, isla markaana uu geeyo ciidanka Xoogga dalka.

“Madaxweyne gobolka Awdal aqoonso garab istaag u muuji ciidan qaranka ka socdana gay oo saldhiggiisa leh” ayuu isna yiri Faarax Macallin.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa xoogeysanayay ololaha ku aaddan sidii maamul loogu dhisi lahaa gobolka Awdal oo ay kasoo cusboonaaday xiisad u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka, waxaana gobolkaasi kusoo noq-noqday kacdoono iyo dibadbaxyo ay dhigayaan shacabka.

Koonfur Galbeed oo u gar dhigatay maamulka Waqooyi Bari

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Xidhibaan Cabdullahi Black oo kamid ah xubnaha ku metala Koonfur Galbeed Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay u gar dhigteen maamulka Waqooyi Bari, ayna doonayaan inay kala xaajoodaan dadkoodiii lagu dhibaateeyay magaalada Laascaanood.

Xildhibaanka oo ka qayb-galaya caleema saarka madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sheegay in wada-hadallo hordhac ah la galeen, isla markaana ay doonayaan in xal loo helo arrintaasi oo keentay in Laascaanood laga soo raafo dadkii kasoo jeeday Koonfur Galbeed, waxaana howlgalkaas horay u fulisay Somaliland.

“Annaga reer Koonfur Galbeed ayaa nahay, waana kasoo qayb-galnay caleema saarka, wax kala tabashada Soomaalida waa 40 sano jirsatay sababaha aan u nimid, isla markaana aan kala hadalna maamulka curdunka ah dadkiinii lagu dhibaateeyay Laascaanood” ayuu yiri Cabdullaahi Black.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay doonayaa in hantidii ay lahaayeen dadkaas dib loogu soo celiyo, isla markaana loo ogolaado deegaanka.

“Dadkaas waa dad Soomaaliyeed waxaana dhibaateeyay system-kii markaas jiray waxaan rabnaa in waxoodii loo soo celiyo eedda noocaas ahna eed qabato maha maamulka Waqooyi Bari” ayuu sii raaciyay.

Xildhibaan Black oo hadalkiisa sii wata aya si weyn ugu mahaceliyay shacaka iyo maamulka Waqooyi Bari oo uu ku amaanay sida ay uga shaqeynayaan midnimada dalka, oo ay usoo galeen dagaal adag.

“Magaalada Laascaanood waxaan kula kulanay dad Soomaaliyeed oo ay midnimadu u tahay waxa ugu wayn ee ay haystaan, ayna usoo halgameen” ayuu mar kale yiri Xildhibaanku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo la soo warinayo in madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu ka cudur daartay ka qayb-galka caleema saarka Firdhiye, iyada oo arrintaas lala xiriiriyay dadkii looga dhibaateeyay halkaasi.

Xogta dagaal culus oo ka dhacay Garoowe + Khasaaraha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa Puntland uu ka dhacay saldhigga dhexe ee Garoowe, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Dagaalka oo xoogganaa ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka wada tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ay weerareen saldhigga, waxaana kadib iska caabin ay kala kulmeen ciidamada Booliska ee gacanta ku hayay saldhigga Garoowe, halkaasn waxaa ka dhashay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada weerarka qaaday ayaa la sheegay inay daba socdeen laba nin oo saldhigga lagu soo xiray, iyaga oo doonayay in si xoog ah ay kusoo furtaan, hayeeshee waxaa dib u celiyay ciidankii sugayay amniga saldhigga dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Mudane Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo hadal siiyay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay hal askari, laguna dhaawacay laba kale, kuwaas oo kamid ahaa askartii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in haatan xaaladda ay dagan tahay, isla markaana ciidamadu ay dib ugu laabteen xarumahooda.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in xiisaddan ay ku baxeen saraakiisha laamaha amniga iyo odayaasha dhaqanka, si xal waar looga gaaro dagaalka.

“Ciidamada hadda dib ayay u noqdeen wixii qaldanaa waa la saxayaa odayaashii iyo saraakiishii dhammaan waa laga daba tegay wixii horay u dhacayna way u dhaceen wax dambeetana dhici maayaan, insha allah” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Nugaal oo ka warbixiyay dagaalkaasi.

Garoowe ayaa waxaa marar badan ka dhaca dagaallo ciidanka dhexdooda ah, kuwaas oo sababay khasaare soo gaaray shacabka iyo burbur hantiyeed.