27.3 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Xogta dagaal culus oo ka dhacay Garoowe + Khasaaraha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa Puntland uu ka dhacay saldhigga dhexe ee Garoowe, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Dagaalka oo xoogganaa ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka wada tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ay weerareen saldhigga, waxaana kadib iska caabin ay kala kulmeen ciidamada Booliska ee gacanta ku hayay saldhigga Garoowe, halkaasn waxaa ka dhashay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada weerarka qaaday ayaa la sheegay inay daba socdeen laba nin oo saldhigga lagu soo xiray, iyaga oo doonayay in si xoog ah ay kusoo furtaan, hayeeshee waxaa dib u celiyay ciidankii sugayay amniga saldhigga dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Mudane Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo hadal siiyay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay hal askari, laguna dhaawacay laba kale, kuwaas oo kamid ahaa askartii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in haatan xaaladda ay dagan tahay, isla markaana ciidamadu ay dib ugu laabteen xarumahooda.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in xiisaddan ay ku baxeen saraakiisha laamaha amniga iyo odayaasha dhaqanka, si xal waar looga gaaro dagaalka.

“Ciidamada hadda dib ayay u noqdeen wixii qaldanaa waa la saxayaa odayaashii iyo saraakiishii dhammaan waa laga daba tegay wixii horay u dhacayna way u dhaceen wax dambeetana dhici maayaan, insha allah” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Nugaal oo ka warbixiyay dagaalkaasi.

Garoowe ayaa waxaa marar badan ka dhaca dagaallo ciidanka dhexdooda ah, kuwaas oo sababay khasaare soo gaaray shacabka iyo burbur hantiyeed.

TRUMP oo yaboohay in uu dhex-dhaxaadiyo Itoobiya iyo…

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Jimcihii sheegay inuu diyaar u yahay inuu dib u soo nooleeyo dhexdhexaadinta Mareykanka ee u dhexaysa Masar iyo Itoobiya, si xal looga gaaro khilaafka mudada dheer soo jiitamayay ee salka ku haya qeybsiga biyaha webiga Niilka, kaas oo uu sii xumeeyay dhismaha biyo-xireenka weyn ee Itoobiya (GERD).

Dhambaal ku taariikheysan 16-ka Janaayo oo ku socday Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, ayuu Trump ku sheegay inuu doonayo in arrintan “hal mar la wada xalliyo.” Wuxuu ku dooday in aanay jirin dowlad si “keli ah u maamulan karta” kheyraadka Niilka, islamarkaana aanay “dhibaato u geysan karin dalalka deriska la ah.”

Trump ayaa uga mahadceliyay Al-Sisi doorkii uu ku lahaa xabad-joojintii Israa’iil iyo Xamaas, isagoo xusay in Masar ay dhabarka u ridatay culeysyo amni iyo mid bani’aadannimo oo culus tan iyo bishii Oktoobar 2023. Intaas kadib, Trump wuxuu u soo laabtay arrinta Niilka, isagoo sheegay in kooxdiisu ay fahamsan tahay muhiimadda dhexe ee webigu u leeyahay Masar iyo dadkeeda.

Wuxuu intaas ku daray in Washington ay gacan ka geysan karto sidii heshiis loo gaari lahaa, iyadoo la adeegsanayo khubaro farsamo, wada-hadallo daah-furan, iyo door adag oo Mareykanku ku leeyahay kormeerka iyo isku-xirka dhinacyada is-haya.

Trump ayaa soo bandhigay qaab-dhismeedka heshiiska oo ah in la damaanad qaado sii-deynta biyaha xilliyada abaaraha iyo sanadaha ay biyo-yaraantu jirto si loo badbaadiyo Masar iyo Suudaan, iyadoo dhanka kalena la abuurayo xaalado deggan oo Itoobiya u oggolaanaya inay dhaliso koronto “aad u badan.” Wuxuu soo jeediyay in qeyb ka mid ah korontadaas la siiyo, ama laga iibiyo, Masar iyo Suudaan.

Qoraalka ayuu Trump ku xusay in xallinta xiisaddan ay tahay “mudnaanta koowaad ee ajandihiisa.” Wuxuu ka digay, rajeeyayna in muranka Biyo-xireenka (DAM!) uusan horseedin colaad milatari oo weyn oo dhex marta Masar iyo Itoobiya.

Trump ayaa dhambaalkan ogeysiiyay dhowr hoggaamiye oo gobolka ah, oo ay ku jiraan Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, Madaxweynaha Imaaraadka Sheekh Maxamed bin Zaayid, Madaxweynaha Itoobiya Taye Atske Selassie, iyo Hoggaamiyaha Ciidamada Suudaan Cabdifataax Al-Burhaan.

Biyo-xireenka GERD ayaa ku yaalla Webiga Niilka Buluugga ah (Blue Nile), meel u dhow xadka Itoobiya ay la wadaagto Suudaan.

Itoobiya waxay ku doodaysaa in mashruucan uu muhiim u yahay helitaanka korontada iyo horumarka dalkeeda. Masar, oo inta badan biyaheeda macaan ka hesha webiga Niilka, ayaa biyo-xireenka u aragta khatar jiritaankeeda halis ku ah haddii aan la helin sharciyo adag oo lagu maamulo buuxinta iyo ka shaqaysiinta biyo-xireenka, gaar ahaan sanadaha abaaraha.

Itoobiya ayaa xarigga ka jartay biyo-xireenka bishii Siteembar 2025, waxayna sheegtay inuu gaaray awooddii ugu sarreysay ee dhalinta korontada oo dhan qiyaastii 5,150 megawatt, taas oo ka dhigaysa xarunta ugu weyn Afrika ee korontada laga dhaliyo biyaha.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa soo jiitamayay in ka badan toban sano iyadoo aan wax heshiis kama dambays ah la gaarin.

Midowga Afrika ayaa dhowr jeer hoggaamiyay wareegyo wada-hadal ah, murankuna wuxuu dhowr jeer gaaray Qaramada Midoobay. Masar ayaa bishii Diisambar 2023 sheegtay in wada-hadalladii ay mar kale fashilmeen, waxayna ka digtay inay xaq u leedahay difaaca amniga biyaheeda haddii waxyeello soo gaarto.

Yabooha Trump ayaa dib u soo nooleynaya dadaal fashilmay xilligii uu horey xilka u hayay, kadib markii Washington iyo Bankiga Adduunka ay martigeliyeen wada-hadallo horraantii 2020-kii, iyagoo soo saaray bayaan wadajir ah oo qeexayay meelaha la isugu imaan karo.

Ciidamada DF oo fashiliyay qarax ay Al-Shabaab ku diyaariyeen…

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa beegsaday deegaanka Ceel-waarikoow oo dhaca duleedka degmada Ceeldheer halkaas oo qarax miino ay ku diyaariyeen Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka ay ka feejignaayeen weerarka, isla markaana ay fashilayeen.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in kooxda ay damacsaneyd in qaraxa ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi, balse laga hortegay.

“Cadowga Khawaarijta ah oo miino si dhuumaaleysi ah ugu aasay deegaanka Ceel-waarikoow ee dhaca duleedka degmada Ceeldheer ayaa doonayay inay ku dhibaateeyaan shacabka wadada isticmaala, balse geesiyada is-garabsanayo ee Xoogga Dalka iyo xaq u dirirka ayaa si foojigan uga hortagay dhagarihii Cadowga ee ahaa dhibaateynta shacabka, waxayna ciidamada si feejigan ku soo saareen miino ay cadowga halkaa ku aaseen” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhawaan ayay aheyd markii ay Al-Shabaab qarxiyeen gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay deegaanka Kud-kudaaley ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay u dhinteen illaa 7 qof halka ay ku dhaawacmeen 4 kale.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u kordhayey weerarada qaraxyada ah ee ka dhaca waddooyinka muhiimka ah ee isku xira gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud oo ay weli ku xoogan yihiin Khawaarijta.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay isku fidineysay deegaanno kamid ah Galmudug iyo HirShabelle, halkaas oo ay weli ka socdaan howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Safiirrada saddex DAL oo gaaray Laascaanood + Video

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool gaaray safiirrada dalalka Turkiga, Sacuudiga iyo Suudaan, kuwaas oo ka qayb-galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya oo maanta ka dhaceysa halkaasi.

Wafuudan oo caalamiga ah oo ka duushay magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka Laascaanood kusoo dhaweeyay madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye iyo mas’uuliyiin kale oo ay kamid yihiin xildhibaanno iyo wasiirro ku sugan halkaasi.

Sidoo kale, waxaa xafladda caleema saarka oo dhaceysa saacadaha soo socda ka qayb-galaya wafuud kale oo ka socota Jabuuti iyo Kenya, kuwaas oo goor sii horreysay gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxaa kale oo xalay magaalada ku hoyday madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo shalay gaaray Waqooyi Bari, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay

Madaxweynaha oo durbo kulamo bilaabay ayaa qaabilay wafdiga ka socda dowladda Jabuuti, gaar ahaan Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, Mudane Mu’min Xasan Barre, Wasiirka Isgaarsiinta dalkaas, Mudane Ridwaan Cabdullahi Bahdoon iyo Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiintan la wadaagay abaalka taariikhiga ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan dowladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar weliba garab siiya Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay garab istaagga ay xilligan adag u fidiyeen Soomaaliya, gaar ahaan waqtiga adag ee difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka iyo taageerada aan dhammaadka lahayn ee ay la hareer joogaan xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna.

Dhankooda, Mas’uuliyiinta wafdiga Jabuuti ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guulaha diblomaasiyadeed ee ay kasoo hooyeen, ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, iyaga oo markale ku celiyay mowqifka aan leexleexadka lahayn ee Dowladda Jabuuti ee ku aaddan ilaalinta Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, ha’ahaatee booqashadan oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xog: Sacuudiga oo isbaheysi militari la dhisanaya Masar iyo Soomaaliya + Ujeedka

Riyadh (Caasimada Online) — Boqortooyada Sacuudiga ayaa wada-hadallo kula jirta dalalka Masar iyo Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan sameynta isbahaysi ciidan oo ujeedkiisu yahay xoojinta amniga Badda Cas. Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli uu sii kordhayo xifaaltanka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta ee ka socda Yemen iyo Geeska Afrika, sida ay werisay warbaahinta Bloomberg oo soo xiganeysa ilo xog-ogaal ah oo la socda arrimahaas. 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu dhowaan u safro Sacuudiga si loo soo gabagabeeyo qodobada heshiiska la soo jeediyay. Dowladaha Riyaad, Qaahira, iyo Muqdisho weli si rasmi ah uma xaqiijin wada-hadalladan, mas’uuliyiintuna ma shaacin nooca ballanqaadyada la isku weydaarsan doono.

Wada-hadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli awoodaha gobolku ay ugu loolamayaan saameynta marinka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kaas oo isku xira Kanaalka Suweys ee waqooyiga iyo marinka Baabul Mandab ee koonfurta. Xeebta dheer ee Soomaaliya iyo u dhowaanshaheeda marinnada badaha ee muhiimka ah ayaa sare u qaaday ahmiyadeeda istiraatiijiyadeed.

Xiisadda u dhaxeysa Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa cirka isku shareertay gudaha Yemen, halkaas oo labada dal ay horey isaga kaashadeen dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta balse ay markii dambe ku kala aragti duwanaadeen mustaqbalka koonfurta dalkaas. 30-kii December, Sacuudiga ayaa duqeeyay magaalada dekedda ah ee Mukalla, isagoo sheegay inuu beegsaday shixnad hub ah oo ka timid Imaaraadka kuna socotay Golaha Gooni-u-goosadka Koonfurta (STC). Imaaraadka ayaa beeniyay eedeyntaas.

Duqeynta kadib, Imaaraadku wuxuu sheegay inuu ciidamadiisa ka saarayo Yemen. Sacuudiga ayaa dhankiisa xoojiyay taageerada uu siiyo dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, wuxuuna ballanqaaday dhaqaale horumarineed oo cusub oo la siinayo gobollada koonfureed. Dhanka kale, STC oo muddo taageero ka helayey Abu Dhabi, ayaa iska fogeeyay wararka sheegaya inay kala dirayaan ciidankooda. Hoggaamiyahooda, Caydaruus Al-Zubaydi, ayaa weli ah shaqsi miisaan culus ku leh dhaqdhaqaaqaas.

Saameynta xiisaddan ayaa soo gaartay Geeska Afrika. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay laaleyso heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka, oo ay ku jiraan kuwa dekedaha, difaaca, iyo amniga, iyadoo ku eedeysay Abu Dhabi inay wiiqayso madaxbannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sidoo kale bilaabay baaritaan ku aadan eedeymo sheegaya in hawada iyo garoomada Soomaaliya loo adeegsaday safarka “siyaasi baxsad ah” — taas oo loola jeedo wararka sheegaya in Al-Zubaydi uu sii maray dhulka Soomaaliya xilli uu ku sii jeeday Imaaraadka.

Imaaraadka ayaa xiriir dhow la sameeyay maamul-goboleedyada Soomaaliya, wuxuuna maalgelin ballaaran ku sameeyay dekedaha iyo saadka. Shirkadda DP World ayaa sheegtay in howlaheeda dekedda Berbera ee Somaliland aysan saameyn ku yeelan go’aanka Muqdisho. Somaliland, Puntland, iyo Jubbaland ayaa diiday tallaabada dowladda federaalka, iyagoo muujiyay inay sii wadi doonaan la shaqeynta Abu Dhabi, taas oo sii iftiimineysa kala qeybsanaanta gudaha ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, ku dhawaaqistii Israa’iil ee 26-kii December ee aqoonsiga maamulka Somaliland ayaa sii hurisay xiisadda, taas oo keentay cambaareyn ka timid Soomaaliya iyo dhaleeceyn kaga timid hay’adaha Afrikaanka iyo kuwa Islaamka. Arrintaas ayaa sidoo kale sare u qaaday walaaca Qaahira iyo Riyaad ee ku aadan isbaheysiyo amni oo cusub oo ka sameysma Gacanka Cadmeed.

Danaha Masar ayaa si weyn ugu xiran amniga Kanaalka Suweys iyo marinada Badda Cas, warbixinnada gobolkuna waxay tilmaamayaan inuu jiro iskaashi dhow oo u dhexeeya Masar iyo Sacuudiga iyadoo nidaamka gobolku uu isbedelayo.

Imaaraadka oo agabkiisa militari kala baxay Muqdisho kadib maalmo lagu murunsanaa

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa billowday inay qalab iyo agab militari kala baxdo Soomaaliya, iyadoo saddex diyaaradood oo xamuul ah oo sida agabka dowladdaas ay Khamiistii ka duuleen Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo la socda hawlgalkan. 

Duulimaadyadan ayaa billow u ah tallaabo ballaaran oo Imaaraadku ku raranayo qalabkiisa caasimadda, kadib markii Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Isniintii laaleen heshiisyadii amni iyo kuwa difaac ee lala galay Imaaraadka. Ilo-wareedyadu waxay intaas ku dareen in la filayey laba diyaaradood oo kale inay Muqdisho yimaadaan Jimcihii shalay si loo soo gabagabeeyo hawlgalkan.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo kuwa duulista hawada ayaa sheegay in bixitaanka diyaaradaha ay ka dambeysay maalmo ay taagnayd xiisad la xiriirta habraacyada duulimaadka.

Hay’adaha Soomaaliya ayaa dalbaday dokumeentiyo, diiwaanka shixnadda (flight manifests), iyo oggolaansho rasmi ah ka hor inta aysan fasixin diyaaradaha. Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa markii hore ka cago-jiiday awaamiirta, balse markii dambe way u hoggaansameen oo gudbiyeen waraaqihii loo baahnaa.

Bixitaankan ayaa imaanaya kadib markii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay u codeeyeen inay laalaan dhammaan heshiisyadii amniga, difaaca iyo iskaashiga ee la xiriiray dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo. Dowladda ayaa tallaabadaas sabab uga dhigtay xadgudubyo culus oo lagu sameeyay madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada qaranka iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka.

Muqdisho ayaa muddo dheer diidanayd heshiisyada amniga iyo kuwa ganacsiga ee ay maamul-goboleedyadu la galaan shuraakada shisheeye iyadoo aan oggolaansho laga haysan dowladda dhexe, gaar ahaan kuwa khuseeya dekedaha istiraatiijiga ah ee Somaliland, Puntland iyo Jubaland.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa khilaafkan cusub la xiriiriyay baaritaan ay waddo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, kaas oo ku aaddan eedeymo sheegaya in hawada iyo dhulka Soomaaliya loo adeegsaday si aan sharci ahayn dhaqdhaqaaqa Caydaruus Al-Zubaydi, hoggaamiyaha Golaha KMG ah ee Koonfurta Yemen (STC), kooxdaas oo ah gooni-u-goosato uu taageero Imaaraadku.

Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama Yemen ayaa ku eedeeyay Al-Zubaydi inuu diiday awaamiirta ahaa inuu wada-hadal u tago Riyadh, beddelkeedna uu ciidamo u abaabulay dhanka Al-Dhaalica ee koonfur-galbeed Yemen. Afhayeenka Isbahaysiga, Janaraal Turki Al-Maaliki, ayaa markii dambe sheegay in Al-Zubaydi uu ka baxsaday magaalada Cadan isagoo sii maray badda, kadibna diyaarad kaga dhoofay gobolka, iyadoo Abu Dhabi ay u fududeysay inuu sii maro dhulka Soomaaliya.

Al-Maaliki ayaa sheegay in Al-Zubaydi iyo kaaliyeyaashiisu ay diyaarad raaceen “iyadoo ay kormeerayaan saraakiil Imaaraati ah.” Dhanka kale, kooxda STC ayaa beenisay sheegashadaas, iyagoo ku adkeysanaya in hoggaamiyahoodu uu weli ku sugan yahay Cadan.

Xumaanshiyaha xiriirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto xaalad diblomaasiyadeed oo cakiran. Bishii hore, Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo Soomaaliya ay diiday. Warar soo baxay oo soo xiganaya mas’uuliyiin Israa’iiliyiin ah ayaa sheegay in Abu Dhabi ay gacan ka geysatay fududeynta arrintaas, taas oo sii xumeysay xiriirka Muqdisho iyo Imaaraadka.

Imaaraadka ayaa xiriir qoto dheer oo dhaqaale iyo mid amni la yeeshay Somaliland, waxaana ka mid ah maalgashi dhan $442 milyan oo ay shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai ku horumarinayso dekedda Berbera. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Somaliland u aqoonsan qayb ka mid ah dhulkeeda caalamku aqoonsan yahay, waxayna dhowr jeer ka soo horjeesatay heshiisyada shisheeye ee aan oggolaanshaheeda la haysan.

Raritaanka muuqda ee qalabka Imaaraadka ee Muqdisho ayaa calaamad u ah sare u kac weyn oo ku yimid xiisadda iyo suurtagalnimada in Imaaraadku dib u habeyn ku sameeyo joogitaankiisa Soomaaliya, in kasta oo saameyntiisu ay weli xooggan tahay dhanka maamul-goboleedyada.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay weli diyaar u yihiin iskaashi caalami ah, balse shuruuddu tahay in la dhowro midnimada, madaxbannaanida iyo dastuurka Soomaaliya — mowqifkaas oo hadda wajahaya imtixaan adag maadaama mid ka mid ah saaxiibada ugu saameynta badan ee Muqdisho uu dib u guranayo.

Xasan oo qaabilay wafdiga ay Jabuuti u dirtay Laascaanood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa halkaas kula kulmay wafdi culus oo ka socda dalka Jabuuti, kaas oo ka qayb-galaya caleema saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari.

Kulanka ayaa ka dhacay hoyga uu madaxweynaha ka degan yahay magaalada Laasacaanood, halkaas oo ay isku arkeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, Mudane Mu’min Xasan Barre, Wasiirka Isgaarsiinta dalkaas, Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Ugu horreyn Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta Jabuuti la wadaagay abaalka taariikhiga ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan dowladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar weliba garab siiya Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay garab istaagga ay xilligan adag u fidiyeen Soomaaliya, gaar ahaan waqtiga adag ee difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka iyo taageerada aan dhammaadka lahayn ee ay la hareer joogaan xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna.

Dhankooda, Mas’uuliyiinta wafdiga Jabuuti ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guulaha diblomaasiyadeed ee ay kasoo hooyeen, ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, iyaga oo markale ku celiyay mowqifka aan leexleexadka lahayn ee Dowladda Jabuuti ee ku aaddan ilaalinta Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu isla xalay madaxweynuhu la yeeshay odayaasha dhaqanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo kala hadlay adkeynta midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isimida ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin mideynta bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in midnimada iyo wadajirku ay saldhig u yihiin dowladnimo iyo horumar.

Si kastaba, ha’ahaatee Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Muxuu Xasan Sheekh caawa kala hadlay isimada Waqooyi Bari? + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa odayaasha dhaqanka kala hadlay adkeynta midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Xasan Sheekh ayaa Isimida ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin mideynta bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in midnimada iyo wadajirku ay saldhig u yihiin dowladnimo iyo horumar.

Dhankooda, oddayaasha dhaqanka ee uu la kulmay madaxweynahu ayaa ku bogaadiyey dadaalka uu ku bixiyey dhismaha maamulka Waqooyi Bari.

Sidoo kale waxay muujiyeen dareen Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, sida lagu yiri qoraal ay soo saartay Villa Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa.

Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Waqooyi Bari waxa uu kulmmo la qaadan doonaa hoggaanka iyo hormuudka Waqooyi Bari, si loo xoojiyo nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad-dhiska.

Puntland oo hanjabaad culus kasoo saartay ciidankii tagay Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa si adag uga hadlay ciidamo ka tirsanaa maamulka oo tagay magaalada Laascaanood, isaga oo dalbaday in hubkii ay wateen dib loogu soo celiyo Puntland.

Taliska ayaa ku eedeeyay ciidamadan oo haatan ku sugan Laascaanood, inay faraha la galeen arrimo siyaasadeed, isla markaana aysan xaq u lahayn inay sii haystaan ama si qaldan u adeegsadaan hubka maamulka Puntland.

“Dowladda Puntland waa in loo soo celiyaa hantideedii iyo hubkeedii. Haddii iyagu qof ahaan ay doonayaan inay kusoo laabtaan ciidankoodii, way kusoo laaban karaan, balse hubkaasi waa hanti ay leeyihiin Dowladda Puntland iyo dadkeedaba,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo xusay inay sharciga la tiigsanayaan ciidankaasi.

Hadalka Taliyaha ayaa imanaya maalin kaddib markii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ay sheegtay in cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Janaraal Jimcaale Jaamac Takar ay gaareen magaalada Laascaanood si ay uga qayb qaataan sugidda amniga.

Ciidamadan oo muddooyinkii u dambeeyay deggenaa duleedka magaalada Garoowe ayaa Arbacadii soo galay Laascaanood, iyaga oo wata gaadiid dagaal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ciidamadaas ku tilmaantay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo loo xil saaray sugidda amniga guud iyo diyaargarowga soo dhoweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Dhinaca kale, Madaxweyne Firdhiye oo Laascaanood kula kulmay ciidamada uu hoggaaminayo Janaraal Jimcaale Jaamac Takar, ayaa ku ammaanay kaalintii ay ka qaateen dagaalladii magaalada lagaga saaray ciidamadii Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu ciidamada faray inay u dhaqaaqaan jiidaha gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Guumeys iyo nawaaxigiisa, isaga oo sheegay inaysan cidna duullaan ku ahayn, balse looga baahan yahay inay sugaan nabadgelyada, isla markaana ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo ku kacda falal xadgudub iyo nabadgelyo-darro.

Magaalada Laascaanood ayaa maalinta berri ah martigelinaysa munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha iyo maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya, iyadoo caawa ay magaalada ku hoydeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo maamullada dalka.

South Sudan oo caddeysay mowqifkeeda aqoonsiga Somaliland

0

Juba (Caasimada Online) – Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa ku dhawaaqday inay garab taagan tahay midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Koonfurta Suudaan ayaa ayiday mowqifyada ay qaateen Midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD, kuwaas oo si adag uga horyimid xadgudub kasta oo lagu kala goynayo Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfurta Suudaan ayaa lagu caddeeyay in dalkaasi uu si buuxda ula jaanqaadayo go’aannada Midowga Afrika iyo IGAD ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa xusay in dowladda Koonfurta Suudaan ay mar kale adkaynayso ballanqaadkeeda ku aaddan dhowrista midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la tixraacayo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Sidoo kale, bayaanku wuxuu tilmaamay in mowqifkan uu waafaqsan yahay axdiyada iyo heshiisyada heer gobol iyo heer caalami, gaar ahaan Axdiga Aasaaska Midowga Afrika iyo xeerarka caalamiga ah.

Bayaankan ayaa imanaya xilli ay si isa soo taraysa u kordhayaan falcelinta iyo mowqifyada dalalka gobolka iyo kuwa caalamka ee la xiriira arrinta Somaliland iyo doodaha ka dhashay aqoonsiga ay sheegtay inay ka heshay Israa’iil.

Israa’iil ayaa 26-kii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Arrintan ayaa Israa’iil ka dhigtay dalkii ugu horreeyay ee tallaabadan qaada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xidhay qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diidday go’aankaas, iyadoo ku tilmaantay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Dowladdu waxay sheegtay inay dagaal diblomaasiyadeed adag kula jirto aqoonsiga Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Wafdi sare oo ka socda Jabuuti oo ku hoyanaya Laascaanood + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wafdi sare oo ka socda dowladda Jabuuti ayaa maanta soo gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jabuuti, Muumin Xasan Barre ayaa Laascaanood u yimid ka qayb-galka munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Firdhiye.

Sidoo kale, wafdigan waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Jabuuti, Ridwaan Xirsi Bahdoon, xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya, Amb. Maxamed Rashiid.

Wafdigan ayaa si heer sare ah garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Firdhiye, iyo mas’uuliyiin kale.

Laascaanood waxaa caawa ku hooyanaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kuwaas oo gelinkii dambe ee maanta gaaray xarunta Maamulka Waqooyi Bari, halkaas oo ay ka dhacayso caleemo-saarka Madaxweyne Firdhiye.

Amniga magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo magaalada la geliyay bandow, isla markaana muddo 48 saacadood ah la hakiyay isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee gudaha magaalada.

Sidoo kale, ciidamada ku sugan xuduudaha Maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu amray inay joojiyaan gaadiidka ka baxaya iyo kuwa soo galaya xarunta maamulka ee Laascaanood.

Magaalada waxaa sidoo kale haatan ku sugan wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, mas’uuliyiin hore oo xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Dagaal ka dhacay Mandheera kadib weerar lagu qaaday…

0

Mandheera (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa ka dhacay ismaamulka Mandheera ee waqooyi-bari Kenya, kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku guda jiray howlgal amni.

Saraakiil amni ayaa sheegay in dagaalku uu billowday markii ciidamada Kenyan-ka ah ay Al-Shabaab ku qaadeen weerar gaadmo ah, xilli ay marayeen meel u dhow xarun ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka.

Weerarkaasi ayaa sababay is-rasaaseyn xooggan, taas oo keentay in goobta loo daabulo ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan booliska hubeysan ee Kenya, si ay u xoojiyaan kuwii roondada ku jiray.

Intii uu socday iska horimaadka, waddooyinka ku dhow halka uu dagaalku ka dhacay ayaa si ku-meel-gaar ah loo xiray, iyadoo tallaabadaasi lagu tilmaamay mid looga hortagayo khataro amni.

Saaka oo Jimce ah ayaa dib loo bilaabay isu-socodka gaadiidka iyo dhaq-dhaqaaqa shacabka, kaddib markii la xaqiijiyay in ammaanka deegaanka si buuxda loo sugay.

Dhacdadan kaddib, dowladda Kenya ayaa gelisay heegan buuxa dhammaan ciidamada ammaanka ee ku sugan Mandheera iyo agagaarkeeda, iyadoo xog sirdoon ay muujisay dhaqdhaqaaqyo kordhay oo Al-Shabaab ay ku beegsanayaan saldhigyo ciidan, roondooyin iyo gaadiid rakaab ah.

Dalka Kenya, gaar ahaan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Waqooyi-bari, waxaa inta badan ka dhaca weerarro gaadmo ah oo qaarkood lagu beegsado xarumaha ciidamada dowladda Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay kordhin doonto weerarrada, haddii dowladda Kenya aysan kala bixin ciidamadeeda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Laascaanood + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Laascaanood si weyn ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin heer federaal, heer dowlad-goboleed, Isimada dhaqanka, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda qeyb ka ahaa madax dalka xilal kala duwan kasoo qabatay iyo hoggaanka ciidamada booliiska iyo nabad-sugidda.

Xasan Sheekh ayaa ka qayb-galaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), taas oo ka qabsoomaysa magaalada Laascaanood.

Amniga magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo magaalada la geliyay bandow, isla markaana muddo 48 saacadood ah la hakiyay isu-socodka gaadiidka iyo dadka gudaha magaalada.

Sidoo kale, ciidamada ku sugan xuduudaha Maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu amray inay joojiyaan gaadiidka ka baxaya iyo kuwa soo galaya xarunta maamulka ee Laascaanood.

Magaalada waxaa haatan ku sugan wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, mas’uuliyiin hore oo xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Laascaanood ayaa kusoo aadayo, xilli haatan ay si weyn iskugu dhacsan yihiin Dowladda Federaalka iyo Somaliland, sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa haatan doonaya in beesha caalamka uu Laascaanood uga diro farriin ku aaddan in Dowladda Federaalka ay maamusho qaybo ka mid ah gobollada Waqooyi ee ay Somaliland sheegato, xilli ay midnimada dalka duulaan qaawan kusoo qaaday Israa’iil.

R/Wasaare Xamza oo ka degay Laascaanood + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xamza ayaa ka qayb-galaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), taas oo ka qabsoomi doonta magaalada Laascaanood.

Amniga magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo magaalada la geliyay bandow, isla markaana muddo 48 saacadood ah la hakiyay isu-socodka gaadiidka iyo dadka gudaha magaalada.

Sidoo kale, ciidamada ku sugan xuduudaha Maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu amray inay joojiyaan gaadiidka ka baxaya iyo kuwa soo galaya xarunta maamulka ee Laascaanood.

Shacabka magaalada ayaa lagu boorriyay inay muujiyaan dulqaad iyo wada-shaqeyn, maadaama ay martigelinayaan madaxda qaranka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb-galaya munaasabadda caleemo-saarka.

Magaalada waxaa haatan ku sugan wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, mas’uuliyiin hore oo xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, magaalada waxaa ku sugan ciidamo kala duwan oo isugu jira kuwa Dowladda Federaalka, qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo ciidamo kale, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeynaya sugidda amniga guud, si jawi degan ugu qabsoonto munaasabadda caleemo-saarka.

DF Soomaaliya oo qorshaynaysa maamul cusub oo laga dhisayo gudaha Somaliland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in maamul cusub laga hirgeliyo gobolka Awdal, kaas oo si toos ah u hoos imanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qorshahan ayaa loo arkaa mid saameyn siyaasadeed iyo mid amni ku yeelan kara Somaliland, oo hore looga sameeyay Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlayay magaalada Laascaanood ayaa xaqiijiyay in qorshuhu weli socdo, isla markaana ay ku lug leeyihiin dhinacyo kala duwan.

Inkastoo qorshahan uu wajahayo diidmo iyo walaac ay muujiyeen qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, kuwaas oo ka cabsi qaba cawaaqib amni iyo siyaasadeed oo ka dhalan kara, haddana Dowladda Federaalka ayaa u aragta muhiimad gaar ah in maamulka Somaliland laga sameeyo maamullo toos ugu xiran dowladda dhexe.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha maamulka Awdal loo mari doono hannaan la mid ah kii hore loogu dhisay qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka, oo ugu dambeeyay maamulka Waqooyi Bari.

Dhanka kale, magaalada Saylac ayaa noqotay bartamaha is-qabqabsiga, maadaama ay tahay goob istaraatiiji ah oo ay ku loollamayaan dalal danaynaya saameynta Khaliijka Cadmeed.

Wararku waxay tilmaamayaan in dalal badan ay doonayaan inay halkaas ka helaan door istaraatiiji ah, taas oo sii kordhinaysa xiisadda iyo cadaadiska ka taagan gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysatay in magaalada Laascaanood laga dhiso maamulka Waqooyi Bari, kaasi oo soo afmeeray joogitaankii Somaliland ee gobolka Sool.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa ka soo farcamay maamulka KMG ahaa ee SSC-Khaatumo oo la sameeyay bishii August 2023, iyada oo muddadaas labada sano ahayd la qabtay wadatashiyo, shirar ballaaran iyo qorista dastuur ku-meel-gaar ah, taas oo ugu dambeyntii dhashay maamul goboleed rasmi ah.

Maamulkan ayaa waxaa haatan hoggaamiya Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari. Ninkan oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada ayaa si weyn ugu xiran dowladda dhexe.

Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka riixaysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku laheyd doorashadii hoggaanka Waqooyi Bari, waxaana haatan lagu caleemo saaraya magaalada Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa hadda ku sugan wafuud kala duwan oo ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada dalka, kuwaas oo ka qeyb-galaya caleemo-saarka madaxweynaha Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Firdhiye.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sidoo kale ka qeyb-galaya munaasabadda caleemo-saarka, iyadoo socdaalkooda kusoo aadayo xilli ay si weyn iskugu dhacsan yihiin dowladda federaalka iyo Somaliland, sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Hargeysa.

Xuutiyiinta oo hanjabaadii ugu cusleyd u diray Somaliland oo xiriir la sameysay Israel

0

Sanca (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Ansarullah (Xuutiyiinta) ee Yemen, Cabdul-Malik Al-Xuutii ayaa Khamiistii jeediyay digniin adag oo ka dhan ah joogitaanka Israa’iil ee Somaliland, isaga oo sheegay in kooxdiisu ay beegsan doonto goob kasta ama saldhig kasta oo Israa’iil halkaas ka samaysato.

Hadalkan ayaa daba socda dhawaaqa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee uu ku aqoonsaday Somaliland inay tahay “dal madax-bannaan,” halka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar uu booqasho ku tegay Hargeysa.

Al-Xuutii ayaa khudbaddiisa ku xusay in Israa’iil ay muddo dheer doonaysay inay yeelato saameyn iyo saldhigyo ku yaalla Geeska Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalida, isagoo arrintaas ku sababeeyay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Bab-al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tallaabooyinkaas ay khatar ku yihiin amniga Yemen iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

“Arrinta ka taagan Somaliland si toos ah ayay noo quseysaa, waana khatar amni oo nala soo wajahday, mana ka aamusayno,” ayuu yiri Al-Xuutii, isaga oo tilmaamay in ay si dhow ula socon doonaan dhaq-dhaqaaqa Israa’iil, isla markaana tallaabadoodu aysan ku koobnaan doonin hadallo oo keliya.

Sidoo kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil uu booqashada Somaliland ku tegay si qarsoodi ah, isagoo sii maray Itoobiya, arrintaas oo ay ku fasireen cabsi uu ka qabo jawaabta Yemen.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Dowladda ayaa dagaal adag la gashay aqoonsiga Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Magaalada Laascaanood oo bandow lagu soo rogay iyo amarro culus oo soo baxay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari ayaa soo saaray amawiir cusub oo lagu xoojinayo amniga xilli ay maanta magaaladu sugayso imaatinka madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magaalada ayaa la galiyay bandow, iyadoo in muddo 48 saacadood ah la hakiyay isu-socodka gaadiidka iyo dadka gudaha magaalada Laascaanood.

Sidoo kale ciidamada ku sugan xuduudaha Maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu amray inay joojiyaan gaadiidka ka baxaya iyo kuwa soo galaya xarunta maamulka ee Laascaanood.

Shacabka magaalada ayaa lagu boorriyay inay muujiyaan dulqaad iyo wada-shaqeyn, maadaama ay martigelinayaan madaxda qaranka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku wajahan Laascaanood.

Dhanka kale, magaalada waxaa ku sugan wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, masuuliyiin hore oo xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Magaalada Laascaanood ayaa haatan waxaa ku sugan ciidamo kala duwan oo isugu jira kuwa Dowladda Federaalka, qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo ciidamo kale, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeynaya sugidda amniga guud.

Hoggaamiyaha Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) oo markii hore KMG ahaa ayaa mar kale dib loogu doortay xilka Madaxweynaha, kadib doorasho sanadkii hore ka dhacday Laascaanood, taas oo lag dhammeystiray maamulkan oo aqoonsi buuxa ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ninkan ayaa toos ugu xiran Villa Somalia, wuxuuna horay ugu biiray Xisbiga uu dhisay Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP, isagoo taageeradaas ku caana maalay, maadaama uu mar kale ku guuleystay inuu sii hogaamiyo maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Si kastaba, safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Laascaanood ayaa kusoo aadayo, xilli haatan ay si weyn iskugu dhacsan yihiin Dowladda federaalka iyo Somaliland, sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Hargeysa.

Masar oo ku dhaqaaqday qorshe ay uga hortageyso damaca Israa’iil ee Soomaaliya

Muqdisho (Somalia Today) — Dowladda Masar ayaa ballaarisay, dib-u-habeynna ku sameysay hawlgalkeeda amni ee Soomaaliya kadib markii Israa’iil ay aqoonsatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah qorshaha Qaahira ee Geeska Afrika ayaa sheegay in hadda ujeeddada ugu weyn ee Masar ay tahay ilaalinta dowladda federaalka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo halista ay wajaheyso Soomaaliya. 

Tallaabadii Israa’iil ee 26-kii Diseembar — taas oo noqotay aqoonsigii ugu horreeyay ee Somaliland hesho tan iyo markii ay ku dhawaaqday madax-bannaanida 1991-kii — ayaa dhalisay caro degdeg ah oo ka timid Muqdisho, iyadoo dowladda federaalku ay ku tilmaamtay xadgudub qaawan oo lagu sameeyay madax-bannaanida dalka, waxayna abaabushay isbaheysi goboleed si wadajir ah loogu diido go’aankaas.

Saraakiisha Masar ayaa ka cabsi qaba in aqoonsigani uu Israa’iil u sahlo inay saldhig waara ka sameysato Gacanka Cadan, oo u dhow marinka istiraatiijiga ah ee Baabul Mandab ee isku xira Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Sidoo kale, Qaahira waxay walaac ka muujisay in Israa’iil ay saameynteeda Somaliland u adeegsato inay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Itoobiya, xilli ay Masar weli ku jirto khilaaf daba-dheeraaday oo kala dhexeeya Addis Ababa, kaas oo salka ku haya biyaha webiga Niil.

Inkasta oo Masar ay hawlgalkeeda Soomaaliya ku tilmaamtay mid lagu taageerayo la-dagaallanka argagixisada iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah, haddana ilo-wareedyadu waxay xaqiijinayaan in Qaahira ay wax ka beddeshay ujeeddooyinka hawlgalka, isla markaana ay ciidamadeeda u qaybisay qaab la jaanqaadaya ahmiyadaha cusub.

Masar iyo Soomaaliya midna ma shaacin tirada rasmiga ah ee ciidamada iyo faahfaahinta hawlgallada, taas oo adkeynaysa in si madax-bannaan loo xaqiijiyo.

Masar ayaa si rasmi ah u xoojisay iskaashiga ay la leedahay Muqdisho laga soo bilaabo 2024. Madaxtooyada Masar ayaa caddeysay inay sii wadi doonto taageerada milateri ee ku saleysan heshiiskii la saxiixay 14-kii Agoosto, 2024, kaas oo isugu jira tababar, hubayn iyo isku-xirka la-dagaallanka argagixisada.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa iyaguna ka digay in aqoonsiga Somaliland uu hurin karo xiisado cusub. Kulan ay yeesheen Golaha Amniga, ayaa xubnaha badankood waxay ku nuux-nuuxsadeen ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo ka digay tallaabo kasta oo xasillooni-darro ku abuuri karta gobolka.

Doorka sii kordhaya ee Masar ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay ku tiirsan tahay taageerada amniga caalamiga ah si ay ula dagaallanto Al-Shabaab, una xasiliso deegaannada la xoreeyay. Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa war-murtiyeed soo baxay 15-kii Diseembar ku xaqiijiyay madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo faahfaahiyay waajibaadka hawlgalka cusub ee xasilinta ee Midowga Afrika, inkastoo ay walaac ka muujiyeen dhaqaalaha.

Falanqeeyayaasha qaar ma aaminsana in khilaafka Somaliland uu sababi doono iska horimaad toos ah oo dhex mara Masar iyo Israa’iil. Hase yeeshee, ilo-wareedyadu waxay sheegayaan in Masar ay u aragto khatarta dhabta ah inay tahay dib-u-habeyn istiraatiijiyadeed oo si tartiib-tartiib ah uga socota marin-biyoodka ay buux-dhaafiyeen danaha iska soo horjeeda — iyo suurta-galnimada in cadaadis dibadda ah uu sii wiiqo Muqdisho xilli xasaasi ah.

Soomaaliya, hadafka ugu weyn ee xilligan waa in la xaqiijiyo in caalamku ka soo horjeesto aqoonsigaas, iyadoo laga hortagayo in khilaafku isku beddelo dhibaato amni oo ballaaran.

Xog: Maxay ka wada-hadleen Cirro iyo wasiiro Carbeed?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa sheegeysa in horraantii bishan ayaa ay wada-hadallo xasaasi ah oo dhanka telefoonka ah ay dhexmareen Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee labo dal oo Carbeed.

Xogtan, oo laga soo xigtay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Madaxtooyada Somaliland, ayaa xaqiijinaysa in ujeeddada xiriirkan ay ahayd sidii madaxweynaha loo hordhigi lahaa qorshayaal cusub oo la xiriira xaaladda cakiran ee gobolka Geeska Afrika.

Saraakiisha aan xogta ka helnay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Cirro uu si cad oo aan leex-leexad lahayn u diiday inuu wax wada-hadal ah ka galo qodobka ku saabsan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Madaxweynaha ayaa Wasiirrada u sheegay in xiriirka iyo iskaashiga Israa’iil uu yahay “Go’aan Qaran” oo xirmay, isla markaana uusan ka mid ahayn mawduucyada miiska saaran ee gorgortanka laga geli karo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa qeexay mowqifka adag ee Hargeysa ee ku wajahan wada-hadal kasta oo mustaqbalka dhaca oo ay la yeeshaan dowladda federaalka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in cid kasta oo doonaysa inay la macaamisho Somaliland looga baahan yahay inay marka hore u aqoonsato sidii dowlad madax-bannaan oo buuxda, isagoo meesha ka saaray in Somaliland loola dhaqmo sidii maamul ka tirsan Soomaaliya.

Wada-hadalladan ayaa qayb ka ah dadaallo diblamaasiyadeed oo uu hormuud ka yahay Sacuudiga, kuwaas oo lagu doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo Soomaalida si looga hortago in saameyn ciidan oo Israa’iil leedahay ay soo gasho dhulka Soomaaliyeed ama Badda Cas.

Inkasta oo qodobka Israa’iil la isku mari waayay, haddana wadahadalka ayaa ku soo idlaaday is-faham guud oo ah in albaabada loo furnaado, dibna la isugu soo laabto si loo sii ambaqaado wadahadalka ku saabsan xasilloonida gobolka.

Xiriir aan la sameynay dhanka Dowladda Federaalka ah si aan wax uga waydiino halka ay marayaan dadaallada Sacuudiga ayaa sii xoojiyay inuu socdo olole heer gobol ah oo lagu qancinayo Somaliland.

Trump oo wacad ku maray in uu jinsiyadda kala noqon doono Soomaalida lagu…

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay in xukuumaddiisu ay qaadi doonto tallaabooyin lagu laali karo dhalashada muwaadiniin Mareykan ah oo asal ahaan soo-galooti ah, haddii lagu helo dambiyo la xiriira khiyaano.

Trump ayaa tusaale u soo qaatay dadka ka yimid Soomaaliya, isagoo hadalkan ka jeediyay kulan ay soo qaban-qaabisay Detroit Economic Club, halkaas oo uu ku adkeeyay in cid kasta oo lagu helo dambiyo khiyaano ah ay wajihi doonto xabsi, isla markaana laga saari doono dalka.

“Qofkii u yimaada Mareykanka inuu khiyaameeyo shacabka, waan xiraynaa, kadibna waan ku celinaynaa halkii uu ka yimid,” ayuu yiri Trump.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynuhu sii xoojinayo doodda ku saabsan eedeymo musuqmaasuq iyo khiyaano la xiriira barnaamijyo dowladeed oo lagu taageero daryeelka carruurta iyo cuntooyinka la kabay.

Madaxweyne Trump ayaa si gaar ah u xusay gobolka Minnesota, oo ay deggen yihiin Soomaali-Mareykan tiro badan. Deegaanka Twin Cities ayaa hoy u ah bulshada Soomaaliyeed ee ugu weyn ee Mareykanka ku nool.

Hay’adaha federaalka iyo kuwa gobollada ayaa wali wada baaritaanno la xiriira eedeymahaas, hase yeeshee ilaa hadda lama shaacin wax natiijo rasmi ah oo dhammeystiran.

Iyadoo baaritaannadu socdaan, haddana maamulka Trump ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay qaybo ka mid ah maalgelinta federaalka ee barnaamijyada daryeelka carruurta ee shan gobol, kuwaas oo ay maamulaan Dimuqraadiyiin.

Gobolladaasi oo kala ah California, Colorado, Illinois, Minnesota iyo New York ayaa tallaabadaas ka dhan ah u gudbiyay dacwad maxkamadeed, iyagoo ku andacoonaya inay ka hor imanayso sharciga federaalka.

Garsoore federaal ah ayaa toddobaadkii la soo dhaafay soo saaray amar si ku-meel-gaar ah u joojinaya go’aankaas, inta ay dacwadda socoto.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan horey u adeegsaday hadallo ku saabsan waxa uu ku tilmaamay dambiyo iyo khiyaano ay ku lug leeyihiin muhaajiriin, si uu u difaaco adkeynta siyaasadaha socdaalka.

Dhaliilayaal ayaa sheegaya in eedeymahaasi badankood aysan ku saleysneyn caddeyn dhameystiran, isla markaana ay si gaar ah u beegsanayaan bulshooyinka soo-galootiga ah.

Cilmi-baarisyo kala duwan ayaa muujiyay in muhaajiriintu guud ahaan ka hooseeyaan dadka Mareykanka ku dhashay marka la eego ku lug lahaanshaha dambiyada rabshadaha wata.