26.1 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Putin oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya

0

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacowday dalkaas, Maxamed Abuukar Zubayr.

Danjire Maxamed Abuukar ayaa qayb ka ahaa danjirayaal badan oo maanta lagu maamuusay aqalka Kremlin-ka ee dalka Ruushka looga taliyo.

Safiirka oo qoraal soo saaray ayaa tilmaamay in maanta ay astaan u tahay marxalad muhiim ah, isla markaana ka tarjumaysaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta xiriir laba-geesood ah oo ku dhisan ixtiraam, is-faham, iyo iskaashi wax-ku-ool ah.

“Waxaan rajaynayaa in aan si daacad ah uga shaqeeyo xoojinta iskaashigeenna, ballaarinta meelaha ay danaheena wadajirka ahi ka dhexeeyaan, iyo horumarinta is-faham iyo wada-shaqayn qoto dheer oo u dhexeysa labada dal,” ayuu yiri Danjire Maxamed Abuukar.

Ruushka iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir saaxiibtinimo oo muddo dheer ah, waxaana Danjire Maxamed Abuukar uu kaalin ka qaadanayaa in la horumariyo danaha iskaashiga labada dal waqtigan.

Hoos ka aqriso qoraalka Danjiraha oo dhameystiran:

Maanta waxa ay astaan u tahay marxalad muhiim ah oo ka mid ah sooyaalkeyga diblomaasiyadeed, anigoo helay sharafta weyn ee aan warqadaha aqoonsiga (Letters of Credence) ugu gudbiyay Madaxweynaha Dalweynaha Ruushka, Mudane Vladimir Putin.

Waxaan si qoto dheer ka mahadcelinayaa soo dhoweyntii diirranayd ee la ii sameeyay iyo fursadda qaaliga ah ee la i siiyay si aan dalkeyga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu matalo xilkan muhiimka ah.

Tani waxa ay muujinaysaa kalsoonida la igu qabo, isla markaana ka tarjumaysaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta xiriir laba-geesood ah oo ku dhisan ixtiraam, is-faham, iyo iskaashi wax-ku-ool ah.

Xilli ay isbeddel ku socdaan duruufaha caalamiga ah, isla markaana ay dunidu wajahayso isbeddello ku yimid danaha istaraatiijiyadeed, isbahaysiyada soo ifbaxaya, iyo masuuliyadaha wadajirka ah, wada-hadal iyo iskaashi dhex mara dalalka ayaa noqday kuwo ka sii muhiimsan sidii hore.

Waxaan rajaynayaa in aan si daacad ah uga shaqeeyo xoojinta iskaashigeenna, ballaarinta meelaha ay danaheena wadajirka ahi ka dhexeeyaan, iyo horumarinta is-faham iyo wada-shaqayn qoto dheer oo u dhexeysa labada dal.

Anagoo adeegsanayna diblomaasiyad iyo wada-tashi, waxaan aaminsanahay in aan si wadajir ah uga gudbi karno caqabadaha jira, isla markaana aan ka shaqayn karno mustaqbal xasilloon oo barwaaqo leh oo u dan ah shucuubteenna.

Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa dhammaan intii igu garab istaagtay sooyaalkaan. Dhiirrigelintiinna iyo hagiddiinna waxa ay ahaayeen kuwo qiimo weyn leh.

Sidoo kale, waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kalsoonida iyo sharafta uu i siiyay, iguna aaminay xilkan mudnaanta leh.

AUSSOM oo war kasoo saartay howlgal lagu dilay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 30 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM iyo saaxiibadooda caalamiga ah.

Howl-galka ayaa ka dhacay deegaanka Bulunagaad ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Bayaan kasoo baxay AUSSOM ayaa lagu sheegay in bartilmaameedka howl-galka ay ahaayeen dagaalyahanno Al-Shabaab ah oo ku sugnaa nawaaxiga saldhigga hore ee ciidamada ee Bulunagaad, iyadoo taageero cirka ah laga helay diyaarado dagaal.

Ciidamada huwanta ayaa galay dagaallo xooggan, kuwaas oo isugu jiray weerarro dhulka ah iyo duqeymo cirka ah.

AUSSOM waxay bayaan ku tiri in isku-xirnaanta weerarrada cirka iyo dhulka ay sababtay in ka badan 30 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah in la dilo, halka tiro kalena lagu dhaawacay.

Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay horay u qaadeen weerarro ka dhan ah ciidamada SNA iyo AUSSOM, xilli ay socdeen howlgallo lagu daba-joogay kooxaha harsan ee Al-Shabaab ee laga saaray magaalada Gendershe iyo deegaannada ku dhow wadada Jilib–Marka.

Howl-galladan ayaa dhammaantood qeyb ka ah ololaha ay hoggaaminayaan ciidamada dowladda ee loo yaqaan “Operation Hidden Sword”.

Sidoo kale, AUSSOM ayaa sheegtay in ciidamada Soomaaliya, AUSSOM iyo saaxiibadoodu ay si degdeg ah uga hortageen khataraha argagixisada ee ku wajahnaa ciidamada ammaanka iyo shacabka deegaanka.

Ugu dambayn, AUSSOM waxay mar kale adkaysay in ciidamada huwanta ay mudnaanta siinayaan badbaadinta rayidka, xasilloonida amniga, iyo hubinta in gargaar bani’aadannimo iyo sahay logistik ah ay si ammaan ah ku gaaraan bulshooyinka ay saameeyeen dagaalladu.

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka socda howl-gallo culus oo Dowladda Federaalka sheegtay in jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana guulo waaweyn laga gaaray howl-galadii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolkaas.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dileen Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeeda, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxayna illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah.

Waqooyi Bari oo soo bandhigtay cudud ciidan iyo hub culus + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo bandhigay cudud ciidan iyo gaadiidka dagaalka oo noocyo kala duwan ah, xilli uu Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi kormeer ku tegay aagga Guumays.

Wasiir Fiqi ayaa ciidamada kula dardaarmay adkaynta nabadda, ilaalinta midnimada, wadajirka dalka, iyo ka hortagga faragelin kasta oo shisheeye oo lagu doonayo kala-goynta Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay feejignaanta amni iyo u diyaargarowga difaaca qaranka.

“Waxaan aad ugu farxay iina soo jiitey in Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ay ka babanayaan Guumays oo dhowr sano ka hor laga diidanaa,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan rajaynayaa in dabaysha midnimadu ay ku fidi doonto mar aan dheereyn deegaannada gooni-goosadka gacantooda ku haray Soomaalinimadu ha guulaysato.”

Intii uu booqashada ku guda jiray, wasiirku wuxuu kormeeray xaaladda guud ee ciidamada, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaaminaysa, isla markaana ku bogaadiyay sida ay uga go’an tahay difaaca dalka, goob kasta iyo goor kasta.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga ay ku xaqiijinayso dhiirrigelinta iyo kor u qaadidda tayada iyo diyaargarowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka kaga sugan yihiin.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa haatan ku sugan wafuud kala duwan oo ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamullada dalka iyo dalka dibaddiisa, kuwaas oo ka qeyb-galaya caleemo-saarka madaxweynaha Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Firdhiye.

Mareykanka oo Soomaaliya u soo magacaabay ku-simaha safiirka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in diblomaasi Justin Davis uu la wareegay xilka Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, kaddib qoraal lagu daabacay barta X (ex-Twitter) ee safaaradda Muqdisho.

Bayaan ay safaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in magacaabistan looga gol leeyahay sii wadista iyo adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xilli uu gobolku wajahayo duruufo amni iyo isbeddello siyaasadeed.

Safaaraddu waxay xustay in Justin Davis uu door muhiim ah ka qaadan doono daryeelka iyo horumarinta danaha Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo raacaya siyaasadda “Mareykanka ayaa horeynaya” (America First) ee maamulka Madaxweyne Donald Trump, taas oo xoogga saaraysa amniga Mareykanka, xasilloonida gobolka iyo iskaashiga ka dhanka ah argagixisada.

Justin Davis wuxuu masuul ka yahay hogaaminta safaaradda ilaa inta laga soo magacaabi doono safiir rasmi ah, isagoo sidoo kale ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Maraykanka iyo Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo horumarka.

Davis ayaa hore u soo qabtay xilal diblomaasiyadeed oo kala duwan, waxaana la filayaa inuu sii xoojiyo wada-shaqeynta kala dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo taageero nabadda, horumarka iyo dhismaha dowladnimada.

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli Mareykanku uu door muuqda ku leeyahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageeridda hay’adaha amniga Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa xilka Ku-simaha Safiirka mid muhiim ah marka la eego xaaladda dalka.

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto ballanqaadkeeda ku aaddan taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda, iyadoo Justin Davis uu noqonayo wakiilka ugu sarreeya ee Mareykanka ka jooga Muqdisho inta laga magacaabayo safiir rasmi ah.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan u yeertay safiirkeedii Soomaaliya, Richard H. Riley, taas oo soo afjartay shaqadiisi diblomaasiyadeed ee Muqdisho ka hor waqtigii loogu talo-galay.

Riley ayaa ka mid noqdah ku dhawaad 30 danjire oo rug-caddaa ah iyo madax hawlgallo diblomaasiyadeed, kuwaas oo lagu wargeliyay in shaqadoodu ku egtahay bishan Janaayo.

Saraakiisha Mareykanka ayaa tallaabadaas ku qeexay mid lagu hubinayo in hoggaanka safaaraduhu noqdaan kuwo “si buuxda ula jaanqaadi kara” ajendaha maamulka Trump.

Riley, oo ah diblomaasi khibrad dheer u leh arrimaha dibadda ayaa xilka Soomaaliya la wareegay sannadkii 2024, waxaana la dhaariyey 8-dii May 2024, iyadoo waraaqihiisa aqoonsiga la guddoomay bishii Juun ee isla sannadkaas.

Riley ayaa Muqdisho ka shaqeynayay muddo qiyaastii 20 bilood ah, kaas oo aad uga yar muddada caadiga ah ee 3 ilaa 4 sano ah ee danjireyaasha looga bartay. Afrika ayaa ah gobolka ay saameynta ugu weyn ku yeelatay tallaabadan diblomaasiyadeed.

Soomaaliya oo shir-guddoominaysa kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka uga hadlayo…

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Khamiis ah yeelanaya kulan degdeg ah oo diiradda lagu saarayo xaaladda dalka Iran, sida ay shaacisay afhayeen u hadashay Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa kowda bisha January ee sanadkan cusub ee 2026 si rasmi ah ula wareegtay xilka shir-guddoonka wareega ee Golaha Ammaanka.

Afhayeenka ergada Soomaaliyeed, Khadiija Axmed ayaa sheegtay in guddoomiyaha Golaha Ammaanka uu qorsheeyay in Khamiista gelinka dambe la qabto kulan warbixin ah oo ku saabsan xaaladda Iran, kaas oo Mareykanku codsaday.

Dalka Iran waxaa ka socda dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay magaalooyin kala duwan, iyadoo ay barbar socoto xaalad dhaqaale oo sii liidatay iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimaha lacagta riyalka Iran.

Wararka ku saabsan khasaaraha dhimashada ayaa si weyn u kala duwan. Ilo qaar ayaa sheegaya in ay dhinteen ku dhowaad 48 ka mid ah ciidamada ammaanka iyo 483 dibadbaxayaal ah, halka ilo kale ay ku warramayaan in tirada dhimashadu ay ka badan karto 2,000 oo qof.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa uga digay hoggaanka Iran in haddii si xooggan loo caburiyo dibadbaxayaasha, Mareykanku uu qaadi doono tallaabooyin uu ku taageerayo, isla markaana uu saari doono cunaqabateynno adag.

Trump ayaa mar dambe sheegay in warar uu helay ay muujinayaan in dilalku istaageen, isla markaana la joojiyay fulinta xukunno dil ah. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in haddii dilal ama xukunno dil ah dib loo bilaabo, ay taasi keeni doonto jawaab ka timaadda Mareykanka.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Seyed Abbas Araghchi, oo la hadlayay warbaahinta Fox News, ayaa khasaaraha badan ku eedeeyay falal ay geysteen kooxo uu ku tilmaamay argagixiso ay hub siisay Israa’iil.

Maxaa ka jira in Fiqi uu dalbaday in la duqeeyo Somaliland?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta warbaahinta kula hadlay Laascaanood ayaa fasiraad ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeeray oo ka dhan ahaa madaxweynaha Somaliland, kadib markii uu ku baaqay in tallaabo laga qaado.

Fiqi ayaa sheegay in hadalkiisa loo dhigay si qaldan, wuxuuna tilmaamay in marnaba uusan ku baaqin in la duqeeyo Cirro iyo dadka Somaliland.

“Cirro hala duqeeyo ma dhihin waxaan iri hala marsiiyo dariiqii la marsiiyay al-Zubaidi, marka anigu ma dhihin hala qabto iyo hala dilo midna” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladda Laascaanood, isaga oo ku tilmaamay in ay noqotay qabrigii gooni u goosadka, waxaana uu tilmaamay in maanta uu ka babanayo calanka Soomaaliyeed, ayna soo dhaweneyso madaxweynaha qaranka.

“Laascaanood waa Qabrigii gooni u goosadka, maanta Calankii buluuga ahaa ayaa buurahaa dhaadheer iyo guri kasta ka babanayo, magaca Soomaalinimada kor ayaa laga dhigay” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu ka hadlay amniga guud ee Laascaanood, isaga oo farriin u diray shacabka. “Bulshada Waqooyi Bari amniga hala ilaaliyo indhihii Soomaaliya oo dhan iyo indhihii caalamka ayaa soo eegaya Laascaanood”.

Axmed Macallin Fiqi oo marar badan ka hadlay arrinta Somaliland ayaa horay u sheegay in uusan socon doonin aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil, isaga oo ku dooday in kala bar dadka waqooyiga ay leeyihiin maamullo hoostaga dowlada federaalka Soomaaliya, ayna kasoo horjeedaan in la kala gooyo dalka.

“Somaliland kala bar waxa ay ku biirtay Dowladda Federaalka, keliya Waqooyi galbeed ayay siyaasiyiintooda wadaan ololaha gooni goosadka ah, iyanna Shacabkeeda xornimada usoo halgamay ma rabaan in dalka la kala gooyo” ayuu horay u yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Dowladda Federaalka ayaa haatan wadday dadaallo diblumaasiyadeed oo waa wayn, iyada oo shirar caalami ah horgeysay xadgudubka Israa’iil ee madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Xog: Yaa la wareegay mas’uuliyadda ciidankii uu gacanta ku hayay Imaaraadka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashandhiga Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay Somali Cable Tv ayaa ka hadlay arrimo ku aadan ciidamada, gaar ahaan kuwa Boolis Milataaro oo ay gacanta ku haysay dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta.

Ciidamadan oo ah kuwa gaar ah ayaa u xilsaaran amniga caasimada, iyaga oo nabad kusoo dabaala Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran intaba.

Wasiirka oo wax laga waydiiyay arrinta ciidamadan oo mushaarka ay siin jirtay dowladda la cayriyay ee Imaaraadka ayaa sheegay inay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliyeed, isla markaana ay si toos ah ula wareegtay.

“Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay mas’uuliyadda ciidanka Boolis Milataaro, iyadaana gacanta ku haysa” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu sii adkeeyay go’aanka dowladda dhexe ee lagu burburiyay dhammaan heshiisyadii horay loola galay Isu Tegga Imaaraadka Carabta, isaga oo shaaca ka qaaday in ay isku filan tahay dowladda Soomaaliyeed.

“Haddii ay tahay amni iyo haddii ay tahay difaac waxa ay bixin jireen mar haddii aan ka baxnay heshiiska macnaheedu waxaa waayey waa ka kaaftoonay oo waa isku filanahay” ayuu yiri wasiir Cumar Cali Cabdi.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida laga yeelayo magaca xerada Jeneraal Gordan oo hora loogu magac daray sarkaal Imaaraati ah oo lagu dhex-dilay xeradaas, kadib markii ay weerar ka fuliyeen kooxda Al-Shabaab.

Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in dowladda ay u taallo go’aanka haddii la bedalayo magaca iyo haddii loo dhaafayo intaba.

“Heshiiska iyo magaca waa kala duwan yahay go’aanka dowladda soo saartay ayaa dib u eegi doonta ama waa loo dhaafi doonaan haddii la rabo” ayuu raaciyay.

Si kastaba, ha’ahaatee go’aanka kasoo baxay dowladda federaalka ayaa la xiriiray warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tallaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada ICE oo qof kale ku toogtay Minneapolis

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) ayaa nin ka toogtay lugta magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, halkaas oo sarkaal ka tirsan ICE uu toddobaadkii hore ku toogtay haweeney.

War qoraal ah oo ay soo saartay Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa lagu sheegay, in saraakiisha federaalka ay markii hore ku daba jireen ninka iyagoo gaari ku eryanaya, sababto la xiriira inuu si sharci darro ah ku joogay Mareykanka isagoo ka yimid Venezuela.

Magaalada Minneapolis ayaa xaqiijisay in ninka la toogtay loo qaaday isbitaal

Sarkaal ka tirsan ICE ayaa sidoo kale loo qaaday isbitaal si kadib dhaawacyo soo gaaray, sida ay sheegtay DHS.

Mas’uuliyiinta magaalada Minneapolis ayaa barta X ku qoray:

“Waannu fahamsannahay in caro jirto. Waxaan dadweynaha ka codsanaynaa inay is dejiyaan.”

Magaalada Minneapolis waxay mar kale dalbanaysaa in ICE ay si degdeg ah uga baxdo magaalada oo ay gobolka ka baxdo,” ayay raaciyeen.

Ninkan ayaa gaarigiisa ka degay, waxaana is qabqabsi dhex maray isaga iyo sarkaal ka tirsan ICE, sida ay sheegtay DHS. Waxay intaas ku dartay in intii uu shilku socday laba qof oo kale ay ka soo baxeen dhisme dabaq ah oo u dhow, waxaana la sheegay inay “weerar ku qaadeen” sarkaalka.

BBC-du si madax-bannaan uma xaqiijin karto waxa lagu faahfaahiyay bayaanka la soo saaray.

Taliyaha booliiska Minneapolis Brian O’Hara ayaa sheegay in FBI-du ay baarayso dhacdada.

“Isagoo ka baqaya naftiisa iyo badqabkiisa maadaama ay saddex qof weerar gaadmo ah ku qaadeen, sarkaalku wuxuu riday rasaas difaac ah,” ayaa lagu yiri bayaanka DHS, iyadoo lagu daray “labada weeraryahanba waa la xiray”.

Isagoo ka jawaabaya toogashadii ugu dambeysay ee ICE, duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey wuxuu ku eedeeyay saraakiisha federaalka inay “abuurayaan fowdo” gobolka oo dhan.

Saraakiisha Waaxda Arrimaha Ammaanka Gudaha Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta CBS News in ilaa 800 oo Ciidamada Ilaalada Xadka ah la geeyay aagga Minneapolis. Waxay dheeraad ku yihiin ilaa 2,000 oo ciidamada federaalka ee ICE oo hore usii joogay halkaas.

Muddooyinkii dambe ayaa walaac laga muujinayay ciidamadan faraha badan ee halkaas lasoo dhoobay, iyadoo lagu andacoonayay inay saameysay bulshada ku nool gobolka ayna absi gelisay.

Dowladda oo ku dhawaaqday go’aan kale oo lagu diiday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku dhawaaqday go’aan kale oo xasaasi ah, kadib tallaabadii ay ka qaaday Imaaraadka Carabta oo ay ku eedeysay inuu sameeyay xadgudub wayn.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo wareysi siiyay BBC-da ayaa ka digtay inaan la geli karin heshiis aanay ogeyn dowladda federaalka, waana go’aan saameyn doono maamul-goboleedyada dalka.

Daa’uud Aweys ayaa tilmaamay in sharci aanu noqon doonin heshiis kasta oo aqbalaad aanu ka haysan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Waxaa dalka mas’uul ka aha dowladda dhexe ee federaalka heshiis kasta oo la galaya si uu sharci u noqdo waxaa qasab ah inuu ogolaansho ka haysto dowladda federaalka marka heshiis aysan dowladdu ka haysan aqbalaad amaba aysan ka haysan ogolaasho heshiis sharci ah ma noqon karo” ayuu yiri.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray dalalka la macaamila Soomaaliy, isaga oo ku wargeliyay inay la socdaan go’aamada soo baxay oo muhiim u ah dalka.

“Dalka waxaas ku dhiirada waxaa uu u bareerayaa heshiis sharci darro ah inuu doonayo inuu ka fuliyo dalka Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Daa’uud Aweys.

Go’aankan ayaauu daba socda kulankii Golaha Wasiirrada ee lagu buriyay dhammaan heshiisyadii ay dowladda kula jirtay dalka Imaaraatka Carabta.

Si kastaba, Go’aanka dowladda federaalka ayaa la xiriiray warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

DF oo war ka soo saartay ciidamada jeneraal Jimcaale ee shalay gaaray magaalada…

Laascaanood (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Janaraal Jimcaale Jaamac Takar, ay shalay gaareen magaalada Laascaanood, si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyo u diyaargarowga soo dhoweynta wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamadan, oo muddooyinkii u dambeeyay deggenaa duleedka magaalada Garoowe, ayaa shalay soo galay Laascaanood iyaga oo wata gaadiid dagaal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ciidamadaas ku tilmaantay cutubyo ka tirsan CXDS, kuwaas oo loo xil saaray amniga guud iyo diyaarinta soo dhoweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo la filayo inay dhowaan gaaraan caasimadda maamulka Waqooyi-bari.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in Laascaanood ay martigelin doonto munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi-bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), taas oo ka mid ah ajandaha dhacdooyinka la filayo inay ka qabsoomaan magaalada.

Dhinaca kale, Madaxweyne Firdhiye ayaa shalay galab Laascaanood kula kulmay ciidamada uu hoggaaminayo Janaraal Jimcaale Jaamac Takar, isaga oo ku ammaanay kaalintii ay ku lahaayeen dagaalladii magaalada lagaga saaray ciidamadii Somaliland.

“Ragga halkan fadhiya waa la garanayaa, buurahanna iyagana way is yaqaannaan,” ayuu yiri Firdhiye, isagoo xusay in ay ka mid ahaayeen ciidamadii ugu horreeyay ee jiidda hore u daatay.

Madaxweynuhu wuxuu ciidamada faray inay u dhaqaaqaan jiidaha gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Guumeys iyo nawaaxigiisa, isaga oo sheegay inaysan cidna duullaan ku ahayn, balse looga baahan yahay inay sugaan nabadgelyada, isla markaana tallaabo ka qaadaan cid kasta oo ku kacda falal xadgudub iyo nabadgelyo-darro.

“Haddaba halkan waxaad u fadhidaan inaad waajibkiinnii sii gudataan. Waxaad u wareegaysaan jiidaha gobolka Sool, qaasatan Guumeys iyo nawaaxigeeda. Cidna duullaan kuma nihin; waxaad u taagan tihiin inaad nabadgelyada sugtaan, wixii xadgudub iyo nabadgelyo-darro ah sameeyana inaad tallaabo ka qaaddaan,” ayuu yiri.

Ugu dambayn, Madaxweyne Firdhiye ayaa sheegay in ciidamada CXDS iyo kuwa Waqooyi-bari “dhammaantood” ay u taagan yihiin sugidda amniga, isaga oo ku soo dhoweeyay in ay ku laabtaan deegaannadii ay “sifeeyeen” ee nabadgelyada noqday, isla markaana ay dib ugu laabtaan guryahooda iyo dadkooda. Magaalada Laascaanood ayaa la filayaa inay martigeliso munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha iyo maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Xogta NISA oo weerartay guri ay ku shirayeen madax ka tirsan kooxda Al-Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faa-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku shirsanaa guri ku yaalla degmada Bu’aalle ee gobolka Jubbada Dhexe.

War kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka oo bartilmaameed ahaa ay qaadeen ciidankada NISA iyo saaxibada caalamia ah, laguna beegsaday madax sare oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in haatan dowladdu waddo qiimeyn ku aadan weerarka, isla markaana ay dib ka faah-faahin doonto khasaaraha guud.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal culus oo lagu bartilmaameedsaday guri ay ku shirayeen Horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhawaan lagu qaaday xarunta ugu wayn ee Al-Shabaab laguna dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal, iyada oo kuwa kale oo nool ay soo qabteen ciidamada kumaandooska Danab.

Horjoogayaasha la dilay waxaa kamid ahaa laba nin oo halis ahaa, kuwaas oo kala ah Cabdullahi Cismaan Maxamed Abuukar oo loo yaqaanay Injineer Ismaaciil iyo Cabdikariin Maxamed Xirsi (Qoorleex), sida ay horay u sheegtay dowlada.

Horjooge Injineer Ismaaciil, wuxuu  ahaa gacanta midig ee hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab, iyada oo loo diyaarinayay inuu beddalo Axmed Diiriye. Sidoo kale wuxuu kasoo shaqeeyay qaybta warbaahinta, waxaa kale uu madax kasoo noqday xafiisyada hubka, qaraxyada iyo maktabka guud ee amniyaadka Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay dowladda.

Ninka labaad oo ah Cabdikariin Maxamed Xirsi (Qoorleex) ayaa qaabilsanaa howlgallada dibadda ee kooxda Al-Shabaab, isaga oo weeraro ka fuliyay

Dowladda oo xog ka bixisay dagaalka Imaaraadka kala dhaxeeya iyo arrimo dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aankii Soomaaliya ay ku laashay dhammaan heshiisyadii kala dhexeeyay Imaaraadka Carabta wuxuu ahaa mid sharci ah, lagama maarmaan u ahaa ilaalinta madax-bannaanida qaranka, nidaamka dastuuriga ah iyo midnimada dalka, waxaa sidaas yiri wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad).

Cali Balcad ayaa beeniyey sheegashooyinka ah in tallaabadani ay ahayd mid degdeg ah ama mid xasilooni-darro abuuraysa. 

Go’aankan, oo Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay ansixiyeen 12-kii Janaayo, ayaa yimid kadib sannado ay Muqdisho sheegtay inuu jiray xiriir cakiran oo kala dhexeeyay Abu Dhabi, kaas oo salka ku hayay iskaashiga amniga iyo hawlgallada dekedaha ee ay la galeen dowlad-goboleedyada, iyagoo aan soo marin dowladda dhexe.

Maqaal ra’yi ah oo uu ku qoray Al Jazeera English, Cali Balcad ayaa sheegay in dowladdu ay tallaabadan qaaday kadib “dulqaad muddo dheer qaatay” iyo isku-dayo diblamaasiyadeed oo soo noqnoqday, kuwaas oo lagu guul-darreystay in wax looga qabto waxa uu ku tilmaamay heshiisyo shisheeye oo baal-marsan dastuurka.

“Samirka dowladda Soomaaliya ma ahayn mid aan xad lahayn ama shuruud la’aan ah,” ayuu qoray Cali Cumar, isagoo ku dooday in iskaashiga lala sameynayo dhinacyada shisheeye uu isku beddelayo “faragelin sharci-darro ah” marka uu baal-maro hay’adaha federaalka ee la aqoonsan yahay, isla markaana uu kala dhantaalo awoodda qaranka.

Awoodda dowladda

Xudunta khilaafka ayaa salka ku haysa heshiisyada amniga iyo dekedaha ee lala galay Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo — oo ah xarummo istiraatiiji ah oo ku yaalla maamullada Somaliland, Puntland iyo Jubbaland — kuwaas oo Muqdisho ay sheegtay in la saxiixay iyadoon oggolaansho laga haysan dowladda federaalka.

Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in madax-bannaanida qaranku ay waajibinayso in xiriirrada siyaasadeed, kuwa amni iyo kuwa dhaqaale ee lala yeelanayo dalalka shisheeye ay si gaar ah u soo maraan hay’adaha qaranka. Wuxuu ka digay in heshiisyada barbar-socodka ah ee lala galayo maamullada hoose ay si tartiib-tartiib ah u wiiqayaan jiritaanka dowladnimada.

“Marka iskaashiga amnigu uu ka shaqeeyo meel ka baxsan kormeerka federaalka, ama heshiisyada dekeduhu ay wiiqaan awoodda qaranku u leeyahay hantidiisa istiraatiijiga ah, waxaa halkaas ku duma nidaamka dastuuriga ah,” ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysanaysaa in laalista heshiisyadan aysan ka dhignayn in la diidayo xiriirka caalamiga ah, balse ay tahay dalab ku aaddan in iskaashigu uu ku dhaco “qaab hufan, oo dowlad-la-dowlad ah,” kuna saleysan sharciga caalamiga ah.

Dadka dhaliilaya tallaabadan ayaa ka digay in joojinta heshiisyada ay carqaladeyn karto amniga iyo ganacsiga, gaar ahaan gobollada ku tiirsan dekedaha. Balse, Cali Cumar ayaa walaacyadaas ku tilmaamay “fikir gaaban” oo aan fahansanayn dhismaha dowladnimada.

“Waddamada jilicsan kuma xasilaan in loo dulqaato awoodo kala daadsan oo ay dano shisheeye wadaan,” ayuu qoray, isagoo raaciyay in xasilloonida fog ay ku xiran tahay hay’ado dowli ah oo mideysan iyo nidaam kala-dambeyn oo cad. Wuxuu sheegay in dowladdu ay dejisay habab lagu xaqiijinayo sii socoshada hawlgallada dekedaha iyo amniga, oo ay ku jirto isticmaalka shirkado caalami ah oo dhex-dhexaad ah haddii loo baahdo.

Loolanka gobolka

Khilaafkan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro loolan siyaasadeed oo xooggan oo ka jira Badda Cas, Gacanka Cadan iyo guud ahaan Geeska Afrika, halkaas oo dekedaha iyo iskaashiga amnigu ay noqdeen hanti istiraatiiji ah oo lagu loolamo.

Cali Cumar ayaa ka digay in isticmaalka dhulka Soomaaliya si loogu fuliyo dano shisheeye ama ajandayaal goboleed ay khatar ku tahay ma ahan oo kaliya Soomaaliya, balse sidoo kale ganacsiga iyo xasilloonida gobolka, isagoo xusay in Soomaaliya oo mideysan ay tahay “hanti u taal gobolka iyo caalamkaba.”

“Muddo aad u dheer, Soomaaliya waxaa loola dhaqmayay sidii aalad loo adeegsado siyaasadda gobolka, halkii ay ka ahaan lahayd dowlad leh xuquuq caalami ah,” ayuu qoray.

Go’aanka Golaha Wasiirrada ayaa noqonaya mid ka mid ah tallaabooyinka ugu adag ee lagu xoojinayo awoodda federaalka tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xafiiska ku soo laabtay 2022-kii, xilli Muqdisho ay doonayso inay dib u soo ceshato gacan-ku-haynta siyaasadda arrimaha dibadda, difaaca iyo kaabayaasha istiraatiijiga ah.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in wada-hadalka Imaaraadka uu weli furan yahay, balse uu ku xiran yahay oo kaliya xuduudaha dastuuriga ah.

“Wada-shaqeyntu waa mid la soo dhaweynayo,” ayuu qoray Cali Cumar, “balse mabaadi’da qaranku gorgortan ma galaan.”

Mareykanka oo soo saaray go’aan cusub oo ka dhan ah Soomaaliya iyo 75 dal oo kale

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii ku dhawaaqday inay muddo aan la cayimin hakisay bixinta dal-ku-galka soo-galootiga ee muwaadiniinta 75 waddan, oo ay ku jiraan Soomaaliya, Ruushka, iyo Iiraan.  

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe ciriiri lagu gelinayo ajaaniibta ay dowladdu u aragto inay u badan tahay inay u baahdaan kaalmada dowladda (Public Charge).

Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in hakintan ay dhaqan-geli doonto 21-ka Janaayo.  

Waddamada ay saameyneyso waxaa ka mid ah Soomaaliya, iyo kuwa Latin Amerika sida Brazil, Colombia, iyo Uruguay; dalalka Balkans-ka sida Bosnia iyo Albania; dalalka Koonfurta Aasiya sida Pakistan iyo Bangladesh; iyo waddamo badan oo ku yaalla Afrika, Bariga Dhexe, iyo Kariibiyaanka. 

“Waaxda Arrimaha Dibadda waxay adeegsan doontaa awooddeeda sharci ee soo jireenka ah si ay u diiddo dadka soo-galootiga ah ee loo arko inay culeys ku noqon karaan dowladda Mareykanka, isla markaana ka faa’iideysan kara deeqsinimada dadka Mareykanka,” ayuu yiri Tommy Pigott, oo ah ku-xigeenka koowaad ee Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda.

Wuxuu intaas ku daray: “Bixinta fiisooyinka soo-galootiga ee 75-kan waddan waa la hakinayaa inta ay Waaxda Arrimaha Dibadda dib u qiimeyneyso habraacyada socdaalka, si looga hortago soo-galitaanka ajaaniibta qaadan doona cayrta iyo manfacyada dadweynaha.”

Go’aankan ayaa ka dhigan in ay weli sii socdaan tallaabooyinka uu maamulka Trump ku beegsanayo Soomaalida.

Maamulka ayaa asbuucan sidoo kale u dhaqaaqay inuu soo afjaro barnaamijka Ilaalinta ku-meel-gaarka ah (TPS) ee Soomaaliya, kaas oo ahaa sharci bani’aadannimo oo la cusbooneysiinayay tan iyo 1991-kii. Soomaalida uu sharcigani saameynayo waa inay dalka Mareykanka uga baxaan ugu dambeyn 17-ka Maarso, 2026.

Go’aankan joojinta dal ku-galka 75-ka dal, oo markii ugu horreysay ay baahisay Fox News, ma saameynayo fiisooyinka dalxiiska iyo booqashada, kuwaas oo muhiimad gaar ah leh maadaama Mareykanku uu martigelinayo Koobka Adduunka ee 2026 iyo Ciyaaraha Olombikada ee 2028. 

Tallaabadan ayaa daba socota amar bishii November la siiyay diblamaasiyiinta Mareykanka, kaas oo farayay inay hubiyaan in dadka fiisaha codsanaya ay yihiin kuwo dhaqaale ahaan isku filan, oo aan halis ugu jirin inay ku tiirsanaadaan kaalmada dowladda inta ay joogaan Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa waday olole socdaal oo ballaaran tan iyo markii uu xafiiska ku laabtay bishii Janaayo. Maamulkiisu wuxuu xoogga saaray fulinta sharciga socdaalka, isagoo ciidamo federaal ah geeyay magaalooyinka waaweyn, taasoo dhalisay isku-dhacyo rabshado wata oo dhex maray soogalootiga iyo muwaadiniinta Mareykanka qaarkood.

Inkasta oo uu ololihiisa ku galay joojinta socdaalka sharci-darrada ah, maamulkiisu wuxuu sidoo kale adkeeyay socdaalka sharciga ah (Legal Immigration) – tusaale ahaan, waxaa la soo rogay khidmado cusub oo qaali ah oo lagu soo rogay codsadayaasha fiisaha H-1B ee shaqaalaha xirfadda sare leh.

“Maamulkan wuxuu caddeeyay inuu leeyahay ajandaha ugu adag ee ka dhanka ah socdaalka sharciga ah taariikhda Mareykanka,” ayuu yiri David Bier, Agaasimaha Daraasaadka Socdaalka ee Cato Institute.

“Tallaabadan waxay mamnuuci doontaa ku dhawaad kala bar dadka sida sharciga ah ku imaan lahaa Mareykanka, iyadoo celin doonta qiyaastii 315,000 oo soogalooti sharci ah sanadka soo socda oo kaliya,” ayuu raaciyay Bier.

Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa Isniintii sheegtay inay laashay in ka badan 100,000 oo fiiso tan iyo markii uu Trump xafiiska la wareegay. Sidoo kale, waxaa la adkeeyay baaritaannada baraha bulshada iyo hubinta guud ee dadka codsanaya fiisooyinka.

Liiska Waddamada la Saameeyay

Sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah, liiska waddamada ay saameynayso hakinta fiisaha waxaa ka mid ah:

Afgaanistaan, Albania, Aljeeriya, Antigua iyo Barbuda, Armeeniya, Asarbayjaan, Bahamas, Bangladesh, Barbados, Belarus, Belize, Bhutan, Bosnia, Brazil, Burma, Kambodiya, Kamiruun, Cape Verde, Kolombiya, Koongo, Kuuba, Dominica, Masar, Ereteriya, Itoobiya, Fiji, Gambia, Georgia, Gaana, Grenada, Guatemala, Guinea, Haiti, Iiraan, Ciraaq, Ivory Coast, Jamaika, Urdun, Kazakhstan, Kosovo, Kuwait, Kyrgyzstan, Laos, Lubnaan, Liberia, Liibiya, Macedonia, Moldova, Mongolia, Montenegro, Marooko, Nepal, Nicaragua, Nigeria, Pakistan, Jamhuuriyadda Koongo, Ruushka, Rwanda, Saint Kitts iyo Nevis, Saint Lucia, Saint Vincent iyo Grenadines, Senegal, Sierra Leone, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan, Suuriya, Tansaaniya, Thailand, Togo, Tunisia, Uganda, Uruguay, Uzbekistan iyo Yemen.

US suspends immigrant visas for 75 countries including Somalia

Washington, United States – The United States said Wednesday it will indefinitely suspend the processing of immigrant visas for citizens of 75 countries, including Somalia, Russia, and Iran, tightening a net around foreign nationals the government deems likely to require public assistance.

Secretary of State Marco Rubio ordered the suspension, which will begin January 21. It marks a sharp return to the hardline immigration policies of President Donald Trump’s first term, explicitly targeting those the administration claims would “extract wealth” from the American taxpayer.

The directive tells consular officers to halt immigrant visa applications—the primary pathway for permanent residency—from the affected nations.

The move follows a broader crackdown the administration initiated in November 2025, when it revived the “public charge” rule, a standard authorities use to block immigrants they believe are likely to become primarily dependent on the government.

“The Trump administration is bringing an end to the abuse of America’s immigration system by those who would extract wealth from the American people,” the State Department said in a statement.

“The State Department will pause immigrant visa processing from these 75 countries while it reassesses immigration processing procedures to prevent foreign nationals who would take welfare and public benefits from entering the United States.”

While the State Department did not publicly release the full list of nations, a US official speaking on condition of anonymity confirmed to Somalia Today that it includes Somalia, Russia, Afghanistan, Brazil, Egypt, Nigeria, and Yemen.

Somalia hard hit

Analysts expect the impact to hit Somalia hard, landing on the sensitive intersection of migration, family reunification, and basic economic survival.

Somalia, still recovering from decades of state collapse and conflict while battling the Islamist insurgency Al-Shabaab, depends heavily on its diaspora.

Remittances are a cornerstone of household incomes and business cashflow — estimated at roughly $2 billion annually in the State Department’s 2025 Somalia investment climate report.

A World Bank chapter on Somali remittances cited IMF-based estimates around $1.3 billion a year, while noting informal channels likely mean the true figure is higher.

Rights advocates warn the visa pause inserts Washington directly into this transnational ecosystem, with families waiting on reunification cases facing the most immediate consequences — along with relatives in Somalia whose budgets often rely on support from abroad.

“For the Somali community, this is a double shock,” said a legal analyst in Washington, pointing to the timing of the move. “Coming just days after the administration signaled an end to Temporary Protected Status for Somalis, this suspension narrows what’s left of the legal routes for families to reunite.”

The administration separately moved this week to end Somalia’s Temporary Protected Status, a humanitarian designation renewed repeatedly since 1991. According to U.S. reporting, affected Somalis must leave the United States by March 17, 2026.

Taken together, the TPS termination and the immigrant visa pause squeeze two distinct channels: one for Somalis already in the United States seeking continued protection, and another for relatives abroad hoping to join family members in established hubs such as Minneapolis–St. Paul.

Sweeping new rules

The visa suspension explicitly exempts non-immigrant visas, such as those for tourists or business travelers, and targets those seeking to live permanently in the United States.

US media cited a State Department memo saying the pause is necessary to implement “sweeping new screening rules.”

Under the guidance, consular officers must weigh a wide range of factors—including health, age, English proficiency, finances, and potential need for long-term medical care—when deciding if an applicant is inadmissible.

“The State Department will use its long-standing authority to deem ineligible potential immigrants who would become a public charge on the United States,” State Department spokesperson Tommy Piggott said.

The move reverses the Biden administration’s policy, which in 2022 finalized a rule limiting the “public charge” definition to exclude non-cash benefits such as Medicaid and food stamps.

The Rubio-led State Department is effectively reverting to—and expanding upon—the stricter 2019 interpretation that federal courts challenged.

In November 2025, the Department of Homeland Security published a new rulemaking track, signaling a return to the broader definition.

Broad discretion returns

The Immigration and Nationality Act has long permitted officials to deny visas on public charge grounds, but enforcement has historically varied.

Critics argue the new directive gives consular officers unchecked subjectivity. The requirement to predict future financial reliance based on a “totality of circumstances” could disadvantage older or overweight applicants, or those with any history of government cash assistance.

“Exceptions to the new pause will be very limited,” a US official said.

The indefinite nature of the pause—Reuters reported no stated end date—has created immediate uncertainty.

Immigration lawyers noted that in previous “public charge” cycles, applicants often faced the main hurdle in the delay required to assemble extensive documentation on income, health coverage, and education.

For Somalis and other nationals on the list, the January 21 deadline looms as a closing gate. With processing suspended indefinitely, thousands of pending green card and family visa applications now sit in limbo.

The full list of affected countries comprises of Afghanistan, Albania, Algeria, Antigua and Barbuda, Armenia, Azerbaijan, Bahamas, Bangladesh, Barbados, Belarus, Belize, Bhutan, Bosnia, Brazil, Burma, Cambodia, Cameroon, Cape Verde, Colombia, Cote d’Ivoire, Cuba, Democratic Republic of the Congo, Dominica, Egypt, Eritrea, Ethiopia, Fiji, Gambia, Georgia, Ghana, Grenada, Guatemala, Guinea, Haiti, Iran, Iraq, Jamaica, Jordan, Kazakhstan, Kosovo, Kuwait, Kyrgyzstan, Laos, Lebanon, Liberia, Libya, Macedonia, Moldova, Mongolia, Montenegro, Morocco, Nepal, Nicaragua, Nigeria, Pakistan, Republic of the Congo, Russia, Rwanda, Saint Kitts and Nevis, Saint Lucia, Saint Vincent and the Grenadines, Senegal, Sierra Leone, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria, Tanzania, Thailand, Togo, Tunisia, Uganda, Uruguay, Uzbekistan and Yemen. 

Egypt shares UAE military intel with Saudi Arabia to mend ties

Cairo, Egypt — Egypt has passed sensitive intelligence on United Arab Emirates (UAE) naval operations to Saudi Arabia, including tracking data on Emirati vessels in the Red Sea, in a bid to repair strained relations with Riyadh, a senior Egyptian presidential source told Middle East Eye.

The move signals a significant realignment in the Horn of Africa and the Red Sea, as Cairo moves to counter what it views as a growing threat from UAE-backed separatist movements in Yemen, Sudan, and Somaliland.

According to the source, Egyptian intelligence provided Saudi authorities with radar data and recordings of Emirati officials discussing their coordination with the Southern Transitional Council (STC) in Yemen.

The disclosure comes just days after the Saudi-led coalition accused the UAE of facilitating the escape of STC leader Aidarous al-Zubaidi from Aden to Abu Dhabi via the breakaway region of Somaliland.

“Egypt offered the UAE as a sacrifice to restore Saudi support and preserve national security,” the presidential source said, describing the intelligence transfer as a “carefully planned manoeuvre.”

Somaliland connection

The intelligence sharing follows a dramatic collapse in the UAE-Saudi partnership in Yemen. Earlier in January, Saudi-backed government forces retook control of Aden after Riyadh launched airstrikes on STC positions.

The conflict spilled directly into the Horn of Africa when the Saudi-led coalition stated that al-Zubaidi fled Yemen by boat to Berbera, Somaliland, before flying to the UAE.

A report by The Guardian confirmed Saudi accusations that the STC leader’s escape was orchestrated under Emirati supervision, using a flight path that crossed Somali airspace to reach Mogadishu and then Abu Dhabi.

For Cairo, the UAE’s deepening footprint in Somaliland and its support for the Rapid Support Forces (RSF) in Sudan represent a strategic encirclement.

Egyptian officials have increasingly viewed Abu Dhabi’s backing of secessionist groups in these three arenas—Yemen, Sudan, and Somaliland—as a unified threat to Egypt’s national security and regional cohesion.

“We raised our concerns about UAE support to armed groups in Sudan and the impact on regional stability,” an Egyptian diplomatic source said.

Naval escalation

Riyadh has now asked Cairo to actively disrupt Emirati logistics. Following a visit by Saudi Foreign Minister Prince Faisal bin Farhan to Egypt earlier this month, Saudi officials requested that Egyptian naval forces prepare to cut supply lines from the UAE to southern Yemen.

The source confirmed that Egypt deployed Mistral-class helicopter carriers further south in the Red Sea to monitor Emirati activity.

Egyptian naval units used surveillance systems to track Emirati ship movements and shared the coordinates with Riyadh prior to the Saudi operation against the STC.

This intelligence cooperation marks a sharp pivot from recent diplomatic friction.

Prior to this rapprochement, relations between Cairo and Riyadh had shown signs of strain, with both capitals pursuing competing priorities across regional issues, including the war in Gaza and the conflict in Sudan.

However, the threat of fragmentation in Yemen appears to have unified their positions. While Cairo maintains diplomatic ties with Abu Dhabi, the government has aligned itself firmly with the Saudi position on preserving the territorial integrity of Yemen.

“Egypt supports Saudi Arabia in Yemen, standing firmly against separatist moves in the south,” the presidential source said.

Economic fallout

The diplomatic shift has already impacted commercial deals.

Egypt’s state-run Holding Company for Maritime and Land Transport recently blocked a bid by UAE-based Black Caspian Logistics to acquire a 90% stake in the Alexandria Container and Cargo Handling Company.

While the UAE firm already holds a minority stake, Ahram Online reported that Egyptian authorities rejected the new offer, which would have given the Emirati company control over a strategic Egyptian port operator.

“After the recent rapprochement with Saudi Arabia, Sisi told officials to stop the sale of some assets previously agreed with the UAE,” the presidential source said.

The UAE has reportedly pushed back against this realignment.

A separate Egyptian diplomatic source noted that Abu Dhabi had “warned” Cairo against improving relations with Riyadh at the UAE’s expense, emphasizing the need to protect shared economic interests and investments.

Xog: Kadib go’aankii DF, Imaaraadka oo laga diiday codsi uu ku daabulanayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya uu ku baabi’iyey dhamaan heshiisyadii Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, Dubai ayaa soo dirtay codsi cusub.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa soo gudbistay in loo fasaxo diyaarado dheeraad ah oo ay agab ciidan ku qaadato, balse Xukuumadda Soomaaliya ayaa diiday.

Kadib diidmada, illo diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in Dubi ayaa codsatay in dal kale uu agabkeeda u daabulo. Inkastoo weli aan la xaqiijin in dalabka kalena ay Dowladda Federaalka aqbashay iyo inkale.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad u jeediyey shacabka ayaa caddeeyay in ilaalinta Midnimada ay wax walba u hurayaan, isagoo ku goodiyay inay tallaabooyin dheeraad qaadayaan.

“Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u caddeeyo in Dowladda Imaaraadka Carabta aan la lahayn xiriir wanaagsan oo dhankeena ah oo aan u galnay si niyad-samaan iyo qalbi furnaan ah. Nasiib darro, Imaaraadku nooma uusan dhaqmin sidii dowlad mid ah oo madax-bannaan,” ayuu yiri madaxweynuhu.

“Intaas ka dib, weli maanaan deg-degin; marar badan ayaan ka dalbanay Dowladda Imaaraadka inay noola macaamilaan annagoo ah hal dal oo madax-bannaan oo masuul ah, ayna joojiyaan habka doc-faruurka ah ee ay albaabbada kala duwan uga soo galayeen dalkeenna, iyagoo ku kacaya arrimo aanay mararka qaarkood ka warhayn Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana dhex fuliya gudaha Soomaaliya—kuwaas oo xadgudub ku ah haybadda iyo qaranimada dalkeenna.”

Isaga oo hadalka sii wata, ayuu intaas ku daray in aysan dooneyn in dhibaato soo gaarto qeyb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed: “Waxaan rabaa inaan caddeeyo go’aanka dowladda inaan marnaba loola jeedin in dadkeenna dhibaato ka soo gaarto,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Dowlada Soomaaliya ayaa haatan ka fekeraysa in dalka ka erido dublumaasiyiin, ergo, ganacsato iyo shirkado lala xiriirinayo Imaaraadka.

Si kastaba, go’aankii Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah u dhaqan-galay. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ka qabanaysay hawlo kala duwan oo isugu jira ganacsi, amni, adeegyo gargaar bini’aadannimo, iyo saameyn siyaasadeed oo ay ku leedahay maamullada ka jira dalka iyo dowladda dhexe.

Ma waxaa soo dhow burburka dowladda IIRAAN?

0

Tehran (Caasimada Online) – Sidee ayay u dhacaan keli-taliyeyaashu? Qoraaga caanka ah ee Ernest Hemingway ayaa si weyn loogu xusuustaa hadalkiisii ahaa: “Waxa ay u dhismaan si tartiib ah marka hore, ka dibna si kedis ah ayay neeftu ugu soo noqotaa.”

Dadka bannaanbaxyada ka dhigaya gudaha Iiraan iyo taageerayaashooda dibadda ayaa rajeynaya in nidaamka Islaamiga ah ee Tehraan uu si lama filaan ah u soo noqon doono.

Waxa jira calaamado muujinaya in nidaamka Iiraan uu sii dhimanayo, laakiin calaamadahaasi waa kuwo gaabis ah, sida uu leeyahay Jeremy Bowen, oo ah tifaftiraha arrimaha caalamka ee BBC.

Kacdoonnada dhacay labadii toddobaad ee la soo dhaafay ayaa abuuray dhibaato weyn oo lasoo gudboonaatay hannaanka talada dalkaas.

Carada iyo niyad-jabka shacabka Iiraan ayaa kor u kacay, taas oo keentay inay waddooyinka isugu soo baxaan.

Tani waxay dheeraad ku tahay weerarrada milateri ee ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan labadii sano ee la soo dhaafay.

Cunaqabataynta ay ku soo rogeen waddamada Yurub iyo Maraykanka ayaa saamayn weyn ku yeeshay dadka Iiraaniyiinta ah, kuwaas oo la dhibtoonaya quudinta qoysaskooda.

Dhammaan cunaqabatayntii Qaramada Midoobay ee laga qaaday Iiraan kadib natiijadii heshiiskii nukliyeerka ee 2015-kii ayaa dib loo soo celiyay bishii Sebtembar, waxaana soo celiyay waddamada UK, Jarmalka, iyo Faransiiska.

Sannadkii 2025, sicir bararka ku yimid cuntada ayaa ka sarreeyay boqolkiiba 70.

Lacagta dalka ayaa gaartay heerkii ugu hooseeyay abid bishii December.

Inkastoo maamulka Iran uu cadaadis weyn saaran yahay, haddana xaaladdu ma muujinayso inuu joogsanayo. Ciidamada ammaanka ayaa weli daacad u ah taliska.

Tan iyo 1979kii Kacaankii Islaamiga ahaa, mas’uuliyiinta Iiraan waxay galiyeen waqti iyo lacag si ay u dhisaan shabakad aad u ballaaran oo awood leh.

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay ayaa ciidamada amaanka ee maamulka lagu amray in ay toogtaan shacabkooda.

Sidaas darteed, waxaa lagu soo warramayaa in in ka badan 2,000 oo qof ay ku dhinteen mudaaharaadyadii dhacay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay oo keliya.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC), oo safka hore kaga jira joojinta mudaharaadyada, ayaa ah ururka kaliya ee ugu muhiimsan dalka.

Kooxdan oo si toos ah uga amar qaadata hoggaamiyaha sare ee dalka Ayatullah Cali Khamenei, waxa ay u xilsaaran tahay ilaalinta fikirka iyo nidaamka dawladeed ee kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979kii.

Waxaa lagu qiyaasaa in ay leeyihiin ku dhawaad ​​150,000 ciidan ah oo ka barbar shaqeeya militariga Iiraan.

Sidoo kale waa qayb weyn oo ka mid ah dhaqaalaha Iiraan.

Ku milanka awoodda, lacagta, musuqmaasuqa, iyo fikirka ayaa siinaysa sabab ku filan oo ay ku difaacaan nidaamka.

Ciidamada IRGC ayaa waxaa garab siinaya Maleeshiyada Basji, kuwaasi oo ka tirsan Ciidamada Gurmadka degdega ah ee si iskood ah loo qoray.

Kooxdan oo iskaa wax u qabso ah waxay sheeganayaan inay leeyihiin malaayiin xubnood oo iyaga ka mid ah.

Qaar ka mid ah qiyaasaha reer galbeedka ayaa sheegaya in ay haystaan ​​boqollaal kun oo ciidamo ah oo diyaar u ah in la geeyo.

Basij ayaa si weyn ugu lug lahayd weerarada uu talisku ku hayo mucaaradka.

Sannadkii 2009, IRGC iyo Basij ayaa la abaabulay si ay u xakameeyaan mudaaharaadyadii waaweynaa ee ka dhashay doorashadii madaxtinimada ee lagu muransanaa ee Tehran.

Mutadawiciin Basij ah ayaa la soo dhigay waddooyinka, iyagoo ku hubeysan caag iyo budad alwaax ah.

Ciidamada ammaanka oo ku hubeysan hubka darandooriga u dhaca ayaa la dhigay gadaashooda.

Ciidamada ammaanka oo wata mootooyin ayaa ku wareegayay hareeraha waddooyinka waaweyn ee Tehran, iyagoo ka hortagaya kooxaha isku dayaya inay mudaaharaad dhigaan.

Taasi waxay keentay in wax ka yar laba toddobaad ay yaraato tiradii dadka mudaaharaadayey ee waddooyinka buux dhaafiyey, kuna dhawaaqayey erayo dowladda looga soo horjeedo isla markaana dab qabadsiinayay meelaha qaar.

Markay qorraxdu dhacdo, dhaqdhaqaaqayaasha mucaaradka waxay u bixi jireen balakoonnadooda ama saqafka sare ee gurigooda, si la mid ah sidii waalidkood samayn jireen xilligii Shah, oo ay ku heesayeen, “Ilaah baa wax walba ka sarreeya.”

Sababtoo ah ciidamada amniga gudaha ayaa awooday inay aamusiyaan mudaaharaadayaasha macnaheedu maaha in hoggaamiyaha ugu sarreeya ama taliyihiisa ay ku nasan karaan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weli ku hanjabaya inuu tallaabo qaadi doono. Malaayiin reer Iiraan ah oo raba in talisku dhaco waxaana ka buuxa caro baaxad leh.

Waxay u muuqataa in xukuumadda iyo hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Tehran ay raadinayaan habab ay ku yareeyaan cadaadiska ay wajahayaan.

Madaxweyne Trump ayaa dhowaan sheegay in madaxda Iiraan ay lasoo xiriireen una sheegeen inay doonayaan wada-hadal. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in inta uusan kulanka wada-hadalka dhicin ay qaadayaan tallaabo, taasoo uusan caddeyn waxa ay tahay.

Waxaa aad u adag in la arko sida labada dhinac ay heshiis uga gaari karaan qorshaha nukliyeerka ee Iiraan iyo barnaamijka gantaalaha ballistic-gga ah oo aan lagu guuleysan wada hadalladii hore.

Laakiin wadahadallada, gaar ahaan haddii Trump uu oggolaado in wadahadalladu sii socdaan xitaa haddii aan heshiis la gaarin, Iiraan waqti dheer ayay qaadan kartaa iyadoo caga-jiideysa.

Dhanka kale, Trump ayaa ku hanjabay inuu canshuur 25% ah ku soo rogi doono dalalka ganacsiga la leh Iiraan.

Way adag tahay in la arko sida tallaabadan Maraykanku u shaqayn doonto.

Shiinuhu waxa uu iibsadaa inta badan shidaalka Iiraan, Trump iyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa dhawaan heshiis ku gaaray in ay soo afjaraan dagaalkii ganacsi ee u dhaxeeyay.

Shir madaxeedka labada dal oo bisha April ka dhici doona magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, ayaa dalalkan quwadaha waaweyn ee adduunka waxa ay ka wadahadli doonaan arrimaha ay isku hayaan.

Magaalada Tehran-se, muhiimadda ugu sarreysa ee Hoggaamiyaha Sare ee da’da ah, Ayatullah Khamenei, waa ilaalinta nidaamka dowladnimada ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Mudaaharaadyo kale oo dhaca ayaa wajihi kara jawaab adag oo dowladda Iiraan ka timaadda.

Faa’iidada uu heysto talisku waxa weeye in aanay jirin hoggaan midaysan oo mucaaradka ah.

Wiilkii ugu weyn ee Shah, oo kacaankii lagu afgambiyay ku dhawaad ​​nus qarni ka hor, ayaa isku dayay inuu noqdo hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa wax iska caabbinta.

Waxay u muuqataa uun inay kaliya isku dayeen inay u dhawaadaan dhaqdhaqaaqayaasha mucaaradka iyagoo muujinaya taariikhda qoyskooda iyo xiriirka dhow ee Israa’iil.

Dadka ka soo horjeeda nidaamka Islaamiga ah ayaa rajeynaya in cadaadis badan oo gudaha iyo dibadda ah uu isa soo taro, isla markaana uu soo baxo hoggaan lagu kalsoonaan karo.

Natiijo ahaan, waxay rajeynayaan in daxaleysiga nidaamka uu dardar ku socon doono, isaga oo kor uga soo kacaya sida tartiibta ah ee uu ku socdo.

Isha: BBC

Maxay tahay farriinta Cirro u direy boqorka Sacuudiga ee uusan ka jawaabin?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa shaaciyay inuu farriin u diray Boqorka Sacuudiga Carabiya, Salman bin Abdulaziz.

Farriintan ayuu sheegay inuu kaga dalbaday in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan, si la mid ah farriin uu hore ugu diray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Boqor Salman ayaan weli wax jawaab ah ka bixin farriinta uu u diray Madaxweyne Cirro, sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland, inkastoo uu xusay inuu wali ka sugayo jawaab.

“Waraaq aan u qoray Netanyahu oo la mid ah ayaan u diray Boqorka Sacuudiga, Madaxweynaha Masar iyo Madaxweynaha Turkiga, midna iigama soo jawaabin, waxaana rabitaanka shacabkayga ka soo jawaabay Netanyahu,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inuu weli jawaab ka sugayo “walaalaha Carbeed”, isagoo tilmaamay inuusan midna necbayn. “Dalalka walaalaha nahay ee Carbeed taariikh fac weyn ayaa naga dhaxeysa, hadday tahay Sacuudiga iyo Masarba,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aysan jirin sabab ay Masar iyo Sacuudigu uga soo horjeestaan rabitaanka reer Somaliland, maadaama uu ku dooday in xiriir taariikhi ah uu kala dhexeeyo dalalkaas, isla markaana aysan ka fileyn cadaawad.

“Way ogyihiin in Somaliland ay Soomaaliya ka hor ahayd dal madax-bannaan. Waxaan jecelnahay in xiriirkeenna iskaashi uu sii jiro, walaalnimadeenuna ay sii socoto. Sabab ay maanta Somaliland uga horyimaadaan ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Waxa uu intaas ku daray: “Dadka Soomaaliyeed waxaan leenahay in Soomaalida la isku keeno oo la mideeyo Hargeysa ayay ka dhalatay, Xamar kama dhalan. Dadka Soomaaliyeed cadaawad uma hayno, balse waxaan leenahay hawshayada annaga ayaanu maamulaynaa. Qaran madax-bannaan ayaan ahayn 1960-kii, 1991-kiina waan soo ceshannay madax-bannaanideenna.”

Ugu dambeyntii, wuxuu sheegay in aysan cidna duullaan ku ahayn, balse ay doonayaan inay qarankooda dhistaan. “Haddii ay Soomaaliya ku soo duusho Somaliland, sidii ay ugu jabtay waagii hore, duullaanka si ka daran ayay ugu jabaysaa.”

Maxaa maanta ka dhacay Laascaanood? + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo diyaargarowga munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha dowlad-goboleedka Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa.

Shirkan ayaa la iskula qaatay qorshayaal lagu xaqiijinayo amni buuxa inta ay munaasabadda socoto, taasi oo uu ka qeyb-galayo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada Laascaanood ayaa haatan waxaa ku sugan ciidamo kala duwan oo isugu jira kuwa Dowladda Federaalka, qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo ciidamo kale, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeynaya ilaalinta amniga guud.

Hoggaamiyaha Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) oo markii hore KMG ahaa ayaa mar kale dib loogu doortay xilka Madaxweynaha, kadib doorasho sanadkii hore ka dhacday Laascaanood, taas oo lag dhammeystiray maamulkan oo aqoonsi buuxa ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ninkan ayaa toos ugu xiran Villa Somalia, wuxuuna horay ugu biiray Xisbiga uu dhisay Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP, isagoo taageeradaas ku caana maalay, maadaama uu mar kale ku guuleystay inuu sii hogaamiyo maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Si kastaba, safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Laascaanood ayaa kusoo aadayo, xilli haatan ay isku dhacsan yihiin dowladda federaalka iyo Somaliland, sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Hargeysa.

Mareykanka oo beeniyay war laga faafiyay safarka Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si cad u beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in ay soo saartay digniin amni oo la xiriirta safarka madaxweynaha Soomaaliya ee uu ku tagay magaalada Laascaanood ee caasimadda maamulka Waqooyi Bari.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay safaaradda ayaa lagu caddeeyay in aanay jirin wax digniin amni ah oo ay ka soo saartay booqashada Laascaanood, iyadoo wararka la faafiyay lagu tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqday warbaahinta iyo bulshada inay ku kadsoomin wararka aan laga helin boggeeda rasmiga ah iyo akoonnadeeda baraha bulshada, si loo helo xog sax ah oo la hubiyay.

“Waxaan ku boorrinaynaa in lagu kalsoonaado oo keliya macluumaadka ka soo baxa website-keena rasmiga ah iyo boggaga aan ku leenahay baraha bulshada,” ayaa lagu yiri bayaanka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Beenintan ayaa timid kaddib markii maalintii shalay baraha bulshada si weyn loogu faafiyay warar sheegaya in Mareykanku digniin amni ka soo saaray safarka madaxweynaha Soomaaliya ee Laascaanood.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli wafuud kala duwan oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sii qulqulayeen magaalada Laascaanood, si ay uga qayb galaan munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Cali (Firdhiye).

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berri ah tegi doona magaalada Laascaanood, halkaasi oo ay ka dhaceyso munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Firdhiye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa haatan doonaya in beesha caalamka uu Laascaanood uga diro farriin ku aaddan in Dowladda Federaalka ay maamusho qaybo ka mid ah gobollada Waqooyi ee ay Somaliland sheegato, xilli ay midnimada dalka duulaan qaawan kusoo qaaday Israa’iil.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Dowladda ayaa dagaal adag la gashay aqoonsiga Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.