26.1 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Mareykanka oo beeniyay war laga faafiyay safarka Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si cad u beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in ay soo saartay digniin amni oo la xiriirta safarka madaxweynaha Soomaaliya ee uu ku tagay magaalada Laascaanood ee caasimadda maamulka Waqooyi Bari.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay safaaradda ayaa lagu caddeeyay in aanay jirin wax digniin amni ah oo ay ka soo saartay booqashada Laascaanood, iyadoo wararka la faafiyay lagu tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqday warbaahinta iyo bulshada inay ku kadsoomin wararka aan laga helin boggeeda rasmiga ah iyo akoonnadeeda baraha bulshada, si loo helo xog sax ah oo la hubiyay.

“Waxaan ku boorrinaynaa in lagu kalsoonaado oo keliya macluumaadka ka soo baxa website-keena rasmiga ah iyo boggaga aan ku leenahay baraha bulshada,” ayaa lagu yiri bayaanka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Beenintan ayaa timid kaddib markii maalintii shalay baraha bulshada si weyn loogu faafiyay warar sheegaya in Mareykanku digniin amni ka soo saaray safarka madaxweynaha Soomaaliya ee Laascaanood.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli wafuud kala duwan oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sii qulqulayeen magaalada Laascaanood, si ay uga qayb galaan munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Cali (Firdhiye).

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berri ah tegi doona magaalada Laascaanood, halkaasi oo ay ka dhaceyso munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Firdhiye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa haatan doonaya in beesha caalamka uu Laascaanood uga diro farriin ku aaddan in Dowladda Federaalka ay maamusho qaybo ka mid ah gobollada Waqooyi ee ay Somaliland sheegato, xilli ay midnimada dalka duulaan qaawan kusoo qaaday Israa’iil.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Dowladda ayaa dagaal adag la gashay aqoonsiga Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Wasiir Cumar: Saciid Deni iyo Axmed Madoobe Imaaraadka kuma heyn karaan dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashandhiga Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay Somali Cable Tv ayaa si adag uga hadlay diidmda Jubaland, Puntland iyo Somaliland ee ku aadan cayrinta dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo ay go’aan culus ka qaadatay dowladda dhexe.

Cumar Cali Cabdi ayaa shaaca ka qaday in diidmada saddexdaan maamul aysan waxba soo kordhineynin, isla markaana dalka oo dhan ay mas’uul ka tahay dowadda federaalka Soomaaliya, oo iyadu burisay dhammaan heshiisyadii horay loola galay Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo haatan toos ula saftay Imaaraadka aysan kusii hayn karin dalka, sida u hadalka u dhigay.

“Jubaland, Puntland iyo Somaliland way diideen, laakiin madax-banaanidooda iyo haybtooda waxaa gacanta ku haysa dowladda Soomaaliya, iyadaana go’aan ka gaari karta, dastuurka ayaana faraayo” ayuu yiri wasiir Cumar.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Wax iyaga ay go’aan ka gaari karaan malaha sababtoo ah Saciid Deni iyo Axmed Madoobe Imaaraadka kuma heyn karaan dalka, waxaana dhaqan gelineynaa go’aannadii xukuumadda”.

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in hoggaamiyeyaasha saddexda maamul ee Jubaland, Puntland iyo Somaliland ay dano gaar ah ku qabaan Imaaraadka Carabta, sidaasna ay ugu adeegayaan

“Diidmadooda waxay caddeyneysaa dowladdii lagala laabtay xiriirka oo aanan hadlin inay iyaga hadlaan waxa ay ku qabeen ayayna caddeyneysaa” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, Go’aanka kasoo baxay dowladda federaalka ayaa la xiriiray warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

Hay’adda kaarka aqoonsiga Somalia ee NIRA oo wajaheysa caqabad $125 milyan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay hadda ku guda jirtaa hirgelinta nidaamka casriga ah ee aqoonsiga dadweynaha (Digital ID), iyadoo dalku u baahan yahay qiyaastii $125 milyan si barnaamijkan si buuxda looga hirgeliyo guud ahaan waddanka, waxaa sidaas sheegtay hay’adda NIRA.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha (NIRA), Cabdiweli Cali Cabdulle, oo xogtan ku shaaciyay, ayaa sheegay in illaa hadda waxaa la helay kaliya shan meelood meel (1/5) miisaaniyadda guud ee loo baahan yahay.

Nidaamka aqoonsiga casriga ah ee Soomaaliya ayaa la daah-furay sannadkii 2023-kii, iyadoo uu mashruucaas taageero dhaqaale ka helayo Bankiga Adduunka. Ujeeddada laga leeyahay ayaa ah in muwaadin kasta la siiyo aqoonsi sharci ah oo waafaqsan yoolka horumarinta waarta ee SDG 16.9, isla markaana aqoonsiga laga dhigo aalad sahleysa helitaanka adeegyada kala duwan ee dowladda iyo kuwa gaarka ahba.

Bankiga Adduunka ayaa ah maalgeliyaha ugu weyn ee mashruucan, iyada oo loo marayo nidaamka maalgelinta siyaasadda horumarinta (DPF), in kastoo uusan ahayn isha kaliya ee dhaqaalaha.

Dhamaadkii sannadkii hore, NIRA waxay shaacisay in in ka badan hal milyan oo muwaadin ay horay u qaateen aqoonsiga qaranka, tiradaas oo weli aad uga fog yoolka la higsanayo oo ah in 15 milyan oo qof la diiwaangeliyo afarta sano ee soo socota gudahood.

Agaasime Cabdiweli wuxuu sharaxaad ka bixiyay qaar ka mid ah caqabadaha horyaalla NIRA iyo sida ay uga gudbayaan. Caqabadahan qaarkood ayuu horay ugala hadlay warbaahinta Biometric Update mar uu ku sugnaa shirkii sannadlaha ahaa ee ID4Africa ee ka dhacay Itoobiya sannadkii 2025.1

“Qorshaha aan dajisanay wuxuu u baahan yahay $125 milyan si barnaamijkan looga hirgeliyo guud ahaan dalka, si muwaadin kasta uu u helo kaarka aqoonsiga qaranka,” ayuu yiri Cabdiweli. 

Cabdiweli ayaa intaas ku daray in si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo, ay dejiyeen istiraatiijiyad shan sano ah oo la jaanqaadaysa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan). Waxa uu xusay in inkasta oo ay jiraan caqabado badan, istiraatiijiyaddoodu tahay in la hubiyo in kaararka aqoonsiga si loo wada dhan yahay loo gaarsiiyo muwaadiniinta ku sugan dhammaan gobollada dalka.

Cabdiweli wuxuu sidoo kale ka hadlay arrimaha xasaasiga ah sida khidmadaha laga qaado qaadashada aqoonsiga, wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan musuqmaasuqa, amniga xogta (digital security), ilaalinta madax-bannaanida xogta, iyo dadaallada isku-xirka adeegyada.

Sannadkan, NIRA waxay sheegtay inay jirto qorshe lagu doonayo in adeegyo badan oo dowladeed lagu xiro aqoonsiga qaranka. Tallaabadan ayaa qayb ka ah istiraatiijiyadda kor loogu qaadayo qaadashada kaarka, isla markaana loogu fududeynayo muwaadiniinta inay si fudud u helaan adeegyada dadweynaha marka la aqoonsado.

Mashruuca aqoonsiga ayaa sidoo kale lagu tilmaamay mid door muhiim ah ka ciyaaraya hindisaha SPRING ee uu taageero Bankiga Adduunka. SPRING (oo laga soo gaabiyey ereyada: Kobaca Wax-soo-saarka, Adkeysiga iyo Ka-wada-qaybgalka Soomaaliya) waa mashruuc loogu talagalay in lagu taageero dadaallada shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha dhijitaalka ah, kaas oo ay hormuud ka tahay ganacsiga gaarka ah.

Xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isbeddel weyn ku yimid iyo DF oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay iskaashiga sii xoogeysanaya ee kala dhexeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo si weyn taageero ugu muujisay xilligaan adag.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay isbeddalka ku yimid xiriirka labada dal ayaa uga mahad-naqay dowladda Sacuudiga taageeradeeda xoogan, wuxuuna sheegay in xiriirkooda uu ku qotomo taariikh iyo caqiido.

“Boqortooyada iyo boqorka Xaramaynku waa sharfan yihiin Allaha barakeeyo, waxay inoo muujiyeen garab istaag walaaltinimo oo ku qotoma taariikh iyo caqiido” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Arrintan ayaa imaaneyso, iyada oo isbeddel istiraatiijiyadeed oo weyn oo ay qaadayso Muqdisho, xilli uu bur-buray xiriirka kala dhexeeya dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, oo muddo ku lug lahaa arrimaha Soomaaliya. 

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa haatan la filayaa inuu u safro Riyadh, halkaas oo uu wada-hadallo heer sare ah kula yeelan doono Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Booqashadan ayaa sidoo kale dirayso farriin adag oo muujinaysa sida Sacuudigu u garab taagan yahay madax-bannaanida Soomaaliya, kadib markii Israa’iil ay aqoonsatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland—tallaabadaas oo Muqdisho ay ku eedaysay inuu soo agaasimay Imaaraadka.

Safarka waxaa barbar socda in Riyadh ay isku diyaarinayso inay martigeliso shir-weyne dib-u-heshiisiin ah oo u dhexeeya Soomaalida, kaas oo ka dhacaya magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madiina.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqan diblamaasiyadeed ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay dib u habeyn xooggan ku sameyneyso xulafadeeda gobolka.

A/Madoobe oo ku hanjabay in doorashada DF uu ku qabanayo Kismaayo haddii…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhigga baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka doorashada iyo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Axmed Madoobe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dowladnimada Soomaaliya ay ku socoto jid halis ah, isaga oo ku eedeeyey madaxda dowlada dhexe in ay burburinayaan nidaamkii iyo kala dambeyntii lagu wada joogay.

Waxaa kale oo uu ka hadlay xiisadda maamulkiisa kala dhexeyso kooxda Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay haddii aan gacmaha la qaban madaxweyne Xassan Sheekh, ay dhici karto in Puntland iyo Jubbaland ay isku tashanayaan, isla markaana ay gaari doonaan go’aanno ay u madax banaan yihiin.

Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in doorasho ay ku qaban doonaan Kismaayo, haddii Villa Somalia ay qaban wayso shirka ay ku baaqeen, si loo wada-hadlo, kadibna xal loo gaaro.

“Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh waqtiga Madasha Mustaqbalka ku baaqday dowladdu shir ku qaban waayoo oo doorashada la isla ogolaan waayo anaga doorasho ayaan qabaneynaa” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland, isaga oo sheegay in halka ay ka raadiyeen ictiraafka uusan ka jirin, wuxuuna ugu baaqay inay usoo laabtaan walaalahooda Soomaaliyeed.

“Somaliland waxaan leeyahay meeshaad wax ka doonateen idin kama jiraanee ha dhuminina ee soo laabta Soomaalinimo wax ka weyn ma jiraan” ayuu raaciyay.

Jubbaland ayaa muddo ka aamusneyd mowqifkeeda ku aadan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taas oo si weyn loogu dhaliilay iyada iyo Puntland oo uu haatan khilaaf siyaasadeed oo xoogleh uu kala dhexeeyo dowladda dhexe.

Turkiga oo ku baxay xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka

0

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa lagu wadaa in maanta booqasho uu ku tego magaalada Dubai ee caasimada dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, xilli haatan ay taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo u dhexeysa Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.

Hakan Fidan ayaa qorshuhu yahay inuu la kulmo madaxda Imaaraadka, isaga oo kala hadli doono mowjadaha  soo kordhay, ee leh wajiyada kala duwan.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay kamid yihiin iskaashiga Turkiga iyo Imaaraadka, dadaallada nabadeynta iyo kaalinta ay dalalku ku leeyihiin xallinta khilaafaadka gobolka.

Sidoo kale wasiirka ayaa safarkiisa diiradda ku saari doono arrimaha amniga iyo siyaasadda ee gobolka Geeska Afrika iyo Gacanka Carabta.

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ajendaha wada-hadallada uu kamid yahay xaaladaha ka taagan dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen, kuwaas oo wajahaya caqabado dhanka amniga iyo xasilloonida ah.

Kulankaan ayaa indhaha lagu hayaa maadaama xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid wanaagsan, haddana kusoo beegmay maalin uun kadib markii dowladda federaalka ay baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay kula jirtay Imaaraadka, oo ay ku eedeysay inuu ku kacay tallaabooyin xadgudub ah.

“Nasiib darro dowladda Imaaraadka nalooma dhaqmin sidii dowlad mid ah oo madax-banaan marar badan ayaan ka dalbanay inay noola dhaqmaan sidii dowlad mid ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay si adag uga hadlay go’aanka dowladdiisa ka qaadatay Abu Dubai.

Si kastaba, Booqashadan ayaa sidoo kale imaaneysa xilli xasaasi ah oo ay is hayaan Imaaraadka iyo Sacuudiga, sidoo kalena ay soo kordheen caqabado waa wayn oo gobolka ah.

Fahad oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo haatan qayb ka ah Xisbiga Haybad Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa haatan dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh ka wada gudaha magaalada Muqdisho.

Fahad ayaa bilaabay kulamo is daba-joog ah oo uu la qaadanayo siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka, maadaama ay jiraan daruufo kala duwan oo adag.

Agaasimihii hore ee Nabad-sugidda aya xalay qaabilay aqoonyahanka iyo dhalinyarada Beesha Reer Aw Xasan oo uu isagu kasoo jeedo, wuxuuna ka xog wareystay xaaladaha guud, maadaama uu dhawaan uun kusoo laabtay dalka.

“Kulan wadatashi iyo is xog waraysi ah baan la yeeshay qaar kamid ah wax garadka, aqoonyahanka iyo dhallinyarada Beesha Reer Aw Xasan ee magaalada Muqdisho. Waxaan u mahadnaqayaa walaalaha soo qabanqaabiyey kulanka” ayuu yiri Fahad Yaasiin oo soo saaray qoraal kasoo saaray kulanka.

Waxaa kulankan ka horreeyay mid kale oo isaga iyo hoggaanka sare ee Xisbiga Haybad Qaran ay habeen hore la yeesheen madaxweynihii hore ee dowladda KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axxmed oo iska xog wareysteen xaaladda guud ee dalka, kadib booqasho ay ugu tageen gurigiisa.

Kulankaas ayaa isna kusoo dhamaaday is-afgarad iyo jawi wanaagsan, wuxuuna u mahadceliyay Shariif iyo xubnaha kale ee Xisbiga Himilo Qaran, sida uu horay u shaaciyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

“Waxaan caawa hoygiisa ku booqannay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran. Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Sheekh Shariif soodhawaynta diirran iyo is xogwareysiga wanaagsan” ayuu yiri Fahad.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli xaalad siyaadadeed oo kacsan ay ka jirto dalka, taas oo u dhexeyso Villa Soomaaliya iyo mucaaradka oo isku haya doorashooyinka dalka ee 2026-ka.

Si kastaba, xubnaha Xisbiga Haybad Qaran oo dhawaan xaflad wayn ku qabsaday Muqdisho ayaa haatan bilaabay kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah, iyaga oo ku biiray dhaq-dhaqaaqa haatan ka socda magaalada Muqdisho.

 

Masar oo Sacuudiga siisay sirdoon aad u dhaawacay Imaaraadka oo ay is-hayaan

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa la wadaagtay Sacuudiga xog sirdoon oo xasaasi ah oo ku saabsan hawlgallada Imaaraadka ka wado dalka Yemen, xilli Qaahira ay u xusul-duubayso inay dib u hagaajiso xiriirka xumaaday ee kala dhexeeya Riyadh, sidaas waxaa Middle East Eye u sheegay ilo-wareed sare oo ka tirsan Madaxtooyada Masar. 

Sarkaalkan ayaa sheegay in wadaagista xogtan ay timid kadib markii saraakiisha Masar ay walaac xooggan ka muujiyeen waxa ay ku tilmaameen ballaarinta taageerada Imaaraadka ee kooxaha hubeysan iyo kuwa gooni-u-goosadka ah ee gobolka—gaar ahaan Yemen, Suudaan iyo Somaliland—arrimahaas oo Masar u aragto inay khatar toos ah ku yihiin amnigeeda qaran.

“Masar waxay Imaaraadka u bixisay qurbaan ahaan si ay dib ugu hanato taageerada Sacuudiga, una ilaaliso amnigeeda qaran,” ayuu yiri sarkaalka, isagoo tallaabadan ku tilmaamay “xeelad si taxaddar leh loo qorsheeyay.”

Burburka isbaheysiga Yemen

Iskaashigii Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Yemen ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay si weyn u xumaaday. Horraantii bishan Janaayo, ciidamada Sacuudiga ayaa duqeymo la beegsaday Golaha Kumeel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) oo ay taageerto Imaaraadka, kadib markii kooxdu ay si kali-talisnimo ah u qabsatay gobollo muhiim ah oo ku yaalla bariga dalkaas.

Ciidamada dowladda ee uu Sacuudigu taageero ayaa horumar sameeyay markii uu burburay maamulkii STC, iyagoo dib u qabsaday Cadan iyo deegaannada ku hareeraysan.

Sacuudiga ayaa markii dambe ku eedeeyay Abu Dhabi inay fududeysay in hoggaamiyaha STC, Caydaruus Al-Zubeydi, uu Yemen uga baxsado dhanka Somaliland, ugana sii gudbo Imaaraadka.  

Isniintii, Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen (PLC)—oo ah dowladda caalamku aqoonsan yahay—ayaa ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-haynta koonfurta. 

Middle East Eye ayaa sidoo kale soo warisay in Cadan aysan hadda ku jirin gacanta gooni-u-goosadka, isla markaana dagaalyahanno horay ula saftaa STC ay u goosteen dhanka dowladda.

Doorka sirdoonka Masar

Sida uu sheegay ilo-wareedka madaxtooyada, sirdoonka Masar iyo ciidamadooda badda ayaa raadaar iyo qalab kale oo casri ah ku la socday dhaq-dhaqaaqa maraakiibta Imaaraadka ka hor inta uusan billaaban hawlgalka Sacuudiga, waxayna xogtaas iyo qaabka dhaq-dhaqaaqaba la wadaageen mas’uuliyiinta Riyadh.

Qaahira ayaa sidoo kale gudbisay cajalado maqal ah oo ay sheegtay inay duubtay, kuwaas oo laga maqlayo saraakiil Imaaraati ah oo ka hadlaya ujeeddooyinkooda Yemen iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin madaxda STC.

Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in Masar ay sidoo kale Sacuudiga u sharaxday taageerada Imaaraadka ee Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee Suudaan, iyagoo barbar-dhigaya dhaq-dhaqaaqyada Imaaraadka ee koonfurta Yemen.

Wadashaqeyntan ayaa kusoo beegantay xilli uu sii xoogeystay isku-xirka Qaahira iyo Riyadh, waxaana taas caddeyn u ah booqashadii uu bishaan horraanteedii Masar ku tagay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan, halkaas oo uu wadahadallo kula yeeshay Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Badr Cabdulcadhi.

Booqashadaas kadib, Riyadh ayaa Qaahira ka codsatay inay diyaariso maraakiib dagaal si loo carqaladeeyo waddooyinka saadka ee Imaaraadka uga imaan kara dhanka koonfurta Yemen; ilo-wareedka ayaa xaqiijiyay in Masar ay maraakiibta nooca Mistral-ka u dirtay dhanka koonfureed ee Badda Cas si ay u kormeeraan dhaqdhaqaaqa Imaaraadka. 

Dhinaca kale, ilo diblamaasiyadeed oo Masar ah ayaa sheegay in Abu Dhabi ay ka carootay tallaabadan, iyadoo uga digtay Masar inay xiriirka Sacuudiga ku hagaajiso danta Imaaraadka, halka Masar ay walaac ka muujisay taageerada Imaaraadka ee kooxaha hubeysan ee Suudaan iyo saameynta ay ku leedahay xasilloonida gobolka iyo xuduudaha Masar.

Xogta weerar culus oo ay Al-Shabaab ku qaadeen B/dweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Weerarka oo aad loo soo qorsheeyay ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafadda Buundo-weyn ee magaaladaasi, waxaana kadib xigay dagaal saacado qaatay oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana Al-Shabaab ay adeegsadeen madaafiic qaarkood ku hoobtay xaafadda Buundo-weyn oo ay dagan yihiin dad shacab ah.

Sidoo kale, waxaa lasoo warinayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay, maadaama dagaalka uu dhacay xilli saq-dhexe oo habeenimo.

Dhanka kale, saraakiisha laamaha amniga Beledweyne oo ka hadlay weerarka Al-Shabaab ayaa sheegay inay ka hortageen, waxayna tilmaameen in weli ay wadaan howlgallo lagu baadi goobaayo raggii duulaanka soo qaaday.

Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan weerarkaas.

Marar badan ayay Al-Shabaab beegsadeen fariisimo ku yaalla Degmada Beledweyne, iyaga oo sidoo kle qaraxyo dad badan lagu laayay ka fuliyay magaaladaasi.

Xog: Xasan Sheekh oo ku wajahan Sacuudiga, xilli Bin Salmaan uu wado qorshe culus

Muqdisho (Caasiamda Online) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda u safro magaalada Riyadh, halkaas oo uu wada-hadallo heer sare ah kula yeelan doono Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan.  

Safarkan ayaa tilmaamaya isbeddel istiraatiijiyadeed oo weyn oo ay qaadayso Muqdisho, xilli uu bur-buray xiriirka kala dhexeeya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, oo muddo ku lug lahaa arrimaha Soomaaliya. 

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia, booqashadani waxay diraysaa farriin adag oo muujinaysa sida Sacuudigu u garab taagan yahay madax-bannaanida Soomaaliya, kadib markii Israa’iil ay aqoonsatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland—tallaabadaas oo Muqdisho ay ku eedaysay inuu soo agaasimay Imaaraadka.

Safarka waxaa barbar socda in Riyadh ay isku diyaarinayso inay martigeliso shir-weyne dib-u-heshiisiin ah oo u dhexeeya Soomaalida, kaas oo ka dhacaya magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madiina.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa durba xiriirro diblamaasiyadeed la sameeyay dhinacyo kala duwan oo isugu jira mas’uuliyiin dowladeed, hoggaamiyayaasha mucaaradka, iyo odayaasha dhaqanka, si loo qaboojiyo xiisadaha gudaha loona xoojiyo midnimada qaran.

Dhaq-dhaqaaqan diblamaasiyadeed ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay dib u habeyn xooggan ku sameyneyso xulafadeeda gobolka.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Isniintii laalay dhammaan heshiisyadii amni iyo kuwa difaaca ee kala dhexeeyay Imaaraadka, iyagoo sabab uga dhigay xad-gudubyo ka dhan ah “madax-bannaanida, midnimada qaran, iyo madax-bannaanida siyaasadeed.”

Go’aankaas ayaa meesha ka saaray sharciyaddii joogitaanka milateri ee Imaaraadka ee dalka. Goobjoogayaal ayaa soo tebinaya in Abu Dhabi ay billowday daad-gureyn degdeg ah oo ay shaqaalaha iyo qalabka culus kaga saarayso saldhigga Boosaaso ee Puntland, iyadoo xogta duulimaadyadu muujisay diyaaradaha xamuulka ee Il-76 oo si is-daba joog ah uga baxaya xaruntaas.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa sidoo kale ku eedeeyay Imaaraadka inay wiiqayaan madax-bannaanidooda iyagoo fududeeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isla markaana dhulka Soomaaliya u isticmaalay inay ku taageeraan kooxaha gooni-u-goosadka ah ee Yemen.

Khilaafka diblamaasiyadeed ayaa kadib cirka isku shareeray kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Imaaraadku isticmaalay marinno Soomaaliya ah si uu u baxsado hoggaamiyaha gooni-u-goosadka Yemen, Caydaruus Al-Zubeydi, kana baaqsado wada-hadalladii uu Sacuudigu hoggaaminayay.

Iyadoo taas ka jawaabaysa, Muqdisho waxay hadda la safanaysaa istiraatiijiyadda ballaaran ee Riyadh ee xakamaynta Badda Cas. Sacuudiga, oo ka walaacsan “fiditaanka awoodda” ee Imaaraadka oo isku xiraysa jasiiradda Socotra iyo Somaliland, ayaa ugu baaqay dalalka Carabta inay taageeraan qorshe midaysan oo uu Sacuudigu hoggaaminayo oo lagu sugayo xasilloonida Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay kulan dhawaan ay yeesheen Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Waleed Al-Khuraiji, ayaa ugu baaqay ururka inay si cad u diidaan maamullada gooni-u-goosadka ah ee Soomaaliya, isagoo xoojiyay sida Boqortooyada uga go’an tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Maamulka Trump oo soo saaray go’aan hoggaamin kara tarxiilka Soomaali badan

Washington (Caasimada Online) – Saraakiisha maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inay soo afjari doonaan barnaamijka badbaadada ku-meel-gaarka ah ee loo yaqaan TPS (Temporary Protected Status), kaas oo ka hortagga masaafurinta iyo sharciyada shaqada siinayay ku dhawaad 1,100 qof oo Soomaali ah oo ku sugan Mareykanka.

Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem, ayaa sheegtay inay joojinayso TPS-ka Soomaalida, iyadoo ku doodday in xaaladda Soomaaliya ay soo hagaagtay, in kasta oo uu weli socdo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab.  

Go’aankan marka la dhaqan-geliyo, dadka haysta sharciga TPS waxa uu ka dhici doonaa 17-ka Maarso, inkastoo la filayo in caqabado sharci ay ka horyimaadaan.

“Xaaladaha dalka Soomaaliya waxay soo hagaageen heer aysan buuxinayn shuruudaha sharciga ee TPS,” ayay tiri Noem oo qoraal soo saartay. “Intaas waxaa dheer, u ogolaanshaha muwaadiniinta Soomaaliyeed inay si ku-meel-gaar ah u sii joogaan Mareykanka waxay ka hor imaanaysaa danaha qarankeena. Waxaan mudnaanta koowaad siineynaa dadka Mareykanka ah.”

Trump ayaa bilihii u dambeeyay si kulul u dhaliilayay soo-galootiga Soomaalida, isagoo ku tilmaamay “qashin” (garbage), wuxuuna diiradda saaray eedeymo la xiriira musuq-maasuq oo ka jiray gobolka Minnesota, eedeymahaas oo dadka lala xiriiriyay ay ku jiraan Soomaali.

Madaxweynaha Jamhuuriga ah ayaa bishii November sheegay inuu soo afjarayo TPS-ka Soomaalida Minnesota, halkaas oo sida ay sheegtay xogta tirakoobka Mareykanku ay ku nool yihiin qiyaastii 76,000 oo Soomaali ah.

Maamulka Trump ayaa Minnesota geeyay in ka badan 2,000 oo ah wakiillada socdaalka federaalka, iyadoo ay jiraan eedeymo, aan la caddeyn oo sheegaya in soo-galootiga Soomaalida ay maamulayaan xarumo xannaanada carruurta oo been abuur ah (fraudulent daycares), taasoo magaalada ay dimuqraadiyiintu maamulaan ka dhigtay bartilmaameedka cusub ee hawlgallada Trump.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay isbuucii hore magaalada Minneapolis markii sarkaalka socdaalka federaalka uu toogasho ku dilay Renee Good, oo ahayd muwaadin Mareykan ah iyo hooyo dhashay saddex carruur ah, dhacdadaas oo dhalisay dibadbaxyo xooggan.

Kala-noqoshada dhalashada  

Isagoo Talaadadii ka hadlayay magaalada Detroit, Trump wuxuu sheegay in maamulkiisa uu kala noqon doono dhalashada soo-galootiga qaatay jinsiyadda (naturalized citizens) ee ka yimid Soomaaliya ama meel kale, haddii lagu helo dambi ah inay dhaceen hantida muwaadiniinta Mareykanka.

In kasta oo maamulka Trump uu sheegay inay kordhinayaan hawlaha lagala noqonayo dhalashada, haddana geeddi-socodkaas waa mid qaata waqti dheer oo u baahan dhaqaale badan.

TPS waa barnaamij siiya dadka horay u joogay Mareykanka fursad ay kaga badbaadaan masaafurinta iyo inay shaqeystaan, haddii dalkoodu uu la kulmo masiibo dabiici ah, dagaal hubeysan ama dhacdooyin kale oo aan caadi ahayn.

Maamulka Trump ayaa isku dayay inuu soo afjaro inta badan barnaamijkan, isagoo sheegay inuu ka hor imaanayo danaha Mareykanka.

Bishii Diseembar, garsoore federaal ah ayaa hor istaagay qorshaha maamulka Trump ee lagu joojinayay TPS-ka kumanaan muhaajiriin ah oo ka yimid Honduras, Nepal iyo Nicaragua, isagoo daliishaday hadallo cunsuriyad xambaarsan oo kasoo yeeray saraakiisha Trump, kuwaas oo shaki galiyay sharciyadda go’aanka.

Ogeysiiska rasmiga ah ee Talaadadii soo baxay ayaa sheegay in qiyaastii 1,100 Soomaali ah ay haystaan sharcigan, halka 1,400 kalena ay sugayaan codsiyada TPS.

Qoraalka joojinta ayaa lagu xusay in amniga Soomaaliya uu soo hagaagay, isla markaana Soomaalida la celinayo ay dooran karaan inay ku noolaadaan meelaha nabdoon ee dalka, sida gobollada waqooyi ee Somaliland.

Kordhintii TPS ee 2024, oo uu sameeyay maamulkii Biden, ayaa sabab looga dhigay in weerarada Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ay keenayaan baahi bani’aadannimo oo loo qabo in Soomaalida la siiyo magangalyo.

“Al-Shabaab waxay shacabka u geysataa tacaddiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan dilal aan maxkamad la soo taagin, dilal ku saleysan diin iyo siyaasad, dadka oo la waayo, jirdil, iyo falal kale oo bani’aadanimada ka baxsan,” ayaa lagu yiri ogeysiiskaas hore.

Maxaa xigaya go’aanka DF Soomaaliya ay dalka uga cayrisay Imaaraadka Carabta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu shalay u jeediyey shacabka kaga hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo tallaabooyinka dowladdu qaaday ee ku aaddan siyaasadda dalka, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

“Tan iyo markii Israa’iil oo xoog ku haysata dhulka reer Falastiin ay ku dhawaaqday go’aankii qar iska tuurka ahaa ee ay ku sheegtay in ay aqoonsanayso qeyb ka mid ah gobollada dalkeenna oo ay yiraahdeen dowlad gaar ah, waxaan qaadannay tallaabooyin kala duwan oo la xiriira difaaca iyo midnimada dalka, iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu ku yiri khudbaddiisa Madaxweynaha Soomaaliya.

Balse khudbadda waxa uu sidoo kale madaxweynuhu is-dul taagay mowqifkii ay Golaha Wasiirradu kala noqdeen Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, isla markaana ay ku burriyeen guud ahaan heshiisyadii ay kula jirtay Soomaaliya. Waxa uu Imaaraadka ku tilmaamay “waddan si doc-faruur ah uga adeegsanaya gudaha Soomaaliya”.

“Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u caddeeyo in Dowladda Imaaraadka Carabta aan la lahayn xiriir wanaagsan oo dhankeena ah oo aan u galnay si niyad-samaan iyo qalbi furnaan ah. Nasiib darro, Imaaraadku nooma uusan dhaqmin sidii dowlad mid ah oo madax-bannaan,” ayuu yiri madaxweynuhu.

“Intaas ka dib, weli maanaan deg-degin; marar badan ayaan ka dalbanay Dowladda Imaaraadka inay noola macaamilaan annagoo ah hal dal oo madax-bannaan oo masuul ah, ayna joojiyaan habka doc-faruurka ah ee ay albaabbada kala duwan uga soo galayeen dalkeenna, iyagoo ku kacaya arrimo aanay mararka qaarkood ka warhayn Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana dhex fuliya gudaha Soomaaliya—kuwaas oo xadgudub ku ah haybadda iyo qaranimada dalkeenna.”

Isaga oo hadalka sii wata, ayuu intaas ku daray in aysan dooneyn in dhibaato soo gaarto qeyb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed: “Waxaan rabaa inaan caddeeyo go’aanka dowladda inaan marnaba loola jeedin in dadkeenna dhibaato ka soo gaarto,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Maxaa dhacaya kadib go’aanka Soomaaliya?

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ka qabata hawlo kala duwan oo isugu jira ganacsi, amni, adeegyo gargaar bini’aadannimo, iyo saameyn siyaasadeed oo ay ku leedahay maamullada ka jira dalka iyo dowladda dhexe.

Sidoo kale, waxaa Soomaaliya ka shaqeeya hay’ado iyo shirkado ganacsi oo mashaariic ka fuliya gudaha dalka. Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq—oo hore tifaftire uga soo noqday laanta Af-Soomaaliga ee BBC, haddana ah falanqeeye arrimaha siyaasadda Geeska Afrika—oo BBC-da u warramay, ayaan weydiinay waxa ay noqon karto falcelinta ka timaadda maamullada qaar.

“In dowladda Soomaaliya go’aan ka soo saartay maaha go’aan sahlan, go’aan indho la’aan ahna maaha; dabcan waa go’aan ay ka fiirsadeen, ciddii u beddeli lahayd ay ka baaraan-dageen. Tan kalena, iyaga xiriir diblomaasiyadeed ma jirin, laakiin waxaan isleeyahay waxa ay war sugayaan tallaabooyinka ay qaadi doonaan dhinacyada kale ee Imaaraadka ay ku kaban yihiin, iyo Imaaraadka laftirkooda,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Isaga oo intaas ku daray in go’aankaas laga yaabo in lagu eegayey tallaabada ay qaadi karaan, ayuu yiri: “Dabcan Jubbaland iyo Puntland waa hadleen, weyna sheegeen in ay ku mintidayaan Imaaraadka. Marka taas lafteeda, in ay go’aankaas raadinaayeen ayaa laga yaabaa dowladda federaalka; noocanna waxa uu u ekaan karaa shirqool ay ku dooneyso in dowlado iyo dhinacyo kale meesha u soo galaan—oo dagaal wakaaladeedkii, markii Israa’iil aqoonsatay Somaliland, ayaa meesha ka muuqda.”

Sidoo kale, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad—oo haatan falanqeeya arrimaha Soomaalida—oo la hadlay BBC, ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Imaaraadka Carabta, isaga oo sheegay inuu ahaa mid soo daahay marka la eego sida ay u dhaqmayeen Imaaraadku.

“Waa go’aan sax ah, waa go’aan soo daahay marka la fiiriyo sida ay Imaaraadku Soomaaliya—ama dalal badan oo Soomaaliya la mid ah—ula dhaqmayeen. Marka la fiiriyo khatarta ay Soomaaliya ku hayaan, waxa ay ahayd go’aan ay ahayd in mar hore la qaato,” ayuu yiri.

Wasiir Cawad ayaa sheegay inay arrin kale tahay awoodda ay dowladdu u leedahay in Boosaaso iyo Berbera uga mamnuucdo Imaaraadka, balse ay muhiim tahay in qaranimada Soomaaliya laga difaaco qofkii dhib ku haya.

“Go’aanka sida uu u fulayo—xukuumadda hadda jirtaa ay u fulin karto, iyo awoodda ay u leedahay inay uga mamnuucdo Imaaraadka Boosaaso iyo Berbera—waa arrin kale. Laakiin ugu yaraan sharci ahaan iyo niyad ahaan, waa ahayd in laga difaaco qaranimada Soomaaliya qofkii dhib ku haya,” ayuu yiri.

Kaabayaal dhaqaale oo magaalooyinka ay Imaaraadku ka fuliyaan mashaariicdoodu waxa ay ku yeelan doontaa saameyn taban, taas oo hoos u dhigi karta dhaqaalaha dadka ku tiirsan. Cabdullaahi Sheekh ayaa ku tilmaamay in ay adkaan doonto sii wadidda shaqooyinka ay ka hayaan goobahaas haddii uu dhaqan galo go’aankan.

“Haddii dowladaha Islaamka ah ay si dhab ah u soo galaan arrintan, dowladda Soomaaliyana ay kula heshiiso in Imaaraadka meelaha ay joogaan dhan laga saaro—xoog iyo xeelad waxa ay noqotaba—waxaan isleeyahay Imaaraadka Carabta waa ku adkaan doontaa in ay sii hawl-galaan gobolladaas; sharci ahaan waa dhul Soomaaliya ka tirsan, dhab ahaanna waa gobollo ka mid ah dalka. Gaar ahaan Turkiga iyo Sacuudiga, haddii ay meesha soo galaan, oo Imaaraadkana muddo loo qabto,” ayuu yiri.

Dhanka Imaaraadka Carabta, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay illaa iyo hadda. Hase yeeshee, shirkadda DP World ayaa sheegtay in hawlihii dekedda Berbera ay u socdaan si waafaqsan heshiisyadii hore u jiray, iyada oo ku baaqday in “go’aannada siyaasadeed, wadaxaajoodyada dalalka dhex maraya, iyo mowqifyada diblomaasiyadeed loo diro maamullada ay khusayso”. Hadalkaas ayaa lagu sheegay qoraal ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Soamaaliya iyo Turkiga oo billaabay hirgelinta heshiis ay wada galeen + Sawirro

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa haatan bilaabay inay si rasmi ah u hirgeliyaan heshiis iskaashi oo ay wada saxiixdeen 10 sano kahor, kaas oo muhiim u ah labada dowladood.

Magaalada Ankara ayaa maanta si rasmi ah loogu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Ammaanka Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga.

Soomaaliya waxaa hirgelinta heshiiska u saxiixay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Prof. Salim Aliyoow Ibrow, halka Turkiga uu qalinka ku duugay Wasiirka Shaqada iyo Ammaanka Bulshada ee Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işıkhan, waxa kale oo goob-joog ahaa munaasabadda Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, Agaasimaha Guud Mudane Yuusuf Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan labada dal.

Intaas kadib, waxaa xigay kulan farsamo oo diiradda lagu saaray 15-ka qodob ee lagu hirgelin doono muddada 2026–2027, kuwaas oo saldhig u noqon doona xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada shaqada, tababarka xirfadaha, badbaadada shaqaalaha iyo goobaha shaqada (OSH), iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isku raacay in la dardargeliyo hirgelinta qodobada heshiiska, si loo xoojiyo hay’adaha shaqada ee Soomaaliya, loona adkeeyo wada-shaqeynta joogtada ah ee dowladda Turkiga.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horay u galay heshiisyo waa wayn oo ay ku jiraan difaaca iyo heshiisyo kale oo ku aadan ganacsiga iyo khayraadka dalka.

Waxaa sidoo kale saxiixa heshiiskan uu yimid iyada oo dhawaan Muqdisho iyo Istanbul ay ku dhawaaqeen in la guda geli doono sanadkan cusub shidaal qodista, si looga faa’iideysto khayraadka dhex-ceegaaga biyaha Soomaaliya.

Turkiga oo ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya ayaa sidoo kale kamid ah dalalka waa wayn ee garab istaagga u muujiyay Soomaaliya, wuxuuna ballan qaaday difaaca waddanka, maadaama uu kula jiro heshiis milatari oo wayn.

DP World oo ka hor-timid go’aanka kasoo baxay DF

0

Berbera (Caasimada Online) – Shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo ka fal-celisay go’aanka kasoo baxay Soomaaliya ee lagu cayriyay Imaaraadka ayaa ka hortimid tallaabada dowladda.

DP World ayaa shaacisay in ay sii wadi doonto hawlaheedii, ayna kasii shaqeyn doono dekedda Berbera ee Somaliland, iyada oo tilmaamtay in aanu sameyn doonin xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Bayaan kasoo baxay shirkadda oo yimid maalin uun kadib markii Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay horay ula gashay Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in ay sii socon doonto shaqadeeda, ayna wadi doonyo howlaha fududeynta ee ganacsiga Somaliland.

“DP World waxay diiradda saaraysaa sidii ay uga sii shaqayn lahayd dekedda Berbera, iyadoo fududeynaysa ganacsiga Somaliland iyo gobolka Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal ay shirkaddu u dirtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Jawaabta shirkadda DP World ayaa kusoo aadeyso, iyada oo heshiisyada ay laashay Soomaaliya ay ku jiraan kuwo dhanka dekedaha ah, iskaashiga difaaca iyo amniga ee horay loola galay Abu Dubai.

Horay Somaliland ayaa iyadna dhankeeda u sheegtay in go’aanka Dowladda Federaalka uusan saameyn doonin dekadda Berbera oo kamid ah dekadaha ugu mashquulka badan Geeska Afrika, uuna gacanta ku hayo Imaaraadka.

Si kastaba, Go’aanka Dowladda Soomaalya ayaa la xiriiray warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ku caddaynaysaa masuuliyaddeeda iyo xuquuqdeeda madaxbannaani ee la xiriirta dhulkeeda, dekadaheeda, arrimaheeda amniga, iyo arrimaheeda dibedda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kulan aan caadi ahayn oo ay shalay yeesheen Golaha Wasiirada.

Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa haatan galay maalmihii ugu adkaa, iyada oo Soomaaliya ay si toos ah ula safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ku taageertay hoggaaminta arrimaha gudaha ee dalka Yemen.

Qaar ka mid ah raggii ka dambeeyay dhacdooyinkii Wanlaweyn oo la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal culus oo xalay ka dhacay duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday xukunsanayaashii ka dambeeyay dhacdooyinkii argagaxa lahaa iyo dilalkii horay uga dhacay halkaasi.

Howlgalka oo ay qaadeen ciidamada Booliska iyo kuwa Milatariga ayaa ka dhacay nawaaxiga tuulada Daudumaaye, waxaana kadib xigay dagaal ay ciidanka la galeen qaar kamid ah maleeshiyaadka baxsadka ah oo ku sugnaa halkaasi.

Sarkaal u hadlay maxkamadda ayaa xaqiijiyay in goobta lagu dilay saddex kamid ahaa xukunsanayaasha oo muddo dheer baxsad ka ahaa cadaaladda, kuwaas oo kala ah Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley), Saydi Cali Cabdulle iyo Cabdullahi Karar Ismaaciil oo ay horay maxkamaddu u amartay in nolol ama geeri midkood lagu soo qabto.

“Ciidamada amniga ayaa waxa ay ku baxeen aagga tuulada Dudumaayi halkaas ay gaareen ciidanka waxaa ka dhacay dagaal kooban, waxaana ku naf-waayay xukunsanayaasha qayb kamid ah oo uu kamid yahay maxuum Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley) oo ku eedeysnaa dil qorsheysan oo loo gaystay dad birimageydo ah oo war biyo ka shubanayay, waxaa kale oo la geeriyooday laba xukunsane oo kale Saydi Cali Cabdulle iyo Cabdullahi Karar Ismaaciil”. ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ay sii wadi doonaan howlgalladooda oo qaatay muddo ku dhow laba bil oo xiriir ah, si loo soo afjaro maleeshiyaadka baxsadka ah ee weli ku dhuumaaleysanaya dhulka hawdka ee aagga Wanlaweyn.

“Inta dhiman nolol ayaan ku keeni doonaan ama geeri, waxaana socon doonaan howlgalka illaa laga soo afjaro dambiileyaasha” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ha dhawaato ama ha dheeraato Insha allahu xukunkaas sida uu u dhacay waayay, waana la fulinayaa annaga oo iskaashaneyno ciidanka Booliska iyo Milatariga”.

Ragga la dilay iyo kuwa la baadi goobayo ayaa lagu helay dil wadareed ka dhacay Warta Cismaan oo qiyaastii 8KM u jirta degmada Wanlaweyn, laguna dilay 12 qof iyo falkii lagu gubay Isaaq Daa’uud Maxamed ee isnka ka dhacay aagga degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Booliska oo gacanta ku dhigay nin dhibaato ku hayay reer Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qabtay nin dhibaato ku hayay shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Hodan ay gacanta kusoo dhigeen eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Jibriil Aadan, oo mobile-lada ka dafi jiray shacabka isticmaala waddooyinka, isaga oo adeegsanayay mooto Fekon ah.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Hodan, ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane lagu magacaabo Maxamed Jibriil Aadan, kaas oo ku eedaysan inuu ka dafi jiray mobile-lada muwaadiniinta isticmaala waddooyinka caasimadda” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Booliska ayaa intaasi ku daray in muddo dheer la baadi goobayay ninkan, isla markaana soo qabashadiisa laga tix raacay kaamirada qarsoon ee CCTV.

“Eedaysanaha ayaa adeegsan jiray mooto Fekon si uu u dhibaateeyo bulshada, Booliska ayaa ku daba jiray eedaysanaha, iyagoo adeegsanaya xog iyo muuqaalo laga helay kaamirooyinka CCTV, kuwaas oo muujinayay eedaysanaha oo ka dafaya mobile muwaadin rakaab ah oo maraya wadada isku xirta Lambar Afar ilaa Soobe” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo uu Boolisku intaas ku daray in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Eedaysanaha hadda waxa uu ku jiraa gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loo marsiiyo” ayaa la sii raaciyay.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga caasimada, waxayna horay gacanta ugu soo dhigeen burcaddii ugu badneyd oo dhibaato ka waday degmooyinka gobolka Banaadir.

Daawo: Xasan oo diray hanjabaad culus kadib tallaabadii laga qaaday Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta la hadlay dadka Soomaaliyeed ayaa jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlay go’aannadii ugu dambeeyey ee ay dowladdu qaadatay, gaar ahan cayrintii Imaaraadka iyo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isaga oo diray hanjabaad ku aadan xaaladaha soo kordhay.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer uga hadlay go’aanka masiiriga ah ee uu ka qaatay Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuuna sababta ku sheegay in go’aanka ay ku saleeyeen ilaalinta madax-banaanida dalka.

Madaxweynuhu wuxuu Imaaraadka ku eedeeyay inuu khatar wayn ku ahaa qarannimada Soomaaliya, isla markaana uu waday kala qaybinta dalka.

“Nasiib darro dowladda Imaaraadka nalooma dhaqmin sidii dowlad mid ah oo madax-banaan marar badan ayaan ka dalbanay inay noola dhaqmaan sidii dowlad mid ah” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale, wuxuu diray hanjabaad kale oo culus, isaga oo ku goodiyay inay qaadi doonaan tallaabooyin kale oo lagu difaacayo qarannimada Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa tallaabooyin kala duwan oo la xiriira difaaca qarannimadeyna, mana jirto cid looga heebeysanayo difaaca Qaranka” ayuu ku hanjabay madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in mas’uuliyad ay iska saarayaan in shacabka Soomaaliyeed ay helaan madax-banaanida dhaqaale iyo mid siyaasadeed, iyagoo kalsooni ku qaba dalkooda qaniga ah iyo dowladdooda.

Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, wuxuuna tilmaamay in si adag ay u diiday dunida, ayna garab istaagtay Soomaaliya.

“Dunida si isku mid ah iyadoo isticmaaleyso erayada ugu adag ayay ku diiday isku dayga Israa’iil ee kala qaybinta dalka” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Hub iyo gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab oo la burburiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Jabad Godone ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in howlgalka si gaar ah loogu qaaday goob ay Khawaarijtu kasoo abaabuli jireen weerarada qaraxyada ah, isla markaana lagu burburiyay dhamaan agabkii iyo gaadiid kii yaalay halkaasi.

Waxaa kale oo weerarka lagu khaarijiyay 17 dagaalame oo ka tirsanaa argagixisada, welina uu socdo howlgalka OO ay qaadeen Ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah.

“Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay Khawaarijtu ka abaabuli jireen falal argagixiso, gaar ahaan qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka, waxaana howlgalkaas lagu khaarajiyay 17 dhagarqabe oo ka tirsanaa argagixisada, sidoo kale waxaa howlgalka lagu burburiyay gabi ahaan hubkii iyo gaadiidkii ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay falalkooda guracan, si loo xakameeyo dhagartooda” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

WAR-SAXAAFADEED: Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay Khawaarijtu ka abaabuli jireen falal argagixiso, gaar ahaan qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka, waxaana howlgalkaas lagu khaarajiyay 17 dhagarqabe oo ka tirsanaa argagixisada, sidoo kale waxaa howlgalka lagu burburiyay gabi ahaan hubkii iyo gaadiidkii ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay falalkooda guracan, si loo xakameeyo dhagartooda.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ah in ay sii wadaan howlgallada qorsheysan ee lagu ciribtirayo Khawaarijta arxanka daran, si loo ilaaliyo amniga, xasilloonida, iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Saameynta go’aanka DF Soomaaliya ee burinta heshiisyada Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aanka taariikhiga ah ee ka soo baxay Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 12-ka Janaayo 2026, waa mid beddelaya wajiga siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga qaranka ee Geeska Afrika.

Go’aankan, oo si toos ah u burinaya dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) gaar ahaan kuwa khuseeya dekedaha istiraatiijiga ah ee Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo, iyo iskaashiga milatari waa tallaabo culus oo dib loogu soo celinayo haybadda dowladnimo. Qormadani waxa ay falanqeynaysaa afarta tiir ee ugu muhiimsan ee ka dhalanaya go’aankan.

Go’aanka iyo faa’iidada uu u keenayo midnimada Soomaaliya

Go’aanka Golaha Wasiirada waxa uu xambaarsan yahay faa’iidooyin waaweyn oo dhanka midnimada iyo dib-u-yagleelidda dowlad dhexe oo awood leh, waana tallaabo lagama maarmaan u ahayd soo celinta “Qaranimo Dhammaystiran.” Iyada oo go’aankaan uu toos u taabanayo dakadaha ay Imaraadka joogaan ee dhaca Waqooyiga illaa Koonfurta Soomaaliya.

Go’aankaan waxa uu Soo Afjarayaa Siyaasadda Is-barbar Yaaca ah ama afka qalaad lagu yiraahdo (Foreign Policy Fragmentation). Dhibaatada ugu weyn ee haysatay Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay waxay ahayd in dowlad goboleedyada qaarkood ay u dhaqmayeen sidii dowlad-madax-bannaan oo xiriira toos ah la sameynaya dalal shisheeye.

Burinta heshiisyadaan waxa ay soo xireysaa albaabkii cid waliba ay soo galeysay ee dowladda kaga furnaa dhanka maamul goboleedyada kaasi oo si didban u ahaa (divide and rule) ee shisheeyuhu isticmaalayay.

Marka Dowladda Federaalka ay laasho heshiisyada dekadaha Berbera iyo Boosaaso, waxa ay diraysaa farriin cad oo ah in hal albaab oo kaliya laga soo geli karo Soomaaliya, kaasna uu yahay Muqdisho.

Go’aankaan waxa uu xaqiijinayaa Madaxbannaanida Dhuleed iyo Dhaqaale ee dalka. Dekedaha waa ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha iyo amniga qaranka. In maamul shisheeye (sida DP World) uu gacanta ku hayo dekedaha ugu muhiimsan dalka iyadoo aan ogolaansho buuxda laga haysan dowladda dhexe ama baarlamaanka qaranka, waxa ay ahayd xadgudub dastuuri ah.

Go’aankan waxa uu dib u soo celinayaa awoodda maamul ee kheyraadka dalka, taas oo fursad u siinaysa Soomaaliya in ay heshiisyo caalami ah oo hufan la gasho maalgashadeyaal ixtiraamaya sharciga dalka iyo madax-banaanidiisa.

Tallaabooyinka noocaan ah waxa ay inta badan abuuraan mowjado waddaniyadeed. Shacabka Soomaaliyeed oo arkayay saameynta taban ee faragelinta shisheeye gaar ahaan tan Imaaraadka oo iyadu dagaalo badan oo ka holcaya Yemen iyo Sudan ku leh, go’aankan waxa uu u noqonayaa mid ay ku diirsadaan.

Waxa ay mideyneysaa bulshada in ay arkaan dowlad difaaceysa sharafta calanka, taasina waxa ay yareynaysaa isku-haleynta maamul-goboleedyada, iyadoo xoojinaysa tiirka dowladda dhexe.

Saameynta taban ee uu ku yeelan karo Imaaraadka Carabta

Go’aankan waxa uu dharbaaxo weyn oo dhanka istiraatiijiyadda iyo dhaqaalaha ah ku yahay Dowladda Imaaraadka Carabta, taasoo sanado badan maalgelinaysay sidii ay u maamuli lahayd marinnada biyaha ee Geeska Afrika.

Luminta Gacan-ku-haynta Marinka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya: Istiraatiijiyadda Imaaraadka ee loo yaqaan “String of Pearls” ama silsiladda dekedaha, waxay ku dhisnayd in ay maamulaan dekedaha Berbera, Boosaaso, iyo kuwo kale oo Yemen ku yaalla si ay u xakameeyaan ganacsiga caalamiga ah. Soomaaliya oo albaabada ka xiratay Imaaraadka waxa ay ka dhigan tahay in silsiladdii go’day, taasina waxa ay wiiqeysaa awooddii ay ku lahaayeen maamulka marinka Baab al-Mandab iyo Badweynta Hindiya.

Shirkadda DP World iyo hay’adaha kale ee Imaaraadka waxa ay malaayiin dollar galiyeen dhismaha iyo ballaarinta dekedahaas.

Burinta heshiisyadaas oo ah kuwo sharci darro ku tilmaaman dastuurka Soomaaliya awgeed, waxa ay Imaaraadka u horseedi doontaa khasaare maaliyadeed oo toos ah, maadaama aysan haysan sharciyad caalami ah oo ay ku sii joogaan dhul Soomaaliyeed oo dowladdii dhexe ay ka eriday, sida dhacdadii ay kala kulmeen Jabuuti.

Haddii Soomaaliya ay qaadato go’aankan, waxa ay dhiirrigelin kartaa dalal kale oo Afrikaan ah oo dareensan culeyska faragelinta Imaaraadka in ay qaadaan tallaabooyin la mid ah. Tani waxa ay meesha ka saareysaa riyadii Imaaraadka ee ahayd inay noqoto “Quwadda Dhexe” ee maamusha siyaasadda Geeska Afrika.

Sumcadda Imaaraadka ee sii xumaaneysa

Go’aanka Soomaaliya ma aha dhacdo gooni u taagan, balse waa qayb ka mid ah silsilad guuldarrooyin ah oo soo wajahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Imaaraadka sanadihii u dambeeyay (2020-2026).

Sida la ogsoon yahay, isbeddelka siyaasadeed ee 2024-2025 waxa uu keenay in Sacuudiga, Masar, iyo Turkiga ay sameystaan isbaheysi istiraatiiji ah oo ujeedkiisu ahaa xasilinta Badda Cas.

Isbaheysigan waxa uu si tartiib-tartiib ah u wiiqay saameynta Imaaraadka ee Koonfurta Yemen iyo jasiiradda Socotra, iyagoo u arkayay ajandaha Imaaraadka mid khatar ku ah amniga guud ee Carabta iyo gobolka madaama ay ku daabantahay Isra’iil. Ka saarista Imaaraadka ee saxaadda Yemen waxa ay muujisay in awooddooda milatari iyo diblumaasiyadeed aysan u babac-dhigi karin markii quwadaha waaweyn (Regional Powers) ay midoobaan.

Faragelintii Imaaraadka ee Liibiya, halkaas oo ay ku taageerayeen Jeneral Khaliifa Haftar, waxay ku dhammaatay fashil kadib markii Turkiga uu si toos ah u soo farageliyay, difaacayna dowladda sharciga ah ee Tripoli. Tani waxa ay cashar u noqotay dalalka gobolka in “Lacagta iyo Calooshood u shaqeystayaasha” (Mercenaries) aysan ka adkaan karin istiraatiijiyad dowladnimo oo nidaamsan.

Doorka Imaaraadka ee lagu eedeeyay inay hurinayso dagaalka Suudaan iyadoo taageeraysa kooxaha RSF (Rapid Support Forces), ayaa sababay in caalamka oo dhan, gaar ahaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, ay si adag isha ugu hayaan falalkooda.

Sumcadda Imaaraadka oo horay loogu yaqiinnay ganacsi iyo dalxiis, ayaa hadda isu beddeshay mid lala xiriiriyo “burburinta dalalka Islaamka.” Go’aanka Soomaaliya ee Janaayo 12, 2026, waxa uu soo xirayaa wareeggaas, isagoo caddeynaya in dalalkii ay isku dayeen in ay galaan ay mid mid u soo tufayaan, taasina waxa ay Imaaraadka ka dhigaysaa dal go’doon ah oo aan saaxiib dhab ah ku lahayn gobolka.

Caqabadaha hirgelinta iyo iska-caabinta maamulada

Inkasta oo go’aanku yahay mid dastuuri ah oo geesinimo leh, haddana dhaqan-galkiisu waxa uu wajahayaa caqabado dhab ah oo ka imaanaya xaqiiqada siyaasadeed ee gudaha.

Somaliland, oo sheegata madaxbannaanida, waxa ay u aragtaa heshiiska DP World ee Berbera mid “Aayo-ka-tashi” ah. Maadaama ay dhaqaale badan iyo aqoonsi dadban (soft power) ka helaan xiriirkaas, waa hubaal in ay si adag u diidi doonaan go’aanka Muqdisho.

Dowladda Federaalku ma awooddo in ay xoog ku tagto Berbera, laakiin waxa ay isticmaali kartaa “Sharciyadda Caalamiga ah.” Maadaama shirkadaha caymiska maraakiibta iyo bangiyada caalamiga ah ay u hoggaansamaan sharciyada dalka (Sovereign Laws).

Dowladda Federaalku waxa ay dacwad ku furan kartaa shirkadaha ka shaqeeya Berbera, iyadoo ku eedeynaysa xadgudub ka dhan ah qaranimada, taasoo ka dhigi karta maalgashiga mid khatar badan oo ay shirkaduhu ka cararaan.

Maamulka Puntland waxa uu inta badan xiriir dhow la lahaa Imaaraadka, iyadoo ciidanka PMPF ay yihiin kuwo ay mushaarka siiso Imaaraadku, sidoo kale Saciid Deni ayaanan marnaba ka hor imaan karin cidda quudisa ee UAE.

Waxa tusaale kugu filan markii Israa’iil ay Soomaaliland siisay aqoonsiga halka dhinac ah waxa amar dul-dhigay wasiirada maamulkiisa isagoo ku amray in aanay cabaareyn, iyadoo wasiirka warfaafinta oo si adag ugu hadlay uu raali galin ka bixiyay, balse markii ay Imaaraadka Carabta cambaareysay ayaa Deni uu isna isasoo taagay isagoo ku tilmaamay “Khatar Weyn”.

Halkan Dowladda Federaalku waxay u baahan tahay diblumaasiyad iyo Dhaqaale “Diplomacy & Finance.” Waa in dowladda dhexe ay la timaaddaa qorshe ay ku bixinayso mushaaraadka ciidamadaas oo ay ku qarameyso, kana jarto ku tiirsanaanta Imaaraadka.

Sidoo kale, cadaadis shacab iyo mid odayaal dhaqameed ayaa loo isticmaali karaa in maamulka lagu qasbo inuu u hoggaansamo go’aanka qaranka, maadaama shacabka Puntland yihiin kuwo waddaniyaddu ku weyn tahay, sidoo kale warar maalmihii ugu dambeysay ay qoreysay saxaafadda gudaha ayaa sheegay in dowladda ay halkaasi geysay ciidamo gaaray 5,000 oo ka tirsan kuwo xoogga dalka.

Dhanka Jubbaland iyadu waxay ku jirtaa xaalad xasaasi ah. Ciidamo iyo taageero dhaqaale ayay ka heshaa Imaaraadka, taas oo sababtay in ay ka hor yimaadaan go’aanka dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Imaaraadka Carabta.

Dowladda Federaalku waxa ay isticmaali kartaa awoodda hawada iyo maamulka xuduudaha. Joojinta duulimaadyada aan fasaxa haysan iyo cunaqabateyn dhaqaale oo gudaha ah ayaa lagu qasbi karaa maamulka inuu soo galo xayndaabka dowladda.

Waxaa intaas dheer, ka faa’iideysiga khilaafaadka gudaha ee maamulladan iyo toos u la hadalka bulshada ayaa wiiqi kara awoodda hoggaamiyeyaasha ku tiirsan Imaaraadka.

Gunaanadka

Go’aanka 12-ka Janaayo 2026 waa mid taariikhi ah oo dib u saxaya khaladaadkii tobankii sano ee la soo dhaafay,axa uu soo celinayaa sharaftii qaranka, waxa uuna dharbaaxo ku yahay siyaasadda fashilantay ee Imaaraadka.

Si kastaba ha ahaatee, guusha go’aankan waxay ku xiran tahay awoodda Dowladda Federaalku u yeelato inay beddel dhaqaale iyo mid amni u samayso maamulada gobollada, iyo in ay si hufan u isticmaasho dublamaasiyadda carabta.

W/Q: Abdikadir M. Hassan, Master Degree Student of Journalism at Erciyes University, Turkey

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Cabdiqani Hilowle Cabdikariin oo lagu dilay dalka…

0

Capetown (Caasimada Online) – Warar laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay tuulada Greenbushes oo ka tirsan magaalada Port Elizabeth ee gobolka Eastern Cape, lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed xilli uu ku sugnaa dukaankiisa ganacsi.

Marxuumka ayaa Alle u naxariistee waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiqani Hilowle Cabdikariin, waxaana lagu toogtay goobtiisa shaqo, taas oo naxdin weyn ku reebtay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaas.

Dilkan ayaa waxaa geystay koox burcad ah oo hubeysan kana soo jeeda Koonfur Afrika, kuwaas oo tiradoodu gaareysay saddex nin, islamarkaana si dhaqso ah uga cararay goobta falka uu ka dhacay.

Ciidamada booliska Koonfur Afrika oo tegay goobta dilku ka dhacay ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdada, balse illaa hadda lama shaacin wax faahfaahin ah ama cid loo qabtay kiiskaas.

Magaalooyinka dalka Koonfur Afrika waxaa si joogto ah uga dhaca weerarro isugu jira dilal, dhaawacyo iyo dhac loo geysto dhalinyarada Soomaaliyeed ee halkaas ka ganacsada.

Dilkan ayaa la sheegay inuu yahay kiiskii saddexaad ee muwaadin Soomaaliyeed loogu dilo dalkaas tan iyo bilowga sanadkan cusub.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa mar kasta sheegta inay wax ka qabanayso dhibaatooyinka heysta Soomaalida ku nool waddankaasi, balse weli ma muuqato qorshe cad oo looga hortago weerarrada iyo tacaddiyada lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed.