25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Cabdiqani Hilowle Cabdikariin oo lagu dilay dalka…

0

Capetown (Caasimada Online) – Warar laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay tuulada Greenbushes oo ka tirsan magaalada Port Elizabeth ee gobolka Eastern Cape, lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed xilli uu ku sugnaa dukaankiisa ganacsi.

Marxuumka ayaa Alle u naxariistee waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiqani Hilowle Cabdikariin, waxaana lagu toogtay goobtiisa shaqo, taas oo naxdin weyn ku reebtay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaas.

Dilkan ayaa waxaa geystay koox burcad ah oo hubeysan kana soo jeeda Koonfur Afrika, kuwaas oo tiradoodu gaareysay saddex nin, islamarkaana si dhaqso ah uga cararay goobta falka uu ka dhacay.

Ciidamada booliska Koonfur Afrika oo tegay goobta dilku ka dhacay ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdada, balse illaa hadda lama shaacin wax faahfaahin ah ama cid loo qabtay kiiskaas.

Magaalooyinka dalka Koonfur Afrika waxaa si joogto ah uga dhaca weerarro isugu jira dilal, dhaawacyo iyo dhac loo geysto dhalinyarada Soomaaliyeed ee halkaas ka ganacsada.

Dilkan ayaa la sheegay inuu yahay kiiskii saddexaad ee muwaadin Soomaaliyeed loogu dilo dalkaas tan iyo bilowga sanadkan cusub.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa mar kasta sheegta inay wax ka qabanayso dhibaatooyinka heysta Soomaalida ku nool waddankaasi, balse weli ma muuqato qorshe cad oo looga hortago weerarrada iyo tacaddiyada lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed.

Xog: Taliyaha sirdoonka Itoobiya oo Muqdisho kula kulmay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya, Ridwaan Xuseen ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ridwaan ayaa kulan gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la sheegay inuu soo gaarsiiyay farriin uu ka siday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Faahfaahin rasmi ah lagama bixin nuxurka farriintaas, balse wararka ayaa tilmaamaya in kulanka lagu gorfeeyay xaaladaha iyo isbeddellada ka jira gobolka.

Taliyaha sirdoonka Itoobiya ayaa sidoo kale la kulmaya Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad oo ay ka wada-hadlayaan iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga iyo xaaladda Geeska Afrika, xilli ay xiisad hor leh abuurtay sheegashada Israa’iil ee aqoonsiga maamulka Somaliland.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa xoogga saaraysa xoojinta isbahaysiga dhinaca amniga ee Geeska Afrika, si meesha looga saaro wax walba oo dhibaato ku ah gobolka, xilligan xasaasiga ah.

Itoobiya ayaa doonaysa in ay dardar-geliso heshiisyo hore oo dhinaca amniga ah oo ay la gashay dhiggeeda Muqdisho, si boorka looga jafo loona dhaqangeliyo.

Ilaa iyo hadda, wax war ah kama soo bixin dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan safarka uu maanta taliyaha sirdoonka Itoobiya ku yimid Muqdisho.

Socdaalka taliyaha sirdoonka Itoobiya ee Muqdisho ayaa imanaya xilli Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu Axaddii booqday dalka Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda ka taagan Geeska Afrika, kaddib markii Israa’iil ay sheegtay inay aqoonsatay Somaliland, oo dunidu u taqaan maamul-goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maamul goboleedkii ugu horreeyay oo taageeray go’aanka DF ee Imaaraadka

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa taageeray go’aankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kaas oo lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta.

Bayaan ka soo baxay maamulka ayaa lagu caddeeyay in Jamhuuriyadda Soomaaliya tahay dal mid ah, madax-bannaan oo aan la kala qaybin karin, isla markaana dhammaan dhulkeedu yahay hanti qaran oo aan laga goyn karin qayb ka mid ah.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa tilmaamay in Dastuurka Soomaaliya uu caddeynayo in siyaasadda arrimaha dibadda, heshiisyada caalamiga ah, difaaca, amniga qaranka, hawada, dekedaha iyo hantida istaraatiijiga ah ay si buuxda ugu xiran yihiin Dowladda Federaalka, isla markaana ku xadgudubkooda uu khatar ku yahay midnimada iyo xasilloonida dalka.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in doodaha iyo sheegashooyinka ay Somaliland ku dooneyso gooni-isu-taag ama madax-bannaani aysan lahayn wax sharci ah, isla markaana ay si toos ah uga hor imaanayaan Dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah.

Bayaanka ayaa si gaar ah u xusay in Dekedda Berbera ay tahay hanti qaran oo istaraatiiji ah, lagana wada siman yahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ayna sharci-darro tahay in maamul gaar ah uu keligiis heshiis kula galo dowlad shisheeye ama uu ka taliyo arrimaheeda iyada oo aan fasax ka haysan Dowladda Federaalka.

Sidoo kale wuxuu mar kale adkeeyay in go’aanka Golaha Wasiirradu yahay mid sharciyad leh oo lagama maarmaan u ah dhowrista madaxbannaanida, midnimada iyo nidaamka dastuuriga ah ee Soomaaliya, isagoo beesha caalamkana ugu baaqay inay si rasmi ah ula macaamilaan Dowladda Federaalka marka laga hadlayo arrimaha qaran.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay baabi’iyey dhamaan heshiisyada iyo is-afgaradyada ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas ku saabsan dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.

Go’aankaan waxa uu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.

Tallaabadan ayaa la xiriirta warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

Xog: Imaaraadka Carabta oo billaabay in uu ka baxo Boosaaso

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa billaabay inay shaqaalahooda milateri iyo qalabkoodaba kala baxaan saldhig istiraatiiji ah oo ku yaalla garoonka diyaaradaha Boosaaso, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo, tallaabadaas oo ka dhalatay xiriirka xumaaday ee kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoogayaal iyo xogta lagula socdo duulimaadyada ayaa muujinaya saxmad dhanka hawada ah oo ka jirta magaalada dekedda leh ee Boosaaso, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay diyaarado xamuul oo waaweyn ka daad-gureynayeen agab milateri.

Bixitaankan ciidan ayaa yimid kadib markii Soomaaliya ay laashay heshiis Imaaraadka u ogolaanayay isticmaalka xaruntaas, iyadoo ay jiraan eedeymo sheegaya in Abu Dhabi ay dhulka Soomaaliya u isticmaashay fududeynta safarka hogaamiye gooni-u-goosad ah oo u dhashay Yemen, kaas oo dowladda Sacuudigu ay raadinaysay.

Sida ay muujineyso xog ay eegeen kormeerayaashu, celcelis ahaan lix diyaaradood oo nooca xamuulka ah ee IL-76 ayaa maalin walba soo cago-dhiganayay kana duulayay garoonka Boosaaso—arrintaas oo goobjoogayaashu ku tilmaameen mid u eg “daad-gureyn degdeg ah.” 

“Si ka duwan hawlgalladii hore… diyaaradahani waxay imaanayeen maalmo xiriir ah, iyagoo xambaarsan qalab culus oo milateri, waxayna baxayeen dib-u-dhac la’aan,” ayuu yiri ilo-wareed ku sugan garoonka Boosaaso oo codsaday inaan magaciisa la xusin.

Puntland oo diiday go’aanka DF

Bixitaanka Imaaraadka Carabta ayaa imanaya xilli Puntland ay si adag u diidday go’aanka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee lagu buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay dowladdu la gashay Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid ka hor imaanaysa dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo nidaamka federaalka.

War-saxaafadeed ay Puntland ka soo saartay Boosaaso 12 Janaayo 2026 ayay ku sheegtay in qodobka 142-aad ee dastuurka ku-meel-gaarka ah (2012) uu dhigayo mas’uuliyad wadaag ah oo ku saabsan amniga, ilaalinta xuduudaha iyo habraacyada heshiisyada amniga, taas oo — sida ay sheegtay — ka dhigaysa in go’aan keli-talis ah oo federaalku qaato uusan sharciyad buuxda yeelan.

Puntland ayaa sidoo kale ku tilmaantay “waxba kama jiraan” go’aanka ay sheegtay in uu ka soo baxay Golaha Xukuumadda Federaalka ee lagu buriyay heshiisyada mashruuca horumarinta Dekedda Boosaaso iyo iskaashiga amni ee u dhexeeya Puntland iyo Imaaraadka.

Maamulka Puntland wuxuu ku eedeeyay Dowladda Federaalka in muddooyinkii dambe ay “si joogto ah ugu shaqeyneysay” kala-geyn iyo colaad abuur, iyadoo ku dooday in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u leexday “qar iska tuur” siyaasadeed oo dalka gelinaya khilaaf siyaasadeed iyo amni-xumo baahsan.

Puntland waxay xustay in tan iyo 2023 ay si isdaba joog ah u diidday go’aanno ay ku tilmaantay “ku-tumasho dastuur,” kana dhashay isbeddello ay sheegtay in Villa Somalia ku wado hannaanka dowlad-dhiska iyo heshiisyada u dhexeeya federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Xiisadda diblomaasiyadeed

Xiriirka u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi ayaa ahaa mid cakiran, sababo la xiriira xiriirka dhow ee Imaaraadku la leeyahay maamullada gooni-u-goosadka ah iyo kuwa federaalka ka tirsan sida Somaliland iyo Puntland, xiriirkaas oo inta badan baal-mara dowladda dhexe.

Sarkaal sare oo Soomaali ah ayaa warfidiyeenka u sheegay in Muqdisho ay hakisay iskaashigii milateri kadib markii Imaaraadku la sheegay inay fududeeyeen socdaalka Caydaruus Al-Zubeydi, oo ah madaxa Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta Yemen (STC) oo ay taageerto Imaaraadku.

Zubeydi ayaa la sheegay inuu isbuucii hore sii maray Soomaaliya isagoo ku sii jeeda Abu Dhabi, si uu uga dhuunto safar qorsheysnaa oo uu ku tagi lahaa Riyadh wada-hadallo ku saabsan colaadda Yemen.

“Markii ay si qarsoodi ah u fududeeyeen in ninka reer Yemen ee Zubeydi uu sii maro Soomaaliya, dowladdu waxay billowday baaritaan waxayna si rasmi ah u gudbisay walaaceeda,” ayuu yiri sarkaalku. “Kadib waxaa lagu wargeliyay in dhammaan hawlgalladoodii milateri ee Soomaaliya… la hakiyay.”

Wararka ayaa intaas ku daraya in hantida iyo qalabka Imaaraadka loo rarayo dalka deriska ah ee Itoobiya.

Loolanka gobolka

Khilaafkan ayaa banaanka soo dhigay kala-qeybsanaanta sii kordheysa ee ka dhex aloosan quwadaha Khaliijka ee ku loolamaya Geeska Afrika. Halka Sacuudiga uu u dhaqaaqay inuu taageero midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo dowladda dhexe, Imaaraadku wuxuu sii watay xiriirro amni iyo mid dhaqaale oo madax-bannaan oo uu la sameystay maamullada gobollada.

Saldhigga Boosaaso ayaa horay shaki u dhaliyay. Bishii Oktoobar, warbixinno ayaa sheegay in Imaaraadku uu goobtaas u isticmaalay inuu hub ku siiyo ciidamada RSF ee la dagaallamaya milateriga Suudaan, eedeyntaas oo sii hurisay xiisadaha gobolka.

Falanqeeyayaashu waxay ka digayaan in go’doomintan diblamaasiyadeed ay yeelan karto cawaaqib dhaqaale. Imaaraadku wuxuu boqolaal milyan oo doollar geliyay kaabayaasha Soomaaliya, oo ay ku jirto dekedda Berbera ee Somaliland.

Khaliif Cabdullaahi, oo cilmi-baare ka ah Jaamacadda London School of Economics, ayaa sheegay in Imaaraadku u badan tahay inuu u hoggaansamo amarka dalka looga saarayo, balse uu sameyn karo aargoosi siyaasadeed.

“Imaaraadku hubaal wuxuu jari doonaa dhaqaalaha uu siiyo Muqdisho, wuxuu taageeri doonaa shakhsiyaadka mucaaradka ah, wuxuuna dhiirrigelin doonaa dhismaha dowlad barbar-socod ah,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Murankan ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay afar bilood, taasoo abuureysa cabsi ah in xiisaddan diblamaasiyadeed ay saameyn ku yeelato doorashooyinka soo socda. 

Riyadh ayaa dhawaan kordhisay taageerada diblamaasiyadeed ee ay siiso Muqdisho, iyadoo martigelisay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, waxayna taageertay madax-bannaanida dalka iyadoo ka soo horjeesatay dhaqdhaqaaqyada gooni-u-goosadka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu toddobaadyada soo socda booqasho ku tago Sacuudiga si uu wada-hadallo ula yeesho Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan. 

Jubaland oo jawaab ka soo saartay go’aanka ay DF ku burisay heshiisyadii Imaaraadka

Kismaayo (Caasimada Online) — Maamul goboleedka Jubaland ayaa si adag u diiday go’aankii Isniintii ka soo baxay Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu laalay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in go’aanka Dowladda Federaalka uu yahay mid “waxba kama jiraan ah” marka la eego deegaannada Jubaland, iyadoo maamulku ku adkaystay in heshiisyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan kuwa khuseeya Dekedda Kismaayo, ay yihiin kuwo sidiisii u sii shaqeyn doona.

Jubaland waxay cuskatay Qodobka 87-aad ee Dastuurkeeda, farqadihiisa 4-aad, 5-aad iyo 6-aad, kuwaas oo maamulka siinaya awoodda iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo bixinta ruqsadaha lagu horumarinayo kaabayaasha kala duwan.

“Go’aanka maanta ka soo baxay Dowladda Federaalka waa mid ka hor imaanaya dhammaan qodobada dastuuriga ah iyo Qodobka 53-aad ee Dastuurka Federaalka,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Kismaayo, iyadoo tixraacaysa qodobka dhigaya in dowlad goboleedyada lagala tashado heshiisyada caalamiga ah ee saamaynta ku leh.

Jawaabta degdegga ah ee Jubaland ayaa imaanaysa saacado uun kadib markii Dowladda Federaalka ay shaacisay inay gebi ahaanba burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee lala galay Imaaraadka, iyadoo sabab uga dhigtay “xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada qaranka.”

Tallaabada Muqdisho ayaa loo arkayay mid toos uga jawaabaysa wararka sheegaya in Imaaraadka Carabta uu door ku lahaa go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay maamuka Somaliland.

Hase yeeshee, Jubaland ayaa ku tilmaantay tallaabada Dowladda Federaalka mid lagu qarinayo fashilka hoggaanka dalka.

“Dowladda Federaalka oo ku fashilantay mas’uuliyaddii loo igmaday ee isku haynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxay u aragtaa arrimahan oo kale inay kaga dhuumanayso mas’uuliyaddii ay gabtay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Jubaland.

Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay Dowladda Dhexe inay dayacday arrimaha masiiriga ah sida amniga iyo doorashooyinka, beddelkeedna ay abuurayso jahwareer siyaasadeed.

Khilaafkan ayaa mugdi gelinaya fulinta go’aanka Muqdisho, maadaama dekedaha istiraatiijiga ah ee Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo ay gacanta ugu jiraan maamullo leh awoodo amni iyo mid dhaqaale oo madax-bannaan.

Jubaland waxay si cad u sheegtay in heshiisyada ganacsiga iyo horumarinta kaabayaasha, oo ay ku jirto Dekedda Kismaayo, ay yihiin xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin dadka reer Jubaland.

“Jubaland kaliya ayaa xaq u leh wax ka beddelkooda ama baabi’intooda,” ayuu yiri bayaanku, isagoo ku soo gabagabeeyay in dhammaan heshiisyadaas ay “sii jiri doonaan.”

Iska hor-imaadkan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubaland iyo Puntland, uu marayo meel xasaasi ah, iyadoo dhinacyadu ay ku kala aragti duwan yihiin dhammaystirka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Puntland oo ka hortimid go’aanka ay DF ku burisay heshiisyadii Imaaraadka

Boosaaso (Caasimada Online) — Puntland ayaa Isniintii si adag u diidday go’aanka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee lagu buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay dowladdu la gashay Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid ka hor imaanaysa dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo nidaamka federaalka.

War-saxaafadeed ay Puntland ka soo saartay Boosaaso 12 Janaayo 2026 ayay ku sheegtay in qodobka 142-aad ee dastuurka ku-meel-gaarka ah (2012) uu dhigayo mas’uuliyad wadaag ah oo ku saabsan amniga, ilaalinta xuduudaha iyo habraacyada heshiisyada amniga, taas oo — sida ay sheegtay — ka dhigaysa in go’aan keli-talis ah oo federaalku qaato uusan sharciyad buuxda yeelan.

Puntland ayaa sidoo kale ku tilmaantay “waxba kama jiraan” go’aanka ay sheegtay in uu ka soo baxay Golaha Xukuumadda Federaalka ee lagu buriyay heshiisyada mashruuca horumarinta Dekedda Boosaaso iyo iskaashiga amni ee u dhexeeya Puntland iyo Imaaraadka.

Maamulka Puntland wuxuu ku eedeeyay Dowladda Federaalka in muddooyinkii dambe ay “si joogto ah ugu shaqeyneysay” kala-geyn iyo colaad abuur, iyadoo ku dooday in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u leexday “qar iska tuur” siyaasadeed oo dalka gelinaya khilaaf siyaasadeed iyo amni-xumo baahsan.

Puntland waxay xustay in tan iyo 2023 ay si isdaba joog ah u diidday go’aanno ay ku tilmaantay “ku-tumasho dastuur,” kana dhashay isbeddello ay sheegtay in Villa Somalia ku wado hannaanka dowlad-dhiska iyo heshiisyada u dhexeeya federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo ay ku tilmaantay mid ka hor imaanaysa qawaaniinta iyo dastuurka, isla markaana ay sii wadi doonto heshiisyada ay la gashay Imaaraadka Carabta iyo shirkadda gacanta ku haysa horumarinta Dekedda Boosaaso.

Puntland waxay sheegtay in Soomaaliya “gudaha ahaan iyo dibadda” ay u baahan tahay xasillooni, isla markaana aysan jiri karin horumar dhaqaale iyo nabad waarta haddii lagu sii socdo siyaasado ay ku tilmaantay “kala-qaybin” iyo “faragelin” lagu wiiqayo wada shaqaynta heerarka dowladeed.

Go’aanka Puntland ayaa si toos ah jawaab ugu ahaa mid ay isla Isniintii Muqdisho ku shaacisay xukuumadda federaalka, oo sheegtay inay burisay “dhammaan heshiisyadii iyo memorandum-yadii” ay Soomaaliya la saxiixatay Imaaraadka, kuna xirtay Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo — dekedo istaraatiiji ah oo muddo dheer udub-dhexaad u ahaa muranka awood-qaybsiga federaalka iyo faragelinta dibadda.

Xukuumadda federaalka ayaa ku sababaysay burinta heshiisyada “xadgudub ku saabsan madaxbannaanida, midnimada qaranka iyo siyaasadda dalka,” halka ilo-wareedyo ku dhow dowladda ay warbaahinta Somalia Today u sheegeen in go’aanku si gaar ah uga dhashay aqoonsigii Israel ee 26 Diseembar 2025 u fidisay Somaliland.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in qiimeyn sirdoon oo ay dowladda heshay ay muujisay in Imaaraadka si hoose u fududeysay is-dhaafsiga siyaasadeed ee Hargeysa iyo Tel Aviv, iyadoo ka faa’iidaysatay doorkeeda heshiisyada Abraham Accords si Israel looga siiyo marin iyo saameyn istaraatiiji ah oo ku wajahan Badda Cas iyo marin-biyoodka Gacanka Cadmeed.

“Imaaraadka waa maskaxda fulisay howshan,” ayuu yiri diblomaasi sare oo Soomaaliyeed isaga oo ku eedeeyay Abu Dhabi inay “dhulka Soomaaliya” uga dhiseyso qaab-dhismeed amni oo u adeegaya danaha Imaaraadka iyo Israel “iyadoo aan oggolaansho ka haysan Muqdisho.”

Somaliland oo si adag uga hortimid go’aanka DF ee Imaaraadka Carabta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hortimid go’aanka kasoo baxay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu baabi’iyey dhamaan heshiisyada Imaaraadka Carabta.

Somaliland ayaa ku dooday in aysan hoostagin Soomaaliya, isla markaana uu go’aankasi ka fuli doonin Berbera, oo haatan shirkada Imaaraadku leeyahay ee DP WORLD ay gacanta ku hayso.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi oo ka hadlay go’aanka Golaha Wasiirrada ee ka dhanka ah Imaaraadka ayaa ku tilmaamay “riyo maalmeed aan suurta-gali doonin,” isagoo xusay in Imaaraadka uu yahay saaxiib weyn oo Somaliland leedahay.

“Riyo-maalmeedka Soomaaliya waxba ma beddelayso. Berbera waa halka uu ku dhashay Madaxweynaha Somaliland, Imaaraadkuna waa saaxiib lagu kalsoon yahay oo ay Somaliland leedahay,” ayuu yiri Wasiir Khadar.

Wuxuu intaas kusoo daray: “Somaliland waa qaran mabda’ leh, saaxiibbadiisana garab taagan. Imaaraadku wuu joogayaa, wax kasta oo uu yidhaahdo maamul daciif ah ee ka jira Muqdisho.”

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta baabi’iyey dhamaan heshiisyada iyo is-afgaradyada ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas ku saabsan dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.

Go’aankaan waxa uu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.

Tallaabadan ayaa la xiriirta warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

Muxuu Farmaajo ka yiri go’aanka ay DF Soomaaliya ka qaadatay Imaaraadka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay go’aanka maanta kasoo baxay Golaha Wasiirrada ee Dowladda Soomaaliya uga baxday dhamaan heshiisyadii Imaaraadka.

Heshiisyada iyo is-afgaradyada ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la baabi’iyey, kuwaas ku saabsan dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah. Go’aankaan waxa uu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay waajib ugu leedahay dalalka ay la wadaagto iskaashiyada in ay dhowraan qarannimada iyo madax-banaanida Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aammada ku saabsan ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed ee maanta ay soo saartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu Farmaajo ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

Sidoo kale wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa ugu baaqay in ay adkeeyaan midnimada shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay mudnaanta siiyaan xal u helidda arrimaha ku gedaaman dowladnimada oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashooyin loo dhan yahay oo wakhtigooda ku dhaca.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Waxaan soo dhaweynayaa go’aammada ku saabsan ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed ee maanta ay soo saartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dadka iyo Dowladda Soomaaliya waxa ay waajib ugu leeyihiin dalalka aan la wadaagno iskaashiyada iyo xiriirka saaxiibtinimo in ay dhowraan qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, laguna saleeyo xiriirrada labo geesoodka ah danaha wadajirka ah si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukuumaddiisa waxaan ugu yeeraynaa in ay adkeeyaan midnimada Shacabka Soomaaliyeed, mudnaantana la siiyo, wakhtigan xasaasiga ah, xal u helidda arrimaha ku gedaaman dowladnimada.

Arrimahan oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashooyin loo dhan yahay oo wakhtigooda ku dhaca, ka laabashada go’aammada halka dhinac ah ee uu ku laalay Dastuurka dalka iyo soo celinta shirarka Madasha Watashiga Qaranka oo muhiim u ah marxaladdan.

Go’aanka DF ee Imaaraadka oo si weyn u saameynaya saddex maamul goboleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay maanta ka qaateen Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si weyn u saameynaya maamullada Somaliland, Puntland iyo Jubaland.

Heshiisyada iyo is-afgaradyada ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee la baabi’iyey maanta ayaa ku saabsan dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.

Go’aankaan waxa uu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.

Go’aankaan ayaa la xiriiray warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ku caddaynaysaa masuuliyaddeeda iyo xuquuqdeeda madaxbannaani ee la xiriirta dhulkeeda, dekadaheeda, arrimaheeda amniga, iyo arrimaheeda dibedda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kulankii maanta ee Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa taageerada ugu badan ee amni iyo siyaasadeed siisa Puntland, oo ay u sameysay Ciidanka Badda ee PMPF, halka ay maamulaan dekedda Boosaaso.

Sidoo kale, taageero amni iyo siyaasad ayuu Imaaraadka siiya Jubbaland, halka Somaliland uu la leeyahay xiriir gaar ah. Abu Dhabi ayaa si heer sare ah u dhistay dekedda Berbera, taas oo ka mid ah mashaariicda istiraatiijiga ah ee ay ka fulisay Geeska Afrika.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaridka ah ee Muqdisho ayaa la sheega inay xiriir dhow la leeyihiin Dubai. Waxaana si dhow isha loogu haya waxa xigi doona tallaabadan xasaasiga ah.

Si kastaba, Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa galay maalmihii ugu adkaa, iyada oo Soomaaliya ay si toos ah ula safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ku taageertay hoggaaminta arrimaha gudaha ee dalka Yemen.

DF Soomaaliya oo baabi’isay heshiisyadii Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u baabi’iyay dhammaan heshiisyadii Amni iyo Difaac ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Go’aankan ayaa si buuxda u saameynaya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, difaaca iyo sirdoonka.

Heshiisyadan ayaa horey uga mid ahaa kuwa ay labada dhinac ku wada shaqeynayeen arrimaha tababarka, taageerada amniga iyo iskaashiga difaaca, waxaana la sheegay in baabi’intooda ay ku timid dano qaran iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka.

Maalin ka hor go’aankan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in uusan dalka ka shaqeyn doonin heshiis ama iskaashi aan helin oggolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in wax kasta ay maraan hannaan sharci ah.

Dhanka kale, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa isku raacay in Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil ay wada shaqeynayaan, arrintaas oo ururku ku tilmaamay mid saameyn ku leh dalalka Muslimiinta, isla markaana abuureysa walaac siyaasadeed iyo mid amni.

Arrimahan ayaa imanaya xilli maalin ka hor uu Imaaraadku bilaabay inuu daad gureeyo agabka ciidan iyo shaqaalaha ka jooga gudaha Soomaaliya, kadib markii dowladda mamnuucday diyaaradaha milatari iyo kuwa xamuul (cargo) ee ka imaanaya waddankaasi.

Taas ayaa daba socotay warbixinno sirdoon oo sheegay in diyaarad milatari oo Dubai leedahay ay si aan fasax lahayn usoo gashay hawada Soomaaliya, taas ‘oo wadday hoggaamiyaha Golaha ku-meel-gaarka Koonfurta Yemen (STC), Caydaruus al-Zubaydi’ oo baxsaday xilli la filayay inuu tago wada-hadallo ka qorshaysnaa Sacuudi Carabiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ilaa 4 diyaaradood oo agab iyo rakaab qaaday ayaa ka baxay Muqdisho, halka 6 kalena loo fasaxay in ay Boosaaso ka daad gureeyaan wixii agab ciidan oo ka yaalla halkaasi.

Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa hadda ku jira maalmihii ugu adkaa, iyada oo Soomaaliya ay si toos ah ula safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ku taageertay hoggaaminta arrimaha gudaha ee dalka Yemen.

Sawirro: Muxuu yahay amarka Muungaab ee maanta ka dhaqan-galay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa haatan si rasmi ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan uga dhaqan-galay amar culus oo uu soo saaray guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho oo dhawaan amar ku bixiyay in la burburiyo dhammaan dhismayaasha sharci darrada ah ee soo galay waddada Jamhuuriyo oo haatan dhisme lagu bilaabay.

Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa amray in guri kasta oo soo galay waddada cagta la mariyo, taas oo hadda dhaqan-gashay, waxaana si rasmi ah haatan loo guda galay dhismaha waddada oo muhiim u ah dadka deegaanka.

“Guri kasta oo waddada Jamhuuriya saaran anigaa kansal gareeyay, warqad been been ayaan haystaa cid aan ka yeelaayo malahan, haddana go’aan ayaan soo saarayaa” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu hore u yiri “Rinji ayaan marinaya laamiga qofka uu ku yimaado 30-ka mitir ama 25-ka mitir cidda uu ku yimaado labada qaybood ee waddada jaraafada jug ayaa lagu siinaaa xittaa lama sugaayo.”

Intaas kadib waxaa haatan dhaqan-galay amarkii duqa magaalada Muqdisho, iyada oo cagta la mariyay dhismayaasha sharci darrada ah, waxaana kadib la bilaabay dhismaha waddada oo la saari doono laami cusub.

“Maalin dhaweyd ereyga uu yiri guddoomiyaha gobolka ee ahayd tan igu sawir ma’aha tii in laga dhabeeyay ayay u muuqataa, waa nala jabinayaa cagaftiinaa waa la keenayaa aniga gurigaas ayaa isoo haray oo sharci ah,” ayuu yiri mid kamid milkilayaasha uu sameeyay go’aanka soo baxay.

Wiil kale oo dhalinyaro ah ayaa isguna soo dhaweeyay tallaabada uu maanta qaaday maamulka gobolka Banaadir. “Jidkaan aad ayaa loogu dhibanaa waana jirtay qaadac dariiqnimo oo dad ayaa iska daganaa waddada qayb kamid ah wuxuu Ilaahey noo soo diray faraj, waana u jeednaa waxqabadka”.

Dhanka kale, dadka deegaanka oo iyaguna hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dhismaha waddada Jamhuuriya, waxayna mahadcelin ballaaran u jeediyeen guddoomiye Muungaab iyo maamulkiisa.

“Waxaan u mahadcelineynaa guddoomiyaha degmada iyo guddoomiye Muungaab waddada sida dardarda leh ay noogu dhisaayaan mahad Alle haka gaarsiiyo meeshaan waxaa lala joogi la’aa bacaad iyo dabeyl haddana waxaan soo dhaweyneynaa in laami naloo saaro,” ayuu isna yiri odey kamid ah dadka deegaanka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalmahan dambe waday qorshe guud oo lagu hormarinayo caasimada, waxaana dib loo dhisay waddooyin muhiim ah.

Xasan Sheekh oo wasiir Faarax ergo ugu dirsaday dalka…

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan si weyn ugu mashquulsan howlaha diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ayaa ergo ahaan u dirsaday wasiirka waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo gaaray dalka Qatar.

Faarax oo uu wehliyo wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Cal Balcad ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi Mohamed Bin Abdulasis Al_Khulaifi, waxayna ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada-hadleen xaaladda Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Dooxa iyo Muqdisho.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale mar kale ku celisay inay si buuxa u taageersan tahay madax bannaanida dhuleed iyo qaranimada Soomaaliya.

Horay qoraal luuqad adag ku qornaa oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa si adag looga hadlay tallaabada Israa’iil, kaas oo lagu sheegay in uu yahay “xadgudub bareer ah oo lagu sameeyay sharciga caalamiga ah” iyo weerar toos ah oo lagu qaaday “midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Dooxa waxaa kale ay si cad u diidday isku-day kasta oo lagu “dhisayo maamullo barbar-socdo,” taas oo tixraac u ah raadinta sharciyad ee Somaliland ay wadday tobannaanka sano.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir xooggan oo ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi, waxayna Dooxa si buuxda u taageertaa dowladda federaalka, iyadoo mashaariic waa wan oo muhiim ah ka fuliso gudaha dalka.

Maalmihii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ayaa sare u qaaday dadaallada diblumaasiyadeed, iyada oo si weyn ua hortageyso xagudubka Israa’iil ee madax-banaanida Soomaaliya, kadib aqoonsigii ay siisay Somaliland.

Xog: Shiinaha oo u yeeray madaxweyne Xasan + Ujeedka

0

Beijing (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa casuumaad rasmi ah u fidisay Madaxweynaha Soomaaliya, si uu booqasho ugu tego dalkaas, iyada oo sidoo kale tilmaamtay inay garab taagan tahay midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda, Wang Yi.

Wasiirka ayaa ballan qaaday iskaashi dhanka difaaca ah, isaga oo caddeeyay in Shiinuhu ka soo horjeedo isku day kasta oo ay Somaliland iskaashi kula sameyneyso mas’uuliyiinta Taiwan, si ay u raadiso gooni-isu-taag.

Wang wuxuu tilmaamay in dalalka Shiinaha iyo Soomaaliya ay wadaagaan saaxiibtinimo soo jireen ah, isla markaana Beijing ay si adag ugu dheggan tahay siyaasad saaxiibtinimo oo ku wajahan Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmi doono dhiggiisa Shiinaha Jinping, ayna ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada waddan iyo xiisadda culus ee haatan ka taagan gobolka.

Sida qorshuhu yahay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeyb-geli doono shirka Shiinaha iyo Afrika ee qabsoomaya sanadkan, halkaas oo ay isku arki doonaan madax kala duwan oo isugu tageysa caasimada Beijing.

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ayaa haatan gaaray dalka Lesotho, oo ah halka ugu dambeysay ee booqasho lix maalmood socotay oo uu sannadka cusub ku marayay qaaradda Afrika.

Si kastaba, booqashadii uu qorsheynayay inuu ku tago Soomaaliya ayaa dib loo dhigay. Inkastoo aan sabab rasmi ah la shaacin, afhayeen u hadlay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankaas lagu gaaray wadatashi saaxiibtinimo oo u dhexeeyay labada wasaaradood ee arrimaha dibadda.

Arrintan ayaa imaaneysa, xilli xiisad cusub ay ka dhalatay kaddib markii Israel ay 26-kii December ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan oo leh dawladnimo buuxda, taas oo ka dhigtay waddanka keliya ee tallaabadaas qaaday, isla markaana dhalisay dhaleeceyn xooggan oo ka dhacday gobolka.

Somaliland ayaa tan iyo markii ay 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya u shaqaynaysay sidii maamul iskiis isu maamula, balse weli ma helin aqoonsi caalami ah oo dal madax-bannaan ah.

Maxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho? + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale maanta magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax wayn oo ay soo abaabuleen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo looga soo horjeeday xagudubka Israa’iil ee madax banaanida Soomaaliya, kadib aqoonsigii ay siisay Somaliland.

Qaar kamid ah hoggaanka dhaqanka oo goobta ka hadlay ayaa jeediyay khudbado ay uga hadleen dhibaatooyinka Yuhuudda u keeni karto dalkeenna, haddii aan laga hortagin farogelinta ay ku hayso Soomaaliya.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah dhaqanka Muqdisho ayaa sheegay in si ay cad uga horjeedaan go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aan la kala goyn karin dalka.

“Damaca Israa’iil waa diidnay Somaliland waa gobolka ka mid ah Soomaaliya mana kala go’i karno waa riyo” ayuu yiri Nabadoon Xaad

Dhankiisa Nabadoon Muxidiin Xasan Afrax ayaa isuguna adkeeyay difaaca dalka, wuxuuna ku baaqay midnimo qaran iyo wadajir.

“Duulanka nagu socda wuxuu kusoo dhamaanaa difaac adag in nala tir tiro ayaa la rabaa Soomaaliyeey soo kaca dalkiina difaaca” ayuu isna yiri Afrax.

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo ugu dambeyn soo saaray bayaan culus ayaa cadeeyay mowqifkooda, waxayna garab istaag u mujiiyeen dowladooda.

Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale magaalada Muqdisho loogu qabtay banaanbax ay soo qaban qaabiyeen haweenka Soomaaliyeed, waxaa kale oo kasii horreeyay culimada oo iyaguna kasoo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Si kastaba, Israa’iil oo 26-kii December ee sanadkii hore, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” ayaa weli sii wadda xagdubka ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana maanta ay wafdi uu hoggaaminayo wasiirkeeda arrimaha dibadda u dirtay Somaliland, tallaabadaas oo ay mar kale ka hortimid Soomaaliya.

Saciid DENI oo ogolaaday wada-hadalka madaxweyne Xasan Sheekh hadduu aqbalo…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo xalay jeediyay khudbad xasaasi ah, kadib kulan uu la yeeshay dhalinyarada maamulkaas ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda.

Deni ayaa marka hore sheegay haddii madaxweynuhu la yimaado wax lagu qanci karo in Puntland ay kasoo qayb-galeyso gogosha loogu baaqay Xasan Sheekh inuu qabto 20-ka bishaan, si looga wada-hadlo arrimaha keenay khilaafka ee ka dhashay hannaanka doorashada & wax ka beddelka dastuurka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Puntland ay tabashadeeda keeni doonto goobta, haddii uu Madaxweynaha si sax ah u wajaho xaaladda dalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu aqbalo gogoshii loogu baaqay in 20-ka bishan uu qabto Puntland way tageysaa garteeda ayeyna ka dhiibanaysaa laakiin haddii uu iska diido awalba waa iska joognay” ayuu yiri Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu eedeyn culus u jeediyay dowladda dhexe oo uu tilmaamay inay ka shaqeyneyso kala qaybin dalka ah iyo khilaafaad horleh.

“Maamulka hadda jooga waa maamul kala qaybin iyo isku dir iyo mashaakil ka shaqeynaya ee ma’aha mid midnimo ka shaqeynaya” ayuu mar kale yiri Deni.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay midnimada dalka ayaa xusay in siyaasad xumo ay keentay in dadku kala tago, wuxuuna eeddda ugu wayn dusha u saaray dowladda federaalka Soomaaliya oo uu tilmaamay in ay burburisay sharuucdii heshiiska lagu ahaa ee dalka.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in dowladda Soomaaliya in ay kusoo noqoto xeyndaabka sharciga, kadibna la timaado qorshe waxtar u leh dalka iyo dadka.

Mid ka mid ah dalalka aad ugu dhow Israa’iil oo ka hor-yimid aqoonsiga Somaliland

Baku (Caasimada Online) – Azerbaijan ayaa dib u xaqiijisay taageeradeeda madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kaddib shir degdeg ah oo ay isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Mowqifka Baku waxaa si gaar ah isha loogu hayaa maadaama ay Israel la leedahay xiriir istaraatiiji ah oo muddo dheer soo jiray, xilli Tel-Aviv ay noqotay udub-dhexaadka khilaaf sii fidaya kaddib markii ay aqoonsatay Somaliland.

Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan, Yalchin Rafiyev, ayaa kulanka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda OIC ee ka dhacay Jeddah ka sheegay in Azerbaijan ay garab taagan tahay midnimada qaran ee Soomaaliya iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Wuxuu xusay in dalkiisu sii wadi doono taageerada dadaallada wadajirka ah ee caalamiga ah, gaar ahaan kuwa ay hormuudka ka yihiin dalalka xubnaha ka ah OIC, si loo ilaaliyo xuduudahaas.

Rafiyev wuxuu sheegay in Azerbaijan, oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee Kooxda Xiriirka OIC ee Soomaaliya, ay u aragto in tallaabo diblomaasiyadeed oo isku-duuban ay lama huraan u tahay ka jawaabista arrimaha saameynaya xasilloonida Soomaaliya.

Waxa kale oo uu ugu baaqay beesha caalamka in ay ku dhaqanto xeerarka iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah, si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika iyo aagga Badda Cas.

Sida ay OIC sheegtay, shirka ayaa ku soo dhammaaday ansixinta qaraar si cad oo aan mugdi ku jirin u muujinaya taageero buuxda oo loo hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana diidaya tallaabo kasta oo wiiqi karta isku-duubnida dalka.

Mowqifka Azerbaijan ayaa helay dareen dheeraad ah sababo la xiriira xiriirka qotada dheer ee ay Israel la leedahay, oo ay ku jiraan iskaashi dhinaca difaaca ah iyo xiriirro tamareed.

Azerbaijan waxay safaarad ka furtay Tel Aviv sanadkii 2023, halka daraasad uu sameeyey Machadka Caalamiga ah ee Cilmi-baarista Nabadda Stockholm (SIPRI) ay diiwaangelisay in Israel ay sannadihii u dambeeyay si weyn hub ugu wareejisay Azerbaijan.

Bishii December 26, 2025, Israel ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsada Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, arrintaas oo Soomaaliya cambaareysay, halka Midowga Afrika uu mar kale ku celiyay taageerada uu u hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa 6-dii Janaayo 2026 booqday Somaliland, taas oo sii hurisay xiisadda u dhexeysa Israel iyo dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

China oo ballan-qaad culus u sameysay Soomaaliya kadib baaqashada safarkii Wang Yi

Beijing (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, ayaa Axaddii mar kale xaqiijiyay taageerada Beijing ee madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in Shiinuhu ka soo horjeedo isku day kasta oo ay Somaliland iskaashi kula sameyneyso mas’uuliyiinta Taiwan si ay u raadiso gooni-isu-taag.

Wang ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu telefoon kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Dhaay. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang wuxuu tilmaamay in Shiinaha iyo Soomaaliya ay wadaagaan saaxiibtinimo soo jireen ah, isla markaana Beijing ay si adag ugu dheggan tahay siyaasad saaxiibtinimo oo ku wajahan Soomaaliya.

“Waxaan si joogto ah u taageeri doonnaa Soomaaliya si ay u ilaaliso madaxbannaanideeda qaran, midnimadeeda iyo wadajirka dhuleedkeeda, waxaana diidannahay isku dayga Somaliland ee ay la yeelanayso wada-shaqayn ay kula raadinayso gooni-isu-taag mas’uuliyiinta Taiwan,” ayuu yiri Wang.

Wuxuu intaas ku daray in Shiinuhu ka go’an tahay in uu sii xoojiyo iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo difaaca, xitaa haddii ay isbeddelaan xaaladaha iyo duruufaha caalamiga ah.

Dhankiisa, Cabdisalaan Dhaay ayaa Wang uga mahadceliyay taageerada Shiinaha ee ka caawinaysa Soomaaliya in ay difaacato madaxbannaanideeda iyo wadajirka dhuleedkeeda, kana hortagto dhammaan noocyada gooni-u-goosadka iyo argagixisada, isla markaana ay horumariso xasilloonida iyo horumarka qaran.

Hadallada Wang ayaa imanaya xilli xiisad cusub ka dhalatay kaddib markii Israel ay 26-kii December ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan oo leh dawladnimo buuxda, taas oo ka dhigtay waddanka keliya ee tallaabadaas qaaday, isla markaana dhalisay dhaleeceyn xooggan oo ka dhacday gobolka.

Somaliland ayaa tan iyo markii ay 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya u shaqaynaysay sidii maamul iskiis isu maamula, balse weli ma helin aqoonsi caalami ah oo dal madax-bannaan ah.

Wang ayaa sidoo kale gaaray dalka Lesotho, oo ah halka ugu dambeysay ee booqasho lix maalmood socotay oo uu sannadka cusub ku marayay qaaradda Afrika.

Si kastaba, booqashadii uu qorsheynayay inuu ku tago Soomaaliya ayaa dib loo dhigay. Inkastoo aan sabab rasmi ah la shaacin, afhayeen u hadlay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankaas lagu gaaray wadatashi saaxiibtinimo oo u dhexeeyay labada wasaaradood ee arrimaha dibadda.

 

Sawirro: DF oo wafdi u dirtay Jubaland kadib markii ay soo…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi u dirtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ka ah ee Jubaland, kaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.

Wafdigan oo ay qayb ka yihiin hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland.

Socdaalka guddoomiyaha SoDMA waxaa si gaar ah ugu wehlinaya George Conway oo ah Ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee QM, ahna isku-duwaha arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya, si loo xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha qaranka iyo kuwa caalamka ee ka shaqeeya ka jawaabista masiibooyinka.

War kasoo baxay Jubaland ayaa looga hadlay booqashada wafdigan oo hawlo gargaar u tegay halkaasi, maadaama ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo oo daran.

“Magaalada Kismaayo waxaa goor dhow soo gaaray wafdi sare oo ka socday Hay’adaha QM u qaabilsan arimaha gargaarka, oo uu qeyb ka ahaa Gudoomiyaha SoDMA. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Jubaland oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa wafdiga kuso dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, xubnaha wafdigan oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa inta ay joogaan Jubaland waxay u kuurgeli doonaan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada kala duwan ee maamulkaas iyaga oo qiimeyn doona saameynta abaarta iyo sidii loo dardargelin lahaa ka-jawaabista gargaarka degdegga ah.

Jubaland oo weli khilaaf dhanka siyaasadda ah uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wajaheyso xaalad daran oo ka dhalaty abaar baahsan oo ku dhufatay gobollada Jubooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka.

Xaaladdan ayaa sidoo kale ka taagan gobollada kale ee dalka, sida Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle, Puntland iyo waqooyi galbeed Soomaaliya.

Maxaa kasoo baxay kulankii Sheekh Shariif iyo hoggaanka Xisbiga Haybad Qaran?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Axmed iyo hoggaanka sare ee Xisbiga Haybad Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kaas oo ka dhacay hoyga Sheekh Shariif.

Ujeedka kulanka ayaa ayaa mid is xog-wareysi ah, kaas oo ka dhashay booqasho ay xubnahan ugu tageen Sheekh Shariif oo hadda ah gudoomiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin oo kamid ah aasaasayaasha Haybad Qaran ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in kulankooda uu kusoo dhamaaday is-afgarad iyo jawi wanaagsan, wuxuuna u mahadceliyay Shariif iyo xubnaha kale ee Xisbiga Himilo Qaran.

“Waxaan caawa hoygiisa ku booqannay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran. Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Sheekh Shariif soodhawaynta diirran iyo is xogwareysiga wanaagsan” ayuu yiri Fahad.

Labada dhinac ayaa sidoo kale intii uu socday kulankooda is-dhaafsaday aragtiyo ku aadan xaaladda siyaasadeed, midnimada dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

“Booqashadan ayaa ahayd mid ku saleysan is-dhaafsi aragtiyo iyo talooyin ku saabsan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, midnimada qaranka iyo mustaqbalka geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya’ ayuu isna yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qayb ka ayaa kulanka.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli xaalad siyaadadeed oo kacsan ay ka jirto dalka, taas oo u dhexeyso Villa Soomaaliya iyo mucaaradka oo isku haya doorashooyinka dalka ee 2026-ka.

Si kastaba, xubnaha Xisbiga Haybad Qaran oo dhawaan xaflad wayn ku qabsaday Muqdisho ayaa haatan bilaabay kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah, iyaga oo ku biiray dhaq-dhaqaaqa haatan ka socda magaalada Muqdisho.

Daawo: DENI oo si kulul uga hadlay midnimada dalka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo xalay kulan la yeeshay dhalinyarada maamulkaasi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay midnimada dalka, kadib aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland.

Deni marnaba oo jeediyay khudbad socotay 43 daqiiqo marnaba sooma hadal qaadin xadugubka Israa’iil ee madax banaanida Soomaaliya, balse waxa uu shaaca ka qaaday in siyaasad xumo ay keentay in dadku kala tago, isaga oo eeddda ugu wayn dusha u saaray dowladda federaalka Soomaaliya oo uu tilmaamay in ay burburisay shuruucdii heshiiska lagu ahaa ee dalka.

“In la dhaho dalkiibaa la kala jarayaa siyaasad xumo dowladda federaalka ah baa saldhig u ah in laga baxaa la rabaa waa isku dhex yaacday baahashii meel loo raaco hadda lama garanayo intii la yaqaanay waa dhaaftay” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in handadaad lagu raadiyo midnimada dalka, iyada oo markii horaba ay jirtay tabasho ay kala qabtay Soomaalida dhexdeeda.

“Waa nasiib darro midnimo la rabo in caay iyo hanjabaad lagu keeno ma midnimo ayay noqoneysaa? dad is caayay sow dad is nacay maaha?”. ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday xuduudaha Puntland oo uu si adag u difaacay “Midnimada iyo wadajirka Puntland gorgortan marnaba ma geleyaan, dhulkeeda iyo xuduudkeeda cidna waxba ma yeeli karto” ayuu mar kale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in dowladda Soomaaliya in ay kusoo noqoto xeyndaabka sharciga, kadibna la timaado qorshe waxtar u leh dalka iyo dadka.

Puntland ayaa muddo dheer ka aamusan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, welina ma caddeyn mowqifkeeda rasmiga ah ee ku aadan go’itaanka gobollada waqooyi, taas oo ay dad badan ku dhaliileen maamulka.