25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Trump oo ciidamo dheeraad ah u diray Minnesota xilli ay ka sii dareyso xiisadda

Minneapolis (Caasimada Online) – Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, ayaa Axaddii sheegtay in boqolaal wakiil oo federaal ah oo dheeraad ah loo dirayo Minneapolis, iyadoo iska diiday baaqyada hoggaamiyeyaasha Dimoqraaddiga ee magaalada ee dalbanayay in ciidamadu ka baxaan, kaddib markii sarkaal ka tirsan laamaha socdaalka uu toogasho ku dilay haweeney dibad-baxaysay.

Wareysiyo badan oo ay bixisay, Noem waxay difaacday tallaabada sarkaalka toogashada geystay ee dilay Renee Nicole Good, oo 37 jir aheyd. Geerideedu waxay kicisay dibadbaxyo cusub oo dalka oo dhan ka billowday, kuwaas oo looga soo horjeedo ololaha adag ee Madaxweyne Donald Trump uu ku wado xakamaynta socdaalka.

Noem waxay mar kale ku celisay sheegashadeeda ah in falalkii Good ay ka samaysay magaalada Minneapolis Arbacadii ay u dhigmaan “argagixiso gudaha ah,” isla markaana wakiilka federaalka ahi uu is-difaacayay markii uu Good ku dhex toogtay gaarigeeda.

Sheekadan waxaa si adag u diiday mas’uuliyiin Dimoqraaddi ah oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Minnesota Tim Walz iyo Duqa Minneapolis Jacob Frey. Waxay sheegeen in muuqaal si weyn u faafay oo goobta laga duubay uu muujinayo gaariga Good oo ka leexanaya wakiilka, isla markaana uusan u muuqan mid halis ku ah noloshiisa.

Markii CNN marar badan ku cadaadisay sida ay u bixin karto hadallo go’aan leh iyadoo baaritaan rasmi ah uu hadda billow yahay, Noem waxay ku adkaysatay in iyada iyo maamulka ay saxan yihiin.

“Maxaan ula murmeynaa madaxweyne ka shaqeynaya in dadka la ilaaliyo?” ayay tiri.

Dhanka kale, iyadoo la hadleysay Fox News, Noem waxay sheegtay in boqolaal sarkaal oo dheeraad ah ay iman doonaan Axadda iyo Isniinta, si ay u suurtagasho in wakiillada socdaalka ee Minneapolis ka howlgala ay shaqadooda “si ammaan ah” u gutaan.

Haddii dibadbaxayaashu “ku kacaan falal rabshado ah oo ka dhan ah hay’adaha ammaanka, ama ay carqaladeeyaan hawlgalladeenna, taasi waa dambi, waana lala xisaabtami doonaa,” ayay Noem ku tiri barnaamijka “Sunday Morning Futures.”

Iska horimaadyo u dhexeeya wakiillada federaalka iyo dibadbaxayaasha ayaa weli ka socday Minneapolis. Waxaa la arkay saraakiil adeegsanaya suntan dadka ka ilmeysiisa si ay uga hortagaan dad calaamado sita oo isugu soo baxay bannaanka xarun ay leedahay Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada (ICE) ee magaalada.

Noem waxay ku eedeysay mas’uuliyiinta Dimoqraaddiga inay sii hurinayaan rabshado ka dhan ah wakiillada socdaalka.

“Haddii aad eegto waxa Guddoomiye Walz sheegay, iyo waxa Frey sheegay, waxay si xad dhaaf ah u siyaasadeeyeen, si aan munaasib ahaynna uga hadleen xaaladda dhulka ka jirta,” ayay Noem ku tiri barnaamijka “State of the Union” ee CNN.

“Waxay kiciyeen dadweynaha. Waxay dhiirrigeliyeen burburka iyo rabshadaha aan aragnay maalmahan u dambeeyay.”

Tan iyo toogashadii Arbacadii, kumannaan qof ayaa dibadbaxyo, intooda badan si nabad ah, uga dhigay magaalooyin kala duwan oo dalka ah, oo ay ku jirto Minneapolis. Booliisku waxay sheegeen in 29 qof la qabtay kaddibna la sii daayay Jimcihii.

Dibadbaxayaashu waxay dalbanayaan baaritaan buuxa oo lagu ogaanayo duruufaha ku xeernaa dhacdada dilka keentay.

Mas’uuliyiinta Dimoqraaddiga ah waxay si gaar ah u dhaliilayaan in hay’adaha maxalliga ah laga reebay baaritaanka, oo uu wado FBI-da.

“Waa inuu noqdaa baaritaan dhexdhexaad ah, aan eex lahayn, oo xaqiiqooyinka lagu helo,” ayuu Frey u sheegay CNN.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay sharciyad leedahay in dibadbaxayaashu isku dayaan inay carqaladeeyaan hawlgallada fulinta socdaalka, sida kii ay Good ku lug lahayd.

“Dabcan shuruucda waa in la dhaqan-geliyaa, balse waxaa kale oo jira waajib ah in fulinta sharciga loo maro si waafaqsan dastuurka,” ayuu Frey raaciyay.

“Waxaan aragnay haween uur leh oo waddada lagu jiidayo. Waxaan aragnay arday dugsiga sare ah—muwaadiniin Mareykan ah, sidaas oo ay tahay—oo la kaxeynayo.”

Axaddii, wakiillo federaal ah ayaa sii waday ololaha Trump ee xakamaynta socdaalka, waxaana la arkay iyagoo dad ku qabqabanaya xaafado la deggan yahay. Sidoo kale, dad ayaa ubaxyo dhigayay xusuus-qoryo ku-meelgaar ah oo lagu maamuusayo Good.

Hawlgalka amni ee federaalka ka fulay Minneapolis ayaa ku soo beegmay xilli Minnesota ay ka socoto baaritaan lacago laga khiyaanay dowladda oo si weyn loo siyaasadeeyey.

 

Somaliland oo DF uga digtay adeegsiga awood milatari kadib hadalkii Fiqi

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga falcelisay hadallo ka soo yeedhay Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in dowlado shisheeye ay xoog militari ku muquunin doonaan Somaliland.

Bayaan ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu tilmaamay hadalladaasi kuwo khatar ah, oo aan mas’uuliyad ku dhisnayn, isla markaana ka hor imanaya xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga dunida.

Somaliland ayaa mar kale carrabka ku adkaysay in aanay ka amar qaadan Muqdisho, isla markaana ay si buuxda ula soo noqotay madax-bannaanideeda sannadkii 1991, iyadoo ku doodaysa xuduudihii caalamiga ahaa ee ay lahayd xilligii xorriyadda 1960-kii.

Waxay sidoo kale tilmaantay in muddadaas kaddib ay dhistay nidaam ku saleysan nabad, xasillooni iyo dimuqraadiyad shaqaynaysa.

Xukuumadda Somaliland waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya dusha uga tuurtay mas’uuliyadda wixii ka dhalan kara hadallada hanjabaadda u eg, waxayna ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibbada caalamiga ah in ay si cad uga horyimaadaan tallaabo kasta oo khatar gelin karta nabadda gobolka.

Dhanka kale, Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda iyo deganaanshaha gobolka, balse ay mar walba diyaar u tahay difaaca nafteeda, sida uu oggol yahay sharciga caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda si cad ugu baaqday Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo guud ahaan dalalka Carabta in ay qaadaan tallaabo ciidan oo ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, iyadoo arrintaas la barbardhigay sida ay Sacuudigu hore ula dhaqmeen hoggaamiyihii Koonfurta Yemen, Caydarus Al-Zubaydi.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo wareysi siiyay telefishinka Aljazeera ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aysan marna oggolaan doonin in Israa’iil saldhig ciidan ka samaysato dhulka Somaliland.

Soomaaliya ayaa haatan wadda dadaallo diblumaasiyadeed oo waa wayn, iyada oo shirar caalami ah horgeysay xadgudubka Israa’iil ee madax-banaanideeda.

Hadalkaas ayaa imanaya xilli Somaliland ay si cad u beenisay in Israa’iil ay joogis militari ku yeelanayso dhulkeeda.

War-saxaafadeedka Somaliland oo dhameystiran ayaa u dhigna sidan:

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si adag u cambaaraynaysaa hadalladii dhawaan ka soo yeedhay Dawladda Soomaaliya, kuwaas oo ku baaqday in farogelin ciidan shisheeye lagu qaado Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhawaaqa Soomaaliya waa tallaabo culus oo xilkasnimo la’aan ah, isla markaana si cad u jebinaya cahdiga iyo shuruucda Qarammada Midoobay iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Somaliland ma hoos-tagto kamana tirsana maamulka Muqdisho. Somaliland waxay si sharci ah dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda sannadkii 1991kii, iyadoo oo raacaysa soohdimaheedii 1960 ee caalamku aqoonsan yahay, waxayna JSL tan iyo xilligaas ay hirgelisay nabad, xasillooni, iyo maamul dimuqraaddi ah.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cawaaqibka ka dhasha baaqa colaad abuurka ah si buuxda dusha ugu saaraysaa Dawladda Soomaaliya. Waxa kaloo ay beesha caalamka ku boorrinaysaa inay ganafka ku dhuftaan baaqyada noocan oo kale ah.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar kale caddayneysaa sida ay uga go’an tahay nabada iyo ilaalinta xaqa ay u leedahay is-difaaca sharciga caalamiga ah jiddeeyay.

Puntland oo ka digtay safarka Xasan Sheekh ee Laascaanood + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka digay safarka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ku howlan yahay kicinta colaadda u dhexeysa Somaliland iyo dadka reer Sool, xilli uu gobolkaasi ka hanaqaaday maamulka Waqooyi Bari.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay in uu ciidamo ku daabulayo gobolka Sool, si ay dagaal ula galaan Somaliland, isaga oo ku gabanaya go’aankii ay dhawaan Israa’iil ku aqoonsatay maamulkaasi.

“Beelaha Dhulbahante iyo Isaaq waa inay ka digtoonaadaan colaadda uu Xasan wado,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa.

Waxa uu intaas ku sii daray, “Ma jirto deris cid idiin beddelaysa; Dhulbahante guuri maayo, Isaaqna ma guurayo. Dantooda waxay ku jirtaa in mid walba iimaansado dhulkiisa.”

Sidoo kale, wasiirku wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu wado qorshe la xiriira in degaanno ka mid ah Puntland heshiisyo kula galo dowladda Turkiga, si saldhigyo milatari looga hirgeliyo, taasoo uu ku tilmaamay mid horseedi karta qalalaase cusub oo ka dhaca Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu sidoo kale ku tilmaamay mid ku fashilmay sugidda amniga Koonfurta iyo Bartamaha dalka, isla markaana doonaya in xasilooni-darro loo raro degaannada nabadda ku caanbaxay ee isku tashiga sameeyay.

Hadalkan ayaa imanaya xilli la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh toddobaadkan booqasho ku tago magaalada Laascaanood, oo qiyaastii 100KM u jirta Garoowe, si uu uga qeybgalo caleemo-saarka madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan doonaya in beesha caalamka uu Laascaanood uga diro farriin ku aaddan in Dowladda Federaalka ay maamusho qaybo ka mid ah gobollada Waqooyi ee ay Somaliland sheegato, xilli ay midnimada dalka duullaan qaawan kusoo qaaday Israa’iil.

Wasiir FIQI oo sheegay in Cirro uu u baxsan doono sidii Caydaruus Al-Zubaydi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Al Jazeera kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Fiqi oo ugu horreyn wax laga waydiiyay arrinta aqoonsiga ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro uu mari doono waddadii uu maray hoggaamiyihii golaha koonfurta Yemen (STC) Ceydaruus Al-zubeydi oo maalmo kahor kasoo baxsaday dalka Yemen.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in uusan socon doonin aqoonsiga, isaga oo ku dooday in kala bar dadka waqooyiga ay leeyihiin maamullo hoostaga dowlada federaalka Soomaaliya, ayna kasoo horjeedaan in la kala gooyo dalka.

“Somaliland kala bar waxa ay ku biirtay Dowladda Federaalka, keliya Waqooyi galbeed ayay siyaasiyiintooda wadaan ololaha gooni goosadka ah, iyanna Shacabkeeda xornimada usoo halgamay ma rabaan in dalka la kala gooyo” ayuu mar kale yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in qorshahan ay Israa’iil ka fakireysay muddo dheer, isla markaana uu ujeedkeeda uu yahay kala qaybin oo kaliya.

“Israa’iil waxa ay muddo dheer hiigsaneysay hadafyo iyo qorshayaal ay ku kala qeybineyso dalalka – laga yaabee in ka hor 20 sano – waxa ayna dooneysaa in ay qeybiso khariidadda Bariga Dhexe oo ay kamaamusho dalalkeeda… waana sababta ay kooxdan gooni-goosadka ah uga heleen waqooyi-galbeed Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Dhinaca kale, mar wax laga weydiiyay haddii ay jiraan dalal Soomaaliya ay la kaashanayso arrinta difaaca faragelinta Israa’iil waxa uu ku jawaabay in ay jiraan  dalal badan oo kahor yimid xadgudubka Israa’iil ee Soomaaliya isla markaana ay dhinac taagan yihiin sida Sacuudiga, Masar, Turkiga, Qatar & dalal kale.

Somalia ayaa haatan wadda dadaallo diblumaasiyadeed oo waa wayn, iyada oo shirar caalami ah horgeysay xadgudubka Israa’iil ee madax-banaanideeda.

Maxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho? + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa maanta ka dhacay banaanbax wayn oo ay soo abaabuleen haweenka Soomaaliyeed, kaas oo looga soo horjeeday xagudubka Israa’iil ee madax banaanida Soomaaliya, kadib aqoonsigii ay siisay maamulka Somaliland.

Qaar kamid ah hoggaanka haweenka Soomaaliyeed oo goobta ka hadlay ayaa jeediyay khudbado ay uga hadleen dhibaatooyinka Yuhuudda u keeni karto dalkeenna, haddii aan laga hortagin farogelinta ay ku hayso Soomaaliya.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Maamo Jawaahir Baarqab oo kamid ah dibadbaxayaasha ayaa warbaahinta kula hadashay Taalada Daljirka Daahsoon, waxayna ka warbixisay ujeedka isku imaatinkooda.

“Isu soo baxaan wuxuu qayb ka yahay banaanbaxyada socda oo looga soo horjeedo gar-darrada Yahuuda oo si cad ugu soo duushay dalka” ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in Soomaaliya iyo Israa’iil ay ka dhexeyso cadaawad gaamurtay, isla markaana aysan yeelan karin wax xariir ah.

“Dal aan la aqoonsan waxa ma aqoonsan karo Yahuud waxaa naga dhexeyso cadaawad soo jireen ah midda kale ood wadaag ma nihin diin ma wadaagno” ayay mar kale tiri Jawaahir Baarqab.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn caddeeyay mowqifkooda ku aadan damaca Israa’iil ee dhulka Soomaaliyeed, iyaga oo ka digay, waxayna farriin culu u diray shacabka iyo madaxda maamulka Somaliland.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale magaalada Muqdisho loogu qabtay banaanbax ay soo qaban qaabiyeen bahda culimada Soomaaliyeed, oo iyaguna kasoo horjeestay aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Si kastaba, Israa’iil oo 26-kii December ee sanadkii hore, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” ayaa weli sii wadda xagdubka ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana maanta ay wafdi uu hoggaaminayo wasiirkeeda arrimaha dibadda u dirtay Somaliland, tallaabadaas oo ay mar kale ka hortimid Soomaaliya.

Shiinaha: Itoobiya hal waddo unbey bad ku heli kartaa

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Shiinaha, oo wasiirkooda arrimaha dibadda u diray Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay inay taageerayaan dadaallada dalalka gobolka ee ku aaddan “xoojinta xiriirka saadka badda”, iyagoo ixtiraamaya “madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed”.

Waxay sidoo kale sharraxday in arrinta “helitaanka albaabka badda” ay ka mid tahay hawlaha gacan ka geysan doona xoojinta xiriirka saadka badda.

Itoobiya ayaa dhankeeda xaqiijisay inay ka go’an tahay mabda’a “Hal Shiine”, iyadoo sheegtay in “Taiwan ay tahay qayb aan laga maarmi karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, oo booqasho rasmi ah ku tagay Itoobiya Khamiistii, ayaa noqday safarkiisii ugu horreeyay ee Afrika tan iyo booqashadii Midowga Yurub (EU) ee 2026.

Wang ayaa magaalada Addis Ababa wadahadallo kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Gideon Timothy, iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Wadahadallada uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha la yeeshay Abiy iyo Gideon kuma koobnayn arrimaha labada dal oo keliya, balse waxay taabteen arrimo gudaha ah, kuwo goboleed iyo kuwo caalami ah, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ay labada dal soo saareen Jimcihii.

Dawladda Shiinaha ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay “guulaha cusub” ee laga diiwaangeliyey “horumarka qaranka” ee Itoobiya, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Shiinaha ayaa sheegay inuu si adag u taageerayo dadaalka ay shacabka Itoobiya ku doonayaan inay ku hiigsadaan dariiq horumarineed oo la jaan qaadaya xaaladda dalka. Waxa kale oo uu sheegay inuu ka soo horjeedo “faragelin shisheeye” oo lagu sameeyo Itoobiya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen in la xoojiyo isuduwidda “siyaasadaha horumarinta iyo istaraatiijiyadaha” iyo dhiirigelinta khibrad-is-dhaafsiga ee arrimaha la xiriira “maamulka dadweynaha”.

War-saxaafadeedka wadajirka ah ayaa lagu sheegay in “Shiinuhu si weyn u qiimeeyo doorka Itoobiya ee Geeska Afrika”. Itoobiya, dhankeeda, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay “guulaha laga gaaray qorshaha nabadda iyo horumarinta ee Shiinaha ee Geeska Afrika”.

Hadalkan ayuu Shiinuhu ku xusay arrinta badda oo ay dawladda Itoobiya sannadihii u dambeeyay xoogga saartay, kuna xiran isdhexgalka gobolka. Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inuu dhiirigelinayo dalalka gobolka inay qaadaan tallaabooyin lagu xoojinayo “xiriirka, iskaashiga iyo isdhexgalka Afrika” ee dhinacyada kala duwan.

Itoobiya ayaa bilowgii 2024 heshiis, oo la sheegay inay ku heli karto deked muhiim ah, la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, arrintaas oo Soomaaliya si weyn uga soo horjeesatay.

Shiinaha ayaa sheegay in mid ka mid ah qodobbada lagu xoojinayo xiriirka uu yahay kor u qaadista “saadka badda”. Shiinuhu wuxuu xusay in hal dariiqo oo taas lagu gaari karo ay tahay “in la helo albaabka badda”.

Shiinaha, oo sheegay in saadka badda loo adeegsan karo in lagu gaaro “nabad, xasillooni iyo barwaaqo goboleed”, ayaa sidoo kale sheegay in arrintaas lagu wajahayo wada-hadal iyo hab diblomaasiyadeed.

Waxa kale oo uu sharraxay in hawlaha la xiriira isdhexgalka gobolka ay ku saleysan yihiin “ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka ay khuseyso” iyo “ixtiraamka Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah”.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa ku celisay inay Shiinaha ka taageereyso arrinta Taiwan, oo muddooyinkii dambe xiisad ka taagneyd.

Shiinuhu waxa uu u arkaa Taiwan, oo ku andacoonaysa inay tahay dal madax-bannaan, inay ka mid tahay dhulkiisa. Dhoolatuskii ugu dambeeyay ee militariga Shiinaha uu ka sameeyay meel u dhow Taiwan ayaa dib u soo celiyay cabsida laga qabo in Beijing ay dagaal ku qaaddo jasiiradda.

Suudaan oo ku dhawaaqday inay dib ugu laabatay Khartuum

0

Khartuum (Caasimada Online) – Dowladda Suudaan ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dib ugu laabatay caasimada dalkaasi ee Khartuum, kadib muddo ay xukuumaddu si KMG ugu shaqeynaysay magaalada Port Suudaan.

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Kamal Idris oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Khartuum, ayaa xaqiijiyay in xukuumaddiisu ay si buuxda ugu soo guurtay caasimadda, si loo dardar galiyo u adeegida bulshada.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in dib loo billaabay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee ka degi jiray garoonka caalamiga ah ee Khartuum.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in xayiraaddii saarnayd hawada caasimadda laga qaaday, iyadoo diyaaradihii ugu horreeyay ee caalami ah ay shalay ilaa maanta ka soo degeen garoonka.

Magaalada Khartuum ayaa waxaa ka muuqda soo kabasho, iyadoo kumanaan ruux  ay dib ugu soo laabteen, kuwaasi oo hore uga qaxay dagaalka Militeriga Suudaan iyo kooxaha RSF oo billaawday bishii April ee 2023.

Tan iyo bishii Abriil 2023, dagaalka Sudan wuxuu abuuray dhibaatadii barakaca ee ugu weyneyd adduunka, wuxuuna horseeday in dowladda Mareykanku ay si rasmi ah u go’aamiso in ciidanka RSF ay galeen xasuuq.

Sacuudi Carabiya oo dalbatay tallaabooyin adag oo ka dhan ah aqoonsiga Somaliland

Jeddah (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa shir degdeg ah oo ay Sabtidii yeesheen Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) u sheegtay in ururku qaato mowqif adag oo mideysan oo ka dhan ah aqoonsiga maamul kasta oo gooni-u-goosad ka ah Soomaaliya, kaddib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday aqoonsi is-dhaafsi ah oo ay la yeelatay maamulka Somaliland.

Isagoo ka hadlayay xarunta OIC ee magaalada Jeddah, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Waleed bin Abdulkarim Al-Khuraiji, ayaa dib u adkeeyay taageerada Riyadh ee madax-bannaanida Soomaaliya iyo “midnimadeeda iyo dhul-weynaanteeda.”

Wuxuu sheegay in Boqortooyadu si buuxda u diidan tahay bayaanka aqoonsiga Israa’iil iyo Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabo hal dhinac ah oo gooni-u-goosad ah, kana hor imanaysa sharciga caalamiga ah iyo axdiyada Qaramada Midoobay iyo OIC.

Al-Khuraiji waxa kale oo uu diiday “isku day kasta oo lagu soo rogo hay’ado isbarbar socda” oo wiiqaya midnimada Soomaaliya, wuxuuna dalalka xubnaha ka ah OIC ugu baaqay in ay ka gaabsadaan la macaamilka maamulada gooni-u-goosadka ah.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in si isku-duuban loogu dhaqaaqo fagaarayaasha caalamiga ah, si looga hortago “tusaalooyin khatar ah” oo saameyn ku yeelan kara dalalka xubnaha ka ah ururka.

Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, kaddib markii 26-kii Diseembar 2025 ay saxiixeen bayaan aqoonsi is-dhaafsi ah oo ay la galeen hoggaanka Somaliland, isla markaana ay ku dhawaaqeen qorshe ay ku ballaarinayaan iskaashi.

Soomaaliya ayaa cambaareysay tallaabadaas, waxayna ku tilmaantay mid sharci-darro ah, iyadoo ballan-qaadday in ay kaga hortagi doonto wadiiqooyin diblomaasiyadeed iyo kuwo sharci.

Khilaafku wuxuu sii xoogaystay markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Saar, uu 6-dii Janaayo booqday Somaliland, kulana kulmay Hargeysa Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Booqashadan ayaa ahayd tii ugu horreysay ee mas’uul sare oo Israa’iili ahi ku tago Somaliland tan iyo aqoonsiga. Saar wuxuu sheegay in Israa’iil ay qorshaynayso in ay sii xoojiso xiriirka, halka mas’uuliyiinta Soomaaliya ay booqashadaas ku tilmaameen faragelin ka dhan ah madax-bannaanida dalka.

Somaliland waxay ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991 kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Si kastaba, ka hor tallaabada Israa’iil, ma aysan helin aqoonsi rasmi ah oo ka yimid dal xubin ka ah Qaramada Midoobay.

Midowga Afrika ayaa Israa’iil ugu baaqay in ay ka laabato aqoonsigeeda, isagoo mar kale adkeeyay taageerada uu u hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Arrintan ayaa sidoo kale loo gudbiyay Qaramada Midoobay, iyadoo Soomaaliya iyo dalal ay saaxiib yihiin ay raadinayaan garab diblomaasiyadeed oo ballaaran oo lagu wajaho tallaabadaas.

 

 

Xog: Madaxweyne Xasan oo kusii jeeda Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu booqasho ku tego magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay haatan ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in Madaxweynuhuu bixi doono maalinta Khamiista ah ee soo socoto, isaga oo ka qayb-gelaya xafladda caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) oo lagu qabanayo Laascaanood.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saacadaha soo socda ay Muqdisho ka bixi doonaan wafdi horudhac ah safarka Madaxweynaha, si ay qayb uga noqdaan qaban qaabada soo dhaweyntiisa, ugana shaqeeyaan howlaha amniga.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo qaar kamid golihiisa wasiirrada ayaa tegi doono halkaasi, waxaana la qorsheeyay in shirka golaha wasiirrada uu Khamiista ka dhaco magaalada Laasacaanood, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Waxaa kale oo tegi doono caleema saarka Firdhiye qaar kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada Soomaaliya oo iyagana lagu casuumay munaasaabadda oo dib uga dhacday xilligeeda, kadib culeysyo yimid dartood.

Hoggaamiyaha Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) oo markii hore KMG ahaa ayaa mar kale dib loogu doortay xilka Madaxweynaha, kadib doorasho sanadkii hore ka dhacday Laascaanood, taas oo lag dhammeystiray maamulkan oo aqoonsi buuxa ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ninkan ayaa toos ugu xiran Villa Somalia, wuxuuna horay ugu biiray Xisbiga uu dhisay Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP, isagoo taageeradaas ku caana maalay, maadaama uu mar kale ku guuleystay inuu sii hogaamiyo maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Si kastaba, safarka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ee Laascaanood ayaa kusoo aadayo, xilli haatan ay isku dhacsan yihiin dowladda federaalka iyo Somaliland, sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Hargeysa.

Sawirro: R/Wasaare Abiy oo gaaray Jabuuti + Ujeedka

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jamuhuuriyadda Jabuuti, halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qaabilay Abiy iyo wafdigiisa, isaga oo soo dhaweeyn ugu sameeyay qasriga madaxtooyada.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada-haday is-dhexgalka juqraafi-siyaasadeed iyo xoojinta xiriirka labada dal, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa kulankooda kusoo qaaday xaaladda gobolka, nabadda iyo amniga  iyo xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan ganacsiga, saadka iyo horumarinta.

Wada-hadalladan ayaa kusoo aaday, iyada oo haatan gobolka ay taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, taas oo si weyn looga dareemay gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Jabuuti yaa safka hore ka gashay u istaagidda midnimada dalka Soomaaliya, waxayna si cad u diiday go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, halka Itoobiya ay weli ka aamusan tahay ka hadalka heshiiska Hargeysa iyo Tel Aviv.

Safarka Abiy Axmed ee Jabuuti ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo diiradda lagu saarayo xaalka Soomaaliya iyo arrimaha kale ee ka taagan Geeska Afrika.

Si kastaba, Itoobiya ayaa maalmahan wadday dhaq-dhaqaaq culus, waxayna mar kale dib usoo nooleysay damaceeda badda, iyada oo dhawaan ku dhawaaqday in dadaalka dalkeeda ee ku aaddan helitaanka marin-badeed toos ah uu yahay qadiyad qaran oo “jiilal ay isaga dambeeyaan,” taas oo qasab ay tahay inay mideyso muwaadiniinta iyadoo aan loo eegin kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed.

Turkey, Pakistan iyo Sacuudi Carabiya oo dhisaya isbahesyi difaac oo awood badan

Ankara (Caasimada Online) – Turkiga ayaa dadaal xooggan ku bixinaya inuu ku biiro heshiis difaac oo u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Pakistan oo hub nukliyeer leh, tallaabo suuragal ah oo abuuri karta isbahaysi milatari oo cusub Bariga Dhexe, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha Gacanka iyo kuwa la xiriira Iran.

Warbaahinta Bloomberg ayaa Jimcihii sheegtay in wadahadallada u dhexeeya Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan ay marayaan “marxalad horumarsan,” isla markaana “heshiis aad u dhow” uu suuragal yahay, iyadoo soo xiganaysa dad arrintan la socda.

Calaamad muujinaysa in Islamabad ay sii xoojinayso xiriirka ay la leedahay Ankara iyo Riyadh, Reuters ayaa Jimcihii werisay in Pakistan ay ku dhowdahay inay dhammaystirto heshiis hub oo dhan $1.5 bilyan ah oo ay la gashay ciidanka Suudaan, kuwaas oo ay taageeraan Sacuudiga iyo Turkiga, islamarkaana dagaal kula jira ciidanka RSF ee garab ka helaya Imaaraadka Carabta.

Reuters waxay sheegtay in Pakistan laga filayo inay u iibiso ciidanka Madaxweyne Jeneral Cabdul-Fataax al-Burhaan 10 diyaaradood oo K-8 Karakorum ah, in ka badan 200 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) oo loogu talagalay sahamin iyo weerarro ismiidaamin ah, iyo nidaamyo difaac hawada oo horumarsan.

Aamir Masood, oo ah marshaalkii hore ee ciidanka cirka Pakistan, ayaa Reuters u sheegay in iibku yahay “heshiis la dhammeeyay,” isla markaana uu sidoo kale ku jiri karo diyaaradaha dagaalka ee JF-17.

Haddii Pakistan, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ay kala saxiixdaan heshiis difaac oo saddex-geesood ah, waxa uu isku xirinayaa saddex dal oo waaweyn oo gobolka ka mid ah, kuwaas oo mid walba leeyahay awood iyo sifo gaar ah.

Sacuudi Carabiya oo hodan ku ah shidaalka waa dhaqaalaha keliya ee Carabta ee ku jira G-20, waana dalka ay ku yaallaan Maka iyo Madiina, labada magaalo ee ugu barakada badan Islaamka.

Pakistan waa dalka keliya ee dunida Muslimka ah ee hub nukliyeer leh.

Turkiga, oo isku xira Aasiya iyo Yurub, waxa uu xoojinayaa ciidamada NATO iyadoo uu leeyahay ciidanka labaad ee ugu weyn ururkaas.

Labada dal ee Pakistan iyo Turkiga ayaa sidoo kale ku soo baxaya kuwo leh warshado waaweyn oo soo saara, oo dhoofiya hub.

Turkiga ayaa siiyay Ukraine diyaarado drones ah oo ay uga adeegsatay dagaalka ka dhanka ah Ruushka. Turkiga ayaa sidoo kale u muuqday taageeraha milatari ee ugu weyn Suuriya, waxayna ciidamo ka joogaan Liibiya.

Pakistan oo wajahayso dhaqaale ciriiri ah ayaa isku dayaysa inay khibraddeeda milatari u beddesho faa’iido dhaqaale. Bishii Diseembar, waxay saxiixday heshiis dhan $4 bilyan oo ay ku iibinayso qalab milatari, oo ay ku jiraan 16 diyaaradood oo JF-17 ah, kuwaas oo la siinayo Ciidanka Qaranka Liibiya ee Jeneral Khaliifa Xaftar.

Reuters ayaa horraantii toddobaadkan werisay in Pakistan iyo Sacuudi Carabiya ay wadahadallo ku jiraan si ay qiyaastii $2 bilyan oo deymaha Sacuudiga ah ugu beddelaan heshiis lagu iibsado diyaaradaha JF-17, kuwaas oo si wadajir ah u soo saara Shiinaha iyo Pakistan.

Pakistan taariikh ahaan waxay xiriir dhow la lahayd Sacuudiga iyo Turkiga, inkastoo labadaas dal mar walba isku aragti ahayn.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa taageeray kacdoonnadii dadweynaha ee ka dhashay Guga Carabta, kuwaas oo Riyadh u aragtay halis ku wajahan nidaamka boqortooyada.

Toban sano ka hor, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa iskaashaday si ay uga hortagaan Turkiga gudaha Liibiya. Waxay sidoo kale taageereen Madaxweynaha Masar Cabdul-Fataax el-Sisi, oo ahaa jeneraal hore oo Erdogan mar ka mid ah si adag u dhaliilay.

Hase yeeshee, isbahaysiyada gobolka si degdeg ah ayay isu beddelaan. Erdogan iyo Sisi ayaa hadda isu soo dhowaanaya, iyagoo ka wada welwelsan dagaalka Israa’iil ee Gaza — oo ay Qaramada Midoobay, ururrada xuquuqda aadanaha iyo taariikhyahanno qaar ku tilmaameen xasuuq — iyo sidoo kale weerarro ka ballaaran oo ku wajahan Lubnaan, Suuriya iyo Iran.

Sacuudi Carabiya iyo Turkiga ayaa bilaabay hagaajinta xiriirkooda 2021.

Waqtiyadii u dambeeyay, labada dhinac waxay istaraatiiji ahaan isugu soo dhowaadeen meelaha colaadaha ka aloosan yihiin sida Suuriya. Erdogan iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa labaduba Madaxweyne Donald Trump u ololeeyay in laga qaado cunaqabataynta saaran dowladda Madaxweyne Ahmed al-Sharaa.

Turkiga iyo Sacuudiga ayaa sidoo kale taageeraya dhinac isku mid ah dagaalka sokeeye ee Suudaan, kaas oo u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo RSF, oo garab ka helaya Imaaraadka Carabta.

Iskaashigii Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa si weyn u daciifay. Sacuudiga ayaa qaaday duqeymo ka dhan ah xulafada Imaaraadka ee Yemen, kuwaas oo ah Golaha Koonfurta ee Kumeelgaarka ah (STC), halka xoogagga ay Riyadh taageerto ay Yemen ka saareen STC iyo Imaaraadka, sida ay warbixintu sheegtay.

Al-Shabaab oo isaga baxay deegaanno ku yaalla Hiiraan

0

Moqokori (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanno iyo tuulooyin hoostaga degmooyinka Maxaas iyo Moqokori ee gobolkaasi, kadib markii ay ku dhawaadeen ciidamada dowladda.

Xubnaha Al-Shabaab ee faarujiyay deegaannadaas ayaa lagu soo warramayaa inay isugu tegeen Maxaas iyo Moqokori oo ay hadda si buuxda u maamulaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaadku ay dareemeen cabsi iyo culeys xooggan oo ku aadan abaabulka ay dowladda ka wado gobolka Hiiraan.

Sarkaal sare oo u hadlay milatariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in kooxda Al-Shabaab ay inta badan isaga baxday tuulooyinka, wuxuuna sababta ku sheegay inay dareemen baqdin ku aadan howlgallada ka socda halkaasi.

“Nimanka way isaga baxeen tuulooyinka waa wax naf la caari ah oo marka ay ciidanka kusoo ruqaansadaan sii ordaya” ayuu yiri sarkaalka.

Shalay ayay aheyd markii dagaal culus oo lagu jabiyay argagixisada uu ka dhacay aagga Teedaan, halkaas oo looga gubay gaari Cabdi Bile ah, loogana dilay xubnihii la socday.

“Waxay isku dayeen inay Teedaan yimaadaan laakiin ciidamo ayaa meesha ugu diyaarsanaa gaari Cabdi Bile ah ayaa looga gubay, dhowr nina waa looga dilay” ayuu yiri Taliye Xasan Faarax Guuleed oo hoggaaminayay dagaalka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Jidgooyo ayaa loo dhigay gaariga iyo wixii saarnaa ayaa Saban lagu dhuftay meesha ayayna iskula basbeeleen”.

Muddooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa xoogga soo saaray Hiiraan, iyada oo doonaya inay qabsadaan deegaannada u dhow degmada Maxaas ee gobolkaasi.

 

 

Soomaaliya iyo Falastiin oo wada-hadal toos ah yeeshay kadib aqoonsiga Israel

0

Jeddah (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya & dowladda Falastiin ayaa maanta wada-hadallo toos ah ku yeeshay magaalada Jeddaha ee dalka Sacuudi Carabiya, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladihii ugu dambeeyay, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyda maamulka Israaa’iil.

Wada-hadallada ayaa waxaa si gaar ah u yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo dhiggiisa Marwo Dr. Varsen Aghabekian Shahin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Dawladda walaalaha Falastiin, wuxuuna kuanooda barbar socday shirka aan caadiga ahayn ee golaha wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Labada wasiir ayaa kulankooda si qoto dheer waxay uga hadleen aqoonsiga sharci-darrada ah ee ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland ee gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya, maadaama ay xadgudub ku tahay Soomaliya.

Dr. Varsen Aghabekian Shahin oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay inay kasoo horjeedaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, isla markaana ay garab taagan yihiin shacabka dowladdooda.

Waxaa kale oo labada wasiir ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda dhowrista sharciga caalamiga, iyagoo muujiyey taageeradooda dhammaan dadaallada lagu dhowrayo midnimada qaran iyo xasilloonida dalka.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo isla xalay Jedda ku dhex-maray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo dhiggiisa dalla Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, kaas oo dhacay intii uu socdey shirka aan caadiga ahayn ee golaha wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Intii lagu guda-jiray kulanka, labada wasiir waxay uga hadleen xaaladaha soo kordhay, gaar ahan gar-darrada Israaa’iil oo ku xadugubtay Soomaaliya, waxayna si cad u diideen go’aanka ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Soomaaliya ee dhanka diblumaasiyadda, si ay taageero uga hesho dowladaha caalamka oo intooda badan kasoo horjeestay tallaabada ay qaaday Israa’ii.

Soomaaliya ayaa garab weyn ka heshay dalalka Islaamka, waxaana si hagar la’aan usoo dhinac istaagay dalal waa wayn oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Turkiga oo dhawaan uun ku heshiiyay difaaca qarannimada Soomaaliya.

Si kastaba, Dhaq-dhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa daba socda ku dhawaaqistii Israa’iil ee 26-kii Diseembar, markaas oo ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan—waana dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

 

Xog: DF Soomaaliya oo hub culus ka heshay saddex dal

Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga, Masar iyo Serbia ayaa Soomaaliya soo gaarsiiyay hub culus iyo qalab milatari, taas oo xoojinaysa Ciidamada Qalabka Sida xilli dalku wajahayo baahiyo amni oo isa soo taraya iyo cadaadis diblomaasiyadeed.

Saraakiil milatari oo Soomaaliyeed ayaa wareejintan u xaqiijiyay Wakaaladda Difaaca Turkiga. Warbixintu waxay sheegtay in taageerada Turkigu ay isugu jirto hubka askarta lugta, gaadiid gaashaaman, rasaas, nidaamyo talis iyo xakameyn (command and control), iyo qalabka aragga habeenkii.

Wakaaladdu waxay intaas ku dartay in soo gaarsiinta qalabkan ay ku soo beegantay hawlgelinta Guutooyinka Kumaandooska Gorgor (Eagle), kuwaas oo Turkigu ku tababaro xarunta milatari ee TÜRKSOM ee Muqdisho. Sida ay wakaaladdu sheegtay, arrintani waxay muujinaysaa in Ankara ay Soomaaliya ka hawlgelisay awooddeeda si ka ballaaran tababar, una gudubtay xoojin toos ah oo dhinaca awoodda dagaal ah, iyadoo gacan ka geysanaysa diyaarinta iyo dirista cutubyo hawlgallo fulin kara.

Mas’uuliyiin Soomaaliyeed ayaa sidoo kale xaqiijiyay in taageero hub ay ka timid Masar iyo Serbia, balse lama shaacin wax faahfaahin ah oo ku saabsan nooca ama tirada hubka ay labada dal bixiyeen.

Soo gaarsiinta hubkan waxay ku soo aadaysaa xilli Soomaaliya heshay garab diblomaasiyadeed oo xooggan oo taageeraya madaxbannaanideeda iyo midnimada dhuleed.

Sacuudi Carabiya, oo ay weheliyaan dalal Carbeed, Islaami ah iyo kuwo Afrikaan ah, ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku cambaareeyeen booqasho uu mas’uul Israa’iili ahi dhowaan ku tagay xarunta maamulka Somaliland.

“Booqashadani waa xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya; waxayna wiiqaysaa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, iyadoo halis u ah inay sii huriso xiisadaha ka taagan gobol horeba u jilicsanaa,” ayaa lagu yiri bayaanka, sida ay baahisay Saudi Gazette.

Wasiirradu waxay si cad u diideen aqoonsiga ay Israa’iil siisay gobolka Somaliland, iyagoo adkeeyay in gobolku yahay “qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” kana digay in dhiirrigelinta ajandayaal gooni-goosad ay horseedi karto xasillooni-darro dheeraad ah.

Bayaanka, oo ay saxiixeen in ka badan 20 dal oo ay ku jiraan Masar iyo Turkiga, isla markaana ay taageertay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), wuxuu Israa’iil ugu baaqay inay ka laabato aqoonsiga Somaliland oo ay ixtiraamto sharciga caalamiga ah, iyadoo sidoo kale garab istaagaysa dadaallada diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee Soomaaliya ku difaacayso madaxbannaanideeda.

Somaliland oo si weyn uga carootay tallaabadii Turkiga

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka carootay hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo nasiib darro weyn oo ku dhacday Somaliland ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil, wuxuuna ku qeexay arrin musiibo ah oo ceeb iyo fadeexo ku ah bulshada Somaliland.

“Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland inuu yahay musiibo ugu weyn oo ku dhici karta Somaliland. Maxaa noqon kara musiibo ka weyn tan oo ku timaada bulsho Muslim ah, ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? Qofna ma aqoonsana, Israa’iil ayaana ku aqoonsatay. Ma aha sababta aad tahay, laakiin sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeedo xun, siyaasadooda gobolka ah. Haddii Ilaah kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii. Tani waxay ka dhigan tahay in qofku u baahan yahay inuu is xakameeyo.” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirka madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, wuxuuna tilmaamay in Turkiga uu yahay dalkii koowaad ee aqoonsaday Israa’iil, illaa maantana uu la leeyahay xiriir aan marnaba go’in, sida uu ku dooday.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Turkigu uusan u sheegi karin diin iyo taariikh toona, ayna garanayaan danahooda gaarka ah iyo cidda ay la xiriirayaan.

“Turkiga waa waddankii koowaad ee dunida aqoonsada jiritaanka Israa’iil sanadkii 1984-kii. Waagaas ilaa maanta marxalad kasta oo dhacda Turkigu marnaba xidhiidhka uu Israa’iil la leeyahay iska daa inuu gooyee hoos uma dhigo. Markaa maanta Turkigu diin nooma sheegi karo, taariikhna inooma sheegi karo, dhaqan kalena inooma sheegi karo, danteennana inooma sheegi karo. Danteenna innagaa naqaanna, innagaa ka shaqeyneyna, innagaa u taagan, innagaa matalna” ayuu yiri Khadar Xuseen Cabdi.

Waxaa kale oo uu u jawaabay dalalka diidan aqoonsiga Somaliland, isaga oo yiri “Waxaa jira waddamo badan oo dunida ka mid ah oo iyaguna aqoonsiga Somailand dhibaato u arka. Waxaan rabnaa inaan dunida oo dhan u sheegno aqoonsiga Somailand wuxuu soo kordhinayaa oo uu wax weyn ku tarayaa nabadda gobolka, wuxuu wax weyn ku tarayaa ilaalinta iyo adkeynta amniga Badda Cas, wuxuu wax weyn ku tarayaa wada noolaanshaha iyo dhaqaalaha, is dhexgalka gobolka aynu ku nool nahay”.

Turkiga ayaa horay u caddeeyay mowqifkiisa, wuxuuna si adag u diiday aqoonsiga Somaliland oo uu ku tilmaamay inuu xadgubub ku yahay madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Somaliland ay cambaareyn xooggan iyo diidmo adag kala kulantay aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil.

Daawo: Fahamka caalamka: Yahuudda, IDF iyo Mossad + Loollanka qarsoon ee Turkiga

Tel Aviv (Caasimada Online) – Aqoonsigii dhowaan Israa’iil ay siisay maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya, wuxuu gilgilay Soomaaliya, dalalka gobolka, kuwa Bariga Dhexe iyo caalamka.

Wuxuu sidoo kale bannaanka u soo saaray loollan xooggan oo ka dhex ooggan dalalka gobolka, gaar ahaan Israa’iil iyo Turkiga, taasoo qayb ka ah tallaabada ay qaaday Tel Aviv, xilli ay Muqdisho aad ugu dhowdahay Ankara.

Haddaba, maxaan ka ognahay loollanka gobolka? Waa maxay doorka Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar, Masar, Turkiga iyo Israa’iil? Maxaan sidoo kale ka ognahay Israa’iil, aasaaskeeda iyo sida uu u shaqeeyo sirdoonkooda?

Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan, wareysigan waxaa ku sharxaya aqoonyahan Mukhtaar Xuseen Maxamed (Mukhtaar Qooransay), oo horey u soo noqday agaasimaha hay’adda NIRA, sidoo kalena ka soo shaqeeyay NISA iyo Villa Somalia.

Hoos ka daawo wareysigan oo uu la yeeshay Abdijaliil Show.

Gaari ay la socdeen Shabaab oo lagu gubay dagaal ka dhacay…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay aagga deegaanka Teedaan oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab isku dayeen inay weeraraan deegaannada Bukure iyo Teedaan, waxaana ka war helay ciidamada Xoogga dalka oo jab culus gaarsiiyay xubnaha weerarka soo qaaday.

Taliye Xasan Faarax Guuleed oo hoggaaminayay dagaalka ayaa Shabelle Tv u sheegay inay gubeen gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ragga weerarka soo qaaday, wuxuuna tilmaamay inay ku basbeeleen dhammaan raggii la socday.

“Waxay isku dayeen inay Teedaan yimaadaan laakiin ciidamo ayaa meesha ugu diyaarsanaa gaari Cabdi Bile ah ayaa looga gubay, dhowr nina waa looga dilay” ayuu yiri Taliye Xasan Faarax Guuleed.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Jidgooyo ayaa loo dhigay gaariga iyo wixii saarnaa ayaa Saban lagu dhuftay meesha ayayna iskula basbeeleen”.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan xaaladda ay dagan tahay, ayna ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.

“Xaaladda deegaanka hadda waa dagan tahay meel 30 KM u jirta deegaanka ayaa hadda ciidamadeenu joogaan oo Shabaab afkiisa ah” ayuu mar kale yiri.

Muddooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa xoogga soo saaray Hiiraan, iyada oo doonaya inay qabsadaan deegaannada u dhow degmada Maxaas ee gobolkaasi.

Shir muhiim u ah Soomaaliya oo ka furmay Sacuudiga

0

Jeddah (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Jeddaha ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ka furmay shir deg-deg ah oo muhiim u ah Soomaaliya, kaas oo ay yeelanayaan wasiiradda arrimaha dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee magaciisa loo soo gaabiyo (OIC).

Shirka ayaa ku furmay heer wakiilada dalalka Islaamka ee OIC, kaas oo hordhac u ah kulanka guud ee golaha wasiirrada ee ururka, waxayna xubnaha maanta isugu tegay Jeddah diyaarinayaan kalfadhi aan caadiga ahayn oo looga hadlayo aqoonsiga ay dhawaan Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaadi doonaa xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, maadaama dalka ay ka jirto xaalado is-biirsaday sida tan siyaasadda ee ka dhalatay doorashada, arrimaha diblumaasiyadda iyo abaaraha.

Soomaliya waxaa shirkan ku metali doono wasiirka arrimaha dibadda Cabdisalaan Cali Dhaay oo maalmahaan kulamo iyo dhaq-dhaqaaq diblumaasiyadeed ka waday magaalada Riyadh ee caasimada Sacuudiga.

Cabdisalaan ayaa madasha ka jeedin doono khudbad xasaasi ah oo ku caddeyn doono mowqifka Soomaaliya, khataraha wadajira ay dalalka Islaamku wajahayaan iyo mahadcelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhankooda Wasiirrada Ururka OIC ayaa la filayaa inay soo saaraan bayaan adag oo Israa’iil looga dalbanayo inay si deg-deg ah uga laabato aqoonsiga Somaliland, si loo dhowro shuruucda caalamiga ah ee yaalla QM iyo Midowga Afrika.

Soomaaliya ayaa garab weyn ka heshay dalalka Islaamka, waxaana si hagar la’aan usoo dhinac istaagay dalal waa wayn oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Turkiga oo dhawaan uun ku heshiiyay difaaca qarannimada Soomaaliya.

Si kastaba, Dhaq-dhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa daba socda ku dhawaaqistii Israa’iil ee 26-kii Diseembar, markaas oo ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan—waana dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Maxay DF ka tiri khasaaraha Qatar ka soo gaaray duqeyntii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa si adag looga hadlay waxyeelo xooggan oo safaaradda Qatar ee ku taalla caasimadda Ukraine ee Kyiv kasoo gaartay duqeyn culus oo ka dhacday halkaasi.

Bayaanka oo ku qornaa luqadda Englishka ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku muujisay walaac ku aaddan waxyeellada gaartay safaaradda Qatar, maadaama la beegsaday dhismaheeda, taas oo kasoo horjeedo diblumaasiyadda iyo qaaanuunka caalamiga ah.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa adkaysay mabda’a aasaasiga ah ee dhowrista iyo xurmada goobaha diblomaasiyadeed, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, gaar ahaan heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinta safaaradaha, hantidooda iyo shaqaalahooda.

“JFS waxa ay muujinaysaa walaac qoto dheer oo ay ka qabto khasaaraha soo gaaray Safaaradda Dowladda walaalaha ah ee Qadar ee ku taalla Magaalada Kyiv oo ah Caasimadda Ukraine ee ka dhashay duqayn, Waxa ay mar kale Soomaaliya adkaynaysaa mabda’a aasaasiga ah ee aan la taaban karin ee xarumaha diblomaasiyadeed sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo qoraalka lagu xusay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo ilaaliyo xarumaha diblomaasiyadeed iyo diblomaasiyiinta, maadaama ay yihiin kuwo aan la taaban karin (inviolable) marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka ayaa midnimo iyo garab istaag buuxa oo wayn u muujisay dowladda iyo shacabka Qatar, iyada oo ku baaqday in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah iyo badbaadada dhammaan howl-wadeennada diblomaasiyadeed.

Duqeynta ka dhacday Kyiv ayaa waxaa Ukraine ay ku eedaysay in uu ka dambeeyay Ruushka, waxaana sii kordhaya walaaca laga muujinayo beegsiga ay Moscow ka waddo bartilmaameedyada muhiimka ah ee dalkaasi.

 

Turkiga oo shaaciyay musiibo ku dhici karta Somaliland

0

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan oo la hadlayay wariyeyaasha ayaa mar kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan Soomaaliya, gaar ahaan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Hakan Fidan ayaa nasiib daro weyn oo ku dhacday Somaliland ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil, wuxuuna ku tilmaamay arrin musiibo ah.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in arrintan ay ceeb iyo fadeexo ku tahay bulshada muslimka ah, loona baahan yahay is xakameyn dhab ah.

“Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iill ee Somaliland inuu yahay musiibo ugu weyn oo ku dhici karta Somaliland. Maxaa noqon kara musiibo ka weyn tan oo ku timaada bulsho Muslim ah, ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? Qofna ma aqoonsana, Israa’iil ayaana ku aqoonsatay” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in madaxda Somaliland ay u adeegaaan ujeedo xun iyo danaha Israa’iil ee gobolka Geeska Afrika, sida uu hadalka u dhigay.

“Ma aha sababta aad tahay, laakiin sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeedo xun, siyaasadooda gobolka ah. Haddii Ilaah kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii. Tani waxay ka dhigan tahay in qofku u baahan yahay inuu is xakameeyo.” ayuu mar kale yiri Hakan Fidan.

Turkiga ayaa horay u caddeeyay mowqifkiisa madax-banaanida Soomaliya, wuxuuna garab istaagay dowladda federaalka, sidoo kale wuxuu bilaabay dadaallo heer caalami ah oo uu taageero ugu raadinayo Soomaaliya, isaga oo dhawaan Sacuudiga kala hadlay inay u midoobaan difaaca Soomaaliya.

Dhaq-dhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa daba socda ku dhawaaqistii Israa’iil ee 26-kii Diseembar, markaas oo ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan—waana dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.