25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Xog: Imaaraadka Carabta oo billaabay in agabka ciidan uu kala baxo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa in haatan ay bilowday inay daad gureyso agabka ciidan iyo shaqaalaha ka jooga gudaha Soomaaliya, kadib markii dowladda federaalka ay todobaadkii hore soo saartay go’aan culus oo lagu mamnuucay diyaaradaha milatari iyo kuwa xamuul (cargo) ee ka imaanaya waddankaasi.

Arrintan ayaa daba socota warbixinno sirdoon oo sheegay in diyaarad milatari oo Dubai leedahay ay si aan fasax lahayn usoo gashay hawada Soomaaliya, taas ‘oo wadday hoggaamiyaha Golaha ku-meel-gaarka Koonfurta Yemen (STC), Caydaruus al-Zubaydi’ oo baxsaday xilli la filayay inuu tago wada-hadallo ka qorshaysnaa Sacuudi Carabiya.

Wararka ayaa sheegaya in Soomaaliya ay si rasmi ah go’aankeeda ula wadaagtay Imaaraadka Carabta, isla markaana uu hadda bilaabay inuu la baxo agabkiisa iyo shaqaalihii ka joogay gudaha dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u gada gashay inay fuliso amarka kasoo baxay dowladda federaalka, iyadoo ilaa iyo hadda ay dhowr duulimaad ka baxeen Muqdisho iyo Boosaaso.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo xaqiijiyay in ilaa 4 diyaaradood oo agab iyo rakaab qaadayo ay ka baxayaan Muqdisho, halka 6 kalena loo fasaxay in ay Boosaaso ka daad gureeyaan wixii agab ciidan oo ka yaalla halkaasi.

Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa hadda ku jira maalmihii ugu adkaa, iyada oo Soomaaliya ay si toos ah ula safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ku taageertay hoggaaminta arrimaha gudaha ee dalka Yemen.

Sacuudiga ayaa si weyn u taageera midnimada Yemen ee hoos timaadda Golaha Hoggaanka Madaxweynaha (PLC), halka Imaaraadkuna uu taageero aragtida STC ee ku wajahan in koonfurta Yemen yeelato maamul gooni ah.

Si kastaba, Xiisaddu waxay sare u kacday toddobaadkan kaddib markii dowladda ay Sacuudigu taageerto ay al-Zubaydi ku eedeysay “khiyaano qaran” iyo dacwado kale, taas oo la xiriirtay maqnaanshihiisa wada-hadalladii Riyadh.

India oo si rasmi u xaqiijisay midnimada Soomaaliya kuna gacan sayrtay Somaliland

New Delhi (Caasimada Online) — Hindiya ayaa Jimcihii sheegtay inay si buuxda u taageereyso madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana aysan wax niyad ah u hayn aqoonsiga maamulka Somaliland, iyadoo si cad u beenisay hadal-heyn baraha bulshada ku faaftay oo ku saabsan in New Delhi ay raaci karto tallaabadii Israa’iil ee aqoonsiga gobolka gooni-u-goosadka ah.

“Hindiya waxay xiriir soo jireen ah la leedahay Soomaaliya. Waxaan sii adkeynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal, oo ka hadlay shir jaraa’id toddobaadle ah.

Caddeyntan ayaa timid maalmo kaddib markii waaxda xaqiijinta xogta ee wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya ay meesha ka saartay qoraallo si weyn u faafay oo sheegayay in Ra’iisul Wasaare Narendra Modi uu wada-hadallo rasmi ah la yeeshay hoggaanka Somaliland, isla markaana Hindiya ay isu diyaarinayso inay aqoonsato dhulkaas.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, kaddib burburkii dowladda dhexe, balse weli lagama aqoonsana caalamka. Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysanaysaa in Somaliland ay weli ka mid tahay dhulka Soomaaliya.

Israa’iil ayaa noqotay dowladdii ugu horreysay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsata Somaliland, 26-kii December 2025, tallaabadaas oo dhalisay dibadbaxyo ka dhacay Muqdisho, isla markaana ay si adag u cambaareysay dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in xiriir kasta oo rasmi ah oo Israa’iil la yeelato Hargeysa uu yahay sharci-darro haddii uusan oggolaansho ka haysan Muqdisho, waxayna ka codsatay hay’adaha caalamiga ah inay mar kale adkeeyaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dalal kale ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay taageeradooda ku aaddan midnimada dhuleed ee Soomaaliya tan iyo aqoonsigii Israa’iil, oo ay ku jirto Shiinaha, kaas oo sheegay inuu ka soo horjeedo tallaabo kasta oo Soomaaliya lagu kala qeybinayo.

Mowqifka Hindiya wuxuu ka tarjumayaa mabda’a ay muddo dheer ku dhisnayd ee ilaalinta madax-bannaanida iyo xuduudaha la aqoonsan yahay. Waxa kale oo uu la jaanqaadayaa danaha New Delhi ee ku aaddan xasilloonida galbeedka Badweynta Hindiya iyo Geeska Afrika, halkaas oo arrimaha amniga ay ka mid yihiin ilaalinta marinada ganacsiga badda iyo yaraynta khataraha burcad-badeedda.

Hindiya iyo Soomaaliya waxay xiriir diblomaasiyadeed sameysteen sanadihii hore ee xornimada Soomaaliya kaddib, waxaana Hindiya ay sii waday xiriirka iyo wada-shaqeynta iyadoo adeegsanaysa shabakaddeeda wakiillada diblomaasiyadeed, xitaa kaddib markii ay xirtay safaaraddii Muqdisho xilligii dagaalka sokeeye.

New Delhi ayaa sidoo kale door ka qaadatay dadaallada caalamiga ah ee Soomaaliya la xiriira, oo ay ku jiraan ka-qaybgalka hawlgallada Qaramada Midoobay iyo joogitaan ciidan-badeed oo muddo dheer ka socday gobolka ballaaran, sida ku xusan qoraallada rasmiga ah ee wakiillada diblomaasiyadeed ee Hindiya.

Golaha Mustaqbalka oo gaaray go’aan culus oo lagu…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir ay gudiga farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ku yeesheen Puntland, kaas oo wajigiisa koowaad shantii bishan ka dhacay Garoowe, maantana qaybtiisa labaad lagu soo gabagaboobay Bosaaso.

Shirka ayaa waxaa ka qayb-galay xubno ka kooban Jubbaland, Puntand iyo Madasha Samatabixinta oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka, waxayna shirkooda diyaaradda ku saareen arrimaha doorashooyinka ee weli muranka ka taagan yahay

Inta uu socday shirka guddiga ayaa diyaariyay go’aan ay ku sheegeen in dalka looga badbaadinayo hubanti la’aanta siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah, isla markaana ay fulinayaan qodobadkii kasoo baxay shirarkoodii hore.

Horay xubnahan oo ugu shiray magaalada Kismaayo ee Jubaland ayaa waxa ay kasoo saareen bayaan culus oo ku aaddan xaaladda guud ee dalka, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin in Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodaan sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoomta waqtigeeda, oo ah dhamaadka muddo xileedkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhankiisa jawaab culus siiyay xubnaha mucaaradka ayaa soo dhaweeyay gogosha ay ku baaqeen Golaha Mustaqbalka, isaga oo dhawaan arrimahaas kala hadlay Madaxweyne Shariif.

Inta uu socday kulankaas oo kadis ahaa Madaxweynaha ayaa muujiyey rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wada-tashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradka hore ugu baaqeen.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad culus oo siyaasadeed, mid kale oo diblumaasiyadeed oo ka dhalatay aqoonsiga ay dhawaan Israa’iil siisay maamulka Somaliland kaas oo ay si weyn uga hortimid Dowladda Soomaaliya.

SHIINAHA oo jawaab kulul siiyey maamulka Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha jawaab culus siisay maamulka Somaliland, kadib markii wasiirka madaxtooyada maamulkaasi Khadar Xuseen Cabdi uu shaaciyay in wafdigii Shiinaha ee ku socday Muqdisho ay shalay u baaqdeen sababo amni dartood, isaga oo faafiyay warqad been abuur ah.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ku leeyahay Muqdisho ayaa lagu beeniyay warka ay faafisay Somaliland, waxaana lagu caddeeyay in safarka wasiirka arrimaha dibadd Shiinaha dib loo dhigay kadib wada-hadal dhex-maray labada dowladood.

Sidoo kale Shiinaya ayaa mar kale ku celiyay mowqofkiisa, wuxuuna si buuxda u taageeray madaxbanaanida Soomaaliya, isaga oo carrabka ku dhuftay in Somaliland ay tahay gobol kamid ah Soomaaliya.

“Somaliland waa gobol kamid ah Soomaaliya, wax kasta haddii aad sameysaan waxba kama badali kartaan Xaqiiqda” ayaa lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, ha’ahaatee, Dib u dhiggani wuxuu hakiyay booqasho la filayay inay noqoto tii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Shiinaha ah ku yimaado Soomaaliya tan iyo 1980-meeyadii.

Waxaa kale oo la filayay in booqashada dib u dhacday ay Muqdisho siiso dhiirrigelin diblomaasiyadeed, kaddib markii Israel ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland — gobolka waqooyiga Soomaaliya ee ku dhawaaqay gooni-isu-taag 1991 — inay tahay dowlad madax-bannaan.

Booqashada Soomaaliya sidoo kale waxay ku jirtay qorshaha safar soconaya 7 ilaa 12-ka Janaayo, oo Wang Yi ku marayay Itoobiya, Soomaaliya, Tansaaniya iyo Lesotho. Beijing ayaa sheegtay in Afrika ay ahayd halkii ugu horreysay ee wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha uu u safro sannad kasta, muddo 36 sano oo xiriir ah.

Jadwalkan waxaa diiradda lagu saarayaa helitaanka marinno ganacsi oo istaraatiiji ah Bariga iyo Koonfurta Afrika, iyadoo Beijing ay doonayso inay adkeyso marinno badeed oo muhiim ah iyo silsiladaha sahayda kheyraadka.

Safarkii Wasiirka Arrimaha Dibedda China ee Muqdisho oo baaqday iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, ayaa dib u dhigay booqasho uu qorsheynayay inuu ku yimaado Soomaaliya, taas oo ka mid ahayd socdaalkiisa sanadlaha ah ee Sannadka Cusub ee Afrika, sida ay Jimcihii sheegeen saraakiil Soomaali ah.

Dib u dhiggani wuxuu hakiyay booqasho la filayay inay noqoto tii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Shiinaha ah ku yimaado Soomaaliya tan iyo 1980-meeyadii.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in sababta dib u dhaca iyo jadwal cusub la shaacin doono goor dambe. Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha kama aysan bixin wax faallo ah, mana aysan ka jawaabin codsi warbaahintu u dirtay.

Booqashada Soomaaliya waxay ku jirtay qorshaha safar soconaya 7 ilaa 12-ka Janaayo, oo Wang Yi ku marayay Itoobiya, Soomaaliya, Tansaaniya iyo Lesotho. Beijing ayaa sheegta in Afrika ay ahayd halkii ugu horreysay ee wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha uu u safro sannad kasta, muddo 36 sano oo xiriir ah.

Wang Yi wuxuu safarka ka billaabay Itoobiya, halkaas oo uu Khamiistii kula kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, warshadaha cagaaran iyo dhaqaalaha dhijitaalka.

Jimcihii ayuu gaaray Dar es Salaam si uu u sameeyo booqasho shaqo oo laba maalmood ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Tansaaniya. Waxa kale oo la filayaa inuu uga sii gudbo Lesotho, ka hor inta uusan safarku ku soo dhammaan 12-ka Janaayo.

Jadwalkan waxaa diiradda lagu saarayaa helitaanka marinno ganacsi oo istaraatiiji ah Bariga iyo Koonfurta Afrika, iyadoo Beijing ay doonayso inay adkeyso marinno badeed oo muhiim ah iyo silsiladaha sahayda kheyraadka.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegay in booqashada dib u dhacday la filayay inay Muqdisho siiso dhiirrigelin diblomaasiyadeed, kaddib markii Israel ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland — gobolka waqooyiga Soomaaliya ee ku dhawaaqay gooni-isu-taag 1991 — inay tahay dowlad madax-bannaan.

Shiinaha ayaa dhaleeceeyay go’aanka Israel. Shir jaraa’id oo dhacay 29-ka Diseembar, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian, ayaa sheegay in Beijing ay “muujinayso walaac weyn” isla markaana ay taageerto madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay Somaliland “qayb aan ka go’i karin” dhulka Soomaaliya.

Lin Jian wuxuu sheegay in arrinta Somaliland loo arko arrin gudaha Soomaaliya ah oo ay Soomaalidu u xallinayaan, wuxuuna ugu baaqay dalalka ka baxsan gobolka inay joojiyaan waxa uu ku tilmaamay faragelin aan loo baahnayn.

Soomaaliya ayaa sidoo kale wajahaysa xiriir sii xumaanaya oo kala dhexeeya Washington, kaddib markii Mareykanku sheegay inuu hakiyay kaalmooyinka si toos ah uga faa’iideeya dowladda Soomaaliya, iyadoo uu jiro muran la xiriira burburinta bakhaar ay WFP ku lahayd dekedda Muqdisho iyo eedeymo ku saabsan leexinta gargaar. Soomaaliya way beenisay wax khalad ah.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegay inay weli filayaan in booqashada Wang Yi dib loo qorsheeyo, balse ma aysan bixin waqti cad. 

Duuliyihi meydka Maxamed Siyaad Barre sida qarsoodiga ku keenay Somalia oo hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 31 sano ka hor, maanta oo kale, Xuseen Maxamed Canshuur iyo Maxamed Aadan (Maxamed Dheere), oo ah laba duuliye oo Kenyan ah, ayaa xafiiskooda oo ku yaallay garoonka diyaaradaha Wilson ee u dhow caasimadda Nairobi ku helay hawl aan la filayn. Hawshaasi waxay ahayd mid xasaasi ah, halis weynna ku lamaanayd.

Xuseen iyo Maxamed oo ku guda jiray shaqadooda maalinlaha ah ayaa waxaa u yimid diblomaasi u dhashay Nayjeeriya. Diblomaasigaas ayaa ka codsaday in ay diyaarad ku soo qaadaan maydka hoggaamiyihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre, si loo geeyo dalka hooyo ee Soomaaliya, looguna aaso, kaddib markii uu ku geeriyooday Lagos.

Siyaad Barre waxa uu Nayjeeriya ku joogay magangalyo siyaasadeed, waxaana uu geeriyooday isagoo 80 jir ah.

Maxamed Canshuur oo hore uga tirsanaa Ciidamada Cirka ee Kenya, isaga iyo Maxamed Aadan waxay wada lahaayeen shirkadda duulimaadyada Bluebird, oo ka mid ahayd shirkadaha duulimaadyada gaarka loo leeyahay ee ugu waaweyn Kenya. Waxay aasaaseen dhowr sano ka hor xilligaas.

Isagoo markii ugu horreysay warbaahinta uga hadlay hawlgalkan, Canshuur waxa uu BBC-da u sheegay in diblomaasiga Nayjeeriyaanka ahi si cad u sheegay waxa uu rabo. Waxa uu ka codsaday isaga iyo Maxamed in ay ka kireeyaan diyaaraddooda, ayna si qarsoodi ah u qaadaan maydka marxuumka oo laga soo qaadayo magaalada Lagos ee Nayjeeriya, lana geeyo magaalada Garbahaarrey ee koonfurta Soomaaliya, si halkaas loogu aaso Siyaad Barre.

Canshuur waxa uu sheegay in codsigaasi aad loola yaabay. “Isla markiiba waan garannay in safarkani uusan ahayn duulimaad caadi ah,” ayuu yiri.

Siyaad Barre waxa uu dalka ka baxay 28-kii Janaayo 1991, kaddib markii ay xukunka ka tuureen maleeshiyaad hubaysan. Soo qaadista maydkiisa waxay ahayd arrin siyaasiyan aad u murugsan, oo ay ku lug lahaayeen dalal badan. Waxa kale oo ay xambaarsanayd halis ah in dhibaato diblomaasiyadeed ay ka dhalato.

Canshuur waxa uu sheegay in ay ka baqayeen ciqaab adag oo ay la kulmi karaan haddii ay hawshaas qaataan, maadaama diblomaasigu codsaday in duulimaadka loo fuliyo si aan caadi ahayn, si qarsoodi ah, isla markaana ka baxsan nidaamyadii rasmiga ahaa.

“Haddii ay ogaan lahaayeen mas’uuliyiinta Kenya, dhibaatooyin waaweyn ayaa dhici lahaa,” ayuu yiri Canshuur.

Isha: BBC Somali

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee BF? Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 28-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horreyn, Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa kulanka Golaha ka yeeriyey liiska magacyada Xildhibaanada ka maqan kulanka Golaha gaar ahaan kuwa fasaxa rasmiga ah heysta iyo kuwa fasax la’aanta uga maqan.

Intaasi ka dib, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi oo ku muteystay soo xaadiritaanka kulamada golaha iyo shaqada uu ka qabtay guddiga uu ka tirsanyahay iyo sidoo kale Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale oo ku muteystay wax qabadkiisa ku aadan arrimaha bulshada.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, waxaana warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Golaha u faahfaahiyey Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimow oo ka mid ah Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaannada ayaa intaas kadib waxa ay iyaguna ka doodeen qodobada hindise sharciyeedka iyo muhiimada uu dalka u leeyahay.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga ku shaqada leh Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya inuu ku soo daro dooda iyo aragtiyada Xildhibaanada islamarkaana akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo.

Fadhiyada baarlamaanka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana xilligan adag golaha laga sugayaa inay meel mariyaan shuruuc muhiim u ah dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirat xilli xasaasi ah, waxaanaa taagan xiisad culus oo siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed oo ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

 

Shabaab diyaarinayay weerar is-qarxin ah iyo gaadiid qaraxyo oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawl-gal qorshaysan oo beegsi ah ka fuliyay deegaanka Buur Eyle ee degmada Buur Hakaba ee gobolka Bay.

Hawl-galka ayaa lagu bartilmaameedsaday koox ka tirsan Al-Shabaab oo muddo lagu daba-socday, kuwaas oo diyaarinayay weerarro is-qarxin ah iyo gaadiid qaraxyo lagu rakibay.

Natiijada hawl-galka, 22 dhagarqabe ayaa lagu dilay, waxaana la burburiyay dhammaan agabkii qaraxyada iyo gaadiidkii qaraxyada siday, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Xogta la helay ayaa muujinaysa in kooxdasi ay qorshaynaayeen weerarro lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed iyo bartilmaameedyo amni, balse ciidamada Danab ayaa ka hortagay qorshahaas ka hor inta uusan fulin.

Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab, oo ay wehliyeen saaxiibada caalamka, ayaa si nabadgelyo ah ugu soo laabtay saldhigyadoodii kaddib dhammeystirka hawlgalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadiyeen geesinimada, xirfadda, iyo feejignaanta Ciidanka Qaranka, iyagoo mar kale adkaynaya in hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtirayo khatarta Al-Shabaab, lana xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dileen Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeeda, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxayna illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah.

Muxuu Sheekh Umal ka yiri aqoonsiga Somaliland iyo kala goynta dalka?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xiriirka dhawaan Israa’iil la samaysay Somaliland iyo xiisadda kala-go’idda Soomaaliya.

Sheekhu waxa uu khudbaddiisa kaga digay khataraha adduun iyo aakhiro ee ka iman kara in laga jeesto Muslimiinta, lana raaco ama loo janjeero Yuhuudda, isaga oo xusay in diintu si cad uga hadashay dhibaatada ka dhalan karta arrintaas.

Sidoo kale, Sheekh Umal ayaa carrabka ku adkeeyay in kala-jarka dhulka ay Muslimiintu degan yihiin uusan bannaanayn, isagoo tusaale u soo qaatay Soomaaliya oo ay dadka deggan wadaagaan hal af, hal diin, iyo dhaqan mideysan.

Waxa uu siyaasiyiinta ku booriyay in ay ka dheeraadaan wax kasta oo keeni kara kala fogaansho iyo kala qoqob bulsho.

“Shareecada Islaamka ma bannayn in dhul dad Muslim ah deggan yahay oo hal dowlad maamuli karto oo aan kala fogayn la kala qaybin karo,” ayuu yiri Sheekh Umal, isaga oo ku sababeeyay in ay dhici karto in cadaw soo dhex galo ama dhulkooda lumiyaan, sida Andalus ku dhacday.

“Aayado iyo axaadiith ayaa kusoo uruurtay in laga fogaado khilaafka iyo kala-taga,” ayuu intaa ku daray.

Sheekhu waxa uu si gaar ah uga digay kala-go’idda Soomaalida, isagoo ku tilmaamay arrin u eg tusbax go’ay, haddii dhinac laga raaco gooni-goosadka ay Somaliland raadinayso, taas oo uu sheegay in ay sababi karto kala daadasho ka sii ballaaran.

“Haddii aad dhahdid Somaliland ha go’do, maxaa diidaya in ay sii kala go’do? Irid furantay waaye, oo haddii aad taageertid ilaa waxa ay gaaraysaa in nin weliba reerkiisa uu gaar ka dhigto. Mar haddii sidaas ay imaan karto, ma bannaan,” ayuu yiri.

Sheekh Umal ayaa ku biiray culimada si cad uga horyimid faragelinta Israa’iil ee arrimaha Soomaaliya, isaga oo xusay falal amakaaga ah oo ka dhashay arrintaan, sida calanka Yuhuudda oo lagu arkay Hargeysa iyo hadallo gef ah oo ay sheegeen shaqsiyaad qaarkood, iyo sida ay diinta Islaamku uga aragto soo dhoweynta Israa’iil.

WFP says aid retrieved, undercutting US claim of Somalia food seizure

Mogadish, Somalia — The World Food Programme said it has retrieved 75 metric tons of specialised nutritional commodities after port authorities demolished a warehouse used for its Somalia operations at Mogadishu port, an incident that has sparked a dispute between Somalia and the United States.

The United States says Somali officials destroyed a U.S.-funded WFP warehouse and illegally seized donor-funded food aid intended for vulnerable Somalis. Somalia denies any theft and says WFP still holds the supplies.

Aid paused

The State Department’s under secretary for foreign assistance said in a post on X on Wednesday that Somali government officials destroyed a U.S.-funded WFP warehouse.

He also alleged officials illegally seized donor-funded food aid. He said Washington would suspend aid to Somalia. U.S. officials did not immediately specify the value of the affected assistance.

A U.S. official said Washington was “glad” to hear reports that WFP had recovered certain commodities.

The official said the administration is continuing its investigation into diversion and misuse of assistance in Somalia. The official added that the United States has urged Somalia’s federal government to promptly account for the incident.

Somalia’s foreign ministry, in a press statement dated Jan. 8, said it had taken note of the U.S. allegations.

It said the commodities referenced in recent reports remain “under the custody and control” of WFP, including assistance provided by the United States. It also said the dispute has not disrupted humanitarian operations.

Port notice

WFP has not disputed the demolition. A spokesperson said port authorities demolished the “blue warehouse” at Mogadishu port. The spokesperson said WFP is working with the authorities to address the issue and secure safe storage for the food.

Somalia said the warehouse is located within the Mogadishu Port area, where authorities are carrying out expansion and repurposing work as part of broader port development.

It said those operations have not affected the custody, management, or distribution of humanitarian assistance.

Documents cited by Reuters suggest officials discussed the issue for weeks. Somalia’s Ministry of Ports and Marine Transport gave WFP official notice in November to vacate the blue warehouse by Dec. 31. The ministry cited plans to relocate port offices.

A Mogadishu Port Authority handover note dated Wednesday and seen by Reuters says WFP took over food that had been shifted from the blue warehouse to another warehouse.

The note appears to be signed by a WFP Somalia official. It includes a handwritten note stating that WFP will confirm final receipt once laboratory tests confirm that the commodities are suitable for human consumption.

Hunger pressure

WFP said the demolished warehouse contained specialised nutritious foods intended to treat malnourished pregnant and breastfeeding women and girls, as well as young children.

The agency described the warehouse as crucial for emergency operations at a moment when “almost a quarter” of Somalia’s population, about 4.4 million people, faces crisis levels of hunger or worse.

Beyond the disputed consignment, WFP’s latest Somalia emergency overview describes a wider crisis. It says 4.6 million people face crisis levels of hunger, and 1.8 million children under five suffer acute malnutrition.

It also cites large-scale displacement driven by conflict and drought, and warns that funding gaps are forcing the WFP to reduce or halt assistance as needs persist.

U.S. officials have said the suspension targets programmes that benefit the Somali federal government. The controversy centres on a WFP storage site and food commodities intended for civilians.

Washington has tied any resumption of assistance to Somali accountability and remedial steps. Somalia says it is reviewing the matter through a technical inter-agency process coordinated with humanitarian partners, and pledged further updates after it completes the review.

The dispute comes as the Trump administration moves to tighten U.S. foreign aid spending. It has also signalled a shift in Africa policy from assistance toward trade.

The U.S. embassy in South Sudan has also announced a separate suspension of assistance in parts of that country over alleged interference and theft of aid. The embassy cited concerns over aid safeguards.

Other issues have also strained U.S.–Somalia relations. Washington has pursued stricter immigration policies affecting Somali nationals.

It has also increased scrutiny of alleged fraud cases involving parts of the Somali community in Minnesota. U.S. officials say those issues have complicated ties with Mogadishu.

Xarunta degmo ka tirsan Puntland oo ay xoog ku haystaan kooxo hubaysan

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka degmada Gaalkacayo ayaa sheegay in maalintii saddeedaad ay kooxo hubaysan oo lacago “sharci-darro ah” sheeganaya ay xoog ku haystaan xarunta degmadaasi.

Maamulka degmada oo warqad codsi ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo Taliska Booliska Dowlad-goboleedka Puntland ayaa dalbatay in ciidamo Boolis iyo Daraawiish iskugu jira la keeno degmada, si wax looga qabto arrintaan.

Maamulka degmada ayaa sheegay in haddii ay sii socoto arrintaan ay ka dhalan doonto in dad si sharci ah degmada ugu leh lacago ama waajibaadyo kale ay isku dayaan inay xoog wax ku raadsadaan.

“Waxaa jiri doona khatar ah in mustaqbalka dhow ay sidoo kale awood sheegtaan dad kale oo leh sheegashooyin sharci ah, taas oo keeni karta fowdo amni iyo burbur ku yimaada kala dambeynta Degmada, isla markaana adkeyn doonta in si sharci ah wax looga qabto,” ayaa lagu yiri warqadda maamulka degmada u diray maamulka Puntland.

Hoos ka aqriso qoraalka degmada oo dhameystiran:

Ujeeddo: Soo gudbin warbixin ku saabsan xaaladda amniga ee degmada Gaalkacyo
Mudane Wasiir, Mudanayaal Mas’uuliyiin Sharaf Leh, iyo Mudane Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ogaal ahaan ku jira warqaddan,

Anigoo ah Duqa Degmada Gaalkacyo, waxaa sharaf ii ah inaan idiin soo gudbiyo warbixin ku saabsan xaaladda amni ee ka jirta Degmada Gaalkacyo, taas oo u baahan in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin wax ku ool ah.

Mudanayaal, muddooyinkii u dambeeyay, xarunta Degmada Gaalkacyo waxaa marar kala duwan si sharci-darro ah u qabsaday kooxo hubeysan oo isugu jira ciidamo beleed.

Kooxahan ayaa sheeganaya lacago aan sharci ahayn, iyagoo adeegsanaaya awood ciidan iyo handadaad.

Dhanka kale waxaa jira dad si sharci ah Degmada ugu leh lacago ama waajibaadyo kale, haddana haddii la oggolaado in lacago sharci-darro ah lagu bixiyo xoog iyo cabsi gelin, waxaa jiri doona khatar ah in mustaqbalka dhow ay sidoo kale awood sheegtaan dad kale oo leh sheegashooyin sharci ah, taas oo keeni karta fowdo amni iyo burbur ku yimaada kala dambeynta Degmada, isla markaana adkeyn doonta in si sharci ah wax looga qabto.

Arrintaasi waxay si toos ah u saameyneysaa amniga, maamulka wanaagga, iyo kalsoonida ay shacabka Degmadu ku qabaan hay’adaha Dowladda.

Talo soo-jeedin:

Mudanayaal, si wax looga qabto xaaladda amni ee Degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug, waxaan talo ku soo jeedinayaa qodobada hoos ku xusan:

  1. In si degdeg ah Degmada Gaalkacyo loogu soo dajiyo ciidan isugu jira Boolis iyo Daraawiish, si loo xaqiijiyo amniga xarumaha Dowladda loona soo celiyo kala dambeynta sharciga.
  2. In baaritaan rasmi ah lagu sameeyo kooxaha hubeysan ee si sharci-darro ah u qabsaday xarunta Degmada, lana horgeeyo hay’adaha sharciga cid kasta oo lagu helo ku xadgudubka amniga iyo hantida Dowladda.

Somali forces, US allies destroy Al-Shabaab bomb factory

Mogadishu, Somalia — Somali forces, working with international partners including the United States, carried out an overnight operation in southern Somalia that destroyed an Al-Shabaab bomb-making facility, the defence ministry said.

The Somali National Army (SNA) said the strike targeted a factory in Saakow district in Middle Juba region that it described as a major site for producing and preparing explosive devices. The ministry said the operation “completely destroyed” the facility.

The strike killed 18 Al-Shabaab militants, including technicians and engineers the ministry accused of building explosives used in attacks on Somalis. Somalia Today could not independently verify the claims or immediately confirm whether civilians suffered harm.

Juba stronghold

Middle Juba is widely viewed as one of Al-Shabaab’s core strongholds, with the militants long controlling or influencing most of the region, including towns such as Jilib, Bu’aale, and Saakow, according to security assessments.

Al-Shabaab, an Al-Qaeda-linked movement, has waged an insurgency against Somalia’s internationally backed government since the mid-2000s.

While African Union forces and Somali troops pushed the militants out of Mogadishu and other major towns, the group has retained sway over wide rural areas and continues to stage bombings and assaults in the capital and beyond.

Somalia’s campaign has intensified as the African Union reconfigured its peacekeeping support, replacing ATMIS with a successor stabilisation mission, AUSSOM, from January 2025 under UN-backed arrangements.

The shift has increased pressure on Somali forces to hold territory as partners focus on advising, training, and targeted support.

US support

Somalia frequently relies on foreign assistance for intelligence, surveillance, and air support. U.S. Africa Command has said it conducts strikes in coordination with the Somali government to degrade Al-Shabaab’s capacity and protect partner forces.

The Saakow operation comes as the Somali government steps up raids and airstrikes against the militants, often describing the actions as coordinated with international partners.

Earlier this month, the defence ministry said it killed 29 Al-Shabaab fighters in a separate operation backed by foreign support.

The defence ministry and army command said they would intensify counter-terrorism operations and strengthen efforts to safeguard public security, framing the latest strike as part of a sustained campaign to defeat Al-Shabaab.

The Somali government has repeatedly called the group the country’s most serious security threat, and U.S. lawmakers have described Al-Shabaab as the largest and most lethal Al-Qaeda affiliate, citing its ability to raise funds, recruit, and conduct complex attacks.

Xasan Sheekh oo suuqa Bakaaraha ku tukaday salaadda Jimcaha + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta boqolaal ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho kula tukaday Salaadda Jimcaha Masjidka Abuu Hureyra oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha.

Madaxweynaha waxaa wehliyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, qaar ka mid ah taliyeyaasha Ciidanka Qalabka Sida, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay masjidka kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay dowladdu ku wajahayso faragelinta shisheeye, iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo muhiim ah ka soo hoysay halganka diblumaasiyadeed ee looga hortagayo damaca gurracan ee Israa’iil.

Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay si midnimo leh uga hortagaan halista faragelinta shisheeye iyo isku-dayga ah in dalkeenna laga sameeyo saldhigyo sharci-darro ah oo laga huriyo colaadaha gobolka.

Socdaalka madaxweynaha ee Suuqa Bakaaraha iyo inuu halkaas ku oogay Salaadda Jimcaha ayaa muujinaya heerka amni ee caasimadda Muqdisho, inkastoo maanta waddooyinka qaarkood la xiray isku-socodka.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ka raysatay qaraxyada iyo falalka amniga ka dhanka ah, kaddib markii saraakiisha ciidanka iyo laamaha kala duwan ee dowladda ay dadaallo xooggan ku bixiyeen xaqiijinta amniga caasimadda.

Sacuudiga oo soo fara-gelinaya siyaasadda Soomaaliya iyo xogta qorshe socda

0

Riyadh (Caasimada Online) – Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa toddobaadkan galay marxalad cusub, kaddib markii uu si dhakhso ah u kobcay, taas oo la filayo inay saameyn ku yeelato jihada siyaasadeed ee gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Axmed Cali ayaa haatan ku sugan magaalada Riyaad, halka Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, isna la filayo inuu halkaas gaaro saacadaha soo socda.

Labadan mas’uul ayaa hordhac u ah wafdi ballaaran oo uu hoggaamin doono Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo booqasho rasmi ah ku tegi doona Boqortooyada Sucuudiga.

Safarkan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Riyaad, dib-u-eegista iyo dhaqan-gelinta heshiisyadii hore, iyo muujinta mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada istaraatiijiyadda hoggaamineed ee Sacuudiga ee la xiriirta Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in ajandaha kulammada ay ka mid tahay in Boqortooyada Sacuudigu markii ugu horreysay si muuqata u fidiso kaalmo siyaasadeed oo ay siiso Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale miiska saaran in Riyaad ay door ka qaadato isu keenidda dhinacyada siyaasadda Soomaalida, si buuxda u taageerto Dowladda Federaalka, fasaxdo mashaariic horumarineed, isla markaana ay Soomaaliya siiso taageero diblumaasiyadeed iyo mid amni.

Dowladda Soomaaliya ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si cad u taageera hoggaaminta Sacuudiga ee ku wajahan xasillinta Yemen.

Toddobaadkan gudihiisa, Sucuudigu wuxuu wax ka beddelay jihada siyaasadeed ee Yemen, isagoo dalkaas ka saaray ciidamadii Imaaraadka, soo afjaray kala-qaybsanaantii, isla markaana gogol nabadeed u fidiyay dhinacyada ku dagaallamaya.

Soomaaliya ayaa wajahaysa caqabado juqraafi-siyaasadeed oo la mid ah kuwa Yemen, waxaana la filayaa inay ka faa’iidaysato taageerada Sucuudiga oo door weyn ka qaatay badbaadinta Yemen.

20 dowladood ka badan oo ka horyimid aqoonsiga Somaliland, kuna baaqay…

0

Qaahira (Caasimada Online) – In ka badan labaatan dal iyo urur caalami ah ayaa si wadajir ah ugu baaqay in Israa’iil ay si degdeg ah uga laabato tallaabada ay ku aqoonsatay Somaliland.

Tallaabada Israa’iil ayey Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaantay mid si cad u jebinaysa midnimada, madax-bannaanida iyo xuduudaha dhuleed ee dalka.

Baaqan ayaa ku soo baxay bayaan ay wada saxiixeen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Masar, Aljeeriya, Bangladesh, Comoros, Jabuuti, Gambia, Indonesia, Iiraan, Urdun, Kuwait, Liibiya, Maldives, Nayjeeriya, Cumaan, Pakistan, Falastiin, Qatar, Sacuudiga, Soomaaliya, Suudaan, Turkiga, Yemen, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Wasiirradu waxay bayaanka ku sheegeen in “booqashadii mas’uul Israa’iili ah” uu ku tegay Somaliland 6-dii Janaayo 2026 ay ahayd mid sharci-darro ah, taas oo aheyd Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa’ar.

Waxay tallaabadan ku tilmaameen in tallaabadaasi ay si toos ah uga hor imanayso shuruucda caalamiga ah, mabaadi’da Qaramada Midoobay, isla markaana khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, bayaanka ayaa si cad loogu muujiyay in aan la aqbali karin wax kasta oo taageeraya kala goynta ama dhiirrigelinaya ajandayaal gooni u goosad ah, maadaama ay sii hurin karaan xiisado siyaasadeed iyo amni-darro ka taagan Geeska Afrika.

Dalalka iyo ururka soo saaray bayaankan ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradooda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo dhuleednimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay muujiyeen diyaar garow ay ku garab istaagayaan Soomaaliya dhanka tallaabooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee lagu difaacayo danaha qaranka, isla markaana ugu baaqay Israa’iil inay ka noqoto aqoonsiga ay ku tilmaameen mid aan sharciyad lahayn.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland uu halis ku yahay midnimada dalka, amniga qaranka iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la qaadi doono tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo sharci si looga hortago fara-gelinta shisheeye.

Wuxuu tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabkeeda iyo saaxiibadeeda caalamka ay qaadayso tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo sharci oo looga hortagayo xad-gudub kasta oo ka dhan ah midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Soomaaliya ma aha dal la qaybin karo, la qabsan karo ama la iibsan karo, waxba nagama faa’iideysaan keliya waxa siu kordhaya go’doonka aad caalamka kaga jirteen,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu xusay in aqoonsi ku sheega Israa’iil ee Somaliland uu huwan yahay qorshe halis badan oo Israa’iil ku dooneyso dhul ballaarsi, uuna halis ku yahay amniga gobolka.

“Ujeedada aqoonsi ku sheegaas waa danta Israa’iil, oo raadineysa dhul ay isku ballaariso, oo ay si sharci darro ah ugu soo rarto shacabka reer Falastiin ee dhulkooda ay boobtay, kana dhisto saldhigyo milatari, oo qalqal geliya amniga gobolka Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo guud ahaan Bariga Dhexe.”

Xog: DF oo qaaday tallaabo ka dhan ah Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inay soo saartay go’aan lagu mamnuucayo diyaaradaha Dowladda Imaaraatka Carabta ee milatari iyo xamuul (cargo), kaddib warbixinno sirdoon oo sheegay in diyaarad milatari oo Imaaraadku leeyahay ay si aan fasax lahayn u gashay hawada Soomaaliya.

Xog aan helnay ayaa tilmaamaya in Soomaaliya ay si rasmi ah go’aankan ula wadaagtay Imaaraadka, isla markaana lagu xannibayo dhaqdhaqaaqa diyaaradaha noocaas ah ee gudaha hawada iyo garoomada dalka. Go’aanka la xaqiijiyay, sida wararku sheegayaan, ma saameynayo diyaaradaha rayidka ah ee caadiga u mara hawada Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo Soomaaliya Khamiistii shaacisay inay furtay baaritaan rasmi ah oo ku saabsan eedeymo la xiriira adeegsiga “aan oggolaansho lahayn” ee hawada qaranka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay xaqiijinayso wararka ku saabsan duullimaad la sameeyay iyada oo aan la helin fasax sharci ah, arrin ay tilmaantay inay khatar ku tahay madax-bannaanida iyo nidaamka sharciga dalka.

Baaritaankan ayaa daba socda eedeymo ka yimid isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee Yemen, kaas oo sheegay in Imaaraadku ka qayb qaatay baxsashada Caydaruus al-Zubaydi, hoggaamiyaha Golaha ku-meel-gaarka Koonfurta Yemen (STC), xilli la filayay inuu tago wada-hadallo ka qorshaysnaa Sacuudi Carabiya.

Isbahaysiga ayaa sheegay in al-Zubaydi uu marka hore doon kaga baxay Yemen kuna tegay Somaliland, kaddibna uu raacay diyaarad la sheegay inay martay hawada Soomaaliya, isla markaana sii aadday Muqdisho, ka hor inta aanay ugu dambayn u duulin saldhig milatari oo ku yaalla Abu Dhabi.

Soomaaliya bayaanadeeda kuma magacaabin al-Zubaydi, balse waqtiga iyo faahfaahinta la shaaciyay ayaa la jaanqaadaysa sheegashada isbahaysiga.

Dhacdadan ayaa sidoo kale sii iftiimisay khilaaf sii fidaya oo ka dhex aloosan xulafada Khaliijka ee ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Sacuudiga ayaa taageera midnimada Yemen ee hoos timaadda Golaha Hoggaanka Madaxweynaha (PLC), halka Imaaraadkuna uu taageero aragtida STC ee ku wajahan in koonfurta Yemen yeelato maamul gooni ah.

Xiisaddu waxay sare u kacday toddobaadkan kaddib markii dowladda ay Sacuudigu taageerto ay al-Zubaydi ku eedeysay “khiyaano qaran” iyo dacwado kale, taas oo la xiriirtay maqnaanshihiisa wada-hadalladii Riyadh.

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya faahfaahin badan kama bixin eedeymaha si toos ah u tilmaamaya Imaaraadka, balse waxay adkaysay in Soomaaliya aysan aqbali doonin howlgallo hal dhinac ah ama dhaqdhaqaaq lagu marsiinayo dhulka iyo hawada Soomaaliya, gaar ahaan haddii aan la helin fasax cad iyo hannaan sharci oo la raaco.

Hay’addu waxay xustay in ixtiraamka madaxbannaanida iyo ku dhaqanka nidaamyada sharciga “aan laga gorgortami karin,” iyadoo intaas ku dartay in tallaabo kasta oo ka leexisa waddada wada-hadalka ee Riyadh ay wiiqi karto dadaallada diblomaasiyadeed.

Dhinaca kale, Soomaaliya weli si buuxda uma aysan qaadin tallaabooyin ballaaran oo la xiriira xiisadda ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, oo eedeymo badan ku xiraya in Imaaraadka Carabta uu ka shaqeeyey islamarkaana fududeeyey.

Mamnuucidda diyaaradaha milatari iyo cargo ee Imaaraadka ayaa haddana loo fasiray inay Muqdisho isku dayayso inay adkayso maamulkeeda hawada, isla markaana ay ka hortagto in dhulkeeda iyo hawadeeda loo adeegsado arrimo xasaasi ah oo aan fasax laga haysan.

Wararka la helay ayaa sidoo kale xusaya in xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay sannadihii 2022 iyo 2023 la gashay Imaaraadka heshiisyo dhinaca amniga ah oo faahfaahintoodu aan si weyn u shaacsanayn, kuwaas oo la sheegay inay Abu Dhabi siiyeen dabacsanaan ku saabsan adeegsiga dhulka, cirka iyo hawada Soomaaliya.

Marka la eego go’aanka hadda la qaaday, tallaabadan waxay u muuqataa mid muujinaysa adkaynta siyaasadda Muqdisho iyo fariin ku saabsan jihada uu u socdo xiriirka labada dal.

Eedeyntii Mareykanka ee DF oo been noqday kadib qoraallo ka soo baxay hay’adda WFP

Muqdisho (Caasimada Online) — Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay inay dib u soo ceshatay 75 tan oo ah raashin nafaqo oo gaar ah, kadib markii Mareykanku ku eedeeyay saraakiisha Soomaaliya inay burburiyeen bakhaar ay WFP ku lahayd dekedda Muqdisho oo Mareykanku maalgeliyay, islamarkaana ay la wareegeen gargaar cunto.  

Murankan ayaa sababay in Washington ay hakiso kaalmooyinkii dheeriga ahaa ee waxtarka u lahaa dowladda Soomaaliya, sida ay shaacisay.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan kaalmada dibadda ayaa Arbacadii barta X ku qoray in saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya ay burburiyeen bakhaarka, islamarkaana si sharci-darro ah u qaateen gargaar loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee nugul.

Wuxuu sheegay in Mareykanku uu joojinayo taageerada Soomaaliya, in kastoo aan si degdeg ah loo caddayn qiimaha guud ee kaalmadaas la hakiyay.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in Washington ay “ku faraxsan tahay inay maqasho wararka sheegaya in badeecadaha qaarkood la soo celiyay,” balse wuxuu raaciyay in maamulku uu sii wado baaritaanka ku saabsan leexsashada iyo si xun u isticmaalka gargaarka ee Soomaaliya. Sarkaalku wuxuu sheegay in Mareykanku uu ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya inay bixiso faahfaahin dhameystiran oo ku saabsan dhacdada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa beenisay sheegashada ah in gargaarkii Mareykanku bixiyay la xaday, iyadoo sheegtay in badeecaduhu ay weli ku jiraan gacanta iyo maamulka WFP.

Wasaaraddu waxay xustay in bakhaarka—oo loo yaqaanno “bakhaarka buluugga ah”—uu ku dhex yaallo aagga Dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan shaqooyin ballaarin iyo dib-u-habeyn ah, waxayna intaas ku dartay in hawlahaasi aysan saameyn ku yeelan ilaalinta, maamulka, ama qeybinta gargaarka bani’aadannimo.

WFP ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday culeyska hawlgalka iyo muhiimadda gargaarka.

Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in bakhaarka la dumiyay ay ku jireen 75 tan oo cunto nafaqo oo gaar ah, taas oo loogu talagalay in lagu daweeyo haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya ee nafaqo-xumadu hayso, iyo carruurta yaryar.

Wuxuu xarunta ku tilmaamay mid muhiim u ah hawlgallada degdegga ah, xilli ku dhawaad rubuc ka mid ah dadweynaha Soomaaliya—oo gaaraya ilaa 4.4 milyan oo qof—ay wajahayaan heerar cunto yari oo xasaasi ah ama ka sii daran.

Qoraal kasoo baxay Maamulka Dekedda Muqdisho oo ay aragtay Reuters, kuna taariikhaysan Arbacada, ayaa muujinaya in WFP ay la wareegtay cunto laga soo raray bakhaarka buluugga ah oo loo wareejiyay goob kale. Qoraalka waxaa u muuqda inuu saxiixay sarkaal ka tirsan WFP Soomaaliya, waxaana ku yaalla faallo gacanta lagu qoray oo leh: WFP waxay xaqiijin doontaa qaadashada kama dambaysta ah kadib marka baaritaannada shaybaarka ay xaqiijiyaan in cuntadu ay ku habboon tahay isticmaalka dadka.

Dukumentiyo ay aragtay Reuters ayaa sidoo kale muujinaya in arrintan hore loo sii ogeysiiyay.

Warqad bishii November loo diray agaasimaha dalka ee WFP, ayay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya ku sheegtay in WFP ay u baahan tahay inay banneyso bakhaarka buluugga ah ugu dambeyn 31-ka December, si fursad loogu siiyo qorshayaal lagu rarayo xafiisyada dekedda.

SOMALILAND oo marxalad xasaasi ah gashay kadib booqashadii Gideon Sa’ar

Garoowe (Caasimada Online) – Somaliland waxay mar kale gashay marxalad xasaasi ah, kaddib booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Gideon Sa’ar uu ku tagay Hargeysa.

Booqashadan iyo tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo lagu aqoonsanayo Somaliland waxay ka dhigan tahay arrin ka baxsan khilaaf gudaha oo Soomaali u gaar ah, waxayna si toos ah u taabanaysaa amniga, xasilloonida, iyo isu-dheellitirka quwadaha ku loolamaya Geeska Afrika, Badda Cas, iyo marinka istaraatiijiga ah ee Bab-el-Mandeb.

Aqoonsi kasta oo aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah iyo mabda’a midnimada dalalka Afrika wuxuu si rasmi ah u noqonayaa kala-qaybin waddan madaxbannaan, taas oo xadgudub ku ah Axdiga Qaramada Midoobay iyo kan Midowga Afrika.

Somaliland iyo mabda’a sharciga caalamiga ah

Marka la eego sharciga caalamiga ah, Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ay caddeeyeen dhammaan go’aannada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo ururrada kale ee caalamiga ah. Mabda’a ilaalinta xuduudaha dhaxalka gumeysiga (uti possidetis juris) ayaa si cad u diidaya kala-go’ hal-dhinac ah oo sababi kara fowdo goboleed.

Tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland iyadoo aan jirin oggolaansho ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay abuureysaa (precedent) khatar ah oo dhiirrigelin kara kala-qaybin dalal kale oo Afrika ah, taas oo si toos ah u wiiqaysa nidaamka amniga qaaradda.

Muhiimadda juquraafi-siyaasadeed 

Somaliland waxay ku taallaa goob istaraatiiji ah oo ku dhow Badda Cas iyo marinka Bab-el-Mandeb, oo ah halbowlaha ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan:

• Shidaalka ka yimaada Khaliijka una socda Yurub
• Maraakiibta ganacsiga Aasiya iyo Afrika
• Dhaqdhaqaaqyada milatari ee quwadaha waaweyn

Xasilooni darro ka dhalata kala-qaybinta Soomaaliya waxay si toos ah u khalkhal gelin kartaa amniga marinadan, taasoo fursad siin karta kooxo hubeysan iyo quwado doonaya inay ballaariyaan saameyntooda istiraatiijiga ah.

Saameynta ay ku yeelan karto quwadaha gobolka

1. Sucuudiga: Sucuudigu wuxuu mudnaan weyn siinayaa amniga Badda Cas iyo la-dagaallanka saameynta Iiraan. Kala-qaybinta Soomaaliya waxay abuuri kartaa meel bannaan oo amni, taas oo khatar ku ah istiraatiijiyadda Amniga Sucuudiga ee gobolka.

2. Iiraan: Iiraan waxay ka faa’iidaysan kartaa firaaqada amni ee ka dhalata burbur siyaasadeed si ay u xoojiso xiriirro dadban ama kooxo saaxiib la ah, gaar ahaan iyada oo loo marayo xulafadeeda gobolka sida Xuutiyiinta.

3. Yemen iyo Xuutiyiinta: Xuutiyiinta Yemen waxay durba saameyn ku leeyihiin Bab-el-Mandeb. Soomaaliya oo kala jajabtaa waxay kordhin kartaa khatarta in marinkan uu noqdo goob dagaal ballaaran, taasoo wiiqaysa amniga badda.

4. Turkiga: Turkigu waa saaxiib istiraatiiji ah oo DFS ah, wuxuuna maalgelin xooggan ku sameeyay amniga iyo dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliya. Aqoonsiga Somaliland wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa danaha Turkiga ee gobalka, Maamulka marinka baaba el-mandab, khatarka maamulka gacanka ee israil, khatarta ka dhalan karta kala dhantaalida midnimada Soomaaliya iyo xasilinta Geeska Afrika.

5. Imaaraadka Carabta: Imaaraadku wuxuu dan gaar ah ka leeyahay dekedaha iyo marinada ganacsiga. Inkasta oo uu raadinayo saameyn dhaqaale, haddana kala-qaybinta Soomaaliya waxay abuuri kartaa khatar amni oo muddo dheer waxyeello u geysan karta danihiisa ganacsi.

6. Israa’iil: Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ee Hargeysa waxay muujinaysaa isku day istiraatiiji ah oo Israa’iil ku dooneyso inay ku yeelato saameyn amni iyo mid siyaasadeed oo ku dhow Badda Cas. Si kastaba ha ahaatee, tallaabo kasta oo Israa’iil ay ku taageerto aqoonsiga Somaliland waxay si toos ah ugu noqon kartaa xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana sii hurin karta loollan goboleed.

Waajibaadka dowladda Soomaaliya

Marka la eego xaaladdan, DFS waa inay:

1. Xoojisaa isku-xidhnaanta gudaha si loo yareeyo fursadaha faragelinta shisheeye.
2. Adeegsataa dublamaasiyad firfircoon, iyadoo la kaashaneysa Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, iyo Qaramada Midoobay.
3. Si cad uga hortagtaa tallaabooyinka kutalo-galka ah ee lagu wiiqayo midnimada dalka.
4. Ku adkeysataa mabda’a sharciga caalamiga ah iyo ilaalinta xuduudaha Soomaaliya.

Gunaanad

Aqoonsiga Somaliland ma aha arrin u gaar ah hal gobol ama hal dal, balse waa arrin saameyn ballaaran ku leh amniga Geeska Afrika, Badda Cas, iyo isu-dheellitirka quwadaha gobolka.

Tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo lagu aqoonsanayo Somaliland waxay si rasmi ah u noqonaysaa kala-qaybin waddan madaxbannaan, taasoo khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo nidaamka caalamiga ah.

Sidaas darteed, xal waara wuxuu ku jiraa midnimo Soomaaliyeed, wada-hadal gudaha ah, iyo dublamaasiyad caqli ku dhisan oo ilaalisa danaha qaranka iyo kuwa gobolka labadaba.

W/Q: Siyaasi Axmed Shire oo ka tirsan Mucaaridka Puntland.

Xasan: Soomaaliya laguma kala goyn karo saxiix shisheeye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay tallaabooyinkii u dambeeyay ee maamulka Somaliland, oo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay marar badan ka leexatay fursado wada-hadal oo lagu gaari lahaa xal siyaasadeed, isagoo tilmaamay in madaxdii kala dambeeyay ee maamulkaasi ay ka gaabiyeen ka faa’iidaysiga wada-hadallo horseedi kari lahaa midnimo iyo is-afgarad qaran.

“Waxay qaadeen waddooyin sii kala fogeeyay dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, oo sheegay in wada-hadalka uu yahay xalka wax walba oo la isku hayo ama tabanayaan reer Somaliland.

Hoggaanka maamulka Somaliland ayuu madaxweynuhu ku eedeeyay inay aad ugu nugul yihiin fara-gelin shisheeye, gaar ahaan isku day kasta oo la xiriira raadinta aqoonsi dibadeed. “Isku-dayada aqoonsi raadinta dan uma aha shacabka ku nool waqooyiga dalka, balse waxay u adeegayaan dano shisheeye oo halis ku ah amniga gobolka,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si kulul u diiday wax kasta oo ka hor imanaya midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo caddeeyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo aan lagu kala goyn karin warqad ama saxiix dal shisheeye.

Sidoo kale waxa uu muujiyay sida ay Dowladda Federaalka diyaar ula tahay tanaasul iyo wada-hadal dhab ah, si loo helo midnimo qaran, isla markaana ay dowladda dhexe wax kasta oo suurtagal ah u hurayso midnimo iyo dowladnimo wadajir ah.

“Dowladda Federaalka wax kasta wey u hureysa in midnimo la helo, haddii ay tahay garowshiyo, haddii ay tahay xaq dhiibid, haddii ay tahau xukun baahin iyo walaalo midoobay oo xoog mideysan hela diyaar ayaa u nahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dal madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la samaysatay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Ciidanka DF iyo Mareykanka oo xalay weeraray warshaddii qaraxyada Shabaab ee Saakow

Mogadishu (Somalia Today) — Ciidamada Soomaaliya, oo kaashanaya saaxiibo caalami ah oo uu ka mid yahay Maraykanka, ayaa xalay ka fuliyay koonfurta Soomaaliya hawlgal lagu burburiyay xarun ay Al-Shabaab ku farsameyn jirtay walxaha qarxa, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa sheegay in weerarku beegsaday warshad ku taalla degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe, taas oo ay ku tilmaameen goob muhiim ah oo lagu soo saaro laguna diyaariyo qaraxyada. Wasaaraddu waxay sheegtay in hawlgalku gebi ahaanba burburiyay xaruntaas.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in hawlgalku lagu dilay 18 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ku jiraan farsamayaqaanno iyo injineerro ay ku eedaysay inay diyaarinayeen qaraxyada loo adeegsado weerarrada lagu beegsado shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karto sheegashooyinkan, mana jirto xaqiijin degdeg ah oo ku saabsan in waxyeello shacab soo gaartay.

Jubada Dhexe waxaa si weyn loogu arkaa mid ka mid ah saldhigyada ugu adag ee Al-Shabaab, iyadoo kooxdaasi muddo dheer maamul ama saameyn ku lahayd inta badan gobolka, oo ay ku jiraan magaalooyinka Jilib, Bu’aale iyo Saakow, sida ay muujinayaan qiimeynno amni.

Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa dagaal gadood ah kula jirta dowladda Soomaaliya ee caalamku taageero tan iyo bartamihii 2000-meeyadii.

Inkasta oo ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya ay kooxda ka saareen Muqdisho iyo magaalooyin kale oo waaweyn, haddana Al-Shabaab waxay weli xoog ku leedahay dhul ballaaran oo miyiga ah, waxayna sii waddaa qaraxyo iyo weerarro ay ka fuliso caasimadda iyo meelo kale.

Ololaha ka dhanka ah kooxda ayaa sii xoogeystay kaddib markii Midowga Afrika dib u habeeyay taageerada nabad-ilaalinta, iyadoo ATMIS lagu beddelay hawlgal xasilin oo beddel ah, AUSSOM, laga bilaabo Janaayo 2025, iyadoo la raacayo hannaan ay Qaramada Midoobay taageerto.

Isbeddelkaas ayaa kordhiyay cadaadiska saaran ciidamada Soomaaliya si ay u sii hayaan dhulka ay xoreeyeen, maadaama saaxiibadu ay diiradda saarayaan talo-bixin, tababar, iyo taageero gaar ah oo la beegsado.

Soomaaliya waxay marar badan ku tiirsan tahay taageero dibadeed oo la xiriirta xog-ururin, kormeer, iyo garab hawada ah. Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in uu weerarro fuliyo isagoo la kaashanaya dowladda Soomaaliya, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab loogana ilaaliyo ciidamada saaxiibada ah.

Hawlgalka Saakow wuxuu ku soo beegmayaa xilli dowladda Soomaaliya ay kordhisay howlgallada dhulka iyo duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo inta badan sheegta in tallaabooyinkaas ay ku socdaan iskaashi ay la leedahay saaxiibo caalami ah.

Horraantii bishan, wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay inay dishay 29 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah hawlgal kale oo ay taageero shisheeye ku wehlineysay.

Wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan hawlgallada la-dagaallanka argagixisada, isla markaana ay adkayn doonaan dadaallada lagu sugayo amniga dadweynaha, iyagoo hawlgalkan ugu dambeeyay ku tilmaamay qayb ka mid ah olole joogto ah oo lagu doonayo in Al-Shabaab lagu jebiyo.

Dowladda Soomaaliya waxay si isdaba-joog ah u sheegtaa in kooxdaasi tahay khatarta amni ee ugu weyn dalka, halka sharci-dejiyeyaasha Maraykankuna ay ku tilmaameen Al-Shabaab laanta ugu weyn uguna halista badan ee Al-Qaacida, iyagoo xusay awooddeeda dhaqaale-ururin, qorista dagaalyahanno, iyo fulinta weerarro adag oo qorsheysan.