25.6 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Daawo: Xasan oo shaaciyay qorshaha ay DF ku wajaheyso aqoonsiga Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, iyo xad-gudubka Israa’iil oo sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dheeraaday dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay dowladdu ku wajahayso faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, taasi oo uu ku kacay maamulka Israa’iil.

Wuxuu tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabkeeda iyo saaxiibadeeda caalamka ay qaadayso tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo sharci oo looga hortagayo xad-gudub kasta oo ka dhan ah midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Soomaaliya ma aha dal la qaybin karo, la qabsan karo ama la iibsan karo, waxba nagama faa’iideysaan keliya waxa siu kordhaya go’doonka aad caalamka kaga jirteen,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu xusay in aqoonsi ku sheega Israa’iil ee Somaliland uu huwan yahay qorshe halis badan oo Israa’iil ku dooneyso dhul ballaarsi, uuna halis ku yahay amniga gobolka.

“Ujeedada aqoonsi ku sheegaas waa danta Israa’iil, oo raadineysa dhul ay isku ballaariso, oo ay si sharci darro ah ugu soo rarto shacabka reer Falastiin ee dhulkooda ay boobtay, kana dhisto saldhigyo milatari, oo qalqal geliya amniga gobolka Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo guud ahaan Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka ay wax walba diyaar ula tahay midnimada, isagoo madaxda maamulka Somaliland ugu baaqay wada-hadal dhab ah oo lagu xalinayo wax walba oo jira.

“Dowladda Federaalka wax kasta wey u hureysa in midnimo la helo, haddii ay tahay garowshiyo, haddii ay tahay xaq dhiibid, haddii ay tahau xukun baahin iyo walaalo midoobay oo xoog mideysan hela diyaar ayaa u nahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo muuqaalka

Shirweynaha xisbiga Haybad Qaran oo caawa ka furmay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay shirweynaha xisbiga Midowga Haybad Qaran.

Shirweynahan ayaa waxaa ka qeyb-galay madax hore iyo siyaasiyiin badan oo dhawaan ku midoobay xisbigan cusub ee Haybad Qaran, kaasi oo door muuqda ka qaadanaya siyaasadda dalka.

Xisbigan ayaa waxaa musharax u ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo ay hoggaanka sare ay ka mid yihiin:

  • Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed
  • Mudane Cabdirasaaq Khaliif Axmed
  • Mudane Cabdi Aadan Hoosoow
  • Mudane Dr. Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale)
  • Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre
  • Mudane Ducaale Aadam Maxamed
  • Mudane Faarax Calı Shıre
  • Mudane Taabid Cabdi Maxamed
  • Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Inta badan siyaasiyiinta ka qeyb-galaya shirkan ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ugu dambeeyay Agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Talaadadii soo yimid magaalada Muqdisho.

Isbaheysigan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho loolanka siyaasadeed iyo doorashooyinka soo aaddan ee dalka, marka la eego miisaanka xubnaha ku jira ee ku midoobay.

Si kastaba, shirweynahan ayaa imanaya xilli ay xiisadda siyaasadeed ee dalka mareyso meel sare, isla markaana ay mucaaradka iyo hoggaanka dowladda ku kala tageen hanaanka doorashooyinka dalka, xilli ay billooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Masar oo dagaal adag kula jirta aqoonsiga Israel ee S/LAND – Maxaa dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa dadaal xooggan ugu jirta difaaca midnimada Soomaaliya, iyadoo ka shaqeynaysa sidii waxba kama jiraan u noqon lahaa aqoonsiga Israel ay siisay Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Abdel Aati iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo qadka taleefanka ku wada-hadlay ayaa qeyb kamid ah wada-hadalkooda diiradda ku saaray faragelinta iyo weerarka Israa’iil ay ku soo qaaday midnimada iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Badr ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u caddeeyay in aqoonsiga keligiis ah ee sharci-darrada ah ee Israa’iil u fidisay maamulka Somaliland uu yahay xad-gudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshaha Israa’iil uu wiiqayo xeerarka sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa arrintaan ku tilmaamay mid khatar ah oo horseedi karta qalqal ku yimaada nabadda iyo amniga gobol iyo caalamka oo dhan.

Wasiir Badr ayaa adkeeyay taageerada buuxda ee Masar ay la garabtaagan tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Masar ku ammaanay doorka ay ka qaadaneyso taageeridda amniga iyo xasilloonida gobolka, xilli ay jiraan qalalaaso goboleed oo aad u adag.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyay sida ay Masar uga go’an tahay mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay iyo dadaalkeeda joogtada ah ee lagu xoojinayo nabadda iyo amniga caalamka.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dal madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la samaysatay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Puntland oo xaaladda dalka ka shirtay kadib mowqifkii Deni ee aqoonsiga Somaliland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Ilyaas Cismaan Luugatoor ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka Golaha Wasiirada.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah, iyadoo diirada lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, doorka Puntland ee dowlad-dhiska Soomaaliya iyo isbedelka ka socda gobolka, oo loola jeedo aqoonsiga Israel siisay maamulka Somaliland.

Madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in kulanka looga hadlay arrimada gudaha iyo amniga guud ee Puntland, xaaladda abaaraha iyo siyaasadda qurbajoogta oo loo qaybiyay golaha.

Madaxweyne Deni ayaa maalin ka hor xaqiijiyay in aysan marnaba gorgortan ka galayn galayn midnimada Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqaynayso kala-tagga ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu caddeeyey in marka laga hadlayo siyaasadda dalka, Puntland ay qayb ka tahay Golaha Mustaqbalka, isla markaana ay leedahay siyaasado iyo qorshayaal ku aaddan doorashooyinka iyo geeddi-socodka siyaasadeed. Wuxuuna adkeeyey in Puntland aysan aqbalayn muddo-kororsi, ayna arrintaas ka leedahay go’aanno cad oo horey u yaalla.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Madaxtooyada:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Luugatoor, ayaa shir-guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay:

  1. Wadatashiyada socda ee xaaladda guud ee Soomaaliya, Doorka Puntland ee Dowlad-dhiska Soomaaliya iyo Isbedelka ka socda Gobolka.
  2. Arrimaha gudaha iyo Amniga Guud ee Puntland.
  3. Goluhu wuxuu ka hadlay xaaladda Abaarta ee Puntland, iyo sida looga jawaabay ilaa iyo hadda, iyadoo lasoo bandhigay sida ay u socoto Biyo-dhaanka, Calaf-siinta Xoolaha iyo gargaarka loo sameeynayo dadka Abaartu saameeysay.
  4. Ugu danbeyn waxaa Golaha loo qeybi yey oo ay soo akhri naayaan siyaasadda Qurbo-joogta Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, taasi oo ku saleysan horumarinta xiriirka Qurba-joogta si la jaanqaadaysa wadamada horumary ee dimuqraadiga ah.

Waxaa looga mahadceliyay Qurba-joogta Puntland doorkooda wanaagsan ee muhim ka ah.

IRAN oo jawaab kulul ka soo saartay booqashadii wasiirka Israa’iil uu ku tegay Hargeysa

0

Tehran (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa si kulul u cambaareeyay soo-gelitaanka sharci-darrada ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee nidaamka Israa’iil uu ku tegay gobolka Somaliland, isagoo ku tilmaamay xadgudub qaawan oo ka dhan ah madax-bannaanida qaran iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Esmail Baqaei ayaa Arbacadii sheegay in booqashada aan oggolaanshaha haysan ee Gideon Sa’ar, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, uu ku tegay Somaliland ay ka dhigan tahay jebin cad oo lagu sameeyay madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Israa’iil ah uu ku tago gobolkaas kadib markii nidaamkaasi uu aqoonsaday Somaliland.

Isagoo tixraacaya sida beesha caalamku ugu dhegan tahay ixtiraamka midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya oo ah xubin madax-bannaan oo ka tirsan Qaramada Midoobay, afhayeenka Iiraan ayaa tallaabooyinka Israa’iil ee lu tilmaamay kuwo looga golleeyahay kala-qeybinta Soomaaliya ku tilmaamay “tusaale halis ah” oo kusoo kordhay xiriirka caalamiga ah iyo dhabar-jab weyn oo ku ah aasaaska sharciga iyo xeerarka Qaramada Midoobay.

Baqaei ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in beesha caalamka, dalalka Islaamka, iyo kuwa Afrika ay iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa wiiqitaanka madax-bannaanida qaranka Soomaaliya.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay.

Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

DF oo ka jawaabtay eedeynta Mareykanka ee musuqa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyntii Mareykanka u jeediyay ee la xiriirtay in saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ay burburiyeen bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) oo uu Mareykanku maalgeliyo, isla markaana ay la wareegeen raashin gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay musuqeen gargaarkaas, iyadoo sheegtay in dhamaan agabka gargaarka ee Mareykanku sheegay ay weli si buuxda ugu jiraan gacanta iyo maamulka Hay’adda WFP.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka warqabto war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, kaas oo la xiriira eedeymo ku saabsan bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP),” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladdu waxay caddeysay in dhammaan agabka gargaarka ee lagu xusay warbixinnadaasi ay weli si buuxda ugu jiraan gacanta iyo maamulidda Hay’adda WFP, oo ay ku jirto kaalmada ay bixiso Dowladda Mareykanka.

Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in bakhaarka WFP ee arrinta laga hadlayo uu ku yaallo gudaha Dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan hawlo ballaarin iyo dib-u-habeyn ah oo qeyb ka ah horumarinta guud ee dekedda.

Dowladda ayaa xaqiijisay in hawlahaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan kaydinta, maamulidda, ama gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo.

“Iyadoo laga jawaabayo walaacyada ka dhashay hawlaha ballaarinta dekedda, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintan ay si joogto ah u eegayaan guddi farsamo oo isugu jira hay’ado kala duwan, kuwaas oo si dhow ula shaqeynaya hay’adaha gargaarka bani’aadannimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da bani’aadannimada, daahfurnaanta, iyo isla xisaabtanka, iyadoo muujisay qiimeynta ay u hayso iskaashiga ay la leedahay Dowladda Mareykanka iyo dhammaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ballan-qaadday in faah-faahino dheeraad ah la bixin doono marka dib-u-eegista arrintan la soo gabagabeeyo.

Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan barnaamijyada kaalmada Mareykanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigtay eedeymaha musuq-maasuq ee ay u jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Washington ay “walaac xooggan” ka qabto wararka tilmaamaya in saraakiishu “burburiyeen bakhaar WFP leedahay, si sharci-darro ahna u qaatay 76 tan oo raashin gargaar ah oo deeq-bixiyeyaal ugu talagaleen Soomaalida nugul.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in maamulka Trump “uusan marnaba u dulqaadan doonin” waxa uu ugu yeeray “is-daba-marinta, xatooyada, iyo leexsashada gargaarka nolosha badbaadiya.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dib u bilaabidda gargaarka ay ku xirnaan doonto in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay “qaadato mas’uuliyadda falalkaas aan la aqbali karin, islamarkaana ay qaaddo tallaabooyin sax ah oo lagu xallinayo arrinta.”

Hakintan la shaaciyay ayaa kusoo biiraysa walaac soo jireen ah oo deeq-bixiyeyaashu ka qabeen kormeerka iyo leexsasashada gargaarka ee Soomaaliya, oo ah mid ka mid ah dalalka dunida ugu badan ee gargaarka ku tiirsan, sidoo kalena ah jiid muhiim u ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Washington ayaa horay u hakisay taageero gaar ah oo ay siin jirtay ciidamada amniga Soomaaliya sababo la xiriira isla arrimo ku saabsan la-xisaabtanka.

Sanadkii 2017, Mareykanka ayaa joojiyay taageeradii raashinka iyo shidaalka ee uu siin jiray inta badan cutubyada milatariga Soomaaliya kadib markii ciidanku ay dhowr jeer ku guuldareysteen inay xisaabcelin ka sameeyaan sahayda. Si kastaba, 2019-kii, Mareykanka wuxuu ku dhawaaqay inuu dib u bilaabayo taageero xaddidan oo la siinayo hal cutub oo Soomaali ah kadib dib-u-habeyn iyo kormeer la sameeyay.

Dhanka kale, deeq-bixiyeyaasha waaweyn ayaa marar kala duwan adkeeyay kantaroolka hawlaha bini’aadantinimo. Sanadkii 2023, Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray hawlgallada WFP ee Soomaaliya, kadib markii baaritaan Qaramada Midoobay sameysay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo si xun u isticmaal gargaarkii loogu talagalay ka hortagga macaluusha.

Inkastoo ay jiraan caqabadahaas, haddana Mareykanka ayaa weli ah taageeraha ugu weyn ee hawlaha gargaarka bini’aadantinimo iyo dadaallada xasilinta ee Soomaaliya.

Dowladda oo baareysa inuu garoonka Muqdisho ka dhoofay Caydaruus Al-Zubaydi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka sheegaya in hoggaamiyihii golaha koonfurta Yemen (STC) Caydaruus Al-Zubaydi oo u baxsaday dalka Imaaraadka Carabta uu shalay ka dhoofay garoonka Aadan Cadde, isaga oo ‘isku maray Muqdisho iyo Berbera’.

Bayaan kasoo baxay Hay’adda oo ku qornaa luqadda English-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay baareyso wararka la xiriira in Caydaruus Al-Zubaydi uu ka safray Soomaaliya, uuna u baxsday Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay ku ilaalineyso midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in Soomaaliya aysan marnaba aqbalayn isticmaalka hawadeeda, iyada oo aan loo haysan wax ogolaansho ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo goor sii horreysay oo maanta ah uu Isbaahaysiga uu hoggaamiyo Sucuudiga ee dalka Yemen bayaan uu soo saaray uga hadlay dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay hoggaamiyihii golaha koonfurta Yemen (STC) Caydaruus Al-Zubaydi oo ay taageerayeen Imaaraadka Carabta, kaas oo Arbacadii baxsaday, xilli laga sugayay inuu tago Riyaadh oo Sacuudiga uu dhigay gogol ay ku wada-hadlayaan dhinacyada koonfurta Yemen.

Isbaheysiga ayaa bayaankiisa ku sheegay in Caydaruus Al-Zubayd uu Cadan uga soo baxay doon, isaga oo ku tegay magaalada Berbera, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiil Imaaraati ah, ayna kusii qaaday diyaarad gaar ah oo u duushay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu Isbaheysigu qoraalkiisa ku caddeeyay in daqiiqado uu ku hakaday garoonka Aadan Cadde, kadibna safarkiisa uu ku gaaray magaalada Abu Dubai ee caasimada dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta.

Dhacdadan ayaa xiisad hore leh sii gelinaysa dowladda Soomaaliyeed oo horay ula safatay Sucuudi Carabiya, iyada oo taageertay hoggaamintiisa arrimaha Yemen, waxayna dhanka kale kasoo horjeesatay dhaq-dhaqaaqa Imaaraadka.

Xog: Israa’iil oo saddex dal kale ku cadaadineysa in ay aqoonsadaan Somaliland

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa wadda dadaallo ay ku dhiirrigelinayso in dalal dheeri ah ay aqoonsadaan maamulka Somaliland, kadib markii ay iyadu aqoonsatay qiyaastii laba toddobaad ka hor.

Wadahadal Arbacadii dhexmaray Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa arrintan lagu soo qaaday, waxaana laga yaabaa in Hindiya ay noqoto dalka xiga ee aqoonsada Somaliland.

Hindiya, oo ah saaxiib istiraatiiji ah oo Israa’iil kala dhexeeyo ganacsi u socda ama ka imanaya Yurub, waxaa muhiimad gaar ah u leh inay lug ku yeeshaan xeebta ka soo horjeedda marinka Baab al-Mandab.

Ganacsiga Hindiya ee u socdaalayay Yurub ayaa waxyeello ay kasoo gaartay weerarrada kooxda Xuutiyiinta, kuwaas oo ku sugan dhinaca kale ee Gacanka Cadmeed.

Si kastaba, Dowladda Hindiya ayaa Sabtidii ku tilmaantay “warar been abuur ah” qoraallo lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in Madaxweynaha maamulka Somaliland uu wadahadallo rasmi ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Narendra Modi, iyo in Hindiya ay qarka u saaran tahay inay aqoonsato Somaliland.

Waaxda Xaqiiqo-Raadinta (FactCheck) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya (MEA) oo ka jawaabeysa sheegashooyinkan ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X (Twitter) ku tiri: “Digniin warar been abuur ah! Qoraallada hoose waa been!”

Wadahadalka Netanyahu iyo Modi ayaa sidoo kale lagu lafa-guray arrimo kale, oo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga la-dagaallanka argagixisada, horumarinta ganacsiga iyo marinada isgaarsiinta, iyo iskaashiga dhanka teknoolajiyadda milatariga.

Wargeyska Israel Hayom ayaa shaaciyey in, ka sokow Hindiya, ay Israa’iil wadahadallo la yeelanaysay dalal kale si ay u aqoonsadaan Somaliland—waa dalal dano isku mid ah kala wadaaga Israa’iil arrintan. Dalalkaas waxaa ka mid ah Itoobiya, oo horay heshiis is-afgarad ula gashay maamulka Somaliland, iyo Kenya.

Dhammaadkii bishii hore, Israa’iil waxay noqotay dalkii ugu horreeyay caalamka, ilaa haddana ah kan kaliya, ee aqoonsada maamulka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa Taladaadii safar taariikhi ah ku tagay Somaliland si uu u muujiyo aqoonsiga Israa’iil. Safarkiisa wuxuu dhaliyay caro weyn oo ka timid Soomaaliya iyo dalalka gobolka. 

Muungaab oo soo saaray amar culus oo lagu bur-burinayo guryaha ku yaalla…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta dhagax dhigay waddada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ayaa amray in la burburiyo dhammaan guryaha soo galay jidkaasi.

Muungaab oo hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in maanta kadib uusan aqbali doonin in dukumintiyo been abuur ah loola yimaado, si loo hor istaago dhismaha waddada Jamhuuriya oo muddo dheer burbursan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in guri kasta oo ay soo gasho waddada cagta la marinayo, ayna calaameeyeen guryaha sharci darrada ah ee ku yaalla halkaas.

“Guri kasta oo waddada Jamhuuriya saaran anigaa kansal gareeyay, warqad been been ayaan haystaa cid aan ka yeelaayo malahan, haddana go’aan ayaan soo saarayaa” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Rinji ayaan marinaya laamiga qofka uu ku yimaado 30-ka mitir ama 25-ka mitir cidda uu ku yimaado labada qaybood ee waddada jaraafada jug ayaa lagu siinaaa xittaa lama sugaayo”.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale amar buuxa siiyay maamulka degmada Kaaraan iyo ciidanka amniga, wuxuuna faray inay soo xiraan cid kasta oo ka hortimaada amarkiisa, isla markaana hor istaagta dhismaha waddada.

“Booliska iyo maamulka degmada waxa ay amar ku qabaan ciddii haba yaraatee carqaladeyso inay soo qabtaan oo ay soo xiraan kadibna maxkamadda iyo cadaaladda ay horgeeyaan” ayuu mar kale yiri Muungaab.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalmahan dambe waday qorshe guud oo lagu hormarinayo caasimada, waxaana dib loo dhisay waddooyin muhiim ah.

Somaliland oo soo saartay go’aanno culus oo la xiriira…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee maamulka Somaliland oo dhawaan uun heshiis rasmi ah la galay Israa’iil, soona dadajiyay aqoonsiga uu siiyay Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo lagu xoojinayo ammaanka guud ee magaalada caasimada ah ee Hargeysa.

Taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland iyo maamulka Hargeysa ayaa isugu yimid shir ballaaran oo looga hadlay ammaanka caasimada, waxaana guddoomiyay Taliyaha Booliska Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, iyada oo uu goobjoog ahaayeen duqa caasimada Cabdikariim Axmed Mooge iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Hargeysa, kuwaas oo si qoto dheer u lafa-guray xaaladda amni ee magaalada iyo caqabadaha jira.

Shirkan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha amniga iyo dowladda hoose, iyada oo lagu dajiyay allaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu adkaynayo sugidda amniga, isla markaana lagu hubinayo nabadgelyada, xasilloonida guud ee caasimada.

Sidoo kale waxaa shirka laga soo saaray go’aanno istaraatiiji ah oo lagu horumarinayo qorshayaasha amniga, si loo bixiyo dadaalo wadajir ah.

Waxaa kale oo lasii adkeeyay feejignaanta Ciidamada iyagoo garabka helaya dowladda hoose ee caasimadda, gaar ahaan xafiiska nabadgelyada DHH.

Maalmihii u dambeeyay Somaliland ayaa kordhisay howlgallada lagu sugayo amniga, maadaama wufuud kala duwan ay ku qulquleyso magaaladaasi, tan iyo markii ay Israa’iil ku dhawaaqday inay aqoonsi buuxa siisay maamulkaasi.

Todobaadkan waxaa magaaada Hareysa booqasho ku tegay wafdi culus oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, kaas oo wada-hadallo la yeeshay madaxweyne Cirro iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Si kastaba, tallaabooyinkan is xig-xigay ee ay qaaday Israa’iil ayaa waxa ay sii huriyeen xiisadda diblumaasiyadeed ee ka taagan dalka, waxaana si weyn u cambaareysay dowladda federaalka Soomaaliya oo horay u diiday aqoonsiga.

Sidee looga fal-celiyay go’aanka Mareykanka ku joojiyay taageeradii Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay go’aan culus oo xalay kasoo baxay dowladda Mareykanka, kaas oo lagu hakiyay dhamaan barnaamijyada kaalmada Mareykanka ee Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigtay eedeymo sheegaya in saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ay burburiyeen bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) oo uu Mareykanku maalgeliyo, islamarkaana ay la wareegeen raashin gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah. 

Bayaanka oo kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Washington ay “walaac xooggan” ka qabto wararka tilmaamaya in saraakiishu “burburiyeen bakhaar WFP leedahay, si sharci-darro ahna u qaatay 76 tan oo raashin gargaar ah oo deeq-bixiyeyaal ugu talagaleen Soomaalida nugul.”

Sidoo kale, bayaanka ayaa intaas ku daray in maamulka Trump “uusan marnaba u dulqaadan doonin” waxa uu ugu yeeray “is-daba-marinta, xatooyada, iyo leexsashada gargaarka nolosha badbaadiya.”

Waxaa kale oo bayaanka lagu caddeeyay in dib u bilaabidda gargaarka ay ku xirnaan doonto in Dowladda Federaalka ay “qaadato mas’uuliyadda falalkaas aan la aqbali karin, islamarkaana ay qaaddo tallaabooyin sax ah oo lagu xallinayo arrinta.”

Washington ayaa horay u hakisay taageero gaar ah oo ay siin jirtay ciidamada amniga Soomaaliya sababo la xiriira isla arrimo ku saabsan la-xisaabtanka.

Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aanka Mareykanka ku joojiyay taageeradii Somalia?

Maxamed Yuusuf: “Waaa lagu ogaa inuu qaadan doono qaraar saas u adag, waana laga maarmi doonaa”.

Axmed Xubsi: “Go’aankii ugu saxnaa ayuu qaatay balse taasi waxey niyadjab weyn ku noqon doontaa madaxweynaha Soomaaliya”.

Sukhra Maxamed: “Car ka jawaaba eedeyntaas iyo ceebta tuugnimada ah kuma dhacaan way baqayaan”.

Cumar Afrax: “Yaa la siiyaa gargaar waan yaabnaye ar Mareykanaa!?”.

Zakariye Nuur: “Meeshaan Galeyda qalashay lagu aruuriyo ee marka beeraleyda wax soo saaran suuqa la geeyo hala burburiyo iyagana hala ceersho”.

Cusmaan Dubbe oo ka dagay Hargeysa: Idin kama aan maqnayne waa idin maqnaa

0

Hargeysa (Caasimada Online) –  Siyaasiga caanka ah ee Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, iyada oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi.

Dubbe ayaa hadal kooban siiyay warbaahinta, wuxuuna sheegay inuu u maqnaa Somaliland, isla markaana uu soo laabtay “Idin kamaan maqnaynee waa idin maqnaa” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu ka hadlay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isaga oo si weyn usoo dhaweeyay, wuxuuna u jawaabay dadka kasoo horjeedo.

“Kuwa meelaha wax kusoo qor qora, waxaanu leenahay Israa’iil iyo Mareykanka waa libaaxyo” ayuu mar kale yiri Cismaan Abuukar Dubbe.

Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu kulmo madaxda Somaliland, kadibna uu la hadlo bulshada, isaga oo waydiisan doono wax ay loogu yeeray ‘caafis’ guud.

Ninkan ayaa dhawaan iska casilay Senatornimadii Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna si cad u sheegay inuu ka laabtay qaddiyada midnimada ee uu  u joogay magaalada Muqdisho.

Cismaan Abuukar Dubbe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka, wuxuuna horay usoo noqday Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, xilligii Madaxweyne Farmaajo, waxaana go’aankiisa si wayn uga falceliyay dadweynaha Soomaaliyeed, maadaama uu kusoo aaday xilli xasaasi ah, oo ay taagan tahay xiisada ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Si kastaba, ha’ahaatee waxaa horay sidaan oo kale Hargeysa ugu laabtay mas’uuliyiin ka tegay Xamar, waxaana ugu dambeeyay wasiirkii hore ee maaliyadda, Cabdiraxmaan Bayle oo hadda la shaqeeya Madaxweyne Cirro.

Ciidanka ICE oo toogasho ku dilay haweeney iyo xiisad ka taagan Minneapolis + Sawirro

Minneapolis (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Kastamada (ICE) ayaa Arbacadii toogasho ku dilay darawal haweeney, magaalada Minneapolis oo uu ka socdo ololaha socdaalka ee ugu dambeeyay ee maamulka Trump uu ka wado magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka. 

Toogashadan ayaa saraakiisha federaalku ku tilmaameen fal is-difaac ah, balse duqa magaalada ayaa ku sifeeyay mid “taxadar la’aan ah” oo aan loo baahnayn, halka muuqaallo ay muujiyeen in gabadha la toogtay ayada oo aan halis ku aheyn askarta. 

Muuqaallo ay duubeen dad goobjoogayaal ah oo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya sarkaal u soo dhawaanaya gaari nooca SUV-ga ah oo dhex taagan wadada, isagoo dalbanaya in darawalku furo albaabka, gacantana u taagaya qabsada-albaabka.

Gaariga ayaa bilaabay inuu horay u dhaqaaqo, waxaana sarkaal kale oo ka tirsan ICE oo hor taagnaa gaariga uu lasoo baxay hubkiisa, isagoo isla markiiba ugu yaraan laba xabbadood ku dhuftay gaariga, kadibna dib u boodaya markii gaarigu usoo dhaqaaqay dhankiisa.

Muuqaallada lagama dheehan karin haddii gaarigu uu taabtay sarkaalka iyo in kale. Gaariga SUV-ga ah ayaa kadib xawaare ku dhaqaaqay, wuxuuna ku dhacay laba baabuur oo dhinaca wadada yaallay ka hor inta uusan istaagin. Goobjoogayaasha ayaa qeyliyay, iyagoo naxdin ka muujinaya wixii ay indhahooda ku arkeen.

Toogashadan ayaa calaamad u ah sii xumaanshaha hawlgallada socdaalka ee taxanaha ah ee laga wado magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka xilliga maamulka Trump.

Dilka darawalkan, oo magaceeda lagu sheegain Renee Nicole Good oo aheyd 37 jir, ayaa noqonaya dhimashadii shanaad ee ka dhalata ololaha adag ee socdaalka ee maamulka Trump uu bilaabay sannadkii hore.

Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem, oo booqasho ku joogtay Texas, ayaa dhacdada ku tilmaamtay “fal argagixiso gudaha ah” oo ka dhan ah saraakiisha ICE, kaas oo ay geysatay haweeney “isku dayday inay jiirto oo gaarigeeda ku dhufatay.”

Waxay tiri: “Sarkaalkeennu wuxuu u dhaqmay si degdeg ah oo is-difaac ah, wuxuuna riday xabbad si uu naftiisa iyo dadka kale u ilaaliyo.”

Hase yeeshee, Duqa Minneapolis Jacob Frey ayaa hadalka Noem ku tilmaamay “qashin” (hadal aan jirin), wuxuuna si kulul u dhaliilay ciidamada federaalka ee tiradoodu gaarayso in ka badan 2,000 oo la geeyay magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul.

“Waxa ay sameynayaan ma ahan inay amni ka dhaliyaan Mareykanka. Waxay abuurayaan fowdo iyo kala shaki,” ayuu yiri Frey, isagoo ugu baaqay ciidamada federaalka inay magaalada isaga baxaan.

Taliyaha Booliska Minneapolis, Brian O’Hara, oo si kooban uga hadlay toogashada, ayaan bixin wax tilmaam ah oo muujinaya in darawalku isku dayay inuu cid waxyeelleeyo. Wuxuu xaqiijiyay in haweeneyda madaxa laga toogtay.

“Haweeneydan waxay saarnayd gaarigeeda, waxayna xirtay wadada Portland Avenue… Mar qura, sarkaal federaal ah ayaa u soo dhawaaday isagoo lugeynaya, kadibna gaariga ayaa dhaqaaqay, kadibna wuu toogtay,” ayuu yiri taliyuhu.

Caydaruus Al-Zubaydi oo ‘isku maray Berbera iyo Muqdisho’ kadibna ka degay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbaahaysiga uu hoggaamiyo Sucuudiga ee dalka Yemen oo bayaan culus soo saaray ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay hoggaamiyihii golaha koonfurta Yemen (STC) Caydaruus Al-Zubaydi oo ay taageerayeen Imaaraadka Carabta, kaas oo shalay baxsaday, xilli laga sugayay inuu tago magaalada Riyadh oo Sacuudiga uu dhigay gogol ay ku wadahadlayaan dhinacyada koonfurta Yemen.

Kooxda wadajirka ah ee ka howlgasha Yemen ayaa bayaankeeda ku sheegtay war xasaasi ah oo ku aadan in Caydaruus Al-Zubaydi uu ‘isku maray magaalooyinka Berbera iyo Muqdisho’,kadibna uu sidaas ku gaaray Abu Dubai.

Sida lagu sheegay qoraalka hoggaamiyaha koonfurta Yemen (STC) ayaa Cadan uga baxay doon, isaga oo ku tegay magaalada Berbera, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiil Imaaraati ah oo kusii qaaday diyaarad gaar ah oo u duushay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Isbaheysigu wuxuu qoraalkiisa ku caddeeyay in daqiiqado ku hakaday garoonka Aadan Cadde, kadibna safarkiisa uu ku gaaray dalka Imaaraadka Carabta, iyada oo la aamisan yahay in diyaaraddu safarkaas ku jirtay damisay nidaamkeeda aqoonsiga hawada, si aan loola socon dhaqdhaqaaqeeda.

Dhacdadan ayaa xiisad hore leh sii gelinaysa dowladda Soomaaliyeed oo horay ula safatay Sucuudi Careebiya, iyada oo taageertay hoggaamintiisa arrimaha Yemen, waxayna dhanka kale kasoo horjeesatay dhaq-dhaqaaqa Imaaraadka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan arrinta hoggaamiyaha golaha koonfurta Yemen (STC) ee la sheegay inuu isku maray magaalooyinka Muqdisho iyo Berberka, kadibna tegay Dubai.

Isbeddelka ka dhacay Yemen, wuxuu  durbo dhaliyay inuu Sacuudiga dib u billaabo duqeymo ka dhan ah STC . Arrintaas waxaa barbar socday go’aan ka soo baxay Golaha Hoggaaminta Madaxtooyada Yemen oo ah isbahaysi ay ku mideysnaayeen dhinacyada koonfurta Yemen ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ay kala taageeraan, kaas oo lagu dhawaaqay in laga qaaday xubinnimadii golaha madaxtooyada ee hoggaamiyaha STC, Caydaruus Al-Zubaydi.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in xaaladda Yemen ay gashay marxalad cusub oo sii xoojinaysa khilaafka, kaddib markii meesha laga saaray isku-daygii Sacuudiga uu ku doonayay in Yemeniyiintu ku gaaraan gogogasha uu dhigay Riyadh, wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.

Mareykanka oo shaaciyey inuu joojiyay taageeradii DF sababo musuq-maasuq dartood

0

Washington (Somalia Today) — Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan barnaamijyada kaalmada Mareykanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigtay eedeymo sheegaya in saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ay burburiyeen bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) oo uu Mareykanku maalgeliyo, islamarkaana ay la wareegeen raashin gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah. 

Bayaan kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Washington ay “walaac xooggan” ka qabto wararka tilmaamaya in saraakiishu “burburiyeen bakhaar WFP leedahay, si sharci-darro ahna u qaatay 76 tan oo raashin gargaar ah oo deeq-bixiyeyaal ugu talagaleen Soomaalida nugul.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in maamulka Trump “uusan marnaba u dulqaadan doonin” waxa uu ugu yeeray “is-daba-marinta, xatooyada, iyo leexsashada gargaarka nolosha badbaadiya.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dib u bilaabidda gargaarka ay ku xirnaan doonto in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay “qaadato mas’uuliyadda falalkaas aan la aqbali karin, islamarkaana ay qaaddo tallaabooyin sax ah oo lagu xallinayo arrinta.”

Hakintan la shaaciyay ayaa kusoo biiraysa walaac soo jireen ah oo deeq-bixiyeyaashu ka qabeen kormeerka iyo leexsasashada gargaarka ee Soomaaliya, oo ah mid ka mid ah dalalka dunida ugu badan ee gargaarka ku tiirsan, sidoo kalena ah jiid muhiim u ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Washington ayaa horay u hakisay taageero gaar ah oo ay siin jirtay ciidamada amniga Soomaaliya sababo la xiriira isla arrimo ku saabsan la-xisaabtanka.

Sanadkii 2017, Mareykanka ayaa joojiyay taageeradii raashinka iyo shidaalka ee uu siin jiray inta badan cutubyada milatariga Soomaaliya kadib markii ciidanku ay dhowr jeer ku guuldareysteen inay xisaabcelin ka sameeyaan sahayda. Si kastaba, 2019-kii, Mareykanka wuxuu ku dhawaaqay inuu dib u bilaabayo taageero xaddidan oo la siinayo hal cutub oo Soomaali ah kadib dib-u-habeyn iyo kormeer la sameeyay.

Dhanka kale, deeq-bixiyeyaasha waaweyn ayaa marar kala duwan adkeeyay kantaroolka hawlaha bini’aadantinimo. Sanadkii 2023, Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray hawlgallada WFP ee Soomaaliya, kadib markii baaritaan Qaramada Midoobay sameysay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo si xun u isticmaal gargaarkii loogu talagalay ka hortagga macaluusha.

Inkastoo ay jiraan caqabadahaas, haddana Mareykanka ayaa weli ah taageeraha ugu weyn ee hawlaha gargaarka bini’aadantinimo iyo dadaallada xasilinta ee Soomaaliya.

Warbixin kooban oo horay uga soo baxday Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa Soomaaliya ku tilmaantay dal si weyn u hela kaalmada Mareykanka.

Waaxda Arrimaha Dibadda ma aysan caddeyn noocyada kaalmada ee la hakiyay, iyo in barnaamijyada bani’aadantinimo ee la soo mariyo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ay ka reeban yihiin tallaabadan.

Waxay kaliya sheegtay in Washington ay hakisay barnaamijyada “waxtarka u leh Dowladda Federaalka Soomaaliya,” iyo in dib u bilaabid kasta ay u baahan tahay “la-xisaabtan” iyo “tallaabooyin sixitaan ah.”

Haddii hakintan ay dhaafto barnaamijyada kooban ee xiriirka la leh dowladda, waxay cakiri kartaa dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan sii wadidda hawlgallada amniga, dadaallada xasilinta, iyo dib-u-habeynta dowladnimada—kuwaas oo ah meelaha deeq-bixiyeyaashu ay inta badan shuruud uga dhigaan daah-furnaanta iyo xakameynta.

Hase yeeshee, xitaa haddii lagu koobo taageerada tooska ah ee dowladda, tallaabadan waxay xambaarsan tahay cawaaqib weyn oo xagga sumcadda iyo hawlgallada ah oo ku wajahan Muqdisho, gaar ahaan xilli hay’adaha gargaarku ay sheegayaan in kheyraadku sii yaraanayo halka baahiduna ay sii kordhayso. 

Xogta booqashada wasiirka arrimaha dibedda China uu ku imanayo Soomaaliya

Beijing (Caasimada Online) – Diblomaasiga ugu sarreeya Shiinaha ayaa Arbacadii billaabay safarkiisa sannadlaha ah ee sannadka cusub uu ku tago Afrika, isagoo diiradda saaraya sidii loo heli lahaa marin ganacsi oo istiraatiiji ah oo ku yaalla bariga iyo koonfurta Afrika, xilli Beijing ay doonayso inay sugto marinnada maraakiibta iyo khadadka sahayda kheyraadka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi ayaa booqan doona Itoobiya, oo ah dhaqaalaha ugu koboca badan Afrika; Soomaaliya, oo ah dal ku yaalla Geeska Afrika oo bixiya marin muhiim u ah waddooyinka maraakiibta caalamiga ah; Tansaaniya, oo ah xarun saad (logistics) oo isku xirta bartamaha Afrika ee qaniga ku ah macdanta iyo Badweynta Hindiya; iyo Lesotho, oo ah dal dhaqaalihiisu yar yahay oo ku yaalla koonfurta Afrika, kaas oo ay ceejiyeen tallaabooyinka ganacsi ee Mareykanka. Safarkiisa sanadkan wuxuu socon doonaa ilaa 12-ka Janaayo.

Booqashadiisa Soomaaliya waxay noqon doontaa tii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Shiinees ah uu ku yimaado tan iyo 1980-yadii, waxaana la filayaa inay Muqdisho siiso garab diblomaasiyadeed kadib markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Jamhuuriyadda gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, taas oo ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991-kii.

Shiinaha ayaa ahaa saaxiib muhiim ah oo dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha kala dhexeeyo Soomaaliya, isagoo taageera horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gargaarka bani’aadantinimo, iyo xiriirka diblomaasiyadeed, isagoo isla markaasna ilaalinaya mawqif adag oo ku aaddan madax-bannaanida qaran iyo midnimada dhuleed.

Beijing waxay ka mid ahayd dalalkii diiday aqoonsigii dhawaan ee Israa’iil siisay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan. Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, balse weli aqoonsi kama helin beesha caalamka.

“Waa inaanay jirin dal dhiirrigeliya ama taageera xoogagga gooni-u-goosadka ee gudaha dalalka kale si uu uga fushado danihiisa gaarka ah,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian, oo la hadlayay suxufiyiinta intii uu socday shirkii jaraa’id ee caadiga ahaa, isagoo ku celiyay sida Shiinuhu uga soo horjeedo tallaabooyinka hal dhinaca ah ee loolanka gelinaya xuduudaha caalamku aqoonsan yahay.

Booqashada Wang ee Soomaaliya ayaa imaanaysa xilli dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo sarreeya uu ka jiro Geeska Afrika, iyadoo Muqdisho ay raadinayso inay xoojiso taageerada caalamiga ah ee midnimadeeda dhuleed kadib tallaabadii muranka dhalisay ee Israa’iil.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in mawqifka Shiinaha uu la jaanqaadayo diidmada ballaaran ee Afrika iyo caalamka ee ku aaddan aqoonsiga Somaliland, wuxuuna sii xoojinayaa ahmiyadda uu Shiinuhu siiyo madaxbannaanida oo ah tiir-dhexaadka siyaasaddiisa arrimaha dibadda.

Faahfaahinta kulamada Wang ee Soomaaliya weli lama shaacin, balse saraakiishu waxay sheegayaan in wadahadallada la filayo inay diiradda saaraan iskaashiga laba-geesoodka ah, xasilloonida gobolka, iyo xiriirka guud ee Shiinaha iyo Afrika.

Beijing waxay higsanaysaa inay iftiimiso dalalka ay u aragto inay tusaale u yihiin bahwadaagta barnaamijka kaabayaasha dhaqaalaha ee “Belt and Road” ee Madaxweyne Xi Jinping, iyo inay ballaariso suuqyada wax loo dhoofiyo, gaar ahaan dalalka ay dhalinyaradu u badan yihiin ee dhaqaalahoodu soo korayo sida Itoobiya, halkaas oo IMF ay saadaalisay inuu dhaqaalaheedu kobci doono 7.2 boqolkiiba sanadkan.

Shiinaha, oo ah deyn-bixiyaha laba-geesoodka ah ee ugu weyn adduunka, ayaa wajahaya tartan sii kordhaya oo kaga imaanaya Midowga Yurub oo ku aaddan maalgelinta kaabayaasha Afrika, iyadoo dalalka ay saameeyeen culeysyada deynta ee xilligii cudurka safmarka ah ay hadda raadinayaan maalgashi halkii ay deyn ka qaadan lahaayeen.

Iiraan oo si adag u cambaareysay wixii shalay ka dhacay Hargeysa

0

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa si adag u cambaareysay safarkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar uu shalay ku tagay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmaeil Baghaei ayaa tegitaanka Sa’ar ee Hargeysa ku tilmaamay mid sharci-darro ah, isla markaana ah xad-gudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida qaranka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu xusay in beesha caalamka ay marar badan ku celisay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, oo ah dal madax-bannaan kana tirsan Qaramada Midoobay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa tallaabooyinka Israa’iil ku tilmaamay kuwo lagu doonayo kala-qaybinta Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrintani ay tahay tusaale halis ah oo wax u dhimaya xiriirka caalamiga ah, isla markaana dhirbaaxo culus ku ah saldhigyada sharci iyo qiyamka ay ku dhisan tahay Qaramada Midoobay.

Ugu dambayntiina wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi ballaaran oo dhexmara beesha caalamka, dalalka Islaamka iyo kuwa Afrika, si looga hortago wiiqidda madax-bannaanida qaranka ee Soomaaliya.

Socdaalka Wasiir Gideon Sa’ar oo ahaa mid dhuumaleysi ah, ayaa loo adeegsaday diyaarad ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Romania oo lagu magacaabo Fly Lili.

Daqiiqado kadib, markii ay ka fogaatay dhabaha ay diyaaraduhu ka haadaan, diyaaradda ayaa laga waayay radar-ka dadweynuhu kala socdaan duulimaadyada, iyadoo signalkeedu lumay, mana aysan shaacin halka ay u socoto.

Sababta arrintan ayaa lagu sheegay in maamulayaasha diyaaraddu ay xadeeyeen muuqaalka raadraaca duulimaadka, maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u maamusho hawada dalka, shirkadaha diyaaraduhuna ay u baahan yihiin oggolaansho federaal ah si ay u galaan hawada Soomaaliya.

Maadaama aysan u badnayn in Israa’iil ay oggolaansho noocaas ah hesho, waxaa diyaaradda qasab ku noqotay in ay hawada Soomaaliya kusoo gasho si sharci-darro ah oo dhuumaalaysi ah. Tani waxay muujinaysaa in xitaa kadib aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland, haddana ay weli xannibayaan shuruucda caalamiga ah.

Si kastaba, Booqashadan ayaa imaanaysa kadib markii Israa’iil ay 26-kii December si rasmi ah u aqoonsatay maamulkaas gooni-u-goosadka ah inuu yahay dal “madax-bannaan oo qaran leh”.

Go’aankaas ayaa la kulmay diidmo ballaaran oo heer gobol iyo heer caalami ah, iyo baaqyo isdaba-joog ah oo ku aaddan in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Saciid DENI oo caddeeyay mowqifkiisa aqoonsiga Somaliland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Ilyaas Cismaan Luagatoor ayaa maanta xarunta Madaxtooyada kulan wadatashi iyo is-xogwareysi ah kula qaatay haldoorka Puntland ee ku sugan caasimada Garoowe.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyo doorka Puntland ee dowlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo sidoo kale laga hadlay isbedellada sida xowliga ah uga socda gobolka.

Madaxweyne Deni ayaa siyaasiyiinta iyo haldoorka uu la kulmay u xaqiijiyay in aysan marnaba gorgortan ka galayn midnimada Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqaynayso kala-tagga ummadda Soomaaliyeed.

“Dowladda Federaalka ayaa loo doortay ilaalinta dalka, balse marka aan ka hadalno xaaladda dalka waa nala ka cowdaa,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale wuxuu xusay in maamulka Somaliland aan lagu wajihi karin qaab awood ku dhisan, isla markaana loo baahan yahay in Soomaalidu wada-hadal ku xalliso khilaafaadka jira.

Deni ayaa indheer-garadka uu la kulmay u sheegay in gobolka Sanaag ay joogaan ciidanka maamulka Puntland, halka uu ku dooday in kala bar dhulka ay sheegato Somaliland uu yahay dhul Puntland.

“Khataraha aan wajahayno waxa ka mid ah Somaliland, dhulka ay sheeganayaan 50% annagaa leh,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

Deni ayaa caddeeyey in marka laga hadlayo siyaasadda dalka, Puntland ay qayb ka tahay Golaha Mustaqbalka, isla markaana ay leedahay siyaasado iyo qorshayaal ku aaddan doorashooyinka iyo geeddi-socodka siyaasadeed.

Wuxuu adkeeyey in Puntland aysan aqbalayn muddo-kororsi, ayna arrintaas ka leedahay go’aanno cad oo horey u yaalla.

Si kastaba, tan ayaa imanaysa xilli Madaxweynaha Puntland lagu eedeeyay inuu ka maquurtay arrinta aqoonsiga Somaliland, kadib markii maamullada kale ay caddeeyeen mowqifkooda difaaca midnimada dalka.

Israel ayaa 26-kii December 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dal madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la samaysatay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda ayaa wacad ku martay inay si adag uga hortagayso arrintaan, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Hoos ka daawo muuqaalka

TRUMP oo billaabay qorshaha uu ku qabsanayo Greenland

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu ka wadahadlayo qaabkii uu ula wareegi lahaa Greenland, iyadoo ay miiska saaran tahay xitaa suurtagalnimada adeegsiga ciidamada Mareykanka, taas oo dib u soo noolaynaysa damaciisii ahaa inuu xukumo jasiiraddan istiraatiijiga ah in kasta oo Yurub ay si adag u diiddan tahay.

Trump wuxuu u arkaa la wareegidda Greenland inay tahay mudnaan amniga qaranka Mareykanka ah oo lagama maarmaan u ah “in laga hortago cadowgeenna ku sugan gobolka Arctic-ga,” sida lagu sheegay bayaanka Aqalka Cad.

“Madaxweynaha iyo kooxdiisa waxay ka wadahadlayaan xulashooyin kala duwan si loo gaaro yoolkan muhiimka ah ee siyaasadda arrimaha dibadda, dabcan, adeegsiga milatariga Mareykanka mar walba waa xulasho u furan Taliyaha Guud,” ayuu yiri Aqalka Cad.

Greenland waxay dhowr jeer ku celcelisay in aysan doonayn inay qayb ka noqoto Mareykanka. Hoggaamiyeyaasha quwadaha waaweyn ee Yurub iyo Canada ayaa Talaadadii garab istaagay maamulka jasiiraddaas, iyagoo sheegay in dhulkaas ay leeyihiin dadka degan.

Haddii Mareykanku si milatari ah uga qabsado Greenland xulufo soo jireen ah oo sida Denmark oo kale ah, waxay taasi mowjado naxdin leh ku noqon doontaa isbahaysiga NATO, waxayna sii dheereyn doontaa kala qaybsanaanta u dhaxaysa Trump iyo hoggaamiyeyaasha Yurub.

Diidmada xooggan kama aysan horjoogsan Trump inuu dib u eego sidii Greenland looga dhigi lahaa xarun Mareykanku leeyahay oo ku taalla aag ay kusii kordhayso danaha Ruushka iyo Shiinaha.

Xiisaha Trump, oo markii hore soo ifbaxay 2019 xilligii muddo-xileedkiisii koowaad, ayaa dib u soo noolaaday maalmihii lasoo dhaafay kadib xariggii Mareykanka ee Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro.

Isagoo ku dhiirranaya soo qabashadii Maduro ee dhammaadka asbuucii hore, Trump wuxuu muujiyay inuu aaminsan yahay in “sareynta Mareykanka ee Galbeedka Dunida aan mar dambe shaki la gelin doonin,” wuxuuna cadaadis saaray dalalka Colombia iyo Cuba. Sidoo kale, wuxuu billaabay inuu mar kale ka hadlo Greenland kadib bilo uu arrintaas meel iska dhigay.

Sarkaal sare oo Mareykan ah, oo diiday in magaciisa la xuso si uu uga hadlo dooddaha gudaha, ayaa sheegay in Trump iyo la-taliyeyaashiisu ay ka wadahadlayaan waddooyin kala duwan oo lagu helo Greenland.

Greenland ma iib baa?

Xulashooyinkaas waxaa ka mid ah in Mareykanku toos u iibsado Greenland ama inuu la galo heshiis Isutag Xor ah (Compact of Free Association, COFA) jasiiraddaas, sida uu sarkaalku sheegay. Heshiiska COFA wuxuu ka hooseeyaa damaca Trump ee ah in jasiiraddan oo ay ku nool yihiin 57,000 oo qof laga dhigo qayb ka mid ah Mareykanka. Sarkaalku ma bixin qiimo lacageed oo suurtagal ah.

“Diblomaasiyadda ayaa mar walba ah xulashada koowaad ee madaxweynaha, iyo gorgortanka. Wuu jecel yahay heshiisyada. Sidaas darteed, haddii heshiis wanaagsan la geli karo si loo helo Greenland, taasi hubaal waxay noqonaysaa dareenkiisa koowaad,” ayuu yiri sarkaalku.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, ayaa u sheegay sharci-dajiyeyaasha in hanjabaadihii dhawaan maamulku u jeediyay Greenland aysan ka dhignayn duullaan soo fool leh, balse hadafku yahay in jasiiradda laga iibsado Denmark.

Hadalkan ayuu ka sheegay kulan xog-warran sir ah oo habeenkii Isniinta loo qabtay hoggaamiyeyaasha Koongareeska, sida ay sheegeen laba ilo-wareed oo xog-ogaal u ah kulankaas. Wargeyska Wall Street Journal ayaa markii ugu horreysay baahiyay hadalka Rubio.

Xubno ka tirsan Koongareeska, oo ay ku jiraan Jamhuuriyiin ay isku xisbi yihiin Trump, ayaa ka horyimid hadallada maamulka, iyagoo xusay in Denmark oo xubin ka ah NATO ay tahay xulufo daacad u ah Mareykanka.

“Marka Denmark iyo Greenland ay caddeeyaan in Greenland aysan iib ahayn, waa in Mareykanku ixtiraamaa waajibaadkiisa heshiisyada caalamiga ah iyo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Boqortooyada Denmark,” ayay yiraahdeen Senator Jeanne Shaheen (Dimoqraadi) iyo Senator Thom Tillis (Jamhuuri) oo wada-guddoomiye ka ah Kooxda Kormeerka NATO ee Guurtida, iyagoo soo saaray bayaan wadajir ah.

Saraakiisha maamulka ayaa sheegaya in jasiiraddu ay muhiimad weyn u leedahay Mareykanka sababo la xiriira macdanta laga helo oo muhiim u ah teknoolajiyadda casriga ah iyo aaladaha milatariga. Kheyraadkan ayaa weli ah kuwo aan laga faa’iidaysan sababo la xiriira shaqaale yari, kaabayaasha dhaqaalaha oo liita iyo caqabado kale.

“Arrintani ma ahan mid meesha ka baxaysa,” ayuu sarkaalku ka yiri dadaalka madaxweynaha ee ku aaddan la wareegidda Greenland inta ka dhiman saddexda sano ee muddo-xileedkiisa.

Booliska oo soo saaray amar cusub oo degdeg uga dhaqan-galaya Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay go’aan cusub oo lagu mamnuucayo gaadiidka qaada dhagaxaanta ee si xad-dhaaf ah loo raro, kuwaas oo halis ku ah amniga iyo badbaadada waddooyinka caasimadda.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa sheegay in laga bilaabo maanta wixii ka dambeeya aan loo oggolaan doonin in gaari sida xad-dhaafka ah loo raray uu dhex maro magaalada Muqdisho.

Waxa uu xusay xusay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu ilaalinayo badbaadada dadweynaha, xilli ay dadka shacabka ah si weyn uga cawdeen arrintaan oo kusoo badatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

“Gaari sidaan u raran inuu Caasimadda dhexmaro waa mamnuuc,” ayuu yiri Macallin Mahdi oo qoraalka digniin ah soo dhigay bartiisa Facebook.

Macallin Mahdi ayaa hadalkan ku lifaaqay sawir muujinaya gaari si aad ah loogu raray dhagaxaan, taas oo si cad u muujinaysa khatarta ka dhalan karta gaadiidka noocaas ah ee waddooyinka lagu arko.

Muddooyinkii dambe, waxaa baraha bulshada lagu baahinayay sawirro muujinaya gawaarida dhagaxaanta qaada ee si xad-dhaaf ah loo raro, arrintaas oo keentay cabashooyin isa soo taraya oo ka imanaya shacabka.

Cabashooyinkaas kadib ayaa Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir wuxuu soo saaray amarkan mamnuucidda ah, isaga oo faray in si adag loo dhaqan-geliyo, lana qaado tallaabo sharci ah oo ka dhan ah cid kasta oo jebisa.