25.6 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Maxaa maanta ka dhacay xerada TURKSOM ee Muqdisho? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidankan cusub ayaa tababar sare oo ciidan ku qaatay Kulliyadda Tababarrada Ciidamada Qaranka ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan talisyada Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo diiradda saaraya kobcinta awoodda, xirfadda, iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ciidamada qalin-jabiyay faray inay si dhab ah u gutaan waajibkooda ah ilaalinta midnimada, wadajirka iyo madaxbannaanida qaran ee dalka, si looga difaaco cadowga gudaha iyo kan dibadda ee ka soo horjeeda horumarka iyo nabadda Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu faray ciidanka inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadka ay u dhaarteen, si loo sugo amniga shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

Intii ay munaasabaddu socotay, ciidamadu waxay soo bandhigeen xirfado kala duwan oo ay barteen muddadii tababarka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan, xeeladaha dagaalka, iyo farsamooyinka difaac-nafsiga, taasoo muujinaysa heerka diyaargarow ciidan iyo tayada tababarka ay qaateen.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Odawa Yuusuf Raage, Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktariinka, G/le Sare Axmed Ciise Axmed, Taliyaha TURKSOM, S/Gaas Sebahattin Kalkan, Safiirka Turkiga, taliyayaasha ciidamada Cirka iyo Badda, saraakiil iyo marti sharaf kala duwan.

Shirqool ka dhan ah Ibrahim Traore oo la fashiliyay – Sidee wax u dhaceen?

0

Ouagadougou (Caasimada Online) – Dowladda militariga ah ee Burkina Faso ayaa shaacisay inay fashilisay qorshe lagu doonayay in lagu khaarijiyo Madaxweyne Ibraahim Traore.

Dowladda Burkina Faso oo talada dalka ku heshay afgambi hore ayaa isku daygan ku eedeysay saraakiil ka tirsan ciidanka, kuwaas oo la sheegay inay taageero ka helayeen dalal daris ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Burkina Faso ayaa lagu xaqiijiyay in la fashiliyey qorshahaas, isla markaana gacanta lagu dhigay kooxihii ku lugta lahaa.

Dowladda ayaa sheegtay in saraakiil iyo mas’uuliyiin kala duwan lagu soo oogay eedeymo culus, lana baadi-goobi doono si sharciga loo horkeeno.

Hay’adaha amniga iyo sirdoonka dalkaas ayaa lagu bogaadiyay doorkii ay ka qaateen ka hortagga shirqoollo isugu jiray kuwo gudaha ah iyo kuwo dibadda laga soo abaabulay, kuwaas oo lagu beegsanayay dowladda talada haysa.

Wasiirka Amniga Burkina Faso, Mahamadou Sana, ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ciidamada dalka ay muujiyeen geesinimo iyo feejignaan sare, isagoo uga digay cid kasta oo la shaqaysa cadowga dalka.

“Ciidamadeennu waxay si xirfad iyo xeelad leh u jabiyeen hagartii lagu soo duulay dalka iyo shacabkiisa. Kuwa maleegaya shirqoollada noocan ah waa lala xisaabtami doonaa,” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Sidoo kale wuxuu xusay in shirqoolka uu ka dambeeyay hoggaamihii hore ee dalkaas Paul-Henri Damiba, isla markaana laga soo maalgeliyay dalka Ivory Coast.

Dowladda Ivory Coast iyo hoggamiyihii hore ee Burkina Faso, Paul-Henri Damiba ayaa weli ka hadlin eedeynta ay u soo jeedisay dowladda uu hoggaamiyo Ibrahim Traore.

Kabtan Ibraahim Traore ayaa xukunka la wareegay 30-kii September 2022, kaddib markii uu xilka ka tuuray madaxweynihii hore Roch Marc Christian Kabore. Tan iyo markaas, wuxuu dalka ku maamulayay gacan adag, isagoo wajahaya cadaadis dibadeed oo isa soo taraya.

Xog: Dubbe oo berri ka dagaya magaalada Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) –  Siyaasiga caanka ah ee Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa lagu soo warramayaa in haatan uu kusii jeedo magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kadib markii uu isaga tegay Muqdisho.

Dubbe ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu tego caasimada Somaliland, halkaas oo ay haatan ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa, iyada oo waddooyinka ku yaalla bartamaha magaalada lagu dhajiyay sawirradiisa.

Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu kulmo madaxda Somaliland, kadibna uu la hadlo bulshada, isaga oo waydiisan doono wax ay loogu yeeray ‘caafis’ guud.

Ninkan ayaa dhawaan iska casilay Senatornimadii Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna si cad u sheegay inuu ka laabtay qaddiyada midnimada ee uu  u joogay magaalada Muqdisho.

“Saddex sanadood baan Baarlamaanka iyo dariiqyada Xamar la’ taagnaa war dadka Reer Somaliland dhibta ka daaya! Kursigaagii miyaad ka samirtay baa la iigu jawaabi jirey! Kursiga in uu ka mihiimsan yahay damiirku ayaan maanta u sheegay Xamar ragga xukuma. Aniga oo kursigii fadhiya ayaanan maanta iska casilay sidii ay adeeraday hore u sameeyeen 1980. War nimanyahow kala quusanaye qoomamo la’aada” ayuu ku yiri is-casilaaddiisii.

Cismaan Abuukar Dubbe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka, wuxuuna horay usoo noqday Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, xilligii Madaxweyne Farmaajo, waxaana go’aankiisa si wayn uga falceliyay dadweynaha Soomaaliyeed, maadaama uu kusoo aaday xilli xasaasi ah, oo ay taagan tahay xiisada ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Si kastaba, ha’ahaatee waxaa horay sidaan oo kale Hargeysa ugu laabtay mas’uuliyiin ka tegay Xamar, waxaana ugu dambeeyay wasiirkii hore ee maaliyadda, Cabdiraxmaan Bayle oo hadda la shaqeeya Madaxweyne Cirro.

 

Aadan Madoobe oo digniin u diray xildhibaannada BF kadib arrin maanta dhacday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta hadal ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin u diray xildhibaanada ka maqan kulamada golaha, kadib markii shirkii maanta uu u baaqday kooram la’aan darteed, kadibna la soo xiray.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xildhibaannadu ay soo xaadiri waayaan, iyaga oo jooga magaalada Muqdisho, ayna gudan waayaan shaqooyinkooda qaran.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay dhaawac ku tahay Baarlamaanka Soomaaliyeed, cuuryaamineyso shaqada hortaalla.

“Dhaawac ayay nagu tahay in kooram la’aan u baaqdo kulanka Golaha marar badan ayaan isku daynay in aan ka xishood siino oo aan Magacyada xildhibaanada maqan aan yeerino taasna waxba kama suuragalin,” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda kadib lala xisaabtami doono xildhibaannada ka maqnaada kulamada Baarlamaanka, isla markaana laga jari doono xuquudooda.

“Waxaan dib u eegeynaa Xildhibaanada maqan, xeerhoosaadka ayaan ku qaadeynaa, Sabtida wixii ka dambeeya Xildhibaanki maqnaada xuquuqdiisa ayuu waayi doonaa” ayuu mar kale yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Ma’aha markii ugu horreysay ee uu kooram la’aan u baaqdo kulamada Golaha Shacabka, Soomaaliya, waxaana dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay lagu kala tegay shirar ay lahaayeen xildhibaanadu, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaanada.

Fadhiyada baarlamaanka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana xilligan adag golaha laga sugayaa inay meel mariyaan shuruuc muhiim u ah dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirat xilli xasaasi ah, waxaanaa taagan xiisad culus oo siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed oo ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Hoggaamiyaha golaha koonfurta Yemen oo la sheegay inuu u baxsaday Somaliland

Cadan (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen ayaa sheegaya in dalkaasi uu ka baxsaday hoggaamiyihii golaha koonfurta Yemen (STC) Caydaruus Al-Zubaydi oo ay taageeraan Imaaraadka Carabta, xilli laga sugayay inuu tago magaalada Riyadh oo Sacuudiga uu dhigay gogol ay ku wadahadlayaan dhinacyada koonfurta Yemen.

Sida uu Al Arabiya u sheegay Xuseen Baahamil oo ka tirsan golaha dhaq-dhaqaaqa koonfurta Yemen, hoggaamiye Caydaruus Al-Zubaydi ayaa u soo baxsaday dhanka maamulka Somaliland, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu tegay magaalada Berbera, halkaasna ay ku qaabileen wakiillo ka socday Israa’iil iyo Isu Tegga Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo ku aadan arrinta hoggaamiyaha golaha koonfurta Yemen (STC) ee la sheegay inuu maanta gaaray magaalo xeebeedka Berbera ee maamulkaasi.

Isbeddelkan, wuxuu dhaliyay inuu Sacuudiga dib u billaabo duqeymo ka dhan ah STC . Arrintaas waxaa barbar socday go’aan ka soo baxay Golaha Hoggaaminta Madaxtooyada Yemen oo ah isbahaysi ay ku mideysnaayeen dhinacyada koonfurta Yemen ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ay kala taageeraan, kaas oo lagu dhawaaqay in laga qaaday xubinnimadii golaha madaxtooyada ee hoggaamiyaha STC, Caydaruus Al-Zubaydi.

Waxaa kale oo la furay dacwad khiyaano qaran ah oo si rasmi ah loogu eedeeyay. Ma cadda in dhacdooyinkan ay horseedi doonaan burbur buuxa oo ku yimaada Golaha Koonfurta Yemen (STC) ee Imaaraadku taageero.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in xaaladda Yemen ay gashay marxalad cusub oo sii xoojinaysa khilaafka, kaddib markii meesha laga saaray isku-daygii Sacuudiga uu ku doonayay in Yemeniyiintu ku gaaraan gogogasha uu dhigay Riyadh, wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.

Dalka Yemen ayaa fowdo galay kadib markii Xuuthiyiintu qabsadeen caasimadda Sanca toban sano ka hor. Xuuthiyiinta oo xulafo la ah Iran ayaa gacanta ku haya inta badan waqooyiga dadku ku badan yahay ee Yemen.

Bishii Diseembar, ciidamada STC waxay qabsadeen dhul ballaaran oo koonfurta Yemen ah. Jawaab ahaan, Sacuudiga ayaa abaabulay xulafadiisa, oo ay ku jiraan Isbaheysiga Qabiilada Xadramuut iyo maleeshiyaad lagu magacaabo Gaashaanka Qaranka, si ay dib ugu riixaan STC.

Dagaalkan ayaa banaanka soo dhigay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo ah laba quwadood oo Khaliijka ah, islamarkaana ah xulafada Mareykanka. Labada dal ayaa toban sano ka hor soo farageliyay Yemen si ay u ridaan fallaagada Xuuthiyiinta, balse ku guuldareystay.

Dhawaanahan, Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa ku kala aragti duwanaaday arrimaha Yemen iyo Suudaan, iyagoo sidoo kale siyaasado kala duwan ka qaatay dagaalka Israa’iil ee Gasa iyo dowladda Axmed Al-Sharaa ee Suuriya.

Al-Jazeera oo kashiftay sida dhuumaaleysiga ah ee Gideon Sa’ar uu ku galay Hargeisa

Hargeysa (Caasimada Online) – Isla markii ay ka kacday garoonka Addis Ababa, diyaaraddii siday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa qarisay halka ay ku sii jeeddo, ilaa markii dambe ay saraakiishu si rasmi ah u shaaciyeen inay caga-dhigatay garoonka Hargeysa ee caasimadda maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland. 

Waaxda xaqiijinta xogta dhijitaalka ah ee Al Jazeera ayaa daba-gal ku sameysay safarka diyaaradda, iyadoo heshay macluumaad la xiriira dalka laga leeyahay, nooca ay tahay, iyo taariikhdeeda.

Diyaaradda ayaa ka duushay garoonka Addis Ababa subaxnimadii Talaadada, abaare 9:24 barqanimo ee waqtiga maxalliga ah. Daqiiqado kadib, markii ay ka fogaatay dhabaha ay diyaaraduhu ka haadaan, diyaaradda ayaa laga waayay radar-ka dadweynuhu kala socdaan duulimaadyada, iyadoo signalkeedu lumay, mana aysan shaacin halka ay u socoto.

Sababta arrintan ayaa lagu sheegay in maamulayaasha diyaaraddu ay xadeeyeen muuqaalka raadraaca duulimaadka, maadaama dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda u maamusho hawada dalka, shirkadaha diyaaraduhuna ay u baahan yihiin oggolaansho federaal ah si ay u galaan hawada Soomaaliya.

Maadaama aysan u badnayn in Israa’iil ay oggolaansho noocaas ah hesho, waxaa diyaaradda qasab ku noqotay in ay hawada Soomaaliya kusoo gasho si sharci-darro ah oo dhuumaalaysi ah. Tani waxay muujinaysaa in xitaa kadib aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland, haddana ay weli xannibayaan shuruucda caalamiga ah.

Goor dambe, barta rasmiga ah ee Madaxtooyada Somaliland ku leedahay X (Twitter) ayaa faafisay muuqaal muujinaya soo dhaweynta uu hoggaamiyaha maamulkaas, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), u sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil iyo saraakiil sare oo la socotay.

Muuqaalka ayaa laga dhex arkay diyaaraddii siday Sa’ar, taas oo ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Romania oo lagu magacaabo Fly Lili, waxayna ka degtay Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, waqooyi-galbeed Soomaaliya.

Kadib markii dib u eegis lagu sameeyay faahfaahinta diyaaradda loo adeegsaday safarka Sa’ar, kooxda xaqiijinta dhijitaalka ah ayaa ogaaday xogo cusub.

Iyadoo la is-waafajinayo muuqaallada ay baahisay madaxtooyada Somaliland iyo sawirro hore oo laga hayay diyaaraddan, laguna daba-galay xogta FlightRadar, waxaa la ogaaday in diyaaraddu ay ka soo kacday magaalada Tel Aviv subaxnimadii Isniinta abaare 8:52 waqtiga maxalliga ah.

Waxay Addis Ababa gaartay abaare 1:55 duhurnimo, taas oo waafaqsan xaqiijinta warbaahinta qaranka Israa’iil ee sheegtay in Sa’ar uu “Somaliland” ku gaaray sii-maridda Itoobiya.

Booqashadan ayaa imaanaysa kadib markii Israa’iil ay 26-kii December si rasmi ah u aqoonsatay maamulkaas gooni-u-goosadka ah inuu yahay dal “madax-bannaan oo qaran leh”.

Go’aankaas ayaa la kulmay diidmo ballaaran oo heer gobol iyo heer caalami ah, iyo baaqyo isdaba-joog ah oo ku aaddan in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Maxaa maanta ka socda magaalada Muqdisho? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa maanta ka socda banaanbax wayn oo ay soo abuuleen culimada Soomaaliyeed, kaas oo looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil ee madax banaanida Soomaaliya, kadib aqoonsigii ay siisay maamulka Somaliland.

Qaar kamid ah hoggaanka culimada Soomaaliyeed oo goobta ka hadlay ayaa jeediyay khudbado ay uga hadleen dhibaatooyinka diimeed ee Yuhuudda ku yeelan karto dalkeenna haddii aan laga hortagin farogelinta ay ku hayso Soomaaliya.

“Culimada Soomaaliyeed maanta waxay sameynayaan bannaanbax isugu jira socod dheer iyo isu-imaatin culimo, si aan u muujinno mowqifka culimada ee ah ilaalinta midnimada ummadda.” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in ujeedka ugu wayn ee Israa’iil uu yahay kala goynta dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in la’iska difaaco.

“Waxaa la socotaan xaaladda dalkeenna uu ku jiro, xaaladdaas oo ah weerar indho caddees ah oo ay nagu soo qaadeen Yahuuda oo doonaya inay dalka kala gooyaan, kuwaas oo ku dhaqaaqay tallaabo kasoo horjeedo qawaaniinta caalamiga ah” ayuu mar kale yiri Sheekhu.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay gudan doonaan waajib diini ah, ayna u istaagi doonaan sidii oo difaaci lahaa midnimada dalka.

Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn soo saaray bayaan  ay uga soo horjeesteen damaca Israa’iil ee dhulka Soomaaliyeed, iyaga oo u digay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale magaalada Muqdisho loogu qabtay banaanbax ay soo qaban qaabisay dowladda, kaas oo looga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Si kastaba, Israa’iil oo 26-kii December ee sanadkii hore, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” ayaa weli sii wadda xagdubka ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana maanta ay wafdi uu hoggaaminayo wasiirkeeda arrimaha dibadda u dirtay Somaliland, tallaabadaas oo ay mar kale ka hortimid Soomaaliya.

 

Imaaraadka Carabta oo caddeeyey mowqifkiisa ku aadan midnimada Soomaaliya

Addis-Ababa (Caasimada Online) — Midowga Afrika iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Talaadadii si wadajir ah u xaqiijiyay taageerada ay u hayaan madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, xilli Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika uu ugu baaqay Israa’iil inay ka laabato aqoonsiga ay siisay Somaliland, iyagoo ku nuuxnuuxsaday inaysan jirin cid shisheeye ah oo awood u leh inay dib u xariiqdo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

War-murtiyeed wadajir ah oo kasoo baxay wadahadallo ka dhacay Addis Ababa, ayay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Wasiiru-dowlaha Imaaraadka, Sheikh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, ku taageereen “madaxbannaanida, midnimada dhuleed, amniga iyo xasilloonida” Soomaaliya, iyagoo arrimahaas ka dhigay mudnaanta koowaad ee Geeska Afrika.

Saacado ka hor kulankaas, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa “si kulul u cambaareeyay” aqoonsiga halka dhinaca ah ee Israa’iil siisay waxa loogu yeeray “Jamhuuriyadda Somaliland,” iyagoo dalbaday in “si degdeg ah looga laabto” tallaabadaas.

Iyagoo daliishanaya Xeerka Aas-aaska Midowga Afrika iyo Axdiga Qaramada Midoobay, Goluhu wuxuu dib u xaqiijiyay “mawqifkooda aan la loodin karin” ee ku aaddan midnimada Soomaaliya.

Waxay carrabka ku adkeeyeen inuusan jirin dhinac sharciyad u haysta inuu wax ka beddelo dhulka dal ka mid ah Midowga Afrika, iyagoo ku dhawaaqay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay tahay mid “waxba kama jiraan ah (null and void)” marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiddanayd sheegashada madaxbannaanida Somaliland tan iyo markii gobolkaasi ku dhawaaqay inuu go’ay 1991-kii, iyadoo ku doodaysa in dalalka shisheeye aysan xiriir rasmi ah la sameyn karin Hargeysa iyagoon oggolaansho ka haysan Muqdisho.

Bayaanka wadajirka ah ayaa yimid kadib kulan heer sare ah oo daba socday wadatashiyo horay uga dhacay Abu Dhabi sanadkii 2025-ka, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd in la xoojiyo xiriirka u dhexeeya Guddiga Midowga Afrika iyo dalka Khaliijka ku yaalla.

Yuusuf iyo Sheikh Shakhboot ayaa ka wada hadlay amniga Geeska Afrika, iyagoo xusay in xasilloonida gobolka ay xiriir dhow la leedahay amniga Gacanka Carabta iyo badaha.

Sidoo kale, waxay wada-hadalladooda ku saleeyeen ajandaha is-dhexgalka ballaaran, iyagoo tusaale u soo qaatay Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) oo ah gaadiid dhaqaale oo muhiim ah.

Inkastoo war-murtiyeedka wadajirka ah uusan si toos ah magaca Somaliland u xusin, haddana xaqiijinta madax-bannaanida Soomaaliya ayaa kusoo aadday xilli garabka amniga ee Midowga Afrika uu si rasmi ah uga horyimid tallaabada Israa’iil.

26-kii December, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, islamarkaana ay la sameysan doonto xiriir diblomaasiyadeed.

Tallaabadaas ayaa noqotay markii ugu horreysay ee dal xubin ka ah Qaramada Midoobay uu aqoonsado Somaliland, taas oo sii kululaysay muran goboleed soo jiitamayay tobanaan sano.

Booliska Muqdisho oo war ka soo saaray dhacdadii Dayniile

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo xalay soo saaray warsaxaafadeed ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal ay shalay ciidamada ammaanka ka sameeyeen Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Qoraalka taliska ayaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay ku baxeen shaqaaqo ay sameeyeen dhalinyaro iyo haween isa soo abaabulay oo banaanbax ka sameeyay xaafadda Warlaliska ee degmadaasi, kadibna la boobay dukaan ku yaalla halkaasi.

Taliska ayaa xusay in ciidamada oo gurmad ku tegay goobta ay kooxda abaabulan ku weerareen dhagaxyo, kadibna isku dhaceen iyaga iyo ciidanka, halkaasna uu ka dhashay dhaawaca 3 qof oo kaliya.

“Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad ka mid ah Degmada Deyniile in ay kooxo dhalinyara ah oo abaabulan ay banaabax fowda ah ka sameeyeen, banaanbaxaas oo dhaliyay weerar Dukaan uu lahaa Muwaadin Soomaaliyeed waxaana la boobay hantidiisa waxaana isugu soo baxay Carruur iyo Haween isla markiiba waxaa gurmad u fidiyay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo gaarey goobta” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidanka Boliska Intii ay ku guda jireen badbaadinta hantida waxaa ka dhashey rabshado abaabulan oo isku bedelay dhagax-tuur lagala horyimid Ciidanka Booliska ee Gurmadka ku yimid. Waxaa Shaqaaqadaas ku Dhaawacmay ilaa 3 Qofood oo rayid ah waxaana la geeyey isbitaalada oo hada lagu dhabiibayo. Ma jirto wax dhimasho ah oo ka dhashay dhacadadaas”.

Booliska ayaa sidoo kale tilmaamay in haatan uu socdo baaris ku aadan dhacdadaasi, isaga oo intaas ku daray in ay been yihiin wararka lagu faafiyay baraha bulshada.

“Haddaba Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu arrintaas ku wadaa baaris dheeraad ah, si looga hortago dadka faafinaya wararka been abuurka ah. WABILLAAHI TOWFIIQ” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Mucaaradka oo ka hadlay dhacdadaas ayaa mas’uuliyadda dhabarka uu saaray taliska qaybta guud ee Gobolka Banaadir, waxayna sheegeen in ciidamada oo waday barakicin qasab ah ay dad shacab ah u gaysteen dil iyo dhaawac, inkastoo talisku iska fogeeyay eedeyntaasi.

Daawo: Cabdi Xaashi oo soo hadlay: Soomalinimo aan wax isku siino

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, isaga oo diray farriin culus oo muhiim ah.

Cabdi Xaashi ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha qabiilka ee la dagay dalkeenna, wuxuuna sheegay inuu dib u dhigay dadka Soomaaliyeed, isaga oo ku baaqan in Soomaalinimo wax lagu wada qabsado.

“Waxaa ina dilay waa qabiil oo dib u dhaca dalkaan koow ka ah Soomalinimo aan wax isku siino dalkana halaga fikiro” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waan ku faraxsanahay inaan sidaas isku wada qiimeyno oo aynu qirno qofkeenna qiimaha innoo leh, waxaa idin leeyahay guuleysta howshiinuna halkaas haka sii socoto”.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo inta badan ka hadlay wadaniyadda ayaa marar badan tix ku cabiray dareenkiisa, isaga oo ku taliyay inay shaqeyso dowladnimada .

“Dowladdeennii baynu duminay qaxooti ayeynu nahay aan qiime ku lahayn adduunka, aynu ka fekirno waddaniyad iyo sidaan dalkeena dib ugu mideyn lahayn waxaynu noqonay dowlado reera ah cadow baa inna kala qaybiyey, Soomaali ma anfacdo reero calan sita, war Qarannaa ina anfacda ma kala go’i karno.” ayuu horay ugu yiri Khudbad uu ka jeediyay Golaha dhexdiisa.

Waxaa kale oo uu xilligaas ku baaqay in laga wada shaqeeyo midnimada dalka, isla markaana laga tego qabiilka iyo calamada gaar gaarka ah ee haatan la sameystay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland, kaas oo ay si weyn u diideen Dowladda Federaaka iyo saaxibadeeda caalamka.

Xogta saldhigga militari ee Israel ka dhiseyso Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa Talaadadii gaaray magaalada Hargeysa ee Somaliland, xilli ay soo baxayaan xogo hoose oo tilmaamaya in Tel Aviv ay damacsan tahay inay joogitaan ciidan ka sameysato gobolkaas.

Booqashadan ayaa imaanaysa wax ka yar laba toddobaad kadib markii Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay maamulkaas, kaas oo Soomaaliya ay u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa isla Talaadadii si kulul u cambaareysay booqashada Sa’ar, iyadoo ku tilmaamtay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri: “Joogitaan rasmi ah, xiriir, ama hawlgal kasta oo laga sameeyo gudaha dhulka Soomaaliya iyadoo aan oggolaansho cad iyo fasax laga haysan Dowladda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa sharci-darro, waxba kama jiraan, mana laha wax raad sharci ah ama ansaxnimo.”

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay: “Dhaqamadan waxay ka hor imaanayaan mabaadi’da iyo ujeeddooyinka Axdiga Qaramada Midoobay iyo Xeerka Aas-aaska Midowga Afrika.”

Dhanka kale, telefishinka Channel 14 ee Israa’iil ayaa wariyay in Somaliland laga yaabo inay Israa’iil u oggolaato isticmaalka aagag gaar ah oo dhulkeeda ah ujeeddooyin milatari, oo ay ku jiraan dhismaha xarumo difaac.

Xogahan soo dusay waxay waafaqsan yihiin walaaca ay muujiyeen dalalka Carabta intii uu socday kulan degdeg ah oo toddobaad ka hor ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta.

Bayaan kasoo baxay kulankaas deg-degga ah ee Carabta ayaa lagu yiri: “Waan diiddan nahay tallaabo kasta oo ka dhalata aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay siisay waxa loogu yeero ‘Somaliland,’ kaas oo ujeeddadiisu tahay fududeynta qorshayaasha lagu barakicinayo shacabka Falastiin.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in aqoonsigaas sharci-darrada ah uu hiigsanayo in loo gogol-xaaro sidii loo heli lahaa dekedaha waqooyiga Soomaaliya si looga sameysto saldhigyo ciidan.

Waxay ku nuux-nuuxsadeen mawqifka Carabta ee ah in Somaliland tahay “qayb aan la kala goyn karin oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” iyagoo diiday isku day kasta oo lagu aqoonsanayo goosashadeeda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa toddobaadkii hore sheegay in Somaliland ay aqbashay saddex shuruudood oo Israa’iil wadatay, kuwaas oo kala ah: “dejinta Falastiiniyiinta ee dhulka gobolkaas, ka sameysashada saldhig milatari ee Gacanka Cadmeed, iyo ku biirista Heshiiska Abraham si xiriirka Israa’iil loola caadiyeeyo.”

Hase yeeshee, Somaliland ayaa Khamiistii lasoo dhaafay beenisay shuruudda koowaad iyo tan labaad, iyadoo ku adkeysatay in heshiiska u dhexeeya labada dhinac uu yahay “mid diblomaasiyadeed oo kaliya.”

Farmaajo oo caawa war kasoo saaray dadkii lagu dilay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo caawa warsaxaafadeed soo saaray ayaa si kulul uga hadlay howlgal ay maalmaahan ciidanka dowladda ka wadeen xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile, kawaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac, laguna barakicinayo qoysaska halkaasi deggan.

Ugu horreyn Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi, isaga oo ku dhaawaca ah u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Sidoo kae, wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in weli dowladdu ay sii waddo barakicinta shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay in falalkan ay ka hor imaanayaan dastuurka iyo dowladnimada.

“Tacsi tiiraanyo leh ayaan u dirayaa qoysaska ay ka geeriyoodeen muwaadiniinta ay ciidanka dowladdu maanta ku dileen degmada Dayniile, waxaanna Alle uga baryayaa caafimaad degdeg ah shacabka ay waxyeelladu ka soo gaartay falkaas” ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweynihihii hore.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Waa nasiib darro in Ciidanka Dowladda ee loo dhisay difaaca dalka iyo dadka, maanta loo adeegsado laynta iyo dhibaataynta shacab aan waxba galabsan, looga barakiciyo dhulkii ay muddada degenaayeen. Falkaas arxan darrada ah oo si cad uga hor imaanaya dastuurka dalka, xeerka iyo damiirka dowladnimada, ma aha mid la aqbali karo”.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sidoo kale farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ugu baaqay inuu joojiyo beegsiga shacabka, una soo jeesto xaaladaha ka waa wayn ee ka taagan dalka.

“Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu degdeg u joojiyo barakicinta iyo dhibaataynta dadka biri-ma-geydada ah, una soo jeesto arrimaha adag ee horyaalla dowladnimada oo ay ugu horreeyaan adkeynta midnimada iyo difaaca wadajirka dalka, gurmadka dadkeenna la ildaran abaarta dabo-dheeraatay iyo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, taas oo wakhtigeeda la joogo” ayuu mar kale yiri Farmaajo.

Dhinaca kale, Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna si xooggan u cambaareeyay tallaabooyinka ay sii waddo dowladda Soomaaliya ee la xiriira barakicinta dadka shacabka ah ee deggan caasimada, isaga oo sheegay in dareenka xanuunka leh la qaybsanayo shacabka la barackiyay, sidoo kalena uu u tacsiyeynayo qoysaska ay dhibaatada soo gaartay.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si adag u cambaareynayaa dilka, dhaawaca iyo barakicinta sharci-darrada ah ee lagu hayo shacabka ku dhaqan deegaanka Warlaliska ee Degmada Dayniile, kuwaas oo ay saakay si arxan-darro ah ula dhaqmeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed” ayay tiri Himilo Qaran.

Indhowaanahan dowladda dhexe ayaa wadday howlo burburin ah, waxaana lagu kala baxay xaafado dhowr ah oo ku yaallay gudaha caasimada.

Xisbiga Shariif oo ka horyimid tallaabo ay qaaday DF Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si xooggan u cambaareeyay tallaabooyinka ay sii waddo dowladda Soomaaliya ee la xiriira barakicinta dadka shacabka ah ee deggan caasimada.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xisbiga ayaa waxaa si adag looga hadlay howlgal burburin ah oo dowladdu ka waddo xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile, iyada oo Himilo Qaran ay sheegtay in awood loo adeegsanayo dadkaasi

Waxaa kale oo uu Xisbigu sheegay in dareenka xanuunka leh la qaybsanayo shacabka la barackiyay, sidoo kalena uu utacsiyeynayo qoysaska ay dhibaatada soo gaartay.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si adag u cambaareynayaa dilka, dhaawaca iyo barakicinta sharci-darrada ah ee lagu hayo shacabka ku dhaqan deegaanka Warlaliska ee Degmada Dayniile, kuwaas oo ay saakay si arxan-darro ah ula dhaqmeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed” ayaa lagu warka qoraalka ah.

Sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran ayaa weerarkan ku eedeeyay taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo Macallin Mahdi, isaga oo sheegay in wado dhibaatooyin ka dhan ah shacabka ku dhaqan Muqdisho

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si gaar ah mas’uuliyadda falalkan dusha uga saarayaa Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo iyagu caadeystay tacadiyada joogtada ah iyo gabood fallada ka dhanka ah shacabka ku nool caasimadda dalka” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka

Xisbigu wuxuu intaasi ku daray in falalkan lagula xisaabtami doono taliska, isla markaana ay cambaareynayaan sida loo maareeyay dhulka danta guud.

Indhowaanahan dowladda dhexe ayaa wadday howlo burburin ah, waxaana lagu kala baxay xaafado dhowr ah oo ku yaallay gudaha caasimada.

 

 

Cirro oo aqbalay inuu booqdo Israa’iil kadib kulankii maanta + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay wafdi culus oo ka socda Israa’iil, isla markaana uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda eeTel Aviv Gideon Sa’ar, kaas oo maanta ka dagay garoonka Hargeysa oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Labada dhinac ayaa si qote dheer uga wada-hadlay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland iyo in lasii amba qaado heshiiska labada dhinac, si loo dhammeystiro, waxaa kale oo uu Cirro aqbalay inuu booqdo Israa’iil.

Madaxweyne Cirro oo kulanka hadlay ayaa caddeeyey in Somaliland ay diyaar u tahay inay iskaashi buuxda oo dhinacyo badan leh la yeelato Israa’iil, isaga oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin tallaabooyinka illaa iyo hadda la qaaday.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil oo hadal kooban jeediyay ayaa ballan qaaday in qadiyadda aqoonsiga Somaliland ay gayn doonaan fagaareyaasha caalamka, ayna ka go’an tahay horumarinta iskaashiga labada dhinac.

“Aniga oo jooga Hargeysa waxaan si cad u muujiyay in Israa’iil iyada oo kaliya ay go’aamineyso cidda ay aqoonsaneyso iyo cidda ay la yeelaneys xiriir diblumaasiyadeed” ayuu khudbaddiisa ku yiri Wasiir Gideon Sa’ar.

Waxaa kale oo uu wasiirku intaasi ku daray in Ra’iisul wasaare Netanyahu uu casuumaad rasmi ah usoo diray Madaxweynaha Somalilamd, isaguna uu  aqbalay martiqaadka.

Hoos ka akhriso bayaanka Madaxtooyada Somaliland oo dhameystiran:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Qaranka iyo ka Shacabka JSL waxa uu ugu horrayn Dawladda iyo Shacabka reer Israa’iil uga mahad naqay go’aankii Geesinimada lahaa ee aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku tilmaamay mid leh saameyn diblomaasiyadeed, mid dhaqaale iyo mid horumarineed oo si weyn u taabanaysa Jamhuuriyadda Somaliland, Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maanta ay Jamhuuriyadda Somaliland u tahay maalin weyn, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Aqoonsiga Israa’iil uu xoojinayo doorka Jamhuuriyadda Somaliland ee ilaalinta nabadda, xasilloonida, dimuqraadiyadda, xorriyatul-qowlka iyo iskaashiga labada dal, isla markaana uu kor u qaadayo wax-wada qabsiga ku dhisan danaha istiraatijiyadeed ee ay labada dal wadaagayaan.

Madaxweynuhu waxaa kale oo uu sheegay in aqoonsigu uu furayo fursado ballaadhan oo la xidhiidha maalgashiga, ganacsiga, tignoolajiyadda, tamarta, biyaha, macdanta, beeraha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay iskaashi iyo wada shaqayn buuxda oo dhinacyo badan leh ay la yeelato dalka Israa’iil.

Isaguna dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar ayaa caddeeyey in Dawladdiisu ay ku faraxsan tahay Aqoonsiga buuxa ee ay siiyeen Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay diyaar u tahay in ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelato xidhiidh dhow oo dhinacyo badan leh, kaas oo faa’iido iyo waxtarba u leh labada dal iyo labada shacab ee Israel iyo Somaliland.

Sida oo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawladda Israa’iil, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay go’aan ku salaysan xaqa aaya-ka-tashiga ummadda reer Somaliland, danaha amniga iyo xasilloonida xilliga dheer ee Gobolka Geeska Afrika. Wasiirku waxa uu Dawladda Somaliland ku bogaadiyey dimuqraadiyaddeeda shaqaynaysa, nabadda ay ku dhistay amnigeeda gudaha, iyo doorka ay ka qaadato xasiloonida guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil waxa uu si cad u sheegay in ay Dawladdiisu ka go’an tahay in ay bulshada Caalamka ay u  soo bandhigto, isla markaana ay u bayaamiso Sooyaalka Taariikheed iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo muddo badan la iska indho-tirayay. Wasiirku waxa uu xusay in iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil uu tusaale u yahay sida ay Dawlad masuul ahi uga qayb qaadan karto amniga caalamka, horumar waara iyo wada-noolaansho ku dhisan dano wadaag iyo ixtiraam Qaranimo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil waxa uu si cad u sheegay in Dawladda Israa’iil ay Jamhuuriyadda Somaliland hore ula jirtay oo ay aqoonsatay 26.06.1960-kii, imikana ay la jirto oo ay aqoonsatay 26.12.2025, mustaqbalkana ay hiil iyo hooba garab taagan tahay.

Booqashadan oo ahayd mid taariikhi ah, isla markaana ahayd tii ugu horraysay ee uu Wasiir Arrimo dibadeed ku yimaaddo Jamhuuriyadda Somaliland muddo 34 sanno ah, waxa ay xambaarsan tahay miisaan diblomaasiyadeed, macno istiraatijiyadeed iyo nuxur amni oo aad u durugsan, iyada oo ay ku soo beegantay marxalad cusub iyo xidhiidh midho-dhal ah oo u bilaabmay labada dal ee Somaliland iyo Israa’iil.

Booqashadani waxa ay xidhiidh toos ah la leedahay go’aankii Geesinimada lahaa ee ay Dawladda Israa’iil 26.12.2025 si rasmi ah ugu aqoonsatay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil u xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay saaxiib la isku hallayn karo, kuna taallo goob istiraatiji ah oo muhiim u ah mustaqbalka nabadda iyo amniga Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaanba Caalamka.

Xogta xil ka qaadista taliye Muhudiin iyo magacaabista darawalkii Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilka qaadista taliyihii Waaxda Dembi-baarista (CID), Col. Muhudiin Axmed Cismaan, ayaa dhalisay su’aalo culus oo la xiriira jihada ay u socoto horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Go’aankan ayaa u muuqda mid si toos ah u wiiqaya dadaalladii dib-u-habeynta, hufnaanta iyo casriyeynta nidaamka amniga dalka, gaar ahaan dhinaca la-dagaallanka dambiyada iyo musuqmaasuqa.

Col. Muhudiin waxa uu ahaa sarkaal si weyn loogu yaqaanay dadaallada uu ku horumarinayay nidaamka baarista dambiyada, gaar ahaan dhanka forensik-ga. Intii uu xilka hayay, wuxuu tababbaro casri ah u fidiyay saraakiil badan oo ka tirsan CID-da, isaga oo fursado waxbarasho iyo tababbarro uga soo helay dalal ay ka mid yihiin waddamada reer Galbeedka iyo Turkiga. Tallaabooyinkaas ayaa sare u qaaday tayada baarista dambiyada, isla markaana kor u qaaday kalsoonidii dadweynaha ee hay’adaha amniga.

Si kastaba ha ahaatee, xilka qaadistiisa ayaa timid kaddib markii uu hirgeliyay nidaamka E-Payment ee Wasaaradda Maaliyadda, kaas oo lagu xirey bixinta warqadda dembi-la’aanta. Ujeeddada nidaamkan waxay ahayd in la yareeyo musuqmaasuqa baahsan ee ka jiray habka gacanta lagu bixin jiray warqaddaas, isla markaana la hubiyo hufnaan, daahfurnaan iyo isla-xisaabtan.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay si weyn uga careysiisay Taliyaha Ciidanka Booliska, Gen. Asad Diyaano. Sida wararku tilmaamayaan, Waaxda Dembi-baarista (CID) ayaa ahayd meel dhaqaale si aan sharci ahayn looga heli jiray, balse markii nidaamka E-Payment la hirgeliyay ay istaagtay ilihii dakhligaas. Tani waxay muujinaysaa in xil ka qaadista Taliye Muhudiin aysan ku salaysnayn waxqabad liita, balse ay tahay ciqaab ka dhalatay la-dagaallankiisa musuqmaasuqa.

Waxaa sidoo kale muran weyn dhaliyay magacaabista Ibraahim Dhaayow, oo xilka loo dhiibay, kaas oo hore u ahaa darawalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magacaabistiisa ayaa si weyn su’aal uga taagan tahay, maadaama uusan lahayn khibrad boolis oo la jaanqaadi karta mas’uuliyadda culus ee hoggaaminta Waaxda CID-da. Tani waxay dhaawacaysaa nidaamka merit-ka iyo xirfadda ee lagu dhisayo hay’adaha amniga.

Guud ahaan, arrintani waxay iftiiminaysaa habacsanaan ku timid horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo saraakiil waxqabad leh oo isbeddel horseedaya laga hor istaagayo shaqadooda, lana beddelayo shaqsiyaad aan lahayn khibrad ku filan.

Haddii aan wax laga beddelin habkan, waxaa halis ku jirta in dadaalladii dib-u-dhiska iyo casriyeynta booliska ay dib u dhac weyn la kulmaan, taas oo si toos ah u saameyn doonta amniga iyo kalsoonida shacabka.

DF oo war culus soo saartay kadib tallaabadii ay maanta qaaday Israa’iil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan deg-deg ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay tallaabadii ay maanta qaaday Israa’iil oo wafdi culus oo uu hoggaaminayo wasiirkeeda arrimaha dibadda u dirtay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in socdaalkan uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana uga sii daraya xiisadda ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay si cad uga soo horjeedo xadgubyada isdaba joogga ah ee Tel Avib kula kaceyso madaxbanaaneeda, ayna si adag u cambaareyneyso socdaalka wasiirkeeda arrimaha dibadda ee tegay Hargeysa.

“Waxaan sida ugu adag u cambaareyneynaa duulaanka socdaalka sharci darrada ah ee wasiirka arimaha dibadda ee Israa’iil ku tagay Hargeysa” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay dowladda Soomaaliya sheegtay in tallaabada wasiirku ay “xadgudub ku tahay madaxbanaanida dhuleed iyo midnimada siyaasadeed ee Soomaaliya” ayna tahay wax aan la aqbali karin.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in tallaabadaani ay ka dhigan tahay faragalin lagu sameyay arrimaha gudaha ee daln xubin ka ah Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar iyo wafdiiisa ayaa goor sii horreysay oo maanta ah ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, iyadoo loo sii galbiyay Madaxtooyada Somaliland, halkaas oo loogu sameeyay soo dhoweyn heer sare ah.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in wasiirku uu tegi doono gudaha magaalo xeebeedka Berbera, halkaasi oo saldhig milatari laga siinayo Israa’iil, waxaana booqashadaas ku wehlin doono Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro , iyada oo ujeedadu tahay in la dhammeystiro wejiga koowaad ee heshiiska Israa’iil ay dhawaan la gaartay Somaliland.

Si kastaba, Israa’iil ayaa 26-kii December ee sanadkii hore, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Turkiga oo saraakiil sar sare usoo diray Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi saraakiil ah oo ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana si weyno loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Waxaa wafdigan culus oo hoggaaminayo taliyaha ciidanka gaarka ah ee Turkiga, Ünsal Hayal, iyadoo sidoo kale ay qayb ka yihiin taliyaha arrimaha dibadda, Gökhan Demirtola iyo taliye Ku-xigeenka arrimaha dibadda, Turgay Olgun.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa durbadii qaabilay wafdiga, waxayna wada-hadallo kooban ku yeesheen qaybta VIP-da ee garoonka magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka saraakiisha ka socda Turkiga ayaa la xiriira xoojinta iskaashiga amniga, kor u qaadista xiriirka labada dal iyo wada-shaqeynta dhanka Boolis, iyaga oo la wadaagi doono khibradahooda.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah ay la yeeshaan masuuliyiinta sar sare ee dowladda iyo saraakiisha ciidanka, si sare loogu qaado iskaashiga labada dhinac.

Imaashaha wafdigan culus ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay xadgudubkii ay Israa’iil u gaysatay madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib aqoonsigii ay dhawaan siisay maamulka Somaliland, kaas oo si weyn looga muujiyay diidmo xooggan.

Turkiga oo ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya ayaa kamid ahaa dalalkii garab istaagga u muujiyay Soomaaliya, wuxuuna ballan qaaday difaaca dalka, maadaama uu kula jiro heshiis milatari oo wayn.

Waxaa sidoo kale arrintan ay imaaneysaa, iyada oo dhawaan Muqdisho iyo Istanbul ay ku dhawaaqeen in la guda geli doono sanadkan cusub shidaal qodisto, si looga faa’iideysto khayraadka dhex-ceegaaga biyaha Soomaaliya.

Soomaaliya oo dalab culus u gudbisay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee M/Afrika

0

Addis Ababa (Caasimada Online) — Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa maanta kulan deg-deg ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, kaddib go’aankii Israa’iil ay ugu aqoonsatay gobolka Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulanka khadka internetka uga qayb-galay, waxaana kulankaan oo ahaa kii 1324-aad ee golaha guddoomiyay wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Intiisa badan waa kulankan diiradda lagu saaray arrimaha saameynaya midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, maadaama ay weli Israa’iil kusoo socoto tallaabooyin khaldan oo saameynaya Soomaaliya.

Wasiir Cabdisalaan ayaa madasha sheegay in Soomaaliya ay diidan tahay wax ay ku tilmaamtay tallaabo hal dhinac ah oo Israa’iil ku dooneyso in ay ku aqoonsatay gobolka waqooyiga Soomaaliya, isaga oo mar kale ku celiyay markale in Soomaaliya ay tahay hal dal oo aan lakala qeybin karin iyadoo Somaliland ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu ka digay in tallaabooyinka xaqiraya madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasiloonida geeska Afrika iyo Badda Cas. Wuxuuna ka dalbaday xubnaha Midowga Afrika in ay xaqiijiyaan midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Shirka waxaa sidoo kale ka hadlay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD, kuwaas oo dhammaantood ku baaqay in la dhowro nabadda iyo wadajirka gobolka, lagana fogaado tallaabo kasta oo wax u dhimaysa xasiloonida Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda diblomaasiyadeed ay cirka isku shareertay, maalmo uun ka hor kadib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday inay aqoonsi buuxa siisay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Horay qaar kamid ah waddamada gobolka oo shirkan qayb ka ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, waxaase weli jira dalal kale oo weli aamusan, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa dariska ah.

Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli Israa’iil ay sii waddo xagdubka ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana maanta ay wafdi uu hoggaaminayo wasiirkeeda arrimaha dibadda u dirtay Somaliland.

Wafdi sare oo ka socda Israel oo gaaray Hargeysa iyo heshiiska S/LAND oo la fulinayo

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, iyadoo loo sii galbiyay Madaxtooyada Somaliland. Wafdigan ayaa loo sameeyay soo dhoweyn heer sare ah.

Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil iyo wafdiga uu horkacayo ay safar qarsoodi ah ku tegayaan magaalada Berbera, halkaasi oo saldhig milatari laga siinayo Israa’iil.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna tegaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, si loo dhameystiro wejiga koowaad ee heshiiska Israa’iil ay dhawaan la gaartay Somaliland.

Socdaalkan ayaa waxaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku wehliya xubno ka tirsan golahiisa wasiirrada iyo saraakiil ciidan.

Wasiirka Arrimaha Dibada Israa’iil iyo Madaxweyne Cirro ayaa halkaas ku kulmaya. Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Cirro waxa loogu yeeray aqoonsiga uu ku badashay saldhiga sirdoonka Israa’iil, soo rarista Falastiiniyiinta iyo heshiiska Abraham Accord.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

DF oo war ka soo saartay howlgal culus oo ka dhacay Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howlgal culus oo ka dhacay deegaanka Ceel Cilaan, kaas oo qiyaastii 30KM dhanka Bari kaga beegan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in howl-galkaas lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dhibato joogto ah ku hayay shacabka deegaanka.

Intii uu howl-galka socday waxaa lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan kooxda, halka sidoo kale gebi ahaanba la burburiyay fariisimihii ay halkaas ku lahaayeen.

Howl-galka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan amniga, kuna ciribtirayaan khatarta argagixisada, si loo badbaadiyo nolosha iyo hantida shacabka.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijiyeen in howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta guud ahaan dalka.

Qeybo kamid ah dalka ayaa waxaa ka socda howl-gallo culus oo Dowladda Federaalka sheegtay in jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana guulo waaweyn laga gaaray howl-galadii ugu dambeeyay ee dhacay.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dileen Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeeda, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxayna illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah.