25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Fahad oo sanado kadib maanta ku soo laabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Fahad ayaa muddo ku dhow afar sano ka maqnaa dalka, waxaana imaanshihiisu ku soo beegmayaa xilli ay bilo kooban ka harsan yihiin muddada xil-haynta Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Fahad Yaasiin ayaa ka qeyb-galaya shirweynaha Xisbiga Haybad Qaran, oo dhawaan ay ku midoobeen siyaasiyiin miisaan culus leh, kuwaas oo dhisaya Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Shirkan ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb-galayaan madax hore iyo siyaasiyiin badan oo dhawaan ku midoobay xisbigan cusub.

Fahad ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhinacyada saameynta ku leh siyaasadda waddanka.

Hoggaamiyeyaasha ku midoobay xisbigan cusub waxaa ka mid ah shakhsiyaad saameyn weyn ku leh siyaasadda dalka, oo ay kamid yihiin:

  • Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed
  • Mudane Cabdirasaaq Khaliif Axmed
  • Mudane Cabdi Aadan Hoosoow
  • Mudane Dr. Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale)
  • Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre
  • Mudane Ducaale Aadan Maxamed
  • Mudane Faarax Cali Shiire
  • Mudane Taabid Cabdi Maxamed
  • Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Isbahaysigan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho loolanka siyaasadeed iyo doorashooyinka soo aaddan ee dalka, marka la eego miisaanka xubnaha ku jira ee ku midoobay.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa durba sheegaya in rajada Saacid ee ah inuu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay sare u kacday, marka la eego isbahaysiga siyaasadeed ee uu qeybta ka yahay.

Saacid, oo ah siyaasi rug-caddaa ah, deggan, isla markaana leh heer aaminaad sare, ayay dad badan u arkaan inuu noqon karo qofka ka soo dhex baxa loolanka siyaasadeed ee buuqa badan ee Soomaaliya, isla markaana ah mid ay dhinacyo badan ku qanci karaan.

Jubaland: Arrin noo taalla ma aha aqoonsiga Somaliland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in arrinta aqoonsiga Somaliland aysan aheyn mid u taalla, isla markaana ay tahay howl Dowladda Federaalka u taalla oo ay ka tirsan tahay Jubbaland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa caddeeyay in Jubbaland ay tahay dowlad-goboleed ka tirsan Dowladda Federaalka, sidaas darteedna aysan lahayn mas’uuliyadda ka hadalka arrimaha qaran, gaar ahaan siyaasadda dibadda, amniga qaranka iyo midnimada dalka.

“Jubbaland waa dowlad-goboleed ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, mana laha ma’suuliyadda ka hadalka arrimaha qaran. Waxaa si sharci ah u maamusha Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamuud Sayid.

Sidoo kale, wuxuu xusay in aysan sax ahayn in maamul-goboleedyo gaar gaar ah ay mowqif ka qaataan arrimo qaran, maadaama ay arrintaasi, sida uu sheegay, wax u dhimi karto nidaamka dowladnimo iyo kala dambeynta dastuuriga ah ee dalka.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa intaas ku daray in Jubbaland ay ixtiraamayso kaalinta dowladda dhexe, isla markaana ay ka go’an tahay dhowrista iyo ilaalinta dastuurka dalka.

Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay horey u muujisay mowqifkeeda ku aaddan tallaabada ay Israa’iil qaadday, isla markaana Jubbaland ay ku qanacsan tahay go’aanka iyo hadalka rasmiga ah ee kasoo baxay dowladda dhexe.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli maamullada Jubbaland iyo Puntland lagu eedeeyay inay ka aamuseen arrin lagu tilmaamay mid masiiri ah oo saameyn ku leh midnimada Soomaaliya.

Labada maamul ayaa lagu dhaliilay in aamusnaantooda loo fasirtay taageero loo muujinayo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taas oo haatan ay Jubbaland si adag iskaga fogeysay.

Sawirro: Saciid Deni oo la kulmay guddiga mucaaradka kadib tallaabadii Xasan Sheekh

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabullaahi Deni ayaa xalay la kulmay guddiga farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo maalmahan shirar ku lahaa magaalada Garowe.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalku marayo iyo howlaha hortabinta u leh Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Guddiga farsamada Golaha Mustaqbalka waxay ka kooban yihiin lix xubnood oo kala ah, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad, Caarshe Maxamed Siciid, xildhibaan Cabdirashiid Jire, Saahid Qodhob, Cabdilaahi Xaaji Abuukar iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), kuwaas oo Garowe u jooga dejinta istaraatiijiyadda iyo qorshayaasha ay goluhu ku wajahayaan xilliga kala-guurka.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ee Muqdisho ay shir ku yeeshaan magaalada Garowe, kaas oo ay ugu arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa shirkoodii magaalada Kismaayo ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loo gaaro heshiiyo doorasho, balse ma muutaqo isu soo dhawaansho u dhexeeya labada dhinac, inkastoo madaxweyne Xasan Sheekh aqbalay wadahadal.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya waxay hore u sheegeen in aysan aqbalayn muddo kororsi ay sameystaan goleyaasha dowladda federaalka ah, iyaga oo xusay haddii taas la isku dayo in ay bilaabayaan sidii loo qaban lahaa doorasho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa habeen hore kulan la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay in kulanka “looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen tabashooyin shaqsi ah” isla markaana “arrimahaasi laga heshiiyey.”

Sida lagu sheegay bayaanka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku muujiyey rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wada-tashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradka hore ugu baaqeen.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulanka ku muujiyey rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wada-tashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradku horay ugu baaqeen, isaga oo ka dalbaday madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu door muuqda ka qaato sidii shirkaasi u noqon lahaa mid guul ku dhammaada oo lagu gaaro heshiis qaran,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in uu adkeeyey in uu diyaar u yahay ka qayb-qaadashada dadaal kasta oo horseedi kara in Soomaali isku timaaddo, lana xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Bayaanka ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay “midnimo, isku-tanaasul iyo wada-hadal dhab ah.”

Sida aan xog ku helnay, Xasan Sheekh ayaa doonaya in cadaadiska uga imaanaya mucaaradka uu hoos u dhigo, isla markaana uu ku qanciyo in wax walba ay ka horreeyaan difaaca midnimada, kadib xad-gudubka Israa’iil oo iyadu dhawaan sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.

Erdogan oo bin Zayed kala hadlay arirnta Soomaaliya xlli lagu tuhmayo Imaaraadka…

Istanbul (Caasimada Online) — Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii u sheegay Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, in Turkigu uu taageersan yahay “midnimada iyo wadajirka dhuleed” ee Soomaaliya, sida ay shaacisay Madaxtooyada Turkiga.

Warbixinta Turkiga ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xiriirka laba-geesoodka ah iyo arrimaha guud ee gobolka.

Erdogan ayaa sidoo kale ku celiyay taageerada Turkiga ee midnimada Yemen, isagoo dhanka kalena soo hadal qaaday xaaladda Gaza, kuna baaqay tallaabooyin degdeg ah oo dib-u-dhis loogu sameynayo iyo in la soo afjaro dhibaatada bani’aadannimo.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa kusoo beegmaya maalmo uun kadib markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada gobolka Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan. Go’aankaas ayaa sii huriyay xiisadaha diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika, wuxuuna dhaliyay doodo ka dhex aloosma Qaramada Midoobay.

Israa’iil ayaa aqoonsiga ku shaacisay bayaan wadajir ah oo ay la saxiixatay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), iyadoo sheegtay inay iskaashi ka sameyn doonaan dhinacyada caafimaadka, beeraha, teknoolajiyadda iyo dhaqaalaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabadaas ku tilmaamtay mid sharci-darro ah, waxayna sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ah si ay u difaacdo madax-bannaanideeda iyo xuduudaheeda caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.

Turkiga ayaa isku taagay inuu yahay mid ka mid ah saaxiibada ugu dhow ee Muqdisho iyo difaaca ugu weyn ee midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Todobaadkii hore, Erdogan ayaa go’aanka Israa’iil ee Somaliland ku tilmaamay “sharci-darro aan la aqbali karin” xilli uu shir jaraa’id la qabanayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Taageerada Ankara ayaa barbar socota raad istiraatiijiyadeed iyo mid dhaqaale oo sii kordhaya. Turkiga ayaa sannadkii 2017-kii magaalada Muqdisho ka furay saldhigga tababarka milateri ee ugu weyn ee uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa, wuxuuna sanadihii dambe ballaariyay iskaashiga difaaca, oo ay ku jiraan heshiisyo lagu taageerayo amniga badaha.

Tamarta ayaa sidoo kale udub-dhexaad u noqotay xiriirka labada dal. Todobaadkii hore, Turkiga ayaa ku dhawaaqay qorshe uu bisha Febraayo ku bilaabayo hawlgalkiisii ugu horreeyay ee shidaal qodis badda ah oo uu ka sameeyo biyaha Soomaaliya, taas oo daba socota heshiiskii iskaashiga tamarta ee 2024-kii.

Dhinaca kale, Imaaraadka Carabta ayaa xiriir ganacsi iyo mid amni oo xooggan la leh Somaliland, gaar ahaan maalgashiga muddada dheer ee shirkadda DP World ee dekedda Berbera.

Warbixin dhawaan ay daabacday wakaaladda Reuters ayaa lagu sheegay in xiriirka Imaaraadka iyo Somaliland uu wajahayo shaki horeleh kadib aqoonsiga Israa’iil. Reuters oo soo xiganeysa warbixin ay qortay Axios ayaa sheegtay in saraakiil Israa’iiliyiin ah ay xaqiijiyeen in Abu Dhabi ay gacan ka geysatay fududeynta tallaabadan diblomaasiyadeed. 

Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadku weli si rasmi ah uma xaqiijin wax door ah oo uu ku lahaa go’aanka Israa’iil.

Somaliland oo qaaday tallaabo ka dhan ah Jabuuti kadib go’aankii Geelle

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa diyaaradda dalka Jabuuti ee Air Djibouti ka joojisay inay ka howl-gasho deegaanadeeda, kadib markii uu xumaaday xiriirka labada dhinac.

Diyaaraddan ayaa afar maalmood toddobaadkii duulimaadyo ka samayn jirtay garoomada diyaaradaha ee Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa.

Arrintan ayaa imanaysa xilli ay dhawaan Somaliland u yeeratay wakiilkii u joogay Jabuuti, isla markaana Dowladda Jabuuti ay xirtay xafiiskii Somaliland uga furnaa dalkeeda.

Xafiiskan oo furnaa tan iyo sannadkii 2012-kii ayaa haatan dowladda Jabuuti waxay sheegtay in albaabada la’isugu laabay sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, kaas oo ay horay u diiday.

Jabuuti ayaa sidoo kale sheegtay in aqoonsigaas uu ka hor imaanayo xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana ay kasoo horjeedo.

Jabuuti ayaa kamid ah dowladaha dariska ay ee sida uga horyimid go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, waxayna garab istaagtay Soomaaliya, waxayna iyada oo dhex-joogta Golaha Ammaanka ay si adag u difaacday madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan yeeshay kulan ay uga wada-hadleen wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Labada Madaxwene ayaa si wadajir ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay mowqifka dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya.

Maduro oo maxkamad lagu soo taagay magaalada New York – Kadib maxaa dhacay?

New York (Caasimada Online) –  Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Venezuela, Nicolas Maduro, ayaa Isniintii maxkamad horteeda ka sheegay inuusan wax dambi ah lahayn oo la xiriira ka ganacsiga daroogada, kadib markii madaxweyne Donald Trump uu amray hawlgal layaab leh oo lagu soo qabtay, kaas oo gilgilay hoggaamiyeyaasha caalamka, isla markaana saraakiisha magaalada Caracas ku riday jahwareer iyo kala daadsanaan.

“Anigu ma ahi dambiile. Waxba ma galabsan. Waxaan ahay nin sharaf leh. Wali waxaan ahay madaxweynaha dalkayga,” ayuu yiri Maduro, oo 63 jir ah, isagoo hadalkiisa sii marinaya turjumaan, ka hor inta uusan hadalka ka jarin Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Manhattan, Alvin Hellerstein.

Xaaska Maduro, Cilia Flores, ayaa iyaduna dhankeeda iska fogeysay dambiyada lagu soo oogay. Maxkamadda ayaa ballanta xigta u qabatay 17-ka bisha Maarso. Dibadda maxkamadda, waxaa isugu soo baxay tobanaan dadweyne ah oo isugu jira kuwo taageersan Maduro iyo kuwo kasoo horjeeda, ka hor inta uusan bilaaban dhageysigii socday nus-saaca.

Saacado kadib, magaalada Caracas, madaxweyne ku xigeenkii Maduro, Delcy Rodriguez, ayaa loo dhaariyay xilka sii-hayaha madaxweynaha Venezuela. Waxay muujisay inay garab taagan tahay Maduro, balse ma aysan bixin wax calaamad ah oo muujinaya inay la dagaallamayso tallaabada Mareykanka.

“Waxaan halkan imid iyadoo xanuun weyn uu qalbigayga ku jiro, kaas oo ka dhashay afduubka loo geystay laba halyeey oo hadda la haysto,” ayay tiri Rodriguez, iyadoo wacad ku martay inay dalka horay u sii wadi doonto xilligan lagu jiro “waqtiyadaas aadka u adag.”

Eedeymaha ka ganacsiga daroogada

Maduro waxaa lagu eedeeyay inuu hoggaaminayay shabakad ka ganacsata daroogada nooca Cocaine-ta, taas oo gacan-saar la lahayd kooxo rabshado wada oo ay ka mid yihiin maafiyada Mexico ee Sinaloa iyo Zetas, jabhadda FARC ee Colombia, iyo burcadda Tren de Aragua ee Venezuela.

Wuxuu wajahayaa afar dacwad dambiyeed: Argagixisonimo la xiriirta daroogada, shirqool lagu soo dhoofinayo daroogo, iyo haysashada qoryaha darandooriga u dhaca iyo aaladaha wax gumaada.

Maduro ayaa in muddo ah beeninayay eedeymahan, isagoo ku tilmaamay inay yihiin maqaar-saar lagu qarinayo damaca gumeysi ee Mareykanku ka leeyahay kheyraadka shidaalka ee Venezuela.

Trump marnaba ma uusan qarin rabitaankiisa ku aaddan inuu qeyb ka helo hodantinimada shidaalka ee Venezuela. Saamiyada shirkadaha shidaalka ee Mareykanka ayaa sare u kacay Isniintii, iyadoo ay sare u qaadday rajada laga qabo in la helo keydkaas shidaal ee baaxadda leh.

Halka hoggaamiyeyaasha caalamka iyo siyaasiyiinta Mareykanka ay la yaaban yihiin dhacdadan aan caadiga ahayn ee lagu soo qabtay madaxweyne qaran, amar degdeg ah oo Isniintii lagu daabacay Venezuela ayaa faraya booliiska inay baaraan oo soo qabtaan cid kasta oo taageertay weerarkii Sabtidii ee Mareykanka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka dooday cawaaqibka ka dhalan kara weerarkan, kaas oo ay cambaareeyeen dalalka Ruushka, Shiinaha, iyo xulafada garabka bidix ee Venezuela.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa walaac ka muujiyay xasillooni-darrada Venezuela iyo sharciyadda weerarka Trump, kaas oo ah faragelintii ugu cuslayd ee Mareykanku ku sameeyo Laatiin Ameerika tan iyo duullaankii Panama ee 1989-kii.

Ciidamada Gaarka ah ee Mareykanka ayaa Sabtidii diyaaradaha qumaatiga u kaca (helicopters) ku galay Caracas, iyagoo burburiyay xayndaabkii amniga ee Maduro, kadibna kasoo jiiday qolkiisii gabbaadka ahaa.

Maxkamadeynta Maduro iyo xaaskiisa

Subaxnimadii Isniinta, Maduro—oo gacmaha ka xiran—iyo xaaskiisa ayaa waxaa xabsiga Brooklyn kasoo kaxeeyay ilaalada sida gaarka ah u tababaran, iyagoo saaray diyaarad helicopter ah oo u wadday maxkamadda federaalka ee Manhattan.

Garsooraha ayaa dhageysiga bilaabay 12:02 duhurnimo. Isagoo lugaha ka katiinadaysan, xiranna dharka maxaabiista oo isugu jira oranji iyo bune, ayuu Maduro dhageysanayay eedeymaha iyadoo loo turjumayo.

Garsoore Hellerstein ayaa Maduro ka codsaday inuu istaago oo xaqiijiyo aqoonsigiisa. Maduro wuxuu ku jawaabay luuqadda Isbaanishka. Garsooraha ayaa lamaanaha u sheegay inay xaq u leeyihiin inay qunsuliyadda Venezuela ku wargeliyaan xarigooda.

Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa sheegay in Maduro uu ku lug lahaa ka ganacsiga daroogada tan iyo markii uu xubin ka noqday Baarlamaanka Venezuela sanadkii 2000, intii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyo doorashadiisii 2013-kii markii uu baddalay madaxweynihii geeriyooday ee Hugo Chavez.

Dagaal sharci iyo ‘afduub militari’

Qareenka Maduro, Barry Pollack, ayaa sheegay inuu filayo dacwad dheer oo qallafsan oo ku saabsan waxa uu ugu yeeray “afduub milatari” oo loo geystay macmiilkiisa. Wuxuu sheegay in Maduro uusan hadda codsaneyn in damiin lagu sii daayo, balse laga yaabo inuu gadaal ka codsado.

Qareenka Flores, Mark Donnelly, ayaa sheegay in haweeneydaas ay soo gaareen dhaawacyo culus, oo ay ku jirto nabarro waaweyn oo feeraha ah, wuxuuna codsaday in loo sameeyo raajo iyo baaritaan caafimaad.

Xeer-ilaaliyeyaasha federaalka ee New York ayaa markii ugu horreysay dacwad kusoo oogay Maduro sanadkii 2020, taas oo qeyb ka ahayd kiis ballaaran oo ka dhan ah saraakiil reer Venezuela ah iyo jabhado reer Colombia ah. Warqad dacwadeed cusub oo Sabtidii la shaaciyay ayaa lagu daray faahfaahino horleh iyo eedeysanayaal cusub, oo ay ku jirto Cilia Flores.

Mareykanka ayaa Maduro u arkayay kali-taliye aan sharci ahayn tan iyo markii uu ku dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii 2018, taas oo hareeyeen eedeymo la xiriira musuq-maasuq baahsan.

Khubarada sharciga caalamiga ah ayaa su’aal galiyay sharciyadda weerarkan, iyadoo qaarkood ay tallaabada Trump ku tilmaameen mid meel-ka-dhac ku ah nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan sharciga.

Soomaaliya iyo dalalka Afrika ku metala Golaha Ammaanka oo walaac ka muujiyay…

0

New York (Caasimada Online) – Soomaaliya oo ka mid ah dalalka A+ ee Afrika ku matala Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan dalka Venezuela, kaddib markii la xiray madaxweynihii dalkaas iyo xaaskiisa, kuwaas oo hadda ku xiran dalka Mareykanka.

Dalalka A+ oo ay xubno ka yihiin Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo iyo Liberia ayaa muujiyey walaac ku aaddan waxa ka socda Venezuela, iyaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dhowro shuruucda caalamiga ah ee qeexaya madax-bannaanida dalalka.

Danjiraha Liberia ee Golaha Ammaanka, oo ku hadlayay magaca dalalka A+ ee ay Soomaaliya iyo Koongo ka midka yihiin ayaa dhinacyada ku boorriyey in ay doortaan wada-hadal, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta gacan ka hadal.

“Arrinta ugu muhiimsan waa in si buuxda loo ixtiraamaa madaxbannaanida dalalka iyo faragelin la’aanta arrimahooda gudaha, si loo ilaaliyo nidaamka iyo sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri Danjiraha Liberia.

Dalalka A+ ayaa sidoo kale ugu baaqay in la ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed iyo badbaadada shacabka Venezuela, iyaga oo dhiirrigeliyey in xal dhexdhexaadin ah laga gaaro khilaafka u dhexeeya Mareykanka iyo dowladda Venezuela.

Madaxweynihii la xiray ee Nicolás Maduro iyo xaaskiisa ayaa kasoo hor muuqday maxkamadda New York, halkaas oo ay wajahayaan dacwado la xiriira ka ganacsiga daroogada iyo wiiqidda nidaamka dimuqraadiyadeed.

Maduro oo Mareykanka kusoo qabtay weerar ay ciidamadiisa gaarka ah ka fuliyeen gudaha Venezuela ayaa maxkamada New York u sheegay inuu weli yahay hogaamiyaha Venezuela.

“Ma ihi wax dambi ah. Ma ihi dambiile. Waxaan ahay nin hufan, madaxweyne ka ah dalkayga,” ayuu ku yiri Maduro.

The unprecedented ‘kidnapping’ of Nicolas Maduro

The kidnapping of Venezuelan President Nicolas Maduro, unprecedented in the world annals for both its method and execution, constitutes not only a military intervention in a sovereign and independent country in violation of the principles of international law, but also a clear warning to the entire planet. It warns every insubordinate leader of any country.

Already on January 3, 2026, during a press conference on the military operation and the arrest of Maduro, US President Donald Trump issued threats against Colombian President Gustavo Petro, stating: “He would do well to be careful.”

At the same time, the US president hinted that Cuba could become a topic of discussion within the context of broader US policy in the region, underscoring Washington’s ability to expand its focus beyond Venezuela.

US Secretary of State Marco Rubio went further, saying the Cuban government should worry after Maduro’s arrest. Specifically, he said: “If I lived in Havana and was a member of the government, at least I would be worried,” adding that “Cuba is a disaster” and that “incompetent and depraved men” run the country.

A history of interventions

The history of the United States also shows extensive imperialist interventions, both territorial and interventionist, in other countries. Specifically, the United States has carried out approximately 400 interventions since 1776, when the Second Continental Congress adopted the Declaration of Independence on July 4, declaring the independence of the 13 American Colonies from the British Empire, an event that marked the official founding of the United States of America.

Who can forget that from April 15 to 19, 1961, 1,400 anti-Fidel Castro fighters, trained and financed by the CIA, attempted to land at the Bay of Pigs, 250 kilometers from Havana, but failed to overthrow the Cuban communist regime. These battles resulted in the deaths of about a hundred people on each side.

“With Salvador Allende winning the elections of September 4, 1970, in Chile and already Fidel Castro in Cuba, we will have a Red sandwich in Latin America that will inevitably become all Red,” Richard Nixon feared, and his fear soon found confirmation in the direction of events.

So, in the face of this unpleasant reality for the United States, Washington sought a solution. And the solution came on the morning of September 11, 1973, when a military coup took place under the head of the army, General Augusto Pinochet, with the support of the United States, but also of Brazil, whose military regime stood fully friendly and cooperative with the United States. The coup plotters first surrounded and bombed the Presidential Palace, then stormed it. Salvador Allende and his close associates were killed after fierce resistance.

The Noriega precedent

The United States also invaded Panama in mid-December 1989 during the presidency of George H. W. Bush. The military invasion aimed to oust Panama’s de facto leader, General Manuel Noriega, whom American authorities accused of extortion and drug trafficking.

So, if one looks for a historical parallel in which the US arrested a de facto leader of a country and transferred him to the US for trial, the Noriega case stands as the most characteristic. And it happened after a regular military invasion, that is, in the context of a coordinated armed intervention, and certainly not under “normal” peace.

Noriega managed to escape and took refuge in the Vatican embassy in Panama City, the country’s capital, where he remained for 11 days. There, the US subjected him to relentless psychological warfare to force his surrender. The US military set up a horrible, deafening wall of sound outside the embassy. A fleet of Humvees with loudspeakers constantly played hard rock and, occasionally, heavy metal. For example, troops played “Panama” by the heavy metal singers Van Halen.

The Holy See rightly complained to President Bush, and the US ended the musical war after three days. By January 3, 1990, the general had agreed to surrender.

Why Venezuela matters

But what are the deeper reasons for the US military invasion of Venezuela and the pursuit of overthrowing the insubordinate existing regime?

Venezuela has the largest proven oil reserves in the world, amounting to approximately 303.8 billion barrels as of 2021. For comparison, leading oil-producing countries hold smaller reserves. Specifically, Saudi Arabia has approximately 267 billion barrels, and Kuwait has 101.5 billion barrels.

At the same time, the country held proven natural gas reserves of more than 5.6 trillion cubic meters in 2021. In the Western Hemisphere, only the United States held more.

Also, Venezuela holds an estimated 4.5 billion tons of total iron ore reserves. Here, it should be emphasized that the country ranks second in the region after Brazil. Venezuela finally has some of the world’s largest bauxite reserves, a mineral used to produce aluminum. The country’s total bauxite reserves amount to 950 million tons.

It is, therefore, clear to any objective observer that the US covets Venezuela’s wealth-producing resources—resources it cannot control under the existing regime. That regime acts as a political and military partner and ally of Moscow, Beijing, and Tehran, and it also supplies oil to China, whose control is drying up the flow.

The solution, therefore, for the US to secure primacy in the relentless international competition, is the overthrow of the existing Venezuelan regime and the emergence of a president and a government that are absolutely friendly and serviceable. The rest, that is, whether such a thing is legal and democratic, does not concern them at all.

Final thought

In closing, I would like to emphasize that the leaders of any country are overthrown only by their people, that is, by popular uprisings and revolutions, as has happened in various countries in the past. Foreign military intervention does not overthrow them. Therefore, the US military invasion of Venezuela and the kidnapping of its president, Nicolas Maduro, are absolutely condemnable for any democratic and free-thinking citizen of the world.

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the official policy or position of Somalia Today.

Maxaa ka soo baxay kulanka Golaha Wasiiradda ee uu guddoomiyay Xasan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyay xaaladda guud ee dalka, si gaar ahna diiradda loo saaray xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo arrimaha la xiriira xiriirka caalamiga ah.

Intii uu socday kulanka, waxaa la horgeeyay warbixinno ku saabsan dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo caalamka, kuwaas oo lagu diidan yahay sheegashada Israa’iil ee ah inay aqoonsi siisay Somaliland.

Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirrada ku boorriyay in ay ka feejignaadaan hadal ama tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo wadajirkooda.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdinaasir Sheekh Bashiir Saxansaxo ayaa sheegay in Madaxweynaha uu Golaha Wasiirrada la wadaagay faahfaahin ku saabsan tallaabooyinkii diblomaasiyadeed ee lagu hor istaagay sheegashada Israa’iil, taas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya si cad u diidday.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa kulanka ku meel mariyay heshiisyo muhiim ah oo la xiriira horumarinta kaabeyaasha gaadiidka badda iyo tayaynta xirfadaha badmaaxiinta.

Golaha Wasiirrada ayaa carrabka ku adkeeyay in ansixinta heshiisyadan ay wax weyn ka tari doonto kobaca dhaqaalaha badda, sare u qaadidda tayada shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya badda, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis cusub iyo Jaamac oo war ka soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay heshiis cusub oo lala soo galay Sacuudi Carabiya.

Heshiiskan ayaa ah mid iskaashi oo u dhexeeya hay’adda guud ee gaadiidka Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiiddka Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyay xeerka dhismaha machadka Soomaaliyeed ee badaha iyo axdiga caalamiga ah ee halbeegyada tababarka, sgahaado siinta iyo ilaalinta badmaaxiinta,1978,

Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga mahad-celiyay meel-marintan.

Wasiirka ayaa tilmaamay heshiiskan, xeerkan iyo axdigan ay muhiim u yihiin xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee gaadiidka badda, dhismaha iyo tayeynta hay’ad qaran oo soo saarta xirfadlayaal badeed oo tayo leh, iyo hubinta in badmaaxiinta Soomaaliyeed ay helaan tababar, shahaado iyo badbaado la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah.

Dadaalladan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda iyo siyaasadda guud ee xukuumadda Dan-Qaran.

Tan ayaa taageeraysa hirgelinta qorshaha isbeddelka qaranka (NTP), horumarinta danaha qaranka, kobcinta dhaqaalaha buluugga ah, iyo sare u qaadista kaalinta Soomaaliya ee ganacsiga iyo gaadiidka badda.

Shiinaha oo wafdi sare usoo diraya Soomaaliya kadib tallaabadii Israa’iil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Shiinaha, Wang Yi oo hoggaaminaya wafdi heer sare ah ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wafdigan ka socda Shiinaha ayaa kulamo la yeelan doona madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo noqonaya wafdigii ugu horreeyay ee caalami ah oo booqda Muqdisho kadib markii Israa’iil ay sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.

Sidoo kale, Wang Yi ayaa noqonaya mas’uulkii ugu sarreeyay ee ka socda dal leh codka qayaxan ee yimaada Muqdisho tan iyo xilligii dowladdii kacaanka.

Dhinaca kale, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay muujisay kalsooni buuxda oo ku aaddan Shiinaha, halka wareysiyadii ugu dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siiyay Al-Jasiira iyo Al-Carabiya laga dheehan karay fariin tilmaamaysa xoojinta xiriirka kala dhexeeya Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa dhawaan si kulul u cambaareysay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, tallaabo kicisay mowjado diidmo iyo dhaleeceyn ah oo ka imaanaya dalalka gobolka iyo beesha caalamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa ka digtay in aan dalna “kicin ama taageerin kooxaha gooni-goosadka ah” si uu u dabagalo “dano gaar ah,” iyadoo Somaliland ku tilmaantay qeyb ka mid ah Soomaaliya oo aan marnaba ka go’i karin.

“Shiinuhu wuxuu si adag u taageersan yahay madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna kasoo horjeedaa tallaabo kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri Lin Jian, afhayeenka wasaaradda, oo hadlay galabnimadii Isniinta.

Lin Jian ayaa intaas ku daray in Beijing ay ugu baaqeyso maamulka Somaliland “inay xaqiiqada garwaaqsadaan, isla markaana si degdeg ah u joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada gooni-goosadka iyo xiriirrada ay la samaysanayaan awoodaha shisheeye.”

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in arrinta Somaliland ay tahay “mid gabi ahaanba u taalla Soomaaliya,” isla markaana ay tahay in lagu xalliyo habraacyada dastuuriga ah iyo xaaladda qaran ee Soomaaliya, si ay u hoggaamiyaan dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Shiinaha ayaa awooddiisa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u adeegsan kara inuu is-hortaago aqoonsi kasta oo rasmi ah oo ay Somaliland hesho, sida ay sheegtay Eritrea.

Warbixin kasoo baxday Wasaaradda Warfaafinta Eritrea Axaddii ayaa aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay “shirqool” muddo soo karkarayay oo lagu doonayo in lagu khal-khal geliyo gobolka, looguna gogol-xaaro “qalalaase caalami ah iyo fowdo.”

Eritrea waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsatay in “gaar ahaan ay waajib akhlaaqi ah ku tahay Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha inay qaadato mas’uuliyaddeeda,” iyadoo ku doodday in xaaladdan ay si dhow ugu ekaan karto tan Taiwan.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991, balse Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo waa cusub u baryay kadib tallaabadii …

0

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa waxaa haatan u baryay waa cusub oo ay ku xoojiyaan xiriirkooda, kadib tallaabadii ay qaaday Israa’iil oo dhawaan aqoonsi siisay maamulka Somaliland.

Labada dowladood ayaa haatan bilaabay inay si xawli ah kor ugu qaadaan xiriirkooda diblumaasiyadeed, iyaga oo isku muujiyay garab istaag, marka loo fiiriyo tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen labada dhinac.

Soomaaliya ayaa dhawaan taageertay hoggaaminta Boqortooyada ee ku aadan xasillinta dalka Yemen, iyada oo kala safatay dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, halka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay iyaduna si buuxda u taageertay madaxbanaanida Soomaaliya, iyada oo ka hortimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Sidoo kae, isbeddalkan xiriir ee dhacay todobaadkan ayaa suuragal ah inuu beddalo jihada siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika iyo Gacanka Cadan, sida ay ku warramayaan falanqeeyeyaasha ku xeeldheer arrimaha gobolka iyo Carabta.

Dhinaca kale waxaan haatan Riyaadh ku sugan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaliya, Cabdisalaam Axmed Cali oo kulamo ka wada magaaladaasi, waxaa sidoo kale ku biiri doono Taliyaha Nabad Sugidda ee Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad oo isna saacadaha soo socdo u duuli doono. Labada mas’uul ayaa hordhac u noqonaya wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku tegayadalka Sucuudiga.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka safarkan uu la xiriiro kor u qaadista xiriirka labada dowladood, iyaga oo sidoo kale ka wada-hadli doono heshiisyo ay xoray u wada galeen Muqdisho iyo Riyaad, si loo fuliyo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa arrimaha laga wada-hadlo qayb ka ah in Boqortooyadu ay markii ugu horraysay gacan siyaasadeed siiso Soomaaliya, iyada oo miiska ay saaran tahay in Sacuudigu dhex-dhexaadiyo dhinacyada isku hayo siyaasadda Soomaaliya, si loo gaaro xal waara,

Si kastaba, ha’ahatee, Dhaq-dhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa daba socda ku dhawaaqistii Israa’iil ee 26-kii Diseembar, markaas oo ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan—waana dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Maxaa laga filan karaa kulanka aan caadiga aheyn ee u socda Golaha Wasiirada Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa haatan kulan xasaasi ah kuleh xarunta Villa Soomaaliya, kaas oo uu guddoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tegay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Kulankan oo ah mid aan caadi ahayn ayaa waxaa diirradda lagu saarayaa xaaladda soo korortay, gaar ahaan midnimada dalka, si loo xoojiyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhageysanaya warbixinnada Golaha Wasiirrada, kadibna waxaa uu la wadaagi doonaa qorshayaashac usub ee dowladdiisa, maadaama loo baahan in la qaado tallaabooyin looga jawaabayo xadgudubka Israa’iil.

Waxaa kale oo kulanka looga hadlayaa dedaallada lagu xoojinayo amniga Qaranka, la dagaalanka Al-Shabaab, xaaladaha abaaraha iyo arrimo kale.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in suuragal ay tahay in golaha uu sameeyo isbeddallo waa wayn oo saameyn doono hay’adaha dowladda oo ay ku jiraan kuwa amniga, taas oo aad loo hadal-hayo, kadib xog lagu baahiyay baraha bulshada.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in marka uu soo dhammaado kulankan aan caadiga ahayn laga soo saaray war ku aadan qodobada laga wada-hadlay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmahan waday kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanayo madaxda dowladda, kuwa mucaaradka, dowlad-goboleedyada iyo qaybaha bulshada, isaga oo kala hadlayay xoojinta midnimada dalka.

Xalay oo ay ugu dambeysay wuxuu kulan kadis ah la qaatay Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu ugu tegay hoygiisa, wuxuuna kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa tabashada mucaaradka iyo midnimada guud ee dalka.

Xasan Sheekh oo dalbaday in lala heshiisiiyo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday in lala heshiisiiyo dhinacyada kasoo horjeedo, gaar ahaan Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu muujiyay dabacsanaan, isla markaana uu Shariif la wadaagay rabitaankiisa ku aadan sidii loo gaari lahaa heshiis mideysan, maadaama haatan ay soo korortay xaalad culus oo la xiriirta midnimada dalka.

Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wada-tashi qaran oo ay kasoo qayb-galayaan dhammaan daneeyayaasha siyaasadda oo mucaaradka horay ugu baaqeen.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta uga codsaday inuu door muuqda ka qaato sidii shirkaasi u noqon lahaa mid guul ku dhammaada oo lagu gaaro heshiis qaran oo xal u noqda xiisadaha taagan.

Dhankiisa Shariif ayaa adkeeyay inuu diyaar u yahay ka qayb-qaadashada dadaal kasta oo horseedi kara in Soomaali isku timaaddo, lana xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira, iyada oo loo wajaho si midnimo ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan doonaya in cadaadiska uga imaanaya mucaaradka uu hoos u dhigo, isla markaana uu ku qanciyo in wax walba ay ka horreeyaan difaaca midnimada, kadib xad-gudubka Israa’iil oo iyadu dhawaan sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.

Dalabka kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddo dheer ay kala maqan yihiin isaga iyo hoggaamiyeyaasha labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo hadda banaanka ka joogo qorshaha Vill Somalia ee hannaanka lagu wajahayo doorashooyinka 2026.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad culus oo siyaasadeed, mid diblumaasiyadeed iyo xaalad kale oo ka dhalatay abaaro ku dhuftay dalka.

Sacuudiga iyo Turkiga oo u midoobay difaca Soomaaliya kadib tallaabadii Israa’iil

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa Axaddii gaaray magaalada Riyaad si uu wadahadallo uga yeesho xoojinta midnimada iyo madax-bannaanida qaranka, xilli Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu farriin barbar-socota arrintaas gaarsiiyey Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, kadib markii Israa’iil ay aqoonsatay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland. 

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA), Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Riyadh kula kulmay dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan, si ay uga wada hadlaan taageerada madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. 

Amiir Faysal ayaa dib u xaqiijiyay in Boqortooyada Sacuudigu ay “taageero buuxda” u hayso madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo diiday tallaabo kasta oo khatar gelin karta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in labada dhinac ay sidoo kale gorfeeyeen xaaladaha gobolka, ayna isla eegeen siyaabo lagu ballaarin karo iskaashiga laba-geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan, taas oo muujineysa in taageerada Sacuudigu ay qayb ka tahay dadaal ballaaran oo lagu ilaalinayo midnimada Soomaaliya kadib tallaabadii Israa’iil.

Saacado ka hor kulankaas, Madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay Dhaxal-sugaha Sacuudiga in Turkigu uu “si dhow” ula socdo xaaladaha Soomaaliya iyo Yemen, isagoo carrabka ku adkeeyay in ilaalinta wadajirka dhuleed ee labadaas dal ay tahay “lama huraan” u ah xasilloonida gobolka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Waaxda Warfaafinta ee Madaxtooyada Turkiga.

Dhinaca kale, warbaahinta dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xiriirka laba-geesoodka ah iyo horumarrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ku jiraan dadaallada la xiriira amniga iyo xasilloonida.

Dhaq-dhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa daba socda ku dhawaaqistii Israa’iil ee 26-kii Diseembar, markaas oo ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan—waana dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aankaas ku tilmaamtay mid sharci-darro ah, waxayna wacad ku martay inay kaga hortagi doonto waddooyin diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo kuwa sharci ah.

Midowga Afrika ayaa si degdeg ah u diiday tallaabada aqoonsiga, iyadoo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika uu iska fogeeyay “tallaabo kasta ama hindise kasta” oo lagu aqoonsanayo Somaliland, isagoo ku celiyay inay qayb ka tahay Soomaaliya.

Sidoo kale, UK iyo Shiinaha ayaa si cad u taageeray madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo diiday inay aqoonsadaan Somaliland, taas oo xoojisay mawqifka caalamiga ah ee ka dhanka ah isbaddelada dhinaca maqaamka ee aan la isku raacsanayn.

Turkiga, oo noqday mid ka mid ah saaxiibada ugu saameynta badan Soomaaliya dhanka gargaarka, maalgashiga iyo tababarka ciidamada, ayaa mawqifkiisa midnimada wuxuu miisaan culus u yeelayaa dadaallada Muqdisho ay ku raadineyso taageerada gobolka.

Shariif oo war ka soo saaray kulankii Xasan iyo arrin uu codsaday madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo xisbiga Himilo Qaran uu sheegay in kulanka lagu lafa-guray tabashooyin iyo qorshe ku aaddan shir wada-tashi qaran.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay in kulanka “looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen tabashooyin shaqsi ah” isla markaana “arrimahaasi laga heshiiyey.”

Sida lagu sheegay bayaanka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku muujiyey rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wada-tashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradka hore ugu baaqeen.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulanka ku muujiyey rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wada-tashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradku horay ugu baaqeen, isaga oo ka dalbaday madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu door muuqda ka qaato sidii shirkaasi u noqon lahaa mid guul ku dhammaada oo lagu gaaro heshiis qaran,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in uu adkeeyey in uu diyaar u yahay ka qayb-qaadashada dadaal kasta oo horseedi kara in Soomaali isku timaaddo, lana xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Bayaanka ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay “midnimo, isku-tanaasul iyo wada-hadal dhab ah.”

Sida aan xog ku helnay, Xasan Sheekh ayaa doonaya in cadaadiska uga imaanaya mucaaradka uu hoos u dhigo, isla markaana uu ku qanciyo in wax walba ay ka horreeyaan difaaca midnimada, kadib xad-gudubka Israa’iil oo iyadu dhawaan sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, kulanka Xasan iyo Shariif ayaa imanaya xilli ay dhawaan madaxweynayaashu isku fahmi waayeen kulan ku dhexmaray Madaxtooyada, isla markaana ay haatan xubnaha mucaaradka iyo madaxda maamullada Jubaland iyo Puntland ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay qorsheynayaan inay shir ku yeeshaan Garoowe.

Shirkaas oo ah mid ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka qayb-geli doona xubnaha ugu sarreeya Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, iyaga oo ka tashan doona aayaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka mid ah mucaaradka.

Guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka ayaa haatan shirar gaar-gaar ah ka wada caasimadda Garoowe ee Puntland, iyaga oo dajinaya istaraatiijiyad ku aaddan qorshaha kala-guurka ee dalka iyo sidii loogu diyaar-garoobi lahaa isbeddel dhab ah.

Muxuu yahay ujeedka shirka Golaha Mustaqbalka ee ka furmay Garoowe? + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaa maanta uu shir uga furmay guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Jubbaland, Puntand iyo Madasha Samatabixinta.

Xubnahan ayaa  ka shiraya diyaarinta tubta wada xaajoodka doorashooyinka dalka oo haatan ay isku hayaan Golaha iyo Villa Soomaaliya.

Kulankan ayaa daba socda go’aankii lagu gaaray shirkii aayo katashiga Kismaayo, gaar ahaan qodobaddaa 6-aad iyo 7-aad, kuwaasi oo kala ahaa : –

“ 6. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah oo ku eg 20ka January 2026 isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee Dalka si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda oo waafaqsan mabaadii’da ku xusan qodobka

  1. Shirweynuhu wuxuu isku raacay in haddii Madaxweynuhu iska dhegatiro baaqa kor ku xusan uu Golaha Mustaqbalka gudagalo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada” Go’aankii kasoo baxay Shirkii Kismaayo.

Sidoo kale, guddiga ayaa inta uu socda shirkooda waxay ku diyaarin doonaan ajendayaasha muhiimka ah ee shirweyne kale oo la filayo in maalmaha soo socda Garoowe ay ku yeeshaan xubnaha sare ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo ay uga arrinsanayaan xiisadda weli ka taagan dalka.

Horay xubnahan oo ugu shiray magaalada Kismaayo ee Jubaland ayaa waxa ay kasoo saareen bayaan culus oo ku aaddan xaaladda guud ee dalka, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin in Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoomta waqtigeeda, oo ah dhamaadka muddo xileedkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhankiisa jawaab culus siiyay xubnaha mucaaradka ayaa soo dhaweeyay gogosha ay ku baaqeen Golaha Mustaqbalka, isaga oo xalay arrimahaas kala hadlay Madaxweyne Shariif.

Inta uu socday kulankan oo kadis ahaa Madaxweynaha ayaa muujiyey rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wada-tashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradka hore ugu baaqeen.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad culus oo siyaasadeed, mid kale oo diblumaasiyadeed oo ka dhalatay aqoonsiga ay dhawaan Israa’iil siisay maamulka Somaliland kaas oo ay si weyn uga hortimid Dowladda Soomaaliya.

Golaha Ammaanka QM oo yeelanaya shir deg-deg ah kadib walaac soo kordhay

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta yeelanaya shir degdeg ah oo lagaga arrinsanayo howl-galka ciidan ee Mareykanku ka fuliyey dalka Venezuela.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxeen walaacyo caalami ah oo ka dhashay tallaabada Washington, taas oo saamayn weyn ku yeelatay xaaladda amniga iyo tan siyaasadda ee Venezuela.

Dalabka shirkan degdegga ah waxaa gudbiyey dalka Colombia, oo ah xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Ammaanka, waxaana si cad u taageeray dalalka Shiinaha iyo Ruushka oo ka mid ah xubnaha joogtada ah.

Sida ay sheegayaan ilo diblomaasiyadeed, doodda shirka ayaa lagu falanqeyn doonaa sharcinimada howl-galka Mareykanka, saameynta uu ku yeeshay madax-bannaanida Venezuela, iyo cawaaqibka amni ee uu ku reebi karo gobolka Laatiin Ameerika.

Dhanka Mareykanka, Xeer Ilaaliyaha Guud Pam Bondi ayaa xaqiijisay in madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, iyo xaaskiisa Cilia Flores lagu oogay dacwado ka yaalla maxkamadda degmada Koonfureed ee New York.

Eedeymaha loo jeediyey ayaa la xiriira soo dejinta maandooriyaha cocaine-ka iyo lahaanshaha hub culus iyo walxo wax burburiya oo lagu eedeeyay in loo adeegsaday falal ka dhan ah Mareykanka.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in ergada Soomaaliya ay markii ugu horreysay taariikhda ka qayb qaadan doonto hoggaaminta shirarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Si kastaba, tallaabada Mareykanka ayaa dhalisay falcelinno adag oo ka yimid qaaradda Laatiin Ameerika iyo digniino culus oo kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Xoghayaha guud ee QM, António Guterres, ayaa ka digay in tallaabadani ay jeexeyso “waddo halis ah”. Dowladaha kale ayaa ku baaqay dhowrista madax-bannaanida, halka hoggaamiyeyaasha Argentina iyo Ecuador ay soo dhaweeyeen ka saarista Maduro.

Venezuela oo leh keydka saliidda cayriin ee ugu badan adduunka, ayaa beri ahaan jirtay mid ka mid ah dalalka ugu barwaaqada badan Laatiin Ameerika, balse dhaqaalaheedu wuxuu sii liicay intii uu xukunka hayay Maduro, taas oo sababtay in qiyaastii shantiiba hal qof oo u dhashay Venezuela uu dalka isaga baxo, waana mid ka mid ah barakaca ugu weyn adduunka.

Shan qof oo isku qoys ah oo ku dhintay Hargeysa kadib…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo aragagax leh oo saaka ka dhacday magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kadib markii ay uu dab gaystay khasaare hantiyeed ka kacay magaaladaasi.

Dabka ayaa qabsaday guri ay daganaayeen qoys dan-yar ah, waxaana ku dhintay 5 qof oo kamid ahaa qoyska.

Gabar kamid ah qoyska oo la hadashay MM Somali Tv ayaa sheegtay in 5 hablood oo qoyskooda ah ay ku gubteen guriga, kadib markii ay waayeen wax usoo gurmada.

“Waxaa ku dhintay laba hablood oo aan walaalo nahay iyo saddex yaryar ah oo aan habaryar u ahay way jiifeen markii uu guriga dabka ka kacay” ayay tiri gabar kamid ah qoyska ay muusiibadu ku dhcday.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in carruurta geeriyootay oo qaarkood ay walaalo ahaayeen, kuwana ay dhashay walaasheed ay aad u yar yaraayeen, waxaana u wayneyd gabar 12 jir ah, waxaana u yareyd gabar kale oo 3 jir ah.

“Inanta ugu wayn waxa ahayd Faa’isa, tan ku xigta Istaahil iyo saddex yaryar oo ay dhashay walaalshey waxaa la kala yiraahdaa Iqro, Faadumo iyo Maa’iido” ayay sii raaciysay.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay “Waxaa qoyska ka haray aniga, hooyadey iyo ilmo yar ee walaashey dhimatay ay dhashay saddexdaas ayaa intii halkan joogtay ka haray”.

Xaafadda ay dhibaatada ka dhacday ayaa waxaa isugu soo baxay dhammaan dariska ah oo gurmad la garab istaagay qoyska Soomaaliyeed ee carruurtoodu ku dhinteen dabka qabsaday gurigooda.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Booliska Somaliland, gaar ahaan ciidanka dab damiska oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan.

 Hoose ka daawo muuqaalka

DF oo war cusub kasoo saartay doorashadii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, iyada oo shaacisay in ay caddeysay in dadku rabaan doorashooyin toos ah.

Wasaaradda ayaa si weyn u boggaadisay qabsoomida doorashadaas, waxayna ugu hambalyeysay dadka Soomaaliyeed, maadaama ay ahayd qof iyo cod.

Sidoo kale, waxa ay intaasi ku dartay in doorashadu u dhacday si xor iyo xalaal ah, ayna ku tartameen ururrraddii siyaasadda ee is-diiwaangeliyay.

Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in qabsoomideeda ay caddeyn u tahay rabitaanka shacabka inay toos uga qayb-qaataan doorashooyinka dalka.

“Doorashada waxaa si xor iyo xalaal ah ugu tartamay ururro siyaasadeed oo diiwaangashan, iyadoo ay si weyn uga muuqatay ka qaybgal dadweyne iyo kalsooni buuxda oo lagu qabo hannaanka dimuqraadiyadeed” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas kusii daray “Tirada codbixiyeyaasha ka qayb qaatay doorashada waxay caddeyn u tahay rabitaanka shacabka ee ku aaddan in ay si toos ah uga qayb qaataan hoggaaminta iyo go’aan qaadashada heer deegaan”.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadinaysaa qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, oo si guul ah u dhacday 25-kii Diseembar 2025. Wasaaraddu waxay hambalyo u diraysaa dhammaan xubnaha ku guuleystay Doorashada Golaha Deegaanka.

Doorashadan ayaa astaan u ah horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo dowladnimada, hannaanka Federaalka, iyo maamul wanaagga. Waxay muujisay bisayl siyaasadeed, wacyi bulsho, iyo ka-qaybgal ballaaran oo ay muujiyeen shacabka Gobolka Banaadir.

Doorashada waxaa si xor iyo xalaal ah ugu tartamay ururro siyaasadeed oo diiwaangashan, iyadoo ay si weyn uga muuqatay ka qaybgal dadweyne iyo kalsooni buuxda oo lagu qabo hannaanka dimuqraadiyadeed. Tirada codbixiyeyaasha ka qayb qaatay doorashada waxay caddeyn u tahay rabitaanka shacabka ee ku aaddan in ay si toos ah uga qayb qaataan hoggaaminta iyo go’aan qaadashada heer deegaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta waxay si gaar ah u bogaadinaysaa Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, oo ku guuleystay in ay si hufan, daahfuran, isla markaana xirfad leh u maamuleen Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ammaan iyo mahadnaq u jeedinaysaa hay’adaha ammaanka Qaranka, kuwaas oo si xilkasnimo, feejignaan, iyo karti leh u sugay amniga doorashada, taasoo horseeday in geeddi-socodka doorashadu si nabad ah, hufan, isla markaana guul ku dhammaatay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta waxay sidoo kale uga mahadcelinaysaa saaxiibada caalamiga ah ee taageeray hannaanka doorashooyinka, isla markaana taageeray natiijada iyo in si dimoqoraadi ah dadka Gobolka Banaadir loo celiyey awoodooda.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee la doortay uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta isla-xisaabtanka, kor u qaadista maamul wanaagga, iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo si toos ah u taabanaya nolosha iyo danta shacabka Gobolka Banaadir.