25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Xasan Sheekh oo caawa Shariif ugu tegay hoygiisa iyo xogta kulanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ugu tegay hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay.

Kulankan oo ahaa mid aan hore loo sii shaacin ayaa labada mas’uul iskugu kaliyeysteen, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kulankan albaabbadu u xiran yihiin ayaa imanaya xilli galabtii uu Shariif Sheekh Axmed dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, caasimadda dalka, kadib maalmo uu Dhuusamareeb uga maqnaa Madasha Aragti-Wadaagga ee Heritage.

Xasan Sheekh ayaa doonaya in cadaadiska uga imaanaya mucaaradka uu hoos u dhigo, isla markaana uu ku qanciyo in wax walba ay ka horreeyaan difaaca midnimada, kadib xad-gudubka Israa’iil oo iyadu dhawaan sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.

“Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, xukuumaddiisa iyo shacabka reer Galmudug soo-dhaweeyntoodii iyo martigelintii gobannimada lahayd ee ay noo sameeyeen intii ay socotay Madasha Aragti-Wadaagga ee Heritage,” ayuu Shariif ku yiri qoraal kooban oo uu ka soo saaray soo laabashadiisa.

Si kastaba, kulanka Xasan iyo Shariif ee caawa ayaa imanaya xilli ay dhawaan madaxweynayaashu isku fahmi waayeen kulan ku dhexmaray Madaxtooyada, isla markaana ay haatan xubnaha mucaaradka iyo madaxda maamullada Jubaland iyo Puntland ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay qorsheynayaan inay shir ku yeeshaan Garoowe.

Shirkaas oo ah mid ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka qayb-geli doona xubnaha ugu sarreeya Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, iyaga oo ka tashan doona aayaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka mid ah mucaaradka.

Guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka ayaa haatan shirar gaar-gaar ah ka wada caasimadda Garoowe ee Puntland, iyaga oo dajinaya istaraatiijiyad ku aaddan qorshaha kala-guurka ee dalka iyo sidii loogu diyaar-garoobi lahaa isbeddel dhab ah.

Sidoo kale, guddiga ayaa diyaarinaya ajendayaasha muhiimka ah ee shirkaas, maadaama ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay hannaanka doorashooyinka, madaxweynuhuna uu Muqdisho ka qabtay doorasho ay weli bannaanka ka joogaan xubnaha mucaaradka iyo madaxda Jubaland iyo Puntland.

Horay, xubnahan ayaa shir ugu yeeshay magaalada Kismaayo, kaas oo ay ka soo saareen bayaan culus oo ku aaddan xaaladda dalka, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin in Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodaan sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoonta waqtigeeda, oo ah dhammaadka muddada xil-hayntiisa.

Qaraxyo ay Al-Shabaab qorshaynaysay oo la fashiliyey + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Jawad Ari ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan oo ay fuliyeen Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa ahaa mid si gaar ah loogu beegsanayay kooxda Al-Shabaab, iyadoo inta uu socday ciidanka ay gacanta ku dhigeen qaraxyo kooxdu diyaarineysay.

Qaraxyadan ayey kooxda ku dhibaateen rabeen shacabka Soomaaliyeed iyo agabyo kale oo ay ka carareen, waxaana ciidanka sidoo kale soo bandhigeen goobo gabaad u ahaa Al-Shabaab oo ay iskaga firxadeen, sida uu sheegay taliska ciidanka.

Howl-galka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Sayidnuur Daahir (Afgub), iyo Kaaliyaha Ururka, Xasan Axmed Gaabow (Xasan Yare).

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka socda howl-gallo culus oo Dowladda Federaalka sheegtay in jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana guulo waaweyn laga gaaray howl-galadii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolkaas.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dileen Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeeda, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxayna illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah.

Kadib afduubkii Maduro, Venezuela oo ku dhowaaqday go’aan uusan ku farxeyn Trump

Caracas (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Venezuela ayaa maanta ku dhawaaqay in xukuumadda dalkaas ay si buuxda u garab taagan tahay Madaxweyne Nicolas Maduro, kaas oo qabashadiisa uu Mareykanku fuliyay ay hubanti la’aan xooggan gelisay mustaqbalka dalkan Koonfurta Ameerika ee qaniga ku ah saliidda.

Maduro ayaa hadda ku jira xabsi ku yaalla magaalada New York, isagoo sugaya in maxkamad la soo taago maalinta Isniinta ah si uu u waajaho eedeymo la xiriira daroogo.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu amar ku bixiyay in xilka laga qaado, isla markaana sheegay in Mareykanku la wareegayo maamulka Venezuela. Hase yeeshee, magaalada Caracas, mas’uuliyiinta sare ee dowladda Maduro—kuwaas oo xarigga madaxweynaha iyo xaaskiisa Cilia Flores ku tilmaamay “afduub”—ayaa wali gacanta ku haya talada dalka.

“Halkan, midnimada cududda kacaanku waa mid dammaanad qaadkeedu sugan yahay, halkanna waxaa ka jira kaliya hal madaxweyne, magiciisuna waa Nicolas Maduro Moros. Yuusan qofna ku dhicin dabinta iyo daandaansiga cadowga,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Diosdado Cabello oo ka hadlayay cod maqal ah oo uu baahiyay xisbiga hantiwadaagga ah ee talada haya (PSUV) Axadda, isagoo shacabka ugu baaqay deganaan.

Sawirrada Maduro, oo 63 jir ah, oo indhaha ka xiran, gacmahana ka katiinadeysan maalintii Sabtida, ayaa fajac ku noqday shacabka Venezuela. Tallaabadan ayaa ah faragelintii ugu muranka badneyd ee Washington ay ka sameyso Laatiin Ameerika tan iyo duullaankii Panama ee 37 sano ka hor.

Madaxweyne ku-xigeenka Delcy Rodriguez—oo sidoo kale ah Wasiirka Shidaalka—ayaa la wareegtay hoggaanka ku-meel-gaarka ah iyadoo haysata ducada iyo oggolaanshaha maxkamadda sare ee Venezuela, in kastoo ay sheegtay in Maduro uu weli yahay madaxweynaha sharciga ah. 

Sababo la xiriira xiriirka ay la leedahay ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo aqoonteeda qotoda dheer ee dhanka saliidda—oo ah isha ugu weyn ee dakhliga dalka—Rodriguez ayaa muddo dheer loo arkayay xubinta ugu macquulsan ee dadka ku dhow Maduro. Si kastaba ha ahaatee, waxay si cad uga hortimid hadalka Trump ee ahaa inay diyaar u tahay inay la shaqeyso Mareykanka.

Dagaalka kheyraadka saliidda

Dowladda Venezuela ayaa muddo bilo ah sheegeysay in ololaha cadaadiska ee Trump uu yahay mid lagu doonayo in lagu boobo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan saliidda. Mas’uuliyiinta ayaa si weyn u cuskaday hadalladii Trump ee Sabtidii, markii uu sheegay in shirkadaha waaweyn ee shidaalka Mareykanka ay soo gali doonaan dalka.

“Waan ka xunnahay, waana ka gubaneynaa sababtoo ah ugu dambeyntii wax walba way fashilmeen—waxaa caddaatay inay kaliya doonayaan shidaalkeenna,” ayuu raaciyay Cabello, oo xiriir dhow la leh milatariga.

Shirkadda shidaalka ee dowladda maamusho (PDVSA) ayaa weydiistay qaar ka mid ah shirkadaha ay wada-shaqeynta leeyihiin inay dhimaan soo-saarka saliidda cayriin iyagoo xiraya ceelasha qaarkood, sababo la xiriira dhoofinta oo curyaantay, sida ay wakaaladda Reuters u sheegeen saddex ilo-wareed oo xog-ogaal u ah go’aankan. 

Dhoofinta saliidda ee dalkan xubinta ka ah OPEC ayaa weli taagan tan iyo markii Mareykanku bishii hore ku dhawaaqay go’doomin lagu soo rogay maraakiibta shidaalka ee cunaqabataysan ee soo galaya ama ka baxaya biyaha Venezuela, iyo la wareegidda labo shixnadood oo shidaal ah.

Venezuela, oo beri ahaan jirtay mid ka mid ah dalalka ugu barwaaqada badan Laatiin Ameerika, ayaa dhaqaalaheedu sii liicay intii uu xukunka hayay Maduro, taas oo sababtay in qiyaastii shantiiba hal qof oo u dhashay Venezuela uu dalka isaga baxo, waana mid ka mid ah barakaca ugu weyn adduunka.

Xiisadda Boorama oo soo laba-kacleysay iyo xukuumadda Cirro oo 48 saac loo qabtay

0

Boorama (Caasimada Online) – Xiisadda magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa u muuqata inay mar kale soo laba kacleynayso, xilli bilowgii bisha December ee sannadkii hore ay ka dhaceen rabshado dad ku dhinteen.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro u qabtay muddo laba maalmood ah in lagu sii daayo dhallinyaro lagu xiray magaalada Boorama.

Xildhibaanka ayaa xukuumadda ugu hanjabay inuu ku baaqi doono isu-soo-baxyo waaweyn oo ka dhan ah, haddii aan la fulin dalabkiisa la xiriira sii deynta dhallinyarada reer Boorama ee ay xireen laamaha amniga.

Xildhibaan Abiib oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa yiri: “Haddii aan la sii deyn innamada xiran berri iyo berri dambe, waxaan dhammaan shacabka isugu yeereynaa inay soo baxaan, iyagoo ilaalinaya nabadgelyada, si ay u difaacaan xuquuqdooda.”

Dhallinyaradan ayaa xabsiga loo taxaabay bishii December ee lasoo dhaafay, kadib markii dibadbaxyo ka dhacay Boorama ay isu beddeleen rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac.

Xaaladdan ayaa gobolka Awdal ka kicisay xiisado siyaasadeed iyo dareen ka dhan ah aqoonsiga Somaliland ee dhawaan ay ka heshay Israa’iil, iyadoo bannaanbaxyo looga soo horjeedo ay ka dhaceen gudaha magaalada, kuwaas oo lagu muujiyay halka shacabka gobolku ka taagan yihiin qadiyadda Falastiin.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ayaa horraantii toddobaadkan gaaray magaalada Boorama, si aanay xiisaddu mar kale cirka isku shareerin, sidii daba-yaqaaddii sannadkan ka dhacday gobolka.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa isbitaallada magaalada ku booqday dadkii ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay gobolka, xilli ay xukuumaddu dadaal ku bixinayso dejinta xiisadda taagan, oo inta badan salka ku haysa cabashooyin la xiriira saami-qaybsiga siyaasadda iyo qeybsiga kheyraadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo gobollada darafyada.

Israel’s Somaliland gambit raises stakes for Türkiye in Somalia

Israel’s reported recognition of Somaliland as a sovereign state has pushed Türkiye–Israel tensions into a new arena and placed Somalia at the center of a fast-moving contest in the Horn of Africa.

The move forces a question many capitals have avoided for three decades: What happens to a fragile region when external powers start redrawing borders through recognition diplomacy?

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 following the collapse of the central state. Since then, it has built functioning institutions, held elections, and maintained a level of stability that stands out in a turbulent neighborhood.

Yet it has remained outside the international system, with neither the UN nor the African Union recognizing it as a state.

This long-standing restraint reflected a simple calculation: many governments feared that recognizing Somaliland would encourage fragmentation across Africa and deepen disputes in the Horn.  

Israel has now challenged that restraint. By doing so, it has handed every regional actor a new incentive to treat Somaliland less as a local political dispute and more as strategic real estate.  

A recognition Shock

Somalia views Somaliland as an integral part of its territory and considers direct diplomatic engagement with Hargeisa a violation of its sovereignty.

Consequently, Israel’s recognition of lands in Mogadishu is not a symbolic gesture but a direct affront. It arrives at a moment when Somalia’s federal project remains contested, and armed groups continue to exploit political fractures.  

Türkiye has framed the decision in similar terms. President Recep Tayyip Erdoğan called Israel’s recognition “unacceptable” and “illegal,” warning of destabilization in the Horn.

Ankara is not an outside observer; it has built much of its Africa profile through Somalia, investing heavily in the Somali state capacity, security institutions, and infrastructure.  

Supporters of recognition often argue that Somaliland earned statehood through performance, stability, and democratic practice.

That argument deserves a serious hearing. But recognition is not a prize awarded for good governance alone; it is a strategic act. In the Horn, strategic acts rarely remain contained.

Ankara’s stake

Türkiye’s policy in Somalia has relied on two pillars.

First, it built political capital through high-level engagement and public diplomacy, including the high-profile famine response in 2011 and Erdoğan’s landmark visit that same year.

Second, it established an operational presence through long-term projects, including a major embassy footprint, training programs, and economic engagement.  

This posture gave Türkiye influence, but it also created exposure. Turkish interests have faced repeated security risks, and attacks on Turkish personnel have served as reminders that partnerships in Somalia operate under threat.

Türkiye stayed the course because it judged Somalia’s stability essential to its broader regional strategy.

Ankara also carved out a niche as a mediator. When many actors avoided the Somalia–Somaliland dispute, Türkiye hosted talks and helped restart dialogue, notably through the 2013 Ankara Declaration process.

That history matters because recognition diplomacy cuts across mediation diplomacy. If an external actor confers statehood unilaterally, it weakens incentives for a negotiated settlement and narrows the space for confidence-building.

The strategic map

Israel’s official framing emphasizes cooperation and partnership, and Israeli officials defended the move at the UN Security Council.

However, international reactions have focused on geography. Somaliland sits along the Gulf of Aden, near one of the world’s most sensitive maritime corridors.

In a period of heightened Red Sea insecurity, any move that alters alignments along this coastline triggers security calculations far beyond Somalia.  

This is why Somalia and other states raised concerns at the Security Council, and why some questioned Israel’s motives so openly.

Strategic access, surveillance, basing rights, and influence over shipping lanes have become the underlying language of the debate, even when diplomats avoid stating it plainly.  

From Ankara’s perspective, the danger is not only what Israel may seek, but what others may copy. If recognition becomes a tool of pressure, regional rivals will respond with their own tools.

They will court factions, deepen security partnerships, and expand footprints that blur the line between support and competition. Somalia then risks becoming an arena, rather than a partner.

Gaza spillover

The most combustible element is the set of allegations linking recognition to Gaza-related relocation ideas and potential basing arrangements.

UN member states raised questions about whether Israel’s move was connected to strategies involving Palestinians displaced from Gaza.

Somali officials have also made claims about conditions tied to recognition, while Somaliland has publicly denied agreeing to host Israeli bases or resettle Palestinians.

These claims require caution. Allegations are not evidence, and responsible commentary must maintain clear attribution. Yet the fact that such claims now circulate in formal diplomatic forums should itself alarm anyone who prioritizes stability in the Horn.

Even unproven claims can inflame domestic politics, harden positions, and provide armed groups with propaganda narratives that thrive on perceived betrayal and foreign intrusion.

If Somalia’s leadership believes that recognition opens the door to demographic engineering or new military infrastructure, it will treat the issue as existential.

If Somaliland believes recognition is the first real break in a 30-year diplomatic wall, it will treat any backlash as the unavoidable cost of progress. These positions collide, and the region absorbs the shock.

What comes next

Israel’s recognition of Somaliland may not trigger immediate conflict, but it shifts incentives in ways that make conflict more likely over time. It encourages maximalist rhetoric, complicates mediation, and invites competing security footprints.

It also risks turning Somaliland’s quest for recognition into a bargaining chip in broader rivalries, rather than a matter resolved through Somali-led negotiations and African diplomatic frameworks.

If Israel wanted a durable partnership in the Horn, it could have pursued engagement that did not require formal recognition—at least not as a first step.

If Somaliland wanted broad legitimacy, it could have prioritized a recognition pathway anchored in African Union diplomacy, rather than a single high-impact move that polarizes the region.

And for Somalia, if it wanted to reduce the appeal of secession, it could strengthen federal arrangements and governance performance in ways that make unity feel beneficial rather than merely compulsory.

None of those paths is easy. But they share one advantage: they lower the temperature in a region that already runs hot.

Recognition diplomacy may deliver headlines and symbolic wins. In the Horn of Africa, however, it can also deliver a long-term strategic bill that Somalia and its neighbors cannot afford to pay.  

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the official policy or position of Somalia Today.

Somaliland oo noqotay cidda keliya ee bogaadisay weerarkii Mareykanka ee lagu qabtay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa noqday cidda keli ah ee bogaadisay weerarkii Mareykanka uu ku qaaday Venezuela, kaasi oo lagu soo qabtay Madaxweynihii dalkaas, Nicolás Maduro.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay tallaabada Mareykanka mid si miisaaniyad iyo xisaabtan leh loo qaaday.

“Somaliland waxay xaqiijinaysaa mowqifkeeda ku dhisan mabda’a, iyadoo la jaanqaadaysa Mareykanka taageeridda tallaabooyin caalami ah oo si miisaaniyad iyo xisaabtan leh loo qaadayo, kuwaas oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo nidaamka dastuuriga ah, sharciyadda dimuqraadiyadeed iyo ku dhaqanka sharciga dalka Venezuela,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland.

Sidoo kale waxay sheegtay in tallaabooyinkan ay waafaqsan yihiin xeerarka caalamiga ah iyo tixgelinta amniga wadajirka ah, isla markaana ay gacan ka geysan karaan yareynta dhibaatada bani’aadamnimo ee ka jirta Venezuela.

Somaliland waxay sidoo kale tilmaantay in ka qayb-gal mas’uuliyad leh oo uu hoggaaminayo Mareykanku, lana kaashanayo saaxiibbada goboleed iyo kuwa caalami ah, uu door muhiim ah ka qaadan karo la-dagaallanka shabakadaha dambiyada caalamiga ah iyo taageeridda kala-guur nabadeed oo ay hoggaaminayaan shacabka Venezuela.

Somaliland ayaa mar kale adkaysay muhiimadda ay leedahay in xal kasta oo la gaadhaa uu ku dhisnaado madaxbannaani qaran, isla-xisaabtan, iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.

Weerarkan la-yaabka leh ee lagu qaaday Caracas ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Trump uu soo nooleeyay aragtidiisa gaarka ah ee ku aaddan siyaasadda gobolka, waxaana si adag u cambaareeyay caalamka, oo u arka mid uu Mareykanka ugu tuntay shuruucda caalamiga ah.

Colombia, Cuba, iyo Mexico ayaa ka mid ahaa dalalka cambaareeyay hawl-galka Mareykanka ee Venezuela, iyagoo sheegay in weerarku uu halis gelinayo xasilloonida gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mexico ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Laatiin Ameerika iyo Kariibiyaanku waa aag nabadeed… sidaas darteed tallaabo kasta oo milateri waxay si dhab ah u wiiqeysaa xasilloonida gobolka.”

Dhanka kale, Madaxweynaha Cuba Miguel Díaz-Canel ayaa isku soo bax dhacay Sabtidii ku tilmaamay weerarka mid “fulaynimo, dambiilenimo iyo khiyaano ah.”

Gudaha Mareykanka, Dimoqraadiyiin badan iyo qaar ka mid ah Jamhuuriga ayaa cambaareeyay hawl-galka oo la fuliyay iyadoon oggolaansho laga haysan Koongareeska.

Xaalad adag oo ka taagan Galmudug iyo xarumihii ugu badnaa oo u xirmaya…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xarumihii u badna ee caafimaad oo ku yaalla deegaanada maamulka Galmudug ayaa u xirmaya dhaqaale la’aan baahsan oo soo wajahday.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Makaawi ayaa xaqiijiyay in in ka badan 60 xarumood ay qarka u saaran yihiin in la xiro, kadib markii ay go’een lacagihii ay howlaha kuw wadi jireen.

Makaawi ayaa xaaladdan ka deyriyay, maadaama ay kusoo beegantay xilli ay xaaladdu adag tahay oo abaaro darran ay jiraan. “Xarumahaan xirmaya waxay dabooli jireen dad badan, halka 25 kamid ah loogu adeegayay carruurta,” ayuu yiri.

Wasiirka Gargaarka Galmudug ayaa dalbaday in la garab istaago sii socoshada mashaariicda caafimaad ee muhiimka u ah bulshada, si looga hortago halista laga digayo.

“Haddii roob yimaado dhibaato ayaa jira, haddii la waayo dhibaato ayaa jirta, haddii siyaasadda iyo amniga lagu heshiin waayo abaarta ayaa imaanaysa. Galmudug 500,000 oo qof ayaa saameen ku yeelatay abaarta hadda jirta,” ayuu yiri Wasiir Makaawi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in 25 xarumood oo loogu tala-galay carruurta ay ka istaageen mashaariicdii ay ku shaqeynayeen, halka la filayo in saddex bilood gudahood ay 35 xarumood oo kale iyaguna mashaariicdu ka istaagi doonaan.

Tan ayaa ka dhigan in xarumahan albaabada la isugu dhufanayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda taagan.

Dhanka kale, hay’ado maamulayay mashaariic kala duwan ayaa joojiyay shaqadii ay hayeen, kadib markii ay wargelin ka heleen dalal iyo ururro caalami ah oo horey u taageeri jiray kuwaas oo sheegay in ay hakiyeen kaalmooyinkii ay bixin jireen, taasoo keentay in la xiro xarumo badan oo adeegyo muhiim ah bixinayay.

Xog: Golaha Mustaqbalka oo shir Xasan Sheekh ka dhan ah ku yeelanaya Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka iyo madaxda maamullada Jubaland iyo Puntland ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay kulan ku yeeshaan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo ay isugu tegi doonaan dhinacyadaas.

Shirkan oo ah mid ka dhan ah Xasan Sheekh ayaa waxaa ka qayb-geli doono xubnaha ugu sarreeya Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, iyaga oo ka tashan doono aayaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo lagu kalsoonaan karo.

Guddiga farsamada ee Golaha Mustaqablka ayaa haatan shirar gaar gaar ah ka wada caasimada Garoowe ee Puntland, iyaga oo dajinaya istaraatiijiyad ku aadan qorshaha kala guurka ee dalka iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa isbeddel dhab ah.

Sidoo kale, guddiga ayaa diyaarinaya ajendayaasha muhiimka ah ee shirkaas, maadaama ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay hannaanka doorashooyinka, Madaxweynuhuna uu Muqdisho ka qabtay doorasho ay weli banaanka ka joogaan xubnaha mucaaradka, madaxda Jubaland iyo Puntland.

Horay xubnahan ayaa shir ugu yeeshay magaalada Kismaayo ee Jubaland, kaas oo ay kasoo saareen bayaan culus oo ku aaddan xaaladda guud ee dalka, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin in Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoomta waqtigeeda, oo ah dhamaadka muddo xileedkiisa.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh oo jawaab culus siiyay xubnaha mucaaradka ayaa soo dhaweeyay gogosha ay ku baaqeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, balse ay dowladdu dib ka sheegi doonto goorta la wada-hadlayo.

“Qoladii ku shirtay magaalada Kismaayo wixii ay kasoo saareen halkaas wixii wanaagsan ee ku jira waa la qaadaneynaa, waana la hadleyna, waxaa kamid ahayd hala wada-hadlo, gogosha wey furan tahay, welinaa waa fidsan tahay kuwii horay uga qayb-galay waa soo dhaweyneynaa, kuwa kaloo rabana inay kusoo biiraan waan soo dhaweyneynaa dowladduna baaqaas jawaab ayay kasoo saareysaa mardhow” ayuu ku jawaabay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo adag, waxaana usii dheer xaalad bani’aanimado oo ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.

Taliye Jaamac Afdhashiike iyo askar kale oo qarax lagu dilay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu qarax culus ka dhacay jidka cusub ee Boosaaso iyo Dhaadaar, kaas oo lala eegtay ciidan ka tirsan kuwa Puntland.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in si gaar ah loola eegtay gaari miino baaris ah oo ay wateen ciidamada oo xilligaas ku guda jiray howlgal amni.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu ku dhintay Taliyihii Saadka Ee Ururka Dayax, Jaamac Maxamed Caduur (Afdhashiike), miino-baarihii la socday gaariga iyo dareewalkii, sidoo kale waxaa dhaawacmay 5 ruux oo akale.

Xaaladda goobta ayaa haatan kacsan, waxaana gurmad deg-deg ah loo fidiyay ciidanka ay waxyeelada kasoo gaartay miinada loo dhigay.

Sidoo kale, Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay halka uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo bilaabay howlgallo lagu sugayo amniga waddada Boosaaso, waxayna hakiyeen dhaq-dhaqaaqa guud ee gaadiidka iyo dadweynaha.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Puntland oo ku aadan qaraxa loo dhigay ciidankooda.

Kooxda Daacish ayaa badanaa weeraro qaraxyo ah ka fulisa aagga Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo culus oo lagu jabiyay kooxda, maadaama laga saaray dhul ballaaran oo ku yaal Calmiskaad.

Horay sidaan oo kale, argagixisada ayaa u dishay saraakiil sar sare iyo askar ka tirsanaa ciidamada Puntland, kadib qaraxyo miino oo ay la beegsadeen.

Sheekh Shariif oo ka hadlay jabka ku dhacay saaxibkiisa hore ee Shariif Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qayb-gaay kulan dadweyne oo ka dhacay Muqdisho ayaa ka hadlay jabka saaxibkiisii Shariif Sheekh Aadan kasoo gaaray doorashadii goleyaasha deegaanka ee magaalada Muqdisho, taas oo uu ka qayb-galay markii uu kasoo baxay Madasha Samatabixinta.

Xisbiga Shariif Xasan ee Horumar iyo Midnimo Qaran ayaa dhawaan qaadacay natiijada doorashada goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir, isaga oo sheegay in codadkoodii degmada Waabari la gadistay, loona wareejiyay xisbi kale.

“Ujeedo qaadacaadda natiijada doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banadir, Urur Siyaasadeedka Horumar iyo Midnimo Qaran waa urur si sharci ah ugu diiwaangashan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaran, kana mid ahaa ururradii ka qayb-galay doorashadii golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir ee ka dhacday Muqdisho. Kadib qiimeyn rasmi ah ururku wuxuu xaqiijinayaa madax banaanida iyo dhex-dhexaadnimada Guddiga Doorashooyinka la jabiyay, isla markaana maqnaashiyaha maxkamadda dastuuriga ah ay meesha ka saartay habkii sharciga ahaa ee lagu xallin lahaa murannada doorashooyinka”.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay “Intaa waxaa dheer natiijada Ururka Horumar iyo Midnimo Qaran ee degmada Waabari oo ay Guddiga Doorashooyinka horay u shaaciyeen ayaa si sharci darro ah loo farogeliyay, loona wareejiyay Urur Siyaasadeedka JSP ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh”.

Intaas kadib Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay cabashada saaxibkiisii ayaa sheegay inay horay uga digeen inuu ka qayb-galo doorashada Muqdisho, balse uu diiday, isla markaana uu ka xun yahay waxa ku dhacay.

“Shariifka raalli ha’iga ahaado waa saaxibkey waa ka celin weynay waxaan dhahnay meeshan doorasho kama jirto been ayaa ka socoto ee ha u camirin, wuxuu yiri waa isku dayaa waa fiirinaa waana arageen wixii dhacay” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Doorasho la leeyahay reer hebel degmadaas ha qaataano reer kalena degmadaas ha qaataano horta doorasho ma’ahan. Doorasho waxaa la rabaa xisbi inuu dadka soo saaro waxaa la rabaa dad inuu soo sharraxdo, dadkuna ay axsaab ku galaan”.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku dhuftay in aan la aqoon waxa kasoo baxaya doorashadaan, ayna lamid ahayd dabeyl soo martay reer Muqdisho.

“Doorashadaan kama soo baxaayo guddoomiye degmo, guddoomiye gobol kama soo baxayo, bal ii sheeg waxa kasoo baxaayo” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu ka hadlay maqaamka Muqdisho, isaga oo sheegay in wax weliba ay shacabka uga muhiimsan tahay in la caddeeyo metalaada Muqdisho.

“War waxaa laga waayay dowladda maqaamkii magaalada Muqdisho sameeya, diiwaangelintaan xoogga ah inaad iska dhaaftiin axsaabta la heshiiya dadka hasoo saaraano iyagu” ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Xog: Maxaa ka jira in India ay aqoonsaneyso Somaliland?

New Delhi (Caasimada Online) –  Dowladda Hindiya ayaa Sabtidii ku tilmaantay “warar been abuur ah” qoraallo lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in Madaxweynaha maamulka Somaliland uu wadahadallo rasmi ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Narendra Modi, iyo in Hindiya ay qarka u saaran tahay inay aqoonsato Somaliland.

Waaxda Xaqiiqo-Raadinta (FactCheck) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya (MEA) oo ka jawaabeysa sheegashooyinkan ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X (Twitter) ku tiri: “Digniin warar been abuur ah! Qoraallada hoose waa been!”

Caddayntan ayaa timid xilli ay baraha bulshada qabsadeen warar si xawli ah u faafay oo sheegayay in Ra’iisul Wasaare Modi uu wadahadallo rasmi ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), iyo in aqoonsiga Somaliland ee “dimoqraadiyadda ugu weyn adduunka” uu soo dhow yahay.

Waaxda MEA FactCheck ayaa sidoo kale meesha ka saartay wararka sheegaya in Soomaaliya ay u yeeratay danjiraheeda u fadhiya Hindiya sababo la xiriira tallaabada aqoonsiga ee la sheegay, iyadoo caddeysay in wararkaas internet-ka ku jira ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Sawirro (Screenshots) ay wadaagtay waaxdu ayaa muujinayay muuqaallo iyo qoraallo si qaldan u taswiiraya xiriir rasmi ah oo dhex maray Hindiya iyo Somaliland, taas oo dowladda Hindiya sheegtay inaanay waxba ka jirin.

Aqoonsiga Israa’iil

Caddayntan ayaa muhiimad gaar ah leh marka la eego xaaladda siyaasadeed ee Somaliland. Gobolkan ayaa ku dhawaaqay madax-bannaanidiisa 18-kii May, 1991-kii, kadib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, balse ma uusan helin aqoonsi caalami ah, marka laga reebo Israa’iil oo si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland 26-kii Diseembar, 2025.

Iyadoo ay jirto dood caalami ah oo arrintan ku saabsan, Somaliland ayaa iska fogeysay eedeymaha sheegaya inay oggolaatay in saldhigyo milateri oo Israa’iil leedahay laga sameeyo dhulkeeda ama in qaxooti Falastiiniyiin ah oo ka yimid Gaza la dejiyo, taas beddelkeedana ay hesho aqoonsi.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in xiriirka kala dhexeeya Israa’iil uu yahay “mid diblomaasiyadeed oo qura” uuna ku saleysan yahay “ixtiraam buuxa oo loo hayo sharciga caalamiga ah.”

Beenintan Somaliland ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo u sheegay Al-Jazeera in Somaliland ay aqbashay shuruudo ay ka mid yihiin dib-u-dejinta Falastiiniyiinta, dhismaha saldhig milateri oo ku yaalla Gacanka Cadan, iyo ku biirista heshiisyada Abraham Accords.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay inaan wax wadahadal ah laga yeelan arrimahaas, inkastoo ay qireen inay qayb ka noqonayaan heshiisyada Abraham Accords.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa horraantii toddobaadkan xaqiijiyay in Somaliland ay ku biiri doonto heshiisyada Abraham Accords, isagoo sheegay in Israa’iil ay dooneyso inay taageerto “dal dimuqraadi ah oo dhexdhexaad ah” oo diyaar u ah ka qaybgalka heshiiska.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu toddobaadyada soo socda booqdo Israa’iil, halkaas oo uu si rasmi ah ugu biiri doono heshiisyada Abraham Accords, sida uu wariyay telefishinka dadweynaha Israa’iil ee Kan. 

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka digay in aqoonsiga Israa’iil uu yahay mid lagu qarinayo ujeeddooyin istiraatiijiyadeed, uuna xasillooni darro ka abuuri karo Geeska Afrika.  

Falanqeeyayaal la hadlay Al Jazeera ayaa sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu xiriir la yeelan karo goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland oo ku taalla Badda Cas, kana soo horjeedda kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Cabdimaalik COLDOON oo maanta dib u helay xoriyaddiisa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wariye hore Cabdimaalik Muuse Coldoon oo hadda ah Samafale caan ka ah bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ayaa maanta xabsiga laga sii dayay, kadib mudo uu ku xirnaa magaalada Hargeysa.

Coldoon ayaa saacado kahor dib u helay xoriyadiisa, kadib dadaallo ay sameeyeen waxgaradka oo uu ugu horreeyo Suldaan Yuusuf Muxumed.

Samafale Coldoon oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay soo deyntiisa, wuxuuna u mahad-celiyay dhamaaan dhinacyadii ka qayb-qaatay

“Waxa aan  hadda ka soo baxay xabsi aan ku jiray muddo 73 maalmood ah. Mahad oo dhan Allaah baa is ka leh. Waxa aan si weyn ugu mahadnqayaa suldaankayga Suldaan Yuusuf Muxumed Xeeray  oo si hagar la’aan ah uga shaqeeyey in aan xorriyadayda helo” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdimaalik.

Coldoon ayaa xabsiga kahor laga qabtay magaalada Berbera, isaga oo markaas safar uga soo baxsaday magaalada Burco oo uu degan yahay, wuuuna xilligaas sheegay inuu helay war sheegaya in la doonayo in la xiro, ugu dambeyna sidaas ugu gacan Booliska Somaliland oo hadda sii daayay.

Cabdimaalik Muuse Coldoon waxa hore loogu xiray eedo la xiriira magac-dil iyo faafin been abuur ah oo la sheegay inuu u geystay Iskuulka Abaarso iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Eedahaas oo marna lagu xukumay, marna lagu waayay.

Colaadda u dhaxaysa Coldoon iyo xukuumadda Somaliland ayaa bilaabantay sannadkii 2017, xilligaa oo uu taageero u muujiyay madaxweynihii Soomaaliya ee la doortay, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, isagoo markaa ahaa saxafi.

Taageeradaas kadib, waxa uu bartilmaameed u noqday xukuumadda Somaliland, taasoo keentay in marar kala duwan la xiro.

Si kastaba, sii deyntiisa hadda imaaneysa, iyada oo Somaliland haatan ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay aqoonsiga ay ka heleen Israa’iil oo ay ka hor yimaadeen qaar kamid ah culimada deegaanka oo iyana lasoo xir-xiray.

Xasan Sheekh oo ka digay arrin xasaasi ah oo dhici karta kadib tallaabadii Israel

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland uu fursad dahabi ah siin karo kooxda argagixisada ee Al-Shabaab ee dagaalka ka wadadda Soomaaliya. 

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo wax-ku-ool ah ka gaareyso dagaalka ay kula jirto argagixisada, balse waxa uu ka digay in xiisadaha gobolka ee hareeyay Somaliland ay caqabad ku noqon karaan arrintaas.

Wareysi uu Sabtidii siiyay Al Arabiya English, ayuu Madaxweyne Xasan ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay “ku gacan-sarreyso dagaalka argagixisada,” isagoo daliishanaya culeyska milatari ee joogtada ah iyo iskaashiga xooggan ee lagula jiro Al-Shabaab, kooxdaas oo xiriir la leh Al-Qaacida, muddo ku dhow 20 sano ka badanna dalka ka wadday dagaallo hubeysan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynuhu wuxuu si adag uga digay in joogitaan kasta oo Israa’iil ay ku yeelato Somaliland ama saameyn ay ku sameyso, ay noqon karto mid ay kooxdu uga faa’iideysato dano gurracan.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay dhacdooyinkan u adeegsan karto dacaayad ay ku qorato dagaalyahanno cusub, kuna hesho dhaqaale, maadaama ay ku andacoodaan inay kasoo horjeedaan faragelinta shisheeye.

“Al-Shabaab waxay iska dhigaan kuwo kasoo horjeeda shisheeyaha,” ayuu yiri Madaxweynuhu, isagoo intaas ku daray in kooxdu ay ku lug-lahaanshaha Israa’iil u adeegsan doonto marmarsiyo ay ku xalaaleysato weerarro cusub iyo abaabul dadweyne.

Inkastoo uu qiray jiritaanka khatartaas, haddana Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku adkeystay in ciidamada amniga ee Soomaaliya ay maanta marayaan heerkii ugu wanaagsanaa ee awoodda iyo u-diyaar-garowga ka hortagga khataraha noocaas ah.

Somaliland ayaa ku dhawaaqay madax-bannaani ka dhan ah Soomaaliya 18-kii May, 1991-kii, kadib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, balse ma uusan helin aqoonsi caalami ah, marka laga reebo Israa’iil oo si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland 26-kii Diseembar, 2025.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay taleefishinka Al-Jazeera in Somaliland ay aqbashay shuruudo ay ka mid yihiin dib-u-dejinta Falastiiniyiinta, dhismaha saldhig milateri oo ku yaalla Gacanka Cadan, iyo ku biirista heshiisyada Abraham Accords

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa horraantii toddobaadkan xaqiijiyay in Somaliland ay ku biiri doonto heshiisyada Abraham Accords, isagoo sheegay in Israa’iil ay dooneyso inay taageerto “dal dimuqraadi ah oo dhexdhexaad ah” oo diyaar u ah ka qaybgalka heshiiska.

Ciidanka Danab oo Jilib ka soo qabtay xubno Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ay ka sameeyeen gudaha degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe oo ah fadhiga ugu wayn ee Al-Shabaab.

Bayaan kasoo bxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu faah-faahiyay qaabka uu u dhacay howlgaka oo si weyn loo qorsheeyay, laguna guuleystay in lagu beegsado xubno ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay qoraalka waxaa howlgalkan ay ciidamadu kusoo qabteen 8 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyada oo sidoo kale la dilay 15 kale.

“Hawlgalka ayaa lagu dilay 15 dhagarqabe, halka siddeed kale gacanta lagu dhigay. Hawlgalka oo la fuliyay xilliga habeenkii ayaa muujiyay kororka awoodda hawlgal ee Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan adeegsiga gaadiidka cirka si loo ballaariyo hawlgallada, laguna gaaro cadowga goob kasta iyo waqti kasta” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu boggaadiyay geesinimada, kartida, iyo heeganka Ciidanka Xoogga, maadaama ay guda u galeen Al-Shabaab, ayna u gaysteen khasaare culus.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo habeen hore ka dhacay isla Jilib, laguna soo dilay laba horjooge oo halis ahaa, kana mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda, kuwaas wakiil ka ahaa amniga gudaha iyo dibadda.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay magacyada labada horjooge ee lagu dilay weerarkaas oo ay qaadeen ciidamada NISA iyo saaxibada caalamiga ah “Bartilmaameedyadaas waxaa lagu dilay Injineer Cabdullahi Cismaan Maxamed Abuukar oo loo yaqaanay Injineer Ismaaciil iyo Cabdikariin Maxamed Xirsi (Qoorleex)”. ayuu yiri Fiqi.

Horjooge Injineer Ismaaciil, wuxuu  ahaa gacanta midig ee hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab, iyada oo loo diyaarinayay inuu beddalo Axmed Diiriye. Sidoo kale wuxuu kasoo shaqeeyay qaybta warbaahinta, waxaa kale uu madax kasoo noqday xafiisyada hubka, qaraxyada iyo maktabka guud ee amniyaadka Al-Shabaab, sida uu sheegay wasiirku.

Ninka labaad oo ah Cabdikariin Maxamed Xirsi (Qoorleex) ayaa qaabilsanaa howlgallada dibadda ee kooxda Al-Shabaab, isaga oo weeraro ka fuliyay dalalka dariska, gaar ahaan Kenya oo ay inta badan beegsadaan Al-Shabaab.

Khasaare culus o ka dhashay gaari ay saarnaayeen shacab oo miino la qaraxday

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay deegaanka Kud-kudaaley oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaariga oo ahaa Laylo Calaawi, kana baxay magaalada Muqdisho ayaa kusii jeeday dhanka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxaana la scoday ku dhawaad 20 ruux oo isugu jiro rag iyo dumar.

Qaraxa oo ahaa miino la dhigay waddada dhinaceeda ayaa haleelay gaariga oo ku socday aagga degmada Ruuni-nirgood, waxaana jira khasaare xoogleh oo soo gaaray rakaabkii la socday.

Ugu yaraan illaa 7 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinten qaraxa, oo uu ku jiro darawalkii gaariga, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 4 qof oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gebi ahaan uu burburay gaariga, balse lama oga in qaraxu uu ahaa ku talagal iyo in kale.

Deegaanka uu qaraxu ku haleeyay gaariga ayaa waxaa badanaa howlgallo ka sameeya ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana mararka qaar soo beegsada maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda deegaanka ayaa hadda degan, waxaana gurmad deg-deg ah loo fidiyay dadka ay waxyeellada soo gaartay, inkastoo dhimasho badan jirto.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u kordhayey weerarada qaraxyada ah ee ka dhaca jidadka muhiimka ah ee isku xira gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud oo ay weli ku xoogan yihiin Khawaarijta.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay isku fidineysay Shabeellaha Dhexe, waxaana maalin kahor ay weerar toos ah ku qaadday deegaanka Wargaadhi, inkastoo isla iyagii lagu jabiyay dagaalka.

Kadib soo afduubkii Maduro, Trump oo shaaciyey saddex madaxweyne oo ku xigi kara

Washington (Caasimada Online) – Saacado uun kadib markii Mareykanku duullaan ku qaaday Venezuela si uu u soo qabto Madaxweyne Nicolás Maduro, Madaxweyne Trump ayaa digniin culus u diray dowladaha Mexico, Cuba, iyo Colombia, isagoo u sheegay in dalalkoodu ay noqon karaan kuwa xiga.

Weerarkan layaabka leh ee lagu qaaday Caracas ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Trump uu soo nooleeyay aragtidiisa gaarka ah ee ku aaddan siyaasadda gobolka, waxaana hadallada madaxweynaha ee ah in Mareykanku aanu ka cabsaneyn inuu “ciidamo dhulka soo dhoobo” dalkaas ay muujinayaan in maamulkiisu aanu ka waaban doonin inuu joogitaan waara ku yeesho gobolka.

“Waxaan filayaa in Cuba ay noqon doonto mawduuc aan ka wada hadli doonno, sababtoo ah Cuba waa dal fashilmay xilligan,” ayuu yiri Trump mar la weydiiyay sida dalkaas ku yaalla Kariibiyaanka uu u fasiran karo hawlgalka Venezuela.

“Waxaan dooneynaa inaan caawinno dadka. Waa arrin la mid ah oo aan rabno inaan caawinno dadka Cuba, balse waxaan sidoo kale dooneynaa inaan caawinno dadkii Cuba laga soo barakiciyay ee hadda ku nool dalkan [Mareykanka].”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, oo waalidkiis ay kasoo carareen Cuba, ayaa raaciyay haddii uu “ku noolaan lahaa Havana” ama uu “ka tirsanaan lahaa dowladda,” inuu “ugu yaraan walwali lahaa.” Safaaradda Cuba si degdeg ah uma aysan ka jawaabin codsi faallo oo loo diray. 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sii xoojiyay dhaliishiisa ku aaddan Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro, isagoo horay u sheegay in dalkaas Laatiin Ameerika ku yaalla ay ku yaallaan ugu yaraan saddex warshadood oo waaweyn oo kookeynta (cocaine) lagu sameeyo.

“Kookeyn ayuu sameynayaa. Mareykanka ayay u soo dhoofinayaan. Sidaas darteed waa inuu is ilaaliyo,” ayuu yiri Trump Sabtidii, isagoo ku celinaya hadallo uu bishii hore jeediyay.

Petro waa xulufada Maduro, wuxuuna dhawaan ku eedeeyay Trump inuu jebiyay “mabaadi’da aasaasiga ah” ee Qaramada Midoobay, isagoo ku andacooday in ugu yaraan mid ka mid ah duqeymaha Trump ee xeebaha Venezuela lala beegsaday dad rayid ah.

Horraantii Sabtida, Trump ayaa u sheegay barnaamijka Fox & Friends in “wax laga qabto Mexico ay qasab tahay” markii la weydiiyay su’aal ku saabsan dariska koonfureed ee Mareykanka. 

Trump wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum in aysan maamulin dalkeeda, balse ay kooxaha daroogada (cartels) gacanta ku hayaan.

“Waan iska dhigi karnaa dad ilbax ah oo fiican, oo dhihi karnaa ‘Haa way maamushaa.’ Laakiin aad bay uga baqeysaa kooxaha daroogada,” ayuu yiri Trump. “Iyaga ayaa maamula Mexico. Dhowr jeer baan weydiiyay ma dooneysaa inaan kaa qabanno kooxaha daroogada? ‘May, may, may, Mudane Madaxweyne, fadlan.’ Marka waa inaan wax sameynaa.”

Colombia, Cuba, iyo Mexico ayaa ka mid ahaa dalalka cambaareeyay hawlgalka Mareykanka ee Venezuela, iyagoo sheegay in weerarku uu halis gelinayo xasilloonida gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mexico ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Laatiin Ameerika iyo Kariibiyaanku waa aag nabadeed… sidaas darteed tallaabo kasta oo milateri waxay si dhab ah u wiiqeysaa xasilloonida gobolka.”

Dhanka kale, Madaxweynaha Cuba Miguel Díaz-Canel ayaa isku soo bax dhacay Sabtidii ku tilmaamay weerarka mid “fulaynimo, dambiilenimo iyo khiyaano ah.”

Gudaha Mareykanka, Dimoqraadiyiin badan iyo qaar ka mid ah Jamhuuriga ayaa cambaareeyay hawlgalka oo la fuliyay iyadoon oggolaansho laga haysan Koongareeska.  

Xasan Sheekh oo awood ciidan ugu hanjabay Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Al Carabiya ayaa si adag uga hadlay xiisadda Somaliland ee ka dhalatay aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil, kaas oo ay horay u diiday dowladd federaalka.

Xasan Sheekh ayaa hanjabaad culus u diray hoggaanka Somaliland, haddii aanay ka joogsan waddada ay ku socdaan ee gooni u goosadka ah, wuxuuna sheegay inay arrintu tagi karto awood isku maquunin.

Mar wax laga waydiiyay in uu awood ciidan ku wajahayo arrinta Somaliland, ayaa waxa uu sheegay in ‘goosashu’ ay ka daran tahay argagixisada.

“Wax kasta waa suuragal, marka amniga Qaranku halis galo.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in uusan sii jiri doonin mashruuca gooni u goosadka ah ee Somaliland, isaga oo tilmaamay in markii ay taasi ogaadeen inay u bareereen heshiiska Israa’iil.

“Somaliland waa mashruuc aan sii socon karin, sababtaas ayey hoggaankeedu isugu tuureen Israa’iil” ayuu mar kale yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa si deg-deg ah uga soo jawabtay hanjabaadda Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana soo hadlay Wakiilka Somaliland ee Mareykanka Bashiir Good.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in Madaxweynaha Soomaaliya uu isku ilaaliyo ciidan oo kaliya, isla markaana haddii uu awood lahaan lahaa uu isaga dhicin lahaa argagixisada.

“Madaxweynaha Muqdisho xafiiskiisa kama bixi karo haddii aanay ciidamo badan iyo tikniko la socon, haddii uu awood leeyahayna argagixisada ayuu ka adkaan lahaa” ayuu yiri Bashiir Good.

Dowladda Federaalka iyo Somailand ayaa haatan si weyn isku haya, waxaana xiisaddooda sii kiciyay aqoonsiga ay dhawaan ku dhawaaqday inay Israa’iil siisay maamulka Hargeysa.

Trump oo shaaciyey qorshe yaab leh oo Venezuela ah kadib soo qabashadii Maduro

Palm Beach (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii shaaca ka qaaday in dowladda Mareykanku ay si ku-meel-gaar ah u “maamuli doonto” dalka Venezuela, kadib markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ay hawlgal qorsheysan kusoo qabteen Madaxweyne Nicolás Maduro.

Tallaabadan ayaa dhalisay falcelinno adag oo ka yimid qaaradda Laatiin Ameerika iyo digniino culus oo kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Isagoo ka hadlayay hoygiisa Mar-a-Lago ee gobolka Florida, Trump wuxuu sheegay in hawlgalka ay ka qayb qaateen in ka badan 150 diyaaradood, uuna ku soo dhamaaday iyadoo Maduro iyo xaaskiisa, Cilia Flores, ay gacanta ugu jiraan Mareykanka, saaranna markabka dagaalka ee USS Iwo Jima.

Waxa uu intaas ku daray in loo soo wado magaalada New York si ay u waajahaan eedeymo la xiriira “argagixisonimo dhanka daroogada ah.”

Trump wuxuu xusay in Washington ay maamuli doonto Venezuela inta laga gaarayo “kala-guur ammaan ah, habboon, oo hufan,” inkastoo uusan bixin faahfaahin ku saabsan sida maamulka maalinlaha ah uu noqon doono ama muddada uu qaadan doono.

Saraakiisha Mareykanka ayaa hawlgalkan ku tilmaamay “Operation Absolute Resolve”, iyagoo sheegay in koox yar oo ka tirsan maamulka ay qorsheynayeen muddo bilo ah, iyagoo adeegsanaya xog sirdoon oo laga helay “shaqsi aad ugu dhow” Maduro si loola socdo dhaqdhaqaaqiisa.

Saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada Mareykanku ay u sii tababarteen qaabka soo qabashada, iyagoo qaaday weerarro waaberigii ah oo lagu wiiqayay difaaca cirka ee Venezuela ka hor inta aan la qaban madaxweynaha. Trump wuxuu sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha Mareykanka ay dhaawacmeen, balse ma uusan soo werin wax dhimasho ah.

Maamulka Trump ayaa cuskaday qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay oo dhigaya xaqa is-difaaca, iyagoo hawlgalka ku tilmaamay mid looga hortagayo khatar “argagixiso daroogo.” Hase yeeshee, dadka dhaliila arrintan ayaa su’aal geliyay sababeyntan iyo haddii hawlgalku waafaqsan yahay sharciga caalamiga ah.

Falcelinta caalamka iyo gobolka

Falcelinta gobolka ayaa noqotay mid si degdeg ah u kala qeybsantay. Madaxweynaha Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, ayaa cambaareeyay faragelinta oo ku tilmaamay “mid aan la aqbali karin,” isagoo dalbaday jawaab ka timaada QM.

Dhanka kale, xoghayaha guud ee QM, António Guterres, ayaa ka digay in tallaabadani ay jeexeyso “waddo halis ah”. Venezuela iyo Colombia, oo taageero ka helaya Ruushka iyo Shiinaha, ayaa riixay in la isugu yeero kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka ah.

Dowladaha kale ayaa ku baaqay dhowrista madax-bannaanida, halka hoggaamiyeyaasha Argentina iyo Ecuador ay soo dhaweeyeen ka saarista Maduro.

Trump ayaa sheegay in Washington ay sii wadi doonto cunaqabataynta shidaalka iyo xayiraadaha kale hadda, isagoo intaas ku daray in ciidamada badda ee Mareykanka ay sii joogi doonaan boosaskooda ilaa shuruudaha Mareykanka laga buuxinayo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in shirkadaha tamarta ee Mareykanku ay maalgashi ballaaran ku sameyn doonaan dib-u-dhiska kaabayaasha shidaalka ee Venezuela.

Venezuela ayaa leh keydka saliidda cayriin ee ugu badan adduunka, in kastoo soo-saarkeedu aad hoos ugu dhacay maamul xumo iyo cunaqabatayn awgeed. Saraakiisha Venezuela ayaa sheegay in xarumaha shidaalka aysan waxyeello kasoo gaarin duqeymaha.

Xaaladda Siyaasadeed ee Gudaha

Gudaha Washington, Dimoqraadiyiinta ayaa ku eedeeyay Trump inuu hareer maray Koongareeska.

Xildhibaanad Alexandria Ocasio-Cortez ayaa ku tilmaantay marmarsiyada “argagixisada daroogada” mid lagu qarinayo ujeedka dhabta ah oo ah isbaddel nidaam, halka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio uu difaacay sirta hawlgalka, isagoo ku dooday in hawlgalku u baahnaa inuu noqdo mid kedis ah.

Trump ayaa isna yiri: “Koongareesku wuxuu caado u leeyahay inuu sirta bixiyo.”

Qabashada Maduro ayaa abuurtay faaruq siyaasadeed. Hoggaamiyaha mucaaradka, María Corina Machado, ayaa ugu baaqday Edmundo González Urrutia—oo Mareykanka iyo xulafadiisu u aqoonsan yihiin guuleystaha doorashadii 2024-kii—inuu la wareego madaxtinimada, balse Trump ayaa shaki geliyay waddadaas.

Dhanka kale, Venezuela ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah iyo “abaabul guud,” iyadoo madaxweyne ku-xigeenka Delcy Rodríguez ay cambaareysay waxa ay ugu yeertay “weerar bahalnimo ah,” taas oo muujineysa in hay’adaha amniga ee Maduro aysan weli si rasmi ah u wareejin xukunka.

DF iyo maamul goboleedyada oo ka shiray qorshaha Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa qorshaha ay ku dhawaaqday dowladda Turkiga ee ku aaddan qodista shidaalka Soomaaliya ayaa maanta shir wada-tashi ah ku casuuntay wasiirada batrolka iyo kheyraadka macdanta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkaan oo socon doona sedex maalin ayaa waxaan sidoo kale ka qayb-galay guddi hoosaadka Kheyraadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka, si loo soo saaro go’aan wadajir ah oo lagu wajahayo qorshaha ku aaddan shidaal qodista.

Sidoo kale muddada uu socdo shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa adkaynta wada shaqeynta wasaaraddaha, hay’adaha iyo is-dhaafsiga xogaha farsamo iyo sharciyadeed, iyo isku-duwidda dadaallada la xiriira horumarinta iyo maareynta kheyraadka batrolka iyo macdanta dalka.

Wasiirka batrolka Soomaaliya Daahir Shire oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa xoojiyay tallaabada Madaxweynaha ee ku aaddan shidaal qodista, iyada oo howlgalkaas uu fulin doono Turkiga oo isagu horay u sameeyay sahminta.

“Madaxweynaha JFS wuxuu qaaday tallaabo geesinimo leh oo ku aaddan shidaal-qodista, waxaana Xukuumadda DanQaran ay leedahay qorshe weyn oo ku saabsan soo saarista shidaalka dalka” ayuu yiri Wasiir Daahir Shire.

Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay go’aanka qodista shidaalka Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Istanbul.

Labada Madaxweyne ayaa shaaciyay in howsha qodista shidaalka ay bilaaban doonto sanadka cusub ee 2026-ka, si looga faa’iideysto khayraadka Somalia.

Turkiga ayaa sidoo kale Arbacadii ku dhawaaqay in bisha soo socota ee Febraayo uu Soomaaliya usoo diri doono markab sameeya qodista shidaalka, si loo fuliyo mashruucii ugu horreeyay ee shidaal iyo gaas qodis ah oo ay dowladda Turkiga ka sameyso meel ka baxsan dalkeeda.

NISA oo JILIB ku dishay laba horjooge oo halis ah + Magacyada

0

Jilib (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgal culus oo ay NISA iyo saaxibada caalamiga ah ka fuliyeen gudaha degmada Jilib oo ah xarunta ugu wayn ee kooxda Al-Shabaab.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaas oo bartilmaameed ahaa uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu naafeeyay argagixisada.

“10-kii bisha December 2025 Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo kaashaneysa saaxibada caalamka, gaar ahaan Mareykanka ayaa fuliyay howlgal beegsi ah duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kana dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in laggu dilay laba horjooge oo halis ahaa, kana mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda, isla markaana wakiil ka ahaa amniga gudaha iyo dibadda.

“Howlgalkan waxaa lagu dilay laba horjooge oo kamid ahaa kuwii ugu qatarta badnaa ee soo mara kooxdaas, kuwaas oo si toos ah u maamulayay qaraxyada, amniga gudaha iyo howlgallada dibadda” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu warbaahinta la wadaagay magacyada labada nin ee lagu dilay weerarka ay NISA iyo Mareykanka ka fuliyeen degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe. “Bartilmaameedyadaas waxaa lagu dilay Injineer Cabdullahi Cismaan Maxamed Abuukar oo loo yaqaanay Injineer Ismaaciil iyo Cabdikariin Maxamed Xirsi (Qoorleex)” ayuu mar kale yiri Wasiirka.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale bixiyay xogta horjooge Injineer Ismaaciil, wuxuuna sheegay inuu ahaa gacanta midig ee hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay in loo diyaarinayay inuu beddalo Axmed Diiriye.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu kasoo shaqeeyay qaybta warbaahinta, sidoo kalena uu madax kasoo noqday xafiisyada hubka, qaraxyada iyo maktabka guud ee amniyaadka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu intaasi raaciyay inuu kasoo shaqeeyay, isla markaana abaabulay qaraxyo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay kamid yihiin, qaraxii Zoobe, weerarkii Godka Jilacow, qaraxii Madaxweynaha lagula beegsaday isgoyska Ceelgaabta iyo kuwa kale.

Ninka labaad oo ah Cabdikariin Maxamed Xirsi (Qoorleex) oo qaabilsanaa howlgallada dibadda ee kooxda Al-Shabaab, isaga oo weeraro ka fuliyay dalalka dariska, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.