24.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Trump oo shaaciyey qorshe yaab leh oo Venezuela ah kadib soo qabashadii Maduro

Palm Beach (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii shaaca ka qaaday in dowladda Mareykanku ay si ku-meel-gaar ah u “maamuli doonto” dalka Venezuela, kadib markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ay hawlgal qorsheysan kusoo qabteen Madaxweyne Nicolás Maduro.

Tallaabadan ayaa dhalisay falcelinno adag oo ka yimid qaaradda Laatiin Ameerika iyo digniino culus oo kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Isagoo ka hadlayay hoygiisa Mar-a-Lago ee gobolka Florida, Trump wuxuu sheegay in hawlgalka ay ka qayb qaateen in ka badan 150 diyaaradood, uuna ku soo dhamaaday iyadoo Maduro iyo xaaskiisa, Cilia Flores, ay gacanta ugu jiraan Mareykanka, saaranna markabka dagaalka ee USS Iwo Jima.

Waxa uu intaas ku daray in loo soo wado magaalada New York si ay u waajahaan eedeymo la xiriira “argagixisonimo dhanka daroogada ah.”

Trump wuxuu xusay in Washington ay maamuli doonto Venezuela inta laga gaarayo “kala-guur ammaan ah, habboon, oo hufan,” inkastoo uusan bixin faahfaahin ku saabsan sida maamulka maalinlaha ah uu noqon doono ama muddada uu qaadan doono.

Saraakiisha Mareykanka ayaa hawlgalkan ku tilmaamay “Operation Absolute Resolve”, iyagoo sheegay in koox yar oo ka tirsan maamulka ay qorsheynayeen muddo bilo ah, iyagoo adeegsanaya xog sirdoon oo laga helay “shaqsi aad ugu dhow” Maduro si loola socdo dhaqdhaqaaqiisa.

Saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada Mareykanku ay u sii tababarteen qaabka soo qabashada, iyagoo qaaday weerarro waaberigii ah oo lagu wiiqayay difaaca cirka ee Venezuela ka hor inta aan la qaban madaxweynaha. Trump wuxuu sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha Mareykanka ay dhaawacmeen, balse ma uusan soo werin wax dhimasho ah.

Maamulka Trump ayaa cuskaday qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay oo dhigaya xaqa is-difaaca, iyagoo hawlgalka ku tilmaamay mid looga hortagayo khatar “argagixiso daroogo.” Hase yeeshee, dadka dhaliila arrintan ayaa su’aal geliyay sababeyntan iyo haddii hawlgalku waafaqsan yahay sharciga caalamiga ah.

Falcelinta caalamka iyo gobolka

Falcelinta gobolka ayaa noqotay mid si degdeg ah u kala qeybsantay. Madaxweynaha Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, ayaa cambaareeyay faragelinta oo ku tilmaamay “mid aan la aqbali karin,” isagoo dalbaday jawaab ka timaada QM.

Dhanka kale, xoghayaha guud ee QM, António Guterres, ayaa ka digay in tallaabadani ay jeexeyso “waddo halis ah”. Venezuela iyo Colombia, oo taageero ka helaya Ruushka iyo Shiinaha, ayaa riixay in la isugu yeero kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka ah.

Dowladaha kale ayaa ku baaqay dhowrista madax-bannaanida, halka hoggaamiyeyaasha Argentina iyo Ecuador ay soo dhaweeyeen ka saarista Maduro.

Trump ayaa sheegay in Washington ay sii wadi doonto cunaqabataynta shidaalka iyo xayiraadaha kale hadda, isagoo intaas ku daray in ciidamada badda ee Mareykanka ay sii joogi doonaan boosaskooda ilaa shuruudaha Mareykanka laga buuxinayo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in shirkadaha tamarta ee Mareykanku ay maalgashi ballaaran ku sameyn doonaan dib-u-dhiska kaabayaasha shidaalka ee Venezuela.

Venezuela ayaa leh keydka saliidda cayriin ee ugu badan adduunka, in kastoo soo-saarkeedu aad hoos ugu dhacay maamul xumo iyo cunaqabatayn awgeed. Saraakiisha Venezuela ayaa sheegay in xarumaha shidaalka aysan waxyeello kasoo gaarin duqeymaha.

Xaaladda Siyaasadeed ee Gudaha

Gudaha Washington, Dimoqraadiyiinta ayaa ku eedeeyay Trump inuu hareer maray Koongareeska.

Xildhibaanad Alexandria Ocasio-Cortez ayaa ku tilmaantay marmarsiyada “argagixisada daroogada” mid lagu qarinayo ujeedka dhabta ah oo ah isbaddel nidaam, halka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio uu difaacay sirta hawlgalka, isagoo ku dooday in hawlgalku u baahnaa inuu noqdo mid kedis ah.

Trump ayaa isna yiri: “Koongareesku wuxuu caado u leeyahay inuu sirta bixiyo.”

Qabashada Maduro ayaa abuurtay faaruq siyaasadeed. Hoggaamiyaha mucaaradka, María Corina Machado, ayaa ugu baaqday Edmundo González Urrutia—oo Mareykanka iyo xulafadiisu u aqoonsan yihiin guuleystaha doorashadii 2024-kii—inuu la wareego madaxtinimada, balse Trump ayaa shaki geliyay waddadaas.

Dhanka kale, Venezuela ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah iyo “abaabul guud,” iyadoo madaxweyne ku-xigeenka Delcy Rodríguez ay cambaareysay waxa ay ugu yeertay “weerar bahalnimo ah,” taas oo muujineysa in hay’adaha amniga ee Maduro aysan weli si rasmi ah u wareejin xukunka.

DF iyo maamul goboleedyada oo ka shiray qorshaha Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa qorshaha ay ku dhawaaqday dowladda Turkiga ee ku aaddan qodista shidaalka Soomaaliya ayaa maanta shir wada-tashi ah ku casuuntay wasiirada batrolka iyo kheyraadka macdanta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkaan oo socon doona sedex maalin ayaa waxaan sidoo kale ka qayb-galay guddi hoosaadka Kheyraadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka, si loo soo saaro go’aan wadajir ah oo lagu wajahayo qorshaha ku aaddan shidaal qodista.

Sidoo kale muddada uu socdo shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa adkaynta wada shaqeynta wasaaraddaha, hay’adaha iyo is-dhaafsiga xogaha farsamo iyo sharciyadeed, iyo isku-duwidda dadaallada la xiriira horumarinta iyo maareynta kheyraadka batrolka iyo macdanta dalka.

Wasiirka batrolka Soomaaliya Daahir Shire oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa xoojiyay tallaabada Madaxweynaha ee ku aaddan shidaal qodista, iyada oo howlgalkaas uu fulin doono Turkiga oo isagu horay u sameeyay sahminta.

“Madaxweynaha JFS wuxuu qaaday tallaabo geesinimo leh oo ku aaddan shidaal-qodista, waxaana Xukuumadda DanQaran ay leedahay qorshe weyn oo ku saabsan soo saarista shidaalka dalka” ayuu yiri Wasiir Daahir Shire.

Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay go’aanka qodista shidaalka Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Istanbul.

Labada Madaxweyne ayaa shaaciyay in howsha qodista shidaalka ay bilaaban doonto sanadka cusub ee 2026-ka, si looga faa’iideysto khayraadka Somalia.

Turkiga ayaa sidoo kale Arbacadii ku dhawaaqay in bisha soo socota ee Febraayo uu Soomaaliya usoo diri doono markab sameeya qodista shidaalka, si loo fuliyo mashruucii ugu horreeyay ee shidaal iyo gaas qodis ah oo ay dowladda Turkiga ka sameyso meel ka baxsan dalkeeda.

NISA oo JILIB ku dishay laba horjooge oo halis ah + Magacyada

0

Jilib (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgal culus oo ay NISA iyo saaxibada caalamiga ah ka fuliyeen gudaha degmada Jilib oo ah xarunta ugu wayn ee kooxda Al-Shabaab.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaas oo bartilmaameed ahaa uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu naafeeyay argagixisada.

“10-kii bisha December 2025 Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo kaashaneysa saaxibada caalamka, gaar ahaan Mareykanka ayaa fuliyay howlgal beegsi ah duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kana dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in laggu dilay laba horjooge oo halis ahaa, kana mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda, isla markaana wakiil ka ahaa amniga gudaha iyo dibadda.

“Howlgalkan waxaa lagu dilay laba horjooge oo kamid ahaa kuwii ugu qatarta badnaa ee soo mara kooxdaas, kuwaas oo si toos ah u maamulayay qaraxyada, amniga gudaha iyo howlgallada dibadda” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu warbaahinta la wadaagay magacyada labada nin ee lagu dilay weerarka ay NISA iyo Mareykanka ka fuliyeen degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe. “Bartilmaameedyadaas waxaa lagu dilay Injineer Cabdullahi Cismaan Maxamed Abuukar oo loo yaqaanay Injineer Ismaaciil iyo Cabdikariin Maxamed Xirsi (Qoorleex)” ayuu mar kale yiri Wasiirka.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale bixiyay xogta horjooge Injineer Ismaaciil, wuxuuna sheegay inuu ahaa gacanta midig ee hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay in loo diyaarinayay inuu beddalo Axmed Diiriye.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu kasoo shaqeeyay qaybta warbaahinta, sidoo kalena uu madax kasoo noqday xafiisyada hubka, qaraxyada iyo maktabka guud ee amniyaadka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu intaasi raaciyay inuu kasoo shaqeeyay, isla markaana abaabulay qaraxyo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay kamid yihiin, qaraxii Zoobe, weerarkii Godka Jilacow, qaraxii Madaxweynaha lagula beegsaday isgoyska Ceelgaabta iyo kuwa kale.

Ninka labaad oo ah Cabdikariin Maxamed Xirsi (Qoorleex) oo qaabilsanaa howlgallada dibadda ee kooxda Al-Shabaab, isaga oo weeraro ka fuliyay dalalka dariska, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Xildhibaannada G/Waqooyi ee USP oo go’aan kasoo saaray aqoonsiga Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada iyo wasiirrada kasoo jeeda Gobollada Waqooyi, gaar ahaan kuwa maamulka Waqooyi Bari iyo gobolka Awdal oo ku midoobay xisbigii USP ayaa maanta qaadacay aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland.

Warsaxaafadeed ay soo saareen xubnahan ayaa waxa ay ugu horreyn ku cambaareeyeen xiriirka Israa’iil iyo Somaliland, iyaga oo tilmaamay in aqoonsiga lagu dhawaaqay uu halis ku yahay madax banaanida dalka.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa xadgudubka ka dhanka ah madax banaanida, midnimada iyo gobanimada Soomaaliya ee uu ku kacay nidaamkii gumeysiga cusub ee Israa’iil oo qayb kamid ah Soomaaliya u aqoosaday dal madax banaan” ayay ku yiraahdeen warsaxaafadeedkooda.

Sidoo kale waxa ay u digeen maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa, iyaga oo sheegay in caburin ku yahay waxgaradka iyo culimada diidan ictiraafka.

“Maamulka gooni u goosadka ah waxaa uga digeynaa tallaabooyinka xadgudubka ah sida dilka caburinta iyo caga jugleynta ay ku beegsanayaan dadka midnima doonka ee waxgaradka iyo culimada leh” ayay sii raaciyeen.

Waxaa kale oo ay boggaadiyeen talaabadii ay qaaday dowladda federaalka oo gebi ahaan kasoo horjeesatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Xildhibaannada iyo wasiirada ku hadlay magaca USP ayaa sidoo kale ayiday go’aankii golaha wasiirada ee soo baxay 26-kii December 2025 iyo qaraarka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay kaas oo buriyay aqoonsi ay Somaliland ka heshay Israa’iil.

Ugu dambeyn waxay u mahadceliyeen dalal iyo ururrada caalamiga ah ee sid wayn uga horyimid xadgudubka Israa’iil ee madax banaanida Soomaaliya

Xasan Sheekh oo jawaab kulul siiyay madaxweyne Trump

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay u jawaabay dhiggiisa dalka Mareykanka Donald Trump oo marar badan u gefay Soomaaliya.

Trump ayaa isagoo dhawaan ka hadlayay kulan golaha wasiirrada ah wuxuu sheegay in Soomaalidu yihiin “khashin” iyo in Mareykanku “aadi doono jihada khaldan haddii aan sii wadno inaan dalkeenna ku qaabilno khashin.”

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa sidoo kale beegsaday muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan Maraykanka, isagoo hadallo arrimo kala duwan uu kaga hadlay oo uu jeediyay bulshada ku tilmaamay inay “waxba ku soo kordhin… anigu ma doonayo inay dalkeenna joogaan.”

Xasan Sheekh oo hadda soo jawaabay, kadib wareysi uu siiyay Telefishinka Al Carabiya ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay aflagaaddada Trump oo marar badan soo laa laabatay, ayna ka xumaadeen dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa qab leh isla markaana uu garaadkooda uu gaarsiisan yahay meel sare.

“Wax la aqbali karo maaha in Trump uu Soomaalida ugu yeero qashin, Soomaalidu waa dad caqli badan oo karti badan” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hadallada Trump oo dhaliya falcelin xoogan ayaa si muuqata u xambaarsan cunsuriyad iyo jees-jees siyaasadeed, isagoo aan lahayn isku xirka hadal siyaasadeed oo rasmi ah.

Madaxweynaha Mareykanka oo caan ku ah hadallo soo noqnoqda iyo jees-jees, ayaa ku celinayay weeraro afka ah oo uu ku qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo dalka ay kasoo jeedo Soomaaliya.

Trump oo sheegay inay qabteen Madaweynaha Venezuela iyo xaaskiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in weerarkii ay maanta ciidamadiisa ku qaadeen magaalada Caracas ee caasimadda dalka Venezuela ay kusoo qabteen Madaxweyne Nicolas Madura iyo xaaskiisa.

Weerarka oo qaatay 6 saacadood oo kaliya ayaa waxaa fuliyay ciidanka Mareykanka ee Delta Force oo ah  qaybta ugu sareysa ee militariga Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada.

Madaxwyne Trump wuxuu sidoo kale sheegay in dalkaas laga bixiyay Madura iyo xaaskiisa isla markaana loo qaaday waddanka dibaddiisa.

“Dalka Mareykanka ayaa si guul leh u fuliyay weerar ballaaran oo ka dhan ah Venezuela iyo hoggaamiyahooda, Madaxweyne Nicolás Maduro, kaas oo isaga iyo xaaskiisa labadaba la qabtay lagana duuliyay dalka.” ayuu yiri Trump.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in weerarka Mareykanka la adeegsaday, si loo ilaaliyo loona difaaco kuwa fulinayay amar xiridda.

Donald Trump ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida loo qabtay Maduro ama meesha loo qaaday.

Mareykanka ayaa muddo raadinayay soo qabashada Madaxweynaha Venezuela Nicolas Madura, wuxuuna horay u ballanqaaday abaalmarin dhan $50 milyan cid kasta oo bixisa macluumaad horseeda qabashada Maduro.

Maxaa ka jira in Dekedda Muqdisho laga soo dajiyay alaab halis ah?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Maareeyaha dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Ameeriko oo maanta ka hadlay munaasabad ka dhacday dekedda oo uu xilka ku wareegay taliye cusub oo loo magacaayay saldhigga dekedda ayaa ka hadlay warar la xiriira in dekadda laga soo dajiyay waxyaabo maankadooriya, xilli taliyihii hore Gaashaanle Sare Axmed-khadar Maxamed Xasan la sheegay inuu isku casilay arrintaas darteed.

Ameeriko ayaa beeniyay in konteenar daroogo ah laga soo dajiyay dekedda la fasaxay, isaga oo tilmaamay in wararkaas ay yihiin kuwa been abuur ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada shaqeyn toos ah ay leeyihiin hay’adaha amniga, gaar ahaan Booliska, ayna sii laa jibaari doonaan dadaalkooda.

“Waxaan cadeyneynaa in dekadda Muqdisho aysan kasoo bixin hal konteenar oo darooga ah Ciidanka Booliska iyo aniga waan wada-shaqeynaa” ayuu yiri Ameeriko.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Indhaheenna ayaa furan dadweynaha ayaan u wada dhaaranay inaan ka celino waxybaaha maandooriyeyaasha iyo waxyaalaha kale ee sharci darrada ah Ilaahey ayaa na cadaabaayo annaga oo arkeenno waxyaalo ma taqaanaa dhacay inaan u gudbino ilmaheenna”.

Maareeyaha dekadda ayaa sidoo kale uga digay ganacsatada inay soo dajiyaan badeeco sharci darro ah, ama maandooriye ah, isaga oo ku goodiyay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta sharciga.

“Ganacsatada waxaan uga digeynaa inay ka digtoonaadaan gacan bir ah ayaa lagu qabanayaa cidii lagu arko daroogo ama alaab sharci darro ah” ayuu mar kale yiri Maxamed Cali Ameeriko.

Hoos ka daawo muuqaalka:-

BF Soomaaliya oo maanta ansixiyay sharci muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Daawada.

Sharcigan oo ay golaha usoo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa waxaa ogolaaday illaa 141 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin wax diiday, sida uu shaaciyay guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibaannada qaar ee Golaha Shacabka oo ka hadlayay sharcigan ayaa diiradda saaray arrimaha daroogada, waxayna soo jeediyeen inay dowladdu wax ka qabato, si loo badbaadiyo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Qaadku wuxuu nagu hayaa dhibaato badan waxaana nooga baxdo lacag badan waa in sharcigan lagu soo daraa” ayay tiri Xildhibaan Qadro.

Dhankiisa Xildhibaan Jeesow ayaa kulanka dhex yiri “Taliyihii dekedda Muqdisho ayaa isu casilay Tabuu iyo Billi billi awgeed daroogada waxay duurka galisay dhalinta Muqdisho”.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa dhankooda Xildhibaanada Golaha uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka Daawada, waxayna sheegeen ansixintiisa ay kusoo aaday xili ay baahi weyn u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Xildhibaannada

Ugu dambeyn mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loo qeybiyey warbixinta Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Amniga Seybarka Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta.Golaha Shacabka ayaa ka dooday Axdiga Xakameynta Tubaakada , waxaana xildhibaanada ay ka doodeen qodobada Axdigan iyo sidoo kale dhibaatada ay Tubaakada ku heyso bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada, sidoo kalena ay muhiim tahay in siyaasad mideysan laga yeesho ka hortageeda.

Muddooyinkii lasoo dhaafay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dardargelinayay howlihii shaqo, wuxuuna todobaadkii hore ansixiyay  Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026, taas oo gaareysa $1,386,807,242 (hal bilyan, saddex boqol iyo sideetan iyo lix milyan, sideed boqol iyo toddobo kun, laba boqol, afartan iyo laba dollar).

Sawirro: Jubbaland oo toogasho ku fulisay Aadan Ibraahim

0

Kismaayo (Caasimada Online) –  Maxkamadda Ciidamada ee Jubbaland ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay Marxuum Aadan Ibraahim Axmed Macoow oo ahaa askari ka tirsan ilaalada madaxtooyada maamulkaas, kaas oo horay u dilay askari kale.

Marxuumka ayaa lagu oofiyay xukunka qisaasta Allaha u naxariistee marxuum Cabdifataax Cumar Shariif oo ay ka wadan tirsanaa ciidamada Jubbaland,

“Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta xukunkan dil ah ku fulisay dable Aadan Ibraahim Axmed Macoow, kaasoo ka tirsanaa ciidamada madaxtooyada Dowladda Jubbaland. Waxa uu horey u dilay Allaha u naxariistee Cabdifataax Cumar Shariif, oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada madaxtooyada Jubbaland” ayay tiri Jubbaland oo faahfaahisay dilka.

Dilka uu horay u gaystay askariga maanta la toogtay ayaa ka dhashay muran soo kala dhex-galay lisaga iyo marxuumka, iyadoo kadib ay sidaas kiiska kula wareegtay maxkamadda ciidamada ee maamul-goboleedka Jubbaland.

“Muran soo kala dhexgalay labada askari, oo ku billowday kabo ciidan oo ay isku qabsadeen, ayaa ugu dambeyn sababay in mindi uu watay Aadan Ibraahim Axmed Macoow uu ku dilo saaxiibkiisii oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada madaxtooyada, Cabdifataax Cumar Shariif, 24-6-2025” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Sidoo kae, baaris dheer kadib, maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland oo saddex jeer kiiska u fariisatay ayaa ugu dambeyn ku xukuntay dil toogasho ah Aadan Ibraahim Axmed Macoow, taas oo ah qisaasta marxuum Cabdifataax Cumar.

Ugu dambeyntii, maanta ayaa lagu fuliyay dil toogasho ah Aadan Ibraahim Macoow, iyadoo maxkamadda ciidamada, iyada oo ay goobjoog ahaayeen mas’uuliyiinta maxkamadda, ehellada marxuumka iyo dadweyne kale.

Jubbaland ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar iyo xubno ka tirsanaa A-Shabaab oo lagu helay fal-dambiyeedyo ka dhacay maamulkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda deegaanka Wargaadhi

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo aagga deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay shalay soo weerareen Al-Shabaab, balse lagu jabiyay isla iyagii.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in maanta howlgallo culus iyo dhaq-dhaqaaqyo ay ka wadaan halkaasi, iyaga oo isku fidiyay bannaanka deegaanka Wargaadhi, si ay u baacsadaan Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa xalay lasoo wariyay in duqeyn ay ka dhacday halkaasi, taas oo lagu beegsaday firxadka Al-Shabaab, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Jabka Khawaarijta lagu gaarsiiyay Wargaadhi ayaa yimid, kadib markii dagaalkii shalay lagu dilay horjoogihii horkacayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday deegaankaas, taas oo dhabar-jab weyn ku noqotay kooxda, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Maleeshiyaadkii la socday horjoogaha la khaarijiyay ayay sidoo kale dowladdu sheegtay in la gaarsiiyay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo firxad, iyadoo ciidamadu ay weli ku howlan yihiin baacsiga xubnaha baxsaday.

Si kastaba, ha’aahtee Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe isku aruursanaysay gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay dhowr jeer kula dagaallameen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka.

Somaliland oo xabsiga dhigtay Sheekh Maxamed Weli kadib markii…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay maanta xabsiga dhigeen Sheekh Maxamed-weli Cabdirashiid oo ka mid ah culimada waaweyn ee deegaanada maamulkaasi, kaas oo Jimcihii shalay si adag kaga horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Sheekh Maxamed-weli ayaa xilli uu jeedinayay khudbaddii Jimcaha ku sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu Talaadadii u yeeray isaga iyo culimo kale, uuna la wadaagay heshiiska uu la galay Israa’iil ee soo dadajiyay aqoonsiga, isaga oo tilmaamay in ka culimo ahaan ay u sheegeen in uusan saxiixin heshiiskaas, maadaama uu liddi ku yahay Diinta Islaamka.

“Madaxweynaha ayaa habeenkii Talaadada noo yeeray annagoo ah culimo kala duwan oo waddanka ah oo waa wayn oo kala firqooyin ah anna aan ku jiro aadbuu u mahadsan yahay wuu noo warramay heshiiskii uu galay iyo inta dhiman ee imminka Tel Aviv u tegayo annaguna waan waaninay, waana u nasteexeynay, waana u sheegnay shareecada Alle sida ay tahay xaqii ayaan u caddeynay” ayuu khudbaddiisa ku yiri Sheekh Maxamed-weli Cabdirashiid.

Sidoo kale, wuxuu bulshada Somaliland u sharraxay nuxurka heshiiska labada dhinac ee horay loo qariyay, isaga oo sheegay inuu si cad uga hor imaanayo Diinta.

“Waxaan ku waanineynaa Madaxweynahana aan u sheegeynaa heshiiskaas waxaa ku jira waa inaa ixtiraamto oo aqbasho jiritaanka Israa’iil waa inaa diido Falastiin, waxaa ku leenahay Ilaahey ka cabso oo ha taginoo heshiiskaas ha saxiixin” ayuuu sii raaciyay.

Intaas kadib Ciidanka Somaliland ayaa Sheekha kasoo xiray Masjidka Salaaddii Cishaha kadib, waxaana loo haystaa ka hadalka arrintaasi.

Si kastaba, Somaliland ayaa naqdin wayn kala kulantay heshiiska ay la gashay Israa’iil ee keenay in Israa’iil ay ku dhawaaqday inay aqoonsatay maamulkaasi.

Taliyihii dekadda wayn ee Muqdisho oo ‘is-casilay’ + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii Dekedda Muqdisho Gaashaanle Sare Axmed-khadar Maxamed Xasan ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu hayay, kadib markii uu gacanta ku dhigay ilaa saddex shixnad oo maandooriye ah.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu diiday amar ka yimid Taliyaha Booliska Asad Diyaano oo la xiriiray sii daynta shixnaddaas, isagoo go’aankiisa ku saleeyay ka hortegga maandooriyaha, gaar ahaan Xashiishka oo halis ku ah mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, is-casilaaddiisa ayaa loo arkaa mid muujinaysa daacadnimo, masuuliyad iyo la dagaallanka maandooriyaha.

Dhinaca kale, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed oo ka hadlay is-casilaadda Axmed-khadar ayaa ku bogaadiyay go’aanka uu ku diiday inuu sharci darro qayb ka noqdo.

“G/sare Axmedkhadar Maxamed Xassan daacadnimadii, shaqo wanaagii iyo Alle ka cabsigii lagu wada yaqiinay ayuu ka markhaati kacay, waana ku ammaanan yahay inuu iska casilay xilkii Taliyaha Police Dekadda Muqdisho, iskana diiday inuu sharcidarro qayb ka noqdo” ayuu yiri Taabid.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Colonel Axmedkhadar waa sarkaal ciidanka qaranka Soomaaliyeed ugu soo shaqaayay marxaladdo kala duwan, markastana ku suntanaa illaalinta sharciga iyo Alle ka cabsi”.

Taabid oo hadda kamid ah xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda ayaa ugu dambeyn ku baaqay in baaris deg-deg ah lagu sameeyo kiiska Taliyihii Dekadda Muqdisho oo shaqada ka tegay, isaga oo xilka hayay maalmo kooban oo qura.

“Amniga shacabka iyo badbaadada mustaqbalka dhallinyarada soomaaliyeed ayaa wax walba ka wayn waxaana ugu baaqayaa in dowladda ay arrinkan baaritaan rasmi ah ku samaysaa.#BAARITAAN_RASMI_HAA
#MAANDOORIYE_KALKAAL_MAYA” ayuu kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa.

Horjoogayaal iyo maleeshiyo badan oo la dilay iyo Idaacaddii Al-Shabaab oo…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay xalay ciidamada kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ku qaadeen deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa gudaha ugu daatay deegaanka, waxayna weerareen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo isku uruursanayay halkaasi, iyaga oo gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu beegsaday mid kamid ah xarumaha ugu muhiimsan kooxda Al-Shabaab.

“Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa xalay fuliyay hawlgal gaar ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay, kaasi oo ka dhacay deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay, oo ka mid ah xarumaha ugu waaweyn uguna muhiimsan Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale xaqiijisay in weerarkan lagu dilay Ina ka badan 20 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa argagixisada, sidoo kalena lagu burburiyay xarumo muhiim ah oo ay ku jirtay Idaacadda Andalus ee qaybta deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay.

“Ciidamada ayaa beegsaday xarumo ay deggenaayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta, waxaana intii uu hawlgalku socday lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad halkaas ku sugnaa. Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay idaacad ku hadasha afka Khawaarijta oo ku taallay deegaankaas” ayaa mar kale lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Hawlgalkan oo kusoo dhammaaday si guul ah, ayaa faahfaahin dheeraad ah laga sii wadaagi doonaa dadweynaha, Insha’Allaah”

Howlgalkan ayaa imaanaya iyadoo laba maalmood ka hor gobolka Jubbada Dhexe sidaan oo kale loogu beegsaday qaar ka mid ah horjoogayaashii ugu sarreeyay kooxda, isla shalayna lagu jabiyay Khawaarijta duullaan ay kusoo qaadeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kooxda Imaaraadka Carabta uu teegaaro ee Yemen oo shaaciyey afti madax-banaani

Cadan (Caasimada Online) –  Kooxaha gooni-u-goosadka ah ee Koonfurta dalka Yemen, kuwaas oo taageero ka hela dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inay qaban doonaan afti dadweyne oo ku saabsan madax-bannaanida Koonfurta, xilli ay socdaan dagaallo dhiig ku daatay oo u dhexeeya iyaga iyo Sacuudiga oo garabsanaya xulafadiisa Yemen.

Golaha KMG ah ee Koonfurta (STC) ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan xilli kala guur ah oo soconaya labo sano, kaas oo ay qayb ka tahay qabashada afti lagu dhawaaqayo dowlad madax-bannaan, tallaabadan oo timid kadib markii ciidamadoodu ay bishii Diseembar la wareegeen dhul ballaaran oo ka tirsan koonfurta dalkaas.

“Waxaan ku dhawaaqeynaa billowga xilli kala guur ah oo qaadanaya laba sano, Goluhuna wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamka inay dammaanad ka noqoto wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada ay khuseyso ee Koonfurta iyo Waqooyiga,” ayuu yiri mMadaxweynaha STC, Ceydaruus Al-Zubeydi, oo ka hadlayay telefishinka.

Si kastaba ha ahaatee, Al-Zubeydi wuxuu ka digay in kooxda ay madax-bannaani “degdeg ah” ku dhawaaqi doonto haddii aan la helin wada-hadal ama haddii Koonfurta Yemen ay markale la kulanto weerarro.

“Bayaankan dastuuriga ah wuxuu si toos ah u dhaqangeli doonaa isla markiiba ka hor waqtigaas haddii aan baaqa la dhageysan, ama haddii shacabka Koonfurta, dhulkooda, ama ciidamadooda ay la kulmaan wax weerarro ciidan ah,” ayuu raaciyay.

Afhayeenka STC, Anwar al-Tamimi, ayaa markii dambe u sheegay Al Jazeera Mubasher in tallaabada aftida loo qaadayo ay waafaqsan tahay sharciga caalamiga ah, isagoo yiri: “Bayaankan waa la diyaariyay iyadoo aan loo eegin dhaqdhaqaaqyada ciidamada Gaashaanka Qaranka (National Shield) iyo la wareegidda ay la wareegeen xarumo dhowr ah.” 

Sida uu qoray wargeyska Asharq Al Awsat, ciidamada Gaashaanka Qaranka oo ay dowladdu taageerto ayaa Jimcihii la geeyay gobolka Xadramuut ee bariga Yemen, si ay uga hortagaan wax ay ku tilmaameen fallaagonimo kaga imaanaysa cutubyo ka tirsan STC. Balse, ciidamadan ayaa la kulmay weerar jidgal oo dhowr ah, taas oo keentay in isbaheysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ay soo diraan diyaaradahooda dagaalka.

Guddoomiyaha gobolka Xadramuut, Saalim Al-Khanbaashi, ayaa ugu baaqay kooxda STC inay hubka dhigaan. “Waxaan dib u xoojineynaa caddaaladda qadiyadda Koonfurta, anagoo diideyna waddada gacan ku haynta ciidan iyo iska hor imaadka, waxaana ku baaqeynaa wada-hadal inuu noqdo dhabaha lagu soo celinayo xuquuqda,” ayuu yiri Jimcihii.

Khilaafka Sacuudiga iyo Imaaraadka

Sacuudi Carabiya ayaa horraantii toddobaadkan duqeymo cirka ah ka fulisay goobo ay haysteen STC oo ku yaalla koonfurta bari ee Yemen. Maalintii Talaadada, diyaaradaha Sacuudiga ayaa duqeeyay dekedda Al-Mukalla, iyagoo beegsaday shixnad hub ah oo xiriir la leh Imaaraadka oo loo waday STC.

Duqeyntaas ayaa dhalisay is-weydaarsi diblomaasiyadeed oo aad u kulul oo aan hore loo arag oo dhex maray Riyadh iyo Abu Dhabi.

Jimcihii, ugu yaraan 29 dagaalyahan oo ka tirsan STC ayaa la dilay in ka badan 20 kalena waa la dhaawacay, sida uu wakaaladda AFP u sheegay sarkaal milateri oo ka tirsan kooxdaas, kadib markii diyaaradaha Sacuudiga ay duqeeyeen xeryo ay leeyihiin STC oo ku yaalla Xadramuut.

Weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamo ay Riyadh taageerto ay qaadeen duullaan ay dib ugu soo ceshanayaan dhulkii ay STC qabsadeen bishii Diseembar. Boqortooyada Sacuudiga ayaa taageerta Golaha Hoggaanka Madaxtooyada, oo ah dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay.

Dalka Yemen ayaa fowdo galay kadib markii Xuuthiyiintu qabsadeen caasimadda Sanca toban sano ka hor. Xuuthiyiinta oo xulafo la ah Iran ayaa gacanta ku haya inta badan waqooyiga dadku ku badan yahay ee Yemen.

Bishii Diseembar, ciidamada STC waxay qabsadeen dhul ballaaran oo koonfurta Yemen ah. Jawaab ahaan, Sacuudiga ayaa abaabulay xulafadiisa, oo ay ku jiraan Isbaheysiga Qabiilada Xadramuut iyo maleeshiyaad lagu magacaabo Gaashaanka Qaranka, si ay dib ugu riixaan STC.

Dagaalkan ayaa banaanka soo dhigay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo ah laba quwadood oo Khaliijka ah, islamarkaana ah xulafada Mareykanka. Labada dal ayaa toban sano ka hor soo farageliyay Yemen si ay u ridaan fallaagada Xuuthiyiinta, balse ku guuldareystay.

Dhawaanahan, Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa ku kala aragti duwanaaday arrimaha Yemen iyo Suudaan, iyagoo sidoo kale siyaasado kala duwan ka qaatay dagaalka Israa’iil ee Gasa iyo dowladda Axmed Al-Sharaa ee Suuriya.

Ku dhawaaqista aftida ee STC ayaa imaaneysa kadib markii Israa’iil ay si dhinac kaliya ah u aqoonsatay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan. Somaliland ayaa xiriir qoto dheer oo dhanka ciidanka iyo siyaasadda ah la leh Imaaraadka. Si ka duwan dalalka kale ee Carabta, Abu Dhabi ma aysan cambaareyn go’aanka Israa’iil.

Dowladda Turkiga oo shaaca ka qaaday bisha la billaabayo shidaal qodista Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday in dowladda Turkiga ay bisha Febraayo u soo diri doonto Soomaaliya markab sameeya qodista shidaalka, si loo fuliyo mashruucii ugu horreeyay ee shidaal iyo gaas qodis ah oo ay dowladda Turkiga ka sameyso meel ka baxsan dalkeeda.

Bayraktar ayaa sheegay in howlgalada markabka qodista ee lagu magacaabo Cagri Bey ay diiradda saari doonaan aagagga badda ee Soomaaliya, balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qiyaasta kheyraadka la filayo ama baaxadda maalgashiga lagu bixinayo.

“Sannadka 2026-ka wuxuu noqon doonaa sanadkii aan daah-furi lahayn waa cusub oo ku saabsan sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah,” ayuu yiri Bayraktar, isagoo raaciyay, “Dadaalkeenna waxaan ugu bishaareyn doonnaa shacabkeenna.”

Kobcinta iskaashiga tamarta ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa horraantii toddobaadkan sheegay in markabka cilmi-baarista ee Oruç Reis uu muddo sagaal bilood ah howlaha sahaminta ka waday biyaha Soomaaliya, taas oo hoosta ka xarriiqaysa xiriirka qotoda dheer ee iskaashiga tamarta ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu Talaadadii magaalada Istanbul kula qabtay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu Erdogan sheegay in Turkiga uu raxan-kiisa maraakiibta ku soo kordhiyay laba markab oo cusub oo kuwa badda hoose qoda ah.

“Midka koowaad ee labadan markab, oo aan u bixinnay Cagri Bey, wuxuu ka hawlgali doonaa xeebaha Soomaaliya, halka kan kalena, oo la yiraahdo Yildirim, uu ka shaqeyn doono Badda Madow,” ayuu yiri Erdogan. 

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in ku biiritaanka maraakiibtan cusub ay Turkiga ka dhigeyso dalka afaraad ee caalamka ugu awoodda badan dhanka maraakiibta qodaalka badda moolka dheer.

Erdogan ayaa xusay in Turkigu qorsheynayo inuu billaabo howlaha qodista sannadka 2026-ka, isagoo tilmaamay in la filayo in howlahan ay wax weyn ka tari doonaan horumarka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Turkiga ayaa sannadkii 2024-kii heshiis sahamin tamar ah la saxiixday Soomaaliya, taas oo qayb ka ah dadaallada uu ku doonayo inuu ku ballaariyo ilaha tamartiisa, hoosna ugu dhigo ku tiirsanaanta shidaalka dibadda, isagoo maalgashi ku sameynaya mashaariicda sahaminta ee gudaha iyo dibaddaba.

Iskaashiga kalluumeysiga iyo hawada sare

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in heshiis gaar ah oo ku saabsan kalluumeysiga uu waji cusub u yeelay iskaashiga labada dal. Heshiiskan ayaa dhigaya in Turkiga uu taageero awoodda farsamo ee Soomaaliya, isla markaana uu gacan ka geysto la dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Intaa waxaa dheer, Erdogan wuxuu shaaca ka qaaday in Turkigu qorsheynayo inuu saldhig dayax-gacmeed (Spaceport) ka dhiso Soomaaliya.

“Iyadoo la raacayo heshiisyada aan saxiixnay, waxaan hiigsaneynaa inaan saldhigga gantaallada cirka loo diro ka dhisno Soomaaliya,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in wajiga koowaad ee mashruucan oo ka kooban saddex heer la naqshadeeyay, dhismihiisuna uu ka billowday Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga.

Saraakiisha ayaa sheegaya in mashaariicdan ay ka tarjumayaan sida uu u sii kordhayo xiriirka dhaqaale, tamar iyo teknoolajiyadeed ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

Cali Guudlaawe oo ka badbaaday isku-day dil – Maxaa maanta dhacay?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta ka badbaaday isku-day dil kaddib qarax miino oo lala eegtay kolonyo galbinaysay.

Qarax miino oo la rumeysan yahay in dhulka lagu aasay ayaa haleelay mid ka mid ah gaadiidka galbinayay Madaxweyne Cali Guudlaawe, xilli uu maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Qaraxa ayaa sababay dhaawaca laba qof oo ka mid ah ilaalada Madaxweyne Cali Guudlaawe. Qaraxa ayaa ka dhacay waddada u dhexeysa garoonka diyaaradaha Jowhar iyo gudaha magaalada.

Kaddib qaraxa, waxaa halkaas ka billowday howl-gallo amni oo illaa hadda aan laga soo saarin natiijo rasmi ah.

Madaxweyne Guudlaawe iyo wafdiga la socday ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho, iyagoo maanta dib ugu soo laabtay xarunta maamulka HirShabelle si uu u dardar-geliyo howlaha shaqo ee horyaalla.

Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa qiyaastii 15KM u jira magaalada, waxaana waddadaas marar hore ka dhacay qaraxyo miino. Howl-gallo lagu baarayo miinooyinka ayaa waxaa halkaasi dhowr jeer si wadajir ah uga fuliyay ciidamada ammaanka HirShabelle iyo kuwa nabad-ilaalinta AUSSOM.

HirShabelle waxaa ka socda howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo maamulkaasi uu yahay kii ugu horreeyay ee uu ka billowday gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda.

Xogta markab lagu qafaashay xeebaha Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Markab kalluumeysi oo Shiinees ah ayaa lagu afduubtay xeebaha maamulka Puntland ee Soomaaliya, sida ay shaacisay shirkadda la-tashiga amniga badaha ee Vanguard Tech.

Markabkan oo lagu magacaabo Liao Dong Yu 578 ayaa la sheegay inuu kamid yahay maraakiibta caan ku ah kalluumaysiga sharci-darrada ah ayaa lagu qafaashay meel u dhow xeebta Bandarbayla, Puntland (09 09 N 050 43 E).

Warbixintu waxay sheegaysaa in weerarka uu dhacay galabnimadii hore ee shalay, waxaana laga shakisan yahay in afduubayaasha ay damacsan yihiin inay markabka iyo shaqaalaha kusii daayan madax-furasho. Vanguard Tech ayaa sheegtay in xogta weli aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Tan aya noqonaysa markii labaad ee markabka Liao Dong Yu 578 ay burcad-badeed qafaashaan. Markabkan ayaa horey loogu afduubtay isla Puntland bishii November 2024, waxaana la sii daayay bishii January 2025 kaddib markii la sheegay in la bixiyay madax-furasho gaareysa malaayiin dollar.

Dave Harvilicz, kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Amniga Internetka ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS), ayaa sheegay in markabkan iyo kuwo la mid ah ay caan ku yihiin kalluumaysiga sharci-darrada ah ee xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan ka ganacsiga kalluunka yellowfin tuna.

“Sabab la xiriirta kalluumaysiga sharci-darrada ah, aan la soo sheegin kana baxsan nidaamka (IUU) ee ay sameeyaan Shiinaha iyo maraakiib kale oo shisheeye, kaydka kalluunka yellowfin tuna ee Soomaaliya wuxuu wajahayaa burbur, taasoo halis gelin karta dhaqaalaha, isla markaana saameyn ku yeelan karta amniga cuntada,” ayuu yiri Harvilicz ku yiri qoraal uu soo saaray bishii hore.

Waxa uu intaas kusii daray: “Kalluumaysiga IUU wuxuu Soomaaliya ka khasaariyaa qiyaastii $300 milyan sanadkii, wuxuuna khatar ku yahay nolol-maalmeedka ilaa 90,000 oo kalluumaysato dhaqameed ah.”

Shirkadaha Shiineeska ah ayaa waxay rukhsadaha kalluumaysiga ka helaan Puntland, taasoo adkeynaysa dhaqan-gelinta shuruucda qaran ee kalluumaysiga, sida ay sheegeen Africa Defense Forum iyo hay’adda Global Initiative Against Transnational Organized Crime.

Wararkii ugu dambeeey ee xiisadda Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ka dartay

Cadan (Caasimada Online) — Duullimaadyadii garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadan ayaa hakad galay maalintii Khamiista, taas oo muujinaysa xiisadda sii kordheysa ee u dhaxaysa quwadaha Khaliijka ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo loolankoodu uu weji cusub u yeelayo dalka Yemen ee dagaalladu aafeeyeen. 

Garoonka Cadan, oo ah marinka caalamiga ah ee ugu weyn deegaannada ka baxsan gacanta Xuutiyiinta, ayaa waxaa buux-dhaafiyay rakaab safar ahaa, kuwaas oo si walaac leh u sugayay warar la xiriira duullimaadyadooda.

Goor dambe oo Khamiistii ah, ilo wareedyo Yamaniyiin ah ayaa sheegay in duullimaadyada u dhexeeya Cadan iyo dhammaan meelaha kale (marka laga reebo Imaaraadka) ay dib u billaaban doonaan.

Hakadka ku yimid isu-socodka cirka ayaa ka dhashay khilaaf la xiriira xannibaado lagu soo rogay duullimaadyada tagaya Imaaraadka, inkastoo ay jiraan warar is-khilaafsan oo ku saabsan waxa dhabta ah ee dhacay iyo cidda mas’uulka ka ah.

Cawad Al-Subayxi, oo ka mid ahaa rakaabka, ayaa sheegay inuu garoonka ku sugayay duullimaad u socday Qaahira si uu u helo daryeel caafimaad.

“Waan dhibtoonaynaa, bukaan badan oo kale iyo dad waayeel ah ayaa halkan ku sugan oo xaalad adag ku jira,” ayuu yiri.

Xudunta khilaafka 

Imaaraadka ayaa taageera Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC), kaas oo bishii hore xoog kula wareegay dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta Yemen, oo ay ka qabsadeen dowladda caalamku aqoonsan yahay.

Sacuudiga, oo taageera dowladda Yemen, ayaa tallaabadaas u arkay khatar weyn, taas oo dhalisay xiisaddii ugu cuslayd ee dhex marta iyaga iyo dariskooda Khaliijka ee Imaaraadka muddo tobanaan sano ah.

Wasaaradda Gaadiidka, oo ay gacanta ku hayso kooxda STC ee Imaaraadku taageero, ayaa bayaan ay soo saartay ku eedeysay Sacuudiga inuu soo rogay go’doomin dhanka cirka ah. Waxay sheegeen in Riyadh ay soo rogtay tallaabooyin dhigaya in dhammaan duullimaadyadu soo maraan Sacuudiga si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay markii ay ka hortimid arrintan, in Sacuudigu cadeeyay in xannibaaddu ay saaran tahay kaliya duullimaadyada u dhexeeya Cadan iyo Imaaraadka.

Dhanka kale, ilo wareedyo Sacuudi ah ayaa beeniyay inay wax lug ah ku leeyihiin xannibaadda, iyagoo sheegay in dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ay iyadu soo rogtay shuruudda duullimaadyada u dhexeeya Cadan iyo Imaaraadka si loo xakameeyo xiisadda sii kordheysa.

Isha warka laga helay ee Sacuudiga ayaa intaas ku dartay in Wasaaradda ay maamulaan kooxaha koonfureed ay kaga jawaabtay amarkaas inay gebi ahaanba joojiso duullimaadyada halkii ay u hoggaansami lahayd amarka duullimaadyada Imaaraadka.

Si kastaba ha ahaatee, ilo rasmi ah oo ka tirsan xafiiska Wasiirka Gaadiidka ayaa beeniyay eedeyntaas, iyagoo sheegay in wasiirku uusan soo saarin wax go’aan ah oo lagu xirayo garoonka.

Xiisadda oo sii fidaysa 

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay inaysan isla markiiba xiriir la sameyn karin madaxda dowladda caalamku aqoonsan yahay ee ku sugan Sacuudiga tan iyo markii STC ay qabsadeen koonfurta. Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadkana kama aysan jawaabin codsi faallo ah oo ku saabsan xiritaanka garoonka.

Loolankan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee xiisad qoto dheer oo banaanka soo dhigtay kala-jabka u dhexeeya labada quwadood ee Khaliijka.

Sacuudiga ayaa toddobaadkan ku eedeeyay Imaaraadka inay STC ku cadaadinayaan inay u soo durkaan dhanka xuduudda boqortooyada, waxayna ku dhawaaqeen in amniga qaran uu yahay “khad cas,” taas oo ku kalliftay Imaaraadka inay sheegaan inay ciidamadooda kala baxayaan Yemen.

Arrintan ayaa timid kadib duqeyn ay ciidamada isbaheysiga Sacuudigu ka gaysteen dekedda Mukalla, taas oo isbaheysigu sheegay inay ahayd goob loo adeegsanayay in taageero ciidan oo shisheeye lagu gaarsiiyo gooni-u-goosatada.

Ciidanka dowladda oo fashiliyay weerar Al-Shabaab kusoo qaaday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa fashiliyey weerar ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan oo ahaa mid si qorsheysan loo soo abaabulay ayaa ciidamada qaranku uga hortageen si degdeg ah, kadib markii ay heleen xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadka.

Intii uu socday howl-galka difaaca iyo ka-hortagga ah, waxay dowladdu sheegtay in la dilay horjoogihii hoggaaminayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, taas oo dhabar-jab weyn ku noqotay kooxdii weerarka soo qaadday.

Sidoo kale, maleeshiyaadkii la socday horjoogaha la dilay ayay dowladdu sheegtay in la gaarsiiyay jab culus oo isugu jira dhimasho iyo firxad, iyadoo ciidamadu ay weli ku howlan yihiin baacsiga firxadka baxsaday.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in amniga deegaanka Wargaadhi uu si buuxda gacanta ugu jiro ciidamada qaranka, isla markaana aysan jirin wax khatar amni ah oo hadda taagan.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay ballanqaadkooda ku aaddan ciribtirka Al-Shabaab, iyagoo uga digay in fal kasta oo amniga shacabka lagu carqaladeeyo lagu wajihi doono jawaab adag oo degdeg ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe isku aruursanaysay gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay dhowr jeer kula dagaallameen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

Sidee loo fashiliyey isku-dayo maandooriye loogu gelinayey Xabsiga Dhexe ee Xamar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isku-dayada maandooriyaha ee si qarsoodi ah loogu gelinayo Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa si weyn u soo kordhay maalmihii u dambeeyay, iyadoo ciidanka asluubta ay fashiliyeen dhowr isku-day.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, gaar ahaan Ilaalada Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa shalay gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Maxamed Xuseen Nuur (Qanjey), kaas oo ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Eedeysanaha ayaa lagu qabtay isagoo isku dayaya inuu gudaha xabsiga soo geliyo waxyaabaha maanka dooriya, gaar ahaan Xashiish.

Arrintaan ayuu talisku sheegay inay si cad uga hor imaaneyso shuruucda iyo anshaxa shaqo ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Eedeysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Ciidanka Asluubta, gaar ahaan Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo Kormeerka Xabsiyada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana lagu wadaa in loo gudbiyo maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo.

“Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka fal kasta oo lid ku ah ammaanka, anshaxa iyo sharciga, iyadoo aan loo eegin cidda ku lug leh,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay talidka ciidanka asluubta.

Sidoo kale, Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, gaar ahaan ilaalada Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa toddobaad ka hor gacanta ku dhigay eedaysane lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamed Axmed.

Eedaysanaha ayaa la qabtay xilli uu isku dayayey inuu xabsiga kusoo geliyo, isagoo booqde ahaan isu ekaysiinaya, maandooriye ay ka mid yihiin kaniiniyada loo yaqaan Bilibili iyo Xashiish.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa si degdeg ah tallaabo sharci ah u qaaday, waxaana eedaysanaha hadda uu ku jiraa gacanta Ciidanka Asluubta. Sidoo kale, waxaa loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga waafaqsan loola xisaabtamo, sida uu sheegay taliska.