24.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Sidee loo fashiliyey isku-dayo maandooriye loogu gelinayey Xabsiga Dhexe ee Xamar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isku-dayada maandooriyaha ee si qarsoodi ah loogu gelinayo Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa si weyn u soo kordhay maalmihii u dambeeyay, iyadoo ciidanka asluubta ay fashiliyeen dhowr isku-day.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, gaar ahaan Ilaalada Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa shalay gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Maxamed Xuseen Nuur (Qanjey), kaas oo ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Eedeysanaha ayaa lagu qabtay isagoo isku dayaya inuu gudaha xabsiga soo geliyo waxyaabaha maanka dooriya, gaar ahaan Xashiish.

Arrintaan ayuu talisku sheegay inay si cad uga hor imaaneyso shuruucda iyo anshaxa shaqo ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Eedeysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Ciidanka Asluubta, gaar ahaan Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo Kormeerka Xabsiyada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana lagu wadaa in loo gudbiyo maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo.

“Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka fal kasta oo lid ku ah ammaanka, anshaxa iyo sharciga, iyadoo aan loo eegin cidda ku lug leh,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay talidka ciidanka asluubta.

Sidoo kale, Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, gaar ahaan ilaalada Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa toddobaad ka hor gacanta ku dhigay eedaysane lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamed Axmed.

Eedaysanaha ayaa la qabtay xilli uu isku dayayey inuu xabsiga kusoo geliyo, isagoo booqde ahaan isu ekaysiinaya, maandooriye ay ka mid yihiin kaniiniyada loo yaqaan Bilibili iyo Xashiish.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa si degdeg ah tallaabo sharci ah u qaaday, waxaana eedaysanaha hadda uu ku jiraa gacanta Ciidanka Asluubta. Sidoo kale, waxaa loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga waafaqsan loola xisaabtamo, sida uu sheegay taliska.

Soomaaliya oo heshay taageero cusub oo la xiriirta xad-gudubka Israel

0

Jiddah (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero xooggan u heshay difaaca midnimadeed, iyadoo isa soo tarayso diidmada adag ee dalalka caalamka iyo ururradu uga hor imanayaan xad-gudubka Israa’iil, taas oo sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.

Guddiga Fulinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo kulan la xiriiray darda-rgalinta howlaha ururka iyo la socodka xaaladda salka Soomaliya ku yeeshay magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya, ayaa si adag uga horyimid xad-gudubka Israa’iil.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta Xoghaynta Guud ee ururka waxaa looga hadlay horumarrada ka socda dalalka islaamka iyo xaaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xilligaan oo ay muuqdaan in ay hoos u dhaceen damacii ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Youssef bin Mohammed Al-Dubaie oo ku hadlaayey magaca Xoghayaha Guud Hissein Brahim Taha ayaa sheegay in midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay yihiin kuwo muqadis ah oo lama taabtaan ah.

Mas’uulkan ayaa xusay in dalalka dunida ay xilligaan arkayaan isbeddellada degdeg ah iyo caqabadaha kale ee isku xiran, isagoo intaa raaciyay in kulankaan uu ku soo beegmayo waqti Soomaaliya ay wajahayso difaaca iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dheleed ee Soomaaliya.

Guddigga fulinte ee ururka Iskaashiga Islaamka waxa ay carabka ku adkeeyeen in ay garab taagan yihiin Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyagoo sidoo kale cambaareeyay xad-gudubka Israa’iil ay ku dooneyso inay ku burburiso midnimada Soomaaliya ,isla markaana ay abuurto xasailooni darro ka dhacda Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Sidoo kale waxay si adag u diideen tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumaysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii lasoo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

Sidee xad-gudubka Israa’iil ee Soomaaliya u burburiyay danihii Imaaraadka ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaaqii sida weyn looga horyimid ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu uu Jimcihii hore ku sheegay in uu aqoonsaday Somaliland, ayaa horseeday isbeddel degdeg ah oo ku yimid danihii Isutagga Imaaraadka Carabta ee uu ka lahaa dalal kala duwan.

Dalka ugu horreeya ee Imaaraadku caqabad kala kulmo ayaa noqday Yemen, kadib markii ay fahantay in Imaaraatku ku howlan yahay dadaallo lagu doonayo in qayb kamid ah dalkeeda ay aqoonsato Israa’iil.

Arrintaas awgeed, Xukuumadda Abu Dhabi waxaa lagu amray in ay dalka Yemen kaga baxdo muddo 24 saac gudahood ah, amar kaas oo si buuxda loo fuliyay.

Sidoo kale, dhaqdhaqaaqyadii Imaaraatka ee dalalka Suudaan, Liibiya iyo dalal kale oo Carbeed ayaa si weyn hoos loogu dhigay, si looga hortago in mar kale laga eryo dalalkaas, gaar ahaan iyadoo Imaaraatku sanadihii u dambeeyay ku uruurinayay ciidamo, hub iyo dhaqaale badan dalal dhowr ah.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in arrintani ay keentay khilaaf gudaha ah oo ka dhex curtay xubnaha ku mideysan Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo qaar kamid ah ay muujiyeen caro ku aaddan sir qarsoon oo la ogaaday, taas oo ay muddo dhaqaale ku bixinayeen iyaga oo aan xog buuxda ka hayn.

Dhinaca kale, Sacuudiga oo muddo si dhow ula socday qorshayaasha uu waday Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa adeegsaday istaraatiijiyado adag oo intooda badan hirgalay, kuwaas oo ay kamid tahay beegsiga kooxihii lagu uruurinayay Yemen iyo xoojinta kacdoonnada gudaha dalkaas.

Imaaraadka Carabta ayaa hadda wajahaya cambaarayn ballaaran oo uga imaanaysa dalalka Carabta, waxaana dib loo milicsanayaa qalabkii iyo qorshayaashii fashilmay ee uu u adeegsaday kala fogeynta dalalka ay rabshaduhu ka jiraan, isaga oo arrintaas u ekeeyay mid gargaar ah.

Qaar kamid ah muwaadiniinta Imaaraadka ayaa billaabay in ay adeegsadaan baasaboorro dalal kale ah si ay uga baxsadaan xaaladaha adag ee soo wajahay, sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Sidoo kale, waxaa yaraaday socdaalkii dadka danaha Imaaraatka ku leh ee u safrayay dalalkaas.

Ugu dambeyn, Imaaraadka Carabta waxaa loo arkaa marin ay Israa’iil u adeegsato xiriirinta xubno doonaya in laga gooyo dalalkooda, waxaana kordhay safarro qarsoon oo ay sameynayaan xubnahaas, inkasta oo haatan uu jiro feejignaan cusub oo lagu kormeerayo dhaqdhaqaaqaasi.

Dagaal culus oo ka dhacay Sh/dhexe – Yuu u dhaxeeyey?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa maanta dagaal culus la galay kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaannada Godka Galayda iyo Shoolka oo u dhaxeeya Towfiiq iyo Wardhaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad-goboleedka HirShabelle.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegaya inuu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada saxda ah.

Warar kale oo la helayo ay sidoo kale sheegaya in duqaymo ay ka dhaceen deegaanno kale oo halkaas ka dhow, walow aan faah-faahin dheeri ah laga helin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ka hadli dagaalkan, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan ay soo saarto faah-faahinta khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe isku aruursanayay gobolka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Si kastaba, Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo toddobaadyadii u dambeeyay ku guuleystay khaarajinta horjoogayaal ka tirsan kooxda.

Sanbaloolshe oo war ka soo saaray is-weerarka wasiirada DF ee Waqooyi iyo Koonfur

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook uga hadlay aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland iyo weerarka dhanka baraha bulshada ee dhex-maray wasiirrada dowladda ee ka soo kala jeeda waqooyiga iyo koonfurta dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Sanbaloolshe:

Waxaan ku arkay baraha bulshada is-xagxagasho iyo faro is-taag-taag rag fara badan oo dowladda ka wada tirsan, qaasatan golaha wasiirrada. Waa nasiib-darro weyn arrinkaasi iyo qiyamkii dowladnimada oo hoos loo dhigay. Waxaana muuqata in kala dambeyntii xukuumadda meesha ka baxday. Ha lagu soo laabto heykalka dowladnimada oo madaxda dowladdu ka xakameyso fowdada baahday. Waxaa habboon in arrinkan aan looga doodin baraha bulshada, balse ay habboon tahay in golayaasha dowladda dhexdooda looga doodo. Gacmo geel-jire hoos ayaa loo dhaqaa.

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland waa sharci-darro, lamana aqbali karo, waana in aan dhammaanteen meel uga soo wada jeesanno difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalkeenna. Shaqsiyan, sida ugu adag ayaan u cambaaraynayaa tallaabadaas ay Israa’iil qaaday.

Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed xasuusiyo in arrinka Somaliland uu taagnaa 64-kii sano ee aan xornimada haysanay, halka aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay uu 6 maalmood oo keliya yahay. Sidaas darteed laguma eedeyn karo walaalaha metela Somaliland in ay taageersan yihiin ficilka xun ee Israa’iil ku kacday. Waxaa kuligeen nagu waajib ah in aan fahanno in dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay aysan u baahnayn in boogahooda la damqiyo, ee ay u baahan yihiin in la daweeyo.

Madaxda reer waqooyi (Somaliland) ee u halgamaya midnimada iyo wada-jirka ummadda Soomaaliyeed ma mudna in sharafkooda meel looga dhaco, oo dacaayad iyo aflagaado raqiis ah oo dad hal qabiil u badan ay wadaan maalin kasta lala dul taagnaado. Waana dhaqan khatar ku ah baadi-goobka midnimada ummadda Soomaaliyeed ee aan u halgameyno.

Waxaan ku bogaadinayaa madaxda maanta war-murtiyeedka soo saaray mowqifkooda ku aaddan midnimada dalka, waxaana ku boorinayaa in ay sidaas ula sii dhawaadaan.

Madaxda iyo guud ahaan wax-garadka Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in ay ka fogaadaan erayada xanafta leh ee kala geynaya quluubta shucuubta Soomaaliyeed. Waxaan rabaa in aan dadka qaar xasuusiyo in wakiillada Somaliland, ama guud ahaan wakiillada metela gobollada kale ee dalka ee ka baxsan Muqdisho ee Xamar jooga, aysan ahayn shaqaale Hawiye, balse ay yihiin dad u taagan jiritaanka iyo wada-jirka ummadda Soomaaliyeed. Dad gaar ahina ma dhihi karaan “hala xisaabiyo” ama “ha is-caddeeyaan.”

Waxaa aad u muhiim ah in dowladdu la timaado siyaasad cad oo ku aaddan arrinka midnimada. Anigu inta aan ogahay, wax la isku ogyahay oo arrinkaasi meel yaalla ma jiro, marka laga reebo in mabda’ ahaan aan u diidannahay wax la yiraahdo “lala go.”

SOMALILAND oo beenisay laba ka mid ah qodobada heshiiska aqoonsiga Israa’iil

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa Khamiista si adag u beeniyay wararka sheegaya inay ogolaadeen in dhulkooda la dejiyo qaxooti Falastiiniyiin ah ama ay saldhig ciidan siiyaan Isra’iil, taas beddelkeedana ay ku heleen aqoonsiga Tel Aviv, eedeymahaas oo ay ku tilmaameen kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. 

Arrintan ayaa imaanaysa xilli Isra’iil ay todobaadkii hore noqotay dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada “dowlad madax-bannaan oo leh qaranimo,” tallaabadaas oo dhalisay dibadbaxyo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Maalintii Arbacada, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo soo xiganaya warbixino sirdoon, ayaa u sheegay telefishinka Al-Jazeera in Somaliland ay aqbashay saddex shuruudood oo kaga yimid Isra’iil: dejinta Falastiiniyiinta, dhismaha saldhig ciidan oo laga sameeyo Gacanka Cadmeed, iyo inay ku biirto heshiiska Abraham Accords si loo caadiyeeyo xiriirka Isra’iil.

“Xogta hoose ee aan hayno waxay sheegaysaa saddex qodob oo muhiim ah in ay ku heshiiyeen; qodobka koowaad waa in Falastiiniyiinta loo soo raro Somaliland, qodobka labaadna waa in Israa’iil saldhig militari ka samaysato Gacanka Cadmeed, qorshaha saddexaadna waa in Somaliland qayb ka noqoto dowladaha ku jira heshiiska Abraham. Kuwani waa saddexda dalab ee Israa’iil ee Somaliland aqbashay,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo u warramayey TV-ga Al-Jazeera.

Hase yeeshee, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa beenisay labada qodob ee hore.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u diidaysaa sheegashooyinka beenta ah ee uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan dejinta Falastiiniyiinta ama dhismaha saldhigyo ciidan oo laga sameeyo Somaliland,” ayay wasaaraddu ku tiri bayaan ay soo dhigtay barta ‘X’.

Waxay intaas ku dartay in heshiisku uu ahaa mid “gabi ahaanba diblumaasiyadeed.”

“Eedeymahan sal la’aanta ah waxaa loogu talagalay in lagu marin habaabiyo beesha caalamka, laguna wiiqo horumarka diblomaasiyadeed ee Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhinaca kale, falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in isbaheysi lala yeesho Somaliland uu faa’iido gaar ah u leeyahay Isra’iil sababo la xiriira goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo oo u dhow Marinka Baab-al-Mandab. Marinkan ayaa u dhow Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, kuwaas oo dhowr jeer weeraray Isra’iil tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.

Maskaxda qaraxii Zoobe ee 2017 iyo madaxii qaraxyada Al-Shabaab oo howlgal lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in howlgal bartilmaameed ah oo ay ka fulisay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe 10-kii December, iyada oo kaashanaysa “saaxiibada caalamka,” lagu dilay labo horjooge oo sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

NISA waxay magacyadooda ku sheegtay Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo magaciisa afgarashadu ahaa Injineer Ismaaciil, iyo Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex).

Hay’addu waxay Injineer Ismaaciil ku tilmaantay horjoogihii ugu sarreeyey ee maskaxda u ahaa qeybaha qaraxyada Al-Shabaab, kana shaqeyn jiray isku xirka qaraxyada, Amniyaadka (garabka sirdoonka), iyo qeybta marin-habaabinta ee Al-Kataaib.

NISA ayaa intaas ku dartay in Injineer Ismaaciil uu ka mid ahaa horjoogeyaasha sida gaarka ah loo raadin jiray, ayna madaxiisa saarnayd abaalmarin gaareysa 5 milyan oo doollar. Waxay sidoo kale sheegtay inuu door weyn ku lahaa abaabulka qaraxii 14-kii Oktoobar 2017 iyo “qaraxyo kale oo badan” oo lagu beegsaday shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, NISA waxay sheegtay in Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex) uu ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta, isla markaana si gaar ah u qaabilsanaa deegaannada Jubbooyinka, isagoo ka mid ahaa shaqsiyaadka lagu tilmaamay inay laf-dhabar u ahaayeen farriimaha iyo ololaha warbaahineed ee kooxda.

NISA waxay sheegtay in howlgalkaas, oo ay ku tilmaantay mid si heer sare ah loo qorsheeyay, uu u dhacay si guul ah, lana soo afjaray halis iyo dhibaato ay labadaas horjooge ku hayeen shacabka.

Warbixin uu qoray New York Times (Oct. 2021) ayaa Injineer Ismaaciil ku tilmaantay bartilmaameed muddo dheer si gaar ah loo raadinayay, iyadoo xustay in uu ahaa “sameeyaha qaraxyada” ugu sarreeya Al-Shabaab, isla markaana uu lahaa asal la xiriira shaqo warbaahin/telefishin.

Warbixintaasi waxay sidoo kale sheegtay in Mareykanku uu Injineer Ismaaciil ku tilmaamay khabiirka ugu sarreeya qaraxyada Al-Shabaab, madaxna u ahaa garabka Al-Kataaib ee dacaayadda, isla markaana la-taliye u ahaa hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda, Axmed Diiriye.

Sida ay New York Times qortay, Injineer Ismaaciil ayaa la sheegay inuu ahaa bartilmaameedkii howlgal Maraykan iyo Soomaali si wadajir ah u qaadeen bishii November 2020, kaas oo fashilmay kaddib markii nin baxsaday uu gaaray gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kadibna qarxiyay.

Qaraxaas ayaa, sida warbixintu qortay, dilay saddex Somali ah, wuxuuna si xun u dhaawacay sarkaal ka tirsanaa CIA-da, Michael Goodboe, oo markii dambe loo qaaday isbitaal ciidan oo Mareykanku ku leeyahay Jarmalka, halkaas oo uu ku geeriyooday 17 maalmood kaddib.

Dad ku dhintay mudaharaadyo waaweyn oo ka socda…

0

Tehran (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay dhowr magaalo oo ku yaalla Iiraan Khamiistii, taas oo noqonaysa maalintii shanaad ee mudaaharaadyadii ugu ballaarnaa ee dalka ka dhaca saddexdii sano ee u dambeeyay.

Dibadbaxyadan ayaa salka ku haya xaaladda dhaqaale ee sii liicaysa. Isku dhacyo u dhexeeyay mudaharaadayaal iyo ciidamo ammaanka ah ayaa laga soo wariyay magaalooyin yaryar, waxaana ugu yaraan laba qof lagu dilay magaalada Lordegan ee koonfur-galbeed Iiraan.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay rabshado ay ka mid yihiin gawaarida oo la gubay iyo mudaharaadayaal dhagxaan ku tuuraya ciidamada ammaanka, kuwaas oo adeegsaday rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.

Galbeedka dalka, saddex qof ayaa lagu dilay magaalada Azna, halka qof kale lagu dilay Kuhdasht.

Dhanka kale, wakaaladda Fars News Agency ayaa sheegtay in saddex mudaharaade la dilay, 17 kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday saldhig booliis oo ku yaalla gobolka Lorestan.

Wakaaladdu waxay sheegtay in kooxo rabshado wada ay gudaha u galeen xarunta booliiska fiidnimadii Khamiista, halkaas oo ay dagaal kula galeen ciidamada, isla markaana ay dab qabadsiiyeen gawaarida booliiska qaarkood.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay baaqyo lagu dalbanayo in la soo afjaro xukunka hoggaamiyaha sare ee Iiraan, halka kuwo kale ay dalbanayeen in dib loo soo celiyo nidaamkii boqortooyada.

Muuqaallo laga duubay magaalada Aligodarz ee gobolka Lorestan, oo la faafiyay 1-da Janaayo, ayaa muujinayay mudaharaadayaal ku dhawaaqaya hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin “Pahlavi wuu soo laabanayaa,” “Jaavid Shah,” iyo “Geeri kaligii taliye,” iyaga oo taagan waddo ka mid ah magaalada.

Mudaaharaadyadu waxay ka billowdeen dalka Axaddii, kaddib markii qiimaha noloshu kor u kacay isla markaana uu sii dhacay qiimaha lacagta Iiraan.

Wakaaladda Tasnim ayaa sheegtay in 30 qof lagu xiray magaalada Tehran, gaar ahaan degmada Malard, iyada oo lagu eedeeyay inay qalqal geliyeen nidaamka guud, kaddib hawlgal ay wada fuliyeen hay’adaha ammaanka iyo sirdoonka.

Sidoo kale, wakaaladda IRNA ayaa soo xigatay taliyaha booliiska gobolka Alborz, Hamid Hadavand, oo sheegay in 14 qof la xiray, kuwaas oo lagu eedeeyay samaynta walxo qarxa iyo bambaanooyin.

Ilaalada Kacaanka ayaa ku dhawaaqday dhimashada hal xubin oo ka tirsan cutubka Basij, taas oo ka dhacday Kuhdasht, iyo dhaawaca 13 xubnood oo kale, iyagoo ku eedeeyay mudaharaadayaasha rabshadahaas. Hase yeeshee, ururka xuquuqda aadanaha ee Hengaw ayaa sheegay in qofka la sheegay in la dilay uu ahaa mudaharaade ay dileen ciidamada ammaanka.

Dibadbaxyadu waxay si degdeg ah ugu fidayeen magaalooyin kala duwan, kaddib markii ganacsato ku sugan Tehran ay xireen dukaamadooda, iyaga oo sheegay in hoos u dhaca joogtada ah ee lacagta dalka uu ka dhigay nolol-maalmeedka mid adag.

Ardayda jaamacaduhuna si dhakhso ah ayey ugu biireen mudaaharaadyada, waxaana la xiray suuqyo waaweyn oo ku yaalla magaalooyin badan.

Tasnim ayaa sidoo kale sheegtay in toddoba qof oo kale la xiray, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxo cadow ku ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah, isla markaana loo xilsaaray in mudaaharaadyada loo beddelo rabshado.

Rabshadahan ayaa imanaya xilli dhaqaale xumo ba’an ay ka jirto dalka, iyadoo cunaqabatayn Reer Galbeed ay saameyn weyn ku yeesheen Iiraan, sicir-bararkuna uu gaaray ku dhowaad 40 boqolkiiba, halka lacagta dalkuna ay si weyn u qiimo dhacday sannadkan.

Hirkan dibadbaxyada ah ayaa ah kii ugu ballaarnaa tan iyo mudaharaadyadii waaweynaa ee ka dhacay dhammaadkii 2022, kaddib geeridii Mahsa Amini oo ku dhimatay xabsi.

Dowladda Tehran ayaa sheegtay inay diyaar u tahay wadahadal, iyadoo afhayeenka dowladda, Fatemeh Mohajerani, ay xaqiijisay in wadahadallo toos ah lala yeelanayo ganacsatada iyo wakiillada gobollada si loo dhageysto cabashadooda.

Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa Khamiistii khudbad telefishan ku sheegay in xalinta dhibaatooyinka nolol-maalmeedka dadka ay tahay arrin lama huraan ah.

Mas’uuliyiinta ayaa marar badan qirtay in mudaharaadayaashu leeyihiin dalabyo sharci ah, balse xeer-ilaaliyaha guud ee dalka ayaa ka digay in tallaabo sharciyeed adag laga qaadi doono cid kasta oo mudaaharaadyada u adeegsata qalqal amni ama burburin hanti guud.

Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland oo DF uga digay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaannada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka fogaato go’aanno cadaadis saarayo Somaliland.

Dhinacyada ayaa Dowladda Federaalka uga digay tallaabooyinka wax u dhimaya dhaqaalaha, isu-socodka iyo amniga bulshada ku nool Somaliland.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen maanta ayay ku sheegeen in tallaabooyinka noocaas ah aysan wax faa’iido ah u keenayn midnimada dalka, balse ay sii murjinayaan duruuf horeyba u liidatay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waa inay ka gaabsataa qaadista tallaabooyin wax u dhimaya dhaqaalaha, isu-socodka iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Somaliland, maaddaama tallaabooyin xoog ah aanay marnaba keeni doonin midnimo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, siyaasiyiintu waxay dalbadeen in la joojiyo hadallada kicinta iyo naceybka ah ee sii kala fogeyn kara shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku boorriyay in khilaafaadka jira si nabad ah loo wajaho.

Waxay adkeeyeen in murannada taagan lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad, iyagoo uga digay adeegsiga awood ciidan ama cadaadis dhaqaale.

Ugu dambeyntiina, waxay ugu baaqeen Somaliland inay dib ugu soo laabato miiska wada-hadallada, si loo gaaro xal waara oo lagu soo afjaro khilaafaadka, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda nabadda, xasilloonida iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Dowlad-goboleedkee ayay ka bilaabaneysa qodista shidaalka Soomaaliya?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa noqonaya maamul goboleedkii u horreeyay laga bilaabo qodista shidaalka, sida uu shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Xamza oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka Mac-hadka Heritage ee ka socday magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in qodista shidaalka bisha May ee sanadkan ay ka bilaaban doonto deegaanada Galmudug meel ka mid ah.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirku ku soo aaday xilli dalka uu ku jiro isbeddel weyn oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarka iyo diblomaasiyadda ah, isaga oo tusaale u soo qaatay doorashadii caasimadda oo si nabad ah u qabsoontay, muwaadiniintuna ay si kalsooni leh u codeeyeen.

Waxa uu xusay in horumarka dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda ee dalkeenna ka jira ay suurageliyeen in laga hortago xadgudubyo qarannimada dalka , isagoo bogaadiyey saaxiibbada caalamiga ah ee taageeray midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka ka jirta, isaga oo sheegay in abaaruhu ay saameeyeen ku dhowaad 4.4 milyan oo qof, kuwaas oo u baahan gurmad degdeg ah.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu caddeeyey in Soomaaliya aysan aqbalayn wax kasta oo wiiqaya gobonimada iyo midnimada dalka, isla markaana ay diyaar u tahay nabad iyo iskaashi ku dhisan dan-wadaag.

Waxa uuna adkeeyey in isku day kasta oo lagu kala qaybinayo dalka ay si mideysan uga hortagayaan dowlad iyo shacabba.

Ugu dambayntiina, wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed midnimo iyo wada-hadal, isaga oo xusay in gogosha wadahadalka ay ka furantahay Muqdisho.

DF oo dib u dhigtay dhaqan-galka go’aan ay hore u shaacisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (ICA) ayaa shaacisay in dib loo dhigay go’aankii shuruuda looga dhigay Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee loo adeegsanayo safarrada gudaha dalka.

Go’aankan ayuu qorshuhu ahaa inuu dhaqan-galo marka la gaaro 1-da Janaayo 2026, balse haatan hay’addu waxay dib u dhigtay illaa 1-da Maarso 2026.

Hay’addu waxay tilmaantay in go’aan lagu gaaray in dib loo dhigo dhaqangelinta shuruuddan, si muwaadiniinta loo siiyo fursad dheeraad ah oo ay ku qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

ICA ayaa sheegtay in inta ka horreysa taariikhdaas, muwaadiniintu ay sii wadan karaan safarka gudaha iyaga oo aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, hase yeeshee ay habboon tahay in muddadan la ka faa’iideysto si loo dhameystiro isdiiwaangelinta.

Hay’addu waxay mar kale adkaysay muhiimadda uu Kaarka Aqoonsiga Qaranku u leeyahay sugidda amniga, fududeynta socdaalka gudaha, iyo helitaanka adeegyada kala duwan ee dowladda iyo kuwa gaarka ah.

Sidoo kale, muwaadiniinta ayaa loogu baaqay inay si dhaqso leh isu diiwaangeliyaan xarumaha rasmiga ah ee bixiya Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si looga baaqsado dhibaatooyin iman kara marka shuruuddu si rasmi ah u dhaqan gasho.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xustay in go’aankan uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo nidaamka aqoonsiga qaranka iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo Soomaaliya ay yeelato.

DENI oo wasiir Caydiid ku qasbay inuu ka laabto mowqifkii aqoonsiga Somaliland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa shaaciyay in uusan maamulka Puntland ku metelin mowqifkii uu uga horyimid aqoonsiga Somaliland.

Wasiir Caydiid oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in diidmada aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland uu ahaa aragtidiisa shaqsiga ah oo uusan ku metelin maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Deni.

“Waxaa muuqata in dad badani waraysiga aan bixiyey khalad u u fahmeen. Waxaan bogayga rasmiga ah ku cadaynayaa in waraysiga aan bixiyey uu yahay aragtida Anigu aan ka qabo midnimada Dalka Soomaaliya mana aha Mawqifka Dawladda Puntland,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Saciid Deni oo tan iyo markii ay Israa’iil ku dhawaaqday aqoonsiga Somaliland ka maquurtay arrintaan ayaa la fahamsan yahay inuu Wasiirka ku qasbay inuu ka laabto hadalkiisi, uuna sheego in mowqifka Puntland uusan aheyn.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in aysan marnaba gorgortan ka galayn midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, wuxuuna si cad uga soo horjeestay aqoonsiga Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in gumeystayaashii reer Yurub aysan qabiil wax ugu darin qabiil kale, isla markaana haddii ay go’eyso beesha Isaaq ay la qaadaneyso inteeda oo kaliya.

Israel ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dal madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la samaysatay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Sidoo kale waxay si adag u diideen tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumaysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii lasoo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

Xamza oo maanta u safray gudaha dalka – Magaaladee ayuu gaaray? + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda owlad-goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) Madaxweyne ku-xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb ka qeyb-gali doona Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage, taas oo maalmahan ka socotay halkaasi.

Madashan ataa sannadkan diiradda lagu saaraya arrimo la xiriira siyaasadda, amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha la xiriira sidii loo ilaalin lahaa midnimada bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulamo la yeelan doona hoggaanka Maamulka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinacyadan ka dhageysan doona aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aaddan nabadda, horumarka iyo midnimada dalka.

Waxaa la filayaa in geba-gebada Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage laga soo saaro baaqyo iyo farriimo loo diri doono dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, xilli duullaan qaawan lagu soo qaadaya midnimada dalka.

Soomaaliya oo maanta xaqiijisay guul wayn kadib markii ay la wareegtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ah kowda bisha January ee sanadka ee cusub 2026 xaqiijisay guul wayn, iyada oo si rasmi ah ula wareegtay xilka Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Madoobay.

Soomaaliya ayaa muddo bil ah heyneysa hoggaanka kursiga wareega ee golahaas oo bil kasta ay isku bed-bedalaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka.

Arrintan Soomaaliya waxay uga dhigan tahay guul taariikhi ah, maadaama dalka muddo ku dhow 35 sano la daala dhacayay burbur iyo dagaallo.

Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa mas’uul ka ah hoggaaminta golaha. Hoggaanka 15-ka xubnood ee golaha ayaa is-rogrogta, habkan ayaa soo socday tan iyo 1946.

Dalka bishaas madaxweynaha ka ah golaha ayaa hoggaamiya isku-dubaridka hawlaha shaqo ee muddadaas. Waxa uu door ku leeyahay dejinta ajandaha iyo kala hormarinta qodobada ay xubnaha goluhu ku kala aragti duwan yihiin, mararka qaarna waxa uu u shaqeeyaa sidii diblomaasi dhexdhexaad ka ah dhinacyo kala aragti duwan.

Haddaba, maxay Soomaaliya uga dhigan tahay kursigani?

Kursigan ayaa muhiim u ah Soomaaliya, maadaama ay fursad u helayso inay miiska soo saarto qadiyadaha dal ahaan u muhiimka u ah, isla markaana ay taageeri karto qadiyadaha Afrika iyo saaxiibadeeda kale, iyadoo ajandaha shirka ku dari karta.

“Soomaaliya waxay uga dhigan tahay inay u hadasho nabadda Afrika oo dhan, gaar ahaan nabadda Geeska Afrika oo Soomaaliya ugu horreyso, iyo la dagaalanka al-Shabaab. Waxa kale oo ay ka hadli kartaa soo kabashada dowladnimada Soomaaliya iyo isbeddelka cimilada,” ayuu yiri safiir Dhimbil.

“Hal bil ayay ahaanayaan guddoomiyaha Golaha Ammaanka, bishaasna iyaga ayaa awoodda u leh inay kala horraysiiyaan mowduucyada laga hadlayo,” ayuu sii raaciyay safiirku.

Inkasta oo muddada ay Soomaaliya ku sugan tahay Golaha Ammaanku ay kooban tahay (labo sano), haddana fursadda guddoominta bisha ah waa mid muhiimad weyn u leh Soomaaliya, si ay u soo bandhigto qodobada mudnaanta u leh dalka, Geeska Afrika, iyo guud ahaan qaaradda.

Caydiid Dirir oo war ka soo saaray aqoonsiga Somaliland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, waxayna caddeysay halka ay ka joogto ictiraafka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi siiyay Warbaahinta Daljir ayaa shaaca ka qaaday in aysan marnaba gorgortan ka galayn midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, wuxuuna si cad uga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in gumeystayaashii reer Yurub aysan qabiil wax ugu darin qabiil kale, isla markaana haddii ay go’eyso beesha Isaaq ay la qaadaneyso inteeda oo kaliya.

“Mowqifka Puntland waa midnimo Soomaaliyeed, ma jirto calan Somaliland oo lagu qaatay xorriyadda Soomaaliya. Isaaq haddii ay Soomaali ka go’ayaan Soomaal inta ay leeyihiin ayey la go’ayaan oo ah qayb Togdheer ah iyo Ceel-afweyn ilaa xaafada-galbeed ee magaalada Ceerigaabo ah.” ayuu yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Gumeystayaashii reer Yurub, qabiilna qabiil wax uguma darin, Isaaq intiisa ayuu lahaa, Awdal gaarkeeda ayey ahayd, Warsangeli Saldano ayuu ahaa, Dhulbahantena halkiisa ayuu joogay, calankaas buluugga ah ayaa xirnimada lagu qaatay, qabiil-qabiil wax loogu dhiibay ma jirin, calan Somaliland ahna ma jirin”.

Go’aanka Puntland ayaa kusoo aadaya, xilli muddo dheer ay la aamusneyd mowqifkeeda, taas oo keentay shaki iyo in la dhaleeceeyo Saciid Deni.

Israa’iil ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dalmadax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la samaysatay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Xog xasaasi ah oo ka soo korortay khilaafka Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka

Riyadh (Caasimada Online) – Ka bixitaanka ciidamada Imaaraadka Carabta ee dalka Yemen, kadib duqeyntii dhanka cirka ahayd ee Sacuudiga, ayaa laga yaabaa inay dejiso iska hor imaadka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal. Hase yeeshee, dhacdadan ayaa banaanka soo dhigtay kala-shaki hoose iyo khilaaf soo jireen ah oo u dhexeeya labadan quwadood ee saliidda hodanka ku ah. 

Duqeyntii ay hoggaaminayeen isbaheysiga Sacuudiga ee subaxnimadii Talaadada ka dhacday dekedda koonfureed ee Mukalla, ayaa waxaa xigay baaqyo ku aaddan in dhammaan ciidamada Imaaraadka ay isaga baxaan Yemen. Dowladda Riyadh ayaa iyaduna soo saartay bayaan ay ku sheegayso in amnigeeda qaran uu yahay “khad cas” oo aan gorgortan la geli karin.

Dhinaca kale, Imaaraadka ayaa sheegay inay la yaabeen duqeynta, wax yar kadibna waxay ku dhawaaqeen inay ciidamadooda ku haray Yemen kala baxayaan sababo la xiriira badqabkooda.

Xiisaddan, oo ka dhalatay horumar degdeg ah iyo dhul-ballaarsi ay sameeyeen kooxaha gooni-u-goosadka ah ee Imaaraadku taageero horraantii bishii December, ayaa soo saartay khilaaf sanado soo jiitamayay oo u dhexeeya labadan dal ee waaweyn, kaas oo salka ku haya arrimo badan oo ay ka mid yihiin qoondada soo saarista saliidda ilaa loolanka saameynta siyaasadeed ee gobolka.

Xogta kulankii Washington

Ilo wareedyo Khaliiji ah oo xog-ogaal u ah aragtida Sacuudiga ayaa Reuters u sheegay in xiisaddan ay ka dhalatay “is-faham waa” ka yimid wadahadallo bishii Nofembar ka dhacay Washington, kuwaas oo dhexmaray Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, lagagana hadlayay dagaalka Suudaan.

Wadahadallo heer sare ah oo ay ku jiraan taleefanno dhexmaray Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa socday tan iyo bishii December, inkastoo ilo wareedku sheegay inaan weli natiijo rasmi ah laga gaarin dhulka.

Sii xumaanshaha xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa halis ku ah gobolka Khaliijka oo dhaqaale ahaan awood badan, kana mid ah meelaha ugu xasiloon Bariga Dhexe ee qalalaasuhu hareeyay.

Khilaafku wuxuu caqabad ku noqon karaa go’aannada soo saarista saliidda, xilli labada dal ay isku diyaarinayaan kulan ay la yeelanayaan xubnaha OPEC+ maalinta Axadda.

“Xiriirka labada dal marna ma ahayn mid fudud, laakiin khilaafkan wuxuu u muuqdaa kii ugu cuslaa muddo sanado ah,” ayuu yiri Neil Quilliam oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee Chatham House.

Dhul-ballaarsigii December

Kadib horumarkii degdegga ahaa ee horraantii bishii December, ciidamada Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) ee Imaaraadku taageero ayaa hadda gacanta ku haya dhul ballaaran oo ay ku jirto gobolka istiraatiijiga ah ee Xadramuut.

STC waxay horey qayb muhiim ah uga ahaayeen isbaheysiga garabka siinaya dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Sacuudigu taageero, dagaalkana kula jirta Xuutiyiinta Iran taageerto ee haysta Sanca iyo waqooyiga dalka.

Dhul-ballaarsigooda koonfureed ayaa ciidamada STC soo gaarsiiyay xuduudda Yemen la wadaagto Sacuudiga, waana aag ay qabaa’il badan oo Sacuudiyaan ah asalkooda ka soo jeedaan, taas oo siinaysa ahmiyad dhaqan iyo mid taariikheed.

Arrintan ayaa Sacuudiga iyo Imaaraadka ka dhigtay kuwo ku kala jira laba dhinac oo iska soo horjeeda dagaalka sokeeye ee Yemen oo qarxay 2014. STC ayaa diiday baaqyada Sacuudiga ee ah inay ka baxaan aagagga ay qabsadeen, iyagoo wacad ku maray inay sii sugi doonaan amniga Hadramout iyo gobolka bari ee Mahra.

Bayaan ay Imaaraadku ka soo saareen duqeyntii Mukalla, ayay ku sheegeen inay isku dayeen inay xiisadda dejiyaan, iyagoo beeniyay inay ku lug lahaayeen hawlgallo wiiqaya amniga Sacuudiga ama beegsanaya xuduudahooda.

Khilaafka dalka Suudaan 

“Labada dal waxay jecel yihiin inay yareeyaan hadal-haynta khilaafka, iyagoo ku dooda in tartanka dowladaha u dhexeeya uu yahay wax iska caadi ah,” ayuu yiri Quilliam. “Laakiin heerka tartanku xaqiiqdii wuu kordhay sanadkii la soo dhaafay, wuxuuna ka socdaa saaxado kala duwan.”

Mid ka mid ah meelahaas waa Suudaan, oo uu ka socdo dagaal sokeeye iyo mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu daran adduunka tan iyo bishii Abriil 2023.

Kooxda loo yaqaan The Quad, oo ay ku jiraan Sacuudiga, Masar, Mareykanka iyo Imaaraadka, ayaa hoggaaminayay diblumaasiyadda colaadda, balse dagaalku wuu sii socdaa.

Suudaan waa arrin xasaasi u ah Imaaraadka. Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay iyo xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inay taageeraan ciidamada RSF ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda Suudaan, inkastoo Imaaraadku beeniyay inay dhinacna taageerayaan.

Ilo wareedka Khaliijka ayaa sheegay in hoggaanka Imaaraadku ka carooday markii la gaarsiiyay “xog khaldan” oo sheegaysa in kulankii bishii Nofembar ee Washington, Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan uusan kaliya codsan cunaqabatayn ka dhan ah RSF, balse uu sidoo kale dalbaday cunaqabatayn toos ah oo la saaro Imaaraadka sababo la xiriira taageerada ay siiyaan kooxdaas. Is-faham waagaas ayaa la sheegay inuu dhaliyay xiisadda Yemen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ma xaqiijin mana beenin warkan, balse waxay tixraacday bayaan hore oo ay ku soo dhaweysay dadaallada Sacuudiga ee Yemen.

Taariikhda degganaansho la’aanta

Anwar Gargash, la-taliyaha diblomaasiyadda ee Madaxweynaha Imaaraadka, ayaa bartiisa ‘X’ ku sheegay Sabtidii in wada-hadalka iyo xalalka siyaasadeed ee ilaalinaya saaxiibtinimada iyo isbaheysiga ay yihiin kuwo lagama maarmaan ah xilligan uu ugu yeeray “marxalad xasaasi ah”. Si toos ah uma uusan soo hadal qaadin Yemen ama Sacuudiga.

Gobolka ayaa horey u soo maray khilaafyo, sida kii 2017 markii Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay cunaqabatayn saareen Qatar. Si kastaba ha ahaatee, khilaafkan hadda jira uma badna inuu keeno dhibaato la mid ah tii Qatar.

“Boqolkiiba boqol (100%) waan ku kala aragti duwannahay Yemen, farqigaasna wuxuu gaaray heer sare kadib xiisadda taagan,” ayuu yiri Abdulkhaleq Abdullah, oo ah aqoonyahan u dhashay Imaaraadka.

“Xulafadu way isku dhacaan… Laakiin way xalliyaan khilaafkooda waxayna wax ka dhistaan waxyaabaha ay wadaagaan.”

Qarax ka dhacay goob uu ka socday dabaal-degga…

0

Crans-Montana (Caasimada Online) –  Dhowr qof ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii qarax uu ka dhacay baar ku yaal goob loo dalxiis tago ee magaalada Crans-Montana ee dalka Switzerland, sida ay booliisku sheegeen.

Qaraxu wuxuu dhacay 01:30 waqtiga maxalliga ah, sida ay booliisku ku sheegeen bayaan ay soo saareen.

Muuqaalo aan la xaqiijin oo ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya dab ka kacay baar ay ka dhacayeen dabaaldegyada Sannadka Cusub.

Bar gargaar oo loogu talagalay qoysaska dadka ay dhibaatadu saameysey ayaa la sameeyay, sida ay booliisku sheegeen.

Crans-Montana waa magaalo dalxiis oo raaxo leh oo ku taal bartamaha Alps-ka Swiss, qiyaastii laba saacadood u jirta caasimadda Switzerland ee Bern.

Cabdiraxmaan Cirro oo booqanaya Israa’iil – XOG

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrameysa in Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) uu booqasho ku tegi doono magaalada Tel Aviv ee caasimada Israa’iil.

Wargeyska The Times of Israel ayaa laga soo xigtay in dhawaan la qorsheynayo in Madaxweyne Cirro uu tego qaybo kamid ah Israa’iil, si loo guda galo dhameystirka heshiiska diblumaasiyadeed ee labada dhinac.

The Times of Israel ayaa sidoo kale ku warramay in Madaweynaha Somaliland uu si rasmi ah u saxiixi doono heshiiska Abraham Acord, kaas oo ogolaanaya xiriir diblumaasiyadeed oo toos ah oo dhex-mara Haregysa iyo Tel Aviv.

Waxaa sidoo kale, Cirro uu saxiixi doono heshiisyo kale oo muhiim ah, sida iskaashi dhinacyada dhaqaalaha, tiknolojiyadda, tamarta iyo kuwa kale.

Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsada gobolka Somaliland, waxaana isa soo taraya xogaha dheeriga ah ee ku saabsan go’aankan. 

Tallaabadan ayaa warbaahinta Israa’iil ay sheegtay inay salka ku hayso qorshe ay Israa’iil ku raadineysay dalal ay dejiso Falastiiniyiinta ay dooneyso inay ka rarto Gaza, iyo dano istiraatiijiyadeed oo la xiriira duqeynta Yemen. 

Heshiiska aqoonsiga waxaa 26-kii December wada saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, kaas oo hadda la kulmay diidmo wayn oo dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo caalamka.

Si kastaba, ujeedka ugu weyn ee Israa’iil ayaa ah inay hesho marin ay u adeegsato la socodka iyo duqeynta kooxda Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iiraan.

Xasan oo shaaciyey 3 arrin oo Israel ay Somaliland uga bedelatay aqoonsiga ay siisay

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta Al Jazeera, ayaa ka warbixiyay heshiiska dhex maray Somaliland iyo Israa’iil, kaas oo ay Israa’iil Somaliland ugu aqoonsatay dal ka madax-bannaan Soomaaliya.

Madaxweynaha, oo ku jira safar diblomaasiyadeed oo uu taageero ugu raadinayo go’aanka dalkiisa, ayaa hadda ku sugan Turkiga, isaga oo horay u soo maray Jabuuti. Wuxuu ka hadlay warar soo baxay, isagoo sheegay in Somaliland ay oggolaatay saddex shuruudood oo ay Israa’iil dalbatay, kuwaas oo la sheegay in ay “ku beddeshay aqoonsi” ay ka hesho Israa’iil iyo xulafadeeda.

“Xogta hoose ee aan hayno waxay sheegaysaa saddex qodob oo muhiim ah in ay ku heshiiyeen; qodobka koowaad waa in Falastiiniyiinta loo soo raro Somaliland, qodobka labaadna waa in Israa’iil saldhig militari ka samaysato Gacanka Cadmeed, qorshaha saddexaadna waa in Somaliland qayb ka noqoto dowladaha ku jira heshiiska Abraham. Kuwani waa saddexda dalab ee Israa’iil ee Somaliland aqbashay,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo u warramayey TV-ga Al Jazeera.

Wuxuu intaas ku daray in, haddii ay dhaqan galaan qodobadan, ay noqon doonaan “halis amni oo caalamka kaga imaan doonta Geeska.”

“Haddii saddexdaas qodob dhaqan galaan, Soomaaliya waxay u furi doonaan irid dhibaato oo hor leh, waxayna horseedi doonaan xasillooni-darro,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhanka Somaliland

Sida ay Israa’iil iyo dhinaca Somalilandba sheegeen, heshiiskoodu wuxuu ku salaysan yahay iskaashi buuxa oo dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, tignoolajiyada, iyo siyaasadda dibadda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, oo BBC Soomaali la hadlay, ayaa si buuxda u beeniyay xogtan sheegaysa in Somaliland aqbashay qodobbo khatar ku ah amniga qaaradda. Wuxuu sheegay in “dad raba inay Somaliland sumcadeeda hoos u dhigaan ay wadaan” isla markaana “arrintaas meel looga wada hadlay iyo cid isku soo hadal qaaday ma jirto; dooddaasna ma taagna.”

Agaasimuhu wuxuu intaas ku daray in aysan jirin arrin ku saabsan in Israa’iil saldhig militari ka dhisan doonto deegaannadaas, isla markaana ay doonayso in ay kaga wararto Xuutiyiinta Yemen. “Arrintaasi lafteedu waa mid aan meesha ku jirin oo aan la isku soo hadal qaadin. Sida aan filayo, waa arrin la doonayo in lagu waxyeeleeyo damaashaadka iyo farxadda ictiraafka,” ayuu yiri Agaasime Cabdiraxmaan.

TURKIGA oo si rasmi ah u billaabay dhismaha Saldhigga Hawada Sare ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) –  Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagabeeyay hawlihii naqshadeynta iyo daraasadda suurta-galnimada ee dhismaha dekedda ama saldhigga hawada sare ee laga hirgelinayo Soomaaliya, iyadoo wejigii koowaad ee dhismaha si rasmi ah loo billaabay.  

Wasiirka Warshadaha iyo Teknoolojiyadda Turkiga, Mehmet Fatih Kacir, ayaa warkan xaqiijiyay Talaadadii.

Hadalkan ayaa soo baxay saacado kadib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu shaaciyay qorshaha Turkiga ee dhismaha saldhiggan, xilli uu shir jaraa’id oo wadajir ah la qabanayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho ku joogay Istanbul.

Sababta loo doortay Soomaaliya

Wasiir Kacir, oo faahfaahin siinayay wakaaladda wararka ee Anadolu, ayaa sheegay in saldhiggan laga dhisayo dhul ay Soomaaliya u qoondeysay Turkiga, kaas oo qayb ka ah heshiis iskaashi oo labada dal dhexmaray. 

Wuxuu xusay in dalalka ku yaalla aagga dhul-baraha ay leeyihiin faa’iidooyin farsamo oo la xiriira gelitaanka hawada sare iyo u dirista dayax-gacmeedyada.

“Natiijada daraasadihii la sameeyay, Soomaaliya ayaa noqotay goobta ugu habboon ee laga samayn karo maalgashiga dekedda hawada sare,” ayuu yiri Kacir.

Mashruucan ayaa qayb ka ah “Barnaamijka Hawada Sare ee Qaranka Turkiga,” waxaana iska kaashanaya Wasaaradda Warshadaha iyo Teknoolojiyadda iyo Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga.

“Lahaanshaha Turkiga ee dekedda hawada sare waa tallaabo istiraatiijiyadeed oo dalkeenna ka dhigaysa mid madax-bannaan, tartan geli kara, saameynna ku leh hawlaha hawada sare ee caalamka,” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu intaas ku daray in maalgashigan uu leeyahay faa’iidooyin dhaqaale oo waara oo dhanka hawada sare ah.

Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in Turkigu awood u yeesho inuu gantaalladiisa iyo dayax-gacmeedyadiisa si madax-bannaan ugu diro hawada sare, taasoo abuuraysa nidaam warshadeed oo gudaha ah.

Nidaamkan ayaa dabooli doona baahiyaha muhiimka ah sida matoorada gantaallada, teknoolojiyadda shidaalka, iyo kaabayaasha dhulka, taasoo meesha ka saaraysa ku tiirsanaanta shisheeyaha.

Faa’iidada ganacsi iyo tan Soomaaliya 

Saldhigga ayaa la filayaa inuu u adeego suuqa ganacsiga hawada sare ee caalamiga ah. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in mashruucani uu noqon doono kaabayaal istiraatiijiyadeed oo dakhli u soo xareeya Turkiga, isla markaana gacan weyn ka geysan doona horumarka Soomaaliya.

Isagoo sharxaya sababta farsamo ee Soomaaliya, Wasiir Kacir wuxuu yiri: “Joqraafi ahaan, maadaama Soomaaliya ay u dhowdahay dhul-baraha, lehna xeeb dheer, cimilo wanaagsan sanadka oo dhan, iyo ciriiriga dhanka hawada iyo badda oo yar, waxay siinaysaa faa’iidooyin waaweyn oo dhanka badqabka iyo waxtarka ah.”

Wasiirka ayaa tilmaamay in maalgashigan uu Turkiga ka dhigayo mid ka mid ah dalalka fara ku tiriska ah ee leh goobo u gaar ah oo gantaallada laga diro.

“Waa dalal aad u yar oo caalamka ah kuwa leh kaabayaal madax-bannaan oo dayax-gacmeedyada lagu diro,” ayuu xusay.

Ugu dambayntii, Wasiir Kacir ayaa sheegay in saldhiggan uu kor u qaadi doono amniga qaranka Turkiga, xoojin doono awoodda warshadaha, isla markaana dalka gaarsiin doono heerka ugu sarreeya ee dhaqaalaha hawada sare ee caalamka.