26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

DF oo war cusub soo saartay kadib taageerada ay ka heshay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si weyn ugu mahad-celisay dowladaha iyo ururrada caalamiga ah ee taageeray madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, kadib go’aankii ay dhowaan Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay guul u tahay garab istaagga dhabta ah ee ay ka heshay caalamka, xilligaan adag.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mahadnaq ballaaran u jeedinaysaa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee garab-istaagga iyo taageerada buuxa u muujiyay ilaalinta madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri warasaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dalalka iyo hay’adaha garab-istaagga u muujiyay madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya mahadsanidiin”.

Mahad-celintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo ay weli sii kordhayaan dalalka iyo ururrada caalamiga ah ee kasoo horjeeda go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, kaas oo durbaba abuuray xiisad oo laga dareemay gobolka.

Israa’iil ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dalmadax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la samaysatay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Daawo: Waddooyin horleh oo ku yaal Muqdisho oo la furay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta furay waddooyin horleh oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo muddo xirnaa, isla markaana ay dhibaato ku qabeen dadka deegaanka.

Laba waddo oo ku taalla degmada Heliwaa ayaa maanta lagu guuleystay in la furo, kuwaas oo laga qaaday dhagxaantii ku go’neyd muddada dheer.

Guddoomiyaha degmada Cabdifitaax Maxamed Xareed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isbeddalka amni ee caasimada uu keenay in la furo waddooyinkan, si loo fududeeyo isku socodka guud ee dadweynaha.

“Waxaa isbeddalay xaaladihii amniga, maadaama ay shaqo wayn ka qabteen hay’adaha amniga, ayna yaraadeen qaraxyadii ka dhici jiray caasimada” ayuu yiri Guddoomiye Cabdifitaax Maxamed Xareed.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in qorshahan uu qayb ka yahay barnaamijiyada horumarineed ee uu wado guddoomiye Muungaab ee la xiriira dhismaha waddooyinka iyo dib usoo celinta caasimada.

“Qorshahan furidda waddooyinka waa qayb kamid ah hannaanka bilic soo celinta ee duqa magaalada Muqdisho, si loo helo caasimada qurux badan” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, qaar ka mid shacabka ku dhaqan waaxda Bandar-wanaag ee degmada Heliwaa ayaa ka mahadceliyay furitaanka waddooyinka, waxaana u hadlay odayaasha dhaqanka oo goobjoog ahaa furitaanka jidadkaasi.

“Waxaan fureynaa waddadii baarka Walaalaha oo intaas oo sano dhagax uu yiila, waxaa na hortaagan guddoomiyihii degmada, dhagaxii waa nagala qaaday waa hambalyeyneynaa” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha deegaanka.

DF oo sii xoojisay tuhunka mucaaradka – Maxaa maanta soo baxay?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeyn kari weyday in doorashada madaxtinimada dalka ay ku qabsoomi doonto waqtigeeda, xilli uu muddo-xileedka Madaxweynaha Soomaaliya ku egyahay bisha May 2026.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, oo magaalada Dhuusamareeb uga qeybgalay shirka Heritage, ayaa ka gaabsaday su’aal laga weydiiyay doorashada.

Wasiirka ayaa la weydiiyay in dowladdiisu ay waqtigeeda ku qaban doonto doorashada madaxtinimada dalka, xilli uu muran xooggan ka taagan yahay hanaanka doorashada.

Wasiirka ayaa sheegay in doorashooyinka ay kala horeeyaan, taas oo ka bilaabaneysa heer degmo, heer dowlad-goboleed illaa heer federaal, taas oo ah jaranjar waqti qaadaneysa.

“Doorashooyinka waa imisa doorasho? Hanaan doorasho ayaa jira oo mideynaya doorashada waddanka oo dhan, wuxuu ka soo bilaabanayaa heerka degmo; Gobolka Banaadir ayaa lagu tijaabiyay, degmooyinka oo dhan way ka dhaceysaa, tii dowlad-goboleedkana way dhaceysaa, tii federaalkana way dhaceysaa,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Madaxweynaha waxaa dooranaya baarlamaan ay shacabku soo doorteen, haatan baarlamaanka ayaa ka doodi doona heshiiskii lala gaaray mucaaradka oo ansixin doona. Mucaaradka Golaha Mustaqbalka gogoshu waa idin furan tahay; waxa aad soo jeedineysaan miiska keena, wada-hadalkana aqbala.”

Hadalka wasiirka ayaa laga fahmi karaa in doorashada ay kadib dhici doonto kadib waqtigeeda, maadaama hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee lagu mideynayo guud ahaan dalka ay qaadaneyso waqti, halka haatan si tijaabo ah u hirgashay doorashada golayaasha deegaanka ee magaalada Muqdisho.

Mucaaradka ayaa tan iyo markii ay dowladdu billowday hanaanka doorasho qof iyo cod ka digeysay muddo-kororsi, iyagoo ku eedeeyay hoggaanka talada jooga in qorshahan uu uga dan leeyahay helitaanka waqti dheeraad ah oo ka baxsan muddo-xileedkiisa.

Dhawaan, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Madasha Samatabixinta iyo maamullada Jubaland iyo Puntland, ayaa Kismaayo ku yeeshay shir wadatashi, kaas oo ay si adag uga horyimaadeen in muddo-kororsi uu sameysto hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay shirka Kismaayo ayaa lagu caddeeyay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku fashilmay siyaasaddii, amnigii iyo horumarinta dalka, isla markaana uu la yimid siyaasad lagu kala qeybinayo laguna kala irdheynayo shacabka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay wax ka beddelka dastuurka ee ay sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo-kororsi sharci-darro ah, taas oo uu sheegay inay abuureyso xasillooni-darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

Golaha ayaa sidoo kale caddeeyay in uu diyaar u yahay in uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoonta waqtigeeda, taas oo ah dhammaadka muddo-xileedka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay isku raaceen in haddii Madaxweynaha uu iska indha-tiro baaqa kor ku xusan, uu Golaha Mustaqbalka guda geli doono sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Mareykanka oo bilaabaya hannaan sharciga loogala laabanayo Soomaalida

0

New York (Caasimada Online) – Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) ayaa bilaabaysa dib-u-eegis lagu sameynayo kiisaska socdaalka iyo jinsiyadda ee ay ku lug leeyihiin muhaajiriin ka imanaya 19 wadan, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Ujeedadu waa in la hubiyo in qof kasta oo haysta dhalashada Mareykanka uusan ku helin si khiyaano ah, sida ay DHS u sheegtay Fox News.

Kaaliyaha Xoghayaha DHS, Tricia McLaughlin, ayaa ku sheegtay Fox News in sharciga Mareykanka uu dhigay in qof lagu helo dhalasho khiyaano ah ay sabab u noqon karto in laga laabto.

Dib-u-eegista ayaa diiradda saaraysa arrimaha khiyaanada ee dhacay inta lagu jiray hannaanka socdaalka ama jinsiyadda, sida beenta lagu sameeyo guurka ama hadallada khaldan si loo helo sharci ama dhalasho.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga ay ku baaqeen cawaaqib adag, ka dib markii ay soo baxday fadeexad ku saabsan barnaamijyada daryeelka carruurta ee Minnesota, oo la sheegay in malaayiin dollar si khaldan loo isticmaalay.

DHS ayaa caddeysay in habka ka xayuubinta jinsiyadda uu yahay mid sharci oo adag, laguna dabaqo xaalado gaar ah oo keliya.

Waxaana dib-u-eegistu ku jirtaa kiisaska laga shakisan yahay ee 19-kii wadan, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyada oo aan la sheegin tirada kiisas ee hadda dib loo eegayo ama haddii dacwad loo gudbiyay.

Jinsiyad ka qaadista waa nidaam sharciyeed naadir ah, oo taariikh ahaan dowladda federaalku u isticmaashay tobanaan kiis xilliyadii 1990-meeyadii. Dacwad oogayaasha ayaa mas’uul ka ah in ay caddeeyaan in dhalashada lagu qaatay si dharci darro ah, iyadoo caddaymaha loo baahan yahay ay qaadan karaan sanado.

Dib-u-eegista ayaa sidoo kale ku beegan talaabo ay Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha (HHS) Talaadadii ku joojisay lacagaha daryeelka carruurta ee Minnesota, iyadoo lagu saleynayo eedeymo khiyaano ah oo ka dhan ah bixiyeyaasha adeegyada carruurta.

Xoghaye ku-xigeenka HHS, Jim O’Neill, ayaa sheegay in gobolku si khaldan u bixiyay malaayiin dollar oo ah lacagta canshuur-bixiyayaasha tobankii sano ee la soo dhaafay, taasoo keentay in lacagaha la hakiyo inta arrinta la baarayo.

DHS weli ma aysan sheegin jadwal dib-u-eegis, mana jirto faahfaahin ku saabsan haddii kiisas diidmo ah la filayo inay socdaan mustaqbalka dhow.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Pam Bondi, ay sheegtay in 85 qof oo Soomaali ah lagu soo oogay dacwad la xiriirta wax isdaba-marin gobolka Minnesota, iyadoo kiisas kale oo badan ay socdaan.

DF oo la kala safatay Sacuudiga iyo Imaaraadka oo si weyn isku haya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageertay siyaasadda iyo hoggaaminta Boqortooyada Sacuudiga ee arrimaha dalka Yemen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xalay sii daysay bayaan ku qoran luqad adag oo diblumaasiyadeed, kaas oo ay ku taageertay Sacuudiga, oo haatan si weyn iskugu hayaan Imaaraadka gudaha Yemen.

Soomaaliya, marnaba kuma soo hadal qaadin warkeeda dalka Imaaraadka oo ah cidda uu Sacuudigu gacanta ka qabanayo arrimaha dalka Yemen ee dowladda Soomaaliya ku ammaantay inuu ku socda go’aankiisa.

Tan ayaa muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya Imaaraadka Carabta, kaas oo indhaha ka dadbaday inuu si toos ah uga hadlo xad-gudubka Israa’iil ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta wada-hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay Amiir Faisal bin Farxan Al-Saud, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga.

Intii uu socday wada-hadalka, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahad-celiyay dhiggiisa Sacuudiga taageerada cad ee Boqortooyada Sacuudiga ay u muujisay go’aankii shalay kasoo baxay Golaha Wasiirrada Sacuudiga, kaas oo si buuxda u taageeraya midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dhankiisa, Amiir Faisal bin Farxan ayaa xaqiijiyay garab-istaagga joogtada ah ee Boqortooyada Sacuudiga ay u hayso Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay Sacuudigu siinayso xasilloonida, amniga iyo horumarka Geeska Afrika, iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Si kastaba, Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa Talaadadii si adag u sheegtay in amnigeeda qaranku yahay “khad cas,” iyadoo taageertay dalabka ah in ciidamada Imaaraadka Carabta ay muddo 24 saac gudahood ah kaga baxaan dalka Yemen.

Tallaabadan ayaa noqoneysa khilaafkii ugu cuslaa ee soo kala dhex-gala labada dal ee xulafada ah tan iyo billowgii colaadda Yemen.

Go’aankan ayaa soo baxay saacado uun kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Sacuudigu ay duqeeyeen shixnad hub iyo gaadiid gaashaaman ah oo yaallay dekedda Mukalla ee dalka Yemen.

Riyadh waxay sheegtay in Imaaraadku uu hubkaas u siday xoogagga gooni-u-goosadka ah, taas oo xadgudub ku ah madax-bannaanida dawladda Yemen iyo heshiisyadii xulafada ee soo jiray mudada tobanka sano ah.

Digniinta Sacuudiga ayaa timid kadib “duqeyn xaddidan” oo ay xaqiijisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA), taas oo sheegtay in labo markab oo ka yimid Fujairah ay sifo sharci-darro ah hub uga soo dejiyeen dekedda. Xiisaddan ayaa halis ugu jirta inay kala jarto isbahaysiga ka dhanka ah Xuutiyiinta, isla markaana cakirto isku-xirka ciidamada dagaallamaya.

Itoobiya oo mar kale dib usoo nooleysay damacii badda kuna dhowaaqay…

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) — Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in dadaalka dalkiisa ee ku aaddan helitaanka marin-badeed toos ah uu yahay qadiyad qaran oo “jiilal ay isaga dambeeyaan,” taas oo qasab ay tahay inay mideyso muwaadiniinta iyadoo aan loo eegin kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gedion Timothewos, oo ka hadlayay fadhi su’aalo iyo jawaabo ah oo uu la lahaa baarlamanka, ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay “marin badeedka” ay salka ku hayso wax uu ugu yeeray qorshe istiraatiijiyadeed oo fog, islamarkaana Itoobiya ay ku raadin doonto waddo diblomaasiyadeed iyo is-afgarad nabadeed, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

“Shacabka oo dhan waa in ay u midoobaan arrintan,” ayuu yiri Gedion, isagoo ku tilmaamay helitaanka baddu inay tahay arrin mudnaan qaran leh oo aan gorgortan geli karin, islamarkaana xiriir la leh amniga iyo jiritaanka jiilasha soo socda.

Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, ayaa noqotay dal aan bad lahayn kadib markii Eritrea ay qaadatay madaxbannaanideeda sannadkii 1993-kii.

Gedion ayaa u sheegay xildhibaannada in Itoobiya ay ka shaqeynayso xoojinta is-dhexgalka dhaqaale ee ay la leedahay dalalka deriska ah iyadoo adeegsanaysa kaabayaasha dhaqaalaha, sida dhoofinta korontada, jidadka tareennada, iyo mashaariic kale oo horumarineed.

Wuxuu sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay xal waara oo ku aaddan helitaanka marin badeed toos ah, isagoo intaas ku daray in safaaradaha iyo ergada diblumaasiyadeed ee Itoobiya ay wadaan olole “heerar kala duwan ah” oo ay caalamka ugu sharxayaan sharciyadda iyo caddaaladda dalabka Itoobiya.

Hadallada ka soo yeeraya mas’uuliyiinta sarsare ee Itoobiya ayaa dhawaanahan sii kululeeyay dooda ku saabsan helitaanka badda.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa marar badan ku tilmaamay helitaanka Badda Cas arrin “jiritaan” u ah Itoobiya. Luuqaddaas ayaa mararka qaar cabsi ku beertay gobolka, iyadoo laga welwelsanaa in Addis Ababa ay qaadi karto tallaabooyin qasab ah, gaar ahaan kuwa la xiriira xeebaha Eritrea.

Isku-daygii ugu weynaa ee Itoobiya ay dhawaan ku doonaysay marin badeed ayaa yimid 1-dii Janaayo 2024, markii ay heshiis is-afgarad (MoU) la gashay maamulka Somaliland.

Heshiiskaas, Somaliland waxa uu Itoobiya siinayay marin badeed ganacsi iyo mid ciidan. Mas’uuliyiinta Hargeysa ayaa sheegay in heshiisku dhigayay in Itoobiya ay beddelkeeda aqoonsato madaxbannaanida Somaliland.

Soomaaliya ayaa isla markiiba diiday heshiiskaas, iyadoo ku tilmaantay sharci-darro. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii dambe saxiixay sharci burinaya heshiiskaas.

Khilaafkan ayaa dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed oo aad u adag oo u dhaxaysa Addis Ababa iyo Muqdisho, iyadoo Soomaaliya ay ka digtay inay difaacan doonto madaxbannaanideeda haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo heshiiskaas. Falanqeeyayaasha gobolka ayaa ka digay in khilaafku uu soo jiidan karo awoodo kale oo tartan ugu jira Badda Cas.

Bishii Disembar 2024, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa saxiixay Baaqa Ankara, oo uu fududeeyay Turkigu, kaas oo ujeedkiisu ahaa in la soo afjaro xiisadda lana hagaajiyo xiriirka. Labada dhinacba waxay dib u xaqiijiyeen ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka.

Baaqa ayaa dhigayay in la sameeyo wada-xaajoodyo farsamo si loo helo qaab u oggolaanaya Itoobiya “marin badeed la isku halleyn karo, ammaan ah, oo waara” iyadoo la tixgelinayo adkaysiga Soomaaliya ee ah in natiijo kasta ay dhowrto midnimadeeda.

Wufuud ka kala socota Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa markii dambe wada-hadallo ku yeeshay Ankara, kuwaas oo ay hoggaaminayeen Wasiir Gedion iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa ku tilmaamay wada-hadalladaas bilow wax-ku-ool ah, waxaana la qorsheeyay wada-xaajoodyo kale oo dheeraad ah, balse weli kama soo bixin qodobo heshiis looga gaaro marin-badeedka ay Itoobiya dooneyso.

Muungaab oo shaaciyay in sanadka 2026 aan Muqdisho lagu arki doonin…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo maanta furay waddada Nasiib Buundo ee degmada Shibis, taas oo dib u dhis lagu sameeyay, ayaa sameeyay ballan-qaad weyn.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in sanadka berri bilaabanaya ee 2026 aan caasimadda Muqdisho lagu arki doonin waddooyin burbursan.

Waxa uu xusay in magaalada Muqdisho inteeda badan laga dhigi doono laami casri ah, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo nolol magaalo oo casri ah.

“Maanta waxa aan u taagannahay mid ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ka socda dalka, gaar ahaan xarig-ka-jarka Waddada Nasiib Buunde ee degmada Shibis, taas oo si rasmi ah u dhammaatay,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waddadan aad maanta arkaysaan waa mid si heer sare ah loo dhisay, waxaana si buuxda u maalgelisay Dowladda Hoose ee Muqdisho.”

Guddoomiyaha ayaa shacabka ka codsaday in ay doorkooda ka qaataan horumarka caasimadda, sida dib u dhiska waddooyinka iyo nadaafaddooda, taas oo haatan ay ku howlan tahay Dowladda Hoose ee Xamar.

“Sanadka cusub Muqdisho laguma arki doono laami burbursan iyo waddo bacaad ah, hadafkeennu waa Muqdisho oo dhisan oo amni ah oo kaabayaal dhaqaale leh oo wax weliba u dhammaystiran yihiin, haddii Alle Idmo,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Sidoo kale, guddoomiyuhu waxa uu ku dhawaaqay dhismaha waddooyinka Soddonka, Warshadaha iyo Jamhuuriyo, kuwaas oo dhammaantood ah halbowlayaal muhiim u ah isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha caasimadda.

Waddada Nasiib Buundo oo isku xirta jidka Beexaani ilaa Maanaboolyo ee degmada Shibis, ayaa sidoo kale qayb ka ah qorshe ballaaran oo horumarineed, iyadoo la bilaabay wajiga labaad ee dariiqan oo ka billaabanaya Boondheere isla markaana gaaraya ilaa darbiga Madaxtooyada Qaranka.

Mashruucan waxaa sidoo kale qayb ka ah rakibidda nalalka ku shaqeeya tamarta cadceedda (solar), kuwaas oo kor u qaadaya amniga iyo bilicda waddooyinka, xilliyada habeenkii.

Hoos ka daawo muuqaalka

Laba dal oo Afrikaan ah oo qaaday tallaabo ay Trump uga aargoosanayaan

0

Bamako (Caasimada Online) – Dalalka Mali iyo Burkina Faso ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika ayaa qaaday tallaabo adag oo ay kaga jawaabayaan go’aan hore oo ka soo baxay Dowladda Maraykanka, kaas oo uu saxiixay Madaxweyne Donald Trump.

War rasmi ah oo ay soo saareen labada dal ayaa lagu sheegay in kaddib markii Maraykanku mamnuucay gelitaanka muwaadiniinta Mali iyo Burkina Faso, ay iyaguna go’aan la mid ah ka qaateen muwaadiniinta Maraykanka, iyagoo ka joojiyay inay dalalkooda soo galaan.

Mali iyo Burkina Faso ayaa noqday dalalkii ugu horreeyay ee tallaabo noocan ah qaada, iyagoo muujiyay inay ka falcelinayaan xayiraaddii lagu soo rogay muwaadiniintooda ee ku wajahnayd safarka Maraykanka, taas oo ku timid amarka Madaxweyne Trump.

Maamulka Trump ayaa dhowaan soo saaray amar xayiraad ah oo aan waqti loo cayimin, kaas oo lagu mamnuucay muwaadiniinta dalal badan, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, inay u safraan Maraykanka, isaga oo arrintaas ku sababeeyay arrimo kala duwan.

Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska bishii Janaayo, Trump wuxuu mudnaanta koowaad siiyay adkeynta socdaalka iyo xuduudaha, isagoo ciidamo federaal ah geeyay magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, isla markaana xoojiyay diidmada magangalyo-doonka ee xuduudda Mexico.

Ballaarinta liiskan ayaa loo arkaa tallaabo sii hurineysa tallaabooyinka socdaalka ee maamulka Trump, gaar ahaan kaddib toogashadii bishii hore ka dhacday Washington D.C. ee lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka (National Guard).

Baarayaasha ayaa sheegay in toogashadaas uu fuliyay nin u dhashay Afghanistan oo Mareykanka ku galay barnaamijka dib-u-dejinta sannadkii 2021—barnaamijkaas oo maamulka Trump ay ku tilmaameen mid aan lahayn baaris ku filan.

Maalmo kaddib toogashadaas, Trump wuxuu wacad ku maray inuu si “kumeel-gaar ah u hakiyo” socdaalka ka imaanaya dhammaan “Dalalka Dunia Saddexaad” (Third World Countries), inkastoo uusan si gaar ah u magacaabin dalalkaas ama uusan qeixin waxa uu ula jeedo erey-bixintaas.

JABUUTI oo xirtay xafiiskii Somaliland ee dalkaas

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah xukuumadda Somaliland, waxayna soo saartay go’aan culus oo lagu xiray xafiiskii ay Somaliland ku lahayd gudaha dalkaasi.

Xafiiskan oo furnaa tan iyo sannadkii 2012-kii ayaa haatan dowladda Jabuuti waxay sheegtay in albaabada la’isugu laabay sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, kaas oo ay horay u diiday.

Jabuuti ayaa sidoo kale sheegtay in aqoonsigaas uu ka hor imaanayo xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana ay kasoo horjeedo.

“Iyadoo la tixraacayo is-waafaq la’aanta ku xeeran go’aanka ay qaateen mas’uuliyiinta maamulka Somaliland, ee ku saabsan dhisidda iskaashi lala yeesho Israa’iil, kaas oo ku saleysan aqoonsi ka hor imanaya xeerarka sharciga caalamiga ah, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay go’aansatay inay xirto xafiiska xiriirka ee maamulkaas goboleed, kaas oo ka furnaa gudaha dalka Jabuuti tan iyo sannadkii 2012.” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay Jabuuti.

Kahor inta aanu soo bixin go’aankan, Somaliland ayaa u yeertay wakiilkeedii dalka Jabuuti, iyada oo fartay inuu dib ugu soo laabto magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaasi.

Warqad kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in wakiilka loogu yeeray wada-tashi, maadaama ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku wargelinaysaa in Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay dib ugu yeedhatay Wakiilkeedii u joogay Jamhuuriyadda Jabuuti, si uu wadatashi ugu yimaado magaalada Hargeysa” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lagu sii daray “Arrintan ayaa ka mid ah wadahadallada iyo la-tashiyada diblomaasiyaedeed ee socda, isla markaana waafaqsan hab-raacyada iyo dhaqanka caalamiga ah ee diblomaasiyadda”.

Xisbiga Shariif Xasan Sheekh Aadan oo qaadacay natiijada doorashadii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur Siyaasadeedka Horumar iyo Midnimo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta qaadacay natiijada doorashada goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir oo uu xalay ku dhawaaqay Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Ururka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa eedeyn culus u jeediyay Guddiga Doorashada, wuxuuna sheegay in codadkoodii la gadistay, loona wareejiyay xisbi kale.

“Ujeedo qaadacaadda natiijada doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banadir, Urur Siyaasadeedka Horumar iyo Midnimo Qaran waa urur si sharci ah ugu diiwaangashan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaran, kana mid ahaa ururradii ka qayb-galay doorashadii golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir ee ka dhacday Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaanka ururka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Kadib qiimeyn rasmi ah ururku wuxuu xaqiijinayaa madax banaanida iyo dhex-dhexaadnimada Guddiga Doorashooyinka la jabiyay, isla markaana maqnaashiyaha maxkamadda dastuuriga ah ay meesha ka saartay habkii sharciga ahaa ee lagu xallin lahaa murannada doorashooyinka”.

Ururka Horumar iyo Midnimo Qaran ayaa si gaar ah uga cabanaya doorashadii degmada Waabari, wuxuuna sheegay in codadkii ay ka heleen degmadaas lagala noqday, kadibna guddiga uu u wareejiyay xisbiga Xasan Sheekh.

“Intaa waxaa dheer natiijada Ururka Horumar iyo Midnimo Qaran ee degmada Waabari oo ay Guddiga Doorashooyinka horay u shaaciyeen ayaa si sharci darro ah loo farogeliyay, loona wareejiyay Urur Siyaasadeedka JSP ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya oo xalay shaaciyay natiijada kama dambeysta ah ee doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay sida ay kuraasta u kala heleen Xisbiyadii tartamay, kuwaas oo gaaraya illaa 20 urur siyaasadeed.

Sida ku cad natiijada waxaa kuraasta ugu badan helay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ee Madaxweynaha, kaas oo 177 Mudane ku yeeshay degmooyinka Gobolka Banaadir, waxa ay tani u dhigan tahay celcelis 45%.

Kaalinta labaad waxaa isna soo galay Xisbiga Towfiiq oo helay 49 Xildhibaan oo degmooyinka gobolka Banaadir ah, celceliska codadka uu helay waa 12.6%.

Xisbiga Ramaas ayaa kusoo baxay kaalinta saddexaad wuxuuna helay 42 Kursi, halka 4-aad uu soo galay Karaama oo isna helay 39 Kursi halka urur siyaasadeedka 5-aad uu noqday Sincad oo helay 26 Kursi.

DF oo weerar culus ku qaaday Saciid Deni oo weli ka aamusan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya Soomaaliya, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo maanta hadal siiyay warbaahinta ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo weli ka aamusan aqoonsiga ay 26-kii bishaan Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Cabdiqafaar Xaange ayaa waxa lala yaabo ku tilmaamay in weli aanu Deni caddeyn mowqifkiisa ku aadan midnimada dalka, isaga oo tilmaamay in arrintan ay fadeexad wayn ku tahay, maadaama uu rabo inuu noqdo Madaxweyne Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inuu la aamusan yahay ajende kale oo halis ah, isla markaana la ogaadan doono mar uun, sida uu hadaka u dhigay.

“Arrintaan waa arrin ay cid walbaa la yaaban tahay, waxaana ku tilmaami karnaa fadeexad siyaasadeed Madaxweyne qayb dhan oo Soomaaliya ka mid ah xukuma in maanta waxa dhacay ka aamuso oo ka dhuunto waxay caddeyneysaa in ajene kale oo gurracan uu ku dhagan yahay” ayuu yiri Xaange.

Sidoo kale wuxuu intaa raaciyay “Waxbaa ku dhagan waxyaalahaasna waa soo bixi doonaan maalintii shanaad ayaan u maleynaa in la marayo inaanu ka hadlin, waa fadeexad saaran si uu isaga fujin lahaana isagaa laga rabaa”.

Horay waxaa sidaan oo kale Deni u weeraray Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin oo isaguna la yaabay aamusnaanta Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo aan weli ka hadlin xad-gudubka Israa’iil ee madax banaanida Soomaaliya.

Fahad ayaa sheegay in aysan jirin sabab loogu cudurdaaro labada hoggaamiye, isagoo xusay in tani abuurayso shaki ah inay raalli ka yihiin ama shirqoolka wax ka maleegeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Saciid Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, ilaa haddeer waa iyaga aamusan, sabab loogu cudurdaaro ma jirto, waliba Saciid Dani oo madax ka ah deegaan muhimad weyn leh oo midnimada ilaalinteeda caan ku ah,” ayuu yiri Agaasimihii hore ee NISA.

Netanyahu oo shaaciyay sababta ay aqoonsiga u siiyeen maamulka Somaliland

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benyamin Netanyahu oo xalay la hadlay Telefishinka Newsmax ee ku yaalla dalka Mareykanka ayaa bixiyay wareysi dhanacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreyso aqoonsiga ay siiyeen Somaliland.

Waxyaabaha kale ee laga wareystay waxa ka mid ahaa nabadda Qasa iyo hub-ka-dhigista Xamaas, xiisadda ka dhaxaysa Israa’iil iyo Iiraan iyo arrimo kale.

Netanyahu oo ka jawaabaya aqoonsiga Somaliland ayaa yiri: “Hagaag, Somaliland waxay leedahay 6 milyan oo muwaadiniin ah. Waa Muslimiin casri ah. Waxay rabaan in ay ku biiraan heshiisyada Abraham, waxaan u maleynayaa taas waa wax wanaagsan. Waa dimuqraadiyiin, waxay sameeyeen doorashooyin.”

Waxaa kale oo uu intaasi raaciyay: “Soomaaliya inteeda kale waa mid isku dhafan. Waxa ka jirta argagixisada Shabaab. Ma agranayo goortii ugu dambaysya ee doorasho dhab ah ay qabtaan. Malaha waa tobannaan sano. Argagixiso badan ayaa halkaas imanaya”.

Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay noqotay ciddii ugu horreeya ee aqoonsata Soomaaliland, isaga oo ku dooday in Somaliland ay tahay dal dimuqraadi ah oo u diyaarsan in ay Israa’iil nabad la qaadato.

Sidoo kale wuxuu in Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay Soomaaliland, isaga oo tallaabadan ku tilmaamay taageero uu u fidinayo “dal Muslim ah oo dhex-dhexaad ah, dimuqraadi ah” oo doonaya in uu xiriir dhow la yeesho Israa’iil iyada oo loo marayo heshiisyada Abraham.

Waraysigan gaarka ah, waxa uu Netanyahu ku sheegay in hoggaaminta iyo nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliland ka jira uu ka duwan yahay waxa ka socda Soomaaliya inteeda kale oo uu ku sifeeyay mid aan xasilloonayn oo ay ka jiraan argagixiso.

Su’aasha la weyddiiyay ayaa u dhignayd sidan: “Waxaad aqoonsatey Somaliland. Waxaad ahayd dalka ugu horreeya ee sidaas sameeya. Waxaan eegay halka ay ku taallo iyo wax yar oo taariikhdeeda ka mid ah. Maxaa kugu riixay arrintaas?

 Benyamin Netanyahu oo ka jawaabaya ayaa yiri: “Hagaag, Somaliland waxay leedahay 6 milyan oo muwaadiniin ah. Waa Muslimiin casri ah. Waxay rabaan in ay ku biiraan Heshiisyada Abraham, waxaanan u maleynayaa taas waa wax wanaagsan. Waa dimuqraadiyiin, waxay sameeyeen doorashooyin.”

Waxaa kale oo uu intaasi raaciyay: “Soomaaliya inteeda kale waa mid isku dhafan. Waxa ka jirta argagixisada Shabaab. Ma agranayo goortii ugu dambaysya ee doorasho dhab ah ay qabtaan. Malaha waa tobannaan sano. Argagixiso badan ayaa halkaas imanaya”.

Ugu dambeyn wuxuu ku dooday in Somaliland ay tahay ‘dal dimuqraadi ah’ oo u diyaarsan in ay Israa’iil nabad la qaadato.

Wargeyska Israel Hayom: Kadib aqoonsigii Somaliland waxaa naga hortimid xaqiiqda

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wargeyska Israel Hayom ayaa warbixin uu qoray ku sheegay in, inkasta oo Israel ay aqoonsatay gobolka Somaliland, haddana ay ku adkaatay in ay u safraan Hargeysa, sababo la xiriira xaqiiqda ah in weli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maamusho hawada dalka.

Hoos ks aqriso warbixinta wargeyska

In kasta oo Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland, haddana waxaan ogaannay in u safridda halkaas iyadoo la adeegsanayo dhalashada Israa’iil ay tahay arrin aad u adag oo aan sinaba u fududayn. Waxaan isku daynay inaan raacno diyaaradda Fly Dubai si aan u sii marno Dubai, una sii raacno duullimaad kale oo ku socda Somaliland, balse rajadeenii waxaa buriyay xaqiiqada qaraar ee dhulka taal. 

Waxaa soo baxday in xaqiiqada siyaasadeed iyo tan diblomaasiyadeed aysan la jaan-qaadayn aqoonsiga Israa’iil. Ma ahan oo kaliya inaysan jirin duullimaadyo toos ah oo taga Somaliland, balse hanaanka dal-ku-galka (Visa) ee Soomaaliya, ayaa safarka ka dhigay mid caqabad ku ah isku day kasta oo lagu doonayo in gobolkaas lagu gaaro.

Somaliland, in kasta oo ay aqoonsi rasmi ah ka heshay Israa’iil, haddana ma haysato aqoonsiga dal kale oo caalamka ah. Natiijada tooska ah ee xaaladdan ayaa ah inaysan jirin duullimaadyo toos ah oo taga deegaankaas. Intaas waxaa dheer, shirkadaha diyaaradaha ee caalamiga ah ma aqoonsana Somaliland, taasoo ka dhigan in aysan jirin waddo fudud oo ay Israa’iiliyiintu ku tagi karaan.

Xaqiiqada jirta ayaa ah in u safridda Somaliland ay u baahan tahay in marka hore loo duulo Soomaaliya. Mushkiladda jirta ayaa ah in dadka haysta dhalashada Israa’iil aysan heli karin dal-ku-galka (Visa) Soomaaliya ilaa ay haystaan baasaboor ajnabi ah mooyaane.

Haddii aad ku guuleysato inaad hesho dal-ku-galka Soomaaliya, gelitaanka Somaliland lafteedu waa mid iska fudud. Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa, oo ku yaalla caasimadda Somaliland, ayaa booqdayaasha siiya dal-ku-gal marka ay soo caga-dhigtaan (Visa on arrival), kaas oo qiimihiisu yahay qiyaastii $60. Hannaankaas ayaa ah mid isla goobta lagu dhammeeyo, wuxuuna qaataa daqiiqado kooban.

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ma bixin xalal la taaban karo oo u sahlaya Israa’iiliyiinta doonaya inay booqdaan. Nidaamka siyaasadeed, oo salka ku haya khilaaf iyo aqoonsi la’aan caalami ah, ayaa abuuray xaalad ay isku day kasta oo lagu doonayo in lagu gaaro deegaankaas uu wajahayo caqabado maamul oo u muuqda kuwo aan la jabin karin.

In kasta oo aqoonsiga dowladnimo uusan mar walba la macno ahayn xalal la taaban karo ama shuruudo u sahlaya dalxiisayaasha inay yimaadaan, haddana kiiska Somaliland wuxuu iftiiminayaa farqiga weyn ee u dhexeeya siyaasadda dowladda iyo xaqiiqada siyaasadeed ee cakiran taas oo adkaynaysa dadaal kasta oo xiriir toos ah lagu samayn lahaa.

Ugu dambayntii, in kasta oo Israa’iil aqoonsatay Somaliland, waddada loo maro ayaa weli ka xiran Israa’iiliyiinta, annaguna halkaas ayaan ku xayirannay oo aan ka duuli waynay.

DF oo la safatay Sacuudiga kadib taageeradii ay siisay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bayaan culus soo saartay ayaa maanta caddeysay mowqifkeeda ku aadan qadiyadda dalka Yemen, iyada oo martay dhanka Boqortooyada Sacuudiga.

Dowladda Federaaalka oo xalay sii daysay bayaan ku qoran luqad adag oo dublumaasiyadeed ayaa waxa ay ku taageertay siyaasadda iyo hoggaaminta Boqortooyada Sucuudiga ee arrimaha dalka Yemen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in ay adkaynayso midnimada, wadajirka dhuleed iyo sharciyadda dowladda Yemen.

Waxaa kale oo ay Dowladda Federaalka ku baaqday in la garab istaago dowladda iyo dadka Yemen oo ay quwado waa wayn isku hayaan, sida Sacuudiga iyo Isu Tegga Imaaraadka Carabta.

Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay mar weliba kasoo horjeedo isku-day kasta oo lagu farogelinayo arrimaha gudaha ee dalka Yemen.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa mowqif mabda’ leh oo ay ku taageerayso madaxbannaanida, midnimada, amniga, xasilloonida iyo amniga Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Yemen, waxayna si adag u diidaysaa isku day kasta ama faragelin kasta oo wiiqaya midnimada Yemen ama saameyn ku yeelan karta sharciyaddeeda dastuuriga ah iyo hay’adaha qaranka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Soomaaliya.

Dhinaca kale, dowladdu marnaba kuma soo hadal qaadin warkeeda dalka Imaaraadka Carabta oo ah cidda uu Sucuudigu gacanta ka qabanayo arrimaha dalka Yemen ee ay Soomaaliya ku ammaantay inuu ku socda go’aankiisa.

Si kastaba, arrintan ayaa waxaa lagu fasiran karaa heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka kala dhaxeeya dalka Isu Teggea Imaaraadka, kaas oo illaa iyo hadda aan ka hadlin xadgudubka Israa’iil u gaysatay madax banaanida Soomaaliya.

Somaliland oo u yeertay wakiilkeeda Jabuuti + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta si deg-deg ah ugu yeertay wakiilkeeda u fadhiyay dalka Jabuuti, Mudane Cabdilaahi Maxmed Daahir Cukus iyada oo fartay inuu dib ugu soo laabto gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaasi.

Warqad kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in wakiilka loogu yeeray wada-tashi, maadaama ay taagan tahay xiisada culus oo ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku wargelinaysaa in Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay dib ugu yeedhatay Wakiilkeedii u joogay Jamhuuriyadda Jabuuti, si uu wadatashi ugu yimaado magaalada Hargeysa” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lagu sii daray “Arrintan ayaa ka mid ah wadahadallada iyo la-tashiyada diblomaasiyaedeed ee socda, isla markaana waafaqsan hab-raacyada iyo dhaqanka caalamiga ah ee diblomaasiyadda”.

Jabuuti ayaa kamid ah dowladaha dariska ay ee sida uga horyimid go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, waxayna garab istaagtay Soomaaliya, waxayna iyada oo dhex-joogta Golaha Ammaanka ay si adag u difaacey madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo jiray kulan todobaadan ka dhex-maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo ay uga wada-hadleen wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Labada Madaxwene ayaa si wadajir ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay mowqifta dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya.

Xasan oo shaaciyey awood garab taagan xilli duullaan lagu soo qaaday Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay Talaadadii in Soomaaliya ay si weyn u dareentay taageerada Turkiga xilli dalku uu wajahayo khataro ku aaddan midnimadiisa dhuleed iyo madaxbannaanidiisa. 

Shir jaraa’id oo wadajir ah oo ay ku qabteen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan xarunta Madaxtooyada ee Dolmabahce, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyay Erdogan taageeradiisa iyo hoggaamintiisa xilliyada adag ee ay ku jirto Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in gaar ahaan xilligan lagu jiro mowjado khatar gelinaya midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si dhab ah u dareemeen garab istaagga Turkiga iyo dadkiisa.

Wuxuu intaas ku daray in dalkiisu uu ka shaqeynayo dhisidda dowlad xooggan iyo ilaalinta sharafka qaranimada iyo midnimada dhulka.

Xasan Sheekh ayaa dib u xasuusiyay in Turkigu uu horey door dhexdhexaadin ah uga qaatay wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, uuna ilaa hadda wado dadaallo lagu doonayo in arrintaas lagu xalliyo qaab nabad iyo saaxiibtinimo ku dheehan tahay.

Wuxuu sheegay in Erdogan uu mar kale ku celiyay in Turkigu uu garab taagan yahay Soomaaliya, uuna sii wadi doono taageerada dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in taageerada Turkiga ay muhiimad gaar ah u leedahay horumarka, nabadda, xasilloonida, iyo soo kabashada Soomaaliya.

Iskaashiga iyo cambaareynta Netanyahu 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadahadalladii uu la yeeshay Erdogan ay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa, loona sii ballaarin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan. Wuxuu xusay in Soomaaliya iyo Turkigu ay sanadihii ugu dambeeyay xoojiyeen iskaashigooda, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay dhammaan dalalka walaalaha ah, hay’adaha gobolka, iyo ururrada muujiyay midnimada ay u hayaan Soomaaliya.

Isagoo soo hadal qaadaya Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in mowqifkiisa gardarrada ah, oo ay ku jiraan ficillada saameynaya Soomaaliya, uu yahay mid aan la aqbali karin.

Wuxuu sheegay in dhaqanka noocan oo kale ah uu xadgudub ku yahay sharciga caalamiga ah, axdiga aas-aaska Qaramada Midoobay, iyo mabaadi’da dublamaasiyadda iyo heshiisyada mideeyay Midowga Afrika.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in xurmada midnimada dhuleed, madaxbannaanida, iyo faragelin la’aanta ay yihiin qiyamka aasaasiga ah ee uu ku dhisan yahay nidaamka caalamiga ah.

Kheyraadka shidaalka iyo gaaska

Madaxweynaha ayaa sidoo kale iftiimiyay iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku aaddan sahminta iyo horumarinta kheyraadka shidaalka iyo gaaska, isagoo sheegay in dadaalladaas ay muhiim u yihiin soo kabashada dhaqaalaha iyo xoojinta qaranimada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in hawlaha sahminta ee laga wado xeebaha Soomaaliya ay ilaa hadda muujiyeen natiijooyin wax ku ool ah, isagoo raaciyay in hawlaha qodista la filayo inay bilaabmaan dhawaan, taasoo u oggolaanaysa Soomaaliya inay si dardar leh ku gasho sanadka 2026.

Xasan Sheekh ayaa ku nuuxnuuxsaday in kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya uu leeyahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay tahay in lagu maamulo isla xisaabtan, caddaalad, iyo mas’uuliyad jiilalka soo socda loo hayo.

Wuxuu sheegay in dadaalladan ay ka tarjumayaan go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta qaranka, iyadoo isla markaana sii wadaysa difaaca madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, oo ay garab taagan tahay dowladda Turkiga.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee u aqoonsada gobolka Somaliland inay tahay dal madax-bannaan maalintii Jimcaha.

Imaaraadka oo sheegay inuu ciidankiisa kala baxayo Yemen kadib hanjabaadii Sacuudiga

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) –  Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inay ciidamadooda ku haray kala baxayaan dalka Yemen kadib digniin kama dambays ah oo loo jeediyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaas, oo soo saartay bayaan ay baahisay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee WAM, ayaa tallaabadan u sababeysay “dhacdooyinkii ugu dambeeyay iyo saameynta ay ku yeelan karaan badqabka iyo waxtarka hawlgallada la-dagaallanka argagixisada.”

Si kastaba ha ahaatee, ma aysan sheegin xilliga rasmiga ah ee bixitaanka uu dhici doono.

Talaadadii, hoggaamiyaha Golaha Madaxtooyada Yemen ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah kadib duqeyn uu hoggaaminayay Sacuudiga oo lala beegsaday dekedda koonfureed ee Mukalla.

Sacuudiga ayaa sheegay in duqeyntu ay beegsatay shixnad hub ah oo ka timid Imaaraadka Carabta taasoo loogu talagalay gooni-u-goosatada Yemen.

Iyadoo ka jawaabaysa, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa ku baaqday “is-xakameyn iyo xikmad,” waxayna beenisay inay hub u dirtay gooni-u-goosatada.

Golaha madaxtooyada ee uu Sacuudigu taageero ayaa soo saaray amar 72 saac ah oo lagu mamnuucayo dhammaan isaga-gudubka xuduudaha dhulkooda, marka laga reebo kuwa ay oggolaato Riyadh, iyagoo sidoo kale ugu baaqay ciidamada Imaaraadka inay dhulkooda kaga baxaan 24 saac gudahood.

Heshiiskii amniga ee u dhexeeyay Yemen iyo Abu Dhabi ayaa sidoo kale goluhu uu laalay.

Milatariga Sacuudiga ayaa ku shaaciyay duqeynta bayaan ay daabacday wakaaladda wararka ee Sacuudiga (SPA), iyagoo sheegay inay beegsadeen shixnad Yemen ka soo gashay dhanka Fujairah, oo ah magaalo ku taal xeebta bari ee Imaaraadka.

Sida lagu sheegay bayaanka, shaqaalaha maraakiibta “waxay damiyeen qalabka raadraaca,” waxayna soo dejiyeen “xaddi badan” oo hub iyo gaadiid ah oo loo waday ciidamada hubeysan ee kooxda gooni u goosatada ee STC.

Imaaraadka ayaa beeniyay in shixnadda lagu beegsaday weerarka Sacuudiga ay ku jireen hub, balse wuxuu qiray inay wareejinayeen gaadiid.

Muxuu Sacuudiga u duqeeyay Yemen? 

Bayaanka ayaa ku tilmaamay shixnadda hubka “khatar soo fool leh iyo xiisad halis gelinaysa nabadda iyo xasilloonida,” iyadoo intaas lagu daray in milatariga uu weerarka fuliyay habeenkii si loo yareeyo khasaaraha dadka rayidka ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sheegtay in ficillada “dowladda walaalaha yihiin” ee Imaaraadka ee Yemen ay ahaayeen “kuwo aad u khatar ah.”

Isla markiiba ma caddayn in ciidamo kale oo aan ahayn milatariga Sacuudiga ay ka qayb qaateen weerarka.

Kooxda gooni-u-goosadka ah ee Golaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) waxaa taageera Imaaraadka, halka Golaha Madaxtooyada Yemen ay taageerto Riyadh.

Afhayeenka dowladda Imaaraadka Afra Al Hameli ayaa sheegtay Talaadadii in Abu Dhabi “ay xaqiijinayso inay gebi ahaanba diiddan tahay eedeymaha la xiriira hurinta colaadda Yemen.”

Weerarku wuxuu calaamad u yahay sii xoogeysiga xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Imaaraadka, iyadoo labada dal ay taageerayaan dhinacyo iska soo horjeeda oo ku jira dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta ay Iran taageerto.

Sidee ayay kuraasta u kala heleen Xisbiyadii ku tartamay doorashadii Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay natiijada kama dambeysta ah ee doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee ka dhacay magaalada Muqdisho, iyada oo guddigu soo bandhigay sida ay kuraasta u kala heleen Xisbiyadii tartamay.

Illaa 20 urur siyaasadeed ayaa ku loolamay doorashadan oo ahayd mid xasaasi, taas oo sidoo kale ahayd qof iyo cod.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa lagu shaaciyay xisbiyada ugu badan ee helay kuraasta tiilay degmooyinkii ay ka dhaceen doorashooyinka, waxayna kala yihiin Xisbiga Caddaaladda iyo wadajirka JSP, Xisbiga Towfiiq, Xisbiga Sincad, Karaama iyo Xisbiga Ramaas.

Sida ku cad natiijada waxaa kuraasta ugu badan helay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ee Madaxweynaha, kaas oo 177 Mudane ku yeeshay degmooyinka Gobolka Banaadir, waxa ay tani u dhigan tahay celcelis 45%.

Kaalinta labaad waxaa isna soo galay Xisbiga Towfiiq oo helay 49 Xildhibaan oo degmooyinka gobolka Banaadir ah, celceliska codadka uu helay waa 12.6%.

Sidoo kale, Xisbiga Ramaas ayaa kusoo baxay kaalinta saddexaad wuxuuna helay 42 Kursi, halka 4-aad uu soo galay Karaama oo isna helay 39 Kursi halka urur siyaasadeedka 5-aad uu noqday Sincad oo helay 26 Kursi.

Doorashadan ayaa noqotay tii ugu horreysay oo qof iyo cod ah oo muddo 57 sano kadib ka qabsoonta dalka, waxaana si weyn loogu bogaadiyay dowladda.

Erdogan oo shaaciyay in aan la aqbali karin in Soomaaliya…

0

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay galabta si wadajir ah u qabteen isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale ka hadlay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, kaas oo dalalka caalamka ay ka horyimaadeen.

Erdoğan oo garab istaag buuxa u muujiyay Dowladda Federaalka ayaa ku celiyay in marnaba aan la aqbali karin go’aanka sharci darrada ee Israa’iil, isaga oo dhanka kale xusay in ay taageerayaan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Midnimada Soomaaliya ayaa naga go’an, aqoonsiga Netanyahu ma shaqeynayo” ayuu ku yiri hadal-jeedintiisa.

Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay Ra’iisul wasaare Netanyahu iyo xukuumaddiisa inay ka shaqeynayaan inay fowdo ka abuuraan Geeska Afrika, si lamid ah bariga dhexe.

“Xukuumadda Netanyahu oo daadisay dhiiga in ka badan 70,000 walaalaheena Falastiiniyiin ah, weli waxay sii wadaysaa weerarrada dalal badan oo gobolka ka mid ah sida Suuriya, Yemen, Qatar iyo Liibiya. Israa’iilna hadda waxay isku dayaysaa in ay Geeska Afrika ku riixdo fowdo iyo xasillooni-darro” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Turkiga.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Tallaabo kasta oo aan wax ku kordhin natiijada saxda ah waxay qoto-dheeraynaysaa dhibaatada, isla markaana ka sii dareyn doontaa xaaladda. Sidaas darteed, go’aannada ku saabsan mustaqbalka dhulka Soomaaliyeed waa inay ka tarjumaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed”.

Turkiga ayaa haatan door weyn ka qaadanaya dagaalka diblumaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto difaaca midnimadeeda, waxaan maanta  Madaxweyne Erdogan uu khadka telefonka kula hadlay Amiirka Kuwait, Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah, iyagoo labada hoggaamiye ay ka wada-hadleen arrimaha xiriirka laba-geesoodka ah iyo xaaladaha Soomaaliya, sida ay baahisay Madaxtooyada Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa intii uu socday shirka jaraa’id adkeeyay taageerada Soomaaliya ee midnimadeeda iyo xuduudaheeda, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay mudan tahay taageero dhab ah.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka laga taageero xasillooni siyaasadeed iyo horumar, isagoo tilmaamay sida ay taageerada caalamiga ah muhiim ugu tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo ka hortagga dadaallada lagu kala fogaynayo waddamada gobolka.

Howlgal ka hortag ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta Ciidamada Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Hay’adda Nabadsugida Qaranka ay ka sameeyeen deegaano dhaca duleedka magaalada Muqdisho oo xiga dhinaca gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalkooda ku beegsaday deegaanno dhawaan uun lagala  wareegay Al-Shabaab oo ay kamid yihiin Gendershe iyo Dhanaane, waxaana cagta la mariyay maleeshiyaad ka tirsan khawaariijta oo isku dayday in ay ku dhuumaaleystaan dhulka keymaha ah.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa gudaha u galay goobihii ay ku sugnaayeen argagixisada, iyaga kasoo helay dukumintiyo muhiim ah, waxaa kale oo ay  burburiyeen godad iyo dhufeysyo halkaas uga qodnaa kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya

“Ciidanka Qaranka, oo ka feejigan dhagarta khawaarijta, ayaa dul tegay godadkii khawaarijta ee deegaanka Gendershe, halkaas oo ay ka carareen ka dib weerar dhowr jiho ah oo lagu qaaday” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Waxaa kale oo ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ayaa la wareegay barihii Khawaariijta ugu muhiimsanaa ee ku yiilay halkaasi, sida lagu sheegay bayaanka.

Intii uu socday weerarka waxaa sidoo kale lagu naafeeyay xubno ka tirsan Khawaarijta, waxaana la dilay horjoogayaal muhiim u ahaa kooxda, iyada oo laga qabsaday deegaannada ay muddada isku dayayeen in ay difaacaan.

Dhinaca kale, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Xawaadleey. Deegaankan ayaa muhiim u ah isku socodka degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Deegaankan oo horay ugu sugnaayeen ciidanka nabad ilaalinta ee AUSSOM ayaa waxaa kala wareegay kooxda Al-Shabaab oo xilligaas ku furay biyaha wabiga Shabeelle.

La wareegista Xawaadleey ayaa ka dhigan in la isku furay isku socodka magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.