26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Howlgal ka hortag ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta Ciidamada Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Hay’adda Nabadsugida Qaranka ay ka sameeyeen deegaano dhaca duleedka magaalada Muqdisho oo xiga dhinaca gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalkooda ku beegsaday deegaanno dhawaan uun lagala  wareegay Al-Shabaab oo ay kamid yihiin Gendershe iyo Dhanaane, waxaana cagta la mariyay maleeshiyaad ka tirsan khawaariijta oo isku dayday in ay ku dhuumaaleystaan dhulka keymaha ah.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa gudaha u galay goobihii ay ku sugnaayeen argagixisada, iyaga kasoo helay dukumintiyo muhiim ah, waxaa kale oo ay  burburiyeen godad iyo dhufeysyo halkaas uga qodnaa kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya

“Ciidanka Qaranka, oo ka feejigan dhagarta khawaarijta, ayaa dul tegay godadkii khawaarijta ee deegaanka Gendershe, halkaas oo ay ka carareen ka dib weerar dhowr jiho ah oo lagu qaaday” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Waxaa kale oo ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ayaa la wareegay barihii Khawaariijta ugu muhiimsanaa ee ku yiilay halkaasi, sida lagu sheegay bayaanka.

Intii uu socday weerarka waxaa sidoo kale lagu naafeeyay xubno ka tirsan Khawaarijta, waxaana la dilay horjoogayaal muhiim u ahaa kooxda, iyada oo laga qabsaday deegaannada ay muddada isku dayayeen in ay difaacaan.

Dhinaca kale, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Xawaadleey. Deegaankan ayaa muhiim u ah isku socodka degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Deegaankan oo horay ugu sugnaayeen ciidanka nabad ilaalinta ee AUSSOM ayaa waxaa kala wareegay kooxda Al-Shabaab oo xilligaas ku furay biyaha wabiga Shabeelle.

La wareegista Xawaadleey ayaa ka dhigan in la isku furay isku socodka magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

CC Sharmaarke oo soo jeediyay talo muhiim ah oo dalka lagu badbaadin karo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay xaaladda cakirran ee dalka, gaar ahaan mowduuca taagan ee midnimada Soomaliya.

Sharmaarke oo war qoraal ah soo saaray ayaa soo jeediyay talo muhiim ah, wuxuuna marka hore ku baaqay in la saxo khaladaadka maamul ee ka jira nidaamka dalkeena, gaar ahaan hay’adaha federaalka iyo kuwa goboleedyada.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray haddii ay sii socoto isla xisaabtan la’aanta in dalka uu ahaan doono mid kala daadsan, isla markaana uu shisheeyuhu ka faa’iideysan doono.

“Kama hadli karno midnimo iyo dawlad-dhis haddii aan sii wadno Isla xisaabtan la’aanta, ha ahaato Federaalka iyo Dawlad Goboleedyadaba…nidaamka maamul ee hadda jira waa in la saxo, haddii kale dalkani wuxuu ahaan doonaa mid jilicsan oo kala daadsan, mar walbana u nugul farogelin shisheeye” ayuu yiri siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dadka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay muujiyaan midnimo iyo wadajir, si la’isaga difaaco cadow kasta oo yimaada.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo haatan ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay aqoonsigii ay 26-kii bishan Israa’iil siisay Somaliland, kaas oo ay si weyn uga hortimid dowladda federaalka iyo saaxibadeeda caalamka.

Si kastaba, waxaa weli sii xoogeysanaya fal-celinta ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, kaas oo diidmo adag kala kulmay fagaraareyaasha caalamka, gaar ahaan kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Ammanka ee QM.

Kalfadhiga deg-degga ah oo golaha la isugu yeeray, kadib codsi ka yimid DFS, ayaa muujiyay taageero ballaaran oo loo hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo Israa’iil ay ku noqotay go’doon difaaca go’aankeeda.

Xasan iyo Erdogan oo ku dhawaaqay go’aan culus oo la xiriira shidaalka

0

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah oo la xiriira qodista shidaalka Soomaaliya, maadaama dhawaan uun lasoo gabagabeeay hawlihii sahminta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday in haatan Soomaaliya ay ka faa’iideysaneyso kheyraadkeeda dabiiciga ah ee uu Alle ku maneystay, wuxuuna sheegay in la gaaray xilligii qodistta gaaska dabiiciga ah ee dhex ceegaaga biyaha Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay hadda bilaabaysaa inay ka faa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga ah si la taaban karo, kheyraad aan si dhab ah looga faa’iidaysan waqtiyadii hore. Arrintan awgeed, waxaan maanta si wadajir ah u shaacinay in horumar weyn laga gaaray sahminta shidaalka iyo gaaska ku jira biyaha Soomaaliya ee badaha hoostooda ah” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in howsha qodista shidaalka oo uu sameyn doono Turkiga ay bilaaban doono sanadka 2026, isaga oo carabka ku dhuftay in fursada ugu badan ay ka heli doonan dhalinyarada dalkeenna.

“Soo saarista shidaalka Soomaaliya wuxuu dib usoo celinayaa rajadiid dalka, 2026 ayaana howsha la bilaabayaa, dhalinyarada ayaana fursad shaqo abuur ka heli doona”. ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Tani waxay ahayd maalgashi iyo sahamin muddo dheer la sugayay, waxaana si gaar ah uga mahadcelinaynaa Jamhuuriyadda Turkiga oo noqotay hormuudka hoggaaminaya howlahan muhiimka ah. Qiimeynno farsamo iyo cilmiyeed oo la sameeyay ilaa hadda ayaa xaqiijiyay natiijooyin togan, kuwaas oo astaan u ah marxalad cusub oo muhiim ah oo ku aaddan dib-u-soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya, horumar waara iyo barwaaqo mustaqbalka fog”.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in kalsooni wayn ay ku qaaday dowladda Turkiga iyo shacabkeeda, wuxuuna ugu mahadceliyay garab istaagga Soomaaliya.

“Maalgashigan, dadaalkan iyo tallaabooyinkan la qaaday waxay si cad u muujinayaan heerka kalsoonida Turkigu ku qabo Soomaaliya iyo sida uu uga go’an yahay inuu garab istaago shacabka Soomaaliyeed. Arrintaas aad ayaan uga mahadcelinaynaa” ayuu kusii daray.

Dhanka kale, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa isaguna sheegay in ay hirgelinaynaan iskaashi taariikhi ah oo lagu dhisayo xarun hawada sare ee Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu boggaadiyay dadaalka Dowladda Federaalka, isaga oo ku amaanay doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Waxaan boggaadinayaa doorashada qof iyo codka ah ee dhawaan ka dhacday Muqdisho, Soomaaliya waa horumareysaa” ayuu isna yiri Erdogan.

Turkiga ayaa ah saaxib dhab ah, wuxuuna Soomaaliya ka taageeraa dhinacyo muhiim ah oo ay ugu horreyso difaaca, maadaama uu kula jiro heshiis milatari oo wayn, kaas oo lagu soo dhisay inta badan Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Xiisadda Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka oo isu bedeshay weerar toos ah iyo duqeyn

0

Riyadh (Somalia Today) — Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa Talaadadii si adag u sheegtay in amnigeeda qaranku yahay “khad cas,” iyadoo taageertay dalabka ah in ciidamada Imaaraadka Carabta ay muddo 24 saac gudahood ah kaga baxaan dalka Yemen, tallaabadan oo noqonaysa khilaafkii ugu cuslaa ee soo kala dhex-gala labada dal ee xulafada ah tan iyo billowgii colaadda Yemen. 

Go’aankan ayaa soo baxay saacado uun kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Sacuudigu ay duqeeyeen shixnad hub iyo gaadiid gaashaaman ah oo yaallay dekedda Mukalla ee dalka Yemen.

Riyadh waxay sheegtay in Imaaraadku uu hubkaas u siday xoogagga gooni-u-goosadka ah, taas oo xadgudub ku ah madax-bannaanida dawladda Yemen iyo heshiisyadii xulafada ee soo jiray mudada tobanka sano ah.

Digniinta Sacuudiga ayaa timid kadib “duqeyn xaddidan” oo ay xaqiijisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA), taas oo sheegtay in labo markab oo ka yimid Fujairah ay sifo sharci-darro ah hub uga soo dejiyeen dekedda. Xiisaddan ayaa halis ugu jirta inay kala jarto isbahaysiga ka dhanka ah Xuutiyiinta, islamarkaana cakirto isku-xirka ciidamada dagaallamaya.

Xaalad “khatar ah”

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa tallaabada Abu Dhabi ku sifeeyay mid “aad u khatar ah” oo baal-marsan hadafka isbahaysiga. Luuqadda bayaanka ayaa ahayd mid adag oo aan looga baran labada dal oo inta badan khilaafkooda ku xalliya hoos-u-hadal.

“Boqortooyadu waxay xusaysaa in tallaabooyinka ay qaaday dowladda walaalaha nahay ee Imaaraadku ay yihiin kuwo aad u khatar ah,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo la raaciyay in “xadgudub kasta ama hanjabaad kasta oo ku wajahan amniga qaranka ay tahay khad cas.”

Riyadh waxay wacad ku martay inay qaadi doonto “tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah” si ay uga hortagto khatarahaas.

Boqortooyadu waxay sidoo kale taageertay wareegto uu soo saaray Rashad al-Caalimi, Guddoomiyaha Golaha Madaxtooyada Yemen, taas oo uu ku laalay heshiiskii difaaca ee kala dhexeeyay Imaaraadka, kuna amray ciidamadooda inay dalka kaga baxaan 24 saac gudahood.

“Nasiib-darro, waxaa si dhab ah loo xaqiijiyay in Imaaraadku cadaadis saaray, soona jiheeyay STC si ay u wiiqaan una carqaladeeyaan awoodda dowladda iyagoo adeegsanaya kacdoon milateri,” ayuu yiri Al-Caalimi oo telefishinka ka hadlayay.

Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay go’doomin 72 saac ah oo la saaray dekedaha iyo marinnada dhulka ee ay dowladdu maamusho, marka laga reebo fasaxyo gaar ah oo Sacuudigu oggolaaday.

Duqeynta Mukalla

Diyaaradaha Sacuudiga ayaa saacadihii hore ee Talaadada beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla Mukalla. Sida lagu sheegay bayaanka isbahaysiga, waxaa la duqeeyay hub iyo gaadiid milateri xilli laga dejinayay laba markab oo taagnaa bariga gobolka Xadramuut. Isbahaysigu wuxuu mid ka mid ah maraakiibta ku aqoonsaday Greenland, oo ah markab xamuul oo sitday calanka St. Kitts.

Xogta dayax-gacmeedka ayaa muujisay in markabku ka baxay Fujairah, uuna damiyay aaladda raad-raaca (transponder) intii uu kusii jeeday Yemen.

Telefishinka dowladda Sacuudiga ayaa baahiyay muuqaallo u muuqday gaadiid gaashaaman oo la dejinayo wax yar ka hor duqeynta. Isbahaysigu wuxuu sheegay in hawlgalku uusan geysan wax khasaare nafeed ah.

Imaaraadka: “Xikmad ha la muujiyo” 

Imaaraadka Carabta, oo ka mid ahaa aasaasayaashii isbahaysiga soo galay Yemen 2015-kii, ayaa beeniyay inuu hub u diray kooxaha Yemen, balse wuxuu qiray in gaadiidku ahaayeen kuwo u gaar ah ciidamadooda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa sheegtay in shixnadda loogu talagalay cutubyo Imaaraati ah oo ku sugan Xadramuut, islamarkaana ay jirtay wada-shaqeyn hore oo lagala yeeshay mas’uuliyiinta Sacuudiga. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in isbahaysigu soo saaray bayaanka isagoon kala tashan xubnaha kale.

Imaaraadka ayaa muujiyay “qoomamo” ku aaddan dhacdada, wuxuuna ku baaqay “is-xakamayn iyo xikmad.”

Dhinaca kale, Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC), oo maamula inta badan koonfurta Yemen oo ay ku jirto magaalada Cadan, ayaa diiday waqtiga 24-ka saac ah ee dowladdu qabatay.

“Kordhinta colaadda ee lagu hayo dekedaha iyo kaabayaasha rayidka ah waxay kaliya xoojinaysaa dalabka shacabka ee ku aaddan go’aan adag iyo ku dhawaaqista dowlad Koonfur Carbeed ah,” ayay STC ku tiri bayaan ay baahisay warbaahinta AIC.

Isbahaysi burburay 

Dhacdooyinka Mukalla waxay banaanka soo dhigeen kala-qaybsanaan istiraatiijiyadeed oo u dhexaysa Sacuudiga iyo Imaaraadka, taas oo sannadihii dambe sii kordhaysay.

Inkastoo ay yihiin saaxiibbo, labada dal ayaa kala raacay siyaasado is-diiddan—laga soo bilaabo soo-saarka saliidda ee OPEC, loolanka Badda Cas, iyo taageerada dhinacyada iska soo horjeeda ee Sudan.

Waxa kale oo ay ku kala aragti duwan yihiin mustaqbalka Yemen: Sacuudigu wuxuu taageeraa dowlad dhexe oo midaysan, halka Imaaraadku uu doorbidayo in maamul-goboleed xooggan la siiyo koonfurta oo ay wakiil ka tahay STC.

Gobolka Xadramuut, oo ay ku taallo Mukalla, waa mid xasaasi ah maadaama uu xuduud la leeyahay Sacuudiga, waana gobol muhiim u ah amniga Riyadh.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in khilaafkan uu cadaadis dheeraad ah saarayo isku-xirka isbahaysiga ka dhanka ah Xuutiyiinta, xilli ay jirto xiisad ka aloosan Badda Cas iyo Geeska Afrika.

“Waxaan filayaa in labada dhinacba ay si taxadar leh u waajihi doonaan xaaladda,” ayuu yiri Maxamed al-Basha, oo ah falanqeeye arrimaha Yemen. “Qulqulka hubka ee Imaaraadka u dirayo STC waxay u badan tahay in la xaddido kadib weerarka dekedda, gaar ahaan maadaama Sacuudigu maamulo hawada.”

Xilli waqtiga kama dambaysta ah ee 24-ka saac uu sii dhamaanayo, saraakiisha Khaliijka ayaa sheegaya in xiriir diblomaasiyadeed uu u socdo Riyadh iyo Abu Dhabi si looga hortago in xaaladdu faraha ka baxdo.

Sababta aysan Somaliland weligeed u heli doonin ictiraaf wax kasta oo dhaca (Daawo)

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa weli sii xoogeysanaya fal-celinta ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, kaas oo diidmo adag kala kulmay fagaraareyaasha caalamka, gaar ahaan kulankii Golaha Ammanka ee QM.

Somaliland iyo Israa’iil ayaa weli ku adkeysanaya go’aankooda, waxaase meel adag iska taagtay dowladda Soomaaliya oo gebi ahaan diiday tallaabadooda.

Haddaba maxay tahay sababta aysan Somaliland weligeed u heli doonin ictiraaf wax kasta oo dhaca

Dr Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa sheegay in Somaliland aanay weligeed heli doonin ictiraaf, isla markaana waddada ay ku socoto ay tahay mid khaldan, sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo ka fal-celiyay aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil ayaa waxa uu sheegay in xittaa haddii Afrika, Asia iyo Mareykan ku raacaan aqoonsiga aysan noqon karin dal madax banaan, sida uu ku caddeeyay wareysi uu siiyay Shabelle Tv.

Sababta waxa uu ku sheegay in hoggaanka Somaliland ay hayso hal beel oo kaliya, isla markaana sidaas aysan ku noqon karin Qaran buuxa.

“War Itoobiya maahanee xitta haddii qaaradda Afrika ay aqoonsato, oo qaaradda Asia aqoonsato oo Mareykan aqoonsado dowlad noqon maayaan” ayuu wareysiga yiri Dr Xasan Sheekh Cali.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay  “Haddii ay beel meeli u baxdo oo calan gooni ah sameysato oo ay tiraahdo waanu ka baxnay Soomaaliya, Qaran-baanu nahay saa Qaran laguma noqdo”.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu ka shalaayi doono ‘heshiiska halista ah’ ee uu la galay Israa’iil, kaas oo soo dadajiyay in Ra’iisul wasaare Netanyahu uu 26-kii bishan ku dhawaaqay in Somaliland ay u aqoonsadeen dal madax banaan.

“Cabdiraxmaan Cirro wuxuu dhihi doonaa aniga iyo Netanyahu waxaan walaaqeynay waa la diiday” ayuu mar kale yiri Dr. Xasan Sheekh Cali Nuur.

Dibadbaxyo waaweyn oo ka bilowday dalka, kuwaas oo looga soo horjeedo tallaabada…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kumannaan shacab ah oo ka soo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa isugu soo baxay magaalooyinka dalka, kuwaas oo si weyn uga dhiidhiyay go’aanka ka soo yeeray Tel Aviv ee lagu kala goynayo Soomaaliya.

Degmooyinka Hobyo, Dhuusamareeb iyo Guriceel ayay maanta shacabku si ballaaran ugu dhigeen isu-soo-baxyo waaweyn oo ay ku muujinayaan dareenkooda.

Shacabka ayaa si cad u muujiyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Yuhuuddu kula kacday midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, waxayna dunida u muujiyeen in ay ka go’an tahay difaaca dalkooda.

Degmooyinka iyo deegaannada kale ee dowlad-goboleedka Galmudug ayay iyaguna si weyn uga socdaan bannaanbaxyo ballaaran oo shacabku ku muujinayaan difaaca midnimada dalka.

Sidoo kale, shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Waqooyi Bari ayaa iyaguna dunida u muujiyay sida ay uga soo horjeedaan damaca guracan ee Israa’iil.

Bannaanbaxyadan waaweyn ayaa guud ahaan ka socda deegaannada dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, kaas oo dhawaan si rasmi ah uga mid noqday dowlad-goboleedyada dalka.

Habeen hore, shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa isgoyska Taleex ee degmada Hodan ku dhigay bannaanbax weyn, kaas oo ay ku diideen aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Dhalinyaro, haween, fanaaniin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qaybgalay dibadbaxa, kuwaas oo buux-dhaafiyay aagga Taleex.

Guud ahaan, dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga xumaaday heshiiska ay Somaliland la gashay Israa’iil, kaas oo horseeday in Jimcihii Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu ku dhawaaqo in Somaliland ay u aqoonsadeen dal madax-bannaan.

Maxay dowladda Itoobiya uga aamusan tahay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Mar kasta oo ay adkaato xaaladdu Geeska Afrika, waddanka ugu weyn gobolka oo ah Itoobiya waxa uu inta badan door bidaa aamusnaanta.

Dhawaan, Israa’iil oo ah waddan ku yaalla Bariga Dhexe oo leh awood millatari oo ballaadhan islamarkaana ah xulafo dhow oo Maraykanka ah ayaa aqoonsi siiyay Somaliland..

Israa’iil waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland, oo ay Soomaaliya u aragto qayb ka mid ah dalkeeda.

Dalal iyo ururro caalami ah oo kala duwan ayaa si adag uga hor yimid oo cambaareeyay go’aanka Israa’iil.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in arrintani ay halis iyo walaac ku tahay Geeska Afrika.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa ku tilmaamay go’aankaas mid “taariikhi ah.”

Maxay Itoobiya u aamusan tahay?

Iyadoo dalalka dariska iyo kuwa fogba ay bilaabeen in ay muujiyaan mowqifyadooda ayaa ku aaddan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland ayaa dawladda Itoobiya aanay weli si rasmi ah u caddayn mowqifka ay arrintan ka taagan tahay.

Ma aha oo keliya dawladda, balse sidoo kale warbaahinta ay dawladdu maamusho ee dalkaasi ayaa lagu soo warramayaa inay ka gaabsatay tebinta arrintan.

Itoobiya waxay Somaliland la gaadhay heshiis marin-badeed oo la saxiixay laba sano ka hor, kaas oo weli aan si buuxda loo hirgelin.

Khabiir ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, Dr. Nagaaraa Guddataa, ayaa aaminsan in aamusnaantu ay lafteedu tahay jawaab.

“Anigu waxaan rumaysanahay in tani ay tahay muujinta mowqifkeeda,” ayuu yidhi, isagoo ku tilmaamay aamusnaanta mid xambaarsan macne wanaagsan.

“Maaddaama ay tahay arrin cusub, waxaa aad muhiim u ah in la aamusnaado si loo fahmo jihada ay wax u soconayaan,” ayuu sii raaciyay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mowqifka Itoobiya ee hadda jira aanu ka hor imaanayn danaha qaranka, siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka.

Aqoonsiga Somaliland maxuu uga dhigan yahay Itoobiya?

Go’aanka Israa’iil wuxuu yimid xilli dhaq-dhaqaaqyada Masar ee Geeska Afrika ay sii xoogaysanayaan, Itoobiyana ay waddo qorshe ay ku raadsanayso marin-badeedka ay ka hesho Badda Cas.

Warbaahintu waxay sheegtay in Masar ay heshiis la gashay Jabuuti si loo horumariyo saldhigga maraakiibta iyo saldhigga Asab.

Inkastoo BBC si madax bannaan u xaqiijin karin arrintan, haddana waxaa cad in Masar ay dhistay xidhiidh xooggan oo ay la leedahay dalalkan.

Masar waxay gashay heshiis ku saabsan horumarinta saldhigga maraakiibta ee Jabuuti.

Laba sano ka hor, Itoobiya waxay Somaliland la saxiixatay heshiis marin-badeed oo si weyn loogu kalsoonaa yahay dhinaca Itoobiya.

Dhanka Soomaaliya,, waxay ka muujisay diidmo xooggan iyadoo ka hor timid , taas beddelkeena xoojisay xidhiidhkeeda dalalka Masar iyo Eritriya.

Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya

Itoobbiya ayaa muddo dheer xidhiidh la lahayd Somaliland, kaas uu koobnaa dhanka iskaashiyada amni iyo ganacsiga, marnaba ma gaadhsiisnayn heer aqoonsi rasmi ah, inkasta oo labada dhinacba qunsuliyado ku kala leeyihiin Hargeysa iyo Addisababa.

Bishii January ee 2024 horraanteedii ayay ahayd markii soo heshiiskii isafgarad ee dhex maray Madaxweynihii hore ee Somaliland iyo raysalwasaaraha Itoiobbiya Abiy Axmed, kaas oo dhinacyadu sheegeen in qorshuhu yahay gaadhitaanka Itoobbiya ee badda oo Somaliland fudaydinayso iyo Itoobbiya oo dhankeeda iyana aqoonsanaysa Somaliland.

Heshiiskaas isafgarad oo muran dhaliyey Soomaaliyana ay si adag uga falcelisay ma uu midho dhalin.

Itoobbiya se ayaa muddooyinkii u danbeeyey ku soo celcelinaysay ka go’naanshaha bgaadhitaan badeed ‘wax ay ku qaadanaysaba’ sida uu marar badan sheegay Raysalwasaare Abiy.

“Itoobbiya iyo Somaliland dano iyo xidhiidh baa ka dhexeeya, waxaa la rejaynayaa in ay qayb ka noqon karaan dedaallada Somaliland ugu jirto ictiraaf raadinta, waxaana aan filayaa in ay xisaabta ku darsanayso, maadaama dalal badan Somaliland ay ictiraaf ka helayso in aanay noqon dal laga tegay” ayuu qabaa Guuleed Dafac oo ah sharciyaqaan iyo falanqeeye siyaasadeed oo reer Somaliland ah.

Wadahadal dhexmaray sannadkii 2004-tii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi iyo xildhibaanka aqalka sare ee Ingiriiska Lord David Triesman, ayuu Meles ka sheegay hadal saabsanaa dadaalka Somaliland ugu jirto aqoonsi caalami ah, isagoo yidhi “Itoobiya ma noqon doonto dalkii koowaad ee aqoonsada, balse sidoo kale ma noqon doonto dalka saddexaad.”

Hadalkan oo uu Lord Triesman markii dambe si fagaare ah uga dhex sheegay khudbad uu ka jeediyay Chatham House sannadkii 2010-kii, ayaa ka dhigan qorshaha Meles uu ahaa in ay noqon doonaa dalka labaad ee aqoonsada Somaliland.

Guuleed Dafac ayaana qaba in dalalka deriska la ah Somaliland dalka ugu ‘mudan ee ugu suurtagalsan’ in uu yahay Itoobbiya.

Dhanka kale Maxamed Mukhtaar oo falanqeeye siyaasadda Soomaaliya ah horena wasiir uga soo noqday Soomaaliya ayaa isaguna dhankiisa muujiyey in xaaladdani khatar ku tahay Soomaaliya.

“Ama Itoobiya ha noqoto ama dalal kalee waa khatar hor leh” ayuu ka dayriyey Maxamed Mukhtaar oo ka eegayey sida Soomaaliya u samaaynayso xaaladdani.

Isha: BBC

Kulan xasaasi ah oo u socda Xasan Sheekh iyo Erdoğan + Sawirro

0

Istanbul (Caasimad Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa haatan kulan muhiim ah wuxuu uga socdaa xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Istanbul, iyaga oo la filayo inay soo saaraan go’aanno culus.

Villa Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in labada Madaxweyne ay kulankooda kaga arrinsanayaan, xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama ay kusoo xadgudubtay Israa’iil oo Jimcihii ku dhawaaqday inay dal u aqoonsatay Somaliland.

Sidoo kale waxaa kulan socda looga hadlayaa guulaha laga gaaray sahminta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyo kor u qaadidda iskaashiga labada dal, sida lagu caddeeyay bayaanka.

Inta uu socday kulanka wuxuu Madaxweynuhu is arkeen, isla markaan uu gacan qaaday taliyaha sirdoonka Turkiga iyo wasiirada arrimaha dibada iyo Shidaalka iyo batroolka oo qayb ka ah kulanka dhex-maraya labada waddan.

Waxaa kale oo la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Recep Tayyip Erdoğan ay qabtaan kulan Warbaahineed wadajir ah, iyaga oo uga hadlaya xaaladaha guud ee gobolka, xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa toddobaadkii hore sheegay in Ankara ay qorshaynayso inay billowdo hawlgallada qodista badda Soomaaliya sannadka 2026, isagoo tilmaamay in xogta sahanku muujisay calaamado muujinaya jiritaanka khayraadka hydrocarbon-ka.

Si kastaba, ha’ahaatee, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyey ballaariyey xiriirkooda, iyagoo xoojiyey iskaashi ku dhisan difaac iyo tamar, oo ay ku jirto sahamin badeed oo Turkigu ka wado xeebaha Soomaaliya. Turkiga ayaa horey u fuliyey howllo sahmin ah oo ka dhacay badda Soomaaliya, kuwaas oo lagu sameeyey heshiiska ay labada dal wada galeen.

Turkiga ayaa sidoo kale joogitaan weyn ku leh Soomaaliya tan iyo 2011, isagoo bixiya gargaar bani’aadannimo iyo iskaashi amni, oo ay ka mid tahay tababaridda ciidamada Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo Sawirrada:

Xog: Turkiga iyo Imaaraadka Carabta oo isku haya deegaan ka tirsan gobolka Sanaag

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya loollan xooggan oo u dhexeeya Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo salka ku haya deegaanka taariikhiga ah ee Laasqoray.

Dowladda Turkiga oo saaxiib dhow la ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo dheer qorsheynaysay in ay Laasqoray ka sameyso saldhig milatari iyo deked si toos ah ugu xiran Badda Cas.

Turkiga ayaa kadib heshiiska Israa’iil ee Somaliland, haatan dardar-gelinaya qorshahan iyo inuu heshiis rasmi ah la gaaro Soomaaliya, si uu u hirgalo mashruucan.

Deegaankan oo ah mid muhiim ah ayaa haatan hoos taga maamulka cusub ee Waqooyi Bari, halka Puntland ay ku doodeyso inuu ka tirsan yahay maamulkeeda.

Qorshahan ayaa sidoo kale waxaa si adag uga horyimid Imaaraadka Carabta, oo kasoo horjeeda in Laasqoray laga dhiso deked cusub. Imaaraadka ayaa muddooyinkii dambe Puntland ku cadaadinayay gacan-ku-haynta deegaankaas, taas oo keentay in maamulka u diro halkaasi ciidamadauu maalgeliyo Imaaraadka ee loo yaqaanno PMPF iyo kuwo kale.

Ciidamada Puntland ayaa saldhig cusub ka sameystay magaaladaasi, iyadoo maamulka Puntland uu ku andacoonayo in halkaasi laga abaabuli doono howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab iyo kooxaha la midka ah.

Saldhigga Laasqoray ayaa lagu wadaa inuu noqdo saldhigga labaad ee ugu weyn ee ay leeyihiin ciidamada gaarka ah ee PMPF, marka laga yimaado kan Boosaaso. Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa doonaysa in magaaladan si toos ah loo hoos geeyo maamulka Deni.

Qorshahan ayaa salka ku haya sidii looga hortagi lahaa in degmada Laasqoray laga dhiso deked uu yeesho maamulka cusub ee lagu dhisay Laascaanood, taas oo gacan-ku-haynteeda iyo hirgelinteeduba leeyahay Turkiga.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa si weyn uga walaacsan qorshaha Turkiga ee Laasqoray. Sababta Imaaraadku ay cabsi badan uga qabaan in Laasqoray deked cusub laga dhiso waa inay cuuryaamin karto maalgashigooda dekadaha Berbera iyo Boosaaso.

Golaha Ammaanka QM oo diidmo xooggan ka muujiyey aqoonsiga Israel ee Somaliland

0

New York (Caasimada Online) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii dhageystay diidmo xooggan oo ballaaran, kaddib markii Israel ku dhawaaqday inay si rasmi ah ugu aqoonsatay Somaliland inay tahay “dawladd madax-bannaan oo qaran,” tallaabo ay Soomaaliya ku tilmaantay weerar ka dhan ah midnimadeeda iyo tusaale khatar ah.

Kalfadhigan degdegga ah, oo la isugu yeeray codsi ka yimid Soomaaliya, ayaa muujiyay taageero ballaaran oo loo hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo Israa’iil ay ku noqotay go’doon difaaca go’aankeeda.

Halka Israa’iil ay ku dooday in tallaabadani tahay “qirashada xaqiiqo taariikhi ah,” quwadaha waaweyn iyo ururrada gobolka ayaa ka digay in xuduudaha Afrika oo si hal dhinac ah loo beddelo ay hurinayso kala-qaybsanaan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cismaan, ayaa Golaha u sheegay in “aysan jirin awood shisheeye oo xaq u leh inay beddesho xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.”

Isagoo ku hadlayay magaca Algeria, Guyana, iyo Sierra Leone, Danjire Abuukar wuxuu ugu baaqay xubnaha Golaha inay tallaabada Israa’iil u arkaan mid “waxba kama jiraan ah” (null and void) marka la eego Cahdiga QM iyo sharciga caalamiga ah.

Wuxuu ka digay in falkan gardarrada ah loola jeedo in lagu dhiirrigeliyo kala-burburinta Soomaaliya, uuna ka hor imaanayo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika.

Wakiilka Israel ayaa jawaab ahaan sheegay in go’aanku yahay mid sharci ah oo ku dhisan mabda’, isagoo ku dooday inuu ka tarjumayo “xaqiiqo soo jirtay muddo dheer,” halkii uu ka ahaan lahaa go’aan siyaasadeed oo cusub.

Wakiilka ayaa soo hadal-qaaday madax-bannaanidii koobnayd ee Somaliland ee 1960-kii iyo xasuuqii loo geystay beesha Isaaq dhammaadkii 1980-yadii, isagoo xusay in aqoonsigu xambaarsan yahay cudur-daar taariikhi ah iyo mid akhlaaqi ah.

“Aqoonsiga Israel ee Somaliland ma aha mid kicin ah, mana aha wax cusub,” ayuu ku adkeystay wakiilku. “Waa aqoonsi sharci ah oo mabda’ leh, kana waafaqsan sharciga caalamiga ah.”

Inkastoo ay xiriir dhow la leeyihiin Israa’iil, xulafada waaweyn ee Reer Galbeedka ayaa diiday inay raacaan dhabahaas, iyagoo dib u xaqiijiyay taageerada midnimada Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska, iyadoo u maraysa Danjire James Kariuki, ayaa sheegtay in London “aysan aqoonsanayn madax-bannaanida Somaliland,” iyadoo ku nuuxnuuxsatay in xalku ku jiro wadahadal dhexmara Muqdisho iyo Hargeysa.

Danjiraha ayaa ka digay in khilaafyada gudaha ay fursad siin karaan Al-Shabaab. 

Maraykanku wuxuu qaatay hadal taxaddar leh. Ku-xigeenka wakiilka Maraykanka, Tammy Bruce, ayaa Golaha u sheegtay inaanay jirin “wax ku dhawaaqis ah” oo ku saabsan aqoonsi Maraykan ah, isla markaana “aanay jirin wax isbeddel ah oo ku yimid siyaasadda Maraykanka.”

Si kastaba, Washington waxay horey ugu cel-celisay in ay ixtiraameyso midnimada iyo xuduudaha Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay.

Cambaaraynta ugu culus waxay ka timid dalalka Afrika iyo Carabta. Goobjoogaha Midowga Afrika ayaa ka digay in wiiqidda madax-bannaanida Soomaaliya ay “kasoo horjeeddo mabaadi’da ugu weyn ee Midowga Afrika” ee dhowrista xuduudaha.

Wakiilka Jaamacadda Carabta ayaa tallaabada Israa’iil ku tilmaamay “mid taxadar la’aan ah,” isagoo sheegay inay gogol-xaar u tahay “joogitaan sharci-darro ah,” barakicinta Falastiiniyiinta, iyo in dekedaha waqooyiga Soomaaliya loo adeegsado saldhigyo ciidan.

Jabuuti iyo Turkiga ayaa iyaguna ka digay in tallaabadani ay sii kicinayso xaaladda Geeska Afrika. 

Ciidanka DF oo la wareegay deegaan muhiim ah oo gacanta ku haysay Al-Shabaab

0

Balcad (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Xawaadleey.

Deegaankan ayaa muhiim u ah isku socodka degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Deegaankan oo horay ugu sugnaayeen ciidanka nabad ilaalinta ee AUSSOM ayaa waxaa kala wareegay kooxda Al-Shabaab oo xilligaas ku furay biyaha wabiga Shabeelle.

La wareegista Xawaadleey ayaa ka dhigan in la isku furay isku socodka magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa afartii maalin ee la soo dhaafay la wareegay deegaano muhiim ah oo ka tirsan labada Shabeelle.

Howl-galkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku ciribtirayo khatarta argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha dhammaan deegaannada dalka.

Si kastaba, Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo toddobaadyadii u dambeeyay ku guuleystay khaarajinta horjoogayaal ka tirsan kooxda.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dileen Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeeda, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxayna illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo gaaray Turkiga – Maxaa maanta lagu dhowaaqayaa?

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, halkaas oo ay ka socoto munaasabad muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, waxaana kulankooda diiradda lagu saari doonaa qiimeynta iyo kor u qaadidda iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga, xaaladaha gobolka, iyo danaha wadajirka ah ee labada dhinac.

Ilo ay soo xigatay warbaahinta Middle East Eye ayaa sheegay in labada madaxweyne ay sidoo kale ka wadahadli doonaan horumarrada la xiriira aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland iyo iskaashiga socda ee dhinaca tamarta badda, gaar ahaan sahaminta iyo qorshayaasha qodista shidaalka.

Sida ay ilo wareedku sheegeen, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka uga hadli doona natiijooyinka sahaminta shidaalka ee la dhammeeyey bishii Oktoobar, waxaana la filayaa in labada Madaxweyne ay ku dhowaaqaan billaabista qodista shidaalka ee 2026.

Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa toddobaadkii hore sheegay in Ankara ay qorshaynayso inay billowdo hawlgallada qodista badda Soomaaliya sannadka 2026, isagoo tilmaamay in xogta sahanku muujisay calaamado muujinaya jiritaanka khayraadka hydrocarbon-ka.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyey ballaariyey xiriirkooda, iyagoo xoojiyey iskaashi ku dhisan difaac iyo tamar, oo ay ku jirto sahamin badeed oo Turkigu ka wado xeebaha Soomaaliya. Turkiga ayaa horey u fuliyey howllo sahmin ah oo ka dhacay badda Soomaaliya, kuwaas oo lagu sameeyey heshiiska ay labada dal wada galeen.

Turkiga ayaa sidoo kale joogitaan weyn ku leh Soomaaliya tan iyo 2011, isagoo bixiya gargaar bani’aadannimo iyo iskaashi amni, oo ay ka mid tahay tababaridda ciidamada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Isniintii shalay magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay wada-tashi iyo isku-duwid dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay mowqifka dalalka walaalaha iyo saaxiibada ah ee si cad uga soo horjeestay kala-qaybinta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celisay go’aankeeda adag ee ah ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, iyadoo ku kalsoon garab-istaagga iyo wadajirka dalalka gobolka.

Diidmada aqoonsiga Israel ee Somaliland oo xoogeystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaysa diidmada adag ee dalalka caalamka iyo ururradu uga hor imanayaan xad-gudubka Israa’iil, taas oo sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Midowga Baarlamaanada Carabta, Mudane Ibraahim Boughaali ayaa si cad u muujiyey diidmadiisa ku aaddan tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo loogu xad-gudbayo madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa adkeeyey in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo leh xaq buuxa oo ku aaddan ilaalinta dhulkeeda, amnigeeda iyo go’aanadeeda siyaasadeed, iyadoo la tixraacayo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay ee mamnuucaya faragelinta arrimaha gudaha dalalka.

Midowgu wuxuu sidoo kale cambaareeyey tallaabo kasta oo lagu wiiqayo madaxbannaanida Soomaaliya ama lagu carqaladeynayo xasilloonida gobolka Carabta iyo Afrika, isagoo caddeeyey in amniga Soomaaliya uu si toos ah ula xiriiro amniga guud ee Gobolka.

Ugu dambayntiina, Midowga Baarlamaanada Carabta wuxuu mar kale xaqiijiyey taageeradiisa buuxda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ixtiraamaan madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil.

Sida lagu xusay qoraal ay faafisay mid ka mid ah wasaaradaha arrimaha dibadda ee saxiixay bayaanka, dalalkan ayaa ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Bayaankaas ayaa sidoo kale si adag u diiday tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumaysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii lasoo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

Mucaaradka Israel oo ka hor-yimid aqoonsiga Somaliland

0

Tel Aviv (Caasimada Online) — Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid, ayaa Isniintii weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, isagoo ku eedeeyay fashil siyaasadeed oo la xiriira aqoonsiga Somaliland iyo safarka uu ku tagay Maraykanka isagoon wadan qorshe cad. 

Lapid, oo ka hadlayay kulan ay yeesheen Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee Baarlamaanka (Knesset-ka), ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka Jimcihii lagu aqoonsaday Somaliland uusan haysan oggolaanshaha Golaha Wasiirrada amaba Golaha Amniga Qaranka.

“Israa’iil waxay ku dhawaaqday inay tahay dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dowlad qaran,” ayuu yiri Lapid. “Laakiin tani ma ahayn go’aan xukuumadeed… wuxuu ahaa go’aan ku kooban xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.”

Wuxuu tilmaamay in tallaabadani ay banaanka soo dhigayso “maqnaanshaha siyaasad arrimo dibadeed oo fadhiya,” iyadoo dhalisay cambaarayn caalami ah oo kaga timid Turkiga iyo dalal badan oo Afrikaan iyo Carbeed ah, kuwaas oo u arka xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa ku dhawaaqay aqoonsigan 26-kii December, kadib markii Israa’iil iyo Somaliland ay kala saxiixdeen bayaan is-aqoonsi ah. Wuxuu ballan-qaaday inuu Somaliland la yeelan doono iskaashi ballaaran oo dhinacyada beeraha, caafimaadka, tignoolajiyada iyo dhaqaalaha ah, isagoo tallaabadan ku saleeyay “ruuxda Heshiisyada Abraham.”

Dowladda Soomaaliya ayaa markiiba tallaabadan ku tilmaantay xadgudub qaawan oo ka dhan ah madax-bannaanideeda, iyadoo wacad ku martay inay u mari doonto waddo kasta oo diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ah si ay uga hortagto.

Cambaaraynta caalamka

Go’aankan ayaa durbadiiba la kulmay dhaleecayn kulul oo kaga timid dalalka gobolka iyo xulafada muhiimka ah ee Soomaaliya—sida Masar, Turkiga, iyo Jabuuti—kuwaas oo ka digay khatarta ay arrintani ku hayso xasilloonida gobolka iyo xeerarka caalamiga ah.

Midowga Afrika ayaa isna cod dheer ku taageeray, isagoo dib u xaqiijiyay mowqifkiisa adag ee ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Adeegga Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa ku baaqay in la ixtiraamo “midnimada iyo qarannimada Soomaaliya,” isagoo dhiirrigeliyay in khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Somaliland lagu xalliyo wadahadal.

Dowladda Shiinaha ayaa Isniintii ku biirtay mowqifka caalamiga ah, iyadoo si adag uga hortimid aqoonsigaas.  

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Lin Jian, ayaa dhaliilay dalalka taageera dhaq-dhaqaaqyada gooni-goosadka ah iyagoo eeganaya dano gaar ah, wuxuuna ugu baaqay Somaliland inay joojiso “falalka kala-goynta” iyo xiriirka shisheeye. 

Erdogan oo door weyn ka ciyaaraya ka hortagga xad-gudubka Israa’iil ee Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa door weyn ka qaadanaya dagaalka diblumaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto difaaca midnimadeeda.

Madaxweyne Erdogan ayaa khadka telefonka kula hadlay Amiirka Kuwait, Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah, iyagoo labada hoggaamiye ay ka wada-hadleen arrimaha xiriirka laba-geesoodka ah iyo xaaladaha Soomaaliya, sida ay baahisay Madaxtooyada Turkiga.

Erdogan ayaa intii uu kulanka socday adkeeyay taageerada Soomaaliya ee midnimadeeda iyo xuduudaheeda, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay mudan tahay taageero dhab ah.

Waxa uu tusaale u soo qaatay go’aankii Israa’iil ee Jimcihii ay ku aqoonsatay Somaliland, taasoo muujinaysa qorshaha Israel ee lagu doonayo in lagu carqaladeeyo xasilloonida gobolka.

Erdogan ayaa sidoo kale ku baaqay in Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka laga taageero xasillooni siyaasadeed iyo horumar, isagoo tilmaamay sida ay taageerada caalamiga ah muhiim ugu tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo ka hortagga dadaallada lagu kala fogaynayo waddamada gobolka.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil.

Sida lagu xusay qoraal ay faafisay mid ka mid ah wasaaradaha arrimaha dibadda ee saxiixay bayaanka, dalalkan ayaa ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Bayaankaas ayaa sidoo kale si adag u diiday tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumaysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii lasoo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

Shiinaha oo jawaab culus ka soo saaray aqoonsiga Israel ee maamulka Somaliland

Beijing (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa si kulul u cambaareysay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, tallaabo kicisay mowjado diidmo iyo dhaleeceyn ah oo ka imaanaya dalalka gobolka iyo beesha caalamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa ka digtay in aan dalna “kicin ama taageerin kooxaha gooni-goosadka ah” si uu u dabagalo “dano gaar ah,” iyadoo Somaliland ku tilmaantay qeyb ka mid ah Soomaaliya oo aan marnaba ka go’i karin.

“Shiinuhu wuxuu si adag u taageersan yahay madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna kasoo horjeedaa tallaabo kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri Lin Jian, afhayeenka wasaaradda, oo hadlay galabnimadii Isniinta.

Lin Jian ayaa intaas ku daray in Beijing ay ugu baaqeyso maamulka Somaliland “inay xaqiiqada garwaaqsadaan, isla markaana si degdeg ah u joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada gooni-goosadka iyo xiriirrada ay la samaysanayaan awoodaha shisheeye.”

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in arrinta Somaliland ay tahay “mid gabi ahaanba u taalla Soomaaliya,” isla markaana ay tahay in lagu xalliyo habraacyada dastuuriga ah iyo xaaladda qaran ee Soomaaliya, si ay u hoggaamiyaan dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, dowladda Eritrea ayaa sheegtay in Shiinuhu uu awooddiisa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u adeegsan karo inuu is-hortaago aqoonsi kasta oo rasmi ah oo ay Somaliland hesho.

Warbixin kasoo baxday Wasaaradda Warfaafinta Eritrea Axaddii ayaa aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay “shirqool” muddo soo karkarayay oo lagu doonayo in lagu khal-khal geliyo gobolka, looguna gogol-xaaro “qalalaase caalami ah iyo fowdo.”

Eritrea waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsatay in “gaar ahaan ay waajib akhlaaqi ah ku tahay Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha inay qaadato mas’uuliyaddeeda,” iyadoo ku doodday in xaaladdan ay si dhow ugu ekaan karto tan Taiwan.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991, balse Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uu waafaqsan yahay “ruuxda Heshiisyada Abraham,” oo Maraykanku dhexdhexaadiyay sannadkii 2020 si loo caadiyeeyo xiriirka Israa’iil iyo dalal Carab iyo Islaam ah.

Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay qorshaynayso inay ballaariso xiriirka ay la leedahay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada beeraha, caafimaadka, tignoolajiyada iyo dhaqaalaha.

Si kastaba, tallaabadan ayaa la kulantay cambaarayn xooggan oo kaga timid Soomaaliya iyo dalalka deriska ah. Ururrada caalamiga ah iyo kuwa gobolka—sida Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Golaha Iskaashiga Khaliijka, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo IGAD—ayaa ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Shiinaha, oo dano ballaaran ka leh Geeska Afrika, ayaa muddo dheer diidanaa in Somaliland la aqoonsado. Mowqifkaas ayaa sii adkaaday kaddib markii Hargeysa ay xoojisay xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee ay la leedahay Taiwan, gaar ahaan tan iyo markii labada dhinac ay xafiisyo wakiillo ka fureen Hargeysa iyo Taipei sannadkii 2020.

Beijing waxay Taiwan u aragtaa gobol ka mid ah dhulkeeda, umana aqoonsana dowlad madax-bannaan, iyadoo aan meesha ka saarin in xoog lagu soo celiyo haddii ay u aragto in loo baahdo.

David Shinn, oo ah bare sare oo ka tirsan Jaamacadda George Washington, ayaa sheegay in Shiinuhu Somaliland u arko inay xiriir dhow la leedahay Taiwan, sidaas darteedna “uu samayn doono wax kasta oo karaankiisa ah si uu u niyad-jabiyo aqoonsiga Hargeysa,” isagoo si adag u taageeraya midnimada Soomaaliya.

Markii la weydiiyay in Maraykanku raaci doono tallaabada Israa’iil, Madaxweyne Donald Trump ayaa ku jawaabay “Maya,” balse wuxuu raaciyay inuu “daraasad ku samayn doono” arrinta. Inkastoo ay taasi muujisay mad-madow, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa mar kale xaqiijisay inay sii waddo aqoonsiga midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Shinn ayaa qiyaasay in Washington ay hadda dib u dhigi doonto aqoonsi kasta, qayb ahaan sababo la xiriira walaac ah in tallaabadaasi ay wiiqi karto dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab iyo Daacish.

“Laakiin haddii Maraykanku beddelo mowqifkiisa oo uu aqoonsado Somaliland, waxay albaabka u furi doontaa in kuwa kale ay ku daydaan. Dalal badan malaha ma raaci doonaan Israa’iil, balse aqoonsiga Washington wuxuu yeelan karaa saameyn gaar ah,” ayuu yiri Shinn.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo war-murtiyeed laga soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaranka oo kulamo xiriir ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka ayaa soo saaray war-murtiyeed lagu adkaynayo mowqifka dowladda ee ku aaddan ilaalinta midnimada dalka.

Goluhu wuxuu si buuxda u diiday, kuna gacan sayray tallaabada sharci-darrada ah ee ay qaadday Israa’iil ee ku saabsan sheegashada aqoonsiga Somaliland, taas oo uu sheegay inay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida dalka, isla markaana halis ku ah nabadgelyada gobolka.

“Goluhu wuxuu si cad u adkeeyey mowqifka lama taabtaanka ah ee Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, sida ay dammaanad qaadeen Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Aasaaska Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo qaran, wacyi iyo isu-taag, kana hortagaan fal kasta ama hadal kasta oo wax u dhimaya wadajirka, nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlay arrimo qaran oo mudnaan gaar ah u leh jiritaanka, midnimada, amniga iyo mustaqbalka dalka.

Shirka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Waqooyi Bari Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Qodobada Shirka:

1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Golaha siiyey warbixin ku saabsan dadaallada Dowladda ee la xiriira difaaca qaranimada, madax-bannaanida iyo midnimada dalka, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dhammaan hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga soo horjeestaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa jiritaanka Qaranka.

2. Goluhu wuxuu mar kale si cad u adkeeyey mowqifka lama taabtaanka ah ee Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Qaranka, sida ay dammaanad qaadeen Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Aasaaska Midowga Afrika.

3. Goluhu wuxuu si buuxda u diiday kuna gacan sayray tallaabada sharci-darrada ah ee ay qaadday Israa’iil ee ku saabsan sheegashada aqoonsi loogu fidinayo qayb ka mid ah gobollada waqooyi ee Soomaaliya, taas oo ah xadgudub cad oo ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida dalka, isla markaana halis ku ah nabadgelyada gobolka, Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Bariga Dhexe.

4. Goluhu wuxuu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo qaran, wacyi iyo isu-taag, kana hortagaan fal kasta ama hadal kasta oo wax u dhimaya wadajirka, nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

5. Goluhu wuxuu bogaadiyey qabsoomidda doorashadii taariikhiga ahayd ee Golayaasha Deegaanka Gobolka Banaadir ee 25-kii Diseembar, taas oo astaan u ah horumar siyaasadeed, dimuqraadiyeyn dhab ah, iyo awoodda oo si tartiib tartiib ah loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed.

6. Goluhu wuxuu adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Dowlad-goboleedyada, maadaama ay saldhig u yihiin xasiloonida siyaasadeed, dowlad-wanaagga iyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda ah ee dalka.

7. Goluhu wuxuu isku raacay in la xoojiyo lana dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta si dalka looga ciribtiro argagixisada, loona xaqiijiyo amniga, xasiloonida iyo badbaadada nolosha shacabka Soomaaliyeed.

8. Goluhu wuxuu si gaar ah u bogaadiyey guulaha ay Ciidamada Qaranka ka gaareen howlgalada ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan howlgalka “Seefta Aamusan”, oo lagu xoreeyey dhul ballaaran oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

9. Goluhu wuxuu si qoto dheer uga hadlay xaaladda abaaraha ee saameysay qaybo badan oo ka mid ah dalka, taas oo keentay barakac, cunno-yari iyo duruufo nololeed oo aad u adag.

10. Goluhu wuxuu adkeeyey in wax ka qabashada abaaraha ay tahay mas’uuliyad qaran, isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso gurmad degdeg ah, adkeynta adeegyada bulshadda, maaraynta khayraadka biyaha, amniga cunnada, iyo xalal waara oo lagula tacaalayo saameynta isbeddelka cimilada.

11. Goluhu wuxuu ugu baaqay beesha caalamka, hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay xoojiyaan taageerada bani’aadantinimo iyo tan horumarineed si loo badbaadiyo nolosha dadka ay abaaruhu saameeyeen.

12. Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu uu si wayn ugu mahad celiyey dowladaha aan walaalaha nahay, kuwa aan saaxiibka nahay iyo ururada caalamiga ah ee garab istaagay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaasna meel uga soo wada jeestay duullaanka gardarrada ah ee baal marsan shuruucda caalamiga ah ee lagula kacay qaranimada Soomaaliya.

— DHAMMAAD —

Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo yeeshay kulan xasaasi ah + Sawirro

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxay si wadajir ay u adkeeyeeb muhiimadda ay leedahay mowqifta dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celisay go’aankeeda adag ee ah ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, iyadoo ku kalsoon garab-istaagga iyo wadajirka dalalka gobolka.

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland oo noqday kii ugu horreeyay ee uu sameeyo dal xubin ka ah Qaramada Midoobay, ayaa dhaliyay cambaareyn degdeg ah oo uga timid Soomaaliya.

Tallaabadaas ayay dowladda ku tilmaantay sharci-darro iyo waxba kama jiraan, waxayna wacad ku martay inay kula dagaallami doonto waddooyin diblomaasiyadeed iyo kuwo sharci ah.

Falcelinta arrintan ayaa si degdeg ah ugu fiday ururada gobolka iyo caasimadaha muhiimka ah, iyadoo si adag looga soo horyimid go’aankan xad-gudubka ku ah midnimada Soomaaliya ee ku kacday Israa’iil.

Israel oo si yaab leh ugu jawaabtay dalalka ka horyimid aqoonsigeeda Somaliland

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar ayaa si adag u difaacay aqoonsiga ay dhawaan sheegeen inay siiyeen Somaliland, xilli uu u jawaabayay dalalka ka horyimid arrintaan.

Sa’ar ayaa ku dooday in Somaliland ay muddo 34 sano ah ahayd dowlad shaqaynaysa, isla markaana aanay aheyn wax sameysmay toddobaadkan dhammaadkiisii.

Sidoo kale wuxuu ku tilmaamay fal-celinta ka dhalatay aqoonsigooda Somaliland mid munaafaqnimo ah.

“Somaliland lama samayn dhammaadkii toddobaadkan, waxay ahayd qaran jira oo shaqaynaya muddo ka badan 34 sano. Weerarada lagu hayo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland waa munaafaqnimo,” ayuu yiri Sa’ar, oo qoraal kaga jawaabay baaqyada ay soo saarayaan dowlado iyo ururada qaarkood ee ka dhanka ah aqoonsigii Jimcihii.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay kaligeed go’aan ka gaarto cidda ay aqoonsanayso iyo dalalka ay la samaynayso xiriir diblomaasiyadeed, isagoo si toos ah ula hadlay waddamada dhaliilay xiriirka cusub ee Somaliland iyo Israa’iil.

Israa’iil ayaa wajahaysa cadaadis xooggan oo kaga imanaya dalal badan oo caalamka iyo gobolka ah, kuwaas oo intooda badan cambaareeyay aqoonsiga Somaliland.

Dhanka kale, Wasiirka Qurbajoogta Israa’iil ayaa Qatar ku eedeeyay inay tahay dal u shaqeeya dano qoys, isla markaana taageera argagixisada, kaddib markii Qatar ay ka hortimid aqoonsiga Somaliland.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu maanta yeesho kulan degdeg ah oo ay Soomaaliya dalbatay, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saari doono arrinta aqoonsiga Somaliland. Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay inay sii difaaci doonto xiriirka ay la sameysay Somaliland.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa maanta kulan ku yeelanaya gobolka Florida, iyadoo aqoonsiga Somaliland uu ka mid yahay qodobbada la filayo inay ka wada-hadlaan.

Si kastaba, aqoonsiga Israa’iil ee 26-kii December oo noqday kii ugu horreeyay ee uu sameeyo dal xubin ka ah Qaramada Midoobay, ayaa dhaliyay cambaareyn xooggan oo uga timid Soomaaliya, taas oo tallaabadaas ku tilmaantay sharci-darro iyo waxba kama jiraan, waxayna wacad ku martay inay kula dagaallami doonto waddooyin diblomaasiyadeed iyo kuwo sharci ah.

Falcelinta arrintan ayaa si degdeg ah ugu fiday ururada gobolka iyo caasimadaha muhiimka ah. Midowga Afrika ayaa si cad u diiday aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, isagoo ka digay in tani ay noqon karto raad cusub oo xasillooni darro gelin kara nidaamka xuduudaha qaaradda.

Falcelinta Carabta iyo Khaliijka ayaa iyana noqotay mid adag. Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa si xooggan u diiday go’aanka Israa’iil, iyagoo ku biiray dhinacyada kale ee gobolka ee taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa isna qeyb ka noqday cambaareysta xad-gudubka Israa’iil. Si kastaba, Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, samaysatayna hay’ado dowladeed iyo ciidamo u gaar ah, ayaa muddo dheer raadinaysay aqoonsi caalami ah, balse waxay ku jirtay xaalad hubanti la’aan ah dhanka diblomaasiyadda.

Fahad oo amaanay tallaabooyinkii mucaaradka kadib markii Jubaland iyo Puntland…

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin oo mar kale qoraal soo saaray ayaa si weyn uga fal-celiyay tallaabooyinka ay qaadeen dhinacyada mucaaradka ee ku aadan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Fahad oo warbixintiisa ciwaan uga dhigay MUCAARAD MASUUL AH ayaa bogaadiyay fal-celinta xubnaha Madasha Samatabixinta, Midowga Haybad Qaran oo uu isagu ku jiro iyo jawaabtii Farmaajo ee lagu cambaareeyay go’aankii Israa’iil.

Agaasimihii hore ee NISA ayaa xusay in dhammaan xubnaha mucaaradka ay muujiyeen hab dhaqan wanaagsan oo u qalanta xaaladda uu dalka ku sugan yahay.

“Mucaaradka dalka waxay kala saareen ajandaha siyaasadda iyo ajandaha qaranka. Waa anshax siyaasadeed boogaadin buuxa mudan. Golaha Samatabixinta, Midowga Haybad Qaran iyo Madaxweyne hore Farmaajo,  intuba waxay muujiyeen hab dhaqan wanaagsan oo u qalanta xaaladda uu Qaranku maanta ku sugan yahay” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad Yaasiin.

Sidoo kale, wuxuu weerar culus ku qaaday Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland oo weli ka aamusan xadgudubka Israa’iil, wuxuuna ku eedeeyay inay kala saari waayeen arrimaha siyaasaddae ee la’isku hayo iyo ajendaha qaranka.

“Waa wax laga xumaado in Labada hoggaamiye ee Puntland iyo Jubaland ay kala saari waayeen Qaranka iyo Madaxweyne Xasan” ayuu sii raaciyay.

Fahad ayaa sheegay in aysan jirin sabab loogu cudurdaaro labada hoggaamiye, isagoo xusay in tani abuurayso shaki ah inay raalli ka yihiin ama shirqoolka wax ka maleegeen, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa galinkii dambe ee Jimcihii si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal.

Hoos ka aqriso  warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-

MUCAARAD MASUUL AH

Mucaaradka dalka waxay kala saareen ajandaha siyaasadda iyo ajandaha qaranka. Waa anshax siyaasadeed boogaadin buuxa mudan.

Golaha Samatabixinta, Midowga Haybad Qaran iyo Madaxweyne hore Farmaajo,  intuba waxay muujiyeen hab dhaqan wanaagsan oo u qalanta xaaladda uu Qaranku maanta ku sugan yahay.  Waa wax laga xumaado in Labada hoggaamiye ee Puntland iyo Jubaland ay kala saari waayeen Qaranka iyo Madaxweyne Xasan.