25.9 C
Mogadishu
Saturday, January 24, 2026

Maxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho? + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa maanta ka dhacay banaanbax wayn oo ay soo abaabuleen haweenka Soomaaliyeed, kaas oo looga soo horjeeday xagudubka Israa’iil ee madax banaanida Soomaaliya, kadib aqoonsigii ay siisay maamulka Somaliland.

Qaar kamid ah hoggaanka haweenka Soomaaliyeed oo goobta ka hadlay ayaa jeediyay khudbado ay uga hadleen dhibaatooyinka Yuhuudda u keeni karto dalkeenna, haddii aan laga hortagin farogelinta ay ku hayso Soomaaliya.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Maamo Jawaahir Baarqab oo kamid ah dibadbaxayaasha ayaa warbaahinta kula hadashay Taalada Daljirka Daahsoon, waxayna ka warbixisay ujeedka isku imaatinkooda.

“Isu soo baxaan wuxuu qayb ka yahay banaanbaxyada socda oo looga soo horjeedo gar-darrada Yahuuda oo si cad ugu soo duushay dalka” ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in Soomaaliya iyo Israa’iil ay ka dhexeyso cadaawad gaamurtay, isla markaana aysan yeelan karin wax xariir ah.

“Dal aan la aqoonsan waxa ma aqoonsan karo Yahuud waxaa naga dhexeyso cadaawad soo jireen ah midda kale ood wadaag ma nihin diin ma wadaagno” ayay mar kale tiri Jawaahir Baarqab.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn caddeeyay mowqifkooda ku aadan damaca Israa’iil ee dhulka Soomaaliyeed, iyaga oo ka digay, waxayna farriin culu u diray shacabka iyo madaxda maamulka Somaliland.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale magaalada Muqdisho loogu qabtay banaanbax ay soo qaban qaabiyeen bahda culimada Soomaaliyeed, oo iyaguna kasoo horjeestay aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Si kastaba, Israa’iil oo 26-kii December ee sanadkii hore, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” ayaa weli sii wadda xagdubka ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana maanta ay wafdi uu hoggaaminayo wasiirkeeda arrimaha dibadda u dirtay Somaliland, tallaabadaas oo ay mar kale ka hortimid Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News