27.4 C
Mogadishu
Saturday, January 24, 2026

Shiinaha: Itoobiya hal waddo unbey bad ku heli kartaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Shiinaha, oo wasiirkooda arrimaha dibadda u diray Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay inay taageerayaan dadaallada dalalka gobolka ee ku aaddan “xoojinta xiriirka saadka badda”, iyagoo ixtiraamaya “madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed”.

Waxay sidoo kale sharraxday in arrinta “helitaanka albaabka badda” ay ka mid tahay hawlaha gacan ka geysan doona xoojinta xiriirka saadka badda.

Itoobiya ayaa dhankeeda xaqiijisay inay ka go’an tahay mabda’a “Hal Shiine”, iyadoo sheegtay in “Taiwan ay tahay qayb aan laga maarmi karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, oo booqasho rasmi ah ku tagay Itoobiya Khamiistii, ayaa noqday safarkiisii ugu horreeyay ee Afrika tan iyo booqashadii Midowga Yurub (EU) ee 2026.

Wang ayaa magaalada Addis Ababa wadahadallo kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Gideon Timothy, iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Wadahadallada uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha la yeeshay Abiy iyo Gideon kuma koobnayn arrimaha labada dal oo keliya, balse waxay taabteen arrimo gudaha ah, kuwo goboleed iyo kuwo caalami ah, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ay labada dal soo saareen Jimcihii.

Dawladda Shiinaha ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay “guulaha cusub” ee laga diiwaangeliyey “horumarka qaranka” ee Itoobiya, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Shiinaha ayaa sheegay inuu si adag u taageerayo dadaalka ay shacabka Itoobiya ku doonayaan inay ku hiigsadaan dariiq horumarineed oo la jaan qaadaya xaaladda dalka. Waxa kale oo uu sheegay inuu ka soo horjeedo “faragelin shisheeye” oo lagu sameeyo Itoobiya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen in la xoojiyo isuduwidda “siyaasadaha horumarinta iyo istaraatiijiyadaha” iyo dhiirigelinta khibrad-is-dhaafsiga ee arrimaha la xiriira “maamulka dadweynaha”.

War-saxaafadeedka wadajirka ah ayaa lagu sheegay in “Shiinuhu si weyn u qiimeeyo doorka Itoobiya ee Geeska Afrika”. Itoobiya, dhankeeda, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay “guulaha laga gaaray qorshaha nabadda iyo horumarinta ee Shiinaha ee Geeska Afrika”.

Hadalkan ayuu Shiinuhu ku xusay arrinta badda oo ay dawladda Itoobiya sannadihii u dambeeyay xoogga saartay, kuna xiran isdhexgalka gobolka. Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inuu dhiirigelinayo dalalka gobolka inay qaadaan tallaabooyin lagu xoojinayo “xiriirka, iskaashiga iyo isdhexgalka Afrika” ee dhinacyada kala duwan.

Itoobiya ayaa bilowgii 2024 heshiis, oo la sheegay inay ku heli karto deked muhiim ah, la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, arrintaas oo Soomaaliya si weyn uga soo horjeesatay.

Shiinaha ayaa sheegay in mid ka mid ah qodobbada lagu xoojinayo xiriirka uu yahay kor u qaadista “saadka badda”. Shiinuhu wuxuu xusay in hal dariiqo oo taas lagu gaari karo ay tahay “in la helo albaabka badda”.

Shiinaha, oo sheegay in saadka badda loo adeegsan karo in lagu gaaro “nabad, xasillooni iyo barwaaqo goboleed”, ayaa sidoo kale sheegay in arrintaas lagu wajahayo wada-hadal iyo hab diblomaasiyadeed.

Waxa kale oo uu sharraxay in hawlaha la xiriira isdhexgalka gobolka ay ku saleysan yihiin “ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka ay khuseyso” iyo “ixtiraamka Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah”.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa ku celisay inay Shiinaha ka taageereyso arrinta Taiwan, oo muddooyinkii dambe xiisad ka taagneyd.

Shiinuhu waxa uu u arkaa Taiwan, oo ku andacoonaysa inay tahay dal madax-bannaan, inay ka mid tahay dhulkiisa. Dhoolatuskii ugu dambeeyay ee militariga Shiinaha uu ka sameeyay meel u dhow Taiwan ayaa dib u soo celiyay cabsida laga qabo in Beijing ay dagaal ku qaaddo jasiiradda.

- Advertisement -

Read more

Local News