25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay soo laabashada Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay soo laabashada madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar qaatay labo toddobaad oo uu ugu maqnaa dalka Kenya, isagoo jebiyey xayiraaddii ay dowladda federaalku ka saartay safarada dibadda ah.

Axmed Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed iyo abaabulka mooshin ka dhan ah Xasan iyo Xamse ka waday Nairobi ayaa haatan dib ugu soo laabtay Kismaayo oo ku jirta xaalad sicir barar ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay safarka uu Axmed Madoobe ku tegay magaalada Nairobi, waxaana Kenya laga dalbaday inay faahfaahin ka bixiso safarkaas, balse ilaa hadda warbaahintu ma arkin jawaab ay ka bixisay Kenya.

Haddaba sidee looga fal-celiyay soo laabashada Axmed Madoobe?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siywaabo kala duwan uga hadlay arrinta Axmed Madoobe, gaar ahaan jebinta xayiraadda dowladda.

Faysal Cumar Kuulow “Maasha Allaah mudane madaxweyne kusoo dhowow Kismaayo welcome back”

Axmed Cismaan “Bixitaankiisu iyo imaatinkiisa maxay micno ah oo ay soo kor dhinaysaa?

Maxamed Cali “Dalka dibaddiisa kulahaa cirka muu jiray waddan hebel ma la awoodi waayay haddii sidaa lo dhuudhuumanaayo maa edab la yeesho?”.

Khadar Maxamed Cumar “Odagii xassan ahaa xaalku waa ku xunyahay”

Saalax Salaad Axmed “Adigoon hal safiir la kulmin horta Kismaayo ma ku soo laabatay”

Maxamed Axmed Kaafi ayaa isna ku jawaabay “Nairobi, Kenya ayaa lagu xiray aaway?.

Puntland oo si ka duwan DF uga hadashay duqeyntii uu Mareykanka ka fuliyey Bari

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si ka duwan dowladda federaalka uga hadlay duqeyn uu Sabtidii Mareykanka ka gaystay aagga buuraha Calmiskaad, taas oo lagu beegsaday kooxda Daacish.

Dowladda Federaalka waxa ay sheegtay in duqeyntaan uu fuliyay Mareykanka, isla-markaana lala socod-siiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Hawlgalkii ugu dambeeyay wuxuu xoojinayaa iskaashiga amniga ee xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka ee la dagaallanka khataraha xagjirka ah. Soomaaliya waxay ku taagan tahay inay la shaqeyso xulafadeeda si loo ciribtiro argagixisada caalamiga ah loona xaqiijiyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay ““taageerada aan kala go’a lahayn ee Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah wuxuuna soo dhaweynayaa ballanqaadka sii socda” ee hoos yimaada hoggaanka go’aanka leh ee Madaxweyne Trump”.

Dhinaca kale qoraalka Puntland waxaa lagu sheegay in weerarka uu daba socday howlgalka ay qaadeen ciidamadeeda, ayna si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta oo ay uga mahadcelisay taageeradooda ku aadan dagaalka kooxda Daacish.

“Dowladda Puntland oo in dhoweyd ku jirtay Howlgal ay Argagixisada Daacish uga sifeynayso Puntland, waxay u mahadcelinaysa saaxiibada Adduunka ee ka caawinaya hawlgalka gaar ahaan Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraadka oo ka qeyb qaatay duqeymaha xagga Cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysa Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoo maanta oo u danbeysay duqeyntii dhacday lagu dilay xubno xilal sarsare ka hayey ISIS (Daacish)” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale, Puntland ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka uu haatan galay wajigiisa labaada, isla markaana ujeedka uu yahay in laga adkaado maleeshiyaadka Daacish.

“Howlgalka oo hadda galay wejigiisa labaad, ayaa Ciidanka Dowladda Puntland wejigii koowaad ka gaareen guulo badan, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in Argagixisada Daacish laga sifeeyo deegaannada ay ku dhuummanayaan” ayaa mar kale lagu yiri.

 

Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyahay shirka guddi-hoosaadka xubnaha golaha wasiirrada ee siyaasadda loo dhanyahay, kaas oo ka dhacay xafiiskiisa.

Shirka oo ay inta badan kasoo qayb-galeen xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin dardargelinta doorashada iyo dhammaystirka dastuurka.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay dadaallada hirgelinta doorashada iyo sidii ay xukuumaddu u qaadan lahayd doorka kaga aaddan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ka qayb qaadan karaan dadweynaha.

Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa faray golihiisa wasiirada ee ku jira Guddi-hoosaadka siyaasadda Loo dhan yahay in ay dardargeliyaan kaalintooda ku aaddan hirgelinta iyo fududeynta wax yaabaha loo baahan yahay, si ay doorashadu u hirgasho, iyada oo xoogga la saarayo wacyigelinta dadweynaha, si ay faham buuxa uga helaan muhiimadda ay leedahay in muwaadinku codkiisa u dhiibto si xor ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlaha doorashooyinka looga dambeynayo guddiga lasoo dhisay, xukuumaddana ay kala shaqeyn dooto sidii loo gaari lahaa qof iyo cod.

“Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), waxa uu u madax-bannaan yahay qabashada dhammaan doorashooyinka heer walba, iyada oo Xukuumadda waajib ka saaran yahay taageeridda guddiga, si uu dalka uga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah. Dhammaan hey’addaha dowladda ee ku shaqada leh taageeridda guddiga waxaan farayaa in ay dardargeliyaan mas’uuliyadaha kaga soo aaday hawlaha doorashada.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa kale oo kulankan lagu soo qaaday warbixinno la xiriira dhammeystirka Dib-u-eegista Dastuurka cutubyadiisa 5aad ilaa 9aad, iyo halka uu marayo diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo heer gabo-gabo ah ku dhow.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo weli is mari waa uu ka taagan yahay sida loo wajahayo doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ah.

SSC oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda kala dhexeysa Somaliland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gobolkaasi oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa maamulka Somaliland.

Xiisadda ayaa kasii dartay kadib tallaabo ay maanta qaaday SSC oo lasoo wariyay in ciidamo dheeraad ah ay ku daabushay jiidda hore ee dagaalka.

Ilo wareedyo dadka deegaanka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan oo ka baxay Laascaanood ay gaareen aagga deegaanka Oog, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan oo difaac ah.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa waxaa hoggaaminayo taliyaha guutada 4-aad ee ciidanka SSC-Khmaatumo Jenaraal Mubaarak Maxamed Warsame, waxaana Oog kusoo dhaweeyay saraakiil kale iyo ciidamo joogay halkaasi.

Ujeedka SSC-Khaatumo ayaa ah in ciidamadan ay ku xoojiso kuwa kale oo horay halkaasi u joogay, si ay uga hortagaan haddii ay dagaal soo qaado Somalilad.

Xaalad cakiran ayaa ka taagan deegaanka, waxaana shacabka ku nool halkaasi ay cabsi ka muujinayaan in dagaal u dhexeeya labada dhinac uu dib u qarxo.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan ciidamada ay SSC ku daabuleyso aagga magaalada Oog oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada maamul.

Horay Somaliland iyo Khaatumo ayaa ugu dagaalamay Sool, waxaana weli gobolkan iyo qaybo kale oo kamid ah Sanaag laga dareemayaa colaad u dhexeyso labada dhinac.

Xiisad ka dhex-qaraxday Mareykanka iyo Canada kadib tallaabo uu qaaday Trump

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii ku dhawaaqay tacriif ama canshuuro baaxad leh oo lagu soo rogayo Canada, Mexico iyo Shiinaha, isaga oo adeegsanaya awoodaha degdegga ah ee dhaqaalaha, wuxuuna sabab uga dhigay “khatarta weyn” ee ka imanaysa tahriibka sharci-darrada ah iyo daroogooyinka.

Badeecadaha laga soo dhoofiyo Canada iyo Mexico ee Mareykanka ayaa la saari doonaa canshuur dhan 25 boqolkiiba, inkasta oo kheyraadka tamarta ee Canada uu yeelan doono canshuur hoose oo ah 10 boqolkiiba, iyada oo laga billaabayo Talaadada.

Alaabaha ka imaanaya Shiinaha, oo horey u wajahaya heerar kala duwan oo canshuuro ah, ayaa lagu dari doonaa 10 boqolkiiba oo dheeraad ah, sida uu Trump sheegay.

Trump ayaa adeegsanaya Xeerka Awoodaha Dhaqaale ee Xilliga Degdegga ah si uu u meel mariyo canshuurahan, iyada oo Aqalka Cad uu sheegay in “halista daran ee ay keeneen dadka muhaajiriinta ah ee sharci-darrada ah iyo daroogooyinka, oo ay ku jirto fentanyl halis ah, ay xadgudub ku tahay ammaanka qaranka.”

Ujeeddada ayaa ah in saddexda waddan lagu cadaadiyo “inay u hoggaansamaan ballamahooda ah inay joojinayaan tahriibka sharci-darrada ah iyo in la xakameeyo fentanyl iyo daroogooyinka kale ee sunta ah,” sida uu Aqalka Cad yiri.

Washington ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeedisay dowladda Mexico, iyada oo ku tilmaantay inay “xiriir aan la aqbali karin” la leedahay kooxaha ka ganacsada daroogooyinka.

– Saameynta ganacsiga iyo digniinta khubarada –

Go’aankan ayaa halis gelinaya silsiladaha sahayda ganacsiga, laga soo billaabo tamarta illaa baabuurta iyo cuntooyinka.

Trump ayaa marar badan muujiyay taageerada uu u hayo canshuuraha ganacsiga, wuxuuna muujiyay in tallaabadan ay tahay bilowga is-mariwaaga ganacsiga ee mustaqbalka.

Toddobaadkan, wuxuu ballanqaaday inuu canshuuro saari doono Midowga Yurub mustaqbalka dhow.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu canshuur dheeraad ah ku soo rogayo qalabka elektarooniga, biraha sida birta iyo aluminium-ka, iyo sidoo kale saliidda iyo gaaska.

“Canshuuraha waa aalad awood leh oo la isku halleyn karo si loo ilaaliyo danaha qaranka,” ayuu Aqalka Cad sheegay.

Trump, oo ku sugnaa Florida dhammaadka toddobaadka, ayaa baraha bulshada ku qoray: “Waa waajib i saaran in aan ilaaliyo dadka Mareykanka, waana xilkeyga Madaxweyne ahaan in aan sugo nabadgelyada muwaadiniinta.”

– ‘Dagaalka Ganacsiga oo Xoogeysanaya’ –

Wendy Cutler, oo ah Madaxweyne ku xigeenka Machadka Siyaasadda ee Asia Society, isla markaana horey uga mid ahayd kooxda gorgortanka ganacsiga ee Mareykanka, ayaa sheegtay in go’aanka la shaaciyay Sabtidii uu si cad u muujinayo in saaxiibada ganacsiga ee Mareykanka, deriskiisa iyo wadamada heshiiska ganacsiga xorriyadda la leh, ay wajahayaan khatar weyn.

“Tallaabadan maanta la qaaday waa bilowga dagaal canshuureed oo cusub,” ayay u sheegtay wakaaladda wararka AFP.

Waxay intaa ku dartay in Canada iyo Mexico ay wajihi doonaan cadaadis gudaha ah oo ku saabsan in ay ka jawaabaan go’aanka Mareykanka.

Iyadoo saddexda dal ay wadaagaan heshiis ganacsi, canshuuraha cusub ayaa “saameyn degdeg ah oo xoog leh” ku leh dhammaan dhinacyada, sida ay sheegtay.

Canshuuraha ballaaran ee la saaray saddexda dal ee ugu waaweyn ganacsiga Mareykanka waxay halis ku yihiin Trump, kaas oo ku guuleystay doorashadii bishii November ayada oo ay dad badan ka cawdeen xaaladda dhaqaale.

Kharashyada sare ee soo-dhoofinta waxay sababi karaan in macaamiishu yareeyaan wax iibsiga iyo ganacsigu hoos u dhaco, sida uu sheegay Gregory Daco, oo ah khabiirka dhaqaalaha ee shirkadda EY.

Wuxuu saadaaliyay in sicir-bararka uu sare u kici doono 0.7 boqolkiiba rubuci koowaad ee sanadkan ka dibna tartiib u yaraan doono.

“Shaki badan oo ku saabsan siyaasadda ganacsiga waxay keeni doontaa jahwareer suuqyada maaliyadeed iyo cadaadis la saaro ganacsatada, inkasta oo maamulka uu sheegayo inuu u janjeero dhinaca ganacsiga,” ayuu yiri.

Khubarada dhaqaalaha ayaa sidoo kale filaya in kororka canshuuraha uu dhaawacayo koboca dhaqaalaha.

Dhanka kale, taageerayaasha Trump ayaa yareeyay cabsi laga qabo in canshuuraha ay sare u qaadi doonaan sicir-bararka, iyaga oo ku dooday in qorshihiisa dhimis canshuuraha iyo fududeynta xeerarka ganacsiga ay dhiirrigelin doonto kobaca dhaqaalaha.

– Jawaabaha Canada iyo Mexico –

Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa Jimcihii sheegay in Ottawa ay diyaar u tahay “jawaab adag oo si gaar ah looga baaraan degay.”

Ra’iisul Wasaaraha gobolka Ontario, Doug Ford, oo ah xarunta dhaqaalaha Canada, ayaa ka digay anshuuraha ay sababi karaan shaqo la’aan iyo hoos u dhac ku yimaada dhaqaalaha.

“Waxaan u istaagaynaa waxa saxda ah,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, ayaa ka dib shaacinta canshuuraha sheegtay in aysan ka welwelsaneyn arrinta, maadaama ay aaminsan tahay in “dhaqaalaha Mexico uu yahay mid adag.”

Wasiirka dhaqaalaha Mexico, Marcelo Ebrard, ayaa Sabtidii sheegay in shirkadaha gaarka ah ee dalkaasi ay mideysan yihiin si ay uga falceliyaan “tallaabooyinka ganacsi ee loo arko kuwo sharci-darro ah.”

Hogaamiyaha xisbiga Dimoqraadiga ee Senet-ka Mareykanka, Chuck Schumer, ayaa ka digay in canshuuraha cusub ay “kordhin doonaan qiimaha badeecadaha ay dadka Mareykanka iibsadaan.”

Canada iyo Mexico waa sahay-bixiyeyaasha waaweyn ee badeecadaha Mareykanka, gaar ahaan dhanka wax soo saarka beeraha.

Sidoo kale, canshuuraha la saaray waxay si weyn u saameyn doonaan warshadaha baabuurta, iyada oo soo saarayaasha baabuurta iyo qeybaha ay ka kooban yihiin ay ku baahsan yihiin saddexda waddan.

Khubarada dhaqaalaha ayaa ka digaya in kordhinta cashuuraha dhoofinta saliidda cayriin ee dalal ay ka mid yihiin Canada iyo Mexico ay khatar gelin doonto qiimaha tamarta ee Mareykanka.

Warbixin ay soo saartay Congressional Research Service ayaa muujisay in ku dhawaad 60 boqolkiiba saliidda cayriin ee Mareykanka uu soo dhoofiyo ay ka timaado Canada.

Carabta oo go’aan ka soo saaray qorshaha xasaasiga ee uu damacsan yahay Trump

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta ayaa Sabtidii si adag u diiday qorshe kasta oo dhigaya in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulkooda xaalad kasta ha noqotee, iyagoo muujiyay mowqif mideysan oo ka dhan ah baaqii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa in Masar iyo Urdun ay qaabilaan dadka ku dhaqan Marinka Gaza.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Qaahira, Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo mas’uuliyiinta ka kala socday dalalka Masar, Urdun, Sacuudi Carabiya, Qadar, Imaaraadka Carabta, Maamulka Falastiin, iyo Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in tallaabo noocaas ah ay khatar weyn ku tahay xasilloonida gobolka, isla markaana ay fidinayso colaadda, ayna wiiqayso rajada laga qabo nabad waarta.

“Waxaan si cad u diidnay isku day kasta oo lagu wax-yeelayo xuquuqda asaasiga ah ee aan gorgortanka gali karin ee shacabka Falastiin, ha ahaato mid lagu sameynayo howlgalada deegaamaynta sharci-darrada ah, ama barakicin, ama dhul-boobka ama iyadoo dhulka laga faarujinayo dadkii lahaa… si kasta, xaalad kasta ama marmarsiiyo kasta ha ahaatee,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka wadajirka ah.

Waxay rajo ka muujiyeen inay si dhow ula shaqeeyaan maamulka Trump si loo gaaro nabad caddaalad ku dhisan oo dhammaystiran, taasoo ka dhalata Bariga Dhexe iyadoo lagu saleynayo xalka labada dowladood, ayey hadalkooda raaciyeen.

Kulankan ayaa yimid kaddib markii Trump uu toddobaadkii tegay sheegay in Masar iyo Urdun ay qaabilaan Falastiiniyiinta ka imaanaya Gaza, oo uu ku sifeeyay “goob burbursan” kaddib 15 bilood oo ay duqeyn ba’an ka wadday Israa’iil, taasoo hoy la’aan dhigtay inta badan 2.3-da milyan ee qof ee ku nool. Dadka dhaliila qorshahan ayaa ku tilmaamay mid la mid ah isir-sifeyn.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa Arbacadii si cad u diiday qorshaha ah in Masar ay fududeyso barakicinta dadka reer Gaza, wuxuuna sheegay in shacabka Masar ay isugu soo bixi doonaan waddooyinka si ay u muujiyaan sida aysan raalli uga ahayn arrintaas.

Trump oo ku adkeysanaya qorshahiisa

Hase yeeshee, Khamiistii, Trump ayaa markale ku celiyay hadalkiisa, isagoo yiri: “Wax badan ayaan u qabannaa iyaga, waana inay aqbalaan,” isagoo u muuqday inuu tixraacayo kaalmada badan ee Mareykanka, oo ay ku jirto taageerada militari, ee uu siiyo labada dal ee Masar iyo Urdun.

Soo jeedin kasta oo ah in Falastiiniyiinta ay ka baxaan Gaza, oo ah dhul ay doonayaan inay ka dhistaan dowlad madax-bannaan, waxay ahayd mid aysan marnaba aqbali karin hoggaanka Falastiin muddo dheer, waxaana si isdaba joog ah u diiday dowladaha Carabta ee deriska la ah tan iyo markii uu dagaalka Gaza ka qarxay bishii Oktoobar 2023.

Dalka Urdun ayaa haatanba hoy u ah malaayiin Falastiiniyiin ah, halka tobanaan kun oo kalena ay ku nool yihiin gudaha Masar. Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Urdun ayaa labaduba si kulul u diiday soo jeedinta Trump maalmihii u dambeeyay.

Wasiirrada Carabta ayaa sidoo kale soo dhoweeyay qorshaha Masar ee ah inay martigeliso shir caalami ah oo ay ka soo qaybgalayaan Qaramada Midoobay, kaasoo xoogga lagu saari doono dib-u-dhiska Gaza, oo inta badan burbur xooggan uu soo gaaray intii lagu guda jiray 15-ka bilood ee dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Illaa hadda ma jirto wax waqti ah oo loo qabtay qabsoomidda shirkaas.

Sawirro: Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo xilli ay gaajo iyo xaraash ka jiraan

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar qaatay labo toddobaad oo uu ugu maqnaa dalka Kenya, isagoo jebiyey xayiraaddii ay dowladda federaalku ka saartay safarada dibadda ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay safarka uu Axmed Madoobe ku tegay Nairobi, waxaana Kenya laga dalbaday inay faahfaahin ka bixiso safarkaas, balse ilaa hadda warbaahintu ma arkin jawaab ay ka bixisay Kenya.

Axmed Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed iyo abaabulka mooshin ka dhan ah Xasan iyo Xamse ka waday Nairobi ayaa dib ugu soo laabtay Kismaayo oo ku jirta xaalad sicir barar ah.

Sida ay qirayaan shacabka, ganacsatada iyo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, sicir-barar baahsan ayaa ku dhuftay Kismaayo, kadib markii cunaqabateyn adag ay ku soo rogtay dowladda federaalka.

Shaqadii dekedda Kismaayo ayaa joogsatay, qaadkii iyo diyaaradihii rakaabka qaadi jiray ayaa laga joojiyey Kismaayo, taasi oo sababtay in masuuliyiinta maamulka ay iska dhigaan gaadiidka, kadib markii ay soo wajahday dhaqaale xumo ay sababtay go’doominta Dowladda Federaalka. Ciidamada iyo shaqaalihii maamulka ayaa loo waayey wax mushaar ah.

Dadka reer Kismaayo ayaa aad u sugayey soo noqoshada Axmed Madoobe, maadaama ay ka rajo qabaan inuu sahay kula soo laabto deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay wuxuu maamulka Axmed Madoobe xaraash ku bilaabay dhulkii danta guud ee magaalada Kismaayo.

Dhulka danta guud ee Jubbaland iibisay, qaarna weli la kala iibsanayo, waxaa ka mid ah saldhiggii booliska ee Kismaayo, xaruntii wasaaradda Boostada, Keydii Ganleyda, Maktabadii Qaranka, xaruntii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya uu ku lahaa Kismaayo iyo Baarta Nabadda ee magaalada Kismaayo oo ah goob ay isugu tagaan dadweynaha magaaladaas.

Meelaha qaar waxaa laga soo werinayaa cabashada dad shacab ah oo dhulkoodii lagu darsaday boobka iyo kala iibsiga dhulka danta guud ee ka socda Kismaayo. Arrintan waa ka siman yihiin Muqdisho iyo Kismaayo, waxaana la xaraashayaa oo xoog looga saarayaa dadkii deganaa dhulalkii danta guud.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka fal-celiyey warkii ka soo baxay Trump

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka fal-celiyey warka ka soo baxay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee uu ku sheegay in ay Soomaaliya ka fuliyeen weerar ka dhan ah kooxda Daacish. 

“Saaka waxaan amar ku bixiyay in weeraro cirka ah oo si gaar ah loola beegsanayo lagu qaado worsheeyaha sare ee weerarada Daacish iyo argagixisada kale ee uu ku soo qortay kuna hoggaaminayay gudaha Soomaaliya,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social. 

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in lagu war-geliyey weerarkii Maraykanka ee lala beegsaday hoggaanka sare ee Daacish ee waqooyiga Soomaaliya fiidnimadii caawa. 

Wuxuu qirayaa “taageerada aan kala go’a lahayn ee Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah wuxuuna soo dhaweynayaa ballanqaadka sii socda” ee hoos yimaada hoggaanka go’aanka leh ee Madaxweyne Trump. 

“Hawlgalkii ugu dambeeyay wuxuu xoojinayaa iskaashiga amniga ee xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka ee la dagaallanka khataraha xagjirka ah. Soomaaliya waxay ku taagan tahay inay la shaqeyso xulafadeeda si loo ciribtiro argagixisada caalamiga ah loona xaqiijiyo xasilloonida gobolka,” ayuu madaxweynuhu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth ayaa isna sheegay in weerarada lagu beegsaday xubno ka tirsan Daacish-Soomaaliya oo ku sugnaa buuraha Golis ee gobolka ismaamul hoosaadka Puntland.

“Qiimaynteena horudhaca ah waxay muujinaysaa in dhowr xubnood lagu dilay duqeymaha cirka ah, ayna jirin waxyeello soo gaartay dad rayid ah,” ayuu Hegseth ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

“Tallaabadan ayaa sii wiiqaysa awoodda Daacish ee ah inay qorsheeyaan oo ay fuliyaan weeraro argagixiso oo khatar ku ah muwaadiniinta Mareykanka, saaxiibbadayada, iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxayna farriin cad u direysaa in Mareykanku mar walba u diyaar garoobayo inuu helo oo uu ciribtiro argagixisada khatarta ku ah dalka Mareykanka iyo xulufadiisa.”

US launches airstrikes on IS in Somalia, Trump says

Mogadishu, Somalia – The US military carried out airstrikes targeting Islamic State group (ISIS) militants in Somalia on Saturday, the first such operation in the country during the current US presidential term. President Donald Trump announced the strikes on his social media platform.

The strikes, which were authorized by President Trump and coordinated with the Somali government, targeted ISIS operatives in the Golis Mountains, according to a statement from US Secretary of Defense Pete Hegseth.

‘Multiple’ ISIS operatives killed

“At President Trump’s direction and in coordination with the Federal Government of Somalia, I authorized U.S. Africa Command to conduct coordinated airstrikes today targeting ISIS-Somalia operatives in the Golis mountains,” Hegseth said in a statement released on Saturday.

The Pentagon’s initial assessment indicated that “multiple operatives” were killed in the strikes and that no civilians were harmed. “This action further degrades ISIS’s ability to plot and conduct terrorist attacks threatening U.S. citizens, our partners, and innocent civilians,” Hegseth added.

He emphasized that the operation sends “a clear signal” that the United States is prepared to “find and eliminate terrorists” who threaten the US and its allies.

President Trump, in a post on his social media platform, stated that a senior ISIS planner and his recruits were targeted in the operation. He claimed credit for the strikes, asserting that they had been in planning for years but that previous administrations had failed to act.

“The message to ISIS and all others who would attack Americans is that ‘WE WILL FIND YOU, AND WE WILL KILL YOU!'” he declared.

The identity of the senior ISIS planner and whether they were killed in the strike remain unconfirmed.

Somali President Hassan Sheikh Mohamud said he was informed of the U.S. strike targeting senior ISIS leadership in northern Somalia this evening.

He acknowledges “the unwavering support of the United States in the fight against international terrorism and welcomes the continued commitment” under the decisive leadership of President Donald Trump.

“This latest operation reinforces the strong security partnership between Somalia and the United States in combating extremist threats. Somalia remains resolute in working with its allies to eliminate international terrorism and ensure regional stability,” the president said in a statement on X.

ISIS presence in Somalia

While ISIS has a smaller presence in Somalia compared to the Al-Qaeda-affiliated Al-Shaaab, experts have expressed concerns about its growing activity in recent years.

The group primarily operates in the remote, mountainous regions of northern Somalia. According to the International Crisis Group, the number of ISIS militants in the country is estimated to be in the hundreds, mainly scattered in the Cal Miskaat mountains within Puntland’s Bari region.

The Golis Mountains, where the latest strikes took place, are a rugged mountain range extending across northern Somalia. The difficult terrain has long provided a haven for various armed groups operating in the region.

US Africa Command (AFRICOM) has conducted airstrikes against ISIS militants in Somalia, such as in May, in which three militants were killed.

Recent reports from US intelligence officials indicate that ISIS cells in Somalia have been receiving increased direction from the group’s core leadership.

This includes guidance on kidnapping Westerners for ransom, improving military tactics, evading drone surveillance, and developing their own small quadcopter capabilities.

Somalia has been grappling with instability and conflict for decades, with Al-Shabab being the dominant insurgent group. The emergence of ISIS in Somalia, though relatively small, adds another layer of complexity to the security landscape.

The Federal Government of Somalia, supported by the African Union peacekeepers (AUSSOM) and international partners like the United States, has been engaged in a protracted effort to combat both Al-Shabab and ISIS.

The first major US airstrike against ISIS in Somalia was in November 2017, and there have been hundreds of strikes since then.

DONALD TRUMP oo amray weerar laga fuliyey Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ayaa Sabtida maanta ah fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada kooxda Daacish ee gudaha Soomaaliya, sida uu shaaciyay Madaxweyne Donald Trump.

“Saaka waxaan amar ku bixiyay in weeraro cirka ah oo si gaar ah loola beegsanayo lagu qaado worsheeyaha sare ee weerarada Daacish iyo argagixisada kale ee uu ku soo qortay kuna hoggaaminayay gudaha Soomaaliya,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth ayaa isna sheegay in weerarada lagu beegsaday xubno ka tirsan Daacish-Soomaaliya oo ku sugnaa buuraha Golis ee gobolka ismaamul hoosaadka Puntland.

“Qiimaynteena horudhaca ah waxay muujinaysaa in dhowr xubnood lagu dilay duqeymaha cirka ah, ayna jirin waxyeello soo gaartay dad rayid ah,” ayuu Hegseth ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

“Tallaabadan ayaa sii wiiqaysa awoodda Daacish ee ah inay qorsheeyaan oo ay fuliyaan weeraro argagixiso oo khatar ku ah muwaadiniinta Mareykanka, saaxiibbadayada, iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxayna farriin cad u direysaa in Mareykanku mar walba u diyaar garoobayo inuu helo oo uu ciribtiro argagixisada khatarta ku ah dalka Mareykanka iyo xulufadiisa.”

Kooxda Daacish ayaa joogitaan kooban ku leh gudaha Soomaaliya marka loo eego kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, laakiin khubarada ayaa ka digay dhaq-dhaqaaqooda oo la sheegay inuu sii kordhayo.

“Fariinta loo dirayo Daacish iyo dhammaan kuwa kale ee weerari lahaa dadka Ameerikaanka ah waa ‘WAAN IDIN SOO HELAYNAA, WAANA IDIN DILAYNAA!’,” ayuu Trump ku soo gaba-gabeeyay qoraalkiisa.

Waa wareerkii ugu horreeyey ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya tan iyo markii uu Trump xilka dib ula wareegay 20-kii Janaayo, 2025.

Sawirro: DF iyo Turkiga oo ciidan cusub oo GorGor ah tababar ugu soo xiray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta dugsiga tababarada ciidamada xoogga dalka ee TurkSom uga qeyb-galay munaasabad lagu dhaarinayey cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadaan ayaa loo soo xiray tababar adag oo muddo uga socday TurkSom, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadaan looga fadhiyo sidii ay cadowga uga difaaci lahaayeen xudduudaha dalka ee cir, dhul iyo bad.

Intii ay socotay Munaasabadda dhaarta ayaa ciidanku waxa ay soo bandhigeen dhoollatus iyo gaardis ka tarjumaya tayada iyo xirfadda sare ee lagu carbiyey, kuwaas oo loo diyaariyey door muhiim ah in ay ka qaataan dagaalka dalka looga sifeynayo  kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in qalabaynta ciidanka Gorgor ay tahay astaan muujinaysa horumarka iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, isaga oo caddeeyey in laga sugayo sidii ay amniga dalka ula wareegi lahaayeen marka ay baxaan Ciidanka Midowga Afrika.

“Komaandooska Gorgor, waa ciidan lagu han-weyn yahay oo laga doonayo in ay laf-dhabar u noqdaan geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira cadowga, aniga oo og in aad tihiin ciidan sharaf badan, dhaqan wanaagsan oo geesiyaal ah, runtii shacabka Soomaaliyeed waxa uu idinka doonayaa in aad ka dhabaysaan dhaarta aad marteen, oo aad dadkiinna iyo dalkiinna si sharaf ugu adeegtaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeeyay ciidammada dhammeystay tababarka ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga tababarka ay siiyeen ciidanka ee muujinaya xirfadda wanaagsan ee la baray, waxa uuna xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta tayada, tababarka iyo qalabaynta Ciidanka qalabka sida, si ay awoodda ugu yeeshaan xaqiijinta amniga dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Militeriga Turkiga, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka qeyb galay munaasabadda ciidankaan cusub loogu soo xiray tababarka.

TURKIGA oo wafdi culus usoo diray Muqdisho + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi sare oo ka socda dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kaas oo uu hoggaaminayo taliyaha guud ee ciidanka dalkaasi Janaraal Metin Gürak.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in safarka taliyaha iyo wafdigiisa uu la xiriiro dhowr arrimood oo xasaasi ah, waxaana Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta dowladda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa innoo sheegay in taliyaha ciidanka Turkiga uu la kulmo doono madaxweynaha Soomaaliya, dhiggiisa taliyaha ciidankada, uuna sidoo kale booqan doono xarunta wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Janaraal Metin Gürak uu ka qayb-geli doono munaasanadda qalin-jebinta ku dhowaan 6,000 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka kuwaas oo tababar ciidan ku qaatay xerada ay gacanta dowladdiisa ee lagu diyaariyo ciidamada loo tababaro Soomaaliya.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir xooggan, waxayna Ankara ka taageertaa Muqdisho dib u dhiska ciidamada iyo arrimaha bani’aadanimada.

Booqashadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo sidoo kale lagu wado in Soomaaliya uu soo gaaray madaxweynaha Turkiga ecep Tayyip Erdogan oo dhawaan shaaciyay inuu imaan doono magaalada Muqdisho, kadibna uu uga sii gudbi doono waddanka Itoobiya.

Erdogan ayaa dhex-dhexaadiyay Addis Ababa iyo Muqdisho oo isku qabtay arrinta badda, siaga oo wada-hadallo toos ah u qabatay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, taasi oo soo afjartay khilaafkii sanadka ka dhex aloosna labada dal, kaas oo mar ku sigtay gacan ka hadal.

Macawiisleyda Xawaadle oo sameeyay arrin cajiib ah oo maanta ka dhacday jiida hore

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya waxaa mar kale dib uga bilowday kacdoon culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxaana dib boorka looga jafay ciidamada dadka deegaanka oo dagaal galay.

Waxaa howlgalladan door muuqda ka qaadanayo Macawiisleyda beesha Xawaadle oo mar kale u istaagay in deegaankooda ay ka xoreeyaan Al-Shabaabka ku sugan gobolka Hiiraan.

Ciidamada Macawiisleyda ayaa maanta sameeyay arrin cajiib ah, waxaana la arkayay dhalinyaro kamid ah dadka deegaanka oo aan hub wadan, isla markaana xaadiray jiidda hore ee dagaalka, si ay ugu biiraan.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in dhalinyaradaan ay ku tashanayaan inay soo qaataan hubka laga soo furto maleeshiyaadka argagixisada, si ay isla iyaga ugula dagaalamaan, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan kadib muqaallo lagu baahiyay baraha bulshada Internet-ka.

Ujeedka ciidamadan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay inay ka qayb-qaadan doonaan laba kacleynta howlgallada lagu doonayo in lagu xoreeyo bariga gobolka Hiiraan.

Dhaqaajinta howlgalladan ayaa waxaa sidoo kale hormuud u ah ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cismaan, kaas oo jimcihii shalay qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlay dagaalka Al-Shabaab, isaga oo soo bandhigay guullo ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaal socday 48-kii saac ee lasoo dhaafay.

Cali Jeyte ayaa sheegay in dhulkii ugu muhiimsanaa ee Jiinka Wabiga Shabeelle ay ka xoreeyeen kooxda, dagaalyahanno badana ay uga laayeen.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ajaanib Shabaab ah ay ku dileen dagaalka, isagoo hoosta ka xariiqay in dalkaan aysan nabadi ka dhacayn iyadoo aan Shabaab laga xoreyn.

“Ajaanib ayaa ku dhimatay dagaalka, welina kuwaa ku jira buurahaas, waan la yaabnay, anigaan oo deegaanka u dhashay kuma noolaa karo halkaan, kuwo kale oo deegaankaan aan u dhalan ayaan ku dilnay dagaalka, inta hartana waa laga sifeynayaa,” ayuu yiri Jayte.

Xaaladda Hiiraan ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada deegaanka oo kaashanayaa kuwa dowladda ay kusii siqayaan deegaano dhowr ah oo dhaca Jiinka Wabiga Shabelle.

Fahad Yaasiin oo dacwo ka ah madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaciyay inuu dacwo ka yahay madaxweyne Xasan, isaga oo ka hadlay arrinya dhulalka.

Fahad Yaasiin oo si dadban weerar culus ugu qaaday madaxweynaha ayaa ku eedeeyay in xaraash iyo xoolo jaban uu ku iibinayo dhulalka danta guud, iyada oo aan la diyaarin shuruucdii loogu talagalay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in lacagaha lagu iibiyo hantida dadweynaha ay ku dhacaan jeebka shaqsiyaad gaar ah, isla markaana lagu aruuriyo boorsooyin, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyihii hore ee NISA oo haatan dibad joog ah ayaa sidoo kale ka dalbaday xisaabiyaha guud iyo hantidhowraha qaranka inay qaadaan tallaabo la xiriira arrinta dhulalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo inta badan la iibiyay dhulalkii danta guud ee ku yaallay caasimada, isla markaana laga barakiciyay qoysaskii muddada dheer degannaa.

Hoos ka akhriso qoraalka Fahad Yaasiin oo dhammeystiran:-

KA: La taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin

Ujeedo: Dacwad Masuul la Aaminay

Salaanta Islaamka kaddib,

Sidaan ognahay Madaxweynaha  Jamhuuriyadu waa ilaaliyaha danta guud. Waajibaadkiisa waxaa kamid ah inuu dhawro hantida qaranka iyo tan gaarka loo leeyahay labadaba.

Mudane Madaxweyne, waxaan ashtako ka nahay muwaadin awood buuxda leh oo ku xad gubaya hantidii qaranka;

  1. Iyadoo aanan la diyaarinin shuruucdii iibka hantida guud ee qaranka ayuu ninkaasi beecinayaa dhulalkii danta guud, isagoo ku iibinaya xaraash iyo xoolo jaban.
  2. Lacag lagu sheegay qiimaha dhulalka danta guud, iyadoo boorsoooyin lagu sido, ayaa si toos ah loogu geeyaa gurgiisa. Awoodaas lacag qabashada yaa siiyey?
  3. Xisaabiyihii Guud, iyo Hanti Dhawrihii Guud ee Qaranka labadiiba way ka aamusan yihiin, ee bal masuuliyiintaas la hadal, oo ha furaan galal fatashaad iyo baaris ah si ay warbixin uga soo diyaariyaan, oo kuugu keenaan.

Xogta diyaarad Drone ah oo lagu arkay dusha sare ee Villa Somalia iyo rasaas lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo xalay lagu arkay hawada sare ee Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo sidoo kale laga maqlay rasaas xooggan.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in diyaaradda oo ahayd Drone ay laba mar kusoo laabatay agagaarka Villa Somalia, kadibna waxaa ka shakiyay ciidamada ammaamka oo rasaas ku furay.

Cabsi wayn ayaa la dareemay, waxaana looga shakiyay in diyaaraddu sidday qaraxyo, ujeedkeeduna uu ahaa inay bartilmaameedsato Villa Somalia oo si weyn loo ilaaliyo.

Ciidamada ilaalada ee xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa la sheegay inay qoray Dhashiikaha u adeegsadeen diyaaradda, kadibna ay sidaasi ku carartay, waxaana rasaasta si weyn xalay looga maqlay xaafado ka tirsan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan diyaaraddaas oo shaki wayn gelisay reer Muqdisho iyo laamaha ammaanka Soomaaliya.

Dhowaan ayaa waxaa soo baxay digniino sheegaya in suuragal ay tahay in Al-Shabaab ay adeegsan karto diyaarado Drone ah oo qaraxyo sida, sida lagu sheegay warbixinno kasoo baxday hay’adaha caalamiga ah ee deggan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Maalmo kahor ayay ahayd markii ay Puntland soo ridday diyaarado qaraxyo laga soo buuxiyay oo ay Kooxda Daacish dooneysay inay ku beegsato ciidamada maamulkaasi ee haatan howlgallada culus ka wada dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Qaar ka mid ah askarta DF oo u goostay Kenya + Sababta

Gaarisa (Caasimada Online) – Ugu yaraan 11 askari oo Somali-Kenyan ah oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) ayaa isu dhiibay Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ee ku sugan deegaanka Hulugho ee Gobolka Garissa, kaddib markii ay sheegeen in ay kala kulmeen takoor iyo dhibaateyn taliyeyaashooda.

Kooxdan ayaa laga dhigay hub ka koobnaa siddeed qori oo AK-47 ah, qoriga garbaha laga rido ee RPG-ga iyo qoriga PKM kuwaasoo ay la wareegeen saraakiil ka tirsan ciidanka. Askarta ayaa sidoo kale dhiibay 826 xabbo oo rasaas ah.

Ciidanka KDF ayaa markii hore helay xog sheegaysa in askar ka socota dalka deriska ah ay ku sii jeedaan deegaanka Garabey ee isla Hulugho.

Koox ciidan oo isku dhaf ah oo uu hoggaaminayo Gaashaanle (Major) Ali Mohammed oo ka tirsan KDF ayaa u dhaqaaqay goobta, halkaas oo ay ka heleen askartii oo fadhida oo sugaya tilmaamo dheeraad ah.

Qoryo kala duwan

Mid ka mid ah askartii goosatay, oo lagu magacaabo Cabdi Dekoo, 22 jir ah, kana soo jeeda deegaanka Kolbio, ayaa ku hubaysnaa qori AK-47 ah oo wata 30 xabbo, halka Maxamed Sambul Cali oo 35 jir ah, kana degan magaalada Garissa, uu watay qoriga garbaha laga rido ee RPG-ga iyo saddex madax-gantaal.

Magacyada askarta kale ayaa kala ah: Osman Job Aden (30 jir), Feisal Ali Yusuf (25 jir), Abdulahi Mohammud (60 jir), Idris Ibrahim Ali (52 jir), Dalma Hussein Khalif (26 jir), Abdi Guled Musa (40 jir), Feisal Ibrahim Bakal (21 jir), Bule Aden Doya (60 jir), iyo Ali Sheikh Abdi (75 jir), kana soo jeeda Hulugho, kaas oo aan hubeysnayn.

“Sababaha ay u goosteen ayaa lagu sheegay inay tahay dhibaato iyo takoor ay kala kulmeen madaxdooda ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliya. Dhammaan hubkii waxaa lagu wareejiyay taliyaha KDF ee Hulugho,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saareen booliisku.

Ma jiro wax war ah oo illaa iyo hadda ka soo baxay taliska KDF ee Nairobi iyo SNA oo ku saabsan dhacdooyinkan ugu dambeeyay.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed dib loogu celin doono magaalada Muqdisho, halka kuwa Kenyan-ka ahna su’aalo la weydiin doono si tallaabo dheeraad ah looga qaado.

Aagga ay ka soo baxsadeen, oo ku yaalla Jubaland, ayaa waxaa horey uga dhacayay iska hor-imaadyo u dhexeeya ciidammada deegaanka iyo kuwa SNA. Isku dhacyadan ayaa ka dhashay doorashooyin lagu muransan yahay oo ka dhacay maamul-goboleedka.

Ciidamada Gobolka

Bartamihii bishii December ee sannadkii hore, ciidammada maamul-goboleedka Jubaland ayaa isku dhaceen ciidammada Xoogga Dalka ee ku sugan Raaskambooni, iyadoo xukuumadda Jubaland ay markii dambe sheegtay inay ka adkaadeen ciidammada SNA.

Ku dhawaad 240 askari oo ka tirsan SNA, oo uu ku jiro taliyahoodii, ayaa isu dhiibay, halka qiyaastii 300 oo kale ay u carareen Kenya, iyagoo hubkoodii ku wareejiyay KDF. Ciidammada Jubaland ayaa sidoo kale la wareegay xeradii, waxayna dab qabadsiiyeen qaar ka mid ah gaadiidkii halkaas yaallay.

Tobannaan askari oo ka tirsan SNA ayaa la sawiray iyagoo magangalyo ka raadsanaya goob ay gacanta ku hayeen hay’adaha amniga Kenya oo ku taal magaalada xuduudda ah ee Ishiakani, xilli ay socdeen iska hor-imaadyo hubeysan oo ka dhacayay aagga Raaskambooni oo u dhexeeyay ciidammada dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedka Jubaland.

Askartan ayaa markii dambe hubkoodii lala geeyay magaalada Muqdisho.

Ciidanka Qaranka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay ka bixitaankooda gobolka Jubbada Hoose kaddib weerarka. Waxay sidoo kale horay ugu eedeeyeen Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe inuu heshiis qarsoodi ah la galay Al-Shabaab, oo joogitaan xooggan ku leh baadiyaha Jubbada Hoose, kaas oo u ogolaanaya kooxda in ay si nabad ah u weeraraan SNA.

Xiisadaha u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Madoobe ayaa sare u kacayay bilihii la soo dhaafay, iyadoo khilaafka uu salka ku hayo natiijadii doorashadii madaxtinimada maamulka Jubaland.

Saraakiil amni oo dheeraad ah ayaa loo daad-gureeyey xuduudda Kenya iyo Soomaaliya si wax looga qabto xiisadda ka dhalatay isku dhacyada, marka laga soo tago faragelinno caalami ah oo lagu xakameynayo khatarta argagixisada.

Intii u dhaxeysay November iyo December sannadkii hore, Hay’adda Booliska Caalamiga ah (Interpol) ayaa ugu yaraan 17 tuhmane oo argagixiso ah ku xirtay gudaha Kenya intii lagu guda jiray howlgal caalami ah oo ka dhan ah argagixisada oo ka dhacay Bariga Afrika, kaas oo horseeday in la xiro 37 tuhmane guud ahaan, isla markaana la qabto hub fudud iyo hub culus labadaba.

Rooble oo soo rogaal-celiyey – Maxaa ka dhacay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ahaan kula yeeshayErgeyga KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan, kadib markii uu ergeygu booqasho ku tegay guriga Rooble.

Labada mas’uul ayaa salaan kadib iska  xog-wareystay marxaladda guud ee dalka iyo arrimaha muhiimka u ah horumarka dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Rooble iyo Swan ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda loo qabo sidii dalka looga hirgelin lahaa doorasho xor iyo zalaal ah, isla markaana loo wada dhan yahay kuna qabsoonta waqtigeeda.

“Waxaa Maanta gurigayga igu soo booqday ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Amb. James Swan.. Waxaan fursad u helnay in aan iska xog-waraysano marxaladda guud ee uu Dalku marayo iyo sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta arrimaha muhiimka ah ee Dalka horyaala” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya, qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Soomaaliya ayaa mar kasta oo a gaaro xilliga kala guurka la’isku qabtaa arrinta doorashooyinka, waxaana hadda doodda keenay qof iyo cod oo ay qorsheyneyso inay dalka ka qabato dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Ra’iisul wasaare hore ee Rooble iyo James Swan ayaa si weyn loogu xusuustaa kaalintooda ku aaddaneyd ka gudbiddii marxaladii adkeyd ee uu dalku galay iyo qabsoomiddii doorashadii ugu dheereyd ee gudaha dalka ka dhacday xilligii 2020-2022.

Fatax oo Mareykanka u bandhigtay shirqool yaab leh oo ka dhan ah Xamaas

Riyadh (Caasimada Online) – Maamulka Falastiin, ee ay hoggaamiso kooxda Fatax ayaa u sheegay dowladda Mareykanka in ay diyaar u yihiin inay “la-dagaalamaan” Xamaas haddii ay taasi tahay qiimaha looga baahan yahay si ay ula wareegaan gacan ku haynta Marinka Gaza, xilli ay arrintaas u bandhigayeen ergeyga arrimaha Bariga Dhexe ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, sida uu ogaaday wargeyska Middle East Eye (MEE).

Qorshahan ayaa Talaadadii lasoo dhaafay loo soo bandhigay Steve Witkoff intii lagu guda jiray kulan ka dhacay magaalada Riyadh, waxaana soo bandhigay Xuseen Al-Sheikh, oo ah sarkaal sare oo Falastiini ah, laguna tilmaamo inuu noqon karo beddelka madaxweynaha da’da ah ee Falastiin, Maxamuud Cabbaas, sida uu Middle East Eye u sheegay ilo-wareed lagu kalsoon yahay oo Falastiini ah.

Qorshaha Maamulka Falastiin ayaa saadaalinaya in Marinka Gaza ay maamusho guddi ay aqlabiyaddoodu ka baxsan tahay Marinka.

Kulanka dhexmaray ergayga xallinta khilaafaadka Bariga Dhexe ee Trump iyo Sheikh ayaa waxaa fududeysay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaddib codsi uga yimid Maamulka Falastiin, markii uu Witkoff diiday codsiyadoodii ahaa inay ku kulmaan magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto, sida uu sheegay ilo-wareedku.

Witkoff ayaa markii dambe u safray Israa’iil si uu ula kulmo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu. Waxaa xusid mudan, inuusan wax walaac ah ka muujinin inuu safar ku tago Gaza, isagoo noqday Arbacadii lasoo dhaafay sarkaalkii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo booqda Gaza muddo 15 sano ah.

Sacuudi Carabiya ayaa dhex-dhexaadisay kulanka u dhexeeyay Mareykanka iyo Maamulka Falastiin, laakiin ma aysan dib u eegin qorshaha ka hor inta aysan Maamulka Falastiin u bandhigin Witkoff, ayuu yiri ilo-wareedku.

Waa ayo Ziyaad Abu Camar – Ninka maamulka Falastiin u qaabilsan Gaza?

Ziyaad Abu Camar, oo ka mid ah la-taliyeyaasha muddo dheer u shaqeynayay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, ayaa la filayaa inuu noqdo hoggaamiyaha rasmiga ah ee Marinka Gaza, isagoo hoggaamin doona guddiga. Waxaa loo magacaabi doonaa ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Falastiin Maxamed Mustafa, iyadoo la siin doono awoodo cusub oo aad u ballaaran.

Abu Camar wuxuu ku dhashay Marinka Gaza sannadkii 1950-kii. Waxaa laga yaaba inuu noqdo mid uu aqbali karo maamulka Trump, maadaama uu isaguna yahay muwaadin Mareykan ah. Wuxuu shahaadada PhD ka qaatay Jaamacadda Georgetown, wuxuuna soo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Falastiin intii u dhexeysay 2013-kii illaa 2024-kii.

Abu Camar ayaa si firfircoon uga shaqeynayay sidii loo soo celin lahaa awoodda Maamulka Falastiin ee kooxda Fatah ee Gaza. Wuxuu horey uga soo horjeestay maalgelinta dib-u-dhiska marinka la go’doomiyay kaddib dagaalkii 2014-kii.

“Marka ay dadku ka hadlayaan dib-u-dhiska, waxay ka hadlayaan ku soo noqoshada [Maamulka Falastiin] ee Gaza iyo in Gaza ay maamusho dowlad midnimo qaran ah… Uma maleynayo in dib-u-dhisku uu dhici lahaa haddii kale,” ayuu u sheegay wargeyska Wall Street Journal waqtigaas.

Mareykanka oo shaki Ka muujiyay awoodda maamulka Falastiin

Dhiirrigelintii Maamulka Falastiin ay siiyeen maamulka Trump, ee aheyd in ay diyaar u yihiin inay la dagaallamaan Xamaas, ayaa waxaa meesha ka saaray sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Mareykanka, oo u sheegay Middle East Eye in ay u egtahay “riyo maalmeed”, isagoo intaa ku daray in ay u baahan doonaan taageero ciidan iyo laga yaabo in ay u baahdaan ciidamo ka socda dowladaha kale ee Carabta ama qandaraaslayaal gaar ah.

Maamulka Falastiin waxaa awood badan ku leh xisbiga cilmaaniga ah ee Falastiin, ee Fatax.

Sannadkii 2007, waxaa dagaal dhex maray Fatax iyo Xamaas oo Islaami ah kaddib markii ay Xamaas ku guuleysatay doorashooyinkii baarlamaanka Falastiin ee sannadkii ka horreeyay. Ugu dambeyntii, Xamaas ayaa xoojisay awooddeeda Gaza, halka Fatax ay xoojisay awooddeeda Daanta Galbeed ee la haysto. Dadaalladii lagu heshiisiin lahaa labada dhinac ayaa fashilmay.

Xamaas ayaa ceebeysay Israa’iil iyo Maamulka Falastiin iyagoo muujiyay taageeradooda ballaaran ee shacabka Gaza iyo abaabulkooda ciidan intii lagu guda jiray maxaabiis is-weydaarsi heer sare ah oo dhacay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Cutubyada ciidanka Xamaas ayaa si xor ah uga dhaqaaqay gudaha Gaza, waxayna sugeen is-weydaarsi maxaabiis oo si wanaagsan loo soo agaasimay oo ay goob-joog ka ahaayeen dadweyne Falastiini ah oo aad u faraxsanaa.

Israa’iil waxay sheegtay in ujeeddada dagaalkeedu ay tahay in gebi ahaanba la ciribtiro Xamaas.

Bandhigyadaas ayaa cadaadis lixaad leh saaray Maamulka Falastiin, oo horayba loogu tixgelin jiray mid musuqmaasuq ah oo la shaqeeya Israa’iil, indhaha inta badan shacabka Falastiin ee ku nool Daanta Galbeed ee la haysto.

Hadda, Maamulka Falastiin ayaa si quus ah ugu dagaallamaya in aan gebi ahaanba dhinac loo dhigin tan iyo markii madaxweyne Trump uu ku soo laabtay Aqalka Cad. Tan iyo horraantii bishii December, waxay go’doomin ku hayeen xerada qaxootiga ee Jiniin, iyagoo weerarayay dagaalyahannada iska caabbinta Falastiin.

Tahani Mustafa, oo ah falanqeeyaha sare ee arrimaha Falastiin ee Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah (International Crisis Group), ayaa weerarka ku tilmaamtay “mid ismiidaamin ah” iyo isku daygii ugu dambeeyay ee lagu muujinayo in Maamulka Falastiin uu weli leeyahay awood ciidan.

“Maamulka Falastiin wuxuu ka walaacsan yahay haddii maamul cusub uu ka dhasho Gaza oo aan iyagu ahayn, in dhammaan maalgelintooda loo weecin doono meel kale. Cabsideeda ugu weyn ayaa ah in culeyska siyaasadeed uu ka guuro Daanta Galbeed una guuro Gaza, kana tago iyaga oo gacma maran oo cidlo ah,” ayay Mustafa horey ugu sheegtay Middle East Eye.

Hoggaanka da’da ah ee Ramallah ayaa ahaa udub-dhexaadka qorshaha maamulkii Biden ee ku aaddan maamulka Gaza ee dagaalka kaddib, laakiin madaxweyne Trump wax yar ayuu ka soo hadal qaaday Maamulka Falastiin.

Xaqiiqdii, wax dan toos ah kama uusan muujin Gaza, oo uu ku tilmaamay “goob haatan uun burbursan.”

Wuxuu ugu baaqay Urdun iyo Masar inay aqbalaan Falastiiniyiinta ka imaanaya Gaza, isagoo yiri, “Waxaan u baahannahay inaan goobtaas gebi ahaanba ka sifeyno wixii dhib ku ah.”

Maamulka Falastiin oo ku dhax jira Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta

Intii lagu guda jiray xilligiisii koowaad ee xafiiska, madaxweyne Trump wuxuu hoos u dhigay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Maamulka Falastiin isagoo xiray qunsuliyadda Mareykanka ee Falastiiniyiinta ee Qudus, sidoo kale wuxuu xiray xafiiskii Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) ee Washington DC. PLO waa isbahaysi ka kooban kooxaha Falastiiniyiinta oo uu hoggaamiyo Maamulka Falastiin.

Wiilka uu soddogga u yahay ahna la-taliyihiisa, Jared Kushner, ayaa aad u necbaa Maamulka Falastiin, wuxuuna isku dayay inuu carqaladeeyo iskaashi kasta oo dhexmara Mareykanka iyo Maamulka. Xiisadahaas ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay markii Trump uu gooyay kaalmadii uu siin jiray Maamulka Falastiin. Kushner wuxuu soo jeediyay bishii Maarso 2024 qorshe ah in Falastiiniyiinta si qasab ah looga barakiciyo Marinka Gaza.

Sarkaal sare oo hore oo Mareykan ah ayaa horey ugu sheegay Middle East Eye in Maamulka Falastiin ay u badan tahay in ay wajihi doonaan caqabad adag sidii ay taageero uga heli lahaayeen maamulka Trump.

Gaza waxay fursad u siisay dhaliilaha ugu weyn ee Maamulka Falastiin ee Khaliijka Carabta, Imaaraadka Carabta, si ay ugu riixaan isbeddel hoggaamineed oo Falastiini ah. Imaaraadka Carabta waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay ciidamo nabad-ilaalin ah u diraan Gaza haddii Maamulka Falastiin dib-u-habeyn lagu sameeyo iyadoo Cabbaas uusan qeyb ka aheyn.

Sarkaal Masri ah ayaa horey ugu sheegay Middle East Eye in Cabbaas uu “aad uga carooday” soo jeedintaas.

Waxaa jira khilaaf u dhexeeya Cabbaas, oo Daanta Galbeed xukumayay doorasho la’aan tan iyo 2006-dii, iyo ninkii xoogga badnaa ee Fatax ee Gaza, Maxamed Dahlan, oo ka tirsan culumada cilmaaniga ah ee Falastiin.

Dahlan wuxuu degan yahay Imaaraadka Carabta, waxaana ergey u ah qoyska xukuma Imaaraadka Carabta ee Al-Nahyan. Dahlan waa laga saaray Fatax, laakiin wuxuu ku haystay taageero gudaha Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto isagoo adeegsanaya Isbaheysiga Fatax-Dimuqraadiyadda Isbeddel-doonka.

Sacuudi Carabiya waxay noqon kartaa udub-dhexaadka mustaqbalka Marinka Gaza. Ka sokow haysashada dhaqaale lagu dib-u-dhisayo marinka, waxay u janjeertaa dhexdhexaadnimo dheeraad ah oo ku aaddan la macaamilka kooxaha kala duwan ee Falastiiniyiinta, marka loo eego Imaaraadka Carabta.

Inkastoo ay Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Baxreyn ay u muujiyeen cadaawad Xamaas intii lagu jiray kacdoonkii Carabta, haddana tan iyo markaas waxay noqdeen kuwo aad uga dabacsan Xamaas.

Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, ayaa si cad u sheegay in Israa’iil ay xasuuq ka geysatay Marinka Gaza, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta uu si fagaare ah u marti-qaaday dhiggiisa Israa’iil. Ka hor 7-dii Oktoobar 2023, Riyadh waxay marti-gelisay booqasho uu ku yimid hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyeh, oo ay Israa’iil dishay bishii Luulyo 2024.

SSC-Khaatumo oo guul sheegatay iyo Somaliland oo maxaabiis soo bandhigtay

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada SSC Khaatumo ayaa ku dhawaaqay guul muhiim ah kaddib dagaal culus oo ay ciidamada Somaliland la galeen oo ka dhacay deegaanka lagu muransan yahay ee Shangeed. Labada dhinac ayaa soo wariyay khasaare xooggan, xilli colaadda waqooyiga Soomaaliya ay weli sii xoogeystay.

Tirada rasmiga ah ee khasaaraha wali lama xaqiijin, iyadoo labada dhinacba ay qireen dhimasho iyo dhaawacyo, balse ay bixiyeen warar iska hor imaanaya. Ma jiro ilo madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijiyay khasaaraha.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in subaxnimadii hore la maqlayay rasaas culus oo saacado badan socotay, iyadoo dad badan ay baraha bulshada soo dhigeen muuqaallo iyo warbixinno la xiriira dagaalka.

SSC Khaatumo: Somaliland waa laga adkaaday

Shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Warfaafinta ee SSC Khaatumo, Najiib Barkhadle, ayuu ku sheegay in ciidamadoodu ay si buuxda u fashiliyeen weerar kaga yimid Somaliland, isla markaana ay gacanta ku dhigeen 54 qori fudud iyo maxaabiis dhowr ah.

“Waxaan Somaliland gaarsiinay jab culus, waxaana gacanta ku dhignay hubkoodii iyo maxaabiis ciidan,” ayuu Barkhadle u sheegay warfidiyeennada.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Somaliland inay weerarka bilowday kaddib markii ay ciidamadeedu kusoo dhaqaaqeen fariisimaha SSC Khaatumo, balse ay ku khasbanaadeen inay dib ugu gurtaan deegaanka Qorilugud kaddib markii ay la kulmeen khasaare xooggan.

“Waxaan si cad u sheegeynaa—haddii daandaansiga iyo xasillooni-darrada ay sii socdaan, ciidamadeennu waxay kaga jawaabi doonaan awood buuxda si ay u difaacaan dhulkeenna,” ayuu Barkhadle ku hanjabay, isagoo xusay in SSC Khaatumo aysan aqbali doonin weerarro dambe.

Sidoo kale, Barkhadle wuxuu Somaliland ku eedeeyay in ay gobolka xasillooni-darro ka waddo, isagoo sheegay in ficillada milatari ee Somaliland ay saameyn taban ku yeesheen waddamada deriska la ah, oo uu xusay Itoobiya.

Somaliland oo maxaabiis soo bandhigtay

Dhanka kale, Ciidanka Gaarka ah ee Somaliland (SSB) ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dagaalyahanno ka tirsan SSC Khaatumo iyo gaadiid dagaal intii uu dagaalku socday. Waxay muujiyeen maxaabiista ay qabteen iyagoo u soo bandhigay warbaahinta si ay u muujiyaan guusha ay dagaalka ka gaareen.

Xuddunta muranka labada dhinac waxaa saldhig u ah arrinta gobollada Sool, Sanaag iyo qaybo ka mid ah Cayn, oo Somaliland sheegtay in ay ka mid yihiin dhulkeeda, iyadoo daliishanaysa xuduudihii gumeystaha. Somaliland waxay ku dhawaaqday gooni-isu-taaggeeda 1991, balse wali laguma aqoonsan caalamka.

Dhanka kale, SSC Khaatumo oo bishii Oktoobar 2023 ay si rasmi ah u aqoonsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si cad u diidan tahay xukunka Somaliland, iyagoo doonaya in ay si rasmi ah uga mid noqdaan nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

Dagaalka ayaa saameyn xun ku yeeshay dadka shacabka ah. Sida uu sheegay Golaha NRC (Norwegian Refugee Council), isku dhacyada soo noqnoqday waxay barakiciyeen kumannaan qof, waxayna culays xooggan saareen adeegyada caafimaadka, helitaanka biyaha nadiifka ah iyo sahayda cuntada.

Inkasta oo ay jireen dadaallo nabadeed oo ay wadeen odayaasha dhaqanka iyo diblomaasiyiin caalami ah, wali heshiis rasmi ah lama gaarin. Dagaalka ugu dambeeyay ayaa yimid xilli ay sii kordhayeen hadallo xanafta leh iyo dhaq-dhaqaaq ciidan, taasoo sii hurisay colaadda.

PUNTLAND oo soo saartay go’aan culus oo saameynaya…

0

Garoowe (Caasimada Online) –  Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo saameynayaa warbaahinta madaxa bannaan ee ka howlgasha deegaannada maamulkaasi, kaas oo la xiriira dagaalka lagula jiro Daacish.

Wasaaradda warfaafinta Puntland oo warqad soo saartay ayaa Wariyeyaasha ka mamnuucday inay xiriir toos ah la sameeyaan kooxda, oo ay haatan Puntland kula dagaalamayso dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Sida lagu sheegay qoraalka oo kasoo baxay xafiiska Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir in go’aanan uu ujeedkiisa yahay amar guud oo lagu soo rogay bahda saxaafadda Puntland, isla markaana looga gol-leeyahay in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqa Daacish.

Go’aannada lasoo saaray ayaa waxaa kamid ahaa:-

1-In aan la aadi karin furimaha dagaalka lagula jiro argagixisada iyadoo aaan ogolaansho laga haysan wasaaradda warfaafinta.

2-In aan goobaha hawl-galka lagu casuumi karin cid aan ogolaansho looga hayn wasaaaradda.

3-In aan la baahin karin xogta hawl-galka oo aan laga helin ilaha rasmiga ah ee ay dowladda ugu talo-gashay.

4-In aan wax xiriir ah lala yeelan karin kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalamaya buuraha Calmiskaas.

Si kastaba, Puntland ayaa qaaday guluf ka dhan ah kooxaha argagixisad ah ee ku suga aagga dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo qorshuhu yahay in laga xoreeyo.