28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xasan oo ka hadlay waxa ay ka filayaan Trump iyo sababta uu taageerada uga jari karin

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale adkeeyey sida uu uga go’an yahay ciribtirka Al-Shabab, isaga oo carrabka ku adkeeyey guulaha laga gaaray dhinaca milatariga, kaalinta taageerada Mareykanka, iyo muhiimadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay ammaanka gobolka iyo caalamka.

Ciidamada Soomaaliya ayaa dagaal kula jiray Al-Shabab ku dhawaad labaatan sano. Inkasta oo kooxdaasi weli firfircoon tahay, Xasan Sheekh wuxuu xusay in ciidamada dowladda ay dib u xoreeyeen dhul ballaaran.

“Waxaan si weyn u wiiqnay awooddooda. Ciidamadeennu waxay guul ka gaareen howlgallada. Maanta, waxaan gacanta ku haynaa boqolaal kiiloomitir oo ay Al-Shabaab maamulayeen sanado badan,” ayuu Xasan Sheekh u sheegay The Washington Post.

Si kastaba ha ahaatee, caqabado ayaa weli taagan. “Kadib laba sano oo dagaal aan kala go’ lahayn, ciidamadeennu way daaleen. Laakiin waxaan dib isu abaabulaynaa, waana billaabaynaa olole cusub,” ayuu raaciyey.

Doorka Mareykanka iyo muhiimaddiisa istiraatiijiyadeed

Mareykanka ayaa door muhiim ah ka ciyaaray howlgallada la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya, isaga oo bixiya sirdoon, taageero dhanka saadka ah, kormeer cirka ah, iyo mararka qaar duqeymo ka hortag ah.

“Mareykanka waa xulafadeenna istiraatiijiga ah. Waxay naga caawiyaan helitaanka xogaha sirdoonka, taageerada saadka, kormeerka cirka, mararka qaarna waxay fashiliyaan weerarrada Al-Shabaab,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Wuxuu sidoo kale caddeeyey in askarta Mareykanka aysan ka qeyb qaadan dagaalka dhulka.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu carrabka ku adkeeyey in xasilloonida Soomaaliya ay dani ugu jirto beesha caalamka. “Al-Shabab waa laan ka tirsan Al-Qaeda, waxayna leeyihiin yoolal caalami ah. Dagaalkeenna wuxuu xakameynayaa ballaarinta shabakaddooda Yurub iyo Mareykanka,” ayuu yiri.

“Taageerada Mareykanka waxay ka hortageysaa in kooxdan dib u hesho awood ay ku weerarto meel ka baxsan Soomaaliya.”

Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale ka digay saameynta amni-darrada gobolka, gaar ahaan khatarta ay ku hayso ganacsiga caalamiga ah. “Soomaaliya oo nabdoon waxay muhiim u tahay sugnaanta marinnada ganacsiga caalamiga ah,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya marin-badeedka istiraatiijiga ah ee xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu xusay walaaca sii kordhaya ee la xiriira fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iraan taageerto, isaga oo sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab. “Waxay is dhaafsadaan hub iyo tababar,” ayuu Xasan Sheekh ku eedeeyey.

Mugdiga ka jira siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, wuxuu muddadii uu xilka hayey ee horey kala baxay ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, go’aankaas oo dib loogu laabtay markii Madaxweyne Joe Biden uu xukunka qabtay.

Xasan Sheekh wuxuu muujiyey walaac ku saabsan suurtagalnimada in Trump dib u qaado go’aankaas haddii uu mar kale xilka qabto.

“Waxaan ka codsaneynaa Madaxweyne Trump inuusan dib ula bixin la-taliye-yaasha iyo khubarada Mareykanka ee tababara ciidamadeenna gaarka ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Xaqiiqdii, waxaan codsaneynaa in la kordhiyo tiradooda si aan Al-Shabaab u ciribtirno.”

Markii la weydiiyey haddii Soomaaliya ay la dagaallami karto argagixisada iyada oo aan taageero ka helin Mareykanka, Xasan Sheekh wuxuu hoosta ka xarriiqay in dagaalka Soomaaliya uu ka duwan yahay colaadaha kale sida midka Ukraine.

“Ukraine waa dagaal u dhexeeya laba dal. La dagaallanka kooxaha argagixisada waa arrin kale. Waxaan u baahanahay taageero,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu qiray in sawirka caalamiga ah ee Soomaaliya weli saameyn ku leeyahay khilaafaadkii hore. “Mareykanku waxay Soomaaliya ka garanayaan filimada Black Hawk Down iyo Captain Phillips, kuwaas oo muujinaya kaliya dhibaato iyo khatar. Laakiin Soomaaliya maanta ma aha sidii hore,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh wuxuu sawir ka bixiyey mustaqbal ay Soomaaliya ka xorowday Al-Shabaab, una noqotay xulafo la isku halleyn karo oo Mareykanka ah. “Waxaan rabnaa Soomaaliya xasilloon, dimuqraadi ah, oo Mareykanka la leh iskaashi dhow,” ayuu ku soo gabagabeeyey.

Xogta duqeyn culus oo lala beegsaday Al-Shabaab

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) –  Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay deegaanka Hilowle Gaab ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab oo ku taalla deegaankaasi oo ay howlgallo culus ka wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda, balse ma shaacin tirada rasmiga ah.

Sidoo kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqleen jugta madaafiicda iyo duqeymaha lagu garaacay aaga deegaanka Hilowle Gaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Khamiistii ayey aheyd markii sidaan oo kale duqeyn lagu beegsaday Al-Shabaab looga fuliyay gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanno dhaca jinka wabiga Shabelle.

Si kastaba, HirShabelle ayaa kamid ah meelaha ay haatan ka socdaan dagaallada ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo khasaare badan lagu gaarsiiyay Shabaab.

Somalia: 11 Somali-Kenyan soldiers desert SNA

GARISSA, Kenya – Eleven Somali-Kenyans serving in the Somali National Army (SNA) defected and surrendered to Kenyan forces, alleging discrimination and harassment by their Somali commanders, officials said.

The incident highlights ongoing tensions in the volatile Jubaland region of Somalia, where disputes over regional elections and the presence of al-Shabaab militants continue to fuel instability.

The group surrendered to Kenya Defence Forces (KDF) troops in Hulugho, Garissa County, near the Kenyan-Somali border. They were disarmed, and Kenyan authorities confiscated eight AK-47 assault rifles, a Rocket Propelled Grenade (RPG) launcher, a PKM machine gun, and 826 rounds of ammunition.

Defectors allege mistreatment in SNA ranks

“The reasons for defections were allegedly harassment and discrimination by their bosses from the Somali National Army,” a Kenyan police report stated. The defectors, ranging in age from 21 to 75, included both armed and unarmed individuals.

One was identified as Mohamed Sambul Ali, 35, a resident of Garissa township, armed with an RPG launcher, and the other named defector was Abdi Dekoo, 22, from Kolbio, armed with an AK-47 rifle.

The remaining nine defectors were identified as Osman Job Aden, 30; Feisal Ali Yusuf, 25; Abdulahi Mohammud, 60, Idris Ibrahim Ali, 52, Dalma Hussein Khalif, 26, Abdi Guled Musa, 40, Feisal Ibrahim Bakal, 21, Bule Aden Doya, 60, and Ali Sheikh Abdi, 75. There was no immediate comment from the KDF or the SNA regarding the defections.

Jubaland: A Region plagued by tensions

The defections come amid a backdrop of heightened tensions in Somalia’s Jubaland state. The region, which borders Kenya, has been a flashpoint for conflict between the SNA and Jubaland regional forces, particularly since disputed regional elections last year.

Jubaland’s President, Ahmed Madobe, a key Kenyan ally in the fight against al-Shabaab, secured a controversial victory that the Somali federal government has contested under President Hassan Sheikh Mohamud.

In mid-December 2023, clashes erupted between Jubaland regional forces and SNA troops in Raaskamboni, resulting in the surrender of approximately 240 SNA soldiers and the subsequent withdrawal of SNA forces from the Lower Juba region.

The incident further strained relations between Mogadishu and Kismayo, Jubaland’s capital.

Al-Shabab exploits regional instability

The ongoing political instability in Jubaland has created a security vacuum that al-Shabaab, an al-Qaeda-linked terrorist group, has sought to exploit. The SNA has previously accused Madobe of striking a deal with al-Shabaab, allowing the group safe passage to attack SNA positions – a claim Madobe denies.

Al-Shabaab has maintained a significant presence in the rural areas of Lower Juba, frequently launching attacks on both SNA and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) forces, formerly known as AMISOM.

Kenya plays a crucial role in Somalia’s regional security efforts. The KDF is a major troop contributor to ATMIS, which is tasked with supporting the Somali government in its fight against al-Shabaab.

Kenya has also been a vocal supporter of Madobe’s administration in Jubaland, viewing it as a buffer against al-Shabaab infiltration into Kenya.

Kenyan authorities have recently increased security presence along the shared border with Somalia in response to the escalating tensions.

In a recent international counter-terrorism operation led by Interpol between November and December last year, at least 17 terror suspects were arrested in Kenya out of a total of 37 suspects apprehended in East Africa. Both small arms and heavy weapons were seized during the operation.

Daawo: Cali Jeyte oo war culus kasoo saaray dagaalka Hiiraan oo ajaanib lagu dilay

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte ayaa qabtay shir jaraa’id oo dagaalka Al-Shabaab uu uga hadlay, sidoo soo bandhigay guulo ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaal socday 48-kii saac ee lasoo dhaafay.

Cali Jeyte ayaa sheegay in dhulkii ugu muhiimaanaa ee Jiinka Wabiga Shabeelle ay ka xoreeyeen kooxda, dagaalyahano badana ay uga laayeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ajaanib Shabaab ah ay ku dileen dagaalka, isagoo hoosta ka xariiqay in dalkaan aysan nabadi ka dhacayn iyadoo aan Shabaab laga xoreyn.

“Ajaanib ayaa ku dhimatay dagaalka, welina kuwaa ku jira buurahaas, waan la yaabnay, anigaan oo deegaanka u dhashay kuma noolaa karo halkaan, kuwo kale oo deegaankaan aan u dhalan ayaan ku dilnay dagaalka, inta hartana waa laga sifeynayaa,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Cali Jeyte ayaa qiray in dagaalka ay soo galeen ciidamada Jabuuti ee Hiil Walaal, kuwaas oo hubka culus ku garaacay Khawaarijta oo gashay dhul buuraley ah.

“Dadka shacabka ah waxaan leeyahay musiibo hadii ay timaado waa la iska kaashadaa ee halkaan musiibaa taallee nagu garab siiya, inta Soomaaliya Shabaab joogo ma degi doonto,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Hoggaamiye Ciidamada Deegaanka wacad ku maray in Shabaab ay dhadhemi doonaan xanuunka ay u geysteen dad badan oo aan waxaba ka galabsan, “waan u aarayaa dadkii ui Shabaab-ku naga dilay waa balan,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Daawo: Sarkaal Ugandan ah oo ku islaamay Sh/Hoose iyo doorka saraakiisha CXD

Afgooye (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanka Lambarkonton ee gobolka Sh/Hoose oo Ashahaadka u qabtay Korneyl ka tirsan Ciidamada AUSSOM oo u dhashay dalka Uganda, kaas oo soo islaamay.

Galabta ayaa goob fagaare ah oo saraakiisha iyo askarta ay isugu yimaadeen, waxaana sarkaalka u dhashay Uganda loo qabtay Ashahaatinka, isagoo cadeeyey inuu islaamay.

Salaadii Casir ee galabta oo Jimco aheyd ayaa markii ugu horeysay la tukaday ciidamada Soomaaliya, waxaana Shabeellaha Hoose ka taagan hadal-heynta arrintaan cajiibka ah.

Sarkaalka islaamay ee soo galay Diinta Islaamka waa kii ugu sareeyey ciidamada AUSSOM ee ku sugan deegaanka Lambar50 ee Sh/Hoose, kuwaas oo ka howlgala deegaano badan oo ka tirsan gobolkaas.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya L/Xidigle Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo ka hadlay goobtii uu ku soo islaamay sarkaalkaan u dhashay dalka Uganda, ayaa sheegay in tani ay tahay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay umadda Islaamka ah.

Sarkaalka islaamay ayaa sheegay inuu weligiisba jeclaa dadka islaamka ah iyo sida ay u cibaadeystaan, iskuna ixtiraamaan, sidoo kale wuxuu cadeeyey inuu ku faraxsan yahay u sida uu ilaahey u waafajiyey islaamnimada.

Afhayeenka Gaashaandhigga oo ka jawaabay hadalkii sarkaalka Islaamay ayaa u sheegay in umadda Soomaaliyeed ee islaamka ah ay ugu hambalyeynayaan go’aankooda, isagoo u cadeeyey in islaamku yahay nabad geliyo iyo naxariis.

Tani waa guul taariikhi ah, ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku jira jihaad ay dalka uga xoreynayaan Khawaarijta, in hadana ay soo islaamiyeen Taliyaha ugu sareeya ciidamada howlgalka u jooga Soomaaliya ee Shabeellaha Hoose.

Hoos ka daawo

 

Somali President: US support key to defeating al-Shabab

MOGADISHU, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud reaffirmed his commitment to defeating al-Shabab, highlighting military progress, the role of U.S. assistance, and the broader security implications of Somalia’s stability.

Somali forces have been battling al-Shabab for nearly two decades. While the group remains active, Mohamud emphasized that government forces have reclaimed significant territory.

“We have pushed and degraded them considerably. Our forces did that. Today, we control hundreds of kilometers that al-Shabab dominated for years,” Mohamud told The Washington Post. 

Despite this progress, challenges persist. “After two years of continuous war, our forces have experienced fatigue. However, we are reorganizing, and a new campaign is underway,” he added.

U.S. support and strategic importance

The United States has played a key role in Somalia’s counterterrorism operations, providing intelligence, logistical support, aerial surveillance, and occasional preemptive strikes.

“The United States has been a crucial partner. They support us in intelligence gathering, logistical support, aerial surveillance, and sometimes preempting attacks by al-Shabab,” Mohamud stated. However, he clarified that no U.S. soldiers are involved in ground combat.

Mohamud stressed that Somalia’s stability is in the international community’s interest. “Al-Shabab is linked with al-Qaeda and has global ambitions. Our fight prevents them from expanding their networks into Europe and America,” he said. “The U.S. support ensures that these terrorists do not regain the capacity to launch attacks beyond Somalia.”

The Somali president also warned of the regional impact of insecurity, particularly on global trade. “A more stable and secure Somalia will help secure global trade routes,” he said, referencing the strategic shipping lanes off Somalia’s coast.

He also pointed to growing concerns over Iranian-backed Houthi rebels in Yemen, alleging links between them and al-Shabab. “They exchange weapons and training,” Mohamud claimed.

Uncertainty over future U.S. policy

During his first term, U.S. President Donald Trump withdrew American troops from Somalia, a decision reversed by President Joe Biden in 2022. Mohamud expressed concerns about the potential for another withdrawal under a future Trump administration.

“We urge President Trump not to pull out the American advisers and consultants who train our special forces,” Mohamud said. “In fact, we are requesting an increase in their numbers to eliminate al-Shabab.”

When asked whether Somalia could sustain its counterterrorism efforts without U.S. assistance, Mohamud differentiated Somalia’s fight from conflicts like Ukraine. “Ukraine is a war between two nations. Fighting terrorist groups is different. We need support,” he said.

Mohamud acknowledged that Somalia’s international image remains influenced by past conflicts. “Americans know Somalia from movies like Black Hawk Down or Captain Phillips, which portray it as dangerous. But Somalia is not what it used to be,” he said.

Mohamud envisions a stable Somalia that is a long-term partner of the U.S. “We want a Somalia free from al-Shabab. We want a democratic country and a strong ally of the United States,” he concluded.

Xasan Sheekh: Xubno ku dhow Trump ayaa doonaya aqoonsiga Somaliland

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xaqiijiyey in xubno ku dhow madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay doonayaan in la aqoonsado Somaliland, balse aysan walaac badan ka qabin.

Wareysi uu siiyay The Washington Post, ayuu Xasan Sheekh wuxuu rajo ka muujiyay sii xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka xilligan xukuumadda Trump, inkasta oo uu jiro walaaca ah in xubno ka tirsan maamulka cusub ay taageerayaan aqoonsiga Somaliland.

“Waxaan had iyo jeer xiriir adag la lahayn Mareykanka,” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Inkasta oo aanan hubin sida ay xukuumadda cusub uga falcelin doonto arrimaha gobolka, ma filayno wax isbedel taban ah.” Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in shakhsiyaad ka tirsan xukuumadda Trump ay kor u qaadeen suurta-galnimada aqoonsiga Somaliland, arrintaas oo uu si cad uga soo horjeedo.

Xasan Sheekh wuxuu dib u xusay midnimada taariikhiga ah ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay saldhigga sharci iyo siyaasadeed ee ay ku dhisan tahay qarannimada dalka.

“Soomaaliya waa qaran mid ah. Waxay xorriyad ka qaadatay gumeystayaashii 1960, markaas oo Somaliland—oo ahayd xukun hoos tagi jiray Ingiriiska—iyo koonfurta Soomaaliya—oo ahayd mustacmarad Talyaani—ay midoobeen si ay u sameeyaan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Wuxuu qiray in dagaalkii sokeeye ee 1991 uu horseeday in Somaliland isku daydo inay gooni uga go’do Soomaaliya, balse dowladdiisu aysan aqoonsan doonin kala go’aasi.

Isagoo ka hadlayay saameynta ballaaran ee aqoonsiga Somaliland, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka digay in wax-ka-beddelka xuduudaha Afrika uu horseedi karo xasillooni-darro baahsan.

“Haddii xuduudaha Afrika la beddelo, waxay abuuri doontaa khatar weyn iyo dhibaatooyin aan xad lahayn oo ka dhaca qaaradda,” ayuu xusay.

Inkasta oo Somaliland ay qabatay doorashooyin, wuxuu meesha ka saaray fikradda ah in doorasho kaliya ay ku filan tahay gooni-isu-taag. “Doorasho maaha, sida aan u arko, shardi lagu go’aamin karo madax-bannaanida qaran,” ayuu adkeeyay.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa wuxuu xoojinayaa sida ay dowladdiisu uga go’an tahay ilaalinta midnimada qaranka iyo wadajirka dhuleed, xilli ay sii socdaan isbeddellada juqraafiyeed ee caalamka.

Iyada oo xukuumadda Trump ay la wareegeyso talada, hoggaanka Soomaaliya wuxuu rajeynayaa in Mareykanku sii wado taageerada midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Ciidanka Jabuuti oo wata hub culus oo ku biiray dagaalka ka socda Hiiraan

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah howl-galka cusub ee AUSSOM ayaa maanta ku biiray howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Howl-galladan ay ciidankan ku biireen ayaa waxay si gaar ah uga socdaan haatan deegaannada hoostaga magaalada Buulo-burte ee dowlad-goboleedka Hir-Shabelle.

Gaadiidka dagaalka, hubka culus ee PM-ka ee duqeymaha iyo askarta lugta ee Jabuuti ayaa si toos ugu biiray howl-galkan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka Jabuuti.

“Kadib markii aan kulamo wada-jir ah qaadanay saraakiisha ciidanka federaalka iyo kuwa AUSSOM waxaa isla dejinay qorshaha dagaalka si la isugu furo waddooyinka muhiimka ah,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha Jabuuti ee ciidankan horkaceysa.

Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa howl-galka kaalin weyn ku leh, iyaga oo deegaannada qaar sii gaaray kaddib markii la sheegay in ay isaga baxeen kooxda Al-Shabaab, maadaama duqeynta qoryaha culus halkaas lagu beegsaday.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa socda in ka badan 24 saac oo xiriir ah, sida uu sheegay sarkaal katirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana laga gaaray natiijo wax ku ool ah.

Duqa magaalada Istanbul ee ay is-hayaan Erdogan oo maxkamad lasoo taagay

Istanbul (Caasimada Online) – Duqa mucaaradka ka tirsan ee magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu, ayaa Jimcaha maanta ah si adag u cambaareeyay waxa uu ugu yeeray “cadaadis dhanka garsoorka ah” oo lagu hayo, iyadoo kumanaan taageerayaashiisa ah ay caddaalad ka dalbanayeen maxkamadda horteeda.

Imamoglu, oo ah ninka ugu weyn ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan kaga soo horjeeda dhinaca siyaasadda, ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu warbixin siiyay xeer ilaalinta, taasoo la xiriirtay laba baaritaan oo lagu furay horraantii bishan.

Waxa uu sidoo kale wajahayaa dhowr dacwadood oo kale oo sharci ah.

“Waxaan la kulmeynaa cadaadiskii garsoor ee ugu darnaa ee ka jira Istanbul,” ayuu u sheegay taageerayaashiisii isku soo baxay, isagoo dul taagan saqafka sare ee bas, kaddib markii uu ka soo baxay maxkamadda Caglayan ee Istanbul.

Imamoglu, oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP, isla markaana dib loogu doortay duqa magaalada sannadkii hore, ayaa ballan qaaday inuusan marnaba is dhiibi doonin. “Waan sii wadi doonnaa la dagaallanka dulmiga iyo caddaalad-darrada,” ayuu yiri.

Bayaankiisa Jimcihii wuxuu daba socday laba baaritaan oo lagu hayo hadallo uu ka sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Istanbul iyo markhaati khabiir ah oo ay maxkamaddu magacawday, kaasoo qayb ka ahaa dacwado ka dhan ah golayaasha deegaanka ee CHP ay maamusho.

Waxaa loo haystaa inuu geystay hanjabaad, aflagaado, iyo bartilmaameedsi sarkaal, iyo waliba isku day ah inuu saameyn ku yeesho maxkamadeyn caddaalad ah.

Qoraal uu u gudbiyay xeer ilaaliyaha, oo nuqul ka mid ah ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP, ayuu Imamoglu ku beeniyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo xusay inuu si xor ah u adeegsanayay xorriyatul qawlka.

“Ma jirin wax hanjabaad ah ama bartilmaameedsi ah oo ku jiray hadalladeyda. Waxa aan sheegay uun waxay ahaayeen fikirkeyga xorta ah,” ayuu yiri. “Xorriyatul qawlku waa xuquuq dastuuri ah, taasoo ay ka mid tahay in xaq loo yeesho dhaleeceynta hay’adaha garsoorka iyo hab-shaqeedkooda,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

‘Shirqool’

Isagoo la hadlayay taageerayaashiisii aadka u tirada badnaa, Imamoglu wuxuu shaaca ka qaaday in “shirqool” la maleegay.

Dhanka kale, Duqa mucaaradka ee Ankara, Mansur Yavas, oo isna goobta joogay si uu u taageero, ayaa ku eedeeyay dowladda Turkiga inay dalka u beddeshay “xabsi weyn oo furan.”

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa si joogta ah u beegsada suxufiyiinta, qareennada iyo wakiillada siyaasadeed ee la soo doorto, gaar ahaan tan iyo afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii.

Tusaale ahaan, Maxkamad ku taalla Istanbul ayaa Khamiistii amartay in la soo xiro wariye ka tirsan telefishin mucaarad ah, kaddib markii uu baahiyay wareysi ay mas’uuliyiintu sheegeen in lala yeeshay qofka wareysiga bixiyay, iyadoo uusan oggolaansho ka haysan – qofkaas oo ahaa isla khabiirkii ay maxkamaddu magacawday ee Imamoglu dhaleeceeyay.

Dadkii isugu soo baxay waxaa ka mid ahaa taageerayaal qaar oo xirnaa maaskaro ay ku sawiran tahay wejiga Imamoglu, halka kuwa kalena ay lulayeen boorar. Goobta waxaa ka muuqday ciidan boolis ah oo aad u tiro badan.

“Dowladda waxay isku dayaysaa inay ciriiriso fursadaha ay haystaan mucaaradka, oo ay ku jiraan suxufiyiinta, ayna ku cabsi geliso eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu yiri Fethi Kocaer, oo 71 jir ah, kaasoo haystay boor ay ku qoran tahay: “Si wadajir ah ayaan u halgami doonnaa.”

“Geesinimada iyo mowqifka adag ee Duqa Imamoglu ayaa naga caawin doona inaan midowno. Ma quusaneyno, balse waxaan sii xoojin doonnaa la dagaallanka dulmiga,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Fevziye Yalcin, oo 57 jir ah, ayaa iyaduna sheegtay in dacwadaha ka dhanka ah Imamoglu ay yihiin kuwo aan wax macno ah samaynayn.

“Arrintaasi waxay kaliya naga dhigaysaa kuwo kasii xoog badan rabitaankeenna ah inaan la dagaalanno iyaga. Ugu dambayntii, waxaan kula xisaabtami doonnaa dowladda goobaha codbixinta,” ayay si geesinimo leh u tiri. “Imamoglu marnaba keligiis ma noqonayo.”

Maxamed Saalax al-Zabir oo la dilay – Sidee u dhacday?

0

Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan garabka Al-Qaacida ee Suuriya kadib duqayn xagga cirka ah oo Khamiistii ka dhacday waqooyi-galbeed dalka Suuriya.

Deegaankaasi ayaa ahaa goob ay si wayn ugu xoogganayd kooxda Hay’at Tahrir al-Sham (HTS) ee uu hoggaamiyo madaxweynaha ku-meel-gaarka ah Axmed al-Sharaa ka hor intii aysan hoggaamin gulufkii fallaagada ee xukunka ka tuuray Bashaar al-Asad bishii Diseembar ee sanadkii tegey.

“Ciidamada Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa fuliyay duqayn cirka ah oo bartilmaameedkeedu ahaa mid qeexan oo ka dhacday waqooyi-galbeed Suuriya, iyagoo beegsaday oo dilay Maxamed Saalax al-Zabir, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ururka argagixisada ee Xurraas al-Diin, oo xiriir la leh Al-Qaacida,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay CENTCOM.

Hay’adda la socodka dagaallada ee fadhigeedu yahay dalka Britain ee loo yaqaan Syrian Observatory for Human Rights ayaa sheegtay in Zabir uu ku geeriyooday markii gaari uu la socday oo marayay wadada isku xirta Sarmada iyo Idlib ay gantaal ku dhufatay diyaarad aan duuliye lahayn (Drone) oo Maraykanku leeyahay.

Duqaynta Maraykanka ayaa timid maalmo uun kadib markii Xurraas al-Diin ay shaaciyeen inay is-kala direen, iyagoo fulinaya amarro uga yimid madaxweynaha ku-meel-gaarka ah.
Hay’adda Observatory ayaa sheegtay in Xurraas al-Diin “ay ku dhawaaqeen inay is-kala direen si aysan ugu lug yeelan isku dhac hubeysan oo ay la galaan HTS.”

Jabhaddii Sharaa ayaa ahayd garabkii Al-Qaacida u qaabilsanaa Suuriya illaa ay xiriirka u jartay shabakadda jihaad-doonka ah sannadkii 2016-kii.

Hay’adda SITE Intelligence Group ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa sheegtay in Xurraas al-Diin la aasaasay bishii Febraayo 2018-kii.

Si rasmi ah uma aysan xaqiijin daacadnimadeeda Al-Qaacida illaa ay ku dhawaaqday is-kala diriddeeda Talaadadii lasoo dhaafay.

Maraykanka ayaa Xurraas al-Diin u aqoonsaday “urur argagixiso” sannadkii 2019-kii, wuxuuna ballan-qaaday abaalmarinno lacageed oo lagu soo sheego macluumaadka xubno dhowr ah oo ka tirsan.

Waxay fulisay duqaymo xagga cirka ah oo is-daba-joog ah oo lagu beegsanayay hoggaanka kooxdaasi ee waqooyi-galbeed Suuriya bishii Agoosto iyo Sebtembar ee sannadkii tegey.

Washington ayaa weli liiska madow ku haysa HTS, iyadoo u aqoonsan “koox argagixiso ah”, inkastoo ay qaar ka mid ah cunaqabatayntii ka qaadday kooxda Sharaa tan iyo markii ay xukunka ka tuureen Asad sannadkii hore.

Amarka cusub ee Trump ku beegsanayo Soomaalida

Washington (Caasimada Online) – Dhammaan Amarada Fulinta ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu saxiixay ee ku saabsan socdaalka, waxaa jira mid ka mid ah oo keenay cabsi jahwareer ba’an – isla markaana si weyn u xaddidi kara awoodda dadka ka soo jeeda dalal badan u galaan Maraykanka, xitaa booqasho kooban.

Trump wuxuu amar ku bixiyay Waaxda Amniga Gudaha, Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Agaasimaha Sirdoonka Qaranka inay, muddo 60 maalmood ah gudahood, soo gudbiyaan liis ay ku qoran yihiin dhammaan dalalka ay hay’aduhu u arkaan inaysan si habboon u hubin dadka doonaya inay booqdaan, ku noolaadaan ama wax ku bartaan Maraykanka.

Amarka fulinta, oo loogu magac daray “Ka Ilaalinta Maraykanka ee Argagixisada Shisheeye iyo Khataraha Kale ee Amniga Qaranka iyo Badqabka Dadweynaha,” ayaa waxaa lala barbar dhigay “mamnuuciddii Muslimiinta” ee Trump uu hirgeliyay muddadii uu xafiiska joogay ee ugu horreysay.

Amarkaas wuxuu xannibay dadka u dhashay lix dal oo Muslim ah – oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Iran – iyo Waqooyiga Kuuriya inay galaan Maraykanka. In ka badan 700 oo musaafir ah ayaa la xiray, ilaa 60,000 oo fiiso ayaa “si ku meel gaar ah loo joojiyay.”

Hindisahani cusub ayaa la filayaa inuu aad uga sii ballaarto kii hore, oo saameeyo ugu yaraan 20 dal, oo ay ku jiraan Gaza, Soomaaliya, Suuriya iyo dalal kale oo ay Muslimiin badani ku nool yihiin.

Amarka fulinta ee Trump waxa kale oo uu farayaa Waaxda Arrimaha Dibadda iyo hay’adaha kale inay baaraan dadka u dhashay dalalkaasi ee u soo haajiray Maraykanka tan iyo 2021, markii uu dhammaaday muddadii ugu dambaysay ee Trump xafiiska joogay.

“Maraykanku waa inuu hubiyaa in ajaanibta la oggolaaday iyo ajaanibta kale ee horeyba ugu sugan Maraykanka aysan lahayn dhaqan cadowtinimo ah oo ka dhan ah muwaadiniinteeda, dhaqankeeda, dawladeeda, hay’adaheeda, ama mabaadi’deeda aasaasiga ah…,” ayaa lagu xusay amarka fulinta.

Xildhibaan Ilhan Omar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, kuna dhalatay Soomaaliya oo ku noolayd xero qaxooti ka hor inta aysan imaan Maraykanka, ayaa tiri, “Mamnuuciddii Muslimiinta ee muddadii ugu horreysay ee Trump waxay kala daadisay qoysaska degmadayda, iyadoo dad badan oo ka mid ah dadka aan matalo ay u diiday inay dib ula midoobaan kuwa ay jecel yihiin.”

“Aniga oo ah qof halkan uga yimid qaxooti ahaan mid ka mid ah dalalkii ay maamulka Trump mamnuuceen, waxaan ogahay sida ay u burburisay siyaasaddan nacaybka ah dadka adduunka oo dhan ee raadinaya nolol wanaagsan oo ah Maraykanka,” ayay tiri Omar.

“Soomaali Amerikaanka ee degmadayada ku nool, si gaar ah, waxay dareemeen dhibaatada siyaasaddan arxan darada ah, iyadoo waalidiin, xaasas, iyo caruur ay ku xayiran yihiin meel aan la ogaan karin – oo wajahaya kala tag aan xad lahayn kaliya sababtoo ah halka ay ku dhasheen.”

Omar waxay sheegtay in xitaa ka dib markii la qaaday xayiraaddii ugu horreeyay, qoysas badan oo qaxooti ah oo ku sugan Minnesota ay weli sugayeen in ay dib ula midoobaan dadkooda.

“Amar mustaqbalka soo baxa wuxuu kaliya sii qoto dheereyn doona dhaawacyadan oo xoojin doona nacaybka shisheeye, midab-takoorka iyo Islaam naceybkaa,” ayay tiri Omar.

130 jihaadiyiin u dhashay Morocco oo la shaaciyey in ay u safreen Soomaaliya iyo…

Rabat (Caasimada Online) – Booliiska Morocco ee u qaabilsan la dagaallanka argagixisada ayaa Khamiistii shaaciyay inay fashiliyeen qorshe “lagu beegsan lahaa goobo ammaan,” ayaga oo xiray afar qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee ka dagaallanta Sahel.

Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday xog ku saabsan jihaadiyiin badan oo u dhashay Morocco oo u safray Soomaaliya.

Habboub Cherkaoui, oo ah madaxa Xafiiska Dhexe ee Baaritaannada Garsoorka, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Sale, ayaa sheegay in hawlgalkani uu ka hortagay “qorshe argagixiso oo khatar ah.”

Afarta eedeysane, oo dhammaantood u dhalatay Morocco, saddex ka mid ahna ay walaalo ahaayeen, ayaa Axaddii lagu soo qabtay Had Soualem, oo ku dhow Casablanca, sida lagu xusay war-saxaafadeed ay hore u soo saareen booliisku.

Cherkaoui waxa uu intaa ku daray in kooxdu ay horay u duubtay bayaan ay ku sheeganayaan mas’uuliyadda weerarrada la qorsheeyay, iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa.

Baaritaannada dambe ayaa daaha ka rogay in bartilmaameedyadoodu ahaayeen “goobo muhiim ah oo ammaan ah, suuq weyn, iyo goobo kale oo dadweyne” oo ay si joogta ah u booqdaan dadka reer Morocco iyo ajaaniibta, ayuu yiri.

Sida ay sheegayaan baaritaanno hordhac ah, mas’uuliyiinta Morocco waxay aaminsan yihiin in eedeysanayaashu ay xiriir toos ah la lahaayeen hoggaamiye ka tirsan Daacish oo ku sugan Sahel, kaas oo soo askareeyay oo ku indha-sarcaadiyay iyaga oo adeegsanaya baraha isgaarsiinta.

Waxa uu intaa ku daray in da’doodu ay u dhaxaysay 26 ilaa 35 sano, isla markaana ay haysteen “shaqooyin dakhligoodu yar yahay.”

Cherkaoui waxa uu xusay in kooxaha jihaadiga ah ee ka jira Afrika ay “khatar dhab ah ku yihiin boqortooyada.”

Waxa uu tilmaamay in 130 muwaadin oo Moroccan ah ay u safreen goobaha dagaalka jihaadiga ah ee Soomaaliya iyo Sahel tan iyo dabayaaqadii 2022.

Hadalkan ayaa imanaya ayada oo dhowaan dagaalkii Daacish iyo ciidamada Puntland ee gobolka Bari lagu dilay dagaal-yahano badan oo ajnabi ah oo ka soo jeeda dalal Carbeed oo kala duwan.

“Intooda badan waxa ay doonayeen in ay ballaariyaan hawlgallada kooxahooda gudaha boqortooyada,” ayuu raaciyay Cherkaoui, isaga oo ka hadlayey Moroccan-ka u safray Soomaaliya.

In kasta oo dalka Morocco uu inta badan ka fogaaday rabshadaha jihaadiga ah sannadihii ugu dambeeyay, ciidamada amniga ee Morocco ayaa si joogta ah u soo sheega xarigyo iyo fashilinta qorshayaasha weerar.

Waa kuwee muhaajiriinta uu madaxweyne Trump u dirayo xabsiga Guantanamo Bay?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in laga dhiso xabsi Guantanamo Bay oo uu sheegay in lagu hayn doono dad gaaraya 30,000 oo qof.

Waxa uu sheegay in xarunta saldhiga ciidamada badda Maraykanka ee Cuba, oo ka duwanaan doona xabsiga militariga ee ammaankiisa aadka loo ilaaliyo, ay ku xirnaan doonaan “dambiilayaasha sharci darrada ee khatar ku ah dadka Maraykanka”.

Guantanamo Bay ayaa muddo dheer loo isticmaali jiray in lagu hayo dadka soogalootiga ah, dhaqankaas oo ay dhaleeceeyeen qaar ka mid ah ururada xuquuqul insaanka.

Goor dambe oo Arbacadii ah ayaa Tom Homan wuxuu sheegay in xarunta hadda jirta la ballaarin doono oo ay maamuli doonto Laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamada (ICE).

Waxa uu sheegay in muhaajiriinta si toos ah halkaas loogu qaadi karo kadib markii ay xeebaha ku qabtaan ciidamada ilaalada xeebaha ee Mareykanka. Ma cadda inta ay ku kacayso xarunta iyo goorta la dhamaystiri doono.

Dowladda Cuba ayaa markiiba cambaareysay qorshahan, iyadoo ku eedeysay Mareykanka jirdil iyo xarig sharci darro ah oo lagu hayo dhul “ay haystaan”.

Ku dhawaaqista Trump ayaa timid markii uu saxiixay sharciga loogu yeero Laken Riley Act, kaas oo dhigaya in dadka soo galootiga ah ee aan haysan sharciyada ee loo xiro dambiyada xatooyada ama rabshadaha in xabsiga lagu hayo inta maxkamad la soo taagayo.

Sharciga, oo loogu magacdaray arday dhiganaysay kalkaalasinimada caafimaad oo Georgia uu ku dilay sannadkii hore soo-galooti u dhashay Venezuela, ayaa waxaa ansixiyay Congress-ka todobaadkii hore, taasi oo ahayd guul dhanka sharci-dejin ah oo uu gaaray maamulka Trump.

Xaflad lagu saxiixayay oo ka dhacday Aqalka Cad, Trump wuxuu sheegay in amarka cusub ee Guantanamo uu farayo waaxyaha difaaca iyo amniga gudaha inay “bilaabaan diyaarinta” xarun lagu leh 30,000 oo sariirood.

“Qaar iyaga ka mid ah waa kuwo aad u xun, xitaa kuma aamini karno dalalka inay hayaan, sababtoo ah ma doonayno inay soo noqdaan muhaajiriintan,” ayuu yiri. “Marka waxaan u diri doonaa Guantanamo. Waa meel ay adag tahay in laga baxo.”

Sida laga soo xigtay Trump, xaruntan ayaa laba jibaari doonta awoodda Mareykanka ee ah in la goob lagu hayo muhaajiriinta aan sharciga haysan.

Maraykanku waxa uu horeba u isticmaalayey xarun ku taal Guantanamo oo loo yaqaan Guantanamo Migrant Operations Center (GMOC) – muddo tobanaan sano ah iyo iyada oo loo marayo maamuladii kala duwanaa, ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga.

Warbixin ay soo saartay 2024, hay’adda caalamiga ah ee kaalmaynta qaxootiga (IRAP) ayaa ku eedaysay dawladda inay si qarsoodi ah halkaas ugu hayso muhaajiriinta taasi oo ah “xaalado ka baxsan bini’aadantinimada” muddo aan la cayimin ka dib markii dadkaasi laga soo qabtay badda.

GMOC waxa ay si gaar ah u dejisay muhaajiriin laga soo qaaday badda waxana ay dhawaanahan ahayd mawduuca Xoriyadda Macluumaadka Codsiga Ururka Xoriyadda Madaniga ah ee Maraykanka si loo shaaciyo xogta goobtaasi.

Maamulkii Biden ayaa ku jawaabay “maaha meel xabsi ah oo lagu hayo, muhaajiriinta halkaas laguma hayo”.

Maamulka Trump, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in xarunta la balaariyay ee la qorsheeyay ayna tahay meel loogu talagalay in dadka lagu hayo.

Waxaa lagu soo waramayaa maamulka Trump ay weydiisan doonaan Congress-ka inuu maalgeliyo balaarinta xabsiga hadda jira taasoo qayb ka ah sharciga kharash gareynta Jamhuuriga.

Mar ay saxafiyiin ku waydiiyeen Aqalka Cad, xoghayaha amniga gudaha Kristi Noem waxa uu sheegay oo kaliya in lacagta loo qoondayn doono. Xabsiga ciidamada ee Guantanamo ayaa muddo tobanaan sano ah waxaa lagu hayay maxaabiis lagu xiray xabsiga Mareykanka kadib weeraradii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka sanadkii 2001-dii.

Markii ugu sarreysay waxaa ku jiray boqolaal maxaabiis ah, dhowr madaxweyne oo Dimuqraadi ah oo uu ku jiro Barack Obama ayaa wacad ku maray in ay xiri doonaan. Waxaa hadda halkaas ku xiran 15 maxbuus.

Warka ku saabsan ballaarinta xaruntan ayaa waxaa cambaareyn degdeg ah kala kulmay dowladda Cuba, oo in muddo ah u aragta in Guantanamo Bay ay tahay goob”la haysto” waxayna cambaareyn jirtay jiritaanka saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee jasiiradda tan iyo markii Fidel Castro uu xukunka qabsaday 1959-kii.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba, Bruno Rodriguez ayaa sheegay in ku dhawaaqista ay muujinayso “quursiga xaaladda bani’aadamka iyo sharciga caalamiga ah”.

Isha: BBC

Shariif oo Swan ku dacweeyay Xasan Sheekh xilli ay kasii dareyso xiisadda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Wakiilka Gaarka ah ee KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.

Kulankaan ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hanaanka doorashooyinka dalka, oo si adag uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Shariif ayaa wuxuu Swan la wadaagay halista ka dhalan karta qorshaha Xasan Sheekh, taas oo uu dhawaan si bareer ah uga horyimid, kadib markii guddiga doorasho ee lagu muransan yahay ay shaaciyeen in diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda ay furan tahay.

Labada mas’uul waxay carrabka ku adkeeyeen baahida muhiimka ah ee loo qabo in la isku raacsan yahay qaabka doorashada, si loo xaqiijiyo sharci ahaanshihiisa iyo aqbalaadda dadweynaha.

Sidoo kale waxay ka wada-hadleen istaraatiijiyado lagu kobcinayo wada-hadal dhexmara dhinacyada siyaasadda, iyadoo la doonayo in loo gogol xaaro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan kulan la qaatay James Swan oo ah Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaanu ka wada-hadalnay arrimo badan oo kala duwan, gaar ahaan siyaasadda, qaabka doorashada ee lagu muransan yahay iyo baahida loo qabo in doorasho la isku raacsan yahay, lagu kalsoonaan karo, oo sharci ah inay ka dhacdo Soomaaliya,” ayuu Shariif ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa X.

Khilaafka doorashooyinka oo inta badan aysan heshiis rasmi ah ka gaarin siyaasiyiinta Soomaalida ayaa waxaa awood socodsiin ku leh beesha caalamka oo ayadu dhaqaale badan uga baxo dowladnimada Soomaaliya, waana midda keenta in la arko madaxda oo u cabasho tagaya Xalane.

Sisi oo Masar ka abaabulay dibadbaxyo ka dhan ah barakicinta reer Falastiin

0

Rafax (Caasimada Online) – Kumannaan Masaari ah ayaa isugu soo baxay marinka Rafax ee kala qaybiya dalka Masar iyo Marinka Qasa, kuwaas oo ka soo horjeeda fikrad uu dhawaan soo bandhigay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo sheegay in Falastiiniyiinta loo kala rari doono dalalka Urdun iyo Masar.

Waxa uu ahaa isku soo bax dhif iyo naadir ah in ay ogolaato dawladda Masar, waxaana uu ka dambeeyay hadal uu dhawaantan jeediyay Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi oo sheegay in dawladdiisu aanay marnaba taageeri doonin in dhulkooda laga rarro dadka Falastiiniyiinta ah.

Dibad-baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay kamid ahaayeen “Masar ha noolaato” waxayna ruxayeen calamada Masar iyo Falastiin.

“Waxaan leenahay maya barakicin kasta oo Falastiiniyiinta lagu sameeyo, ama Qasa, iyadoo la marayo dhulka Masar ee Siinaay,” ayuu yiri Qaasi Saciid oo ah muwaadin degan Siinaay.

Ilo dhinaca ammaanka oo Masaari ah ayaa Reuters u sheegay in Madaxweyne Sisi uu basas u diray dibadbaxayaasha, si ay u geeyaan Marinka Rafax oo markii hore ay adkayd in dadku si fudud ku tagaan.

Masar iyo shacabkeeda kaliya waxay muujinayeen in aysan la dhacsanayn fikradda Trump ee dhulkooda looga barakicinayo dadka reer Falastiin.

Trump ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in loo baahan yahay Masar iyo Urdun ay kala qaabilaan Falastiiniyiinta Qasa oo uu sheegay in magaaladoodu ay burburtay oo aan lagu noolaan karin.

Khamiistii Trump ayaa ku adkeystay hadalkiisa, isagoo leh “Wax badan ayaan u sameynay, waana in ay sameeyaan,” waxa uu tusaale u soo qaatay kaalmada milatari ee uu Maraykanku siiyo Masar iyo Urdun.

Deni oo ku dhowaaqay wejigii ugu cuslaa ee dagaalka

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhowaaqay inuu bilowday wejiga labaad ee howl-galka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolka Bari.

Madaxweyne Deni oo Boosaaso uga qeyb-galay bandhiga ciidan ee diyaar-garowga wejiga labaad ee argagixisada looga sifaynayo buuralayda Cal-miskaad, ayaa ugu hambalyeeyay Cciidanka ku sugan halkaasi guulaha waaweyn ee ay ka gaareen wejigii koowaad ee hawlgalka.

Sidoo kale wuxuu xusay in ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawl-galka oo bilowday, xilli muddo yar lagu soo afmeeray wejiga koowaad ee dagaalka.

Deni ayaa ka tacsiyeeyay geesiyaashii ku shahiiday intii uu socday wejiga koowaad ee hawlgalka ka socda Cal-miskaad, intii ku dhaawacantayna wuxuu allaah uga baryay in caafimaad dhameystiran.

Waxa uuna si weyn ugu boggaadiyey isku duubnida iyo garab Istaaga ciidan ee ay sameeyeen dadka reer Puntland intii uu hawlgalka socday. Wuxuuna si gaar ah ugu mahad-celiyay haweenka Puntland oo garab istaag iyo dhiirigelin la garab taagan ciidanka tan iyo markii uu bilowday hawl-galka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Munaasabadda diyaargarowga wejiga labaad ee hawl-galka argagixisada daacish looga ciribtirayo Cal-miskaad, ayaa waxaa lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidanka maamulka Puntland oo soo dhameystay tababar gaar ah,.

Ciidamadan ayaa ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona wejiga labaad ee howl-galka ka socda Cal-miskaad.

Trump oo qorshaha Gaza ku adkeystay, shaaciyey in Masar iyo Urdun ay aqbalayaan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii ku adkeystay in Masar iyo Urdun ay qaabili doonaan dadka barakacay ee reer Gaza, inkastoo labada dal ee Carabta ay si cad u diideen qorshihiisa ku aaddan in Falastiiniyiinta laga raro dhulkaas.

Hadallada Trump ayaa yimid maalin ka dib markii madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, iyo Boqorka Urdun, Cabdalla II, ay si adag u diideen in si qasab ah looga barakiciyo dadka Gaza, ka dib dagaalkii ka dhex qarxay Xamaas iyo Israa’iil.

“Way samayn doonaan,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha isaga oo jooga xafiiskiisa Oval-ka, markii la weydiiyey jawaabtiisa diidmada Masar iyo Urdun, iyo inuu ka fakari doono inuu ku soo rogo tacriif labada dalba si uu ugu qasbo.

“Way samaynayaan. Wax badan ayaan u qabannaa, waana inay sameeyaan,” ayuu yiri.

Ka dib markii xabbad-joojin dhexmartay Israa’iil iyo Xamaas ay dhaqan gashay Janaayo 19-keedii, Trump ayaa toddobaadkii hore soo jeediyay qorshe “lagu nadiifiyo” Marinka Gaza, isagoo ku taliyay in Falastiiniyiinta loo raro goobo “ammaan ah” sida Masar ama Urdun.

Wuxuu sheegay in dagaalkii 15-ka bilood socday uu dhulka Falastiiniyiinta ka dhigay “meel burbur ah.”

Ergeyga Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa toddobaadkan booqasho aan caadi ahayn ku tagay Gaza, sida uu sheegay Aqalka Cad, iyadoo ujeeddadu ahayd in la xoojiyo xabbad-joojinta jilicsan. Waxa kale oo uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Madaxweynaha Masar, Sisi, oo ah xulufo muhiim u ah Maraykanka, ayaa Arbacadii, jawaabtiisii ugu horreysay ee hadallada Trump, ku sheegay in barakicinta “dadka Falastiiniyiinta ah ee dhulkooda ay tahay caddaalad darro aanan marnaba oggolaan karin.”

Boqorka Urdun, Cabdalla II, ayaa isna si gooni ah u adkeeyay “mawqiifka adag ee dalkiisa ee ku saabsan baahida loo qabo in Falastiiniyiinta lagu hayo dhulkooda.”

Tan iyo bilowgii dagaalka Israa’iil iyo Xamaas bishii Oktoobar 2023, Masar iyo Urdun labaduba waxay si isdaba joog ah uga digeen qorshooyin lagu barakiciyo Falastiiniyiinta Gaza iyo Daanta Galbeed ee xuduudahooda.

Kagame iyo madaxweynaha K/Afrika oo ay ka dhex tafatay

0

Kigali (Caasimada Online) – Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa ka fal-celiyay hadallo uu jeediyay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, kaasoo toddobaadkan la xiriiray hoggaamiyaha Rwanda si uu uga dhex-dhexaadiyo colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Kagame ayaa ku eedeeyay Ramaphosa in uu faafinayo “been” la xiriirta doorka Kigali ee dagaalka ka socda magaalada Goma.
Kagame ayaa sheegay in uu toddobaadkan labo jeer la hadlay Ramaphosa.

“Waxa laga sheegay wada-hadalladii aan la yeeshay Ramaphosa ee lagu faafiyay warbaahinta, gaar ahaan kuwa ay shaaciyeen mas’uuliyiinta Koonfur Afrika iyo Ramaphosa laftiisu, waxa ay ka kooban yihiin marin-habaabin badan, weerarro ula kac ah, xitaa been,” ayuu yiri madaxweynaha Rwanda.

Kagame ayaa markaas kadib bixiyay sharaxaad dheeraad ah oo ku saabsan bayaan uu Ramaphosa ku daabacay X, kaasoo uu ciidanka Rwanda ugu yeeray “maleeshiyo.”

“Haddii Koonfur Afrika dooneyso in ay ka shaqeyso xal nabadeed, taasi waa wax wanaagsan, laakiin Koonfur Afrika maaha waddan u qalma doorka dhex-dhexaadinta ama nabadeynta,” ayuu yiri Kagame, isaga oo intaa raaciyay, “Haddii Koonfur Afrika door-bideyso isku dhac, Rwanda waxay arrintaas ula macaamili doontaa sida ay tahay mar kasta.”

Hadallada Kagame ayaa jawaab u ahaa farriin uu Ramaphosa hore ugu daabacay X, taasoo uu ku shaaciyay geerida 13 askari oo Koonfur Afrikaan ah, kuwaasoo qeyb ka ahaa hawlgalka ay urur-goboleedka SADC ka wado bariga DRC si loo soo celiyo nabadda.

Ramaphosa ayaa sheegay in Koonfur Afrika ay soo dhoweyneyso go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku baaqaya xabbad-joojin iyo “dib u celinta dhulkii ay qabsadeen M23 ee bariga DRC,” isaga oo intaa ku daray in “madax-bannaanida dhuleed ee DRC la dhowro.”

Khubarada ayaa sheegaya in khilaafka u dhexeeya labada hoggaamiye uu cirka isku shareeray kaddib markii Madaxweynaha DRC, Félix Tshisekedi, uu khudbad jeediyay, isagoo ballan qaaday in dowladdiisu ay dib u soo ceshan doonto dhulkii ay ka qabsadeen kooxda fallaagada M23.

Tshisekedi ayaa markale ku celiyay eedeymaha dowladdiisa ee ah in Rwanda ay taageereyso M23, wuxuuna digniin ka bixiyay in “joogitaanka kumannaan askari oo Rwandan ah gudaha dalkayaga… ay horseedi karto koror colaadeed oo aan la saadaalin karin.”

Si kastaba ha ahaatee, Kagame wuxuu ku adkeysanayaa in Rwanda aysan taageerin M23.

Daawo: Saalax oo ka jawaabay ‘boobka dhulka, mooshinka, dagaalka Jubaland iyo khilaafka Puntland’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa caawa jeediyey khudbad dheer oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha ay Xukuumadda Soomaaliya gaartay mudadii ay jirtay, hadal-jeedin kadibna wuxuu wajahay su’aalo weydiin toos ah.

Saxafiyiin laga soo xulay warbaahinta dalka ayaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka weydiiyey su’aalo adag oo ku saabsan xaaladda dalka, sida dagaalka Al-Shabaab, mooshinka la hadalhayo, dagaalka Daacish ee Puntland ka socda, abaaraha, isbedelka cimillada, hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah iyo arrimo kale oo ku saabsan xaaladda dalka.

Su’aalaha la weydiiyey Saalax Jaamac waxaa ugu adkaa sababta dowladda federaalka ay doorkeeda uga qaadan la’dahay dagaalka Puntland ay ku qaaday Daacish, wuxuuna ku jawaabay “Kal iyo laab ayaan Puntland ugu taageersannahay, uguna garab taagannahay Dagaalka Daacish.”

Wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamsa uu fagaare ka jeediyey qadiyadda dowladda federaalka oo cad, sidoo kale wuxuu cadeeyey in Daacish tahay cadowga ugu daran ee Soomaaliya “Dad buuraha Puntland soo galay waa kuwo aanaan ab iyo isir wadaagin oo qaarkooda aanaan waligeen tigin dalalkooda, marka waa gardarro iyo dulmi cad inay dalkeena ka dhex dagaaamaan, waana ku garab taaganahay dagaalka ciidamada Puntland.”

Sidoo kale Weriyaasha ayaa Saalax weydiiyey hadii ay jirto cabsi ay xukuumaddu ka qabto mooshin guuxiisu ka soo bilowday Nairobi oo lala sugayo furitaanka kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka.

“Walwal Mooshineed nama hayee, waxaa na haya walwalka sidii Khawaarijta aan isaga dhicin lahayn, amnigana u sugi lahayn, Isbedelka Cimilada ula tacaali laheyn, Abaarahana dadka iyo duunyada looga badbaadi lahaa, loogana wacyigalin lahaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saalax Jaamac.

Sidoo kale Saalax Jaamac waxaa la weydiiyey boobka la sheegay in dowladdu ay ku heyso dhulkii danta guud ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu eedeyntaas uga jawaabay “Dowladda Suuqa ayaa loo galiyey dhul ayey boobeysaa, ma ogtidiin in 10 Kun oo qoys dib u dajin loogu sameeyey dhulal dowladda ee ku yaallay Shiirkole, Soona-keey iyo Oodweyne.”

Dagaalka Jubbaland iyo jabkii ciidamada qaranka ka soo gaaray dagaalkii Raaskambooni ayaa sidoo kale la weydiiyey Saalax Jaamac, wuxuuna ku jawaabay “Wax qaranka iyo Jubalandba u fool xun ayaa ka dhacay Raaskambooni, ciidanka dowladda amar uma haysan inay la dagaalamaan ciidamada maamulka Jubaland, laakiin waa lasoo weeraray, wixii aad aragteen ayaana dhacay.”

Hoos ka daawo

Sawirro: Falastiin oo safiir u soo dirsatay Soomaaliya iyo Xasan oo aqbalay 8 danjire

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub oo ku soo biiray diblomaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo gaaraya 8 Danjire.

Falastiin ayaa burburkii kadib markii ugu horeysay Soomaaliya u soo dirsatay safiir rasmi ah, waxaana arrintaas si weyn u soo dhaweysay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Falastiin fagaarayaasha caalamiga ah ugu muujisay taageero iyo garab istaag rasmi ah, iyadoo weliba dalal carbeed oo awood badan ay ka gaabsadaan arrinta Falastiin.

Rowaid Adil Mohamed oo ah Danjiraha cusub ee Falastiin ayaa kamid ahaa safiirrada maanta uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka guddoomay warqadaha aqoonsiga, wuxuuna madaxda Soomaaliya soo gaarsiiyey salaan iyo dhambaal uu hoggaamiyaasha Falastiin ka siday.

Hoggaamiyaasha Falastiin ayaa mar walba Soomaaliya uga mahadceliya garab istaageeda, maadaama adduunka dhan oo Israa’iil iyo Mareykan ka baqaya ay gardarada lagu hayo shacabka reer Falastiin ka gaabsadaan, halka dowladda Soomaaliya ay mar kasta ku dhiirato in go’aano cad ay ku garab istaagto qadiyadda Falastiiniyiinta.

Danjireyaasha kale ee Madaxweynuhu uu maanta ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:

1. Amb. Abdirahman Khalil Ahmed – Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Sudan

2. Amb. Morakot Janemathukorn – Danjiraha cusub ee Thailand

3. Amb. Bernard Yohana Kibesse – Danjiraha cusub ee Tanzania

4. Amb. Ana Filomena da Costa Rocha – Danjiraha cusub ee Portugal

5. Amb. Martin K. NGOGA – Danjiraha cusub ee Rwanda

6. Amb. Mahi Boumediene – Danjiraha cusub ee Algeria

7. Amb. Matsuura Hiroshi – Danjiraha cusub ee Japan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka ay danjireyaashani ka socdaan, si loo adkeeyo iskaashiga diblomaasiyadda, dhaqaalaha, horumarka iyo amniga.

Danjireyaasha warqadaha laga guddoomay ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran, iyagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay dadaal ku bixiyaan horumarinta xiriirka ay dalalkoodu la leeyihiin Soomaaliya.