Sisi oo Masar ka abaabulay dibadbaxyo ka dhan ah barakicinta reer Falastiin

Rafax (Caasimada Online) – Kumannaan Masaari ah ayaa isugu soo baxay marinka Rafax ee kala qaybiya dalka Masar iyo Marinka Qasa, kuwaas oo ka soo horjeeda fikrad uu dhawaan soo bandhigay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo sheegay in Falastiiniyiinta loo kala rari doono dalalka Urdun iyo Masar.

Waxa uu ahaa isku soo bax dhif iyo naadir ah in ay ogolaato dawladda Masar, waxaana uu ka dambeeyay hadal uu dhawaantan jeediyay Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi oo sheegay in dawladdiisu aanay marnaba taageeri doonin in dhulkooda laga rarro dadka Falastiiniyiinta ah.

Dibad-baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay kamid ahaayeen “Masar ha noolaato” waxayna ruxayeen calamada Masar iyo Falastiin.

“Waxaan leenahay maya barakicin kasta oo Falastiiniyiinta lagu sameeyo, ama Qasa, iyadoo la marayo dhulka Masar ee Siinaay,” ayuu yiri Qaasi Saciid oo ah muwaadin degan Siinaay.

Ilo dhinaca ammaanka oo Masaari ah ayaa Reuters u sheegay in Madaxweyne Sisi uu basas u diray dibadbaxayaasha, si ay u geeyaan Marinka Rafax oo markii hore ay adkayd in dadku si fudud ku tagaan.

Masar iyo shacabkeeda kaliya waxay muujinayeen in aysan la dhacsanayn fikradda Trump ee dhulkooda looga barakicinayo dadka reer Falastiin.

Trump ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in loo baahan yahay Masar iyo Urdun ay kala qaabilaan Falastiiniyiinta Qasa oo uu sheegay in magaaladoodu ay burburtay oo aan lagu noolaan karin.

Khamiistii Trump ayaa ku adkeystay hadalkiisa, isagoo leh “Wax badan ayaan u sameynay, waana in ay sameeyaan,” waxa uu tusaale u soo qaatay kaalmada milatari ee uu Maraykanku siiyo Masar iyo Urdun.