Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhowaaqay inuu bilowday wejiga labaad ee howl-galka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolka Bari.
Madaxweyne Deni oo Boosaaso uga qeyb-galay bandhiga ciidan ee diyaar-garowga wejiga labaad ee argagixisada looga sifaynayo buuralayda Cal-miskaad, ayaa ugu hambalyeeyay Cciidanka ku sugan halkaasi guulaha waaweyn ee ay ka gaareen wejigii koowaad ee hawlgalka.
Sidoo kale wuxuu xusay in ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawl-galka oo bilowday, xilli muddo yar lagu soo afmeeray wejiga koowaad ee dagaalka.
Deni ayaa ka tacsiyeeyay geesiyaashii ku shahiiday intii uu socday wejiga koowaad ee hawlgalka ka socda Cal-miskaad, intii ku dhaawacantayna wuxuu allaah uga baryay in caafimaad dhameystiran.
Waxa uuna si weyn ugu boggaadiyey isku duubnida iyo garab Istaaga ciidan ee ay sameeyeen dadka reer Puntland intii uu hawlgalka socday. Wuxuuna si gaar ah ugu mahad-celiyay haweenka Puntland oo garab istaag iyo dhiirigelin la garab taagan ciidanka tan iyo markii uu bilowday hawl-galka ciribtirka argagixisada ee Puntland.
Munaasabadda diyaargarowga wejiga labaad ee hawl-galka argagixisada daacish looga ciribtirayo Cal-miskaad, ayaa waxaa lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidanka maamulka Puntland oo soo dhameystay tababar gaar ah,.
Ciidamadan ayaa ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona wejiga labaad ee howl-galka ka socda Cal-miskaad.