25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Madaxweyne Cirro oo indhaha soo saaray baaxadda dabkii suuqa Hargeysa + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa booqday soona kormeeray khasaaraha ka dhashay dabkii xalay qabsaday suuqa ganacsiga ee gobonnimada, qaybtiisa idaacadda.

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, maayar ku-xigeenka caasimadda, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, ayaa indhihiisa ku soo arkay dhibaatada uu dabkaasi gaadhsiyey hantidii goobahaas taallay.

Mudane Cirro ayaa waxa uu caddeeyey in xukuumadda uu hoggaamiya ay si buuxda u garab taagan tahay dadkii khasaaruhu soo gaadhay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha ku dhacay dadkii halkaas ku ganacsanayey, isaga oo u duceeyey, Eebbena uga baryey inuu ciwad khayr qaba ka siiyo.

“Waxa aan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa ganacsatada suuqa Gobonnimo, khasaaraha iyo dhibta soo gaadhayna qaranku wuu la qaybsanayaa, wuuna ka xun yahay, waxana aan Ilaahay uga. Baryayaa inuu wax khayr qaba ugu. Beddelo,” ayuu yiri.

Waxa uu shacabka ugu baaqay inay gacan siiyaan dadka khasaaruhu gaadhay, kana qayb qaataan qaadhaanka dadkaas loo ururin doono, isaga oo xusay talo qaran laga yeesho sidii looga hortegi lahaa dabka soo noqnoqda ee khasaaraha ku haya bulshada iyo dhaqaalaha Somaliland.

Ugu dambayntii, madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhibka dhacay loo saaray guddi farsamo, kuwaas oo soo dersi doona talana ka keeni doona sidii looga soo kaban lahaa khasaaraha dhacay.

Suuqan ayaa ahaa kan labaad ee ugu weyn caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaana ku shuf beelay ganacsiyo aad u badan, iyada oo ay ku cayroobeen dad shalay hantiilayaal ahaa.

R/W Xamza oo xil sare u magacaabay Ismaaciil Siciid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Fdeeraalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo digreeto soo saaray ayaa maanta xil sare u magacaabay Mudane Ismaaciil Siciid Aw-muuse oo ah wiil dhalinyaro ah oo firfircoon.

Ismaaciil Siciid Aw-muuse ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo mareeye ku-xigeenka Dekadda Xamar, kadib soo jeedin ka timid Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

Sidoo kale, magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha dardargelinta iyo horumarinta kaabayaasha Dekadaha Dalka, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa magacaabistaan ka dhalatay hadal-heyn xooggan, waxaana ka fal-celiyay qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada.

Cabdiraxmaan Ibraahim Gacal “Eebow dardargalin ma jirtee biilka xaafadda waa juusto”.

Cabdixakiin Maxamed “Nin Puntland ka yimid muxuu dekadda Xamar ka qaban waxba kamaba fahansanee?”.

Rijaal Maxamed Nuur “Soo jeedin gole wasiiro waxba laguma magacaabee naga daaya baahasha.

Dhamme Shakuur “Ilmaha caanahooda miyaa waxaasi xil ma ahane waxaan?”.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ra’iisul wasaaraha ayaa waday macagaabista xilal cusub, waxaana ugu dambeysay Marwo Aamina Axmed Samatar oo noqotay Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM).

Qeybdiid oo hor-istaagay in qorshaha Xasan ka hirgalo Galmudug, weerarna ku qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Qaybdiid ayaa diiday hannaanka doorashada ee qof iyo cod, kaas oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo jeedisay in laga dhaqangeliyo Soomaaliya sannadka 2026-ka.

“Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka dhici doonta oo kaliya doorasho qaran oo lagu heshiiyay. Daneeyeyaasha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si wadajir ah uga arrinsan doona arrinkaa,” ayuu yiri Senatar Qaybdiid.

Wuxuu dhaliilay socdaallada joogtada ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tago dibadda. “Ma habboona in muddo gaaban gudaheed dalba dal loo safro. Waxaan ugu baaqayaa labada gole ee Baarlamaanka Federaalka inay feejignaadaan oo ay u kuurgalaan jidka qaldan ee ay Soomaaliya cagta saartay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Senatar Qaybdiid, oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa ah Senatarkii ugu horreeyay ee si cad uga soo horjeesta hannaanka doorashada ee muranka dhaliyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay hannaankan ka dhaqangelin doonto qaybo ka mid ah dalka, iyadoo laga reebay Dowlad Goboleedka Puntland, oo ah maamul-goboleedkii ugu horreeyay ee laga hirgeliyey Soomaaliya sannadkii 1998-kii.

Hadalka Qeybdiid ayaa imanaya ayada oo dowladda federaalka ay wax walba u sameyneyso sidii ay doorashadan u dhici laheyd, oo ay ku jirto kordhinta muddo xileedka hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, taasi oo ay ku tilmaamtay tallaabo lagama maarmaan u ah horumarinta dib-u-habeynta doorashooyinka iyo u-gudbidda nidaamka “hal qof, hal cod”.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in muddo kordhintan, oo lagu soo afmeeray shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka, ay qeyb ka tahay qorshaha dowladda federaalka ee isku aaddinta jadwalka siyaasadeed ee dalka, si doorashooyinka dhammaan heerarkooda kala duwan hal mar loogu wada qabto.

“Muddo kordhintu waa tallaabo lama huraan ah oo looga weecanaayo hannaanka doorasho ee dadban, kaas oo ku saleysan nidaamka beelaha, isla markaana aan ku dhaqmeyney muddo haatan laga joogo toddobo sano,” ayuu Mudane Jaamac hadalkan u sheegay wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiinta ka soo horjeeda hannaanka dowladda ayaa weliba walaac xooggan ka muujiyay waqtiga loo qabtay, iyagoo ku adkeystay in khilaafaadyada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, kuwaas oo aan xal rasmi ah laga gaarin ay sababi karaan dib-u-dhac kale ama xitaa inay hurin karaan colaad hor leh.

DF Somalia oo tallaal qasab ah ku soo rogtay shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa tallaal qasab ah ku soo rogtay dhammaan dadka safarka ah ee dalka soo gelaya ama ka baxaya, si loo xakameeyo wax ay ugu yeertay faafitaanka cudurrada faafa, oo ay ka mid yihiin xummadda jaallaha ah (yellow fever), dabaysha (poliomyelitis), iyo qaaxada (meningitis).

Amarkan oo ay Axaddii si rasmi ah ugu dhawaaqday Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, ayaa isla markiiba dhaqan galay, waxaana lagu qasbay shacabka in ay qaataan 1-da illaa 10-ka Febraayo, 2025.

Hindisahan ayaa waafaqsan Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah (IHR 2005) ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), kuwaas oo dejinaya halbeegyada caalamiga ah ee ka-hortagga cudurrada iyo xakameynta caafimaadka ee xuduudaha.

Mas’uuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay in siyaasaddani ay lama huraan u tahay ka-hortagga dillaaca cudurrada iyo ilaalinta caafimaadka dadweynaha, xilli ay sii kordhayaan khataraha caalamiga ah ee cudurrada saf-marka ah.

Sida ku cad siyaasaddan cusub, dhammaan dadka safarka ah, iyadoon loo eegin da’dooda ama dhalashadooda, waxaa waajib ku ah inay soo bandhigaan Shahaadada Tallaalka Xummadda Jaallaha ah oo sax ah marka ay soo gelayaan ama ka baxayaan goobaha laga dhoofo ama lagu soo dego ee dalka.

Wasaaraddu waxay hoosta ka xariiqday in dadka safarka ah ay tahay in ay qaataan tallaalka ugu yaraan 10 maalmood ka hor safarka si loo xaqiijiyo difaacooda.

Waxaa la asaasay xarumo tallaal oo gaar ah, oo ay ku jiraan goobo ku yaal garoommada diyaaradaha ee caalamiga ah, dekedaha badda, iyo isbitaallada dowladda, si loogu adeego dadka safarka ah. Xarumahan ayaa la rumeysan yahay in ay leeyihiin dad ka tirsan dowladda ama xiriir hoose la leh.

Cafis caafimaad ayaa la siin doonaa shakhsiyaadka aan awoodin inay qaataan tallaalka sababo caafimaad oo gaar ah dartood, iyadoo shardi ay tahay inay soo bandhigaan warqad cafis caafimaad oo rasmi ah.

Dadka safarka ah ee ku guuldareysta inay buuxiyaan shuruudaha tallaalka waxay wajihi doonaan tallaabooyin caafimaad oo dadweyne, oo ay ku jiraan karantiil ama in laga mamnuuco inay dalka soo galaan.

Xummadda jaallaha ah, oo ah caabuq fayras oo ay kaneecadu gudbiso, waxay sababi kartaa xanuun daran iyo dhimasho haddii aan la daaweyn. Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, tallaalku waa habka ugu waxtarka badan ee lagula dagaallamo cudurka.

Mas’uuliyiinta caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasadda tallaalka qasabka ah ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee looga hortagayo gudbinta cudurka ee xuduudaha iyo ilaalinta dadweynaha.

Shuruudda xummadda jaallaha ah ka sokow, dadka safarka ah waa inay soo bandhigaan caddeynta tallaalka ka hortagga dabaysha ee afka laga qaato (oral poliomyelitis) iyo cudurka qoorgooyaha noociisa afar-geesoodka ah ee loo yaqaanno Neisseria meningitis.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ayaa ku boorrisay dadka safarka ah inay u hoggaansamaan amarkan, iyadoo iftiimisay doorkiisa muhiimka ah ee lagu xoojinayo safar caalami ah oo badqab leh.

“Annagoo iskaashaneyna, waxaan ka hortagi karnaa faafitaanka xummadda jaallaha ah iyo cudurrada kale ee faafa,” ayay Wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan soo rogtay tallaalo kala duwan, waxaana loo arkaa hanaan mar kasta lacag looga sameeyo shacabka taagta darran. Tallaalka ayaa qasab laga dhigaa in laga qaato dhowr xarun oo kaliya oo xiriir la leh madaxda dowladda kaliya, kuwaas oo lacagaha laga qabto ay qaataan xubnaha dowladda ee wax ka leh ama ka wakiilka ah.

Guri ku yaalla Kismaayo oo loogu tegay xubno Shabab ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ka ah ee maamulka Jubbaland, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaallanka kooxaha Argagixisada ayaa waxaa lagu beegsaday guri ku yaalla xaafadda New Kismaayo, kaas oo ay ku jireen saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada oo ka war helay raggan oo tiradooda lagu sheegay saddex nin ayaa ugu tegay guriga, waxayna goobta ku dileen laba kamid ah, halka ay soo qabteen mid kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Jubbaland.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka saddexda nin ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan, waxaana ka war helay ciidanka oo sidaas ugu daatay guriga ay joogeen.

“Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaalanka kooxaha Argagixisada ayaa goor dhow u daatay guri ku yaala xaafadda New Kismaayo, kaasi oo ay ku jireen sadex kamida Argagixisada gaar ahaan kuwa qaabilsan madax jabiska sida aan xogaha ku helnay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidamada Jubaland gaar ahaan kuwa gaarka ah ee qaabilsan ladagaalanka Argagixisada oo hayay xogta dhagar qabayaasha, ayaa ku guuleystay in sadexdii dhagar qabe labo kamida ay dilaan, halka kii kalana ay nolosha ku qabteen.”

Waxaa sidoo kale isla xalay howlgal kale oo amni xaqiijin ah ciidamada Booliska Jubbaland ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo, kaas oo ay hoggaaminayeen saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska.

Kismaayo ayaa waxaa mararka qaar weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan ka fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xooggan gobollada Jubbooyinka.

 

Maxay DF ka tiri dhibaatada soo gaartay Somaliland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dhibaatada Somaliland kasoo gaartay dab wayn oo xalay ka kacay Suuqa Gobonimo, gaar ahaan qaybta xigta deyrka waqooyi ee Idaacada, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Dabka ayaa inta badan baabi’iyay suuqa oo ah kan labaad ee ugu wayn magaalada Hargeysa, wuxuuna ku fiday goobo ganacsi oo ku yaallay gudaha suuqaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xanuunka la qaybsaneyso ganacsatadii ku hanti beeshay dabka xalay ka kacay suuqa labaad ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Al-Cadaala ayaa dadka uu soo gaaray khasaaraha Eebbe uga baryay inuu siiyo beddal khayr leh, maadaama ay ku xoolo beeleen dabkaasi.

“Ilaaheey badal khayr leh ha siiyo muwaadiniinta ku xoolo beelay Dabkii xalay qabsaday Suuqa Gobonimo ee Magaalada Hargaysa, xanuunka ayaan la qaybsanaynaa” ayuu yiri Al-Cadaala.

Dabka oo aad u xoogganaa ayaa waxaa mar dambe ku guuleystay xakamayntiisa ciidanka dab-damiska, waxaana hadda socda tirakoobka inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Sida uu sheegay taliyaha ciidanka dab damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili guud ahaan ciidamada dab damiska degmooyinka caasimada ayaa hawlgalkan ka qayb-galay, sidoo kale 26 gaari dab damis ah ayaa iyaguna ka qayb qaatay howlgalka.

“Alla Mahadii ciidamada ayaa ku guuleystay in dabkaa hareereeyaan, inta aanu ku fidin suuqa intiisa kale oo ah mid cidhiidhi ah ayna adagtahay in gaadiidka Dabdemisku si fudud u galaan. Dabkan ayaa bilaabmay 11:56 pm” ayuu yiri taliye Axmed Sawaaxili.

Waxaa kale oo uu ka hadlay ciriiriga ka jira waddooyinka iyo dadka oo aad u badnaa, isaga oo fariin wacyigelin ah u diray bulshada Somaliland.

Horay waxaa sidaan oo kale ugu gubtay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kaas oo dhaliyay khasaare lixaadleh iyo burbur wayn oo soo gaaray suuqaasi.

Xogta shir muhiim ah oo DF Soomaaliya iyo IMF uga furmay dal kale + Sawirro

0

Riyadh (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Riyadh ee wadanka Sacuudiga ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya hay’adaha maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaraya horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo maalgalin lahaa ilaha wax soo saarka dalka oo uu ugu horeeyo kheyraadka dabiiciga ah ee uu wadankeenu hodanka ku yahay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirka ka qeyb-galaya oo ka kooban xafiisyada madaxeynaha, ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha kala ah wasaaradda maaliyadda, wasaaradda qorsheynta, wasaaradda batroolka, bangiga dhexe, hay’adda warbixinada maaliyadda, hay’adda istaatistikada qaranka iyo xafiiiska xisaabiyaha guud.

Shirkan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa lagu gorfayn doonaa wixii u qabsoomay dowladda Soomaaliya muddadii sanadka aheyd ee kasoo wareegtay markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymhii lagu lahaa.

Sidoo kale waxa uu noqonayo qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale.

Wasiir Biixi oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa faah-faahin buuxda ka bixiyay dadaalka wasaaradda maaliyadda ee ku aadan dib-u-habeynta maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay hadda ku socdaan hanaankii saxda ahaa ee lagu gaari lahaa horumar maaliyadeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hufnaanta iyo horumarinta maaliyadda, isagoo u mahad-celiyay sanduuqa IMF iyo bangiga adduunka oo si wanaagsan u la shaqeeya hay’addaha maaliyada Soomaaliya, taageerada farsamo iyo mid maaaliyeed ee ay ku taageeraan dowladda federaalka.

Sharaxid: Waa maxay Tacriif – Agabka dagaal ee Trump u adeegsanayo dalalka dunida

Washington (Caasimada Online) – Tacriif-ta ama cashuuraha ganacsiga ayaa haatan si weyn looga hadal hayaa warbaahinta.

Haddaba, waa maxay tacriif, maxaase muhiim ah in aad ka ogaato? Tacriifta waa canshuur la saaro badeecadaha la soo dhoofiyo. Waxaa badanaa lagu xisaabiyaa boqolkiiba qiimaha badeecadda uu iibsaduhu ka bixiyo alaab-qeybiyaha shisheeye.

Mareykanka, cashuuraha ganacsiga waxaa ururiya saraakiisha Kastamka iyo Ilaalada Xuduudaha (Customs and Border Protection) oo ka howlgala 328 dekedood iyo bar ganacsi oo dalka ku yaal. Heerarka cashuuraha Mareykanka way kala duwan yihiin: tusaale ahaan, cashuuraha la saaro baabuurta rakaabka waa 2.5%, halka kabaha golf-ka ay yihiin 6%.

Cashuurahaasi waxay hoos uga dhici karaan waddamada uu Mareykanka la leeyahay heshiisyada ganacsi. Tusaale ahaan, inta badan badeecadaha ayaa si xor ah ugu kala gudbi kara Mareykanka, Mexico, iyo Canada, sababo la xiriira heshiiskii ganacsi ee Trump uu la saxiixday dalalkaasi ee US-Mexico-Canada Agreement.

Dhaqaalaha iyo cashuuraha ganacsiga

Khubarada dhaqaalaha ayaa guud ahaan ka shaki qaba waxtarka tacriifta, iyagoo aaminsan inaysan ahayn hab wax ku ool ah oo dawladuhu dhaqaale uga helaan ama koboc dhaqaale u horseedi karaan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo taageere u ah tacriifta, wuxuu ku adkaystay in dalalka shisheeye ay bixinayaan cashuurahaasi. Laakiin xaqiiqda dhabta ah waa in shirkadaha Mareykanka ah ee soo dhoofiya badeecadaha ay bixinayaan cashuuraha, lacagtana ay ku dhacdo khasnadda dawladda Mareykanka (U.S. Treasury).

Shirkadahani, si ay u magdhabaaan khasaaraha, waxay sare u qaadaan qiimaha badeecadahooda, taasoo macnaheedu yahay in macaamiishu bixinayaan qarashka cashuuraha. Sababtaas awgeed, dhaqaaleyahannadu waxay sheegaan in cashuuraha ganacsiga ay ugu dambeyn ku dhacaan shacabka.

Hase yeeshee, cashuurahaasi waxay sidoo kale dhibaato ku noqon karaan dalalka shisheeye, maadaama ay sare u qaadaan qiimaha badeecadahooda, taasoo adkeynaysa in la iibiyo. Shirkadaha shisheeye ayaa mararka qaar ku khasbanaada inay hoos u dhigaan qiimaha badeecadahooda, taasoo yareyn karta faa’idadooda si ay uga tartamaan suuqa Mareykanka.

Daraasad uu sameeyay dhaqaaleyahan Yang Zhou oo ka tirsan Jaamacadda Fudan ee Shanghai ayaa lagu ogaaday in tacriifta Trump uu saaray badeecadaha Shiinaha ay saddex jeer ka badan waxyeelleeyeen dhaqaalaha Shiinaha marka loo eego saameynta ay ku yeesheen Mareykanka.

Trump iyo Tacriif-ta

Trump wuxuu ku dooday in tacriifaha ay abuuri doonaan shaqooyin warshadeed, yareyn doonaan deynta dawladda, hoos u dhigi doonaan qiimaha cuntada, islamarkaana u suurtagelin doonaan dawladda inay maalgeliso daryeelka carruurta.

“Cashuuraha ganacsigu waa wax la yaab leh oo la ikhtiraacay,” ayuu Trump ka yiri xaflad ka dhacday Flint, Michigan intii lagu jiray ololihiisii doorashada.

Muddadii uu xilka hayay, Trump wuxuu cashuuro dul-dhigay badeecadaha laga keeno dibadda, oo ay ka mid yihiin qoraxda laga dhaliyo korontada (solar panels), biraha, iyo dhammaan badeecadaha Shiinaha. Isagoo xoojinaya mowqifkiisa, wuxuu isku magacaabay “Tariff Man” (Ninka Tacriif-ta).

Trump ayaa ballan qaaday in haddii dib loo doorto uu kordhin doono cashuuraha ganacsiga ee uu saaro badeecadaha shisheeye, taasi oo uu billaabay in uu ka dhabeeyo.

Mareykanka ayaa sannadihii u dambeeyay si tartiib ah uga baxay doorkii uu ka ciyaarayay horumarinta ganacsiga xorta ah ee caalamiga ah tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

Isbeddelkani wuxuu ka dhashay dareenka ah in shaqooyin badan oo warshadeed ay lumaan, arrintaasoo loo aaneeyo ganacsiga aan xakamaysnayn iyo koboca dhaqaale ee Shiinaha.

Ujeeddada Tacriif-ta

Tacriif-ta ayaa loogu talogalay in lagu ilaaliyo warshadaha gudaha. Sare u qaadista qiimaha badeecadaha la soo dhoofiyo waxay faa’iido u noqon kartaa shirkadaha gudaha oo si fudud uga tartami kara suuqa.

Sidoo kale, cashuurahaasi waxay noqon karaan ciqaab la dul-dhigo waddamada lagu eedeeyo inay sameeyaan xeelado ganacsi oo aan cadaalad ahayn, sida kabidda (subsidizing) badeecadahooda ama iibinta alaabta qiimo aad u jaban (dumping).

Ka hor inta aan canshuurta dakhliga federaalka la hirgelin sannadkii 1913, tacriifaha waxay ahaayeen isha ugu weyn ee dakhli ka soo galo dowladda. Sida uu sheegay dhaqaaleyahan Douglas Irwin oo ka tirsan Jaamacadda Dartmouth, inta u dhaxeysay 1790 iyo 1860, cashuuraha ganacsiga waxay ka koobnaayeen 90% dakhliga dawladda.

Si kastaba ha ahaatee, cashuurahaasi waxay hoos u dhacaan markii ganacsiga xorta ah uu kobcay ka dib dagaalkii labaad ee adduunka, iyadoo dawladda ay u baahatay ilo dhaqaale oo ballaaran si ay u maareyso miisaaniyaddeeda.

Dowladda Mareykanka waxay sannad maaliyadeedkii dhammaaday 30-ka Sebtembar ururisay ku dhowaad $80 bilyan oo doollar oo cashuuraha ganacsiga ah, taasoo aad uga yar marka loo eego $2.5 tirilyan oo doollar oo ka soo xarooday canshuurta dakhliga shakhsiga iyo $1.7 tirilyan oo doollar oo ka yimid canshuurta bulshada (Social Security iyo Medicare).

Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu doonayaa in Mareykanku dib ugu laabto xeerarka miisaaniyadeed ee jiray qarnigii 19-aad, isagoo si xooggan u adeegsanaya cashuuraha ganacsiga.

Tacriif-ta iyo cadaadiska Diblomaasiyadeed

Tacriif-ta waxaa sidoo kale loo adeegsan karaa cadaadis diblomaasiyadeed, xitaa marka arrimahaasi aysan la xiriirin ganacsiga.

Sannadkii 2019, Trump wuxuu isticmaalay hanjabaadda cashuuraha si uu cadaadis ugu saaro Mexico inay xakameyso qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya Bartamaha Ameerika ee sii maraya xuduudda Mexico una sii socda Mareykanka.

Trump xitaa wuxuu cashuuraha u arkaa hab lagula xallin karo dagaallada. “Hal wicitaan ayaan sameynayaa,” ayuu ka yiri xaflad ka dhacday North Carolina bishii Agoosto.

Haddii waddan kale isku dayo inuu dagaal billaabo, wuxuu sheegay inuu ku hanjabi doono: “Waxaan idin dul-dhigi doonnaa cashuur 100% ah.”

Dhaqaaleyahannada oo ka digaya Tacriif-ta

Dhaqaaleyahannadu waxay rumeysan yihiin in cashuuraha ganacsigu ay sare u qaadaan qiimaha badeecadaha, taasoo saameyn taban ku yeelan karta shirkadaha iyo macaamiisha. Waxaa sidoo kale la filan karaa in dalalka kale ay sameeyaan aargoosi.

Tusaale ahaan, Midowga Yurub wuxuu cashuuro dul-dhigay badeecadaha Mareykanka sida bourbon-ka iyo mootooyinka Harley-Davidson si uu uga jawaabo cashuuraha Trump ee birta iyo aluminium-ka.

Daraasad ay sameeyeen dhaqaaleyahanno ka kala socda MIT, Jaamacadda Zurich, Harvard, iyo Bankiga Adduunka ayaa lagu ogaaday in cashuuraha Trump aysan wax shaqo ah u soo celin dalka.

 

Midowga Yurub oo wacad ku maray jawaab adag xilli Trump uu billaabay dagaal

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa Axaddii wacad ku maray inuu si Midowga Yurub ayaa Axaddii ku adkaystay inuu si adag uga jawaabi doono haddii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu tacriif ama cashuuro ku soo rogo, iyadoo Brussels ay cambaaraysay dagaalka ganacsi ee uu billaabay ee ka dhanka ah Canada, Mexico iyo Shiinaha.

Brussels ayaa illaa hadda sheegaysay inay rajaynayso in ay ka fogaato khilaaf ganacsi oo kala dhexeeya Trump, iyadoo loo marayo wada hadal.

Laakiin Jimcihii, hoggaamiyaha Maraykanka ayaa xaaladda sii adkeeyay isagoo sheegay inuu “gebi ahaanba” qorshaynayo inuu beegsado Midowga Yurub mustaqbalka, kaddib markii uu marka hore cashuuro saaray dalalka deriska la ah ee Waqooyiga Ameerika iyo Shiinaha.

“Midowga Yurub wuxuu ka xun yahay go’aanka Maraykanka ee uu cashuuraha ugu soo rogay Canada, Mexico iyo Shiinaha,” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Guddiga Yurub.

“Cashuuruhu waxay abuuraan khalkhal dhaqaale oo aan loo baahnayn, waxayna sare u qaadaan sicir-bararka. Waxyeello ayay u gaystaan dhammaan dhinacyada.”

Afhayeenku wuxuu sheegay “in Midowga Yurub uu si adag uga jawaabi doono waddan kasta oo ay ganacsi wadaagaan, kaasoo si aan caddaalad ahayn ama si aan loo meel dayin cashuuro ugu soo roga badeecadaha Midowga Yurub”.

“Waqtigan xaadirka ah, ma ogin wax cashuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay badeecadaha Midowga Yurub,” ayuu raaciyay.

Wuxuu sheegay in Midowga Yurub oo ka kooban 27-ka dal ay weli ka go’an tahay cashuuro hooseeya si “kor loogu qaado kobaca iyo xasilloonida dhaqaale ee nidaam ganacsi oo xooggan oo ku dhisan sharci”.

Wuxuuna ku celiyay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub xiriirkiisa ganacsi iyo maalgashi ee uu la leeyahay Maraykanka — “ka ugu weyn adduunka”.

“Waxaa jira wax badan oo halis ku jira,” ayuu yiri Afhayeenku. “Waa inaan labadeennuba eegnaa sidii loo xoojin lahaa xiriirkan.”

Trump ma uusan qarsan cadaawaddiisa ku wajahan Midowga Yurub, isagoo ku eedeeyay inuu Maraykanka “si aad iyo aad u cadaalad-darro ah” ula dhaqmay dhanka ganacsiga.

Xiisadaha ayaa sidoo kale sare u kacay ka dib markii uu si joogto ah ugu adkaystay inuu doonayo inuu Greenland ka qaato Denmark, oo xubin ka ah Midowga Yurub.

Sannadkii 2018, intii lagu jiray muddo xileedkiisii ugu horreeyay, Trump wuxuu cashuuro saaray dhoofinta birta iyo aluminiumka Yurub — taasoo keentay in Midowga Yurub uu kaga jawaabo cashuuro u gaar ah oo ka sarreeya.

Natiijadaas awgeed, Yurub waxay muddo bilo ah dajinaysay qorshayaal kala duwan si loo hubiyo inay diyaar u tahay markan, haddii uu go’aansado inuu bilaabo khilaaf ganacsi oo cusub oo uu la galo ururka.

‘Cidna ma caawin doonto’ –

Dibloomaasiyiinta iyo saraakiisha Midowga Yurub ayaa ku adkaysanaya inay midaysan yihiin, ayna haystaan qalab ay kaga jawaabaan tallaabooyinka Trump — laakiin khubarada ayaa sidoo kale tilmaamaya dildillaacyo suurtagal ah haddii uu cadaadiska kordhiyo.

Awoodda dhaqaale ee Jarmalka — oo wajahaysa doorasho adag bishan iyo dhaqaale hoos u dhacay — ayaa ka gaabsanaysay arrimaha cashuuraha.

Trump waxa kale oo ay u badan tahay inuu isku dayo inuu iska horkeeno danaha dowladaha shakhsi ahaaneed ee Midowga Yurub.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa horeyba ugu loolamayay inay ku dhowaadaan, iyadoo Giorgia Meloni ee Talyaaniga ay hoggaaminayso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Antonio Tajani, ayaa Axaddii qoray in “dagaal cashuureed uusan cidna caawinaynin”, isagoo sheegay in Talyaanigu uu hayo fikrado uu ku ilaalinayo shirkadihiisa, isla markaana ay Rome dhex-dhexaadiye ka noqon doonto Washington.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa weli rajaynaya inay ka dhaadhicin karaan Trump inuusan sii wadin qorshihiisa cashuuraha.

Madaxa Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa bishii Nofembar soo jeedisay qorshe suurtagal ah oo lagu ilaalinayo taageerada TRUMP: iibsashada gaas dabiici ah (LNG) oo badan oo ka yimaada Maraykanka.

Taas ayaa lagu tilmaamay mid labada dhinacba ay ku wada guulaysanayaan, maadaama ay ka caawin doonto ururka inuu iska daayo saadka ka yimaada Ruushka, halka ay sidoo kale qancinayso hoggaamiyaha Maraykanka.

Trump laftiisa ayaa dalbaday in Midowga Yurub uu iibsado saliid iyo gaas badan oo Maraykan ah — isagoo sidoo kale ka cabanaya in ururku uusan soo dhoofsan wax ku filan oo ah baabuurta Maraykanka iyo wax-soo-saarka beeraha.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan khatarta cashuuraha ee soo fool leh, ee ka imaanaysa Ttump, magaalada Brussels maanta oo Isniin ah, shir looga golleeyahay in diiradda lagu saaro arrimaha difaaca.

Awoodda militari ee Maraykanka ayaa weli aasaas u ah amniga Yurub iyada oo loo marayo NATO. Xulafada Maraykanka oo si xilkasnimo leh isha ugu haya Ruushka ayaa ka baqaya in ka caraysiinta Trump ay khatar gelin karto kaalinta Washington ee ilaalinta qaaraddooda.

Xogta howl-gallo culus oo maanta ka dhacay gobolka…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howl-gallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada Macawiisleyda ay ka fuliyeen gobolka Galgaduud.

Howlgalka koowaad ayaa waxa uu tilmaamay inuu ka dhacay magaalada Bud-Bud, islamarkaana laga saaray maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee muddada ku sugnaa halkaasi.

“Ciidanka deegaanka ee ka howlgala bariga gobolka Galgaduud ayaa howlgal qorsheysa waxa ay ka fuliyeen meesha la yiraahdo Bud Bud iyo Bood waxay qabsadeen gacan ku heynta magaalada oo dhan,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada marka ay qabteen magaalada ay isugu yeereen dadka deegaanka, islamarkaana ay kula hadleen goob fagaare ah, iyaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada, maadaama laga xoreeyay Al-Shabaab.

“Waxay isugu yeereen dadkii shacabka ahaa waxayna u sheegeen in kooxda maafiyada Khawaarijta in aysan tabar badneyn is dajiyaan ciidankana ay la shaqeeyaan,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in howl-gal kale oo ay qaadeen ciidamada deegaanka uu isna ka dhacay degmada Ceelbuur, kaas oo isna lagu beegsaday goob ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana dhimasho iyo dhaawac loo gaystay.

“Waxaan la soconaa dad deegaan ah oo is abaabulay inay weerareen degmada Ceelbuur ay maafiyadii ay ku shireyso oo horjoogayaal ay kamid yihiin ay ku khaarijiyeen,” ayuu yiri.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada dhexe oo ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Suuqa labaad ee ugu weyn Hargeysa oo gubtay + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab wayn oo xalay ka kacay Suuqa Gobonimo, gaar ahaan qaybta xigta deyrka waqooyi ee Idaacada, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Dabka ayaa inta badan baabi’iyay suuqan oo ah kan labaad ee ugu wayn magaalada Hargeysa, wuxuuna ku fiday goobo ganacsi oo ku yaallay gudaha suuqaasi.

Ciidamada dab damiska Somaliland oo goobta gaaray ayaa mar dambe ku guuleystay xakamaynta dabka, waxaana hadda socda tirakoobka inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Sida uu sheegay taliyaha ciidanka dab damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili guud ahaan ciidamada dab damiska degmooyinka caasimada ayaa hawlgalkan ka qayb-galay, sidoo kale 26 gaari dab damis ah ayaa iyaguna ka qayb qaatay howlgalka.

“Alla Mahadii ciidamada ayaa ku guuleystay in dabkaa hareereeyaan, inta aanu ku fidin suuqa intiisa kale oo ah mid cidhiidhi ah ayna adagtahay in gaadiidka Dabdemisku si fudud u galaan. Dabkan ayaa bilaabmay 11:56 pm” ayuu yiri taliye Axmed Sawaaxili.

Sidoo kale wuxuu ka ka hadlay ciriiriga ka jira waddooyinka iyo dadka oo aad u badnaa, isaga oo fariin wacyigelin ah u diray bulshada Somaliland.

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyay Wasaarada Arrimaha Gudaha,Badhasaabka, Maayar xigeenka, Xoghayaha dawlada hoose, xildhibaanada, Dawlada hoose Hargeysa,  Ciidamada Booliska, Ciidanka Military ga, Wasaarada Warfaafinta, Booyadaha Shacabka iyo dadweynaha oo iyaguna ka qayb qaatay dadaalka daminta dabkaasi.

Horay waxaa sidaan oo kale ugu gubtay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kaas oo dhaliyay khasaare lixaadleh iyo burbur wayn oo soo gaaray suuqaasi.

Somalia: Key senator rejects government’s vote plan

Mogadishu, Somalia – A prominent Somali senator has publicly rejected the federal government’s proposal for a one-person-one-vote electoral system, intensifying an already heated debate about the country’s political future and raising concerns about potential instability.

Senator Abdi Qaybdiid, a former Somali Police Chief and a key figure from the Galmudug regional state declared his opposition to the proposed electoral model slated for implementation in 2026.

“Only a nationally agreed-upon election will take place in Galmudug,” Qaybdiid asserted. “The stakeholders of Galmudug will jointly deliberate on this matter.”

Qaybdiid’s statement marks the first open challenge by a sitting senator to the controversial one-person-one-vote system, which has become a central point of contention in Somalia’s complex political landscape.

The senator also criticized President Hassan Sheikh Mohamud’s frequent international travels, urging the federal parliament to be vigilant of the “wrong path” Somalia was treading.

Federal Government defends plan

The Federal Government of Somalia (FGS) maintains that the new system will be implemented in parts of the country, excluding the autonomous Puntland state, which was established in 1998 as the first federal member state in Somalia.

The government has framed the transition to a one-person-one-vote system as a crucial step towards democratization and a departure from the current clan-based indirect election model.

Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama defended the plan, arguing that aligning the country’s political calendar and holding elections at all levels simultaneously is necessary.

“The term extension is an essential step to move away from the indirect election system, which is based on the clan system and which we have been using for the past seven years,” Jama told reporters in Mogadishu.

The term extension refers to a recent decision by the National Consultative Council, a body comprising federal and regional leaders, to extend the mandates of regional leaders. The government claims this is necessary to facilitate the transition.

One-person, one-vote: A contentious proposal

The proposed shift to a one-person-one-vote system, also known as universal suffrage, has long been a goal for Somalia as it seeks to establish a stable democracy after decades of civil war and political turmoil.

The current system, known as the “4.5 system,” allocates parliamentary seats based on clan affiliation, a process many see as undemocratic and divisive.

However, the ambitious 2026 timeline for implementing the new system has drawn criticism.

Critics, including opposition politicians and political analysts, express concerns about the feasibility of such a rapid transition given the ongoing security challenges posed by the al-Shabaab insurgency and unresolved political disputes between the federal government and regional states.

Fears of renewed conflict

Opponents of the government’s plan have voiced strong concerns about the timeline, arguing that the unresolved political disagreements between the federal government and regional states could lead to further delays or even trigger renewed conflict.

They point to the lack of a finalized constitution, ongoing disputes over power-sharing and resource allocation, and the volatile security situation as major obstacles to implementing nationwide direct elections.

Puntland’s exclusion from the proposed electoral system adds another layer of complexity to the situation. The region has consistently advocated for a greater degree of autonomy and has had a strained relationship with the central government in Mogadishu.

Puntland leaders have previously expressed concerns regarding the one-person-one-vote system, fearing it could marginalize their influence.

The success or failure of the proposed electoral reform will have far-reaching implications for Somalia’s political stability and its transition to a fully functioning democracy.

Wareysi: Jubaland oo codsi u dirtay DF, kana cabatay cunaqabateynta la saaray

0

Doolow (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay in la xaliyo khilaafka kala dhaxeeya dowlada federaalka.

Wasiir Dhuumaal oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in khilaafkaan uu saameyn weyn ku yeeshay amniga Jubbaland, isla markaana ay lama huraan tahay in la xaliyo.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay safarkii Axmed Madoobe uu ku tegay Nairobi, isagoo sheegay in halkaas uu kula soo kulmay qaar kamid ah safiirrada caalamka.

“Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu lasoo kulmay madaxda dowladda Kenya, maadaama aan wadaagno xuduud dheer, muhiimna ay tahay inaan ka wadashaqeyno amniga, markii barnaamijyadaasi u soo dhamaadeena, wuxuu ku soo noqday Kismaayo,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.

Wasiirka ayaa la weydiiyey waxa ka jira wadahadalo ay yeesheen Jubbaland iyo dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in wax wadahadal ah aysan dhicin, “xitaa hadii ay jirto waa wax madaxweynaha gaar u ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey in Axmed Madoobe uu Nairobi u tegay arrimo caafimaad, wuxuuna dafiray hadal-heyntaas, “Qaabilaad iyo shaqo ayuu ku jiray mooyaane, ma jirin arrimo caafimaad oo madaxweynuhu Nairobi u tegay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale wasiirka amniga Jubbaland ayaa codsaday in khilaafkaan laga wadahadlo, “Madaxweynaha sharafta leh Xasan Sheekh waa madaxweynaheena colaad nagama dhaceyso, waxaan ogolnahay wadahadal, hadii aan qaldanahay waa nala qabsan karaa,” ayuu yiri wasiir Dhuumaal.

Wasiirka ayaa quus ka muujiyey xaaladda Jubbaland, isagoo tusaale u soo qaatay in isagoo jooga Doolow uusan tegi karin degmada ugu dhow ee Luuq, “Khalaafkaan saaneyn adag ayuu nagu yeeshay ciidamadii waxaa laga soo jeediyey argagixisadii ay dagaalka kula jireen, waxaan joogaa Doolow oo go’doon ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Dhuumaal.

Jabuuti oo war kasoo saartay weerar ay ku qaaday jabhadda FRUD, balse Itoobiya oo…

Jabuuti (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa fuliyay weerar ay ka gaysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones-ka) meel ku dhow xadka ay la wadaagaan dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku dileen siddeed xubnood oo ka tirsan koox hubeysan iyo tiro aan la cayimin oo dad rayid ah, sida ay mas’uuliyiintu shaaciyeen Axadda maanta ah.

“Weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lala beegsaday koox hubeysan oo ku sugneyd deegaanka Addorta ee dalka Jabuuti, kaas oo qiyaastii lix kiiloomitir (3.7 mayl) u jira xadka Itoobiya,” ayay tiri wasaaradda gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

“Siddeed ka mid ah kooxda hubeysan ayaa lagu dilay weerarkaasi,” ayay wasaaraddu hadalkeeda ku dartay. Waxay kaloo qirtay in “khasaare soo gaaray dad rayid ah oo u dhashay Jabuuti uu jiro, arrintaas oo ah mid aan ka xunahay,” balse ma aysan bixin faahfaahin intaa ka badan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Jabuuti ayaa shaacisay in baaritaan la furay, iyadoo intaa ku dartay in kooxda hubeysan ee la beegsaday ay wadeen “abaabul colaadeed” oo “khatar ku ahaa saldhigyada ciidamada ee ku yaalla xadka.”

La-taliyaha Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo lagu magacaabo Alexis Maxamed, ayaa sheegay mar ay wariyeyaasha AFP wax ka weydiiyeen weerarkan, in kooxda hubeysan ee la beegsaday ay ka tirsanaayeen Jabhadda Hubaysan ee Soo Celinta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda (FRUD A), oo Jabuuti u aqoonsan tahay koox argagixiso ah.

Jabuuti mise Itoobiya?

Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa Itoobiya ayaa sheegay in weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu ka dhacay gudaha dhulka Itoobiya, balse mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa arrinkaas gaashaanka ku dhuftay. Mudane Maxamed ayaa ku celceliyay in weerarku uu ka dhacay gudaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

Mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin codsiyada ay wariyeyaasha AFP u direen si ay uga hadlaan dhacdadan.

Bishii Oktoobar 2022, toddoba askari ayaa la dilay, lix kalena waa la afduubay, ka dib weerar lagu qaaday xerada ciidankooda ee Garabtiisan, oo dhacda waqooyiga Jabuuti. Mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa weerarkaas ku eedeeyay jabhadda FRUD. Askartii la afduubay ayaa dib loo sii daayay dhowr toddobaad ka dib.

Jabhadda FRUD oo xubnaheeda laga soo uruuriyo qowmiyadda Cafarta ee ku dhaqan waqooyiga Jabuuti, ayaa sannadkii 1991-kii billowday dhaq-dhaqaaq hubeysan oo ka dhan ah dowladda, iyagoo sheeganayay inay difaacayaan danaha qowmiyadda Cafarta oo ay ka ilaalinayaan qowmiyadda Ciisaha, oo ah qowmiyadda kale ee ugu tirada badan dalka.

Kooxdan ayaa markii dambe u kala qeybsantay laba garab. Iyadoo garabka FRUD uu hadda qeyb ka yahay isbahaysi ka kooban afar xisbi siyaasadeed oo taageera Madaxweyne Geelle, haddana garabkeeda hubaysan ee FRUD A ayaa sii wada weerarrada hubeysan.

Jabuuti oo ku taalla mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan adduunka, halkaasoo ay isaga darsamaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayaa waxaa ku yaalla saldhigyo milatari oo muhiim ah, kuwaas oo ay ku leeyihiin dalalka Mareykanka iyo Faransiiska.

DF oo shaacisay qorshe ka dambeeya muddo kordhinta madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa difaacday go’aankeeda ku aaddan kordhinta muddo xileedka hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, iyadoo ku tilmaamtay tallaabo lagama maarmaan u ah horumarinta dib-u-habeynta doorashooyinka iyo u-gudbidda nidaamka “hal qof, hal cod”.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in muddo kordhintan, oo lagu soo afmeeray shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka, ay qeyb ka tahay qorshaha dowladda federaalka ee isku aaddinta jadwalka siyaasadeed ee dalka, si doorashooyinka dhammaan heerarkooda kala duwan hal mar loogu wada qabto.

“Muddo kordhintu waa tallaabo lama huraan ah oo looga weecanaayo hannaanka doorasho ee dadban, kaas oo ku saleysan nidaamka beelaha, isla markaana aan ku dhaqmeyney muddo haatan laga joogo toddobo sano,” ayuu Mudane Jaamac hadalkan u sheegay wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.

‘Qorshaha doorasho toos ah oo socda’

“Waxaa naga go’an in aan muwaadiniinta Soomaaliyeed u suurta galinno in ay si toos ah u soo doortaan hoggaamiyeyaashooda — laga soo bilaabo mas’uuliyiinta heer deegaan, illaa heer gobol, iyo weliba kuwa dowlad-goboleed.”

Saalax ayaa sidoo kale sheegay in guddiga doorashooyinka qaranka ee dhawaan la asaasay uu haatanba bilaabay howlaha la xiriira diyaar-garowga coddeynta, iyadoo saraakiil ka tirsan guddigu ay kormeer ku kala bixin doonaan gobollada muhiimka ah ee dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.

Guddiga ayaa qorsheynaya inuu korjoogteeyo geeddi-socodka xilliga kala-guurka ah, sidoo kalena xaqiijiyo in daneeyeyaasha kala duwan ee heer deegaan ay qeyb ka noqdaan howlaha doorashooyinka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in bisha Juun 2025 ay tahay waqtiga loo qorsheeyay qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka, taasoo haddii ay hirgasho astaan weyn u noqon doonta geeddi-socodka dib-u-habeynta hannaanka doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasoo ku doodaya in hannaanka lagu fulinaayo aanu lahayn hufnaan ku filan, isla markaana uu sii xoojin karo awoodda maamulka talada haya.

Siyaasiyiinta ka soo horjeeda hannaanka dowladda ayaa weliba walaac xooggan ka muujiyay waqtiga loo qabtay, iyagoo ku adkeystay in khilaafaadyada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, kuwaas oo aan xal rasmi ah laga gaarin ay sababi karaan dib-u-dhac kale ama xitaa inay hurin karaan colaad hor leh.

Caqabadaha doorasho qof iyo cod ah

Dhinaca kale, caqabad weyn ayaa weli ka taagan dhanka ammaanka. Iyadoo kooxda Al-Shabaab ay weli ku xooggan tahay deegaannada baadiyaha ah, ayna weerarro joogta ah ka geysato gudaha dalka, hubinta in dhammaan muwaadiniintu ay si nabad ah uga qeyb-qaadan karaan doorashooyinka ayaa weli ah arrin walaac weyn laga qabo.

Soomaaliya ayaa tan iyo horraantii qarnigan 21-aad ku tiirsaneyd hannaanka doorasho ee dadban, halkaasoo odayaasha dhaqanka ay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka, kuwaasoo markooda doorta Madaxweynaha.

Hannaankan, oo saldhig u ah qaab-dhismeedka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, ayaa ahaa xal wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinaayay metelaadda siyaasadeed ee waddan kasoo kabanaayay colaad sokeeye, laakiin waxa uu muddooyinkii u dambeeyay dhaleeceyn kala kulmayay inuu kordhiyey musuqmaasuqa, isla markaana xaddiday ka qayb-galka siyaasadeed ee shacabka.

Maamulladii hore ee dalka ayaa isku dayay inay hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah, hase yeeshee isku dayadaas ayaa la kulmay caqabado laxaad leh. Tusaale ahaan, sannadkii 2020, dowladdii hore ayaa qorsheysay inay dalka ka hirgeliso nidaamka “hal qof, hal cod”. Hase yeeshee, khilaafaadyadii siyaasadeed ee soo noqnoqday iyo caqabadaha dhanka ammaanka ayaa sababay in dib loo dhigo qorshayaashaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay xildhibaannadu ku doorteen doorasho dadban bishii Maajo 2022, muddo xileed afar sano ah, ayaa mudnaanta koowaad siiyey in dalka laga hirgeliyo doorasho toos ah, taasoo uu sheegay inay tahay ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee maamulkiisa. Xildhibaannada ayaa tan iyo markaas soo jeediyay in muddo xileedka Madaxweynaha laga dhigo shan sano, inkastoo wax-ka-beddelkaas aan weli la ansixin.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in qorshaheeda hadda uu abuuri doono nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay, hufan, isla markaana xaqiijinaaya metelaadda shacabka.

Saalax Axmed Jaamac ayaa markale ku celiyay in dowladda ay u furan tahay wadahadal lala yeesho kooxaha mucaaradka si wax looga qabto walaacyada ay qabaan, balse waxa uu ka digay in dib-u-dhacyo hor leh ay khatar gelin karaan jadwalka dib-u-habeynta.

“Waxaan heynaa qorshe cad oo aan ku dhaqaaqeyno,” ayuu yiri Mudane Jaamac. “Ma awoodno inaan iska lumino fursaddan taariikhiga ah ee dib-u-habeynta siyaasadeed ee dalka.”

Somalia defends regional leaders’ term extensions

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s federal government has defended its decision to extend the terms of regional leaders, calling it a necessary step towards electoral reforms and a transition to a “one person, one vote” system.

The extension, finalized during the latest National Consultative Council meeting, is part of the federal government’s plan to synchronize the country’s political calendar, Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama said.

“The term extension is a necessary step to move away from the indirect election system, which is based on a clan system and has been practiced for seven years,” Jama told reporters in Mogadishu.

‘Direct election plan underway’

“We are committed to enabling Somali citizens to elect their leaders directly – from the local to the regional and state levels,” he added.

Jama said the recently established National Electoral Commission has already begun preparations for the polls, with officials set to visit key regions in all federal member states. The commission will oversee the transition process and ensure the participation of local stakeholders.

The National Electoral Commission announced that local council elections are scheduled for June 2025, marking a significant milestone in the electoral reform process if it goes ahead.

However, the plan has drawn criticism from some opposition politicians, who argue that the process lacks transparency and could further consolidate the current administration’s power.

Opposition politicians have also expressed concerns about the timeline, arguing that unresolved political disputes between the federal government and regional administrations could cause further delays or ignite new conflicts.

Challenges to implementing universal suffrage

Security remains a major challenge. With Al-Shabaab militants still controlling parts of the countryside and carrying out frequent attacks, ensuring that all citizens can participate safely in the elections remains a major concern.

Somalia has relied on an indirect election system since the early 2000s, where clan elders select members of parliament, who then elect the president.

This system, which is the basis of the 4.5 clan power-sharing formula, was initially seen as a pragmatic solution to ensure political representation in a country recovering from civil war. However, it has increasingly been criticized for fostering corruption and limiting political participation.

Previous administrations attempted to implement universal suffrage, but these efforts faced significant obstacles. For example, in 2020, the previous government planned to implement a “one person, one vote” system. However, recurring political disputes and security challenges caused these plans to be postponed.

President Hassan Sheikh Mohamud, whom lawmakers elected in an indirect election in May 2022 for a four-year term, has prioritized direct elections as a key objective of his administration.

Lawmakers have since proposed extending the presidential term to five years, although this amendment has not yet been approved.

The federal government maintains that its current plan will create a more inclusive and transparent political system that ensures public representation.

Jama reiterated that the government is open to dialogue with opposition groups to address their concerns but warned that further delays could jeopardize the reform schedule.

“We have a clear plan that we are moving forward with,” Jama said. “We cannot afford to miss this historic opportunity for political reform in the country.”

Djibouti drone strike kills rebels and civilians

DJIBOUTI CITY, Djibouti – Djibouti’s military launched a drone strike targeting a rebel group near the Ethiopian border, killing eight militants and an unspecified number of civilians, authorities said Sunday, raising tensions in the volatile Horn of Africa region.

The strike, which took place in Addorta, a Djiboutian locality approximately six kilometers (3.7 miles) from the Ethiopian border, targeted members of the Armed Front for the Restoration of Unity and Democracy (FRUD A), according to the Djibouti Defense Ministry.

“Eight terrorists were neutralized,” the ministry said in a statement, adding that “collateral damage was unfortunately reported among Djiboutian civilians.” The statement did not specify the number of civilian casualties.

Dispute over location of strike

While Djibouti maintains the strike occurred within its territory, the Ethiopian daily Addis Standard reported the attack took place in the Siyaru Kebele, Elidar district of Ethiopia’s Afar region, citing local sources.

A resident, speaking to Addis Standard on condition of anonymity, claimed the attack happened “multiple times during the night” and resulted in “the deaths of more than eight people,” including a pregnant woman and two brothers. The resident added that at least four others were seriously injured.

Alexis Mohamed, an advisor to Djibouti President Ismael Omar Guelleh, confirmed to AFP that the targets were FRUD A members but insisted the strike occurred on Djiboutian territory.

Ethiopian authorities have not yet commented on the incident.

Djibouti’s Defense Ministry said the targeted rebels had been engaged in “hostile actions” that constituted “a potential threat to our advanced posts.” The government has opened an investigation into the incident.

The FRUD A, which Djibouti considers a terrorist organization, has been active in the country’s north since the early 1990s. Recruited primarily from the Afar ethnic group, the group launched a rebellion in 1991, claiming to defend Afar interests against the Issa, the country’s other main ethnic community.

FRUD: A history of conflict and division

The FRUD, the movement’s political wing, signed a peace accord with the government in 1994, officially ending the civil war. This agreement led to the group’s integration into the ruling coalition. The FRUD currently supports President Guelleh.

However, a splinter group, the FRUD A, rejected the peace deal and continued its armed struggle. This faction has been implicated in several attacks in recent years, including a 2022 raid on a military barracks in Garabtisan, northern Djibouti, which resulted in the deaths of seven soldiers. Six kidnapped soldiers were released a few weeks later.

Djibouti, a small nation of under one million people, holds strategic importance due to its location on the Bab el-Mandeb Strait, a crucial chokepoint for global shipping connecting the Red Sea to the Gulf of Aden.

This strategic location has attracted major world powers. The country hosts a significant US military base, Camp Lemonnier, which serves as a hub for counterterrorism operations in the region. T

he former colonial power, France, also maintains a large military presence in Djibouti. China, Japan, and Italy have all recently established military bases there.

The drone strike comes amid a period of heightened tension and instability in the Horn of Africa.

Ethiopia, Djibouti’s larger neighbor, has been grappling with internal conflicts, including a devastating civil war in the Tigray region that ended in November 2022. It currently faces other internal conflicts, such as in the Amhara region. The region is also affected by the ongoing conflict in Somalia and the recent war in Sudan.

Xasan Sheekh iyo Deni oo sameeyay arrin ay dunida la yaabtay iyo waxa ay muujineyso

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si gooni-gooni ah ugu mahad-celiyay Mareykanka, iyaga oo siyaabo kala duwan uga hadlay duqeyntii ay milateriga Mareykanka ka fuliyay gudaha dalka.

Labada nin oo midkoodna uusan ka kale soo hadal qaadin ayaa Donald Trump ku amaanay tallaabadan, tan oo muujineysa heerka khilaafka shaqsiga ah ee labada nin gaaray, kaasi oo si weyn u saameeyay dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ma xusin Puntland, dagaalka ka socdana kama hadal tan iyo intii uu gulufkaas bilowday, waraysigii ugu dambeeyey ee uu siiyey wargayska Washington Post sooma hadal qaadin Daacish iyo duulaanka ay Soomaaliya ku soo qaaday.

Si lamid ah, madaxweynaha Puntland isna sooma qaadin Soomaaliya iyo dowlad federaal ah toona, laakiin Trump iyo taliskiisa ciidan ee AFRICOM waxay sheegeen in ay dowladda federaalka ah wargeliyeen, iyadna ku abaal sheegteen, sababtoo ah dunidu dawladda Soomaaliya bay aqoonsan tahay.

“Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish waa natiijo ka dhalatay dowlad la’aanta, haddii si kale loo dhigo waa qandhadii ee ma aha cudurkii. Colaadihii sokeeye waxay dhaawaceen is aaminiddii bulso, iyo kalsoonidii lagu qabay dawladda, waxaa la kala dhowaystay, la iskuna xoojiyaa ajnabiga,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay arrintan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in argagixisada looga adkaan karo, dadkuna dowladda ku aamini karaan hoggaanka dalka, hay’adaha dawladda iyo habdhaqanka horwaynta siyaasadda oo ka waantooba sababihii keenay burburka dowladda iyo ka aamin baxeeda kuwaasi oo ah;

  1. Ku tumashada dastuurka iyo sharciga, ku takrifalka awoodeed iyo ku amar taaglaynta.
  2. Sadbursi, qoys iyo qaraabo kiil.
  3. Eex, musuq iyo ajnabi u adeeg.

“Masuuliyadda looma sinna ee eedda ugu wayn waxaa leh ninkii shafka u gaaracay, Soomaalina u xil saaratay in uu dalka kala qaybsan iyo dadka kala irdhoobay isku keeno,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Madaxweyne hore oo si yaab leh ugu jawaabay mucaaradka ku kacsan Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si weyn u difaacay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo u jawaabay mucaaradka maalmihii dambe ku dhaganaa ee eedeymaha u jeedinayay madaxweynaha.

Cosoble ayaa ugu horreyntii difaacay in dowladda bixiso dhulka danta guud si loogu faa’iideyo shacabka iyo dowladnimada, halka mucaaradka ay sheegeen in dhaqaale yar lagu xaraashayo dhulkiii danta guud oo badankood si xoog ah looga kiciyay shacab deganaa.

“Dhulaa la bixiyeeey waa wareeey dhulaa la boobeeey ayey meelaha la taagan yihiin. Waxay ugu sheekeynayaan shacabka inaysan dowladii dhul bixin karin. Dowladaha dhul waa bixiyaan. Dhul waxaa la siiyaa hey’ado dowli ah, safaarado shisheeye, warshado gaar loo leeyahay oo dalka looga baahan yahay, shirkado ama kambaniyo waddani ah ama kuwo ajnabi oo maalgelin sameynaya,” ayuu yiri Cosoble.

Waxa uu intaas kusii daray “Dad badan oo Soomaali ah waxay rabaan Xamar iney gudaafad u ekaato oo eysan yeelan muqaal caasimadeed. Kuwo kalana damac ayaa uga jira xukunka dalka, balse waxa keliya ee ay rabaan iney shacabka ku hantaan waa iney baraha bulshada la taagnaadaan dacaayado weliba been abuur ah oo raqiis ah.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Dhulaa la bixiyeeey waa wareeey dhulaa la boobeeey ayey meelaha la taagan yihiin. Waxay ugu sheekeynayaan shacabka ineysan dowladii dhul bixin karin. Dowladaha dhul waa bixiyaan. Dhul waxaa la siiyaa hey’ado dowli ah, safaarado shisheeye, warshado gaar loo leeyahay oo dalka looga baahan yahay, shirkado ama kambaniyo waddani ah ama kuwo ajnabi oo maalgelin sameynaya.

Haddey dalka timaado shirkad caasimadda ka dhiseysa hotel caalami ah oo ay ku baxeyso dhismihiisa 50 malyan oo dollar, muwaadiniin badan ay shaqo ka helayaan, dowladdana ay uga soo xarooneyso sannadkii dhowr malyan oo dollar, cid looga fasax qaadanayo ma jirto ee meesha ugu habboon ayaa laga siinayaa dhulka, taana micnaheeda ma aha dhulka in la boobayo.

Dad badan oo Soomaali ah waxay rabaan Xamar iney gudaafad u ekaato oo eysan yeelan muqaal caasimadeed.

Kuwo kalana damac ayaa uga jira xukunka dalka, balse waxa keliya ee ay rabaan iney shacabka ku hantaan waa iney baraha bulshada la taagnaadaan dacaayado weliba been abuur ah oo raqiis ah.

Ma hayaan barnaamijyo ay dalka ku horumarinayaan iyo qorsheyaal la xiriira sida ay dalka uga sifeynayaan argagixisada, sida ay dhowr malyan oo dhallinyaro ah shaqo ugu abuurayaan, sida ay waxbarashada u gaarsiinayaan dalka oo idil, sida ay sare ugu qaadayaan wax soo saarka beeraha hoosna ugu dhigayaan ku tiirsanaanta mucaawinooyinka raashiinka, sida ay dalka dib ugu soo celinayaan Soomaalida qaxootiga ah, iwm.

Qorsheyaashaa ma hayaan ee warkooda oo dhan waa dastuurkii ayaa la beddelay, dhulaa la gatay, see Itoobiya iyo Masaari loo kala ilaalinaa iyo hadallo badan oo qofkii damiir leh uu ku yaq-yaqsoonayo.

Kuwa raba in uusan dalka ka bixin tiiha uu ku jiro muddada aadka u dheer waxaan leeyahay umadda yaan la marin habaabin ee Ilahey ka baqa. Kuwa u heysta iney Ilaahey oo laga baqo ku kooban tahay shanta waqti oo la tukado, kadibna laga shaqeyn karo been iyo masabbid iyo wax walboo xun waxaan leeyahay shaydaan baa been idiin sheegay ee isaga fogaada.

Xogta mashruuc weyn oo markii u horeysay laga hirgelinayo dalka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc weyn oo ka kooban Sima 5-Star Hotel oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalkeennu yeesho.

Mashruucan maanta la dhagax dhigay ayaa qeyb ka ah suuq (Mall) weyn oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyada suuq casri ah looga baahan yahay.

Mashruucan ayaa qayb weyn ka qaadan doonaa horumarka dalka, si gaar ah caasimadda, isagoo abuuri doona fursado shaqo oo tiro badan, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe laga hirgelinaya mashaariic muhiim ah oo qeyb ka ah dib u dhiska iyo horumarka dalka, taas oo caalamka tusaysa wejiga Soomaaliyada cusub.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa isla maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee dowladda Falastiin Rowaid Adil Mohamed , oo dhawaan laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Falastiin.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Safiir Rowaid Adil Mohamed ugu hambalyeeyay xilka cusub, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya ay mar walba garab taaggan tahay shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa taariikhiga ah ee ay u leeyihiin Falastiiniyiintu xornimada iyo madax-bannaanidooda wuxuunna cadeeyay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn barakicinta shacabka falastiin.

Safiir Rowaid ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey dowladda federaalka Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Falastiin, isaga oo xustay in dadka reer Falastiin ay si dhow u og yihiin abaalka walaaltinimo ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa labada bulsho.