25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Saddex u jeedo oo Trump uu ka lahaa amarkii Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Toddobaadyo kadib markii Donald Trump dib ugu soo laabtay Xafiiska Oval-ka, Mareykanka ayaa Sabtidii fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhacay Soomaaliya.

Weerarradan ayaa dad badan ka yaabiyay, maadaama uu Trump horey u amray in ciidamada Mareykanka laga saaro dalka intii uu xilka hayay. Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa xilli Soomaaliya aysan ka mid ahayn meelaha ay dunidu sida weyn indhaha ugu hayso, iyada oo laba dagaal oo waaweyn ay ka socdaan caalamka.

Bayaan ka soo baxay mamaulka Trump ayaa lagu sheegay in duqeymuhu ay bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya. Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Mareykanku fuliyaan tan iyo markii Trump dib ugu soo laabtay Aqalka Cad.

Wararka duqeymaha kaddib, Xoghayaha Difaaca ee cusub, Pete Hegseth, ayaa sheegay in qiimeyntii ugu horreysay ay muujisay in weerarradu ay ku dileen xubno badan oo Daacish ah, kuwaas oo ku sugnaa buuraleyda Golis, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dad rayid ah.

Trump ayaa is bogaadiyay, isaga oo bartiisa Truth Social ku qoray in weerarka lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda argagixisada.

“Weerarradan waxay burburiyeen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen argagixisadu, waxaana lagu dilay tiro badan, iyadoo aan wax khasaare ah loo geysan dad rayid ah. Anigu ayaan go’aankaas qaatay, sababtoo ah Biden iyo kooxdiisu waxba kama qaban,” ayuu Trump ku qoray TruthSocial.

Wuxuu intaas ku daray: “Farriinta aan u dirayno Daacish iyo ciddii Mareykanka cadow ku ah waa mid cad: ‘WAANU IDIN SOO HELI DOONAA, WAANUNA IDIN DILI DOONAA!’”

Haddaba, muxuu Trump uga dan lahaa amarka weerar?

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo Sabtidii dhacay, Hegseth wuxuu xaqiijiyay in weerarrada ay fuliyeen diyaarado dagaal oo ay ka mid yihiin F/A-18, kuwaas oo laga qaaday markabka USS Harry S. Truman, oo ku sugan Badda Cas.

“Hawlgalkaan wuxuu sii wiiqayaa awoodda Daacish ee ah inay qorsheeyaan weerarro argagixiso oo khatar ku ah Mareykanka, saaxiibbadeenna, iyo dad rayid ah,” ayuu yiri Xoghayaha Difaaca.

Waxaa jira saddex sababood oo suurtagal ah oo duqeymaha Soomaaliya loo fuliyay:

1 – Tallaabo astaanta Ah

Warbixin uu daabacay New York Times ayaa xustay in saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca ay aaminsan yihiin in duqeymahan ay ahaayeen tallaabo calaamadeyn ah oo aan lahayn saameyn militari oo weyn. Trump ayaa la rumeysan yahay inuu doonayay in uu isu muujiyo sidii hoggaamiye adag oo ka hortagaya argagixisada, taas oo mar walba ahayd astaan siyaasadeed oo uu ku faano.

2 – Aargoosiga weerarkii New Orleans

Sanadka 2025 wuxuu ku billowday dhacdo argagax leh oo ka dhacday New Orleans, halkaas oo nin Mareykan ah oo horey uga tirsanaa ciidanka, islamarkaana la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii Daacish dhiirigelisay, uu dad badan ku jiirsiiyay gaari intii ay dabaaldegyada sanadka cusub socdeen.

Weerarkii Mareykanka ee Soomaaliya waxaa loo fasiran karaa aargoosi ka dhan ah falkaas, iyada oo sidoo kale muujinaysa in Washington ay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyada Daacish, xitaa meelaha ka fog sida Soomaaliya. Khubaro ka tirsan laamaha amniga Mareykanka ayaa horay uga digay in khatarta Daacish ay korodhay.

3 – Aamusinta mucaaradka gudaha

Trump ayaa horey u shaaciyay xaalad degdeg ah oo la xiriirta xuduudaha Mareykanka, wuxuuna codsaday in ciidamo badan la geeyo halkaas. Mucaaradkiisa ayaa dhaleeceeyay go’aankaas, iyaga oo sheegay in tani ay carqaladeyn karto howlgalada kale ee militari.

Sidaas darteed, weerarka Soomaaliya waxaa loo arkay mid uu Trump ku muujinayo inuu weli xoogga saarayo la dagaallanka argagixisada.

Maxaa is-beddelay?

Waxaa xusuus mudan in 2021, Trump uu amray in 700 oo askari oo Mareykan ah laga saaro Soomaaliya. Markii Biden xukunka la wareegay, wuxuu dib ugu celiyay 450 askari.

Hadda, lama oga sida uu Trump mar kale u qorsheynayo in uu ula macaamilo Soomaaliya. Waxaa muhiim ah in la xuso in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ay inta badan tababar siiyaan ciidamada dowladda, balse aysan si toos ah uga qeyb qaadan dagaallada ka dhanka ah argagixisada.

Xoghayaha Difaaca Hegseth ayaa sheegay in Mareykanku “diyaar u yahay inuu raadiyo oo ciribtirayo argagixisada halis ku ah Mareykanka iyo xulafadiisa, xilli uu sidoo kale xoogga saarayo sugidda xuduudaha dalka.”

Al Shabaab vs. Daacish: Halista Soomaaliya

Soomaaliya waxaa si weyn loogu yaqaan dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, oo ah garab ka tirsan Al Qaacida. Warbixinaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay leeyihiin 7,000–12,000 dagaalyahan, islamarkaana dakhliga ay helaan sannadkiiba uu gaarayo $120 milyan, taasoo ka dhigaysa garabka ugu awoodda badan ee Al Qaacida.

Halkaas marka la joogo, Daacish oo ka hawlgasha waqooyiga Soomaaliya weli ma gaarin awoodda Al-Shabaab, balse lama dhayalsan karo khatarta ay leedahay.

Bishii May ee sanadkii hore, Mareykanka wuxuu fuliyay duqeyn lagu dilay saddex xubnood oo Daacish ah, inkasta oo markii dambe la ogaaday in mid ka mid ah uusan aheyn sarkaal sare oo kooxda ka tirsanaa.

Soomaaliya oo soo dhaweeysay weerarka

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in xukuumaddu ay la socotay weerarka Mareykanka, islamarkaana uu bartilmaameedsaday Daacish.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay hawlgalka, isagoo xusay in “Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaalka Mareykanka ee lagu ciribtirayo argagixisada caalamiga ah.”

Weerarkaan ayaa muujinaya in, inkasta oo Soomaaliya aysan ahayn mudnaanta koowaad ee Mareykanka, haddana Washington ay mar walba diyaar u tahay inay wax ka qabato khatarta argagixisada.

3 key reasons behind Trump’s order of airstrikes in Somalia

WASHINGTON – In a surprise move, the United States carried out airstrikes in northern Somalia on Saturday, targeting operatives of the Islamic State (ISIS) in what marked the first significant military action under President Donald Trump since his return to the Oval Office.

The strikes caught many off guard, mainly since Trump had previously ordered the withdrawal of US troops from Somalia.

The airstrikes were conducted against ISIS operatives in the remote Golis Mountains of northern Somalia, an area known for hosting extremist factions. According to the Trump administration, the strikes were aimed at dismantling ISIS’s ability to plan and execute attacks that could threaten US citizens, allies, and innocent civilians.

“Multiple operatives were killed,” said newly appointed Defense Secretary Pete Hegseth in a statement, adding that no civilian casualties were reported. Hegseth confirmed that Navy and Air Force warplanes, including F/A-18 fighter jets from the aircraft carrier Harry S. Truman, carried out the strikes.

Trump quickly took to his social media platform, TruthSocial, to claim credit for the operation, calling it a significant victory.

“The strikes destroyed the caves they live in and killed many terrorists without harming civilians. Our Military has targeted this ISIS Attack Planner for years, but Biden and his cronies wouldn’t act quickly enough to get the job done. I did!” Trump posted, underscoring his commitment to taking strong action against terrorism. “The message to ISIS and all others who would attack Americans is that ‘WE WILL FIND YOU, AND WE WILL KILL YOU!'”

Why Somalia?

The question of why Trump ordered airstrikes in Somalia after previously reducing US military presence there remains central to the broader discussion. There are three likely reasons for the decision:

1- Symbolic Gesture

Some defense officials suggest that the airstrikes were partly a symbolic gesture, reinforcing Trump’s image as a brutal “commander in chief” who would protect the US from terrorism from day one of his second term. This action was seen as an effort to portray Trump as decisive, particularly in the early days of his presidency.

2- Response to rising terrorism concerns

The new year began with a high-profile attack in New Orleans, where a US Army veteran inspired by ISIS rammed a car into a crowd celebrating New Year’s. This tragedy underscored the growing concerns over ISIS-related threats, and the airstrikes could be seen as a response to these concerns. Analysts have warned that the influence of ISIS is resurging, with terrorist attacks increasingly linked to the group.

3- Deflecting domestic criticism

The airstrikes could also be seen as a way to shift focus from domestic issues, such as Trump’s calls for military involvement at the US-Mexico border. Critics had argued that such actions could distract from other military priorities, including counterterrorism efforts abroad. By conducting the strikes, Trump may have sought to quiet criticism and demonstrate a proactive approach to national security.

The changing US military stance in Somalia

Trump’s decision to re-engage militarily in Somalia is shocking, considering his 2021 order to withdraw 700 US troops from the country.

Under President Joe Biden, 450 US troops were redeployed to Somalia, focusing primarily on training Somali forces rather than conducting counterterrorism operations. The recent strikes have raised questions about the future direction of US military involvement in the region.

Secretary Hegseth emphasized that the US “stands ready to find and eliminate terrorists” while also fulfilling its border protection responsibilities. This statement suggests that the Biden administration’s approach to Somalia may evolve, particularly given the recent uptick in military action.

Al-Shabab and ISIS in Somalia

While Somalia has long struggled with the militant group Al-Shabaab, which is linked to Al-Qaeda, the threat from ISIS in the northern part of the country cannot be ignored.

Despite its smaller presence in Somalia compared to Al-Shabaab, ISIS has increasingly made its mark, with US airstrikes targeting its operatives in recent years.

In May 2023, a US airstrike killed a senior ISIS leader in northern Somalia, marking a significant blow to the group’s operations.

US Special Operations forces also eliminated ISIS financier Bilal al-Sudani in a January 2023 raid, further highlighting the importance of Somalia in the broader global fight against ISIS.

Somalia’s reaction

The Somali government welcomed the US operation, with President Hassan Sheikh Mohamud acknowledging the support of the United States in the fight against international terrorism.

“The latest American operation reinforces the strong security partnership between Somalia and the United States in combating extremist threats,” Mohamud said. This statement reflects the Somali government’s ongoing cooperation with the US military in counterterrorism efforts.

While the strikes may have raised eyebrows internationally, many in Somalia view them as a positive step toward eliminating the threat posed by ISIS, which continues to operate in the country’s northern regions.

Ciidanka Jubaland oo dib u qabsaday xarunta degmada Baardheere iyo ciidankii DF…

0

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta isbeddal lama filaan ah uu ka dhacay gobolkaasi, kadib markii ciidamada Jubbaland ay dib ula wareegeen gacanta ku haynta xarunta degmada Baardheere.

Isbeddalka ayaa yimid, kadib markii xalay ciidamadii horay u joogay gudaha degmadaas oo taabacsanaa dowladda federaalka ay ka baxeen Baardheere, waxaana saaka gudaha u galay Daraawiishta Jubbaland oo si buuxda hadda u maamulayo xarunta degmada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in arrintan ay ku timid, kadib kala fur-furis lagu sameeyay ciidamadii halkaasi ku sugnaa ee taabacsanaa dowladda dhexe.

Sidoo kale waxaa xarunta degmada Baardheere tegay guddoomiyaha degmadaas ee Jubbaland, Mudane Aadan Muxumad Axmed, isaga oo kormeer ka sameeyay Baardheere, kaas oo lagu qiimeynayay xaaladda guud iyo arrimaha ammaanka ee degmada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in haatan wixii ka dambeeya ay gudan doonaan waajibaadkooda, xaruntana loogu shaqeyn doono bulshada deegaanka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda Soomaaliya ee jooga gobolka Gedo, kuna aadan la weerigaanka Jubbaland ee degmada Baardheere.

Dowladda Dhexe iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa indhowanahan si weyn ugu loolamayay gacanta ku haynta gobolka, taas oo salka ku hayso xiisadda labada dhinac.

FIQI: Magac xisbi iyo shaqo NGO la iskuma wadi karo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Fiqi ayaa dhaliilay hab dhaqanka madaxda hoggaamisa xisbiyada mucaaradka, wuxuuna tilmaamay inuu la yaabay sida ay ku diidan yihiin in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, ayna sii rabaan in xisbigooda guuleysto.

“Waxaad arkaysaa Munaasabad ay ugu  magac dareen shirweyne Xisbi, waxaana wada xaadir ah madaxda iyo xubnaha xisbiga, waxaadna la yaabaysaa nin sheeganaya hogaamiyaha xisbiga oo ka soo qeybgalayaashii ugu sheekaynaya “doorasho qof iyo cod ah ma rabno” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray wasiir arrimaha dibadda Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale farriin u diray xubnaha muwaadiniinta ah ee ku jira xisbiyadaasi, isaga oo ugu baaqay inay isaga baxaan, ayna ku biiraan xisbiyo ogol in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah.

“Muwaadiniinta Xisbiyadaas doorasho diidka ah ka tirsan, waxaa loogu baaqayaa in ay ku biiraan, xubno firfircoon iyo Madax ka noqdaan xisbiyada oggol doorashada ama in ay ayagu aasaastaan xisbiyo aysan cidna marti uga ahayn!” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya “Magac xisbi, shaqo NGO la iskuma wadi karo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, taas oo ka dhalatay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ay diidan yihiin Puntland, Jubbaland iyo siyaasiiyinta kale ee mucaaradka.

XASAN SHEEKH oo haysta fursad weyn oo uusan helin Farmaajo – Maxaadan ogeyn?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan haysta fursad weyn oo uusan helin madaxweynihii ka horreeyay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo ah in uusan dalka ka jirin mucaarad macno leh.

Marka laga reebo madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, mucaaradka kale ayaa haatan si weyn u kala qeybsan, kuwaasi oo saddex qeybood noqday.

Qeybta koowaad: Qaar Xasan Sheekh biil ka qaata, oo Facebook ruwaayad mucaaradnimo ah ku jila. Jeebka labaad ee Xasan Sheekh ayey lacagta kala baxan iyagoo iska dhaadhicinaya in uusan Xasan ogeyn.

Tan ayaa micnaheedu ka dhigan yahay in nin la biilo uusan dal iyo dad toona badbaadin karin.

Qeybta labaad: Kuwo loo heysto dambiyo hore oo ka baqaya inuu Xasan Sheekh dib u furo kiisaskooda hadii ay dagaal dhab ah la galaan.

Tan ayey dadka qaarkii ku tilmaameen kuwa aan xukun u socon, maadaama aysan meel wada gelin xukun iyo cabsi, “xukun cabsi laguma helo,” ayey leeyihiin dadka sida dhow ula socda siyaasadda Soomaaliya.

Qolada u dambeysa ee saddexaad ayaa iyaguna ah qaar aaminsan in dhuumasho iyo is-qarin kursi lagu heli karo, oo aan rabin inay jidka soo istaaggan xilligaan.

Tan ayaa lid ku ah hanaankii Xasan Sheekh uu ku yimid kursiga iyo dabciga xukun kala xoogga ee Soomaaliya, iyadoo la fahamsan yahay in mucaarad aan xooganeyn uusan xukunka dhaafin karin ninka kursiga ku fadhiya.

Fallan-qeeyayaasha ayaa qaba inta uu xaalka mucaaradku sidaan yahay, oo uusan baarlamaan adag jirin inay adag tahay in laga hortago boobka ku socda hantida qaranka, barakicinta shacabka iyo lacagaha baadda ah ee maalin walba lagu soo rogo shacabka Muqdisho degan.

Mareykanka oo Masar ugu hanjabay xiisadda Itoobiya si ay u fuliso qorshe xasaasi ah

Qaahira (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa la sheegay inuu u adeegsaday xiisadda biyaha Masar si uu cadaadis ugu saaro Qaahira inay ogolaato qorshaha barakicinta khasabka ah ee Falastiiniyiinta Gaza, sida uu werinayo wrageyska Al-Arabi Al-Jadeed.

Intii lagu guda jiray booqasho uu toddobaadkii hore ku tagay Qaahira, sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Trump ayaa kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badar Abdelatty iyo Madaxa Sirdoonka Guud Hassan Rashad. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray qorshaha muranka badan dhaliyay ee barakicinta dadka reer Gaza iyo xiisadda ka taagan biyo-xireenka Grand Renaissance ee Itoobiya.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in danjiraha Mareykanka uu soo jeediyay in taageerada Mareykanka ee xallinta xiisadda biyo-xireenka Itoobiya ay ku xirnaan karto sida ay Masar uga shaqeyso qorshaha lagu barakicinayo shacabka Gaza, looguna wareejinayo gudaha Masar iyo Urdun.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Masar ayaa si adag u diiday soo jeedinta Madaxweyne Donald Trump, oo ku baaqay in Gaza la “nadiifiyo” isla markaana dadka halkaas ku haray oo tiradoodu gaareyso 2.3 milyan lagu wareejiyo dalalka deriska la ah.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa walaac xoogan ka muujiyay qorshaha, iyagoo ka digay caqabadaha iyo cawaaqibka ka dhalan kara, kuna adkeystay in hirgelintiisu ay aad u adag tahay.

Danjiraha Mareykanka ayaa sidoo kale la kulmay shakhsiyaad caan ah iyo laba hoggaamiye xisbi oo siyaasadeed si uu u qiimeeyo mowqifka Masar ee ku aaddan qorshaha barakicinta. Wadahadallada ayaa lagu gorfeeyay in dibadbaxyada ka dhan ah qorshahan ay ka tarjumayaan dareen ballaaran oo ka dhan ah Mareykanka, ama haddii ay si gaar ah ula xiriiraan diidmada qorshaha barakicinta.

Sida laga soo xigtay Al-Arabi Al-Jadeed, danjiraha Mareykanka ayaa si furan uga hadlay bannaanbaxyada, isagoo sheegay in ay si toos ah uga falcelinayeen qorshaha ay wadaan Mareykanka.

Sarkaal sare oo ka tirsan diblomaasiyadda Masar oo xog ogaal u ah kulammadaasi ayaa sheegay in ay adkaan doonto in Qaahira iska caabiso qorshaha Trump haddii aysan helin taageero ballaaran oo ka timaadda dalalka Carabta.

Trump oo ku dheggan qorshihiisa

Sarkaalka ayaa xusay in Trump uu si adag ugu taagan yahay dhaqaajinta qorshahan, inkasta oo Masar si cad uga hortimid.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa ku celiyay inay diyaar u yihiin sahminta xalal kale oo xaqiijin kara ammaanka Israa’iil iyada oo aan si khasab ah loo barakicin shacabka Falastiin.

Labo ilo xog ogaal ah – mid diblomaasi ah iyo mid siyaasadeed – ayaa sheegay in booqashada danjiraha Mareykanka ay u badan tahay inay tahay kulankii Trump uu todobaadkii hore sheegay xilli uu la hadlayay saxafiyiinta isaga oo saarnaa diyaaradda Air Force One.

Trump ayaa sheegay inuu qorshaha barakicinta kala hadlay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi, hase yeeshee sarkaal sare oo Masri ah ayaa xilligaas beeniyay in wadahadal noocaas ah uu dhacay.

Sabtidii, madaxtooyada Masar ayaa war rasmi ah ku xaqiijisay in Madaxweyne Sisi uu habeenkii hore taleefoon ka helay Trump.

Afhayeenka Madaxtooyada Masar Mohamed El-Shenawy ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay “wadahadal togan” ka yeesheen hirgelinta wejiyada koowaad iyo labaad ee heshiiska xabbad-joojinta Gaza, kaas oo ay garwadeen ka ahaayeen Masar, Qadar, iyo Mareykanka.

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay dedejinta gurmadka bani’aadantinimo ee loo dirayo Gaza.

El-Shenawy ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Sisi uu markale ku celiyay baahida loo qabo in la gaaro nabad waarta oo gobolka laga hirgeliyo.

Wuxuu sidoo kale xusay in beesha caalamka ay Trump u aragto qof muhiim ah oo door ka ciyaari kara xalinta khilaafka muddada dheer taagnaa, isagoo soo xiganaya sheegashada Trump ee ah inuu “u heelan yahay nabadda”.

Hogaamiye sare oo ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya oo isa soo dhiibay + Magaciisa

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliye sare oo ka tirsan garabka kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa la qabtay Isniintii, sida ay xaqiijiyeen booliska Puntland, laba maalmood uun kaddib markii hoggaanka Daacish lala beegsaday duqeymo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, iyadoo ciidamada amnigu ay sii wadaan weerarro ay toddobaadyadii la soo dhaafay ku qaadeen kooxda.

Sanadihii la soo dhaafay, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa si isa soo taraysa uga mid noqday shabakadda caalamiga ah ee kooxdaas, iyada oo ay xoojisay dagaalyahanno ajanabi ah oo ku soo biiray iyo dhaqaale kordhay sababo la xiriira canshuur ururin horumarsan.

Bishii December, kooxda ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadday saldhig ciidan, iyadoo la sheegay in ay adeegsadeen laba gaari oo qaraxyo lagu xiray. Falanqeeyeyaasha amniga ayaa sheegay in taasi muujinayso in Daacish ay la timid xeelado dagaal oo casri ah.

Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid, oo ahaa madaxa unugga dilalka qorsheysan ee kooxda, ayaa Isniintii isu dhiibay laamaha ammaanka xilli uu ku sugnaa buuraha Cal Miskaad ee gobolka Bari, Puntland.

Taliyaha booliska gobolka Bari ee Puntland, Cabdikaadir Jaamac Diriir, ayaa xaqiijiyay qabashada sarkaalka lagu naaneyso “Laahoor”, kaasoo sidoo kale mas’uul ka ahaa lacago baad ah oo kooxda ay ka qaado ganacsatada deegaanka.

Bishii December, maamulka Puntland wuxuu ku dhawaaqay dagaal ballaaran oo ka dhan ah Daacish iyo kooxda kale ee Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida. Puntland ayaa sheegtay in ay tan iyo markaas la wareegtay saldhigyo badan oo ay lahaayeen dagaalyahannada Daacish.

Xogtii ugu horreysay ee laga helay duqeymihii Mareykanku Sabtidii la beegsaday Daacish ayaa muujisay in ay ku dhinteen dagaalyahanno badan, sida uu sheegay Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, Axaddii.

Ilaa dhawaan, garabka Daacish ee Soomaaliya looma arkin khatar weyn oo dhanka amniga ah marka la barbar dhigo Al-Shabaab, oo gacanta ku haya deegaanno badan oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Xog: Axmed Madoobe oo qorsheynaya inuu isku sharxo madaxweynaha Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo muddo labo toddobaad ah ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa masuuliyiintii uu halkaas kula kulmay qaarkood wuxuu u sheegay in sanadka soo socda ee 2026 uu u tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo maalin ka hor ku soo laabtay Kismaayo ayaa ku sir qarsaday qaar kamid ah xildhibaanadii, siyaasiyiintii iyo ganacsatadii uu kula kulmay Nairobi, kuwaas oo xogtaan siyaabo kala duwan ula wadaagay Caasimada Online.

Axmed Madoobe ayaa in ka badan 10 sano heysta Jubbaland, madaxweynayaashii kala dambeeyey ee dowladda federaalka ayaa dhowr mar isku dayey inay Axmed dhaafiyaan maamulkaas, balse kuma guuleysan.

Inkastoo Axmed Madoobe yahay dagaal yaqaan, hadana waxaa lagu qiimeyn doonaa waxa uu kasoo qabtay Jubbaland, hadii uu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo guud ahaan Jubbaland hadda waxaa saaran cunaqabateyn, waxaana ku socda maamulkiisa kala furfur ay ku wado dowladda federaalka, iyadoo dowladda federaalka ay u suurtagashay inta badan gobolka Gedo inay kala wareegto.

Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Dhuumaal oo xalay la hadlay VOA ayaa si cad u sheegay in Jubbaland ay qalqal amni gashay iyo mid dhaqaale oo ka dhashay cunaqabateynta iyo talaabooyinka militeri, isla markaana ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho dowladda federaalka.

Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in uu diyaar u yahay in dowladda federaalka uu wadahadal la furo, balse dowladda federaalka ayaan dheg-jalaq u siin, kuna qaaday dagaal toos ah, in kastoo meelihii ugu muhiimsanaa uu Axmed Madoobe ku awood badiyey.

Hadii Axmed Madoobe uu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ma noqon doono Madaxweynihii maamul goboleed ee ugu horeeyey, waxaana uga horeeyey Saciid Deni oo natiijo fiican ka gaaray tartankii ugu dambeeyey ee Xasan Sheekh uu ku soo baxay.

Muxuu yahay sharciga cusub ee C/casiis Lafta-gareen uu maanta saxiixay ? + Sawirro

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta saxiixay sharciga naafada Koonfur Galbeed.

Sharcigan oo ay diyaarisay wasaarada haweenka maamulka Koonfur Galbeed ayuu ugu dambeyntii maanta qalinka ku duugay madaxweyne Lafta-gareen, munaasabaddaas oo ka dhacday madaxtooyada maamulka.

Wasiirka haweenka Marwo Shamsa Maxamed Yarow, agaasimaha madaxtooyada Cabdifataax Mahad iyo madax ka socotay Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiska xuquuqul insaanka ayaa Goobjoog ahaa munaasabada saxiixa sharciga naafada.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulla Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa sidoo kale maanta ka qeyb-galay munaasabada dhaarinta wasiirka cusub wasaaradda qorshaynta Koonfur Galbeed Cabdixakiin Maxamed Xaaji Fiqi.

Wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, gudoomiyaha maxkamada sare iyo agaasimaha guud madaxtooyada ayaa goobjoog ahaa munaasabada dhaarinta wasiirka cusub wasaarada qorshaynta Koonfur Galbeed.

Maalin kahor ayey aheyd markii Lafta-gareen uu Cabdixakiin Fiqi u magacaabay wasiirka qorshaynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii uu xilkii ka qaaday wasiirka hore ee wasaaraddaasi.

Xogta howlgal lagu jabiyay DAACISH oo ka dhacay BARI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in weli ciidamada Puntland ay howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish kasii wadaan dhulka buuraleyda ee gobolkaasi, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka argagixisada.

Howlgalkii ugu dambeeyay oo maanta ka dhacay aagga Togjaceel ayaa waxaa jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Daacish, sida ay shaacisay Puntland.

Qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha kooxda Daacish ay isku dayeen inay is difaacaan, balse laga adkaaday, kadib dagaal adag oo ay la galeen ciidanka ammaanka gobolka Bari iyo Daraawiishta Puntland.

“Ciidanku wuxuu howlgal Argagixisada Daacish lagu sifeynayo ka wada maanta bartamaha Togjaceel. Waxaa la Jebiyey Argagixiso isku dayday inay isdifaacdo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah Bari, gaar ahaan aagga buuraha Calmiskaad ee gobolkaasi.

Daacish ayaa haatan wajaheysa xaalad adag, waxaana culeyska saaran kooxda uu sababay in Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid, oo ahaa madaxa unugga dilalka qorsheysan ee kooxda uu Isniintii isu dhiibay laamaha ammaanka xilli uu ku sugnaa buuraha Cal Miskaad ee gobolka Bari.

Taliyaha booliska gobolka Bari ee Puntland, Cabdikaadir Jaamac Diriir, ayaa xaqiijiyay qabashada sarkaalka lagu naaneyso “Laahoor”, kaasoo sidoo kale mas’uul ka ahaa lacago baad ah oo kooxda ay ka qaado ganacsatada deegaanka.

Si kastaba, Bishii December, maamulka Puntland wuxuu ku dhawaaqay dagaal ballaaran oo ka dhan ah Daacish iyo kooxda kale ee Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida. Puntland ayaa sheegtay in ay tan iyo markaas la wareegtay saldhigyo badan oo ay lahaayeen dagaalyahannada Daacish.

Is-ballaarinta Oromada iyo is-dabar jaridda Soomaalida

Qaybta 1-aad

Soomaalidu waa dad soo jireen ah oo ku nool Geeska Afrika tan iyo xilligii Faraaciinta, iyagoo lahaa boqortooyo la dhaho Buuni (Punt), taas oo ganacsi la lahayd boqortooyadii Faraaciinta. Boqortooyadan waxay aasaastay magaalooyinka xeebaha ku yaalla sida Saylac, Berbera, Xaafuun, iyo Muqdisho. Waxay aqoon durugsan u lahayd ganacsiga badaha, iyadoo dhoofin jirtay udug, dahab, iyo waliba dhirta dawooyinka laga sameeyo.

Dadka dhinta waxay marin jireen hab dabiici ah oo ilaalinaya in jidhkoodu uusan isbeddelin ama ur yeelan. Dhirtaas dabiiciga ah waxaa markii dambe dhoofsan jiray Faraaciinta, kuwaas oo boqorradooda dhinta ku marin jiray hab la mid ah. Illaa iyo hadda lama oga sida boqortooyadaasi u burburtay, balse dhulka Soomaalida waxaa weli laga helaa farshaxankii ay ka tageen, sida afkii ay ku hadli jireen iyo sawirrada xoolihii ay dhaqan jireen.

Markii Islaamku soo gaadhay deegaannada Soomaalida, wadaado badan ayaa u ambabaxay dhulka Carabta si ay u bartaan diinta. Markii ay dib ugu soo noqdeen dalkii ay ka tageen, waxay bilaabeen faafinta Islaamka. Wadaadadaas, si ay kalsooni ugu helaan dadka ay diinta barayeen, waxay sheegteen inay ka soo jeedaan reerkii Nebiga (CSW). Arrintan waxay sababtay in la lumiyo abtirsiimadii dhabta ahayd ee Soomaalida, taasoo keentay samayska qabiilo cusub.

Boqortooyooyinkii ay Soomaalidu hoggaamin jirtay waxaa ka mid ahaa:

  • Boqortooyadii Ajuuraan, oo xukumaysay koonfurta Soomaaliya, badh ka mid ah Kenya, iyo qaybo ka mid ah Itoobiya.
  • Boqortooyadii Cadal, oo ka talin jirtay bariga Soomaaliya ilaa Jabuuti, Ereteriya, Itoobiya, iyo qaybo ka mid ah Suudaan.

Xilliyadii hore, Soomaalidu waxay bilaabeen inay sameystaan beero iyo ganacsi, iyagoo wax u dhoofin jiray Jasiiradda Carabta. Waxay dunida gaadhsiiyeen ganacsigii ugu horreeyey ee bunka (coffee).

Marka aynu leenahay “Soomaali,” uma jeedno qabiilada maanta jira oo keliya, balse waxaa jiray qabiillo Soomaaliyeed oo qaarkood ka haajiray dhulka markii Islaamku yimid, sida Tutsiga. Qaar kale sida Xarla way dabar go’een, halka kuwo badanna ay ku dhex milmeen qabiilooyinka Soomaalida iyo Canfarta, iyagoo xitaa gaadhay Suudaan.

Doodaha sheegaya in Oromadu horey dhulka Soomaalida ugu noolaan jirtay waa been cad. Waxa ay sheegtaan, sida in magacyada deegaannada Soomaalida yihiin magacyo af-Oromo ah, waa wax aan sal iyo raad toona lahayn. Tusaale ahaan, waxay ku andacoodaan in magaaladan Hargeysa magaceedu ka soo jeedo af-Oromo, balse xaqiiqadu waxay tahay in magaca “Hargeysa” uu ka yimid ganacsigii Soomaalidu ka keeni jirtay Harar. Markay badeecadaha ka soo qaadayaan, waxay ku hakan jireen ceel ku yaalla agagaarka Berbera, taasoo lagu naanaysi jiray “Hararyar,” kadibna magacu wuxuu u xuubsiibtay “Hargeysa.”

Imaanshihii Oromada ee dhulka Soomaalida

Oromadu ma aysan ka tirsanaan boqortooyadii Xabashida iyo tii Islaamka midna, waxayna ahaayeen dad reer-guuraa ah oo ku noolaa dhul buuraley ah oo ku yaalla koonfurta Itoobiya, gaar ahaan agagaarka wabiga Galla Sagan. Halkaas ayuu magacii “Galla” oo horay loogu yaqaannay kasoo jeedaa.

Markii ugu horreysay ee Oromadu weerarro kusoo qaadaan dhulka Muslimiinta waxay ahayd kadib dilkii Axmed Gurey. Waxay fursad ka heleen dagaalladii dhex maray Muslimiinta iyo Kiristaanka, iyagoo ka faa’iidaysanaya burburkaasi. Weerarkoodii ugu horreeyey waxay kusoo qaadeen gobolka Baali sanadkii 1537. Wixii ka dambeeyay, Oromadu waxay weerarro ku qaadeen:

  1. Boqortooyadii Xabashida, oo uu xukunkeeda hayay boqor la oran jiray Galawadows.
  2. Boqortooyadii Cadal, oo uu xukunka u hayay nin Soomaaliyeed oo la oran jiray Amiir Nuur.

Qore: Abshir Adam
Lasoco Qaybta 2aad

Trump oo hakiyay awaamiir xiisad xooggan dhalisay

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hakiyay canshuur-kodhinti uu saaray badeecadaha ay Canada iyo Mexico u soo dhoofiyaan Mareykanka, canshuurtaas oo gaareysay 25%, taas oo abuurtay xiisad xooggan.

Go’aanka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid kaddib marki uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Mexico haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum iyo Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau.

Qoraal uu soo dhigay baraha ay ku xiriirto bulshada ayuu Trump ku sheegay, “in u uku faraxsanyahay natiijada horudhaca ah ee arrintan kasoo baxday, isla markaana muddo 30 maalin ah la hakiyay tacriifta si uu u arko in la gaari karo heshiis dhaqaale oo kama danbeys ah oo uu la galo Canada.

Ra’iisul wasaaraha Canada Trudeau ayaa isna dhankiisa sheegay, in Canada ay geyn doonto xadka ay la wadaagto Mareykanka ciidan iyo qalab cusub oo tiknolooji ah ah, si loo joojiyo qul qulka daroogada fentanyl.

Wuxuu sheegay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweyne Trump,” “Canshuurta lasoo jeediyay waxaa la hakiyay muddo 30 cisho ah, halka aan sii wadeyno wada shaqeynteenna.” Ayuu yiri.

Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum ayaa sheegtay in ay xadka Mexico uu la wadaago Mareykanka u direyso ilaa 10,000 oo askari oo ka tirsan millatariga, si ay u xakameeyaan daroogada nuuceeda dilaaga ah ee loo yaqaanno fentanyl, taas oo Mareykanka kasoo gasha dhanka Mexico.

Waxay kaloo sheegtay in dowladda Mareykanka ay u ballan qaadday in ay wax ka qaban doonto joojinta hubka awoodda badan ee loo dusiyo dhinaca Mexico.

Waxay intaasi ku dartay in madaxda labada waddan ay sii wadi doonaan wada hadalladooda ku aaddan dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga, isla markaana arrinta canshuurta muddo bil ah la hakinayo.

Inkasta oo la hakiyay tacriifti uu madaxweyne Trump saaray Mexico iyo Canada, haddana waxaanan wali waxba laga baddalin canshuurti uu saaray Trump badeecadaha uu Shiinaha u soo dhoofsho Mareykanka.

SOMALILAND oo qaaday tallaabooyin xasaasi ah oo la xiriira xiisadda Ceerigaabo

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ku dhowaaqday tallaabooyin cusub oo lagu adkaynayo amniga iyo xasilloonida Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag, kaddib dagaallo dhawaan dhacay oo barakiciyay ilaa 45,000 oo qof isla markaana sii kordhiyay cabsi laga qabo rabshado hor leh.

Wafdi sare oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan goleyaasha sharci-dejinta Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ciidamada booliska kaliya loo oggolaan doono inay sugaan amniga magaalada Ceerigaabp, iyagoo amray in dhammaan kooxaha hubaysan ee shacabka ah ay si degdeg ah uga baxaan magaalada.

“Laga billaabo maanta, qofna looma oggolaan doono inuu si sharci-darro ah hub ugu dhex wato magaalada. Qof kasta oo jebiya amarkan wuxuu la kulmi doonaa tallaabo sharci ah,” ayuu yiri afhayeenka wafdiga, isaga oo adkeeyay muhiimada fulinta xeerarkan cusub ee amniga la xiriira.

Wafdiga ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka barakacay inay dib ugu laabtaan guryahooda, iyagoo ku adkeeyay in xaaladda Ceerigaabo ay deggan tahay. “Magaaladu waa ammaan, wax sabab ah oo barakaca loogu sii jiro ma jiraan,” ayuu yiri afhayeenku.

Dagaallada Ceerigaabo ayaa qarxay bartamihii December, waxaana isku dhacay ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC-Khaatumo, taasoo keentay barakac baahsan iyo xiisado sii xoogaystay guud ahaan gobolka Sanaag.

Dad badan ayaa u qaxay magaalooyin ay ka mid yihiin Ceel Afweyn iyo Laasqoray, halka qaar kalena ay magan-galeen deegaanno ay ka mid yihiin Boosaaso, Laascaanood, Xudun iyo Burco.

Colaaddan oo salka ku haysa muranno dhuleed iyo khilaafaad beeleed ayaa sababay barakaca dad badan iyo waxyeello soo gaartay kaabeyaasha dhaqaalaha.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay kaddib shir beeleed dhawaan ka dhacay magaalada Badhan, halkaas oo hoggaamiyeyaasha beelaha Dhulbahante iyo Warsangali ay ku dhawaaqeen qorshe ay ku doonayaan inay kula Ceerigaabo.

Hoggaamiye dhaqameedka caanka ah ee Somaliland Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu shirkaas abaabulay si uu qalalaase u kiciyo, isaga oo ku andacoonaya in madaxweynuhu uu adeegsanayo fikradda doorasho qof iyo cod ah si uu farogelin uga sameeyo gobollada Sool iyo Sanaag.

Villa Somalia ayaan ka jawaabin eedeynta Buurmadow uu u jeediyey madaxweynaha.

Muqdisho diyaar ma u tahay doorasho qof iyo cod ah?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu danmbeeyey waday dadaalo la xiriira sidii guud ahaan dalka looga qaban lahaa doorashooyin qof iyo cod ah.

Goobaha loo asteeyey in ay doorashooyinkaasi ka dhacaan ayaa waxaa kamid ah magaalada Muqdisho oo la sheegay in 16 degmo ah oo qeyb ka ah degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banaadir ay doorashooyinka ka qabsoomaan.

Goobahan ayaa waxaaa shalay kormeer ku tegay xubno ka tirsan guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha, kuwaas oo ku howlan hanaanka doorasho ee illaa haatan lagu muransan yahay.

Xubnaha booqday goobaha cod-bixinta ayaa qiimeyn ku sameeyay qaab-dhismeedka iyo diyaar-garowga goobaha doorashada, iyagoo sidoo kale kulan la qaatay mas’uuliyiinta degmooyinka Xamar Jajab, Xamar Weyne, Waberi iyo Warta-Nabada si ay u qiimeeyaan diyaar garowga doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray guddiga.

Mas’uuliyiinta degmooyinkaas ayaa sheegay in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen doorashooyinka golaha deegaanka oo lagu wado in markii ugu horeysay ay noqdaan kuwo ku saleysan nidaamka qof iyo cod.

“Mas’uuliyiinta degmooyinka Xamar Jajab, Xamar Weyne, Waberi, iyo Warta-Nabada ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin doorashooyinka golaha deegaanka ee qof iyo cod,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka qaranka.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah booqashooyin guddiga doorashooyinka qaranka ay sheegeen inay ku tagayaan goobaha cod-bixinta si loo hubiyo in doorashadu u dhacdo si habsami leh.

Guddigu ayaa horey u sheegay in ka badan 300 xarumood oo codbixin ah ay u diyaarsan yihiin, kuwaas oo dhawaan lagu soo kordhin doono xarumo hor leh.

Si kastaba, tirada guud ee xarumaha cod-bixinta ayaa la qorsheynayaa in la gaarsiiyo illaa 800, taasi oo sare u qaadeysa awoodda ka qeyb-galka doorashada, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka qaranka.

Jubaland’s Ahmed Madobe eyes Somalia presidency in 2026

KISMAYO, Somalia – Ahmed Mohamed Islam, commonly known as Ahmed Madobe, the long-standing President of Somalia’s semi-autonomous Jubaland state, has indicated his intention to run for the presidency of Somalia in the 2026 national elections, according to sources familiar with his plans.

During a two-week stay in Nairobi, Madobe reportedly confided in select Somali parliamentarians, political figures, and business leaders about his presidential aspirations. These discussions, held behind closed doors, suggest a strategic move by Madobe to transition from regional leadership to the national stage.

A decade of regional leadership

Ahmed Madobe has led Jubaland since 2013, securing re-election for a third term in November 2024. His tenure has been marked by both development initiatives and ongoing security challenges, particularly in combating the al-Qaeda-linked militant group al-Shabaab.

Despite efforts by successive federal administrations to unseat him, Madobe has maintained his position, often clashing with Mogadishu over governance and resource control.

Tensions between Jubaland and Somalia’s federal government have escalated in recent months. In November 2024, Jubaland announced the suspension of all relations and cooperation with the federal administration, accusing it of constitutional violations and undermining regional autonomy.

This move followed disputes over regional elections and mutual accusations of power usurpation.

The strained relationship has led to significant security and economic challenges for Jubaland. Federal-imposed sanctions and military actions have reportedly destabilized the region.

Jubaland’s Security Minister, Yusuf Dhuumaal, acknowledged the adverse effects of these measures, expressing a willingness to engage in dialogue with the federal government to restore stability.

If Madobe proceeds with his presidential bid, he will follow in the footsteps of other regional leaders who have sought national office. Notably, Said Deni, the President of Puntland, contested the presidency in the most recent election, achieving a commendable performance against the incumbent, Hassan Sheikh Mohamud.

Looking ahead to 2026

As Somalia approaches the 2026 elections, Madobe’s potential candidacy adds a significant dimension to the nation’s complex political landscape. His leadership in Jubaland and the ongoing tensions with the federal government will likely influence his campaign and the broader electoral dynamics.

Ahmed Madobe emerged as a prominent figure in Somalia’s political scene in the early 2000s. Initially associated with Islamist movements, he later aligned with regional and international efforts to stabilize southern Somalia.

As President of Jubaland, he has been a pivotal player in the fight against al-Shabaab. He has navigated the intricate clan-based politics of the region.

Jubaland, located in southern Somalia, has a strategic border with Kenya and a coastline along the Indian Ocean. Its capital, Kismayo, is a vital port city that has historically been a commercial hub.

The region’s stability is crucial for both Somalia and neighboring countries, particularly in efforts to curb militant activities and enhance economic development.

Major blow as key Islamic State leader surrenders in Somalia

Bosaso, Somalia  A top commander in the Islamic State group’s Somali affiliate surrendered to authorities on Monday in the semi-autonomous Puntland region, officials said, just days after US airstrikes targeted the organization’s leadership amid an intensified security crackdown.

The surrender of Abdulkadir Shirwa Aw-Said, also known as “Lahore,” represents a significant development in the ongoing fight against IS in Somalia.

Aw-Said, who headed the group’s assassination unit and oversaw extortion operations targeting local businesses, reportedly turned himself in while hiding in the rugged Cal Miskad mountains of Puntland’s Bari region.

“Lahore has surrendered. He was in charge of assassinations and extorting money from businesses,” Bari region police commander Abdulkadir Jama Dirir confirmed to reporters.

Puntland intensifies operations

Aw-Said’s surrender comes on the heels of a broader offensive launched by Puntland authorities against both IS and the larger, Al-Qaeda-linked Al-Shabaab insurgency.

In December, Puntland’s government declared an all-out war against the two groups and has since claimed to have captured several IS strongholds.

The recent US airstrikes, confirmed by US Defense Secretary Pete Hegseth on Sunday, resulted in “numerous” IS casualties, according to initial assessments. The strikes highlight the growing concern over IS’s expanding presence in Somalia and the US commitment to supporting counterterrorism efforts in the region.

IS’s growing sophistication

While initially considered a lesser threat compared to Al-Shabaab, the Islamic State’s Somali branch has steadily expanded its capabilities and influence in recent years. Bolstered by foreign fighters and increased funding from sophisticated extortion schemes, the group has demonstrated a growing capacity to carry out complex attacks.

In December, IS claimed responsibility for a brazen assault on a military base using two vehicle-borne improvised explosive devices (VBIEDs), a tactic more commonly associated with Al-Shabaab.

Security analysts say this incident demonstrates the group’s adoption of more advanced operational tactics, raising alarm bells about its evolving threat profile.

“The use of VBIEDs is a worrying sign that IS is learning from and adapting the tactics of its rivals,” said one regional security analyst, who spoke on condition of anonymity. “This suggests a higher level of operational sophistication than previously observed.”

The Islamic State in Somalia

The Islamic State’s Somali affiliate, often referred to as “Islamic State in Somalia” (ISS) or locally as “Da’ish,” emerged in 2015 as a splinter group from Al-Shabaab. Led by its long-time leader, Abdul Qadir Mumin, the group established a foothold in the mountainous regions of Puntland, particularly in the Bari region.

Unlike Al-Shabaab, which controls large swathes of territory in southern Somalia and seeks to establish a state governed by its interpretation of Islamic law, ISS has primarily operated as a smaller, more regionally focused entity.

However, its connections to the global IS network and its increasing reliance on foreign fighters have raised concerns about its potential to destabilize the region further.

The Cal Miskad mountain range in Puntland’s Bari region has long served as a haven for militant groups, including both Al-Shabaab and IS. Its remote location, rugged terrain, and proximity to the Gulf of Aden make it ideal for training camps, weapons caches, and hideouts.

Puntland, a semi-autonomous region in northeastern Somalia, has historically enjoyed relative stability compared to the south. However, it has faced increasing security challenges from both IS and Al-Shabaab in recent years.

The region’s authorities have struggled to contain the spread of militancy, often hampered by limited resources and the challenging terrain.

Somaliland oo si kulul u diiday warkii ka soo baxay Mareykanka

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si kulul u diiday warbixin ka soo baxday Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) oo sheegaysay in duqeymo cirka ah oo dhawaan lala beegsaday maleeshiyada Daacish ay ka dhaceen Buuraha Golis ee ku yaalla Somaliland.

Saraakiisha ayaa caddeeyay in weerarradaas laga fuliyay Buuraha Galgala, oo ah deegaan hoos taga maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, balse aanay ka dhicin gudaha dhulka Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Isniinta maanta ah, ayaa lagu diiday goobta uu AFRICOM tilmaamay in duqeymuhu ka dhaceen, iyadoo lagu adkeeyay in aanu jirin wax hawlgal ah oo ay ciidammada Maraykanku ka sameeyeen gudaha dhulka Somaliland.

“Si ka duwan hadallada loo tiiriyay Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka, Peter Hegseth, duqeymaha cirka ah ee laga hadlayo kama dhicin, mana aanay saamayn Buuraha Golis ee ku yaalla gudaha dhulka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayay tiri wasaaraddu. “Balse, hawlgalladan waxaa laga fuliyay Buuraha Galgala, oo ku yaalla gudaha Puntland, oo ah qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya.”

Murankan ayaa tusaale u ah xasaasiyadda ka taagan xuduudaha dhuleed ee waqooyiga Soomaaliya.

Silsiladda Buuraha Golis, oo dhex marta Somaliland iyo Puntland, ayaa inta badan loo adeegsadaa eraybixin juquraafi ahaan ah oo guud, balse saraakiisha Somaliland ayaa ku adkaysanaya in Buuraha Galgala, oo u dhow magaalada Galgala ee gobolka Bari ee Puntland, ay gebi ahaanba ka baxsan yihiin dhulkooda.

Saraakiisha Somaliland ayaa ku doodaya in ilaalinta caddaynta xuduudaheedu ay lama huraan u tahay dhowrista madaxbannaanida dhulkeeda iyo dadaalka ay ugu jirto helidda aqoonsi caalami ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Somaliland, oo iskeed isugu dhawaaqday dawlad madax-bannaan tan iyo sannadkii 1991-kii, ayaa leh dawlad, ciidan, iyo nidaam maamul oo u gaar ah. In kasta oo aanay haysan aqoonsi caalami ah, haddana waxa ay ka mid tahay gobollada ugu xasilloon Geeska Afrika.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu muujiyay iskaashiga muddada dheer soo jiray ee Somaliland la leedahay Maraykanka dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga gobolka.

“Waxaan fursaddan uga faa’iidaysanaynaa inaan dib u xaqiijinno sida ay nooga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayaa lagu yiri warka.

“Somaliland waxa ay weli tahay saaxiib la isku hallayn karo oo safka hore kaga jira dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada, waxaanan sii wadaynaa inaan la shaqayno beesha caalamka, oo uu Maraykanku ka mid yahay, si kor loogu qaado xasilloonida Geeska Afrika.”

Fadeexad: Wasaarado ka tirsan DF oo isku haysta lacag lagu soo rogay shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay go’aanka Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka XFS ay ku soo rogeen amar lagu qaadanayo talaal seddax nooc ah oo lagu waajibiyey qof kasta oo garoonka Aadan Cadde ka baxaya ama kasoo gelaya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka hortimid nidaamka aruurinta khidmadaha la xiriira buugga caafimaadka ee rakaabka ka baxaya iyo kuwa soo galaya Dalka, iyadoo cadeysay in cid wasaaradda Maaliyadda aan aheyn aysan dhaqaale uruuri karin.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya maalmo ka hor dadwaynaha ku wargelisay dhaqan gelinta go’aan qofka soo gelaya ama ka baxaya dalka uu ku qaadanayo tallaalada kala ah:

1-Tallaalka ka hortagga duumada (Yellow Fever)

2-Tallaalka Dabaysha (Oral Poliomyelitis Vaccine)

3-Iyo Tallaalka Qaaxada Maskaxda (Quadrevalent Neisseria Meningitis Vaccine)

1-dii ilaa 10-ka bishaan Febraayo ayaa la go’aamiyey in qorshaha qaadashada tallaalka uu dhaqan galo, balse wasaaradda maaliyada ayaa culeys saartay wasaaradda Caafimaadka, iyadoo si cad u diiday in cid aan wasaaradda maaliyadda aheyn ay lacag dowladeed qabato.

“Waxaan halkaan kugu ogeysiinayaa, mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA) ee Golaha Wasiiradu soo saarayn 21 Agoosto 2024, in Wasaaradda Maaliyadda oo kaliya awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin khidmadaha la-xiriira buuga caafimaadka ee rakaabka ka-baxaya iyo kuwa soo-galaya Dalka iyo sidoo kale in dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, laga mamnuucay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay samayn doontaa dib u eegis qotodheer, iyadoo la tashanaysa cidda ay khusayso, waxayna soo saari doontaa khidmadaha daruuriga ah, kuwaas oo si buuxda u waafaqsan Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda maaliyadda.

Intaas kadib, Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa soo saaray warqad uu ku sheegay inay ka jawaabayso dareenka dadweynuhu ay ka muujiyeen hannaanka shaqo ee xafiiska Caafimaadka dekedaha iyo garoomada ee la xiriira qaadashada Tallaaladii horay loo baahiyey.

“Wasiirku uu go’aansadey in la hakiyo waajib ahaanshaha Tallaaladaasi, inta laga dhameystirayo habraaca hirgelinta qaadashada Shahaadada yellow Fever iyo qaadashada Tallaalada lagama maarmaanka u ah Musaafuriinta Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaraddda Caafimaadka.

Go’aanka u yaalla dowladda federaalka  ayaa dhigaya in hay’ad aan aheyn wasaaradda maaliyadda aysan qaadi karin wax dakhli ah, taasi oo sababtay in wasaaradaha caafimaadka iyo maaliyada ay is qabsadaan, inkastoo hadda ay u muuqato in wasaaradda maaliyadda ay ogaato.

Xildhibaan Cagaweyne oo u jawaabay Qeybdiid: Intaa taqaanay wey dhaaftay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa si adag ugu jawaabay Senator Cabdi Qaybdiid oo ka horyimid hannaanka doorashada ee qof iyo cod, kaas oo ay dowladda federaalka Soomaaliya soo jeedisay in laga dhaqan-geliyo Soomaaliya sannadka 2026-ka.

Cagaweyne ayaa wax la’la yaabo ku tilmaamay in Qeybdiid oo gacantiisa ku ansixiyay hanaankan uu eedeeyo qof kale, “intaa taqaaney waa dhaaftay dalkana waa ka gudbay xiligii afduubka loo haysan jiray,” ayuu xildhibaanka ku yiri qoraal uu soo saaray, kaas oo ugu jawaabay Qeybdiid.

“Waa nasiib darro weyn in Senator-ka maanta dhaho dalka iyo qaranimada ayaan u baqay, iyadoo dalka maanta uu ku talaabsaday wadadii horumarka iyo amniga, una jiheystay taariikh iyo waa cusub, ayna dadka Soomaaliyeed oo mudo 56 sano kadib ay dooranayaan hogaankii xukumi lahaa,” ayuu yiri Cagaweyne.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Waxaa nasiib darro ah in siyaasadii dalka lagu jaangooyay maslaxado gaar ah oo hadii la waayo ay aflagaado ku xigto.

Dalka waxaa loo doortay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud dastuurka dalkana wuxuu awood usiinayaa in qorshayaashii dib u doorashadisa ku balan qaaday uu fuliyo waxaana ugu horeysay in dastuurka dalka la dhameystiro doorasho qof iyo codna dalka kadhacdo labadii qodob oo ugu muhimsanaa maanta waxay marayaan meel gabagaba ah.

Dalka wuxuu kujiraa gacan aamin ah waxaa madax ka ah Madaxweyne 40 kii sano laso dhaafay dalka aan meelna ka aadin laba marna soo hogaamiyay dalka mana loo baqaayo maanta maalin uu ka fiicanyahayna masoo marin, dalka wuxuu ka guuray mugdigii mudada dheer uu kujiray wuxuuna u guuray iftiinka caalamka kasocda ee dimuqraadiyada.

Senator Abdi Qeybdiid waxaa leeyahay wixii aad adiga gacantada ku ansixisay haku eedeyn qofkale intaa taqaaneyna waa dhaaftay dalkana waa ka gudbay xiligii afduubka loo heesanjiray.

Ugu danbeyn Senatorka wuxuu u soo joogey dalkaan oo aan wax nidaam ah ka jirin oo dadku si sharci daro ah loo dhacaayay loona dilaayay xoolahooda iyo xurmadoodana lagu xadgudbayay gaajo iyo macluulna ay kajirtay dalka amni darro xoogana ay hareysay.

Waa nasiib darro weyn in Senatorka maanta dhaho dalka iyo qaranimada ayaan u baqay iyadoo dalka maanta uu ku tilaabsaday wadadii horumarka, barwaaqada iyo amniga una jiheestay taariikh iyo waa cusub dastuurkii mudada dheer qabyada ahaa oo la dhameystirayo iyo dadka Soomaaliyeed oo mudo 56 sano kadib ay dooranayaan hogaankii xukumi lahaa!!!

Xasan oo darajooyinkii ciidan usoo celiyay sarkaal uu dagaal adag la galay Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xeer madaxweyne dib ugu soo celiyay dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi uu ku lahaa hay’adda sordoonka iyo nabad-sugidda qaranka.

Madaxweyne Xasan ayaa ku saleeyey xeerkan madaxweyne si waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee dastuurka KMG ah iyo sharciga dhismaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee Lr. 003, soona baxay sanadkii 2023-dii.

Tallaabadan ayaa ku timid codsi uu soo gudbiyey Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

“Gaashaanle Sare Ibraahim, laga bilaabo maanta oo la saxiixay xeerkan madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Gaashaanle Sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi oo horey usoo noqday Taliyaha nabad-sugida tobolka Banaadir ayaa waxaa dhammaan xuquuqdii iyo darajadii uu lahaa laga xayuubiyay xilligii uu Fahad Yaasiin hayay xilka agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida qaranka.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu ahayd 3-da Febraayo 2025, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo dib u doorashadiisi saraakiil dhowr ah dib ugu soo celiyay darajooyinkii iyo xuquuqdii ee ciidan ee xaqa u lahaayeen, kuwaasi oo badankood laga xayuubiyay kal-xukunkii madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.