25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Maxamed bin Salmaan oo si kulul u beeniyey arrin Trump uu sheegay inuu ogolaaday

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku adkaysatay inaysan wax xiriir ah la yeelan doonin Israa’iil ilaa laga hirgeliyo dowlad madax-bannaan oo Falastiiniyiin leeyihiin, arrintaas oo meesha ka saaraysa sheegashadii madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ee ahayd in Riyadh aysan ku xirin aqoonsiga Israa’iil dhul ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Trump ayaa horey u sheegay in Maraykanku damacsan yahay inuu la wareego gacan ku haynta Marinka Gaza.

Shir jaraa’id oo si lama filaan ah Talaadadii u qabsoomay, ayuu Trump ku shaaciyay in Maraykanku la wareegi doono maamulka Marinka Gaza – oo ay dagaalladu halakeeyeen – kadib marka dadka Falastiiniyiinta ah dib u dajin lagu sameeyo, isla markaana dhaqaale ahaan loo horumarin doono.

Wuxuu hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo booqasho ku joogay Maraykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa Arbacadii qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Sacuudigu gabi ahaanba diidan yahay isku day kasta oo lagu doonayo in Falastiiniyiinta looga barakiciyo dhulkooda, iyadoo carrabka ku adkeysay in mowqifka Sacuudiga ee ku aaddan arrinta Falastiin uusan ahayn mid gorgortan geli kara.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa si “cad oo aan mugdi ku jirin” u xoojiyay mowqifka Boqortooyada, kaasoo aan marnaba aqbalayn fasiraad kale, ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda.

Qorshe kasta oo lagu barakicinayo Falastiiniyiinta ayaa ah arrin xasaasiyad weyn ku leh Falastiiniyiinta iyo guud ahaan dalalka Carabta.

Iyadoo dagaalku uu si xowli ah uga socdo Gaza, ayaa Falastiiniyiintu waxay ka cabsi qabaan inay mar kale la kulmaan “Nakba” – oo ah masiibadii – soo martay, markaasoo boqolaal kun oo qof laga qixiyay guryahoodii, xilligii lagu jiray dagaalkii lagu aas-aasay Israa’iil.

Marka laga hadlayo siyaasadda Sacuudiga ee ku aaddan Bariga Dhexe, waxaa jira dano waaweyn oo ku xiran, kuwaasoo saameyn ku leh madaxweynaha Maraykanka, Trump, iyo Israa’iil labadaba.

Muddo bilooyin ah, ayuu Maraykanku hormuud ka ahaa dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayay in Sacuudiga – oo ka mid ah dowladaha Carabta ee ugu tunka weyn uguna saamaynta badan – uu xiriirka caadi ka dhigo Israa’iil, isla markaana uu aqoonsado.

Hase yeeshee, dagaalkii Gaza, oo qarxay Oktoobar 2023, ayaa ku qasbay Riyadh inay hakiso qorshahaas, sababo la xiriira carada xooggan ee dalalka Carabta kaga timid duullaanka Israa’iil.

Trump ayaa doonaya in Sacuudigu uu qaado tallaabo la mid ah middii ay qaadeen dalalka Imaaraadka Carabta – oo ah xudunta ganacsiga Bariga Dhexe – iyo Baxrayn, kuwaasoo 2020-kii la saxiixday Israa’iil heshiiskii loogu magac daray “Abraham Accords”, kana dhigay xiriirkooda mid caadi ah.

Tallaabadaas waxay dalalkaas ka dhigtay kuwii ugu horreeyay ee Carab ah, muddo rubuc qarni ah, oo jebiya xayiraad soo jireen ah oo ka taagnayd xiriirka Israa’iil.

Haddii Sacuudigu xiriir la yeesho Israa’iil, waxay guul weyn oo taariikhi ah u noqon lahayd Israa’iil, maadaama Boqortooyada Sacuudigu ay saameyn ballaaran ku leedahay Bariga Dhexe, dunida Islaamka guud ahaan, iyo weliba, maadaama ay tahay dalka ugu sarreeya dhinaca dhoofinta shidaalka caalamka.

Dagaalkii ugu dhimashada badnaa ee Puntland iyo Daacish oo dhacay + Video

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada geesiyaasha ah ee Daraawiishta Puntland ayaa howlgal labo maalmood ka socday buuraha Calmiskaad ee gobolka bari ku dilay ku dhowaad 60 ka tirsan Khawaarijta Daacish oo u badan ajaanib.

Sidoo kale ciidamada ayaa dagaalka ku furtay cadowgana ka furtay hub iyo saanad ciidan, iyagoo ka xoreeyey deegaano muhiim ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa ka warbixiyey dagaalka, waxayna sheegeen inay ku guuleysteen xoreynta deegaanadii lagu qaaday howlgallada ee saldhigga u ahaa Argagixisada Daacish.

Deegaanka Togga-jaceel ee Buuralayda Calmiskaad ayaa kamid ah goobaha dagaalka ugu culus uu ka dhacay shalay iyo maanta, waxaana gacanta ku haya ciidamada Puntland.

Dagaalkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay in ka badan 15 askari, waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 50 askari oo ciidamada Puntland ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo xog-ogaal ah.

Afhayeenka Ciidanka Puntland Jeneral Maxamed Maxamuud Axmed, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Puntland ay guulo ka gaareen dagaal fool ka fool ah oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay la galeen kooxda Daacish.

Wuxuu sheegay in ay ka dileen 57 dagaalyahan, oo ajaanib ku jirto, dhul cusubna ay ka qabsadeen.

Afhayeenka ayaa qiray in ciidamadooda khasaare kasoo gaaray dagaalka oo uu ku tilmaamay midkii ugu cuslaa ee dhex mara Puntland iyo Daacish, inkastoo uusan tirakoobka khasaaraha ciidankooda sheegin.

Hoos ka daawo saraakiil goobtii dagaalka kula hadlay warbaahinta

DF oo war culus ka soo saartay weerarkii Axmed Madoobe ku qaaday Baardheere

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo war-saxaafadeed kasoo saartay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa Ciidamada Qaranka ku amaantay sida ay degmadaas uga difaaceen kooxdii soo weerartay saakay.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay weerarkaas uu soo abaabulay Axmed Madoobe, waxaana qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya lagu cadeeyey in ay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha qaswadayaasha ah ee carqaladeynaya nabadda iyo horumarka dalka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA WASAARADDA AMNIGA:

Saakay waaberigii hore, koox qaswadayaal ah oo uu soo abaabulay eedaysane Axmed Madoobe ayaa fal arbushaad ah ka sameeyey degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyaga oo isku dayay in ay xasilooni-darro ka abuuraan deegaanka.

Ciidamada Amniga oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa kooxdaas ayaa si degdeg ah u qaaday tallaabooyin looga hortagayo ficilladooda.

Ciidamadu waxay si hagar la’aan ah ugu guuleysteen in ay soo afjaraan rabshadaha ay kooxdu waday, iyagoo gacanta ku dhigay xubno ka tirsan kooxdii weerarka soo qaadday.

Wasaaradda Amniga ayaa si adag u uga digaysa cid kasta oo ku lug yeelata falalka noocaan oo kale ah in ay la kulmi doonto tallaabo Waafaqsan sharciga si loo sugo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Dhanka kale, eedaysane Axmed Madoobe ayaa weli ku mashquulsan abaabulka ficillo sharci-darro ah iyo dhiig-daadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo sii kordhinaya dambiyada uu horey u galay.

Wasaaradda Amniga waxay mar kale adkeynaysaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha qaswadayaasha ah ee carqaladeynaya nabadda iyo horumarka dalka.

Turkiga oo si adag uga hor-yimid qorshaha Turmp ee…

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa si adag u dhaleeceeyay qorshaha uu soo jeediyay madaxweyne Donald Trump ee ah in Mareykanka la wareego Marinka Gaza, islamarkaana Falastiiniyiinta lagu daabulo dalal kale.

“Tani waa arrin aan la aqbali karin,” ayuu yiri Hakan Fidan, mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Wuxuu intaas ku daray in barakicinta Falastiiniyiinta ee Gaza ay tahay arrin “anaga iyo gobolka toona aan la qaadan karin.” “Xitaa in laga doodo waa khalad,” ayuu raaciyay.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu ka dhigi doono Gaza “mid aan la rumeysan karin,” isagoo ballan qaaday in uu meesha ka saari doono walxaha qarxa ee aan dillaacin iyo burburka, isla markaana uu dib u dhisi doono dhaqaalaha gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sida uu qorshuhu u saameyn doono in ka badan laba milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza.

“Mareykanka ayaa la wareegi doona Marinka Gaza, waxaana ka qaban doonaa shaqo weyn,” ayuu Trump ka yiri shir jaraa’id oo ka dhacay Aqalka Cad, isagoo intaa ku daray in arrintaasi ay abuuri doonto kumannaan shaqo.

“Waxaan arkaa in Mareykanka uu muddo dheer gacanta ku hayn doono Gaza, taasoo xasillooni weyn u keeneysa Bariga Dhexe iyo laga yaabee gobolka oo dhan,” ayuu sii raaciyay.

“Tani ma ahan go’aan sahlan, qof walba oo aan la hadlay wuu jecel yahay fikradda ah in Mareykanku lahaado dhulkan.”

Dhanka kale, Shiinaha ayaa Arbacadii si cad uga hor yimid “barakicinta qasabka ah” ee Falastiiniyiinta ee Gaza, kaddib hadalkii Madaxweyne Trump.

“Shiinaha wuxuu aaminsan yahay in Falastiiniyiintu ay xaq u leeyihiin inay iyagu maamulaan dhulkooda, taasoo ah mabda’a asaasiga ah ee xukunka Gaza xilliga dagaalka kadib. Waxaan si adag uga soo horjeednaa barakicinta qasabka ah ee shacabka Gaza,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha, Lin Jian, mar la weydiiyay arrinta Trump.

Maxay tahay biladda Asad Hagio lagu guddoonsiiyay Villa Somalia? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan soo dhaweyn ah ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka Hal-abuure Asad Xaajiyow, halkaasi oo lagu guddoonsiiyay Billadda Adkaysiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku dhiirri-geliyey Asad go’aanka geesinimada leh ee uu ku wajahay dhibaatada ay u geysteen argagixisada, islamarkaana uu dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Asad Xaajiyow uu tusaale u yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adkaysiga iyo geesinimada kaga gudbay dhibaatada iyo waxyeellada ay argagixisada u geysteen dadka Soomaaliyeed.

“Asad kuma niyad jabin weerarkii naxariis darrada ahaa ee argagixisada Al-Shabaab ay dhowr iyo toban sano ka hor isku dayeen in ay ku dilaan, kaas oo keenay in uu naafo noqdo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Inkastoo uu la kulmay dhaawac halis ah oo naafo ka dhigay haddana maanta waxa uu dalkiisa ku soo laabtay isagoo xambaarsan himilo iyo hiigsi ku aaddan horumarka dalkiisa iyo dadkiisa.”

Munaasabadda kaddib agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa guddoonsiiyey Asad Xaajiyow Billadda Adkaysiga Soomaaliyeed.

Billadan ayaa ah abaalmarin la siinayo muwaadiniinta muujiyey geesinimo, dulqaad, iyo adeeg bulsho oo qiimo leh, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.







Waa kuma ku-xigeenka hogaamiyaha Daacish ee ku dhintay duqeyntii Puntland?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Horraantii toddobaadkan ayey aheyd markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu bixiyey amarka duqayn ka dhacday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Duqeyntan oo lala beegsaday maleeshiyaadka ay ciidanka Puntland kula dagaalamayaan buuraha Bari ayaa waxaa ku dhintay mid kamid ahaa sarkaal sare oo kooxda u qaabilsanaa qorshaynta weerarada, sida ay sheegeen milatariga Maraykanka. Inkasta oo la sheegin magaca sarkaalkaas iyo dagaalamayaashii kale ee ku dhintay duqaynta.

Maamulka Puntland ayaa dhankiisa xaqiijiyay in saraakiishaas uu kamid ahaa Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud oo ahaa ku-xigeenka hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Maamul ayaa sidoo kale sheegay in illaa 40 dagaalame ay ku dhinteen duqayntaasi, kuwaasi oo u badnaa ajaanib ka tirsan kooxda Daacish.

Haddaba, waa kuma Cabdiraxmaan Faahiye?

Nin ayaa 2015-kii kasoo wareegay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta bartamaha Soomaaliya. Faahiye iyo madaxda kooxda Daacish ee uu ka midka yahay Cabdulqaadir Muumin ayaa isku xilli ka soo goostay kooxda.

Cabdiraxmaan ayaa waxaa lagu tilmaamay inuu kamid yahay madaxda Daacish-ta Soomaaliya, uuna toos uga amar qaato Cabdulqaadir Muumin oo ah hoggaamiyaha kooxda.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay inuu yahay ninka maleegay weerarkii ugu horreeyay ee uu ururkaas ka fuliyay Boosaaso bartimihii 2017, kaasi oo ahaa qarax lagu bartilmaameedsaday bar koontarool boolis, ayna ku dhinteen illaa 5 ruux.

Ninkan ayuu Mareykanka u haystay inuu diyaariyo weerarada ka dhanka ah ganacsatada diidda lacagaha uu ururkaas ku soo rogo.

Cabdiraxmaan ayaa la sheega inuu ku guulaystay in bil qura uu ganacsatada ku qasbo inay bixiyaan lacag dhan 100,000 oo dollar, taasi oo mushaar ahaan loo siiyay dagaal-yahaanada kooxda.

Ninkan ayaa kaalin muhiim ah ugu jiray kooxda saldhigatay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, taas oo sanadihii dambe lacagihii ugu badnaa oo baad ah ka aruursatay ganacastada.

Maamulka Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jira kooxdan, iyadoo bil gudaheed uu howl-galka u gudbay wejigiisi labaad, kaasi oo kooxda looga sifeynayo gebi ahaan deegaanada maamulkaas, gaar ahaan buuraha ay sanadaha gabaadka ka dhigteen.

Madaxda caalamka oo si weyn uga falceliyey qorshaha Trump ee la-wareegista Gaza

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhowaaqay in Maraykanku la wareegi doono Marinka Gaza, isaga oo soo jeediyey in Falastiiniyiinta halkaas ku nool la dejiyo dalal kale, sida Masar iyo Urdun.

Waa tan jawaabta caalamiga ah ee ka dhalatay hadalkan.

Mas’uul sare oo ka tirsan Xamaas – Sami Abu Zuhri

“Dadkeena ku sugan Marinka Gaza ma ogolaan doonaan qorshahan, waxaana loo baahan yahay in la soo afjaro gumeysiga iyo xadgudubyada Israa’iil ay ku hayso dadkeena, halkii la isku dayi lahaa in la masaafuriyo.”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga

“Sacuudi Carabiya waxa ay si buuxda u diiddan tahay isku day kasta oo lagu doonayo in Falastiiniyiinta laga raro dhulkooda. Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, waxa uu si cad u sheegay mowqifka boqortooyada, taasoo aan u baahnayn wax fasiraad ah xaalad kasta oo jirta.”

Wasiirka arrimaha dibadda UK – David Lammy

“Arrinta Gaza, Donald Trump wuu saxan yahay. Marka la eego sawirrada muujinaya Falastiiniyiinta si xun loo barakiciyay bilihii badan ee dagaalka uu socday, waxay ka marag kacaysaa in Gaza ay burburtay. “Waan caddeynay mar walba in aan aaminsanahay xalka laba dowladood. Waa in Falastiiniyiintu awoodaan inay ku noolaadaan, horumarna ka gaaraan dhulkooda—Gaza iyo Daanta Galbeed.”

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Faransiiska – Christophe Lemoine

“Faransiisku wuxuu si adag uga soo horjeedaa barakicinta qasabka ah ee shacabka Falastiiniyiinta ee Gaza, taasoo ah xadgudub culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah. Tani waa weerar toos ah oo ka dhan ah xaqii Falastiiniyiinta ee dhulkooda, caqabadna ku ah xalka laba dowladood. Sidoo kale, waxay halis ku tahay xasilloonida Masar, Urdun, iyo guud ahaan gobolka.”

Wasiirka arrimaha dibadda Spain – Jose Manuel Albares

“Waxaan rabaa inaan si cad u muujiyo: Gaza waa dhul ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta ee reer Gaza, waana inay halkaas ku sii noolaadaan. Gaza waa qayb ka mid ah dowladda mustaqbalka ee Falastiin, taasoo Spain taageersan tahay. Waa in la helaa xal xaqiijinaya nabadda labada dhinac, iyadoo la ilaalinayo barwaaqada iyo amniga Israa’iil.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ireland – Simon Harris

“Jihada arrimuhu u socdaan aad ayay u cadahay—waxaa loo baahan yahay xal laba dowladood ah. Dadka Falastiiniyiinta iyo Israa’iil waxay leeyihiin xaq ay ugu noolaadaan dowladooda, si nabad ahna iskula deris noqdaan. Qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Gaza wuxuu si cad uga hor imaanayaa qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar – Badr Abdelatty

Abdelatty wuxuu la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Falastiin, Maxamed Mustafa, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la dardar geliyo dib-u-dhiska Gaza, iyada oo aan Falastiiniyiinta laga saarin dhulkooda.

Madaxweynaha Falastiin – Mahmoud Abbas 

Abbas wuxuu caddeeyay in shacabka Falastiiniyiinta aysan marnaba ka tanaasulayn dhulkooda, xuquuqdooda, iyo goobahooda barakeysan. Waxa uu sidoo kale xusay in Marinka Gaza uu yahay qayb aan la kala goyn karin oo ka mid ah dhulka Dowlad Goboleedka Falastiin, oo ay wehliyaan Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus.

Mas’uul sare oo ka tirsan Iiraan

“Iiraan ma ogola qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiiniyiinta, waxaana mowqifkan lagu caddeeyay iyada oo loo marayo marinno kala duwan.”

Afhayeenka Kremlin – Dmitry Peskov

“Ruushka wuxuu aaminsan yahay in xalka Bariga Dhexe uu suurtagal noqon karo oo keliya marka la hirgeliyo xalka laba dowladood. Tani waa mabda’a lagu caddeeyay qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana mowqifkan la wadaaga inta badan dalalka caalamka.”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha

“Shiinaha wuxuu rajaynayaa in dhammaan dhinacyada ay ka faa’iidaystaan fursadda xabbad-joojinta iyo dib-u-dhiska kaddib dagaalka, si arrinta Falastiiniyiinta loogu celiyo wadada xalka siyaasadeed ee ku dhisan laba dowladood.”

Wasiirka arrimaha dibadda Turkey – Hakan Fidan

“Hadalka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee la xiriira qorshaha lagula wareegayo Gaza waa mid aan la aqbali karin. Qorshe kasta oo Falastiiniyiinta laga saarayo xisaabta wuxuu kicindoonaa colaad hor leh.”

Xoghayaha guud ee Ururka Xoraynta Falastiin (PLO) – Hussein Al-Sheikh

“Hoggaanka Falastiiniyiinta wuxuu mar kale xaqiijinayaa mowqifkiisa cad: xalka laba dowladood, oo waafaqsan sharciga caalamiga ah, waa dammaanadda kaliya ee amniga, xasilloonida, iyo nabadda.”

Islamic Jihad

“Mowqifyada iyo qorshayaasha Trump waa kor u qaadida xiisadda, waxayna khatar gelinayaan amniga dalalka Carabta iyo gobolka, gaar ahaan Masar iyo Urdun, kuwaasoo Mareykanku doonayo in uu ku khasbo dagaal ka dhan ah shacabka Falastiiniyiinta.”

Wasiirka deegaanka ee UK – Steve Reed

“Mowqifka dowladda UK waa mid cad… waa in shacabka Falastiiniyiinta loo oggolaadaa inay dib ugu laabtaan guryahooda oo ay dib u dhistaan noloshooda. Dadkaasi waxay la kulmeen dhibaatooyin aad u daran muddo bilo ah, waana muhiim in ay dib ugu laabtaan si ay u bilaabaan nolol cusub.”

Ra’iisul Wasaaraha Australia – Anthony Albanese

“Mowqifka Australia waa sidii shalay, sidii sanadkii hore. Dowladda Australia waxay si wadajir ah u taageersan tahay xalka laba dowladood.”

Rashida Hlaib – Xubin ka tirsan Kongareska Maraykanka

“Falastiiniyiintu ma baxayaan. Madaxweynaha wuxuu hadalkan xagjirka ah oo keliya uga dhawaajiyay taageerada labada xisbi ee Kongareeska ay siiyaan xasuuqa iyo nadiifinta qowmiyadeed. Waa waqtigii ay xildhibaannada taageersan xalka laba dowladood ay si cad u hadli lahaayeen.”

Somalia: Deadly clashes in contested Gedo region

Bardhere, Somalia – Heavy fighting erupted early Wednesday in the strategic town of Bardhere in Somalia’s southern Gedo region between forces loyal to the federal government and those of the semi-autonomous Jubaland state.

The clashes, reportedly involving heavy weaponry, mark a significant escalation in the long-running dispute over control of the region.

The fighting began at dawn in central Bardhere as both sides vied for control. Residents reported hearing intense gunfire and explosions, prompting many to flee.

“The sound of gunfire was deafening this morning,” one resident, who asked not to be named, told Caasimada Online. “People are fleeing their homes to escape the violence.”

Jubaland’s administration, in a statement released through its official television channel, accused forces loyal to Somali President Hassan Sheikh Mohamud of initiating the attack on the district headquarters.

Jubaland claimed its forces remained in the district headquarters and were resisting the attack, portraying the incident as an assault on a public service center.

“The headquarters attacked by Hassan Sheikh Mohamud and his group is where the people of Bardhere are served,” the statement read, adding that the President’s group aimed to “destroy the existing government system in the district.”

Wednesday afternoon, the Somali federal government had not issued a statement.

Gedo: A Region long disputed

Baardheere has been at the center of a broader dispute between Somalia’s federal government and Jubbaland over control of key territories in the Gedo region.

The conflict escalated after Jubbaland announced on Tuesday that it had taken full control of the district headquarters, a claim swiftly contested by federal forces, leading to Wednesday’s outbreak of violence.

Gedo, bordering Kenya and Ethiopia, is strategically important due to its location and resources. Control over the region has been a point of contention for years, further complicated by the broader political dynamics in Somalia.

The region has experienced instability since the collapse of the Somali central government in 1991, adding another layer to the challenges facing the Horn of Africa nation, including the fight against the al-Qaeda-linked al-Shabaab insurgency.

Jubaland-Federal government tensions

The relationship between Jubaland, led by President Ahmed Madobe, and the federal government has been strained for months. Jubaland accuses Mogadishu of attempting to undermine its authority and install a more pliant administration in Gedo.

Conversely, the federal government views Jubaland’s actions as challenging its authority and efforts to centralize power.

In late 2024, Jubbaland suspended relations with the federal government amid disagreements over local elections and governance, leading to heightened tensions and a series of retaliatory measures by both sides.

Ahmed Madobe, a former member of the Islamic Courts Union and the Islamist insurgent group Hizbul Islam, was elected President of Jubaland in 2013. He has been a key player in the fight against al-Shabaab in southern Somalia.

However, his administration’s relationship with the federal government has deteriorated, particularly since his disputed re-election in 2019, which Mogadishu contested.

Humanitarian concerns

The renewed fighting has triggered fresh displacement, adding to Somalia’s already dire humanitarian crisis.

According to the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR), nearly 3 million people are internally displaced across the country due to ongoing conflicts and climate-related disasters. (UNHCR)

“The situation is worsening by the hour,” said a local aid worker. “People are abandoning their homes with little more than what they can carry.”

The ongoing hostilities between federal and regional forces threaten to undermine Somalia’s broader security efforts, particularly the fight against al-Shabaab, which continues to exploit political divisions to expand its influence.

International observers have repeatedly urged Somalia’s central government and regional administrations to resolve their differences through dialogue. However, with reinforcements arriving on both sides, fears of a prolonged conflict in Bardhere are growing.

Ilhaan oo qaaday tallaabo ay ku farxeen Soomaalida sharci la’aanta ku ah Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Aqalka Kongareeska Mareykanka ayaa qaaday tallaabo ay ku farxeen Soomaalida sharci la’aanta ku ah dalkaasi, kuwaas oo cabsi ka qaba in uu saameeyo go’aanka Trump ee masaafurinta muhaajiriinta.

Gabadhan oo asalkeedu yahay Soomaali ayaa kulan gaar ah la yeelatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida sharci darrada ah ku galay dalkaasi, waxayna kula talisay in aysan ka cabsan Laanta Socdaalka iyo Canshuuraha, xilli ay haatan hay’adaha dowladda Mareykanka sii wadaan ka hortagga socdaalka sharci darrada ah ee dalkaasi.

Sidoo kale, waxay intaasi ku dartay in aysan qasab ahayn in ay ka jawaabaan su’aalaha la weydiinayo, iyadoo usoo jeedisay in ay kaliya sheegaan in qareenkooda uu kula taliyay in aysan wax jawaab ah ka bixin sida ay ku yimaadeen Mareykanka iyo socdaalkooda.

“Waxaan kula talinayaa dadka Soomaaliyeed in haddii ICE ay isku daydo inay su’aalo idin weydiiso, waajib kuguma aha inaad ka jawaabto su’aalahooda,” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Sidoo kale, waxay sii raacisay: “Kaliya sheeg in uu qareen kugula taliyay inaadan ka jawaabin su’aalaha. Shaacinta magacaaga, sharcigaaga socdaalka, iyo qaabka aad ku soo gashay ma ahan mid khasab ah. Barta sharciyada oo isdiyaariya.”

Dhinaca kale, duqa Minneapolis Jacob Frey ayaa dhankiisa bogaadiyay arrintan, wuxuuna u ballan qaaday dadka sharci darrada ah ku jooga magaaladiisa inay garab istaagayaan, ayna sameyn doonaan wax kasta oo awooddooda ah si ay u caawiyaan muhaajiriinta.

“Xeerka kala-soocidda ayaa si cad u qeexaya in mas’uuliyiinta magaalada, saraakiisha booliiska iyo kuwa kale, aysan ururin karin macluumaadka muujinaya cidda jirta iyo cidda aan la diiwaangelin,” ayuu yiri Duqa magaalada Minneapolis.

Waxaa kale oo uu yiri: “Saraakiishayada booliisku lama shaqeyn doonaan sharci-fulinta federaalka ee ku xeeran sharciga socdaalka federaalka. Waxaan ku xoojinaynaa sharciyada gobolka iyo kuwa maxalliga ah halkan Minneapolis, waxaana sameyn doonaa sida ugu wanaagsan ee aan awoodno.”

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay haatan walaac xooggan iyo cabsi soo wajahday Soomaalida Mareykanka, gaar ahaan kuwa sharci darrada ah ku galay dalkaasi, kuwaas oo laga yaabo in uu saameeyo go’aanka uu qaatay Donald Trump ee lagu soo celinayo muhaajiriinta.

Jubaland oo war culus kasoo saartay dagaalka Baardheere

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa war qoraal ah kasoo saaray dagaal culus oo saaka ka qarxay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeya ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in weerarka ay soo qaadeen ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayna beegsadeen xarunta maamulka degmada, sida lagu sheegay qoraal uu goordhow baahiyay Telefishinka ku hadla afka maamulka Jubbaland.

“Kooxda Xasan Sheekh Maxamuud oo weli wada hagardaamo iyo kala qeybin ay ka dhex wadaan bulshada reer Jubbaland ayaa saaka waaberigii dagaal kusoo qaaday xarunta degmada Baardheere oo ay ku sugnaayeen maamulka degmada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay in weli xarunta degmada ay ku sugan yihiin ciidamadooda, balse dagaalku uu weli socdo, iyagoo ku dooday inay iska caabinayaan weerarka lagu soo qaaday.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in xarunta la weeraray ay tahay goobta loogu adeego bulshada reer Baardheere, ayna arrintaasi tahay wax laga xumaado.

“Xarunta ay Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisu dagaalka kusoo qaadeen waa halka loogu adeego bulshada Baardheere, taasoo muujineysa in uusan dan ka lahayn shacabka, balse uu leeyahay dano shaqsi ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay: “Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa waxay go’aansadeen inay burburiyaan nidaamka dowliga ah ee ka jira degmada, maadaama fikirkoodii qaldanaa uu ka socon waayay Baardheere.”

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aaddan dagaalka ka socda Baardheere, waxaana weli xaaladdu tahay mid aad u kacsan.

Dagaalkan ayaa ka dhashay muran la xiriira gacan ku haynta degmada, taasoo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo Jubbaland, oo maamulo iska soo horjeeda u magacaabay Baardheere.

Shalay ayay ahayd markii Jubbaland ay sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta xarunta degmada Baardheere, balse saaka ayaa dagaal culus dib uga qarxay magaalada, kaasoo u dhexeeya Daraawiishta Jubbaland iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Mas’uul ay magacowday DF oo lagu dilay dagaalka qaraar ee ka socda Baardheere

0

Baardheere (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo saaka ka qarxay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo aad u culus uu ka socdo bartamaha magaalada, gaar ahaan xarunta degmada, oo ay isku hayaan labada dhinac.

Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo warinayaa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Maxamed Ilyaas Caagane, oo kamid ahaa mas’uuliyiintii dhowaan ay dowladda Soomaaliya u magacowday maamulka degmada Baardheere, wuxuuna hayay xilka madaxa arrimaha bulshada ee degmadaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhinacyadu helayaan ciidamo gurmad ah, taasoo sii kordhisay xiisadda ka taagan gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa ka dhashay muran la xiriira gacan ku haynta degmada, taasoo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo Jubbaland, oo maamulo iska soo horjeeda u magacaabay Baardheere.

Shalay ayay ahayd markii Jubbaland ay sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta xarunta degmada Baardheere, balse saaka waxaa dib uga qarxay dagaal culus oo dhex maraya Daraawiishta Jubbaland iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Trump oo ku dhowaaqay in Mareykanka la wareegayo Gaza

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa soo bandhigay soo jeedin aan caadi ahayn oo uu ku sheegay in Mareykanka “la wareegi doono” Marinka Gaza, xilli uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, si ay uga wada hadlaan xabbad-joojinta la xiriirta dagaalka Hamas.

Trump ayaa sidoo kale ku celiyay baaqiisii ahaa in Falastiiniyiinta laga saaro dhulka ay dagaalladu burburiyeen laguna daadgureeyo waddamada Bariga Dhexe sida Masar iyo Urdun, inkastoo Falastiiniyiinta iyo dowladahaasi si cad u diideen soo jeedintiisa.

“Mareykanku wuxuu la wareegi doonaa Marinka Gaza, waana wax aan qaban karno. Waxaan noqon doonnaa milkiileyaasha dhulkan,” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Netanyahu.

Trump wuxuu intaa ku daray in Mareykanku ka saari doono bambooyinka aan qarxin, “dhulka simi doono,” dhismeyaasha burbursanna laga saari doono, iyadoo la abuurayo barnaamij horumarineed oo dhiirigeliya koboca dhaqaale, fursado shaqo iyo hoy badan oo ay helaan dadka deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu u muuqday inuusan taageersanayn in Falastiiniyiintu dib ugu laabtaan Gaza.

“Waa in aanan u oggolaan in Gaza dib loo dhiso oo ay dib ugu noqdaan isla dadkii horey u daganaa, halkaasna nolol adag ku soo qaatay, dagaallamay, ku dhintay, nolol rajo la’aan ahna ku noolaa,” ayuu yiri.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu soo jeediyay in labada milyan ee qof ee ku nool Gaza ay “tagaan dalal kale oo leh daryeel bini’aadannimo.”

Netanyahu wuxuu Trump ku ammaanay inuu yahay “saaxiibka ugu weyn ee Israa’iil abid yeelato.”

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil wuxuu sheegay in qorshaha Trump ee Gaza uu noqon karo mid “taariikhda beddela” oo mudan in fiiro gaar ah loo yeesho.

‘Quwad weyn’

Masar iyo Urdun waxay si cad u diideen qorshaha Trump ee ah in Falastiiniyiinta laga raro Gaza.

Danjiraha Falastiiniyiinta ee Qaramada Midoobay wuxuu dhankiisa sheegay in hoggaamiyeyaasha caalamku ay tahay inay “ixtiraamaan” rabitaanka shacabka Falastiin.

Shacabka reer Gaza ayaa sidoo kale si weyn u dhaleeceeyay hadallada Trump. “Trump wuxuu u haystaa Gaza inay tahay qashin qub—taasi gabi ahaanba sax ma aha,” ayuu yiri Hatem Azzam, oo 34 jir ah kana soo jeeda magaalada Rafax ee koonfurta Gaza.

Trump wuxuu sheegay inuu door weyn ka qaatay wajigii koowaad ee xabbad-joojinta u dhaxeysa Israa’iil iyo Hamas, taasoo bilaabatay kaddib dagaal socday in ka badan 15 bilood. Waala filayay inuu Netanyahu ku cadaadiyo in la galo wajiga labaad ee wada-hadallada si loo gaaro heshiis waara.

Markii la weydiiyay sida uu u arko wajiga labaad, Netanyahu wuxuu ku jawaabay: “Waan isku dayi doonnaa.”

Wuxuu Netanyahu amaanay “awoodda adag iyo hoggaaminta xooggan” ee Trump, isagoo dhaliilay madaxweynihii hore Joe Biden, oo ay isku khilaafeen khasaaraha ka dhashay duqeymaha Israa’iil ee Gaza.

Saacado kahor inta uusan Netanyahu la kulmin Trump, Israa’iil waxay sheegtay inay wafdi u direyso dalka Qadar si ay uga wadahadlaan wajiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta.

Dhanka kale, Hamas ayaa xaqiijisay in wadahadalladii wajiga labaad ay bilowdeen, iyadoo afhayeenkeeda, Cabdil-Latif al-Qanuu, uu sheegay in diiradda la saarayo “arrimaha hoyga, gargaarka iyo dib-u-dhiska.”

Wajigii koowaad ee xabbad-joojinta ayaa horseeday is-dhaafsiga maxaabiista, iyadoo 18 maxbuus Israa’iili ah lasii daayay, halka Israa’iil ay xabsiyada ka sii deysay in ka badan 600 oo maxbuus Falastiini ah.

Dagaalka Gaza wuxuu billowday 7-dii October 2023, markii Hamas ay weerar ku qaadday Israa’iil, taasoo keentay in 251 qof loo kaxeeyo gudaha Gaza. 76 ka mid ah maxaabiistaas ayaa weli lagu hayaa Gaza, waxaana Israa’iil ay sheegtay in 34 ka mid ah ay dhinteen.

Ehellada maxaabiista Israa’iiliyiinta ah ayaa dalbanaya in heshiiska xabbad-joojinta la ilaaliyo si dadkooda loosoo daayo.

Tan iyo markii xabbad-joojinta Gaza dhaqan-gashay 19-kii Janaayo, Israa’iil waxay weerarro dhimasho badan ah ka geysatay waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta, UNRWA, oo haatan laga mamnuucay Israa’iil, waxay ka digtay in xaaladda xerada qaxootiga ee Jenin ay “ku sii socoto jihada masiibada.”

Talaadadii, ciidamada Israa’iil waxay sheegeen in nin hubeysan uu dilay labo askari, kahor inta aan la toogan oo la dilin, xilli uu weerar ka geystay koonfurta Jenin.

Xabbad-joojinta waxay sidoo kale suurta-gelisay in gargaar ballaaran oo cunto, shidaal, iyo daawooyin la gaarsiiyo Gaza, iyadoo dadka barakacay ay bilaabeen inay dib ugu laabtaan waqooyiga dhulka Falastiiniyiinta.

Weerarkii Hamas ee 7-dii October wuxuu sababay dhimashada 1,210 qof oo Israa’iili ah, kuwaasoo intooda badan ahaa dad rayid ah, sida ay sheegeen ilo rasmi ah oo AFP soo xigatay.

Dhinaca kale, weerarrada jawaabta ah ee Israa’iil ka geysatay Gaza waxay sababeen dhimashada ugu yaraan 47,518 qof, kuwaasoo badankood ahaayeen dad shacab ah.

Tallaabadii Donald Trump ee Soomaaliya oo muujisay in uu ka baxay ballan-qaadkiisa

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii hore la wareegay xilka isagoo ku celcelinayay ballanqaadkiisa ku aaddan soo afjaridda dagaallada. “Dhaxalkayga ugu weyn wuxuu noqon doonaa nabad-doonnimo,” ayuu ku yiri khudbaddiisii caleema-saarka.

Sanado badan, Trump wuxuu isku muujinayay inuu ka soo horjeedo dagaallada, isagoo marar badan ku faanay dadaalladiisa lagu joojinayo dagaallada “aan dhammaanayn.”

Hase yeeshee, Sabtidii la soo dhaafay, Trump wuxuu sare u qaaday dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka uu ku jiray, isagoo duqeyn ka fuliyay Soomaaliya taas oo lagu dilay tiro aan la cayimin.

“Dambiilayaashan, oo aan ka helnay godad ay ku dhuumaaleysanayeen, waxay khatar ku ahaayeen Mareykanka iyo xulafadeena,” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada. “Duqeyntu waxay burburisay godadkii ay ku noolaayeen, waxayna dishay argagixisayaal badan, iyada oo aan waxyeello loo gaysan shacabka.”

Trump wuxuu intaa ku daray in duqeyntu ay dishay “Sarkaal Sare oo ISIS ah” oo qorsheynayay weerarro, kaasoo maamulka Biden uu ku guuldareystay inuu beegsado inkasta oo ay sannado badan isku dayayeen inay bartilmaameedsadaan.

“Fariinta aan u dirayno ISIS iyo dhammaan kuwa doonaya inay weeraraan Mareykanka waa: ‘WAAN IDIN HELI DOONAA, WAANA IDIN DILAYNAA!’” ayuu ku dhawaaqay.

AFRICOM iyo dowladda Soomaaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeynta lagu fuliyay “isla jaanqaad dowladda federaalka Soomaaliya,” balse sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta The Intercept, isagoo codsaday in aan magaciisa la xusin maadaama uusan fasax u haysan la hadalka saxaafadda, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya si aad u yar looga sii digay weerarka.

AFRICOM ma xaqiijin hadalladii Trump ee ku saabsanaa in weerarku uu bartilmaameedsaday godad, in sarkaalkan sare ee ISIS la doonayay muddo dheer, ama in dadka la dilay ay qorsheynayeen weerarro ka dhan ah Mareykanka.

“Ma hayno wax xog ah oo dheeraad ah,” ayay tiri afhayeenka AFRICOM, Kelly Cahalan, oo la hadashay The Intercept.

Maamulka Trump sidoo kale wuxuu diiday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad ah ama faallo rasmi ah. “Ma hayno wax war ah oo aan idin siino marka laga reebo hadalka madaxweynaha (POTUS) iyo war-saxaafadeedka Wasaaradda Difaaca (DOD),” ayaa lagu yiri email uu u diray Aqalka Cad the Intercept.

AFRICOM wuxuu sidoo kale ku celiyay hadalkii Trump, isagoo sheegay in “aysan jirin wax dad rayid ah oo lagu waxyeelleeyay” duqeyntii Sabtidii.

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Baaritaan uu sameeyay The Intercept sanadkii 2023 ayaa lagu ogaaday in duqeyn uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya bishii April 2018 ay dishay ugu yaraan saddex qof, waxaana suuragal ah in la dilay illaa shan qof, oo ay ku jirtay Luul Daahir Maxamed oo 22 jir ahayd iyo gabadheeda Maryam Shilow Muse oo afar sano jirtay.

Xilligaas, AFRICOM wuxuu ku dhawaaqay inuu dilay “shan argagixiso,” isagoo ku adkeystay in “aysan jirin wax dad rayid ah oo lagu dilay weerarkaasi.”

Baaritaanka The Intercept wuxuu muujiyay in weerarka lagu fuliyay xeerar dabacsan oo Wasaaradda Difaaca ay codsatay, islamarkaana Aqalka Cad ee Trump uu ansixiyay, iyadoo aan cidna waligeed loo ciqaabin dilalka dadka rayidka ah.

In ka badan lix sano, qoyska Luul iyo Maryam waxay isku dayayeen inay la xiriiraan dowladda Mareykanka, oo ay ku jiraan isku day ay sameeyeen iyagoo adeegsanaya bar internet oo AFRICOM u sameeyay cabashada khasaaraha rayidka, balse wax jawaab ah lagama siinin.

Mareykanka wuxuu duqeymo ka waday Soomaaliya tan iyo ugu yaraan 2007, balse weerarradu waxay aad u kordheen xilligii Trump. Intii u dhaxeysay 2007 ilaa 2017, oo ay xilka hayeen George W. Bush iyo Barack Obama, ciidamada Mareykanka waxay fuliyeen 43 duqeyn oo la shaaciyay.

Xilligii Trump, AFRICOM waxay ka fulisay Soomaaliya in ka badan 200 duqeyn oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxda Daacish. Xilligii Biden, Mareykanka wuxuu fuliyey 39 weerar afar sano gudahood.

Kooxda Daacish-ta Soomaaliya waa urur yar oo ka hawlgala buuraha Golis ee gobolka Bari, Puntland. Ma jiro caddeyn muujineysa in kooxdaasi ay awood u leedahay inay weerarto Mareykanka.

Arbacadii, Trump wuxuu baraha bulshada ku faafiyay muuqaal laga duubay duqeyntii Sabtidii. Muuqaalkan, oo laga qaaday diyaarado dul maraya goobta la beegsaday, wuxuu muujinayaa bartilmaameed la haysto ka hor inta uusan qarax xooggan dhicin, taasoo keentay in uu samaysmo uuro madow.

Mowqifka Trump ee Soomaaliya

Inkasta oo uu horey u fuliyay duqeymo badan, Trump wuxuu horey uga dhawaajiyay inuu shaki badan ka qabo joogitaanka Mareykanka ee dagaalka Soomaaliya. Dhamaadkii muddo-xileedkiisii koowaad, Trump wuxuu amar ku bixiyay in ciidamada Mareykanka laga saaro dalka Soomaaliya. Laakiin Wasaaradda Difaaca ayaa si tartiib ah u hirgelisay amarka, waxaana markii dambe la ogaaday in ciidamada Mareykanka aysan si buuxda uga bixin dalka. Xitaa markii la sheegay in la kala qaaday ciidamada, afhayeenka AFRICOM Col. Chris Karns wuxuu qiray in “ciidamo kooban” ay weli sii joogeen Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Mareykanka duqeyntii Sabtidii. “Waxaan u mahadcelinayaa Mareykanka taageeradooda joogtada ah ee la dagaallanka argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiskiisa, oo si gaar ah u amaanay Trump.

“Hoggaankaaga geesinimada leh, Mudane Madaxweyne, ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waa mid si weyn loogu mahadcelinayo Soomaaliya.”

Mahadcelinta madaxweynaha ee Trump waxay kusoo aadeysaa iyadoo Soomaaliya ay bishii hore heshiis hal sano ah, oo ku kacaya $600,000, la saxiixatay shirkad lobbiga ka shaqeysa oo fadhigeedu yahay Washington D.C., oo lagu magacaabo BGR Group, iyadoo laga cabsi qabo in maamulka Trump uu hoos u dhigo wada-shaqeynta milateri ee uu la leeyahay Soomaaliya.

Warqado loo gudbiyay Waaxda Caddaaladda Mareykanka, BGR waxay ku sheegtay in doorkeedu yahay “inay xoojiso xiriirka iyo isgaarsiinta ay la leedahay saraakiisha iyo go’aan-gaareyaasha Mareykanka.”

Iran oo ku dhow hub Nuclear – CIA oo xog cusub shaacisay

Tehran (Caasimada Online) – Warbixin sirdoon oo dhawaan la soo saaray ayaa saraakiisha Maraykanka ku abuurtay aaminaad ah in koox qarsoodi ah oo ka tirsan saynisyahannada Iran ay raadinayaan waddo deg deg badan, balse aan aad u horumarsanayn, oo lagu samaynayo hub nukliyeer ah, sida uu qoray wargeyska The New York Times Isniintii.

Xogta sirdoon, oo la sheegay in la ururiyay bilihii ugu dambeeyay ee maamulka Biden, isla markaana lala wadaagay maamulka Trump intii lagu guda jiray xilliga kala-guurka, ayaa tilmaamaysa in Iran ay doonayso waddo toos ah oo ay ku beddesho kaydkeeda sii kordhaya ee uranium-ka la hodmiyey, si ay uga dhigto hub shaqeynaya dhowr bilood gudahood, halkii ay ka qaadan lahayd sannad ama ka badan, sida ku cad warbixinta.

Hase yeeshee, saraakiisha Maraykanku waxay ku adkaysanayaan in hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, uusan weli gaarin go’aan kama dambays ah oo uu ku doonayo inuu sameeyo bam nukliyeer ah, sida uu sheegay wargeyska The New York Times.

Qiimaynta sirdoonku waxay soo baxaysaa xilli saamaynta gobol ee Iran lagu sheegay inay taagan tahay meeshii ugu liidatay muddo sanado ah, sida ay warbixintu xustay.

Saraakiisha Maraykanka iyo Israa’iil waxay aaminsan yihiin in ciidamada wakiilka ah ee muhiimka u ah Iran, sida Xamaas iyo Xizbullah, ay la kulmeen dib-u-dhacyo la taaban karo, halka Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad uu u cararay magaalada Moscow, taasoo xaddidaysa awoodda Iran ee ay hubka ku dhex marin karto Suuriya.

Intaa waxaa dheer, weerar Israa’iil ay fulisay bishii Oktoobar ayaa bartilmaameedsaday nidaamyada difaaca gantaallada Iran iyo qeybo ka mid ah kaabeyaasha aan rasmiga ahayn ee barnaamijkeeda nukliyeerka, taasoo saameyn weyn ku yeelatay awoodda milatari ee dalkaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha Maraykanka ayaa hadda aaminsan in Iran ay u arki karto awoodda nukliyeerka mid lagama maarmaan u ah ka hortagga tallaabo ciidan oo suurtagal ah oo uga timaada Maraykanka ama Israa’iil, sida ay warbixintu sheegtay.

In kasta oo Iran ay urursatay uranium la hodmiyey oo ku filan dhismaha hub badan oo nukliyeer ah, haddana samaynta madax-gantaal shaqaynaya ayaa ah hawl weli u baahan waqti iyo khayraad dheeraad ah.

Saamaynta kulanka Netanyahu-Trump

Arrintan ayaa la filayaa inay udub dhexaad u eheyd kulankii Talaadada dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Dhinaca kale, madaxweynaha cusub ee la doortay ee Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa muujiyay xiisaha uu u qabo wadahadal lala yeesho Washington. Si kastaba ha ahaatee, khubarada ay soo xigatay The New York Times ayaa tilmaamaya in Pezeshkian iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran laga yaabo inay aqoon kooban u leeyihiin hawlaha nukliyeerka ee dalka, maadaama inta badan barnaamijka ay kormeeraan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).

Habka Maraykanka: Diblomaasiyad mise tallaabo ciidan?

Iyadoo ay jiraan walaacyada laga qabo horumarka nukliyeerka ee Iran, Trump ayaa horay u caddeeyay inuu doorbidayo diblomaasiyadda, isagoo yiri, “Waxaan rajeynayaa, in arrintaas lagu xallin karo annagoon ka welwelin. Runtii way wanaagsanaan lahayd haddii taas lagu soo afjari karo iyadoo aan loo baahnayn in la qaado tallaabadaas xigta.”

In kasta oo qiimeynta sirdoonku ay muujinayso in Iran ay leedahay awood farsamo oo ay ku dhisi karto qalab nukliyeer oo cayriin ah, haddana hubka noocaas ah ma noqon doono mid casri ah oo ku filan in lagu gano gantaal, taasoo ka dhigaysa mid ka hortag istaraatiijiyadeed ah halkii ay ka ahaan lahayd khatar weerar oo degdeg ah, sida ay warbixintu sheegtay.

Iran ayaa muddo dheer beenineysay inay raadinayso hub nukliyeer, iyadoo ku adkaysanaysa in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid leh ujeeddooyin rayid ah oo keliya. Hase yeeshee, sirdoonka reer galbeed ayaa shaki weyn geliyey sheegashooyinkan.

Xogta duqeyn ka dhacday Bari iyo weerar afar jiho ah oo ay qaaday Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar dhanka cirka ah oo xalay ka dhacay aagga buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ay Puntland ku qaaday xubnaha kooxda Daacish, si looga saaro deegaannadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan oo si bartilmaameed ah loo fuliyay lagu garaacay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha argagixisada ee ku sugan buuraha Cal-Miskaad.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqeyntan lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood, oo ay ku jiraan saraakiil ajnabi ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Daacish.

“Duqeyn iyo hawlgal: Cirka iyo dhulka ayay kaga socdaan argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa Togjaceel. Ku dhowaad 15, oo ay ku jiraan ajaaniib, ayaa lagu dilay duqeynta iyo hawlgalkii caawa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Puntland.

Dhinaca kale, saaka ayay ciidamada Puntland qaadeen weerar kale oo afar jiho ah, iyagoo kusii dhowaanaya aagagga ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Daacish, waxaana dagaalka uu xoogiisu ka socdaa dusha sare ee Togga Jacayl, oo shalay ay ka dhaceen dagaallo culus.

Puntland ayaa sheegtay in ujeedkeedu yahay inay ka hortagto firxadka maleeshiyaadka kooxda Daacish, si aysan hoos ugu soo dagin buuraha hoostooda.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka u dhexeeya labada dhinac, iyadoo barbar socdaan duqeymo ay fulinayaan qaar kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera Puntland.

Shalay ayay ahayd markii dagaal culus uu ka dhacay aagga buuraha Cal-Miskaad, halkaas oo xubno badan oo ajaaniib ah looga dilay kooxda Daacish, waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in Puntland dhankeeda laga dilay tobaneeyo askari, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi.

Dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada Jubaland iyo kuwa DF oo ka qarxay Gedo

0

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamo kala taabacsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland uu ka socdo degmada Baardheere ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa goordhow ka qarxay bartamaha magaalada, waxaana labada ciidan ay isku hayaan gacan ku heynta degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dhawaqa rasaasta si xooggan looga maqlayo magaalada, isla markaana dagaalka uu yahay mid culus oo ay dhinacyo isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada ciidan iyo dad kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaartay dagaalka ka qarxay halkaasi.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dhinacadu ay helayaan ciidamo gurmadyo ah, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa ka dhashay muran sababay gacan ku haynta degmada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo Jubbaland oo maamulo iska soo horjeedo u magacaabay Baardheere.

Shalay ayay ahayd markii ay Jubbaland sheegtay inay la wareegtay gacan ku heynta xarunta degmada Baardheere, laakiin waxaa saaka dib u qarxay dagaal culus oo dhex-maraya Daraawiishta maamulkaasi iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

RUTO oo hanjabaad culus soo saaray kadib afduubkii ay geysteen Al-Shabaab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, Kenya William Ruto ayaa markii ugu horreysay ka hadlay afduub shan madax-xaafadeed (chiefs) loogu gaystay inta u dhaxaysa Ceelwaaq iyo Mandheera, falkaas oo looga shakiyay inay ka dambeyso Al-Shabaab.

Ruto ayaa ku hanjabay inay qaadayaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo laga fulinayo Ismaamulka Mandheera, si meesha looga saaro maleeshiyaadka kooxda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka shaqeyn doonaan sidii hoos loogu dhigi lahaa awooda Al-Shabaab oo inta badan weeraro culus ka fuliso gudaha dalka Kenya.

“Waa in aan hoos u dhignaa awoodda Al-Shabaab ee waqooyiga Kenya, si wadajir ah ayaan uga hortageynaa rabshada ka dhanka ah bulshada, dowladdu waxa ay beegsan doontaa dambiilayaasha” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay inay xoog kusoo furan doonaan shanta mas’uul ee u gacan galay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ee laga afduubtay aagga Mandheera.

“Kenya waxa ay soo furan doontaa 5-ta mas’uul ee Al-Shabaab ka afduubatay Mandheera.” ayuu mar kale yiri Madaxweyne William Ruto.

Al-Shabaab ayaa horay warbaahinteeda ku sheegatay afduubka shan mas’uul oo ka tirsan maamulka Mandheera, waxayna ku kala sheegeen, sida ay hadalka u dhigeen.

  1. Cadow Cabdulle Maxamed, oo ah gudoomiyihii hore ee magaallada War-gaduude.
  2. Maxamed Nuur Xaaji, oo ah Gudoomiyaha deggaanka Jajaboole.
  3. Cabdi Xasan Surre, oo ah Gudoomiyaha deegaanka Qurac Madoobe.
  4. Maxamed Xasan Kulmiye, oo ah Gudoomiyaha magaallada War-gaduude qeybta Bari.
  5. Ibraahiim Gaabow Cabdulle oo ah Gudoomiye-ku-xigeenka qeybta Bari ee magaallada War-gaduude.

Si kastaba, Dhacdadan afduubka ah ee ka dhacday Ismaamulka Mandheera ayaa ku soo aaday, wax yar uun kahor booqasho uu halkaasi ku tegay madaxweyne madaxweynaha Kenya, Dr. William Arap Samoei Ruto.

Dalalka GEESKA AFRIKA: Dhibaha iyo Dheefaha

Aagga Dalalka Geeska Afrika (DGA) waa kan ugu kooneeya qaaradda Afrika, dhinaca bari. Waxa uu ka kooban yahay dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, iyo Eritrea. Waa aag xasaasi ah oo xasarado badan ay ka jireen qarniyo badan, tan iyo waagii hore. Ma degi karaa? Yaa isku haysta? Ma jiraa wax gobolka u gaar ah?

Marka hore, ogow in uu ku fooraro, koonfurta ka xigo Badda Cas, Gacanka Cadmeed, iyo Badweynta Hindiya. Waa marin badeed ay maraan boqolkiiba laba iyo toban (12%) ganacsiga adduunka, oo ay ku jiraan shidaalka laga keeno Gacanka Carbeed ama Faarisiga, kolba sida aad u qaadato.

Sidaas darteed, indhaha dalal badan ayaa kusoo jeeda, kuwaas oo ay ka mid yihiin dowladaha waaweyn, kuwa dhexdhexaadka ah, iyo kuwa gobollada kale. Dhibaatooyinka iyo faa’iidooyinka ka jira aagga waa kuwo isku xidhan. Waxaa ka mid ah: gaajo, harraad, nabadgelyada badda, siyaasado cakiran, iyo tartanka loogu jiro gacan ku haynta gobolka.

Waxaa sidoo kale meesha soo gala loollanka Masar iyo Itoobiya, oo had iyo jeer isku haysta biyaha Webiga Niilka Buluuga. Xaaladda hadda taagan waxay salka ku haysaa biyo-xidheenka ay Itoobiya dhisatay, oo ay ugu magac dartay Biyo-xidheenka Dib-u-curashada Itoobiya (BDI). Xidhiidhka labada dal wuu sii xumaaday, iyadoo BDI uu qayb weyn ka yahay muranka.

Itoobiya waxay filaysaa in BDI uu kobcin doono dhaqaalahooda, balse saamayntiisu waxay gaadhaysaa ammaanka gobolka. Arrintan waxay si gaar ah u taabanaysaa Soomaaliya, oo xiriir taariikhi ah la leh Masar, Eritrea, Jabuuti, iyo weliba Suudaan, oo Galbeedka ka xigta Itoobiya. Dhibaatada ay dhalisay ayaa saameyn ku yeelatay xasiloonida gobolka oo dhan, iyadoo Masar iyo Itoobiya ay si isdabajoog ah u loollamayaan.

Itoobiya waxay isku aragtaa, ama waligeedba ku hammiday, inay tahay awoodda ugu weyn ee gobolka DGA. Ciidamo badan iyo hub badan ayay haysataa, hase yeeshee, dalalka kale ee gobolku si rasmi ah uma aqoonsana awoodeeda.

Dhanka kale, Masar waxay xiriir la leedahay dalalka kale ee gobolka sida Soomaaliya, Eritrea, Jabuuti, iyo Suudaan. Itoobiya waxay ku guul-darraysatay inay xidhiidh wanaagsan la yeelato dalalkan, inkasta oo ay isku dayday. Hadda, hanjabaadaha Masar ayaa kaga xoog badan dedaallada Itoobiya.

Itoobiya waxay mar walba sheegtaa inay bad u baahan tahay, taasina waxay keentay in dalal kale, sida Turkiga, ay si dhow ula macaamilaan Soomaaliya si ay uga caawiyaan ilaalinta badda.

Haddaba, awoodda Masar, oo mar islahayd Geeska Afrika adigaa ugu awood badan, hadda wuu yaraaday. Culays badan ayaa yimid markii Turkigu heshiis dhex dhigay Soomaaliya iyo Itoobiya. Taasi waxay si toos ah u beddeshay miisaanka awoodaha gobolka, iyadoo ciyaartoy kale ay soo galeen xisaabta.

Xundhurta heshiiska lama oga, balse waxaa la xaqiijiyay in uu salka ku hayo arrimaha amniga, kobcinta ganacsiga, iyo iskaashiga lagu xoojinayo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee gobolka ku nagaaday tobannaan sano.

Turkigu hadda wuxuu u muuqdaa in uu noqday awoodda shisheeye ee ugu firfircoon ee gobolka ka shaqaynaysa, isagoo dhaqaale ahaan danihiisa kobcinaya. Isbeddel weyn ayaa ku dhacay qaab-dhismeedkii gobolka, oo si ka duwan sidii hore loo wajahayo awoodaha.

Inkasta oo la leeyahay waxbay u taraysaa Soomaaliya, haddana weli lama arko isbeddel muuqda oo ku yimid amnigeeda ama dhaqaalaha. Dhibaatada iyo hoogu sidii bay u taagan yihiin; siyaasadda qasan sidii bay u qasan tahay; argagixisadu sidii bay u goolibaadhaysaa. Shacabkuna uma muuqdaan kuwo si buuxda u ogol heshiiska ay Itoobiya la galeen.

Waxaa kale oo jira walaac ay qabaan dalalka jaarka sida Kenya iyo Jabuuti, kuwaas oo aan si sax ah u fahamsanayn sida ay wax u socdaan. Waxaana cabsi hor leh keeni kara kororka dhaqaale ee Soomaaliya, gaar ahaan haddii shidaalka laga filayo baddeeda la soo saaro tobannaan sano ee soo socda.

Danaha reer Galbeedka kama maqna xisaabta gobolka DGA, gaar ahaan Maraykanka, Shiinaha, iyo Ruushka, oo si firfircoon uga dhex muuqda Itoobiya, Jabuuti, iyo Eritrea. Hindiya ayaa iyaduna dadaal ugu jirta in ay saamayn ku yeelato gobolka.

Waddamada Gacanka Carabtuna waxay saameyn ku leeyihiin gobolka, gaar ahaan Imaaraadka, oo si weyn ugu lug leh siyaasadda iyo dhaqaalaha Geeska Afrika. Soomaaliya iyo Itoobiya labaduba waxay xiriir dhow la leeyihiin Imaaraadka, hase yeeshee, lama oga halka ay wax u dambayn doonaan.

Haddaba, waxa muhiim ah in dadka gobolka ay fahmaan in danahooda ay gacantooda ku jiraan. Shisheeyuhu danahooda ayuu ka shaqaynayaa. Marka maxaa diidaya in Soomaalida gaar ahaan ay ka shaqeeyaan danahooda, isku tanaasulaan, wax wadaagaan, oo ay isku darsadaan halkii ay sii kala fogaaan lahaayeen, iyagoo moodaya inay danaysanayo, balse dhab ahaantii cadowgooda xoojinaya? Waa su’aal da’ weyn.

Dr. Suleyman Axmad Walhad

Saamaynta ay leedahay marka qurbo-joogtu maal-gashadaan dalal kale halkii ay ka maalgashan lahaayeen dalkooda

0

Qurbo-joogta — oo ah dadkii ka haajiray dalalkooda hooyo—waxay door weyn ka ciyaaraan kobcinta dhaqaalaha ee wadamada ay ka yimaadeen iyo kuwa ay degeen. Inkastoo dad badan oo qurbo-joog ah ay si weyn uga qayb qaataan horumarinta dalkooda hooyo iyaga oo xawilaad lacageed, ganacsi, iyo tabarucaad samaynaya, haddana waxaa sii kordhaya tirada dadka doorbidaya inay maalgashadaan dalalka shisheeye halkii ay dalkooda hooyo ka maalgashan lahaayeen. Isbeddelkan wuxuu leeyahay saameyn weyn oo dhinacyo badan leh, oo ay ka mid yihiin horumarka dhaqaale, barwaaqada bulshada, iyo xoojinta aqoonsiga Qaran.

1. Saamaynta Dhaqaale ee Dalkooda Hooyo

Marka qurbo-joogtu ay doortaan inay maalgashadaan dalal kale, taasi waxay dhalinaysaa dhibaatooyin dhaqaale oo badan:

• Kobaca Dhaqaale oo Gaabis Ah: Wadamada soo koraya waxay si weyn ugu tiirsan yihiin maalgashiga qurbo-joogta si ay u horumariyaan kaabayaasha dhaqaalaha, u abuuraan shaqooyin, oo ay u xoojiyaan ganacsiyada. Marka lacagahooda loo weeciyo dalal kale, dalkooda hooyo wuxuu waayaa fursado dhaqaale oo muhiim ah.

• Fursado Ganacsi Oo Laga Faa’iidaysan Waayo: Dalal badan oo ay qurbo-joogtu kasoo jeedaan waxay leeyihiin suuqyo furan oo ay ka heli karaan faa’iido badan, laakiin maalgashiga oo la waayo waxay sababtaa in ganacsiyo badani aanay kobcin.

• Ku Tiirsanaanta Kaalmada Dibadda: Haddii maalgashi toos ah oo badan laga waayo qurbo-joogta, dalalkooda hooyo waxay sii ahaanayaan kuwo u baahan deeqo iyo deymo dibadeed, taasoo mararka qaar la timaada shuruudo adag oo aan waxtar u lahayn horumarka dalkooda.

2. Abuurista Shaqooyin iyo Saamaynta Shaqo La’aanta

Maalgashiga qurbo-joogta ee dalkooda hooyo wuxuu abuuri karaa shaqooyin badan, gaar ahaan dhinacyada warshadaha, dhismaha, beeraha, kaluumaysiga, waxbarashada, caafimaadka iyo waxsoosaarka kale. Haddii maalgashigaas la waayo, waxay keentaa:

• Kordhinta Shaqo La’aanta: Wadamada ay dhalinyaradu aad u badan yihiin waxay la kulmaan shaqo la’aan ba’an, taasoo sabab u noqota dhaqaalaha oo taagnaada, dembiya oo kordha, iyo xasillooni darro bulsho.

• Maskax Bax (Brain Drain): Markii maalgashi la waayo, xirfadlayaal badan ayaa doorbida inay shaqo u raadsadaan dalal kale, taasoo ka dhigan in wadankooda hooyo uu waayo shaqaale karti sare leh.

• Kobaca Ganacsiyada Oo Yaraada: Ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhexe (SMEs) waa laf-dhabarka dhaqaale ee dalal badan. Haddii qurbo-joogtu aysan bixin maalgashi, ganacsiyadan waxay la kulmaan caqabado dhaqaale oo weyn.

3. Saamaynta Bulsho iyo Dareenka Muwaadinnimada

Ka sokow dhaqaalaha, marka qurbo-joogtu doortaan inay maalgashadaan dalal kale, waxay wax u dhimaysaa xidhiidhka dalkooda hooyo:

• Xiriir Daciif Ah oo Laga Dhexlayo Dalkooda Hooyo: Markay qurbo-joogtu maal-gashadaan dal kale, waxay si xooggan ula jaanqaadaan dhaqaalaha iyo bulshada dalkaasi, taasoo keeni karta in jiilalka dambe ay lumiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin dalkooda hooyo.

• Dadkii Gudaha Oo Ka Xanaaqa Qurbo-Joogta: Shacabka ku nool dalkooda hooyo waxay dareemi karaan in qurbo-joogtu ay iska indha tireen, taasoo keenta dareen xumaan iyo caro leh.

• Tabarucaadka Bulshada Oo Hoos U Dhaca: Qurbo-joog badan waxay caawiyaan horumarinta dugsiyada, isbitaalada, iyo mashaariicda bulshada. Haddii maalgashiga loo wareejiyo dalal kale, taasi waxay yareynaysaa horumarka dalka hooyo.

4. Faa’iidooyinka Maalgashiga Qurbo-Joogta ee Dalkooda Hooyo

Waxaa jirta faa’iido badan oo laga helayo haddii qurbo-joogtu ay doortaan inay maalgashadaan dalkooda hooyo:

• Kobac Dhaqaale Oo Waara: Maalgashiga tooska ah wuxuu abuurayaa dhaqaale adag oo aan ku tiirsanayn lacagaha xawilaadda.

• Shaqo Abuuris iyo Yaraynta Saboolnimada: Haddii la maalgeliyo ganacsiyada maxalliga ah, shaqooyin badan ayaa abuurmaya, taasoo sare u qaadaysa nolosha dad badan.

• Xoojinta Saamaynta Caalamiga Ah: Wadan horumarsan wuxuu helaa kalsooni iyo awood uu kula xaajoodo wadamada kale.

• Ilaalinta Dhaqanka iyo Aqoonsiga Qaranka: Haddii qurbo-joogtu maalgashato dhaqanka, dalxiiska, iyo barnaamijyada dhaxal-galka ah, jiilalka mustaqbalku waxay sii wadi doonaan xidhiidhka ay la leeyihiin dalkooda hooyo.

Gunaanad

Inkastoo qurbo-joogtu ay xor u yihiin in ay maalgashadaan halka ay doonaan, haddana waxaa lama huraan ah in mudnaan gaar ah la siiyo horumarinta dalkooda hooyo. Dowladaha waa inay abuuraan jawi fududeynaya maalgashiga, sida canshuur dhimis, fududeynta shuruudaha ganacsiga, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Haddii isbeddelkan sii socdo oo qurbo-joogtu sii doorbidaan inay maalgashadaan dalal kale, dalalkooda hooyo waxay wajihi doonaan caqabado dhaqaale iyo kuwo bulsho. Laakiin haddii la dhiirrigeliyo maalgashiga dalkooda hooyo, waddanku wuxuu ka faa’iidaysan karaa awoodda iyo xirfadda dadkiisa si loo dhiso mustaqbal ifaya.

W/Q: Hussein Yusuf Huhule

Somalia: Puntland forces kill dozens of foreign IS fighters

Bosaso, Somalia Puntland’s security forces have killed more than 40 Islamic State (ISIS) militants in a large-scale military operation in the Cal Miskaad mountains of Somalia’s Bari region, officials said.

The offensive, which targeted key militant strongholds, also led to the capture of strategic locations previously controlled by the extremist group.

The operation, launched in the early hours and lasting throughout the day, resulted in the deaths of dozens of ISIS fighters, including many foreign combatants, according to Puntland military sources. Several other militants were wounded in the fighting.

Puntland forces released images showing the bodies of slain militants, along with weapons and other equipment seized during the assault. Officials confirmed that their troops had controlled all areas targeted in the operation.

ISIS strongholds captured

Key areas stretching from Qurac to Dhashaan, long held by ISIS, were recaptured. One of the fiercest battles took place in Togga Jeceel, where Puntland forces overran a militant base, seizing heavy weaponry and encountering wounded fighters left behind by retreating militants.

A specialized ISIS unit of 12 operatives—trained for long-range sniper attacks and planting improvised explosive devices (IEDs)—was also eliminated during the assault, officials said.

Puntland military commanders vowed to continue pursuing ISIS remnants fleeing the battlefield. “Our forces are chasing down the remaining terrorists who managed to escape,” one senior officer told local media.

Authorities also reported disruptions to militant communications, as operations targeted areas where ISIS had been using telecommunication networks to coordinate activities.

The Islamic State in Somalia

ISIS has maintained a presence in Somalia since 2015, mainly through defectors from the al-Qaeda-linked al-Shabaab group. The militants have established bases in the mountainous terrain of the Bari region, where they have engaged in extortion, smuggling, and sporadic attacks on security forces and civilians.

The Cal Miskaad mountain range, part of the larger Golis mountains, has long been a key hideout for ISIS operatives due to its remote and rugged landscape, making military operations in the area particularly challenging.

Recent U.S. airstrikes 

The Puntland offensive comes shortly after U.S. airstrikes targeted ISIS fighters in the same region. On February 1, 2025, the U.S. military launched strikes on militant hideouts in the Golis mountains, reportedly killing multiple ISIS operatives, including a senior planner.

The Pentagon stated that the strikes were part of ongoing counterterrorism efforts to weaken ISIS’s operational capabilities in Somalia. Officials described the area as a vital hub for the group’s recruitment and logistics.

The Bari region’s proximity to the Gulf of Aden and the port city of Bosaso makes it a critical area for both Puntland authorities and international security efforts.

Controlling these mountainous areas is crucial to preventing ISIS from using them as a base for attacks or illicit activities such as arms trafficking and human smuggling.

The Puntland administration has reaffirmed its commitment to eradicating ISIS from its territories, with continued operations expected in the coming weeks.

Puntland’s forces have received backing from international partners, including intelligence-sharing agreements aimed at tracking militant movements and disrupting their operations.