26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Shacabka Gaza oo si yaab leh uga fal-celiyey qorshaha loogu soo rarayo Soomaaliya

Gaza (Caasimada Online) – Shacabka Gaza oo ka hadlay isku dayga la doonayo in loogu soo raro Soomaaliya ayaa wargeyska The Telegraph u sheegay in isku dayada lagaga saaraayo Marinka aysan “marnaba guuleysan doonin”.

Israa’iil ayaa xoojineysa qorshe ay dadka reer Gaza ugu dirayso Puntland, oo ah gobol iskiis isku maamula oo ka tirsan Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay uu u rari doono goobo “aad uga ammaan badan, uguna qurux badan” Gaza.

Khamiistii, Israel Katz, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, ayaa faray Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) inay isu diyaariyaan “Haajiridda ikhtiyaariga ah” ee Falastiiniyiinta Marinka Gaza, oo ay ku jiraan “qaban qaabooyin gaar ah” oo dhinaca badda iyo cirka ah.

“Ma garanayo sababta ay Soomaaliya iyo Marocco u doorteen, iyo in dalalkani ay oggolaadeen inaan Gaza ka soo qaxno, laakiin Israa’iil waxay damacsan tahay inay qabsato Gaza, ayna ballaariso, kana dhisto deegaanno ay Yuhuuddu degto,” ayuu yiri Axmed al-Hato, oo 50 jir ah, kuna nool magaalada Gaza.

“Dawlad Falastiiniyiin ah ayaan dhisan doonnaa, marnabana kama qaxayno Gaza.”

“Runtii, waan ka xumahay waxa aan sheegi doono,” ayay tiri Saamiya al-Faqawi, oo 27 jir ah, kuna nool Khaan Yuunis, laakiin “in Soomaaliya loo doorto dal aan dhulkeenna uga soo haajirno, magangalyana ka raadsanno waa wax lagu qoslo”.

Wuxuu Axmed yiri: “Soomaaliya waa dhul aad u sabool ah, waana dhul oomane ah… Waxaan kula talinayaa kuwa ka hadlaya barakicinteena inay fahmaan sida ay nolosheennu tahay, ayna ogaadaan inta aan jecelnahay Gaza, uguna xirannahay.”

Maxamed al-Batniji, oo 55 jir ah, kana soo barakacay magaalada Gaza, ayaa isna taageeray aragtida Trump ee ku saabsan quruxda iyo awoodda horumarineed ee xeebta Gaza.

“Sannad iyo bar ka hor waxaan ku noolaa guri cusub oo ka mid ah dhismayaasha dhaadheer ee casriga ah ee badda dhinaceeda ku yaalla, una dhow Corniche-ka iyo dekedda Gaza. Waa meel aad u qurux badan, degganna,” ayuu yiri. “Saacado badan ayaan badda dhinaceeda fadhiisan jiray, daaqaddaydana waan ka arki karay.”

Isagoo si toos ah ula hadlayay Trump, wuxuu yiri: “Yaan la dhihin waxaad isku dayaysaa inaad Gaza ka dhigto goob dalxiis oo ay dadka dibadda ka yimaadaan u soo dalxiis tagaan. Gaza-dan annagaa leh, cid kalena ugama tagayno.”

Will Brown, oo ah khabiir arrimaha Afrika ka faallooda oo ka tirsan Golaha Yurub ee Xiriirka Dibadda, ayaa sheegay in ka hadalka in boqolaal kun oo reer Gaza ah loo diro Soomaaliya ay tahay “wax aan caqligal ahayn”.

“Soomaaliya waa dawlad fashilantay oo ay aafeeyeen rabshadaha jihaad-doonka. Fikradda ah in dad aad u dhaawacan lagu daadiyo halkaas waa mid naxdin leh,” ayuu yiri.

Israel oo xoojisay qorshaha shacabka Gaza lagu keenayo Puntland – Maxaa cusub?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa xoojineysa qorshe ay dadka reer Gaza ugu dirayso Puntland, oo ah gobol iskiis isku maamula oo ka tirsan Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay uu u rari doono goobo “aad uga ammaan badan, uguna qurux badan” Gaza.

Khamiistii, Israel Katz, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, ayaa faray Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) inay isu diyaariyaan “Haajiridda ikhtiyaariga ah” ee Falastiiniyiinta Marinka Gaza, oo ay ku jiraan “qaban qaabooyin gaar ah” oo dhinaca badda iyo cirka ah.

Trump ayaa xoojiyay soo-jeedintiisii ahayd in Maraykanku uu qabsado oo dib u dhiso Gaza, inkastoo ay saraakiisha Aqalka Cad isku dayeen inay yareeyaan tallaabadaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aan loo baahnayn ciidammo Maraykan ah si looga dhigo Gaza “mid ka mid ah horumarrada ugu waaweyn uguna cajiibka badan ee noociisa ah ee adduunka”, halka Falastiiniyiinta loo rari doono “guryo cusub oo casri ah oo ku yaalla gobolka”.

Inkastoo ay jirto iska-caabbin caalami ah oo xooggan, hadallada Trump ayaa kiciyay rajooyin muddo dheer soo jiitamayay oo ay Israa’iil qabtay oo ah in dadka reer Gaza laga saaro dhulka xeebta ah ee ay qarniyo badan deggenaayeen.

Dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun ayaa diiday inay martigeliyaan mid ka mid ah labada milyan ee qof ee ku haray Marinka burburay, iyagoo sheegay in tallaabadaasi ay si xun u wiiqi doonto dhismaha dawlad Falastiiniyiin ah.

Laakiin habeenkii Arbacada, Israel Bachar, qunsulka guud ee Israa’iil u fadhiya Koonfur-galbeed ee Baasifigga, ayaa sheegay in la tixgelinayo meelo kale oo loo raro.

“Sida aan maqlayo, waxaan ka hadlaynaa saddex dawladood oo kala duwan,” ayuu Bachar u sheegay CBS News. “Oo hadda waxaad heli doontaan war muhiim ah.”

“Waxaan ka hadlaynaa mid [oo ku taal] Morocco, laba [oo ku taal] Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland, si gaar ah Puntland waa meesha ay fiirinayaan, laga yaabee, inay dadka u raraan saddexdaas meelood.”

Dadka reer Gaza ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph inaysan qorsheyneyn inay ka tagaan guryahooda oo ay aadaan Soomaaliya, ama meel kale, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay isku day lagu doonayo in isir sifeyn lagu sameeyo.

Sarkaal Israa’iili ah, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa sheegay inay tahay “mid aad u degdeg ah” in laga hadlo meelaha suurtagalka ah ee loogu talagalay ka-qaxidda ikhtiyaariga ah.

“Haddana, dabcan waxaa jira iskaashi heer sare ah oo u dhexeeya Trump iyo Ra’iisul Wasaaraheena arrinta ku saabsan.”

Amit Segal, oo ah weriye Israa’iili ah oo xog-ogaal ah, laguna tiriyo inuu ku dhow yahay Benjamin Netanyahu, ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay baarayso tallaabooyin ay Falastiiniyiinta ugu dirayso Puntland, Somaliland, iyo Morocco.

“Labada hore waxay raadinayaan aqoonsi caalami ah, tan saddexaad waxay ka walaacsan tahay inay sii haysato aqoonsiga madax-bannaanideeda ee Saxaraha Galbeed, dhammaan saddexduna waa dalal ay ku badan yihiin Muslimiin Sunni ah,” ayuu yiri.

Sweden oo qorshe cusub la timid kadib toogashadii…

Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Sweden ayaa Jimcaha maanta ah ku dhawaaqday inay soo saari doonto hindise sharciyeed lagu beddelayo xeerarka hubka, laguna xaddidayo helitaanka hubka daran-dooriga ah kadib dhacdadii toogashada ugu dhimashada badnayd ee dalka ka dhacday toddobaadkan.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii nin hubeysan uu Talaadadii dilay 10 qof kadibna is-dilay, isagoo weeraray xarun waxbarasho oo ku taalla magaalada Orebro, galbeedka Stockholm.

“Waxaa jira noocyo hub ah oo halis badan, kuwaasoo kaliya loo oggolaan karo isticmaalka rayidka xaalado gaar ah,” ayay dowladda ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Xisbiga Sweden Democrats oo taageero siiya dowladda ayaa oggolaaday hindise lagu beddelayo sharciga hubka, iyadoo diiradda la saarayo xaddidaadda helitaanka hubka daran-dooriga ah, sida lagu sheegay bayaanka.

“Falkii naxdinta lahaa ee Orebro wuxuu soo saaray su’aalo muhiim ah oo ku saabsan xeerarka hubka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Booliiska ayaa sheegay inay goobta ka heleen dhowr hub iyo 10 qasnado hub oo maran oo uu ka tegay eedeysanaha.

Inkasta oo booliisku aysan faahfaahin noocyada hubka la helay, haddana waxay xaqiijiyeen in eedeysanuhu uu haystay shati afar hub ah, saddex kamid ahna lagu arkay meel u dhow.

Dowladda ayaa sheegtay inay si gaar ah u doonayso in la xaddido helitaanka hubka daran-dooriga ah sida AR-15, iyadoo xustay inuu yahay “tusaale hub awood u leh inuu qaado xabbado badan isla markaana waxyeello culus geysan kara waqti kooban gudaheed.”

Waxay intaa ku dartay in Hay’adda Ilaalinta Deegaanka ee Sweden ay oggolaatay isticmaalka hubkan ugaarsiga sannadkii 2023, balse hadda la doonayo in la joojiyo oggolaanshahaas.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay beddeli doonto xeerarka lagu qiimeeyo qofka u qalma inuu hub haysto.

Waxay tixraacday baaritaan dhawaan la sameeyay oo lagu ogaaday in “shuruudo dhowr ah oo hadda qayb ka ah qiimeynta ku habboonaanta ruqsadda hub haysashada aysan si cad u qeexneyn.”

Baaritaankan oo natiijadiisa la horgeeyay dowladda bishii May, ayaa xusay in “aan la diidi karin” in shakhsiyaad rabshado u janjeera ay heli karaan ruqsad ugaarsasho si ay u helaan qoryo otomaatig ah oo si fudud loogu rakibi karo xabbado waaweyn.

Xukuumadda isbahaysiga ayaa sheegtay inay amar siin doonto booliiska iyo adeegyada bulshada si ay kor ugu qaadaan iskaashiga ku saabsan soo sheegista dadka caafimaad ahaan aan u qalmin inay hub haystaan.

Booliiska ayaa sheegay inay weli ku hawlan yihiin ogaanshaha sababta ka dambeysay falka toogashada.

Anna Bergqvist oo hoggaamineysa baaritaanka, ayaa u sheegtay wakaaladda AFP Khamiistii in dadka la dilay ay ka mid yihiin “dad leh dhalashooyin, jinsi, iyo da’yo kala duwan.”

Telefishinka TV4 ayaa baahiyay muuqaal uu duubay arday ku dhuumaaleysanayay musqul, iyadoo laga maqlo dhawaqa rasaas ka dhacaysa dibadda iyo qof qeylinaya: “Waxaad ka tagaysaa Yurub!”

Safaaradda Suuriya ayaa sheegtay in ugu yaraan laba kamid ah dadka la dilay ay yihiin Suuriyaan, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee Bosnia ay Khamiistii sheegtay in haweeney u dhalatay Bosnia la dilay.

Qaar kamid ah dadka la dilay weli lama aqoonsan, balse booliiska ayaa u sheegay AFP inay suuragal tahay in howshaasi la dhameystiro Jimcaha.

Warbaahinta Sweden ayaa ku magacowday eedeysanaha Rickard Andersson, oo 35 jir ahaa, balse ma jirto xaqiijin rasmi ah oo arrintaas la xiriirta.

Warbixinada warbaahinta Sweden ayaa sawir ka bixiyay eedeysanaha oo ahaa nin deegaanka u dhashay, kuna noolaa si go’doon ah, islamarkaana la sheegay inuu la daalaa dhacayay dhibaatooyin dhanka maskaxda ah.

19 jir Soomaali ah oo 4 jir ku waayey xubintiisa taranka, oo lagu rakibay mid cusub

Hyderabad (Caasimada Online) – Wiil Soomaali ah, oo afar jir ahaa markii uu xubintiisa taranka ama guskiisa ku waayay caabuq daran oo ka dhashay gudniin, ayaa hadda dib u helay noloshiisii caadiga ahayd, kadib qalliin loogu sameeyey magaalada Hyderabad ee dalka India.

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee gobolka Telangana, dhakhaatiirta qalliinka ee Isbitaallada Medicover ay dib u dhiseen xubinta gebi ahaanba go’day, iyagoo soo celiyay dareenkii iyo shaqadii uu lahaa, una suurageliyey 19-jirkan inuu nolol caadi ah ku noolaado.

Kaddib markii xal loogu waayay dalal badan oo uu tagay, bukaanku wuxuu la tashaday dhakhaatiirta qalliinka ee Isbitaallada Medicover. Dr. A.V. Ravikumar, oo ah khabiir sare oo dhinaca kaadi-mareenka iyo cudurrada ragga ah, iyo Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar, oo ah dhakhtar ku takhasusay qalliinka plastic-ga ah, kuwaas oo si wadajir ah u qorsheeyay, uguna guuleystay qalliin aad u adag oo dib-u-dhisid ah.

Qalliinkan oo socday 10 saacadood, laguna sameeyay mikroskoob, ayaa waxaa xubinta lagu dhisay unugyo laga soo qaaday gacanta, taasoo u sahashay bukaanka inuu dib u helo awooddii uu sida caadiga ah ugu kaadin lahaa.

Dr. A.V. Ravikumar ayaa sheegay in bukaanku uu haatan awood u leeyahay inuu si caadi ah u kaadiyo, halka Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar uu isna xusay in bukaanku uu si buuxda u soo ceshaday dareenkii xubinta, isla markaana lagu rakibay qalab ka caawiya inuu kaco (penile implant), taasoo u saamaxaysa inuu nolol galmo oo caadi ah ku noolaado.

“Sannado badan, waxaan ahaa qof murugaysan, oo dareemaya inuusan dhammaystirnayn. Maanta, waxaan dib u helay sharaftaydii, kalsoonidaydii, iyo fursad aan nolol caadi ah ku noolaado,” ayuu yiri bukaanka oo magaciisa la qariyey.

Shabaab oo jab culus lagu gaarsiiyay Hiiraan – Sidee dagaalka u dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo saaka ka dhacay deegaano hoostaga degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo dhex-maray kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa yimid kadib markii ciidamada isgarabsanaya ay weerar culus ku qadaeen difaacyo adag oo kooxda ka sameysatay deegaano ku yaala jiinka Wabiga Shabeelle, gaar ahaan deegaanka Jiciboow.

Dagaalka oo saacado socday ayaa waxaa jab xoogan loogu geystay kooxda Al-Shabaab, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo dagaal-yahaano badan, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka.

Intii uu socday howl-galka ciidamada isgarabsanaya ayaa waxay nolosha ku qabteen xubno Shabaab, sida uu xaqiijiyay guddoomiye Muuse Salaad.

“Argagixisada waxaa ka saarnay deegaano badan, waxaana ka dilnay saddex horjooge iyo maleeshiyaad badan, waxaana nolol ku qabanay xubno kale oo argagixisada kamid ah,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Waxa uu inaas kusii daray “Waa jabeen argagixisada, waxaana hadda firxadkooda ka gudbayaan Wabiga Jiciboow ee dhanka Galbeed.”

Howl-galka dib uga billowday bariga gobolka Hiiraan ayaa guulo hordhac ah ka soo hoyeen geesiyaasha Macawiisley iyo kuwa xoogga dalka.

Si kastaba, dagaalka maanta ka dhacay deegaanada dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle ayaa daba socda dagaalo xooggan oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Beera-yabaal iyo Jiciboow oo kooxda si dhuumaaleysi ah iskaga gudbi jirtay.

Militariga Sudan oo Qasriga madaxtooyada ku dhowaaday

Khartoum (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ciidan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidamada Suudaan ay “dhinacyo badan” ka weerareen bartamaha magaalada Khartoum, ayagoo ku dhowaaday Qasriga Madaxtooyada oo ay gacanta ku hayaan ciidamada gurmadka deg degga ah (RSF).

Ciidanka xoogga dalka, oo dagaal kula jiray ciidamada RSF ah tan iyo April 2023, ayaa toddobaadyadii u dambeeyay qaaday weerar xooggan oo ay ku doonayaan inay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta caasimadda.

“Ciidamadeennu waxay ku dhow yihiin inay gaaraan bartamaha Khartoum, ayna ka saaraan maleeshiyada Dagalo,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka oo la hadlay AFP, isagoo tixraacaya taliyaha RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo.

“Ciidamadeenna gaashaaman ayaa ka soo socda dhinacyo badan,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta.

Arbacadii, militariga ayaa sheegay inay “ka sifeeyeen” xaafadaha al-Remila iyo Aagga Warshadaha ee bartamaha Khartoum – kuwaasoo saddex kiiloomitir (1.9 mayl) u jira Qasriga Jamhuuriga oo ay haystaan ciidamada RSF.

Laakiin, goobjoogayaal ayaa Khamiista maanta ah sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ku qasbanaadeen inay dhex maraan dableyda wax toogata ee RSF oo ku sugnaa dhismayaasha dhaadheer ee ahaan jiray degmo ganacsi iyo mid dowladeed oo ku yaalla Khartoum. Ciidamada RSF ayaan ka jawaabin codsi ay AFP u dirtay si ay uga hadlaan arrintan.

Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF ay ka dhaceen agagaarka buundada Soba – oo ah marin muhiim ah oo laga soo galo caasimadda dhinaca koonfur-bari.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo xoogaystay caasimadda, iyagoo jebiyay go’doomin ku dhow labo sano ah oo ay ciidamada RSF ku hayeen xarumahooda, waxaanay ciidamada RSF ku riixeen cirifyada Waqooyiga Khartoum, oo sidoo kale loo yaqaano Bahri.

Horumarka ay ciidamada militariga ka sameeyeen caasimadda ayaa ah guushii ugu weynayd muddo sannad gudihiis ah, tan iyo markii ay dib u qabsadeen Omdurman oo ku taalla dhinaca kale ee webiga Nile, taasoo, ay weheliso Waqooyiga Khartoum iyo bartamaha magaalada oo dhammaantood ka mid aagga ballaaran Khartoum-ta weyn.

Tan iyo markii uu qarxay, dagaalku wuxuu sababay dhimashada tobanaan kun oo qof, wuxuuna barakiciyay 12 milyan oo qof, isagoo dalka ku riixay qarka macluul.

Somalia rejects Somaliland’s bid for US recognition

MOGADISHU, Somalia – The Somali government has firmly dismissed the possibility of the United States recognizing Somaliland as an independent state, cautioning that such a move could trigger significant diplomatic repercussions, strain bilateral relations, and destabilize the already volatile Horn of Africa.

Speaking to Voice of America, Somalia’s ambassador to Washington, Dahir Hassan Arab, emphasized that the U.S., as a global advocate for international law, has no intention of recognizing Somaliland.

“There is no reason for the U.S. to divide Somalia and recognize any part of it as a separate entity,” Arab stated. “The U.S. is a responsible nation and a guardian of global legal norms.”

Ambassador Arab warned that recognizing Somaliland could set a dangerous precedent for secessionist movements worldwide, potentially encouraging breakaway regions in other conflict-prone areas.

He highlighted that the Horn of Africa, already burdened with ethnic conflicts, terrorism, and political instability, could face further fragmentation if Somaliland’s independence bid gains international traction.

“Such recognition would embolden other separatist movements, not just in Africa but globally,” Arab noted. “The issue is not currently on Washington’s foreign policy agenda, and we are committed to ensuring it remains that way through diplomatic engagement.”

Political analysts argue that recognition could complicate international efforts to stabilize Somalia, particularly in light of ongoing counterterrorism operations against militant groups like Al-Shabaab.

The fragile security landscape across Somalia and neighboring Ethiopia, where ethnic tensions persist, adds urgency to Mogadishu’s diplomatic push.

Countering lobbying efforts

In response to Somaliland’s intensified lobbying campaign in the U.S., Mogadishu has enlisted the services of a prominent Washington-based lobbying firm.

According to Arab, the firm’s role is to provide strategic legal guidance on navigating U.S. policy and legislative processes, ensuring Somalia’s territorial integrity remains safeguarded.

Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991 following the collapse of Somalia’s central government, operates as a de facto independent state with its government, military, and currency. However, it remains internationally unrecognized, with the African Union and the United Nations affirming Somalia’s territorial sovereignty.

Despite lacking formal recognition, Somaliland maintains informal diplomatic ties with several countries. It has opened representative offices in the U.S., the U.K., and the UAE.

These diplomatic efforts have been bolstered by bipartisan support from influential U.S. lawmakers who view Somaliland as a stable, democratic partner in an otherwise turbulent region.

The Trump factor 

Somaliland’s quest for recognition has gained momentum in recent years, bolstered by support from several influential U.S. lawmakers and Republican diplomats.

The movement received renewed attention following the reelection of former U.S. President Donald Trump, whom Somaliland leaders view as a potential ally due to his unconventional foreign policy approach and skepticism toward traditional diplomatic norms.

Trump’s “America First doctrine, which prioritized bilateral deals over multilateral diplomacy, has fueled speculation that his administration could be more receptive to Somaliland’s independence bid, particularly if it aligns with U.S. strategic interests in the region.

Somaliland leaders have praised Trump as a decisive figure who could support their cause, citing his willingness to engage with non-traditional partners.

Somali President Hassan Sheikh Mohamud acknowledged the lobbying efforts in Washington but expressed uncertainty about Trump’s stance on the issue. 

“We always have a very good relationship with the United States. We don’t know what the new leadership will come up with, but we do not expect something bad. Some people around President Donald Trump want him to recognize Somaliland,” he told The Washington Post. 

He stressed that Mogadishu remains vigilant in countering any diplomatic overtures that threaten Somalia’s unity.

Somalia’s firm stance

Despite Somaliland’s decades-long self-governance, Somalia has consistently maintained that its territorial integrity is non-negotiable.

Ambassador Arab reiterated Mogadishu’s commitment to using diplomatic channels, including the United Nations Security Council, the African Union, and bilateral partnerships, to block any international attempts to recognize Somaliland.

“Our position is clear: Somalia’s unity and sovereignty are paramount, Arab asserted. “We will continue to engage diplomatically to ensure the world respects our territorial boundaries.

Somalia’s constitution, adopted in 2012, enshrines the principle of a unified federal republic with no provision for the secession of its regions. The government argues that any recognition of Somaliland would violate domestic and international legal frameworks, including the Charter of the United Nations.

The roots of the Somaliland-Somalia divide trace back to the colonial era. Somaliland was a British protectorate until 1960 when it briefly gained independence before joining the former Italian Somaliland to form the Somali Republic.

Discontent with the union grew over time, exacerbated by political marginalization and the brutal military dictatorship of Mohamed Siad Barre, leading to Somaliland’s unilateral declaration of independence in 1991.

Since then, Somaliland has established a relatively stable, democratic government and held multiple peaceful elections, in stark contrast to the instability and conflict that have plagued southern Somalia.

However, the international community has largely withheld recognition, fearing it could inspire other separatist movements across Africa, potentially redrawing colonial-era borders and sparking new conflicts.

Price of Terror: Al-Shabab bombings cost up to $80K

MOGADISHU, Somalia – Somali businesses are unwittingly financing Al-Shabab’s bombing campaigns in Mogadishu, which can cost up to $80,000 per operation, the Banadir region’s police chief revealed Thursday. This illicit funding, often extracted through extortion, fuels the deadly attacks plaguing the Somali capital.

Speaking at a national prosecution conference in Mogadishu, Police Chief Macallin Mahdi stated that Al-Shabab primarily funds its operations by extorting money from business owners in major commercial hubs, including Bakara Market, Suuq Ba’ad, and Hamar Weyne.

This money is used to finance the manufacture and transportation of explosives, frequently smuggled into Mogadishu from the Lower Shabelle and Jubaland regions.

“The infiltration of these explosives into the city requires substantial financial support,” Mahdi said. “Each operation involves between $10,000 and $80,000, and the vehicles carrying the bombs pass through at least nine intermediaries before reaching their target.”

Extortion network fuels violence

Mahdi noted that many business owners comply with the extortion demands out of fear of reprisal. However, he warned that the money they provide directly fuels attacks that harm innocent Somali civilians.

“Without strong legal consequences, these financial networks will continue to enable deadly attacks,” he added, calling for the judiciary to establish specialized detention facilities for business owners found guilty of financially supporting terrorist organizations like Al-Shabab and ISIS (Daesh).

Security experts say Al-Shabab’s reliance on extortion has long been a central pillar of its financial strategy.

Efforts to disrupt the group’s financial networks have intensified in recent years, with Somali authorities conducting operations against businesses suspected of facilitating the militants’ operations.

Al-Shabab, an al-Qaeda affiliate, has been waging a deadly insurgency in Somalia for over a decade, seeking to overthrow the internationally-backed government and impose its strict interpretation of Islamic law.

A Long-standing problem

The group’s sophisticated extortion racket has been a critical source of revenue, allowing it to sustain its operations despite military pressure from Somali forces and the African Union Mission in Somalia (AUSSOM).

The Bakara Market, mentioned by Chief Mahdi, is one of the largest open-air markets in Somalia and a vital economic hub. Its sheer size and daily volume of transactions make it a lucrative target for Al-Shabab’s extortion schemes.

Previous reports by the United Nations and other organizations have detailed how the group uses a combination of threats, violence, and even a parallel taxation system to collect “taxes” from businesses operating within the market and other areas under its influence or control.

The police chief’s statement that each bombing operation can cost up to $80,000 highlights the significant resources Al-Shabab dedicates to these attacks.

This figure likely includes the cost of materials, construction of the improvised explosive devices (IEDs), transportation, bribes, and payments to individuals involved in the operation.

The mention of “nine intermediaries” underscores the complex logistics involved in moving explosives into Mogadishu, likely a measure to evade security checkpoints and minimize the risk of interception.

Lower Shabelle and Jubaland, identified as source regions for the explosives, have historically been strongholds of Al-Shabab.

However, the group has lost control of significant towns in recent years. The porous borders and ongoing insecurity in these regions facilitate the movement of weapons and explosives.

Chief Mahdi’s call for specialized detention facilities for business owners complicit in financing terrorism signals a push for a more aggressive legal approach.

This aligns with broader efforts by the Somali government to combat Al-Shabab’s financial networks, including working with international partners to track and freeze assets linked to the group.

Many believe cutting off the group’s access to funds is crucial for maintaining long-term stability in Mogadishu and other parts of Somalia.

The success of these efforts will depend on the government’s ability to enforce the law, protect businesses from extortion, and provide alternative economic opportunities in areas vulnerable to Al-Shabab’s influence.

A broader, multifaceted approach is needed to address the root causes of instability and weaken the group’s grip on communities.

Howlgallada Al-Shabaab ee Muqdisho oo midkiiba ku kaco $80,000 iyo cidda bixisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarada qaraxyada ah ee Al-Shabaab ay ka fuliyaan Muqdisho ayaa ku kaca ilaa $80,000 halkii hawlgalba, iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed, iyagoo aan ogaal u ahayn, ay gacan ka geysanayaan maalgelinta dhaq-dhaqaaqyada kooxda, waxaa sidaas shaaciyay Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi.

Mahdi, oo ka hadlay shirka xeer-ilaalinta qaranka ee Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay inta badan lacagaha ku baxa hawlgalladooda ay ka helaan iyagoo lacag ku qasba milkiilayaasha ganacsiga ee ku sugan goobaha ganacsi ee muhiimka ah, sida Suuqa Bakaaraha, Suuq Bacaad iyo Xamar Weyne.

Lacagtan ayaa loo adeegsadaa maalgelinta sameynta iyo daabulidda qaraxyada, oo inta badan Muqdisho laga soo geliyo gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

“Soo-gelinta qaraxyadan ee magaalada waxay u baahan tahay taageero maaliyadeed oo xooggan,” ayuu yiri Mahdi. “Hawlgal kastaa wuxuu ku lug leeyahay lacag u dhaxaysa $10,000 ilaa $80,000, gaadiidka wada bambooyinka waxay maraaan ugu yaraan sagaal qof oo dhex-dhexaadiyayaal ah ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda,” ayuu yiri Macallin Mahdi.

Mahdi wuxuu xusay in ganacsatada badani ay u hoggaansamaan dalabaadka lacagta qasabka ah cabsi ay ka qabaan aargoosi darteed, laakiin wuxuu ka digay in lacagaha ay bixiyaan ay si toos ah u hurinayaan weerarrada waxyeelleeya dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed.

Wuxuu ugu baaqay garsoorka inuu sameeyo xarumo gaar ah oo lagu hayo dadka ganacsatada ah ee lagu helo dambi ah inay maaliyad ku taageeraan ururrada argagixisada, sida Al-Shabaab iyo Daacish.

“La’aanteed cawaaqib sharci oo adag, shabakadahan maaliyadeed waxay sii wadi doonaan inay awood siiyaan weerarrada dhimashada ah,” ayuu raaciyay.

Khubarada dhanka ammaanka ayaa sheegaya in ku tiirsanaanta Al-Shabaab ee ku aaddan lacagaha ay ku qasbaan dadka ay muddo dheer ahayd udub dhexaadla istiraatiijiyadooda maaliyadeed.

Dadaallada lagu carqaladaynayo shabakadaha maaliyadeed ee kooxda ayaa sii xoogaysanayay sannadihii la soo dhaafay, iyadoo mas’uuliyiinta Soomaalidu ay howlgalo ka sameynayeen ganacsiyada looga shakisan yahay inay fududeynayaan hawlgallada dagaalyahannada.

Dad badan ayaa aaminsan in goynta marin u helidda kooxda ee lacagaha ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida muddada dheer ee Muqdisho iyo qaybo kale oo ka mid ah Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo soo saaray war culus oo ku saabsan Puntland oo laga sugayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sii xoojiyay baaqa Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan howlgalka ka dhanka ah argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen ciidanka iyo shacabka Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay dardargeliso hirgelinta go’aanka taageerada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay argagixisada Daacish kaga sugan yihiin buuraleyda gobolka Bari.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka adkaanayaan argagixisada isa soo baheysatay, islamarkaana ay ka xoreynayaan taako kasta oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada caalamiga.

Xasan Sheekh ayaa cadeeyey in la xoojinayo awoodda ciidanka, korna loo qaadayo daryeelka caafimaad ee halyeeyada ku dhaawacmay xoreynta deegaannada lagu baacsanayo argagixisada.

Golaha Wasiirrada ayaa shirkii Khamiislaha ahaa ee maanta ku bogaadiyey ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Argagixisada Daacish.

Horay Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa u cadeeyey in dowladda federaalka ay Puntland ku garab taagan tahay dagaalka Daacish, inkastoo siyaasiyiinta hoggamisa Puntland ay si cad u sheegeen in dowladda federaalka aysan ka helin wax garab istaag ah.

Somaliland oo go’aan cusub ka soo saartay xiisadda dhaxeysa SSC iyo Warsangeli

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa soo dhoweeyay baaqii nabadeed ee dhowaan uu soo jeediyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, taas oo ka tarjumaysa rabitaanka labada dhinac in si nabad ah loo xalliyo colaadda ka taagan magaalada Ceerigaabo, gobolka Sanaag.

Baaqa Deni ayaa ku saabsan xal ka gaarista colaadda ka taagan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, taasi oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo beesha Warsangeli Doorood ee degta magaaladaas.

Sidoo kale, Cirro ayaa tilmaamay in xiisadda gobolka Sool ay haatan ku socoto waddo nabadeed, taas oo rajo cusub u muujinaysa dadka deegaanka iyo guud ahaan gobolka, hadalkaan ka soo yeeray Cirro wuxuu muujinayaa in xukunkiisu uu ka weecday wadadii awoodda militeriga ww madaxweynihii isaga ka horeeyey Muuse Biixi.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa si cad u beenisay wararka baraha bulshada lagu faafiyay ee sheegaya in laga qaaday ilaaladii madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi.

Cirro ayaa sheegay in wararkaas looga dan leeyahay in lagu abuuro qalqal amni iyo jahawareer siyaasadeed, balse xukuumaddu waxay xaqiijisay in aysan jirin wax isbeddel ah oo lagu sameeyay ilaalada Madaxweyne hore Muuse Biixi.

Tani waxay muujinaysaa in Somaliland ay weli ka go’an tahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida, xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo nabadda gudaha iyo xiriirka deriska.

Magaalada Ceerigaabo waxaa ka dhacay dagaaladii ugu cuslaa, kuwaas oo dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa beesha Warsangeli, kuwaas oo doonaya in sidii beesha Dhulbahante ay isaga xoreeyaan Somaliland oo maamul gaar ah sameystaan.

Beesha Dhulbahante oo degta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa iska xoreysay ciidamada Somaliland, waxayna dhisteen maamulka SSC Khaatumo oo aqoonsi kumeel gaar ah ka helay dowladda federaalka.

Madaxweyne Cirro ayaa hadda doonaya in colaada Somaliland kala dhaxeysa SSC uu ku xaliyo waddo nabadeed oo ka duwan dagaalkii uu kula jiray Muuse Biixi, taasi oo si weyn looga soo dhaweeyey meel kasta.

United Arab Emirates’ covert operations in Somalia’s war

Bosaso, Somalia – On February 1st, the United States conducted at least six airstrikes against the Islamic State (ISIS) in the mountainous region of Puntland, Somalia, marking a significant escalation in the fight against the militant group.

The Puntland regional government publicly welcomed the US intervention, which also extended appreciation to an unexpected ally: the United Arab Emirates (UAE).

The recent US airstrikes in northern Somalia highlight an increasing focus on countering ISIS activity in the region. These operations follow previous engagements, including a drone strike in May 2024 that killed at least three ISIS-Somalia fighters in the Cal Miskat Mountains near Bosaso.

In January 2023, a US special operation in the same area resulted in the death of Bilal al-Sudani, a senior ISIS-Somalia leader.

The US has a long history of military intervention in Somalia, with the Long War Journal documenting at least 277 airstrikes since 2007. While the majority of these operations have targeted al-Shabaab, al-Qaeda’s affiliate in Somalia, ISIS has emerged as a more recent target.

UAE’s shadow war in Somalia

While the US military’s actions are often publicly acknowledged, the UAE’s involvement in Somalia remains more covert. Despite maintaining a lower profile, the UAE is suspected of conducting at least two airstrikes in Puntland this year.

On January 2nd, an airstrike targeted ISIS positions in the Cal Miskat Mountains, coinciding with the start of a Puntland offensive against the group. While many initially attributed the strike to the US, this was never confirmed, leading to speculation of UAE involvement.

Another series of airstrikes occurred on February 4th in Togga Jacayl, also within the Puntland mountains. Again, the US did not claim responsibility, further fueling suspicions of UAE activity.

These suspected UAE airstrikes are not unprecedented. The UAE is believed to have carried out its first airstrike in Somalia in June 2023 against al-Shabaab targets in the Galguduud region. Some analysts also attribute the UAE to another unclaimed airstrike in the Cal Miskat Mountains in May 2024.

UAE’s military ties with Puntland

The UAE has cultivated a strong military relationship with Puntland, particularly in building the region’s security forces. Since 2010, the UAE has supported the Puntland Maritime Police Force (PMPF), a key security provider in the area.

The UAE is the primary funder of the PMPF, providing training, equipment, and financial support. Approximately 200 Emirati troops are reportedly stationed at a PMPF base in Bosaso.

Beyond Puntland, the UAE has directly supported the training of various Somali forces, including military units in Mogadishu and Somali troops stationed in Eritrea, Uganda, and Ethiopia.

An al-Shabaab operative who had infiltrated the program attacked a UAE training facility in Mogadishu last year. The UAE also reportedly provides military support to forces in Jubaland, another Somali regional state.

UAE’s expanding military footprint

The UAE’s suspected airstrikes in Puntland align with its growing pattern of overseas military interventions. In recent years, the UAE has conducted airstrikes in Yemen, supporting the Saudi-led coalition against Houthi rebels; in Libya, backing General Khalifa Haftar; and in Sudan, providing air support and military supplies to the Rapid Support Forces (RSF).

As Puntland continues its operations against ISIS, further airstrikes are possible in the coming weeks or months.

While the US typically publicizes its military operations, the UAE will likely maintain its more discreet approach. The interplay between these two actors in the fight against terrorism in Somalia adds a complex layer to the ongoing conflict.

CIRRO oo dacwad u gudbiyay James Swan kadib arrin dhacday markii uu xilka la wareegay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan saacado qaatay Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Ku-simaha Ergayga Xoghaya Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo booqasho ku tegay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Swan ayaa hoosta ka xariiqay in hay’addaha Qaramadda Midoobay ay diyaar u yihiin in ay sii wadaan shaqadda muhiimka ee ay QM ka waddo Somaliland. Sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay baaqyaddii nabadda ee uu soo saaray madaxweyne Cirro, gaar ahaan in wada-hadal iyo hab nabad lagu dhameeyo deegaanada ay ka jiraan shaqaaqooyinka.

Intii uu kulanka socday madaxweynaha Somaliland ayaa Ergey Swan u sheegay in maalintii uu la wareegay xilka uu si rasmi ah ugu baaqay gogol nabadeed oo bilaa shuruud ah, balse taas jawaabteedii ay noqotay in bariga Somaliland weerarro is daba joog ah looga soo qaado jihooyin kala duwan.

Cirro oo QM ku dacweeyay dhinacyada gacanta hayo gobolka Sool oo ku eedeeyay in ay xajiimeynayaan baaqiisi nabadeed ayaa wuxuu sheegay in xukuumadiisa aas-aastay guddida nabadda Somaliland oo iyagu ka shaqeyn doona;

1. Suurta-galinta xabad-joojin bilaa shuruud ah.
2. Fudeydinta is-dhaafsiga maxaabiista.
3. Dib u furaan jidadka xidhan ee muhiimka u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga

Madaxweyne Cirro ayaa Ergayga u xaqiijiyey in nabada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland muddo ka badan 30 sano, ay wax weyn ku soo kordhisay gobolka Geeska Africa, sidaas darteedna ay Somaliland dalbanayso in Qaramada Midoobay uu Somaliland ka kaalmeeyo adkeynta iyo awoodeynta laamaaha amniga Somaliland.

Ugu dambayntiina, Madaxweynaha ayaa tibaaxay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in si dhaw ula shaqayso hay’adaha QM, ururrada kale ee caalamiga ah iyo dawladaha bixiya deeqaha si ay Somaliland u xoojiso arrimaha xagga nabadda iyo xasilloonida, iyo weliba dib-u-habaynta hay’adaheeda.

Mashruuca jeebka ee maamulka Xasan Sheekh oo meel adag gaaray – Maxaa cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo dheer xan ayey ahayd in xilalka dowladda Soomaaliya loo raadsado si xoolo degdeg ah loo tabcado, iyadoo Muqdisho tahay meesha ugu fudud ee la dhici karo, halkaas oo aanu joogin shacab baraarugsan oo “maya” iska dhihi kara kuwa daqiiqad walba u fikiraya sidii ay xoolahooda u dhici lahaayeen.

Laakiin xantii hadda xaqiiqo xoolo doon ah ayaa loo beddelay, iyadoo nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh uu dhowr jeer canshuurta guud kordhiyay, sidoo kalena ay magaalada Muqdisho la ciirciireyso lacago aan canshuur ahayn oo magacyo kala duwan loo bixiyay, kadibna loo xiray dad gaar ah. Toddobaadkan waxaa hal mar la soo hindisay saddex lacagood oo sharci darro ah.

Amarka lacagahan boobka ah sooma maraan golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka ah, baarlamaanka iyo hay’addaha maaliyadda ee dalka. Kaliya waxaa gaara go’aankan wasiirka ama qofka madaxda ka ah hay’adda ay khuseyso, kadibna shacabka ayaa lagu soo rogaa si loo baaro jeebkooda.

Inta badan waxaa mashruucyada noocan ah wax laga siiyaa oo lagu soo daraa qoyska madaxweynaha ama qof arrinta ka soo dhammayn kara dhinaca madaxweyne Xasan Sheekh ama mashruuca difaaci kara marka la isku qabsado.

Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda federaalka, Machadka Caafimaadka Qaranka iyo ganacsato ku xiran ayaa isku dayay shalay inay dhaqan-geliyaan qorshe $45 looga qaadayo qof walba oo u dhoofaya dibadda ama ka imaanaya oo isticmaalaya garoonka Aadan Cadde.

Waxay xisaabsadeen in la heli karo in ka badan 1 milyan oo qof 2 sano gudahood, taas oo ka dhigan $45 milyan oo ay rabto in dhowr qof leexsato.

Buugga caafimaadka baahi ahaan hadda ugama jiro Soomaaliya, dadka Soomaaliya ka dhoofayana badi dalalka ay tagayaan lama weydiiyo buug caafimaad, dalalka ay tagayaana lama weydiiyo buug caafimaad, dalalka bixiyana ma yeelaan mid ay Soomaaliya bixisay.

Dadka fikradan ganacsi wataa waa ogyihiin in dadku aanay is tallaali doonin, oo tallaalkii Coronavirus ayeyba dadku qaadan diideen, balse hadafku waa lacagta.

Buuqii arrintan ka dhashay ayaa Salaasadii xannibay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadibna Wasaaradda Maaliyadda ayaa amartay in la joojiyo lacagtaas. Horay ayaa mashruuc $9 ah la isugu dayay in lagu saaro shacabka adeegsada garoonka Aadan Cadde.

Laba maalmood ayuu arrintaasi garoonka u xannibnaa kadibna waa laga biyo diiday. Tanina waa in ay shacabku luuqad adag ku diidaan maadaama uu hadafku yahay raadinta lacag sharci darro ah oo ku dhacaysa jeebka dad gaar ah.

Booliska iyaguna lacag raadinta ayey dhinacooda ka soo galeen, waxay leeyihiin ganacsiyadu warqad dambi la’aan ah ha samaystaan oo lacag ah ha bixiyaan.

Waxa lacagtan laga rabo oo la leeyahay ha loo sameeyo warqadda dambi la’aanta ma ahan dadka ee waa ganacsiyada sannad walba la canshuuro, ruqsadna ka haysta dowladda federaalka ah iyo maamulka gobolka Banaadir. Waa lacag doon kale oo aan caqliyad iyo sharciyad midna ku dhisnayn.

Maamulka gobolka Banaadir isna wuxuu leeyahay waxaan doonaynaa $50 ganaax ah inaan ka qaadno qofkii la arko isagoo jidka ku xaajoonaya, laakiin ma hayo hoggaanka gobolku aragti ku saabsan in la dhiso musqulo dadweyne si looga maarmo duruufaha keenaya qaladkaas, kaliya waxay ka fikirayaan lacag in ay u soo dhacdo oo la baaro jeebka shacabka.

Dadka uu badiyaa ficilkaasi ka dhaco ee jidadka ku xaajooda waa carruurta darbi-jiifka ah, $50 ma awoodaan ee waa inuu maamulka gobolka Banaadir ka fikiraa inuu dhiso musqulo dadweyne.

Haddii aan degdeg wax looga qaban sida ay Xamar ku socoto oo qofkii xil qabtaba uu raadinayo wax uu dhaco, waxaa la gaari doonaa in ay dadweynuhu kacaan oo si buuxda uga horyimaadaan dowladda.

Sawirro: Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo xasaasi ah, una digay dowladda Xasan

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta shir-gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin.

Kulanka golaha ayaa lagu cambaareeyay wax loogu yeeray “fara-galinta kooxda Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wado gobolka Gedo”, iyadoo dowladda dhexe ku eedeysay dagaalkii u dambeeyay ee ka dhacay xarunta gobolkaasi, kaas oo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

“Golahu wuxuu uga tacsiyeeyay ehelada dadkii ku waxyeeloobay dhacdadan foosha xun sidoo kalana ay dabo socdaan abaabulo beelaha Degmada la isku hubaynayo taas oo masuuliyada waxa ka dhasha ayna cidna la wadaagi doonin Kooxda Xasan Sheekh Maxamuud,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay golaha.

Sidoo kale waxaa golahu uu ka digay abaabulka hubaysan ee ka socda degmooyinka Garbahareey iyo Beledxaawo, kuwaas oo sababi kara colaado daba dheeraada iyo in dhiig uu ku daato, iyadoo masuuliyada wixii ka yimaadana ay dowladda Xasan Sheekh qaadi doonto, sida lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo goluhu ka hadlay xayiraadaha duulimaadyada oo si toos ah u saamaynaya shacabka ree Jubbaland, islamarkaana aan ilaa hada saamayn ku yeelanin masuuliyiinta iyo madaxa dowladda Jubbaland, taas oo ay sheegeen inay muujinayso cadaawada iyo nacaybka dowladda Xasan Sheekh u qabto shacabka reer Jubbaland oo meelo badan oo kamid ah wali ay xayiran yihiin duulimaadyadooda.

Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha ay ciidamada maamulka Puntalnd ka gaareen dagaalka argagixisada caalamiga ah ee Daacish, iyadoo loo baahan yahay in aan loo kala harin garab istaaga dowladda iyo shacabka Puntland si looga adkaado kooxda Daacish.

Ugu dambayntii golaha ayaa ka digay, islamarkaana ogaysiiyay dhammaan bulshada Soomaaliyeed in jahada dalka uu ku socdo ay tahay mid halis ah oo god dheer ku ridi karta xasiloonida dalka.

“Colaadaha iyo duulaanada qaawan ee ay abaabulayaan kooxda Xasan Sheekh waa kuwo aan u adeegaynin danta dadka iyo dalka hadii hada aan la daba qabanina Soomaaliya ay gaari karto meel halis ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay maamulka Jubbaland.

DF Soomaaliya oo ku biireysa dagaalka ka socda Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha uga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan howl-gallada culus ee kooxda Daacish ka dhanka ah, kaasi oo ka buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu horeyntii bogaadiyey guulaha ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ka gaareen dagaalka, iyagoo go’aamiyey in hay’adaha dowladda ay mid walba qaadato doorkeeda waxtarka ah ee kaga aaddan garab istaagga ciidamada iyo shacabka Puntland ee dagaalka kula jira cadowga.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo guulo waaweyn ka gaaray jab xooggana gaarsiiyey kooxda Khawaarijta Daacisha ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baay shirka golaha.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli dowladda federaalka lagu dhaliilayay in aysan kaalin ka geysan dagaalka Daacish ee ka socda maamulka Puntland, kaasi oo haatan u gudbay wejigiisa labaad kadib guullo wax ku ool ah laga gaaray wejiga hore ee dagaalka.

Howl-galladii u dambeeyay ee ciidamada geesiyaasha ah ee Daraawiishta Puntland ay ku qaadeen buuraha Calmiskaad ee gobolka bari ku dilay ku dhowaad 60 ka tirsan Khawaarijta Daacish oo u badan ajaanib.

Sidoo kale ciidamada ayaa dagaalka ku furtay cadowgana ka furtay hub iyo saanad ciidan, iyagoo ka xoreeyey deegaano muhiim ah.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay xoreynta deegaanadii lagu qaaday howl-gallada ee saldhigga u ahaa Argagixisada Daacish. Deegaanka Togga-jaceel ee Buuralayda Calmiskaad ayaa kamid ah goobaha dagaalka ugu culus uu ka dhacay shalay iyo maanta, waxaana gacanta ku haya ciidamada Puntland.

FAHAD oo ka fal-celiyay tallaabadii uu qaaday Ruto

Nairobi (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee amniga qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal soo saaray ayaa ka fal-celiyay booqashadii uu todobaadkan madaxweynaha Kenya, William Ruto ku tegay gobolka Soomaalida ee dalkaasi.

Fahad Yaasiin ayaa tilmaamay in William Ruto uu noqday madaxweynihii ugu horrreeyay ee Kenya ee Soomaalida dalkaasi ula dhaqmay, sida muwaadiniinta kale ee Kenyaanka ah.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in tallaabada uu qaaday uu uga duwan yahay madaxdii hore ee soo martay dalkaasi, isaga oo xusay inuu jabiyay darbi adag oo ku geedaamnaa Soomaalida, maadaama lagu dayici jiray gobolka ay kasoo jeedaan.

“Afartii Madaxweyne ee Kenya soo martay waxay gobolka Soomaalida, dad ahaan iyo deegaan ahaan, isugu dareen dayac, dulmi, iyo in la duudsiiyo xuquuqda ay ku leeyihiin Kenya. William Ruto waa Madaxweynihii ugu horreeyey oo Soomaalida Kenya ula dhaqma si la mid ah muwaadiniinta kale ee dalkiisa” ayuu yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Booqashada William Ruto ayuu ku sheegay mid taariikhi ah oo muddo 62 sanno kadib ka dhigtay in madaxweyne Kenyaan uu ku hoydo gobolka Soomaalida ee dalkaasi.

“Sidaas uma dhahayo in uu xilal muhiim ah u magacaabay dad Soomaali ah, sababtoo ah waa xilal ay ku kasbadeen mudnaan iyo karti ay u leeyihiin xilalka loo igmaday. Muddo 62 sano ah, waa markii koowaad ee Madaxweyne Kenyan ah uu seexdo gobolka Soomaalida,” ayuu mar kale yiri la-taliyihii hore ee amniga qaranka Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Wuxuu saxiixay xeer qeexaya in la laalo hannaanka hubinta marka ay dalbanayaan kaarka aqoonsiga iyo baasaboorka. Waxaa la dhisayaa wadada isku xirta Marsabit ilaa Mandera oo dhan 750KM. Intaas waxaa ka muhimsan in la fasaxayo tirakoobka saxda ee Soomaalida”.

Si kastaba, madaxweynaha Kenya ayaa magaalada Wajeer ka sameeyay ballanqaad ay aad ugu farxeen Soomaalida ku nool halkaasi, kaddib markii uu sheegay in xukuumadiisu ay joojin doonto baaritaanka adag ee lagu sameeyo dadka doonaya inay qaataan kaarka aqoonsiga muwaadinnimada Kenya oo ay dhibaato badan ku qabeen Soomaalida.

DF oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta aqoonsiga Mareykanka ee Somaliland

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war culus kasoo saartay aqoonsiga la sheegay in Mareykanka uu siinayo Somaliland, kaas oo hadal-heyntiisu aad ay usii xoogeysatay maalmihii dambe.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Daahir Carab ayaa si faah-faahsan uga hadlay arrintan, wuxuuna sheegay in aanay haatan u muuqan qorshe Mareykanka ku aqoonsanayo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Daahir Carab ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in haatan ay kireysteen shirkad Mareykan ah oo uu tilmaamay inay ka caawin doonto xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya.

“Ma aragno qorshe Mareykanka ku aqoonsan karo gobol kamid ah Soomaaliya, sida Somaliland, waxaan shaqeyliisiiney shirkad naga caawisa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka.

Sidoo kale, waxa uu soo hadal qaaday arrimaha ka cusub xiriirka labada dal, gaar ahaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweyne Trump oo ay ka mid tahay arrinta hay’adda USAID oo haatan albaabada la’isugu laabay, taas oo in ka badan 100 dal oo ay Soomaaliya ku jirto howlo gargaar ka fulin jirtay.

“Go’aanka ay dowladda Mareykanka gaartay waan ixtiraameynaa, balse waxaan codsaneyna in kaalmada Soomaalia la siinayo in aan la soo marsiin cid kale, balse si toos ah naloo siiyo” ayuu mar kale yiri Danjire Daahir Carab.

Gabagabadii wuxuu ka hadlay arrinta xasaasiga ah ee dadka Soomaalida ee sharci darrada ku jooga gudaha dalka Mareykanka, isaga oo tilmaamay in markasta ay ilaalinayaan sharafta shacabka Soomaaliyeed, ayna labada dowladood ka wada shaqeyn doonaan.

Weerarada qarsoodiga ah ee Imaaraadku ka wado Somalia

Boosaaso (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa 1-dii Febraayo qaaday ugu yaraan lix duqeyn oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ka howlgasha buuraleyda Puntland, iyagoo taageeraya dagaalka ay ciidamada maamulkaasi kula jiraan kooxda.

Puntland ayaa si degdeg ah u soo saartay bayaan ay ku bogaadinayso duqeymahaas, waxaana ay sidoo kale u mahadcelisay xulafo aan horey loo filayn—Imaaraadka Carabta.

Duqeymihii ugu dambeeyay ee Mareykanka ka fuliyay waqooyiga Soomaaliya waxay sii xoojinayaan howlgalladii horey loogu bartay ee ka dhanka ah Daacish. Bishii May 2024, Mareykanku wuxuu duqeyn drone ah ku dilay ugu yaraan saddex dagaalyahan oo ka tirsan Daacish-Soomaaliya gudaha Buuraleyda Cal Miskaat, oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, bishii Janaayo 2023, Mareykanku wuxuu howlgal gaar ah ku dilay Bilal al-Sudani, oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsan Daacish-Soomaaliya, howlgalkaas oo laga fuliyay isla buuraleydaas.

Guud ahaan, Mareykanka waa dal horey uga fuliyay Soomaaliya duqeymo badan, iyadoo laga diiwaangeliyay ugu yaraan 277 weerar cirka ah tan iyo 2007, sida laga soo xigtay Long War Journal. Si kastaba ha ahaatee, inta badan howlgalladan waxay beegsadeen Al-Shabaab, oo ah garabka Al-Qaacida ee Soomaaliya, halka Daacish ay dhowaan noqotay bartilmaameed cusub.

Imaaraadka Carabta iyo duqeymaha Puntland

Arrinta sida gaarka ah loola yaabay waxay ahayd xaqiijinta duqeymo ay fuliyeen Imaaraadka Carabta. Inkasta oo Imaaraadku uu si qarsoodi ah u fuliyo howlgalladiisa marka la barbardhigo Mareykanka, haddana waxaa la rumeysan yahay in uu sanadkan gudihiisa fuliyay ugu yaraan laba weerar cirka ah, gudaha Puntland.

2-dii Janaayo, duqeyn cirka ah ayaa lala beegsaday saldhigyo Daacish ku leedahay Buuraleyda Cal Miskaat, xilli Puntland ay bilaabaysay dagaal ka dhan ah kooxda. Inkasta oo warbaahinta badankeed u maleeyeen in Mareykanku ka dambeeyay weerarkaasi, haddana lama xaqiijin, taasoo keentay in la tuhmo in Imaaraadku uu fuliyey.

4-tii Febraayo, duqeymo kale ayaa laga fuliyay Togga Jacayl, oo isla buuraleyda Puntland ka tirsan. Mareykanku weli ma sheegan weerarradan, taasoo sare u qaaday tuhunka ah in Imaaraadku ka dambeeyay.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee Imaaraadku duqeymo ka fuliyaan Soomaaliya. Waxaa la aaminsan yahay in Imaaraadku qaaday duqeyntiisii ugu horreysay bishii Juun 2023, markaasoo uu beegsaday xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Galguduud.

Sidoo kale, duqeyn kale oo aan la sheegan oo ka dhacday Buuraleyda Cal Miskaat bishii May 2024 ayaa loo maleynayaa inay aheyd mid uu fuliyay Imaaraadka.

Xiriirka militari ee Puntland iyo Imaaraadka

Imaaraadka Carabta waxa uu muddo dheer xiriir militari la lahaa Puntland, gaar ahaan dhismaha hay’adaha amniga. Sanadkii 2010, Imaaraadku wuxuu gacan ka geystay aasaaska Ciidanka Ilaalada Badda Puntland (PMPF), oo ah hay’ad amni oo muhiim u ah gobolka.

Tan iyo markaas, Imaaraadku waxa uu noqday maalgeliyaha ugu weyn ee PMPF, isagoo bixiya tababar, qalab, iyo taageero dhaqaale. Waxaa la rumeysan yahay in ku dhowaad 200 askari oo Imaaraati ah ay ku sugan yihiin saldhig PMPF ku leeyahay Boosaaso.

Marka laga soo tago Puntland, Imaaraadku waxa uu si toos ah uga taageeray Soomaaliya dhismaha ciidamo kala duwan, isagoo tababar siiyay cutubyo militari oo ka howlgala Muqdisho. Waxay sidoo kale tababarayaan ciidamada Soomaaliya ee ku sugan Eritrea, Uganda, iyo Itoobiya.

Xarun uu Imaaraadku ku leeyahay Muqdisho ayaa sanadkii hore lagu beegsaday weerar uu fuliyay xubin ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo la sheegay inuu si dhuumaaleysi ah uga mid noqday barnaamijka tababarka.

Waxaa sidoo kale la soo warinayaa in Imaaraadku siiyo taageero militari ciidamada Jubbaland, oo ah maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.

Imaaraadka iyo weerarrada cirka ee dibadda

Weerarrada Imaaraadka ee Puntland waxay la jaanqaadayaan siyaasadahooda militari ee dibadda. Sanadihii la soo dhaafay, Imaaraadku wuxuu fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhacay:

Yemen, halkaas oo ay taageereen howlgalka Sacuudiga ee ka dhanka ah Xuutiyiinta. Liibiya, halkaas oo ay taageereen General Khalifa Haftar, iyo Sudan, halkaas oo ay bixiyeen taageero cirka ah iyo sahay ciidan oo ay siiyeen Rapid Support Forces (RSF).

Iyadoo Puntland ay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Daacish, waxaa suurtagal ah in duqeymo hor leh ay dhacaan maalmaha ama toddobaadyada soo socda. Mareykanku wuxuu caan ku yahay in uu si cad uga hadlo howlgalladiisa noocan ah, halka Imaaraadku ay u badan tahay in ay sii wadaan howlahooda si qarsoodi ah.

Trump oo qorsheynaya in uu dadka Gaza u raro Puntland, Somaliland iyo Morocco

Gaza (Caasimada Online) – Maamulka madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa lagu warramay inuu ka fakarayo saddex goobood oo suurtagal ah in lagu qaabilo reer Gaza, kaddib markii uu ku dhawaaqay in Mareykanku uu qorsheynayo inuu la wareego Marinka Gaza isla markaana dib u dhiso.

Wargeyska Jerusalem Post oo sii xiganaya taleefishinka N12 ayaa goobaha laga fakarayo ku sheegay dalka Morocco iyo gobollada Puntland, iyo Somaliland ee Soomaaliya.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in saddexdan gobol ay wadaagaan baahi weyn oo ay u qabaan taageerada Mareykanka. Somaliland iyo Puntland waxay raadineyaan aqoonsi caalami ah, halka Morocco ay weli ku jirto muran dhuleed la xiriira Saxaraha Galbeed.

Warbixintan ayaa timid kaddib markii Trump uu u sheegay wargeyska The Jerusalem Post in uu rumeysan yahay in Masar iyo Urdun aysan ka hor iman doonin qorshihiisa ah in dadka Gaza loo raro dalalkooda, intii lagu guda jiray kulan uu Talaadadii kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, Aqalka Cad.

“Ima diidi doonaan,” ayuu yiri Trump. “Waxaan rabaa in la daad-gureeyo dhammaan dadka ku nool Gaza. Waa dhacaysaa.”

Trump ayaa hadal hore oo uu jeediyey ku sheegay in xaaladda Gaza aysan weligeed shaqeyn.

“Waligeed ma shaqeyn. Anigu si ka duwan dadka kale ayaan uga fekerayaa Gaza. Waxaan aaminsanahay in ay heli karaan dhul wanaagsan, cusub, oo qurux badan, kaddibna dad baa maalgelin doona si loo dhiso, loona dhigo mid la degganaan karo oo raaxo leh,” ayuu yiri.

“Mareykanku wuxuu la wareegi doonaa Marinka Gaza, waana wax aan qaban karno. Waxaan noqon doonnaa milkiileyaasha dhulkan,” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Netanyahu.

Trump wuxuu intaa ku daray in Mareykanku ka saari doono bambooyinka aan qarxin, “dhulka simi doono,” dhismeyaasha burbursanna laga saari doono, iyadoo la abuurayo barnaamij horumarineed oo dhiirigeliya koboca dhaqaale, fursado shaqo iyo hoy badan oo ay helaan dadka deegaanka.

Shacabka reer Gaza ayaa sidoo kale si weyn u dhaleeceeyay hadallada Trump. “Trump wuxuu u haystaa Gaza inay tahay qashin qub—taasi gabi ahaanba sax ma aha,” ayuu yiri Hatem Azzam, oo 34 jir ah kana soo jeeda magaalada Rafax ee koonfurta Gaza.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa badankood ka hor-yimid qorshaha Trump.