25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Daawo: Erdogan oo Soomaaliya ugu abaal guday ‘bilad sharaf’ kadib markii ay…

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa bilado gaar ah ku sharfay Dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan dalal kale oo Turkiga ka taageeray wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhul-gariirkii 6-dii Febraayo, 2023.

Maamuuskan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Magaalooyinka iyo Isbadalka Cimilada.

Munaasabad lagu xusay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay dhulgariirka ayaa lagu qabtay Gobolka Adiyaman, Madaxweynaha Turkiga ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Dowladda Soomaaliya.

Recep Tayyip Erdogan ayaa xusay in Jamhuuriyadda Turkiga ay mar walba shacabka Soomaaliyeed garab taagan tahay, si lamid ah sida ay u soo garab istaageen markii uu haleelay dhul gariirkii dadka badan galaaftay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa salaan u diray Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Turkiga Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa Madaxweynaha Turkiga ka guddoomay biladda xasuusta, isagoo uga mahadceliyey taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ay la garab taagan tahay dalkiisa.

Erdogan ayaa dowladaha lagu casuumay uga mahad celiyey garab istaagooda, sidoo kale kulankaan ayaa lagu gorfeeyey sidii looga hortagi lahaa dhibaatadii ka dhalatay isbadalka Cimiladda.

Hoos ka daawo

Somalia: Senior ISIS leader killed in US airstrike ordered by Trump

WASHINGTON, D.C. — A U.S. airstrike in Somalia last week killed a senior ISIS leader believed to have played a pivotal role in recruiting operatives for attacks in Western countries, according to the Daily Mail.

Ahmed Maeleminine, identified as a top ISIS official overseeing recruitment, financing, and international operations, was the primary target of the operation. U.S. intelligence agencies had been tracking him for an extended period due to his involvement in training militants to carry out deadly attacks abroad.

“This individual recruited terrorists from around the world, trained them to kill innocent civilians, and dispatched them to Western countries to conduct jihadist attacks,” said Sebastian Gorka, a senior counterterrorism director  in the Trump administration.

Intense deliberations

The airstrike, conducted in Puntland, Somalia, followed 36 hours of high-level deliberations within the White House. Former President Donald Trump, who announced the operation on Truth Social, claimed the strike neutralized a significant threat to the U.S. and its allies.

“These murderous terrorists, hiding in caves, posed a grave danger to America and our allies,” Trump stated. “Our airstrikes obliterated their hideouts, eliminating numerous militants without causing harm to innocent civilians.”

The decision to authorize the strike reportedly followed detailed intelligence briefings with Gorka and National Security Advisor Mike Waltz, who presented the case to Trump in the Oval Office.

“We provided the President with intelligence on Maeleminine’s hideouts in northern Somalia and the severe threat he posed,” Gorka explained. “President Trump immediately authorized the operation with his signature Sharpie pen.”

Execution of the operation

On Saturday morning, around 9:50 a.m., 16 U.S. F-18 fighter jets launched precision airstrikes targeting multiple sites in the Cal-Miskaad region of Puntland. The aircraft, identified as Super Hornets, reportedly took off from the USS Harry S. Truman stationed in the Red Sea.

Eyewitnesses reported seeing massive plumes of smoke following at least seven consecutive explosions.

General Adan Abdi Hashi, commander of the Puntland Darawish Forces, told VOA that the strikes targeted nearly 10 locations, primarily caves believed to house foreign militants.

“We believe numerous fighters were killed in these airstrikes,” Hashi said.

The operation marks the first U.S.-authorized airstrike since Trump’s return to office in January 2025.

Gorka criticized the Biden administration’s counterterrorism approach, alleging a lack of decisive action against emerging threats.

“While the Biden administration allowed terrorist groups to regroup in Afghanistan and Syria, President Trump’s leadership has reasserted America’s commitment to dismantling jihadist networks,” Gorka claimed.

ISIS has sought new strongholds since losing its territorial base in Iraq and Syria. The group’s Somali affiliate has grown in prominence, with reports suggesting that its leader, Abdulqadir Mumin, may have assumed broader leadership within the global ISIS movement.

The Somali government welcomed the U.S. airstrike, describing it as a “significant step” in the fight against terrorism.

We commend the decisive efforts led by the United States in combating terrorism,” said a spokesperson for Somalia’s federal government. “Together, we will continue to dismantle terrorist networks and build a future free from extremism.”

Hoggaamiyaha lagu dilay weerarkii Trump uu amray ee Soomaaliya oo la shaaciyey

Washington (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Mail ee UK ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntii cirka ee toddobaadkii hore ka dhacday Soomaaliya lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kaasoo la rumeysan yahay inuu mas’uul ka ahaa qorista argagixiso loogu talagalay fulinta weeraro ka dhaca dalalka Galbeedka.

Ninka la beegsaday ayaa magaciisa lagu sheegay Ahmed Maeleminine, oo ah sarkaal sare oo Daacish u qaabilsanaa qorista dagaalyahannada, maalgelinta, iyo hoggaaminta howlgallada dibadda.

“Ninkani wuxuu qortay argagixiso ka kala yimid caalamka daafihiisa, wuxuuna u tababaray si ay u dilaan dad aan waxba galabsan, kadibna wuxuu dib ugu celiyay dalalka reer Galbeedka si ay halkaas uga fuliyaan weeraro Jihaadi ah oo ka dhaca in ka badan hal waddan,” wxaaa sidaas yiri Sebastian Gorka, oo ah agaasimaha sare ee la-dagaallanka argagaxisada ee maamulka Trump.

Sanadihii u dambeeyay, laanta Daacish ee Soomaaliya ayaa yeelatay awood sii kordheysa, iyadoo lacago u kala diraysa caalamka, isla markaana qorsheyneysa weeraro heer caalami ah.

Gorka ayaa xusay in Ahmed Maeleminine si weyn looga dhex aqoonsanaa hay’adaha sirdoonka ee Mareykanka.

Wuxuu intaa ku daray: “Sida uu Madaxweyne Trump ku sheegay qoraalkiisii caanka noqday ee ku saabsanaa howlgalkan, ciidamadeennu waxay muddo dheer daba joogeen oo kormeerayeen Ahmed Maeleminine, laakiin maamulka Biden ayaa si joogto ah uga caga jiiday inuu qaado tallaabo kasta oo ka dhan ah maskaxdan argagixiso.”

Faahfaahinta howlgalkan waxaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday Madaxweyne Trump Sabtidii la soo dhaafay, isaga oo soo dhigay muuqaal muujinaya duqeynta ka dhacday Soomaaliya.

Trump ayaa bartiisa Truth Social ku qoray: “Argagixisadan dilaaga ah, oo aan ku ogaanay inay ku dhuumanayaan godad, ayaa khatar ku ahayd Mareykanka iyo xulafadeenna.”

“Duqeymaha cirka ayaa burburiyay godadka ay ku gabaadsanayeen, waxaana lagu dilay argagixiso badan, iyadoo aan waxyeello loo geysan shacab aan waxba galabsan.”

36 oo dadaal culus ah

Howlgalkani wuxuu yimid ka dib 36 saacadood oo dadaal culus ah oo ka socday Aqalka Cad, iyadoo saraakiishu ay marka hore u ololeynayeen oggolaanshaha duqeynta, kadibna ay si dhow ula socdeen natiijooyinka ka dhalanaya.

Gorka iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Mike Waltz ayaa Khamiistii lka horeysay Sabtida weerarka uu dhacay hortagay Madaxweyne Trump, iyaga oo la wadaagay warbixin sirdoon oo ku saabsan howlgalka, taasoo ka dhacday Xafiiska Oval-ka.

Gorka ayaa yiri: “Waxaan madaxweynaha siinay warbixin ku saabsan halista xooggan ee uu Ahmed Maeleminine xambaarsanaa iyo godadka uu ku dhuumanayay ee waqooyiga Soomaaliya, iyo waliba xaqiiqda ah in Aqalka Cad ee Biden uu diiday inuu wax ka qabto.”

“Madaxweynuhu isla markiiba wuxuu oggolaaday fulinta howlgalka, isaga oo ku saxiixay qalinkiisa caanka ah ee madow ee Sharpie.”

Amarka fulinta howlgalka ayaa loo gudbiyay taliska ciidamada, waxaana “ciidamada ugu awoodda badan caalamka ugu dambeyntii loo fasaxay si ay mar kale u gutaan waajibaadkooda,” ayuu hadalka ku daray Gorka.

Kooxda Gorka iyo Waltz ayaa Sabtidii subax isugu yimid xarunta dhexe si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada duqeynta.

Abbaaro 9:50 subaxnimo, 16 diyaaradood oo dagaal oo nooca F-18 ah ayaa duqeeyay godadka ku yaallay gobolka Puntland ee Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Super Hornets ay ka soo duuleen markabka dagaal ee Harry S. Truman, oo ku sugnaa Badda Cas.

Dad goob joogayaal ah ayaa soo warinaya inay arkeen olol cirka isku shareeray oo ka dhashay ugu yaraan toddobo qarax oo is xig-xigay.

Generaal Adan Cabdi Xaashi, oo ah taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland, ayaa u sheegay VOA: “Duqeymaha ayaa lagu beegsaday ku dhawaad 10 goobood oo ku yaalla deegaannada Cal-Miskaad, inta badan goobaha la beegsaday waxay ahaayeen godad, waxaana aaminsannahay in dagaalyahanno badan ay ku dhinteen duqeymahaas.”

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa howlgallo militari ka billaabay aagga dhamaadkii sannadkii hore si ay maleeshiyaadka, kuwaasoo u badan ajaanib, uga saaraan buuraleyda.

Duqeyntii Sabtidii ayaa noqotay tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Trump amar ku bixiyo tan iyo markii loo dhaariyay xilka taliyaha guud markii labaad.

Kordhinta beegsiga argagixisada

Gorka ayaa hadalkiisa ku soo xiray: “Iyadoo maamulka Biden uu si fudud Afghanistan ugu wareejiyay kooxaha argagixisada, iyo burburkii ka dhacay Dimishiq, waxaan aragnay dib u soo laba-kacleyn ku yimid dhaq-dhaqaaqyada Jihaad-doonka caalamiga ah, gaar ahaan qaaradda Afrika.”

“Jilayaasha sharka wada ee doonaya inay na waxyeelleeyaan ayaa loo oggolaaday inay dib u habeyn ku sameystaan safafkooda, isla markaana ay ballaariyaan howlahooda, haa, waqooyiga Soomaaliya wuxuu noqday saldhig cusub oo ay Daacish ku xoogeysato.”

“Xaaladdaas oo idil ayaa is-beddeshay 12:01 saac ee January 2025 markii Madaxweyne Trump uu mar kale noqday Taliyahayaga Guud, Mareykankuna hadda wuu soo laabtay.”

Daacish waxay si weyn u raadisay goobo cusub oo ay ku gabaadsato tan iyo markii ay lumisay gacan ku haynta dhulkeedii saldhigga u ahaa ee Ciraaq iyo Suuriya.

Laanta Daacish ee Soomaaliya ayaa qaadatay doorka ugu weyn ee ururka, iyadoo warar la helayo ay sheegayaan in hoggaamiyahaheeda Cabdulqaadir Muumin uu la wareegay hoggaanka guud ee dhaq-dhaqaaqa Daacish.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay duqeyntan, iyadoo ku tilmaantay “tallaabo muhiim ah” oo loo qaaday dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay: “Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada go’aanka adag ku saleysan ee Mareykanku hoggaaminayo ee lagula dagaallamayo argagaxisada.”

“Si wadajir ah, waxaan sii wadi doonnaa burburinta shabakadaha argagixisada … waxaanna dhiseynaa mustaqbal argagaxisada xor ka ah.”

Wasiir C/llaahi Fartaag oo sheegay in Axmed Madobe uu falaagoobay, kana baxay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa mar kale weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulka Jubbaland oo uu mar usoo ahaa ku xigeen, kaas oo uu hadda khilaaf xoogan oo siyaasadeed iyo dagaalba uu kala dhexeeyo dowladda federaalka.

Fartaag ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu falaagoobay, islamarkaana uu ka baxay xayndaabkii dowladnimada, isagoo ku eedeeyay inuu la dagaalamay dowladda iyo ciidamadeeda, uuna ka horyimid qarankiisa, taasina ay tahay dambi wayn oo qaran.

“Dowladnimadu waxay ku jirtaa in la isku hoggaansamo Axmed waa falaagoobay, dowladnimadii ayuu ka baxay wuxuu ku duulay dowladda Soomaaliya iyo ciidankeedii, waana la’iska dhicinayaa,” ayuu yiri wasiir Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay inuu ka gaabiyay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan Jubbooyinka, isaga oo sheegay inuu fadhiid ka dhigay maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalkii Raaskambooni, wuxuuna sheegay in ciidamadii Jubbaland ee weeraray kuwa dowladda ay soo dhex mareen Al-Shabaab, taasina ay tahay dambi kale oo wayn oo ay galeen Axmed Madoobe iyo kooxdiisa.

“Axmed Madoobe waa eedeysane fadhiid ah oo diiday dagaalka Al-Shabaab, ciidamadii Raaskambooni dowlada ayaa amartay in dib ugurtaan kadib markii ciidamadii Jubbaland ay soo dhexmareen Al-Shabaab” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga gudaha Soomaaliya.

Wasiir Fartaag oo kamid ah mas’uuliyiinta kasoo jeeda Jubbaland, gaar ahaa Gedo ayaa waxa haatan ay si wayn isugu hayaan Axmed Madoobe, waxaana dagaalka uu gaaray meeshii ugu xumaa, kadib markii uu labada dhinac uu ka dhex-qarxay dagaal toos ah.

Maxkamadda ciidamada oo go’aan lama filaan ka gaartay kiiska lamaanihii Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta go’aan rasmi ah ka gaartay kiiska lamaanihii Al-Shabaab ee kasoo muuqday maxkamadda, kuwaas oo hadal heyn ka dhaliyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Kiiska ayaa ka dhashay kadib markii maxkamadda la horgeeyay Xafsa Maxamed Macallin oo loo haystay inay u socotay Seygeeda oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo ku sugnaa aagga degmada Ceelbuur, iyada oo lala soo qabtay haween kale oo kusii jeeday dhulka Shabaab.

Arrinta ayaa sidoo kale waji cusub yeelatay, kadib markii uu isa soo dhiibay Seyga Xafsa oo isna usoo gacan galay dowladda, kaas oo lagu magacaabo Abshir Aadan Maxamed.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa sheegay in markii u arkay in xaaskiisa ay saaran tahay maxkamadda ciidamada uu go’aansaday inuu kasoo baxo Al-Shabaab, si uu badbaadiyo xaaskiisa, maadaama aanu lahayn wax dambi ah, loona haystay in isaga ay u socotay.

Maanta maxkamadda ciidamada ayaa lamaanahan dib u siisay xoriyadooda, waxayna taageertay guurkooda oo haatan la qorsheynayo.

Abshir Aadan oo goobta ka hadlay, isaga oo ay hareero taagaan yihiin xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay go’aanka maxkamadda, wuxuuna farriin u diray saaxibadiisii hore ee ku jira kooxda Al-Shabaab.

“Waan ku faraxsanahay sida ay maxkamadda noo sharaftay aniga iyo xaaskeyga oo ay xornimo na siisay, waxaan u mahadcelinayaa dadkii ka qayb qaatay” ayuu yiri Abshir.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Dowladda si wanaagsan ayay noo soo dhaweysay waxaan leeyahay dadka arinta na haysatay ay haysato ka faa’iideysiga fursaddan idin muuqato”.

Dhinaca kale wasiirada iyo xildhibaannada ku sugnaa maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in laamahan la taageeri doono, si ay u dhistaan qoyskooda, waxaana lagu wareejiyay lacag, taas oo qayb ka ah dhismaha qoyskooda oo ay dowladdu ka taageereyso.

Suuqa Bakaaraha oo xiran iyo DF oo qaaday tallaabo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaan xirmay suuqa weyn ee Bakaaraha, sababo la xiriira canshuurta ay soo rogtay dowladda Soomaaliya oo ay weli cabasho ka yiihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin canshuuraadka lasoo rogay, waxayna tilmaameen inay kasii wadi waayeen ganacsigooda.

Sidoo kale wax aay tilmaameen in maalin kasta la handado, isla-markaana loogu tego goobahooda ganacsi, iyaga la waydiinayo inay soo daabacaan akoonadooda.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo si deg-deg ah usoo farogelisay arrintan ayaa si adag uga hadashay go’aanka ganacsatada ee ku aadan shaqo joojinta ay sameeyeen.

Wasiirada amniga, diinta iyo warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa arrintan si faah-faahsan uga hadlay, waxayna ka horyimaadeen go’aanka ganacsatada ee lagu xiray suuqa Bakaaraha.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dowladdu ay la scodo ganacsato si dadban ula shaqeeyo Al-Shabaab, isla markaana maalgeliy, isaga oo tilmaamay in laga qaadi doono tallaabo adag.

“Dowladda waxa ay heysaa xogta dad si dadban iyo si toos ah u maalmagaliya kooxda Al-Shabaab” ayuu yiri Al-Cadaala.

Wasiirka amniga gudaha, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa isaguna intaasi ku daray in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lacag u gaysa Al-Shabaab.

“Cidii lagu qabto iyadoo Bac-Madoow lacag ugu qaadeyso Al-Shabaab Talaabo weyn ayaa laga qaadi doonaa,AS waa dhinteen lacag ha siin” ayuu raaciyay wasiir Fartaag.

Dhankiisa wasiir Mukhtaar Roobow oo meesha ka hadlay ayaa yiri  “Reer Bakaaro cudur daar uma heli karaan inay dhahaan kooxda Al-Shabaab ayaa xoog lacag nooga qaadayo”.

Puntland oo beenisay arrin laga faafiyay DF Somalia oo ku saabsan dagaalka socda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo uu uga jawaabay arrin si weyn loogu dhaleeciyay dowladda federaalka, taas oo la xiriirka dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish ee ka scoda Bari.

Puntland ayaa si cad u beenisay in dowladda Federaalka ay carqalad galisay baasaboorka askarta ku dhaawacmay dagaalka, kadib markii arrintaas si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Mid kamid ah xubnaha Guddiga Taakulada Ciidamada Puntland oo lagu magacaabo Axmed Hurre ayaa shaaca ka qaaday in aanay jirin dhibaato ay kala kulmeen dowladda dhexe, taas oo ku saabsan adeegga baasaboorka ee askarta ku dhaawacmay dagaalka Daacish.

“Anigoo ku hadlaya afka guddiga taakulada ciidamadeenna, waxaan cadeynayaa in aaney jirin wax caqabad ah oo xagga baasaboorka ah, mana jirto is-hortaag ay samaysay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha JFS,” ayuu yiri Axmed Hurre ooxubin ka ah guddiga.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in aad looga fiirsado wararka noocaan oo kale ah iyo been abuurka lagu faahinayo baraha bulshada, kuwaas oo laga leeyahay dano gaar ah.

Dhankeeda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo arrintan ka hadashay ayaa sheegtay in muddo hal maalin ah lagu soo saaro baasaboorka askarta dhaawacyada ah ee u baahan daryeelka caafimaad ee dibadda ah, si looga tacaalo xaaladdooda caafimaad.

Arrintan waxay kusoo aadeyso, iyada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Puntland oo horay isugu qabtay arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka, wuxuuna gaaray heer ay go’do wada shaqeyntooda.

Roobow oo sheegay arrin uu sameeyo mar kasta kadib ka laabashadii fikirka Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay arrimo ku aadan dagaalka kooxda Shabaab.

Wasiirka oo su’aalo adag kala kulmay Wariyeyaasha ayaa mar kale ku celiyay inuu mar kale ka Towbad keenay fikirka Al-Shabaab, isla markaana uu mar kasta Alle waydiisto dambi dhaaf.

Sidoo kale wuxuu dalbaday in loo sacbiyo, maadaama uu kasoo laabtay waddadii hore ee khaldaneyd, iyada oo kadib wasiiradii iyo dadkii kale ee meesha joogay ay la dhaceen jawaabtiisa.

“Aniga fikirkii Al-Shabaab mar hore ayaan ka towbad keenay ee sacbiya, marwalba oo aan Salaad Tukadana Ilaaheey ayaan baryaa” ayuu yiri wasiir Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Towbada waa wax joogta ah runtii wax kasta oo khalad ah oo aniga iga dhacay horayna waa uga Towbad keenay Salaad kasta oo dukanada rabigey waan baryaa”

Waxaa kale oo uu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka dalbaday inay u istaagaan ka qayb-galka dagaalka cadowga looga xoreynayo dalka.

“Farrinteyda ugu dambeyn waxa ay tahay la dagaalanay nimanka ee idinka naftiina ku bilaaba” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay maalgelinta argagaxisada, isaga oo sheegay in cudur daar aanu lahayn qof kasta oo lacag u geeya kooxda Al-Shabaab.

Trump oo war cusub ka soo saaray qorshihii Marinka Gaza – Maxaa is-beddelay?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in uusan “wax deg-deg ah” ugu jirin hirgelinta qorshihiisa dib-u-dhiska Marinka Gaza, kaas oo uu doonayo in Maraykanku la wareego dhulka dagaalladu burburiyeen isla markaana dalal kale la dejiyo Falastiiniyiinta halkaas ku nool.

Trump ayaa sidoo kale ka laabtay qorshihiisii hore ee ahaa in ciidamo Maraykan ah loo diro si ay u fuliyaan aragtidiisa ku saabsan dib-u-dhiska Gaza – qorshahaas oo ay si weyn uga soo horjeesteen xulafada Washington, dalalka mucaaradka ah, iyo daneeyayaasha gobolka Bariga Dhexe.

“Maraykanku wuxuu arrintan u arki doonaa sidii heshiis maalgashi guryo, annagoo noqonayna maalgeliyayaal muhiim u ah gobolkaas,” ayuu Trump ka sheegay Aqalka Cad, isagoo intaa ku daray inaysan jirin “wax deg-deg ah oo aan qabno.”

Trump ayaa markii ugu horreysay shaaciyay qorshahan la yaabka leh Talaadadii, intii lagu jiray shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo sheegay in Maraykanku uu “la wareegi doono” Gaza isla markaana dib u dejin doono laba milyan oo Falastiiniyiin ah.

Waxaa horey loo soo jeediyey in dadkaas la dejin doono Urdun iyo Masar, kuwaas oo ku gacan sayray. Hase yeeshee warbaahinta Israel qaarkeed ayaa werisay in laga yaabo in Mareykanka uu doonayo in dadka Gaza la geeyo Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo Somaliland, iyo Morocco.

Trump ayaa sheegay in dhulka Falastiiniyiinta laga dhigi karo “Riviera-da Bariga Dhexe,” isagoo intaa ku daray suurta-galnimada in ciidamo Maraykan ah loo diro halkaas si loo fududeeyo hawsha.

Xubno ka tirsan maamulka Trump ayaa la sheegay in ay si lama filaan ah uga naxeen hadalladii hore ee madaxweynuhu jeediyay, ayaga oo isku dayey in ay maareeyaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio, oo isku dayayay inuu difaaco isla markaana yareeyo saamaynta hadalka Trump, ayaa Arbacadii yiri: “Tani looma jeedin inay noqoto tallaabo cadaawad leh. Waxaa loogu talagalay, sidaan u maleynayo, inay noqoto dadaal deeqsinimo leh, oo ah dalab dib-u-dhis iyo qaadashada masuuliyadda hogaaminta hawshaas.”

Sababta uu DONALD TRUMP ugu soo dhacay dhabbaha dagaalka ee Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Baadigoobka iyo la dagaallanka kooxda Daacish ee Afrika ayaa noqon karta hawl adag, maadaama ay kooxdu ku dhuumaaleysanayso buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Laakiin sida caadada u ah Donald Trump, kadib markii uu toddobaadkii hore amar ku bixiyay in la duqeeyo aaggaas, qoraal ayuu soo dhigay baraha bulshada oo uu ku leeyahay: “WAA KU HELI DOONAA, WAANA KU DILI DOONAA!”

Trump ayaa sheegay in duqeynta, oo timid wax ka yar laba toddobaad kadib markii uu xilka hayay, lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Daacish iyo maleeshiyaad kale oo ku sugnaa maamul-goboleedka Puntland, isla markaana ay “burburiyeen godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen, ayna dileen argagixiso badan, iyadoo aan sinnaba loo dhibaateyn dadka shacabka ah.”

Wuxuu ku faanay in uu ku guuleystay halkii uu ku fashilmay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden.

“Biden iyo saaxiibadiis tallaabo degdeg ah ma aysan qaadin oo shaqadan ma aysan qabteen,” ayuu yiri Trump.

Xaqiiqda ah in Soomaaliya ay noqotay bartilmaameedkii ugu horreeyay ee hawlgallada ay fuliyaan ciidamada maamulka cusub ee Mareykanka ayaa ka yaabisay dad badan oo dalkaas ku nool, kuwaas oo ka cabsi qabay in Mareykanku uusan taageero u muujin doonin Soomaaliya.

Markii ugu horreysay ee uu xilka qabtay, Trump wuxuu dalka ka saaray ilaa 700 oo askari oo Mareykan ah, go’aankaas oo dib u beddelay Madaxweynihii hore, Joe Biden.

Heshiiskii ahaa $600,000 (£492,000) ee sanadkiiba ah oo dowladda Soomaaliya dhawaan la saxiixatay shirkadda BGR Group ee Washington ayaa muujinaya walaaca dowladda.

Xilligii Biden, ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya waxay wadeen hawlgallo gaar ah, iyagoo tababar siinayay ciidamada Soomaaliya, waxayna fuliyeen duqeymo joogto ah.

Maalin ka hor inta uusan dhicin weerarka cirka, wargeyska Washington Post wuxuu daabacay wareysi uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka codsaday dowladda Mareykanka in “aysan saarin la-taliyeyaasha Mareykanka ee taageera tababarka ciidamada gaarka ah ee dalkiisa.”

Qoraal uu xafiiskiisu soo dhigay barta X weerarka kadib ayaa sidoo kale muujiyay codsiga dowladda Soomaaliya, wuxuuna qiray “taageerada joogtada ah ee Mareykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah,” iyadoo xafiisku soo dhoweeyay “waxqabadka joogtada ah ee Donald Trump.”

Balse duqeymaha cirka ah ayaa ka duwan hawlgallada ay fuliyaan ciidamada dhulka jooga, madaxweyne Trumpna ma uusan joojin duqeymaha cirka markiisii ugu horreysay ee uu xilka qabtay.

“Duqeymahan kama dhigna in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada milatari ee Soomaaliya,” ayuu yiri Matt Bryden, oo ah la-taliyaha xarunta cilmi-baarista Sahan oo fadhigeedu yahay Nairobi.

Hannaanka la dagaallanka kooxaha argagixisada ee Puntland ayaa ka duwan qaabka ay u wajahaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo Puntland xiriirka u jartay bishii Maarso ee sanadkii hore.

Iyagu aad ayay isugu kalsoon yihiin, si weynna uguma tiirsana taageerada ciidamada Midowga Afrika, oo ku dhowaad 12,000 oo askari ka tirsan ay joogaan, iyo quwadaha caalamka oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Turkiga.

Maxamed Mubaarak, oo ah madaxa xafiiska isku xirka hawlgallada amniga Puntland, ayaa sheegay in ciidanka ka soo jeeda waqooyi-bari ay dagaal kula jiraan kooxda Daacish, iyagoo aan garab iyo mahadcelin toona ka helin cid kale.

“Waan la dagaallameynaa Daacish, maadaama ay dhibaato ku tahay caalamka. Taageero badan ma aanan helin marka laga reebo Kenya, Itoobiya, iyo Imaaraadka. Ma ogayn in Mareykanka uu fulin doono wax ka badan hal duqeyn,” ayuu yiri Mubaarak.

Puntland waxay sheegtay in ciidamadeedu ay qabsadeen ilaa 48 goobood oo ay Daacish ku dhuumaaleysanayeen, halka ay burburiyeen tobannaan diyaarado aan duuliye lahayn iyo walxaha qarxa tan iyo markii ay dagaalka tooska ah bilaabeen sanadkii hore.

Inkastoo Daacish ay Soomaaliya ka hawlgashay muddo toban sano ah, haddana waxay la kulantay khatar ka yar kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku haysa qeybo badan oo dalka ka mid ah, waxaana lagu tilmaamaa kooxda ugu guulaha badan ee Al-Qaacida ka tirsan.

Ha yeeshee waayadan dambe, Daacish waxay noqotay koox aad muhiim ugu ah gudaha, gobolka, iyo caalamkaba.

Maamulka Puntland iyo saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay in hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, Cabduqaadir Muumin, uu hadda yahay hoggaamiyaha guud ee kooxda.

Warbixinno horudhac ah ayaa muujinaya in lagu dilay duqeyn uu Mareykanka fuliyay bishii May ee lasoo dhaafay, balse weli lama xaqiijin.

Haddii Muumin uu yahay hoggaamiyaha Daacish, isla markaana uu noolyahay ama dhintay, Daacish-ta Soomaaliya waxay welwel weyn ku abuurtay dalalka shisheeye.

Trump ayaa sheegay: “Dilaayaashan, oo la arkay iyagoo godad ku dhuumaaleysanaya, waxay u hanjabeen Mareykanka iyo xulafadiisa.”

Daacish waxay sidoo kale fariisimo ku leedahay dalalka Mozambique, Mali, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, ilaa Nigeria.

“Daacish-ta Soomaaliya waxay u taagan tahay inay fududeyso oo gacan ka geysato weerarrada kooxda ee Galbeedka, oo Mareykanku kamid yahay,” ayay tiri Tricia Beton, oo ah maamulaha xarunta la dagaallanka argagixisada ee jaamacadda Mareykanka ee Washington.

“Saaxiibada caalamiga ah waa inay taageero dheeraad ah siiyaan dadaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda.”

Mr. Bryden waxa uu sheegay in wada shaqeyn lala yeesho fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ee Badda Cas ee Yemen ay iyaduna tahay arrin jirta.

“Sida Al-Shabaab, Daacish-ta Soomaaliya waxay hub iyo tababar ka heshay Xuutiyiinta Yemen, taasoo walaac ku haysa dowladda Mareykanka iyo xulafadeeda,” ayuu yiri.

Tirada sii kordheysa ee dagaalyahannada shisheeye ayaa ku biiraya kooxda, taasoo sare u qaadaysa awooddooda tiro ahaan iyo khibraddooduba.

Dadka ugu badan ee Daacish-ta ay qortaan ayaa loo maleynayaa inay yihiin tahriibayaal Itoobiyaan ah, kuwaas oo isugu yimaada magaalada Boosaaso ee Puntland si ay nolol cusub ugu raadsadaan.

Daacish waxay siisaa mushaar ka badan inta ay ka heli jireen waddamada Khaliijka, waxaana khubaradu sheegeen in qaar ka mid ah madaxda sare ee kooxda ay asal ahaan yihiin Itoobiyaan.

“Waxaan Daacish-ta Soomaaliya ku qiyaasaynaa in in ka badan 80% ay yihiin dagaalyahanno shisheeye, isla markaana ay badankood ka yimaadeen dalalka Waqooyiga Afrika, Itoobiya, iyo Bariga Dhexe,” ayuu yiri Mubaarak.

Wuxuu sidoo kale sheegay in tiradooda lagu qiyaaso ilaa 1,000, kormeerayaasha Qaramada Midoobayna waxay ku qiyaaseen 600 ilaa 700.

Bishii Oktoobar ee sanadkii hore, taliyaha ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika, Michael Langley, ayaa sheegay inuu u maleynayo in tirada kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya ay “laba jibaarantay” sanad gudihiis.

Kooxda ayaa bishii Diseembar geysatay mid ka mid ah weeraradooda ugu casrisanaa, iyagoo duqeeyay xero ay leeyihiin ciidamada milatariga oo ku taalla gobolka Bari ee Puntland.

Waxay kooxda soo saartay bayaan ay ku sheegtay in hal qof oo Soomaali ah uusan ku lug lahayn weerarkaas. 12-ka qof ee weerarka fuliyay ayaa ka kala yimid dalalka Tanzania, Algeria, Morocco, Libya, Tunisia, Yemen, iyo Itoobiya.

Khubarada arrimaha Mareykanka, Qaramada Midoobay, iyo Soomaaliya ayaa sheegay in qayb muhiim ah oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaale ee Daacish, xafiiska Al-Karrar, uu ku yaallo Puntland, kaas oo dhaqaale iyo khibradba siiya qaybaha kale ee kooxda ee ku sugan Afrika iyo meelo kale.

Xafiiska Xakameynta Hantida Dibedda ee Mareykanka (OFAC) ayaa sheegtay in Daacish-ta Soomaaliya ay uruurisay ku dhawaad $2 milyan horaantii sanadkii 2022, iyagoo canshuuro ka soo uruuriyay ganacsatada gudaha dalka, badeecadaha la soo dhoofiyo, dadka xoolo-dhaqatada ah, iyo beeraleyda.

Haddii ciidamada Puntland ay ku guuleystaan inay dalka ka saaraan maleeshiyaadkaasi, taageerada cirka waxay noqonaysaa mid aan waxtar badan lahayn.

Wax yar kadib duqeyntii uu Mareykanku fuliyay, booliska Puntland ayaa sheegay inuu isa soo dhiibay hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaaliya ee dilalka geysta, Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid.

Balse khubaradu waxay sheegayaan in weerarrada cirka loo baahan yahay inay noqdaan kuwo joogto ah si loo ciribtiro kooxda Daacish ee ka jirta Soomaaliya isla markaana looga hortago in kuwo kale la abuuro.

Ma cadda in Mareykanka iyo hoggaamiyahooda aan siyaasadiisa la saadaalin karin ay doonayaan inay sii wadaan duqeymaha ay ka fuliyaan buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Puntland: Maydadka ajaaniib horleh oo laga helay buuraha yo kuwa kale oo la qabtay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faa-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo culus oo ay weli ciidamada Puntland kasii wadaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, kuwaas oo lagu beegsanayo Khawaarijta Daacish ee ku sugan halkaasi.

Ciidamada ayaa helay maydadka ajaaniib horleh oo ka tirsanaa kooxda, kadib markii ay maanta la wareegeen saldhigyo ku yaalla aagga buuraha Calmiskaad ee gobolkaasi.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in maydadkan ay ka carareen maleeshiyaadka Daacish, kadib markii lagu jabiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee Bari.

“Ciidanku waxay heleen Maydad hor leh oo ah Ajaanib Argagixisada Daacish, uga carareen saldhigyo Ciidanku kala wareegay. Howlgalka Amni ayaa weli ka socda Togjaceel – Calmiskaad.” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Sidoo kale howlgal kale oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu soo qabtay ajaaniib kale oo la tuhmayo inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaanno dheeraad ah, sida uu sheegay talisku.

“Laamaha Amniga ayaa qabtay 4 qof oo 3-Ajaanib tahay, kuwaas oo baaritaan lagu hayo, waxaa lala xiriiriyey Argagixisada Daacish” ayaa mar kale lag yiri qoraalka.

Puntland ayaa sii laba jibaartay dagaalka ay kula jirto argagixisada, waxayna taageero ka heleysaa saaxibada caalamiga oo iyaguna duqeymo ka wada aagga hore ee dagaalka.

Shacabka Boosaaso oo sameeyay arrin yaab leh oo la xiriirta dagaalka Daacish

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sameeyay arrin yaableh oo la xiriirta dagaalka adag ee ay Puntland kula jirto kooxda Daacish, kaas oo haatan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi.

Shacabka oo ka duulayo ilaalinta nabad-gelyada deegaanka ayaa ku dhaqaaqay arrin aad loo boggaadiyay, kadib markii ay gacanta ku dhigeen nin waxlo ku siday bac madow oo lagu arkay magaaladaasi.

Ninka oo ay gacanta ku dhigeen dadka deegaanka ayaa waxaa markii dambe lagu wareejiyay laamaha amniga, si loogu sameeyo baaris waxaana la ogaaday inuu waday qashin.

Qoraal kooban oo kasoo baxa Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa looga hadlay dhacdadan, waxaana aad loogu boggaadiyay shacabka Boosaaso, iyada oo looga mahadceliyay sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka ee maamulka Puntland.

Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay muujineyso inay soo jeedaan shacabka Puntland, ayna diyaar u yihiin inay ka hortagaan dhagarta kooxaha argagixisada ah.

“Shacab ayaa la dagaalay Nin qashin waday, oo ay uga shakiyeen amni daro, Laamaha Amniga oo goobta yimi ayaa hubiyey in qashin bacda ku jiro- kadib ayaa dadkii sii daayeen ninkii. DADKEENU WAA SOO JEEDAA” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Dhowaan ayay ahayd markii dadka deegaanka ay soo sheegeen nin ajnabi ahaa oo miino ku aasayay waddo ku taalla Boosaaso, kaas oo ay toogasho ku dileen ciidanka Puntland.

Xasan oo ka qayb-galay shir aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda dalka…

0

Daarusalaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Daarusalaam uga qayb-galay Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Dalladaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika (SADC), kaas oo laga hadlayey xal u helidda colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC).

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay madasha ayaa ka hadlay muhiimadda shirkan uu u leeyahay xasilloonida gobolka, waxa uuna soo bandhigay sida Soomaaliya oo ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay uga go’an tahau xoojinta  doorka Afrika ee xal u helista dhibaatooyinka ka jira qaaradda,.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay xiisaradaha ka jira bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, isaga oo sheegay in xalka uu ku jiro is afgarad iyo nabad.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka digay sii so socoshada dhiiga daadanayo, wuxuuna labada dhinac ee is haya ugu baaqay inay fursad siiyaan wada-hadallada socda.

“Colaadda ka taagan bariga DRC waa musiibo bini’aadantinimo, waxayna u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta. Diblomaasiyadda wadajirka ah ee labada urur waa fure muhiim ah si loo yareeyo xiisadaha, waana in xal lagu raadiyaa wadahadal iyo is-afgarad, halkii dagaal xal looga dhigi lahaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaallada nabadeed ee ay hogaaminayaan EAC iyo SADC, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xalka colaadda DRC, iyada oo ka faa’iideysaneysa waayo-aragnimadeeda dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabadda.

Halista Somaliland uga iman karta dagaalka Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay dagaalka ay Puntland ku qaaday kooxda Daacish ee haatan ka socda aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Abiib ayaa marka hore garab istaag u muujiyay ciidanka Puntland, wuxuuna ku taliyay in meel kasta looga soo wada jeesto argagixisada.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa usoo jeediyay Somaliland inay muujiso feejignaan, ayna ka hortagto firxadka maleeshiyaadka Daacish, si looga hortago halista kooxda ee Somaliland.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay muujiso taxaddar dheeraad ah si aan firxadka argagixisadu gabbaad uga dhigan buuraha silsiladda Gollis iyo dhulka xadka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waayo balaayo madax la qabto ayay leedahay ee minjo la qabto maleh.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Maxamed Abiib.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan;-

𝐓𝐚𝐚𝐠𝐞𝐞𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐰𝐥𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐜𝐢𝐝𝐡𝐢𝐛𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝

Waxaan taageero iyo garab istaag u muujinayaa ciidamada dowladda Puntland ee buuraha Calmiskaat dagaalka kula jira argagixisada caalamiga ah ee Daacish. Argagixisadu arxan iyo ehel toonna ma gasho, inama kala jecla oo iyagu waxay inoo arkaan cadow, iyagana waa in aynu u aqoonsanaa cadow.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay muujiso taxaddar dheeraad ah si aan firxadka argagixisadu gabbaad uga dhigan buuraha silsiladda Gollis iyo dhulka xadka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waayo balaayo madax la qabto ayay leedahay ee minjo la qabto maleh.

Waqtigan adag, qof walba oo Soomaali ah waxa waajib ku ah in uu taageero walaalaha Puntland, kuwaas oo ku jira jihaad xaq ah oo ay ku difaacayaan diinteenna suubban, sidoo kalena ku ilaalinayaan sharafka dalkooda iyo dadkooda.

Guulaysta walaalayaal, waxaan taaganahay garabkiina

Xogta duqeyn culus oo lala beegsaday Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo mar kale xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan oo haatan ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada ee Al-Shabaab.

Weerarkan dhanka cirka ah oo ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah ayaa si gaar ah uga dhacay in u dhexeysa deegaannada Jicibow iyo Beerayabaal, iyada oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta ay daba socotay dagaallo qaraar oo shalay ka dhacay gobolka, isla markaana jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale saraajiisha ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lagu dilay xubno sar sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta kuwa kale la dhaawacay, balse ma shaacin tiradooda.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannada dhaca Jiinka Wabiga Shabelle oo ah halka ay isku hayaan labada dhinac.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 30 xubnood, sida uu sheegay gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in nolosha ay kusoo qabteen dagaalamayaal kale oo 3 gaaraya, kuwaas oo sawirradooda ay soo bandhigeen, iyagoo indhaha ka duuban.

Si kastaba, Hiiraan ayaa waxaa mar kale dib uga curtay kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo uu ujeedkiisu yahay in Al-Shabaab looga saaro gobolkaasi.

Israel oo 3 maxbuus looga sii deynayo 183 ruux oo Falastiiniyiin ah

0

Gaza (Caasimada Online) – Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah oo ay ku beddelanayso 183 maxbuus oo Falastiiniyiin u xiran Israa’iil, waana markii shanaad ee is-dhaafsigan tan iyo markii la gaaray xabad joojinta aan cagaha badan ku taagneyn ee Gaza.

Isdhaafsigaan ayaa imaanaya xilli uu gobolka ka jiro buuq ka dhashay soo jeedintii ka timid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku aadaneyd in Marinka Gaza laga sifeeyo dadka ku nool iyo in Mareykanka uu la wareego dhulka Falastiiniyiinta.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyey Jimcihii in ay heleen liiska la haystayaasha laga sii deynayo Gaza ka dib markii Xamaas ay daabacday saddex magac oo maxaabiis ah oo la sii daynayo.

Saddexda nin ee lagu wado in la sii daayo Sabtida ayaa kala ah Eli Sharabi, Or Levy iyo Ohad Ben Ami, sida ay sheegtay Xamaas. Magacyadooda waxaa xaqiijiyay xafiiska Netanyahu.

Sida heshiisyada dhacay ku xusan, marka la sii deynayo Maxbiista waxaa lasii gudbinayaa xogtooda si Xukuumadda Israa’iil ay ugu wargeliso ehelkooda una diyaargaroobaan sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen inkasta oo hubin caafimaad waqti badan qaadaneysa ay gelinayaan.

Xamaas waxaa weli u xiran Maxaabiis u badan ciidan kuwaas oo 7dii Oktoobar 2023 kasoo qafaalatay deegaanno amni ahaan ay Israa’iil aamsanayd in aanay u gudbi Karin balse weerar qorshe badan la geliyay lagu gudbay.

Fahad Yaasiin oo arrin ku saabsan Soomaalida ku amaanay Madaxweyne William Ruto

0

Nairobi (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin ayaa Madaxweynaha Kenya William Ruto ku amaanay sida uu ugu hiiliyey Soomaalida Kenya, isagoo ku tilmaamay madaxweynihii ugi fiicnaa dhamaan madaxweynayaashii soo hoggaamiyey dalkaas.

Fahad ayaa soo tiriyey fursado badan oo Madaxweyne William Ruto uu siiyey Soomaali Kenyanka, isagoo sheegay in guushooda uu ku faraxsan yahay maadaama uu “muddo dheer ku noolaa magalada Mandheere.”

Hoos ka Akhriso qoraalka Fahad Yaasiin:

Afartii Madaxweyne ee Kenya soo martay waxay gobolka Soomaalida, dad ahaan iyo deegaan ahaan, isugu dareen dayac, dulmi, iyo in la duudsiiyo xuquuqda ay ku leeyihiin Kenya.

William Ruto waa Madaxweynihii ugu horreeyey oo Soomaalida Kenya ula dhaqma si la mid ah muwaadiniinta kale ee dalkiisa. Sidaas uma dhahayo in uu xilal muhiim ah u magacaabay dad Soomaali ah, sababtoo ah waa xilal ay ku kasbadeen mudnaan iyo karti ay u leeyihiin xilalka loo igmaday.

Muddo 62 sano ah, waa markii koowaad ee Madxaweyne Kenyan ah uu seexdo gobolka Soomaalida.

Wuxuu saxiixay xeer qeexaya in la laalo hannaanka hubinta marka ay dalbanayaan kaarka aqoonsiga iyo baasaboorka.

Waxaa la dhisayaa wadada isku xirta Marsabit ilaa Mandera oo dhan 750KM. Intaas waxaa ka muhimsan in la fasaxayo tirakoobka saxda ee Soomaalida.

Maadaama aan qayb noloshayda kamid ah la noolaa shacabka Mandera, si dhaw baan u dareemayaa farxadda shacabkaasi walaalaha ah, taas oo ah mid aysan ka helin afartii Madaxweyne ee Kenya soo martay.

Turkey iyo Itoobiya oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta heshiiskii Ankara ee Somalia

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mudane Gedion Timotheos, ayaa Khamiistii, 06-da Febraayo 2025, waxa uu kulan muhiim ah magaalada Ankara kula yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Burhanettin Duran.

Sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, kulankan ayaa looga arrinsanayay qorsheynta wadahadallo farsamo oo dhawaan la filayo in ay yeeshaan labada dal, kuwaas oo looga gol leeyahay hirgelinta Baaqa Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Labada dhinac ayaa intii kulanka socday “is weydaarsaday aragtiyo la xiriira dhinacyada farsamo” ee Baaqa Ankara, si gaar ahna waxay falanqeeyeen habka ugu wanaagsan ee loo hirgelin karo qodobada baaqaas ku xusan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya waxay xaqiijisay in Wasiir Gedion uu “hoosta ka xariiqay sida ay Itoobiya uga go’an tahay hirgelinta dhammaystiran” ee heshiiska, isagoo uga mahadceliyay dowladda Turkiga doorka mugga leh ee ay ka qaadatay fududeynta heshiiska saddex-geesoodka ah ee ay la gashay Soomaaliya.

Baaqa Ankara, oo ay magaalada Ankara ku kala saxiixeen Madaxweynaha Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Mohamud, ayaa waxa uu dib u xoojiyay “ixtiraamka iyo ballanqaadka qotada dheer ee ay u hayaan madax-bannaanida, midnimada, xornimada, iyo wada-jirka dhul ee midba midka kale,” sida lagu caddeeyay war-saxaafadeed wadajir ah oo ka dhashay shirka.

Heshiiskan ayaa sidoo kale qiray “fursadaha faa’iidooyin badan oo kala duwan oo suurtagal ah” oo ay Itoobiya ka heli karto “helitaan sugan oo ah marin bad,” iyadoo si xooggan loo adkeeyay ixtiraamka “dhul-wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Waxaa sidoo kale lagu caddeeyay in hoggaamiyeyaashu ay ku heshiiyeen “in meel la dhigo lana dhaafo khilaafaadka iyo arrimaha muranka dhalin kara.”

Baaqa Ankara ayaa si faahfaahsan u qeexaya qorshayaal ku aaddan wadahadallo farsamo oo laga yeelanayo arrinta helitaanka badda ee Itoobiya, kuwaas oo la qorsheeyay in ay si rasmi ah u billaabmaan bisha Febraayo 2025, isla markaana la soo gabagabeeyo muddo afar bilood gudahood ah.

Labada dal ayaa ku heshiiyay “in si dhow ay uga wada shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa is-afgaradyo ganacsi oo faa’iidada labada dhinac ah ku jirto,” iyadoo si buuxda loo tixgelinayo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Baaqa Ankara ayaa ku soo beegmay xilli uu meel xun marayay xiriirka labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya horraantii sannadkii 2024, ka dib markii Itoobiya ay saxiixday heshiis is-afgarad ah (MoU) oo ay la gashay Somaliland.

Heshiiskaas is-afgaradka ah ayaa dhigayay qodobo ku saabsan kiraysashada 20 kiiloomitir (12 mayl) oo ka mid ah xeebta Somaliland, iyadoo Itoobiya ay beddelkeeda ku ballanqaaday aqoonsashada madax-bannaanida Somaliland.

Tallaabadan ayaa waxaa ka dhashay dhaleeceyn xooggan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay “ku xadgudub cad oo lagu sameeyay madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.”

Si kastaba ha ahaatee, ka dib saxiixii Baaqa Ankara, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar rasmi ah ku tegey Itoobiya 11-kii Janaayo 2025, halkaas oo uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed kala heshiishay dib u soo celinta xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa iyo xoojinta iskaashiga dhinaca amniga ee gobolka.

Booqashadan ayaa si rasmi ah u soo afjartay xurguf diblomaasiyadeed oo sannad qaadatay, taas oo ka dhex taagnayd labada dal ee dariska ah.

War-murtiyeed wadajir ah oo labada dhinac ka soo saareen kulankoodii, ayaa hoggaamiyeyaashu waxay si wadajir ah u ballanqaadeen “in la soo celiyo lana xoojiyo xiriirkooda laba geesoodka ah iyada oo loo marayo diblomaasiyad buuxda oo ay caasimadahooda ku kala yeeshaan.”

Waxay sidoo kale farreen ergadooda diblomaasiyadeed ee ku sugan goobaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka “in si dhow ay uga wada shaqeeyaan arrimaha danta labada dal khuseeya.”

Waxaa intaa dheer, waxay si adag isugu raaceen baahida loo qabo “iskaashi mug leh” si wax looga qabto xasilloonida gobolka, waxayna isku afgarteen inay si dhow isaga kaashadaan dadaallada lagu xoojinayo horumarka wadajirka ah iyo is-fahamka qotada dheer ee labada dhinac.

DF oo soo bandhigtay Al-Shabaab nolosha lagu qabtay iyagoo dagaalamaya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal culus oo saakay waaberigii hore soo bilowday ayaa maanta ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo hoos taga degmada Buuloburde, halkaas oo lagu xubno ka tirsan Al-Shabaab oo maxaabiis dagaal ah.

Al-Shabaab ayaa saakay intii aan la gelin salaadii subax weerar ku soo qaaday fariisimihii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa deegaanada Jiinka Wabiga Shabeelle ee maalmihii lasoo dhaafay laga xoreeyey, waxaana dhacay dhacay dagaal aad u culus.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay dileen in ka badan 30 Horjooge iyo maleeshiyaad kale, dagaalka ayaa ka dhacay aagga deegaankaa Jiciboow oo dhaca jiinka Wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in nolosha ay kusoo qabteen dagaalamayaal kale oo 3 gaaraya, kuwaas oo sawirradooda ay soo bandhigeen, iyagoo indhaha ka duuban.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya Abuukar Macalin oo galavta shir haraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaalamayaal badan ay Shabaab ka dileen, sidoo kalana kuwa nolosha lagu soo qabtay dhul weynna looga saaray.

Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Cabdullaahi Cumar Maxamed oo kamid ah saraakiisha howlgalkaan wax ka hogaaminaysa ayaa sheegay in degaano badan oo dhinaca Jiinka Wabiga ay kaga dhuumaalaynayeen laga saaray halkaasna khasaare dhimasho iyo dhaawacba lagu gaarsiiyay Kooxdii Al shabaab.

Dagaalka xooggiisa ayaa saakay waxa uu ka dhacay deegaanno u dhaxeeya Beera-Yabaal iyo Jicibow oo ku yaala jiinka webiga Shabeelle, isla karkaana hoos taga Buuloburde, halkaas oo muddaba ay dhufeysyo uga qodnaayeen kooxda Al-Shabaab.

Turkiga oo war cusub kasoo saaray shidaal sahmintii ka socotay badda Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa Jimcaha maanta shaaciyay in markabka sahminta shidaalka ee “Oruc Reis” uu dhameystiray 50 boqolkiiba baaritaannada shidaal ee badda Soomaaliya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Anadolu.

Markabka “Oruc Reis”, ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore ku xirtay dekedda Muqdisho si uu u billaabao hawlgal sahmin ah oo lagu baarayo saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya.

Bayraktar ayaa la kulmay Wasiirka cusub ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, iyo wafdi uu hoggaaminayay, kulankaas oo ka dhacay magaalada Istanbul, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta X.

Labada wasiir ayaa “ka wada hadlay wejiga xiga ee hawlgallada sahminta iyo fursadaha iskaashi ee cusub oo aan ka hirgelin karno dhulka.”

Bayraktar waxa uu sidoo kale shaaciyay in Turkiga iyo Soomaaliya ay bilaabeen geeddi-socod cusub oo iskaashi dhanka macdanta ah kaddib kulankaas.

“Waxaan sii wadi doonnaa dadaallada aan ugu jirno inaan gaarsiino iskaashigeenna tamarta iyo macdanta heer ka tarjumaya xiriirka dhow ee daacadda ah ee ka dhaxeeya dalalkeenna,” ayuu yiri Bayraktar.

Oruc Reis ayaa ka wadda biyaha Soomaaliya daraasado saddex-cabbir (3D) ah oo dhanka ciidda ah, kuwaas oo lagu ururinayo xog muhiim ah oo sahmin ah si loo ogaado meelaha suurtagalka ah ee saliidda iyo gaaska dabiiciga ah muddo lix illaa toddoba bilood ah.

Xogtan ayaa lagu falanqeyn doonaa caasimadda Turkiga ee Ankara si loo aqoonsado goobaha ugu habboon ee lagu sameyn karo qodista batroolka iyo gaaska.

Markabka Oruc Reis ayaa sahmin ka wada qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasaaradda tamarta Turkiga.

Oruc Reis ayaa waxaa wehliya laba markab oo kuwa dagaalka ah, oo sugaya amnigiisa.

Wasiir Bayraktar waxa uu sheegay in shirkadda Turkish Petroleum ay haysato shatiyada sahmin ee dhul-badeed loo qeybiyey saddex goobood oo ka kooban 15,000 oo km oo isku wareeg ah.