Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta saxiixay sharciga naafada Koonfur Galbeed.
Sharcigan oo ay diyaarisay wasaarada haweenka maamulka Koonfur Galbeed ayuu ugu dambeyntii maanta qalinka ku duugay madaxweyne Lafta-gareen, munaasabaddaas oo ka dhacday madaxtooyada maamulka.
Wasiirka haweenka Marwo Shamsa Maxamed Yarow, agaasimaha madaxtooyada Cabdifataax Mahad iyo madax ka socotay Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiska xuquuqul insaanka ayaa Goobjoog ahaa munaasabada saxiixa sharciga naafada.
Dhinaca kale, madaxweynaha maamulla Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa sidoo kale maanta ka qeyb-galay munaasabada dhaarinta wasiirka cusub wasaaradda qorshaynta Koonfur Galbeed Cabdixakiin Maxamed Xaaji Fiqi.
Wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, gudoomiyaha maxkamada sare iyo agaasimaha guud madaxtooyada ayaa goobjoog ahaa munaasabada dhaarinta wasiirka cusub wasaarada qorshaynta Koonfur Galbeed.
Maalin kahor ayey aheyd markii Lafta-gareen uu Cabdixakiin Fiqi u magacaabay wasiirka qorshaynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii uu xilkii ka qaaday wasiirka hore ee wasaaraddaasi.