Xogta howlgal lagu jabiyay DAACISH oo ka dhacay BARI

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in weli ciidamada Puntland ay howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish kasii wadaan dhulka buuraleyda ee gobolkaasi, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka argagixisada.

Howlgalkii ugu dambeeyay oo maanta ka dhacay aagga Togjaceel ayaa waxaa jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Daacish, sida ay shaacisay Puntland.

Qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha kooxda Daacish ay isku dayeen inay is difaacaan, balse laga adkaaday, kadib dagaal adag oo ay la galeen ciidanka ammaanka gobolka Bari iyo Daraawiishta Puntland.

“Ciidanku wuxuu howlgal Argagixisada Daacish lagu sifeynayo ka wada maanta bartamaha Togjaceel. Waxaa la Jebiyey Argagixiso isku dayday inay isdifaacdo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah Bari, gaar ahaan aagga buuraha Calmiskaad ee gobolkaasi.

Daacish ayaa haatan wajaheysa xaalad adag, waxaana culeyska saaran kooxda uu sababay in Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid, oo ahaa madaxa unugga dilalka qorsheysan ee kooxda uu Isniintii isu dhiibay laamaha ammaanka xilli uu ku sugnaa buuraha Cal Miskaad ee gobolka Bari.

Taliyaha booliska gobolka Bari ee Puntland, Cabdikaadir Jaamac Diriir, ayaa xaqiijiyay qabashada sarkaalka lagu naaneyso “Laahoor”, kaasoo sidoo kale mas’uul ka ahaa lacago baad ah oo kooxda ay ka qaado ganacsatada deegaanka.

Si kastaba, Bishii December, maamulka Puntland wuxuu ku dhawaaqay dagaal ballaaran oo ka dhan ah Daacish iyo kooxda kale ee Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida. Puntland ayaa sheegtay in ay tan iyo markaas la wareegtay saldhigyo badan oo ay lahaayeen dagaalyahannada Daacish.